Mommy & Me - Somali - CALS - provider - Passport Health Plan

passporthealthplan.com

Mommy & Me - Somali - CALS - provider - Passport Health Plan

Asaaska Hooyo Iyo Ani

Tilmaamtaada Ee Uurka Caafimaadka Leh, Dhalmo iyo Daryeelka Caruurta


Miiska

Tusmooyinka

Asaaska Hooyo Iyo Ani

Ku soo dhawow Hooyo iyo Ani.........3

Saddexda Bilood ee Hore ..................3

Hooyo Iyo Ani Way Ku Caawini Kartaa..........3

Waxaad Filaneeyso............................................4

Cunnida Cunto Leh Caafimaad..........................5

Waxyaabaha Dhibaatooyinka Leh ..................6

Cudurada Ciridka................................................7

Lalabada iyo Mataga Xiliga Uurka..................8

Khatarta Sare.....................................9

Dhiig Karka Uurka.............................................9

Talo Siinta Xukunka Caadaadiska Dhiiga....10

Calaamadaha Digniinta Leh ...........................10

Waa Maxay Fool Diin?....................................11

Cudurada Keena Isdhaafka Dhiiga

(RH Iyo Rhogam) .............................................11

Hurgumada Kaadi Mareenka (UTI)..............12

Kaadi Sokoroowga Uurka................................13

Neefta Iyo Uurka............................................16

Saddexda Bilood ee Labaad .......17

Quudinta Ilmahaaga: Naas Siinta

Iyo Dhalo Siinta.........................................17

Lisida Iyo Keydinta Caanaha Naaska .........21

Saddexda Biilood ee Saddexaad....22

Waxbarashada Dhalniinka Caruurta............22

U Dhiyaar Garowga Foosha Iyo Dhalmada.22

Qalida Caloosha................................................25

Miyaan Lagu Qabin? .......................................27

2

Umul -

Daryeelka Naftaada...............28

Liiska Warbaxinta ee Umusha ....................28

Muruqta Umusha.............................................28

Daryeelida Naftaada Markaad

Umusho...............................................................29

Qorsheynta Uurarka Soo Socda .................29

Umul -

Daryeelka Ilmahaaga.................30

Ku Saabsan Ilmahaaga ...................................30

Baarista Joogtada Ah Ee Caruurta.............35

Talo Siinta Nabadgelyada Caruurta ...........36

Calaamadaha Lagu Garto Geerida Lama

Filaanka Ah Ee Caruurta (SIDS) .........38

Mujuruqa Caruurta Lagu Sasabo .................39

Ilkaha Caruurta ...............................................39

Hurgumada Dhagaha .....................................40

Jadwalka Taariikhda ee Uurka .... 42

Usbuucuyada 1 ilaa 4.......................................43

Usbuucyada 5 ilaa 8 .......................................44

Usbuucyada 9 ilaa 12.......................................45

Usbuucyada 13 ilaa 16 ....................................46

Usbuucyada 17 ilaa 20 ...................................47

Usbuucyada 21 ilaa 24 ...................................48

Usbuucyada 25 ilaa 28...................................49

Usbuucyada 29 ilaa 32 ..................................50

Usbuucyada 33 ilaa 36 ..................................51

Usbuucyada 37 ilaa 40...................................52

Kalmado Muhiim Ah

Daryeelka Uurka ................................................4

Dareenka Xanuunka............................................9

Kaadi Sonkorrow................................................16


Ku Soo Dhawow

Hooyo Iyo Ani!

Asaaska Hooyo Iyo Ani

Ku soo dhawow mashruuc khaaska ah ee

Passport Health Plan oo loogu talo galay

xubnaha uurka leh. Waxaa la yiraahdaa

Hooyo Iyo Ani.

Kani waa nugul ama koobi Aasaaska Hooyo

Iyo Ani: Tusmada Uurka Caafimaadka

Leh, Dhalmo Iyo Daryeelka Caruurta.

Buugani waa mid u leh faa’iido khaas ah

xubnaha ka tirsan Hooyo Iyo Ani. Waa

muhiim inaad daryeesho buugaan maxaa

yeelay hal nuqul ama koobi oo keliya

ayaad heli kartaa. Buugaan wuxuu ku

siinayaa tilmaamo dhan oo ku saabsan

uurka, dhalniinka (tan caadihaga ah iyo

tan qalniinka ah), iyo xiliga umusha (kadib

markaad dhashid).

Si laguu caawino inaad heshid warbixin

khaaska ah, buugani waxaa loo qeybiyey

qeybaha soo socda:

• Saddexda Bilood Ee Hore - 1 ilaa iyo

3 bilood.

• Saddexda Bilood Ee Labaad - 4 ilaa

iyo 6 bilood.

• Khatarta Sare - Caafimaadka

khatarta leh oo u keeni kara uurkaaga

murug ama dhibaatooyin.

• Saddexda Bilood Ee Saddexaad – 7

ilaa 9 bilood.

• Umusha – Kadib markaad dhashid

(6 ila 7 Usbuuc)

• Jadwalka Taariikhda – Oo kuu

sheega waxaad bilkasta filaneeysid

markaad uur leedahay.

Sidaad u heshid warbixinta aad u baahan

tahay, fiiri Miiska Tusmooyinka. Waxaad

kaloo isticmaali kartaa jadwalka taariikhda

inaad ku qortrid balammada iyo warbixinta

sida lambarada teleefoonka muhiimka

ah. Xasuusnow, inaad markasta la socoto

waanada dhakhtarkaada umuliya iyo

balamaada laguu dhigo.

3

Haddii aad qabtid su’aalo ku saabsan buugan

ama aad u baahan tahay warxbin, ka soo

wac Khidooyinka Xubnaha 1-800-578-

0603, riix 4 xili kasta, kadibna garaac

qeybta 7908, 7957, ama 8309. Haddii

aad ku hadasho Afka Isbaanishka fadlan

ka soo wac Carmen, 1-800-578-0603,

qeybta 8225. Haddiii aad tahay xubin wax

maqalka ka xun yahay, soo wac lambarkeena

dhagoolaha TDD/TTY, 1-800-691-5566.

Waxaan fileeynaa inaad ku

raaxeysato Asaaska Hooyo Iyo

Ani aadna yeelato uur farax iyo

caafimaad leh.

SADDEXDA

BILOOD EE

HORE

Hooyo Iyo Ani

Way Caawini

Kartaa Addiga Iyo

Ilmahaaga

Waa Maxay Hooyo Iyo Ani?

Hooyo Iyo Ani waa mashruuca khaaska ah

ee Passport Health Plan oo loogu talo galay

dumarka uurka leh. Daryeelka xiliga uurka

(daryeelka caafimaad ee xaamilada) waa u

muuhiim caafimaadkaada iyo caafimaadka

ilmahaaga.

Daryeelka ugu wanaagsan ee xiliga uurka

wuxuu biloowdaa markaad uur yeelatid oo

aad ku soo biirto Hooyo Iyo Ani, kalkaaliye

caafimaad ee diwaansan ayaa kuu diyaar ah

inay kula shaqeyso xiligaad uurka leedahay

oo idil. Tani waxay kaa caawineysaa inaad

hubsatid in addiga iyo ilmahaaga heshaan

daryeelka saxda ah.


Asaaska Hooyo Iyo Ani

Kalkaaliyahaaga Hooyo Iyo Ani ayaa ku siin

kara jawaabta su’aalaha ku saabsan:

• Uurkaaga.

• Gaadiidka loo raaco balammada

dhakhtarka iyo fasallada waxbarashada

dhalniinka caruurta.

• Dharka, cuntada, iyo waxyaabaha addiga

iyo ilmahaaga u baahan yihiin.

• Nafaqo iyo fitamiin.

• Daryeel iyo quudinta ilmahaaga dhashay

• Maamulka walwalka iyo walaac markaad

uur leedahay.

• Helitaanka caawinaada looga hor

tago dhibaatooyinka aalkolada iyo

muqaadiraadka.

• Mashruuc WIC (oo siiya waraaqaha lagu

qaato cuntada).

• Waxyaabaha u keeni kara dhib ilmaha

uurka ku jira.

• Kheyraadka bulshada iyo khidmooyinka

aad u baahan tahay.

Weydiiso Caawinaad

KalKaalisada Hooyo Iyo Ani

Markaad u Baahato.

Markaad u baahato inaad la hadashid

kalkaalisada Hooyo Iyo Ani, ka soo wac

Passport Health Plan 1-800-578-0603, riix

4 xili kasta, ka dibna garaac qeybta 8358,

7984, ama 7330. Codso inaad la hadashid

qof ka mid ah Hooyo Iyo Ani. Haddii aad

tahay qof maqalka ka xun yahay, fadlan

naga soo wac TTY/TDD lambarka 1-800-

691-5566.

Kalmado Muhiim Ah

Daryeelka Xiliga Uurka : Daryeelka

caafimaad ee aad heshid xiliga uurka

leedahay.

4

Waxaad Ka

Filaneeysid

Dhakhtarkaaga

Umuliya

Daryeelka Xiliga uurka

(Daryeelka Uurka)

Markaad uurka leedahay, waxaad tagi

doonta dhakhtarka caawina dumarka uurka

leh. Booqashadaada koowaad markaad uur

leedahay, dhakhtarka wuxuu ku siinayaa:

• Baaritaanka caafimaadka jirka.

• Kuu sheegi xiligaad fileeysid inuu

ilmahaaga dhalan doono.

• Baro taariikhda caafimaadkaada sidaad u

ogaatid waxyaabaha u keeni kara dhibaato

caafimaad uurkaada iyo ilmahaaga.

• Baar dhibaatooyinka caafimaad ee aad

u gudbin kartid ilmahaaga (tani waxaa

la yiraahdaa baarista isirka ama Afka

Ingriiska loo yaqaan genetic screening).

Mararka qaarkood markaad booqasho

sameysid, dhakhtarkaada wuxuu kaala hadli

karaa dawaada xanuunka joojisa oo aad u

haabnaan doonto markaad foolaneysid iyo

markaad umushid ( dhalashada ilmaahaaga).

Haddii dhakhtarkaada uusan arag dhibaato,

waxaad arkeysaa asaga ama ayada:

• Afartii usbuucba hal mar ee 28 da usbuuc

ee hore ee uurka.

• Hal mar labo ama saddexdii usbuucba laga

bilaabo usbuuca 28 aad ilaa iyo usbuuca

36aad.

• Usbuuca 36aad ka dib, hal mar usbuuc

waliba ilaa iyo intuu dhalan doono

ilmahaaga.

Haddii aad qabtid dhibaato caafimaad oo

khaas ah, dhakhtarkaada wuxuu rabaa inuu

ku arko marar badan.


Asaaska Hooyo Iyo Ani

Dhakhtarkaada wuxuu sameyn doonaa sida

soo socota booqasho kastaba:

• Cabirka miisaankaada

• Baarista cadaadiska dhiiga.

• Baarista borotiinka kaadida.

• Baarista wadno garaaca ilmahaaga.

• Cabirka qiyaasta ilmo galeenka (oo loo

yaqaan minka).

• Baarista dhiiga ama dheecaanka ka

yimaada siilka oo kugu dhici karo.

Daryeelka Foosha iyo

Dhalniinka

Markaad u soo dhawaato xiligaad dhali

doontid, dhakhtarkaaga ayaa sheegi doona

calaamadaha kuu sheega inuu ilmahaaga

diyaar u yahay dhalsho. Calaamadahaas

waxaa la yiraahdaa fool. Markaad filato

inay fool ku heyso aad cusbitaalka, waxay

baari doonaan wadno garaaca ilmahaaga,

cadaadiska dhiigaada, wadno garaacaada,

iyo xanuunka fooshaada. Xanuunkaas waxaa

la yiraahdaa nabar qabashada foosha.

Haddii ay fool ku heyso, laguma siinayo

wax cunto ah. Waxaa lagu siin kara biyo

ama xoogaa jabab baraf ah. Kalkaalisada

caafimaad waxay baaris joogto ah ku

sameyneysaa siilkaada markay foosha ku

heyso. Waxay kugu gelin doontaa fiilooyinka

mashiinka khaas ah , oo tusiya caddada

wadno garaaca ilmahaaga xiliga foosha ku

heyso. Mashiinka waxaa la yiraahdaa uurku-jire

ilaaliye.

Cunida Cuntada

Caafimaadka uu leh

Addiga iyo llmahaaga

Haddii aad uur leedahay, cunida cuntada

caafimaadka leh waa u muhiim addiga iyo

ilmahaaga. Ilmahaaga wuxuu u baahan yahay

cunto caafimaad leh oo ka timaado jirkaada

siduu ugu koro si munaasib leh. Cunida cunto

sax ah waxay kaa cawineysaa inaad heshid

caafimaad suurto gal leh.

5

Waxaad cuntid waa u muhiim sidaad wax u

qaadatid (cunto yar ama badan).

Waxaad cuntid markaad

uur leedahay

1. Miro sida tufaaxa (2-4 qeybood

maalintii): Miraha waxay leeyihiin fitamiin

iyo macdan ka caawisa ilmahaaga aragtida,

maqaarka iyo dhiiga.

2. Khudaar (3-5 qeybood maalintii):

Khudaarta waxay leeyihiin fitamiin iyo

macdan ka caawisa ilmahaaga aragtida,

maqaarka iyo dhiiga.

3. Rootiga, badarka, bariiska, iyo

baastada (6-11 qeybood maalintii):

Cuntadani waxay ku siineysaa quwad,

fitamiin iyo macdan u fiican ilmahaaga.

4. Caano iyo waxyaabaha caanaha laga

sameyo (4-6 qeybood maalintii): Kuwani

waxay ku siiyaan nafaqo kaa caawinta lafo

dhiska ilmahaaga, indhaha, iyo ilkaha.

5. Hilibka iyo cunta borotiinka leh, sida

lowska shiidan, digirta, towfuuga

(3-4 qeybood maalintii): Kuwani waxay

keenaan nafaqo kaa caawinta muruq

dhiska ilmahaaga, dhiiga iyo maskaxda.

Talo Siinta Cuntada

Caafimaadka Leh: Sameey

iyo Ha Sameynin

Sameey

• Cab ugu yaraan 8 koob oo biyo ah

maalintiiba.

• Cun wax yar, oo cunto joogto ah, laakiinse

ha cunin cunto dufan leh ama la shiilay.

Tani waxay kaa cawineeysaa inaad ka

dhowrsatid laabjeexa ama mataga.

• Xafid inaad tagtid balammada

dhakhtarkaaga umuliya kuu sameeyo

xiligaad uurka leedahay.


Asaaska Hooyo Iyo Ani

• Qaado fitamiinka dhakhtarkaaga umuliya

kugu amray xiligaad uurka leedahay.

Dumarka uurka leh waxay u baahan yihiin

dhiig kordhis siyaado leh siday ooga kor

tagaan ciladaha maskaxda iyo xandulaha

dhabarka, sida cudurka loo yaqaan

“dhabar furan” Afka Ingriiska lagu yaqaan

spina bifida (open spine). Haddii aad dhib

ku qabtid qaadashada fitamiinka, la hadal

dhakhtarkaaga ama kalkaaliyaha Hooyo

Iyo Ani.

Ha Sameeynin

• Ha cunin cuntada dufanka leh (sida

macmacaanka, doonatka, buskudka, hot

dooga, iyo waxyabaha qansiirka laga

sameeyo).

• Ha cabin aalkolada, sigaarka, ama ha

isticmaalin muqaadiraadka sharciga

diidan.

• Ha cunin ama cabin cabitaanka sonkor

la’aanta ah, macmaanka sonkor la’aanta

ah, ama jalaatada iyo caano fadhiga

sonkor la’aanta ah. Waxyaabahaan

waxaa ku jira macaaneeye oo aan

dabiic ahayn. Waxyaabahaan dhibaatay

u geeysan karaan ilmaha uurka

ku jira. Iskuday inaadan isticmaalin

macaaneeyaha Afka Ingriika loo

yaqaan Nutrasweet ama Saccharin.

• Isku day in aadan cabin maalintiiba

in ka badan labo koob cabitaanka leh

macdanta loo yaqaan Kaafa’iin (sida

kokakolada, shaaha, kafeyga).

Waa Maxay Miisaanka Isoo

Kori Kara?

Xiliga uurka ma aha xiligaad lumiso

miisaanka jirkaada haddii uusan

dhakhtarkaada kugu amrin. Soomida, cunto

yareenta ama mataga waxay keeni karaan in

aadan helin nafaqada addiga iyo ilmahaaga u

baahan tihiin. Isku celcelin dumarka uurka

leh waa inay soo kortaa 25 ilaa 35 rodol.

6

Jadwalka soo socda wuxuu

sheegaa meelaha miisaanka

koro

• Naasaha 1 ilaa 1 1/2 rodol

• Dhiiga 3 ilaa 4 1/2 rodol

• Biyaha dheeraadka 4 ilaa 6 rodol

• Ilmo galeenka 2 1/2 ilaa 3 rodol

• Mandheerta 1 1/2 ilaa 2 rodol

• Biyaha ilmo galeenla 2 ilaa 3 1/2 rodol

• Ilmaha 7 ilaa 8 rodol

• Nafaqada 4 ilaa 6 rodol

--------------------------------------------------

Isku dar miisaanka kordha: 25 ilaa 35 rodol

Waxyaabaha

Waxyeelo u

Keena Addiga iyo

Ilmahaaga!

Hadda markaad uurka leedahay, waa inaad

iska dowrtaa waxyaabaha u keeni kara

waxyeelo addiga iyo ilmahaaga.

Waxyaabahaan Iska Dhowr

• Cabida sigaarka – Ha cabin sigaar.

Haddii aad sigaar cabtid – waa inaad

joojisaa. Cabida sigaarka waxyeelo

ayuu u keenaa addiga iyo ilmahaaga!

Haddii aad u baahan tahay in lagaa

caawino sidaad u joojin lahayd, nala

socodsii. Waan ku caawini karnaa.

Sidaad u heshid warbixin dheeraad leh

ee saabsan joojinta sigaarka, ka wac

Khidmooyinka Warbixinta Kaankarada

1-800-422-6237. Waxaad kaloo wici

kartaa Great Start, waa mashruuca

kale oo lacag la’aanta ah 1-866-667-

8278.


Asaaska Hooyo Iyo Ani

• Aalkolo iyo Muqaadiraad– Ha cabin

aalkolo ama ha qaadanin muqaadiraad.

Aalkolo iyo muqaadiraadka waxay wax

yeelaan addiga iyo ilmahaaga. Haddii

aad cabtid aalkolo iyo muqaadiraad

waa INAADAN naas siin ilmahaaga.

Waa inaad siisaa ilmahaaga caanaha

dhalada.

• Warbixinta dheeraadka oo ku saabsan

sida loo joojiyo cabitaanka aalkoloda,

ka wac 1-800-ALCOHOL (1-800-252-

6465).

• Warbixinta dheeraadka oo ku saabsan

daaweynta muqaadiraadka, ka wac

1-800-662-HELP (1-800-662-4357).

• Warbixinta dheeraadka ee helitaanka

caawinaad joojinta aalkoloda

iyo muqaadiraadka:

• Dadka degan dagmooyinka Bullitt,

Henry, Oldham, Shelby, Spencer,

and Trimble, ka wac Seven Counties

1-800-264-8799.

• Dadka degan degmada Carroll

County, ka wac Northern Kentucky

Regional Mental Health/Mental

Retardation Board, Inc 502-732-9331.

• Dadka degan degmada Jefferson

county members, ka wac Project

Link 502-583-3951.

• Dadka degan degmooyinka Breckinridge,

Grayson, Hardin, Larue,

Marion, Meade, Nelson and Washington

county members, ka wac

Communicare 1-270-769-1304 or

1-800-641-4673.

• Daawo– Ha qaadan daawo (xataa aasbariin)

addigoon la tashan dhakhtarkaaga.

• Raajo – Ka fogaaw raajada, haddi

uusan dhakhtarka umuliya (OB) uusan

kugu amrin. Raajada waxay wax yeelo u

geysan kartaa ilmahaaga.

• Kiimiko – Ka fogaaw kiimikada, sida

kuwa lagu buufiyo ama lagu dilo

cayayaanka, ranjiga ama dawooyinka

qafiifiya ranjiga. Weydii dhakhtarkaaga

inta aadan isticmaalin kiimiko.

7

Cudurada Ciridka iyo

Caruurtaa Ku Dhasha

Miisaanka Yar

Caafimaadka ilkahaaga iyo ciridkaaga waxay

wax yeelo ku sameeyn karaa ilmahaaga

uurka ku jira. Dumarka leh cudurada

ciridka waxay dhali karaan ilmahooda xili

ka horeeya xiliga caadiga ah ama waxay ku

dhalaan ilmaha miisaan yar. Wax yeelo ayey

u keentaa ilmahaaga markey dhashaan xili

hore ama miisaankooda u yar yahay.

Cudurka ciridka ma aha mid markasta

xanuun badan, waxaa laga yaabaa in aadan

dareemin inaad qabtid cudurka. Mararka

qaarkood cudurka ciridka ma laha astaamo

aad ku garan kartid inaad qabtid, ama

waxaa laga yaabaa inaad ku aragtid dhiig

ciridkaaga markaad cadeysaneyso ama/

iyo ciridka oo ku gaduuto, bararo, ama

jileec noqdo. Waxaad u baahan tahay inaad

dhaqso u aragtid dhakhtarka ilkahaa!

Akhbaarta fiican waxay tahay in cudurka

ciridka looga hortagi karo si sahlan, loona

daaweyn karo si sahlan marka la arko

bilowgiisa hore. Dariiqa fiican oo looga

hortagi karo lana daaweyn karo waa addigoo

ka dhiga ilkaha iyo ciridka nafiid.

Isku Day Inaad Ilkaha Iyo

Ciridka Caafimaad Siiso

• Cadey ilkaha iyo ciridkaaga labo mar

maalintiiba.

• Findhicil dhex mari ilkaha ugu yaraan hal

mar maalintiiba. Inta aadan seexanin ka

hor ayaa fiican inaad findhicilato.

• Sameey nadiifinta ilkaha oo joogto ah.

• Cun cunto caafimaad leh.


Asaaska Hooyo Iyo Ani

Xataa haddii ciridku ku danqanaayo,

ha joojinin inaad cadeysato ama aad

findhicilato.

Ma ogtahay in sanadkiiba mar baarista

ilkaha ay tahay faa’iidada ay helaan

xubnaha ka tirsan Passport Health Plan?

Baaris Goor Hore Iyo Baaris Wareegto

Leh, Ugaansho Nooca Cudurka Iyo

Tijaabo oo Afka Ingriiska loo yaaqaan

Early and Periodic Screening, Diagnosis

and Treatment (EPSDT) ay tahay

mashruuc daboola qarashka balamada iyo

khidmooyinka dheeradka ah ee la siiyo

xubnaha ila iyo da’da 21 jir haddii ay

noqoto lama huraan. Haddii addiga ama

ilmahaaga tihiin xubno ka tirsan Passport

Health Plan welina aadan arkin dhakhtarka

ilkaha, fadlan soo wac maanta sidaad u

sameysatid balan. Haddii aad u baahan

tahay caawinaada helitaanka dhakhtarka

ilkaha, ka soo wac Khimooyinka Xubnaha

ee Passport Health Plan 1-800-578-0608.

Wakiilka Khidmooyinka Xubnaha ayaa kaa

caawini helitaanka dhakhtar ilkaha oo ka

tirsan Passport Health Plan.

Lalabada iyo Mataga

Markaad Uurka

Leedahay

Lalabada iyo mataga yimaada markaad

uurka leedahay waxaa la yiraahdaa walac.

Waxayna dhici kartaa xili kasta maalintii.

Inta badan dumarka wey lalaboodaan weyna

matagaan markey uurka leeyihiin. Inta

badan waxay bilaabataa 4ta ilaa 6da usbuuc

ee hore waxayna dhamaataa usbuuca 14aad

ee uurka. Lalabada iyo mataga fudud ma

wax yeelo caafimaadka ilmahaaga. Lalabada

iyo mataga micnaheedu ma aha in ilmahaaga

uu jiran yahay

8

Walaca Waxaa Laga Yaaba

Inuu Keeno:

• Markuu sareeyo dheecaanka loo

yaqaan hormoon ee jirka ku jira.

• Dareenka urinta sankaada oo sareeya.

• Walwalka iyo walaaca uurka keeno.

• Caloosha oo aan u shiideyn cuntada

sida caadiga ah.

• Cuntada caloosha ku jirta oo hunguriga

timaada (dhuunta caloosha).

• Fitamiino la’aan

Waxyaaba Aad Sameyn

Kartid oo Kaa Caawina

Inaad Dareentid

Caafimaad:

• Cun rooti qalalan, karakaris, ama rootiga

bariiska laga sameeyo 20 daqiiqo

ka hor inta aadan ka kicin sariirta (si

aadan ugu baahan inaad ka kacdo sariirta,

dhigo karakaris ama rootiga baariska

laga sameeyo dhinaca sariirtaada).

• Ooga kac sariirta si aan degdeg ahayn,

ku fadhiiso dhinaca sariirta daqiiqado.

• Qaado hawo cusub.

• Ka fagow araga, urinta, iyo dhadhamada

cuntada ku dhibta.

• Cun 5 ilaa 6 goor maalintii.

• Isku day inaad calooshada aadan ka dhigin

faaruq.

• Cun inta aadan gaajoon.

• Kor u fadhiiso markaad cunto cuntid.

• Cun cunto leh subag ama dufan yar.

• Cab cabitaan qabow xili kasta maalintii,

cabna cuntada ka hor. Haddii aad cabtid

markaad cuntada cuneysid lalabo ayey

keentaa, cun cunto qoyaan badan leh

sida ansalaatada, batiikha, iyo liinta.

• Qaado fitamiinka la qaato xiliga uurka

sidaad u heshid nafaqo. Qaado fitami-


Asaaska Hooyo Iyo Ani

inka xiliga uurka markaadan ku xanuunsaneyn,

sida ka hor inta aadan seexan.

Haddii aadan qaadan karin fitamiinkaaga,

la hadal dhakhtarkaaga umuliya inaad

qaadatid badalkooda 2 fitamiinka caruurta.

Waa Maxay Haddii Aan

Qabo Lalabo iyo Matag Aad

U Daran?

Haddii aad qabtid lalabo iyo matag aad u

daran waxaad dhumineysaa miisaanka iyo

biyaha jirka ku jira, weyna u xuntahay addiga

iyo ilmahaagaba. Lalabada iyo mataga aad u

daran waa walac xun, waxaana Afka Ingriiska

loo yaqaan hyperemesis (haybaremasiis).

Markaad qabtid walac xun, waxaad lumineysaa

nafaqada addiga iyo ilmahaaga u baahan tihiin

inaad ku caafimaadaan.

Waxaa Laga Yaabaa Inaad

Qabtid Walac Xun Haddii:

• Aad lumiso miisaan 5 to 10 rodol.

• Cunto iyo cabitaan aadan ku heyn karin

calooshaada muddo ka badan 24 saac.

• Kaadidaada oo noqoto casaan, ama ay

yaraato.

• Calool xanuun, qandho, wareer ama

daciifnimo.

Soo wac dhakhtarka umuliya isla

markiiba hadaad u maleyneysid inaad

qabtid walac xun (hyperemesis).

Waxaad u baahnaan kartaa daryeel

caafimaad.

• Waxaa laga yaabaa in dhaklhtar umuliya

uu doonaayo inuu xafiiskiisa kugu

arko si loo sameeyo baaritaan.

• Dhakhtarkaaga umuliya wuxuu kuu qori

karaa daawooyin kaa caawina lalabada

iyo mataga.

9

• Dhakhtarkaaga umuliya wuxuu ku suri

karaa faleebo ku celiya dheecaanka

korkaada lumiyey.

• Dhkahtarkaaga umuliya cusbitaalka

ayuu ku dhigi karaan si loo xukumo

lalabada iyo matagaaga.

Kalmado Muhiim Ah

Dareenka Xanuunka: Dareenka Jirada.

KHATARTA SARE

Dhiig Karka Iyo

Qalalka Uurka

Maxay Yihiin?

Dhiig karka Afka Ingriisk loo yaqaan Preeclampsia

-Birii-iklambsiya-(mar kalena loo

yaqaan dhiig karka uurka ama cadaadiska

dhiiga oo sareeya) waa xaalad timaada xiliga

uurka. Calaamadaheedu waa dhiig kar sare,

borotiin ku jira kaadida (dhakhtarkaaga

umuliya ayaa xafiiskiisa ku baaraya

borotiinka kaadida), iyo/ama barar. Dhiig

karka uurka waxay dhacdaa xiliga dhexe

ilaa dhamaadka uurka waana u khatar addiga

iyo ilmahaaga. Mandheerta ayaa suurto gal

ka dhigata inay siiso nafaqada ilmahaaga u

baahan yahay inuu koro. Dhiig karka uurka

waxay hoos u dhigtaa hawada iyo nafaqada

uu ka qaato ilmaha mandheerta. Taasi waxay

keyntaa in ilmahaagu ku dhasho miisaan ka

yar kan caadiga ah. Dhiig karka uurka waxay

keeni kartaa in mandheerta ka go’do ilmaha

caloosha ku jira dhalasho ka hor.

Haddii aad qabtid dhig karka uurka, aadana

la socon amarka dhakhtarkaaga umuliya,

waxaa kugu dhici kara qalalka uurka, Afka

Ingriiska loo yaqaan Eclampsia (Iklambsiya).

Qalalka uurka waxaalada u keenta hooyada

in qalal qabto. Markaad xukuntid Biriiiklambsiya,

siiba dhiig karka uurka, waxaa

laga yaaba in ilmahaago iyo addigaba uusan

qaban qalal.


Asaaska Hooyo Iyo Ani

Booqashada xafiiska dhakhtarkaada

umuliya, dhakhtarka wuu ku miisaami,

wuuna kaa baari dhiig karka uurka iyo

borotiinka kaadida. Hubi inaad wacdid

dhakhtarkaaga umuliya haddii aad isku

aragtid calamadahaan:

• Madax xanuun

• Dhibaato ka timaada aragtida, sida araga

isku dhex qasan ama mugdiga ku jiro.

• Barar.

• Dhawaaqa ka yeera dhagaha.

• Calool xanuun ama gubasho.

• Dhiig oo ka yimaada siilka.

Sidee U Xukuntaa

Cadaadiska

Dhiigaada

Hel Nasniino Badan

• La soco amarka dhakhtarka umuliya inaad

sariirta seedatid aadna yareeysid

dhaqdhaqaaqa.

• Markaad nasaneyso ama seexatid, u

seexo dhinaca bidixda. Taasi waxay

kaa caaweneysaa in dhiigu uu gaaro

ilmahaaga.

• Ha u seexan dhabar dhabar. Tani

waxay yareysaa dhiiga inuu gaaro ilmahaaga.

• Ka fagoow inaad walwashid ama aad daashid.

Qaado Daawooyinka

Dhakhtarkaaga Umuliya Uu

Kugu Amran Oo Keliya.

• Ha qaadanin dawooyinka saaran miisaadka

farmashiyaha haddii uusan

ogolaan dhakhtarkaaga umuliya.

• Haddii uu dhakhtarkaaga umuliya ku

siiyo daawada dhiig karka u qaado

siduu kugu amray.

Ka fogoow cabida sigaarka,

aalkolada, iyo isticmaal

muqaadiraadka sharci la’aanta ah.

10

Ilaali Waxaad Cuntid

• Yareey cunida cusbada.

• Yareey cunida cunta diyaarka ah, sida

cunta lagu gado dukaamada ay ku jiraan

hilibka diyaarka ah. Cuntaas waa laga

helaa cusbo badan/maadada soodiyam.

• Ha ku darsan cusbo cuntaada, isticmaalna

cusbo yar markaad cuntada karsaneysid.

• Ku fikir inaad isticmaasho bedelka

cusbada.

• La soco cuntada khaaska ah ee

dhakhtarkaaga umuliya uu kuu soo qoray.

Calaamada Digniinta Leh

Calaamadaha digniinta leh waxay kuu

sheegayaan in wax ka khaldan yihiin jirkaada.

Haddii aad aragtid calaamadaha digniinta

leh markaad uurka leedahay, u sheeg

dhakhtarkaaga umuliya sida ugu dhaqso

badan:

• Dhibco ama dhiig badan.

• Dheecaan ka yimaada ama kaa dareera.

• Haddii dhaqdhaqaaqa ilmaha uu yaraado

ama joogsado (Kadib markii aad

gaartid usbuuca 19aad ee uurka).

• Calool xanuun

• Kaadida oo ku gubta ama ku xanuujisa.

• Wareer ama suuxdin .

• Aragtida oo wareerta.

• Maxad xanuun oo aan joogsaneyn.

• Matag oo aan istaageyn.

• Jiriirico, qandho ama firiiric.

• Gacmaha, lugaha ama wajiga oo si

dhaqso leh kuu barara ama buurta.

Haddii aad isku aragtid calaamadaha kor ku

qoran, wac dhakhtarkaaga umuliya.

Haddii aad tagtid cusbitaalka, wac

kalkaaliyahaaga Hooyo Iyo Ani.

Waxaad kaloo waano ka heli kartaa

Leenka Kalkaaliyaha Waanada ee Passport

Health Plan oo 24 saac maalintiiba ah.


Asaaska Hooyo Iyo Ani

Lambarka waa 1-800-606-9880. Haddii

wax maqalkaadu uu xun yahay, waxaad waci

kartaa lambarka TDD/TTY 1-800-648-

6056.

Waa Maxay Fool

Diin?

Fool diin (yimaado dhalmada ka hor)

micnaheedu waa markaad aragtid

calaamadaha foosha intaadan gaarin

usbuuca 37 ee uurka. Waa muhiim inaad

wacdid khakhtarkaaga umuliya ama aad

tagtid cusbitaalka haddii aad isku aragtid

calaamadaha foosha:

• Gumaar maroogis joogto ah, mid xanuun

leh iyo midaan xanuun laheyn.

• Araga dhiiga (dhibco ama dhiig badan).

• Dheecaan ka yimaada ama kaa dareera.

Waxaa laga yaabaa in kiisha biyaha ee

la socda ilmaha uu dilaaco. Haddii taas

dhacdo, wac dhakhtarkaaga umuliya.

Waxaad u baahan tahay inaad aadid

cusbitaalka.

• Xanuun liita, dhabar hoose oo ku xanuuna

ama aad dareento cadaadis.

• Calool maroojis la socota shuban ama

shuban la’aan.

Fadlan soo wac kalkaaliyahaaga Hooyo iyo

Ani haddii aad cusbitaalka u tagtay fool diin.

Waxaad kaloo waano ka heli kartaa

Leenka Kalkaaliyaha Waanada ee Passport

Health Plan oo 24 saac maalintiiba ah.

Lambarka waa 1-800-606-9880. Haddii

wax maqalkaadu uu xun yahay, waxaad waci

kartaa lambarka TDD/TTY 1-800-648-6056.

Cudurka Isdhaafka

Dhiiga ee Rh iyo

Daawada RhoGam

11

Waa Maxay Cudurka

Isdhaafka Dhiiga Ee Rh?

Qofkasta wuxuu ku dhashaa nooc khaas ah

oo dhiig ah (Nooca O, A, B, ama AB). Dhiig

kasta wuxuu leeyahay isir, Afka Ingriiska

loo yaqaan Rh Factor. Isirka waa mid

diimo leg ama mid aan diimo laheyn, Afka

Ingriiska loo yaqaan Rh negative iyo Rh

positive. Nooca dhiigaada marna ma bedelmo.

Haddii dhiigaada yahay mid leh Rh diidmo

leh, ilmahaaga leeyah Rh aan diidmo leheyn,

ilmahaaga ama ilmaha aad dhali doonto

mustaqbilka oo leh Rh aan diidmo laheyn

waxaa ku dhici kara cudurka isdhaafka dhiiga, Rh.

Sidee Ku Ogaan Kara

Haddii Aan Leeyahay Rh

Diidmo Leh?

Dhakhtarkaaga umuliya ayaa kuu sameyn

kara baaritaan inta uurkaaga yar yahay.

Sidee Cudurka isdhaafa

dhiiga,Rh, u wax yeela

ilmaha?

Wuxuu keeni kara:

• Cagaarshow (indhaha iyo maqaarka jirka

oo casaada).

• Dhiig yarid.

• Daawac maskaxeed ama garasho.

• Wadnaha oo shaqeyn waayo.

• Neefsashada oo dhib noqota.

• Dhimasho.

Sidee Ilmaha Ugu Dhacaa

Cudurka Isdhaafka Dhiiga, Rh?

Haddii dhiiga hooyada oo leh Rh diimo

leh ay ku darsanto dhiig leh Rh aan diimo

laheyn, dhiiga hooyadu wuxuu sameeya

ugxanyo la dagaalama dhiiga aan laheyn

diidmada Rh. Taasi waxay dhacdaa xiliga

uurka ama xiliga ilmaha dhasho. Marka


Asaaska Hooyo Iyo Ani

ay dhacdo taas, ilmaha dhalan doona

mustaqbalka waxay halis u yihiin cudurka

isdhaafka dhiiga, Rh.

Dhiiga leh Rh diidmo leh wuxuu ku darsami

karaa dhiiga leh Rh diidmo la’aan:

• Marka ilmaha uu dhalanaayo.

• Marka la sameeyo baarista Afka

Ingriiska loo yaqaan amniocentesisamniyoosantiisas

(waa baaris lagu

sameeyo biyaha ku heeraarsan ilmaha ku

jira ilmo galeenka).

• Markaad dhicistid.

• Marka abuurka ilmaha lagu sameeyo ilmo

galeenka (tuubada ilmo galeenka) ee Afka

Ingriiska loo yaqaan an ectopic -ektoobik-

(tubal) pregnancy.

• Marka ilmaha la soo xaaqo.

• Marka dhiig jirka lagu shubo.

• Markay jug kaa gaarto caloosha.

Maxaan Sameeyn Karaa

Inaan Ka Dhifaaco Cudurka

Isdhaafka Dhiiga ee Rh

Ilmaheygaan iyo Kuwa

Mustaqbilkaba?

Haddii dhiigada yahay mid leh Rh diimo leh,

dhakhtarkaaga umuliya ayaa ku siin karo

cirbad Afka Ingriiska loo yaqaan RhoGam

(Roogam). Cirbadaha RhoGam waxay

joojiyaan inuu dhiigaada sameeyo unugyada

la dagaalama dhiiga ilmahaaga hadda iyo

mustaqbilkaba. Waxaad heleysaa hal cirbad

marka uurkaaga gaaro 28 usbuuc (bisha

7aad), cirbada kalana 2 ama 3 maalmood ka

dib markaad dhasho.

Haddii dhiigaada yahay mid leh Rh diimo

leh, la hadal dhakhtarkaaga umuliya inuu ku

siiyo cirbada RhoGam.

12

Hurgumada Kaadi

Mareenka

Waa Maxay Hurgumada

Kaadi Mareenka ee Afka

Ingriiska loo yaqaan Urinary

Track Infection (UTI)?

Hurgumada kaadi mareenka (UTI) waxay

hurgumo ku dhici karta sida soo socota:

• Kaadi heysta (meesha kaadidu keyd ku

tahay).

• Tuubada kaadida (tuubooyinka ka

qaada kaadida kaadi heysta).

• Kilyaha (halboolaha sameeysa kaadida).

Hurgumada kaadi mareenka waxaa keena

geermis ku dhaca nidaamka jirka kaadida u

sameeyo.

Sideen Ku Garan Karaa

Haddii Aan Qabo

Hurgumada Kaadi

Mareenka?

Kaadi heysta hurgumeysan waxay kuu keeni

kartaa:

• Addigoo dareema markaska inay kaadi

ku heyso.

• Addigoo dareema inay kaadi ku heyso

laakiinse aadan kaadin karin.

• Addigoo kaadiya wax yar.

• Addigoo dareema xanuun iyo gubasho

markaad kaadineysid.

• Kaadidaada oo aad ku aragtid dhiig.

• Kaadidaada oo saaran caad.

• Addigoo dareema majuujis.


Asaaska Hooyo Iyo Ani

Waa Maxay Hurgumada

Kilyaha?

Waa muhiim inaad ogaatid hurgumada

kilyaha inayn ciyaar aheyn ayna ka xuntahay

hurgumada kaadi heysta. Marka geermiska

u safro tuubooyinka kaadi mareenka oo

ay gaarto kilyaha waxaa kugu dhici kara

hurgumada kilyaha (oo Afla Ingriiska loo

yaqaan pyelonephritis- baylonfiritis). Kani

waa hurgumo khatar ah oo u baahan in

cusbitaalka lagugu daaweeyo laguna siiyo

fileebe antibiyootik ah. Mar haddii uu kugu

dhaco hurgumada kilyaha, waxay u badan

tahay inuu kugu soo noqdo mar labaad.

Maxay Hurgumada Kilyaha

Ku Gaarsiin Kartaa?

Hurgumada kilyaha waxay kugu ridi kartaa:

• Qandho ama jiriirico.

• Dhabar xanuun ka hooseeya feeraha hoostooda.

• Cunto xumo, lalabo iyo/ama matag

• kaadi dhiig.

• Fool diin iyo addigoo dhala ka hor xiliga

caadiga ah.

• Daawac ay u geysato kilyaha.

See Loo Daaweeya

Hurgumada Kaadi Mareenka?

Dhakhtarkaaga umuliya ayaa ku siin kara

daawo aan wax yeelo u geeysan addiga iyo

ilmahaaga. Waa inaad dhameysid daawada

oo idil si loo hubiyo in geermiska dhinto.

Ha joojin qaadashada daawada markay

calaamadaha hurgumada tagaan.

Halkani waa tusaaloyin caawinaad leh oo aad

la socotid markaad qabtid hurgumada kaadi

mareenka:

• Cab biyo ku filan inaad kaadisid halkii

saacba mar. Tani waxay biyo raaci ku

sameyneysaa kilyaha iyo kaadi mareenka.

Biyo cabida waxay hubineysaa

in daawada gaarto kilyaha oo idil, kaadi

mareenka iyo kaadi heysta.

13

• Cab casiirka ama dheecaanka miraha

Afka Ingriiska loo yaqaan cranberry

juice -karaanbari juus. Cranberry

juice ka wuxuu dejiyaa bararka kilyaha,

kaadi mareenka, iyo kaadi heysta.

• Ha cabin cabitaanka sida cokakolada,

shaaha, kafeyga, ama kakaawaha.

Waaxaa ku jira maadada Afka Ingriiska

loo yaqaan Caffeine- Kaafa’iin oo

dhiba kaadi heysta.

See Ooga Hortagaa

Hurumada Kaadi Mareenka?

• Cab cabitaan badan, sida biyaha.

• Markaad isticmaasho musqusha, tirtirka

ka bilaaw horey gaarsiina gadaal.

• Isticmaal surwaal hoose oo nadiif ah

kana sameysan suuf.

• Ku dhaqo saabuun qafiif ah.

• Ha isticmaalin waaskada qubeyska.

• Cun cunto miisaaman. Cunida miro ama

furuto cusub ayaa ku caawin karta.

• Markasta kaadi kadib markaad jaceyl

sameeysid.

Soo wac dhakhtarkaaga umuliya sida ugu

dhaqso badan haddii aad isku aragtid

calaamadaha ama dareenka hurgumada

kaadi mareenka ee Afka Ingriiska loo

yaqaan Urinary Tract Infection (UTI).

Kaadi Sokoroowga

Xiliga Uurka

Waa Maxay Cudurka Kaadi

Sonkoroowga Xiliga Uurka

oo Afka Ingriis Loo Yaqaan

Gestational Diabetes

Mellitus (GDM)?


Kaadi Sokoroowga Xiliga Uurka (GDM) waa

kaadi sokoroow yimaada xiliga uurka. Inta

badan wuxuu yimaadaa inta u dhaxeysa

usbuuca 24aad iyo 28daad wuxuuna tagaa

dhalmada kadib. Kaadi sonkoroowga uurka

waa cudur khatar ah wuxuuna waxyeelo u

geysan karaa addiga iyo ilmahaagaba. Waa

muhiim in lagaa baaro mar kastaba kaadi

sokoroowga xiliga uurka waana inaad la

socotid amarka uu ku siiyo dhakhtarkaaga umuliya.

Insuliinka waa maado dheecaan ah oo

jirkaada sameeyo. Xiliga kaadi sonkoroowga

uurka ku haayo jirkaado waa ku dhib inuu

sameeyo insuliin. Insuliinka waxay caawintaa

in sonkorta dhiiga ku jirta ay gaarto

unugyada jirka, sida murqaha. Haddii

jirkaada uusan sameyn karin insuliin, ama

insuliinka gabo howshiisa, sonkorta waxay

ku hartaa dhiiga waxayna ka dhigtaa dhiig

sonkortiisa mid sareysa.

Calaamadaha Kaadi

Sonkoroowga Uurka

Asaaska Hooyo Iyo Ani

Ma dareemi kartid kaadi sonkoroowga xiliga uurka,

hase yeeshee, calaamadahaan waa suurto gal:

• Nasniino la’aan.

• Oon.

• Maqaarka jirka oo ku qalalo.

• Wadno garaac dheereeya

• Neeftaado oo u soo urta sida miro ama

furuto.

• Lalabo, matag.

• Daal, daciifnimo.

Waa In Lagaa Baaro Kaadi

Sonkoroowga Uurka

Maadaama aadan laheyn calaamada lagu

garto kaadi sokoroowga xiliga uurka (GDM),

waa muhiim in lagaa baaro. Usbuucyada

u dhexeeya 24aad iyo 28daad ee uurka,

dhakhtarkaaga umuliya ayaa amri dhiig

baaris (baarista dulqaadka sonkorta) si loo

hubiyo sonkorta dhiigaada. Waxaa laga

yaabaa inay qaadato baaris ka badan hal

mar in la arka inaad qabtid kaadi sonkoroow.

Waa muhiim in baarisyada dhakhtarkaaga

14

umuliya amray inaad sameeysid. Waxaa

kaloo muhiim ah inaad la socoto waanooyinka

lagu siiyey, sida inaadan wax cunin ama

cabin baarista ka hor.

Haddii aad qabi jirtay kaadi sonkoroowga

uurka uurkaagii hore, hubi inaad u sheegtid

dhakhtarkaaga umuliya. Asaga ama ayada

ayaa sameeyn baarista kaadi sonkoroowga

uurka balanta ugu horeysa markaad uur

yelatid.

Haddii Aad Qabtid Kaadi

Sokoroowga Xiliga Uurka

(GDM)

Waa la maamuli karaa dhibaatooyinka

kaadi sonkoroowga xiliga uurka (GDM) u

keeno addiga iyo ilmahaaga, waana laga

hortigi karaa. Waa inaad la shaqeysaa

dhakhtarkaaga umuliya sidaad u xukuntid

cadada sonkorta dhiigaada sida ugu dhaqso

badan markaad ogaatid in aad qabtid kaadi

sonkoroowga uurka.

Haddii aadan xukumi karin cadada

sonkorta dhiigaada markaad uur

leedahay:

• Waxaad badineysaa fursadaha inuu kugu

dhaco hurgumo badan.

• Waxaad badineysaa fursadaha inuu kugu

dhaco isdhaafka dhiiga Afka Ingriiska loo

yaqaan pre-eclampsia-birii-iikalambsiya.

Ka fiiri “Khatarta Sare” boga 9aad

warbixinta dheeraadka ah ee ku saabsan

isdhaafka dhiiga.

• Ilmahaaga waxay helayaan sonkor ka

badan intuu u baahan yahay. Tani waxay

keentaa in ilmahaaga u koro si ka baxsan

caadiga. Ilmaha weyn waxay kuu keeni

karaan dhibaato markaad dhaleysid ama

waxaad u baahnaan doontaa qalniinka

caloosha. Ka fiiri “Saddexda Bilood ee

Saddexaad” boga 22aad warbixinta

dheeraadka ah ee ku saabsan qalniinka caloosha.

• Waxaa laga yaabaa in ilmahaaga helo

sonkorta dhiiga oo hooseysa markuu


Asaaska Hooyo Iyo Ani

dhasho. Marar badan ayaa baaris lugu

sameyn doona dhiiga sonkorta ilmahaaga

ka dib marka uu dhasho.

• Ilmahaagu wuxuu ku dhalan karaa

cagaarshow (maqaarka jirkiisa oo casaan

noqda). Inta badan dhibkaan asaga

ayaa iska taga, ama waxaa laga yaabaa

in dhakhtarkaaga caafimaadka guud ee

Afka Ingriiska loo yaqaan primary care

provider (PCP) isticmaalo nalal ama iftiin

daaweynta cagaarshowga.

• Ilmahaaga wuxuu dhalan karaa muddo

ka horeysa xiligiisa. Ilmaha dhasha xiligi

hore sanbabadooda si fiican uma korin,

taasina waxay ilmaha u keentaa neefsasho

halis badan.

Inkastoo kaadi sokoroowga xiliga uurka

iskiis u baxo usbuucyo gudaheed marka

la dhalo, waxay kordhin kartaa halista

keenta inuu kugu dhaco kaadi sonkoroow

uurka mustaqbilka soo socda iyo noloshaada

markaad weynaato. Sababtaan darteed,

waxaad u baahan tahay inaad xukuntid

cabirka sonkorta dhiigaada addigoo cunaaya

cunto caafimaad leh, jimicsi, iyo baaris joogto ah.

Dariiqyada Aad Ku

Ilaalisid Naftaada Iyo

Tan Ilmahaaga Addigoo

Xukumaya Cabirka Sonkorta

Dhiigada

Khabiirada Kaadi Sonkoroowga

Haddii cabirka sonkorta dhiigaada aad ka

dhigtid caadi markaad uurka leedahay,

waxaad heleysaa fursad aad ku dhashid

ilmo caafimaad leh. Waxaa laga yaaba in

dhakhtarkaaga umuliya uu leeyahay khabiiro

ku caawina.

15

Khabiiradaas waxaa ka mid ah:

• Dhakhtarka Afka Ingriiska loo yaqaan

endocrinologist - endookirinoolagist

(waa dhakhtarka khabiir ku ah kaadi

sonkoroowga).

• Dhakhtarka Afka Ingriiska loo yaqaan

perinatologist - berinatoolagist (waa

dhakhtarka khabiir ku uurka khatarta

leh).

• Tababare kaadi sonkoroow oo diiwaansan

(waa daryeele caafimaad oo

xirfad u leh kaadi sonkorooga oo ku

tusiya aqoonta sonkoroowga iyo sidaad

gurigaada ugu baari laheyd cabirka

sonkorta dhiigaada).

• Aqoon yahan nafaqada jirka oo diiwaansan

(waa daryeele caafimaad oo

kaa caawina qorsheynta cunto caafimaad

leh oo miisaaman ay ku jiraan

cuntooyinka addiga iyo ilmahaaga u

baahan tihiin).

Baar Sonkorta Dhiigaada

Baarista sonkorta dhiigaada waxay kaa

caawintaa garashada caafimaadkaada.

Talooyinka soo socda waxay kuu

sheegaayaan xiliga ugu fiican ee la baaro

sonkorta dhiiga.

• Quraacda ka hor (cabirka sonkorta

dhiigaadu waa inuu u dhexeeyo 60 ilaa

iyo 90).

• Hal saac ka dib markaad quraacatid

(cabirka sonkorta dhiigaadu waa inuu u

dhexeeyo 120 ilaa iyo 140)

• Hal saac ka dib markaad qadeysid

(cabirka sonkorta dhiigaadu waa inuu u

dhexeeyo 120 ilaa iyo 140).

• Hal saac ka dib markaad casheyso

(cabirka sonkorta dhiigaadu waa inuu u

dhexeeyo 120 ilaa iyo 140).

• Haddii dhakhtarkaaga rabo inuu baaro

sonkorta dhiigaada, 2 saac ka dib

markaad cunto cunto, cabirka sonkorta

dhiigaadu waa nuu ka yar yahay 120.

• Dhakhtarkaaga waxaa laga yaabaa inuu

rabo baarista sonkorta kaadidaada.


Asaaska Hooyo Iyo Ani

Waa muhiim intaad qortid natiijoooyinka

sidaad u tustid dhakhtarkaada balantaad

soo socota.

Jimicsi

Jimicisga wuxuu yareeya sonkorta

dhiigaada. Jimicsi meel dhexaada ah

markasta wuu kuu fiican yahay, laakiinsa waa

inaad la tashato dhakhtarkaaga umuliya ka

hor intaadan bilaabin nooc kasta oo jimicsi

ah.

Jimicsiga u fiican markaad uur leedahay waa:

•Socodka.

• Dabaasha.

• Jimicsiga uurka.

Qaado 20 illa iyo 30 daqiiqadood oo socod

ah ka dib markaad cuntada cuntid si aad u

xukuntid cabirka sonkorta dhiigaada. Dumar

badan ayaa fahmay marka ay cunta cunaan

in socodka noqdo mid ka dhiga cabirka

sonkorta dhiigooda caadi.

Xasuusnow waxyaabaha soo socda markaad

jimicsi sameyneysid:

• Ha jimicsan in ka badan 30 daqiiqadood

markiiba.

• Haddii jimicsiga uu dhib kugu yahay

ama kugu dheer yahay, jirkaada wuxuu

keeni karaa kuleel badan.

• Garaaca wadnahaaga waa inuu ka

badaan in ka sareeysa 140.

Waxaa Laga Yaabaa Inaad U

Baahatid Daawada Xukunta

Sonkorta Dhiigaada

Haddii nafaqo iyo jimicsi ay kaa caawini

waayeen helitaanka cabirka caadiga ah

ee sonkorta dhiigaada, dhakhtarkaaga

wuxuu dalban karaa insuliin. Insuliinka

kama gudbo mandheerta ilmaha ku dhagan,

laakiinsa sonkorto way ka gudubtaa.

Haddii aad u baahatid isticmaalka insuliin

sidaad sonkorta dhiigaada caadi ooga

dhigi lahayed, waa u caafimaad ilmahaaga.

Aqoonyahanka kaadi sonkoroowga ayaa ku

bari:

• Sidaad u isticmaali laheyd insuliinka.

16

• Magacyada iyo nooca insuliinka aad

isticmaaleysid.

• Waqtiga aad qaadan kartid insuliinka.

• Cadada insuliinka aad qaadan kartid.

• Sidaad ugu qiyaasi laheyd insuliinka

cuntadaada.

• Sidaad ooga hortagi lahey in sonkorta

dhiiga uusan yaraan.

Calaamada suurto gal ka dhiga sonkorta

dhiiga oo yaraato:

• Madax xanuun.

• Xanaaq.

• Dhidid.

• Garaaca wadnaha oo yaraado.

• Hadalka oo miisaanka dhumiya.

• Maqaarka jirka oo qaboow noqda.

• Suuxdin ama wareer.

Dhalmada Ka Dib

Kaadi sonkoroowga xiliga uurka inta badan

wuu iska tagaa markaad ilmahaaga dhasho.

Waa inaad baartid mar labaad sonkorta

dhiigaada lix usbuuc ka dib markaad

dhashid oo aad dhakhtarkaaga umuliya u

tagtid. Tani waxay u sheegeysaa addiga iyo

dhakhtarkaaga in kaadi sonkoroowga kaa

tagay. Tan iyo waqtigaad halista u noqotay

kaadi sonkoroowga, noloshaada danbe waa

inaad sanad kasta baartid cabirka sonkorta

dhiigaada, maxaa yeelay wuu kugu soo

noqon karaa mar kale. Waa muhiim inaad

cuntid cunto caafimaad leh oo miisaaman,

miisaankadane ilaalisid, sameysidna jimicsi

joogto ah. Daryeelka caafimaadkaaga

hadda micnaheedu wuxuu yahay yareenta

fursada kaadi sonkoroow inuu kugu dhaco

markaad weynaatid.

Kalmado Muhiim Ah

Kaadi Sonkoroow: Marar qaardood loo

yaqaan sonkorta dhiiga oo sareysa


Asaaska Hooyo Iyo Ani

Neefta iyo Uurka

Neefsasho caafimaad leh waa muhiim!

Ilmahaaga uurka ku jira noloshiisu waxay

ku xiran tahay addigoo neefsada hawo

cusub. Xataa haddii aad u maleeyneysid in

aadan qabin neef, waa muhiim inaad ogaatid

calaamadaha neefta. Calaamadaha neefta

waxaa keena bararka iyo dariigyada neefto

marto oo ciriiri noqota. Haddii aad qabtid

mid ka mid ah calaamadahaan, addiga iyo

ilmahaaga waxaa laga yaabaa in aadan helin

maadada oksagiinka ah oo aad u baahan tihiin:

• Qufac.

• Hinraag.

• Neefta qaadashada oo kugu yaraato.

• Neefsahada oo dib kugu noqota.

• Addigoo ciriiri ka dareentid xabadka .

Sidee Neeftu U

Waxyeeshaa Uurkaada?

Haddii aad leedahay calaamadaha kor

ku qoran, waxaa laga yaabaa addiga iyo

ilmahaaga in aadan helin oksogiinka korkiina

u baahan yahay. Haddii calaamadaha neefta

aan la daaweyn, waxaad badineysaa fursada:

• Isdhaafka dhiiga oo Afka Ingriiska loo

yaqaan Preeclampsia-biriikalambsiya (Ka

fiiri “Preeclampsia” boga 9aad) .

• Matag ka badan sida caadiga ah.

• Siilka oo dhiig kaa yimaado.

• Dhicis iyo dhalmo dib leh.

Haddii calaamadaha neefta aan la daaweyn,

ilmahaaga uurka ku jira waxaa ku dhici kara:

• In uusan dhaqso u korin

• In uu dhasho xili ka horeeya xiligiisa.

• In uu ku dhasho miisan yar.

• In uusan heysanin oksagiin ku filan markuu

dhalanaayo.

• Dhimasho.

Akhbaarta fiican waxay tahay neefta waa la

daaweyn karaa. Waxaa jir waxyaabo oo aad

ku joojin kartid ama aad ku yareen kartid

calaamadaha neefta.

17

Xukunka Calaamadaha

Neefta

Waxyaabo badan ayaa keena in neefta

soo kacdo. Tusaalooyin ka mid ah waa

sigaarka, dhogorta xayawaanka, baalasha

xayawaanka, aqoolka, ugxanta ubaxa,

jimicsiga, laab jeexa, iyo hawada oo isbadel

keenta. Ka fagoow waxyaabaha kuu keeni

kara inay neefta kugu dhacdo. Kala hadal

dhakhtarkaaga waxaad sameeyn laheyd

marka neeftu kugu kacdo.

Daawada Neefta

Haddii aaad neef qabtid, waa muhiim inaad

ku xukuntid daawada saxda ah. Mararka

qaarkood dumarka uurka leh waxay ka

baqaan in daawada neefta wax yeesho

ilmahooda uurka ku jira. Hase yeeshe,

waxaa jira dhibaatoyin badan oo fooda soo

saara hooyada iyo ilmaheeda uurka ku jira

marka neefta aan la xukumin.

Waxaa jira daawooyinka neefta oo aad

qaadan kartid markaad uurka leedahay

haddii dhakhtarkaaga umuliya ogolaado.

Waa inaad markasta la hadashaa

dhakhtarkaada umuliya ka hor inta aadan

isticmaalin daawooyinka saaran miiska

farmashiyaha ama tan laguu soo qoray.

SADDEXDA

BILOOD EE

LABAAD

Quudinta Ilmahaaga

Naas Nuuginta Ma U Fiican

Tahay Addiga iyo Ilmahaaga?

Naas nuugintu waxay noqon kartaa mid

qurxoon oo leh dareen dabiici ah addiga iyo

ilmahaaga. Caanaha naaska waxay leeyihiin

wax kasta ilmahaaga u baahan yahay iyo


Asaaska Hooyo Iyo Ani

unugyada ka difaaca jirka jeermiska keena

cudurada. Waxaana loo tixgeliyaa inay tahay

waxa ugu dabiicisan oo siiya caruurta cunto

caafimaad leh. Hase yeeshee, waxaan ognahay

in qof kasta uusan naas nuugin karin. Addiga

oo kaliya ayaa ogsoon haddii naas nuuginta

ay tahay mid u fiican addiga iyo ilmahaaga.

Haddii naaska lagaa qalay, kala hadal

dhakhtarkaaga umuliya naas nuuginta. Waa

muhiim inaad ogaatid inaadan naas nuugin

haddii aad qaadato muqaadiraad ama cabtid

aalkolo. Haddii aad qaadatid muqaadiraad

ama cabtid aalkolo, waa inaad ilmahaaga u

daryeesha addigoo siinaya caanaha dhalada

ku jira.

Dhalo Siinta Ma U

Fiican Tahay Addiga Iyo

Ilmahaaga?

Haddaad go’aansato inaadan nuugin naaska

ilmahaaga, waxaad siin kartaa caanaha

diyaarka ah. Haddii aad isku qorto mashruuca

WIC, waxay ku siin karaan warqadaha lagu

qaato caanaha diyaarka ah. Waa muhiin IN

AADAN nuugin ilmahaaga naaska haddii aad

qaadatid muqaadiraad ama cabtid aalkolo.

Faa’iidooyinka Naas Nuuginta

U Leedahay Naftaada

Naas Nuuginta:

• Waxay isu soo dhaweysaa addiga iyo

ilmahaaga.

• Waxay kaa caawintaa inaad lumiso miisaan.

• Waa lacag yartahay.

• Wey sahal badan tahay – markastan waa

diyaar!

• Waxay yareeysaa fursadaha ama

dhibaatooyinka keena dhiig baxa.

• Waxay yareeysaa fursada keenta

kankarada gasha xubinta abuurta ugaxa

dumarka oo Afka Ingriiska loo yaqaan

ovarian cancer.

• Waxay yareeysaa fursada keenta

kankarada naasaha oo ku dhaca dumarka

marka dhiiga ka tagaayo.

18

• Waxay yareeysaa fursada keenta inuu

kugu dhaco cudurka gala lafaha oo

Afka Ingriiska loo yaqaan osteoporosis

-oostiyoobaroosis (lafaha jirka oo noqda dafiic).

• Waxay kaa caawinta in si deg deg leh ilmo

galeenka ku noqdo cabirkiisii hore.

Faa’iidooyinka Naas Nuuginta

U Leedahay Ilmahaaga

Naas Nuuginta:

• Ilmahaaga si fiican ayuu u dheef

shiidaa caanaha naaska.

• Waxay leeyihiin unugyada jirka ka

difaaca geermiska cudurada keena.

• Waxay yareeysaa fursada ilmahaaga

ugu dhaco hurgumada sanbabaha iyo

hargabka.

• Waxay yareeysaa fursada ilmahaaga

ugu dhaco hurgumada gasha dhagaha.

• Waxay yareeysaa fursada ilmahaaga

ku noqdo mid miisaan badan.

• Waxay yareeysaa fursada ilmahaaga

ugu dhaco dhimasha lama filaanka ah

(Afka Ingriiska loo yaqaan SIDS).

• Waxay yareeysaa fursada ilmahaaga

ugu dhaco dhibaatooyinka caloosha,

sida hawada caloosha gasha, calool

maroojiska (calool xanuunka ilmaha u

keena oohin badan), dhiliqa, shubanka

iyo/ama xaarka oo ku dhega.

• Waxay ka difaacdaa ilmahaaga xasaasiyada

iyo neefta.

Faa’iidooyinka Dhalo Siinta

Dhalo siinta:

• Waxay ka dhigtaa sahal inaad ogaatid

qiyaasta caanaha ilmahaaga cabo.

• Kuuma keenaan naas da’id ama hoorid.

• Waxay yareeysaa dhacdada naasahu

kugu danqado (ama kaaraan).

• Waxay u soo dhaweysaa ilmahaaga

aabahood ama dadka qoyska.

• Waxay ku siisa xornimo aad ku quudisid

ilmahaaga goobaha bulshada.


Asaaska Hooyo Iyo Ani

• Ilmahaagu markasta wax ma cuno.

• Ilmahaaga dhaqso ayuu u soo koraa

miisaan.

• Kama walwashid waxaad cuntid siiba

cuntada leh basbaaska, xawaashka ama

kaafiinka u keena ilmaha calool xanuun.

• Waad qaadan kartaa daawooyinka

aadan qaadan karin markaad naaska

nuugineysid, sida daawada qalalaka.

• Waxaad ilmahaaga u dhiibi kartaa

qof markaad shaqo aadid ama aad

xanuunsan tahay.

• Ilmahaaga wuu ka xijaaban yahay

sunta ama kiimikada naaska u soo

gudbin karto.

Haddii Aad Go’aansato

Inaad Naas Siisid:

Ogsoonow waxay qaadataa waqti,

dadaal, iyo jaceel. Xasuusnow - in

AADAN siin naaska ilmahaaga haddaad

qaadatid muqaadaraad ama aad cabtid

aalkolo. Halkani waxaa ku qoran

nasteexo ooga dhigta naas nuuginta

sahal addiga iyo ilmahaagaba:

• Raaxeyso kana dhig naftaada

istareex. Isku day noocyaha

badan ee naas nuuginta addigoo

isticmaalaya barkin kor u qaada

addiga iyo ilmahaagaba.

• Xaji naasahaaga markaad

nuugineysid ilmaha. Hoos ka saar

farahaaga naaska, suulkaadana ka

saar kor

• Hubi in ilmahaaga yahay murtaax

ku fiiriya.

• Ilmahaagu ma furo afkiisa si

dhaqso leh. Ku xadadatee afkiisa

naaska ibtiisa.

• Waa muhiim inaad bedesho

sidaad ilmahaaga naaska u nuugo

si aad ooga hortagtid xanuunka

ibta (fiiri taswiirahaan).

• Hubi inaad naaska ku aadisid

ilmahaaga. Ilmahaagu wuxuu u

19

baahan yahay inuu geliyo afkiisa ama

afkeeda ibta oo idil iyo naaska intiisa

hore. Ilmahaaga sankiisa iyo garkiisa

waa inay taabtaan naaska. Hubi inaad

siiso ilmahaaga boos uu ku neefsado.

Tani waxay hubisaa in ilmaha u nuugo

naaska sida saxda ah una helo nafaqaduu

u baahan yahay.

• Sii naaskaada ilmaha sida ugu dhaqso

badan markaad dhasho. Tani waxay

caawintaa in caano soo galaan naaska.

• Markaad naaska nuugineysid cab koob

weyn oo biyo ah, dheecanka miraha,

Gacan Qabasho: Ku

tiiri ilmahaaga gacan,

kuna qabo naaskaada

gacanta kale.

Banooni Qabasho:

Kor saar ilmahaaga barkin

dhinacaada taal, lugahana

mari gacantaada hoosteed.

Isku day qabashadaan

marka caloosha lagaa qalo.

Dhinaca u seexo. Tani waxay fiican tahay naas

nuuginta habeenkii. Uma baahnid inaad gadgadoonto

sidaad u bedeshid naaska. Isku day in aadan seexan.


Asaaska Hooyo Iyo Ani

ama caano. Waxaad u baahan tahay

inaad cuntid cunto caafimaad leh markaad

naaska nuugineysid.

• Caanaha naaska waa cuntada kaliye

ilmahaagu u baahan yahay.

• Waa muhiim inaad labada naasba siisid

ilmahaaga mar kasta. Ka biloow naaskii

ugu danbeeyey markaas bilaabeysid

naas nuuginta.

• Habeen iyo maalinba sii naaska ilmahaaga

labado ama saddex saacba mar.

• Haddaad aragtid in ilmahaagu baahan

yahay sii naaska.

• Saar funaanad ama buste garabkaada

sidaad u hesho asturaad. Gasho shaati

ama dhar aad hoos u dhigi kartid ama

kuwo guluus leh.

• Inta badan ilmahaagu wuxuu nuugaa

naaskiiba 10 ilaa 15 daqiiqo.

• Markaad naas nuuginta dhameyso isticmaal

farahaaga inaad ooga taraarixisid

naaska afka ilmahaaga. Tani waxay

joojisaa naas nuuginta ilmahaagana

waad ka qaadi kartaa naaska.

Haddii Aad Go’aansato

Dhalo Siin

Ogsoonow inay qaadato waqti iyo jaceel.

Halkani waxaa ku qoran nasteexo ooga

dhigta dhalo siinta sahal addiga iyo

ilmahaagaba:

• Hel waqti khaas ah, la hadal, u hees,

taabona ilmahaaga.

• Ku dhaq biyo qandac ah oo leh saabuun,

si fiican u biyo raaci dhalooyinka.

• Dhaq gacmahaaga ka hor intaadan diyaar

ka dhigin caanaha.

• U sameey caanaha sida laguu tilmaamay:

CAANAHA ISTICMAALKOODA

DIYAAR YAHAY

Ha ku darin biyo.

CAANAHA ADAG

Ku dar biyo la’eg caanaha adag.

Tusaale: Afar (4) waqiyada (ounce)

oo caano ah, isticmaal 2 waqiyad oo

caanaha adag ah iyo 2 waqiyad oo biyo ah.

20

CAANO BOOLBARO

Ku qas 1 qaado boolbaro ah iyo 2 waqiyad

oo biyo ah.

Tusaale: Afar (4) waqiyada (ounce)

oo caano ah, isticmaal 2 qaado oo

boolbaro iyo 4 waqiyad oo biyo ah

• Ku kululeey caanaha koobi biyo kulul ku

jiraan dhexdiisa. Xasuusnow markasta

inaad ku tijaabisid kuleelka caanaha

gacantaada intaadan siin ilmahaaga.

MARNA ha gelin caanaha maykaroweefka

(microwave).

• Sii caanaha ilmahaaga muddo 30 daqiiqo

gudaheed. Haddii ilmahaaga qaadanin

caanaha oo idil tuur waxii soo hara.

• Ku keydi qaboojiyaha caanaha aadan

isticmaalin. Caanaha adaga iyo kuwa

diyaarka ah waa in la isticmaalo 48 saac

gudaheeda. Caanaha boolbaraha oo la

qasay isticmaal 24 saac gudaheeda.

• Soo dhawee kana qabo madaxa ilmahaaga

si fudfud markaad siineysid caanaha dhalada.

• Kor qabo caanaha dhalada sidaad u

joojisid inay hawo gasho caloosha ilmaha.

Waa inaad ka aragtaa hawo dhalada

markuu ilmaha caanaha cabaayo.

• Marna ha ku tiirin caanaha dhalada

ilmahaaga.

Sideen U Ogaada

Inuu Gaajeesan Yahay

Ilmaheygu?

• Ilmahaagu waxaa laga yaabaa si dheeraad

leh inuu u fiijigsan yahay.

• Ilmahaagu waxaa laga yaabaa inuu wax

raaraadiyo (dhinacyada ayuu ka raadiyaa

naaska).

• Ilmahaagu waxaa laga yaabaa inuu

nuugo gacmaha ama mujuruqa ilmaha

lagu sasabo.

• Ilmahaagu waxaa laga yaabaa inuu calaanjiyo

bushimaha.

• Ilmahaagu waxaa laga yaabaa inuu furo

afka haddii aad ka taabatid.


Marka ilmahaaga ku tusiyo calaamadaahaas

wuxuu bilaabaa oohin haddii aan wax la siin.

Sideen U Gartaa Haddii

Ilmaheygu Helay Caano Ku

Filan?

Markaad dhameeyso caano siinta, waxaa

laga yaabaa in ilmahaagu seexdo. Tani waxay

kuu sheegeysaa in ilmahaaga qanacsan

yahay. Ilmahaagu waa inuu buuxiyaa 6 ilaa

8 xifaayad oo kaadi ah maalintiiba, iyo ugu

yaraana 2 xifaayad oo xaar leh. Haddii

caanaha dhalada la siiyo, ilmahaagu wuxuu

cabayaa 1ilaa 2 waqiyadood oo caano ah.

Cadadani waxay kordheysaa tartiib marka

ilmaha weynaado.

Daacsiinta Ilmahaaga

Asaaska Hooyo Iyo Ani

Waa u muhiim daacsiinta ilmahaaga.

Haddaad siiso caanaha dhalada, daaci

ilmahaaga hadda dhashey markaad siiso 1

waqiyadiiba mar. Marka ilmahaagu gaaro bil,

daacisii dhex bartanka iyo dhamaadka caano

siinta. Haddaad naaska siiso, daacsii inta u

dhexeysaa labada naas iyo dhamaadka naas

nuuginta. Daacsiga wuxuu qaadaa hawada

ilmahaaga caloosha ka geli karta. Haddii

aadan caadsiin ilmahaaga waxaa ku dhici

kara calool.

Sidaad u daacsiyo ilmahaaga, si fudud

ka dharbaax ama u salaax dhabarkiisa.

Xiligaan waa u fiican yahay aabaha, ayeeo/

awoowe, ama wehelkaada inay ka soo qeyb

galaan quudinta ilmahaaga. Ha ka walwalin

daacsiinta markasta, waxaa jira caruur aan

daacsan.

Lisida Iyo Keydinta

Caanaha Naaska

Mararka qaarkoo waxaa laga yaabaa inaad

maqnaatid xiligi ilmahaagu rabo in naaska

la siiyo. Dad kale ayaa siin kara ilmahaaga

21

caanaha naaska oo aad listay. Naaska waxaa

lagu siisaa mashiin gacanta ah ama mid

batari ama koronto leh. Qarashka lisida way

kala tahay.

Sidee U Lisaa Naasaheyga?

• Dhaq gacmahaaga.

• Raac tilmaamta ku qoran mashiinka

naaska lagu liso.

• Caanaha naaska waxay leeyihiin midab

cad ama buluug khafiif ah.

• Ku shuc caanaha weel caag ah (danbiilo

ama dhalooyin caag ah).

• Ku dhaq mashiinka lisa naaska biyo

saabuun qandac leh.

• Haddaad isticmaashid danbiilo caag

ah, ku xir cinjir, kuna qor korkeeda

taariikhda, gelina danbiisha dabiil ka

weyn oo aan ku dhegi karin qaboojiyaha.

• Haddaad isticmaasho dhalooyinka

caaga ah, si adag u xir, hana gelin qaboojiyaha

ibta dhalada.

Sideen U Keydiyaa

Caanaheyga?

• Caanaha naaska waxaa lagu keydin

karaa qaboojiyaha 48 saac ka dib

marka la liso.

• Dhalaali caanahaad listay 48 saac ka hor.

• Caanaha naaska waxaa la keydin karaa

3 bilood ayood laga dhigo baraf ama 6

bilood marka qaboojiyaha aad u barafeysan

la galiyo.

• Ha ku keydin caanaha naaska albaabka

hortiisa maxayeelay xaraarada albaabka

way hooseysaa.

Sideen U Dhalaaliyaa

Caanaheyga?

• Si tartiib leh u dhalaali caanaha qaboojiyaha

ku jira.

• Si degdega leh ee loo dhalaaiyo caanaha

waa addigoo caaga caanaha ku jira hoos

dhiga biyaha qandaca ee tubada.


Asaaska Hooyo Iyo Ani

• Marna ha isticmaalin maaykarooweeyfka

(microwave).

• Ha sameyn inaad ku dhalaalisid caanaha

xaraarada qolka.

• Ha qabojin mar kale caanahaad dhalaalisay.

• Tuur caanaha naaska oo ku hara dhalada.

SADDEXDA

BILOOD EE

SADDEXAAD

Waxbarashada Dhniinka

Caruurta

Markaad ka fikirtid inaad dhaleeyso

ilmahaaga, waxaad dareemeysaa walwal

iyo cabsi. Dariiqa kaliye oo aad ku yareen

kartid walwalka waa addigoo taga fasallada

barashada dhalmada ee laga bixiyo

cusbitaalkaad qorsheysatay inaad ku

dhashid. Dhakhaatiirta umuliya qaarkood

waxay ku bixiyaan fasalladaas xafiiskooda.

Fasalladaan ma aha fasallo dhalmada

dabiiciga ah ku bara. Passport Health Plan

waxay bixiyaan qarashka fasallada weyna

kaa caawini karaan qarashka qaadiidka

haddaad u baahato.

Fasallada Barashada Dhalmada Waxaa Ku

Jiri Karo:

• Sidaad u ogaan laheyd marka foosha

ku qabato.

• Qoormaa waci kartaa dhakhtarkaada

umuliya.

• Qoormaa tagi kartaa cusbitaalka.

• Maxaad filaneeysaa marka fooshu ku

qabto.

• Daawada joojisa xanuunka foosha.

• Waxaad filaneeysid marka ilmahaaga

dhasho.

• Qalniinka Caloosha oo Afka Ingriiska

loo yaqaan Cesarean - sesaariyaan (csection).

22

• Waxaad filaneeysid markaad umusho .

• Naas nuuginta

• Dhalo siinta.

• Waxaad ka filaneysid ilmahaaga hadda

dhashay.

• Sida loo xanaaneeyo ilmahaaga hadda

dhashay.

• Booqasha meesha lagu foosho iyo dhalo,

qeybta qalniinka, iyo qeybta umulaha.

Sidaad u bilaawdid fasallada, fadlan ka soo

wac Hooyo Iyo Ani lambarada soo socda:

502-585-7984

1-800-578-0636, riix 4 xili kasta,

ka dibna garaac qeybta 7984

502-585-8358

1-800-578-0636, riix 4 xili kasta,

ka dibna garaac qeybta 8358

502-585-7330

1-800-578-0636, riix 4 xili kasta,

ka dibna garaac qeybta 7330

Si Habla espanol porfavor llame:

502-585-8225

1-800-578-0636, riix 4 xili kasta,

ka dibna garaac qeybta 8225

U Dhiyaargaroowga

Foosha Iyo

Dhalmada

Waa xiligii aad dhali laheyd! Waan la

soconaa in diyaargaroowga dhallida

ilmahaagu u tahay noloshaada dhacdo weyn.

Waa muhiim inaad ogaatid in dhalmada iyo

bilowga foosha u kala duwan tahay dumar

kasta. Waxaad ogaataa in fool ku heyso

marka xanuun ku qabto ama biyaha ilmo

galeenka ku jira ay dilaacaan. Fasallada

lagu barto dhalmada ayaa kaa caawini kara

u diyaargaroowga foosha iyo dhalmada

ilmahaaga cusub.


Asaaska Hooyo Iyo Ani

Waqtigeed Waci Kartaa

Dhakhtarkaaga Umuliya?

• Haddii qabashada xanuunka foosha u

dhaxeyso 5 ilaa 10 daqiiqo, yahayna

mid joogto ah.

• Haddii biyaha ilmo galeenka ku dilaacaan

hubi inaad aragto midabkooda

iyo xiliga ay dilaaceen, una sheeg

dhakhtarkaaga umuliya.

• Haddii dhiig kaa socdo.

• Haddii aadan hadli karin marka xanunka

foosha ku qabto.

• Haddaad ka walwalsan tahay naftaada

iyo ilmahaaga.

Haddaad u maleyneysid in fool ama dhib

ku heyso, wac dhakhtarkaaga umuliya

xili kasta, habeen iyo maalin. Haddaad

isku aragtid calaamadaha foosha,

dhaktarkaaga umuliya uusan ku soo wacin,

tag cusbitaalkaad qorsheysatay inaad ku

dhasho. Kalkaaliyaasha cusbitaalka ayaa

waci doona dhakhtarkaaga umuliya.

Maxaan Cusbitaalka U

Qaataa?

Waxaa laga yaaba inaad qaadatid labo

boorso, hal boorso oo aad u diyaarisay

foosha iyo boorso kale oo aad isticmaashid

markaad dhasho.

Waxyaabaha Lagu Rido Boorsada

Foosha

� Kaarka Passport Health Plan iyo kaarka

Medicaid (kan xaanshida ah).

� Liiska daawooyinka aad qaadatid maalin

kasta.

� Subaga bushimaha la mariyo.

� Kaalsooyin ama luga gashad culus.

� Waxaad xoog saartid inaad fiirsid,

sida masawirka qof khaas kuu ah.

� Nacnac adag haddii dhakhtarkaaga

umuliya kuu ogolaado.

23

� Liiska lambarada talefoonka dadkaad

jeceshahay inaad u sheegtid dhalashada

ilmahaaga.

� Muraayada indhaha ama tan isha korkeeda

la saaro haddad u baahato inaad

isticmaashid.

� Xariga timaha lagu xiro oo dib isugu

celiya .

Waxyaabaha Lagu Rido Boorsada

Markaad Dhashid

� Naaso xejis ku le’eg.

� Dharka lagu seexdo habeenkii.

� Dacas.

� Alaabta shaqsiga ah sida cadayga,

daawada cadayga, shanlo ama buraash.

� Dhar nadiif ah oo aad u gashatid

markaad aadeysid gurigaada.

� Dhar nadiif ah oo aad u gelisid

ilmahaaga markaad geyneyso guriga.

� Bustaha caruurta.

� Kursiga gaariga ee caruurta.

Maxaa Dhaca Markaad

Tagto Cusbitaalka?

Cusbitaalada way kala duwan yihiin laakiinse

waxaa laga yaabaa in:

• Aad buuxiso warqada ogolaanshaha.

Hubi inaad siisid kaarkaaga Passport

Health Plan iyo kaarka Medicaid (kaarka

xaanshida ah).

• Lagu saaro kursiga curyaamada laguuna

kaxeeyo qeybta foosha iyo dhalmada.

• Laguu geliyo dharka cusbitaalka.

• Kalkaaliya kaa fiiriyo gudaha kuna weydiiyo

uurka iyo fooshaada. Xasuusnow,

inaad daacad u noqoto kalkaaliyaha ku

caawinaayo.

• Lagugu xiro ilaaliye uur ku jire. Ilaaliyaha

uur ku jire wuxuu qoraa wadno

garaacista ilmahaaga iyo xanuunka

foosha.

• Cunto lagu siin, laakiinse lagu siiyo

jabab baraf ah.


Asaaska Hooyo Iyo Ani

• Kalkaaliyaha kaa cabiro cadaadiska

dhiiga iyo xaraarada jirkaada.

• Kalkaaliyaha waco dhakhtarkaaga umuliya.

Waxaa laga yaaba in dhakhtarkaaga

umuliya ku soo booqdo.

• Kalkaaliyaha ku siiyo faleebe iyo

daawadaad u baahan tahay.

Sidee Foosha u eg Tahay?

Foosha way u kala duwan tahay dumarka.

Xanuunka foosha waa xanuun kaa qabta

dhabarka iyo gumaarka sida xanuunka

caadaada. Xanuunka foosha waxay

caawintaa inay furto dhuunta ilmo galeenka

dhashidna ilmaha. Waxaad dooran

kartaa inaad qaadato daawada xanuunka

foosha. Waa muhiim inaad xasuusatid

inaad neefsatid marka xanuunka foosha

ku qabato, iskuna daydid inaad debciso

jirkaada haddaad qaadatay daawo.

Neefsashada iyo debciska jirka marka

xanuunka foosha ku qabato waxay caawintaa

furitaanka dhuunta ilmo galeenka.

Sideen Ugu Neefsadaa

Xanuunka Foosha?

Si Tartiib Leh U Neefso

• Si hoose ugu neefso addigoo gudaha

iyo banaanka keenaayo hawada marka

xanuunka foosha kugu bilaabto.

• Tiri ilaa 2, addigoo si tartiib leh uga

neefsada sanka.

• Tiri ilaa 2, addigoo si tartiib leh uga

neefsada afka.

• Ku celi neefsashadaas markaste marka

xanuunka foosha ku qabato.

• Si hoose ugu soo jiid neeftaada gudaha

iyo banaanka marka xanuunka

foosha kaa istaago.

• Is debci.

Dib U Habeenta Neefsashada

Marka xanuunka kugu raago, waxaa laga

yaabaa inaad u baahan tahay inaad bedesho

qaabka neefsashada sidaad u habeyso:

24

• La biloow u qaadashada neefta gudaha

iyo banaanka marka xanuunka foosha

ku qabato.

• Tiri ilaa 2, addigoo si tartiib leh uga

neefsada sanka.

• Tiri ilaa 2, addigoo si tartiib leh uga

neefsada afka.

• Ku celi neefsashadaas markaste marka

xanuunka foosha ku qabato.

• Si hoose ugu soo jiid neeftaada gudaha

iyo banaanka marka xanuunka

foosha kaa istaago.

• Is debci.

Neefsasho Neef Tuur leh

• Waxaa laga yaabaa inaad u baahan

tahay inaad neef tuurtid markaad u

soo dhawaato riixista ilmaha caloosha

ku jira. Neef tuurka waxay kaa caawintaa

inaad dareento cadaadiska xanuunka

foosha.

• Si hoose ugu soo jiid gudaha iyo banaanka

neef tuurka marka xunuunka

foosha ku qabato.

• Si hoose ugu soo jiid gudaha iyo banaanka

neef tuurka, addigoo geeya

carabkaaga afka korkiisa marka xunuunka

foosha ku qabato.

• Si hoose ugu soo jiid gudaha iyo banaanka

neef tuurka marka xanuunka

foosha kaa istaago.

• Is debci.

Sideen U Riixaa?

Hambalyo, ilmahaaga wuu soo bixi rabaa.

Riixista waa shaqo adag. Waxaa laga yaabaa

inaad daalan tahay, faraxsan tahay cabsina

ku heyso. Maqal dhakhtarkaaga umuliya iyo

kalkaaliyaha raba inay ku caawinaan. Riixista

marka xanuunka foosha ku qabto waxay

caawintaa ilmahaaga inay soo galaan kafka

ama dhuunta ilmo galeenka. Kalkaaliyaha

ayaa ku sheegeysa inaad gudaha u jiidid

neef dheer aadna celiso ilaa la tiriyo ila

iyo 10 kuuna sheegto inaad hoos u riixdo

ilmaha sida saxarada. Waxaa laga yaabaa


inaad saan sameysid 2 ilaa 3 goor marka

xanuunka foosha ku qabto. Marka xanuunka

tago, waa muhiim inaad si hoose neefta ugu

soo jiido gudaha iyo bannaanka. Waa muhiim

ilmahaaga inaad u neefsatid sidaas. Is

debsci marka xanuunka foosha ku qabato.

Sideen Ku Gartaa

Ilmaheygu Inay Dhasheen?

Marka ilmahaaga dhasho waxaad maqleysaa

oohin. Dhakhtarkaaga umuliya ayaa nadiifis

ku sameeya sanka iyo afka ilamahaaga

wuxuuna jari mandheerta ku taal. Indhaha

ilmahaaga waxaa lagu shubi dhibco daawo

leh. Kalkaaliyaha waxay addiga iyo ilmahaaga

gacmaha ooga xireysaa giginta oqoonsiga.

Mandheerta waxay soo baxdaa marka

ilmahaaga dhasho. Foosha way dhamaatay.

Maxaa Dhaca Marka

Foosha Dhamaato?

Asaaska Hooyo Iyo Ani

Marka foosha dhamaato, waxaad

dareemeysaa hurdo, baahi, ama farax.

Lugaha waxaad ka dareemeysaa dhafiicnimo.

Waxaa laga yaabaa inaad ooysid. Ilmahaaga

waxaa laga yaabaa inuu kula joogo muddo

yar, ka dibna kalkaaliyaha ayaa geyso

meesha ilmaha lagu xanaaneyo. Kalkaaliyaha

waxay ku soo kormeereysa si joogto leh.

Waxay baareysaa cadaadiska dhiigaada,

dhiig baxa, iyo in ilmo galeenkaada adkaado.

Wax yar kadibna waxay ku geeyneysaa

qolka umusha.

Qorsheynta Aadista Guriga

Hanbalyo! Wax fiican ayaad sameysay!

Waa xiligii guriga aad tegi lahayd addiga

iyo ilmahaaga.

Xasuusnow inaad dhib tusin naftaada

ayaamaha hore ee umusha. Sida ugu badan

ee suurto gal u tahay u naso, istreexna.

Ogolaaw, haddii reerkaada iyo saaxiibadaa

ku caawini karaan. Ha hilmaamin markaad

umusha ka baxdo inaad la sameystid

25

balanta baarista dhakhtarkaaga umuliya.

Dhakhaatiirta umulisa way kala duwan

yihiin, laakiinse haddaad caadi u dhashid

dhakhtarkaaga umuliya wuxuu doonayaa inuu

ku arko 6 usbuuc ka dib. Haddii lagu qalay,

dhakhtarkaaga umuliya wuxuu ku arki karaa

2 ilaa 4 usbuuc, hadana usbuuca 6aad

Noqo Hooyo Fiican

Noqoshada hooyo fiican micnaheedu

waxay tahay addigoo daryeela naftaada

iyo ilmahaaga. Waa go’aan fiican oo aad

sameyso. Caruurta oo idil waxay u baahan

yihiin jeceel. Waxay u baahan yihiin dareen

diiran oo nabad leh. Caruurta waa in

heysmada iyo koolkoolinta lagu kibrin. Ma

aha midaan caadi ahayn haddaad dareentid

xanaaq. Haddaad daryeel siin karin ilmaha

ama aad ka madluunsan tahay inaad ka

kacdo sariirta, soo wac dhakhtarkaaga

umuliya ama ka soo wac kalkaaliyaha Hooyo

Iyo Ani 1-800-578-0603.

Dhalmada

Qalniinka

Waa Maxay Dhalmada

Qalniinka?

Dhalmada qalniika oo Afka Ingriiska

loo yaqaan cesarean - seseeriyaan (ama

c-section) micnaheedu waa qalniin lagu

sameeyo caloosha. Dhalmada qalniinka

waxaa la sameeya marka dhalmada caadiga

ah ay kuu noqon mid nabad leh.

Waxaad u baahan tahay dhalmada qalniinka

marka:

• Ilmahaagu ka tago booska caadiga ah

(ilmahaaga futadiisa ama lugahiisa

ayaa hor yimaada).

• Ilmahaaga si khaldan ayuu booska ugu

jiraa (garabka ilmahaaga ayaa soo hor

baxa).


Asaaska Hooyo Iyo Ani

• Ilmahaaga waxuu ku jiraa khatar

(garaaca wadnaha ayaa badalma ama

istaaga marka xanuunka foosha ku

qabato).

• Fooshaada uma socoto sida la rabo

(dhunta ilmo galeenka ma furmin kuli

ama madaxa ilmaha ma soo gelin dhuunta

ilmo galeenka).

• Waxaad qabtaa cudurada galmada laga

qaado oo u waxyeelo u geysan kara

ilmahaaga.

• Horay ayaa laguu soo qalay ama ilmo

galeenkaada loo soo qalay.

• Caafimaadkaaga ayaa ku jir khatar.

Tusaale, haddaad qabtid dhiig karka

uurka ama qalalka uurka (dhiig kar

sare).

• Ilmahaaga aad ayuu u weyn yahay

(haddaad qabtid kaadi sonkoroowga

uurka ama kaadi sonkonroowga caadiga

ah)

• Haddaad qabtid xaalada Afka Ingriiska

loo yaqaan placenta previa - balaasenta

berfiya (mandheertaada ayaa

dabooshay dhuunta ilmo galeenka).

• Haddaad qabtid xaalada Afka Ingriiska

loo yaqaan placental abruption

-balaasentaal abrabshan (mandheertaada

ayaa ka soo go’day ilmo galeenka

ka hor inta ilmaha dhalan).

• Ilmahaaga ayaa qaba xaalada Afka

Ingriiska loo yaqaan prolapsed cord -

barolabsid koord. (Mandheerta ayaa

gasha dhuunta ilmo galeenka waxayna

isku duubduubtaa ilmaha marka xanuunka

foosha ku qabato, taaso ka jarta

ilmaha helitaanka oksigiinka).

Dhalmada qalniinka mararka qaarkood

waa mid degdegsiinyo leh maxaa yeelay

mandheerta ayaa ku duubanta ilmaha

kuna dhegta dhuunta, ilmaha oo ku jira

khatar, ama mandheerta oo ka soo go’da

ilmo galeenka. Xaaladaan waxay yareysaa

oksagiinka ilmaha helo, markaasna waa

in ilmaha si deg deg leh loo soo bixiyo.

Waxaa laga yaabaa in lagu suuxiyo (suuxdin

jirka oo dhan) haddaad horay u qaadatay

26

cirbada Afka Ingriiska loo yaqaan epidura -

ebiduura (cirbad lagu duro dhabarka siday

xanuunka badan u joojiso). Ilmaha aabahood

ama dadka ku caawina looma ogola qolka

qalniinka.

Haddii qalniinka yahay midaan deg deg

siimo lahayn, waxaa dhabarka lagaaga

durayaa cirbada suuxdinta waxaana

suuxdin ka dareeymeysaa inta ka hooseysa

naasaha. Waxaad soo kaceysaa marka lagu

qalo waxaadna dareeymeysaa cadaadiska

dhalmada. Xanuun ma dareeymeysid. Ilmaha

aabahood iyo dadka ku caawina waa loo

ogol yahay qolka qalniinka. Asaga ama

ayada ayaa madaxaada fariisan kara. Daaha

qalniinka ayaa la suri doona siduun u araga

qalmada.

Maxaa Dhaca Qalniinka Ka

Hor?

• Dhakhtarkaaga umuliya ama kalkaalisada

ayaa kuu micneyneysa sida loo

sameeyo dhalmada qalniinka.

• Waxaad cusbitaalka siineysaa ogolaansho

(waxaad saxiixeysaa warqada

ogolaanshada) qalniinka.

• Dhakhtarka suuxdinta u qaabilsan ayaa

ku soo booqan kuuna micneyn daawada

xanuunka.

• Waxaa laga yaabaa in calooshaada la

xiiro iyo timiha shuunka ama bisqanta.

• Waxaa laguu sheegaayaa inaad cabtid

daawada caloosha ka yareeysa hawada.

• Haddaan horay laguu siin faleeba, mid

ayaa lagu siin. Tani waxay caawineysaa

kalkaaliyaha inuu si fududu kuu siiyo

daawooyinka.

• Waxaa lagugu xiri tuubada kaadida

qaada waxaana heysaneysaa tuubadaas

1-2 maalmood.

• Waxaa laga yaabaa in sankaada la suro

tuubada oksigiinka si loo gaarsiiyo

ilmahaaga oksigiinka.


Asaaska Hooyo Iyo Ani

Waa Maxay Waqtiga

Qalniiku Qaato?

Ilmahaaga wuxuu dhalanayaa 5 ilaa 15

daqiiqo marka lagu qalo. Waxay qaadataa

30 ilaa 45 daqiiqo marka lagu tolaayo.

Waxaad dareemi karta caadaadis ama

matag xiligaas, laakiinse ma dareemeysid

xanuuun. Dhakhtarka suuxdinta u qaabilsan

ayaa madaxaada taagan siduu kuu caawino.

U sheeg dhakhtarka suuxdinta u qaabilsan

haddaad dareentid cadaadis.

Waa Maxay Waqtiga Lagu

Bogsoodo?

Bugsashadaadu way badan tahay haddaadan

caadi u dhalin. Waxaa laga yaabaa inaad

cusbitaalka ku jirtid 3 ilaa 4 maalmood.

Marka lagu qalo waxaad cuneysaa cunto

maraq cad ah 24 ka saac ee hore,

dhakhtarkaaga umuliya ayaa kordin kara

cuntadaada. Waxaa laga yaabaa in tuubada

kaadida qaada kugu jirto 1 ilaa 2 maalmood.

Tuubada waxaa la furaa markaad socodka

bilowdid oo aad tagi kartid musqusha.

Waxaa laga yaabaa in faleebaha ku

surnaado 1 ilaa 2 maalmood. Xasuusnow, mar

dhow ayaa lagugu qalay ilmo dhashay. Codso

isticmaalna daawada xanuunka. Markasta

isticmaal barkin yar markaad kaceysid,

qufaceysid ama dhaqdhaaq sameeyneysid.

Miyaan Lagu Qabin?

Haddaadan lagu qabin marka ilmahaaga

dhasho, ilmahaaga ma qabo aabo sharci

ah. Tani micneheedu waxay tahay magaca

aabaha lagu qori karan warqada dhalashada.

Waxaa laga yaabaa in ilmahaagu helin

faa’iidooyinka aabaha sida amniga bulshada

(oo Afka Ingriika loo yaqaan social

security - sooshaal sikiyuurati), ceymiska

caafimaadka, iyo xaquuqda dhaxalka.

Waalidka ayaa u sameyn kara xaquuqda

aabaha (aabanimada) ayadoo lagu qasbo

aabaha warqada aqoonsiga aabaha. Waxaad

ku buuxin kartaa warqdaas cusbitaalka

27

marka ilmahaagu dhasho, waaxda

caafimaadka ee degmada, xafiiska qareenka

degmada, ama xafiiska daryeelka caruurta

Waa Maxay Warqada

Aqoonsiga Aabaha

(Aabonimada)?

Warqada aqoonsiga aabaha waa dariiqa

kaliya lagu garan karo ninka ah aabaha

sharciga leh. Warqada aqoonsiga aabaha

waxay abaabushaa xiriika aabaha iyo ilmaha.

Warqada waxaa buuxiya, saxiixa, heshiis

ku gala bulshada horteed (nootaayo) labada

waalid.

Maxaa Dhaca Haddaan La

Hubin Qofka Ah Aabaha?

Baarista dhiig ayaa sheegta haddii ninku

yahay aabaha ilmahaaga. Xafiiska daryeelka

caruurta, xafiiska qareenka degmada, ama

qareen khaas ah ayaa warbixin dheeraad leh

ku siin kara.

Waalid Ahaan Waa Maxay

Xaquuqdaada?

Waalidiinta saxda ah waxay u leeyihiin la

xiirka ilmahooda xaq. Haddaan waalidiintu

ku heshiin tan, maxkamada ayaa caawini

karta. Labada waalid waxaa laga rabaa

daryeelka ilmahooda markay dhashaan. Tani

waxaa ku jira masruufka ilmaha, ceymiska

caafimaadka, iyo qarashka daryeelka ilmaha

Warbixinta dheerka leh ee xaqiijinka

aabanimada, ka soo wac Mashruuca

Aqoonsiga Aabaha ee Kantaki Kentucky

(Paternity Acknowledgement program)

1-888-675-7425.


UMUL:

DARYEELKA

NAFTAADA

Asaaska Hooyo Iyo Ani

Liiska Warbixinta ee Umusha

– Ha Hilmaamin!

Waxyaabha Muhiim Leh Oo La

Rabo Inaad Sameeysid Intaadan

Ka Tagin Cusbitaalka Ama Marka

Hore Oo Aad Gaarto Guriga:

� Ka wac Khidmooyinka Xubnaha ee

Passport Health Plan 1-800-578-0603

sidaad u qorto ilmahaaga. Weydii

masuulka Khimooyinka Xunbaha inuu

kugu caawino doorashaa dhakhtarka

caafimaadka guud ee ilmaha oo Afka

Ingriiska loo yaqaan primary care provider

(PCP). Haddaad mar hore dooratay

dhakhtarka, u sheeg wakiilka.

� La xiriir shaqaalaha keyskaada inuu

dhameeyo ku qorista ilmahaaga.

� Ka sameeyso balan dhakhtarka caafimaadka

guud ee ilmahaaga.

� Ka sameeyso balan dhakhtarkaaga

umuliya inaad aragtid xiliga umusha.

� Ka sameeyso balan mashruuca WIC (oo

bixiya cuntada, la tashiga nafaqada,

iyo helitaanka khimooyinka caafimaad).

Murugta Umusha

In ka badan nus hooyooyinka waxay

dareemaan niyo jab (Afka Ingriiska loo

yaqaan baby blues - baybi buluus) ayaamaha

hore ey dhalaan. Niyo jabkaas waxaa keena

hoormoonka ama dheecaanka jirka sameeyoo

oo hoos u dhaca. Waxaa laga yaabaa inaad

ooysid sabab la’aan, dareentid murug,

xanaaqdid, qalbiga oo sameeya isbedelo

badan, ama jirkaada uusan laheyn quwad.

Calaamooyinkaas si dhaqso leh ayey u tagaan,

inta badan labo usbuuc gudaheeda.

28

Murugta umusha waa mid ka khatarsan

niyad jabka. Waxaa laga yaabaa in murugta

umusha u baahnaato daawo ama la tashi.

Waxaa laga yaabaa inaad qabtid murugta

umusha haddii:

• Aad seexan weyso maalmo badan.

• Markasta aad jeceshay inaad seexato.

• Aad qabtid cabsi inaad waxyeelo u

geysato ilmahaaga.

• Aad qabtid cabsi markaad keli ku

tahay ilmahaaga.

• Cabsi ka qabtid inaad naftaada waxyeelo

u geysato

• Aad dareentid in aadan xukumi karin

naftaada ama noqotid dareen la’aan.

• Aad dareentid in aadan daryeeli karin

ilmahaaga.

• Maalmo isdabo joog leh ooysid.

• Aad dareentid cabsi in aadan rabin

ilmahaaga.

• Aad dareentid danbi ama qof aan wax

tari karin.

Haddaad mid ka mid ah calaamadahaas

kor ku qoran qabtid, wac dhakhtarkaaga

umuliya. Waxaad kaloo waci kartaa Seven

Counties ama Communicare:

• Haddaad xubin ka tahay degmooyinka

Bullitt, Henry, Oldham, Shelby, Spencer,

iyo Trimble, ka wac Seven Counties

1-800-264-8799.

• Haddaad xubin ka tahay degmooyinka

Breckinridge, Grayson, Hardin, Larue,

Marion, Meade, Nelson iyo Washington,

ka wac Communicare 1-270-769-1304 or

1-800-641-4673.

Waa muhiim inaad u sheegtid

dareenkaada dadka kale.


Asaaska Hooyo Iyo Ani

Daryeelka Naftaada

Markaad Umushid

Dhallida ilmahaaga waa xili xamaasad leh.

Caafimaadka ilmahaaga waa muhiim. Sidoo

kale, waa muhiim daryeelka naftaada.

Hooyada mar dhow illmaha dhashay, waa

inay dhowrtaa calaamadaha digniinta leh.

Haddaad qabtid mid ka mid ah calaamadaha

digniinta leh ee hoos ku qoran, wac

dhakhtarkaaga umuliya sida ugu dhaqso

badan. U sheeg dareenkaada iyo inay kuu

sameeyaan balan.

• Daal ayaa ka batay, sidaas darteen

daryeel ma siin kartid naftaada iyo tan

ilmahaaga.

• Wareer ama madax qafiif markaad kor

u istaagto.

• Xanuun kaa qabto madaxa, dhabarka,

caloosha, ama lugaha.

• Qandho aad qabtid.

• Farax la’aan ama “dareen murug”aan tageyn.

Xataa haddii aadan qabin calaamadahaas kor

ku qoran, la sameeyso balan dhakhtarkaaga

umuliya 3 ilaa 8 usbuuc ka dib marka

ilmahaaga dhasho. Haddaad u dhashay si

caadi ah, xiliga ugu fiican waa usbuuc 4aad

ilaa 6aad ka dib markaad dhasho. Haddii

lagu qalay ama wax dhibaato leh ay jiraan,

dhakhtarkaaga umuliya wuxuu doonayaa inuu

ku arko usbuuc kowaad ama labaad ka dib

markaad dhasho. Tani waxaa la yiraahdaa

booqashada umusha. Booqashada umusha

waa muhiim maxaa yeelay dhakhtarkaaga

umuliya wuxuu hubin karaa in jirkaadu

caafimaaday. Markaad booqato dhakhtarka

waa inaad ka hadasho qorsheynta uurka soo

socda. Xasuusnow, uur ayaad yeelan kartaa

ka hor intaad helin caadada joogtada leh.

Markaad sameeysid booqashada umusho,

dhakhtarkaaga wuxuu sameeynayaa kuwaan:

• Baarista caafimaadka jirka.

• La tashi haddaad naas nuugiso.

• La tashi haddaad dareemeysid shucuurta

jirka ama maskaxda.

• La tashi haddaad rabtid inaad xukuntid

ilmo dhalista.

29

• Baarista kankarada Afka Ingriiska loo

yaqaan Pap Smear - Bab Ismiir, haddaad

u baahto. Kankaradaas waxay ku dhacdaa

afka ama dhuunta ilmo galeenka (qeybta

hoose ee ilmo galeenkaada).

Daryeel naftaada KA DIB markaad

dhashid. Ilmahaaga addiga ayuu ku tirsanaayaa!

Qorsheenta Uurarka

Soo Socda/Xiliga

Uur Yeelashada Ka

Hor

Uur- yeelasha ka hor waa xiliga ka horeeya

intaadan yeelan uur. Dumar badan ayaan

garan inay uur leeyihiin ilaa ay gaaraan

dhowr usbuuc,. Dhibaatooyin badan ayaa

dhalan kara xiligaan.

Siinta ilmahaaga koriimo fiican waxay

bilaabataa markaad caafimaadka ilaalisid

intaadan yeelan uur. Qorsheynta iyo

daryeelka naftaada intaadan uur yeelan

waa waxa ugu fiican oo aad u sameyn karto

naftaada iyo tan ilmahaaga. Waa muhiim

inaad caafimaad qabtid markaad uur leedahay.

Haddaad qorsheysato inaad uur yeelato,

waxaa jira tilaabooyin kaa caawini kara

caafimaadkaaga iyo tan ilmahaaga:

• Qaado maalin kasta fitimiinaadka isku

jirka ah oo leh 400 mikaroograam oo

xadiidka dhiiga siyaadiya. Xadiidka

dhiiga siyaadiya waxay ka hortagtaa

cilidaha ilmo ku dhasho. Tani waa u

muhiim uurkaaga markuu yahay 4ta

usbuuc ee hore.

• Ha cabin sigaar, aalkolo, hana qaadanin

muqaadiraad.

• Ha isticmaalin daawooyinka saaran

miisaadka farmashiyaha.

• Ka fagoow dhibka.

• Ka fagoow waxyaabaha waxyeelada

leh, sida sunta cayayaanka iyo raajada.


Asaaska Hooyo Iyo Ani

• Ha taaban saxarada mukulaasha ama

bisada, xilibka ceyriinka ah, ama cunidda

ukunta ceyriinka ah. Tani waxay kuu

keeni kartaa hurgumada Afka Ingriiska

loo yaqaan toxoplasmosis -

toksoobalaasmoosis oo keeni kara

ciladaha ilmaha ku dhasahaan.

• Yareey isticmaalka macaaneysada aan

dabiiciga aheyn iyo kaafa’iinka.

• Cun cunto qiyaasan oo caafimaad leh.

• Ilaali miisaankaada, sameeyna

jimicsi. Dumarka miisaankoodo badan

yahay waxay kala kulmi karaan uurka

dhibaatooyin. Dumarka miisaankooda

yar yahay waxaa laga yaabaa inay

dhalaan ilmo ka yar miisaanka caadiga

ah.

• La sameeyso dhakhtarkaaga balanta

baarista caafimaadka ka hor intaadan

yeelan uur. Baaristaan waxaa ka mid

noqon kara:

• Taariikhda caafimaadka si aad u

aragtid haddii addiga, reerkaada,

ama aabaha ilmahaaga ay qabaan

dhibaatooyin caafimaada ama cuduro

ilmahaaga dhaxli karo.

• Baarista kankarada gasha afka ama

dhuunta ilmo galeenka.

• Baarista curdurada laga qaado galmada

ama isutaga ragga iyo dumarka.

• Cadaadiska dhiiga. Dhiig karka khatar

ayuu keeni kara markaad uur

leedahay.

Waxyaabaha kale oo aad ka fikirtid

intaadan uur yeelan:

• Habeynta maalkaada ama dhaqaalahaaga.

Ilmo dhallida way qarash badan

tahay.

• Hubi in gurigaada xasiloon yahay.

Caruurta waxay u baahan yihiin ilaalinta

nabadooda.

• Hubi in wehelkaada, reerkaada, ama

saxiibadaa ay ku caawini karaan. Korinta

caruurta dhib ayey tahay markaad

keli tahay.

30

• Qof u sheeg haddii lagugu xad gudbay.

Dumarka lagu xad gudbi jiray waxay

khatar u yihiin in xad gudubkaas kordho.

Dhakhtarka caafimaadka guud ama

kan umuliya ayaa kaa caawini kara inaad

heshid jaaliyada, bulsho, iyo kheyraadka

sharciga markaad u baahato in

lagaa caawino rabshadaha gurigaada.

• Si fiican ooga fikir go’aankaada. Ogsoonow

in waalidnimada ay ku khuseyso.

La hadal dadka caruurta leh iyo

dadka go’aansaday inay dhalin caruur.

Maqalka saxiibadaa iyo la hadalka

reerkaaga ayaa ku siin kara go’aamo

cusub oo aad ka fikirtid.

Umul -

Daryeelka

Ilmahaaga

Ku Saaban Ilmahaaga

Marxalada ka danbeeysa dhallida

ilmahaaga waxaa loo yaqaan umul. Umul waa

xiliga la xoog saaro daryeelka naftaada iyo

tan ilmahaaga

Waxa Ilmahaaga Hadda Dhashay

Sameeyn Karo Hadda (28da

Maalmood ee hore)

Ilmahaaga Hadda Dhashay Wuxuu

Sameeyn Karaa:

Aragti … waxyaabaha u jira 8 ilaa 12 halbeeg

(inches) ka fog wajigiisa ama wajigeeda.

Oohin… sidii ama siday u sheegto inayn

faraxsaneen, istareex ku jirin ama kaadi

leedahay.

Dareen… jecel in aad kor u heeyso.

Maqal … jecel inuu ama inay maqasho

hadalkaada.

Nuugis… wax kasta oo u dhaw afkiisa ama

afkeeda.

Hurdo … jecel inuu hurdo 12 ilaa 18 saac

maalintiiba (laakiise ma aha hal mar oo

kaliya).


Kaadi iyo Saxaro … waxaa laga yaabaa inaad

ka badasho xifaayada 10 goor maalintiiba!

Qofac iyo hindiso … Tani waa sidey ilmaha u

nadiifiyaan sankooda ama dhuuntooda.

Waxa Ilmahaaga Hadda

Dhashay U baahan Karo

Hadda (28da Maalmood ee

hore)

Ilmahaaga Hadda Dhashay Wuxuu U

Baahan Karaa:

Jaceel … qabasho, hab siin, shumis ama

dhunkasho, ruxid, heeso, la hadal.

Nafaqo … wuxuu u baahan yahay caanaha

naaska ama dhalada oo kaliya.

Badbaado … meel nabad leh oo uu seexdo,

loogu qubeeyo, uuna ku nasto.

Kuleel … Dhar la’eg oo kuleel iyo istareex leh.

Amaan… qof u yimaado markay ooyaan.

Wuxuu Maqlo … cod dabacsan iyo muusitiko

khafiif ah.

Wuxuu Arka … waxyaabo midab leh, wajiyo,

iyo qolal kala duwan.

Caadeeysiga Guri Jooga

Caruurta qaarkood waa ku dib inay

caadeystaan guri jooga. Haddii ilmahaaga

qabo dibaatadaan, waxaa laga yaabaa

inay qeyliyaan ayaamha hore. U adkeyso

ilmahaaga, qorsheysana inaad la qaadatid

waqti badan ayaamaha hore.

Daryeelka Cidiyaha

Ilmahaaga

Asaaska Hooyo Iyo Ani

Sidaad u daryeesho cidiyaha ilmahaaga,

waxaad isticmaali kartaa cidiyo jare ama

maqas. U jar cidiyaheeda ama cidiyahiisa

si toosan, hana u jarin qal qalooc. Waxaad

cidiyaha jari kartaa marka ilmaha seexdo.

Xasuusnow, ha ku jarin afkaada cidiyaha

ilmahaaga - waxaa ku dhici kara hurgumo.

31

Xudunta Ilmahaaga

Daryeelka xudunta ilmahaaga hadda

dhashay waa muhiim. Halkani waxaa ku

qoran sidaad u daryeeli laheyd:

• Nadiifi, qalajina xudunta. Ka laab

xifaayada ilmahaaga sideen u gaarin

xuduntiisa.

• Ku qoy aalkolo suufka dhagaha lagu tir

tiro, oogana nadiifi xudunta. Sameey

sidaan markasta oo aad ilmahaaga ka

bedeleeysid xifaayada ilaa ay xudunto

ka go’do.

• Marka xudunta soo go’do, waxaa laga

yaabaa inaad ku argto dhiig yar xuduntiisa.

Ku nadiifi suufka dhagaha lagu tir

tiro iyo aalkolo markasta oo aad ilmahaaga

ka bebeleeysid xifaayada ilaa uu

dhiiga istaago.

Wac dhakhtarka caafimaaka guud

ee ilmahaaga haddii xudunta

agagaarkeed:

• Ay noqoto guduud ama ku aragto barar.

• Ay si xun u ureeyso.

• Ay malax ka timaado. Malaxda wuxuu

midabkeedu noqon karaa cagaar ama

huruud.

• Ay ka soo baxaan firiiric malax ku

jirta.

Dharka Ilmahaaga

Ilmahaagu wuxuu jecel yahay in loo xiro

dhar istareex leh. U labis ilmahaaga sida

jawiga iyo xaraarada tahay. Waa inaad

ilmahaaga ugu labistid sidaad u labisto.

Mararka qaarkood dharka cusub waxay

leeyihiin kiimiko waxyeelo u geysan karta

jirka ama maqaarka ilmahaaga. Waa inaad

ka dhaqdid dharka cusub intaadan u gelin

ilmahaaga. Ku dhaq dharka ilmahaaga

saabuun khafiif ah sida Dreft, Ivory, ama

shaanbo addiga aad isticmaashid.


Xaqiiqda Xifaayada

Asaaska Hooyo Iyo Ani

• Isticmaal xifaayada laga sameeyo

dharka ama tan la xooro. Xifaayada

la xooro waa qaali, xataa wey ka qaalisan

tahay tan dharka la dhaqo laga

sameeyo. Haddaad dooneeysid iney

lacag badan kaa bixin, isticmaal xifaayada

dharka laga sameeyo.

• Haddaad isticmaasho xifaayada

dharka laga sameeyo, ku biyo raaci

musqusha ka hor intaadan ku ridin

baaldiga xifaayada lagu dhaqo.

• Waxaad ku radin kartaa xifaayada

dharka laga sameeyo baaldi aad ku

shubto daawada Afka Ingriiska loo

yaqaan Borateen (ku shub nus koob

Borateen hal galaan oo biyo ah).

• Ku dhaq xifaayadaha laga sameeyo

dharka saabuun khafiif ah, sida Dreft.

Hubi inaad si fiican u biyo raacisid.

• Ha isticmaalin daawada dharka jilcisa.

Kiimikada ku jirta dhar jilcisada waxay

ilmahaaga u keeni karta firiiric.

Bedelaada Xifaayada

Ilmahaaga

• Ilmaha hadda dhashay wey kaadi

badan yihiin, waxay kaadiyaan ilaa iyo

10 goor maalintiiba. Ilmahaagu waxay

istareex helaan markaad ka bedesho

xifaayada ka hor intaadan wax siin iyo

intaadan seexin.

• Si tartiib leh ooga dhaq futada ilmahaaga

maro iyo biyo saabuun leh

oo qandac ah markaad ka bedeleyso

xifaayada. Hubi inaad u dhaqdo

candhada gabadha horay ilaa gadaal.

Futo tirtire waa qaali waxayna u keeni

karaan ilmahaaga firiiric.

• Ka bedel xifaayada marka ugu hore oo

aad ogaatid inuu qooyey.

32

Dhaqdhaqaaqa Mindhicirka

Ilmaahaaga (DM waa Marka

Ilmahaagu Saxaroodo)

Dhaqdhaqaaqa mindhicirka ilmahaagu wuu

bedelmaa ayaamaha hore ee nolosha.

• Saxarada ugu horeysa waxaa la yiraahdaa

mal waana mid dheg dheg leh midab

keedana waa cagaar xigga madow.

• Maalinta saddexaad ama afaraad ee

nolosha, saxarada ilmahaagu waxay

xigtaa midabka u dhaxeeya cagaar iyo

huruud ilaa iyo bunni waxayna u ekaataa

sida miro yar yar.

• Caruurta naaska la siiyo saxaradooda

waa huruud ilaa iyo cagaar khafiif ah

waana jileec isheysta ama isheysanin.

• Waa u caadi ilmahaaga inay saxaroodaan

marka la quudiyo ama hal mar

maalin ku dhaaf. Caruurta naaska la

siiyo inta badan way ka saxaro badan

yihiin ilmaha la siiyo caanaha dhalada

ku jira.

• Ilmahaaga waxay sameeyaan waji

kaduudis, gunuunuc, ama qaylo markaay

saxaroonayaan. Tani ma aha in

ilmahaaga saxarada ku dhegtay. Haddii

ilmahaaga saxarada ku dhegto, ama

leeyahay saxaro adag oo kuus kuusan.

Wac dhakhtarka ilmahaaga haddaad u

maleysneysid in ilmahaaga ku dhegtay saxard.

Ilmahaaga Wuu Jecel

Yahay Inuu Seexdo

Ilmahaaga hadda dhashay waxaa laga

yaabaa inuu seexdo 12 ilaa 18 saac

maalintiiba. Meesha ugu nabad gelyo badan

ee ilmahaaga ku seexdo waa sariirta ama

xoolka caruurta. Ilmahaaga wuxuu u baahan

yahay jooradi adag. Ilmahaaga uma baahna

barkin. Ilmahaaga waa in loo seexiyo dhabar

dhabar ama dhinac dhinac. Waxay istareex

noqdaan marka heerka xaraarada qolka u

dhexeyso 68 ilaa 72.


Asaaska Hooyo Iyo Ani

Maqaarka Ilmahaaga

Maqaarka ama jirka ilmahaaga wuu ka

duwan yahay kaaga. Halkani waxaa ku qoran

waxyaabo aad dareemi kartid:

• Ilmahaaga wuxuu qabi karaa maqaarka

barobaro, ama bar. Tani waa caadi.

Marqaarka ilmahaaga wuxuu u ekaan

karaa meelo guduud ah iyo meelo guduud

aan ifeyn leh, sida maqaar leh kab

kab.

• Mararka qaarkood ilmahaaga waxaa ka

muuqata nabar marka la dhallo. Nabarrada

waxay u ekaan karaan guduud ilaa iyo buluug.

Marka ilmahaagu ooyo waxay u ekaadaan

madow. Nabarka wuxuu tagaa usbuucyo

gudaheed.

• Maqaarka ilmahaaga waxaa ka soo

bixin kara firiiric (nabro yar yar oo

guduudan). Firiirica waa caadi. Haddii

firiirica ka tagi waayo ama u ekaato

mid sii xumaanaayo, wac dhakhtarka

ilmahaaga.

• Waxaa laga yaabaa inaad ku aragtid garka

ama sanka ilmahaaga nabro yar yar oo

cadaan ama huruuda ah. Nabrahaas Afka

Ingriiska waxaa loo yaqaan milia - miiliya.

Milia waxaa keena saliida ku jirta daloolada

maqaarka. Waa inay ka tagaan usbuucyaha

hore ee nolosha ilmaha. Ha taabanin, ku

dhaq biyo qandac ah.

• Maqaarka ilmahaaga wuu fiiqman karaa.

Tani waa caadi. Inta badan lugaha iyo

gacmaha ayaa fiiqma. Waxaad isticmaali

kartaa burcad aan carfiso laheyn ama

subaga loo yaqaan Vaseline.

• Madaxa ilmahaaga wuxuu u ekaan

karaa guduud toxob leh. Tani waxa loo

yaqaan toxobta ilmaha ku dhashto.

Tani waxay ku dhacdaa ilmaha markii

madaxooda saliid badan yeehso.

Sidaad u nadiifiso, ku dhaq saabuun

khafiif ah ama shaanbo timaha ilmahaaga.

Marka ilmahaaga leeyahay

toxob, maalin kasta ayaad ka dhaqi

karta. Waxaad toxobta u saari karta

buraash.

33

U Qubeenta Ilmahaaga

• Dhaq jirka ilmahaaga addigoo isticmaalaya

maro ama isbuunyo, biyo qandac

ah iyo saabuunta caruurta. Ha ku

shubun biyo jirka ilmahaaga ilaa ay ka

go’do xudunta (10 ilaa iyo 14 maalmood

ee hore).

• Marka ilmahaaga xudunta ka dhacdo,

ugu qubeey waaskada ama baafka ilmaha

loogu qubeeyo.

• hubi inaad hetsatid shukumaan ama

qalajiye, saabuun khafiif ah, iyo dhar

nadeef ah markaad u qubeeyso ilmahaaga.

• Biyaha ilmaha loogu qubeeyo waa inay

ahaadaan qandhac, midaan aad u kululeen

ama aad u qabobeen. Waxaad ku

garan kartaa xaraarada biyaha addigoo

galeya suxulkaada. Haddii biyaha ay

addiga kugu kulul yihiin, ilmahaagana

way ku kulul yihiin

• Uma baahnid suuf ama suufka dhegaha

lagu tir tiro. Waxaad jirka ilmahaaga

ku dhaqi kartaa maro ama gacantaada.

Hubi inaad ka dhaqdid ilmahaaga

kilkilaha, gadaalsha dhegaha, qoorta

iyo cowrada.

• Waxaad ilmahaaga timaha ooga dhaqi

kartaa saabuunta ama shaanbada aad

isticmaasho.

• Uma baahnid inaad isticmaasho boolbare,

saliid ama kareemo markaad u

qubeeysid. Haddaad dooneysid inaad

isticmaasho wax, isticmaal burcada

ilmaha.

• Xasuunow, INAADAN ooga tagin biyaha

dhexdood ilmahaaga oo keli ah!

Daryeelka Caafimaadka

Ilmahaaga

Caruurta hadda dhasha waxay u baahan

yihiin in caafimaadkooda la baaro ka

hor intayn jiran. Markasta oo la geeyo

ilmahaaga dhakhtarka, dhakhtarka ilmaha


Asaaska Hooyo Iyo Ani

wuxuu baaraa in ilmahaaga u koraayaan si

caafimaad leh. Waxaad weydiin kartaa

dhakhtarka su’aalaha ku saabsan ilmahaaga

iyo sida loo daryeelo. (Ka fiiri Baaris Goor

Hore iyo Baaris Wareegto leh, Ugaansho

Nooca Cudurka iyo Tijaabo Afka Ingriiska

loo yaqaan EPSDT - ee Ilmahaaga boga 35aad.)

Xasuusnow, waa muhiim inaad xafido

balammada ilmahaaga u dhigo dhakhtarka.

Haddaadan imaan karin balanta, fadlan wac

xafiiska dhakhtarka ilmahaaga sida loogu

sameeyo balan kale.

Tilaalka (Ama Cirbadaha)

Ilmahaaga

Marka baarista caafimaada la sameeynaayo,

ilmahaaga waxaa la siin cirbado talaal ah oo

ka difaac cudurada la yaqaan ee caruurta.

La hadal dhakhtarka ilmahaaga markuu u

baahnaato tilaal. Marka ilmahaaga la tilaalo,

wac dhakhtarka haddaad ku aragtid qabdho

ama dhaq dhaqaaq aan sax ahayn.

Ilmahaaga wuu u baahan yahay in la tilaalo.

Waana u muhiim!

Markaad U Maleeyso In

Ilmahaaga Jiran yahay

Markaad u maleeyso in ilmahaaga jiran

yahay, wac dhakhtarkiisa intaadan tagin

xafiiskiisa ama qolka gar gaarka deg deg

ah ee cusbitaalka. Uma baahnid inaad

sameeyso booqasho aan loo baahneyn.

Dhakhtarka ayaa kuu sheegi kara waxaad

sameyn kartid ha hor intaan la baarin

ilmahaaga.

Xiligeed Waci Kartid

Dhakhtarka Ilmahaaga?

Haddii ilmahaaga:

• Leeyahay xaraarada laga qaado futada

oo la’eg ama ka badaan heerka 100.5.

• Matago (ma aha dhiliqa) in ka badan

2 qoor maalinta ama ilmahaaga uusan

cuntada u cuneyn si isdabo joog leh.

• U ooyo si badan addigana aadan

aamusiin karin.

• U aragto inuu u hurdo si aan caadi aheyn.

34

• Uusan lahey quwad uu ku ooyo, cuno

ama ku dhaq dhaqaado.

• Uu shubmo (saxaroodo) biyo in ka badan

hal mar maalintiiba.

• Firiiric korka ooga soo baxo.

• Ku dhaco hargab, qofaco, ama neefta

dhib ku noqoto.

• Sameeyo waxaad u argtid inuu jiran

yahay uusan oo san caadi u aheyn.

Sida Loo Cabbiro

Xaraarada Ilmahaaga

Waa muhiim inaad taqaanid sida loo

cabbiro xaraarada ilmahaaga. Wey fiican

tahay inaad ka hesho warbixin dheeraad

ah dhakhtarka ilmahaaga. Waad sheegi

kartaa haddii ilmahaaga xaraarad heyso

markaad ka taabatid madaxa ama jirka.

Hase yeeshe, waxaad u baahan tahay

inaad isticmaasho qalabka lagu cabbiro

kuleelka jirka oo Afka Ingriiska loo yaqaan

thermometer - tarmoomitar.

Dariiqa ugu fiican ee lagu helo ama baaro

xaraarada ilmahaaga waa addigoo isticmaala

xaraarada cabbiraha Afka Ingriiska loo

yaqaan digital thermometer - dijitaal

tarmoomitar (micnaheeduna yahay xaraarad

cabbira u shaqeeya sida ugu dhaqso

badan una sheega caddada xaraarada).

Waxaad ka cabbiri kartaa xaraarada

ilmahaaga futada (ama barida) ama kilkilada

hoosteeda. Xaraarad cabbiraha dijitaalka

ah wuxu qaataa muddo 30 il biriqsi marka la

geliyo futada ama 2 daqiido marka la geliyo

kilkilada hoosteeda. Markasta u sheeg

dhakhtarka ilmahaaga sidaan u qaaday

xaraarada ilmahaaga.

Sida Loo Cabbiraa Xaraarada Futada

(ama Barida)

• Riix guluuska, daarna xaraarad cabbiraha

• Saar ilmahaaga dhabtaada, asagoo ama

ayadoo caloosha jirto hoos lugahana

ka laad laadaan dhabtaada. Waxaad

kaloo sameyn kartaa addigoo u dhiga

ilmahaaga dhabar dhabar sida markaad

ka bedeleyso xifaayada.


• Kala qaada futada ama barida ilmahaaga

addigoo isticmaalaya hal gacan, gancanta

kalena ku geli xaraarad cabbiraha

futada ilmahaaga si tartiib leh ilaa

iyo hal beeg (ilaa ay caarada xaraarad

cabbiraha libidho). Waa caadi haddii

ilmahaaga saxaroodo markaad geliso

xaraarad cabbiraha.

• Ka saar xaraarad cabbiraha markaad

maqasho dhawaaq, ka dibna akhri lambarka

ku soo qorma dushiisa.

• Wac dhakhtarka ilmahaaga haddaad

akhriso xaraarad ka badan 100.5 heer.

Sida Loo Qaado Xaraarada

Kilkilada

• Riix guluuska, daarna xaraarad cabbiraha.

• Ka saar dharka ilmahaaga xiran yahay

xabadka iyo gacmaha.

• Geli caarada xaraarad cabbiraha

kilkisha ilmaha, ka dibna hoos ugu hey

gacan tiisa ama teeda.

• Ka saar xaraarad cabbiraha markaad

maqasho dhawaaq, ka dibna akhri lambarka

ku soo qorma dushiisa.

• Wac dhakhtarka ilmahaaga haddaad

akhriso xaraarad ka badan 99 heer.

Daryeelka Xaraarad

Cabbiraha

Asaaska Hooyo Iyo Ani

• Markasta ku dhaq xaraarad cabbiraha

suuf lagu radiyey aalkolo.

• Ku rid xaraarad cabbiraha boorso balaastiik

ah.

• Ku keydi xaraarad cabbiraha meel fiican.

Waxyaaha Laga Dheeraado

• Ha isticmaalin xaraarad cabbiraha laga

sameeyo warqada (ool la saaro madaxa

ilmaha). Waxaa laga yaabaa in aysan

sheegin xaraarada saxda ah ee ilmahaaga.

35

• Ha ka cabbirin afka xaraarada ilmahaaga.

Ilmahaaga ma ku heyn karo

afkiisa muddo badan xaraarad cabbiraha

sidaad u aragtid heerka xaraada saxda ah.

• Ka isticmaalin xaraarad cabbiraha

dhegaha la geliyo inta ilmahaaga uusan

gaarin 3 sanno ama ka badan. Duleelka

dhegta ilmahaaga waa yar yahay ama

cabbirka ma noqdo mi sax ah.

Saaxiibadaa iyo reerkiinaba waxay doonaan

inay kuu sheegaan sida loo daryeelo

ilmahaaga. Waanadooda qaarkood way fiican

tahay, qaarna wey ka duwan yihiin kuwaad

ka akhriso buugaan. Xasuusnow - haddaan

hubin, markasta wac dhakhtarka ilmahaaga

sidaad u heshid waxaad sameyn laheyd.

Asaga ama ayada ayaa kuu sheegi karta

waxa u roon ilmahaaga.

Liiska Warbixinta

EPSDT Ee Ilmahaaga

Daryeelka Ilmahaaga Addigoo

Sameeya Barris Joogto Ah Iyo Talaal

Way Ku Caawini Kartaa Baaris Goor Hore

iyo Baaris Wareegto Leh, Ogaansha

Nooca Cudurka iyo Tijaababo - Loo

Yaqaan EPSDT

Labo shey ilmahaaga u baahan yahay waa

baarista caafimaada (baaritaan) oo joogto

leh iyo talaal (cirbadaha talaalka caruurta).

Way caawini kartaa ilmahaaga barnaamijka

Baaris Goor Hore, Baaris Wareegto leh,

Ogaansho Nooca Cudurka Iyo Tijaabo

oo Afka Ingriska loo yaqaan EPSDT ee

Passport Health Plan. Barnaamijkan waa

mid ka hortaga cudurada ku dhaca caruurta

iyo dhalinyarada da’dooda tahay 0 jir ilaa

iyo 21 jir. Kala hadal EPSDT ga dhakhtarka

ilmahaaga. Asaga ama ayada ayaa kuu

sameeyn kara balammada EPSDT, sheegi

karnaa baarista iyo talaalka ilmahaaga u

baahan yahay da’ kasta uu jiro.

Baarista EPSDT waxay bilaabataa marka

ilmaha uu jir 1 bil. Xasuusnow inaad

ilmahaaga ooga sameeysid dhakhtarkiisa

balamo joogto ah. Waa u muhiim


caafimaadka ilmahaaga.

War bixinta dheeraadka leh, ka wac

Khidmooyinka Xubnaha 1-800-578-0603.

Caruurta waa inay helaan baarista

caafimaadka oo joogto leh, ama ka hor da’da

hoos ku qoran:

• Bisha 1aad • Bisha 24aad

• Bisha 2aad • Sanadka 3aad

• Bisha 4aad • Sanadka 4aad

• Bisha 6aad • Sanadka 5aad

• Bishaa 9aad • Sanadka 6aad

• Bisha 12aad • Sanadka 8aad

• Bisha 15aad • Sanad kaskta ka

• Bisha 18aad bilaabato

da’da 10-20 jir

Fiiri jadwalka talaalada (cirbadaha) hoose ku qoran.

Jadwalka soo socota waa mid lagu

taliyey inay racaan caruurta iyo

dhalinyarada.

Da’da Cirbadaha

Dhalasho ilaa 2

bilood

Hepatitis B #1

1 bil ilaa 4 bilood Hepatitis B #2

2 bilood DTap/DTP,

Polio (IPV),

Hib, PCV

4 bilood DTap/DTP,

Polio (IPV),

Hib, PCV

6 bilood DTap/DTP, Hib,

PCV

6 -18 bilood Hepatitis B#3,

Polio (IPV),

12 - 15 bilood Hib, MMR, PCV

12 - 18 bilood Var

15 - 18 bilood DTap/DTP

4 - 6 sanood MMR,

(inteyn dugsi Dtap/DTP,

bilaabin Polio (IPV)

11 - 12 sanood *MMR

*Var

Asaaska Hooyo Iyo Ani

*Hep B

* Haddii caddada talaallada qaarkood aan horay

loo siin ama ka hor la siiyay intayn gaarin da’da

loogu talo galay.

11 - 16 sano Td

2 - 18 sano Hepatitis A

Loogu talo galay in la siiyo caruurta degan

goobaha ama degmooyinka la doortay

36

Talo Siinta Nabada

Caruurta

Talo Siinta Caruurta Hadda Dhashay Iyo

Kuwa Garguurta:

• Ha ku ridin sariirta ilmahaaga xayawaanka

lagu dheelo oo laga sameeyo marooyinka

laga buuxiyo suufka.

• Markasta isticmaal kursiga baabuurka

ama gaariga caruurta la saaro. Caruurta

da’dooda gaarto 4 jir waa inay ku jiraan

kursiga baabuurka. Caruurta hadda

dhashay waa inay leeyihiin kursi u

soo jeeda gadaal. Kursiga waa inuu ku

xirnaadaa kuraasta gadaale ee baabuurka.

• Marna ha gar gariirin ilmahaaga. Haddaad

xanaaqsan tahay, saar ilmahaaga

sariirtiisa ama sariirteeda kana tag.

• Marna ha ka tagin ilmahaaga keligood.

• Marna ha ka tagin ilmahaaga keligood

marka qolka ay ku jiraan mukulaal/bisada

ama ey.

• Ka qaad ama ka saar xariga hoos ooga

xiran dharka caruurta ku seexato.

Xarigaas dhuunta ama lugaha ayey ku

duuduuban karaan.

• Alwaaxyada sariirta caruurta dhinacyada

ooga dhegan waa inay u kala fogaan inta u

dhexeyso 2 ilaa 3 hal beeg (inches).

• Alaabta ay ku ciyaaraan sariirta kor

keeda waa inay lahaan qeybo ilmaha ay

calaanjini karaan, ama soo jiidi karaan

ama ay laqi karaan.

• Haddaad isticmaasho mujuruqa caruurta

lagu sasabo, ha ku xirin dhuunta ama

biinka dharka lagu dhajiyo. Xariga ayaa

ceejin kara ilmahaaga.

• Marka ilmahaaga bilaabo gur guurad,

ka fogeey alaabta ay tiigsan karaan oo

jajabi karta oo idil. Ku xir jaranjarada

hoosteeda ama korkeeda albaabada

amniga oo loogu talo galay nabad gelyada

caruurta.

• Ka fogeey qoraxda ilmahaaga inay si

toos ah ugu dhacdo. Caruurta ka yar 6

bilood waxay qoraxda u dareemi karaan


Asaaska Hooyo Iyo Ani

si sahlan oo waxyeelo u keenta. Haddii

ilmahaaga aad banaanka la joogto, ka

dabool qoraxda. Ilmahaaga ugu labis dhar

suuf laga sameeyey oo ka daboola lugaha

iyo gacmaha. Isticmaal koofiyada sidaad

u daryeesho wajiga ilmahaaga. Ilmahaaga

waa inay jooga banaanka muddo yar. Su’aal

dhakhtarka ilmahaaga goortaad isticmaali

kartid burcadda lagu xijaabo iftiinka qoraxda.

• Intaadan gelin ilmahaaga biyaha loogu

qubeeyo ka fiiri xaraarada biyaha.

• Marna ha ooga tagin ilmahaaga meel

dheer. Marna ha ooga tagin kaligiis ama

kaligeed kuraasta fadhiga.

• Ka fogeey sariirta ilmahaaga dariishada

guriga.

• Marna ha ku kululeen dhalada caanaha

ilmahaaga maaykarooweyfka (microwave).

• Isticmaal badeecooyinka ilmahaaga u

soo gado sida loo tilmaamay inaad u

isticmaashid. Tusaale, dawaada ama

caanaha la qaso.

• Ka saar daawada meel uusan gaarin

ilmahaaga, alaabta wax lagu nadiifiyo, iyo

dhirta.

• Isticmaal burcadda xijaabta inftiinka

qoraxda oo leh SPF 15 markuu ilmahaaga

noqdo kobac. Haddii ilmahaaga kobaca ah

uu leeyahay indho iyo timo midabkooda

cadaan yahay, waxaad isticmaali kartaa

isticmaal burcadda xijaabta inftiinka

qoraxda oo leh SPF 30.

• Ka dhig gurigaada mid u gaashaansan

nabad caruurta. Dhulka dhig gacmahaaga

iyo lugahaaga, fiirina meelaha la rabo

inaad ka gaashaantid nabada ilmahaaga.

Ka qaad waxyaabaha ay gelin karaan afka

oo dhulka ama meelaha dhow yaal.

• Ku dabool daboolka amniga duleelada

korontada oo aan la isticmaalin.

• Marka ilmahaaga bilaabo gur guurad ama

socod, waa u halis waxyaabaha leh dabo

dheer oo la qabto (sida nac nac qoriga,

caddayga ilkaha, qaadooyinka). Haddii

caruurta ay dhacaan, waxyaabahaas

dhaawac ayey u geysan karaan ilmahaaga.

37

• Ku xir daboolka amniga dariishadaha

sideeyn caruurta ooga soo dhacin.

• Ka fogeey dareerayaasha kulul sida

shaaha ama biyaha kulul, inay ilmahaaga

garaan.

• Ilaali ilmahaaga markey ku jiraan jikada.

• Marna ha ooga ka tagin ilmahaaga meel

biyo leh.

• Ka fogeey in ilmahaaga gaaro bacyaasha

ama dhanbiilaha caaga laga sameeyo.

• Ka fogeey in ilmahaaga gaaro qalabka

hubka ama xabadaha, ooga xir meel aysan

gaarin.

• Baar alaabta ilmahaaga ku ciyaaro. Ka

tuur alaabta jajaban ama leh fiiq dheer oo

jirkooda goyn kara.

• Ha u soo qadin ilmahaaga alaabta lagu

ciyaaro oo geli kara afkiisa ama afkeeda.

Haddaad leedahay caruurtaa weyn, u

sheeg inay ka fogeeyaan alaabtooda

ilmahaaga yar.

• Ku qor meel fudud lambarka talefoonka

ee meesha lagu ilaaliyo sunta (502-589-

8222).

• Noqo qof ilmahaaga ka barto wax fiican.

• Baro daryeelka deg dega ee lagu neefsada

oo Afka Ingriinka loo yaqaan CPR iyo dhaq

dhaqaaq Heimlich - Haaymlish.

• Ka baar gurigaad maadada loo yaqaan lead

- leed.

• U sameey gurigaada qiiq sheegayaal

oo Afka Ingriiska loo yaqaan smoke

detectors - Ismook ditektoris.

• Sameeyso qorshaha deg dega leh haddii

gurigaada dab ka dhaco ama jawiga si xun

isu bedelo.


Asaaska Hooyo Iyo Ani

Calaamadaha

Geerida Lama

Filaanka ee Caruurta

Waa Maxay Calaamadaha Geerida

Lama Filaanka ee Caruurta?

Calaamadaha Geerida Lama Filaanka ee

Caruurta oo Afka Ingriiska loo yaqaan

Sudden Infant Death Syndrome (SIDS)

- Saddan Infant Deet Sindaroom - waa

marka ilmaha (ka yar sanad) u geeriyoodo

si lama filaan ah oo aan la ogeyn sababta

keentay geeridaas. SIDS waxaa kale oo loo

yaqaan geerida sariirta caruurta.

Sidee Ooga Yareeyn Kartaa

Ilmahaaga Dhicitaanka Geerida

Lama Filaanka Ee Caruurta

• U seexi ilmahaaga dhinac dhinac ama

dhabar dhabar. Sameey sidaan markasta

oo aad seexiso ilmahaaga hurdo yar ama mid dheer.

• HA U SEEXININ ilmahaaga calool calool.

Haddii ilmahaaga iskeed ama iskiis ugu

seexo calool calool, ka gedi

• Caruurta qaarkood waxay u baahan yihiin

inay u seexdaan dhinac dhinac. Haddii

ilmahaaga ku dhashay cilad, dilqana marar

badan marka wax la siiyo, ama leeyahay

cilad markuu neefsanaayo, sanbabaha,

ama dhibaatooyinka wadnaha, la tasho

dhakhtarka haddii ilmahaaga loo seexin

karo dhinac dhinac. Haddii ilmahaaga

u seexdo dhinac dhinac, dhig gacmaha

hortiisa ama horteeda. Tani waxay ka

ilaalisaa inuu ama inay u seexato calool calool.

• Hubi in ilmahaaga ku seexdo sariir leh

jooradi adag. Ha isticmaalin barkin, buste

duf badan leh, ama bustaha hoos loo geliyo

.• Ha ku ridin sariirta ilmahaaga alaabta

caruurta ku ciyaarto oo laga sameeyo

marooyinka suufka laga buuxiyo ama

waxyaabaha khafiifka ah oo lagu ciyaaro.

38

Haddaad isticmaashid marada buuran

oo lagu gaashaamo sariirta caruurta

dhinacyadeeda, hubi inaad si fiican ugu

xirtid dhinacyada sariirta. Caruurta

qaarkood ay isku caburiyaan maradaas.

• Ha ogolaan ilmahaaga inuu ama inay

seexdaan sariirtaada. Meesha ugu nabad

gelyo badan ilmahaaga seexdo waa

sariirtiisa ama sariirteed, ama xoolkooda.

• Ha ogolaan ilmahaaga inuu ama inay

seexdaan sariirta laga sameeyed biyaha,

kursiga fadhiga ama kuraasta kale.

• Ha ogolaan ilmahaaga inuu ama inay

seexdaan sariirta walaalkood ama

walaashood, ama mataankooda.

• Intaad kor ka saari laheyd buste, u lebis

ilmahaaga dharka xurdada oo le'eg.

• Ilmahaaga waa inaysan aad u kululaan.

Ka dhig xaraarada qolka ilmahaaga meel

dhexaad, mid aanan aad u kululeen ama

u qaboobeen. Qolku waa in addigaba ka

dhigaa istareex.

• Ha ogolaan in sigaar lagu cabbo ilmahaaga

agtood. Caruurta waxaa ku dhaci kara

geerida lama filaanka ah haddii la badiyo

fursadda agtooda ama guriga sigaar lagu cabbo.

• Wac dhakhtarkaga ilmahaaga haddaad

aragtid in ilmahaaga xanuunsan yahay.

Hubi inaad geeyso ilmahaaga balammada

dhakhtarka ee lagu baaro cafimaadkooda.

Sidoo kale, hubi in ilmahaaga qaato talaalka

caruurta markastaba (ka fiiri jadwalka

talaalka ee EPSDT boga 35aad).

• Ha cabbin sigaar markaad uurka leedahay.

Fursada in ilmahaaga ku dhacdo SIDS ayaa

sareeysa marka sigaarka la cabbo marka

uurka la leeyhay.

• Ku fikir inaad naaska nuugiso ilmahaaga.

Caanaha naaska way u caafimaad badan

yihiin ilmahaaga.

• Baro gar gaarka deg dega ah ee

neefsashada caruurta oo Afka Ingriiska

loo CPR iyo gar gaark deg dega ah sida kan

dhaawaca.


Asaaska Hooyo Iyo Ani

Mujuruqa Caruurta

lagu Sasabo

Waa u muhiim in caruurta wax nuugto.

Nuugistu waa sida caruurta wax u cunto una

dareento nabad. Marka ilmaha uusan wax

cuneyn, siinta mujuruqa lagu sasabo way ka

fiican tahay nuugista faraha, suulka ama

alaabta lagu ciyaaro.

Waxyaabahaa Loo Baahan Yahay

Inaad Ka Ogaatid Mujuruqa

Caruurta Lagu Sasabo

• Mujuruqa uma keeno ilmahaaga isdhaafka

ilkaha.

• Haddaad aragto in ilmahaaga nuugo

faraha ama suulka saddexda bilood ee

hore, waxaad ilmahaaga siin kartaa mujuruq.

• Soo iibi mujuruqa leh ibta laga sameeyey

caaga sidaan ilmahaaga ciridkiisa

waxyeelo ugu imaan.

• Ha isticmaalin mujuruqa xili kasta.

• Maalin kasta ka baar mujuruqa dilaac,

jabis ama duqnimo. Mujuruqa ma gaaro

xili kasta. Haddii ilmahaaga nuugo mujuruq

dilaacsan, dhuunta ayuu istaagi

karaa.

• Ha ku xirin mujuruqa xarig ku xiran

goorta ilmahaaga. Xarigaas wuu ceejin

karaa ilmahaaga.

Sidee Loo Doortaad Mujuruqa

• Dooro mujuruq u eg sida ibta naaska oo

dabiici ah.

Haddaad qabtid su’aalo ku saabsan mujuruqa,

la tasho dhakhtarka ilkaha, khabiirka ilkaha,

ama dhakhtarka caafimaadka guud.

39

Daryeelka Ilkaha

Ilmahaaga

Ka Daryeel Ilmahaaga Suuska Ilkaha

Waxaa laga yaabaa inaad ku fikirtid inay fiican

tahay siinta dhalada caanaha markaad ilmahaaga

seexineyso. Run ahaan, waa waxa ugu xun aad

sameeyn karto. Marka ilmahaaga seexdo asagoo

afkiisa ama afkeeda ku jirto dhalada caanaha

ama dheecaanka miraha waxay ku dusha ooga

daataan ilkaha. Tani waxay keeni kartaa suuska

ilkaha.

Xasuusnow, inta badan caanaha oo idil, sida

tan la qasho, ama cabbitaanka waxay leeyihiin

sonkor u keeni karta ilkaha suus.

Maxuu Suuska Ilkaha U

Keenaa Ilmahaaga

• Wuxuu cunaa ilkaha ilmahaaga.

• Wuxuu u keena ilmahaaga ilko xanuun.

Ilmahaaga aad ayey ugu jiran karaan ilko

xanuunka.

• Wuxuu u keeni karaa hurgumada ciridka.

• Si dhaqso leh ayuu ilkaha ilmahaaga u

jajabiyaa.

• Suuska ilmahaaga wuxuu ku ridi karaa:

• Caadeysiga cunto xumo.

• Dhibaatooyin ah hadal la’aan ama hadal

xumo.

• Ilkaha oo dhaawacma ama qaloocda.

• Markuu weynaado ilkaha waxay noqdaan

huruud ama bunni.


Asaaska Hooyo Iyo Ani

Sideed U Daryeesha Ilkaha

Ilmahaaga?

• Sii ilmahaaga dhalada caanaha markaad

wax siineysid oo kaliya.

• U qabo ilmahaaga dhalada.

• Ha u dhaafin ilmahaaga kaligiis ama kaligeed

dhalada. Wuu ama way ku saxan

kartaa.

• Dhalo la’aan seexi ilmahaaga.

• Haddii ay muhiim tahay inaad isticmaasho

dhalo markaad seexineysid

ilmahaaga, ugu shub biyo. Biyaha waa

cabbinaaka kaliya oo aan keenin suuska

ilkaha.

• Maalin kasta ku nadiifi ilkaha ilmahaaga

buraashka ilkaha oo jilicsan ama

maro khafiif ah.

• Naas nuuginta waa dariiqa ugu fiican ee

loo quudiyo ilmahaaga. Way yartahay

in ilmaha naaska la nuugiyo ku dhaco

suuska ilkaha.

• La tasho dhakhtarka ilmahaaga inuu

siiyo ilmahaaga daawada suuska looga

hortago oo Afka Ingriiska loo yaqaan

flouride - falooraayd. Flouride waxay

ka cawintaa ka hortaga suuska ilkaha.

Haddaad qabto su’aalo dheeraad ah oo ku

saabsan suuska ilkaha ama ilkaha ilmahaaga,

wac dhakharka ilkaha ama kan caafimaadka

guud.

40

Daryeelka Hurgumada

Dhegaha ee Ilmahaaga

Waa Maxay Hurgumada

Dhegta?

Hurgumada dhegaha (oo Afka Ingriiska

loo yaqaan otitis media - ootitis miidiya)

waxay dhacdaa marka fayras (viruses) ama

jeermis/bakteeriya gasho gudaha dhegta.

Hurgumada dhegta waa jirro caruureed

caadi ah oo keeni karta hargab ama

xasaasiyad.

Hurgumada dhegta oo caruurta inta badan

ku dhacda marar aad u yar ayey uma

baahan in lagu daryeelo qolka gar gaarka

deg dega ah, inta badan waa la sugi karaa

in la daryeelo maalinta xigta. Waa muhiim,

hase yeeshee, inaad wacdid dhakhtarka

caafimaadka guud ee ilmahaaga siduu

ama sideey u fiirso hurgumada dhegta,

go’aansato xiliga ay arki karto ilmahaaga,

una qori karto daawada lagu daaweeyo,

haddii loo baahdo.

Sideen Ku Garan Karaa

Haddii Ilmaheygu Qabo

Dheg Xanuun?

Caruurta yar yar (ka yar da’da 3 jir) oo

qaba hurgumada dhegta aad ayey u ooyaan

una xanaaq badan yihiin. Waxay kaloo

qabi karaan hurdo xumo, cunto xumo iyo

wax maqal la’aan. Waxaa laga yaabaa inay

jiijiidaan dhegahooda. Waxaa lagu arki

karaan qandho, san cabbur iyo dhareer.

Caruunta waaweyn (3 jir Iyo kuwa ka

weyn years) inta badan waxay sheegan

dheg xanuun, dareemaan inay dhegtooda

buuxdo, ama ayn wax maqleyn. Waxaa lagu

arki karaan qandho, san cabbur, iyo sunkoo

dhareera.


Maxaan Dheg Xanuunka

Ilmaheyga Guriga Ooga

Sameeyn Karaa?

Halkani waxaa ku qoran waxyaabo aad

guriga ku sameeyn kartid inuu ilmahaaga

dareemo caafimaad intaadan tusin

dhakhtarkiisa ama keeda:

Asaaska Hooyo Iyo Ani

• Sii daawada qandhada ama xanuunka.

Hubi inaad raacdid caddada ku qoran

isticmaalka daawada.

• Caruurta ka yar 2 bilood: Wac

dhakhtarka ilmahaaga inuu ku siiyo

tilmaamta caddada daawada la siin

karo.

• Caruurta ka weyn 2 bilood ilaa 6

bilood: Sii daawada dhibcaha ah oo

Afka Ingriiska loo yaqaan acetaminophen

- aasitaminofiin (Tylenol).

• Caruurta ah 6 bilood iyo kuwa ka weyn:

waxaad isticmaali kartaa daawada

Afka Ingriiska loo yaqaan Ibuprofen -

Aaybiyoborafin (Motrin) bedlka

acetaminophen (Tylenol).

• Ka saar dhegta maro lagu qooyey biyo

sidaad xanuunka u yareeyso (marna ha

saarin jirka boorso kulul).

• Caruurta inta badan waxay dareema

fiicnaan marka madaxooda la saaro

barkin dheer weyna ka fiicantahay

marka loo seexiyo si bagafsan.

• Marna ha shubin dhegta ilmahaaga

waxaan dhakhtarkooda soo qorin ama

sheegin.

41

Sideen Ooga Hortigi Karaa

Hurgumada Dhegta?

• U fadhiisi kor ilmahaaga markaad

quudineysid.

• Ha ku “tiirin” ilmahaaga dhalada ama ha

ku seexin sariirta asagoo ama ayadoo

heysata dhalo.

• Ha u ogolaan in sigaar lagu ag cabbo

ilmahaaga.

• Markasta si is dhabo joog leh ku dhaq

gacmahaaga iyo gacmaha ilmahaaga

biyo qandac ah iyo saabuun. Bar ilmahaaga

gacmo dhaqashada markuu yar

yahay.

• Yareey u dhawaanshaha dadka weyn

ama caruurta haayo qufaca iyo

hindhisada

• Bar ilmahaaga inay sanka si tartiib leh

ooga duufsadaan asagoo ama

ayadoofurta afka.


Jadwalka Taariikhda Uurkaaga - Usbuuca 1 ilaa 4

Biisha:

Asaaska Hooyo Iyo Ani

AXAD ISNIIN TALAADO ARBACO KHAMIIS JIMCO SABTI

Koriinka Ilmahaaga:

• Wadnaha iyo sanbabka ilmahaaga ayaa

bilaab inay sameeysmaan. Wadnaha

ilmahaaga wuxuu garaacis bilaabaa

markuu gaaro 25 malmood.

• Maskaxda iyo xandulaha ku jira

dhabarka ayaa sameeysma.

• Dhererka ilmahaaga wuxuu le’eg yahay

1/2 hal beeg (inch), miisaankiisana waa

1 waqiyad (ounce).

Isbedelka Ku Dhaca

Jirkaada:

• Waxaa lag yaabaa in aadan ku arkin

wax isbedel ah jirkaada.

• Jirkaada wuxuu sameeyaa hoormoon

caawina koriinka ilmahaaga.

• Waxaa lag yaabaa inaad dareentid

walac.

• Naasahaaga way weynaadaa waxaadna

dareenta kaar.

• Waxaa lag yaabaa inay kaadi badan kaa

timaado.

42

Waxyaabaha La rabo Inaad

Sameeysid:

• Qaado fitmiinka isku jirka ah oo leh

dhiig kordhiso (Afka Ingriisk loo

yaqaan feero). Tani waxay yareeysaa

in ilmahaaga ku dhasho ciladaha

maskaxda iyo xandulaha ku jira

dhabarka.

• Booqo dhakhtarkaaga umuliya ama

dhakhtarka caafimaadka guud.

• Ka taxadar waxaad cunto. Cun quraac,

qado, iyo cunto fufud oo u dhaxeysa.

Tani waxay caawintaa koriinka

ilmahaaga.

• Haddaad sigaar cabto - JOOJI! Wax

kaste ay dadka sheega, sigaarka um

aha caafimaad addiga iyo ilmahaaga.

Haddaad u baahan tahay in lagaa

caawino sidaad sigaarka u joojin

laheyd, nala soo socodsii.

• Ha cabbin aalkolo hana qaadanin

muqaadiraad. Kuwaan waa wax u xun

addiga iyo ilmahaaga. Haddaad u

baahto caawinaad, nala soo socodsii.

• Isku soo qor mashruuc WIC. Haddaad

u baahato caawinaad, nala soo socodsii.


Jadwalka Taariikhda Uurkaaga - Usbuuca 5 ilaa 8

Biisha:

Asaaska Hooyo Iyo Ani

AXAD ISNIIN TALAADO ARBACO KHAMIIS JIMCO SABTI

Koriinka Ilmahaaga:

• Way sameeysmeen halboolasha

ilmahaaga, laakiinse ma weyna.

• Way sameeysmeen murqaha iyo lafaha

ilmahaaga.

• Gacmaha iyo lugaha ilmahaaga waxay

bilaabeen inay koraan.

• Faraha gacmaha iyo lugaha ee

ilmahaaga ayaa sameeysmaayo.

• Dhererka ilmahaaga wuxu le’eg yahay 1

hal beeg (inch) oo ah miisaankana waa

1 waqiyad (ounce).

Isbedelka Ku Dhaca

Jirkaada:

• Naasaha weli way ku kaaraan.

• Naasahaaga iyo xunduntaada madow

ayey ku noqdaan.

• Waxaa lag yaabaa inay kaadi badan kaa

timaado.

• Waad noqon kartaa hadda farax,

hadana madluun.

• Madaxa aya ku xanuuni kara.

• Waxaad dareemi kartaa daal.

• Waxaad dareemi kartaa walac.

43

Waxyaabaha La rabo Inaad

Sameeysid:

• Booqo dhakhtarkaaga umuliya.

• Cunto kasta ka cun cunto nooc nooc

ah: badar, miro, khudrad, caano iyo

waxyaabaha caanaha laga sameeyo,

digir, iyo borootiin.

• Maalintiiba cab ugu yaraan 6 ilaa 8

koob oo biyo, iyo dheecaanka miraha.

• Qaado fitimiinkaada oo isku jirka ah.

• Qaado nasasho badan.

• Sameey jimicsi. Soo soc soco.


Jadwalka Taariikhda Uurkaaga - Usbuuca 9 ilaa 12

Biisha:

Koriinka Ilmahaaga:

Asaaska Hooyo Iyo Ani

AXAD ISNIIN TALAADO ARBACO KHAMIIS JIMCO SABTI

• Faraha gacmaha iyo lugaha ilmahaaga

waxay yeeshaan cidiyo jileec leh.

• Ilmahaaga wuxuu yeeshaa cirid leh 20

meelood oo ilko ka soo bixidoonan.

• Dhakhtarkaaga umuliya wuu maqli

karaa garaac wadnaha ilmahaaga (inta

u dhaxeysa 10 ilaa 12 usbuuc).

• Dhererka iIlmahaaga waa 4 hal beeg,

miisaankana waa in ka badan 1 waqiyad.

Isbedelka Ku Dhaca

Jirkaada:

• Waxaad weli dareemeeysaa daal.

• Weli walac ayaad tahay.

• Madax xanuun ayaa ku heen kara.

• Waxaad dareemi kartaa wareer iyo

madax fudeeyd.

• Dharkaaga waxaa laga yaabaa inay ku

dhegaan calooshaada.

• Waxaad dareemi kartaa calool adeyg.

• Waxaad jeclaan kartaa cunto qaarkood

ama naci kartaa cun aad horey u

jecleed.

• Waxaa laga yaabaa in wax cunidaada

ay kororto.

44

Waxyaabaha La rabo Inaad

Sameeysid:

• Booqo dhakhtarkaaga umuliya.

• Qaado fitamiinkaada oo isku jirka leh

• Cun cunto caafimaad leh. Waxaa laga

yaabaa inaad u baahan tahay inaad

cuntada u cunto si yar marar badan

maalintiiba.

• Yareey cunida cunta aan nacfiga laheyn

iyo cabbitaana soodada.


Jadwalka Taariikhda Uurkaaga - Usbuuca 13 ilaa 16

Biisha:

Asaaska Hooyo Iyo Ani

AXAD ISNIIN TALAADO ARBACO KHAMIIS JIMCO SABTI

Koriinka Ilmahaaga:

• Ilmahaaga wuxuu sameeyaa dhaq

dhaqaaq, riixis, iyo wax cunid, wuuna

maqlaa hadalkaada.

• Maqaarka jirka ilmahaaga ayaa

sameeysma.

• Dhereka ilmahaaga waa 6 ilaa 7 hal

beeg, miisaankana waa 5 waqiyadood.

Isbedelka Ku Dhaca

Jirkaada:

• Cunto cunidaada ayaa kororta.

• Dareenka walaca wuu kaa tagay.

• Waxaad u ekaataa qof uur leh. Waxaa

laga yaabaa inaad xirato dharka

dumarka uurka leh.

• Dhamaadka bisha 4aad, waxaad

dareemi kartaa dhaq dhaqaaq

ilmahaaga.

• Waxaa laga yaabaa in usbuuc kasta ku

korto 1 rodol oo miisaan ah.

45

Waxyaabaha La rabo Inaad

Sameeysid:

• Booqo dhakhtarkaaga umuliya.

• Qaado fitamiinkaaga isku jir ah.

• Cun cunto caafimaad leh. Waxaa laga

yaabaa inaad u baahan tahay inaad

cuntada u cunto si yar marar badan

maalintiiba.

• Waxaa laga yaabaa inaad sameeysid

baaris Afka Ingriiska loo yaqaan

Alpha-fetaprotein - Alfafeetaborootiin

(AFP) markaad gaarto

16 ilaa 18 usbuuc si looga baaro

ilmahaaga ciladaha maskaxda iyo

xandulaha dhabarka.


Jadwalka Taariikhda Uurkaaga - Usbuuca 17 ilaa 20

Biisha:

Asaaska Hooyo Iyo Ani

AXAD ISNIIN TALAADO ARBACO KHAMIIS JIMCO SABTI

Koriinka Ilmahaaga:

• Ilmahaaga wuxuu noqdaa mid

firfircoon.

• Cidiyaha faraha ilmahaaga waxay

daboolaan caarada far kasta.

• Ilmahaaga wuxuu seexdaa una kacaa

xili cayinan oo joogto ah.

• Ilmahaaga wuxuu u koraa si dhaqso

badan.

• Dhereka ilmahaaga waa 8 ilaa 12 hal

beeg, miisaankana waa 1 rodol (pound).

Isbedelka Ku Dhaca Jirkaada:

• Waxaad calooshaada ka dareentaa

dhaq dhaqaaq ilmahaaga.

• Waxaad weli dareemeeysaa daal.

• Waxaa laga yaabaa inaad dareentid

lugo xanuun.

• Waxaa kugu dhici kara calool xanuun.

• Dhabarka ayaa ku xanuuni kara.

• Waxaad ciridkaaga ka dareemi

kartaa barar iyo dhiig. Haddaad u

baahato dhakhtarka ilkaha, ka soo

wac Khimooyinka Xubnaha 1-800-

578-0603. Haddaad tahay xubin wax

maqalka ku xun yahay, naga soo wac

lambarka dhaqoolaha ee TDD/TTY

1-800-691-5566.

46

Waxyaabaha La rabo Inaad

Sameeysid:

• Booqo dhakhtarkaaga umuliya.

• Qaado fitamiinkaaga isku jir ah.

• Cun cunto caafimaad leh.

• Haddaad sigaar cabtid - Jooji! Marna

ma aha mid aad la daahdey.

• Sameey jimicsi. Soo soc soco. Ha badin

jimicsiga iyo socokaada.

• Ka fogaaw inaad qaadid wax culus.

• Ka fogaaw dadka jiran.


Jadwalka Taariikhda Uurkaaga - Usbuuca 21 ilaa 24

Biisha:

Asaaska Hooyo Iyo Ani

AXAD ISNIIN TALAADO ARBACO KHAMIIS JIMCO SABTI

Koriinka Ilmahaaga:

• Maqaarka jirka ilmahaaga waa guduud

wuxuna leeyahay duuduub. Waxaa ku

daboolan timo jilicsan oo khafiid ah.

• Daboolka indhaha ilmahaaga ayaa

bilaaba inay furmaan.

• Faraha gacmaha iyo lugaha ilmahaaga

waxay yeeshaan maqaarka la daabici

karo.

• Ilmahaaga wuxuu u koraa si dhaqso

leh.

• Dhererka ilmahaaga waa 11 Ilaa 14 hal

beeg, miisaankana waa 1 rodol iyo bar

1/2.

• Ilmahaaga wuxuu maqli karaa muustiko

iyo codkaaga. .

Isbedelka Ku Dhaca

Jirkaada:

• Waxaad ilmahaaga ka dareemi kartaa

riisix xoog leh.

• Waxaa laga yaabaa in maqaarka

jirkaada uu yeesho cun cun.

• Dhabarka ayaa ku xanuuni kara.

• Waxaad dareemi kartaa in miskahaaga

kala fogaadaan markaad soconeyso.

Maxaa yeelay miskahaada ayaan

47

noqda jileec ka hor intaadan dhalin.

Tani waxay caawintaa in ilmahaaga si

sahlan u soo dhaafo miskaha markaad

dhaleysid.

• Lugaha ayaa ku xanuuna kuna barara.

Waxaa laga yaabaa in lugo xanuun kugu

dhacdo.

• Waxaa laga yaabaa in maqaarka

jirkaada, caloosha, ama wajiga aad ku

aragtid dhibco dhibco madoow (tani

waxay baxdaa markaad dhasho).

Waxyaabaha La rabo Inaad

Sameeysid:

• Booqo dhakhtarkaaga umuliya.

• Qaado fitamiinkaaga isku jir ah.

• Cun cunto caafimaad leh. Waxaa laga

yaabaa inaad u baahan tahay inaad

cuntada u cunto si yar marar badan

maalintiiba.

• Aad fasalada uurka oo laga barto

sida loo foosho iyo loo dhalo iyo

sidaad u daryeeli laheyd ilmaha hadda

dhasha. Warxibibta dheerka ah, wac

kalkaaliyaha Hooyo Iyo Ani.

• Sidaan u nasatid, lugahaaga kor u qaad.


Jadwalka Taariikhda Uurkaaga - Usbuuca 25 ilaa 28

Biisha:

Asaaska Hooyo Iyo Ani

AXAD ISNIIN TALAADO ARBACO KHAMIIS JIMCO SABTI

Koriinka Ilmahaaga:

• Ilmahaaga wuxuu furi karaa xiri

karaana indhaha.

• Ilmahaaga wuu nuugi karaa suulka.

• Ilmahaaga wuxuu sameeyn karaa

jimicsi, is fidis iyo haraanti.

• Ilmahaaga wuu hingoon karaa.

• Dhererka ilmahaaga waa 15 hal beeg,

miisaankana waa 3 rodol.

Isbedelka Ku Dhaca

Jirkaada:

• Lugaha iyo isgooska lugaha ayaa ku

barari kara.

• Calooshaada iyo naasahaaga waxaad

ku arki kartaa dildilaac. Waxaa

lagal yaabaa in marista burcadka ku

caawinto.

• Waxaa laga yaabaa in fool diin ku

qabto. fool diinka Afka Ingriiska

waxaa loo yaqaan Braxton Hicks -

Baraksiton Hikis (xanuunka foosha

beenta ah).

• Waxaa laga yaabaa inaad lumiso

dareenka miisaankaada.

• Waxaa laga yaabaa in dheecaan dac ka

soo baxo candhadaada.

48

• Waxaa laga yaabaa inaad dareentid

neef tuur.

• Waxaa laga yaabaa in dheecaan ka

yimaadaan naasahaaga.

• Waxaa laga yaabaa inaad ku riyootid

riyooyin horor ah.

Waxyaabaha La rabo Inaad

Sameeysid:

• Booqo dhakhtarkaaga umuliya.

• Qaado fitamiinkaaga isku jir ah.

• Cun cunto caafimaad leh.

• Wax badan naso.

• Kor u qaad lugahaaga.

• Ka baar dhiigaada kaadi sonkoroowga

uurka . (Ka fiiri “Kaadi Sonkoroowga

Xiliga Uurka” boga 13aad).

• Taxadar yeelo, hubina inaadan dhacin

ood lumin miisaankaada.

• Go’aan ka gaar inaad ilmahaaga

aad siiso - caanaha naaska ama

caanaha dhalada. (Ka fiiri “Quudinta

Ilmahaaga” boga 17aad).

• Bilaaw inaad uruurisid alaabta

caruurta. Haddaad u baahan tahay

caawinaad, soo wac kalkaaliyaha Hooyo

Iyo Ani.


Jadwalka Taariikhda Uurkaaga - Usbuuca 29 ilaa 32

Biisha:

Asaaska Hooyo Iyo Ani

AXAD ISNIIN TALAADO ARBACO KHAMIIS JIMCO SABTI

Koriinka Ilmahaaga:

• Ilmahaaga maskaxda ayaa u korta si

dhaqso leh.

• Sanbabada ilmahaaga way

sameeysmeen laakiinse diyaar uma

aha inay ku neefsadaan ilmo galeenka

gudahiisa.

• Dhererka ilmahaaga waa 18 hal beeg,

miisaanka waa 5 rodol.

Isbedelka Ku Dhaca

Jirkaada:

• Waxaa laga yaabaa inaad xanuun xun

ka dareentid gumaarka (Ka fiiri “Fool

Diinka” boga 11aad).

• Waxaa laga yaabaa in hurdadaada

yaraato.

• Waxaa laga yaabaa in neefta kugu

dhegto ama aad dareentid in aadan

neef fiican qaadan karin

• Waxaa laga yaabaa inaad rabtid inaad

wax cunto marar badan maaliintiiba.

49

Waxyaabaha La rabo Inaad

Sameeysid:

• Booqo dhakhtarkaaga umuliya.

Boogashadaada wey badnaan doontaa.

• Qaado fitamiinkaaga isku jir ah.

• Cun cunto caafimaad leh.

• Wax badan naso.

• Soo wac dhakhtarkaaga umuliya

haddaad isku aragtid calmaadaha

dhigniinta leh (ka fiiri “Calaamadaha

Dhigniinta Leh” boga 10aad).

• U dooro ilmahaaga dkakhtarka

caafimaadka guud. Haddaad caawinaad

u baahan tahay. fadlan ka soo wac

Khidmooyinta Xubnaha 1-800-578-

0603. Haddaad tahay qof wax

maqalka ku xun yahay, waxaad naga

soo waci kartaa lambarka TDD/TTY ee

1-800-691-5566.


Jadwalka Taariikhda Uurkaaga - Usbuuca 33 ilaa 36

Biisha:

Koriinka Ilmahaaga:

Asaaska Hooyo Iyo Ani

AXAD ISNIIN TALAADO ARBACO KHAMIIS FRIDAY SATURDAY

• Ilmahaaga way koreem, miisaana wuu u

kordhay.

• Sanbabka ilmahaaga wuu qaan gaaray.

• Ilmahaaga inta badan hoos ayey

miskaha ugu soo dheceen.

• Dhererka ilmahaaga waa 19 ila 21 hal

beeg, miisaanka waa 6 rodol.

Isbedelka Ku Dhaca

Jirkaada:

• Waxaad dareenta istareex la’aan.

• Waxaa laga yaabaa inaad qabto huro

la’aan.

• Xudunta calooshaa way soo baxdaa.

• Lugaha iyo is gooyska lugaha ayaa si

weyn kuu barara.

• Waxaa laga yaabaa in afka ama

dhuunta ilmo galeenka ku furmo (ama

dilaaco).

• Waxaa laga yaabaa inaad dareentid

cadaadis iyo misko xanuun.

50

Waxyaabaha La rabo Inaad

Sameeysid:

• Booqo dhakhtarkaaga umuliya.

• Qaado fitamiinkaaga isku jir ah.

• Cun cunto caafimaad leh.

• Wax badan naso.


Jadwalka Taariikhda Uurkaaga - Usbuuca 37 ilaa 40

Biisha:

Koriinka Ilmahaaga:

Asaaska Hooyo Iyo Ani

AXAD ISNIIN TALAADO ARBACO KHAMIIS JIMCO SABTI

• Ilmahaaga miisanka wuu u kordhay.

• Sanbabada ilmahaaga waa qaan gaar,

diyaarna waxay u yihiin neefsahada

banaanka ilmo galeenka.

Isbedelka Ku Dhaca

Jirkaada:

• Waxaa laga yaabaa inaad ka dareentid

miskaha cadaadis badan.

• Waxaa laga yaabaa inaad kaadida

badisid.

• Waxa laga yaabaa inaad aragtid

calaamadaa foosha:

1. Mindhicir majuujus oo joogto leh

2. Isku aragtid dhiig.

3. Ku dilaacaan biyaha ilmo galeenka.

• Haddaad isku aragtid calaamada

ka mid ah calaamadahaas, soo wac

dhakhtarkaaga umuliya.

51


Asaaska Hooyo Iyo Ani

Tilmaamtaada Ee Uurka Caafimaadka Leh, Dhalmo iyo Daryeelka Caruurta

© 2004 Passport Health Plan

More magazines by this user
Similar magazines