Nidaamka Federaalku Xal uma ahan Dhibaatada ... - WardheerNews
Nidaamka Federaalku Xal uma ahan Dhibaatada ... - WardheerNews
Nidaamka Federaalku Xal uma ahan Dhibaatada ... - WardheerNews
Transform your PDFs into Flipbooks and boost your revenue!
Leverage SEO-optimized Flipbooks, powerful backlinks, and multimedia content to professionally showcase your products and significantly increase your reach.
Nidaamka Federaalku Xal uma ahan Dhibaatada Soomaalida

Afyare Cabdi Cilmi, PhD

Assistant Professor

International Affairs Department

Qatar University

Doha, Qatar

elmi@qu.edu.qa

Qormadani waxay markii ugu horreysay soo baxday January 2003

January 17, 2011
Fiiro Gaar ah

Qormadan waxaan markii ugu horreysay qoray horraantii 2003. Markaas waxaa ka socday

shirkii dib-u-heshiisiinta dalka Kenya, waxaana bilawda khilaaf la xiriira qaadashada nidaamkan.

Nasiib darro, inkasta oo tobankii sano ee ugu danbaysay uu arrinkani taagnaa, haddana weli dood

macno leh oo aqoon ku salaysan ma billaaban illaa iyo hadda. Xilligaas waxa uu qoraalkani ku

soo baxay dhowr bog oo internet-ka ah sida www.himilo.com, www.hiiraan.com iyo

www.somalitalk.com

Waan ka cudurdaaranayaa qormada dhererkeeda. Ha yeeshee, waxaan qabaa inay lamahuraan

tahay in arrimaha muhiimka ah si qoto dheer loo baaro, islamarkaasna loogu soo bandhigo

dadka Soomaaliyeed ee ay quseyso luqaddooda si ay ku fahmi karaan. Waxaan rajaynayaa inay

warqaddani qeyb ka noqoto doodda ku saabsan nidaamka federaalka ee la doonayo in laga

hirgeliyo Soomaaliya. Fadlan aragtidaada iigu soo gudbi e-mail-ka ah elmi@qu.edu.qa

2
Nuxurka Doodda

Nidaamka Federaalku Xal uma ahan Dhibaatada Soomaalida

Warqaddan waxaan ku lafagurayaa nidaamka federaalka iyo sida uusan ugu habboonayn

maaraynta khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya ka jira. Waxaan marka hore sharxayaa waxa

looga jeedo federaal iyo calaamadaha lagu yaqaan dalalka noqda federaal oo ah tiro aad u yar.

Dabadeed, waxaan soo bandhigayaa waxtarka iyo waxyeellooyinka laga arkay intii lagu soo

dhaqmayey nidaamka Federaalka. Qeybta xigta waxaan ku falanqaynayaa caqabadaha waaweyn

ee ka hor-imanaya in Soomaaliya nidaamka federaalka laga hirgeliyo. Gaar ahaan, waxaan si

qoto dheer u sharxayaa nidaam-goboleedyada suurtagalka ah in lagu saleeyo nidaamka

federaalka iyo cilladaha uu mid walba leeyahay. Ugu danbayntii, waxaan soo gudbinayaa

toddoba sababood oo aan u daliishanayo inuusan nidaamkani ku habboonayn Soomaaliya.

Waxaan ku soo gunaanadayaa dood oranaysa waxaa jira habab kale oo lagu heli dhammaan wixii

waxtar ah oo ku jira nidaamka federaalka, islamarkaasna looga hortagi karo wixii waxyeellooyin

ah oo ka iman kara.

3
Nidaamka Federaalku Xal uma ahan Dhibaatada Soomaalida

Qormadan waxaa igu kallifay inaan qoro saddex arrimood. Kow, waxaa jira jamasho guud oo

aan run ku qotomin oo dadka Soomaaliyeed ay qabaan nidaamka federaalliga ah. Waxaa, inta

badan, dadka Soomaaliyeed ka muuqata inay kalsooni dheeraad ah u hayaan nidaamkan iyadoo

aadba mooddo inay rumeysan yihiin inuu xal u yahay keli-talisnimada iyo dulmiga ay madaxda

dowladuhu sameeyaan. Labo, waxaa jira in hey‟adaha caalamka ee iska xilsaara xallinta

mushkiladaha ka dhasha dagaallada sokeeye ay mar kasta ku soo boodaan nidaamkan

federaalliga ah. Runtii, sida aqoonyahannada qaar ay qorayaan, nidaamkani wuxuu noqday

midka ugu sahlan ee islamarkiiba ku soo degdega maskaxda dadka farageliya dagaallada sokeeye

iyadoo aanba si qoto dheer looga fekerin sida uu nidaamkani ula saanqaadi karo xoogagga iyo

dhaqamada ka jira dalka ay mushkiladdaasi ka jirto (Lake & Rothchild, 2002). Saddex, waxaa

nidaamkan si weyn u doonaya dowlado deris la ah Soomaaliya oo dano waaweyn oo istaraatiiji

ah ka leh dalka. Dowladahaasi waxay maanta fursad u heystaan inay saamayn ku yeeshaan

qaabka Soomaaliya ay dowladdeedu u dhismeyso. Iyagoo danahooda fiirsanaya, dowladahaas

waxay iyaguna ka mid yihiin xoogagga riixaya in Soomaaliya loo sameeyo nidaam federaali ah.

Rabitaanka dadweyne badan oo aan ku slaysnayn aqoon, doonista hey‟adaha caalamiga ah oo

iyaguna fiirsanaya waxa u sahlan, iyo dibindaabyada dowladaha deriska ah qaarkood oo iyagu uu

rabitaankoodu ku qotomo dantooda ayaa waxay keeneen in mar kasta oo Soomaalidu ay ikugu

tagto shir in ay saxiixaan in dastuurka dalka lagu saleeyo nidaamka federaalka. Inta badan,

shirarkii loo qabtay Soomaalida ee uu ugu danbeeyo kii ka dhacay dalka Djibouti sanadii 2000

iyo shirkii ka dhacay Kenya 2004 waxaa qodobbadii la saxiixay ka mid ahaa qodob tilmaamaya

in nidaamka federaalliga ah lagu saleeyo dastuurka Soomaaliya. Iyadoo go‟aankaas laga

ambaqaadayo ayaa waxaa dhawaan soo baxay “Qabyo-Qoraal Dastuur” lagu doonayo in lagu

diyaariyo dastuur ku salaysan nidaam federaal ah.

Runtii waxaa jira su‟aalo waaweyn oo u baahan in laga jawaabo. Tusaale, marka hore waa

maxay sababaha loogu baahan yahay dastuur cusub? Miyaanay suurtagal ahayn in dastuurradii

hore u jiray wixii lagama maarmaan ah laga baddalo oo sidooda loo isticmaalo? Sidoo kale,

waxaa iyaduna lagama maarmaan ah in laga jawaabo su‟aalo ay ka mid yihiin: Ma qasab baa in

dastuurka cusub uu federaal noqdo? Haddiise ayba sidaas u dhacdo, waa maxay nidaamka

federaalku? Waa maxay waxtarka iyo waxyeellooyinka uu nidaamkani wato? Soomaaliya sida

ay hadda ku sugan tahay nidaamkani ma ku habboon yahay? Dhaqaale ahaan, Soomaaliya ma

awooddaa oo ma ka bixi kartaa? Ma jiraa qaab kale oo laga heli karo faa‟iidooyinka ku jira

nidaamka, islamarkaasna aan lahayn qasaarooyinka ku aasan nidaamkan? Xitaa haddii la qaato

nidaamkan, ma jiraan waxyaalo caqabaad ah oo keeni kara in qasaarooyin waaweyn uu u geysto

qarannimada Soomaaliya iyo aayaha iyo jiritaanka danbe ee ummadda Soomaaliyeed?

Qormadan waxaan ugu talagalay inaan intii aan karo uga jawaabo su‟aalaha kor ku xusan.

Waxaan ugu talagalay inaan dadka Soomaaliyeed la wadaago aragtidayda ku aaddan

mowduucan iyo welwelka aan ka qabo nidaamkan federaalka. Haddii aan si kale u dhigo,

qormadani ma ahan mid aan u qorayo koox mutacallimiin ah oo ku taqasussay siyaasadda iyo

maamulka. Waxaan rajaynayaa inay furto dood iyadoo laga duulayo su‟aasha weyn ee ah, maxay

aayaha iyo qarannimada ummadda Soomaaliyeed u dhimeysaa ama ku kordhinaysaa haddii aan

ku salayno dowladnimadeenna nidaamka federaalliga ah?

4
Qormadani waxay ka kooban tahay laba qeybood. Qeybta hore, waxaan ku sharxayaa waxa uu

yahay asal ahaan nidaamka federaalku, iyo waxtarkiisa iyo waxyeelladiisa. Qeybta labaad

waxaan ku falanqeyn doonaa sida ay u adag tahay in nidaamka federaalliga ah laga hirgeliyo

Soomaaliya. Waxaan ku soo gunaanadayaa aragtidayda ku aaddan arrintan oo ah inaan nidaamka

federaalku xal u ahayn mushkiladda Soomaalida, islamarkaasna uusan ka shaqeyn karin dalka.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “hubsiino hal dhan baa la siistaa.” Waxaan qabaa in haddii

si furan looga doodo oo caqligu shaqeeyo inay dhici karta in la gaaro qaab isku dheellitiraya

danta iyo himilada fog ee ummadda iyo rabitaanka jidbada ku salaysan ee hadda jira.

Waa Maxay Nidaamka Federaalku?

Asal ahaan, ereygu wuxuu ka yimid afka Laatiinka, wuxuuna Ingiriiska ka soo galay dhinaca

luqadda Faransiiska. Xagga adeegsiga, ereyga “federal” iyo figradda uu ku salaysan yahayba

waxaa markii hore loo adeegsan jiray qaab diini ah. Markii ugu horreysay macnaha ereygan loo

isticmaalay wuxuu ahaa “heshiis” u dhexeeya aadamaha iyo Allaah. Macnahani wuxuu markii

danbe isku rogay heshiiska ama axdiga ay dadku wada galaan. Markii danbana wuxuu macnaha

ereygani ku danbeeyey heshiisyada siyaasiga ah ee ay gobolladu galaan marka ay

samaysanayaan dowlad dhexe. Sida ay aqoonyahannada ama culumada siyaasadda ee baara

arrintani qoraan, muddadan danbe, ereygani wuxuu caan ku yahay oo lagu yaqaan siyaasadda,

waana macnaha aan doonayo inaan warqaddan ku falanqeeyo (Elazar, 1987).

Marka macnihiisa guud la fiiriyo, nidaamka federaalku waa qaab lagu saleeyo habeynta

siyaasadda dalka iyadoo loo qeybinayo awoodaha dastuuriga ah laba heer oo kala ah heer qaran

iyo heer gobol (waa laga badin karaa heerarka labo haddii la doono) (Riker, 1964). Guud ahaan,

labada heer ee kala ah dowladda dhexe iyo kuwa gobolladu waxay wadaagaan oo ka dhexeeya

maamulka dalka. Dowladda dhexe waxay xukuntaa dalka oo dhan, halka ay dowladaha

gobolladu xukumaan gobolladooda. Awoodaha uu dastuurku u qeybinayo labadan heer waxaa

ugu muhiimsan awoodda sharci dejinta iyo awoodda canshuurista ((Elazar, 1987). Sidoo kale,

waxaa mararka qaar la raaciyaa awoodaha la xiriira kheyraadka dabiiciga ah, awoodda amniga

iyo arrimaha la xiriira luqadaha iyo dhaqanka.

Marka sidan loo fiiriyo nidaamkan federaalku wuxuu suurta gelinayaa in dalku uu lahaado

dowlad guud, iyadoo uu gobol walbana si hoose isku maamulayo oo arrimihiisa u gaarka ah ee

uu kaga duwan yahay gobollada kale uu isagu xeerinayo. Sida caadiga ah, waxaa nidaamkani uu

aad ugu habboon yahay marka ay jiraan dad laga badan yahay oo diin-ahaan, dhaqan ahaan ama

luqad-ahaan ka duwan dadka ka badan ee ay dalka kula nool yihiin. Tusaale, gobolka Quebec ee

dalka Canada waxaa ku dhaqan dad asalkoodii hore ka yimid dalka Faransiiska, kuna hadla Af-

Faransiis, islamarkaasna heysta Mad-habta Katoolliiga ee Diinta Kiristaanka. Haddaba, sida inta

badan laga dhegeysto idaacadaha, ree Quebec waxay doonayaan inay xor ka noqdaan dalka

intiisa kale oo ay ka duwan yihiin. Sidoo kale, waxaa iyaduna jirta dalal badan oo ku yaal Yurub

sida Germany, Switzerland, Belgium oo iyaguna ku kala duwan xagga diinta ama xagga luqadda.

Dalalka ku dhaqma nidaamka federaalku waa 24 dowladood, waxayna ku kala yaallaan

qaaradaha oo dhan, inkasta oo ay jiraan illaa saddex kale oo hadda ka fekeraya inay u guuraan

nidaamkaas (Forum of Federations, 2003). Marka qaaradda Afrika la fiiryo, dalalka

5
nidaamkoodu federaal yahay waa saddex: Nijeeriya, Koonfur Afrika iyo Itoobiya. Xaqiiqo

ahaan, saddexdaba nidaamyadoodu ma gaarsiisna hab ay gobolladu awood macno leh leeyihiin

oo waxaa awoodda inta badan leh dowladda dhexe. Dalka Sudan weli xaalkiisu ma cadda oo

waxaaba dhici karta inuu laba dowladood noqdo. Marka waa lagu doodi karaa xitaa in la

yiraahdo weli Afrika kama jiro dal si dhab ah federaal u noqday, walaw ay jirto in warqadaha

lagu qoray.

Qeybinta Awoodda

Inta badan marka dastuur federaal ah la dejinayo waa la yaqaan tirade gobollada iyo

xuduudahooda. Marka iyadoo sidaas la ogyahay ayaa awoodda loo qeybiyaa labada heer iyadoo

lagu caddeynayo mid walba awooddiisa qodob ka mid ah dastuurka. Tusaale, qodobka 91 ee

dastuurka Kanada wuxuu sheegayaa awoodda dowladda dhexe, halka qodobka 92 uu sheegayo

awoodda dowladaha gobollada. Waxaa iyaduna jirta in marka la qeybinayo labada awoodood ay

jiraan awoodo ay xeerintooda wadaagaan labada heer. Marka sidaas loo kala caddeeyo ayaa

waxaa iyaduna muhiim ah in dastuurku uu caddeeyo cidda la siinayo wixii aan ku qeexneyn

labadaas qodob. Dastuurka Mareykanku wuxuu siinayaa wixii aan ku caddeyn axdiga dowladaha

gobollada, halka uu dastuurka Canada siinayo dowladda dhexe wixii aan ku caddeyn axdiga 1 .

Arrintani waa muhiim. Tusaale, Canada dastuurkeeda waxaa la sameeyey (British North

America Act), 1867, markaasna ma jirin is-gaarsiintan casriga ah. Maaddaama aysan ku caddayn

dastuurkii xilligaas cidda la siiyey awoodda xeerinta is-gaarsiinta, waxaa sidaas ay ku noqotay

awood ay dowladda dhexe leedahay. Waxaa iyaduna muhiim ah in dastuurka ay ku caddahay

qaabka wax looga baddeli karo awoodaha labada heer ee dowladda dhexe iyo dowladaha

gobollada. Inta badan, labada heer (gobollada iyo dowladda dhexe) midkoodna kuma qasbi karo

kan kale wax uusan rabin marka ay timaaddo awoodaha uu gaarka u leeyahay ee dastuurka ku

cad.

Nidaamkani wuxuu ku yimaaddaa saddex qaab. Kow, qaabka gumeysiga oo ah in dowlad inta

ay qabsato dhulal kale, ay dabadeed u qeybiso maamulka gobollada iyo dowlad dhexe ee

dhulkaas ka jira. Boqortooyadii Ingiriisku markii ay dunida ka talinaysay waxay isku dayday

inay nidaam federaalli ah u samayso dhulalkii ay maamulaysay. Sida uu ku dooday Peter Schuck

oo macallin ka ah Jaamacadda Yale, waxaa sidoo kale sameeyey awoodihii jabiyay Jarmalka oo

islamarkaa u sameeyey hab federaal ah oo dhibaato weyn gadaal kala yimid. Labo, nidaamka

federaalliga wuxuu ka dhalan karaan dhaqanka iyo xiriirka u dhexeeya gobollada iyadoo aan

cidina ku qasbin ama aanay iyagu ku heshiin. Dhaqanka iyo koritaanka dabiiciga ah ayaa

mararka qaar keena nidaam asal ahaan federal ah laakiin aan ku salaysnayn heshiis la kala

saxiixday. Saddex, nidaamka federaalku wuxuu kaloo ku samaysmaa heshiis toos ah oo ay

galaan gobollo u bareeray inay samaystaan nidaam guud oo danahooda ka shaqeeya iyagoo

ilaashanaya maamulkooda hoose (Elazar, 1987; Schuck, 2008).

Waxtarka Nidaamka Federaalka

Nidaamka federaalka waxaa lagu soo dhaqmayey muddo dheer. Dalalka qaar, sida Switzerland

iyo Mareykanku waxay tirsanayaan boqollaal sano. Waa nidaam wax badan laga qoray oo

1 Fiiri dastuurka Canada, qeybta xeerisa awoodaha aan ku cadayn dastuurka iyo cidda iska leh

6
siyaabo kala duwan loo daraaseeyey. Marka waxaan halkan ku soo koobi doonaa wixii qasaaro

iyo faa‟iido laga soo dheegay intii lagu soo dhaqmayey.

Culumada siyaasadda ee wax ka qora nidaamkani waxay ku sheegaan nidaamka lix faa‟iido oo

waaweyn oo kala ah. Tan ugu horreysa ee sababta in dhowr gobol ay isku tagaan oo ay

samaystaan dowlad dhexe waa inay iskaga kaashadaan sidii ay iskaga difaaci lahaayeen cadowga

dibadda. Nidaamkani wuxuu suurta-galiyaa inay gobolladu yeeshaan hal ciidan oo ka ilaaliya si

ay iskaga caabbiyaan weerarrada midkood ama dhammaantood kaga imaan kara cadowgooda.

Labo, nidaamkan federaalliga ahi waxaa ku ballaarta dhaqaalaha. Marka sidan la leeyahay waxaa

gobol kasta si gooni ah loogu barbardhigayaa dowladda dhexe. Tusaale, dhaqaalaha hal gobol oo

ka mid ah gobollada isku imaanaya lama mid noqon karo dhaqaalaha kulligood waayo waxaa

dhacaysa in gobollada oo dhami ay yeeshaan hal lacag, ganacsi xor ah oo gobollada iskaga

goosha, xorriyadda safarka dadka iyo inay hal nidaam ku wada hoos jiraan oo ay isku hab u

shaqaynayaan. Arrimahani waxay fududeynayaan in dhaqdhaqaaqa gancasiga iyo dadkuba uu

kordho. Dabcan, taasina waxay saamayn ku yeelanaysaa dhaqaalaha. Tusaale Soomaaliyeed

marka la qaato wuxuu noqonayaa in dhaqaalaha gobolka Jubbada Hoose uusan la mid ahayn

dhaqaalaha dalka oo dhan.

Saddex, nidaamka federaalliga ahi wuxuu ka mid yahay waxyaalaha, mararka qaar, ka ilaaliya

maamulku inuu noqdo mid ku dhisan keli-talis 2 . Maaddaama dastuurku qeybiyey awoodaha oo

qaar la dhigay heerka gobollada, awoodaha kalena la siiyey dowladda dhexe, waxaa suurtagal

noqonaysa in dowladda dhexe aysan siday rabto ka yeelin dowladhaha gobollada. Sidoo kale,

dowladaha gobolladuna ma laha awood buuxda oo xeerka ay doonaan ay ku dejin karaan. Marka

uu nidaamku yahay mid ku salaysan dimoqraadiya, gorgortanka labadan awoodood ka dhexeeya

wuxuu keenaa inuu ka hortago ku-tagri-falka awoodda ama keli-talisnimada. Waxaase jira

tusaalayaal badan oo tusinaya dowlado federaal ah oo keli-talis muddo xukumayey – Pakistan,

Nijeeriya, Itoobiya iyo kuwa kalaba.

Afar, nidaamka federaalku wuxuu dhiirrigeliyaa ka qeyb-galka ay dadweynuhu ay ka qeybqaadanayaan

maamulka iyo siyaasadda, gaar ahaan heerka dowladaha hoose. Shan,

aqoonyahannada nidaamkan baara waxay caddeeyeen in ilaa xad uu nidaamkani fududeeyo in

dowladaha gobolladu, maaddaama ay leeyihiin awood badan, ay tijaabi karaan aragtiyo iyo xalal

cusub oo aan suurtagal noqdeen haddii nidaamku uusan federal ahayn. Lix, haddii ay jiraan dad

laga badan yahay oo deggan gobol ka mid ah gobollada, nidaamka federaalligu wuxuu

fududeeyaa in la xalliyo arrimahooda la xiriira luqadda, diinta iyo arrimaha dhaqanka 3 (Watts,

1999 iyo Elazar 1987).

Waxyeellooyinka Nidaamka Federaalliga

Dabcan, wax kasta oo wanaagsan waxay wataan dhibkooda. Nidaamka federaalliga ah waa

nidaam fahamkiisa iyo ku-dhaqankiisuba ay aad ugu adag yihiin dadweynaha. Aqoonyahannada

daraaseeyey waxay ku sheegeen ilaa toddobo 7 cilladood oo waaweyn oo kala ah. Kow,

2 Mar walba ma aha ee waa mararka qaar.

3 Waxaa kale oo aan adeegsaday macluumaad aan ka ururiyey maaddo federalism ah oo aan hore u qaatay (notes

from Federalism Course: PPA 650, 1996m, Ryerson University) iyo maaddooyinka la xiriira siyaasadda Kanada).

7
nidaamkani wuxuu ku cusleeyaa dowladda dhexe inay wax ka qabato arrimaha qaar laga yaabo

in dastuurku uu siinayo dowladaha gobollada, laakiin xaqiiqa ahaan ka gudbaya xuduudaha

gobollada. Xilligan oo ay is-gaarsiintu wax badan fududeysay, waxaa isa-soo hoos-galaya

xuduudaha macnawiga ah ee u dhexeeya dowladaha gobollada iyo dowladda dhexe. Marka,

waxaa nidaamkan la socda is-jiid-jiid badan iyo go‟aan-gaarista oo qaadata waqti dheer iyadoo

aanba waxqabad la isla-gaarin. Tusaale, markii ay dhacday masiibadii Hurricane Katrina ee ka

dhacday gobolka New Orleans, dowladda dhexe ee Maraykanku gurmadkii ay rabtay inay fidiso

waxaa cillad ku noqday is-jiidjiidka iyo siyaasadaynta madaxdii gobolka New Orleans.

Labo, nidaamkani kuma fiicna beeqaaminta dhaqaalaha waayo wuxuu ganacsiga ku qasbaa inay

u hoggaansamaan xeerar badan oo isku soo noqnoqonaya. Taasi waxay kordhinaysaa qarashka

ganacsiga, waxayna hoos u dhigeysaa faa‟iidooyinka ay ganacsatadu ka helaan ganacsigooda.

Marka sidan la leeyahay waxaa loo barbardhigayaa nidaamka aan ahayn federaalka. Sidoo kale,

nidaamka laftiisu wuxuu ku dhisan yahay qaab aan beeqaaminayn ama u tureyn dhaqaalaha

dalka. Saddex, nidaamkani wuxuu abuuraa tartan ka dhexeeya dowladaha gobollada, gaar ahaan

dhinaca dhaqaalaha. Marka uu gobol kasta isku dayo inuu soo jiito shirkadaha isagoo

fududeynaya ama dhimaya canshuuraha iyo xeerinta, waxaa imanaysa inay hoos u dhacdo tayada

wax-soosaarka. Tusaale, marka shirkadaha aan si adag loo xeerin waxay keenaysaa inay ku

tuntaan dadweynaha iyo waxyaalaha danta guud ay ku xiran tahay sida deegaanka. Kanada marar

badan ayay arrintani ka dhacday.

Afar, waxaa mararka qaar dhacda in dowladaha gobolladu ay ku qasbaan dadka ku nool

gobollada kale inay bixiyaan qarashyo ama canshuuro dheeraad ah. Waxaa kaloo dhici karta inay

xaddidaan xuquuqda shaqsiga ama ay u diidaan adeegyo kale oo uu qofkaasi ku leeyahay dalka

iyagoo ku ximinaya inuusan qofkaasi ku dhalan gobolka. Soomaaliya hadda waxaa ka jira wax la

yiraahdo “u dhashay gobolka” xitaa haddii uu qofku ku dhashay gobol kale. Dad badan oo

magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya ku dhashay ayaan lahayn xuquuq siyaasadeed

maadaama ay heyb-ahaan ka soo jeedaan qabiil aan ku badnayn magaalooyinka ay ku dhasheen.

Taasi waa dulmi weyn.

Shan, maaddaama uu nidaamkani ku salaysan yahay gobollo iyo dowlad dhexe oo wax isku

darsanaya, nidaamkani wuxuu saarayaa dadka culeys dhaqaale oo farabadan. Tusaale, dowladda

dhexe iyo dowladaha gobolladuba waa inay yeeshaan xukuumadahooda, shaqaalahooda,

booliskooda iyo garsoorkooda. Taasi waxay keenaysaa in hanti farabadan lagu bixiyo adeeg isku

mid ah. Ma rumaysanaysaa haddii lagu yiraa dowladda Mareykanku waxay leedahay tiro ka

badan 83,000 4 xukuumadood? (Rosen, 1994, p. 8). Yacni, tiradani waxay sidan ku imaanaysaa

marka laga soo billaabo Aqallada Congress-ka oo lagu keeno heerka u hooseeya ee dowladaha

hoose ee ka jira magaalo kasta iyo tuulo walba. Laurence J. OToole Waxaanay arrintani wax

weyn u dhibaysaa dhaqaalaha dalka.

Lix, haddii aysan dadka laga badan yahay ku urursnayn hal gobol, waxaa dhacda in dowladaha

gobolladu ay halis galiyaan jiritaanka dadka tirada yar. Dabcan, waxaa jira tusaalooyin badan oo

la xiriira Soomaalida waayo waxaa jira dad la dhibo oo aan hal meel ku urursanayn. Ma helayaan

4 Rosen waxa uu tixraacayaa bug uu qoray Laurence J. OToole oo lafaguraya xukuumadaha faraha badan. Wuxuu

sheegay inay dowladahani ka kooban yihiin dowladda dhexe, 50 gobol, 3000 oo County, 19,000 oo ah dowlado

hoose, iyo 2932 degmo.

8
xuquuqdooda dadkaasi. Mar aan dheereyn, waxaa saxaafadda Soomaalida soo galay cabashooyin

badan oo qabiilka Gobooye ay ka tabanayaan xukuumadda “Somaliland”. Waxaa sidoo kale

dhacay in dad barakacay lagu dhibaateeyey gobollad qaar oo loola dhaqmay sidii iyagoo qaxooti

ah. Toddobo, nidaamka federaalka ahi ma ahan nidaam xasilloon. Waxaa mar walba kala jiita

dowladaha gobollada oo aan iyaga laftoodu isla socon iyo dowladda dhexe. Marar badan waxaa

qasab noqoto inuu dagaal ka dhasho is-jiid-jiidka. Waxaa kale oo iyaduna dhacda inay arrinta

is-jiid-jiidku ku dhammaato in la kala baxo oo dowlado kala duwan la noqdo. Runtii, nidaamkan

federaalku ma ahan nidaam u horseeda deggenaan dadka dalkaas ku nool haddii aysan taariikh

hore u lahayn ku dhaqanka nidaamkan 5 (Watts, 1999 iyo Elazar 1987).

Waxaa intaas dheer muranka ka dhasha xuduudaha dowladaha gobollada iyo is-maandhaafka ka

dhasha fasirka dastuurka iyo cidda xaq u leh inay xeeriso arrinta la isku hayo. Sida caadada ah,

dowladda dhexe waxay u xaglisaa in wixii ay qaramayn karto inay qaramayso halka dowladaha

gobolladuna ay inta badan doonaan inay wixii ay ka ridan karaan dowladda dhexe inay ka ritaan.

Dhowr tusaale oo xiiso leh ayaa ka dhacay dalalka nidaamka federaalka ku dhaqma.

Waxaa iyaduna jirta cillad weyn oo aqoonyahannada qaar xusaan, taasoo ah in nidaamka

federaalku uu soo saaro in dadku ay jacaylkooda iyo jidbada wadaninimadooda ay siiyaan

gobolladooda halkii ay siin lahaayeen dalka. Waxaa inta badan dhacda in dadku ay hormariyaan

gobollada taasoo keeni karta inaysan dadku si weyn iskugu lifaaqin dalkooda. Tusaale,

nidaamka federaalka ee ka jira dalka Canada ma uusan kobcin Canadiannimada ama

qarannimada Canada ee wuxuu kobciyey goboleysiga.

Haddaba marka si dhab ah loo fiiriyo waxtarka iyo waxyeellooyinka nidaamkan la socda, dadka

Soomaaliyeed ma u baahan yihiin nidaamka federaalliga? Ma awoodaan dhaqaale ahaan? Mase

ka samatabixi karaan deggenaan la‟aanta ku dhex jirta nidaamkan? Ma jiraa hab kale oo dabooli

kara baahida dadka Soomaaliyeed, islamarkaasna ka waxyeellooyin yar? Haddii si kale loo dhigo

ma la samayn karaa nidaam leh dhammaan waxtarka uu leeyahay nidaamka federaalku,

islamarkaasna aan lahayn waxyeellooyinkiisa. Anigoo ka duulaya waxyaalaha kor ku qoran,

waxaan warqadda inta ka hartay ku lafaguri doonaa su‟aalahan iyo kuwo kale.

Soomaaliya iyo Nidaamka Federaalka

Soomaalidu waligeed kuma aysan dhaqmin nidaamkan, mana u laha waayo-aragnimo iyo aqoon

ay ku tiirsanaato. Dowladdii Dimoqraadiga ee ugu horreysay waxay ahayd dowlad dhexe oo leh

siddeed gobol. Awoodda oo dhan waxaa iska lahaa oo uu dastuurku siinayey dowladda dhexe

inkasta oo uuku jiro qodob ku dhiirrigelinaya dowladda inay nidaamka dadka u dhawayso oo ay

dhisto gobollo xoog leh 6 . Xukuumaddii militariga ama Kacaankii Oktoobar waxba kama uusan

baddelin ee wuxuu sii xoojiyey dowladdii dhexe iyadoo ay weliba saraakiishii dalka

maamulaysay ay si xun u adeegsadeen awoodda dowladda dhexe. Waxaa ka danbeeyey 20 sano

oo dagaallo sokeeye ay dalka aafeeyeen. Dagaalladan waxaa ka dhashay in dadku kala qaxo oo

qof walba meesha uu isleeyahay waad ku nabadgeli kartaa uu aado. Dad badan baa waxa lagu

5 Waxaa kale oo aan adeegsaday macluumaad aan ka ururiyey maaddo federalism ah oo aan hore u qaatay (notes

from Federalism Course: PPA 650, 1996m, Ryerson University) iyo maaddooyinka la xiriira siyaasadda Kanada).

6 Qodobka 86 ee dastuurkii 1960 waxa uu si cad u farayaa dowladda inay markasta oo suurtagal tahay xukunka iyo

adeegyada loo dhaweeyo gobollada.

9
qasbay inay dib ugu noqdaan gobolladii ay ka yimaadeen asal ahaan oo laga yaabo in jiilka

markaas ku noqonayey uusanba waxba ka garanayn. Waxaana sidaas ku samaysmay gobollo ka

duwan kuwii ka jiri jiray dowladihii hore oo ku salaysan nidaam qabiil.

Dhanka kale, ma jiraan wax raadraac ah oo weyn oo laga qoray sida Soomaaliya ay ugu dhaqmi

karto nidaamka federaalka. Waxaa jira qormooyin dhowr ah oo aan iyaguna aad u sii ridneyn,

islamarkaasna aan ku baahin dalka. Tusaale, Midowga Yurub (European Commission) qeybtiisa

u qaabilsan Soomaaliya waxay qabanqaabisay dhowr shir oo lagu soo bandhigay diraasado

caddaynaya nidaamyo-dowladeedyada kala duwan ee caalamka looga dhaqmo. Waxaa iyaduna

jirta in UNISOM ay sanadkii 1994 wax ka qortay arrimahan.

Si kastaba ha ahaatee, ma jirto aqoon iyo waayo-aragnimo ay Soomaalidu u leedahay

nidaamkan. Sidoo kale, meesha ma taallo daraasad qoto dheer oo sahmisay sida nidaamkani uu

ugu habboon yahay Soomaalida ama sida uu uga hirgeli karo. Waxaa arrinta sii murjinaya

saamaynta uu dagaalka sokeeye ku yeeshay fikirka dadka, iyo xaqiiqada dalka hadda ka jirta.

Arrimahan oo iskaashaday ayaa waxay iyaguna la imaanayaan caqabooyin badan.

Run ahaan, inta aan anigu ogahay ma jiro gobollo ay Soomaalidu ku tahay heshiis oo lagu

saleeyo nidaamka federaalka. Sida aan hore u soo sheegay nidaamkani waxa uu ka kooban yahay

ugu yaraan laba heer (dowladda dhexe iyo dowladaha gobollada). Waa in la helo gobollo lagu

yahay heshiis oo uu nidaamka federaalku ku salaysnaanayo. Tusaale, shirkii Carta ee Soomaalida

wajigiisii koowaad waxaa iskugu tegay aqoonyahanno Soomaaliyeed oo loogu yeeray inay

diyaariyaan ajandaha shirka.

Sida qof ka qeyb-galay shirkaas uu ii sheegay, su‟aalihii la isweydiiyey waxaa ka mid ahaa

qaabka lagu salaynayo nidaamka federaalka. Dadka qaar waxay soo jeediyeen in federaalka

Soomaalidu ka koobnaado Waqooyi iyo Koonfur ama Somaliland iyo Soomaaliya. Qaar kale

waxay qabeen in dib loogu noqdo xilligii Kacaankii Oktoober oo lagu saleeyo 18-kii gobol ee

dowladdii militariga ahayd ay ka tagtay. Kuwo kale ayaa iyaguna qabay inaan labadan hab sax

ahayn oo nidaamka federaalka lagu saleeyo gobolladii uu gumeysigu ka tagay oo ahaa siddeed

(8). Waxaa iyaduna jirta in dadka qaar qabeen in waxaasoo dhan laga tago oo nidaamka

federaalka lagu saleeyo xaqiiqada hadda jirta oo la dhihi karo waxay markaas tiradu noqonaysaa

afar ilaa shan gobol (Puntlland, Somaliland, Gobollada Dhexe, Koonfur-Galbeed iyo

Jubbooyinka). Mararka qaar waa la isku daraa labada danbe.

Waqooyi iyo Koonfur

Figradda hore ee oranaysa waa in nidaamka federaalka lagu saleeyo Waqooyi iyo Koonfur ama

Soomaaliya iyo Soomaliland waxaa qaba qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ka yimid

Soomaaliland ama gobollada Waqooyi, islamarkaasna ka soo horjeeda kala-goynta Soomaaliya 7 .

Dadkani waxay ku doodaan in Soomaaliya ay koobneyd laba gobol oo ay kala gumeysan jireen

laba gumeyste. Markii ay iska xoreeyeen gumeysigana, labada gobol iskood ayay iskugu tageen.

Dooddani waxay leedahay, guuxa dadka dega Waqooyiga Soomaaliya wuxuu ka billowday ku

7 Mar aan kula kulmay Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib Casmara waxa uu ii sheegay in Cabdiraxmaan Maxamed

Cali “Tuur” uu ahaa siyaasigii ugu horreeyey ee soo jeediya in nidaamka federaalka la qaato. Waxaa kale oo aan la

kulmay dad u guuxsan nidaamkan.

10
xadgudub lagu xadgudbay isku-imaatinkii hore oo ujeeddadiisuna ahayd in labada gobol

midoobaan, ayna si caddaalad ah u qeybsadaan maamulka.

Inkastoo aan wax shuruud ah la kala qoran, haddana, waxay figraddani ku doodaysaa, ujeeddadu

way iska caddayd. Haseyeeshee, reer Koonfur baa si kale u adeegsaday midnimadii, dabadeedna

ku duudsiyey reer Waqooyi. “Guuxa keenay dagaalkaba wuxuu salka ku hayaa nidaamka

federaalka oo lagu xadgudbay,” ayey dadkani qabaan. “Marka haddii Soomaaliya ay isku soo

noqonayso waxaa lama huraan ah in hadda dib looga hadlo oo loo gorgortamo Waqooyi iyo

Koonfur” ayey dabadhigaan.

Dhanka kale, figradda noocan ah dadka intiisa badan (reer Koonfurka) waxay u arkaan inaysan

macquul ahayn waayo waxay ku leeyihiin ma ahan isku miisaan Waqooyi iyo Koonfur. Tan kale,

waxaa iyaduna jirta in qaar ka mid ah gobollada Waqooyi ay door bidayaan in nidaamka lagu

saleeyo sidii ay uga tagtay dowladdii militariga ee ugu danbaysay oo ahaa 18 gobol. Dhanka

kale, waxaa jira figrad xoog leh oo kaba duwan kuwan oo ku doodaysa in Waqooyi dib ula

noqotay xorriyaddeedii, aysanna danaynayn inay mar kale Koonfur kala hadasho midnimo.

Marka la soo koobo, nidaamka federaalku wuxuu ka guntamaa heshiis, waana lagu heshiin karaa

wax kasta. Waa macquul, waana suurtagal haddii heshiis lagu yahay in nidaamka federaalka lagu

saleeyo Waqooyi iyo Koonfur. Waxaase muhiim ah in sidaas la isku oggol yahay. Haddiiba la

qaadanayo nidaamka federaalka waxaa habboon inaysan gobolladu aad u badan. Sabab la xiriirta

awoodda dhaqaale iyo aqooneed ee ummadda Soomaaliyeed ayaa qasab ka dhigeysa in

gobolladu ay yaraadaan. Tan kale, muhiim ma ahan in gobollada samaysanaya federaalku ay

kulligood isku awood iyo dhaqaale yihiin. Marka arrimahan lagu daro muhimadda ay leedahay in

midnimada Soomaalida la soo celiyo oo la xoojiyo, waxaad mooddaa inay habboon tahay in

tixgelin la siiyo nidaamka federaalka marka laga hadlayo xiriirka u dhexeeya Waqooyi iyo

Koonfur. Marka dhinacaas laga soo fiiriyo waxaa la dhihi karaa waa arrin suurtagal ah in

federaal laba gobol ka kooban la sameeyo.

Haseyeeshee, arrimahaas oo dhami meesha kama saarayaan waxyeellooyinka uu wato nidaamka

federaalka ah ee aan kor ku soo sheegay. Gobolladu tiro kasta ha la ekaadeene, dhibaatooyinkii

la imanayey nidaamkani way jirayaan. Waxaa iyaduna aan meesha ka maqnayn in wax kasta oo

nidaamka federaalka lagu samayn karo laga heli karo nidaamyada kale ee maamulka ee jira sida

waxa afka qalaad lagu yiraado decentralized unitary state (dowlad dhexe oo haddana gobollada

iyo degmooyinka siinaysa awood-hoosaad). Waxaa dhici kara in dadka qaar ay is-weydiiyaan

faraqa u dhexeeya nidaamka federal-ka iyo nidaamka aan sheegay. Dhab ahaan, waxaa u

dhexeeya faraq weyn, wuxuuse u baahan yahay in si qoto dheer looga hadlo mar kale.

Gobolladii Dowladdii Milatriga ee Siyaad Barre

Dowladdii uu hoggaamiyaha iyo madaxweynahaba u ahaa Jeneral Maxamed Siyaad Barre waxay

dalka la wareegtay sanadkii 1969 iyadoo uu markaa dalku ka koobnaa siddeed gobol. Muddadii

21-ka sano ahayd ee uu dalka ka talinayey Jeneral Maxamed Siyaad Barre wuxuu ku daray

toban gobol. Haddaba waxaa isweydiin leh kororsiimadan muxuu nidaamku ku salaynayey?

Runtii lama garanayo qaabka uu Kacaanku raaci jiray marka uu abuurayo gobollo cusub. Nin

odoy ah oo ka tirsanaa maamulkaas ayaan weydiiyey halbeegga la adeegsan jiray marka la

11
samaynayo gobol ama degmo cusub. Ninkaasi wuxuu iigu jawaabay “dalka waxaa heystay nin

keliteliye ah, wuxuuna u maamuli jiray sida uu u arko sax isagu. Gobollada iyo degmooyinka

iyo go‟aannada kale ee waaweyna isaga ayaa samayn jiray.”

Waxaa arrintan sii xoojinaya sheeko aan ka maqlay Cabdulle Raage Taraawiil 8 oo ahaa halabuur

caan ku ah bulshada dhexdeeda. Cabdulle Raage oo hadalka cajal ku duubay wuxuu ka

sheekeyey dood dhexmartay isaga iyo Jeneraal Maxamed Siyaad Barre. Cabdulle Raage wuxuu

leeyahay waxaa ii yeeray Madaxweyne Maxamed Siyaad Sanadkii 1990 oo ku beegnayd xilligii

ay saxiixeen odoyaashu warqad ay ugu baaqayaan in uu Jananku is-casilo (Manafesto Group).

“Siyaad Barre ayaa wuxuu igala hadlay arrimaha warqaddan iyo qabiillada ka danbeeya,” ayuu

yiri Cabdulle Raage. Siyaad Barre wuxuu igu yiri buu Cabdulle leeyahay, “Waxaa ii heshiiyey

Majeerteen iyo Habargidir, marka waxaan doonayaa inaad tolkaa ka reebto arrintan oo aad

idinku (qabiil ahaan) wax igala qabataan oo aad Kacaanka taageertaan.” Waxaan ku iri, ayuu

Cabdulle Raage ku leeyahay cajaladda, “dadka saxiixay warqadaha kuma jiro qof aan aniga

heybta hoose (Daa‟uud) isku nahay.”

Wuxuu intaas raaciyey, labo kulan oo kale iyo dood dheer kadib ayuu Siyaad Barre igu yiri,

“waxaan degmo kaaga dhigayaa meeshii aad ku dhalatay oo magaceeda la yiraa Ruun Nirgood.”

Cabdulle Raage wuxuu leeyahay waan ka diiday arrintaas Madaxweyanaha waayo waxaan

weydiistay inuu degmo ka dhigo meeshaan10 sano ka hor, wuuna ii diiday. Dabadeed, sida uu

cajaladda ku sheegayo, Cabdulle Raage wuxuu billaabay inuu goobta ka tiriyo gabay dheer oo uu

Kacaanka ugu abaalsheeganayo wixii uu u galay iyo sidii uu Kacaanku ugu jisaaray ee uu ii

xiray. “Markii aan gabaygii dhameeyey ayuu Siyaad Barre yiri, „waxaan ku darayaa

Warshiikh.‟” Markaas baan ku iri, “Caadley ku dar.” Siyaad Barre wuu diiday arrintaas waayo

wuxuu yiri waxaa la iga laayey askar Caadley, laakiin waxaan ku darayaa Biyacado. Isku soo

duuboo, sida uu cajaladda ku sheegayo, Cabdulle Raage iyo odoyaal la socday waxay

habeenkaas ka saxiixeen Jeneral Maxamed Siyaad Barre afar degmo.

Marka la fiiriyo gobolladii iyo degmooyinkii la abuuray iyo sheekadaniba waxay ku tusayaan

inuusan jirin halbeeg la raaci jiray oo ay ku xirnayd Jeneral Siyaad Barre xaaladdiisu sida ay

tahay. Marka haddii sidan gobollo lagu sameeyey lagu duldhiso nidaamka federaalka waxaa ka

imanaya dhowr cilladood. Tan hore, waxaa laga tagayaa caddaaladda waayo waxaa jira gobollo

dadka deggen uusan nidaamkii milatarigu jeclayn xilligaas, iyo gobollo kale oo dadkoodu aysan

baraarug siyaasi ah lahayn. Labadan arrimood oo iskaashaday waxay keenayaan in la

sharciyeeyo wax aan ku iman nidaam sharci ah ama aan caqligu qaadan karin.

Haddii xitaa la isku oggolaado oo la aqbalo 18 gobol, ma ahan suurtagal dhaqaale ahaan in lagu

saleeyo nidaamka federaalka. Tusaale, ma jirto awood dhaqaale ama aqooneed oo ay Soomaalidu

ku wadi karto 18 baarlamaan, 18 xukuumadood, 18 ah boliiska gobollada, 18 ah maxkamado

kala duwan, iyo 18 ah shaqaale dowaldeedyada gobollada. Waxaa arrintan diidaya awoodda

dhaqaale iyo tan aqooneed ee hadda jira.

Sida uu ii sheegey qof xog-ogaal ah, waxay dowladda KMG ah (xilligii dowladdii Carta) isku

dayday inay baahiso maamulkeeda. Gobollada iyo degmooyinka qaar ayaa muujiyey inay

8 Waraysigan waxaa Abwaan Cabdulle Raage uga duubay magaalada Xamar intii usaan geeriyoon saxafi Yuusuf

Xasan.

12
doonayeen inay raacaan nidaamka Carta lagu soo dhisay. Xukuumaddii Dr. Cali Khaliif Galayr

ayaa waxay ku tiri degmooyinkaas “idinku qorta boliis oo dhaqaalo ahaan isa-sii dabbara intii

muddo ah, annaguna waxaan idinka kaalmayn doonnaa waxyaalaha kale.” Waxay sheegeen

mas‟uuliyiintii degmooyinkaas inaysan awoodin inay qortaan boliis. Weliba degmooyinka

qaarkood waa kuwa lagu tuhmo inay ugu roon yihiin degmooyinka dalka dhaqaalo ahaan.

Haddaba, marka si kasta oo loo fiiriyo laguma salayn karo nidaamka federaalka 18 gobol.

Laakiin, haddana waxaa jirta in dastuurka Dowladda KMG ah ee xilligaas jirtay ay ku qoran

tahay in nidaamka federaalka ah lagu saleeyo 18 gobol.

Waxaa iyaduna xiiso gaar ah leh cayaarihii gobollada ee dhawaan lagu qabtay Garowe,

caasimadda Puntland. Runtii, waxay ahayd dhacdo weyn oo ay ku ammaanan yihiin bahda

isboortiga iyo shacabka iyo dowladda Puntland. Laakiin xiisaha gaarka ah ee ay dhacdadani u

leedahay doodda la xiriirta nidaamka federaalka waa in dad badan oo Soomaaliyeed ay isla oggol

yihiin gobolladii uu kacaanku ka tagay, loona arko inay sharci ahaayeen. Runtiina, dhacdadan

waxaa laga daliishan karaa in aragtida taageeraysa 18-ka gobol ay ka culus tahay kuwa kale.

Waxaan rumaysanahay inay taasi horumar tahay. Hayeeshee, anigu sideedaba ma qabo in

nidaamka federaalku ka shaqayn karo dalka. Haddii la samaynayana waxaan qabaa inaan

gobolladu ka badan afar, la iskuna raaciyo hab ku salaysan qaaciddooyinka dhaqaalaha iyo

horumarka.

Gobolladii Gumeysigu ka Tegey

Gumeysigii dalka ka tegey wuxuu ka tagay lix gobol oo ah Koonfur iyo laba ah Waqooyi.

Siddeedan gobol laftooda lama garanayo asal ahaan meel ay ka yimaaddeen iyo halbeeg la

isticmaalay markii la samaynayey. Gumeysigu wuxuu u samaystay in habkiisa maamulka uu ku

gaaro, wuxuuna u arkay in siddeedan gobol ay tahay sida ugu habboon ee uu u habayn karo

maamulkiisa xaaladda la joogay. Inkastoo ay jiraan dad qaba in nidaamkan loo noqdo, haddana

taas macnaheedu ma ahan inuu yahay nidaam caddaalad ah. Gobol walba waxa uu doonayaa

nidaamka uu isleeyahay waxaad ku heleysaa wax badan.

Tan kale, marka awoodda dhaqaale iyo aqooneed laga fiiriyo, waxay figraddani yeelanaysaa

cilladaha figradda 18-ka gobol. Dhaqaale ahaan lama awoodo. Xaaladda hadda jirta marka la

fiiriyana way baaba‟een gobolladii hore maaddaama dalka iyo dadka uu ku dhacay is-baddel

weyn xilligii Kacaanka iyo xilliyadii dagaallada sokeeye.

Gobollada ka Samaysmay Dagaallada Sokeeye

Colaadda ka dhalatay dagaallada sokeeyey waxay keentay in dadkii wada degganaa

magaalooyinka iyo gobollada dalku ay dhibaatooyin badan isku geystaan. Taasina waxay

sababtay in dadku uu kala qaxo oo uu qof walba meesha uu ku nabadgeli karo uu aado. Waxaa

sidaa ku abuurmay gobollo iyo degmooyin u habaysan qaab qabiil. Xitaa magaalooyinka

waaweyn ee dalka waxaa loo kala deggan yahay xaafadaha hab qabiil.

Sanadkii 2000, waxaan tagay Xamar iyo Hargeysa. Waxaan labadaba ku arkay in loo deggen

yahay qaab beeleed. Magaalada Xamar oo aan hore ugu noolaan jiray, waxaa iska baddalay wax

weyn dhinac deegaanka. Magaaladu uma qeybsanayn Waqooyi iyo Koonfur oo kaliya waagaas.

13
Waxaa jirta inay jireen illaa toddobo deegaan oo midba uu qabiil gooni ah deggen yahay. Nin

dhallinyaro ah oo aan saaxiib nahay oo aan kula kulmay Xamar ayaa igu yiri, “Waxaan

deggenahay xaafad mushakal ah oo uu markaas ula jeeday xaafad ay qabiillo kala duwan

deggen yihihiin,” isagoo ku faanaya. Marka aan sii wareystay ayuu ii sheegey in

mushakalnimada lafteedu aysan ahayn Soomaali oo dhan laakiin ay tahay beelaha dega

Koonfurta Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Xamar dhibkan waxaa la qaba dhammaan magaalooyinka waaweyn iyo

gobollada dalka. Sidan waxaa ku samaysmay illaa shan gobol oo ku salaysan beelo. Haddaba,

waxaa jirta figrad ku doodaysa in federaalka Soomaalida lagu saleeyo shantan gobol. Dadka

figraddan qaba waxay u arkaan in shanta gobol yihiin Somaliland (Isaaq/Dir), Puntland

(Harti/Daarood), Gobollada Dhexe (Hawiye) Koonfur-Galbeed (Digil/Mirifle), Jubba Land

(Daarood, Digil/Mirifle/Dir/Hawiye). Dadka qaba figraddani iskuma wada waafaqsana

gobolladan iyo xuduudahooda, waxayse ku doodaan in doodda laga billaabo halkan oo figraddan

lagu saleeyo nidaamkan federaalka.

Waxaa jira cillado fara badan oo weheliya inaan heshiis lagu ahayn nidaamkan. Tiradu way ka

yar tahay 18 gobol iyo 8 gobol. Waxaana dhici karta inay wax badan ka jiraan inay ka

tarjumayso xaqiiqada hadda ka jirta dalka. Laakiin, haddii qaabkan la qaato, weli way

taagnaanayaan su‟aalihii la xiriiray qaadashada qaabka federaalku inuu xal u yahay Soomaaliya

iyo in kale. Waxba ka baddeli meyso tirada gobolladu asalka doodda oo ah in nidaamka

federaalku xal yahay iyo in kale.

Gobollada ka dhashay dagaallada sokeeye waxay wataan cillad dheeri ah. Marka xaqiiqo ahaan

haddii la qaato shantan gobol waxa federaalka loo samaynayaa qabiillo ee ma ahan gobollo.

Haddii sidan la yeelayo looma baahna nidaam federal ah ee waxaa loo baahan yahay nidaam kale

oo la yiraahdo “Consociational Model.” Nidaamkaasi wuxuu oggolaanayaa in qabaa‟ilka loo

sameeyo hab ay awoodda ku qeybsadaan, ayna ku xeeriyaan danahooda hoose. Muhiim ma ahan

in qabiil kasta uu gobol deggen yahay, walow ay sahlayso hawlaha. Markaas, waxaa la dhihi

karaa, waxaa nidaamka lagu salaynayaa qaabka qabiilka. Tusaale, waxaa la qaadan karaa

qabaa‟ilka waaweyn sida Daarood, Dir, Hawiye, Isaaq, Digil, Mirifle iyo Beelaha Wadajir (waa

magaca uu Sheekh Cumar Faaruuq u bixiyeye). Haddii sidan la yeelayo, ma ahan in la isku

wareeriyo xuduudaha gobollada iyo nidaam federal ah toona. Haddii si kale loo dhigo, nidaamka

awoodda loogu qeybinayo beelaha (consociation) waa habka laga soo minguuriyey 4.5. Marka

haddii la isla garto in qabiilka lagu saleeyo federal ma noqonayo waayo nidaamka federaalku

asal ahaan waxa uu ku salaysan yahay dhul xuduuddiisa la yaqaan. Kan ku salaysan 4.5 ee hadda

jira oo wax laga baddalo ayaa ku filnaan kara markaas.

Isku soo duuboo, dhammaan hababka aan kor ku soo sheegay waxaa laga fahmi karaa inaysan

sahlanayn in laga hirgeliyo nidaam federal ah Soomaaliya. Cilladaha uu nidaamka federaaliga

ahi asal ahaan wato ka sokow, waxaa jira caqabooyin badan oo ku tacalluqa duruufaha

Soomaalida oo aan oggolaanayn nidaamkan. Shirkii Carta iyo kii Kenya ma aysan joogin

gobollo is aqoonsan oo uu mid walba leeyahay nidaamkiisa oo doonaya inay samaystaan nidaam

federaalli ah. Waxaa joogay dad badan oo ka socda bulshada rayadka ah iyo hoggaamiyeyaalka

kooxaha. Haddaba, maaddaama aysan jirin gobollo la isku oggol yahay oo sameeya dowlad

14
federaal ah, waxaa la dhihi karaa lagama samayn karo nidaamka federaalka Soomaaliya. Waase

suurtagal in lagu qoro waraaqaha la saxiixayo.

Soomaaliya ma u Baahan Tahay Nidaam Federal ah?

Runtii, shaqsi ahaan, kama soo horjeedo mana diiddani nidaamka federaalka asal ahaan.

Nidaamka federaalku wuxuu ka mid yahay hababka lagu maareeyo khilaafaadka siyaasiga ah.

Waa nidaam hore loo soo tijaabiyey. Inkasta oo uu meelo farabadan oo ka mid ah meelihi laga

isticmaalay nidaamkani uu ka shaqeeyey, haddana, inta badan waa uu shaqeyn waayey. Doodda

aan ka qabo nidaamka federaalku waxay la xiriirtaa sida uu ugu habboon yahay Soomaaliya.

Waxaan rumeysanahaya inaan loo baahnayn nidaamkan marka la maareynayo mushkiladda

Soomaaliya. Dooddayda waxaan ku salaynayaa qodobbada soo socda:

Kow, sida ay sheegaan culumada daraaseeya arrinkan, nidaamka federaalku wuxuu ku habboon

yahay dalalka juqraafi ahaan aadka u waaweyn sida Canada, Ameerica, Ruushka iyo Australia.

Waxaa kale oo ku habboon yahay dalalka juqraafi ahaan kala qeybsan ee ay u dhexeeyaan buuro

ama bad sida Malaysia iyo New Zealand. Soomaaliya dalkeeda sidaas uma weyna. Marka aan

sidan leeyahay waxaan ula jeedaa dhulka Soomaalidu degto oo dhan. Haddaba, dal aad u

ballaaran ma hayno. Xajmiga dalkeennu kama dhigayo lamahuraan inaan qaadanno nidaamkan

federaalka. Mana jiraan buuro iyo bado qeybiya Soomaalida.

Labo, nidaamka federaalku wuxuu ku fiican yahay dalalka leh dad badan oo ku kala duwan

diinta, dhaqanka iyo sinjiga sida India, Nigeria iyo Canada. Dadkeenna waxaa laqu qiyaasaa

toban milyan marka la badiyo. Tirada ka sokow, Soomaalida waxaa lagu tilmaamaa dad ahaan

dad si kasta isku mid u ah marka laga soo fiiriyo xagga diinta, dhaqanka iyo xagga luqaddaba.

Haddaba, ma jirto sabab lama huraan ka dhigeysa inaan qaadanno nidaamkan.

Saddex, waxaa qaadan kara nidaamka federaalka dalalka leh dhaqaale xooggan oo awooda inay

bixiyaan kharashka heerar-dowladeedyo kala duwan sida Canada, Germany, Ameerica, Australia

iyo kuwo kale oo badan. Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ugu saboolsan dunida.

Dowladihii dalka soo maray waxay ku tiirsanaayeen kaalmada dibadda. Cilmi-baarisyada qaar

waxay tilmaamayaan in 60-80% ay miisaaniyadda Soomaaliya ka iman jirtay kaalmo dibadeed.

Runtii, qaab-goboleed kasta (18, 8, 5, 4 ama 2) oo la qaato, aad buu u yar yahay ama maba jiro

gobol Soomaali ah oo is-bixin kara dhaqaale ahaan. Xitaa markaad fiiriso dhaqaalaha Somaliland

iyo Puntland aad buu u yar yahay, mana awoodaan inay bulshada siiyaan adeegyada ay u baahan

yihiin dadku. Miisaaniyadda dowladda Somaliland waxaa lagu qiyaasaa 40 milyan halka tan

Puntland ay ahayd 20 milyan. Tan TFG iyadana waxaa lagu sheegay 115 milyan 00 80% laga

sugayo deeq-bixiyayaasha. Marka dhammaantood la isku daro waxaa cad inaan dal federaal ah

lagu maamuli karin.

Dadka Soomaaliyeed oo ay isaga danbeeyeen dowlado aan u tureyn, abaaro dabadheeraaday iyo

dagaallo sokeeye waxaa la dhihi karaa dhammaantood waa qaxooti. Kuwa dalka joogana waxay

u badan yihiin dad ka soo bara-kacay meelihii ay deggenaan jireen, kuwa dibadda joogana waaba

qaxootiga ugu roon. Haddaba, awoodaha uu nidaamka federaalku gobollada iyo dowladda dhexe

u qeybinayo waxaa ugu muhiimsan awoodda canshuurista iyo awoodda xeerinta. Waxaan la

15
yaabay caqliga keenay in la sameeyo dhowr dowladood oo canshuura ummad dhammaanteed

qaxooti ah. Cajiib!

Afar, nidaamka federaalku ma ahan nidaam, figrad ahaan, ka yimid dadka Soomaaliyeed. Ma

jirto dowlad Soomaaliyeed oo heysata kalsoonida dadweynaha oo inta baartay, dabadeed

go‟aansatay in nidaamkani uu ku habboon yahay Soomaalida. Sidoo kale, weli ma arag qof

mas‟uul ah oo aqoonyahan ah oo sameeyey cilmi-baaris, dabadeedna ku soo gunaanaday in

nidaamkani uu u yahay xal mushkiladda Soomaalida. Weli ma arag afti dadweynaha laqa

qaaday. Sidoo kale, doodda oranaysa dagaalka sokeeye wuxuu u dhacay nidaamka federaalka

la‟aantiis waa daciif. Waxay figraddani ku baahday ku-tiri-ku-teen iyo wax aan aqoon ku

dhisnayn. Kadibna, waxaa iska bartay carrabka dadka. Waxaad arki marka ay qabqablaha

dagaalka xaajadu ku adag tahay ee waxa uu rabo uu waayo inuu iskala soo boodayo, „waxaan

rabnaa nidaamka federaalka‟.

Shan, nidaamka federaalku ma daweeyo keli-telisnimada wallow uu ka mid yahay aaladaha la

adeegsado. Marka aad si dhab ah u fiiriso sababta ku kallifeysa Soomaalida nidaamkan, waxaad

dareemeysaa inay intooda badan u heystaan inuu xal u yahay keli-talisnimada. Xaqiiqatan,

waxaa jirta dood oranaysa nidaamka federaalku wuxuu u sahlaa kooxaha mintidka ah iyo kelitaliyeyaasha

inay xukun qabsadaan. Tusaale, waxaa ah dalka Jarmalka xilligii Hitler. Waxaa kale

oo jira kooxaha loo yaqaan KKK (Ku Klux Klan) inay koontoroollaan magaalooyin iyo heerardowladeedyo

hoose oo ka mid ah gobollada dalka Mareykanka. Keli-talisnimada waxaa xal u ah

in nidaamka dowladda dalku uu noqdo mid u oggolaanaya qof kasta inuu ka qeyb qaato

go‟aamada dalka – ama aan fududeeyo e inuu nidaamku noqdo dimoqraadi.

Waxaa kale oo la isticmaali karaa nidaamka labada aqal ee odoyaasha iyo kan wakiillada.

Waxaa intan lagu sii lifaaqi karaa in dowladda dhexe ay siiso gobollada iyo degmooyinka awood

hoosaad ku salaysan xeer ay iyadu dejisay (Decentralized Unitary System). Sidoo kale, waxaa la

xoojin karaa saxaafadda madaxa bannaan iyo ururrada bulshada rayadka ah, garsoorka iyo

culumada. Intan oo iskaashatay way ku filan tahay inay dowladda ka ilaaliyaan inay ku tagrifasho

awoodda. Haddii aan si kale u iraahdo ummaddu waxay u baahan tahay xukun furfuran oo

demoqraadi ah ee uma baahna mid qeybsan oo aan xasilloonayn. Dal kasta oo federal ah ma

ahan Dimoqraaddi. Bal e fiiri dalal ay ka mid yihiin Pakistan, Indoenesia, Nijeeriya, Itoobiya,

Malaysia iyo qaar kale oo soo maray xilli ay keli-talisyo ka talinayen. Sidaa darteed, waxaan

qabaa inaan loo baahnayn nidaam federal ah oo aan awood dhaqaale iyo mid aqooneed toona aan

loo heyn.

Lix, dhammaan waxyaalaha waxtarka ah ee ku jira nidaamkan waxaa laga heli karaa nidaamyada

kale ee dimoqraadiga. In ka badan 85% dalalka dunidu ma ahan federal. Waxaa federaal ah illaa

24 dowladood oo kaliya. Waxaa intaas dheer in qaar badan oo dalalkaan ka mid ah ay ka

dhaqaale badan yihiin, kana dal ballaaran yihiin Soomaalida – wallow ay jiraan kuwa magic

ahaan federaal ah laakiin xaqiiqo ahaan aan ahayn sida Itoobiya, Nijeeriya iyo Koonfur Afrika.

Dhammaan waxtarka aan kor ku soo sheegey ma jirto mid ka mid ah oo aan laga heleyn

nidaamyada kale. Waxaa intaas dheer, haddii la qaato nidaamyada kale (decentralized unitary

state), waxaa laga hortagayaa waxyeellooyinka uu nidaamkani wato. Waxyeellada ugu weyn ee

gaar ahaan Soomaalida quseysa waa xasillooni la‟aanta uu nidaamkani wato. Ma jiro qaab

heshiis lagu yahay. Dadkii waxaa kala galay colaad oo wey kala qaxeen, waxayna kala

16
tirsanayaan dhibaatooyin badan. Waxaa jira hub fara badan oo weli ku jira gacanta dadweynaha.

Intaasoo arrimood oo isbiirsaday, marka lagu sii daro nidaam federaal ah oo keenaya in arrin

kasta ay abuuri karo xasaasiyad, ayna mar walba jiraan hoggaamiyeyaal dano kale wata, taas

macnaheedu wuxuu noqonayaa Soomaalidu yeysan heshiin qarniyada soo socda. Waxaa la dhihi

karaa, ujeeddadu waa inay Soomaalidu isku-mashquulsanaato waligeed.

Toddobo, ugu danbayntii, nidaamka federaalku wuxuu xoojinayaa qabyaaladda, wuxuuna

wiiqayaa qarannimada Soomaalida. Gobol kasta waxaa isku aqoonsan qabiil gooni ah. Inuu iskuaqoonsan

yahay oo kaliya ma ahan ee waxa imanaysa inuu inta kale uusan u aqoonsan inay xaq

ku leeyihiin. Waxaa kale oo dhacaysa in adeegyada dowladda lagu dhibo ama loo diido dadka

kale oo Soomaaliyeed. Halkaas waxaa ku dhimanaya dantii guud ee qaranka iyo xuquuqdii uu

qofka Soomaaliga ah ku muteystay Soomaalinimada. Dastuurkii 1960 iyo kuwii ka danbeeyey

waxyaalaha wanaagsan ee ku qornaa waxaa ka mid ah in qof kasta oo Soomaali ah uu leeyahay

xaqa qofka kale oo Soomaaliga uu leeyahay iyadoo aan loo eegin gobol iyo qabiil toona. Dadka

Soomaaliyeed ee ka yimid Soomaali Galbeed, NFD iyo Djibouti wuxuu dastuurkaasi u oggolaa

xaqa qofka Soomaaliga ah. Waxay ahayd arrin aad u wanaagsan. Sidaasna waxaa fursad ku helay

oo wax ku bartay ama madax kaga noqday Soomaalidii xorta ahayd dad farabadan oo

Soomaaliyeed oo ka yimid gobolladaas. Haddii shaarka nidaamka federaalka loo geliyo

gobollada qabiilka ku dhisan ee Soomaalida, waxaa imanaysa in dad badan oo Soomaali ah

xuquuqdooda la duudsiyo. Kuwo gobollada Soomaali-Galbeed iyo NFD iyo kuwa gobollada kale

ku nool marka laga soo tago, waxaa dhacaysa in qaar ku dhashay gobolka lagu takooro

qabyaalad.

Gunaanad

Waxaan soo jeedinayaa inaynaan ku qancin waxa u sahlan hey‟adaha caalamiga ah iyo waxay ay

dalalka deriska ah, gaar ahaan Itoobiya, rabto. Dadka iyo dalka Soomaaliyeed ma laha

calaamadihii lama huraan ka dhigayey in nidaam federal ah lagu maamulo. Waxaa jira

waxyeellooyin badan oo uu nidaamku wato asal ahaan. Dhammaantood waxay saamayn xun ku

leeyihiin aayaha iyo qarannimada ummada Soomaaliyeed. Dhammaan waxyaalaha waxtarka ah

ee ku jira nidaamka federaalka waa laga heli karaa nidaamyada kale ee ka dhibka yar. Waxaa

intaas dheer in aysan jirin hab gobollo oo ay Soomaalidu heshiis ku tahay. Xitaa haddii ay

dhacdo in la isku raaco hab ka mid ah kuwa aan soo sheegay, waxaa muuqda inaynaan dhaqaale

ahaan iyo aqoon ahaan ka bixi karin nidaamkan.

Waxaan rumeysnahay in nidaamakani uusan annaga naga iman, uusanna xallinayn

mushkiladdeenna. Walow ay u badan tahay in niyadda bulshada caalamku aysan xumeyn oo ay

doonayaan inay xal u helaan mushkiladda Soomaalida, haddana waxaa hubaal ah in dalalka

deriska ah ay dantooda ka hormarinayaan tan Soomaalida. Itoobiya iyo Kenya waa inaynaan ka

filin inay wanaag la doonayaan Soomaalida. Waxaa muuqda in Itoobiya ay iyadu si gaar ah u

dooneyso nidaamkan oo ay weliba qaab gooni ah u rabto. Guddiyada loo saaray inay ka soo

taliyaan iyo ergada ansixisay waa dad ay inta badan Itoobiya soo xushay ama ay raalli ka

noqotay. Haddaba, taas kaliya ayaa ku filan dadka Soomaaliyeed inay ka digtoonaadaan arrintan

waayo waxaa jirta dibindaabyo lagu doonayo inaysan Soomaalidu waligeed qaran noqon.

Nidaamka federaalkuna, sida aan qabo, waxa uu ugu horreeyaa dibindaabyooyinkaas.

17
Tixraac

Ealzar, D. J. (1987). Exploring federalism. Tuscaloosa: University of Alabama Press.

Elazar, D. (1994). Federalism and the way to peace: Reflections paper 13. Kingston: Queens

University Press.

Franck, T. (1968). Why federaltions fail: An inquiry into the requistes for successful federalism

(ed). New York: New York University Press.

Lake, David A. and Donald Rothchild. (2002). Political decentralization and civil war

settlement. At http://weber.ucsd.edu/~dlake/Working%20Papers/LakeRothchilh.pdf

Riker, W. H. (1964). Federalism: Origin and operation significance. Boston and Toronto: Little,

Brown and Company.

Rosen, K. (1994). Federalism in the Americas in comparative perspective. The University of

Miami Inter-American Law Review, Vol. 26, No. 1, pp. 1-50.

Stevenson, G. (1989). Unfulfilled union: Canadian federalism and national unity. St.

Catherenes, Ontario: Gage Educational Publishing.

Watts, R. L. (1999). Comparing Federal Systems. Montreal: McGill- Queens University

Press

Watts, R. & Brown, D. (1991). Options for a New Canada. Toronto: University of

Toronto Press.

Xasan, Y. (N. D.). Wareysi Abwaan Cabdulle Raage [interview with poet Abdulle Rage].

Mogadishu, Somalia. Cabdulle Raage sheekada uu ka sheekeeyey waxaan ka

dhegeystay cajalad codkiisa ah oo uu isagu duubay. Cajaladdaas Cabdulle

wuxuu uga sheekeeyey waxyaalo badan oo noloshiisa soo maray iyo taariikh

nololeedkiisii suugaanta.

Dareenka ah inaan arrinkan wax ka qoro wuxuu markii ugu horreysay igu dhashay kadib

markii aan ka qaatay jaamacadda Ryersonmaaddo ‘federalism ah sanadkii 1996.

Waxyaalaha Qormadan ku jira qaarkood waxay ku salaysan yihiin waxyaalo aan ka

qortay (class notes-kii) maaddo aan iskuulka ku qaatay (Federalism.

Wixii ra’yigaaga ah iyo wixii aad isleedahay waa laga ilduufay, fadlan iigu soo hagaaji

emailkan hoos ku qoran.

Afyare.elmi@gmail.com

18