10.11.2012 Views

Xog- Maal - Somali Talk

Xog- Maal - Somali Talk

Xog- Maal - Somali Talk

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

Madaxa Wargayska :

Maxamed Raage

D

oorashadii guud ee dhawaan dalka ka

dhacday waxay guul aqlabiyad ah ka

raacday xisbiga talada haya ee ANC ,

iyadoo asxaabta mucaaradka intooda baddan

ay afka ciida dareen, hase yeeshee xisbiga DA

ayaa guulo wax ku ool ah kasoo hoyiyey doorashada,

wargeyska codka Soomaalida Koonfur Afrika ee Xog-

Maal wuxuu idiin soo gudbinayaa faahfaahin

dhamaystiran oo doorashooyinka ku saabsan. Eeg

Bogaga 2 aad illaa 8aad

May 2 2009 Cadadka 11aad

Xog-Maal waa Wargays ku hadla Afkaaga

Hooyo soona baxa Bishii labo jeer.

Qodobada Wargeyska

Digniin: Durreyga

Doofaarka oo ka dilaacay

K/Afrika– Eeg

boga 12 aad

Surwaalka kor u

qaado waad qaawantahaye-eeg

boga 8aad

ENGLSIH NEWS

PAGE 15

Xisbiga Isha mise kan Afka

keebaad codkaaga siineysaa?

Sheeko Xiiso leh– Eeg Boga

6aad

Soomaali kuma doorashada oga

qeybgalay— Eeg bogga 7aad

Tifaftiraha Wargayska:

Maxamed Muuse Nuur

Bogga 14aad

Qeybtii 6aad

Xog-Maal SomaliTalk

Eeg boga 16aad

Soo saaristaan waxaa ku jira aayadaha Qur’aanka Kariimka iyo Axaadiista Nabigeena (SCW) Ee Fadlan hadhigin meel aan munaasan u ahayn Wargayska.

2 May, 2009 XOG-MAAL 2

Nataa’ijka heerka qaran. Natiijooyinka Gobollada

Doorashadii guud ee dalkani Koonfurta

Afrika waxaa loo dareerey maalintii arbacada

ee taariikhdu ay ku beegneyd 22-ka

April, waxaa isu diiwaangaliyey 23

malyan oo qof, hase yeeshee waxaa codkooda

dhiibtey 17 milyan oo kaliya,

taasoo usoo bixidda doorashada ka dhigtey

77.3% boqolkiiba, 3 maalmood kadib

ayaa lasoo saaray natiijadii kama dambeysta

ahayd.

Madaxa gudiga doorashooyinka qaranka

(IEC- Independent Electroral Commission)

haweeneyda lagu magacaabo Brigalia

Bam ayaa ku dhawaaqday natiijada

rasmiga ah oo kama dambeysta ah:

ANC waxay heshey 65.9% oo u dhiganta

11.65 milyan oo cod, waxaa kusoo xigey

xisbiga DA oo heley 16.66% boqolkiiba

oo u dhiganta 2.95 milyan oo cod, waxaa

soo raacay xisbiga Cope oo heley 7.4%

boqolkiiba oo u dhiganta 1.31milyan oo

cod, waxaa xigey IFP oo heley 4.55%

boqolkiiba oo u dhiganta 800 cod iyo

dheeraad, waxaa iyana soo raacay xisbiga

ID oo heley 0.95% boqolkiiba oo u dhiganta

162 kun oo cod, halka asxaabta soo

hartay oo dhan ay isku heleen 4.56% boqolkiiba

oo ah ku dhawaad hal milyan oo

qof.Tirooyinka kore waxay ka turjumayaan

in ANC ay heshay 264 kursi, halka

xisbiga ugu soo dhow oo ah DA uu heley

67 kursi, wallow ANC ay aqlabiyad

baaxad weyn ku guuleysatay, haddane

waxay dhibco jajab ah oo isha baasheeda

ah ku lumisey 3 duleel 2 duleed ee

kuraasta baarlamaanka si ay markaasi wax

oga badali karto dastuurka dalka iyada oo

aanan cidna kaashan, tirada loo baahnaa

waa 66.66% halka ay iminka heshay

65.90%.

Xisbiga DA ee mucaaradka ah ayaa isagana

wallow uu codad aad u yar ka heley

doorashada marka loo eego ANC, waxa

uu sheeganayaa guul weyn, tan koowaad

waa in ay ku guuleysteen gobolka Western

Cape oo ay iyaga dowlad goboleedka

dhisayaan, waxaa kale oo wehliya in ay

kordhiyaan tirada codadka ay ka heleen

doorashada marka la barbardhigo

doorashadii 2004-tii, waxay horey u

heysteen 12% boqolkiiba, iminka waxa ay

heleen 16.66 boqolkiiba.

Eastern Cape

Gobolka Eastern Cape ANC waxay

heshay 1,552,676 cod, taasoo u dhiganta

68.82% boqolkiiba , waxaa soo raacay

Congress of the People (COPE) oo heley

308,439 cod oo la mid ah 13.67 % boqolkiiba,

xisbiga Democratic Alliance

(DA) wuxuu heley 225,310 cod oo la mid

ah 9.99 %.

Xisbiga United Democratic Movement

(UDM) wuxuu heley 93,196 cod oo la

mid ah 4.13% . halka 13-ka xisbi ee kale

ee gobolkaasi ka tartamay ay heleen wax

ka hooseeya 1%.

Free State

Gobolka Free State ANC waxay ku guuleysatay

734,688 cod (71.10%) waxaa

xigey COPE oo heley 120,018 cod

(11.61 %), DA waxay heshay 119,844

votes (11.6 %), hal dhibic oo jajab ah

ayay kala horeeyaan labbada xisbi ee

COPE iyo DA.

Xisbiga Freedom Front Plus (FF+) wuxuu

heley 20,780 (2.01%). The Dikwankwetla

Party of SA wuxuu heley 11,257 cod

(1.09 %t). asxaabta 14-ka ah ee hartay ee

ka tartantay gobolkaasi waxay heleen

taageerada dadka wax ka yar boqolkiiba

hal 1%.

Gauteng

Gobolka barwaaqo sooranka ah ee Gauteng,

ANC waxay heshay 2,660,267 cod

(63.99%) , DA waxay heshay 908,616

cod (21.86%) Cope-na waxay heshay

323,327 cod (7.78 %).

Xibiga FF Plus wuxuu heley 67,660 cod

(1.63%) halka Inkatha Freedom Party ay

qaadatay 61,856 cod (1.49 %). 15 xisbi ee

hartay waxay heleen wax ka yar boqolkiiba

hal.

Kwazulu-Natal

Gobolkani ay meelo ka mid ah ka taliso

boqortooyada Zulu-ga, xisbiga talada

haya ANC wuxuu ka heley 2,19,516 cod

(62.95%) waxaa xigey IFP oo heshay

780,027 cod (22.40%), DA waxay heshay

318,559 cod (9.15%) halka xisbiga Minority

Front ay heleen 71,507 cod

(2.05%). Cope waxay heshay 44,890 cod

(1.29%) , halka inta soo hartay oo ah 12

xisbi ay heleen wax ka yar boqolkiiba hal.

Limpopo

Gobolkani miyi xigeenka ah ANC waxay

ku guuleysatay codadkii ugu badnaa oo

dhan 1,265,631 cod (84,88%) waxaa

xigey Cope oo heley 112,325 cod

(7.53%). DA waxay heshay 51,856 cod

(3.48%), halka 15-ka xisbi ee soo haray ee

gobolkani ka tartamay ay heleen wax ka

yar boqolkiiba hal.

Mpumalanga

Mpumalanga, ANC waxay heshay taageerada

dad gaaraya 1,110,190 (85.55%),

waxaa soo raacay DA oo heshay 97,204

cod kaliya (7.49%) iyo Cope oo heshay

37,789 cod (2.91%) . asxaabta harsan oo

ah 12 xisbi iyagu waxay heleen wax ka

yar 1%.

North West

obolka North West oo ah kan ugu faqrisan

dalka ANC waxay heshay 783,794 cod

(72,89%) waxaa xigey Cope 89,573 cod

(8.33%) iyo DA oo heshay 88,728 cod

(8.25%), halka United Christian Democratic

Party uu heley 56,678 cod (5.27%),

12-ka xisbi ee harsan waxay heleen wax

ka yar 1%.

Western Cape

Gobolkani oo ah mid jinsado baddan

waxay guusha raacday xisbiga DA oo

heley 1,012,568 cod (51,46%) waxaa

xigey ANC oo heshay 620,918 cod

(31.55%), halka Cope ay heshay 152,356

cod (7.74%) waxaana soo raacay xisbiga

Independent Democrats (ID) oo heley

92,116 cod (4.68%). Xisbiga diinta masiixiga

ee ACDP wuxuu heley 28,995

cod (1.47%), asxaabta hartay oo gaaraya

17 xisbi iyagu waxay heleen wax ka yar

1%.

Northern Cape

Gobolkani ANC waxay qaadatay 245,699

cod (60.75%) waxaa xigey DA 50,817

cod (12,57 %). Cope waxay heshay

67,416 cod (6.67%) ID waxay heshay

9,995 cod (4.94%) FF Plus waxay heshay

5.034 cod (1.24%) halka UCDP uu heley

4,889 cod (1.21%) iyo xisbiga ACDP oo

heley 4.041 cod (1%) .

Xog- Maal

2 May, 2009 XOG-MAAL 3

Waa sidee nidaamka doorashada

dalkani, maxay dadku doortaan?

Dad baddan oo Soomaali ah oo dalkani ku nool waxaa laga yaabaa

in aysan ku baraarugsanayn nidaamka doorashada dalkani,

nidaamka wax loo doorto dalkani aad ayuu oga duwanyahay sida

dad baddan ay gudoonsadeen.

Marka hore waxa ay dadka dooranayaan ma ahan shaqsiyaad,

tusaale ahaan dadka ma doortaan cidda madaxweynaha u noqoneysa,

ama baarlamaanka u galaysa, ee waxay doortaan xisbi,

xisbiga ayaa soo xulaya qofka baarlamaanka u galaya ama madaxweyne

u noqonaya.

Inta aan doorashada la galin ayay tahay in xisbi kasta uu soo gudbiyo

magacyada dadka baarlamaanka u galaya, iyo shaqsiga madaxweynaha

ugu sharaxan, kadib ay ololaha ku galaan sidaasi,

marka doorashada ay dhacdo inta cod ee uu xisbiga helo ayaa loo

turjumayaa kuraasta baarlamaanka, halkii kursi waxaa u dhiganta

50,000 cod (konton kun oo cod), tusaale ahaan haddii xisbiga

helo boqol kun oo cod, 2 xildhibaan ayaa baarlamaanka u galay,

waxayna u kala galayaan hadba sida ay diiwaanka ugu kala

horeeyeen markii xisbiga uu gudbinayay magacyadooda ka hor

doorashada.

Ogow kuraasta la dooranayo waa kuwa labbada aqal ee kala ah

kan qaranka iyo kan maamul goboleed kasta ee 9-ka gobol, magacyada

la gudbinayo waa kala gaar.Soo xulista dadka baarlamaanka

galaya ee xisbi kasta waxay ku timaadaa doorasho xisbiga

dhexdiisa ah, waxay diiwaanka ugu kala horeeyaan hadba

sida ay ugu kala codbadanyihiin laamaha xisbiga ee soo doortey.

Waxaa doorashada ka qeybgalay 26 xisbi oo heer qaran u tartamay

iyo 156 xisbi oo heer gobol u tartamay.

Doorashada iyo hufnaanteeda.

Waxaa lagu tilmaamay doorashadii ugu cadaaladsanayd qaarada

Afrika oo dhan, waxaa joogay indha-indheeyeyaal ka socday

midowga Afrika, iyo urur goboleedka wadamada Afrikada

Koonfureed ee SADC , meeysan iman dad ka socda midowga

yurub iyo UN-ka.

Dowlada dalkani waa ay diidey in lasoo dirro kormeerayaal

caalami ah, kaliya waxay ogolaatay indha-indheeyeyaal, farqiga

u dhaxeeya labbada waxay kala tahay in kormeerayaasha ay

awood u yeelanayaan in ay farogaliyaan haddii muran dhaco,

halka indha-indheeyeyaasha aysan awoodaasi lahayd, kaliyana

ay warbixin ka diyaarin karaan.

Waa dalka kaliya ee qaaradani ku yaala oo aysan iman kormeerayaal

Yurub ka socda, haddane ka dhacday doorasho aanan

lagu murmin, waxaana taasi ugu wacan dimoqoraadiyada tabargashay

iyo machadyada dhidibada adag ee dalkani ka jirra sida

kan doorashooyinka.Waxaa dadkii doorashada indhaindheeynayay

ka mid ahaa madaxweynihii hore ee dalka Nigeria,

Obasanjo., wallow taasi su’aalo laga keeney iyadoo laga

shidaal qaadanayo diiwaanka aan wanaagsanayn ee doorashooyinka

Nigeria oo lagu murmo.

Dhacdooyinka doorashada

Wallow ay si hufan u dhacday doorashada guud ahaan, haddane

waxaa jirrey dhacdooyin dhowr ah oo carqalad galiyey hamsamida

codbixinta.

Gobolka Kwazulu-Natal Police-ka waxay qabteen sargaal ka tirsan

gudiga doorashada oo watta waraaqaha codbixinta oo 100 xabbo

gaaraya oo calaamaysan ka hor intii aysan furmin goobaha codbixinta,

markiiba waa la xirey, maalin kadib maxkamad ayaa lasoo

taagay, meel kale sargaal kale ayaa laga dhacay dhamaan qalabkii

codeynta, meel kale saraakiisha doorashooyinka ayaa dadka u sheegey

in ay ku codeyn karaan qalin rasaas oo aan loo baahneyn qalin

biiraha, wallow aysan jirrin sharci xadidaya isticmaalka qalmaanta,

haddane waxaa yaab ka muujisey madaxa koomishanka

doorashooyinka.

Dhacdo kale waxaa go’ay waraaqihii codbixinta, waxaa gabaabsi

noqdey sanaadiiqdii codbixinta oo buuxsamay, meelaha qaarkood

korontada ayaa go’dey ka hor intii uusan waqtiga dhamaanin,

meelo kale waxaa dhamaatay khaddii ciddida dadka loo marinayay,

meel kale waxaa laga heley sanaadiiq buuxda oo la halgaaday, laakiin

waxay noqdeen kuwa horey loo tiriyey.

Dhacdo kale sargaal gudiga doorashooyinka ka tirsan ayaa gaari la

jiirsiiyey oo waa uu dhaawacmay, meel kale waxaa isku dhacay

saraakiisha gudiga iyo taageerayaasha ANC, dhacdo kale sargaal

sare oo ka tirsan xisbiga Cope ayaa toogasho lagu dilley gobolka

Eastern Cape.

Tirakoobyo kooban

20,000 goobood oo codbixin ayaa codka laga dhiibtey

5000 indha-indheeyyeyaal oo dalka u dhashay iyo

352 caalami ah ayaa doorashada la socday

55 milyan oo waraaqaha codbixinta ah ayaa la daabacay,

450 tan oo waraaqo ah ayaa la’isticmaalay

97002 sanduuq oo codbixin ayaa la isticmaalay

4.5 milyan oo qalmaan ah ayaa loo direy goobaha

codbixinta

1500 litar oo qad ah ayaa la isticmaalay si loogu

sunto gacmaha codbixiyeyaasha

11 bakhaar ayaa la isticmaalay si loogu keeydiyo

agabka codbixinta

2 May , 2009 XOG-MAAL 4

Waa kuma Jacob

Jacob Gedleyihlekisa Zuma, wuxuu

dhashay 12-kii April 1942-dii, tuulada

Nkandla ee gobolka Kwazulu-Natal,

wuxuu ka dhashay qoys dabaqada

hoose ah , aabihii wuxuu ahaa Police

wuxuuna dhintey isagoo yar,

hooyadiis waxay ahayd booyaaso

reero u shaqaysa, iskuulka isagoo

maraya fasalka sedexaad ayay ayeeydiis

kaxaysatay wuxuuna noqdey lo’

jir.

1959-kii isagoo 17 ah ayuu ku biirey

African National Congress (ANC) ,

wuxuu sanadii 1962dii xubin ka noqdey

garabkii hubeysnaa ee ANC

(Umkhonto We Sizwe) kadib markii

la mabnuucay ANC 1961-dii. 1963-dii

ayaa isaga iyo 45 kale oo tabobar ciidan

qaadanayay lagu xirey meel u

dhowr Zeerust galbeedka Transvaal

(hadda North West).

Waxaa lagu eedeeyey inuu

maleegayay afgambi dowlada ka dhan

ah waxaana lagu xukumey 10 sanno

oo xarig ah oo ku dhamaystey

jasiirada Robenne Island oo uu Nelson

Mandela ku xirnaa.

Kolkii la soo siidaayay wuxuu dalka

musaafuris ahaan oga tagay 1975-tii,

wuxuu tagay dalka Swaziland, kadib

Muzambique, wuxuuna halkaasi ku

qaabiley sanad kadib kumanaan

dhalinyaro ah oo baxsad ah kadib kacdoonkii

Soweto ee 1976.

Sanadii 1977 ayuu kamid noqdey

golihii dhexe ee ANC, wuxuu kaloo

soo qabtay xilal kala duwan illaa ugu

dambeyntii uu noqdey madaxa sirdoonka

ANC.

Wuxuu dalka kusoo laabtay 1990 –kii

kolkii mabnuucida laga qaaday ANC,

isla sanadkaasi ayaa loo doortey gudoomiyaha

ANC guud ahaan iyo gudoomiyaha

ANC ee Kwazulu-Nala

halkaasi oo uu doorweyn ka ciyaarey

dammintii rabshadihii ahliga ahaa ee u

dhaxeeyey taageerayaasha ANC iyo

IFP.

1997-dii ayaa loo doortey madaxweyne

kuxigeenka ANC shirkii Mafikeng

ee uu xilka madaxnimada ANC

kula wareegey Thabo Mbeki, labbo

sanno kadib 1999 ayaa loo magacaabay

madaxweyne kuxigeenka dalka

kolkii Thabo Mbeki uu madaxweynaha

noqdey.

Laakiin shaqadaasi waxaa laga direy

14-kii June 2005-tii markii ay soo

baxeen eedeymo la xariira musuqmaasuq,

isla sanadkaasi ayaa sidoo

kale lagu soo oogey dacwad la xariirta

kufsi haweeney qaadsan cudurka HIV

AIDS-ka , sanad kadib markii

maxkamad la keeney wuxuu yiri

―galmada kadib waan ka qubeystey si

aan u yareeyo khatarta cudurka‖,

dacwada kufsiga ah waa lagu waayay

markii dambe.

18-kii December, 2007 ayaa shirweynihii

ANC ee Polokwane loogu

doortey madaxweynenimada ANC

isagoo ka reeyey Thabo Mbeki oo

xilkaasi kula tartamayay, 10 maalmood

kadib ayaa Zuma lagu oogey

dacwado musuqmaasuq ah, bishii

agoosto ee 2008-dii ayuu xaakim ku

waayay dacwadaasi kaasoo madaxda

dowlada ku eedeeyey farogalin

dacwada Zuma, taasi waxay

horseedey in Thabo Mbeki xilka uu ka

dego, hase yeeshee waxaa rafcaan

xukunkaasi ka qaatay hey’ada garsoorka

kadibna dacwadii ayaa lasoo

celiyey, laakiin isla hey’adani oo lagu

magacaabo NPA ayaa horaantii bishani

ka laabatay dacwadihii Zuma loo

heystey kadib markii ay soo ifbaxeen

cadaymo hor leh oo ku saabsan in

dacwada lasoo maleegey.

Iminka isaga oo 67 jir ayuu todobaad

kadib fariisanayaa kursiga dalka ugu

sareeya, waxaa xilka madaxweynenimada

loo caleemo saarayaa 9-ka May.

Xaflada Caleemo saarka Zuma

waxay ku kacaysaa R75 malyuun

9 ka May waxaa xaflada caleemo

saarka lagu qabanayaa qasriga madaxtooyada

ee Pretoria halkaasi oo inka

baddan 4000 marti ah iyo tobonaan

kun oo dadweyne ah isugu tagayaan.

Waxaa la sheegey in xaflada ay ku

kacayso aduun gaaraya R75 malyuun,

qarashkani waxaa lagu isticmaali

doonaa cuntada, amaanka, isgaarsiinta,

gaadiidka, iyo dhamaan agabka

looga baahanyahay xaflada, waxaa qabanqaabada

la bilaabay bishii Janaayo

ee sanadkani, 4 bilood ka hor intii aan

madaxweynaha la dooranin, shirkado

ayaa qandaraasyo lagu siiyey in ay

adeegyadani fuliyaan.

Qofkii aysan u suurogalin in uu

maalintaasi xaadiro, wuxuu ka

daawan karaa mid ka mid ahboqolka

shaashadood ee laga taagayo dalka oo

dhan.

Waxaa kasoo qeybgalaya madaxda

aduunka intooda baddan iyo wafuud

kala duwan.

Caleemo saarkii Thabo Mbeki 2004-tii

waxaa ku baxay qarash intan la’eg.

Xog-Maal

2 May, 2009 XOG-MAAL 5

Inta aan u gudo galin barnaamijka ama mowduuca

aan isla qeexno waa maxay Naas Nuujin.

Naas Nujin waxaa looyaqaan waa hooyada oo qeyb

dheecaankeeda ka mid ah u hurtaa cunugeeda

islamarkaana siisaa caanaha ka yimaada jirkeeda

kuwaas o ah nooca 1-aad e lagu quudiyo dhalaanka

inta uusan gaarin cunida (raashiinka)

caadiga ah ee eynu qaadano, hadaba qeexida

kadib eynu isla aragno aadamaha iyo waxa uuka

qabo Naas Nuujinta inagoo kadib cadeyn doona

Allaah SW waxa uuka yidhi.

Tignoolojiyada casriga ah ee aduunku maanta

gaaray waxa ay awood u waayeen ama ka caajiseen

in ay sameyaan amaba ay soo saaraan

caano la mid ah kuwa hooyada xaga walxaha ay

ka kooban yihiin, dhadhanka iyo waliba midabka

iyo uduga.Caanaha hooyada ayaa ah nafaqo

dhameystiran oo buuxin kara rabitaanka iyo koriinka

cunuga, intaas waxaa dheer in ay caanaha

hooyadu ka kooban yihiin walxo badan oo kordhiya

difaaca cunuga, kuwaas oo inta badan dib u dhiga

ama ka hortaga cudarada ay ka mid ka yihiin

1) cudurka dabeysha (polio)

2) Hargab (flu)

3) Dhega xanuun (otitis)

4) Cudurada ku dhaca habdhiska Neefsashada

( Respiratory tract Infections)

5) iyo cudurada caloosha, Xiidmaha iyo marinka

cuntada (Gastrointestinal tract infections)

Waxaa waayadan danbe soo kordhayay in hooyooyinku

aysan nuujin ilmahooda hadii ay nuujiyaana

aysan nuujin mudadii iyo waqtigii ku

haboonaa oo ay durbaba Mujuruc iyo masaasad ku

quudin ku bilaabaan.

Run ahaantii waxtarka caanaha hooyadu ma ahan

mid ku kooban intaas aan soo sheegnay balse

waxay kale oo leeyihiin caanaha hooyadu faa’iidoyinka

soo socda.

1)Caanaha hooyada waxaa ku jira qaar ka mid

unugyada difaaca jirka oo uusan cunugu sameysan

Karin bilaha u horeya noloshiisa sida IGA, IGM,

IGG, sidoo kale caanaha hooyadu waxaa laga helaa

borotiino la falgala birta jirka (iron binding proteins)

loona yaqaan Lactoferins, isugeyoo unugyadan

iyo borotiinadan waxa ay hakiyaan taranka

iyo koritaanka noocyo ka mid ah bagteeriyada laga

helo xiidmaha bani’aadmiga, bagteeriyadan ayaa

inta badan u keenta cuduro uu shubanku ugu

horeeyo caruurta la siiyo caanaha dadsameyga

(Formula Milk).

2)Saxarada ilmaha naaska la siiyo ayaa ah mid

Aysiidh ah kana kooban maado loo yaqaan Acetate

buffer, maadada Acetate buffer ee laga helo saxarada

Ilmaha naaska la siiyo ayaa waxa ay ka

hortagaa koritaanka iyo waxyeelada Noocyo badan

oo Bagateeriyada ka mid ah oo la isku yiraahdo

Gram negative Bacteria taas oo inta badan Qatar

ba’an iyo cudura halis ah u keenta Ilmaha aan

naaska la niijin.

3) Caanaha hooyadu waxay kaloo ka kooban yihiin

macdano miisan oo aan qashin saarka ilmaha dhib

weyn u geysan Karin siiba kelyaha, meesha ay

caanaha dad sameyga ahi ka kooban yihiin

macdano fara badan oo halis gelin kara kelyaha

ilmaha, maxaa yeelay kelyaha ayaa ah xubinta

jirka u qaabilsan qashin saarka macdanaha iyada

oo raacineysa kaadida wax alaale iyo wixii macaadin

ah ee jirka siyaada ku ah.

4) Sidoo kale caanaha hooyada ayaa qani ku ah

dux aan dheregdhaafsaneyn (Unsaturated Fatty

acid) taas oo ka qeyb qaatada koritaanka maskaxda

iyo garaadka cunuga halka ay caanaha dad

sameyga ah aad ugu yartay dux-dani amaba aan

lagu ogeyn qaarkood.Ilamaha lagu quudiyo masaasada

(Mujuruca) ayaa inta badan aad u cayila

una nugul cuduro badan oo faafa marka loo barbar

dhigo Ilmaha naaska hooyadii la siiyo.

Shaxdan hoose ayaan waxaan ku muujineynaa

sida ay ugu kala nugul yihiin cudarada inta badan

ilmaha ku dhaca Cunuga naaska la siiyo iyo midka

masaasada lagu quudiyo.

udurka Ama

Jirada

Ilmaha Naaska

la siiyo

Dhega xanuun 3.7% 9.1%

Cudurada Ku

dhaca sanbadada

iyo

feeraha

Shubanka iyo

mataga

Inta Goor ee

cusbitaal ama

takhtar loo

geeyo

1.1% 5.6%

3.5% 6.9%

1.1% 5.6%

Ilmaha Masaasada

la

siiyo

Wadarta guud 8.2% 21.1%

2 May , 2009 XOG-MAAL 6

Dowlad goboleedka Western Cape waxaa

ku guuleystey xisbiga mucaaradka ah ee

DA, gobolkani waa gobolka labbaad ee ay

ku noolyihiin Soomaalida ugu baddan,

haddaba waa maxay isbadalada la filayo.

Dabcan waxaa la filan karaa isbadalo

waaweyn dhankeey ahaadaataba, dhanka

wanaagsan haddii aan ku hormarno

Soomaalida waxay filan kartaa abni ka

wanaagsan kii hore taasoo dalka oo dhan

ay la wadaagayaan, hase yeeshee waxaa

kaloo la filan karaa in waxoogaa cadaadis

ah ay Soomaalida kala kulanto maamulkani

cusub.

Ma jirri doonto cid si toos ah u bartilmaameedsanaysa

Soomaalida, taasi

micnaheedu ma ahan in aysan bartilmaameed

ahayd, xasuuso xisbigani waxa

Xisbiyada AF iyo IL!

Asxaabta doorashada ka qeybgashay waxaan ku

sheegney 156 xisbi oo heer gobol ah iyo 26 xisbi oo heer

qaran ah, ugu yaraan labbo ka mid ah asxaabta ayaa leh

astaamo iyo magacyo ku yaabgalinaya.

Midkood waxaa lagu magacaabaa ―KISS‖ , wallow magaca

laga soo gaabiyey jumlad ka turjumeysa magaca

xisbiga, haddane waxaa is waafaqaya magaca soo

gaabinta marka sida uu yahay loo isticmaalo iyo astaanta

xisbiga, KISS micnaheedu waa ―shumis‖, astaanta xisbigana

waa af faruuryo rooseeto marsan, KISS waxaa laga

soo gaabiyey Keep it Straight and Simple Party

oo micnaheedu ay tahay xisbiga toos iyo sahal

ka yeelka, waxaase xusid muddan in xisbiga shumis

uu afka ciida daray kadib markii uu ku guuldaraystey

taasoo dabcan ka turjuntey micno ahaan

uu matalaa danaha ganacsiyada waaweyn

ee gobolka ama dalka, Soomaalidana waa

dad ganacsada oo waliba muhaajiriin ah,

ganacsiyada xisbigani uu matalo ma ahan

kuwa jecel howlaha ganacsiga ee

Soomaalida taasina waa mid laga wada

dharagsanyahay.

Halkaasba aan ka ambo qaadno, waxa ugu

weyn ee lagu yeeli karro waa in ganacsiga

lagaa xirraa taasina waa mid aad ugu sahlan

maamul kasta oo yimaada iyadoo loo

marayo dariiq sharci ah, looma baahna in

la yiraahdo ―ganacsiyada Soomaalida

ayaa la xirayaa‖, kaliya waxaa lasoo

saarayaa shuruuc cusub ama kuwii hore

ee jirey ayaa si haboon loo dhaqan galinayaa,

tusaalaha koowaad waa shuruucda

caafimaadka iyo ganacsiga, waxaa jirta

heer nadaafadeed oo ay tahay in laga helo

ganacsi kasta haddii ay tahay in uu

shaqeeyo, waa inagiiye bal ii sheega ganacsiga

ay Soomaalida leedahay ee shuruuda

nadaafada kasoo bixi karra? Waa

dhif iyo naadir, kolka maxaa hor istaagaya

in ganacsiga lagaa xirro?.

Tusaalaha labbaad waa canshuuraadka,

ganacsi kasta waa in uu diiwaan gashnaadaa,

canshuurna bixiyaa, Soomaali aad

u yar ayuu ganacsigooda diiwaan

gashanyahay ama canshuur bixiya, hadii

la xisaabiyo intii sanno ee aadan canshuur

bixinin hantidaada oo dhan dowlada ayaa

mulkineysa.

Tusaalaha sedexaad waa soonayaasha

ganacsiga, waxaa jira shuruuc xadideysa

goobaha ganacsi loogu tallo galay iyo

goobaha deegaanka loogu tallo galay,

waxayna shuruucdaasi ka mid yihiin qorshayaasha

magaaleynta ee magaalo kasta,

xaqiiqadu waxay tahay in ganacsiyada

inta baddan Soomaalida aysan arrinkaasi

waafaqsanayn.

Tusaale kale wuxuu yahay aqoonsiga ,

qofka ganacsi furanaya waa in uu leeyahay

aqoonsi dal-kujoog ah, Soomaali baddan

ayaanan heysan sharci oo ganacsiyo

leh, tusaale kale wuxuu yahay sharci mabnuucaya

in la dhex seexdo goobaha ganacsiga

ama dab lagu dhex shitto oo wax

lagu karsado.

Waxaasi oo dhan iyo waxyaabo kale oo

Soomaalida loogu marmarsoon karro ayaa

buux ah, sidaasi darteed waxaa haboon in

waxyaalaha la awoodi karro wax laga

badalo.

magaca xisbiga, “ haddii wax la shuminayo, ciida

ayay shumiyeen” .

Xisbiga kale waa New Vission ama xisbiga aragtida

cusub, waxaa astaan u ah il kusoo eegeysa, dabcan

magaca iyo astaanta waa kuwa is waafaqaya, waxaa

laga yaabaa in aad isweeydiso “meedey ishii kale?” ,

sow lagama yaabo in ay daboosheen si aysan niyad

jab oga qaadin natiijooyinka kusoo qormaya

sabuurada weyn ee xarunta koomishanka

doorashooyinka ay ka heleen dhibco aad u yar.

2 May, 2009 XOG-MAAL 7

Madaxii hore ee sirdoonka ANC xiligii

midab takoorka, Jacob Zuma waa nin

yaqaana la macaamilka Soomaalida,

sanadkii 2008 isagoo la hadlayay ururka

jaaliyada Soomaalida dalkani ee SASA

ayuu sheegey in Soomaaaliya ay ahayd

dalka kaliya ee baasaboorkiisa ay ku

safri jireen sirdoonkii ANC oo uu isaga

madax ka ahaa, waxay u badantahay in

xitaa isaga uu ku safray baasaboorka

Soomaaliya, madaxdii jaaliyada ee la

kulantay waxay u sheegeen in sidoo

kale baasaboorka Soomaaliya ay ku

qornaan jirtey weer dhahaysa ―waxaa

loogu safri karaa aduunka oo dhan,

waxaan ka ahayn Israa’iil iyo Koonfur

Afrika‖, taasoo uu qirrey Zuma.

Xiligaasi waa mid lasoo dhaafay, hadda

waa Zuma oo madaxweyne ka noqonaya

dalkii uu waagaasi musaafuriska

oga maqnaa, waxaa dalka jooga

Soomaali tirro baddan oo ay heystaan

dhibaatooyin aan yarayn, haddaba

maxaa laga filan karaa hogaamintiisa

dalkani.

Waxyaalaha la filan karro waxaa ka mid

ah abniga wadanka oo hagaaga taasoo

ah faa’iidada koowaad ee Soomaalida

ay heleyso, waxaa kale oo miiska saaran

in wax laga badalo sharciga dalka lagu

joogo, tusaale ahaan waxaa dhici doonta

in qaxootiga la siiyo teesarooyin (ID)

cagaaran oo laakiin ay ku qorantahay

―Non Citizen‖ ama muwaadhin ma

ahan, waxaa kale oo wax laga qaban

doonaa musuqmaasuqa diloodey xafiisyada

bixiya shuruucda, laakiin waxaa

la adkeyn doonaa waxyaalaha qaarkood.

Lama ogolaan doono qof sharci darro

dalka ku jooga, xuduudaha waa la adkeyn

doonaa, qof kasta oo dalka dambi

ka gala waa la masaafurin doonaa, ganacsiyada

noocyada aan sharciga dalka

waafaqsanayn iyagana waa la mabnuuci

doonaa.

Wasaaraha arrimaha Soomaalida quseysa

waa tan gudaha, waxaa dhici karta

in wasiir cusub la keeno wasaarada,

sidaasina ay wax weyn isku badalaan,

waxaa la hadal hayaa Nkosasani Dala-

mini-Zuma oo ah wasiirka arrimaha

dibbada, waa haweeney qibrad baddan u

leh arrimaha Soomaaliya iyo xaaladaha

ka jirra, waxaa laga fillan karaa wanaag.

Dadka Soomaalida ah waa ay ku kala

aragti duwanyihiin Zuma, dad ayaa

qabba in Zuma uu xaaqi doono muhaajiriinta,

halka kuwa kale ay aaminsanyihiin

in wanaag uu la iman doono maamulkiisa,

nin ka mid ah dadka ayaa

taleefoon ku wacay wiil saaxiibkiis ah,

wuxuu weeydiiyey qofka doorashada ku

horeeya, waxaa loo sheegey in Zuma uu

ku horeeyo oo uu helayo, wuxuu haddane

weeydiiyey in Soomaalida u roonyahay

iyo in uu u daranyahay, waxaa

loogu jawaabay in uu ka fiicnaan doono

maamuladii hore, wuxuu yiri ―saaxiib

aan u duceyno Zuma dhamaanteen‖.

Shaqsi ahaan Zuma waa nin Afrikaanimada

ku weyntahay, waa nin arrimaha

qaarada muhiimad gaar ah siiya, ma

ahan nin u rukuuca reer galbeedka in

baddan, mar ka mid ah intii uu madaxweyne

ku xigeenka ka ahaa dalka waxaa

lagu eedeeyey in ay lacago soo siiyeen

hogaamiyeyaasha dalalka Liibiya, iyo

Angola si uu afgambi u sameeyo, waxaa

cad xiriirka weyn ee uu la leeyahay wadamada

Afrika badankood, gaar ahaan

Liibiya oo u ololeysa mideynta Afrika

fikirkaasi oo uu si weyn oga soo horjeedey

madaxweynihii Zuma ka

horeeyey.

Kumaa doorashada Soomaalida

uga qeybgalay oo tartamay?

Waa su’aal xiiso leh, waxaase

kasii xiiso badan jawaabteeda oo

ay jeclaan lahaayeen in ay

ogaadaan Soomaalida oo dhan,

laakiin ka waran haddii adiga oo

dariiq socda aad aragto sawirka

nin Soomaali ah oo darbiyada ku

dhagan oo ay ku dul qorantahay

“I doorta”? .

Sawirkani waxaa la kulmay

Soomaalida Cape Town ku nool

qaarkood, runtii ninka ma ahan

Soomaali laakiin aad ayuu ugu

egyahay, wuxuu hogaamiyaa

Xisbi goboleed ka jira gobolka

Western Cape oo lagu magacaabo

United Independent

Front, si kasta oo aad u eegto

waa nin aanan laga aqoonin

Soomaali.

Iyadoo Soomaalida dalka joogta

98% aysan lahayn xuquuqda

codeynta, iskaba dhaaf in loo

codeeyee, ayaa xittaa haddii

dhamaantood ay xuquuqdaasi

helaan aanan laga fikiri karin in

qof baarlamaanka u fariisto, sababtuna

waxay tahay in qofka

fariisto kursi baarlamaan wuxuu

u baahanyahay 50,000 (konton

kun) cod, Soomaalida dalka ku

noolna waa 30,000 kaliya, waxaa

intaasi sii dheer in beel kasta ay

qof soo sharaxan doonto haddiiba

qof kasta uusan isagaba isa

soo sharixin. Bal malee sodon

kun qof oo dhamaantood wada

musharax Ah?

W.Q: Cali Gacal Xasan

Xog-Maal

2 May, 2009 XOG-MAAL 8

D

adkeena waa

dad qaxootinim

a d a a y

dilootey, kolka

ay arkaan dad saf ku jirra

waxay gudoonsadaan in

dadkani ay raashiin u safanyihiin,

koodii u baahan

kula yaabi meeysid in

markiiba uu horey safka ka

galo oo waliba uu isku

dayo in uu barmuudeeyo.

Maalintii 22-dii April 2009

ee dalkani K/Afrika loo

dareerey goobaha codbixinta,

waxaa naloo sheegey

in Soomaali baddan ay

safafka galeen iyagoo

aanan lahayn xuquuqda

codeynta, ma ahan wax la

qariibsado in qofka uusan

xittaa ogeyn sababta loo

safanyahay maadaamaa

uusan luuqada aqoonin oo

uusan fahmeeynin wararka

24-ka sac saxaafada dalka

ay tabinayso.

Waxaa la sheegey in saraakiisha

doorashooyinka

iyo ciidamada amaanka ay

safafka ka saareen dad

Soomaali ah oo sitta

waraaqaha qaxootiga iyo

aqoonsiyo kale oo aanan u

ogolaaneynin in ay

codeeyaan.

Caadi ahaan in qofka

qaxootinimada dalkani ku

yimid uu yeesho xaqqa

codeynta waxay qaadanay-

saa muddo 10 sanno ah in

uu dalka ku noolaado

isagoo qaxooti loo aqoonsanyahay,

laga soo bilaabo

maalinta qaxootinimo loo

aqoonsado ee la siiyo

waraaqda “Status-ka” loo

yaqaano waxay tahay in uu

dalka joogo muddo 5

sanno ah oo uu qaato 3

waraaqdaasi ah taasoo labbadii

sannaba mar dhacda

oo mid kale lagu badalo,

kadib waxay tahay in uu

qofka xaraysto codsi degenaansho

rasmi ah, kolka

uu helo shahaadada degenaanshaha

rasmiga ah

oo loo ogolaado ayuu

xaraynayaa teesaraha cagaaran

oo ay ku qorantahay

“non citizen”, marka

uu teesarahaasi heysto

muddo 5 sanno ah oo laga

bilaabayo maalintii uu

heley aqoonsiga degenaanshaha

rasmiga ah.

Kadib wuxuu codsanayaa

muwaadhinimo taasoo uu

xaq u yeelanayo in uu noqdo

mudwaadhin buuxa oo

heysta teesaraha cagaaran

oo ay ku qorantahay

“Citizen” ama muwaadhin,

markaasi wuxuu leeyahay

xaqqa in uu codeeyo ama

loo code eyo.

W.Q: C/raxmaan Nuur

Jillay.

“Surwaalka kor u qaado, waad qaawantahaye”

Qore: Tifaftiraha

Nin feetey daboolo lama yiraahdo, haduusan ahayn qof miyir

doorsoomey, doorkaagu waa in aad ka jeedsataa, laakiin

ka waran haddii uu ku dhex feedanayo masaajidka

dhexdiisa?

Malaha su’aashani waa hal xiraale?, mayeey!, haba ka

yaabin ma ahan halxiraale, waa xariiq jirta, bal dhugo

nuxurka.

Waxaa jirta maahmaah oranaysa ―dhajiga (dhaji= nooc masaska

ka mid ah) dhulkuu jooguu dhogortiisa leeyahay‖,

dhalinteena dhulkeey timaaado ayay la dhaqan noqotaa,

dalka Koonfur Afrika waxaa ka jirra nooc dharxirasho ah

oo dhalinta u ah noocii ugu dambeeyey ―aalta moodo‖, si la

mid ah labiskii Soomaaliya ee sideetameeyadii ee surwaarka

lugaha holofka ah (abu elefaante) la xiran jirey, timahani

la tuuran jirrey.

Labiskani qofka wuxuu xiranayaa kastuuno yar, wuxuu ka

dul gashanayaa surwaal jilbaha waxyar hoos u dhaafsan,

surwaalka waxaa suunka looga dhuucinayaa barida hoosteeda

xagga dambe, xagga horane bisqinta dusheeda, waxaa

banaanka imanaya kastuumiyihii yaraa oo barida kala

baraya, haddii shaarka ama funaanada ay qarin lahayd

qeybtani banaan, iyaguna waa sheeyo aad u gaaban oo sinta

ku eg oo la arki karro qeyb jirka qofka ka mid ah.

Balaaqo ahaan waxaa lagu tilmaami karaa qof qaawan,

waxaad is leedahay qofkani surwaalka ayaa ka dhacaya,

qaarkood ma dhuuciyaan, waxay sameeyaan inta ay dabciyaan

meesha aan soo sheegeyna geeyaan ayuu surwaalka

hoos usii dhacaa kolkaaseey maanta oo dhan ku mashquulsanyihiin

kor usoo qadistiisa iyagoo geeynaya halkii ay ugu

tallo galeen si uusan u dabrin socodkooda.

Labiskaasi silica ah waxaa sida uu yahay u dabaqay dhalinyarro

baddan oo Soomaaaliyeed, iyagoo xarago mooda,

kaaga daran masaajida ayay soo galaan iyagoo sidaasi ah,

kolkaasaa marka uu qofka suquudo ama rukuuco, coowradiisa

oo dhan ayaa banaanka imanaysa.

Mid ka mid ah shuruudaha salaada waa in coowrada la asturaa,

marka taasi laga soo taggo dadka gadaashiisa ku tukanaya

ayay salaada waswaas ka galaysaa marka rakco

kasta qof futadiisa banaanka taalo ku hor sajuudayo.

Qaar ka mid ah culumada masaajidada Soomaalida waxay

marar baddan ka hadleen arrintani, iyadoo dadka loo

sheego dhibaatada ay arrintani leedahay.

2 May, 2009 XOG-MAAL 9

Tahniyad Arroos oo

farxad leh

Waxaan halkaan hambalyo

aroos ugu diraynaa arooska

i yo a r o o s a d a k a l a a h

yuusuf max,ed ow cali

safiyo max,uud (faras) oo nik

a a x o o d a

maanta ka dhacay magaalada muqdisho

anagoo kala ah

1 x useen m ax ,uud f a r as

2 c/laah i max , uud f aras

3 max,ed max ,uud faras

4 s a a l a n m ax , u u d f a r a s

5 a a d a n m a x , u u d f a r a s

6 ow abshir max,uud faras

7 ow c/raxmaan max,uud faras

8 farxi yo max,uud faras

9 n a f i s o m a x , u u d f a r a s

10 xamda max,uud faras

11 hodaney max,uud faras

1 2 r a a x o m a x , u u f a r a s

13 ow liibaan max,uud faras

14 faaduma cabdi fiidow

15 qadarey max,ed jimcaale

16 shariifo cali ibraahin

1 7 i b r aahin s h iiq x asan

1 9 i s m a a n c i i l c a t u u t i

20 cabdi macalin madoobe

21 muxumud xasan (burfuule)

2 2 y a a s i i n b u r f u u l e

2 3 c / l a a h i g o w s

2 4 m u x u m u d w e h e l i y e

2 5 c a l a a y x u s e e n

26 cabdi max,ed cali (cabdi cade)

27 max,ed deeqo muuse nuur

2 8 m a d i i n o j i i l e

2 9 q a a l i t e e r s a a l e

3 0 l u u l m a x , , u u d j a g n i

31 c/lahi nuur gacal

Waxaan leenahay hambalyo

hambalyo salaad iyo safiyo noqda

kuwii loo aayo ubad qayr

qabana kala hela Wada

Noolaada oo Nabad ku Waara

ayaa Idin leenahay Aamiin

Aamiin aalahayow Aamiin

Tahniyad Aroos oo

kal iyo laab

1. Cabdulaahi Macalin Gacameey

2. Muuse Muude Afrax

3. Xaaji Abuukar Suuleey

4. Raxmo Maalin

5. Jawaahireey Sheekh Ibraahim

6. Sheekh Daahir Maxamed

Sharax

7. Mudane Sabriye

8. Sheekh Yuusuf Jirroow

9. Sh. Cabdullaahi Raceey

10. Maxamed Muuse

Cusmaan Macalin Fardax

Iyo guud ahaan ehelada iyo qaraabada

arooska iyo aroosada dadab

galay dhawaan oo kala ah Cumar

Xusseen Juun Carrabeey iyo

Marwo Fardoowso Nuur Maxamed,

waxay dadka tahniyada

diraya leeyihiin ―noqdo kuwii isku

waara, kala hella ubad kheyr qaba,

dalkooda, dadkooda, iyo diintoodaba

difaaca una dirira‖. lamaanaha

waxa ay ku aqal galeen xaafada

Bellville ee Cape Town,

Adeega Bulshada ee Xog-

Maal

Wargeyska codka Soomaalida Koonfur

Afrika ee Xog-Maal wuxuu idiin hayaa

adeegyo bulsho ama ii dhehyo oo kala

duwan.

Xog-Maal waxa uu qiimo jabban idiinku

faafinayaa tahniyadaha arooska, hambalyooyinka

dhalashada, tiiraanyada tahsiyadaha,

baafinta dadka kala maqan, ii

dhehyada iyo ogeeysiisyada, iyo

dhamaan waxyaabaha aad u baahantihiin

ee quseeya warbaahinta.

Xog-Maal waxa uu dhamaan adeegyadani

idiinku qabanayaa qiimo jabban

oo ku raali galiya.

Waxaa suuro gal ah in aad isweeydiineysid

muhiimad ku jirta in qof aroos

galay ama ilmo u dhashay aad warbaahinta

oga tahniyadeeyso, ma jirto

hadiyad ka qaalisan oo aad qof siiso oo

aan ka ahayn in aan hawada u mariso,

qofka waxa uu dareemayaa in uu jirro

qof farxadiisa la wadaagayo, taasina

waxay keeneysaa jeceyl iyo maxabo

saa’id ah.

Wax kale oo aad bakheyl ka noqotaba,

haka noqonin in aad qof u tahniyadeeysid.

Kala soo xariir Xog-Maal

Email: Xogmaal@hotmail.com

Cell: 0721277344 ama 0767059384

2 May , 2009 XOG-MAAL 10

Habeenkii talaadada oo ay

taariikhdu ku beegney 21 April,

2009, abaaro 5-tii fiidnimo ayaan ka

xaadirey xafiiska qaabilaada

qaxooriga ee Nyanga, Cape Town, si

aan usoo cusbooneysiisto sharcigeyga

aan dalka ku joogo, waxaan

kasoo safray Johannesburg oo 1500

km u jirta Cape Town, waxaan xiliga

habeenbarka ah u tagay xafiiska waa

in aan safka sii qabsado, waxaa safka

iiga horeeyey xiligaasi 15 qof safka

aniga i quseeya.anga kama kaftamo

sharciga maba fududeysto, waxaan

ogahay muhiimadiisa.

Waxaan huwanahay buste, kartoona

waan wataa, ma malayn kartid dhaxanta

meesha ka jirta, waxaa kaaga

daran suurtagalnimada in meesha

tuugo hubeysan nagu soo weerarto,

mid ka mid ah safafka waxaa ku jirra

in ka baddan 80 dhalinyaro

Soomaaliyeed oo da’doodu u

dhaxayso 17 jir illaa 30 jir,

dhamaantood waa ay cusubyihiin.

Dadka inta baddan waa ay jiifaan,

qaarkood ayaa kooxo kooxo u taagan

oo hadal dhaadheer ku sheekeysanay,

jidka dhanka kale waxaa

joogo koox dhalinyaro ah oo dab ku

shittey meesha si ay u kulaalaan,

wax yar kadib waxaa yimid gaardiyaan

gaari ku jooga wuxuuna amray

in dabka la dansho, sababtuna waxay

tahay meesha waxaa ka dhow warshado

iyo xaafado isku raran ah, hal

dhimbil haddii ay ka hulaaqdo dabka

waa masiibo qaran oo ugu horeygalaafaneysa

inteena meesha joogta.

Dhowr jeer ayuu ninka soo noqnoqdey

oo uu kolba dabka damiyey.

Waaga waxaa ka dhiman saacado

aad u baddan, hurdo lama ladi karro,

soo jeed waa lama huraan, daqiiqad

kasta oo dhaaftaba waxaa soo gurmaya

dad ay keenayaan gawaari gaar

ah oo safafka ku kala biiraya, dadka

ugu baddan waxay imanayaan marka

uu waaga soo dhowyahay, markii

goorsheegto ay isku taagtey 10 saac

aroornimo ayay yimaadeen waardiyeyaashii

dadka kala hagi jirrey.

Markii hore tartiib ayaa la’isaga

fadhiyey, laakiin nimankani ayaa

dadka sare kiciyey, iyadoo la taaganyahay

ayaa safafkii la galay, isku

dayga in hortaada la galo waa

200% , dadka horey iyo gadaal ayay

isu riixayaan, isbuurasho tuu ugu

darneyd, daqiiqad kasta waxaa la’is

ku heystaa ―horteeyda ha galin iyo

waan ku jirrey‖, si kale waxbo kuma

fahamtide saacadihii waaga ka dhimanaa

oo dhan waxaan ku dhamaysanay

inagoo is riixeyna.

Aroortii halka saac ayay yimaadeen

saraakiishii wasaarada oo ay bilaabeen

in ay gudaha galiyaan tirooyin

cayiman oo ay safafka ka

qaadanayaan, safkeena ayay ku bilaabeen

oo warqadaha ayay naga

aruuriyeen qof kasta oo laga qaadana

horey ayaa gudaha laga sii galinayaa,

ku dhawaad 30 qof ayaa safkeena

laga siidaayay.

Markii aan gudaha galay ayaan

arkay nin aan xalay oo dhan

horteyda ka waardiyeynayay oo gudaha

lasoo galiyey, waan arkayay

nin waardiye ah ayuu lacag siiyey,

wax weyn ilama noqon arrinta, waxbana

kama qaban karin, waxaan

ogahay in aan ahay qofka ugu na-

siibka baddan haddiiba aan safka ku

galay oo aanan seegin.

Cabashada ugu weyn ee dadka waa

barmuudada ama waardiyeyaasha oo

laaluush xoogan ku qaata in dadka

ay safka taloowsiiyaan, gudahana

galiyaan, la yaabi meeysid in qof

kuu sheego in uu bilooyinka safka

galayay, uusan marnaba gudaha galin

iyadoo dad gadaal ka yimid ay

heleyaan waxa ay doonayaan.

Aniga taasi i beerlaxawin meeyso ,

ma ahan in aan calool adkahay,

waxaan ogahay isha ay dhibaatani oo

dhan kasoo burqatay, sabar la’aanta

Soomaalida iyo qaneecaad daradooda

ayaa gaarsiisey heer wixii ay

xaqqa u lahaayeen ay lacag ku bixiyaan,

ma jirro qof 5 daqiiqa doonaya

in uu saf taagnaado, haddii xittaa

100 qof ay safka kaga horeeyaan

wuxuu doonayaa in uu noqdo kan

ugu horeeya lacagna waa uu ku bixinayaa.

Dhibaatada waxay gaartey heer

aanan waxbo laga qaban karin, aniga

waan soo heley sharciga laakiin

waxaan banaanka ugu imid qaar baddan

oo dadkii xalay dhaxanta ila

dhafray ah oo aan waxbo helin, midkood

ayaan ku iri ―lo’ lugaheeda

ayay isku biyo gafisaa‖, looda waa

xoolo aad u biyo jecel marka ay

warta gasho biyaha ayay dhexjiirtaa

oo biyihii dhoobeeysaa sidaasina ku

biyo gaftaa ama calaqa fuuqsataa,

Soomaalida waa la mid.

Qore: Cabdinaasir Axmed Sh.

Bashiir (saxansoxo)

Xog-Maal

2 May , 2009 XOG-MAAL 11

Dardaarankii Nabigeena

NNKH : Waxaan idiin dardaarmayaa

salaadda iyo wixii

ay hanatay (milkisay) gacmihiinu.

N e b i g u

wuxuu xanuunsanayey 18

maalmood oo ay Asxaabtu

booqanayeen Xanuunkiisa,

Xanuunkii ugu horreeyay

w u x u u a h a a M a d a x -

xanuun,habeenkii isniinta ee

uu maalinkeeda dhiman

doono ayaa xanuunkiisii

c u s l a a d a y .

Sayid-Bilaal ayaa aadamay

aadaankii salaadda subax

wuxuu istaagay albaabka

guriga Nebiga, wuxuuna

yidhi: (Assalamu caleyka yaa

rasuululaahi) Faaduma ayaa

tiri: 'Rasuulkii Illahey nafsadiisa

ayuu ku mashquulsan

yahay, markii salaaddii

cadaatay ayaa Sayid-Bilaal

soo laabtay, wuuna salaamay

rasuulka sidii hore oo kale,

dhawaaqii Bilaal waxaa

maqlay rasuulka wuxuuna

yidhi: 'soo gal Bilaal', waana

soo galay Bilaal isagoo ooyaya

Rasuulkuna (SCW) wuxuu

yidhi Bilaalow xanuunkii ayaa

igu cuslaatay ee ha tujiyo

salaadda dadka Abuubakar

Sadiiq. Bilaal waa baxay

isagoo madaxa gacmaha

saaranaya, oranaya musiibo

ayaa noo timid iyo ereyo kale

oo la mid ah. Masjidkii ay uu

galay, wuxuuna Abuubakar ku

yidhi 'Nebigu wuxuu ku amrayaa

inaad salaadda tujiso'

Abuubakar markii uu arkay

mixraabkii uu Nebigu (NNKH)

istaagi jiray oo faaruq ah wuu

hanan waayay nafsaddiisa

waana la miir daboolay waana

qeyliyay, muslimiintii oo

dhanna wey qeyliyeen, qeyladii

ayuu maqlay Nebigu

(NNKH) wuxuuna weydiiyay

gabadhiisa Faadumo wuxuuna

yidhi ' Faadumoy waa maxay

hugunka iyo sawaxanka

yeedhaya?' waxay tidhi Faadumo

'Muslimiintii ayaa qeylinaya

markey ku waayeen'.

Rasuulku wuxuu u yeedhay

Sayid Cali iyo Fadal Bin Cabaas,

weyna garba galeen

waxeyna geeyeen masajidkii

salaaddii ayuuna ka bixiyay

asxaabtii, salaaddii kaddib

ayuu rasuulku (NNKH) la dardaarmay

asxaabtii wuxuuna

yidhi: 'Waxaan idiin dardaarmayaa

oo aan idiinku sagootinayaa

cabsida Illahay iyo

inaad adeecdaan oo aad

amarkiisa qaadataan anigu

waan faaruqayaa (ka tagayaa)

adduunyada, maantana

waa maalintii iigu dambaysay

adduunyada iiguna

h o r r e e y s a y A a k h i r o ' .

Intaa kaddib Nebiga (NNKH)

waxaa la geeyey gurigiisa,

Illahay ayaa u waxyooday

Malakul-mowt wuxuuna yidhi:

'Hoobo (u tag) xabiibkayga

(kaan jeclaa) Muxammad

(NNKH) uguna tag suurad

wanaagsan una naxariiso)

marka aad ka qaadaysid

nafta, markii aad u tagtid idan

weydii, haddii uu kuu idmo u

gal gurigga balse haddii uu

kuu diido ha u galin, kana soo

l a a b o ' .

Malakul-mowt wuxuu u tagay

N a b i g e e n a M u x a m m a d

(NNKH) isagooo u eg nin

reer miyi ah, wuxuuna yidhi:

'Assalamu calaykum ma soo

galaa?' Faadumo ayaa la hadashay

oo tidhi: 'Ninyahow

rasuulkii illahay wuxuu ku

mashquulsan yahay Nafs

a d i i s a ' ! !

Malakul-mowt mar labaad

ayuu ku celiyey salaantii,

waxaana maqlay rasuulkii.Rasuulka

(NNKH) ayaa

Faaduma ku yiri: 'Ma garanaysaa

ninka?'. Faaduma

waxay tidhi: ' Maya' rasuulku

wuxuu yiri: 'waa ninka gooya

macaanyaalka, kala geeya

(kala wada) dadka is jecel,

kharaabiya guryaha, camira

Qubuurta, ilmaha agoomeeya,

naagahana carmal ka dhiga,

waxaana la yiraahdaa Malakul

- m o w t ' .

Faaduma markay ogaatay in

ninku yahay malakul-mowt

ayay ooyday, waxayna tidhi: '

masiibo ayaa nagu dhacday,

waxaana dhimanaya rasuulkii

Illahay ee ugu dambeeyey

ambiyada, waxaa naga

go'ayaa wax'yigii samada ka

imaanayey, waxaan weyneynaa

hadalkii rasuulkeena,

maanta kaddibna maqli

mayno salaantii Aabahay.

Rasuulku wuxuu yidhi: Faadumoy

waxaad tahay qofka

ugu horreeya ee aan is

haleeleyno (isla kulmeyno)'

wuxuu kaloo rasuulku yidhi:'

malakul'mowdow soo gal'

wuuna soo galay malakul'mowt,

wuxuuna yidhi.

'Assalamu calayka yaa rasuullulaah'

rasuulkuna wuxuu

yidhi 'wacalaykum assalam

yaa malakul-mowt, ma

waxaad iigu timid inaad i soo

siyaarato mise inaad iga

qaado nafta?'.Malakul-mowt

wuxuu yidhi: 'waxaan kuugu

imi inaan ku soo siyaarto

kaana qaado nafta haddii aad

ii idinto, balse haddii aad ii

idmi weydo waan iska noqonayaa!

Rasuulku wuxuu

yidhi: 'malakul-mowdow xaggee

uga soo tagtay malakuljibriil.

Malakul-mowt wuxuu

yidhi:'waxaan uga soo tagay

samada adduunyada', isla

markiiba waxaa yimid malakul

-jibriil, wuxuuna fariistay Nebiga

madaxiisa, wuxuuna rasuulku

yidhi: 'miyaadan ogayn

in amarkii dhawaaday?

Wuxuu yidhi:'waan ogahay

rasuulkii Illaahayow'.Rasuulku

wuxuu yidhi: ' iigu bishaarey

illaahay agtiisa waxa ii yaala

oo karaama ah (wanaag ah)'.

Malakul-jibriil wuxuu yidhi:

'albaabada samada waa la

wada furay, malaa'igtii illaahayna

saf bay galeen iyagoo

sugaya ruuxdaada, albaabadii

jannada waa la wada furay'.

Rasuulku wuxuu yidhi: 'iigu

bishaaree siday ahaan doontaa

ummadaydu maalinta

Qiyaamaha?'.Malakul-jibriil

wuxuu yidhi: 'waxaan kuugu

bishaaraynayaa Illaahay inuu

yidhi: Jannada waan ka xarimay

(u diiday) ambiyada illaa

Nabi Muxammad (NNKH)

galo, sidoo kale jannada waan

ka xarimay ummadaha illaahay

oo dhan illaa ay ummadda

Nabi Muxammad ka

galaan'.Rasuulkuna wuxuu

yidhi: 'hadda ayuu diib noqday

(wanaagsanaaday) qalbigaygu,

igana suushay mur

u g t i i ' .

Rasuulku wuxuu yidhi:

'malakul-mowdow ii soo

dhowow'. Malakul-mowt waa

u soo dhawaaday naftii

ayuuna ka jiiday illaa ruuxdii

k a s o o g a a r t o

xudunta.Rasuulku wuxuu

yidhi: 'maxaa darnaan badiyey

xaraaradda (xanuunka)

mowdka', wuxuu kaloo yidhi:

'malakul-jibriilow ma waxaad

dhibsatay eegtaanka wijigayga?'.

Malakul-jibriil wuxuu

yidhi ' Illaahay xabiibkiisiyow

ayaa awood u leh

inuu eego wajigaaga adigoo

sakaraadaya'. Aanas Binu

Maalik wuxuu yidhi: ' Nabigu

markay naftu kabaxaysay

wuxuu lahaa: Waxaan idiin

dardaarmayaa salaadda iyo

wixii ay hanatay (milkisay)

g a c m i h i i n u .

Rasuulkii Illaahay wuxuu geeriyooday

maalin isniin ah ee

bisha rabiicul-awal ka mid ah,

ama loo yaqaan mowliid. Haddii

adduuniyo lagu baaqi yeelayo

qof, waxaa la dayn lahaa

r a s u u l k i i I l l a a h a y :

Rasuulka waxaa maydhay

Sayid Cali, waxaa ku shushubayey

biyaha fadal bin Cabaas

iyo Usaama bin Zayd, waana la

kafanay, waana lagu tukaday,

waxaana lagu aasay gurigiisii

ee qolka Caa'isha (RC,) habeen

arbaco ah ayaana la aasay

S u u b a n a h a ( N N K H . )

Xog-Maal.

2 May , 2009 XOG-MAAL 12

Digniin: Durreyga doofaarka

oo K/Afrika ka dillaacay

S

araakiisha caafiimadka koonfur

Afrika ayaa xaqiijiyey ugu yaraan

2 qof oo la ildaran cudurka aduunyada

kusii faafaya ee loo yaqaano Durreyga

Doofaarka ama ―Swine Flue‖,

cudurka oo inta la ogyahay ay u dhimatay

inka baddan 100 qof dalka Mexico oo oo

ah halka uu ka dilaacay ayay u muuqataa

in uu halkana soo gaaray.

Cudurka waa mid hawada ku faafa oo la

kala qaado sidii hargabkii oo kale, aduunka

waxa uu ugu kala gooshayaa rakaabta

dayuuradaha ee booqdey wadamada

uu ka dilaacay,labbada qof ee

iminka laga heley dalkani waa haween

booqdey billo ka hor dalka Mexico,

waxaa iminka lagu dabiibayaa isbitaalo

dalkani ku yaala.

Aduunka oo dhan ayaa cabsi ku jirra

iyadoo shaashadaha ay soo bandhigayaan

muuqaalo dadka wadamada uu haleeley

oo wada afduuban oo xiran maskalaatooyin

afka iyo sanka lagu daboolayo.

Dhanka Soomaalida dalkani ku nool, halista

ugu baddan waxay foodsaari kartaa

kuwooda buufiska ku jirra ee wadamada

galbeedka u tahriiba ee dullimaadyada

isticmaala.

Mar haddii dalkani laga sheegey waa wax

suurogal ah in uu u faafo si lama filaan

ah.

Garoomada aduunka ayaa la dhigey

aalado heer-kul-beeg ah (Thermometer)

oo cabiraya heer kulka dadka rakaabka

ah,dadka heer kulkoodu uu aad u sareeyo

markiiba waa la baarayaa.

Astaamaha cudurka

Xummad heer kulka uu ka sareeyo 30

daradajada xaraarada (kulka)

Halcunka oo xaraar noqonaya ama qalalaya

Cabur sanka ah

Murqaha oo xanuuna

Riiraxyo (Quffac)

Waxaa lagu kala qaadaa in aad qofka

taabatid ama aad u dhawaatid masaafo 2

mitir jirta ama aad guri kula noolaatid.

Koonfur Afrika wali meeysan rakibin

aalada heer-kul-beega, mana jirto daawo

gaar ah oo loo helayo aduunka oo dhan,

waxaa hadda lagula tacaalaa daawooyin

kaalmaati ah, waxaa isa soo taraysa cabsida

cudurkani laga qabbo.

Asal ahaan cudurka wuxuu ka dhashay

doofaarka la dhaqdo ee dalka Mexico,

dalal baddan waxaa la mabnuucay isticmalka

doofaarka, dalkani doofaar baddan

ayaa ku nool wallow uusan cudurka

soo gaarin.

Oday Soomaaliyeed oo maqlay cudurka

ayaa yiri ―hillib doofaar cun, haddane

cudur ka qaad, waa nasiib darro weyn‖.

Muuqaalka dad afka ka duubtey

hargabka doofaarka

Heer-kul-beeg muujinaya kulka

dadka

Soomaali la jirdiley iyadoo dad

madax ah ay goob joog yihiin

Wargeyska todobaadlaha ah ee Jimcaha

soo baxa ee afka dheer, Mail &

Guardian ayaa soo daabacay cadadkii

maanta warbixin tibaaxaysa jir dil

xoogan oo loo geystey soomaali boqol

qof gaaraysa oo qaxooti ah iyadoo ay

daawanayaan madax sarsare.

Dhacdada waxay dhacday 24tii

Maarso, 2009, waxayna ku dhacday 95

qof oo Soomaali ah oo ku jirey xero

qaxooti oo Pretoria ku taala oo isku

dayay in ay u talaabaan dalka Botswana,

marka ay joogaan meel labbada

xuduud u dhaxaysa ayaa waxaa is hortaagay

ciidamada Botswana kuwaasoo

si xun u garaacay dadka oo ay ka mid

ahaayeen haween uur leh iyo caruur.

Waxaa daawanayay safiirka Koonfur

Afrika u fadhiya Botswana Dikgang

Moopeloa iyadoo ciidamada ay

xoog qaxootiga ku saareen gaadiid

ay leeyihiin police K/Afrika, waxaa

sidoo kale goob joog ahaa saraakiil

ka tirsan UNHCR iyo wasaaraha

Home Affairs-ka.

Dadkii markii dalka lagu soo celiyey

waxaa laga qaatay waraaqahoodii,

kadibna waa la xirey, markii dambane

waxaa lagu soo siidaayay

damaanad qaad iyaga laga saxiixay

oo ah in aysan baxsan doonin,

qaarkood waa ay saxiixeen kuwa

kalan weey diideen.

Hadda waxa ay ku jiraan meel Johannesburg

ku taala iyadoo caawimaadii

UNHCR ugu deeqdey ay ku

egtahay todobaadkan, iyada oo

aanan waraaqahoodii loosoo celinin,

dadkani waxay doonayaan in

dalkoodii lagu celiyo, balse waa loo

diidanyahay.

Qore: Hanad Maxamed

Xusseen

2 May , 2009 XOG-MAAL 13

"Sidii roob oo kale ayay ilintu uga

daadaneysay, dhabanadeeda oo dhan

waxaa qooyay ilmada, maxay oohin iyo

cataw soo celinayaan mar hadii uu

goolkii shabaqa ku xarooday, hore ayuu

abwaan u yiri, "Mataqaano dawgoo,

daboolbaa ka saarane, markay dalaqtiraabey

ilamada daadisaayee, doqoneey

d a b k a a b a ’ .

"Alla yaa u sheego najma in uu aqbalkii

dhacay oo ay ku soo fool leedahay fadeexad

iyo foolxumo, feysal oo qalbiga u

dajinaya najma wuxuu yiri;

"Macaanto waan kaa raali galinayaa wax

kasta oo aad dhib u aragto, ma garanayo

waxa aan sameeyay ilaa hada, wax

walba waxaa iga keenay gacaliso waa

jaceylkaaga, ha iga fahmin qalad, ma ahi

ruux adiga cadaw kugu ah, dhibkaaga

waa dhibkayga, hana iga dhigin qof kaligii

wax qasbaday, ma garanayo sida ay

maskaxdeeydu aheyd, aniga si dhab ah

ayaan kuu jeclahay, kaftan iyo beenna

igama aha, aniga oo ka war qaba in lagu

qabo ayaan hadana ku jeclahay.

"Wuxuu iska keenay ilmo been been ah,

fiq fiq fiq matalaad ah ayuu horteeda ku

s a m e e y a y .

najma inta soo hinqatay oo ilintii iska

tirtirtay ayay ku tiri gacaliye macna

malaha wax dhib ah ma dhici doonaan,

"!!!Alla dumarku qalbi jilicsanaa, raguna

qiyaameyn ogaa. !!! Soo bari gacaliye

iyo gacaliso ayaa lagu kala seexday

ayada oo la isku faraxsanyahay.

naasir asaga oo arinta sal iyo baar ula

socdo ayuu wuxuu ula hadlayay sidii qof

war moog ah oo aan waxba la socon,

waxaa la gaaray xiligii fasaxa, naasir

wuxuu xaaskiisa telfoonka uga sheegay

inuu imaan doono xili dhaw, maadama

uu waqtigu dheeraaday mudana ayan is

arag, wuxuu u sheegay inuu aad ugu

xiisay, waxay si wacan ugu diyaar garawday

imaashiyaha saygeeda, waxay

diyaar gareysay oodkac iyo macmacaan

kale, uma xumayn marwo uu ninkeedu u

soo socdo, wax ay saacaduhu is guraanba,

naasir wuxuu ka soo degay garoonka

caalamiga ah ee Bole international

airport, waxaa eeraboorka si gooni

gooni ah ugu soo dhaweeyay najma iyo

qaarka mid ah saxiibadiis, soo dhaweyn

diiran kadib, najma waxay ku aragtay

ninkeeda dhaqan aysan hore uga baran

oo ah inuu markii uu afka cunnada ka

qaadaba uu magaaladiisa galo, habeenkii

wuxu imaadaa xili dambe, maalintiina

waxaa lagu diimaa aragiisa, markii ay

waydiisay waxa u diidan inuu harsado

gurigiisa, wuxuu ugu jawaabayay, macaanto

aniga iyo adiga waan isku dambeyn

doonaa, waxaa igu dhagan asxaabtii

oo dhan oo aan wali kala

bogan, naasir wuxuu si fiican u fahmay

sheekada najma inkastoo uusan wali wax

xaqiiqo ah indhihiisa ku arag intii uu

joogay, subaxnimo bilicsan saacaduna ay

abaareysay 10:30 ayay indhaha naasir

qabteen najma oo matageysa boga iyo

calooshana ku dhagan, inta u soo dhawaaday

ayuu ku yiri maxaa kuugu dhacay?

Ma garanayo waxaanse u

maleynayaa inay qaras isaga kay kacday,

ayay tiri najma oo wali matageyso.

"Allow ceebteena iyo ceeb Muslimba

astur" naasir wuxuu u keenay Taxi dabadeedna

u kaxeeyay Cusbitaal, waxaa

uu dhaqtarkii waydiiyay wax ay isuyihiin

labadooda, wuxuu u sheegay inay

tahay xaaskiisa, wuxuu u sharaxay sida

loo hayo, waxaa loo diray shaybaar,

muda markii ay joogeen ayuu dhaqtarkii

u sheegay natiijada cudurka hayo bukaanka,

wuxuu shegaay in xanuukaan uu

yahay mid iska caadi ah oo ay haweenku

la kulmaan marka uu uurku ku cusubyahay,

waxba ha walwalina, ha la siiyo

cuna isku dheeli tiran buuqana halaga

ilaaliyo ayuu dhaqtarkii ku yiri naasir,

wuxuu u qoray Vitamins. Mahadsanid

inta uu yiri ayuu ilinka soo dhaafay,

markii ay guriga imaadeen ayuu naasir

furay hadalkii wuxuuna yiri sidan;

"Waxaan muddo badan iska

dhagatirayay hadalo la iiga kaa

sheegay, waxaan maantay ku

faraxsanahay inaan guntii soo

ogaaday oo aan si waadax ah

wax walba u arkay" halkaan

markii u marinayo hadalka ayuu

wuxuu telfoonka ka wacay

saxaabadii una sheegay inay si

deg deg ah ku soo garaan

g u r i g i i s a .

markii ay asxaabtii oo dhan

isugu yimaadeen gurigiisa ayuu

k a c o d s a d a y i n a y k a

dhegeystaan dalqadaha najma,

inkastoo eey saaxiibadii ka

codsadeen inuu is dejiyo sheydaankana

iska naaro, hadana

wuxuu ku gaabsaday in wax

shaydaan iyo caro ah aysan

heyn, waxay ku jeesteen najma.

waxay waydiiyeen waxa dhacay,

ayadana waxay ku afgobaadsatay

inaysan garaneyn halka

sartu ka qurunsantahay.

waxaa ka soo fakatay ilmo kulul

oo ay ku tiraysay garbasaarkeeda,

dhab ahaantii waxay ilmadu

uga socotay sidii wabi

burqaday oo kale, waxba ha

isku daalin oohin iyo cataw hortaa

ayaa la ooyay, Hadii aan najmoy

kaa qaldanahay si sax ah

uga jawaab su’aashaan.

"aniga kulamaba joogine Yaa

Uurka Kuu Yeelay"?Sheeg hee

ileen aniga iyo adiga isma arag

waayadaan, wax hadal ah ayaa

k a s o o b i x i w a a y a y .

naasirna wuxuu ku dhawaaqay

inay uga furantahay Sadax

Dalaaqo, wuxuu siiyay lacag ay

meher ahaan ugu laheyd.

wuxuu ka soo kaxaystay

labadiisii caruur, codsi deg deg

ah ayuu u dirsaday safaarada

wuxuu u sheegay in xaaskiisa

eey dhimatay iyo inaysan jirin

cid ilmaha ka heyneyso, si

dhaqsi ah ayaa looga soo jawaabay

warqadiisii.

La Soco cadadka xigga

W.Q: Maxamed Nuur Warsame

(Keyfane)

2 May, 2009 XOG-MAAL 14

CAYAARAHA: Man. United Oo Arsenal

Ku Tiri Ima Barrane, ee ha I balansan

Naadiga sita horyaalnimada European Champions League Man-

cherter United, ayaa kula kuraasta todobaadyo ka hor loosii qab-

saday oo ay la yeelatay Kooxda Arsenal, waxa ay ku dirtay caro

iyo caloolyow daran oo ku habsaday Ciyaartoyda iyo taa-

geerayaasha Arsenal.

Kulanka xalay oo ahaa mid aan waxba la iskula harin ayaa Man-

cherter United oo garoonkeeda ku martigelisay Arsenal, waxa ay

ku tiri ima barane ha I ballansan, ka dib markii 1-0 ay ku suul

daartay kooxda ay isku wadanka ka dhisan yihiin ee kula

loolamaysa Premier ship-ka dalkaasi Ingiriiska.

Furintaankii ciyaarta, ayaa ciyaaryahanada Man. United waxa ay

ku bilaabeen dar dar iyo didig fajac gelisay xidigaha Arsenal,

waxaana isla daqiiqadii 18-aad ee ciyaarta Gool aad u qurux

badan ku lulay shabaqa Arsenal xidiga reer Man ee J. O’shea,

ka dib Kubad koorono aheyd oo in badan ku jirtay lugaha ciyaar-

toyda labada koox.

Qeybtii hore 1-0, ayaa lagu kala tagay, balse markii la isku soo

laabtay wadatashi ka dib, ayaa xidigaha Arsenal oo in badan ku

dadaalay inay bar bar dhac ka dhigaan ciyaarta, badis iskaba

daaye ay u suurta galiwaysay, ka dib markii kulankaasi 90-kii

daqiiqo uu kusoo idlaaday 1-0 oo ay Man United u dhiibtay Arse-

nal.Dhaawac Gabagabadii Ciyaarta ayaa waxaa dhaawac aan

wali heerka uu gaarsiisan yahay la ogeyn gaaray Difaaca ay ku

tashato kooxda Manchester United, ka dib markii ay si lama

filaan ah isugu dheceen gool haye Van Dar Sar, wali ma jiro

hadal kasoo baxa Maamulka kooxda oo ku aadan dhaawaca Rio

Ferdenand.

Kulamada Xiga : Kulanka kan xiga, ayaa Todobaadka nagu soo

aadan ka dhacaya garoonka Arsenal, waxaana la ogeyn in Arse-

nal ay ka aargudan karto Naadiga Manchester United iyo in iyad-

aba daaqadda laga saari doono, balse la arki doone.

Sidoo kale todobaadka soo socda waxaa indhaha caalamka lagu

hayaa kulanka 2-aad ee Chelsea iyo Barcelona oo habeen hore

isku ag dhacay barbardhac 0-0 ah.

Maamulka kooxda juve oo ka fiirsanayo haddii uu

dirayo ciyaaryahan Alex

Maamulka Kooxda Kubadda Cagta ah ee Juve ayaa ka

fiirsanaayso haddii ay dirayso ciyaaryahankeeda oo

weerarka ugu ciyaara Alex del piero kaas oo la sheegay

in uu u hanqal taagayo in uu aado kooxda Real Madrid.

Agaasimaha juve Lucia oo u waramayay jariirada dela

paba ee ka soo baxda dalka talyaaniga aya sheegay in

uu aad ugu xun yahay warkaan dhagahiisa ku soo dhacay

balse wuxuu sheegay in aysan ka suuroobin del

piero in uu ka hayaamo juventus oo in muddo ah la soo

ciyaaray.

Warkaan aya soo baxay ka dib markii ay wargeysyada

dalka talyaaniga ka soo baxa ay qoreen in del piero uu

heshiis hoose la galay real ayna soo sawireen isagoo la

hadlayo mas,uuliyiin ka tirsan kooxda facda weyn ee

Real Madrid.

2 May , 2009 XOG-MAAL 15

Somalis beaten at border as SA high

commission to Botswana watched on

A group of 95 Somali refugees, including pregnant

women and children brutally beaten by Botswana’s

Military and Police forces with batons and fists as

RSA high commissioner to Botswana Dikgang

Moopeloa watched on, the Mail &

Guardian reported on Friday 1 st may, 2009.

According to the newspapers report, the groups

of Somalis were trying to return to their wartoned

country because they feared further attacks

after badly effected by May 2008 Xenophobic

attacks.

At the time they were in no-man’s land between

South Africa and Botswana, the Botswana forces beat

the refugees and forced them into SAPS police vans,

which then drove them back to South Africa where

they were arrested and their permits taken away.

At present were also officials from the United Nations,

South African immigration services, National

Intelligence Agency and the South African

Police Service.

Home affairs provincial communications officer,

Tsholo Jood, said a senior immigration official

described how "Botswana police used sticks or

batons to force the Somalis on to the South African

police trucks." Jood also confirmed that

Moopeloa was present, but said she did not

know if he witnessed the beatings. The M&G reported

Contacted by the newspaper Botswana government

spokesperson Jeff Ramsay denied the allegations

insisting, "There's no truth that force was

used."

Further, the newspaper reported that Jood said

a home affairs official at the scene was so concerned

about the beating of Halima Husain --

who was heavily pregnant -- that the official

"forced" South African authorities to take her to

Unit 9 clinic in Mmabatho.

Afterwards doctors told Hussein that she had a

breech pregnancy and should avoid travelling,

the woman sustained injuries from the head.

The Botswana Press Agency described the matter

as "potential diplomatic headache"___ a

strong term used events leading to diplomatic

crises between countries.

Xog-Maal understands that the Minister of planning

and international cooperation of Somalia

Mr. Abdirahman A. Warsame was in Botswana

at the time of the incident, he was attending a

Japan sponsored Africa Summit. It is not clear

whether he knew about it.

Refugees relieved for the

smooth run of election

The African refugees who are living in the country

expressed relieve for how the SA election

were held without violence.

Many of them feared that should election violence

happened in the country, they would have

been the worst victims given the fresh memories

of 2008 xenophobic attacks against them.

Many of whom we spoke to expressed their happiness

about the election, they thanked to the

government and the people of South Africa for

tolerance.

Some of them were in jovial mood and celebrating

a victory for stability, they wished their home

countries for the same.

One group among the African refugees, the Somalis

kept asking “when will our country hold

free and fair election without violence?” one Somali

answered “it will be quite sometime long

before we could witness such wish”.

By: Xog-Maal News Desk Team

2 May , 2009 XOG-MAAL 16

Xog-Maal oo u talaabay shabakada caalamiga ah ee SomaliTalk.com

W

argeyskaada Xog-Maal waa

mid maalin kasta jaraya xuduudu

cusub kana talaabaya

soohdin kasta, haddii ay ku

xiiso galiyeen qormooyinka Xuuraan,

sheekadi farxadii nolosheyda foolxumaa u

dambeysey iyo hal abuurka tifaftire Maxamed

Deeq, markani kaligaa ku noqon

meeysid ka bogoshada qoraalada dhaxal

galka ah ee uu Xog-Maal soo bandhigo.

Cape Town, Johannesburg, Rusternburg,

Pretoria iyo Port Elisaberth, midkaad

doonto ku akhriso Xog-Maal, macluumaadka

aad ka akhrisatay oo aysan waxbo

gaasir ka ahayn waxaa kula wadaagaya

Soomaaliga jooga Chicago, Jamaica ama

jasiirada Lambadusa ee talyaaniga ama degmada

Xiingalool ee heysta qadka Internetka.

Tani waxaa ugu wacan kadib markii shabakada

afka dheer ee caalamiga ah ee SomaliTalk.com

ay Xog-Maal ugu yaboohdey

in shabakada lasoo galinayo cadad kasta oo

wargeyska ah oo soo baxa, waxay taasi sahlaysaa

in aduunka oo dhan wargeyska laga

akhrisan karro isagoo ku naqshadaysan PDF

oo ah naqshad aanan waxbo laga badali

karin in aad akhriso mooyaane.

Markii ugu horeysey Xog-Maal waxaa SomaliTalk

lasoo dhigey 28-dii April, 2009,

cadadkii kan ka horeeyey ee tobnaad.

SomaliTalk.com waa shabakadii ugu horey-

sey ee Soomaaliyeed ee hawada soo gasha,

waxaa la asaasay sanadii 1999-kii, waxay

hawada ku jirtaa 10 sanno oo buuxda, waa

mid ka mid ah warbaahinta farro ku tiriska

ah ee dhexdhexeedka ka ah Soomaaliya,

waxaa loo asaasay u adeega shacabka

Soomaaliyeed iyo usoo tabinta wararka

xaqiiqda ku salaysan.

Shabakada waxa ay ku taqasustey qoraalada

la xariira macdanta Soomaaliya, shidaalka

Soomaaliya, badda Soomaaliya iyo waliba

hanganka Soomaaliya, waxaa kale oo ay

caan ku tahay faalooyinka ay soo qoraan

qorayaasha ugu sareeya Soomaaliya

qaarkood waana kuwa xambaarsan afkaar

siyaasadeed oo xeeldheer oo Soomaalinimo

iyo islaamnimo ay ka dhadhamayso.

SomaliTalk waa shabakad qaad weyn xagga

baaxada taasoo ay 100% uga horeeyso

dhamaan shabakadaha Soomaalida, arrintaasi

dad yar ayaa fahmi karra, waayo

waxaa laga yaabaa in dadka ay u taagantahay

in web kasta oo ciwaan leh oo lasoo

kicin karro ay isku midyihiin kuwa kale oo

dhan, sidaasi ma ahan, SomaliTalk waxaa

ku rabikab aalado casri ah oo ka dhigaya

webka mid qaadkiisa iyo tayadiisu ay aad u

sarayaan, tusaale ahaan waxaad heli kartaa

qoraaladii la galiyey maalintii uu hawada

soo galay oo ah tobon sanno ka hor, wuxuu

qaadi karaa muuqaalo iyo maqal aad u baddan

oo ah illaa xadka aad dooneysid,

qoraalada PDF-ka iyo adeeg kasta oo web

laga filli karro.

Dhawaan ayuu webka aduunka oo dhan mar

kaliya hadal heyntiisa ay cirka martay kadib

markii lasoo dhigey warbixin 42 bog ah oo

ka hadlaysa xeebaha Soomaaliya oo lala

wareegayo, warbixintani waxay ahayd mid

muddo bilooyin baaritaan lagu wadday

soona bandhigtey xog aanan war laga

heynin oo si weyn loogu baraarugey.

Warbixinta waxay ka digtey dhul baddeed

ay Kenya ka goosanayso Soomaaliya, 2

maalmood kadibna arrintii si cad ayay u

dhacday markii Kenya iyo DKMG ay kala

saxiixdaan heshiis.

Tifaftiraha Xog-Maal Maxamed Muuse

Nuur iyo Agaasimaha wargeyska Cabdinaasir

Saxansoxo oo isla markaasina ah

wakiilka SomaliTalk.com ee Koonfur Afrika

ayaa maamulka SomaliTalk uga mahadceliyey

taageerada ay u fidiyeen wargeyska.

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!