Somali - IRIN

irinnews.org

Somali - IRIN

God baa

ka

wadnahooda

daloola

Waayo-aragnimada carruurta Soomaalida oo aan cidina wehelin

UN Office for the Coordination

of Humanitarian Affairs (OCHA)


God baa

ka

wadnahooda

daloola

Waayo-aragnimada carruurta Soomaalida oo aan cidina wehelin

IRIN


IRIN

Shabakadda isku-xirka xog goboleedka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan IRIN, waxay qeyb

ka tahay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Iskudubaridka howlaha Samafalka oo loo soo gaabiyo

(OCHA).

IRIN waa qeyb si gaar ah ugu takhasustay, xagga ku wargelinta beesha caalamka, sidii ay tilaabo ku habboon

uga qaadi lahayd qalalaasaha ka hor yimaadda howlaha samafalka. Waxayna IRIN ka howlgashaa

xafiisyo ay ku kala leedahay: Nairobi, Abidjan, Johannesberg, Ankara, iyo Islamabad. Xogtana waxay IRIN

ka heshaa ilo badan oo kala duwan oo ay ka mid yihiin dadweynaha caadiga ahi.

Xogtaas marka la soo ururiyo kadib ayaa inta la kala hufo, lana sugo, la isu-raaciyaa sida ay isu qaadaan

karaan waxaana laga diyaariyaa warbixinno la hubsaday oo loo kala diro 46dal oo ku kala yaal Afrikada

Saxaraha ka hooseeya iyo sideed dal oo ku yaal Bartamaha Asiya.

Wararka iyo warbixinnada ay IRIN diyaariso, iyada oo la adeegsanayo qalabka elektronika, waxaa akhrista

maalin walba dad gaaraya 100,000 oo qof oo dunida dacalladeeda ku kala nool.Dadka rukunka u ahina

si toos ah ayey warbixinada u helaan.

Wararka waxaa kale oo laga helaa IRIN website (irinnews.org) iyo shabakadaha kale ee ganacsiga ee

xiriir la leh. Dadka akhristaa waxay isugu jiraan, shaqaalaha samafalka, deeq bixiyaasha, saraakiisha xukuumadaha,

aqoonyahanka,, baadariyaasha, dadka dibad joogga ah iyo warbaahinta caalamka iyo tan gudahaba.

Barnaamij idaacadeedka IRIN oo la bilaabay 2001dii, wuxuu gaaraa bulshooyinka farsamada casriga

ahi aanay weli si fiican u gaarin, waxaana hadda dhageysta dad tiradoodu ay gaarayso siddeed milyan

oo ku kala nool dalalka Burundi iyo Somaliya. Waxaa kale oo ay IRIN maamushaa qeyb la yiraahdo Plus

News oo si faahfaahsan uga xog warranta arrimaha ku saabsan wacyigelinta HIV/AIDS ee Afrika. IRIN ma

aha hay’ad ganacsi, maalgelintana waxay ka heshaa dowladaha deeqda bixiye iyo hay’adaha.

IRIN 2


Mahadnaq

Warbixintaani waxay ku saabsan tahay rafaadka ay la kulmaan caruurta Somalida marka ay dibadda u

safraan iyaga oo aan cidina wehli, ee ma aha mid lagu eedaynayo hayaanka ilmaha ama duruufaha adag

oo dadka waaweyni ku khasban nihiin kala doorashadooda. Ujeedada ay IRIN buuggaan ka leedahay waa

in ay ku muujiso waayo-aragnimada, iyo sida ay caruurta Somalidu baylah ugu yihiin uguna nugushahay

silica haysta iyo sida sharci darrada ah ee lagu geliyo Yurub iyo dalalka Waqooyiga Amerika iyaga oo

aan waalidkood ama cid kale wadin. Iyadoo markaas la is leeyahay nolosha caruurtaas ayaa sidaas ku

hagaagi doonta mustaqbilka dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.

IRIN waxay u mahadcelineysaa qireysaana kaalintooda dadkii badnaa ee kala joogay dhulalka Somalida,

Sweden, Ingiriiska iyo Kenya ee meel marinta buuggan suurtogeliyay. Gaar ahaan IRIN waxay aqoonsan

tahay ka qaybqaadashadii caruurta Somalida iyo dhallinyarada oo si geesinimo iyo daacadnimo leh ugu

deeqay wakhtigoodii.

Waxaan u mahadcelineynaa Maxamed Caddow, Yusuf Garaad, Cabdi Dhoore, Asli Kulane, Fanziya Yusuf,

Dahabo Ciise, Farxaan Jimcaale, Samsam Cabdi, Fadumo Ibrahim, Muuna Xuseen, Melanie MacFadean,

Lara Santoro, Tom Heaton iyo Ben Parker, kaalintoodii xeeldheerenimada lahayd oo ay ka geysteen, xagga

cilmi baarista, tarjumidda iyo tifafiridda intaba. Waxaan kale oo u mahadcelineynaa sawirqaaddo Jenny

Mathews.

Waxay IRIN U mahadnaqeeysa Cabdulaahi Maxamed Sheegow oo turjumay buukgaan. Sidoo kale waxay

IRIN u Mahadnaqeeysa Saciid Warsame oo Tifaftiray. Waxaa ayaguna Mahadnaq mudan Caasha Ibrahim

Adan, iyo Farxaan Maxed Jimcaale oo saxay nuqulkii ugu dambeeyey.

Wadnahooda god baa ka daloola: Waayo-aragnimada carruurta Soomaalida oo aan cidina wehelin, buuggaan

waxaa soo baartay oo qortay Lucy Hannan.

Gabdho saf ku jira

Dugsi ku yaala

Muqdisho,

Soomaaliya

Sawir: IRIN/Jenny Matthews-Network

IRIN 3


Tusmada buugga

IRIN………………………………………………………………………………………………………………………………………………….2

Mahadnaq..............................................................................……………………………………………………………………..3

Soo koobid.............................................................................……………………………………………………………………..6

Guudmar ku saabsan dulucda buuggaå……………………………..............................................................................7

Wadnahooda god baa ka daloola……………………………………………....................................................................9

Carruurta keligood safra…………………………………………………..............................................................................9

Mashruuca IRIN…………………………………………………………….............................................................................12

Khariidadda Soomaaliya…………………………………………………............................................................................13

Sheekadii Safiya…………………………………………………………….............................................................................14

Cutubka 1aad: Carruur Soomaliyeed oo aan lala socon

Gogoldhig……………………………………………………………………..............................................................................15

Dib u eegid……………………………………………………………………............................................................................16

Duruuf adag iyo xal nafla caari ah…………………………………….........................................................................17

Xigto Hargysa jooga oo go'aansaday gabar 14 jir ah inuu kaligeed dibadda u dhoofiyo .........................19

La qabsiga dhaqamada..........……………………………………………..........................................................................19

Hantigashiga gabdhaha……………………………………………………......................................................................... 20

Ismahan………………………………………………………………………..............................................................................22

Cutubka 2aad: Isxambaar: Shabakad Sharcidarro ah

Hordhac……………………………………………………………………………........................................................................25

Habdhaqanka isxambaarashada…………………………………………………............................................................... 25

Hooyo Soomaaliyeed oo geli weyday Sweden…………………………………….......................................................27

Isxambaarka-Shaqada waraaqaha…………………………………………………............................................................27

Wakiil Muqdisho, jooga oo xambaara carruurta…………………………………...................................................... 28

Musuqmaasuqa ka jira xafiisyada socdaalka………………………………………...................................................... 29

Siyaabaha dadka loo masaafuriyo iyada oo wakiillo la adeegsanayo............................................................ 30

Wiil Soomaaliyeed oo la safraya wakiillada....…………………………………...........................................................32

Shabakadda dambiilayaasha caalamiga ah……………………………......................................................................33

Aabbe Soomaaliyeed oo ilmihiisa ugu horeeyay dibadda u diraya……….......................................................33

Heshiiska xuquuqda ilmaha ee Qaramada midoobay qodobka 22naad……................................................. 34

Faallo ku saabsan gabar Soomaaliyeed oo la la’a yahav Febraayo 2002……….............................................35

Maxamed……………………………………………………………………………..................................................................... 36

Cutubka 3aad: Xannaanaynta carruur gooni ka ah qoyskoodii

Gogoldhig…………………………………………………………………………….................................................................... 39

Qaabilaadda carruur aan cidi wehlin…………………………………………….............................................................40

Habraaca shaqo ee dalka martida loo yahay………………………………………...................................................... 41

Marie Hassle, waa khabiir cilmi-nafsiga, waxayna ku takhasustay carruurta aan cidina

wehlin ee Sweden ku nool...................................................................................................................................43

Xilka saaran Soomaalida dibad joogga ah………………………………………..........................................................44

Laba dhaqan baa kala jiitay………………………………………………………...............................................................44

Ilmo sagaal jir ah, oo Kanada lagu korinayay, qof soo laabtay oo Hargeisa jooga.....................................45

Iska soo horjeedka caadada iyo is-dhexgalka bulshada…………………………….................................................46

Kala roonaan heer nololeed……………………………………………………...................................................................47

Dheef khayaano……………………………………………………………………….................................................................48

Ilhaan…………………………………………………………………………………......................................................................50

IRIN 4


Tusmada buugga

Cutubka 4aad: Riyadii Waxbarashada

Gogoldhig…………………………………………………………………………........................................................................53

Dugsiyada Soomaalida……………………………………………………………..................................................................54

La qabsi……………………………………………………………...........................................................................................54

Nidaam qalaad bay ku dhex lumeen………………………………………………......................................................... 56

Bare Sweden jooga iyo carruurta aan cidina wehelin oo baranaya Swedish……......................................... 57

Fasalka dhexdiisa………………………………………………………………….....................................................................57

Guriga iyo dhaqamada isdiiddan………………………………………………................................................................ 58

Waayo-aragnimadii haweeney Soomaaliyeed, ay kala kulantay dugsiyada Kanada.................................... 59

Mulki Muuse Galaal, Carruurta Soomaalida iyo nidaamka waxbarashada ee dalka Ingiriiska .................. 61

Bulsho Isdiiddan………………………………………………………………......................................................................... 62

Hagaajinta xiriirka………………………………………………………………...................................................................... 62

Fursadaha waxbarashada………………………………………………………….................................................................63

Hodan……………………………………………………………………………...........................................................................64

Cutubka 5aad: Aqoonsi

Gogoldhig…………………………………………………………………………....................................................................... 67

Goobaha haynta iyo xanaanada………………………………………...........................................................................68

Agaasimaha xarunta dhaqan-celinta carruurta, oo ku taal Sweden oo ka hadlaya

carruurta aan cidina wehelin………………............................................................................................................68

Go’doonsanaan iyo niyadjab.…………………………………………………................................................................... 69

Xuseen Xasan oo ah Khabiir, waxbarasho ayaa ka hadlaya dhibaatooyinka aqoonsiga..............................70

U janjeerid xagga rabshadaha……………………………………………………................................................................71

Da’yarta Soomaalida oo Finland lagu midab-faquuqay…………………............................................................ 71

Axmed………………………………………………………………………………....................................................................... 72

Dhaqanka dhul aan la kala lahayn....……………………………………......................................................................74

Cutubka 6aad: ‘Masaafuris’ labada adduun dhexdooda ah

Gogoldhig…………………………………………………………………………........................................................................75

Qoys dadkiisii la masaafuriyay……………………………………………………...............................................................76

Samatar Suudi, 28jir Kanada deggan oo booqanaya Muqdisho……..…………….............................................76

Khatarta cadaadiska asaagga…………………………………………………….................................................................77

Cabdullaahi Axmed, oo ka sheekeynaya sidii Maxamed oo ahaa 17jir haysta dhalashada Kanada,

isna adeer uu u yahay loo dilay……………..........................................................................................................77

Wiil Soomaali ah oo inta Sweden laga keenay Muqdisho dib loogu celiyay………...................................... 78

Maxamed Xasan………………………………………………………………….......................................................................78

Waddo adag oo loo marayo dib isugu milmidda………………………………….....................................................79

Gabar 14jir Soomaali ah oo Muqdisho lagu celiyay……………………………...................................................... 80

Seynab oo Soomaaliland carruurta ku soo celinaysa…………………………........................................................80

Carruurta aan Cidina wehelin ee jooga dhulalka Soomaalida…………………...................................................81

Laba adduunyo dhexdooda………………………………………………………….............................................................82

Carruur burcad ah…………………………………………………………………...................................................................83

Xiridda carruurta……………………………………………………………………...................................................................84

Xaaladda carruurta Soomaalida…………………………………………………............................................................... 84

Xaliima……………………………………………………………………………….......................................................................85

Dahabo………………………………………………………………………………......................................................................86

IRIN 5


Soo Koobid

■ Waxyaabahan ku kalifaya dadka waaweyn in ay

caruur aan qaangaar ahayn oo aan cidi wadin ay

dalalka dibadda u diraan waxaa ka mid ah, dhibaatooyinka

isdabajoogga ah ee bulshada xagga

nolosha ka haysta, ka dib toban sano oo qalalaase

ah oo ay u sii dheer tahay beesha caalamka oo

hagratay Somalida dhulkeeda oo dhan, iyada oo

aan la eegin waxa ay ugu kacayso.

■ Caruurta Somalidu waxay ku nooshahay nolosha

ugu xun adduunka, sida lagu sheegay tirakoobyo ay

sameeyeen hay’adaha samafalku; Caruurta

Somalidu dhulka Somalida kuma haystaan xuquuq

sharciyeed iyo hay’ado badbaadiya toona.

■ Sababta caruurta Somalida dibadda loogu diraa

waa waxbarasho la’aanta heer kasta leh iyo

aqoonsi la’aanta shahaadooyinka ee ka tagaan

dhulalka Somalida, xataa deegaanada dagaalka ka

soo gudbay.

■ Dhacdooyinkii 11sebtember,2001dii ka dib ayaa si

kumeel gaadh ah loo hakiyay caruurtii Mogadishu

dibadda looga qaadi jiray; hase ahaatee dadkii isxambaarka

ku shaqeysan jiray, waxay kor u qaadeen

kharashkii; waxayna beddeleen tabahoodii shaqada

iyo waddooyinkii ay mari jireenba.

■ Caruurta sida sharci-darrada ah dhulalka Somalida

looga saaro, Waxaa loo adeegsadaa qaab musuqmaasuq

ah iyo khayaano ay ka dambeeyaan xafiisyada

socdaalka ee dalalka lagu sii hakado inta

safarka lagu jiro, iyo kuwa dadka qaabilaba.

■ Siyaabaha caruurta Somalida sida sharci darrada

ah dibadda loogu saaro waxaa ka mid ah, ganacsiga

suuqa madow, kaas oo lagu qeexay warbixinta

gaarka ahayd ee Qaramada Midoobay, waxayna

xiriir la leedahay isku xirka caalamiga ah ee

dembiyada.

■ Saraakiisha Yurub iyo waqooyiga Amerika ayaa

muujiyay in ay raalli ka yihiin mararka qaarkood in

siyaabo sharciga khilaafsan loo adeegsado dib u

celinta dowlad la aqoonsan yahay oo Somaliyeed

la’aanteed, waxayna ku shaqeystaan dad Somali ah

oo dalka jooga, kuwaas oo adeegsanaya siyaabo

sharci darro ah in dadka loo dhoofiyo.

■ Ereyada “separated” ama “unacompanied” kuma

habboona in loo adeegsado duruufaha khuseeya

caruurta Somalida.

Waayo isuma dhigmaan tirooyinka kuwa magangelyo

doonka ah iyo kuwa dalka soo geleyaa iyaga oo

aan waalidkood iyo cidkale toona aanay wehlin.

■ Si caruurta Somalidu u oggolaato aqoonsiga

bugta ah ayaa xubnaha qoyska iyo dadka isxambaarka

ku shaqeystaaba waxay caruurta u isticmaalaan

dhagar, caddaadis iyo cabsi gelin iyo

qoraallo been ah oo dibadda loogu safro.

■ Caruurta Somalida oo lagu khasbo, iyaga oo aan

xubnaha qoyskooda la socon in ay dibadda u baxaan,

waxaa ka horyimaadda khataro gaar ah iyo u

nuglaansho dhibaatooyinka ay ka mid yihiin; dayac,

dhiigmiirad iyo faraxumeyn.

■ Caruurta aan qaangaarka ahayn ee dalalka dibadda

ku nooli iyaga oo haysta aqoonsi been abuur ah

waxay la kulmaan dhibaatooyin ba’an oo xagga

dhimirka ah.

■ Caruurta Somalida waxaa ku dul nool dad

waaweyn oo uga faa’ideysta nidaamka caymiska

bulshada.

■ Isbeddellada dhowaanahan socdaa waxay muujinayaan,

tirooyinka gabdhaha keligood safraya oo

la diiwaan geliyay in ay ka tiro badan yihiin

wiilasha.

■ Caruurta Somaliyeed oo aan weli qaangaarin,

labada dhaqan oo kala duwanna ku noolaaday

waxay marka ay dalka ku soo laabtaan waxay soo

noqdaan iyaga oo la khaweysiiyay ama la siray,

waxayna halis u yihiin kadeed, kufsi iyo dil.

IRIN 6


Guudmar ku saabsan dulucda buugga

Wadnahooda god ayaa ka daloola: waayo aragnimada

caruurta Somalida ee goonida ka ah

qoysaskooda.

Warbixintaani waxay ku saabsan tahay caruur

Somaliyeed oo waalidkood, ay haysato dhibaato ah,

laba daran mid dooro. Waxayna eegaysaa sida rajo

xumadaasi, markii dambe isugu baddashay ganacsi

faa’ido badan leh, iyo ka ganacsi sharci darro ah

oo heer caalami ah, oo xagga ilmaha ah,

dhibaatadii qaran-jabka ka dhalatayna waxayba

gaartay albaabada dalalka reer Galbeedka.

IRIN, waxay shaaca ka qaadday markii ugu horreysay,

sababta waalidiintu ay u siiyaan dadka

isxambaarka ku shaqeysta lacag gaaraysa

$10,000, dabadeedna caruurtooda looga

dhaqaaqo gegida dayuuradaha iyo goobaha

tareenada laga raaco ee dalal shisheeye.

Marka dambe, waxa ku dhaca carruurtaas

“goonida ah” ama “aan cidina wehelin” in

Soomaalida dibad joogga ahi ay dalka dib ugu

celiyaan.

Ubadka dalkoodii ka hayaamay iyo hubaal la’aanta

haysata ayaahoodu wuxuu ku dambeyn doono,

waa qeyb yar oo ka mid ah doodda ka taagan dibad

u dhoofidda.

Arrimaha maanta aad loo hadal hayo, xagga reer

galbeedka oo soo jiita dareenka dadweynaha iyo

kuwa siyaasadaba waxaa ka mid ah, dadka soo

galootiga ah oo dhoofka ku imanaya.

Daraasad dhowaan lagu sameeyay caruurta aan

cidina wehelin ama waalidkood goonida ka ah

ayaa muujinaysa, caruur tiradoodu ay gaarayso

100,000, oo ka kala socda in ka badan, 60 dal ay

ku nool yihiin Yurubta Galbeed, mar kastaa.

Waxyar baase lagala socdaa arrimahooda. Waxaa

dhowaan dhacay dhowr arrimood oo murugo leh,

oo muujinaya sida ay caruurtaasi baylahda ugu

yihiin haliso badan.

Tusaale ahaan haddii aan u soo qaadano, arintii ku

dhacday Victoria climbie. Victoria Climbie waxay

ahayd gabar yar oo sagaal sano jir ah oo u dhalatay

dalka Ivory Coast ee Afrikada Galbeed ku yaal.

Dalka Ingiriiska ayaa waxbarasho ahaan loogu

diray, waxaase dhacday in inta ay faraxumeeyeen

ay dabadeedna dileen gabadhii yarayd, habaryarteed

iyo saaxiibkeed.

Arrimaha kale ee dhacay waxaa ka mid ah, tii ku

dhacday laba caruur ah oo dalka Ghana diyaarad

kaga soo dhuuntay oo markii dambe meydkoodii

laga helay garoonka diyaaradaha Heathrow 5tii

Disember 2002. Waxaa kale oo iyana jiray 87

caruur qaxooti ah oo la “waayay” sannadkii 2001

kuwaas oo markii ugu dambeysay joogay dalka

Sweden.

Caruurta Somalidu waa kuwa koox ahaan ugu

badan iyaga oo aan cidina wehelin tagayay dalalka

Yurub iyo waqooyiga Maraykanka, tan iyo wixii ka

dambeeyay burburkii dowladdii Somaliya 1991dii.

Hay’adaha samafalka iyo dadka isxambaarka ku

shaqeysta ayaa IRIN u sheegay in bil kasta, magaalo

madaxda Soomaalida ee Mogadishu laga

qaado illaa iyo 250 caruur ah, in kasta wixii ka

dambeeyay 11kii Setembar ay jiraan tilaabooyin

xagga amniga oo caalami ahaan la qaaday

kuwaas oo dhimay xowligii safarka, kharashkiina

kor u qaaday.

IRIN 7


Guudmar ku saabsan dulucda buugga

Deegaannada Soomaalida ee dagaalada ka soo

doogey laftooda weli qoysasku sidii ayey caruurta

dibadda ugu dirayaan, adeegyada waxbarashada

oo xun dartood. Saas oo ay tahay marka ay dibadda

joogaan caruurta Somalidu waa kuwo aan

sidaas u “muuqan” sababtuna waxay tahay inta

badan markii ay tagaanba waxaa kaxaysta dad

sheegta in isku beel ama xigto yihiin, taas oo

hoosaasinaysa nidaamka saraakiisha diiwaangelinta

iyo adeegyada samafalka.

Inkasta oo ay dhici karto in caruurtaasi aan cidina

wehelin qaar ka mid ahi ay daryeel fiican ka

helaan xigtadooda, haddana dhamaantood

waxaa ku hareereysan musuq-maasuq aanay hore

ugu soo talagelin.

Waxay yimaaddaan iyaga oo ku raran aqoonsi bug

ah oo la been abuuray sida magaca, da’ aan toodii

ahayn, taariikh male awaal ah, kuwaas oo la soo

xafidsiiyay, waxaana lagu cabsi geliyaa in aanay

kala halmaamin wixii loo soo sheegay.

Qaarkood guryaha ayaa looga shaqeystaa waana

laga dhilleystaa, qaarna waxay gacanta u galaan

kooxaha budhcadda caalamiga ah.

Badanaaba dhibaatooyinka xagga dhimirka iyo

dayaca haystaa, waxay aakhirka geyeysiiyaan in ay

ku dambeeyeaan dambiilenimo iyo goobaha dadka

lagu xanaaneeyo.

Dahabo Ciise oo dalka Ingiriiska ku leh urur

(NGO) qaabilsan horumarinta bulshada

Soomaalida ayaa IRIN u sheegtay. “inta badan

qoyska waxaa u daran, sidii ay ku qaadan lahaayeen,

dheefta lagu qaato magaca daryeelka caruurta,

ee jaceyl iyo daryeel midna uma hayaan ilmaha.

Waxaan maqlay sheekooyin caruurtaas

dhallinyarta ah ee Somaliyeed ay ku taamayaan in

ay isdilaan oo nafta iska qaadaan, sidaas waxaa

sheegtay Dahabo Ciise.

Imaanshaha ilmaha aan qof xanaaneeya ama

waalidkiis la socon, culays weyn ayay ku haysaa

dalka martida loo yahay, waxaana su’aalaad culusi

ka dhashaan xuquuqda iyo xaaladda caafimaad ee

xagga dhimirka ee ilmahaas.

IRIN waxay fiiro u yeelatay arrinta labadeeda dhinacba

oo kala ah Xaaladaha ka jiri kara dhulalka

Soomaalida iyo kuwa dalalka martida loo yahayba,

taas oo inta badan lagu ogaaday, xogwareysiyo

caruurta iyo waalidkood lala yeeshay iyo dad kale

oo badan oo isugu jira xirfadlayaal iyo saraakiil

labadaba.

Intii cilmi baaristu socotay waa ay adkayd in la

helo dad haya, dhacdooyin guul ku dhamaaday.

Xataa caruurta aan cidina wehelin oo ugu

dambeyntii heer aad u fiican ka gaaray nidaamka

waxbarashada, waxay ka sinaayeen habka barbaarinta

oo ahaa “ha sameyn waxaas” waxayna

muujiyeen calaamado murugo iyo jahawareer leh

ee xagga cilmi-nafsiga iyo dhaqankaba ah.

Ilhan oo Sweden gashay iyada oo aan cidina la

socon, ayaa IRIN u sheegtay, in ay ka mid ahayd

koox 15qof ah oo iyada iyo mid kale oo keliya

waxbarteen. “Qaar waa uureysteen, qaar khamri

cab baa dilooday, qaar kale maandooriyaal ayay

isticmaalaan, kuwa kalena waxay ku dambeeyeen

xarumaha barbaarinta (edbinta) dhallinyarada.”

IRIN 8


Guudmar ku saabsan dulucda buugga

Kuwa saaqida inta badan Soomaalida dibad joogga

ah ayaa dib u soo celisa, waxaana loo yaqaan

“kuwii la soo masaafuriyay. Mogadishu ayay

joogaan kumanyaal caruur ah oo dib loo soo

celiyay waxayna ku sugan yihiin dacdarro iyo

nolol dhaqan ahaan dhan walba seeg ah.

Da’yaarta soo noqday marka la fiirsho sida ay u

hadlaan, u lebistaan, ama u dhaqmaan waa mid

furfuran oo dadka kale ay kaga duwan yihiin,

waxayna la kulmaan maalin walba caga jugleyn,

loo xoog sheegto, waxayna ku nool yihiin nolol

cidla ciirsi la’ ah.

Marka ay ugu sii daran tahayna waxayba u gacan

galaan mooryaan-caruur ah oo isugu dara handadaad,

kufsi iyo dil, kuwaas oo ka dhashay rafaadka

iyo duruufaha qalafsan oo caruurta asaagood ah

oo dalka ku noolaa ay hore uga jireen.

Warbixintaan naxdinta leh marka la fiirsho, iyo

duruufaha ay ku sugan yihiin caruurta ku nool dhulalka

Somalida, iyo sida caruurta loogu faraxumeeyo

xabsiyada dadka waaweyni ay ku jiraan, waxaad

arkaysaa markaas, sababaha ku kalifaya waalidiin

badan in ay u bareeraan khaatarta kaga imaan karta

isxambaarayaasha. “Marka waxaad garanaysaa

sababta dadka qaarkiis in ay ilmahooda inta

diyaarad saaraan dibadda u diraan ay tahay, waxa

ugu wanaagsan ee aad sameyn laheyd” waxaa

sidaas tiri Faadumo Ibraahim oo ah Sarkaalad ka tirsan

xafiiska Xuquuqda Aadamiga ee Qaramada

Midoobay u qaabilsan.

Toban sano oo beesha caalamku dayacday ka dib,

iyo duruufaheeda u gaarka ah dartood ayaa

Somaliya weli waxaa ka taga caruur aan cidina

wehlin.

Wadnahooda god

baa ka daloola

Buuggaan ka hadlaya waayo-aragnimada caruurta

Somaliyeed ee kelisocodka ah, wuxuu isku dayay in

uu muujiyo in horumarinta iyo kaalmadu ay lagama

maarmaan u yihiin siiba xagga waxbarashada

intii la sii cuslayn lahaa xiriirka inoo dhexeeya

dhowladaha deeqda bixiya.

Warbixintu waxay filaysaa in ay xusuusiso weli

amuurta Somalidu in ay tahay masuuliyad caalami

ah haddii ay sii socoto wax ka qabad la’aanteeduna

waxyeeladeedu cid walba ay saameyn doonto.

Carruurta keligood safra

Hay’adaha badbaadada caruurta iyo tan Qaramada

Midoobay qaxootiga u qaabilsan ee magaceedu

marka la soo gaabiyo loo yaqaan (UNHCR) waxay

ereyada “separated”iyo “unaccompanied” ku qeexeen

in loola jeedo “caruur 18sano da’doodu ka yar

tahay oo dalkooda dibadda ka jooga, goonina ka

ah labadooda waalid ama cidii kale oo horay sharci

ahaan gacanta ugu haysay xanaanadooda.

Caruurtaas qaarkood waa keligood qaarse waxaa

laga yabaa in ay la nool yihiin qaraabadooda xubno

ka mid ah.”

Qoraal ay bishii Oktoobar ee sannadkii 2000 soo

saareen hay’adaha arrimaha caruuta noocaas ah ku

shaqada leh, ee Yurub ayaa soo jeediyay in la isticmaalo

ereyga “separated” sababta oo ah wuxuu

ereygan qeexayaa baaxadda dhibaatada caruuurtaani

ka hortimaadda inta ay la eg tahay, oo ay ka

mid tahay in aanay haysan xanaanadii iyo badbaadadii

ay ka heli lahaayeen waalidkood iyo kuwa

sharciyan ay tahay in ay barbaariyaan midna, taasina

waxay badday in ay xagga bulshada iyo cilmi-

IRIN 9


Guudmar ku saabsan dulucda buugga

Shax I. Caruur aan cidina wehlin oo magan-gelyo ka doonayay dalka Ingiriiska (oo quruumo badan isugu jira)

1992 1993 1994 1995 1996 1997 1998 1999 2000 2001

Meesha laga soo galay

Waxaa Somali ah

Dalka Somaliya

Somalidee

Isugeynta Soomaalida

Tiro guud

185 245 360 490 477 671 1083 1498 1392 1647

53 38 79 64 54 122 88 156 99 57

N/A 30 59 113 156 434 1954 1851 1339 1822

N/A 65 33 78 141

53 38 79 64 54 122 153 189 177 198

185 275 419 603 633 1105 3037 3349 2733 3469

nafsigaba kala kulmaan rafaad gooni ahaantaas

darteed.” Carruurta keligood safrayaa oo aan cidina

wehlin sideedaba ma aha ififaale cusub.

Dhamaadkii 1930meeyadii ilaa iyo 1940meeyadii

dalka Ingiriiska waxaa yimid caruur badan oo

yuhuud ah oo aan cidina wehlin.

Sidoo kale 1970meeyadii caruur Vietnam ka timid

oo loo yaqiin caruurtii Vietnam ee “doonyaha” ayaa

Yurub ku soo billowday.

Carruurta ugu tirada badan ee dhowaanahan keligood

safraa, waa Ciraaqiyiin, Kurdiyiin iyo

Afganistaaniyiin.

Markii horese, sanadihii 1990meeyadii waxaa ugu

badnaa carruurta ka tegeysa Somaliya iyo

Yoguslaaviadii hore. Hase ahaatee, tirooyinka rasmiga

ah waxay ku saleyan yihiin oo keli ah caruurta

isku diiwaan gelisay magangelyo doon in ay yihiin.

Hay’adaha samafalka iyo kooxaha xuquuqda

aadamiga ka shaqeeyaa waxay rumaysan yihiin, in

ay jiraan caruur intaas ka badan oo iyaga oo aan

la ogaan ka gudba xuduudaha ama kooxo dambiilayaal

ah si uun ku gudbiyaan.

Ereyada “trafficking iyo smuggling” inta badan si

fudud ayaa la isugu beddelaa, waxayna tilmaamaan

ka ganacsiga sharcidarrada ee caruurta socotada

ah. Gaar ahaan ereyga “trafficking” sharci

caalami ah ayaa lagu mamnuucay isticmaalkiisa in

kasta oo aan loo hayn qeexid caalami ah oo heshiis

lagu wada yahay.

Midowga Yurub waxay ku micneeyeen in loola

jeedo fal kasta oo sahla soo gelitaanka, ku sii

hakashada, degidda ama ka bixidda dalka dowlad

xubin ka ah Midowga Yurub, iyada oo ujeedadu

tahay, in looga faa’ideysto faraxumeynta ubadka.

Warbixintii gaarka ahayd ee Qaramada Midoobay

ee ku saabsanayd ka ganacsiga caruurta, ayaa

qabta qeexiddaan soo socotaa in ay tahay midda

ugu habboon in loo adeegsado arrimahaan,

“Trafficking” waxaa weeye dhamaan isugeynta

ficillada kala ah, qorista ama dad dhoofin dal

gudihiis ama xudduud laga tillaabiyo iyadoo la

adeegsanayo, dhagar, xoog iyo cadaadis, iyo

khiyaano, si dad loo geliyo xaalad faraxumeyn leh,

dhiigmiirasho, ama dhilleysi lagu khasbayo sidii

addoon ula dhaqan, ama aqallada oo sidii addoon

loogu shaqeysto.”

IRIN 10


Guudmar ku saabsan dulucda buugga

Arag warbixinta xoghayaha gaarka ah ee ku saabsan

ka ganacsiga caruurta ee 1999kii, iyo heshiiskii

Qaramada Midoobay ee shirkii looga hadlayay

arrimaha ay ka mid yihiin, xuquuqda ilmaha iyo ka

ganacsiga caruurta, ka dhilleysiga ilmaha, iyo

sawirrada caruurta qaaqaawan, ee kulankii guud ee

Qaramada Midoobay, 25kii May 2000.

Sawir: IRIN/Jenny Matthews-Network

IRIN 11


Guudmar ku saabsan dulucda buugga

Mashruuca IRIN

Mashruucaan oo ay hay’adda IRIN si madaxbannaan u waddo, waxaa lacag gaar ah siiyay dowladda

Swedishka iyo Midowga Yurub, mashruucuna wuxuu ku saleysan yahay, daraasad ay IRIN ka sameeysay

sannadkii 2002 dalalka Sweden, Ingiriiska, iyo dhulalka Somalida. Wuxuuna ka kooban yahay, xog

waraysiyo lala yeeshay caruurta Soomaalida ah ee keligood safra, waalidiin, qoysas, madax dowladeed,

saraakiil ka kala tirsan, hay’adaha socdaalka iyo booliska, dad xirfadle yaal ah oo ku howlan adeegyada

samafalka ee dalalka martida loo yahay; iyo sidoo kale Soomaalida isxambaarka ku shaqeysata iyo kuwa

u fududeeya safarrada iyo qaadida caruurta dhulalka Soomaalida dibadda looga bixinayo.

Waxaa kale oo ay IRIN wareysatay, caruur Somali ah oo dibadda ka soo laabtay, iyo qoysas, hay’adaha aan

dowliga ahayn ee Soomaalida (NGO) saraakiil deegaan oo Somali ah, iyo hay’adaha samafalka ku howlan

shaqaalahooda.

Buug yarahaani wuxuu si gaar ah uga hadlayaa caruurta Soomaalida wuxuuna il gaar ah ku sii eegayaa

duruuftooda, waayo-aragnimadooda iyo xaaladda ay ku sugan yihiin dalka gudihiisa. Inkasta oo ay jiraan

daraasado fiican oo dhowr ah oo laga sameeyay, caruurta aan cidina wehelin ee maga gelyo doonka ah,

haddana sababaha caruurta dibadda loogu dhoofinayo, weli cilmi baaris fiican lagama sameyn.

IRIN ayaa hadda waxay u howlgashay in ay gacan ka geysato arrintaas, iyada oo isu dheelitireysa xogta ku

saabsan ififaalaha guurguuridda caruurta, waxayna soo bandhigeysaa sababaha waalidiintu ay caruurtooda

dibadda ugu dhoofiyaan iyo xiriirka caruurtu la leeyiiin dalkooda iyo Soomaalida dibad joogga ahba.

Ereyada “unacompanied iyo separated” ee buug-yarahaan ku jira waxay tilmaan ka bixinayaan xaaladda

caruurta Somalida.

IRIN si ay caruurta la wareystay nabadgelyadooda u badbaadiso waxay isku dhaftay wareysiyadii dhabta

ahaa, waayo aragnimadoodii iyo taxanihii sheekada oo cutub walba ku jira. Sheekooyinkani waxay muujinayaan

arrimo argagaxa leh oo gaar ahaan u saameynaya ilmaha Soomaaliyeed ee aan cidina wehelin.

IRIN 12


Guudmar ku saabsan dulucda buugga

Khariidada Soomaalia

Khariidada Soomaaliya

Dhulka Soomaaliya (somali territories)

Buuggaan, dhulalka Soomaalida waxaa loola jeedaa, dhamaan dhulkii la oran jiray Soomaaliya,intii aanay

burburin dowladdii dhexe ka hor. Waqooyi-Galbeed waxay isku magacawday Somaliland, waxay sheeganaysaa

xudduudihii hore ee British Somaliland, oo Hargeisa ay magaalo madax u tahay.

IRIN 13


Guudmar ku saabsan dulucda buugga

Sheekadii Safiya

IRIN waxay isticmaashay, silsilad sheeko ku salaysan xog wareysiyo iyo waayo-aragnimada dhabta ah ee

caruurta oo cutub kasta meesha ugu korreysa ku qoran, waxayna sharraxaysaa arrimaha hoos ahaan argagaxa

ugu haya caruurta Soomaalida oo keligood safra, iyada oo isla markaasna IRIN badbaadineysa caruurtii

ay wareysatay.

Sawir: IRIN/Jenny Matthews-Network

IRIN 14


Cutubka 1aad: Carruur Soomaaliyeed oo aan lala socon

Anigu maahi Safiyadii Somaliya ka timid, waxaan ahay 12jir lagu magacaabo Faadumo oo

diyaarad u socota debadda adeerkeed la saaran. Taasina waa wixii ay hooyadey saaka ii sheegtay, kadib

inta aan la ii wadin xaggaa garoonka diyaaradaha.

Inkastoo uusan marna, isoo eegaynin, haddana aad buu diyaaradda dusheda iigu dhowyahay. Markii uu

xalay gurigayaga yimid, hooyadey ayaa waxay igu tiri, ninkaan raac, wuxuu ku yiraahdo sameena yeel.

Gacanta ayaa weli i xanuuneysa Markii aan joognay garoonka diyaaradaha oo waraaqaha la shabadeynayay

ayuu gacanta aad iigu dhuujiyay, oo hadba markii aan dhaqaajiyaba way i xanuunaysaa.

Markii aan saakay hooyadey u ooyay, ayuu igu qeyliyay. Guriga ayay dibadda iiga saartay, wadnaha iyo

calooshaba waa i maran yihiin. Hadda ma joojin karo fikradihii aan dagaalka uga soo cararay.

Hadda arrintaas waxay iigu taagan tahay, oo madaxa iiga wareegeysaa, sida qeylada diyaaraddu iigu

wareegayso oo kale. Markii aan ka soo wada cararnay xabadaha waa qeylinaynay, daadaneynay oo dhimaneynay,

laakiin halkan, qof waliba waa ku dhaygagsan yahay hortiisa, inta diyaaradda sawaxankeedu

uu sii badanayo. Wax qeylo ah ma sameeyaan, waligay ma arag dad saan u tiro badan, oo dhar saas u

qurux badan lebisan, oo iska fadhiya buuq la'aan, xaggeebay dhamaantood u socdaan?

Gogoldhig

Sababta caruurta dhulalka Soomaalida dibadda

loogu dirayaa waxay tahay, duruufaha adag oo

bulsho ahaan u baahan waxka qabasho deg-deg

ah, ka dib markii muddo tobaneeyo sano ah ee

dalku burbur ku jiray beesha caalamkuna dayacday.

Badi caruurta Soomaalida ee aan cidina wehelin,

oo Yurub tagaya waxay ka yimaaddaan dhul

ammaandarro saameysay, ama Koonfurta Somaliya,

iyo Muqdisho oo xasiloni darro dhab ahi ka jirto,

waxaase iyana jira caruur laga soo diro deegaanada

nabdoon oo xilligii colaadda ka gudbay.

Waa gabar yar oo waalidkeed, tabaysa hase ahaatee ku khasban

sidaas, halku waxbarasho maleh. Marka la imanayo hooyga

caaruurta, xerada qaxootiga ee carlslund oo ku taal dalka

Sweden.

Sawir: IRIN/Jenny Matthews-Network

Waxyaabihii lagu noolaan lahaa oo la waayay, iska

horimaad joogto noqday, iyo adeegyadii assaasiga

ahaa oo meesha ka baxay, siiba waxbarashadii iyo

caafimaadkii, ayaa waxay dhaliyeen, in lagu

kalsoonaan waayo mustaqbalka.

In carruur aan qaan gaar aheyn iyo dhallinyaro

dibadda loo diro, ayaa waxay noqotay xeeladda

dhaqaale, iyada oo maanka lagu hayo in ilmuhu, si

ay yeelaanba ay u suurtoobi doonto in ay lacag

joogto ah reerka u soo diraan.

IRIN 15


Cutubka 1aad: Carruur Soomaaliyeed oo aan lala socon

Dib u eegid

Somaliya ma ya lahayn dowlad dhexe, oo sheqeyneysay tan iyo 1991dii, markii taliska madaxweyne

Maxamed Siyaad Barre uu burburay, dabadeedna dagaal oogayaal iyo kooxo beeleedyo hardamayaa ay

dalkii kala daadiyeen.

Dadku waxay bilaabeen inay Somaliya dibadda uga soo yaacaan, 1980meeyadii, markii Siyaad Barre uu

ciidamadiisa nabad sugidda, iyo kuwa xoogga dalka kula jeestay dadkiisii. Taas oo ku khasabtay dad badan

inay dibadda u firxadaan, ama ay miciin badaan xero qaxooti oo ku yaal dalalka deriska ah.

Markii ay isbiirsadeen dowlad shaqeyso la'aantiis, dagaaladii oo dabadheeraaday iyo dayacii xagga beesha

caalamka oo joogto noqday, oo uu halkiisa ka sii socdo dibad u yaacii badnaa. Dadka Somaliyeed oo

dhaqan ahaan ay caado u ahayd safarka, ganacsiga iyo xiriirka xigtada ayaa waxxaa u suurogashay in ay

sidii ay doonaan xudduudaha uga tallaabaan, ayaa hadda lafteeda sidii oo kale doonaya inay

caadooyinkoodii hore waafajiyaan, nolol aad uga duwan toodii hore, oo cusub.

Waxaanu sameynay shabakad Somaliyeed oo gobolka iyo caalami ahaanba noqotay dhuuntii ay soo

maraysay nolosha boqolaal kun oo Somali ah oo doonaya inay ka baxsadaan dalkooda colaadda ka

aloosan.

Somalidu inkasta oo tiro ahaan ayan sidaas u sii badnayn oo ay gaarayso ilaa 7-8 milyan, haddana si weyn

ayay isu baahisay oo u fidday.

Nolosha kala daadsan, oo adag ee xeryaha qaxootigu waxay dad badan u noqdeen, meel wax lagu sii sugo

oo lagu hakado, inta laga helayo kharashkii lagu geli lahaa Ingiriiska, waqooyi Ameerika, Yurub ama dalalka

Carabta.

Xitaa dadka qaraabo qansaxa ah ama qaraabo durugsan, ee dibadda joogta ayaa markaan oo kale, isxilqaamaya

iyaga oo eegaya xagga dhaqanka ama waajib dadnimo ahaan isu saaray in ay kaalmo u fidiyaan

dadkaan ay haleeleen masiibooyinka aan horay loo arag ee sida: Colaad, baahi, fowdo iyo saboolnimo

dalkoodii ku habsatay.

Sanadki 1992dii waxaa dhacay dagaallo belaha-dhexdooda ah, waxaa kale oo la biliqeystay cuntada deeqda

aheyd, waxaa xigtay abaar lagu hoobtay, waxaana maalintii koonfurta ku dhiman jiray 1000 qof. Sida

laga soo xigtay hay’adaha samfalka, waxaa is le’eg kharashka cuntada deeqda ahi ku fadhido iyo kan ay

qaataan dableyda cuntada ilaalisaa.

Ciidamo Mareykan horkacayo oo Qaramada midoobay, (UNITAF) oo tiradoodu 30,000 gaareyso waajibkooduna

yahay, “In ay abuuraan jawi xasiloon, oo deeqda baniaadanimo dadka lagu gaarsiiyo,” dalka

oo dhan.

Waktigaas isaga ah waxaa lagu tilmaamay dagaaladii iyo abaarihii Somaliya ka jiraya, in ay ahaayeen

qalalaasihii ugu xumaa oo ebid soo mara dadka dunida kku nool. Waxaa la dilay qiyaastii 400,000 oo qof,

waxaana lagu khasbay dad gaaraya milyan iyo badh in ay dibadda u qaxaan. Markii dambena dilkii nabad

ilaaliyaasha iyo askartii Maraykanku, waxay soo dedejiyeen in beesha caalamku ka baxdo dalka sannadkii

1993dii.

Soo faragelintii Somaliya ee loo arkay in lagu guuldarreystay, waxay noqotay halqabsi caalami ah oo loo

cuskado, iska hor imaadyada iyo masiibooyinka baniaadanimo oo dib dambe dunida uga dhaca.

Burburkii ku dhacay dowladdii dhexe iyo ka bixitaankii ciidamadii ka socday beesha caalamku kadib, dalku

wuxuu u kala jabay maamullo kala gooni ah iyo beel beel..

1991 ayaa waqooyiga Somaliya, iskeed ugu dhawaaqday, inay dib ula soo noqotay habkeedii gooni isutaagga

ahaa, waxaana la baxay Somaliland. Gobollada kale sida Puntland oo xagga waqooyi bari xiga,

waxay iyana ku dhawaaqday aayo ka talinteeda, waxayna dhisatay maamul madax bannaan, inkastoo dee-

IRIN 16


Cutubka 1aad: Carruur Soomaaliyeed oo aan lala socon

marsiiyay, dabadeedna dalka Ingiriiska geeyay.

Isxambaarihii intuu meel telefoonada laga dirsado

ag taagay ayuu Axmed halkaas uga dhaqaaqay.

Wuxuu Axmed markiiba helay qoys ay qaraaboqansax

yihiin oo ka kooban haweeney iyo toddoba

carruur ah oo aqal yar ku wada nool. Caruurtii

baa Axmed naftii u keenay, “si gaar ah bay iila

dhaqmeen, imana ay jecleyn” ayuu yiri. Axmed

markii dambe wuxuu seexan jiray meel dhulka ah

oo ka mid ah dhismaha urur bulsho, habeenba

meel seexo iyo hadba reer Soomaaliyeed ayaamo

la joog ayuu in muuddo ah ku jiray. Muddo dheer

dugsi ma uu aadin, markii uu tagana waa uu

necbaa, “dhibaatooyin ayaan dugsiga ku qabay,

dhibaatooyin xagga afka ah ayaa i haystay, fasalka

waa iska dhex fadhiyay mooyee, waxba kama

aan fahmeyn waxa ka socda. Shaqo-guri in aan

ka soo shaqeeyo aad bay iigu adkayd waayo meesha

aan degganahay aad bay ciriiri u tahay. Mar

kasta shiddo uun baan ku dhex jiray, markii

dambana waaba aan isaga tagay dugsigii.” Ayuu

Axmed yiri.

Fursadaha waxbarashada

Inkasta oo ilmaha aan cidi

wehelin oo qaxootiga ahi, uu

leeyahay xuquuq la mid ah tan

ay leeyihiin ilmaha ku dhashay

Yurub iyo waqooyiga Ameerika,

saas oo ay tahay hadana,

waxbadani waxay ku xiran

tahay kartida, ilmaha dibadda

ka yimid furasaddaas uga

faa’ideysan karo. Marka la eego

carruurta aan cidi wehlin

arrimahooda, iyaga waxaa

haysta hagardaamooyin badan oo gudaha ah sida;

sas iyo argagax, qulub iyo isku mashquulsanaan,

hooyo la’aan, go’doon. Kuwa xagga dibadda ka

haysta waxaa ka mid; aqoon la’aan, af shisheeye

naceyb, daandaansi, isu-dulqaadasho la’aan

diineed oo laga yaabo in ay saameyn ku yeelato

koriimada iyo kartida ilmaha.

Waa adag tahay runtii sida muuqata ilmo loo soo

diray dibadda si uu uga dhabeeyo “riyadii”

waxbarashada heerka sare ah, ama fursad

wanaagsan uu u helo. Sheekooyinka dadka arrimahaas

guusha ka gaaray way yar yihiin. Haddii ay ku

guulaysan waayaan, dalabka nidaamka

waxbarashada qalaad, waxaa suurtogal ah in

ilmuhu markaas u nuglaado qulubka, xadgudubyada,

ku tiirsanaanta maandooriyaasha, ama ay faldambiyeedo

caado ka yeeshaan. Marka heerkaan la

soo gaaro, ayaa waxaa bilaabanaya farqi weyn oo u

dhexeeya labada adduunyo ama laba aqoonsi,

markaas ayaa ilmaha aan cidina wenlini wuxuu ku

dhex dhacaa bohol weyn oo jahwareer leh.

Magaalada London waxaa ku yaal naadiyaal, ardaydu ay ku

diyaarsan karaan layliyada dugsiga laga soo siiyo, dayaca iyo

jahawareerku waxay keeni karaan karti yari.

Magac:IRIN/Jenny Metthews-shabakad

IRIN 17


Cutubka 1aad: Carruur Soomaaliyeed oo aan lala socon

badan kuwa waaweyn, sida ay Amina IRIN u

sheegtay.

“Waxkasta halkaa waa ay burbureen ayay leeyihiin,

sidee baan carruurteyda halkan ugu sii hayn

karaa? Waxayna rumeysan tahay, sida kaliya oo

arrintaas lagu joojin karaana waa iyada oo la helo

dugsiyo waxbarasho, isbitaallo, hubka dhigis,

nabad, xukuumad iyo waxyaabo kale oo badan”.

tahay,dadka ku nooli waxay leeyihiin waxaa nagu

kallifaya inaan caruurta dibadda u dhoofino

iyada oo ayan jirin waxbarasho hagaagsan iyo

isbitaallo, dhaqaaluhuna uu liito.

Xagga Muqdisho, waalidiin caruurtooda dibadda u

dhoofiyay ayaa sheegay inay damacsan yihiin in ay

ka daba tagaan caruurtooda ka dib marka ay si

nabadgelyo ah dalka dibadda uga baxaan.

Qaar kalena waxay xoogga saaraan, dhinaca qorshe

xeeladeedka dhaqaalaha, “Ujeedadu waxay

tahay ilmaha mar haddii dibadda loo dhoofiyo,

wuxuu noqonayaa il dakhli dhaqaale ka soo galo”

Cabdirashiid Xaaji Nuur, oo ka tirsan heyadda

Concern, oo muqdisho ka howl gasha, ayaa wuxuu

IRIN u sheegay in sababta ugu weyn ee waalidiintu

ay ilmaha dibadda ugu dhoofinayaan ay tahay,

in ilmuhu soo diraan lacagta dalka ay martida u

yihiin ugu deeqo.

Mid ka mid ah shaqaalaha samafalka oo Hargeisa

magaalo madaxda Somaliland jooga, ayaa wuxuu

ku tilmaamay arrin maskaxda Soomaalida oo

dhan ku wareegeysa sidii ay ku heli lahaayeen

ruqsadaha dal –ku- galka. Qof kasta oo halka

joogaa wuxuu diyaar u yahay in uu xitaa naftiisa

u iibsho si uu ku helo ruqsadda dal ku galka,

waxay iibiyaan guryahooda, geelooda hantidooda

iyo dahabkooda waxayna ku faraxsan yihiin in s-

i ama hel ama waa ah- ku siiyaan wakiilada isxambaarka

lacag gaaraysa US $10,000 si qof

dibadda loogu dhoofiyo.

Somaliland inkasta oo ay ka xasiloon tahay marka

la barbar dhigo deegaanada kale, saas oo ay

Hase ahaatee, markii in muddo ah la joogo, ayaa

caruurta iyo waalidiinta waxaa ka dhex abuurma

ismaandhaaf xagga dhaqanka ah. Waalidiinta iyo

xigtada kaleba, waa in ay runta aqbalaan,

ogaadaana in caruurtoodu ka tagayaan waxyaabihii

dhaqan ahaan lagu yaqiin qaarkood, sida afka

iyo dhaqanka diinta Islaamka oo ay fududeystaan.

Faduma Maxamud Cali, oo ah hooyo 43jir ah, ayaa

tiri, markay ugu dambeyn aragtay wiilkeedii ugu

waynaa wiilasheeda, Muqdisho wuxuu joogay, wax

aan dhameyn laba toddobaad “waa yimid, wuxuuna

waydiistay inuu si degdeg ah u baxo” ayay

IRIN u sheegtay; waxa kale oo ay intaas ku dartay,

Fadumo oo tiri, “hase ahaatee kama aan xumi

inaan dibadda u diro, inkasta oo habdhaqankiisa

aan dhibsaday, waxay ila tahay wax laga xumaado

ayay noqon laheyd, haddii ay duruuftu sidaan ka

duwan tahay laakiin sida ay wax yihin hadda

marka loo fiirsho, waxaa na horyaal dhibaato taas

ka weyn, dhibaatada noogu wayn oo na heysaa

waa dagaalka”.

Dadkii Muqdisho, lagu xog-wareystay waxay

sheegeen, in badi qoysaska carruurtooda dibadda

u dhoofiyay in ay yihiin qoysas maalqabeen ah oo

carruurtooda ku filaa ama ku heyn karay dee-

IRIN 18


Cutubka 1aad: Carruur Soomaaliyeed oo aan lala socon

gaanadooda, amaankooda sugan yahay, ama

waxay ku dari kareen dad ilaaliya oo la socda. Hase

ahaatee, nolosha ceynkaas ah waa mid culeys

badan qaalina ah.

Qaar badan waxay door bidi lahaayeen in caruurta

loo helo hab leh wax soosaar ama deegaan

xasiloon oo dibadda ah, halkaasoo ay ilmaha iyo

qoyskuba dani ugu jirto.

Qoysaskani waxay awoodi karaan in ay carruurtooda

ka bixiyaan kharashka xagga

waxbaarashada ee dugsiyada sida gaarka ah loo

leeyahay oo Muqdisho ku yaal ama waxay lacag

siin karaan barayaal si gaar ah ilmaha wax ugu

bara, waxaas oo dhan waxay ka doorteen in ay

lacag fara badan inta uruuriyaan caruurta isxambaar

ahaan dibadda ugu dhoofiyaan.

Waxayse taas ka door bideen, inay kuus lacag ah oo

ay ururiyeen siiyaan isxambaarayaasha, si ay dibadda

ugu dhoofiyaan, “Caruurteyda waa keydkeygii

hantiyeed” waxaa si cad u tiri haweeney afar caruur

ah u kala dirsatay Sweden iyo Ingiriiska.

Xigto Hargysa jooga oo go'aansaday gabar

14 jir ah inuu kaligeed dibadda u dhoofiyo

Waan ku khasbaneyn inaan iyada dibadda u dhoofino sababtoo ah, tayo xumada waxbarashada halkan,

waxaana doonaynaa inay hesho waxbarasho wanaagsan, si ay u yeelato mustaqbil sugan, waalidkeed waa

sabool, hase ahaatee anagaa ka bixinayna kharashka waxbarashadeeda, waxaan isticmaaleynaa baasaboorka

dad horay u haystay, waraaqaha sahla dibad u dhoofidda.

Waxaa gacan na siinaya dad waayo arag ah, marka hore waxaan iyada ku daraynaa dad qaraabo ah oo

heysta warqado sharciyaysan dabadeed markii ay gaadho meesha ay u socotay, waxaa halkaas ku sugaya

dad kale.

Haa waa ay tebi doontaa waalidkeed waayo waa ilmo yar, waase lagama maarmaan; waxaa laga yaabaa

halkan inay nabad tahay, waxbarashose ma leh.

Waxaan xataa meel uga dhacnay dhaqankii, markii aan gabar iyo hooyadeed aan kala reebnay, waxaase la

wada ogyahay wixii ay leedahay qof haween ahi, waa ka masuulsan tahay wiil, waana ka degan tahay, waxaan

filayaa inay taakuleyn doonto qoskooda.

Waxaan rumeysanahay in aan tan sameyno kharash kastaa ha inoogu kacdee. Waxaa jirta maahmaah

tiraahda “waxaad aragtaad rumeysataa” waxaan aragnay dad kale oo waxaan oo kale sameynaya, waana

inaan rumeysanaa, in ay nabad ku degi doonto, si ay ujeedooyinkeedu u meel maraan.

La qabsiga dhaqamada

Soomaalidu waa u diyaar in ay u bareeraan halista

ka iman karta, caruur aan cidina wehelin in dibadda

loo diro, sababtuna waxay tahay “maahan arrin

ku cusub”mid ka mid ah Soomaalida gargaarka ka

shaqeeya ayaa IRIN uga sheekeeyay.

Dhaqan ahaan bulshada Soomaalidu waa reer

guuraa, qoysaskuna waxay ku tiirsan yihiin

shabakadda qaab beeleedka. Guurguuridda joogtada

ah, Somalidu dhul badan bay isaga gudubtaa,

waxayna ka tallowdaa xuduudo dhuleed iyo kuwo

dadyow intaba.

Intii ayan burburin dowladdii Somaliyeed caadi

bay iska aheyd in caruurta dhallinyarada ah loo

IRIN 19


Cutubka 1aad: Carruur Soomaaliyeed oo aan lala socon

diro inay la soo joogaan muddo dheer ayeeyayaashood

iyo awooweyaashood iyo xigtada kale. Hase

yeeshee, burburkii dowladdii iyo dadkii badnaa oo

yaacayay ayaa waxaa ka dhashay wax dooriyay

dhaqankii hore u jiray.

Hadda carruur yaryar ayaa loo dirayaa dalal aanay

dhaqankooda aqoon, waxayna halkaas ku maqnaanayaan

muddo aan la ogayn, iyada oo wax

xigto ah oo gacan siinayaa aysan jirin.

Markii hore wiilasha dibadda loo diro ayaa gabdhaha

ka badnaan jiray, warbixin laga helay ilaha

socdaalka ee Yurub, ayaa lagu sheegay nin wiilal

Soomaali ah oo ka badan gabdhaha ay Yurub soo

galeen horaantii ilaa bartamihii 1990meeyadii. .

Qoysas badan ayaa bilowgii dagaalka, wiilasha

dibadda u saaray iyagoo ka baqaya wiilashooda

inay mooryaanta dhinac ka raacaan, si ay dagaalka

ugala qeyb qaataan, ama ay bartilmaameed

beeleed noqdaan dagaalka dartiis.

Hantigashiga gabdhaha

Cilmi baaris ay IRIN ku sameysay dhulalka

Somalida, waxay muujinaysaa hadda in ay gabdhuhu

yihiin maalgashiga ugu fiican.

Soomaalidu waxay ogaatay, sida ay leeyihiin in gabdhuhu

ka aaminsan yihiin, kana wax soo saar badan

yihiin, dibadda marka la joogo, wiilashuse waxay u

badan yihiin, inay dhan fal-dambiyeed jiitaan,

dabadeedna ay awoodi waayaan inay reerka lacag u

soo diraan. Taasna waxaa laga yaabaa inay ugu

wacan tahay, dhibaatooyinka gaarka ah ee ragga iyo

wiilasha Somalidu ay kala kulmaan dhaqanka reer

galbeedka, halkaas oo ay waayaan kaalintoodii

dhaqan ahaan, ay u lahaayeen iyo talintii, waxaana

xaaladda sii xumeeyay shaqo la’aanta.

Teeda kale haweenku waxay qabaan, in kaalintoodi

sare u qaadeen dalalkani- sida: dhulka Ingiriiska,

halkaasoo haweeneyda iyadu qoyska u madaxda

ahi ay soo qaaddo deeqda dowladdu qoyska siiso:-

Taas waxaa u sii dheeraa dhaqan ahaan, oo xagga

waxbarashada mudnaanta koowaad wiilasha

waaweyn la siin jiray, hase ahaatee, dabayaaqadii

1990meeyadii arrintaas isbeddel wayn ayaa ku

dhacay oo waxaa la arkay, wixii wakhtigaas laga

bilaabo tiro badan oo soo kordhaysa oo ah gabdho

aan cidina wehelin oo dibadda loo dirayo.

Somaliland oo ah bulsho aad qunyar socod u ah,

isbedelka noocaas ah ee hablaha waa ifafaale yeelanaya

aqoonsi bulsho. Suugaan isugu jirta

maadeysyo iyo maansooyin ayaa lagu soo bandhigay

waxtarka hablaha dibadda loo dhoofinayo, iyo

dhibaatooyinka wiilasha dhallinyarada ah iyo ragga

ka heysta galbeedka.

Dalka Sweden tirakoobyada laga helay xafiisyada

socdaalku waxay muujinayeen, in sanadkii 2001,

ay soo galeen 461 carruur ah oo aan cidina la

socon. 48 waa Soomaali waliba 29 ka mid ah waa

gabdho. Soomaalidu waxay aheyd kooxda labaad

ee ugu tirada badan, marka laga tago ciraaqi iyo

kurdiyiinta, 184, 20 kaliya ayaa hablo ahaa.

Hase ahaatee, burburka ku dhacay qaab dhismeedkii

qoyska dhaqan ahaan, wuxuu baday gabdhahaan

yaryar ee Soomaaliyeed ee qoysaskoodii

goonida ka ah, inay si gaar ah halista beylah ugu

noqdaan.

Waagii hore waxaa jiray xeer lama dhaafaan ah, oo

IRIN 20


Cutubka 1aad: Carruur Soomaliyeed oo aan lala socon

ka hadlaya dadka xigtada ka mid ah, oo ay tahay

in lagu aamino ka warqabka nolosha gabadha.

Hooyooyinka Soomaalida middood ayaa iyadoo ka

sheekayneysaa sidii la is yeeli jiray tiri: “walaashey

ilmaheyga waan ku aamini lahaa, walaalkeyse

maya, sababta oo ah wuxuu qabaa waa naag kale,

oo caruurta iyadu hayn doonta. ninkeyga walaashiis

haa waa ku aamini karaa, ninkeyga walaalkiise

maya, haddiise walaalkeey ama ninkeyga walaalkiis

ay doobab yihiin waa ku aamini karaa”.

Duruufaha degdegga ah ee xagga bulshada hadda

ka jira, dartood, qoysaska Somalidu waxay hadda

raalli ku yihiin, inay carruurtooda u diraan qoysas

ay qaraabo qansax isu yihiin. Teeda kale waxaaba

dhici karta, in dadkii xigtada ahaa oo dhaqan

ahaan ay aheyd in xanaanada caruurta lagu

aamino, marka la fiiriyo qaabka reer galbeedku u

dhaqmo, inayan ku habboonayan in ay caruurta

hayaan. “Waalidiintu ma dareensana adeerka galbeedka

ku nool inuusan aheyn adeerkii hore, ee uu

si aad ah u doorsoomay. Waa adeer khamriga

cabba hadda, oo aan shaqeyn, aan laheyn cid ka

warqabta guriga, isna naftiisa kama adka”.

Dadka Ingiriiska ka soo laabtay midkood ayaa

sidaas IRIN ku yiri. Saas oo ay tahay haddana,

qoysas Somaliyeed ee dalka jooga, diyaar uma aha

inay ka garaabaan dhibaatada qaraabada dibadda

joogta, ka heysata, inay hayaan caruur aan lala

socon: waxaaba loo heystaa waxkasta oo dibadda

jira inay ka fiican yihiin wixii dalka yaal. “waxaan

diyaar u nahay inaan u bareerno halis kasta, waayo

waxaan rumeysan nahay in qof kasta oo dibadda

ku nooli uu raaxo ku jiro.” Hooyaa sidaas tiri.

Soomaalidu waxay dhaqan ahaan u leedahay in ay

afka isugu gudbiso farriimaha, waxaana taas hadda

aad u sii sahlay adeegsiga telefoonka iyo internetka,

oo ay iskula xiriiraan xigtadooda dibadda jirta,

iyo kuwa dalka joogaa, xiriirka noocaas ah marka la

barbar dhigo, dadka kale ee dibadjoogga iyo qaxootiga

ah, kan Somalidu waa caadi dhaaf.

Waxayna taasi dhashay in ay ku dhiirigeliso

qoysaska in ay caruur yaryar dibadda u diraan,

iyaga oo rumeysan hadallo kutiri kuteen ah, oo

oranaya shabakadda beeshu si hagaagsan ayay

dibaddana uga shaqeysaa. Ugu dambeyntii dadka

qaar ayaa si cad u diiday in ay rumeystaan, in ay

Gabdhaha waxaa loo tixgeliyaa inay yihiin maalgelin wanaagsan-

Tiro sii kordheysa oo gabdho ah ayaa loo diraa dibeda.

Sawir: IRIN/Jenny Matthews-Network

IRIN 21


Cutubka 1aad: Carruur Soomaaliyeed oo aan lala socon

jiri karaan ilmo ku khasbanaaday in uu Hoteel

seexdo.

“Anigu ma rumeysni, in marna caruurteydu ay cid

la’ yihiin, waayo ilmo kastaa wuxuu leeyahay abtirsiinyo,

markastaa qof qaraabo ah ayuu helayaa,

malaha waxaa la yiraahdaa caruuraan cidi la

socon, waxaa laga yaabaa in dadka qaraabada ahi

Ismahan

Xilligii dagaalka uu Muqdishu ka batay,

ayaa Ismahan muddo sannad ka badan

waxay joogtay Kenya, iyo Ethiopia, waxayna

isku dayeysay sidii ay Yurub ugu

bixi laheyd. Qoyskooda ayaa dhowr goor

isku deyey inta la geeyay garoonka

diyaaradaha in uu dibadda u dhoofiyo,

intii hore kuma aysan guulaysan, markii

dambe oo ay Sweden tagtayna waxay

noqotay qof kale:

“Wakiil baa ii bixiyay magac cusub, da’diina

iga bedelay, wuxuuna ii sheegay waddada

aan oranayo waan daganahay. Laba

maalmood ayaan ku xafiday sheekadeyda.

Wuxuu iiga tagay saldhig boolis iriddiisa,

wuxuuna igu yiri cidna ha ii sheegin.

Taageero kaga timid macallimiinteeda iyo qaraabadeeda aawgeed, Isahaan waxay nolol kasamaysatay

Stockholm-laakiin waxay jeclaan lahayd inya ku laabato soomaaliya.

Qaraabadeyda ayaa isku dayday in 1992 ay dalka dibadda iiga saaraan, waxaan ahaa gabara kaliya waxayna

ka baqayeen waxa igu dhici karay, waxaa isoo koriyay ayeeyday iyo awoowgey, waayo hooyadey markii

ay I dhashay waxay ahayd 16 jir, markii iyada waxaan u aqiin sidii xubin ka mid ah qoyskayga, ee hooyadey

inay tahay uma arkayn. Ma aanan ogeyn inaan Yurub imaanayo, ma aanan rabin ayeeyday in aan ka soo

tago, waan jeclaa dunida oo dhan bey ii aheyd. Isaga (wakiilka) ayaa inta yimid iga watay guriga, hase

yeeshee, qofna iima sheegin, meesha dhab ahaan aan u socday, wuxuu ii bixiyay magac cusub, iyo da’ kale,

markaas 14jir ayaan ahaa, wuxuuse igu yiri dheh 11 jir baan ahay, wuxuu ii sheegay xitaa wadada aan

oranayo waan deganahay, qof kale ayuu iiga tagay, sheekadeyda laba maalmood ayaan ku bartay, dabadeedna

intuu ii yimid ayuu garoonka diyaaradaha I geeyay.

Halkan Sweden markii aan nimid, waxaan wada marnay qeybta baasaboorada, markaas inta I waday ayuu ii

geeyay reerahooda, hal habeen baanna la seexday. Maalintii xigtay, wuxuu iiga tagay iridda saldhig boolisku

IRIN 22


Cutubka 1aad: Carruur Soomaaliyeed oo aan lala socon

ay ka baqayaan in ay madaxda horyimaaddaan,

waxaa sidaa yiri qof Somali ah.

Dad yar baa garowsan sida ay u kala fog yihiin

xaqiiqda iyo riyadu.

Ismahan

leeyahay, wuxuuna igu yiri cidna ha u sheegin, sida wejigaygu u egyahay, hana iga sheekeyn, waxa kale oo

uu ii sheegay inuu ila soo xiriiri doono markale, dib dambe warkiisa uma maqal.

Boolisku su’aalo badan ayay af Igiriis igu waydiiyeen: sida xaggeed ku dhalatay, sideed ku timid halka? Faray

iga qaadeen iyo masawir, waxayna igu qaadeen baabuur yar oo boolisku leeyahay, waxayna I geeyeen xarunta

dadka magangelyo doonka ah, laba maalmood ayaan halkaas joogay, dabadeed waxay ii sheegeen in la

ii geynayo qof masuul iga noqda, inta howlaha magangelyo doonku socdaan.

Markaas qof Somali ah wali lama kulmin, oo xaaladdeydu waa murugsan tahay, waxaan ka qoomameeyay

ka soo tegidda waddanka. Waxaan filanayay isla markiiba nolol ka wanaagsan tii anaan horay ugu noolaa,

waxaanse la kulmay dad aad u qabow, iyo xilliga oo shiddo badnaa.

Qofna ma aaminsaneyn, waana aan hadli kari waayay, waxaana ku dambeeyay xarunta qaxootiga ee

Carslund. Waxaa la I siiyay qol ii gaar ah, oo marka hore aad dareemeysid inaad xabsi ku yara jirtid. Waxaa

jira qodobo badan oo sharci ahaan loo raaco, Sida: wakhtiga la tooso, la quraacdo, wakhtiga la seexdo, iyo

waxa la sameeyo. Ugu dambeyntii waxaan la kulmay Somali farabadan.

Markaas ayaan bilaabay in aan dhaqdhaqaaq xor ah sameeyo, waana aan ka helay markaas jawiga, la joogay

waxaa jirtay koox isla dhexdayada ah oo aad isugu duubneyd sidii qoys qura Soomaali, Ciraaqiyiin, Bangaladesh

iyo dad ka kala yimid, dalal kala duwan. Haddii midkeen, dhibaato ku timaaddo inta kalaa u wada gurmaneysa,

si aan isu badbaadino. Haddii qaar banaanka naga joogaan waa u wada gurmaneynaa, wax kastaa waa

hagaagsanaayeen, waxaanse aad u tabayay ayeeyadey, waxaan dareemay inaan ahaa qof dayacan oo murugsan.

Markii dambese waxaa ii suurtogashay inaan la xiriiro ayeydeey, dabadeedna hooyadey oo Talyaaniga joogtay.

Waxaan galay aqal wayn oo ii gaara, dhibse badnaa waxaan ahaa 17jir keligeed ah, oo dhinac laga rabo

kharashka guriga inay bixiso, dhinacna waxbarasho ugu socoto.

Sweden waxaaba lagugu dhiirigelinayaa inaad gooni u noolaatid, waa dhaqanka halka yaal hadda- ardayda

aad isku fasalka tihiin waxay mar walba kaaga sheekeynayaan Guur-guurkooda, waxaad arkaysaa carruur

da’doodu 15sano tahay oo qoyskooda ka guuray.

Habaryartey ayaa inta baraheygii u tagtay u sheegtay inaan gacan qabasho u baah nahay,dabadeedna barihii waa

I gacan qabtay. Madax banaanideydana waan jeclaa, xiriir sidaas u wanaagsanse lama laheyn bulshada Somalida.

IRIN 23


IRIN 24


Cutubka 2aad: Isxambaar: Shabakad Sharcidarro ah


Baasboor” ereygaas waan fahmayaa, aniguse ma heysto, Maxamedkii wakiilka ahaa ayaa horay

iiga sii qaatay, markii uu telefoonada garoonka diyaaradaha u dhow, agtiisa iiga tegay. Wuxuuna i yiri sug

inta habaryartaa kaa soo waceyso, markastana ku celi isla sheekadaadii oo ha baddalin, waxna ha ku

darin, ayaa Maxamed igu yiri, haddii kale dhibaato badan ayaa kugu dhaceysa.

Telefoonkii ayaan muddo saacado ah ag taagnaa, tin iyo cirib roob baa i qooyay, markii dambe waxaa la

ii keenay nin lebisan dharkii askarta.

Ma aanan jecleysan sida ninkaas cadi isagoo qeylinayo uu faraha iigu soo taagtaagayo. Waxaan bilaabay

qarqaryo ba’an, oo aan ilkaha isla dhacayo, korkiina iwada gariirayo. Ninkii caddaanka ahaana qeyladii

buu kor u sii qaaday, markaasaan anna garbasaarteydii wajiga ku duubtay, si aanan u eegin ninkaas. Lama

aanan hadli karin, waxaan u maleynayaa inuu i qabtayba. Xaggee bey i geynayaan? Waxaan rabaa in aan

dalkeygii dhaqso ugu laabto. Turjubaankii ayaa dalkaan magaciisa ii sheegay iyo in ay habaryartey ii raadinayaan.

Wuxuuna iga codsaday in aan oohinta joojiyo. Wuxuu igu yiri haddii aad iyaga la hadasho

dhibaato arki maysid, mase uu rumeysan in aan 12jir ahay. Faadumo ayuu igu yiri “waa ogyihiin inaad

been sheegayso.”

Hordhac

Waa arrin aad u baahday oo noqotay sidii wax

caadi ah oo kale, in ilmo si sharci darro ah

Somaliya hadda looga saaro dibadda. Mana ay

aha amuur ku kooban caruurta qoysaska ladan

ama waxbartay, sida ay u heystaan, dalalka caruurta

qaabilaa, waxayse noqotay masuuliyad inta

badan qoysaska Soomaalida lagu yaqaan. Dadka

hadda ka shaqeeya dibad u dhoofinta caruurta

Somalida, waxay qabaan in howshaasi tahay qorshe-xeeladeed

lagu badbaadinayo dad badan

noloshooda.

Ereyga “wakiil” oo ka asluubaysan “Isxambaare”

ayaa la isticmaalaa. Haddii wakiilku “wakiil” uu ku

guuleysto 30 maalmood gudahooda inuu dibadda

u dhoofiyo shan carruur ah, waxaa loo aqoonsanaayaa

inuu yahay xiddigii bishaas.

Waxaad arkaysaa dad safaf ugu jira, xafiiskiisa hortiisa,

sidaasna waxaa yiri, Cabdullaahi Calas,

Agaasimaha Xarunta Xuquuqda Aadamiga ee

Muqdisho ee Dr. Ismaaciil Jimcaale. Cabdullahi

Calas waxa kale oo uu sheegay in ifafaalaha magaala

madaxda, ee meel walba, bulshada reer magaalku

noqotay, waxa loo yaqaan isxambaarka

caruurta.

“Marka la arko, qof aad mooddo inuu daallan

yahay, dadku waxay isku yiraahdaan malaha xalay

buusan seexan, oo gabariisii uu dhalay isxambaar

ku jirtay.

Habdhaqanka

isxambaarashada

Lama hayo qaab sugan oo lagu xaqiijin karo tirada

inta caruur si sharci darro ah looga qaaday dhulalka

Somalida.

IRIN 25


Cutubka 2aad: Isxambaar: Shabakad Sharcidarro ah

Tira koobyada laga helay xafiisyada socdaalka ee

Yurub waxay muujinayaan, in kooxaha caruurta ah

ee aan lala socon ee ugu badani ay Soomaalida

yihiin, tiro koobkaasuse wuxuu ku kooban yahay,

caruurta magangelyo doonka ah keliya.

Dadka isxambaarka ka shaqeysta oo Muqdisho

jooga, ayaa IRIN u sheegay, in bishiiba caruur

gaareysa 250 magaalo madaxda dibadda looga

saari jiray wixii ka horeeyay 11,September, 2001,

dhacdadii dhacday.

Arrintaasi waxay kor u sii qaadday amniga

garoomada diyaaradaha, dunida dacalladeeda oo

dhan, dabadeedna waxay keentay inuu shiiqo

xowligii hore, lambarkiina wuxuu hoos ugu dhacay

qiyaastii 40-60 caruur ah, ay bil walba ku guulaystaan

inay gaaraan meelihii ay doonayeen. Hase

ahaatee sannad ka dib, dibad uga bixii Muqdisho

kor buu u soo kacay iyadoo wakiillada aadka galgalka

u ahi ay bilaabeen khadad ka duwan kuwii

hore loogu safri jiray.

Markaan carruurta waxaa la marinayaa jidad lagu

sii hakanayo oo ku yaal Koonfur Bari Asia ama

dalalka Bariga Dhexe ku yaal oo aan horay loo

sahmin.

waxay sheegaan in ay mar walbaba lacag caddaan

ah bixiyaan.

Sicirku waa laba jibaarmay tan iyo 11kii Sebtembar

2001dii sida ay IRIN ku ogaatay cilmi baaris ay ka

sameysay Muqdisho iyo Hargeisa oo markii hore

qiyaasta qofka laga qaadaa waxay ahayd, $3500,

hadda waa $7000.

Wakiiladu waxay hakiyeen in ay qaadaan caruurta

waaweyn, waxayna isku koobeen in ay qoyskiiba

ka qaadaan ugu badnaan laba ilmood.

Isxambaarayaasha midkood ayaa IRIN u sheegay,

hadda kharashka mid ka mid ah da’ yarta roonroon

dibad u dhoofintiisu ay ku kacayso $10,000.

Hadda arrintu sidii hore ma aha oo kharashkiina

aad buu kor ugu kacayaa, guul ka gaaridda

safarkuna waa sii yaraanayaa, marka xaasaska

arrimahaan ku lug lihi waxay leeyiiin waxaa hadda

heshiiska ka mid ah in Cawilcelis ahaan ama magadhaw

khasaare qeyb ahaan, u bixiyo kharashka

nus ama 1/3 saddex meelood oo meel ka mid ah,

haddii isku dayga lagu guul darreysto. Saas oo ay

tahay wakiiladu waxay leeyihiin, dad badan ayaa

doonaya diyaarna u ah, inay mar kale isku dayaan,

marka labaad inta badan waa lagu guulaystaa.

Waxaa kale oo ka mid noqon kara dalalka lagu sii

hakan karo, kuwa aan si weyn ugu lug laheyn

“dagaalka Mareykanku kula jiro argagixisada.”

Meelaha la kala dooranayo, waxaa lagu saleeyaa,

siyaasadda xagga arrimaha bulshada, ee dalkaas,

iyo joogitaanka dad qaraabo ah.

Wakiilada Muqdisho joogaa waxay adeegsadaan

diyaarado caalami ah iyo kuwo ku eg gobollo

kooban, tikidhada waxaa laga iibsadaa xafiisyada

arrimaha dhoofka ee dalka loo socdo iyo inta ka

sokeysa sida Dubai, Amman. Isxambaarayaashuse

Marka ugu horeysa oo dhibaato lala kulmo, wakiiladu

caruurta cidla’ ayay uga dhaqaaqaan.

Khasaaraha dhacaana caruurta ayuu raad xun ku

reebaa, iyaga oo aan xataa weli gaarin halkii ay u

socdeen. Sida uu sheegay Cabdullaahi Calas, oo ka

IRIN 26


Cutubka 2aad: Isxambaar: Shabakad Sharcidarro ah

mid ah dadka u ololeeya Xuquuqda Aadamiga, lix

caruur ah, ayaa looga dhaqaaaqay garoonka

diyaaradaha ee Istambul, waxaana uga dhaqaaqay

isxambaarihii, maalmo ka hor intii uusan IRIN

waraysiga siin 2002.

Hooyo Soomaaliyeed oo geli wayday Sweden

Saraakiisha garoonka diyaaradaha wakhti dheer

ayay ku qaadatay, in ay ogaadaan meesha ay

caruurtaani ka timid. Isxambaaruhuna horay

ayuu caruurta ugu amray in ayan hadlin.

Laba bilood ka hor ayaan damcay, aniga iyo afarteyda caruurta ahi inaan u tagno walaashey oo Sweden joogta.

Wakiilku wuxuu qorsheeyay anna in aan xaaskiisa noqdo, caruurtuna kuwa aan u dhalay, waxaan bixiyaya

qofkiiba, $5000 madax ka tiris, isugeyntooduna ay tahay $25,000, kadib markii ay suuroobi wayday inaan

tagno ayuu Cawilcelis ahaan ama khasaare qeyb ahaan, wakiilku noo siiyay $3000 qofkiiba, marka waxaa

naga baxday $10,000.

Waxaan mar tagnay garoonka diyaaradaha ee Bangkok, halkaas oo ay caruurtu ku wareysteen. Kuwa yaryar

inay afka Swedish looga hadlo aqoon la yaab ma ay laheyn oo ayagu waa ay yaryaraayeen, gabara weynise

waa lix jir, waxay marka waydiiyeen sababta aanay af Swedish ugu hadli kari weyday haddey dhigato dugsi

Sweden ku yaal. Waxba ma aha; waxaa jira waddooyin badan. Xagga lacagta dhibaato kama taagna,

walaashey lacag bay soo dirtaa, ninkeyga reerihiisa oo Ameerika joogaa iyana lacag bay soo diraan, markaa

waxaan isku dayayaa inaan Nairobi maro.

Waxaan filayaa inaan aado Sweden ama Mareykanka, hadba kii ii fudud labada, ninkeyga sannad ka hor ayuu

dhintay. Waxaa dishay duumo isaga oo jooga Addis-Ababa, oo sugaya in uu Mareykan u duulo.

Isxambaarka–Shaqada

waraaaqaha

Waxaa jira siyaabo badan oo caruurt, dibadda si

sharci darro ah loogu qaadi karo, wakiilada howsha

isxambaarka wadaa, guusha ay gaareen waxaa

ugu wacan, xeeladaha iyo waddooyinka sida dhagarta

badan isu badbaddala oo ay adeegsadaan.

Tan kale wakiilada isxambaarku waa dad badan

oo kala duwan, oo isugu jira rag iyo haween,

dhallinyaro iyo waayeel intaba, oo laga yaabo

howlaha isxambaarka iyo shaqo ama ganacsi

caadi ah inay isku dhex wadaan. Iyaga oo isla

markaas xoogga saaraya, gaar ahaan ganacsiga

faa’idada badan ee suuqa madow.

Isxambaarayaasha Muqdishu aad baa looga

yaqaan, inkasta oo aan gaar ahaan loo jecleyn

misna waxaa lagu qaddariyaa shaqada ay qabtaan.

Saraakiisha socdaalka ee Yurub waxay IRIN u

sheegeen, inay isxambaarayaashu magaalooyinka

Yurub ay degan yihiin ayna inta badan u safraan

meelo ay ka mid yihiin Nairobi iyo Addis-Ababa, si

ay ganacsigooda faaidada badan ay halkaas uga sii

wataan. Saas oo ay tahay haddana heyadaha

ilaaliya amniga iyo nidaamka sharciga waa awoodi

kari waayeen in ay arrintaan wax ka qabtaan.

Shaxda II: ee Araaji ka timid carruur aan lala

socon, qaangaar aan ahayn ee loo diray 26 dal ee

Yurub ku yaal

Sannad 1998 1999 2000

Araaji 12,012 15,190 16,112

Isha xogta: UNHCR/Barnaa mijka caruurta aan cidi la socon ee Yurub Soogala.

Mid ka mid ah dadka ku shaqeysta isxambaarka

oo shardi ka dhigay inaan la sheegin ayaa ogolaaday

inuu IRIN uga warramo sida uu Muqdisho

uga dhex shaqeysto. Waxa uu sheegay in ay jiraan

shan siyaabood oo isxambaar ahaan dadka lagu

IRIN 27


Cutubka 2aad: Isxambaar: Shabakad Sharcidarro ah

gelin karo dalka Ingiriiska, halkaas oo ah meesha

uu sida gaarka ah uga shaqeysto. Tan ugu horeysa

uguna muhiimsani, loona badan yahay waa isticmaalka

Baasaboor sharci ah, oo la siiyay ilmo

Soomaaliyeed oo dhalasho Ingriis heysta.

Wakiilku wuxuu “amaahanayaa” baasaboorkaas

Ingiriiska ah, wuxuuna dhigayaa £750 ama £500,

markaas ayuu baasaboorkii Mogadisho u

qaadanayaa, halka ayuu markaas caruurta ku kala

xushaa, wuxuuna ka qaataa inta leh astaamo u

dhow waxa layska rabo, mararka qaarkood waxaa

dhacda in wiil gabar loo ekeysiiyo, iyo si la mid ah.

Tan labaadna waa in aad ku dooddo baasboor hore

inuu kaa lumay, boostada ayaad waxaad sii

marineysaa sawir ka duwan use eg. Codsigu wuxuu

inta badan qaataa dhowr toddobaad. Intaasna si

toos isu arki maayaan, saraakiisha socdaalka iyo

dadkii araajida soo qortay.

Tan saddexaad uguna halista badani, waxay ka

dhex jirtaa xafiisyada socdaalka Yurub, ayuu yiri

wakiilku. Waxaa la xadayaa baasaboorro “Cusub”

waxaa lagu dhajinayaa sawirro, iyo shaabadihii loo

baahnaa markaas ayaa waxaa laga iibinayaa dadkii

howlahaas isxambaarka watay.

“Mararka qaarkood, ayaa waxaa dhacaya adiga

oo heysto baasaboor ay ku qoran tahay gabar

15jir ah in aad qaaddo wiil 13jir ah” waxaa sidaas

yiri mid ka mid ah shaqaalaha NGOyada

Muqdisho ka howlgala. “wiilku waa inuu sidii

gabar oo kale u labsitaa” wakiiladuna waxay

xaqiijiyeen in xeeladani ay tahay mid shaqeynaysa

oo miro dhal ah.

Wakiil Muqdisho, jooga oo xambaara Carruurta

Waa baasbooro sharciyaysan, aqoonsiga lagu

buuxiyayse sharciga ma waafaqsana. baasaboorada

marka kombuterka la geliyo waxaa kashifmaya

aqoonsiga been abuurka ah. Maalin dhoweyd

ayaan laba gabdhood u geeyay (saraakiisha socdaalka)

si kombuterka loo geliyo aqoonsigooda,

waxayna nagu yiraahdeen mar kale soo noqda.”

Wakiilka ayaa sidaas yiri. Waana uu cararay markii

Badi caruurta aan isxambaarka ku qaadnaa, waa caruur aan lala socon, oo aan laheyn xigto qaabisha, ama soo

dhoweysa. Waalidiinta qaarkood baa waxay nagu yiraahdaan, ilmahaan wata oo garoonka diyaaradaha marka

aad geysaan, halkaas uga dhaqaaqa. Dadku waxay kugu hunguri gelinayaan lacag aan yareyn oo ay diyaar

kuula yihiin. Laba bilood gudahood ayay kugu soo geli kartaa $10,000 ilaa $15,000.

Waxaa kaa yaabinaya sida dadka Somaliyeed ay diyaarka ugu yihiin, in ay lacagtooda ku bixiyaan sidii ay Yurub

ku tagi lahaayeen.

Waxaa jira siyaabo badan oo caruurta lagu gelin karo gudaha, waxaa ka mid ah in aad xafiiska socdaalka

waraaq u qortid, aad ugu sheegayso in baasboorkaagi uu kaa lumay, boostada ayaad markaas mid cusub ka

qaadan doontaa, dad ka shaqeeya xafiiska socdaalka qaarkood ayaad xiriir la yeelan kartaa.

Waxaan si talantaalli ah u kala beddelay jidadka la marayo. Mararka qaarkood, caruurta ayaan qaar ku sii dhaafnaa

meelaha aan ku sii hakanno. Boqolkiiba 60 ayaan ku guuleysanaa tijaabada kowaad, isku dayga labaadna

guushu waa 100/%. Waxaana caruurta baraa in ay rumeystaan in aan aabbe u ahay. Waxaan u sheegaa magacayga

ku qoran Baasboorkayga, waxaana ku iraahdaa kor ka qabta, waxa baasboorkayga ku qoran oo dhan.

Shaqaalaha ka shaqeeya garoomada diyaaradaha ee Yurube waa dad naxariis badan, caruurtana kuma dhibaan

su’aalaha. Taasina waxay u suurtogelisaa caruurtu in ay degdeg ku tagaan meeshii ay u socdeen.

IRIN 28


Cutubka 2aad: Isxambaar: Shabakad Sharcidarro ah

wax laga weydiiyay gabdhaha arrimahooda Tan

afraad, waa in aabbe iyo hooyo been abuur ah

caruurta loo sameeyaa, dabadeedna lagu qoraa

baasaboorka waalidka.

Tan ugu dambeysaana waa in ay ku doodaan xaqa

ay u leeyihiin meel isugu wada keenidda xubnaha

qoyska.

Shax III: Araajida magangelyo doonka ah oo ay

ilmaha aan cidana la socon u soo qorteen dalalka

Yurub qaarkood (2000) iyo dalalka ay u kala

dhasheen

Dal Tirada Araajida

Angola 1191

China 1059

Sierraleone 973

Yugoslavia 956

Guinea 896

Afghanistan 854

Somalia 762

Iraq 523

Srilanka 287

Isha xogta: UNHCR/ Barnaamijka caruurta aan cidina wehlin ee Yurub jooga.

Dalalka la magan galay: Belgium, Germany, Ireland, Netherlands, Norway,

Switzerland, UK.

Musuqmaasuqa ka jira

xafiisyada socdaalka

Isxambaarayaasha Somaliyeed suurtogal uma ay

noqoteen, in ay si hagaagsan u shaqeeyaan, haddii

aanay gacan ka heli laheyn burcadda caalamiga

ah iyo dhagar qabayaasha maamula socdaalka

gudaha. Musuqmaasuqa ku dhexjira waxyaabaha

socdaalka ee dalalka deriska ah, ayaa ka mid ah

dhuunta isku xiraysa. Kenya iyo Ethiopia labadaba

waxaa degan dad badan oo Soomaaliah.

Marka Soomaalida ka soo cararaysa dhulalka

Soomaalida waxaa suurogal u noqoneysa inay ku

dhex dhuuntaan Soomaalida sharciga leh,

dabadeedna ay helaan waraaqihii aqoonsiga, si

qaab beeleed ahna ay saraakiisha ula xiriiraan.

Dhallinyaro Soomaali yeed oo markii hore iyaga oo

ilmo ah si isxambaarid ah dalka dibadda looga soo

saaray, haddase Yurub ku nool, ayaa dhamaantood

waxay IRIN u sheegeen, in markoodii hore la

keenay xaafadda Eastleigh ee Nairobi marna waxaa

gacanta ku hayay wakiilka Addis-Ababa jooga.

Sarkaal Ingiriis ah ayaa IRIN u sheegay dhagarta la

xiriirta, socdaalka Soomaalida badani ay Ethiopia

ugu soo qulqushay waxay aad u soo shaac baxaday

oo la isugu dubariday abaaraha 1995. Taasina

waxayba keentay in ay safaaradda Ingiriska ee

Addis-Ababa ay soo rogto qorshe howleed cusub

oo dadka la marinayo, baaritaan DNA, gaar ahaan

dadka Soomaalida ah oo dacwoonayay.Wakhtigaas

wixii ka horeeyey,baaritaanka DNA wuxuu ahaa

ikhtiyaarii, qofkii doonaa inta arji soo qorta, laga

qaadi jiray si loo ogaado xiriirka ay labada qof asal

ahaan wadaagaan.

Sida sarkaalku uu sheegay, arrinta waxaa kiciyay

“waxaa aad u batay qoraalada lagu sheeganayo

aqoonsiga” iyo dad Safaaradda ku soo noqnoqonaya

iyaga oo wata qoraallo kala kaan ah,

dowladda Ingiriiskuna waxay ku qanacsaneyd in

kharajka ku baxaya howshaasi ay mudan tahay.

Bartamihii 1990 meeyadii ayaa xafiiska arrimaha

dibadda ee Ingiriisku, wuxuu amar ku siiyay,

safaaradda Ingiriisku in ay dal kugal siiyaan

Soomaalida doonaysa in ay xubnaha qoyskooda

dib ula midoobaan, taas oo ku xiran araaji ay soo

qorayeen, kuwo joogitaan-ka sharciyaysan ka

heysta dalka Ingiriiska.

IRIN 29


Cutubka 2aad: Isxambaar: Shabakad Sharcidarro ah

Inkasta oo ay aad u adkeyd in la helo raad-raaca

qofka qaraabadiisa ah, waayo qaar badan ayaaba

laga yaabaa in ay dhinteen, ama la waayay oo ay

ku dhex lumeen dib u firxadkaas argagaxa leh.

Qaar badan ayaa waxay la yimaadeen, aqoonsi

qoraallo bug ah oo la been abuuray, iyaga oo rajo

ka qaba in ay bixitaan heli doonaan.

sheegay, ilaha xog ogaalka ahi waxa kale oo ay

sheegeen, in “la taliyaasha qaarkood aanay

laheyn asluub wanaagsan, aqoonta ay leeyihiin

waxay u adeegsadaan in ay kaga shaqeeyaan

Maandooriyaal iyo isxambaarka caruurta, waxay

ka shaqeeyaan 50% in la hormariyo lacagta,

50%ka kalena markii shaqada la dhameeyo.

Sida sarkaalku sheegay, kuwaan waxaa ku jiray

“khiyaano badan oo caruurta loo geystay” hase

ahaatee, waxaa iyana jiray, arrimo dhab ahaan u

dhacay, tusaale ahaan, ilmo gooni reerkoodi ka ah,

oo Muqdisho laga soo dhiftay ama xilligii dadku

yaacayay ay dad kale soo korsadeen sidii ilmahoodi

oo kale, inta badan arrimaha caruurta ku saabsani

waxay ku saleysnaayeen daneysi gaar ah iyo

been abuur. “Waxaad oran kartaa sabab caqli-gal

ah ayaa ku jirtay in been la sheego waayo waxaa

jirtay xaalad niyad jab leh, saraakiisha xafiisyada

dal ku galka joogaa qaarkoodna, il naxariis leh

ayay ku eegi jireen, hase ahaatee waxaa jiray kooxaha

Soomaalida qaarkood oo nidaamka meel uga

dhacayey, iyaga oo inta is abaabula lacag

qaadanayey”. Sida uu sarkaalku IRIN u sheegay.

Kuwa “nidaamka docfaruuray” Somali keliya ma

ay ahayn ee waxaa jira oo kale saraakiil hay’adaha

socdaalka Ingiriiska horay uga shaqeyn jiray oo la

baxay magaca “la taliyaasha socdaalka” oo kharash

ka qaata dadka rajo beelka ah oo doonaya in ay

gobolka si uun uga baxaan.

Aqoontooda xagga habsocodka howlaha socdaalka

ayay howlo suuq madow ah ku fuliyaan, inta

u tagaan qareenada, sidaas ayay lacag badan ku

sameeyaan. Qaarkoodna waxayba yimaaddaan

Addis-Ababa. ilo rasmi ah ayaa sidaas IRIN u

Xogta laga helay ilo rasmi ah, ayaa shaaca ka

qaaday, “in saraakiishaas hore ay gaar ahaan ku

guulaysan jireen howlaha ay faraha ku hayaan,

sababta oo ah howlaha socdaalka ayaa sidoodaba

u baahan isudheelitir, waxyaabaha marka hore

suurogalka noqon kara, oo aan shaki ku jirin”.

Kooxda kale oo ka macaashtay firxadkii argagaxa

lahaa waa Soomaalida haysta dhalashada

Ingiriiska, kuwaas oo u bedalay silicii dadkooda

haystay ganacsi macaash badan leh, dhamaadkii

1990meeyadii, sida ilaha xog ogaalka ahi ay

sheegeen.

Siyaabaha dadka loo

masaafuriyo iyada oo

wakiillo la adeegsanayo

Shabakadda wakiillada Somalidu, waxay ka ka

faa’ideysanayaan dhaqdhaqaaqa dadka dalka

dib ugu laabanaya, iyaga oo mararka qaarkood

kaashanaya kuwo ka soo horjeeda dadka dibadda

ka imaanaya. Dowladaha reer galbeeku

marka ay doonayaan in ay dhulalka Soomaalida

oo aanay ka jirin awood dawladeed oo la aqoon

sanyahay, iyo qaabdhismeed rasmi ah toona, in

ay dib u soo masaafurinta dadka loo diiday in

magangelyo la siiyo, waxay adeegsadaan wakiillo

u dhexeeya iyaga iyo Somalida.

Sida loogu celinayo dadkii loo diiday magan-

IRIN 30


Cutubka 2aad: Isxambaar: Shabakad Sharcidarro ah

Ethiopia iyo Kenya, waxay qaabileen qaxooti aad ugu soo qulqulay, markii ay burburtay dowladdii Somalidu,

dabayaaqadii 1980meeyadii iyo billowgii 1990meeyadii.

Markii qaxootigu ugu badnaa Kenya waxay martigelisay 300,000 ku dhowaad oo Somali ah oo la dejiyay xeryaha

qaxootiga gobollada waqooyi bari iyo gobolka xeebta, qaarna waxay u soo gudbeen magaalo madaxda

Nairobi iyo magaalooyinka kale qaarkood.

Ethiopia waxay martigelisay dadkii waqooyiga Somaliya ka firxaday oo hadda loo yaqaan Somaliland, qiyaastii

300,000 ayaa xudduuda ka soo gudubtay 1988dii, qaar badani oo ay dani ku khasabtay in ay cararaan, ayaa

siyaabo badan isugu dayay kharash kasta haku kacdee in ay ka badbaadaan gelidda xeryaha noloshoodu adagtahay.

Dibad u bixidda aad ayaa loo raadiyaa.

gelinta dhulalka Somalidu, waa arrin in badan

muran ka taagnaa oo la isku maan dhaafsanaa,

waxa kale oo ay mugdi gelisay arrimaha masaafurinta

iyo waddan dib ugu celinta dadka oo ay

ka degsan yihiin shuruuc caalami ahaan la wada

aqoonsan yahay, lehna habraac qeexan oo ay u

hogaansamaan, xukuumadaha la aqoonsan

yahay oo leh qaab-dhismeed.

Hadda waxaad mooddaa in xukuumadaha reer

galbeedka faraha looga qaaday arrintaas go’aan ka

gaariddeeda iyo sida wax loo masaafurinayo.

gaareysa ku dhowaad 30 qof oo haysta dhalashada

Amerika, (ama qaar ku jireen, markaas

sidii ay ku heli lahaayeen), loo soo masaafuriyay

Muqdisho, kadib dhacdadii 11kii Setember.

Saraakiil Soomaali ah oo dalka jooga iyo

shaqsiyaad ayaa IRIN u soo dacwooday, intii cilmi

baarista ku saabsan ififaalaha isxambaarka caruurta

uu socday; waxayna ka cabanayaan

shaqaalaha safaaradaha dalalka deriska ahi, in ay

wakiilo dalka gudihiisa jooga u adeegsadaan

arrimaha masaafurinta.

Tusaale ahaan haddii aan u soo qaadano dowladda

isku magacowday Somaliland, oo aad mooddo

in la siiyay aqoonsi aan rasmi aheyn waayo

hay’adaha caalamku waa ay ka howlgalaan, iyaga

oo la xiriiraya qaab-dhismeedka rasmiga ah oo

halkaas ka jira.

Dhowaan waxaa jiray xiriir ay xukuumadda

Ingiriisku la yeelatay madaxdaas, waxaana laga

wada hadlay sidii lagu qaabili lahaa Somali laga

soo celinayo dibadda.Muqdisho xaggeeda oo ay

ka jirto dowlad ku meelgaar ah, oo haysata

aqoonsi aan dhameys tirneyn, ayaa caasimadda

laga dhisay sannadkii 2002. Waxaa jiray warbixinno

ay qoreen wargeysyada dalalka Ingiriiska iyo

Mareykanka oo sheegaya, in koox Somali ah oo

Sida laga soo xigtay, mas’uuliyiinta deegaanka

somaliland, dowladaha reer Yurub, markii hore

tijaabo ahaan waxay ku bilaabeen in ay diyaarado

yaryar ku soo qaadaan dad ay soo masaafuriyeen,

dabadeedna ku dhex daadiyaan garoonka

diyaaradaha ee magaalada dekadda waqooyi ee

Berbera.

Waxaa kale oo iyana dhacda in ay safaaraduhu

qortaan wakiillo Jabuuti ka howl gala, halkaas oo

ay ku qaabilaan qofka la soo masaafuriyay,

dabadeedna waxay qofka ku qalqaaliyaan in uu

dhulalka Soomaalida ku noqdo isaga oo diyaarad

raacaya ama dhulka maraya.

Saraakiisha Soomaalida waxay IRIN u sheegeen

IRIN 31


Cutubka 2aad: Isxambaar: Shabakad Sharcidarro ah

in safaaraduhu ay heshiis la galeen shirkadaha

diyaaradaha degaanka, tikidhadana dal saddexaad

loo soo mariyo sida- Dubai oo kale. Dadka la soo

masaafuriayana waxaa laga dhigaa sida rakaab

caadi ah oo kale. Arrimaha noocaas oo kale ah si

aan rasmi ahayn ayaa looga dhameeyaa wakiilka

Isxambaarayaasha, iyada oo aan rasmi ahaan loola

socodsiin dalalka lagu sii hakanayo.

Waxaa dabadeed dhacday, in dadka la soo masaafuriyay

qaarkood dib loogu celiyo dhulal khalad ah,

ama ay la kulmaan deegaanno argagax iyo jahawareer

ka tagaan yahay, oo ay isleeyihiin waa la idin

dili doonaa, marka aad garoonka diyaaradaha

cagaha dhigtaan.

“Sida ay wax u sameynayaan waxay ka hor

imaaneysaa dhamaan hababka nidaamka

hagaagsan oo ay tahay in la raaco iyo shuruucda

masaafuriska qaabilsan, qofkii la soo masaafuriyay

wuxu dib ugu gacan galaa wakiilladii, isaga oo

waydiinaya: hadda ma badbaadsannahay? Beeshee

gacanta ku heysa garoonka diyaaradda? Miyaan

dhimaneynaa?” Waxaa sidaas yiri sarkaal

Somaliyeed.

“Xukuumadaha reer galbeedku waa diideen inay

aqoonsadaan Somaliland, ama xukuumadda

Muqdisho ka jirta, waxayse ku faraxsan yihiin, inay

la xiriiraan maamul kasta oo jira, ama in ayan

midna la xiriirin si Soomaalida dib loogu celiyo.”

Wiil Soomaaliyeed oo la safraya wakiillada

Anigoo 15 jir ah ayaan dagaalada ka cararay, isxambaarayaasha ayaa Baasaboor ii sameeyay, waxayna i geeyeen

garoonka diyaaradaha ee Kenya. Wuxuu igu yiri, waxaad tiraahdaa waa Aabbahey, wuxuu i baray aqoonsi dhan

oo wada cusub, wuxuuna ii sheegay inaan xusuusnaado magaceyga inuu Liibaan yahay hadda.... Diyaarada ayaan

soo wada raacnay, waxaan nimid Baariis, wuxuu igu yiri ku biir kooxdaas kale, oo ku geyn doona dhulka Ingiriiska.

Wuxuu i sii dhexmariyay garoonka diyaaradaha iyo (Calais) halkaas oo aan Hotel yar ka joogay.

Wuxuu igu wareejiyaya laba qof oo kale oo Afrikaan ah. Aad iyo aad ayaan u cabsanayay, waxaana aad uga

fekerayay qoyskayagii. Waxaan u maleeyay in aanan noolaan doonin. Markii dambe, waxaa nala siiyay

Baasaboor kale, waxaa nala geeyay xaggaas iyo Eurotrain, tareenkii baa nala saaray, hase ahaatee, markaan

(Calais) mareyno, ayaa Boolisku nagu yiraahdeen ka soo dega trainka, sababta oo ah dukumentiga ayaan sax

aheyn. Afrikaanka mid ka mid ah ayaa dib noo soo celiyay, wuxuuna noo sheegay in aan mar kale isku dayno.

Laba maalmood ka dio, ayaan dib ugu soo laabanay (Calais) oo ah halka tareenka laga raaco, markaan waa

noo hagaagtay.

Boolisku inkastoo ay mar na arkeen hadana nama soo dejin karin, waayo tareenka ayaa markaas socday.

Tareenka korkiisa ayay saraakiil kale waxay nagu siiyeen waraaqo la buux-buuxinayo.

Markaan joogno Waterloo oo ka tirsan dhulka Ingiriiska, ayay tareenkii inta iga soo dejiyeen i geeyeen xafiiska

socdaalka. Halkaas waxaa joogay hal nin oo boolis ah, waxay ii keeneen turjubaan Somali ah.

Qiyaastii saddex saacadood bay i wareysanayeen.

Waxay i waydiiyeen bal inaan qof uun ka aqaan dalka Ingiriiska, waxaana siiyey lambar mid aan ilmo adeer

nahay. Kiibaa ii yimid oo i kaxeeyay oo aqalkiisa i geeyay. Waxaan markii dambe ogaaday in ina-adeerkey aanu

lacag heysan oo uu xaalad xun ku jiro.

Hadda waxaan aniga iyo ina-adeerkeyba degan nahay Hotel yar, waxaan ogahay in reerkayagii uu

Kambala,Ugandha Joogo. Waxaan doonayaa in aan aniga iyo xubnaha qoyskayagu aan meel isugu wada

nimaadno. Jawaabse wali ma aanan helin. Nin garyaqaan ah ayaa maalin dhoweyd ii sheegay, in aanan xaq u

laheyn isukeenid xubno qoys, sababta oo ah da’deyda oo khalad ah iyo aniga oo aan heysan deegaan habboon.

IRIN 32


Cutubka 2aad: Isxambaar: Shabakad Sharcidarro ah

Shabakadda dambiilayaasha

caalamiga ah

Wax yar ayaa laga ogyahay xogta dhabta ah ee ku

saabsan carruurta sida sharcidarrada ah loo

dhoofiyo loogana ganacsado, Sarkaal ka tirsan

Interpol ayaa IRIN u sheegay inkasta oo baaritaanno

xoog leh lagu sameeyay arrimaha ay ka

mid yihiin Dhilleysiga, masawirrada qaaqaawan,

kooxaha dambiilayaasha caalamiga ah, wax yar

ayaa laga og yahay shabakadda isku xirta kooxaha

caalamiga ah oo sida sharciddarada ah caruurta

uga ganacsada.

Madaxda dalalka Yurub waxay qirteen in aanay ka

warqabin jiritaanka ilmaha sida sharci darrada ah

laba dal la isaga gudbinyo.

Waxaa dhacda mararka qaarkood in caruurtu ay

muddo dheer ku xayirmaan dalal kale oo laba

dhex ah” ka hor inta aanay tegin halkii ay u

socdeen.

Mararka qaarkood oo aan sidaas u sii badneyn

waxaa dhacda in kooxaha burcadda caalamiga ahi

inta ay dafto oo ay qorato carruurtaas.

Tusaale ahaan, koox gabdho ah oo reer Tansaniya

ahaa oo Sweden jooga ayaa xeel dheere xagga

dhimirka ah uga sheekeeyay, sheeko ku saabsan

haweeney Afrikaan ah oo u tagtay gabaraan

waalidkeed una ballan qaaday fursad waxbarasho

oo dibadda ah. Naagtii gabdhihii waxay geysay

Sweden, aqalkeedii ayay ku heysay waxayna tusi

jirtay filimo ka sheekeynaya siyaabaha la isugu galmoodo,

markaas ka dibna waxay tiri orod oo jidadka

istaaga oo ka soo dhilleyso.

Sannadkii 2001dii, 87 caruur ah oo aan lala socon

ayaa laga waayay, dalka Sweden, markii hore caruurtu

dalka waa soo galeen waana la diiwaan

geliyay, madaxduna deegaan bey siisay, hase

yeeshee, mar qudha ayay meel ay ka baxeen la

garan waayay.

Waxaase la tuhunsan yahay qaar aan badneyn, oo

carruurta la waayay ka mid ah, in ay gacanta u

galeen ururrada dambiilayaasha caalamiga ahi ay

leeyihiin.

Dhammaan xirfadlayaasha la shaqeeya caruurta

aan cidina la socon, waxay isku wada raaceen in

Aabbe Soomaaliyeed oo ilmihiisa ugu horeeyay dibadda u diraya

Gabareyda u wayni waa 15 jir, toddobaadkii aan soo dhaafnay ayay aadday Sweden, waxay sii martay Dubai.

Ninka wakiilka ah waxaan siiyay 6000 dollar, waayo waa nin aan isku degaan nahay, isku iskuulna aan ahaan

jirnay, waana sababta uu sidaas anaga noogu roonaaday. Wuxuu iska dhigayaa sidii iyada oo qof kale ah. Isaga

ayayna la noolaan doontaa.

Ma doonayo inaan iyada halkaan ku hayo. Waxay wax ka baratay dugsiyo gaar ah, waana ardayad fiican. Marka

ay dugsiga dhameyso shaqo ayay heli doontaa, wax war ahna kama aan maqal xaggeeda. Waxaana la igu yiri

ha wicin saddexda bilood ee ugu horeeya.

Waxaanse ogahay in ay ladan tahay waayo wax telefoon ah kama helin. Wakiilka wuxuu igu yiri, marka ay hesho

baasaboorka kadib waxaa suurto gal ah inay waydiisato qoyskeeda inuu iyada ku soo biiro. Ma aqaan inta ay

qaadaneyso,wakiilkuse wuxuu i yiri sannad ama ka badan.

Waxaan leeyahay shan carruur ah oo wada gabdho ah. Tan labaadna waan diri doonaa markaan lacag helo.

IRIN 33


Cutubka 2aad: Isxambaar: Shabakad Sharcidarro ah

qalabka farsamada isgaarsiinta

casriga ahi faafitaankeedu uu

beylah weyn geliyay caruurta.

Sida laga soo xigtay, mid ka mid

ah shaqaalaha xerada qaxootiga

ee (Carslund) oo Stockholm ku

taal, inta badan ilmo kastaa saddex

ama afar maalmood ka dib

marka ay yimaaddaan waxay sitaan telefoon

mobile ah,”annagu ma naqaan meesha iyo sida ay

ku helaan”. Dalka Sweden waxaa ka socota dood

ku saabsan illaa iyo intee baa la xakameyn karaa

Xorriyadda ilmaha qaxootiga ah iyadoo xagga

amniga laga eegayo.

Xarunta weyn ee qaxootiga waa meel furan, caruurtuna

marka ay doonaan ayay magaalada aadaan,

waxaa kale oo ay isticmaali karaan Internet yaalla

xarunta buugaagta lagu keydiyo.

Carruurta maqan intooda badan waxaa loo maleynayaa

inay u guureen dalal kale, oo ay

qaraabadoodu wadday ama ay dhuunteenba,

Saldhiga tareenada ee Stockholm, meel inta badan carruurta

Soomaaliyeed looga dhex tago.

markii ay ogaadeen in aanay magangelyo helayn.

Mid ka mid ah shaqaalaha daryeelka bulshada ka

shaqeysa ayaa IRIN ku tiri: “xitaa haddii ilmo keli

ah ay qabsadeen burcadda caalamiga ahi, intaasaa

ceeb iyo fadeexaba inoogu filan.”

Waxaa kale oo ay tilmaantay sida ku cad

mabaadii’da heshiiska caruurta ee Qaramada

Midoobay in aan ilmo aan cidina wehlin lagu

kallifin mowqif ay kaga aamin baxaan geeddi

socodka howlaha rasmiga ah.

Xeryaha qaxootiga Sweden oo iska furan, ayaa

Heshiiska xuquuqda ilmaha ee Qaramada midoobay qodobka 22naad

1. Dowladaha saxiixay heshiiskan waa in ay qaadaan, tillaabooyin lagu sugayo ilmaha doonaya qaxootinimada

ama loo aqoonsaday in uu yahay, taas oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah, ama kuwa gudaha dal, ilmuhu

ha ahaadeen kuwo waalidkood ah ama kuwo ay weheliyaan waalidkood ama cid kaleba. Waa in ay helaan

badbaado ku habboon iyo kaalmo bani’aadanimo, sida ku cad xuquuqda ku qoran, heshiiska xuquuqda caruurta

iyo qoraallada kale, sida kuwa xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah, iyo kuwa heyadaha samafalka oo ay

xubno ka yihiin dowladahaasi.

2. Ujeedadaasi darteed, dowladaha xubnaha ahi waa inay gacan ka geystaan, sida ugu habboon ee suurogal ah,

dadaalka ay wadaan qaramada midoobay, ururrada dowladaha ka dhaxeeya iyo kuwa aan dowliga aheynba,

in Qaramada Midoobay, lagu taageero, sidii loo badbaadin lahaa, loona kaalmeyn lahaa ilmaha sidaas oo kale

ah, isla markaasna la baafiyo waalidkii ama xubnaha kale ee qoyska ilmo kasta oo qaxooti ah, si loo helo xog

warranka loo baahan yahay, oo suurtogelin kara in xubnaha qoyskaasi dib u midoobaan.

Haddii ay dhacdo, in la waayo ilmaha waalidkood ama xubnaha kale ee qoyskooda, ilmahaasi waa in la siiyaa

xannaanada iyo badbaadada la siiyo ilmaha kale, oo si joogto ah ama ku meel gaar ah u waayay xannaanadii

qoyskiisa sababtu wax kasta ha noqotee, sida sharcigani jideynayo. Wiil iyo gabar midkuu doono ha noqdee.

Sawir: IRIN/Jenny Matthews-Network

IRIN 34


Cutubka 2aad: Isxambaar: Shabakad Sharcidarro ah

boolisku walaac ka muujiyay sida fudud ee qofkii

doonaa ku iman karo oo caruurta u la xiriiri kar,

iyada oo aan waxba caddeyn ama faahfaahin ah

aan dadkaas la waydiin. Boolisku waxay IRIN u

sheegeen in caruurta joogta xerada Carslund, ay

yaqaaniin qof dadkaas ka mid ah oo ay u yaqaaniin

“ninka watay telefoon mobileka ah”.

Inkasta oo aan wali la hayn xog sugan oo ku

saabsan in kooxaha dambiilayaasha abaabulani,

ay u isticmaalaan caruurta ku jira xerada qaxootiga

ee Carslund, dhilleysi iyo sawirro muujinaya

dad qaaqaawan oo isu galmoonaya, waxaa sidaas

sheegay xog laga helay booliska, wuxuu waliba

intaas ku sii daray oo yiri: “Waxaan hubaa inay

arrintaasi dhacday, lagana yaabee in ay markale

dhacdo, mana heyno xaqiiqo dhab ah.” Xog laga

soo xigtay ilo booliska caalamiga ah, ayaa isku

wada raacay in ay yar tahay xogta laga hayaa

caruurta la waayay iyaga oo aan cidina la socon.

Waxaa kale oo la sheegay in baylahnimada caruurtaan

ku dhacday ay tahay, dhibaato dhowanahan

soo if baxday.

Waxa kale oo xogtan lagu tilmaamay, in aysan

dalka Sweden ka jirin sharci loo cuskado ka ganacsiga

sharcidarrada ah ama isxambaarka oo kale,

booliskana waxaa ku khasab ah in ay raacaan xeerka

ciqaabta inta sharci kale laga soo saarayo.

Waxaa kale oo loo baahday si loo baaro ka

ganacsiga sharcidarrada ah ee ilmaha, oo ay ku

jiraan kuwa la la’ yahay in la helo hanti wax lagu

kala debbirro. Tusaale ahaan dalka Kanada,

wuxuu ururiyay tirada caruurta la la’yahay,

dowladda Maraykanku lafteedu waxay dhowaan

kordhisay lacagta ku baxaysa baaritaanka lagu

sameeyo iyada oo la adeegsanayo Internet,

dambiilayaasha caruurta ugaarsada si ay uga

dhilleystaan.

Faallo ku saabsan gabar Soomaaliyeed oo la la’a yahay, Febraayo 2002

Xubin shaqaalaha xerada qaxootiga:

Muddo saddex toddobaad ah, ayay joogtay guri xarunta caruurta oo ku dhex yaal xerada qaxootiga. Dabadeedna

waa la waayay. Waxbadan kama aannu ogin arrimaheeda, sababtuna waxay tahay guud ahaan, waxaan ku

dadaalnaa, in aan hadba maalintaa wixii jira aan wax kala qabanno, su’aalaad badanna ma aannu waydiinno,

waayo waxay ku abuurayaan caruurta cabsi iyo inay naga shakiyaan.

Bare:

Waan yaabay markii aan maqlay waa la waayay, waxaan bari jiray afka Swedishka, waxaadna moodday qof

barashada afka xiiso badan u qabtay. Aalaaba kuwa og inay dal kale aadayaan iskuma furaan waxbarashada,

iyadase waxaad moodaysay qof degtay oo waxbarasho diyaar u ah.

Shaqaalaha howlaha bulshada:

Gabaraan la la’a yahay warqad ayay qolkeeda uga tagtay. Waxaana ay sheegtay in ay ladneyd, oo xaalkeedu

wacnaa, waxay sheegtay inay dalkeedi dib ugu noqonayso. Markii ay halkan joogtay keligeed bay aheyd, waxayse

ka mahad celisay kaalmadii aan u fidin jirnay, markii ay guriga joogtay waxay maalin walba telefoon ka heli

jirtay Russia.

Telefoonada “Mobile” ka hor, telefoon kasta oo la wacaa wuxuu soo mari jiray xafiiska, annaguna waan ogeyn

meesha wicitaanku ka yimid, iyo cidda soo wacday, waxaan u maleynayaa in telefoonada Mobileka ay qeyb ka

yihiin isxambaarka.

IRIN 35


Cutubka 2aad: Isxambaar: Shabakad Sharcidarro ah

Dalalka Yurub ururrada ku howlan dhowrista

xuquuqda aadamiga iyo kuwa ka shaqeeya

samafalka bani’aadanimo, ayaa waxay baaq weyn

ku soo jeediyeen in aad loogu dadaalo sidii loo

badbaadin lahaa caruurta aan la wehelin, xagga

sharciga iyo helitaanka kaalmada khayraadka

labadaba, si baaritaan loogu sameeyo shabakadda

ka ganacsiga caruurta ee sharcidarrada ah.

Dhulalka Soomaalida isxambaarka ilmuhu

haatan wuxuu noaday mashruuc aad u kobcaya,

waxaana u fududeeya isxambaarayaasha,

shabakadda dembiilayaasha caalamiga ah iyo

xaaladda ay markaan ku sugan yihiin dhulalka

Maxamed

Maxamed waa wakiil Soomaali ah oo Moqdisho muddo 10 sano ku dhow isxambaar caruur ku qadayay,

wuxuu leeyahay baasaboor Ingiriis ah, waxayna wada shaqeystaan qof ay qaraabo yihiin oo London degan.

Waalidiinta qaarkood waxay kugu oranayaan, wad caruurta oo garoonka diyaaradaha London gee, dabadeed

meeshaas uga dhaqaaq, caruurta intooda badan cidi ma wehliso. Cid ay xigto yihiin oo qaabilaysaana kama

horeyso, marka ay tagaan meeshii ay u socdeen.

IRIN ayuu uga warramay sida uu caruurta isxambaar ahaan ugu qaado:

$7000 - $10,000, ayaan ilmihiiba ka qaadanaa, baasaboorkii aan soo amaahanay waxaan siinaa dadkii lahaa

$720, run ahaantii saakadan laba caruur ah ayaa England ka yimd waxaan doonayaa in aan la xiriiro, si aan

baasabooradooda caruur kale ugu qaado, baasabooradana waxaan dadkii lahaa u soo celinayaa marka ay carruurtu

nabad ku tagaan, halkii ay u socdeen, intii ka horeysay dhacdooyinkii 11 sebtember waxaan dadka ka

qaadan jiray $7000, haddase carruurta waaweyn intaas ka badan ayaan ka qaadanaa, sababtoo ah waa ka sii

dhib badan yihiin, sidii hore, carruurta yaryar waxaan iyaga ka qaadi jirnay $3500 haddana waa $7000, dalka

Talyaaniga kaliya ayaa sidaas ka duwan. Talyaaniga dadka galaya waxaan ka qaadi jirnay $7000, waayo

halkaan gabdhuhu aqallada ayay ka shaqeeyaan, dhaqso ayayna lacagta dadkooda ugu soo diraan. Waxaan

qaadaa caruur da’a walba leh marbaan qaaday gabar saddex sano kaliya jirtay.

Wixii ka horeeyay sebtember 11keedi waxaan u maleynayaa in magaalada Muqdisho bishiiba laga qaadi jiray

caruur tiradoodu gaarayso 250 haddase waa qiyaastii 40.

Tikidhada diyaaradaha waxaan ku bixinnaa qiyaastii $900 . Haddii aan baasaboorka soo amaahanno waxaan

ku bixinnaa $720, dheeraad ah, marka $3500, aan isxambaar ku qaadano faaidada noogu jirtaa waa $1800.

Haddase waa ka badan tahay intaas waxaan isticmaalnaa shirkadaha duulimaadyada oo dhan sida:BA, Royal

Gulf Air, Singapore Air, Daalo iyo Jubba Air.

Tikidhada waxaan ka iibsanaa wakiilada xafiisyada socdaalka ee jooga Britain ama Dubai, mar walbana lacag

caddaan ah ayaan bixinnaa jid qura ma maro ee waa kala baddalaa jidadka safarka.

Jidka ugu muhiimsan waa Ethiopia iyo Dubai oo toos London ah, ama Dubai Frankfurt, dabadeedna London.

Mararka qaar dadka aan wadno qaar ka mid ah ayaan ku sii dhaafnaa laba dhex, aan Yurub uga sii gudbayno.

Mar aan Stockholm sii marayo ayaan uga tagnay wiil iyo gabar. Mararka qaarkood dhexdaa lagugu qabanayaa

mana aad heli kartid hab aad ku wargeliso qoysaska Somaliya jooga, ama reerihii aad u socotay midkoodna.

Waxaa jirta siyaabo badan oo caruurta lagu geyn karo dal kale waxaana ka mid ah: qof kale ayaad baasaboorkiisa

ka amaahan kartaa, caruurta shan sano ka weyn anagaa baasaboor u sameyna. Qof lahaa baasaboor

Ingiriis ayaa wuxuu oran karaa waa iga lumaye mid kale ha la ii sameeyo.

Marka xafiiska socdaalka la waydiiyo inuu keeno sawirradiisana, wuxuu u diraa sawirrada qof Somaliya jooga,

oo raba inuu safro, markaas ka dib ayuu baasaboorka cusub Somaliya u dirayaa. Waxa kale oo aad xiriir shaqo

la yeelan kartaa dadka ka shaqeeya xafiiska socdaalka.

IRIN 36


Cutubka 2aad: Isxambaar: Shabakad Sharcidarro ah

Soomaalidu. Waxaa kale oo arrintaas dhiirrigelinaya

go’doominta joogtada ah ee beesha

caalamku Soomaalida ku hayso, horumar iyo

gurmad deg-deg ah la’aantood.

Muqdisho oo ah xarunta isxambaarka caruurta

ee Soomaaliya, kama jiraan wax nidaam shaqeynaya

oo qaabilsan xallinta amniga, ama heyado

awooda inay ka hortagaan ganacsigaas, ama isku

dayi kara inay joojiyaan. Meelahaas ay ka jiraan

awoodda shaqeynaysa, waxaan iyana jirin

rabitaan loo qabo in la joojiyo, ganacsiga noqday,

marka dhinac walba laga eego, hab nololeed

wakhtiyada xun looga gudbo. In ilmo isxambaar

Maxamed

Lacag baad siinaysaa, iyana waxay ku siinayaan baasaboor la soo xaday, waa baasaboorro dhab ah oo leh

nambarro rasmi ah, wax aqoonsi ahse kuma qora, waase arrin halisteeda leh, waayo haddii ay saraakiisha

jooga goobaha lagu baaro dadka safarka ah, oo ay kumbuterka geliyaan baasaboorkaan, haa waxaa soo baxaya

lambarka, magacase maya.

Laba gabdhood oo aan waday ayaa maalin dhoweyd, waxaa la mariyay baaritaan kumbuter, waxay noqotay

in aan soo noqonno aniga iyo gabariiba, dhibaato maleh waad soo noqonaysaa, oo mar kale ayaad isku

dayaysaa.

Isku dayga koowaad guushu waa 60%, isku dayga ku xigana guushu waa 100%, caruurta intooda badan cidi

lama socoto. Mana ay jiraan dad qaraabo ah, oo marka ay tagaan meeshii ay u socdeen qaabilayaa.

Ilmuhu wuxuu wataa sheekooyin uu Somaliya kala yimid, waa in uu masuuliyiinta u sheegaa in waalidiintiis

dagaaladii haleeleen ama ay dhinteen, ama waxaa laga yaabaa inuu waydiisto in waalidiintiis mar dambe

laga daba keeno.

Laba carruur ka badan in aan qoyskii ka qaadno uma ogolaanno waayo waa halis. Marka ay caruurtu yaryar

yihiin, oo aan damco inaan qaado, waxaan iska dhigaa aabbahood, waxaan baraa in ilmuhu uu rumeysto in

aan aabihiis ahay, waxaan u sheegaa magaca baasaboorka iigu qoran, waxaanna iraahdaa kor ka xafid xogta

loo baahan yahay oo dhan.

Shaqaalaha garoomada diyaaradaha Yurub, waa dad aad ugu naxariis badan caruurta, mana waydiiyaan

su’aalo madaxa daalinaya. Caruurta sida kuwa London jooga oo kale ayaan ugu lebisaa, inta badanna wakiilada

oo iska dhigaya in ay caruurta waalid u yihiin, ayaa ka jawaaba su’aalaadka caruurta la weydiinayo.

Taasaana howsha fududeyneysa.

Dhibaato badan ayaa ka hor imanaya, tusaale ahaan 1998dii, laba caruur ah oo toddoba iyo siddeed jir kala

ahaa, ayaan isxambaar ku qaaday, garoonkii diyaaradaha ayaan ku kala lunay, laba saacadood baan doondoonayay,

markii dambe magaaladaan inta tagay u sheegay dad ay aheyd in ay ku degaan. Markiiba garoonka

diyaaradaha ayay ku ordeen, waxay u tageen labadii carruur ahaa oo mar hore inta la wareystay, la doonayo

in la geeyo deegaan ay Soomaalidu joogto si ay u caawiyaan.

Dadka lacag ayay kugu hunguri gelinayaan, laba bilood gudahood ayaad ku heli kartaa $10,000 -

$15,000 oo dollar. Dadka Soomaalida ah, ayaa si yaab leh lacagtooda ula diyaar ah si ay Yurub ku galaan.

Marba haddii ay galaan, waa degayaan, nolosha xagga waa ka wanaagsan tahay, waxaa la siiyaa hooy,

waxbarasho, isbitaal oo wada lacag la’aan ah.

Khamiis walba xukuumadda (Britiska) Ingiriiska waxay bixisaa £30 (Sterling pound). Haddiise Soomaalida

dhulka degan aad ka mid tahay, waxayba ku siin £80 toddobaadkiiba.

IRIN 37


Cutubka 2aad: Isxambaar: Shabakad Sharcidarro ah

ahaan dibadda loogu dhoofshaa bulshada

dhexdeeda ceeb maahan, marka aad fiirisana waa

bulsho mustaqbilka mugdi kaga jiro, oo ku nool

duruufo aad u adag.

Xataa deegaamada qaddarka guusha ah gaaray, sida

Somaliland, weli caruurta sidii baa dibadda loogu

diraa, sababta oo ah, waxaa weli taagan gurmad

xagga baahida bulshada iyo dhaqaalaha ah, siiba

la’aanta adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka.

Laakiin kharashka uu ku kacayaa qorshe-xeeladeedka

cimri-dheereysigu waa badan yahay.

Xaqiiqooyinka la hayaa, oo dhami waxay tilmaamayaan,

saameynta ay jiilalka caruurta ah ee dalka

dibaddiisa loo daldalayaa, ay ku yeelan doonaan

mustaqbilka, in ay tahay mid uur-ku taallo ku

reebi doonta bulshada Somaliyeed.

IRIN 38


Cutubka 3aad: Xannaanaynta carruur gooni ka ah qoyskoodii

A

“Dhulka ayaad seexan kartaa”

deerkay waxaad mooddaa caawa in ay ku kacsan tahay, waa ogahay in naagtaasi ay saaxiibaddiis

tahay, oo ay caawa la joogayso. Hadalka intiisa badan asaga uun baa wada aad buuna ugu

faraxsan yahay in uu helo qof la jooga, (Haa xabsi baan ku jiraa).

Markaan iraahdo magacaygu waa Safiyo aad buu u xanaaqaa ! wuxuuna igu yiraahdaa Fadumo, shaah

inoo kari, Faadumo cunto ii keen.

Ma waxay la tahay isagu haddii uu iigu yeero magacaas in aan qof kale noqonayo?

Si kastaba ha ahaatee kolley caawa waa raalligiis, oo waa faraxsanaan doonaa, waxaana filayaa in uu

hilmaami doono, in uu igu ciqaabo hooyadeey oo aan mar kale isku dayay in aan telefoon kula hadlo. Waa

rajeynayaa.

Gogoldhig

Marka uu dhaafo barta dalka laga galo, ka dib

ilmaha aan cidi wehlin waxaa u bilaabata nolol

cusub. Dalalka caruurtan aqbalaya waxaa fuulaya

culeys, sidii ay ugu sameyn lahaayeen

xanaanada gaarka ah ee ay u baahan yihiin, ayna

si buuxda ugu xushmeyn lahaayeen xuquuqdooda

ilmonimo, iyada oo markaas la sugayo meesha

ay ka yimaadeen, da’dooda iyo wixii laga

yeeli lahaaba.

Xataa habraaca rasmiga ah ee ku salaysan bani’aadanimada,

haddii la raaco wax badan lagama

qaban karo, si loo dhimo naxdinta ay imaanshahoodiiba

la kowsadeen.

Ilmaha si degdeg ah ayaa waxaa loogu dhex tuuray

dhaqan qalaad, af iyo cimilo aad u qalafsan,

oo isbedel badan. Xaaladdaas marka uu la kulmo,

waxaa ilmihii yaraa qasab ku noqonaysa, inuu isla

markiiba sidii qofweyn qaado masuuliyadda

baahidiisa asaasiga ah, inkasta oo ay culus tahay.

Waxaa iyana jira carruur aan qaangaarin, oo horay

u soo kaxaysta, ilmo yaryar oo walaalahood ah, iyo

qaar xigtadooda ka mid ah, si ay meel ugu wada

noolaadaan.

Dalalka yurub waxaa muuqata in ayan lahayn,

shuruuc iyo heyado ku filan inay wax ka qabtaan

baahidooda, tirada sii kordheysa ee caruurta iska

safraya iyaga oo aan cidina wehelin.

Carruurtu waxa kale oo ay culeys ku hayaan dadka

dibad joogga ah, oo la dagaalamaya sidii ay ku soo

xasilin lahaayeen baahida nolosha assaasiga ah ee

qoyasaskooda.

Dhibaatooyinka haysta carruurtaan safra iyada oo

aan cidi wehlin, intooda badan waxay salka ku

hayaan, oo ay ka siman yihiin waa aqoonsiga

bugta ah, ama been abuurka ah oo ay isxambaarayaashu

carruurta qoorta u soo geliyaan.

Taasina waxay iska horkeentaa madaxda iyo dadka

carruurta ilaaliyaba, iyo carruurta laftooda. Waxay

IRIN 39


Cutubka 3aad: Xannaanaynta carruur gooni ka ah qoyskoodii

ku noolyihiin waa been. “Waxaan arkay carruur

badan oo ku nool aqoonsi bug ah.

Haddii ay sheegaan sheekadooda dhabta ah, anigu

sidaan waayo-aragnimada ku arkay, waa ay ka sii

xun tahay tan beenta ah” waxaa sidaas tiri

haweeneyda, Marei Hessle, oo ah khabiir xagga

cilmi-nafsiga, joogtana Stockholm.

Qaabilaadda carruur

aan cidi wehlin

“Caruurtu waxay ku sugan yihin xaalad isugu jirta:

amakaag, cabsi iyo jahawareer, iyagu ma ayan

laheyn go’aankii ay dalkooda kaga soo tageen,

loogamana xogwaramin si sax ah, waxay rabaan in

ay dalkooda dib ugu laabtaan.” Sidaasna waxaa

yiri sarkaal la shaqeeya caruurta dhowaan soo

galka ah, ee aan cidina wehlin.

Caruurta Soomaalida waxaa inta badan kaxaysta

dad ay xigto yihiin, oo imaanshahooda lagu

wargeliyay, ama madaxda la siiyay magac qof

qaraabo ah oo ay la xiriiraan.

Dalka Sweden carruurta aan qaan gaarka ahayn,

oo aan cidi wehlin waxa lagu xanaaneeyaa xarunta

qaxootiga ee Carslund. Waxaa loo geeyaa khabiir

qaabilsan cilmi-nafsiga, waxayna maraan baaritaan

caafimaad,waxaa kale oo loo qeybiyaa, qof si

gaar ah uga kaalmeeya inta ay socoto howsha

magangelyo raadisku. Dalka Ingiriiska, ilmaha

waxaa marka ay yimaaddaan qaabila saraakiisha

socdaalka, dabadeedna masuuliyaddooda waxaa la

wareega madaxda deegaanka.

Hase ahaatee, saddex meelood oo meel carruurtaas

ka mid ah,ayaa waxay la il daran yihiin, cabsi gaamurtay,

mana ay rabaan inay ka jawaabaan

su’aalaha turjubaanadu ay weyddiiyaan.Waxayna

ku sugan yihiin heer aan waxba la dhacsiin karin,

sida laga soo xigtay shaqaalaha Carslund.

Qaarkood waxay yimaaddaan iyaga oo argagaxsan,

sababtana si sahlan looma caddeyn karo, waxaa

laga yaabaa in ay ugu wacan tahay waayo-aragnimo,

ku soo martay dadkii ay asal ahaan ka yimaaddeen,

ama dhibaato ay kala soo kulmeen isxambaarayaasha.

Shaqaalaha xarunta qaxootiga ee Carslund, waxay

sheegeen, in carruurta la ogaado in ay la ildaran

yihiin sas iyo argagax, la siiyo xanaano gaar ah.

“Haddii loo baahdana, waxaan geynaa qayb gaar

ah oo qaabilsan cudurada dhimirka.. Mararka

qaarkoodna haddii ay adkaato in loo helo, meel

gaar ah oo lagu hayo, waxaa la dhigaa isbitaalka”.

Dalka ilmaha, qaabilayaa waa in uu helaa xog

sugan oo ku saabsan ilmaha asalkooda, iyo da’-

dooda, iyada oo isla markaas la dhowrayo xuquuqdooda

caruurnimo. Hase yeeshee, waxaa dhacda, in

caruurta aan cidina wehelin, la soo baro da’,

aqoonsi iyo sheekooyin ka duwan kuwoodii dhabta

ahaa, si aanay ugu ekaan in ay wax xiriir ah la

leeyihiin isxambaarayaasha, oo ay u fududaato

magangelyo helidoodu.

Iyada oo hadba ku xiran, dalka ay tagaan, caruurta

waxaa la marsiiyaa baaritaan caafimaad, faro ka

qaadid iyo sawirid, waxaa kale oo laga yaabaa in ay

maraan baaritaan DNA iyo Raajo, xog wareysi dhab

ahna u sii dheer yahay.

Dalalka qaarkood carruurta aan cidi wehelin waxaa

IRIN 40


Cutubka 3aad: Xannaanaynta carruur gooni ka ah qoyskoodii

laga yaabaa, in la qabto. Warbixin ay qortay

hay’adda dhowrista xuquuqda Aadamiga ee

Amnesty International, sannadkii 1999, oo ay kaga

hadashay, carruurta aan cidina wehelin, oo dhulka

Ingiriiska taga, waxay ku sheegtay, in carruutaasi

ay baylah ku sugan yihiin; qaxootigu sidoodaba

waxay u muuqdaan in ay culays ku yihiin dalalka

ay martida ku yihiin.

Mar Amnesty ay si gaar ah uga hadashay, arrimaha

qaxootiga, waxay tiri, “Waxay yimaadaan ayaga oo

wata arrimo iskuduuban oo murugsan, oo ku saabsan

xuquuqda aadamiga, waxayna dalbanayaan in

xuquuqdii horay looga duudsiiyay ay beesha

caalamku u soo celiso.

Ilmo aan cidina wehelin marka uu doono in uu

helo magangelyo,waxaa ka hor yimaada cadaadis

badan, iyada oo la ogyahay, sida ay caruurtu

guud ahaan ugu nugul yihiin dhibaatooyinka,

ayaa sababtaas darteed sharcigu jideeyey

xanaanadooda. Inta baaridda magangelyo doonka

laga hubinayo, dalka martida loo yahay, waa in

uu wax ka qabtaa baahida caruurta ka haysata

xagga arrimaha:

Caafimaadka, sida dhimirka oo kale. Waana in ay

siiyaan ilmaha: hooy, cunto, la talin iyo amni intaba.

Natiijada nidaamkuna inta badan ma qumana.

.

Habraaca shaqo ee dalka

martida loo yahay

Warbixin ay soo saartay hay’adda badbaadada carruurta,

ayaa lagu sheegay in sannadkii 2001dii,

dhallinyaro badan oo ahaa qaxooti, aan cidina

wehelin, oo dalka Ingiriiska lagu wareystay, ayaa

lagu arkay, “Isku buuqsanaan iyo waayo-aragnimo

murugo leh, saas oo ay tahayna, markii ay

yimaadeen ma ay helin wax kaalmo ah oo la

sheego”.

Dalka Sweden waxaa sidoo kale, iyana jirtay, in

dadweynuhu codkooda ku dhaliilay, sida maamulku

ula dhaqmay carruurta aan cidina wehlin,

iyada oo ayan jirin masuuliyad kala qeexan oo u

dhaxeysa xafiiska socdaalka, iyo kuwa qaabilsan

adeegyada bulshada.

Arrimaha horyaal dadka ka shaqeeya adeegyada

bulshada, iyo xeeldheerayaasha cilmi-nafsiga ee la

shaqeeya caruurta aan cidina wehlin ee Yurub

jooga, waxaa ka mid ah, iyada oo ayan jirin cid ku

takhasustay daryeelka carruurta iyo shaqaale qaabilsan

arrimahooda, midna. “Waxaa laga yaabaa in

dadka hadda gacanta ku hayaa, caruurtaas, ay daacad

ka yihiin howshooda, oo ay niyadsami ku

shaqeynayaan, dad wanaagsanna ay yihiin.

Dhibaatada meesha taallase, waxay tahay, dadkaani

karti uma leh culayska iyo dhibka haysta

caruurtaan.

Tirokoobyada rasmiga ah ee ku saabsan tirada,

caruurta aan cidina wehelin, ee la hayaa, sida ay

qireen saraakiisha socdaalku ma buurra. “Carruur

badan ayaa timaadda, oo wayddiista magangelyo,

howshaayaa markaas bilaabata, dabadeedna carruurtii

waa la waayaa”; sidaas waxaa yiri, mid ka mid

ah saraakiisha socdaalka ee Yurub. “Xaq uma lihin

in aan dabagal badan sameyno”

Saraakiisha socdaalka ayaa IRIN, u sheegay, walaaca

ugu badani in uu ka haystay carruurta Somalida,

oo aan cidina wehlin, marka ay yimaadaan waxay

IRIN 41


Cutubka 3aad: Xannaanaynta carruur gooni ka ah qoyskoodii

ku dhex milmaan bulshada Somalida, waxaana soo

sheegta dad “Qaraabonimo” sheeganaya, in kasta

oo aan la hayn wax nidaam ah oo sugaya, ama

xaiijinaya.

ha, teeda kale madaxdu waxay ogtahay, in

Soomaalida dibad joogga ah, culays weyn ay ku

tahay masuuliyadda dusha ka saaran ee dadka ay

isku reerka yihiin.

Xiriirka dhabta ah ee ka dhexeeya qofkan weyn iyo

ilmaha, ama aqalka la geynayo ilmaha in uu yahay

mid u qalma, haddii xataa loo maro guddiga

arrimaha Socdaalka qaabilsan, ama dadka ka

shaqeeya xiriirka bulshada, arrimahaas lama

sugikaro.

Haweeney Swedish ah, oo muddo toban sano ka

badan, arrimaha Soomaalida ka shaqeynaysay, ayaa

tiri, waxaan rumaysa nahay safarada carruurta

Somalida, oo aan cidina wehelin ay tahay arrin aad

loo soo abaabulay…”. Waxaan la kulmi karaa dhowr

jeer, isla haweenay sheeganaysa in iyada iyo ilmuhu

ay qaraabo yihiin.” Laakiin saraakiishu waxay sheegayaan,

in ayan waxba kala socon, cidda ka

dambeysa dibad u dhoofinta carruurta, “waxaan

aaminsan nahay in dad halka joogaa ay ka

dambeeyaan shabakaddaas”.

Marka ugu horeysa oo ilmuhu yimaaddo, dalka

martida uu u yahay wuxuu mudnaanta koowaad

siinayaa, in uu isla baadigoobo ilmaha iyo waalidkood.

Dadka qaraabada ah ayaa iyana muujiyay dadaal ay

waalidka caruurta kula xiriiriyaan, iyaga oo waalidiinta

ku qalqaalinaya in ay ilmaha dib dalkii ugu

celiyaan, saraakiisha socdaalka ayaa sidaas laga soo

weriyay.

Inkasta oo uu jiro, shaki laga qabo in ay waalidiinta

qaarkood waxka abaabulaan isxambaarka ilma-

Dhowrkaan sano ee dambe, dadku wuxuu aad ugu

baraarugay dhibaatooyinka lagala kulmay, haynta

carruuraan cidina wehlin. Mararka qaarkoodna

dadka xigtada ah, ayaaba ku gacan siiyo saraakiisha

socdaalka, sidii loola xiriiri lahaa waliddiinta looguna

qancin lahaa in ay ilmahooda dib u soo

ceshadaan.

Dhamaantood, ilmuhu waxay doonayaan in ay

dalkii dib ugu laabtaan, si degdeg ah.

Hase yeeshee, shaqaalaha ku hawlan adeegyada

bulshada iyo xeeldheerayaashii dhimirku, waxay ka

digayaan in qorshahaas dib u noqoshadu uu yahay,

mid lagu muransan yahay, lagana yaabee in aanba

ilmaha dani ugu jirin, waayo waxaa dhici karta in

ilmaha dib loogu celiyo deegaan ay halisi ka taagan

tahay, ama xaalad lagu dhibayo uu galo, ama

in qoyskiisu kula dhaco carada uu qabo, marka uu

dalka dib ugu laabto.

Marie Hessle, oo ah khabiir xagga cilmi-nafsiga,

lana shaqeeysa carruurta aan cidina wehelin ee

Sweden jooga, ayaa tiri, habraaca dheer ee rasmiga

ah iyo xafiisyada la marayaa, marka qofku dal

yimaaddo, waa mid aad u shiddo badan, “marka la

wareysanayo, waxaa laga yaabaa,, in la yiiraahdo

been baad sheegaysaa,.

Arrintaas darteed ayaa waxaa dhacday in aan

dadka dhallinyarada ah talooyin ka siiyey. “Waxay

tiri, waxaa dhacday in caruurta tababar lagu siiyey,

IRIN 42


Cutubka 3aad: Xannaanaynta carruur gooni ka ah qoyskoodii

looguna cagajugleeyey, in ay ka sheekeeyaan

sheekooyin gaar ah keliya.

Carruurtani waxay qabaan dhibaatooyin hoos u sii qodan, oo

xagga cilmi-nafsiga la xiriira, waxaase mararka qaarkood

adag, in la ogaado asaaskoodii hore: Safarka ka hor, ama inta

safarka lagu jiray, ma safarka dartiisaa mase sababtu waa

gooni ka ahaanta qoysaskooda. Qaarkood baa iska ooyaya, oo

aan kala joojineyn, marka ay hadlayaan.

Mararka qaarkood waa ay adkaaneysaa in aad waax ka

garato. Waxaan oran lahaa mid kasta oo aan cidi wehlini

wuxuu qabaa dhibaato nooc ay tahayba; waxaa uun kala

badan, dhibaatooyinka xanuunka markaas ku hayo, sida hurddo

la’aanta ba’an, qarow, waalidka oo laga welwelo, cidlada

iyo isku mashquulidda.

daalka iyo xeeldheerayaasha cilmi-nafsiguba,,

waxay yiraahdeen ubadka aan cidina wehelin

intooda badan, waxay ku doodaan in ay ka yaryihiin

da’dooda, iyaga oo isleh tixgelin gaar ah,

ayaad nidaamka loo maro magangelyo doonka

kaga heli doontaan arrintaas.

Waxaa jira carruur aan run ahaantii aqoon sannadka

ay dhasheen,, in yar ayaa rumeysan, in ay ka

weyn yihiin inta ay hadda jiraan.

Marie Hassle, waa khabiir cilmi-nafsiga, waxayna ku takhasustay

carruurta aan cidina wehlin ee Sweden ku nool

Qaar waxay la ildaran yihiin, kurbo, kadeed iyo qulub isbiirsaday. Waxaan aragnaa wiilal badan oo dagaalamaya,

oo dugsiga dhexdiisa rabsho ku sameynaya.

Deegaankaagii aad ka soo tagtay, waa dhibaato, maalmo yar ka hor ayaa loo sheegaa in ay tagayaan, marmar

waxaaba loo sheegaa waxyar ka hor inta aan wakiilku wadin. Qaar baa waaxaa ku dhaca qalbi jab, waxayna isku

dayaan in ay dhuuntaan ama isqariyaan.

Dabadeed waxaa ku xiga argagax cusub, waxay aadaan dalal aanay aqoon; gabdhaha qaarkood waa la faraxumeeyaa,

ama waxaaba kufsada wakiilka laftiisa.

Qaar badan waxaa lagu daadiyaa xarumaha treenku ka baxo, iyo garoomada diyaaradaha,, weli cilmi baaris

badan laguma sameyn, sida ay carruurtani ula qabsadeen, iyo sida ay ku sameyn doonaan nolol marka ay waynaadaan.

Waxaa jira eray quru oo tilmaan ka bixinaya dareenkooda waana kelinimo. Waxaan oran lahaa kuma dhex noola

bulshada ee cirifkay ka saaran yihiin. Taasina saadaal fiican muujin meyso.

Marka lagu sameeyo baaris-xeeldheer, waa ku

adagtahay ilmaha in uu ka sheekeeyo sheeko been

ah, dabadeedna sidaas ku noolaado ayay IRIN u

sheegtay.

Waxyaabaha inta hubinta lagu jiro, muran badan

dhaliya waxaa ka mid ah: da’da qofka dhalinyarada

ah, haddii qofka dhallinyarada ah da’doodu

gaarto 18 ama ka badan, xaq u yeelan

maayaan, xanaanada carruurta u gaarka ah.

Shaqaalaha adeegyada bulshada, saraakiisha soc-

Hay’adaha samafalka iyo kuwo xuquuqda

aadamigu, waxay ka welwelsan yihiin, isku dayga

lagu doonayo in lagu hubsado, da’da dhabta ah

ee ilmaha, ee madaxdu ay waddo, waxay u

IRIN 43


Cutubka 3aad: Xannaanaynta carruur gooni ka ah qoyskoodii

arkaan in ay tahay wax burinaya xuquuqda

assaasiga ah ee ilmaha isticmaalka rajaduna waa,

“waxaan sugneyn, islamarkaasna halis ah” sida

laga soo xigtay, kulliyadda cilmiga carruurta, UK,

Royal College.

Golaha arrimaha qaxootiga dalka Ingiriiska u qaabilsani,,

wuxuu qabaa aragtida oranaysa, waa in la

tixgeliyaa marka ilmahaan arrimahooda laga hadlayo,

waayo-aragnimadooda, aqoontooda xirfadeed

iyo baahidoodu waxa ay tahay, si markaas

kadib loo qiimeeyo, kaalinta da’ ahaan uu ilmuhu

ama qofka dhallinyarada ahi ku habboon yahay in

uu galo. La taliyaha u qaabilsan Golaha arrimaha

qaxootiga, hawlaha carruurta aan la wehelin ayaa,

isaga oo ka hadlaya ilmaha aan cidna wehlin, ee

da’a yarta ah, wuxuu ka digayaa, inay dhici karto,

dad dhallinyaro ah ay muuqaal ahaan u ekaadaan,

sidii dad waaweyn, sababta taas keeneysaana

waxay tahay, saameynta ay noloshooda ku yeelan

karaan, xaaladaha qalafsan iyo dhacdooyinkoodu.

Xilka saaran Soomaalida

dibad joogga ah

Dalalka yurub, qofkii 18 sano ka yar waxaa loo

aqoonsan yahay caruur, wuxuuna leeyahay xuquuq

gaar ah, iyo tixgelin. Waxaa laga yaabaa, qeexiddaan,

reer galbeedka ee da’da carruurta ku

saabsan in ay ka horyimaadaaan, dhaqamo carruurnimada

si kale u arka, tusaale ahaan dhaqanka

Soomaalida waxaa laga heli karaa, gabdho sagaal

sano jir ah, in loola dhaqmo sidii dad waaweyn oo

kale, wiilal kurayo ahna in loo dhiibo xilal, sidii

qof weyn, oo deegaankooda ah oo kale.

Soomaalida dibadda ku nool haddaba, waxaa

heysta dhibaatooyin uga imanaya dhaqamada is

diidan, dhaqaale ciriiri ah, iyo daruufta bulshadu ku

sugan tahay oo isbiirsaday, markaa waxaa ku

adkaaneysa sidii ay nolol-maalmeedka, iyo

waxbarashadooda, siiba carruurta aan cidi wehlin,

oo waalidkood goonida ka ah, u maareyn lahaayeen.

Marka qoys Somaliyeed oo dibadda ku nooli u

qaado ilmo aan cidi wehlin, inta badan lagama sii

fakaro arrintaass, culeyska masuuliyadeed ee ay

leedahay gaar ahaan, xuquuqda u bislaaneysa ilmahaas,

oo la rabo in la siiyo, iyo natiijada halkaas ka

dhalaneysa ee masuuliyadda dowladda ka saaran.

Waxaa kale oo laga yaabaa in aan fahamsanayn

waxyaabaha, uu sida gaarka ugu baahan yahay,

ilmaha aan cidina wehelini, sida: in loo sameeyo,

warqadihii aqoonsiga, qulubka iyo kurbada haysa

oo wax looga qabto.

Arrimahaani, haddii aan marka hore laga

tabaabusheysan, waxay marka dambe keeni karaan,

isafgaran waa iyo iskahorimaad ka dhex dhaca,

ilmaha iyo dadka xanaaneynaya. Dhibaatooyinkaasi

waxa ay u horseedi karaan in khilaaf ka dhex

dhasho xiriirka ilmaha iyo dadka xanaaneeya, waxaana

dhici karta, in ilmaha Soomaalida ee aan cidina

wehelini in sannad kadib markii uu dalka soo

galay, la arko, sida ku cad tirakoobyada rasmiga ah

ee xagga dembiyada, ayna noqdaan qaar lagu hayo

xarumaha dhaqantoosinta ubadka, sida kuwa

dugsiyada ka saaqida, ama maandooriyaasha isticmaalkooda

barta.

Laba dhaqan baa

kala jiitay

Marka dalka martida loo yahay, la yimaaddo,

waxaa dhacda carruurta, gaar ahaan kuwooda

roon-roon in culeys badani fuulo, oo inta badan

IRIN 44


Cutubka 3aad: Xannaanaynta carruur gooni ka ah qoyskoodii

kaga imaanaya asaagooda ay isku heerka nolosha

ka marayaan, waxayna markaasba, bilaabaan sidii

ay ugu dayan lahaayeen, oo ay isugu ekeysiin

lahaayeen facood.

Carruurtu inta badan markiiba afka waa

baranayaan, waxa kale oo ay soo maanguurinayaan

dhaqanka xaggiisa, wixii ay la noqoto in

ay ku habboon yihiin in la sameeyo. Dadka

waaweynise waxay u arkaan, in ay masuuliyaddooda

ka mid tahay, sii haysashada iyo badbaadinta

dhaqankoodii asalka ahaa, carruurta qaar baa

noqda sidii ‘buundo’ Labada dhaqan isku xira,

labada dhaqan ayay ku wada nool yihiin, oo u

dhaxeeyaan, waana inay iyagu ahaadaan isu gudbiyaashii

labada duniyood, tusaale ahaan, dadka

xanaaneeya ayaa waxay u akhrin karaan warqadaha

dugsiga, iyo jawaabta ay ka soo qoraan, iyaga

oo isla markaasna maanka ku haya, culeyskadalka

xaggiisa ka saran oo la filayo in ay yeesheen keyd

dhaqan Somaliyeed ah, si ay dadkooda dhexdiisa

xushmad iyo qadarin ugu yeeshaan.

Isku dayidda Soomaalida dibadda joogtaa ay

sameeyeen, si loo ilaaliyo dhaqanka Somaliyeed,

waxaa ka mid ah: caruurta oo Quraanka la baro,

ilmaha oo lagu adkeeyo in ay af Somali ku wada

hadlaan, marka ay aqalladooda joogaan.

Dhibaataduse waxay ka dhacdaa marka ay ilmuhu

diidaan, ‘Soomaaliyeynta’ oo ay qaataan habnololeedka,

iyo waxyaabaha la weyn dalka martida

loo yahay, sida dhaqankooda oo kale, taas oo

waxyeeli karta ama dhaawici karta, awooddii

dhaqan ahaan dadka waaweyni ay maareynta

arrimha qoskooda ku lahaan jireen.

“Dhirbaaxada iyo garaacidda, bulshada Somalidu

waxay u aragtaa edbin caadi ah, dad waaweyn oo

badan ayaa u qaadan waayay, oo ka carooday sida

masuuliyiinta ay arrintaas u maamuleen” waxaa

sidaas yiri hooyo Somaliyeed.

Waxaa kale oo niyad-jabka iyo buuqa u sii dheer,

waalidiinta dibad ku noolka ah, iyo dadka kale oo

iyana caruurta xanaaneeya, dhaliilo uga imaanaya

Ilmo sagaal jir ah, oo Kanada lagu korinayay,

qof soo laabtay oo Hargeisa jooga

Markii aan cararay, eeddadey ayaa sidii haddiyad aroos oo kale noo siisay gabra sagaal jir aheyd. Waalidkeed

dagaalladii ayay ku dhinteen, waana waajib dhaqan ahaan in aad ugu yaraan hal qof aad masuuliyaddiisa

qaaddo.

Run ahaantii, wax kasta oo Soomaali ah waa ay diiday, wakhtigaasi wuxuu ku soo beegmay horaantii

1990meeyadii, markaas Somaliya arrimaheeda warbaahinta adduunka ay si joogto ah ugu jirtay, waxaa la arki

jiray sawirro dagaal, macluul, iyo muuqaallo faragelintii Maraykanka, waxay aheyd ilmaha keliya oo Somali ah

oo dugsiga dhigta, xaalkuna waa ku adkaa

Maalintii dambe gurigiiba kuma ay soo noqon, waa naxay, sababta oo ah maalintii ay aqalka ka tagtay, ma

aanan murmin,

Saddex maalmood ka dib ayay soo laabatay, iyadoo ay la socoto gabar dhaqan xumo ku caan baxday, xagga

deriska, madaxda ayay inta u tagtay ku tiri naagtaas hooyadey ma aha, ee waxaan u baahnahay in aan kaalmo

ka helo adeegga bulshada.

IRIN 45


Cutubka 3aad: Xannaanaynta carruur gooni ka ah qoyskoodii

xagga barayaasha, iyo booliska oo ku eedeynaya in

ay hanan kari waayeen anshaxa carruurtooda.

Waxaan geynay Kanada, dhibaatooyin ayaase dhacay,

markii ay gabaru gaadhay 13sano, waxay rabtay

in loo ogolaado in ay u lebisato sidii dadka

Kanada oo kale, waxayna guriga imaan jirtay iyada

oo bar qaawan, oo qabta surwaal ciriiri ku ah,

sigaarka iyo khamrigaba waa ay cabtaa, dibadda

ayayna ku soo caweysaa, waxaan uma aan ogolaan

karo, waa wax dhaqanka Soomaalida ka soo wada

horjeeda.

anshax-marinta ilmaha arrimo la xiriira dartood.

Haweeney adeegyada bulshada loo fidiyo, iskaa

wax u qabso ahaan, kaga shaqeyn jirtay oo joogta

Kanada, ayaa ka sheekeysay wixii ay arrimahaan

kala socotay, waxayna xustay dhowr arrimood

oo soo maray, sida: Mar qoys Somali ah

caruurta inta laga watay, la geeyay xarun ku meel

gaar ama joogto ah, oo ilmaha lagu xanaaneeyo.

Sababtuna waxay ahayd mid ka mid ah carruurtooda,

ayaa booliska gaarsiiyay jir dil guriga

dhexdiisa ka dhacay.

Waalidiinta Somalidu waxay sheegeen in dhibaatooyinka

ka horyimid, kuwa ugu waaweyn uu ka

mid yahay, sida dhaqanka reer galbeedku, uu ciriiriga

uga dhigay edbinta carruurta, si carruurta

dibadda loogu koriyaana waa ay adag tahay.

Waxa kale oo ay xog-ogaal u ahayd, dhacdo ilmo

yar oo toddoba jir ah oo telefoon booliska u diray,

una sheegay booliska in ay hooyadiis dharbaaxday,

walaalkiis ka yar oo shan jir ah, markii uu wax

gaarsiiyay walaashiis ka sii yar.

“Dugsiga marka la joogo, barayaasha, iyo waalidiintuba,

midba midka kale ayuu ku eedaynayaa,

anshax-xumida carruurta, waxay nala tahay sababta

ay caruurtayadu u akhlaaq xunyihin, waxay

tahay barayaasha oo aan dharbaaxin, iyo carruurta

oo aan xushmeyn barayaasha. Markii aan

barayaasha u tagnana waxay nagu yiraahdaan

maxaad u edbin weydeen ilmihiinna?” sidaas

waxaa yiri mid ka mid ah waalidiinta Soomaalida.

Iska soo horjeedka

caadada iyo is-dhexgalka

bulshada

Soomaali badan oo dibadda ku nool, ama dalka dib

ugu laabtay, ayaa ka sheekeeya, sheekooyin ku

saabsan waalidiin Soomaaliyeed, ama dad

xanaaneyn jiray carruur aanay dhalin, oo inta aqalada

loogu soo galay, carruurtii xoog looga qaatay

Ilmaha toban jirka ah, waxaa dugsiga lagu baray in

uu booliska waco, haddii ay wax rabshado ah ay

aqalladooda ka dhacaan.

“Hooyada ilmaha dhashay, ma aqoon afka dalka

martida loo yahay, markii boolisku aqalkooda

yimid, toddoba jirkii ayaa qaaday xilkii turjubaanka

ee loo baahday. Hase ahaatee, ilmihii yaraa

waxaa isla markii gashay cabsi, uu ka qabo

hooyadii iyo booliska, kadib markii uu garwaaqsaday

culeyska ay leedahay dhibaatada uu geystay.”

Hooyadii ma ayan garan sababta boolisku aqalkooda

u yimaaddeen, waxaana ku beermay walbahaar,

iyo kacsanaan khalkhal gelisay arrinteedi oo dhan.

Markii aniga la ii yeeray, carruurtii oo dhan waxaa

la geeyay xarun xanaano, oo ku meel gaar ah, tan

iyo inta ay arrintu dhinac u dhacayso.

IRIN 46


Cutubka 3aad: Xannaanaynta carruur gooni ka ah qoyskoodii

Waalidiinta iyo xanaaneeyaashu labaduba waxay

dareemayaan, in awooddoodii uu daciifiyay hannaankaan

ah Jaantaa-rogan, oo ku saleysan daryeel-bulshadeedka

ee Yurub iyo waqooyiga Amerika

looga dhaqmo.

Marka ay dhallinyarda aan weli qaangaarka ahayn,

u soo jeediyeen codsi kaalmo dowladda, daryeesha

bulshada, waxaa dhici karta in ay xaq u yeesheen

in la siiyo deegaan iyo daryeel u suurtogelin kara,

in ay qoysaskooda gooni uga noolaadaan.

Dhallinyaro badan, oo aan weli qaangaar ahayni,

waxay aad ugu mashquulsan yihiin, sidii ay ugu

dhex milmi lahaayeen, dhaqanada cusub, ugana

soo horjeesan lahaayeen talada, dadka waaweyn

ee aqalka jooga, si ay uga fogaadaan dhaqankii

asalka ahaa.

Qaar kalena waxay qabaan, in aan qaybaha ugu

muhiimsan, dhaqankoodu aanay wax xiriir ah la

yeelan karin duruufaha cusub ee nolosha maanta,

tusaale ahaan: wiilasha aan weli qaangaarini

waxaa laga filayaa, in ay qayb weyn oo muuqato

ku yeeshaan arrimaha reerka, marka ay gaaraan

14jir, waxayse hadda is arkayaan iyagii oo ku

dhex nool, bulsho reerka aydheddig madax ka

tahay, oo si cad loo cambaareynayo, amarku-taagleyntii

ragga.

Soomaalida dibadda ku nool mid ka mid ah ayaa

wuxuu yiri: “jahawareerka dhaqanka” oo sidaan oo

kale ahi wuxuu keenay, in dadka waaweynina si

xad dhaaf ah ugu dhegaan caadooyinkii hore,

dhallinyaraduna ay ku mashquusho ku dayasho iyo

isku dhex-milmid.

Dadkii waaweynaa waxay dib ugu noqdeen

dhaqankoodii, caruurtoodiina waxay aad u barteen

nidaamka dadka kale, si fiican ayay wax u

barteen, afka dalka martida lagu yahay si fiican

bay u yaqaaniin, iyo waxa habboon in la sameeyo

dhaqan ahaan, waxaa kale oo laga yaabaa in ay

shaqooyinka waraaqaha (sida waraaqaha dugsiga

laga soo diro, iyo waraaqaha rasmiga ah ee la

buuxinayo iwm).

Waalidiinta Soomaalida mid ka mid ah ayaa wuxuu

yiri “Awoodda dadka waaweyni ma kala cadda”.

Dad badan oo waaweyn oo dibadda ku nool, ayaa

isku daya in ay hoos u dhigaan, kala duwanaanshaha

dhaqan ee u dhaxeeya, jiilalka kala duwan,

iyaga oo ku adkeysanaya marka aqalka la joogo in

af-Somali lagu wado hadlo.

Carruurta habeenkii ama dhamaadka toddobaadka,

Quraankaa la baraa. Bulshada Soomaalida intii

suurogal ah, waxay ka wada shaqeeyaan ururro

deegaan oo ay bulshada kula xiriiraan. Hase

yeeshee, markii ay wax waliba oo kale ay shaqeyn

waayaan, ayaa caruurta dib loogu masaafuriyaa.

Mararka qaarkood arrintaas waxaa ka dhasha

halaag.

Kala roonaan

heer nololeed

Carruurta aan cidina wehelin qaarkood, waxay

qabaan silic aanay kuwa kale qabin.

Halista ugu badan waxa ku sugani waa kuwa

meel looga dhacay, ama siyaabo ku dul-noolaansho

ah loola dhaqmay, kuwaas oo ay ka mid yihiin,

khayaano,iyada oo sidii la doono guryaha

loogaga shaqeysto, iyo dhilleysi. Qaaraan la

aqoon, oo carruurtaas ka mid ah, ayaa laga

IRIN 47


Cutubka 3aad: Xannaanaynta carruur gooni ka ah qoyskoodii

faa’ideystay, iyada oo si xirfadeysan loo isticmaalayo,

adeegyada bulshada ee dowladda.

Dalka Ingiriiska, carruurta noocaan oo kale ahi,

waa kuwo ku jira halista ugu badan, oo ay aad

uga welwelsan yihiin, ururrada Soomaalida oo

iskood isu xilqaamay. “qoska inta badan, waxaa u

dan ah, oo uu rabaa waa adeegga bulshada laga

helo, laakiin, ilmahaas jaceyl uma qabo, daryeelna

uma hayo.

Carruurtauna waa ay og yihiin, in aanay iyaga iyo

ilmaha reerku dhalay, isku nolol siman iyo wax

wadaag siman toona ku wada nooleyn, taasina

waxay u horseedaysaa hoog iyo dhibaatooyin hor

leh”. Waxaa sidaas tiri Dahabo Ciise oo ah bulsho

abaabusho London joogta.

Dheef khayaano

Dowladda daryeelka bulshada nidaamkeedu ku

dhisan yahay, waxay mudnaanta siisaa haweenka

caruurta wata, waxaa laga yaabaa in ilmo loo

isticmaalo si deegaan lagu helo, ama lacag ay

isticmaalaan xubnaha kale ee qoyska. Xubno ka

tirsan Soomaalida dibadda ku nool, ayaa

dareenkooda ka muujiyay arrintaas, waxayna

tilmaameen in bulshada Soomaalida ah ee dibadda

joogtaa ay arrintaas indhaha ka qarsatay, laba

midkood ayayna sidaas u yeelayaan, dheefta lagu

qabo darteed in loogu xisho, ama haddii la

kashifo in lagu waayi karo danouu dadku hadda

haysto.

Bare Soomaaliyeed oo London joogta, ayaa waxay

tiri, caruurta lagu kor noolyahay si dheef loogu

helo, bulshada dhexdeeda waxay u muuqdaan

dad hoose.

Mar ay ka hadleysay, dugsiyada ay wax ka dhigi jirtay

midkood, ayaa macalimaddu waxay ka

sheekeysay, arday Somaliyeed oo siddeed sano jir

ahaa, oo dareenkeeda soo jiitay, wuxuu ahaa wiil

aad caato u ah, oo kala wada daadsan.

“Dugsiga wuxuu imaan jiray isaga oo aan waxba

soo cunin, waxaana iska caddeyd in aqalka cid

xanaaneysaa u joogin. Wuxuuna sheegay in uu la

noolaa qaraabo, carruurtoodu ay isaga necbaayeen,

isaga ayaana is dabari jiray” Wiilkaas isaga ayaa

faraha looga qaaday in uu quraacdiisa raadsado

dugsigana aado.

Waa arradnaa wiilku, inkasta oo waliba qabowna

uu jiray, joogto ayuuna u jiranaan jiray, sida ay

macalimaddu tiri, wuxuu isku tilmaami jiray, sidii

isaga oo qoyska dhexdiisa cidlo dareensan.

Dahabo Ciise, shaqada ay waddo ee ururka horumarinta

Somalida, waxay raadisaa carruurta goonida

ka ah qoysaskooda, ee bulshada ku dhex jira, si

ay u siiso talo iyo taageeraba.

Waxay tiri, dhowaan ayey ku baraarugeen culayska

ay leedahay dhibaatada ku Habsatay carruurta aan

cidina wehelin. Waxayna Dahabo ku tilmaantay

carruurtaas.

Aan cidina wehelin, intooda badani in ay ku “dhex

qarsoon yihiin”, lana nool yihiin, dad ay isku beel

ama qaraabo koraad yihiin. “Waxaan ku dadaalaa in

aan u qabanno wax kasta oo aan awoodi karo.

Dadka ay xigtadoodu ka mid tahay ayaan afka ka

weyddiinaa, si aan ku helo xog caruurtaas ku saabsan.

Mararka qaarkoodna ayagaaba noo yimaada, ka

hor inta aanay iskhilaafin qoyskii ay la noolaayeen.

IRIN 48


Cutubka 3aad: Xannaanaynta carruur gooni ka ah qoyskoodii

Bulshada Soomaalida waxay diidaay, iskuday la

doonayo in lagu soo ururiyo xog-warran, iyo liis ku

saabsan xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin

carruurta aan cidina wehelin. Arrintaasna waxay

Dahabo eeddeeda saartay, qayb gaar ah oo ka mid

ah bulshada Soomaalida.

“Dadkayagu waa diideen mana doonayaan, in la

ogaado in ay jiraan caruur gooni ka ah

qoysaskoodii, waayo waxay rabaan dheeftu in ay

u sii socoto” ayay IRIN u sheegtay. Dahabo waxaa

kale oo ay sheegtay inkasta oo ururkeedu isku

deyey, xaalad nololeeddka carruurta aan cidina

wehelin, in uu uga xogwarramo dadka ka

shaqeeya hawlaha adeegga bulshada, haddana

kuma uu guulaysan in uu qanciyo. Waayo. Waxay

rumeysan yihiin dadka arrimaha bulshada ka

shaqeeyaa, in ay ku filan tahay carruurta mar

hadday la nool yihiin dad ay qaraabo yihiin.

“waxaan isku daynaa inaan carruurtaas caawinno,

waxaan u tagnaa shaqada dadka gacanta ku haya,

waxaan tagnaa qaybta magan-gelyo doonka carruurta

aan cidina wehlin. hase ahaatee,inta badan

waxay nagu yiraahdaan waa in uu la joogaa ama

qaraabo ama saaxiibbo. Arrinkaani mudnaan gaar

ah maleh ayay yiraahdaan”.

Hay’adda badbaadada caruurtu, daraasadda ay ka

sameysay carruurta aan cidina wehlin ee dalka

Ingiriiska, waxay hoosta ka xariiqday welwelka ay

arrintaasi leedahay, kadib markii ay ogaadeen in

aan shaqaalaha adeegga bulshadu siin

Muhiimad sida ay qoysaska haya carruurta aan

cidina wehlinini ula dhaqmaan carruurta. “Ma

aanay tilmaamin dhacdo keliya, oo dad waaweyn

Deeqa oo London joogta, oo waraaaqo haysata, ayaa waxay ku

mashquulsan tahay sidii ay u fahmilaheyd warqad amar aqal ka

saarid ah oo loo keenay.

oo hayay caruur aan cidina wehlin, qiimeyn lagu

sameeyay ku habboonaanshaha in uu qaadi karo

masuuliyadda ilmaha”.

Sida ay sheegtay Marie Hessle, Cilmi baaris dalka

Sweden lagu sameysay, koox carruur ah oo aan

cidina wehelin oo tiradoodu tahay 100, kala dhalasho

ah, ayaa 58% ka mid ahi, waxaa la ogaaday

in ay qabaan dhibaatooyin culus ayna u baahan

yihiin kaalmo. Marie Hessle waxaa kale oo ay

sheegtay in sannadkii 2001 dhexdiisa, 12 caruur

ah oo aan cidina wehlin, oo dalal kala duwan ka

kala yimid, dowladduna ay xanaaneyso, ay damceen

in ay is dilaan. Waxay tiri, arrintaasi waxay

xiriir la leedahay argagaxii ay dalkooda kala

yimaaddeen iyo duruufaha ay kala kulmeen dalka

ay martida ku yihiin.

Sawir: IRIN/Jenny Matthews-Network

IRIN 49


Cutubka 3aad: Xannaanaynta carruur gooni ka ah qoyskoodii

“Qaarkood waxay goobjoog u soo ahaayeen dhacdooyin

murugo leh, qaarkood, iyagaaba la faraxumeeyay,

qaar kale waxay ka yimaaddeen qoysas

rabshoolayaal ah” waxaa kale oo ay intaas ku dartay,

in gabdhaha qaarkood ay kufsadaan, oo ay

faraxumeeyaan isxambaarayaasha laftoodu, ama

ay ku qalqaaliyaan dhileysi, qaar baa la ogaaday in

ay qabaan cudurka HIV”.

Ilhaan

Waxaa isxambaar ahaan loogu dhoofiyay dal deris ah, xilligii colaadda Soomaaliya ay ugu xumeyd, aabaheed

iyo laba gabdhood oo ay walaalo ahaayeen, waxaa lagu dilay magaalada dekadda leh ee Kismaayo

oo koonfurta Soomaaliya ku taal.

Waxay hooyadeed iyo walaalkeed gooni ka noqotay, markii inta ay carartay xudduuda ka tallowday.

Ilhaan nolol fiican bay ku nooshahay waxayna joogtaa Stockholm, waxayna IRIN u sheegtay, in ay aragtay

caruur badan oo aan cidina wehlin, oo badan oo nolosha la halgamaya:

Koox 15 ah ayaan ku biiray, 1995-kii annaga oo labo kaliya ah ayaana waxbarashadii dhameynay, intii kale,

qaar uur bey yeesheen, qaar khamri cab bay noqdeen, kuwa kale maandooriyaasha ayay isticmaalaan, qaar

kalena waxaa la geeyay xarumaha dhaqan celinta ee carruurta dambiyada gasha. Qaar baa guryo gooni u

degan oo bulshada Soomaalidu ay halkaas ku go’doomisay, gabar Soomaaliyeed oo iyana dhowaan ilmo dhali

doonta ayaa jirta. U maleyn maayo wax wali qaraabadooda la sii joogaa in ay jiraan, mid kale ayaa jirta oo

haysata ilmo saddex jir ah, oo iyana gooni u nool. Waxaa jirta gabar Soomaaliyeed oo 18jir ah oo ilmo

dhashay, waxayna ku nooshahay aqallada Swedishka midkood. Waxaad oran kartaa taasi waa mid takooran.

Maalin ka hor markii dibadda loo dhoofinayay ayaa Ilhan arrintaa loo sheegay, sheekadeeduna sidatan

ayay u dhacday:

Markii la ii sheegay in aan dibadda aadayo aad baan u naxay, waayo waxay igu noqotay wax aanan filayn,

hooyaday lama aan joogin, ee waxaan la joogay habaryartey, waxaa la igu yiri, waxaa laga yaabaa in aad dad

qaraabo ah xagga ka hesho. Waxaan iri ma tagayo,waase diidi kari waayay.

Isxambaaraha waxaan ku kulanay garoonka diyaaradaha, horayna wax isaga ku saabsan la iima sheegin.

Dabadeed waxa la igu yiri “ninkaan ayaa hadda aabbe kuu ah” baasaboor buu ii waday, wax dhibaato ahna

kalama aan kulmin maridda xafiiska arrimaha socdaalka. Waayo waa iska caddeyd in uu horay u sii diyaariyay

wixii loo baahnaa oo dhan. Anigu waxaan moodayba markaas in aan Mareykan u socdo.

Ninku ma hadal badneyn, wuxuuse ii sheegay keliya waxyaabaha ay tahay ina aan cuno. Waan baqay juuqna

ma aan laheyn, duulimaadka siduu ahaa waxba kama xasuusni.

Markii aan dayuuradda ka soo degnay, ayuu wuxuu yiri “halka fariiso, waan soo noqon doonaaye” wuxuuna

iiga tagay meel garoonka diyaaradaha ka mid ah, saacado badan ayaan sugayay, markii dambe intaan

xoogaa lulooday ayaan xoogaa gam’ay. Markii dambe waxaa ii yimid nin boolis ah oo af aanan aqoon ku

hadlay. Waxaanse markaas ogaaday, dhulka aan jooga in uusan markaas Mareykan aheyn, intuu farta igu soo

fiiqay oo yiri “Soomaali” markaas ayaan iri haa, wuxuu ahaa nin shaqo, oo aamus badan, mararka qaarkood

wuxuu igula hadlayay Swedish. Wuxuu i geeyay qol aan wax badan joogay, waxaa isugu kay darmay gaajo

iyo qabow. Markii dambe waxay telefoon ku soo heleen nin turjubaan ah.

Magacayga ayuu marka hore i waydiiyay, dabadeedna su’aal buu ka keenay. Anna aad baan arrintaas uga

IRIN 50


Cutubka 3aad: Xannaanaynta carruur gooni ka ah qoyskoodii

Haween Soomaaliyeed

oo lagu caawinayo

xaruunta jaaliyada

ee London.

Ilhaan

carooday, markaas ka dib ayay faraha iyo sawirba iga qaadeen, waxaan sitay shandad yar waa baareen, waxay

dabadeed i siiyeen kaar iyo tikid treenka lagu raaco, waxayna igu yiraahdeen tag xarunta qaxootiga, ee

Carslund.

Nin kale oo Soomaali ah, ayaan israacnay oo wada safarnay, meeshaas si lagu tago ma aanan aqoon! Xarunta

qaxootiga ee Carslund waxaan nimid saacaddu markii ay ahayd 10kii fiidnimo, waxaan ku degay oo aan helay

Soomaali kale, oo shaah iyo rooti i siiyay, inkasta oo markaas aan waxba iga degayn. Waxay i tuseen qol ay

yaalliin go’yaal iyo busteyaali, intaas wixii ka dambeeyay waxaan bilaabay howlihii magan-gelyo doonka.

Maba aan ogeyn in dad aan qaraabo nahay ay halka joogaan, shan bilood ka dib ayaan waxaan arkay nin ay

hooyadey ilmo-adeer yihiin, waxaa u soo sheegay in aan halka joogo, mid kale oo ay ilmo-adeer yihiin, markii

hore arrintu waa igu adkeyd, inta badan waa aan iska aamusnaa, oo iska deganaa.

Xaaladdu waa iska adkeyd, waxaan xasuustaa in ay ahayd wakhti dheer oo cabsi leh, hase ahaatee marka aad

bilowdo in aad la qabsato, waa loo adkeysan karaa.

Hooyadey ina-adeerkeed ayaan la joogay, aniga iyo asaga kaliya ayaan ahayn, xaaladdu ma fiicnayn, haween

ayuu ballansan jiray, aniga oo markasta aqalka jooga ayaa naagihii uu saaxiibta la ahaa u imaan jireen. Markii

dambese waxaan galay dugsi, waxaan isbaranay haween iyo gabdho, dugsi sare ayaan u gudbay, saaxiibbo

ayaan yeeshay, afkana waa ku fiicnaa.

Hadda waxaan u gudbay jaamacad in aan galo, marka waxaan rabaa bal in aan yarehe hakiyo.

Hadda hooyadey xiriir baan leenahay, adeerkeey baa lix sano ka dib soo helay, waa wax yaab leh, sannadahaan

aan kala maqneyn oo dhan, ma aan laheyn qof aan ku kor ooyo, hadda ka hor waxaan ku heshiinnay

in aan ku kulanno dalka Kenya, waxayse hooyadey arki doontaa, wakhtigaas dheer oo aan ka maqnaa in

aanba koray, oo noqday shaqsi gooni ah.

Hooyadey waxbadan bay igu dul ooyday, laba bilood ayaan Kenya wada joognay,(magaalo madaxda Nairobi)

dabadeedna iyada iyo walaalaheyba Soomaaliya ayay dib ugu laabteen.

Waxaan weydiiyay hooyadey waxa ay ka qabto in aan Sweden geeyo, loona soo mariyo xafiiska arrimaha socdaalka

qaabilsan, hooyadey waxay tiri, waxaan ahay qof wayn, wakhtigaan aan hadda ku jirana lama qabsan

karo dhaqan cusub oo bulsho.

Waxaan jeclahay in aan Somaliya dib ugu laabto, markasta waxaan dareensanahay in aan Somali ahay, waxaanse

ogahay in ay dhib tahay, halka dhaqanka yaal, qof waliba keligiis ayuu is debiraa, xitaa Nairobi, waa la qabsan

waayay, waxaan rabaa caruurteyda in ay Somaliya ku barbaaraan. Halkan xaaladdu waa adag tahay, lagumana

ogola in aad carruurtaada anshax marisid, waxaanse anigu rumeysnahay in aad awoodid in aad ilmahaaga dharbaaxdid,

si aanay xadka uga bixin. Waxaan arkay dhallinyaro badan oo Somali ah, oo ku dhex jira waxyaabo

xunxun sida: maandooriyaasha iyo khamriga, waxaa la qaataa in xaaskaagu uu Somaliya kuu degan yahay.

Sawir: IRIN/Jenny Matthews-Network

IRIN 51


IRIN 52


Cutubka 4aad: Riyadii Waxbarashada

Waa

maalin kale iyo cidla oo aan dhex fadhiyo carruur wada faraxsan oo sheekeysanaya.

Labada keebaa daran, markii ay iga sii wada jeestaan iyo marka ay igu soo wada dheygagaan?. Gabaraasi

markii ay igu joojisay jidka yar ee dhismaha dugsiga hormara, waxaan mooday in ay ila saaxiibeyso, markii

dambese waxaan arkay iyada oo kooxdeedii iyo taageerayaasheedii la sheekeysaneysa oo aan aniga juuq

ii laheyn.

Waxay billowday in ay dharka iga rifto, intay dhabanka dhabanka ii saartay ayay ku hadashay wax xun.

Kabo madow oo qurxoon oo ay qabtay iyo kuwo sandal ah oo aan watay ayay inta sidaas isu dhinac dhigtay

qosol ka wareegtay, markii aan ku iri naa jooji waxa aad sameyneysid waabay ka sii dartay oo waxay

billowday qeylo cod dheer ah, intay igu soo dhowaatay ayey ii dhaaratay markaas ayaan dib isaga riixay.

“Fadumo!”

Haddaa dhibkeygii billowday, waxaana ka gartay sida baruhu kursigayga u ag marmarayo isaga oo neeftuuraya,

marka uu isoo eegaba waxaan isku dayay in aan u sheego waxa ay gabaraasi igu sameysay,

baruhuse wuxuu igu yiri adeerkaa ayaan u sheegayaa. “Sidaas uma dhaqanno annagu, dhulkaan

waxyaabahaas oo kale lama sameeyo”.

Gogoldhig

Sababta koowaad ee carruurta dibadda loogu

diraa waa in ay wax soo bartaan.

waalidkood goonida uga nool ee la arkay waa ay

ka fog tahay fursaddii dahabiga ahayd oo ay waalidiintu

maanka ku hayeen in la gaari doono.

Dhibaatada deegaanada Soomaalidu ay ka siman

yihiin, mid hodan ah iyo mid sabool ahba, waa

baahida weyn oo ay u qabaan waxbarasho nooc ay

ahaataba.

Waalidiin badan ayaan ilmahoodu waxbaran haba

yaraatee ama waxbarashadoodu ku koobnaataa oo

ayan dhaafin heer bilow ah ama quraan oo kaliya,

waxay xaaladda noocaas oo kale ahi ku kallifaysaa

in ay qaataan go’aamo adag oo ay u arkaan in ay

xal u yihiin waxbarashada ubadkooda.

Hase ahaatee, arrintii waalidiintu waxay noqotay

sidii murtidii Soomaaliyeed oo oraneysay, “la mood

noqonse weyday,” waayo-aragnimada carruurta

Dadka waaweyn oo dalka jooga, in aad u yar oo ka

mid ah keliya ayaad mooddaa in ay dareensan yihiin

dhibaatada gaarka u ah carruurta aan cidina

wehelin oo ay kala kulmayaan isku daygooda ka

dhabaynta riyadooda waxbarashada.

Run ahaantii carruurta aan cidina wehelin,

intooda badani ma buuxin karaan shuruudaha

waxbarashada dugsiyada dibadda looga baahan

yahay. Saas oo ay tahay, haddana inta tirada yar

ee ku guuleysta waxbarashadooda, qaatana shahaaddooyin

la aqoonsan yahay oo aan dalkooda

laga heli karin, waxaa haysta shiddo nafsaani ah

oo ku saabsan xagga aqoonsiga iyo wehel

la’aanta.

IRIN 53


Cutubka 4aad: Riyadii Waxbarashada

Soomaalida dibadda ku nool dhexdooda muran

weyn baa dhex yaal oo ku saabsan waayo-aragnimada

carruurta. Sababaha ugu weyn ee qiilka

looga dhigto dalka dib ugu soo celinta carruurtaasi,

waxaa ka mid ah waxbarashada oo ay ka

saaqidaan.

La qabsi

Carruurta aan cidina wehelini waayo-aragnimada

ay kala kulmaan waxbarashada dalka ay martida

ku yihiin, ayaa waxay noqon doontaa mid ka mid

ah waxyaabaha ugu weyn ee saldhigga u noqon

Dugsiyada Soomaalida

Nidaamkii caadiga ahaa ee waxbarashadu wuxuu la burburay xukuumaddii dhexe ee Somaliya. 1991dii, dhismayaashii

dugsiyada intooda badani waxay noqdeen, wax la qabsaday oo la degay iyo qaar la baabi’iyay intii

qalalaasuhu socday.

Tobankii sano ee ugu dambeeyay, dadka deegaanka ayaa dadaal ay sameeyeen wuxuu suurtogeliyay in la

sameeyo adeeg qaab waxbarasho leh.Hay’adda UNICEF ayaa dib ugu soo celisay waxbarashadii assaasiga

ahayd magaalooyinka waaweyn qaarkood. Hase ahaatee, waxbarashadu waa dhibaato taagan oo joogto ah

iyada oo weli goobihii waxbarashada qaar la deggan yahay, qaarna dayactir la’ yihiin, waxaa kale oo maqan

wixii qalab iyo alaab maamul ee waxbarasho.

Barayaasha laftooda tiro ahaan waa ay yar yihiin, waxayna ku shaqeeyaan mushaar la’aan ama wax yar, waxayna

ku nool yihiin maamullada deegaanka ka jira oo wixii suurtogal ah wax kala qabta.

Waxbarashada gaarka ah ee Muqdisho, dhowaan kor bay u soo kacday ka dib burburkii iyo baabi’ii haleelay

sannadihii hore oo ahaa waxaan horay loo arag. Bareyaal jooga Mogadishu ayaa IRIN u sheegay in ay hadda

caasimadda ka furan yihiin 100 dugsi oo gaar loo leeyahay kuwaas oo ay wax ka bartaan saddex meelood oo

meel carruurta Muqdisho ku nooli.

Sida caadiga ah, dugsiyadaas bilowga ah waxay ku jiraan dhismayaal wada guban, daaqaduhuna wada jajaban

yihiin oo ay dhex yaalliin alaabo xafiis oo yari iyo looxda ilmaha wax loogu dhigo oo kala dhacsani.

Ardaydu ma haystaan bugaag ay wax ku qortaan iyo kuwo ay akhristaan midna; waxa ay wax ku dhigtaan

xaashiyo mid-mid ah oo marka ay weydiistaan baruhu siiyo.

Bare kasta oo horay uga tirsanaan jiray wasaaraddii baaba’day ee waxbarashada oo la heli karo hadda wuxuu

u shaqeeyaa dugsiyada gaar ahaanta loo leeyahay. Waxaa jira kuwo qortay “barayaal” wax ka bowsaday

dhageysiga raadiyaha.

Ardayga dhigta dugsiyadaan, waxaa waalidkood bishii bixiyaan $15, waxaana la dhigaa duruusta waxbarashada

asaasiga ah iyo tan dugsiga sare.

Waxaa jira dugsiyo Quraanka laga barto, oo intooda badan ay taakuleeyaan hay’adaha samafalka ee Muslimku.

Xaaladda guud ee waxbarashada caruurtu ay ku sugan tahay iyo tan dugsiyada caadiga ahi waa isku wada mid.

Tobankii sano ee la soo dhaafay waxaa la burburiyay wax alla wixii qalab waxbarasho ahaa sida; rugaha buugaagta

lagu keydiyo, buugaagta laftoodii, dukaamada buugaagta lagu iibiyo, xarumaha agabka dhaqanka

lagu keydiyo iyo goobihii waxbarashada kuwaas oo aan wax raad ah ka tagin.

Waxaa kale oo ka mid ah guryo, buugag iyo alaabo dad gaar ahi lahaayeen. Dhibaatooyinkaas waxaa u sii

dheer culeyska ay leeyihiiin saboolnimada iyo ammaan-darradu, waana sababta ay ugu suurtoobi la’dahay

jiilalka carruurta ah ee haatan in ay waxbarasho iyo horumar higsadaan.

Waxaa iyana barbar socda, tayo xumada waxbarashada caadiga ah, duruufaha gurmadka oo ay caruur badani

ku qasban yihiin in ay ku noolaadaan waxaana ka mid ah; in ay ku koobnaadaan deegaanka gurigooda

IRIN 54


Cutubka 4aad: Riyadii Waxbarashada

doona nooca nolosha ay mustaqbalka ku noolaan

doonaan marka ay weynaadaan. Kuwa noloshaas

guusha ku gaaray laftooda ayaa arkaya in ay

tahay waayo-aragnimo kelinimo leh. Hodan oo

hadda ka barata cilmiga Bio-Medical Technology,

magaalada Stockholm, ayaa waxay Sweden timid

iyada oo 13jir ah waxayna haysaa laba gabdhood

oo ay walaalo yihiin oo kala jira afar iyo siddeed

sano. Hodan oo IRIN u warrameysay ayaa u

sheegtay in kasta oo ay waxbarashada heer fiican

ka gaartay in ay aad isugu taxlujisay sidii ay saaxiibbo

ku kasban laheyd.

Dugsiyada Soomaalida

sababta oo ah, waxaa ku wareegsan oo dhinac walba ka jira dhaqan colaadeed iyo hub, waxaa kale oo ay la’

yihiin waxyaabaha asaasiga ah sida biyo nadiif ah, fayodhowr, koronto iyo adeegyada isgaarsiinta.

Deegaannada colaadda ka soo doogsaday laftooda sababaha ay carruurta dibadda ugu diraan, ujeedadeeda

koowaad waa fursado waxbarasho in ay helaan.

Somaliland horaantii 1990meeyadii ayaa qiyaas xoogaa ah dib loogu soo celiyay waxbarashadii caadiga

ahayd, waxaana lagu bilaabay dib u soo nooleynta qaar ka mid ah dugsiyadii asaasiga ahaa, iyo wasaaraddii

waxbarashada oo dib u howlgashay, waxaa hadda jira saldhig ay ku tiirsan yihiin 165 dugsi oo asaasi ah, sacab

muggiis oo dugsiyo sare ah iyo jaamacad ay sameeyeen dadka reer Boorama ah ee dibad-joogga ahi.

Hase ahaatee, tayada waxbarashada guud ahaan waxaa loo arkaa in ay heer hoose tahay, dhibaatooyinka

waxbarashada haysataana waxaa saameynaya kuwa bulshada iyo dhaqaalaha dhibaatada dhulka ku haya.

Waalidiin badan ayaan u arag dugsigu in uu yahay goob waxbarasho oo waxay u haystaan meel ay carruurtooda

kaga celin karaan in ay waddooyinka is dhoobaan ama rabshado ay sameeyaan.

Warbixin ay soo saartay hay’adda ka dhex shaqeysa bulshooyinka dagaaladu burburiyeen ee loo yaqaan (war

torn-society) ayaa waxay ku sheegtay aragtida waalidiin badani ay qabaan ay tahay, in dugsiyadu ayan ahayn

goobo waxbarasho loo doonto, hase ahaatee sababta ay carruurta ugu diraan ay tahay si looga ilaaliyo in ay

caruurtu waddooyinka rabshado ka sameeyaan!!. Sannad kasta oo carruurtoodu ka badbaaddo barashada

dhaqanka day-dayga waddooyinka qoriga la taagan, waalidiinta culeys weyn ayaa ka dega.

Sida dugsiyada Quraanka oo kale, dugsiyada gaarka ah ee Somalidu waxay isticmaalaan nidaam adag oo leh

garaacid jirka ah, anshax marin iyo ul wax laysku barayo, fahamka ayaa loo fiiriyaa ee da’ ma aha . “Xataa

ka hor intii ayan gebi ahaanba burburin nidaamkii waxbarashada, ee (Somaliya) dugsiyadu sabool bay ahaayeen.

Habka gudbinta ee baruhu waxay ahayd caadi leh amarro adag oo la raaco iyo ul wax ku barasho.”

Sidaas waxaa yiri Maxamed Kaahin oo bare iyo qoreba ah.

Waxaa kale oo Maxamed Kaahin ka hadlay oo yiri; “wax lala yaabo ma ahayn in aad aragto fasal ay wada

dhiganayaan arday da’ walbo leh, waxa kale oo fasallada ka jiray in ay ku kala badnaayeen wiilasha iyo gabdhahu

heer walba, kala duwanaanshuhuna wuxuu sii badnaa marka lagaaro heerka waxbarashada sare oo

inta badan gabdhuhu ay waxbarashada ka haraan si ay u guursadaan oo ay nolol qoys u galaan.”

Hadda dhammaan deegaannada Soomaalida ee maamul-xukuumadeedyada laga sameeyay, (wasaaradahooda)

waxbarashada waxaa dhibaato ka haystaa dhowr arrimood oo ay ka mid yihii:- Lacag la’aan, aqoonsi

la’aan, xirfadaha iyo adeegga asaasiga ah oo ku yar. Bulshooyinka qaar baa sameystay dugsiyo ay leeyihiin,

inta badanna waxay gacan ka helaan Soomaalida dibadda ku nool.

Waxaa dhacday in heerka ay dugsiyadaasi kala marayaan ay aad u kala duwanaadaan, sida afafka wax lagu

barto oo kala ah, Somali, English, Carabi ama Talyaani, iyo habka shahaaddo bixinta. Shahaaddooyinka ay

bixiyaan lagama aqoonsado wixii ka baxsan dhulalka Soomaalida taas oo nidaamka waxbarashada carruurta

ka dhigaysa mid halkaas ku eg.

IRIN 55


Cutubka 4aad: Riyadii Waxbarashada

Waxay culays kala kulantay masuuliyadda ka

saaran labada gabdhood ee walaalaheed ah, waxaana

ku adkaaday waxbarashadii ay guriga wax ku

baran lahayd. Waxayna dareentay cidlo. “waxaan

dareemayaa in aan halkan waxbadan joogay,

waligeyna ka mid ma noqon doono. Xagga

waxbarashada dugsiga waa ku fiicanahay waayo

aad baan ugu dadaalaa waxbarashada. Waxaanna

nafteyda u diidaa in ay dib u xasuusato wixii aan

soo maray oo igu dhacay.”

Hodan waxay qabtaa kuna adkeysaneysaa in aan

waalidiinta somalidu, carruurtooda dibadda u soo

dirin waayo dhibaatooyinka ay la kulmayaan baa

ka badan faa’ idada ay soo helayaan; “waa arrin

murugo leh, caruurtuna waxba kama ay qaban

karaan, fursadaha la yiri ka faa’ideysta, duruufta

ay ku sugan yihiin darteed.”

Nidaam qalaad bay ku

dhex lumeen

Carruurta aan cidina wehlin waayo-aragnimada ay

kala kulmaan nidaamka waxbarasho ee qalaad

waxaa ka mid ah; dhibaatooyinka ka dhasha xagga

bulshaynta iyo isku-dhex milanka xagga bulshada.

Dhibaatooyinka inta badan haysta carruurta aan

cidna wehelin waxaa ka mid ah; iyagoo dareensan

in la diiday, jahawareer ka haysta xagga aqoonsiga

shaqsiga ah iyo waxyaabo kale oo ay ka mid yihiin

naxdin joogto ah iyo walbahaar.

sababta oo ah xagga isfahamka oo liita,

barayaashuna ma fahmaan, kuwa xanaaneeyana

ma kaalmeyn karaan, markaas ayaa ilmihii wuxuu

dareemaa in la dayacay oo dugsiga iyo barayaashu

cidla’ uga dhaqaaqeen, taasina waxay ku abuureysaa

in uu cuqdad qaado. Carruurta kale waxay

ogyihiin in ay joogaan fasaka kuwo taag-darani,

markaas ayay ku bilaabayaan in ay caddibaad

badan u geystaan, una xoog sheegtaan. “Xasan

Xuseen oo ah khabiir xagga waxbarashada ah, ayaa

arrintaas IRIN u sheegay, asaga oo London jooga.

Xeeldheerayaasha xagga waxbarashada, dadka ka

shaqeeya adeegga bulshada iyo saraakiisha xukuumaduba

waxay IRIN u sheegeen, in carruurta

Soomaalida ee qaxootiga ah, marka koox ahaan

loo fiirsho, ay u muuqdaan in ay ku liitaan nidaamka

waxbarasho ee Yurubta galbeed iyo waqooyiga

Ameerika looga dhaqmo. Arrintaasna waxaa sabab

looga dhigay dhibaatooyin dhowr ah oo haysta

carruurta, waana arrin marka guud ahaan loo fiirsho

ah dhibaato ay wadaagaan dhamaan dadka

qaxootiga ah iyo kuwa soo galootiga ahiba.

Tusaale ahaan, badi ilmaha Soomaalida waa lagu

khasbaa in uu dugsiga aado, iyada oo loo eegayo

intii isku da’ ahba ee aan kartida la fiirinayn,

Waxbarasho bilow ah, shahaaddooyin aan la aqoonsaneyn,

waxay ka dhigeen carruurta mid halkaas ku eg.

Nidaamka waxbarashadu kama jawaabayo baahida

duruufaha qalafsan oo haysta carruurta aan cidina

wehelin. Marar badana waaba uga sii daraa xaaladda

meeshii uu isaga soo dhoweyn lahaa farqiga

u dhexeeya. “Waxayna caruurtu ku dhex dhumaan

nolosha dugsiga, saaxiibbo ma sameysan karaan

Sawir: UNICEF

IRIN 56


Cutubka 4aad: Riyadii Waxbarashada

Bare Sweden jooga iyo carruurta aan cidina wehelin oo baranaya Swedish

Kuwa waaweyn waa ku dhib, kuwa yaryarise si degdeg ah ayay ula qabsanayaan, inkasta oo aan isleeyahay,

waalidkood ayay tebeyaan, qaar waa qalbi jab san yihin, qaar waxay ku xanaaqaan ardayda kale, qaar

dhimirkaa si ka ah, waxaa iyana jira qaar aan in muddo ah dugsiga imaanba.

Dhibaatooyin badan oo mashsquuliya ayaa madaxa kaga jira, dhibaatada ugu weyn ee haysataana waxay

tahay in ay kala doortaan Sweden in ay sii joogayaan iyo in ay ka tagayaan, waxaadna arkaysaa iyaga oo isku

buuqsan oo waxbarashadoodu hoos u sii socoto.

Waxaan ku dadaaalaa in wakhtiga ay dugsiga joogaan aan ka dhigno, mid xiiso u leh.

Qaarkood baa carruurta markay koraan na jeclaada oo noo arka in aan daacad howsha u nahay, waxay

markaas bilaabaan in ay nagala sheekaystaan dhibaatooyinka haysta..

Qaarkood baa wax baran kara, qaarna wax ma baran karaan, qaarkood ma laha awood xagga afka ah oo ay

noogu sheegtaan shidada haysa.

Waxaan oran lahaa haddii lagu dadaalo, laba sano ayaa lagu baran karaa afka Swedishka, markaas ka dib

xataa haddii aad tahay ardayad fiican, waa in aad raacdaa nidaamka u degsan waxbarashada dugsiyada

Sweden. Kaas oo aad u adag, waayo maaddo kastaa waxay leedahay erey bixin u gaar ah.

Ma haysto hanti aan ku kala dabbiro, si aan wax uga qabanno, dhacdooyinka aadka u sii daran. Waxaa dhacda

in ay caruurtu bilaabaan aqaladooda in ay iska joogaan oo ay joojiyaan imaanshihii dugsiga, carruurtaan

qaarkood waaba la waayaa. Carruurtaan aan cidina wehelini oo qaxootiga ahi, waa in ay helaan xanaanada

caruurteennu haystaan mid la mid ah. Waxayse aniga iila muuqataa in aan dadka intiisa badani, marka ilmo

aan cidina wehelin oo qaxooti ah la waayo ama uu waxbarashada ka saaqido, ayan ugu damqanayn sida ay

carruurtooda uga danqan lahaayeen oo kale.

waana sababtaas tan keentay in ay inta badan

heerarka waxbarasho ee ardayda Soomalida in uu

farqi ugu dhexeeyaa, taas oo salka ku haysa

duruufaha dalka ka jira.

Argagaxa iyo gooni ahaanshuhu waxay ka mid

yihiin, arrimaha adkeynaya in ay la qabsadaan

xaaladda cusub iyo dhaqanka. Afka iyo diinta ayaa

iyana ka mid noqon kara, waxyaabaha ku gudban

fahamka nidaamka.

Fasalka dhexdiisa

Cilmi-baaris ku saabsan carruurta Soomaalida oo

qaxootiga ah, ayuu Xasan wuxuu talo ahaan u soo

jeediyay arrimo ay ka mid yihiin, in nidaamka

dugsiyada carruurtani ay wax ka baraneyso lagu

saleeyo duruufta xagga cilmi-nafsiga ee carruurta

qaxootiga ahi ay la kulmaan siiba midab-akoorka.

Nidaamka soo gelitaanka dugsiyada waa in uu

ahaado mid furfuran, carruurtana siinaya wakhti

iyo fursado ay ku hormariyaan barashada afafkooda

iyo kartidooda aqooneedba, intii laga eegi lahaa

oo kaliya xagga da’da.

Xasan wuxuu tilmaamay in aan horay looga

sameyn wax cilmi baaris ah oo sidaas u weyn,

waayo-aragnimada carruurta Somaalidu ka heleen

nidaamka waxbarashada, hase ahaatee sida Xasan

yiri, hoggaamiyaasha bulshada ayaa si gaara uga

welwelsan xaaladda kooxdaan carruurta ah.

“Arrimaha ay u kuurgaleen madaxda bulshadu,

kuwa ugu sii daran, waxay ku ogaadeen in ay yihiin

IRIN 57


Cutubka 4aad: Riyadii Waxbarashada

kuwo la xiriira carruurta aan cidina wehelin oo halka

iska yimid iyada oo aan waalidkood wadin. Tan kale

carruurta xabsiyada lagu hayo, intooda badani waa

caruur aan cidina wehelin.” Xasan wuxuu sheegay,

liis ay ku taxan yihiin, dhibaatooyinka xagga dhimirka

ka haysta carruurta qaxootiga ah, waxaana ka mid

ah; farxad la’aan, card badan, fahmad la’aan, sal

fudeyd, carqaladeyn, dagaal badnaan. Kuwaas oo

dhan oo ay sabab u tahay, saxariirta iyo kadeedka ay

carruurtu soo martay.

Waxaa kale oo ay ka baqaan qaylada codka kor loo

qaadayo, ama haddii ay arkaan koox rag ah oo

wada socda, ama niman askar ah oo lebisan.

Astaamaha kale ee qofku isku arko waxaa ka mid

ah: qarow, xanuun, kaar qofka oo cuntada ka

go’oh, jahwareer iyo amaan la’aan.

Daraasadaha la sameeyey mid ka mid ah oo ku

saabsan, carruur qaxooti ah oo dhigata dugsi

London ku yaal, ayaa madaxii barayaashu sidatan

ku war bixiyay; “Goor galab ah ayaa carruurtii qaxootiga

ahayd oo waxaa la arkay, inta isku dhex

yaacday, jaantaa rogan ah. Waxaana adkaatay si

loo dejiyo, dugsigii oo dhanna waxaa qasay

dhaqankoodii aan rabaayadda ahayn. Waxaan oo

dhammina waxay ka kaceen, markii diyaarad yar oo

boolisku leeyahay ay ku dul duushay halkaas.”

Daraasad lagu sameeyay, carruurta qaxootiga ah ee

dugsiyada ku jira, waxay muujinaysaa in ay si caadi

ah u dhacaan midabtakoorid iyo kadeed xagga isku

galmoodka ah, siiba dugsiyada ardaydu isku

dhafan tahay, waxaa sii xumeeyay arrimahaas isku

dulqaad la’aan diineed.

Gabdhaha Soomaalida oo qaata xijaabku, waxay

sheegeen in ay la kulmaan faquuqid iyo faduul,

go’doomin bulsho iyo mararka qaarkood weerar

toos ah. Wixii ka dambeeyay dhacdooyinkii 11kii

Sebtembar, 2001-dii, gabtho iyo haween badan oo

Soomaali ah oo London jooga ayaa ka dib markii

cabsi la geliyay, iska dhigay garbasaarahoodii,

waayo dhowr jeer ayaa lagu soo xadgudbay oo

candhuuf lagu tufay, lana aflagaadeeyay, sida IRIN

loo sheegay intii ay cilmi-baaristu socotay.

Guriga iyo dhaqomada

isdiiddan

Xasan waxaa kale oo uu daraasaddiisa ku soo

qaatay, dhibaatooyinka haysta carruurta qaxootiga

ah in ay farabadan yihiin, mana ay sahlana fara ku

fiiqiddooda.

Tusaale ahaan, waxaa jira in ay caruurtu ku nool

yihiin laba adduunyo oo leh dhaqammo isdiiddan,

sida kan dugsiga iyo kan guriga. Dadka

daryeela carruurta waxaa laga yaabaa, inta badan

carruurta in ay; ku dhiirrigeliyaan waxbarashada

dugsiga sidii ay ugu dadaali lahaayeen, xagga

gurigana waxaa carruurta lagu adkeeyaa in ay ku

dhaqmaan una hoggaansamaan caadooyinka

reerku guriga uga dhaqmo. Haddii ay carruurta

ku dhacaan waxbarashada, waxay u badan tahay

in carruurta bulshada ka dhex baxaan, markaas

ayay halis u noqdaan in ay dhex galaan

waxyaabo aan bulshadu raalli ka ahayn ama

dembiyo galaan.

Madaxda bulshada Soomaalida ka mid ah ayaa

IRIN wuxuu ku yiri; “carruurtaydii waxay ku biireen

kooxaha rajo-laawayaasha noqday, waxayna

bilaabeen in ay dukaamada wax ka qaad qaataan,

waxa kale oo ay barteen khamri cabid iyo isticmaalka

maandooriyaasha.”

IRIN 58


Cutubka 4aad: Riyadii Waxbarashada

Sawir: IRIN/Jenny Metthews-Network

“Waxaan xoogga saaray waxbarashadeyda, waxaana nafteyda u

diiday in ay dib uga fekerto wixii horay iigu dhacay Hodan,

waxay hadda diyaarinaysaa shahaado sare oo cilmiga Bio-

Medical Technology.

Shaqaalaha howlaha adeegga bulshada

ku howlan iyo barayaashuba

waxay yiraahdeen dhibaatada carruurta

ka haysata xagga

waxbarashada waxaa u sabab u ah

dadka waaweyn oo intooda badani,

ayan wax xiriir ah la lahayn

nidaamka waxbarashada, taasna

waxaa laga yaabaa in ay ugu wacan

tahay aqoon la’aan (xagga qorista

iyo afka) ama in ay ugu wacan

tahay in ayanba ka warqabin,

waxyaabaha laga filayo nidaamka

waxbarashada ee reer galbeedka.

Badankoodu ma yaqaaniin dhaqanka waraaqaha la

buuxinayo” kaas oo ay dhici karto in carruurta

lagaga reebo liiisas muhiim ah, marmarna si aan

xaq ahayn loo ciqaabo. Tusaale ahaan, haddii

waalidku marka ilmo ka jiradaan uu waraaq

wargelin ah dugsiga usoo qori waayo, ilmaha

Waayo-aragnimadii haweeney Soomaaliyeed,

ay kala kulantay dugsiyada Kanada

Dhibaatada dugsiyada Kanada haysataa waxay tahay, barayaasha iyo waalidiinta (kuwa Somalida) ayaa qolaba

qolada kale ku eedeyneysaa in ay masuul ka tahay anshax la’aanta jrta. Barayaasha ayaa i waydiiyay

dhowr jeer, carruurtaaada edebdarrada maxaa ugu wacan? Waxaan ku oran jiray edebdarrada waxaa ugu

wacan idinka barayaasha ah ayaan dharbaaxin marka aad dugsiga joogtaan.

Waxaan ka argagaxay wixii aan ku soo arkay dugsiyada (Kanada). Waxaan arkay bare ku yiri wiil- fariiso-,

asna ugu jawaabay “si uun i yeel” waxaad arkaysaa wiil inta miiska lugaha saartay u jawaabaya baraha, si

aan asluubeysneyna baraha ula hadlaya.

Dalkayga sina looguma dulqaateen, arrintaas oo kale; waana wax aan dhaqanka Soomaalidu oggolaan karin.

Xukuumaddii Somaliya intii aanay kala daadan ka hor, waxbarashada carruurtayada waxbay ka qaban jirtay.

Kaalinta kaliya ee waalidku ku lahaa waxay ahayd in uu hubiyo ilmuhu dugsigii in ay aadeen, iyo shaqo-guriga

in ay sameeyeen.

Waddamada reer galbeedkase, dadka carruurta xanaaneeya waxaa laga filayaa, kaalin taas ka duwan oo

wada shaqeyn ku saleysan. Carruurta laftoodu siyaabo kuwaygii ka duwan ayay wax u barteen, siyaabo kale

ayayna u fekerayaan, waa u garaabayaa carruurtayda, da’ baa loo fiirinayaa, waana in ay habkaas

waxbarashada raacaan, inkasta oo uu dul-duleel jiro xagga waxbarashada iyo afkaba.

IRIN 59


Cutubka 4aad: Riyadii Waxbarashada

Qof Soomaali ah oo degan Xerada qaxootiga Carlslund ee Sweden.

Sawir: IRIN/Jenny Metthews-Network

waxaa lagu eedeynayaa maqnaansho fasax la’aaneed.”

Taas oo ilmaha magac-xumo u soo jiideysa.

Meelaha carruurta aan cidina wehelin ay suurogasho

in ay la qabsadaan nidaamka cusub waxaa

laga yaabaa in ay diidmo kaga timaaddo dhinaca

bulshada Soomaalida oo dhaqankii hore weli ku

dheggan. Ismahaan oo iyadoo Stockholm, joogta la

wareystay ayaa waxay ka mid tahay carruurta aan

cidina wehlin, oo iyadoo 14jir ah isxambaar lagu

geliyay Sweden. Waxaa looga dhaqaaqay saldhig

boolis hortiis,kadib waxay baadigoobtay qoyskeedkii

iyada oo u sii maraysa laanqeyrta cas. Dabadeed

waxay la qabsatay noloshii Sweden, waxaana la

siiyay aqal ay degto oo ayiyadu leedahay iyadoo

markaas 17jir ah.

“Markii hore waxbarashadu waa igu adkaatay, carruurta

dugsiga dhigataa waa kuu dhaaranayaan,

xushmadna ma leh. Keligay baan ahaa oo anaa

kharashkayga iska bixinayay, waxbarashadeydana

waa sii watay.

Markii dambe xiriir fiican ayaan la yeeshay barahayga,

hase ahaatee xiriir saas u fiican lama aan

laheyn bulshada Soomaalida”. Dhibaatooyinka kale

waxaa ka mid ahaa; la qabsiga nidaam cusub oo

waxbarasho oo xoogga saaraya hal-abuur iyo nafta

oo la xakameeyo, meeshii ay ka ahaan jirtay in

khasab iyo kormeer wax lagu barto.

Carruur badan oo Soomaali ah ayaa halgan adag

ugu jira sidii ay u fahmi lahaayeen kaalinta ay ku

leeyihiin nolosha bulshada furfuran. Bulshadaas oo

aan la dhacsaneyn, nidaamkii barbaarinta adag

lahaa oo ay carruurtaani dalkooda ku soo mareen.

Carruurta Soomaalidu, waxay hadda ku dhex nool

yihiin dhaqanka ku dhiiri gelinaya in ay dadka

xanaaneeya iyo kuwa dhaqankaba ay su’aalo waydiiyaan.

Waase inta badan dhaqan yareysta ama

xaqira, kooxaha laga tirada badan yahay, kuwaas

oo loo arko macangagiin, dhega adag oo fidna

wadayaal ah. Sida uu Xasan sheegay, carruurta

Soomaalida waxaa loo arkaa in ay dagaal badan

yihiin dugsiga dhexdiisa, taasna waxaa looga

IRIN 60


Mulki Muuse Galaal, Carruurta Soomaalida iyo nidaamka

waxbarashada ee dalka Ingiriiska

Cutubka 4aad: Riyadii Waxbarashada

Maadaama dadka Soomaalida ah ee waaweyn, badankooda aanay waxba qorin, waxna

Akhriyeyn, waalidiintu aalaaba dhib ayay ku tahay in ay ubadkooda gacan ka siiyaan shaqo-gurida la soo siiyo.

Shirarka waalidiintu fiidkii isugu yimaaddaan kama soo qeybgalaan kuwa Soomaalidu sababtoo ah barayaasha

ayaysan isfahamayn.

Carruurta Soomalidu marka la barbar dhigo kooxaha kale, guulaha ay xagga waxbarashada ka gaaraan waa

kooban yihiin, marka awoodooda loo eego.

Carruurta timaadda dalka Ingiriiska, iyagoo jira 11 sano iyo ka badanba oo aan horay dugsi u dhigan ama waxyar

ka soo dhigtay,waa ay adag tahay in ay halka ka helaan, wax dhaafsiisan waxbarashada xirfadaha bulshada.

Barayaasha halkan jooga intooda badan looma tababarin in ay wax baraan caruur qabta sas iyo argagax. Waxaa

kale oo iyana jirta, dhibaatada xagga afka, caruurtu mar haddii aanay afka aqoon fasalka waa iska dhex fadhiyaane

waxba ka kororsan maayaan, mana ay garanayaan waxa meesha ka socda.

Waxaa ka sii daran, marka fasal lala fariisiyo caruur qaswadayaal ah, markaas ayay dareemaan in aanay sidii la

rabay wax u baraneyn, taas oo keenta in ay aad isugu sii buuqaan. Markaas ka dib waxay ku dhaqaaqaan dhaqan

xumo ay asaagood kaga dayanayaan, iyaga laftooda ayaa waxay noqdaan qaswadayaal kale.

Anigu waxaan ahay macalimad Soomaaliyeed oo laba af ku hadasha, waxaanna qabaa in qof kasta oo Somali ah

rag iyo haweenba uu ka qaybgalay burburintii bulsho weyntii Somaliyeed. Waxaa intaas dhan kaaga sii daran in

arrintaasi weli sideedii loo sii wado, oo aan cidina dan ka lahayn nolosha ubadkeena.

Waxaa wax aad looga xumaado ah in aad aragto caruurtii oo dugsiyada dibadda uga yaacaysa, shan sano iyo ka

badanna aan helin shahaado dugsiga sare heerkiisa ah, (GCSE).

Waxaa laga soo xigtay qoraallo halkudhiggoodu ahaa Soomaalinimada. International Congress Studies.

Finland 1998.

qiyaas qaatay, sida ay uga jawaabaan marka lala

kaftamo ama la daandaansado. “Dhaqan ahaan

Soomaalidu, marka ay dhulkooda joogaan waxay

isku booriyaan, ha is dhiibin, is difaac, muuji in aad

tahay nin rag ah oo is difaaci kara.”

Soomaalidu in ay rabshad bataan marka ay

joogaan garoomada ciyaaraha iyo waddooyinka.

Bare Somali ah ooLondon jooga, ayaa IRIN, wuxuu

ku yiri; “Wiilashayadu ma laha dad wanaagsan oo

ay nolosha kaga daydaan.

Magaalada London dugsiyada ku yaal, carruurta

Soomaalidu waxaa lagu yaqaan in ay ku degdegaan

dirirta ama ay markiiba mindi la soo

boodaan, dad xirfadlayaal ah oo kala duwan ayaa

IRIN u sheegay sidaas.

Waayo aragnimada ay kororsadaan colaadda

dalkooda ka taagan, iyo sida ay u dhaqmaan dadka

waaweyn ee ay aqaladooda kula nool yihiin, ayaa

laga yaabaa in ay sabab u tahay carruurta

Aqallada waxaa dhooban rag aan shaqeyn oo haddana

qayila oo intaasna dagaal uun ka

sheekaysanaya oo ay qaraabo yihiin.” Haddii carruurtaas

dugsiga laga cayriyana, waxay halis u yihiin

in ay lugta la galaan fal-dambiyeedyo u soo jiidi

kara in ay xabsiga carruurta lagu hayo ku

dambeeyaan iyo iyaga oo ka dhex baxa bulshada

Soomaalida ah.

Haddii inta ay carruurtu dugsiga dhiganayaan la

IRIN 61


Cutubka 4aad: Riyadii Waxbarashada

dayaco, dabadeedna inta ay jahawareeraan isku

buuqaan, waxay taasi keenaysaa waxqabadkooda

oo hoos u dhaca, waxbarashada oo seegta, bulshada

Soomaalida iyo tan ay martida u yihiin oo

labaduba saluuga diida.

Bulsho Isdiiddan

Dhibaatada carruurta qaxootiga ah, ka haysata

nidaamka waxbarashada qalaad waa mid la wada

og yahay, hase ahaatee, aanay si fiican cilmi baaris

ugu sameyn dalalka Yurub iyo waqooyiga

Mareykanku. Dalalka qaarkood sida dalka

Ingiriiska, waxayba abuurtay cadaawad loo hayo

dadka magangelyo doonka ah.

Qaxootiga Soomaalidu waagii dalka Ingiriiska sida

xoogga leh ugu soo qulqulayeen, horaantii

1990meeyadii ayaa rabshadaha dugsiyada ka dhex

dhacaa, waxay shaki iyo cadaawad weyn kala

geliyeen waaliddiintii kale.

Sarkaal Ingiriis ah oo ka shaqeeya arrimaha socdaalka

Soomaalida magangelyo doonka ah, ayaa

wuxuu yiri; “Imaanshihii Soomaalidii argagaxsaneyd,

wuxuu ku dhaliyay dareen diidmo ah

bulshadii magangelyada siineysay. Sanadkii

1996dii, wiil Soomaali ah oo lix jir ah ayaa

tooreey ku dhuftay ilmo kale Magaalada London

dhexdeeda; taasina waxay keentay in bulshadu ay

ka soo horjeesato Soomaalida.” Sarkaalkaani sida

uu sheegay, xukuumadda iyo madaxda deegaanka

midkoodna, wax dadaal ah oo ku saabsan

mideynta nidaamka waxbarashada dugsiyada ma

sameyn.

“Waxaa habboonaan lahayd in la sameeyo meeleyn

hagaagsan carruurtaani waxay la yimaaddaan

diin gooni ah, af u gaar ah, waxayna leeyihiin

dhaqan xoog badan oo isku wada haya,

maadaama ay ku yimaaddeen tiro aad u badan

waa laga xanaajiyay.

Hagaajinta xiriirka

Sheila Melzak oo cilmiga dhimirka ku taqasustay

oo London joogta, ayaa waxay IRIN u sheegtay, in

meelihii la isku dayay in la fahmo arrimaha qaxootiga,

laga gaaray natiijooyin fiican. Melzak oo la

shaqeysa qaxootiga argagaxsan oo ay ku jiraan carruurta

aan cidina wehelini, ayaa waxay ka hadashay

arrimo lagu soo eedeeyay bulshada Soomaalida, ee

deggan xaafad London ka mid ah. Waxaa shir

arrimahaas looga wada hadlayo isugu yimid maamulaha

dugsiga, waalidiin Soomaali ah iyo dadka

carruurta xanaaneeya.Wadahadalkoodkii kadib,

Shirkaas waxaa la soo saaray buug yar oo af

Soomaali bulshada Soomaalida ay ku turjuntay oo

tilmaamaya habraaca nidaamka dugsiga, kaalinta

barayaasha iyo waxyaabaha dugsigu ka filanayo

waalidiinta iyo dadka xanaaneeya carruurta intaba.

Tallaabadaas waxay hagaajisay xiriirka bulshada

iyo dugsiga, waxaa kale oo ay kaalmo u noqotay

fahmada carruurta Soomaalida. Tallaabooyinka

kale oo halabuurka lahaa oo ay bulshada

Soomaalidu ku dhaqaaqday waxaa ka mid ahaa,

naadiyaal shaqo-gurida loogu talo galay in looga

shaqeeyo. Carruurta aan cidi wehelin fasalka

dhexdiisa dhib baa ka haysta, waxaase isna ka sii

daran, kan shaqo-gurida ka qabsada, waayo marka

hore ma aanay garan waxa laga hadlayo, markay

aqalka la yimaaddaana kaba sii daran.

Axmed isaga oo 15jir ah ayaa London loo diray,

nin baa Nairobi diyaarad ka saaray oo Dubai sii

IRIN 62


IRIN 63

Cutubka 4aad: Riyadii Waxbarashada


Cutubka 4aad: Riyadii Waxbarashada

Hodan

Hodan waa 20jir hadda, waxayna la degan

tahay walaasheed aqal ku yaal Stockholm,

waxay diyaarineysaa shahaaddo jaamacadeed

oo cilmiga Bio-Medical

Technology. Waxaana loo tababaray in ay

noqoto khabiir shaybaar.

Hodan inkasta oo ay iyadu meel fiican ka

gaartay cilmiga, haddana waxay si xoog leh

uga welwelsan tahay carruurta dibadda loo

soo dirayo iyada oo aan waalidkood la socon:

“Guud ahaan marka la fiirsho, runtii ma aha

wax fiican, sina uma fiicna, carruurta

amaankooduna ma sugna, wax fiican ma

sameeyaan, waa hoog iyo ba.”

Sawir: IRIN/Jenny Metthews-Network

Waxaan halkaan ku arkay caruur aan wax fiican ku hayn, waxba ma ay qaban karaan, kama ay faa’ideysan

karaan fursadaha jira oo loo soo diray duruufta haysata darteed.”

Hodan lafteedu waxay halkan ku timid, qaabka carruurta aan cidi wehelin iyada oo 13jir ah, masuulna ka

ah saddex kale oo caruur ah oo ay ku jirtay mid 4jir ahi, waana tan sheekadeedii:

Waxaan ka soo tagay magaalo madaxda Somaliya, Muqdisho, waxaana u cararay xagga xudduuda, aniga,

adeerkeey, habaryartey, walaashey iyo caruur kale oo dhowr ah. Hooyadey waa dhimatay, aabbaheyna waxaa

lagu dilay Muqdisho, waxaan aadnay magaalo madaxda Ethiopia, Addis-Abab. Dad qaraabo ah ayaan la joognay.

Markii dambe anaga oo afar ah ayaan Sweden aadnay, markaas uunbaa la ii sheegay in aan tegayo,

tegiddaas anigu waa igu adkeyd waayo Addis-Ababa saxiibbo ayaan ku yeeshay, mana aan aqoon adeerka la

I yiri waad la noolaannaysaa. Waan dareen kacay bixiddaas ma aan diidin.

Sweden imaanshaheedu waa fiicnaa waayo adeerkey baa noo yimid oo si toos ah aqalkiisa noo geeyay.

Dabadeedna waxaan bilaabay sidii aan ku heli lahaa magangelyo.

Muddo sannad ah ayaan ku bartay afka Swedishka, waxaan wada baraneynay dad badan oo sidayda oo kale

magangelyo doon ah, bilowgii hore aad buu u adkaa, markii dambase barashada af-Swedishku waa ii fududaaday

sababta oo ah waxaan ogaaday in aan u baahanahay. Waxaan isku dayay in aanan ka fekerin wax

kale iyo wixii dhacay toona, waxaan goostay in aan iska hilmaamo wixii horay ii soo maray.

Markaan waxaan xoogga saaray waxbarashadeyda, walaashey in ay ila joogto kaalmo ayay ii noqotay. Marka

hore aad bey iigu adkaatay in aan adeerkey la noolaanno, intii aanan imaan ka hor keligiis ayuu ahaa. Waa aan

ogahay in uu ku dadaalay si uu nolosha noogu fududeeyo, waxayse nagu qaadatay lix bilood si aan salka dhulka

u dhiganno, isaga aan isku fahano. Annagu gabdhaan ahayn, waxaan ahaa gabar markaas soo kacaysa, wax

badan ayaa igu dhacayay markaan da’daas ahaa; saaxiibkiis ayaa xaas qabay, marmar ayay ila sheekeysan jirtay

inta noo timaaddo. Inta badanse waxaan ku nooleyn degmo yar oo cidlo ah oo qiyaastii 300km dibadda ka ah

Stockholm sidaa daraadeed, markaa xiriir badan lama aanu lahayn bulshada Soomaalida ah.

Aniga fursadda kaliya oo aan dad asaagey kula kulmi karo waxay ahayd dugsiga. Mararka qaarkood waxaan

ku hammiyaa in aan dalka dib ugu laabto. Wax xiriir telefoon ah ma haysan, waxaanna si aad ah u

dareemayay cidlo iyo go’doon. Sannad ka dib ayaan tagay dugsiga sare ee deegaanka, waxaan isku dayay in

aan la qabsado waxbarashadeydii, waa iga kala go’day, af-Ingiriiska ayaa i dhibayay, waxaanse markii dambe

wax la baran jiray koox gaar ah. Ma sahlana in aad saaxiibbo kasbataa, marka hore uma aan baran in aan

xiriir la yeesho dad qoyskeyga dibadda ka ah.

IRIN 64


Hodan

Cutubka 4aad: Riyadii Waxbarashada

Keligay baan ahaa waalashay, hadda lafteeda arrintu ma fududa, waxaa laga yaabaa in aan anigu eedda

leeyahay ama waa dhibaato labada dhinacba ka jirta (gudaha Sweden). Hal sano ayaan wax bartay, kadib

adeerkey baa Stockholm yimid, markaas ayaan aaday dugsi kale. Run ahaantii waa adag tahay, marka aad

istiraahdo hadda ayaa wax walba fiican yihiin in aad guurto oo misna aad meel kale oo cusub bilowdid.

Meesha waan ku cusbaa oo waxay ahayd fasalka toddobaad ee dugsiga sare, shaqadeyda dugsigu waa ay

fiicneyd waayo xoog ayaan waxbarashadeyda saaray, nafteydana waxaan u diiday in ay dib u gocato wixii

soo maray.

Waase adkeyd in aan guriga wax ku barto, gabar yar oo walaashey ah darteed. Waxay ahayd wax kaa xanaajinaya,

kaalin masuuliyadeed ayaan reerka ku lahaa, waxaan ahaa hooyada labaad ee reerka, aad baan uga

warqabay arrimaha guriga. Cuntada anaa karin jiray, masuuliyado kale oo reerka ahna waa lahaa.

Waan garanayaa in ay arrintu ku adkayd adeerkey, xoogaa baan kala durugnay markii aan Stockholm nimid.

Haween kale halka ma joogin, haween kale oo halka joogaa ma uu aqoon, dugsiga waxaa naloogu soo sheegay

waxaad la hadli kartaan, baraha iyo kaaliyaha caafimaadka, kumase aan faraxsaneyn arrintaas.

Saddex sano ka dib waxaan ku soo wareegay dugsi noo dhow, markaas 16jir baan ahaa, waxaan yeeshay laba

saaxiib oo fiican, saaxiibaaddaa waxaad ka sheekeysan kartaan arrimaha haweenka, arrimaha dhallinyarada,

sida kale wax gacan ah ma aan helin. Dabadeed jaamacad baan galay, si aan u qaato shahaaddada koowaad,

waa ka guuray aqalkii adeerkay, arrintaas kuma aan farxin, waxa uu igu yiri; ma aha arrintaas mid ku habboon

Soomaalia in ay ku kacdo.

Anigu ma jecli in qofna la igu maseeyo, shuruucdeyda ii gaarka ah ayaanna ku noolahay, waa is af-dhaafnay,

markii dambese waa ii garaabay. Waxaase jiray mid kale oon qaraabo nahay oo hadallo aad u kul-kulu

i yiri, sida; in uusan ila xiriiri doonin iyo in la iga saarayba ka mid ahaanshaha reerka.

Waa ay adag tahay nolosha, marka wax waliba lagaa rabo dhaqaale ahaan. Toddobaadka dhamaadkiisa waxaan

xanaaneeyaa dad waayeel ah, waxaan halkaas iga soo gashay xoogaa lacag, jaamacaddana amaah baan

ka qaadan jiray, reerkeygu aniga waxba ima siiyo, kamana filayn, waayo dhaqaale ahaan waa dad sabool ah,

faa’idada joogitaanka halkan aan ku qabo waxa weeye waxbarashada.

Halkan adigaa sameysanaya sharcigii ku hagi lahaa si aad ku noolaato naftaada adigaa ka masuul ah. Marka

aad reerkiina la joogto, qofkaad doonto eedda saar, halkase naftaada oo qur ah uun baad eedda saari, taasina

anigu waa ii fiican tahay. Waxaan ka fekeraa sidii aan dib Somaliya ugu noqon lahaa, ma doonayo in aan

halkan Sweden ilmo ku yeesho, ilmahayga waxaa u fiican meesha aan joogo in ay ila joogaan. Halkan wax

badan baan joogay sida aan isleeyahay, dadkaanna waligeey kamid noqon mayo. Taas waad arkeysaa, waadna

dareemeysaa maalin walba. Maalin walba waxbaa dhacaya ku xusuusinaya dalkaan in aadan laheyn,

waxaa laguu arkaa wax dadka kale ka duwan.

Waxyaabo badan oo aan sax ahayn ayaa lagaa sheegayaa. Waan ogahay in ay igu adkaan doonto in aan

Somaliya ku noolaado, waase la qabsan doonaa. Run ahaantii waxaan rabaa, ilmahayga dhulkeyga in ay ku

noolaadaan, arrintaas aad baan ugu dheggan-ahay, waalidku waa in ay hubaan waxa ay sameynayaan, waxa

aan hadda ogahay darteed, ilmo aan dhalay dibadda uma dirayo. Waxay ila tahay, carruurta iyo waalidka oo

la kala fogeeyo in ay aad u dhib badan tahay.

Dhallinyaro badan oo Somali ah oo halkan aan ku aragnay, waxay yimaaddeen iyaga oo aan waalidkood la

socon. Waa run oo aniga fursad baan helay, waxbarashadu waxay ii ahayd maalgashi weyn, waayo waxaan

doonayaa inaan dalkayga wax ugu qabto. Marka aan helo fursad aan dadkeyga wax ugu qaban karo, taas

ayaa faa’ido aniga ii ah.

IRIN 65


IRIN 66


Cutubka 5aad: Aqoonsi

Isaguna xagguu taagan yahay, anna halkaan, waana qeylinaynaa tan iyo markii uu soo arkay goobta

lagu caweeyo; ma garanayo inta jeer ee aan ku noq-noqonay isla wixii, sida surweel igu dheggan, timaha

oo aan gaabsaday, qaarka sare oo ii qaawan, wiilka aan saaxiibka nahay, saaxiibadayda xunxun, diiqad baa

i haysa, oo ma neefsan karo, dabadeed waraaqaha dugsiga midkood ayuu ka helay qolkayga jiifka.

hbnhjk

Si fiican baan hadda kuu bartay adeer, jug dambe igu dhufan meysid, waana sababta aan hadda u taaganahay

oo gacantayduna ay telefoonka u ag saaran tahay. Waxaanna diyaar u ahay haddii aad xaggayga

tillaabo u soo qaaddo, in aan gurmad dalbado; i rumeyso oo ha moodin in ay arrimuhu yihiin sidii

hore, ma ahi qofkii hore oo aan ahaan jiray.

Gogoldhig

Carruurta aan cidina wehelini waxay ku nool yihiin,

humaagga dhul been abuur ah iyo kelinimo.

Ilmo aan cidi wehelin marka uu weyddiisanayo

magangelyo, waa in uu u sheegaa sheekadii uu

sheegay markii lagu waraystay goobtii uu dalka ka

soo galay sidii ay ahayd haddii kale waa in uu

diyaar u noqdaa in la masaafuriyo. Aqoonsiga

magangelyada waa lagala noqon karaa, haddii la

ogaado in ay jiraan arrimo xaqiijinaya in markii

aqoonsiga hore lagu helay iska yeelyeel been ah.

Marka arrintu ay joogto carruur aan cidi wehelin,

kuwaas oo inta badan lagu khasbo in ay sheegtaan

aqoonsi aan ahayn koodii dhabta ahaa, waxay run

ahaan yeelanaysaa micno kale. Waxay noqonaysaa

da’yartooda iyo dadkooda waaweyniba in ay sidaas

ku noolaadaan, “waxaa loo baahan yahay eray

cusub oo aan u isticmaalo been sheegidda.”

Sidaas waxaa tiri Marie Hessle oo ku xeeldheer

cilmi-nafsiga,lana shaqeysa carruurta aan cidina

wehelin oo Sweden joogta, Hessle iyo xirfadlayaasha

kaleba, waxay qabaan in carruurta aan

cidina wehelini u baahan yihiin taakuleyn xag

sharci iyo xag cilmi nafsi ahba oo ay ku helaan

qaab u suurogeliya in ay qirtaan aqoonsiyadooda

dhabta ah. Dadka xigtada ahi - kuwo ka durugsan

ha ahaadeen, ama kuwa carruurta ku dul noole,

aalaaba way ku adag tahay in ay wax ka qabtaan

dhibaatooyinka faraha badan ee xagga dabeecadda

iyo bulshada la xiriira oo carruurta aan cidina

wehelin haysta..

Aqoonsiga da’da ku jirta muddada hanaqaadka

arrimaheedu waa murgaan. Soomaalida dibad

joogga ah midkood ayaa wuxuu yiri: “ilmahaas oo

kale wuxuu u baahan yahay dulqaad, gaar ahaan

marka uu marayo heerka hanaqaadnimada, waxay

ila tahay marka ilmuhu marayaan heerkaan kufaa

kaca ah, waaliddiinta dhashay ayaa maareyn kara

noloshooda. Xuseen Xasan oo ah xeeldheere

Somaliyeed oo xagga waxbarashada ah, ayaa si ka

sii qeexan u yiri sidatan: “caruurteenna halka

yimaaddaa, waxay la kadeedan yihiin shiddo ka

haysata xagga aqoonsiga, wadnahoodana, god baa

ka daloola.”

IRIN 67


Cutubka 5aad: Aqoonsi

Goobaha haynta iyo

xanaanada

Xanaano hagaagsan la’aanteed ayaa sabab u ah,

caruur badan oo aan cidina wehelin, in ay galaan

xarumaha dhaqan-toosinta. Shaqaalaha adeegga

bulshada,

xeeldheereyaasha dhimirka, iyo xubno xukuumadda

ka tirsan ayaa sheegay, cilmi-baaris la sameeyey in

lagu ogaaday carruur tiro badan oo Soomaali ahi, in

ay ku jiraan xarumaha ilmaha lagu hayo, qaybaha

dhimirka iyo kuwa dhaqan-toosinta intaba.

Agaasimaha xarun lagu dhaqan-toosiyo ilmaha

oo dalka Sweden ku taal, ayaa wuxuu sheegay,

carruurta aan qaangaarka ahayni, inta ay raadinayaan

aqoonsiga, waxay halis u yihiin dembifalid

iyo qulub.

Carruurta qaxootiga ahina waxay u badan tahay in

ay ku dambeeyaan dembi gelid. “Carruurta ku

dhasha dalaka dibadda ah ayaa aad ugu badan

kuwa ku jira xarumaha dhaqan toosinta carruurta.

Xog laga helay ilaha booliska ayaa isku raacay in

carruurta dalalka dibadda ku dhashay, oo ku jira

xarumaha carruurta lagu hayo, ay tiradoodu badan

tahay, xarumaha qaarkoodna waxayba tiradoodu

gaartaa ilaa 80%.

Sida warbixinta lagu xusay, carruurta qaba dhibaatooyinka

aqoonsiga iyo gooni ahaansha ha, waxaa ku

adag gaar ahaan in ay la yeeshaan xiriir is-aaminaad

keena, dadka waaweyn iyo kuwa madaxda ahba.

Ilhan hadda waa qof dhallinyaro ah, waxay Stockholm

timid iyada oo 15jir ah, waxay IRIN u sheegtay, in

markii hore ay dhibaato kala kulantay sidii ay ula qab-

Agaasimaha xarunta dhaqan-celinta carruurta, oo ku taal Sweden

oo ka hadlaya carruurta aan cidina wehelin

Carruurtan waxaa haysa dhibaato aqoonsi oo culus; xaruntaan ilmaha yimaadda waxaa soo dira dowladda

hoose iyo adeegyada bulshada dadka ka Shaqeeya. Ilmaha xaruntan loo soo diraa waa ilmo aan dugsi aadi

doonin oo ku lug darsaday koox dambiilayaal ah, dabadeedna dhiblow noqday. Waxaa jirtay gabar

Soomaaliyeed oo iyada oo 15jir ah ka carartay aabbaheed iyo aayadeed.

Baraha dugsiga ayay uga cabatay, dhibaatada ay gurigooda ku qabto, dabadeedna waxaa loo wareejiyay aqal

qoys Swedish ah si ay u koriyaan.Muddo lix bilood ku dhow ayay halkaas joogtay, dabadeedna waa ay ka

carartay mar kale waxayna ku biirtay koox gabdho Somaliyeed ah oo gaaraya shan illaa lix, oo dadka ka

shaqeeya adeegyada bulshadu ay aad u yaqiineen.

Waxay la seexan jireen niman waaweyn, dhibaato badan bayna qabeen. Waqtigii ay la joogtay qoyskii korinayay,

waxay sheegtay in ay rabtay in ay xiriir dheeraad ah xubnaha qoyskeeda la yeelato, waxay aad isugu

mashquulisay hooyadeed (tii laga soo umulliyay). Waxayna mararka qaarkood xusuusaneysa, dagaalladii.

Hooyadeed waxay dhimatay iyadoo saddex jir ah, ka dib waxay la nooleyd ayeeydeed, waxay goob joog u

ahayd ayeeydeed oo horteeda lagu toogtay. Dabadeed aabbaheed ayaa iyada iyo walaasheed Russia u waday,

halkaas oo ay in muddo ah ku xannibnaayeen, halkaas waayo-aragnimo ayay kala kulantay.

Markii ay Sweden timid waxay jirtay 14sano, magac kale iyo da’ kale ayay lahayd iyo aqoonsi dhamaantiisba

wada been ah, waa ay diiday aqoonsigii cusbaa. Taasina qalalaase ayay ka dhex abuurtay iyada iyo aabbaheed,

waa diidday in ay qaadato, aqoonsigii cusbaa, waxayna bilowday in ay inkirto. Waxay ku dambeysay

xarun lagu daaweynayay muddo laba sano ah.

IRIN 68


Cutubka 5aad: Aqoonsi

san lahayd nolosha, haddase ay la shaqeyso koox

haween ah, waxayna ku dadaashaa sidii ay u caawin

lahayd carruurta aan cidina wehelin.

Qaar badan baa waxaa qabsaday jahawareer iyo

niyad jab ku saabsan xagga aqoonsiga, waxayna

isku mashquuliyeen arrimaha ku saabsan is dhexgalka

iyo ka mid ahaanshaha, ayay tiri. Markii Ilhan

ay Sweden tagtay, waxay ugu horeyntiiba is barteen,

koox 15 ahaa oo ka mid ah carruurtii aan cidina

wehelin oo ku jiray xarun qaxooti, oo ay intooda

badani xiriir joogto noqday wada yeesheen.

Waxay IRIN u sheegtay, in laba keliya oo ka mid ah

kooxdii asalka ahayd ay u suurogashay in ay ku

guuleystaan raacidda nidaamka waxbarashada

Sweden, "qaar uur bay yeesheen, qaar khamri cab

bay noqdeen, qaar maandooriyaasha ayay isticmaalaan,

qaar kalena waxay ku dambeeyeen

xarumaha dhaqan celinta carruurta. Qaar aqalladooday

joogaan waxaana go’doomiyay bulshada

Soomaalida.

Waxaan ku dadaallaa in aan kaalmeyno gabdhaha

uurka leh oo carruurta yeelanaya marka ay ka

sheekeyneyso dhibaatada ilmaha aan cidina wehelin

ku dhacda, waxay soo qaadataa dhibaatooyinka

ay ka mid yihiin, “meel la’aan" iyo “dibad yaal"

takooran oo “keli ah".

Go’doonsanaan

iyo niyadjab

Dahabo Ciise oo la shaqaysa bulshada Soomaalida

ee London deggan ayaa waxay IRIN u sheegtay, in

ay in muddo ah ku qaadatay, Soomaalida dibad

joogga ahi in ay garwaaqsadaan dhibaatada carruurta

aan cidi wehelin culayska ay leedahay, kuwaas

oo qaar badan oo ka mid ahi ay hadda la il daran

yihiin “dhibaatooyin caafimaad darro oo xagga

dhimirka ah” caddaadiska cidlada, ka dul

faa’ideysiga si dheef loogu helo, hooy la’aan oo ay

sii weheliyaan dhibaatada ka haysata xagga aqoonsiga,

kuwaas oo dhammi waxay sababi karaan,

khasaare weyn oo gaara dhallinayarada aan weli

qaan gaarin ayay tiri, Waxaan maqlay arrimo isdil

ku saabsan oo la leeyahay, dhallinyaro

Soomaaliyeed ayaa doonaya in ay nafta iska

qaadaan oo isdilaan, jirkoodana cad-cad u googooyaan,

ama ay tareen rooraya isku hor tuuraan.

Waxaana ku dadaaleynaa bal wixii aan ka qaban

karno in aan qabano, mase ay jirto hay’ad mudnaan

siinaysa arrimaha carruurtaan,”

Qaar ka mid ah Soomaalida dibadjoogga ah, ayaa

tilmaamay dadka waaweyn laftoodu in ay ku

dadaalayaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen

arrimaha iskudhex-milmidda iyo isdhegalka, ilaa

xadna guul ayey ka gaareen. Soomaalida dibadda

ku nool, waxaa loo arkaa guud ahaan in ay yihiin

bulsho leh dhaqan iyo dareen xooggan oo isku

haya, yihiinna dad isla hanweyn ama isla quman.

Saas oo ay tahay haddana dhinaca kale marka laga

fiirsho, xirfad-yaqaanku waxay leeyihiin, carruurta

aan cidina wehelin, uma eka dad ka soo dhex baxay

bulsho iyo qoys leh dareen adag oo isku-duuban.

Dadkii faraha badnaa ee dhulalka Soomaalida

dibadda uga firxaday tobaneeyadii sano ee la soo

dhaafay, waxay keeneen kala daadasho qoysas

badan. Waallidiintuna hadda ma ay awoodaan in ay

noqdaan, buundo u dhaxeysa oo isku xirta dalkii

hore iyo kan cusub, carruurta aan cidina wehelin

waxaa lagu khasbay in ay boodaan buundo la’aanteed,

inta badana dhexdeeda ayay ku kufaan.

IRIN 69


Cutubka 5aad: Aqoonsi

Xuseen Xasan oo ah Khabiir, waxbarasho

ayaa ka hadlaya dhibaatooyinka aqoonsiga

Haddii aadan qof caddaan ah ahayn meel raadso. Anigu waxaan ahay Somali, waxaan ahay Afrikaan, waxaan

ahay Muslim, dhalashada qofka waa in aan midab loo eegin, halkaanse mar haddii aad leedahay waraaqaha

dhalshada, arrintaadu waa hagaagsan tahay, waxa ay ku xiran tahay adigu waxa aad hoos ahaan dareemeysid.

Muraayadda marka aad isku fiiriso, ma nin Somali ah baad isu aragtaa mise nin Ingiriis ah, waxay ku xiran tahay

cilmi nafsiyeedka.

Xuduudkii waad soo gudubtay dhulkaagii dibadda ayaad ka joogtaa, waxaad ka lulataa gees. Somaliya waxaan

leenahay hab bulshadu isu maamusho, waalidiintayada waxaan u naqaan dad caqli badan, nidaamka bulshada

ayaana u fasaxay in ay go’aaammo gaaraan oo bulshada ku hoggaaminayaan, waxaan leenahay hab qofka

arrimihiisa lagu xakameeyo, sida diinta iyo xeerarka bulshada, oo qoysku ku dhisan yahay. Waa awood isku

duuban oo leh qiyam sii adkeynaya, waxaana u baranay in aan aragno dhaqan iyo diin isku milmay oo ku leh

kan samee, kaase ha sameyn. Hase ahaatee ku noolayaasha halkan London wax kasta oo isku hayay markii hore

hadda waa kala daateen.

Aqoonsigu waa arrin muhiim ah, carruurtayada halka timaaddana, waxaa dhibaato weyn ku haya, arrinta

aqoonsiga wadnahoodana dalool god baa ku yaal. Waxay bilaabaan in ay isku khasbaan, aqoonsiyo dhaqan iyo

kuwo diineed, oo si walba isu burinaya, jahawareerkuna wuxuu keenaa fal-dambiyeedyo iyo ku dayasho indho

la’aan ah.Halka waxaad ku ogaaneysaa, xitaa haddii aad boorso yar gacanta ku wadatid waxaa la moodaa in

aad bumbo wadatid, ilxun ayaa lagugu soo eegayaa. Haddii aad daba socotid haweeney waayeel ah, oo kaa

horreysa, hadba gadaal bay soo eegeysaa, inta aad daba socoto oo dhan.

Daraasad dalka Finland lagu sameeyay carruurta

qaxootiga ah, ayaa waxaa lagu ogaaday in

dhallinyarada hanaqaadka ah ee Somalidu ay si

fiican muuqaal ahaan isu arkayeen, marka la barbar

dhigo qaxootiga kale, waxbarashadana ayba

xitaa kaga fiicnaayeen kuwa asaagood ah ee

Finland u dhashay.

Isla daraasaddaas lafteeda ayaa lagu ogaaday, isu

soo ururinta xubanaha qoyska oo gaabis ah darteed

in carruurta Soomaalida ee ku jira xarumaha

agoonta, dhibaatooyinka haysta ay ka mid yihiih;

niyad jab, cabsi joogto ah, “mararka qaarkoodna

waxay bilaabaan in ay khamriga cabbaan, maandooriyaashana

ay isticmaalaan si ay xaqiiqda isu

dhaafiyaan.” Warbixintu waxay sheegtay in

daraasaddaas lagu ogaaday carruur da’doodu yar

tahay oo Somali ahi in muddo gaaraysa 3-7 sano,

ay sugayeen qoysaskoodii iyo ayaga in meel la

isugu wada keeno. Xiriirka qoysku marka uu burburo

waxaa soo shaac baxa iska-horimaansho xagga

dhaqanka ah. Ubadka aan cidina wehelina waxaa

ku dhashay dareen kelinimo iyo ayaga oo waayey

cid ay kala sheekaystaan, waayo-aragnimadooda

argaggaxa leh, sida daraasadda lagu sheegay.

Waxaa daraasaddu talo ahaan ugu soo jeedisay, in

carruurta Soomaalida oo aan cidina wehelin loo

helo saaxiib dhegeysta oo fahma arrimahooda.

Dhibaatooyin kale oo daraasad lagu taxay, waxaa

ka mid ah: dhallinyarada Soomaalida oo aan

habeenkii dibadda u bixin waayo intooda badan

waxay la kulmeen dhibaato xagga afka ah ama

weerar midab kala faquuq ah oo loo geystay.

Dhibaatada midab takooridda ee dalalka Yurub,

waa arrin cabashadeedu soo noqnoqoto in badan,

IRIN 70


Cutubka 5aad: Aqoonsi

waana qayb weyn oo asaas u ah cadaadiska iyo

cabsida ay qabaan carruurta aan cidina wehelin oo

Yurub iyo waqooyiga Mareykanka ku nool.

U janjeerid xagga

rabshadaha

Daraasadda waxaa kale oo lagu xusay, da’yarta

Soomaalida oo si aad ah dugsiyada uga taga, duruustana

uga maqnaada, waxaana arrintaas sabab

looga dhigay, niyad jab iyo dhiirrigelin la’aan

dhallinyarada haysata oo ay u sii weheliso hilow ay

u qabaan waalidkood oo ay in muddo ah kala

maqnaayeen, ayna aad u doonayaan in la isu keeno

iyaga iyo waalidkood.

Carruurta Soomaalida oo la xog wareystay

badankodu waxay dalkii uga yimaaddeen ilmo

yaryar oo la dhashay qaar baan ka warqabin in ay

qaraabadooda nool yihiin iyo in ay dhinteen.

Dhamaantood waxay sheegayaan, siyaabaha kala

duwan ee khasaaruhu u soo gaaray ama u

saameeyay. Waxaa ka mid ah, qaar goobjoog u

ahaa waalidkood oo hortooda lagu dilayo, ilmo

yar oo iska horimaad ku dhimanaya ama

waxyaabihii ka dhashay qalalaasaha.

Sheila Melzak oo ah xeeldheere xagga dhimirka,

lana shaqeysa carruurta argaggaxsan, oo ay ku

jiraan kuwa Soomaalida oo aan cidina wehelin,

ayaa sheegtay in carruurta Soomaalidu koox

ahaan, ay dugsiyada dalka Ingiriiska ka dhexmuujiyeen,

u janjeerid xagga dagaalka ah iyo rabshado.

Waxay IRIN u sheegtay, in ay xog-ogaal u

tahay in badan oo carruurta Soomaalida ahi in ay

ku jiraan isbitaalada dhimirka iyo xarumaha

dhaqan-celinta carruurta, waxayna sabab uga

dhigtay carruurta Soomaalida oo tiro badan ku

safraya iyaga oo aan waalidkood wadin iyo argagax

ku dhacay burburkii Soomaalida ka dib.

Melzak waxa kale oo ay tilmaantay, kala

duwanaanshaha u dhaxeeya jiilalka Soomaalida

dibadjoogga ah iyo dadka waaweyn oo dhaqan

Da’yarta Soomaalida oo Finland lagu midab-faquuqay

“Shan nin oo gacmaha ku watay ulaha kubadda gacanta, ayaa iga daba yimid. Baabuur bay igu ilaashanayeen,

waxaan ka galay aqal Waxaan ka galay guri annaga oo nabad qabna. Mar kasta oo aan magaalada marayo waa

cabsadaa. Weli ayagu aniga marna ima aanay qaban.

Maya waxaa jirta duruufo badan, oo cabsi gelin lahaa. Sababtaas darteed, waxa taasi keenta, in aanan in badan

dibadda u bixin, tusaale ahaan, maanta waa Jimce aqalka ayaan joogaya, waayo waxaan aad uga baqayaa in

aan dibadda u baxo.”

“Bishii May ee hore, nin reer Finland ah, ayaan bas dhexdiis ku dirirnay. Wuxuu igu yiri, war eeg adigaas

madoobi, iyaga ma aan jecli waa ku xajiimoodaa araggooda.” Waxaan u sheegay in uu ka dego baska, aniga

oo sii jeeda ayuu wax igu dhiftay, anna nabar baan ku dhuftay waxaana iga jabtay farta dhexe. Baskiina waa

uu ka degay. Toddobaad walba dhamaadkiisa dadku waxay ku qeyliyaan “madow” aniguse mar kaliya ayaan

dagaal galay.

“In badan baa la i xumeeyay, qof baa mar madaxa dhalo iiga dhuftay, mid kalena usha kubadda gacanta ayuu

igu dhiftay, meelo badan baa had iyo jeer la iga toli jiray.”

Isha xogta: Variations on the theme of Somaliness Internationa Congress of Somali studies Finland 1999.

IRIN 71


Cutubka 5aad: Aqoonsi

hore raaca ah oo dibadda qaxootiga ku ah, kuwaas

oo laga yaabo in ay yareystaan ama aanay aaminsaneynba

fikradaha argagaxa, dhimir iyo niyad

jabka ku dhacay carruurta. In xafiisyada iyo

hay’adaha dalka Inigiriiska masuulka uga ah

arrimaha carruurta aan cidina wehelin, siiba kuwa

da’doodu u dhexeyso 16-18, hawshoodu ay tahay

mid liidata oo iskuqasan.

Nidaamka hadda lagu hawlgalaana wuxuu ku soo

kordhiyey dhibaatooyinka carruurta aan cidina

wehelin haysata, guur-guurid badan, oo hadba

xaafad la dejinayo ilmaha, mararka qaarkoodna

degaanno kala duwan la dejinayo.

“carruurtu noloshooda waxay haystaan waxyar oo

xasilooni ah, (16-18 sano jiryada) meena ma

Axmed

Axmed Moqdishu wuxuu ka tagay 1999kii,

qalalaasaha dartood. Wuxuu ahaa wiilka

ugu weyn ee reerka, sababtaas darteed

ayaa waalidkiis ka baqeen in kooxaha

hubeysan ee dhallinayarada ahi qortaan

wiilkooda amaba uu noqdo bartilmaameed

la ugaarsado.

Axmed wuxuu sheegay in uu markii hore

ku faraxsanaa dibad u dhoofidda iyo

noloshiisa cusub, wuxuuse dhibaatooday

markii uu ka bixi waayay in hadba meel loo

beddelo si uu ugala xiriiro adeeggiisa bulshada

iyo qeybaha hooy la’aanta qaabilsan:

“Waxaan fadhiyay xafiiska subaxdii ilaa fiidkii,

waxaana intaas sugayay bal wax banaan in la helo. Qaybta qaabilsan dadka hooy laaweyaasha ah, waxay

ii sheegeen in aan wax banaani jirin, waxayna igu yiraahdeen maalin kale soo noqo. Hadda waxaan deganahay

hotel yar oo dhallinyaradu degto, waa qol keliya waana in aan halkaas uun fadhiyaa, waxaan haystaa

xoogaa yar oo lacag ah oo aan doonayo toddobaadka in aan is deeqsiiyo, hoteelka noloshu waa cidla’.

Markii uu Axmed London tegay wuxuu ogaaday in aanay jirin cid filaneysay, ama rabtay in ay

xanaaneyso.

Diyaaradda waxaa ila saarnaa isxambaarahayga oo diyaaradda igala soo degay, markii aan nimid garoon weyn

oo ku yaal dhulka Ingiriiska, wuxuu i marsiiyay xafiisyada socdaalka, waxaan soo wada raacnay bas na keenay

bartamaha London.Wuxuu markaas i geeyay meel telefoonada laga dirsado halkaas oo uu kala hadlay qaar

ka mid ah saaxiibbo qoys. Sheekadoodana waxaan ka fahmay in aan aniga la i fileyn, wuxuu ku yiri iyagii

ninkii waa kane wada, meeshii telefoonka ayuu iiga tagay, aad baan u kacsanaa, mana aan garaneyn waxa

igu dhici doono. Cabbaar baan sugay, qof baa ka yimid oo inta i waday gurigoodii i geeyay, waxay i siiyeen

cunto iyo meel aan seexdo, markaas waan yaraa, wax bay i siiyeen, waxay ahaayeen qoys aad u ballaaran oo

ka kooban hooyo iyo toddobadeeda caruur ah.

Xabsi oo kale ayay meeshii igu noqotay, cidna ma aqaan, waxaan ka fekerayay sideed halkaan uga baxdaa

oo aad bannaanka ku tagtaa? Hooyadu way ii roonayd laakiin caruurtu ima ay jecleyn iyagu muddo badan

ayey dhulkaas joogeen aniguse Afrika ayaan ka imid, wax kasta oo aniga igu saabsani wax kale ayay ahaayeen.

Waxay ahaayeen caruur edeb daran, waxay igu lahaayeen hadallo cay iyo aflagaadddo ah oo xunxun.

Muddo hal sano ah ayaan reerkaas la noolaa;Hase ahaatee, waan la sii noolaan kari waayey. Murug baa i

dishay. Noloshuna aad bay iigu adagkaatay.

Sawir: IRIN/Jenny Matthews-Network

IRIN 72


Cutubka 5aad: Aqoonsi

buuxinayaan. Waxay joojiyaan in ay ku hoos

jiraan masuuliyadda dugsiga iyo kuwa daryeelka

bulshada, taas oo micnaheedu yahay in aanay

jirin cid ay xiriir fiican la leeyihiin,” sidaas waxaa

sheegtay Sheila Melzak.

shaqeeya carruurta aan cidina wehelin. Markii

wax hawsha lagu sii wado ay waayaan, ama tirada

shaqaalulu badato, ayey kooxdu kala tagaanmarka

carruurtu marna ma helaan cid ay ku

kalsoonaadaan.

Marmar ayaa waxaa dhacda in masuuliyiinta

qaarkood ay sameeyaan kooxo gaar ah oo la

Axmed

Xubnaha qoyska waa wada sheekaysanayeen, oo wada qoslayeen, aniguse gooni baon ahaa iyagana qofna

kama aan fahmayn. Xagga cuntada anaa is debarayay, dharse ma aan heli karin, waana aan awoodi kari

waayay in aan ka hadlo. Dhibaatada kale waxay iga haysatay xagga dugsiga waxaan galay dugsi sare.

Dhibaatadaydu waxay ahayd xagga afka; fasalka waa iska dhex fadhiyay, waxaana jiray waxyaabo badan oo

aanan fahmin. Shaqo-gurida aad bay iigu adkayd. Waayo meesha aan deganahay ayaa lagu badnaa oo buuq

badnayd.

Markaas wxaan ka tegay qoyskii oo waxaan aaday kuwa bixiya adeegyada bulshada, waxaana u sheegay in

aanan reerka la noolaan karin. Waxay ii sheegeen in aan aag qaldan joogo, waxaan u wareegay aag kale.

Iyana waa ii diideen, waayo waxaan markaas jiray 17sano. Waxay ii sheegeen in aan aado waaxda hooylaawayaasha

waxa kale oo ay i siiyeen magacyada hoteelada jiifku ka banaan yahay.

Waan isku buuqay, muddo bil ah waxaan seexanayay dhulka ururka bulshada, dabadeed waxaan ku laabtay

qaybta hooy-laawayaasha, waxaa la igu yidhi; arrimahaaga oo kale kuma shaqo lihin ee waxaad ku noqotaa

kuwa bixiya adeegyada bulshada, ka dib waxaa la ii sheegay in la i qiimeeyo in loo baahan yahay. Dabadeed

waxaa la igu celiyey adeegyada bulshada dadka qaabilsan. Waxaan markaas la xiriiray xarunta ardayda lagala

taliyo, waxay telefoon u direen kuwa adeega bulshada qaabilsan; waana i soo diideen da’dayda oo 17sano ah

darteed.

Markaas kadib Urur bulsho ayaa warqad ii soo qoray ay i gu aqbaleen kuwa adeegga bulshada qaabilsani.

Waa la i qiimeeyay, waxayna dib iigu celiyeen xafiiska hooy-laawayaasha. Markan in kasta oo aan warqad

wato haddana, waxay ii sheegeen in aanay hayn wax banaan; waxayna igu yiraahdeen soo noqo mar kale.

Xafiiskii ayaan iska fariistay oo aan ku sugayay subax ilaa habeen ilaa maalintii dambe, intaas waxaan

dhowrayay in aan helo meel aan dego.

Markii dambe meel iga fog ayaa deegaan banaan laga helay, waxaa lagu siinayaa baa la i yiri aqal kuu gaar

ah. Maalin walba qiyaas laba saacadood ah baan u soo safrayay dugsiga aan dhiganayay, keligay baan ahaa

oo waa niyad xumaa, waxaa la igu daray liis wax sugayay, afar bilood ka dib ayaa la isoo wareejiyay, hadda

hoteel yar ayaan deganahay waa dhaamaa sidii hore mase fududa. Waa qol keliya, waa in aan halkaas uun

fadhiyaa, meel nadiif ah ma aha, habeenkii casho waa ay ku siinayaan, maalintiise waa in aad adigu karsataa.

Waxaan ku jiraa caymis bulsho, gunno gurina waa leeyahay, laakkiin kharajka hoteelku waa korkayga, toddobaadka

oo dhan wax yar ayaan ku noolahay. Reerkayagii aad baan ugu hiloobay, ma aqaan si aan ula xiriiri

karo.Haddii aan lacag haysan lahaa, waa tegi lahaa. Waxaan rajeynayaa in aan waalidkay is-heli doonno.

Halka in aan imaadaa iima roonayn. Waxaa la ii qaatay, in aan ayaga iskala joogo, wax kastaaaba ha

dhaceene. Carruurta in dibadda loo diraa waa guuldarro. Weligaa ubadkaaga halkaan oo kale ha u soo dirin.

Waxaa jira adeegyo bulshada qaabilsan, waxaan u tagaa oo arkaa todobaad walba iyo bil kasta. Mar kastana

dad cusub oo aan i aqoon, arrimahaygana aan waxba kala socon ayaan la kulmaa. Halka noloshu waa cidla’

iyo kelinimo.

IRIN 73


Cutubka 5aad: Aqoonsi

Dhaqanka dhul aan

la kala lahayn

In kasta oo aan xog iyo tiro koob buuxa laga hayn

waayo-aragnimada iyo duruufaha ay ku sugan

yihiin carruurta aan cidina wehelin, haddana xaqiiqda

jirta ayaa waxay tilmaameysaa in laga yaabo

in ay ku noolaadaan dhaqan loo yaqaan “dhulka

aan cidina lahayn” iyaga oo kari waayay inay ka

mid noqdaan dhaqankoodii hore iyo kan dhulkooda

cusub oo ay joogaan midna. Waxaad mooddaa

carruurta in la siiyo tixgelin iyo dulqaad aad u yar.

Dalka ay martida ku yihiin iyo bulshada

Soomaalida labaduba waxaa dhici karta in ay u

arkaan dabeecadaha ilmahaani in ay yihiin kuwo

aan habbooneyn, waxtar lahayn, “bulshadana lidi

ku ah,” Sababtaas darteed ayaa dad xigtada ka

mid ahi carruurta dalka Soomaaliya dib ugu soo

celiyaan “qoys-masaafurin”. Dib u soo celintaani

carruurta waxay ula mid tahay, tii argagaxa lahayd

ee markii horeba carruurta dibadda loogu diray.

Ismahan: “madaxbanaanidayda waan jeclaa, laakiin xiriir fiican lama aan lahayn bulshada

Soomaalida.”

Sawir: IRIN/Jenny Matthews-Network

IRIN 74


Cutubka 6aad: ‘Masaafuris’ labada adduun dhexdooda ah

Haye hooyo, hadda waad ila joogtaa, anna waa kula joogaa, Taasi waa riyadaydii. Aniguse waxaan

iraahdaa waa qarawgaygii.

"Qaxooti" waxay isaga la tahay in aanan taas garaneynin? Mindida wuxuu u sitaa sidii ay tahay wax cusub

oo lagu cayaarayo oo kale, waxaan burbursan ayay dugsi ugu yeeraan, markaan ka cararo dhawaaqa

xabadaha, dhagxaan ayuu iga soo daba tuuraa, sidii aan qof qalaad ahay.

Waxaan aad uga baqayaa, haddii aan baxo in aan iska hor nimaadno, mar kale carruurtaan rabshadda

badan oo sidii duur joogta oo kale u dhaqmaya.Iyagu aniga waa ay i yasaan.

Haddaad rabtay gabar Soomaali ah oo wanaagsan, maxaad dibadda iigu soo dirtay,? Waxaad doonaysaa

in aan madaxeyga daboolo, oo aan guriga joogo, guursadana ninkaas odayga ah? Hadday sidaas

tahay,lacagtaadii ayaad iska khasaarisay. Marka aan tooso waxaan doonayaa in aan dhinto.

Duqsiga, kulaylka,xabadaha dhacaya, xanta iyo aniga oo la igu qoslayo. Hooyo ma aan doonayo sharciyadaada

doqonimada leh, iyo maalmahaan aan dhamaaneyn ee tirada ka batay, oo guriga uun la joogo.

Aniga halka waxba iima yaalliin. Anigu hadda dunidaadii kuma aan nooli, doonina maayo in aan dib

dambe ugu noolaado.

Gogoldhig

Waxaa jira carruur badan oo “lagu soo celiyay”

dhulalka Soomaalida, oo uu hayo jahawareer

xagga dhaqanka oo aan caadi ahayn.

Inta badan dad qaraabo la ah ayaa ku soo khatala,

soo raacidda diyaaradda, qaarna waxaa loo soo

celiyay sharaf dhac ku yimid darteed.

Waxay yimaadeen “dhul” aanay cidna ka

garanayn, markiibana waxaa isha ku dhiftay

dhallinyarada ay isku da’da yihiin iyo dadka

waaween. Waxay iyagu dadka uga soocan yihiin

oo lagu gartaa, sida ay u wada hadlaan, lebistaan,

una dhaqmaan. Wax badan cidina kama oga duruufaha

u gaarka ah ee haysta iyo dhibaabtooyinka

ka hor yimaada, carruurtaan dib loo soo celiyo.

Waxay tagaan meel aanay ka jirin hay’ado

Soomaaliyeed oo waxtar lihi, oo aan lahayn isdiiwaangelin,

lagu ogaan karo tiradooda, iyo adeeg

taakuleeyaa midna.

Dalka Somaliya sidii hay’adihii shaqayn jiray ee

dowladda ay meesha uga baxeen, ma jiraan diiwaanno

sheegaya tirada dhabta ah iyo adeegyo u

gargaaraya midna. Hase ahaatee, sida laga soo xigtay

carruurta laftooda iyo dad waaweyn oo Somali

ah, oo arrimahooda ka welwelsan, carruurtaas da’a

yarta ah oo dibad joogga ahi, waxyaabaha ay la

kulmaan waxaa ka mid ah, faduulin maalin walba

loo geysto, iyo go’doomin, mararka ay ugu sii

daran tahayna, waxay la kulmaan, handadaad,

kufsi, iyo dil nafta laga qaado.

IRIN 75


Cutubka 6aad: ‘Masaafuris’ labada adduun dhexdooda ah

Qoys dadkiisii la

masaafuriyay

Dadka la soo celinayo, waxaa ugu daran carruurta

aan cidina wehelin. Marka dib loo celiyo waxaa

laga yaabaa in culays dhibaato lihi uga yimaaddo,

dhinaca dareenka iyo maanka, taas oo dib ugu laabanaysa

waayo-aragnimadooda dibadda.

Argagaxa ay ka qaadayaan dalkooda oo dib loogu

soo “masaafuriyo” wuxuu la mid yahay kii ay ka

qaadeen markii ugu horeysay, oo dibadda loo diray.

Ilmuhu si kedis ah ayuu ku tagaa, deegaan aanu

aqoon hore u lahayn, wuxuu la kulmaa dhibaato

xagga afka ah, iyo mid dhaqan oo ka nixiya, mana

haysto taageero cad, iyo cid tilmaanta toona.

guuleysan waayeen dibadda ama reerkoodii ayay

ku noqdeen culays dhaqaale ama bulsho.

Marka ay dalka dib ugu soo laabtaan, dhallinayarada

la soo celiyay, waxaa gacanta ku dhigay

waalidkood, ama qaraabadooda, oo doonaya in ay

sameeyaan barnaamijyo culculus, si ay dib ugula

qabsadaan nolosha, kuwaas oo u badan xagga

“asluubta”, diinta, barbaarinta iyo dhaqanka.

Mararka qaarkood oo arrintu ay cuslaato, waxaaba

carruurta loo diraa baadiyaha, si ay uga soo

shaqeeyaan, wiilasha waxaa lagu daraa dugsiyo

diineed, oo leh jiif iyo cunto, gabdhahana waxaa

lagu daraa niman odayaal ah.

Qaar badan waxaa ku dhacay sharaf jab, waa ku

Qaarkood noloshooda cusub waxyaabaha ay kala

Samatar Suudi, 28jir Kanada deggan oo booqanaya Muqdisho

Muqdisho waxaa jooga, da’yar badan oo reerahoodu soo masaafuriyeen, meel walba waad ku arkaysaa, hadda

waxaan ku kaftannaa oo dhahnaa, ma dowladdaa ku soo masaafurisay mise reerkiina? Markii uu dagaalku

bilowday, qof waliba hal ujeeddo ayuu lahaa, taas oo ahayd in uu dibadda aado, qaxooti noqdo, qaato lacagta

samafalka, dabadeed waxaa dhacday, in carruurta dibadda loo diray, ay inta kortay bilaabeen in ay noloshooda

maamushaan. Wiilashu waxay bilaabaan in ay dhagaha durtaan, dhego qaataan, gabdhuhuna waxay bilaabaan

in ay niman ballansadaan.

Waxaan la kulmay gabar laga soo celiyay Toronto (Kanada) sababtoo ah waxay wada socdeen nin Jamaykaan

ah. Ma garatay? Waxaa loo soo masaafuriyay, waayo waxay wada socdeen nin madow. Soomaalidu waa dad

cunsuriyiin ah, anaa ku iri.

Waxaa jira gabar badan oo bilaabay in ay qaataan surweel ku dheggan jirkooda iyo goonooyin gaagaaban,

waana la soo masaafuriyaa. Ama waxaaba dhacda mararka qaarkood, in carruurtu hadalka ku celiyaan waalidkood,

oo dabadeedna la soo masaafuriyo, ama inta yare farxaan, khamri cabid iyo maandooriye isticmaal

bilaabaan, waliba si degdeg ah ayaa loo soo masaafuriyaa.

Marmar waxaa dhacda in ilmaha waaweyni ay falfalxumo sameeyaan,dabadeedna, waalidiintu waxay ka fekerayaan,

haddii ilmahaygii weynaa wax qastay, sidee uga badbaadiyaa kuwa yaryar, in ayan ku dayan? Xalkana

waxay u arkaan in dalka dib loogu soo celiyo, inta ay goori goor tahay. Waalidiinta dhibaato badan ayaa ka

haysta, sidii ay carruurta gacanta ugu dhigi lahaayeen. Marka ay tagaan meel Toronto oo kale ah, carruurtu waa

waashaan. Anigu khamriga waa cabbaa, maandooriyaashana waan dhuuqaa, laakiin ma dhici karto si waalidkay

ku ogaan karo.

Sidee bay kula tahay adiga oo Toronto ku noolaan jiray, in aad halkaan oo kale hadda ku noolaato?

Waad waalanaysaa. Carruurtaan oo dhan (la soo celiyayaasha) oo ilmaha ahi waa ku waalanayaan (Muqdisho)

waa kumayaal, anaa ku iri, waana wada barooranayaan.

IRIN 76


Cutubka 6aad: ‘Masaafuris’ labada adduun dhexdooda ah

kulmaan, waxaa ka mid ah; in ay iska dhex

joogaan deegaan magaalo oo isbedbeddel badan,

waxayna ka baqaan haddii ay irridda aqalkooda

ka baxaan in ay dhibaato la kulmi doonaan. Qaar

kale ayaa waxay ku dhex haftaan bulshada, waxayna

ku dambeeyaan maandooriye isticmaal iyo

rabshado ku dhex jir. “Ma jiro hab casri ah oo

horumarinaya, taageerada carruurtaan, mana

jiraan hab dhaqameedyo taageero bulsho leh oo

hore.

Dadka waaweyn ee dib u soo laabanayaa, waxay

heli karaan, in ay tuulooyinkoodii ku noqdaan oo,

la noolaadaan beeshoodii iyo saaxiibbadood, qaabka

ay u nool yihiin, dhallinyarada dibad joogga

ahaan jirtay, oo hadda soo noqotayse hadda suurogal

uma aha.”

Dr. Bulxan oo ka tirsan mashruuca (war torn-society),

oo Hargeisa jooga ayaa IRIN u sheegay sidaas.

Khatarta cadaadiska

asaagga

Carruurta dibadda ku noolaan jirtay oo dalka dib

loogu soo celinayaa, waxaa ka horyimaada dhibaatooyin

culus, oo inta badan ay kala kulmaan, kuwa

ay isku da’da yihiin, oo dalka horay u sii joogay.

Waa la iska magaa, waxaana lagu dhaliilaa in aanay

Cabdullaahi Axmed, oo ka sheekeynaya sidii Maxamed oo ahaa 17jir haysta

dhalashada Kanada, isna adeer uu u yahay loo dilay

Inta dhammaantood ka daba ordeen, wiilasha midkood ayaa jilaafo u dhigay, isna markaas ayuu dhulka ku

dhacay. Wiilashii midkood ayaa haraati la dhacay, midna seef ayuu madaxa kaga dhuftay, mid kale ayaa jirkiisa

haraati la dhacayay, ul bud ah oo geed laga soo qoray oo masaamiir leh, oo sidii budkii oo kale ah ayuu

la dhacay.

Waxay ahayd habeen gudcur ah, oo aan dayax jirin, waxay ahayd baadiye ay ku yaalliin guryo la cidleeyay, qaarna

la burburiyay, guryahaas oo caan ku ah, wiilashaas in ay ka qaraabtaan, gabdhahana ku kufsadaan.

Maxamed waxaa laga tagay isagoo dhiig baxaya, oo dhulka yaal, wuxuu isku dayay in uu socdo, wuxuu haleelay

in uu gaaro dukaan yar oo u dhowaa, si uu u weydiisto kaalmo.

Haweeney ayaa na soo wacday, abbaarihii 9kii fiidnimo, gaari intaan kaxeystay ayaan isagii soo doonay. Dad

badan baa markaas joogay, waxaan arkay in uu halis ku sugan yahay, madaxa waxaa kaga yiil dhaawac weyn,

gaariga dhaawaca lagula cararo (Ambulance) meesha ma joogin, gaarigeyga kursigiisa dambe ayaan saaray,

waxaanna ula cararay isbitaalka. Markii aan isbitaalkii tagnay, dhaqtar ma joogin, daawo ma jirin, kalkaaliso

caafimaadna ma joogin, waxaasuna waa waxa lagu yaqaan isbitaal Hargeisa ku yaal.

Weli Maxamed markaan waa miyir qabaa, waase taag daran yahay, wuxuuna ii sheegay in ay isku dayeen in

ay dollar ka qaataan, lacag bayna ka qaateen. Kaar haya dartiis ayuu la cabaadayay, waana ay adkeyd in lala

hadlo wakhtigaas. Waxaan weydiiyey, iyagu ma tiqiin? Gabara ka waran? Yaa kula socday? Wuxuu ii sheegay

in uu baqayay, wuxuu igu yiri waxaan ka baqayaa in madaxa dhaawac iga gaaray. Kaar badan baa xagga

madaxa iga haya.

Labadii nin ee cisbitaalka joogay baa isku dayay bal in ay tolaan, waxay yiraahdeen aqalka ha la geeyo, markii

aan isbitaalka ka soo kacnay ayuu miyir beelay, albaabo ayaan habeen barkii garaacay, hal dhaqtar ayaan helay,

Maxamed wuxuu bilaabay in ay gacmihiisu isku soo kogaan, dhaqtarkii wuxuu ii sheegay in aanu waxba ka

qaban karin. Subixii ayaa dhaqtarkii yimid, wuxuuna yiri isbitaalka hala jiifiyo, intii waraaqihii loo diyaarinayay

ayuu Maxamed dhintay.

IRIN 77


Cutubka 6aad: ‘Masaafuris’ labada adduun dhexdooda ah

Wiil Soomaali ah oo inta Sweden laga keenay Muqdisho dib loogu celiyay

Maya, anigu run ahaantii ma aan rabin halka in aan imaado. Aabbahay ayaa wuxuu ii sheegay, in aan Kenya u

socdo, si aan u soo booqdo dad aan qaraabo nahay, laakiin markii aan halka nimid ayuu iga tagay, anigiina waa

i kan oo halkaan joogaa.

Shirqool bay ahayd, hadii uu (runta) ii sheegi lahaa, waa aan diidi lahaa, dalka Sweden waxaan joogay tan iyo

saddex jirkaygii, waana diiddanaa ku soo laabashada Muqdisho.Waxaana ka baqayay in ay dableydu i afduuban

doonto, ama i dili doonto, haddase dhib ma qabo. Markii hore dhibaatooyin badan ayaan la kulmay, dhaawacyadaan

ku yaal lugaheyga iyo gacmahayga ayaa i soo gaaray. Waa xoqi jiray, illaa ay run ahaantii aad ii xanuunayeen,

(wuxuu i tusay nabarrada).

Carruurta kale ayaa dhibaato na dhexmartay, wax kale ma ahee waa is fahmi weynay, hadda waxaan sugayaa

in aan Sweden dib ugu laabto, waxaan rabaa in aan noqdo.Waxaan doonayaa in aan halkaas jaamacad ka galo,

waxaan rabaa in aan halkaas shaqo ka helo. Waxaa laga yaabaa haddii maalin uun dalakaan nabad noqdo in

aan halka ku noolaado.

u muuqan dad wanaagsan. Waxaana arrimahaas u

sabab ah xaasidnimo iyo ciil loo qabo, ayey tiri

hooyooyinka midood.

Marmar baa waxaa dhacda, marka daandaansiga

kaftanka leh, maalin waliba ay u maaro waayaan,

in ay caruurtu meel iska joogaan cabsi iyo niyadjab

dartood.

Qaar baa diida in ay aqalka ka soo baxaan, kuwa

kalena waa iskala qabsadeen, nolosha ciriiriga ah,

iyo deegaanka aad loo ilaalinayo. Meelo waxaa jira

ay dhibaatadu sii badatay, oo carruurtii dibadda

laga soo celiyay la weeraray, la af-duubay,

dabadeedna la dilay, waxayna noqdaan bartilmaameed,

dharkooda, dhaqankooda qalaad iyo

ladnaantooda darteed.

Intii IRIN cilmi baarista ay wadday, ayaa wiil

Mareykan ka yimid oo booqasho Muqdisho ku

tegay, la af-duubay, dabadeedna la dilay.

Sida ay u dhaqmaan dadka xigtada ahi ayaa laga

yaabaa in ay sii cuslayso dhibaatooyinka haysta

carruurta. Dadka qaraabada ahi carruurta aad bay

u ilaaliyaan, waxayba kula taliyaan, si aanay indhaha

dadka ugu dhicin, in ay qaataan dhar caadi ah,

waxayna u haystaan carruurta dibadjoogga ahi in

ay yihiin kayd hodontinimo..

Marka carruurta dibadjoogga ahi Muqdisho ay ku

soo noqdaan, waa la ilaaliyaa, mararka qaarkoodna

waxaa lagu daraa dad ilaaliya, iyada oo cabsi laga

qabo in la afduubo. Waxaa arrintaas u dhabbogalay

Cabdullaahi Xaaji Nuur, oo ka tirsan World Concern.

Maxamed Xasan

Magaalada Hargeysa waxaa lagu dilay wiil 17sano

jir ahaa, oo haysta dhalashada dalka Kanada,

waxaana dilay bishii Disembar 2001, koox burcad

ah oo 14-16 da’doodu u dhaxeysay. Lacag uu

watay ayay doonayeen in ay ka qaataan, isaguna

waa diiday. Gabar ay saaxiibbo ahaayeen oo la

socotayna wuxuu isku deyey in uu badbaadiyo.

Amuurtaasi waxay si ba’an hoosta uga xariiqeysaa,

sida ay baylahda halista ah ugu yihiin

carruurta soo noqonaysaa, waxayna tusaaleyneysaa,

waxyaabaha badanaaba nolosha carru-

IRIN 78


Cutubka 6aad: ‘Masaafuris’ labada adduun dhexdooda ah

Sawir: UNICEF

urtaasi ay ku sugan tahay, ee deegaannada

dagaallada ka soo doogey.

Maxamed Xasan, isaga oo laba sano jir ah, ayaa

waallidkiis ka kaxeeyeen Somaliland, waxaana la

geeyay Kanada, oo uu ku noolaa. Sida uu sheegay

adeerkii Cabdullaahi Axmed oo Hargeysa joogaa,

Maxamed isagaa go’aansaday in uu booqasho

Somaliland ku yimaaddo, si uu ula kulmo xigtadiisa

una soo barto “dhaqankiisa”.

“Markii ugu horreysay oo uu yimid, dibadda uma

uu bixi jirin badnaaba, waayo af Soomaaliga aad

uguma hadli karin, wuxuuna ku jiray la qabsiga

nolosha. Dabadeed saaxiibbo ayuu yeeshay,

kuwaas oo u badanaa caruurtii dibadda ka soo

laabtay.

Waxay isugu imaan jireen makhaayad, halkaas, oo

uu bilyaarddi ku ciyaari jiray, kalsoonidiina ay ugu

soo noqotay. Markii dambe wuxuu bilaabay in uu

ii sheego, in uusan u baahnayn mar dambe in cidi

Carruurta waxa soomaaliya logudiraa in ay bartaan dhaqankooda

iyo diintooda.

u wehelyeesho, uuna hadda madaxbanaan yahay.

Wuxuu la saaxiibay gabar deegaanka ah, oo ay

wada bulsheyn jireen. Habeenkii dambe goor ay

fiidkii tahay, ayaa isaga iyo gabarii oo meel magaalada

dacalkeeda ah wada socda, waxaa ku soo

baxay koox rabshadaha ku caan baxay, oo 14-16

jirro ah. Waxa ay weydiisteen, in waxa uu hayo oo

dhan oo gabara iyo lacagtuba ku jiraan uu iyaga

ku soo wareejiyo, isaguna waa uu diiday. Markii uu

diiday oo uu damcay in uu gabarii ka badbaadiyo,

ayay si xun u garaaceen, dabadeedna wuxuu u

dhintay dhaawacyo madaxa ka gaaray.

Cabdullaahi Axmed oo la joogay markuu

Maxamed dhimanayay, ayaa IRIN u sheegay in

kasta oo uu rumeysan yahay, in dhacdooyin burcadnimo

la xiriira ay dunida oo dhan ka dhacaan,

Maxamed tiisu waxay gaar ahaan ka heshay, meel

baylah ah. “U maleyn maayo in Maxamed uu

naftiisa halis u geliyay salfudeyd ka dhashay

dibadda uu ku soo koray, ma uu garan inta ay le’

ekayd xaaladda khatarta ah ee uu ku sugnaa, iyo

sida uu uga bixi lahaa toona.” Cabdullaahi ayaa

sidaas IRIN u sheegay.

Waddo adag oo

loo sii marayo

dib isugu milmidda

Xog wareysi ay IRIN Muqdisho kula yeelatay,

carruurtii la soo celiyay, in yar ma

ahee, intooda badani waxay muujiyeen,

in ay rabitaan xoog leh u qabaan in ay

ku laabtaan dalalkii ay qabatimeen.

Inkasta oo aanay doonayn in ay ka

careysiiyaan dadka waaweyn ee ay la

joogeen, haddana waxaan shaki ku jirin,

IRIN 79


Cutubka 6aad: ‘Masaafuris’ labada adduun dhexdooda ah

Gabar 14jir Soomaali ah oo Muqdisho lagu celiyay

Waxaan u wareegay Ohio, oo Mareykanka ku taal, 1993, Soomaaliya waxaan dib ugu laabtay 2001. halka waxaan

u joogaa in aan diinteyda barto, laba sano ayay igu qaadaneysaa, kadib waxaan doonayaa in aan noqdo.

Waxaan doonayaa in aan helo shahaaddo jaamacadeed, waxaan damacsanahay in aan macallimad noqdo,

ama aan kumbuyuutarka ka shaqeeyo.

Waxyaabaha aan la kulmay, tan iyo intii aan dib u soo noqday, waxaa ugu daran, kuleylka iyo wasakhda.

Waddooyinku nadiif ma aha, umana aanan baran in aan cabno, biyahan wasakhda ah oo aad ku jirraneyso.

Haarahaan lugahayga ku yaal, waxaan ka qaaday xanuun igu dhacay, markii u horreysay oo aan imid.

Markii aan imid af-Somali ma aqoon, dadka qaar ayaa igu maadsan jiray, markii aan joogay Ohio, xijaab ma

qaadan jirin, garbasaar uunbaan qaadan jiray taasaanna ka helaa.

Ma doonayo in aan halka xijaab ku qaato, waxaanse ku qaadanayaa dalkeyga, hooyadey waxay igu tiraahdaa,

“waan noqon doonnaa marka aad diintaada baratid” aniguse ma garanayo goorta taas la gaari doono.

Seynab oo Soomaaliland carruurta ku soo celinaysa

Waxaan go’aansaday in aan caruurteyda dalka dib ugu soo celiyo, inta ay dhallinyar yihiin, si ay u bartaan,

diintooda, dhaqankooda iyo qiyamka qoyskooda, kuwaas oo ay adag tahay in ay dibadda ku soo bartaan.

Waa nebcaa nolosha ay ku nool yihiin, carruurta Somalida ee Kanada joogaa, waxaan arkay qoysas badan oo

Somali ah, oo caruutoodii ka xumaatay, waxaanna aad u karhay in la yiraahdo carruurtaasi waa Somali.

Waxaa jira dhibaatooyin, ka hor imanaya, carruurta dibad joogga ah, oo la soo celinayo, waxaa ku adag isdhexgalka

iyo la qabsiga noloshaan, waxaa kale oo maqan adeegyadii waxbarasahda ee u qalmi lahaa. Caruurtu

uma aanay baran nidaamka waxbarasho ee dugsiyada Somalida. Qaar badani waaba ay diidaan in ay dugsiga

aadaan, haddii ay tagaanna waxay la tagaan qalbi jab, ama aqalkaba ma dhaafaan.

Waxaa jira halkaan, koox dhallinyaro ah oo u cadhaysan, carruurta dibad joogga ah, waxayna ugu cadhaysan

yihiin in (carruurtaan soo noqotay) ay xaggaas ku heleen nolol fiican, halka kuwaani ay meeshoodii iska

joogaan, carruurta aan tegin ee halka joogay, intooda badani waala dilay aabbayaashood, waxay la nool yihiin

hooyooyinkood.

Waxay ka careysan yihiin in (carruurtaan dibad joogga) ahi ay haystaan waxyaabo ayan haysan, sida, dhar

qurxoon, waxbarasho fiican, markaas ayey adeegsanayaan nolol, musuq-maasuq iyo baad lacageed ku dhisan.

in ay ka go’an tahay sidii ay ku heli lahaayeen,

qaab ay dib ugu laabtaan.

Qaar badan oo iyaga ka mid ahi, waxay sheegteen,

in dalka ku soo noqoshada lagu soo siray, waxayna

ka sheekeeyeen khatalaha ay xigtadoodu

adeegsadeen, si Muqdisho loo keeno.

Inta badan waxaa loo sheegi jiray, in ay booqasho

gaaban, oo ay dib isu soo baranayaan, xubno isla

qoyskooda ka mid ah u socdaan. Markii ay magaalo

madaxda dib ugu soo noqdeen carruurtu

waxay ka sheekeeyeen, in ay dhibaato adag kala

kulmeen, sidii ay dib ula qabsan lahaayeen

nolosha. Carruurta kale ayaa badi ku jees jeesta,

sababta oo ah afka kuma hadlaan.

Macalimiinta ayaa ku dhaliilay kuna quursaday

aqoon la’aantooda Quraanka. Waxaa kale oo carruurta

lagu eedeeyey dhaqamooda “shisheeye-la

dhaqanka ah,” iyo heerka sare ee ay xagga

waxbarbashada ka gaareen. Markaas kadib ayey

IRIN 80


Cutubka 6aad: ‘Masaafuris’ labada adduun dhexdooda ah

bilaabeen in ay la qabsadaan, dhaqanka deggaanka

ay joogaan, beddelaanna hab-nololeedkoodii

hore. Waxaa kale oo ay ka hortageen cudurrada

biyaha ka dhasha. Halka cidina ma kala jecla, waxa

dhacaya, dhibaatadu waa dalka laftiisa”, waxaa

sidaas yiri, Cabdiraxman Macalin Maxamed oo ah

Maamulaha Dugsiga Ablaal ee waxbarashada

Hoose-Sare oo ku yaal Kofurta Mogadisho.

ah ku kallifayay in ay qaban qaabiyaan in dalka

dib loogu soo laabto.

“Carruurta waxay marka hore noloshoodu ku

kooban tahay, dugsiga iyo guriga, waana culays

waalidka saaran, markaas ayay waalidiintu u soo

iibiyaan, ciyaaraha vidiyowga iyo viidiyow.” Waxaa

sidaas IRIN u sheegtay hooyooyinka midood.

Dhammaan carruurta IRIN ay xogwareysiga la yeelatay,

waxay sheegeen in dib loo baro dhaqankii iyo

diinta; in badan oo carruurtaas ka mid ah, waxaad

mooddaa in uu saameeyey isku dhac xagga

dhaqanka ee u dhaxeeya, jiilalka Somalida dibad

joogga ah.

Inkasta oo aan la hayn, tiro- koob caddeynaya tirada

carruurta la soo “masaafuriyay” bareyaasha iyo

da’yartuba waxay IRIN u sheegeen, in ay hadda

magaalo madaxda joogaan, “kumanyaal” ilmo la

soo celiyay .

Siyaabo kala duwan ayey dhibaatadu u saameysaa

carruurta soo noqotay. Carruurta markii hore

dibadjoogggga ahaan jiray, oo iyaga oo waalidkood

iyo qaraabadooda la socda,dalka dib ugu

soo laabtay, waxay si joogto ah ula nool yihiin

waalidkood, waxayna la wadaagaan waayo-aragnimadii

qurbaha laga soo kasbaday. Waxaase

iyaga aad uga duwan ilmaha la “musaafuriyey”

iyaga oo aan cidina wehelin. Waxaa jira waalidiin

dibadjoog ahaan jiray iyo carruur doonaya in ay

dib u bilaabaan nolol cusub. Mase aha taasi

waddo dhib yar, sida laga soo xigtay, dadka carruurtooda

dalka ku soo celiyey. Waalidiintu waxay

sheegeen, ka welwelidda carruurta, in ay ka mid

ahayd arrimaha ugu culus ee dadka dibadjoogga

Qoysaska soo laabanaya waxay ku tahay culays,

dhaqaale iyo cilmi-nafsi, “waxaad dareemeysaa in

aadan carruurta siinin nolol tayo wanaagsan, waad

isku buuqaysaa, marka aad aragto da’yar iyo

dhallinyaro wada baqaya, waxaad ku dareysaa

dugsiyo heerkooda waxbarasho hooseeyo, oo aan

lahayn shahaaddo la aqoonsan yahay. Carruurtu

waxaa kale oo ay ka faa’idaan, taageerada qoyska

iyaga oo baranaya sidii ay isku daafici lahaayeen.

Sida ay qabto mid ka mid ah hooyooyinka dibadjoogga

ahi, dadka qaraabada ahi waa in ay ka

garaabaan, waxyaabaha ka horimanaya carruurta

soo noqoneysa. “waa duruuf qalafsan, oo aanay ku

sii noolaan karin, haddii ay muujiyaan jil-jileec iyo

deganaansho. Waa in ay lacag ku bixiyaan

ammaankooda. Ilmo aan dhalay ayaa dugsiga

lacag u sii qaadi jiray, waan ogahay in ay ahayd

baad la siinayo mooryaanta.”

Carruurta aan Cidina

wehelin ee jooga dhulallka

Soomaalida

(Waxaa dhacda in carruur noloshooda inteedii

badnayd, waalidkood dibadda kula noolaa,

dabadeedna iyaga oo keligood ah dhulalka

Soomaalida dib loogu soo celiyo. Waxay isku duruuf

dhowaan yihiin carruurta “aan cidina wehelin”

IRIN 81


Cutubka 6aad: ‘Masaafuris’ labada adduun dhexdooda ah

oo tegayey dalalka Yurub iyo waqooyiga Ameerika.

Waxaa jira carruur inta dibadda lagu soo koriyey,

kadib waalidkood go’aansaday in ilmaha ay u roon

tahay, in dalkooda dib loogu celiyo. Go’aanka

noocaas ahina inta badan wuxuu ku soo beegmaa,

marka ilmuhu baaluqo ama qaangaar noqdo,

waana xilliga ilmuhu bilaabaan isbeddello xagga

aragtida iyo dabeecadda ah, aqoonsiguna waa u

muhiim markaan oo kale. Waalidii ta dibadjoogga

ahi waxaa laga yaabaa in ay isleey yihiin, waad ka

gaabiseen, carruurtiina in aad ku beertaan ama ku

barbaarisaan dhaqankiina. Dagaalka kadib waxaa

soo ifbaxay, khilaaf qoysaska dibadjoogga dhexdooda

ka taagan oo u dhexeeya jiilalka kala da’da

ah) Cilmi-baaris ay IRIN sameysay waxay

tilmaameysaa, in ilmo laba dhaqan leh dib loogu

celiyo dalkiisii oo uusan “qofna ka qoon” ay

dhibaatada uun sii ballaarinayso.

Qaarkood waxay diidaan, dadkii dhaqan ahaan

qaraabada u ahaa, waxay ka hor yiimaaddaan

dugsiyada Soomaalida, is dhexgalkii bulshada oo la

filayay, in ay ku “hagaagi doonaan” waaba uga

daray, sidii loo yareysan jiray, markii ay dibadda

joogeen oo kale, ayaa halkaasna looga yareystaa

bulshada dhexdeeda.

Waxaa jirtay arrin kale oo dhacday, wiil ka mid ah

da’yarta soo kaceysa oo Sweden ku soo koray, ayaa

Beydhabo Koofurta Soomaaliya la keenay, si uu ula

noolaado awoowgiis iyo ayeeydiis.Wiilkaan aabbihiis

ayaa IRIN wuxuu u sheegay, in wiilku intii uu

Sweden joogay uu la saaxiibay koox- odaygu ka

shakiyey-,wuxuuna bilaabay tuuganimo iyo madax

adayg. Aabbihiis wuxuu sheegay in uu ka welwelsanaa

in wiilka ay “booliska gacanta ku dhigi

doonaan.”

Laba adduunyo dhexdood

Hal sano, markii uu joogay Beydhabo, ayuu aabbihiis

wuxuu maqlay in wiilkii uu ka tagay ayeeydiis

iyo awoowgiis gurigoodii, dugsigiina diiday, uuna

ku lug xirtay koox wiilal ah oo deegaanka ah.

Aabbuhu wuxuu IRIN u sheegay in uu soo

dhaqaaqayo, si uu wiilka u soo wado oo Sweden

dib ugu celiyo, waayo wuxuu ka baqay in wiilkiisu

ku biiro dableyda deegaanka. Wax yar ayaa laga

ogyahay, sida, “isbeddelladaan badan” ee u dhexeeya

labada aduunyo ee dabeecdda u noqotay

diidmo iyo qalalaase aqoonsi, u wada shaqeeyaan.

Aragtida ay qabaan Soomaalida dibad joogga ah,

ee ahayd in haddii carruurta fal-falxumada iyo

caasinimada lagu tilmaamo, dalka lagu soo celiyo

ay toosi doonaan, in ay tahay arrin khalad laga

fahmay, waxaa sidaas tiri, Faadumo Ibraahim, oo

ah sarkaal ka tirsan xafiiska Qaramada Midoobay

ee Xuquuqda Aadamiga ee Soomaaliya u qaabilsan

“waxaa jira khataro badan, maandooriyaal, kham-

Sawir: UNICEF

Waalidku

wuxuu isku

dayaa in uu ka

ilaaliyo carruurtoodar

Iskuuka,

gori ga.

IRIN 82


Cutubka 6aad: ‘Masaafuris’ labada adduun dhexdooda ah

ri, dhilleysi, kooxo qaswadayaal ah, oo dhammaantood

si sahlan halka looga wada heli karo,

run ma aha in la yiraahdo halka halisi ma jirto, waa

quraafaad. Ilmo kasta oo dib loogu celiyo (dhulalka

Soomaalida) iyadoo sabab looga dhigayo,

dibadda waxaa ku haysta dhibaato xagga isticmaalka

maandooriyaasha, ama cabitaanka khamriga,

halkaba si fudud bay ku heli karaan.”

Waxayse ogolaatay in ay jiraan siyaabo kale oo ay

saameyn u leedahay, maqnaanshaha guud ee

hay’adihii iyo shuruucdii oo lagu kabay, dhaqanka

Soomaalida, ma siinayo xigtada iyo waalidku,

madaxbannaani ay ku xakameeyaan, asluubta

ubadkooda shiddo la’aan.

“Sida aad doonto ilmaha waa u anshax marin kartaa,

qol ku xir, garaac, cidina kaa joojin mayso

halka. Carruurta qaar baa waxaa loo diraa

qaraabadooda miyiga joogta, si loo soo baxnaaniyo

ama looga guuriyo,” waxaa sidaas irin u

sheegtay, hooyo dibadda ka soo laabatay.

Carruur burcad ah

Samsam Cabdi, oo madax ka ah hay’ad la yiraahdo

(Community of Concerned Somalis) oo ah

(NGO) la shaqaysa haweenka dagaallada ku

garooboobay, ayaa waxay IRIN u sheegtay, burburkii

ku dhacay qaab-dhismeedkii qoyska

Somaliland, natiijadiisu in ay noqotay soo baxa

ubad burcad noqday. Inkastoo ay hadda yare bulshadu

dagaalka ka dib nabdoon tahay, haddana

qaab dhismeedkii dhaqan ahaan, ee qoyska

Somaliland dhibaato ayaa ka soo gaartay

dagaalkii, iyo dibad u yaacii, xeryaha qaxootiga.

“Ubadkaani noloshoodaba wax yar ayay arkeen,

waxaan dagaal ahayn. Aabbayaashood ayaa lagu

dilay, waxay ku biireen dableyda, dugsigii ayay ka

tageen, qaad ayay ku dhex jiraan, (catha edulis)

waana ilmihii hooyooyinkood lagu khasbay in ay

noqdaan, kuwa nolol maalmeedka qoyska laga

sugayo.” Haweenkii dagaallada garoobka ku noqday

ayay noqotay in ay “buuxiyaan meelaha

maran” ee ay banneeyeen ragga dhintay, ama

aaday xeryaha qaxootiga, ama ay marka dambe

gacan siiyaan ragga dagaallada ka qayb galay, oo

dani badday, Samsam Cabdi ayaa sidaas u faahfaahisay.

Inta badan haweenka shaqeeya gabdhahooda

waxbarashada waa ka joojiyeen, si ay masuuliyadda

qoyska uga qeyb qaataan.

Saboolnimada, maqnaanshaha waalidka iyo halista

qalalaasaha iyo argagaxa ku meereysan, ayaa u

sabab ah, in ay sameysmaan kooxo burcad ahi, oo

inta badani ay ka mid yihiin carruur 10sano jir ah,

iyo kurayo da’yar ah.

Kooxahaani aad ayaa looga baqaa, beledka qaarkiisna

waxay ka dhigteen aagag lama galaan ah,

halkaas oo ay habeenkii kharbudaad ba’an ka

geystaan, lacag baad ahna ku qaataan, gabdhahana

waa kufsadaan.” Sida ay sheegtay Samsam

Cabdi. Waxaa si degdeg ah loogu baahan yahay, in

carruurtaan loo sameeyo dib u dhaqan celin,

waxna la baro loona abuuro farsamo ay ku

xoogsadaan.

Haddase ma ay jiraan, fursado carruurtaas dib

loogu dhaqan celiyo, waxaa kale oo aan iyana jirin,

daryeelayaal bulsho, maxkamado carruurta qaabilsan

ama hay’ado xannaano, midna.

IRIN 83


Cutubka 6aad: ‘Masaafuris’ labada adduun dhexdooda ah

Faadumo Ibraahim waxay irin u sheegtay, in carruurta

dambiyada fudud gala, ama rabshadaha

sameeya, la geeyo xabsiyada dadka waaweyni ku

jiraan, halkaas oo ay u badan tahay in la fara

xumeeyo.

“Waa dhibbanayaal loo gaysto faraxumayn, iyo

dhibaato jir iyo maskaxba leh. Ilaalada xabsiga

ayaa ii sheegay, in ay run ahaan, jiraan habeenkii

niman waaweyn oo carruurta ka dhawaajiya.

Tirada gabdhuhu waa ay yar tahay, waase ay

jiraan, iyaga waxaa lagu hayaa qeybta haweenka,

oo ay dhillooyinka iyo tuugtu ku jiraan., kuwaan

laftoodu waxay halis u yihiin, in nimanka ilaalada

ahi ay faraxumeeyaan.”

Xiridda carruurta

IRIN waxay booqatay xabsiga Hargeisa, waxaa ku

jira 25-30 carruur ah, sida shaqaalaha xabsiga laga

soo xigtay. Koox wiilal ah oo gaaraya 12 ku

dhowaad, ayaa waxay ku xirnaayeen aqal jiingado

ka sameysan, oo xabsiga weyn ku dhow.

Carruurtaasi gogol lama siin, waxayna ku oodnaayeen

kuleylkaas, waxaana ku dhowaa biyomareennada

qashinka qaada oo afka ka furan.

iyagoo qeybta haweenka biraha ku yaal, wax ka

soo eegaya.

“Carruurta qaarkood waxay aad u dhibaan hooyooyinkood,

waxay ku dilaan si ay lacag u siiyaan,

ama qaat. Xabsiga da’ kasta ayaan ku soo arkay,

waxaa lagu hayaa saddex illaa shan bilood,

qaarkoodna illaa iyo 11 bilood.

Ayaga oo inta hore ka sii argagaxsan, ayay dibadda

u soo baxaan, waxaana suurtogal ah in ay qaar

badani xabsiga dib ugu noodaan.” Waxaa sidaa tiri

Faadumo Ibraahim.

Xaaladda carruurta

Soomaalida

Sida ay sheegeen shaqaalaha hay’adaha samafalka,

iyo ururrada xuquuqda aadanuhu, carruurta dhulalka

Soomaalida ku nool oo dhammi, waxay

rafaad kala kulmeen qalalaasihii iyo dayacii, meelaha

qaarkoodna aad bay u sii daran yihiin.

Magaalada Muqdisho, carruurta waxaa dhibaato

ba’ani ka soo gaartaa, colaadaha joogtada noqday,

sharci la’aanta iyo burburkii ku dhacay dowladda

iyo bulshadaba.

Carruurtaan intooda badan waalidkood ayaa

keenay, sida laga soo xigtay ilaalada xabsiga midkood,

waxaana lagu soo eedeeyay isticmaal

maandooriyaal, iyo rabshado, waxaana la hayn

doonaa illa laba bilood, ama inta ay waalidiintu

uga sheegaan, madaxda xabsiga in ay sii

daayaan, waxaa loo yaqaan caasi waalidiin, caruur

waalidkood amarkoodi diiday. Inta badan

waaliddiinta ayaa go’aan ka gaara muddada ay

xirnaanayaan, gabdhaha yaryar waxaa la arkayay

Xarunta xuquuqda aadanaha ee Dr. Ismail

Jimcale, oo Muqdisho saldhiggeedu yahay, ayaa

ku dadaashay in dareenka dadka ay ku soo jeediso,

rafaadka haysta, carruurta Soomaalida, oo ay

ka mid yihiin, dil, dabley xoog loogu qorayo, iyo

xabsi.

Arrimaha kale ee iyana welwelka keenaya waxaa

ka mid ah tirada carruurta dibjirka ah ee waddooyinka

daadsan, oo magaalooyinka ku soo

IRIN 84


Cutubka 6aad: ‘Masaafuris’ labada adduun dhexdooda ah

badanaya, taas oo ay ugu wacan tahay dadka

dalka dib loogu soo celinayo iyo kuwa hadba

meel u guuraya.

Hargeysa waxaa jira gabdho yaryar oo aan lahayn

hooy ay jiifsadaan waxayna halis u yihiin in ay

afka uga dhacaan burcadda.Si ay uga bad-

Xaliima

Xaliimo iyadoo siddeed jir ah ayaa Sweden lagu geliyay, ilmo aan cidina wehelin, markii dambese waalidkeed

ayaa Somaliya dib ugu soo celiyay, kadib markii ay dadkii xanaaneyn jiray ka soo dayriyeen dhaqankeeda.

Waxaan ka baqay in Somaliya la igu dilo, carruurta aan deriska nahay si gaar ah ayay ii eegayaan, waayo anigu

af Somaliga ma aqaan, magaalada Muqdisho dadku waa isku xad gudbaa, waana is dilaan.

Xaliimo waxay doonaysaa in ay Sweden ku noqoto, waxayna ka baqeysaa in ay weydo aqoonsigeeda

Somalinimo:

Sweden waxaa la ii waday ka dib markii uu dagaalku bilowday.Markaas siddeed jir baan ahaa, afar sano qaxooti

ahaan ayaan ku joogay, dabadeed waxaa la ii ogolaaday ruqso aan dalka ku joogo, dugsi ayaan galay, afka

Swedishka waan bartay, dowladda Sweden aad bay ugu naxariisanaysay qaxootiga, ilmo aan cidina wehelin waa

la dhageysanayay, waxaana loo oggolaa in xog wareysi lala yeesho.

Haddii carruurta iyo dadka xanaaneeya iska horyimaaddaan, waxay caruurtu u tagi kartaa barayaashooda, iyaga

ayaa ka wareysan doona, dhibaatadu waxay tahay, in badanna barayaashu waa kaalmeyn jireen carruurta dalka

Sweden, waa kexeeyaan, oo xanaaneeyaan carruurta waalidkood garaaco.

Aad ayay u adag tahay in aad waalidkaa la’aantiisa gooni u noolaatid. Waxaan la noolaan jiray haweeney naxariis

badan oo Soomaali ah oo waalidkay saaxiib la ahayd. Markii ay i canaanataba, aad baan uga xumaan jiray,

maalin baa aniga oo dugsiga jooga la i waydiiyay wax dhibaato ahi hadday jiraan, waxaana u sheegay, in

haweeneyda i korisaa ay i canaanato.

Madaxda dugsiga ayaa inta aqalka ugu tegey u sheegay, haweeneydii i korinaysay in ay is beddesho. Waxayna

u sheegeen in haddii ay si xun iila dhaqantana, ay iga wadi doonaan. Taasina waxay ka xanaajisay haweeneydii.

Waalidkay oo Soomaaliya jooga ayay telefoon u dirtay, oo u sheegtay wixii dhacay oo dhan.

Waalidkay waa ay ila soo hadleen, waxayna go’aansadeen, in ay isoo celiyaan, markaas qiyaastii 15jir baan ahaa.

Markii ugu horreysay oo aan imid, dugsi horay kama aan bilaabin, markiiba carruurta aan deriska nahay, si gaar

ah ayay ii fiirin jireen, af-Soomaaliga ma aqoon, muddo sannad ah ka dib markii aan imid ayaan Muqdisho dugsi

ka bilaabay. Waqti ayay igu qaadatay in aan la qabsado carruurta kale. Aabbahay wuxuu i bari jiray dhaqanka

Soomaalida, waxaa kale oo aan lahaa bare ii gaara oo i bara af Soomaaliga.

U maleyn mayo dhaqanka Somalidu, in uu wax weyn yahay, waxaa ka maqan ilbaxnimo. Dadku waa kugu dheygagayaan

sidii aad qof qalaad tahay, dalkaan dadku waa isku xadgudbaan oo isdilaan, sharci iyo kala dambeyn

ma jirto, xukuumadduna halka tabar ma leh. Sweden baan halka ka door bidayaa, halkaas, dadku waa ilbax.

Dadku iskuma xadgudbaan, ismana dilaan. Xagga haddii uu qof kuu gafo, wuxu ku yiraahdaa iga raalli ahow.

Dadku dhibaatada waa qaybsadaan.

Xagga markii aan tegay, waxaan ahaa ilmo aan cidina wehelin, waana aan cidlooday. Halka waalidkay ayaan la

noolahay, waxna waa bartaa. Waxaa jira waxyaabo dhaqanka Sweden ka mid ah oo aan ii rooneyn, waxaana ka

baqayaa in aan ka tago dhaqankeygii Somaliga ahaa, aabbahay wuxuu ii sheegay in uu dib Sweden ii geyn

doono, marka aan dhameysto waxbarashadeyda hallka, aad baan ugu farxay noqosahadaas, waxaana ka

baqayaa, halkan in la igu dilo.

IRIN 85


Cutubka 6aad: ‘Masaafuris’ labada adduun dhexdooda ah

Dahabo

Dahabo waxay leedahay urur yar oo saldhiggiisu yahay Earls

Court, London, wuxuuna ku shaqeeyaa laba qol oo

yaryar.Ururku kaalmada lacageed ee uu helo wuxuuku

mutaystay kaalinta uu,ka qaato la talinta bulshada iyo howlaha

carruurta Soomaalida uu u qabto:

“Waxaan maqlay dhacdooyin la leeyahay, dad Soomaali ah ayaa

nafta iska qaaday Iyo da’yar caruur Soomaali oo isku dayay in ay

is-dilaan, is googooyaan, ama tareen socda isku hor tuuraan.”

Dahabo waxay IRIN u sheegtay, in ay jiraan dad ka mid ah

bulshada Soomaalida, oo doonaya carruurta aan cidina wehelin,

in laga reebo liisaska rasmiga ah, si ay uga sii faa’ideystaan

dheefta ay ka helaan barnaamijka taakuleynta bulshada.

Dadku markii ay 1990meeyadii ka yimaaddeen dagaalladii

Somaliya ka socday, xaaladdu waa ay ku adkeyd, waxay noqdeen

dhaqan ahaan iyo diin ahaanba go’doon, waxayna is arkeen in

ay dhex taagan yihiin nidaam qalaad, inkasta oo hadda ay

haystaan amni iyo deegaan, waxay misna qabaan dhibaatooyin

tiro badan, oo ay ka mid yihiin jahawareer,cadaadis, argaggax

iyo dhibaatooyin xagga dhimirka ah.

Dahabo Ciise iyo Nimco oo 18jir ah, oo halka

timid iyada oo ah ilmo aan cidina wehelin)).

Sawir: IRIN/Jenny Matthews-Network

Carruurta aan cidina wehelin, dhibaatooyin intaas ka badan ayaa haysta. Dhibaatooyinka horay loo soo sheegay

waa qabaan, waxaase u sii dheer la’aanta ama maqnaanshaha taageeradii iyo jaceylkii waalidka.

(Sannadkii 1993dii caruur tiro badan oo aan

cidina wehelin, ayaa soo gashay. Dhibaatadoodase markii dambe ayaan ogaanay.…

Carruurtaan aan cidina wehelin, intooda badani waa qarsoon yihiin. Waxay la joogaan xubin beeshooda ah, iyo

qof qaraabo ah mindhaa, marka waxay u eg yihiin, in ay “Qoys” leeyihiin,.Qoysku waa qoys doonaya in ay magacooda

dheef ku helaan, ilmaha uma hayaan wax jaceyl ah iyo dan toona. Carruurta intooda badani dagaalkii

ayay xasuusan yihiin, dhibaatada waxbarashadu iyana waa meesheeda.

Waxay noqon karaan dambiilayaal,gala denbiyo aan cuslayn, waxay isku dhacaan ciidamada nabadgelyada ama

booliska.

Waxaan maqlay carruur Soomaaliyeed oo doonaya in ay is dilaan, is googooyaan, tareen ordaya isu dhigaan.

Waxaan isku daynaa wixii aan ka qaban karno, in aan la qabanno, oo aan hoos ahaan u ogaanno dhibaatadooda.

Caruurtu ma ay heli karaan guryo ayaga u gaar ah, mudnaanta koowaad waxaa leh hooyo carruur wadata,

qof naafo ah, carruurta keligood ahi mudnaantaas ma leh, xagga deegaanka. Marka dad waaweyn ayay

keenaan oo ku dooda in ay caruurtoodu yihiin si ay deegaan magacooda ugu helaan.

baadaan faraxumaynta budhcadda, waxay seexdaan

haamaha shidaalka dhexdooda, iyaga oo

isleh urka iyo khatarta shidaalka dartood ayaad

weerarkooda uga badbaadi doontaan.

Dhulalka Soomaalida oo dhan, carruurta ku nool

jidadka magaalooyinka, ayaa halista ugu badan ku

sugan. IRIN waxaa loo sheegay, carruurta jidadka

fadhida mararka qaarkood burcadda ayaa ku

IRIN 86


Cutubka 6aad: ‘Masaafuris’ labada adduun dhexdooda ah

khasabta, in ay u soo tuugsadaan, ka dib marka ay

kufsadaan oo garaacaan, meelaha qaarkood

dhibaatooyinku weli waa ka taagan yihiin, oo

waxaa dila oo faraxumeeya dableyda.

Dadka ku nool dhulka baadiyaha ah iyo xeryaha

qaxootigaba, noloshoodu waxba isma dhaanto,

waxayna halis u yihiin wax kasta.

Shaqaalaha hay’adaha samafalka ayaa dhammaantood

waxay IRIN u sheegeen, meelaha saboolnimada

ba’ani ay ka jirto, carruurta qaar ayaa

waalidkood u iibiyeen sidii shaqaale oo kale ama

guryaha looga adeegto.

“Marka waa aad arki kartaa sababta, in dadka

qaarkiis ilmahooda ay diyaarad dibadda ugu

dirayaan in ay tahay, waxa ugu wanaagsan oo aad

u sameyn kartid” waxaa sidaas tiri Fadumo

Ibraahim, oo u kuurgashay arrimahaas.

IRIN 87


God baa wadnahooda ka daloola

Waayo-aragnimada carruurta Soomaalida oo aan cidina wehelin

Ugu yaraan 200 oo ah caruur Soomaaliyeed ayaa bil kasta si sharci-darro ah looga qaadaa dhulalka Somalida, sida laga soo

xigtay “Wakiil". “Wakiil" ka gurta kumanyaal dollar waalidiinta rajo-beelka ah si uu ilmahooda ugu soo daadiyo garoomada

diyaaradaha, goobaha tareenka ka baxo oo ku kala yaal dalal bartilmaameed ah oo ka mid ah, Yurub iyo waqooyiga

Mareykanka. Ubadkaas intooda badan waxaa ku dhaca dhibaatooyin xagga cilmi-nafsiga ah, waxaana ku adkaada oggolaanshaha

noloshii dibadda, “ee riyada ahayd" ayna run ahaantii ku noolaadaan nolol keli ah oo aan xanaano lahayn ama dembiyo

falid leh. Malaha si aan ku talo-gal ahayn ayaa burburkii dowladdii Soomaaliya ka dib waxaa soo shaac baxay ganacsi

faa’ido badan oo ku salaysan Isxambaar in ilmo dalalka reer galbeedka loogu dhoofiyo. Wadnahooda god baa ka duleela:

waayo-aragnimada caruuta waalidkood goonida ka ah, waxaa lagu falanqeynayaa waayo-aragnimada qofnimo iyo sida ay

caruurtaasi u yihiin baylah wax walba u nugul.

Waana markii ugu horeysay oo si faahfaahsan qaabdhismeedka ganacsiga isxambaarka loo soo bandhigaa, loona iftiimiyo

sababaha ay waalidiintu ubadkooda dibadda ugu dirayaan. Marka la milicsado xaaladda murugada leh oo ay ku sugan yihiin

carruurta ku nool dhulalka Soomaalida ayaa waxay muujinaysaa sababta ay waalidiin badani ugu bareerayaan halista ku

sugan isxambaaridda iyo mararka qaarkood ayaandarrada ku dhacda caruurta dalka dib ugu soo noqota.

Shabakadda isku-xirka xog-goboleedka ee IRIN waxay siisaa bulshada howlaha samafalka ku taxluuqa,

adeeg warar iyo xog ururin xeel dheeri leh. Waana mashruuc ay deeq bixiyaashu taakuleeyaan oo ka

tirsan xafiiska Qaramada Midoobay u qaabisan, iskudubaridka arrimaha samafalka. IRIN xog lafa-guran

ayay uga soo gudbisaa 46 dal oo ku kala yaal Afrikada saxara ha ka hooseeya, iyo sideed dal oo Asiyada

dhexe ah. Xafiisyadeeda: Nairobi, Abidjan, Johannesburg & Ankara.

UN Office for the Coordination

of Humanitarian Affairs (OCHA)

Shabakadda isku xirka xog-goboleedka (IRIN)

Sanduuqa Posta 30218

Nairobi, Kenya

Telefon: +254-20-622147

Facimile: +254-20-622129

E-mail: irin@ocha.unon.org

Web: http://www.irinnews.org

Sawirka kore: IRIN/Jenny Matthews-Network

More magazines by this user
Similar magazines