19.05.2013 Views

Somali

Somali

Somali

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

Muxuu yahay Dugsi wax ku-ool ah oo rajo-leh iyo Mustaqbal wacan?

Dhammaanteena si qoto dheer leh ayaanu dugsiyadeen u daryeelaynaa. Caruurteenu si ay wax uga bartaan ayaa maalin walba halkaas u joogaan. Misna dugsiyadu wax tar intaa ka badan ayay leeyihiin. Dugsiyadu

waa meelaha aanu caruurteena ku aragno saaxibana ku yeeshaan. Waana meesha aanu caruurteen ku aragno iyaga oo majaajilo ku sameynaya isla markaasna macallimiintana aanu kula kulana; Siyaabaha qaarna,

dugsiyadanu waxay yihii kuwaanu annaguba dhigan jirnay; Waxayna kale oo yihiin, meelihii aanu qaarkeenu ka shaqeyn jirnay, bulsho ahaanna ku kulmi jirnay waxna ku dooran jirnay. Dugsiyadenu qiima weyn

ayay noogu fadhiyaan; qiimo weyn iyo xasuus lama ilaawaan ah

Maanta iyo sannadaha soo socdaba, waxaa na hor yaala tartan aan ku xaqiijinayno waxa ku saabsan waxbarashada gudaha Toronto. Sannad walba diwaangalinta guud ee GDDT waxay hoos u dhaceen 4,000 oo

ardey; Misaniyadda Wasaaradda Waxbarashadu ay bixinayso wuxuu ku saleysan tahay diiwaangalinta, sidaas awgeed, tirada yar ee ardeyda aan qorayno, waxaan ku helaynaa lacag tiro yar oo hawsha lagu gudo;

Dugsiyadeena badankoodu way duqooben; tayadooduna way hooseysaa; dayactirkooduna waa nagu qaali. Taasi micnaheedu waa Lacag ayaa jirta oo lagu bixinayo barnaamijyada iyo waxqabadka aan u

baahanahay in ardeydeena sidaan rabno ugu diyaarino mustaqbalka ay istaahilaan

Haseyeeshe, GDDT, waxay qabaan hammad aragti ah oo ardeydeena nidaam waxbarasho wanaagsan oo ay wax ugu qabanayaan Iyada oo ka mid atahay rajada aragtideena, Dugsi wax ku-ool ah oo rajo-leh iyo

Mustaqbal wacan, waxaa lagu sameyn doonaa, dib-u-dhisid iyo dib-u-kobcin nidaamnka waxbarashada hadda si loo daboolo baahida ardeyda ee qarniga 21aad; Si aan arrimahan u fulinana, kaalmadiina ayaanu u

baahanahay.

Dugsiyadeenu waxay sii wadi-doonaan inay ahaadaan goobaha caruurteenu wax ay ku bartaan, ku koraan, ku hormaraan kuna qaan gaaran oo ay ahaadaan dad dhallintaro oo xilqaad ah. Waxaanse la doonaynaa:

barnaamijyo, qalab iyo kheyraad wanaagsan si arrintaas loo fuliyo. Waxaanu si wadidoonaa in aanu macalimiinta halkaas kula kulano riwaayadaha ay caruurteenu

jilayaana daawano Isla markaasna waxaan rabnaa gobo u saamaxaya inay macallimiinta iyo ardeydu ka muuqdaan, kuwa ugu fiicanna noqdaan; Dugsiyadeena waxaan ku sii wadi-doonaa shirarka iyo Kulamada

dhacdooyinka; Balse fursadahan in ka badan ayaan rabnaa. Waxaan doonaynaa in ay hawlahani ay ku hirgalaan dhismooyin awood iyo tayo-leh, si aanu uga faadi’deysano doolarka aanu ku bixino waxbarashada;

Nolasha gudaha iyo dibadda ee dhismooyinka dugsiga, xiriirka ka sameysma, casharrada la barayo, guusha iyo dadaalka, waa inta aanu ka xasuusanahay ee dugsiyadeena ku saabsan, waxaana jiridoona, in aanu sii

xasuusnaano doono hadda iyo marwalba.

Dugsi wax ku-ool ah oo rajo iyo mustaqbal wacan leh,

waxa hayaaminaya afar qodob oo muhiim ah:

1 Baahida Barnaamijyada • Barnaamijyo wanaagsa oo

mustaqbalka ardeydeena ugu diyaarino ayaan u baahanahay; Danteenu

waa in barnaamijyada aan ka dhigno kuwaa aad ula xiriira oo la

helikarayo iyo ardeyda oo dhanna u simman. Waxaan doonaynaa dugsi

ardeyi ka buuxdo oo shaqaalaha khubaradu barnaamijyada ay ku

barayaan (sida macallimiinta Musikada, Maktabadda ama macallimiinta

takhasusyada kale leh); Annaga oo taaba raacayo Dugsi wax ku-ool ah

oo rajo-leh iyo Mustaqbal wacan, ujeedadeenu waa in aanu boosaskeena

wax qabad dheeri ah u adeegsano, fasallada iyo qalabkana horumarino,

isla markaasna yeelano meelo sayinska, farshaxanla iyo xirfadaha lagu

baranayo oo u gaar ah; In aan dhisno meelo ciyaaraha oo la yaab leh.

Ardeydeenana hayaanka mustaqbalkooda u diyaarinayo!

2 Dhismooyinka gaboobay • Dugsiyada GDDT waa kuwa sii

gaboobaya. .Dugsiyada badankooda waxaa la dhisay 1960dii iyo 1970dii

xilligii jiilkii caruurta dhalashadeedu badneyd (baby-boom), oo hadda u

baahan cusbooneysiin badan; GDDT waxay leeyihiin shaqo isdulsaar ah

(Back-log) oo qiyaastii loo baahanyahay rasumal $2 billion oo lagu

cusboneysiiyo dhismooyinkan. Siyaabo badanna waxaan gabaabsi ugu

jirnaa goobaha wax lagu baro iyo qalabka ardeyda loogu diyaarinayo

meelaha shaqooyinka ee berito, gaar ahaanna barnaamijyada

teknolojiyada iyo xirfadaha.

3 Hoos-u-dhaca diiwaan galinta• GDDT hadda waxay

leeyihiin ardey ka tira yar sanadihii 1960dii iyo 1970dii, markaas oo

boosaska dugsiyadeena badankooda la dhisay; Hoos udhaca isdiiwaan

galintu waa sii socdaa kaasoo saameyn ku yeelanaya sannad kasta oon

ka gudbayno. Maanta waxaa jira ardey gaaraysa 29,000 oo ka tiro yar

sannadkii 2001– 10% in kabadan hoos-u-dhac ah; Taasu waxay la mid

tahay 10 dugsi sare oo 1200 (midkiiba) iyo 34 dugsi hoose oo min 500

ah

4 Cadaadiska hawl-galka iyo Kharashka rasalmaalka

labadaba saran •

Faahfaahin dheeraad oo ku saabsan Dugsi wax ku-ool ah oo rajo-leh iyo Mustaqbal wacan, waxaad booqataan: www.tdsb.on.ca/brighterfutures

Somali

Maadaama maalgalintu ay ku saleysantahay diiwaan galinta, hoos-udhaca

tirada ardeyda micnaheedu waa deeqda lacagta Wasaaradda

Waxbarashada oo sii yaraani, oo larabo in lagu fuliyo hawlaha

dugsiyada, barnaamijyada; Kul-siinta, nadiifinta iyo dayactirka

dugsiyada adeegoodu hooseeyo, Sannadkiiba kharashkooda wuxuu ka

badan yahay $10 million; kharashkan waxaa loo adeegsan karaa

gargaarka ardeyda iyo barnaamijyo wanaagsan oo badan.

Marka la gaaro sannadka 2019, dayactirka waxaa ku baxaya $6 billion si

loo gaarsiiyo heerkiisa wanaagsanaa ee hore, ay ka mid tahay

cusboneysiinta dhismooyinka, sare u qaadida barnaamijyada iyo

teknolojiyada, xeer u hogaansamida, hirgalinta doogeynta (Green

Initiative) , maalgalinta rasalmaalka laga helayo dowladda wuxuu aad

uga hooseeyaa baahideena; Dawladdu waxay GDDT ka filaysaa inay

adeegsadaan hantida rasamaalkooda aan loo baahneyn (Dhulalka iyo

dhismooyinkan) si ay ugu maal galiyaan horumatka raasamaalkooda

looga baahanyahay.

Qorshaha GDDT (TDSB)

Si looga jawaabo waxa nahor-yaala, GDDT waxay soo bandhigeen

laba arrimood oo muhiin ah:

Heyadda Dhulalka Toronto {Toronto Lands Corporation

(TLC), oo raacsan GDDT; Doorkooduna waa inay maamulaan

oo habeeyaan hantida kuwaas oo la caddeeyay inay dheeri ku

yihiin baahida GDDT, sida dugsiyada aan lagu shaqeynaynin

iyo dhulalka bannaan. Marka Wasaaradda Waxbarashadu ay

ansixiso, dhakhliga ka soo gala TLC-ga in la awoodi karayo in

dhaqaalaha muhiimka lagu dayactiro dugsiyada; sida,

cusboneysiinta dugsiyada jira oo la dayactiro iyo in la dhiso

dugsiyo cusub meelaha looga baahanyahay

Dugsi wax ku-ool ah oo rajo-leh iyo Mustaqbal wacan waa

qaab dhismeed barnaamijyada Xarumaha qorsheynta. Wuxuu

noo sahlayaa isku dhaf wanaagsan oo barnaamijyada iyo

dugsiyada si ay u daboolaan baahida ardeydeena. Dugsi wax

ku-ool ah oo rajo-leh iyo Mustaqbal wacan, waa mashruucyo

deegaanka oo taxani ah, si dib-loogu-hubiyo xulka

barnaamijyada iyo meeleynta dugsiyada meel ku urursan.

Waxaana lagu saleynayaa, ardeyda iyo barnaamijyada, si loo

awoodo in la sameeyo dugsiyo leh barnaamijyo, qalab iyo

waxqaba sahlan.

GDDT dhawaan waxay ansaxiyeen in la aasaaso 10

Guddiga Meeleynta iyo Dib-u-hubinta (GMD); GMD

waxaa la sameeyaa xilliga meeleynta iyo dib u hubinta, kaas

oo ah, qaab Wasaaradda Waxbarashada ay ku go’aansato

mustaqbalka dugsi ama dugsiyo; GMD waxaa ka mid ah

waalidiinta, mutacaliminta, saraakiisha Guddoonka iyo

bulshada iyo madaxda dowladda hoose

GMD waxay ka xaajoodaan fursadaha meeleynta ee

dugsiyada saameynta ku leh iyo hubinta ardeyda,

waalidiinta, shaqaalaha iyo bulshadu inay ku

hawshoonyihiin qaabkan. Ugu yaraan waxaa jiri doona afar

shir oo GMD-ga, kana mid ah, meel aad iska diiwaan

galisaan ugana hadashaan ay jiri doonto; Iyadoo lagu

saleynayo shirarkan, GMD waxay taladooda u gudbinayaan

maamulaha sare ee Waxbarashada, kaasoo, isaguna warbixin

ugudbinaya Guddoonka Trustee-yada, inay qadariyaan oo

go’aan kama dambeys ah ka gaaraan.

Faahfaahin dheeraad ah si aad u heshaan waxaad

booqataan: www.tdsb.on.ca/brighterfutures, kana mid ah

su’aalaha badanaaba la isweydiiyo iyo mabaadi’da

hoggaaminta.

Aragtideena Mudada dheer ee Dugsi wax ku-ool ah oo rajo

Mustaqbal wacan leh iyo waa kuwa GDDT dugsiyadoodu

leh:

Barnaamijyo Wanaagsan

Dugsiyada hoose oo ardey kufilan ay ku jirto si

shaqaalaha khubaradu ay barnaamijyada u

gaarsiiyaan (Sida musikada iyo Jimicsiga jirka)

Ardey tiro badan oo JK illaa Fasallada 8aad oo

heerka kala guurkoodu aad u yar.

Xarumaha muhiimka oo ka shaqeynaya –

waxbarashada, madadaalada iyo waxqabadka

bulshada oo lagu qabanayo dhismooyinkan ama

meelaha la isla leeyahay.

Dhimooyin wanaagsan

Dugsiyo si wanaagsan loo habeeyay iyo bi’o wax ku

ool ah oo wax lagu baranayo

Dugsiyo si wanaagsan loo dayactiray

Qaar dugsiyo oo cusub (laguna badelay dusgsiyo)

ama dayactir muhiin ah lagu sameeyay)

Deegaan ahaanna dhismooyin aad u adag

Lacag badan oo ardeyda lagu maal-galiyo!

Guddiyada Meeleynta iyo Dib-u-hubinta

Guddoonku waxay dhawaab shaaciyeen Guddiyada

Meeleynta iyo Dib-u-habeynta; Arrintanina waa tallaabo

muhiim ah oo hor leh oo loogu hayaamayo dhinaca Dugsi

wax ku-ool ah oo rajo iyo mustaqbal wacan leh:

GMD (Guddiyada Meeleynta iyo Dib-u-Hubinta)

waxaa laga sameynayaa meelaha lagu tala jiro oo ay

ka mid yihiin kuwa lagu mideynayo laba dugsi ama

dugsiyo badan, dugsi la xirayo, ama fasalka,

fasallada ama barnaamijyada saameynta ku

yeelanaya 50% diiwaan galinta dugsiga.

Qaabka socodsiinta GMD waxaa ka dhalan kara

tayada qalabka qaar in kor loo qaado.

Barnaamijka iyo/ama kheyraadla (tabaha) lagu

wanaajinayo waxa ka soo baxaya ay suurto gal

noqon karan

Baahida meelaha xannaanada sida wakhtiga buuxa (Full-time)

waa la tixgalindoonaa

SOMALI

Ka fikir, meelo waxbarasho oo dugsi walba ardeydu ka

buuxdo laguna bixiyo barnaamijyo lakala xulanayo oo

baaxad weyn leh, si ardeyda loogu diyaariyo guusha

mustaqbalkooda ee dunida markastaba muuqaalkeedu

isbadelayo; Deegaan ahaanna dugsi soo dhaweyn iyo

teknoloji casriya leh iyo meel u gaar ah farshaxanka,

xirfadaha, barnaamijyada sayinska iyo dugsi waxqabad

buuxa leh; Ka fikir, shaqada wadajirka, si aan u

hormarino dugsiyadeena iyo xaafadaheena iyo in aan si

macquul ah u maamulano rasumaalkeena iyo dolarkiina

canshuurta; Kanna waa qeyb aragtideena fog ee

rajada mustaqbalka ee dugsiyo wanaagsan iyo

mustaqbal wacan

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!