05.04.2013 Views

WrokInTurkeySomali - unhcr

WrokInTurkeySomali - unhcr

WrokInTurkeySomali - unhcr

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

Sidee Dalka Turkiga Uga Shaqeesan kartaa?

Ayadoo la tixraacayo sharciga lambarkiisu yahay 4817

kaasoo ku aadan shaqo u ogolaashaha ajaanibta lana

dar-dar galiyay Sebtember 2003. Waxaa waajib ku ah

ajaanibta in ay ka helaan ogolaasho Wasaarada Shaqada

iyo Amniga Qaranka intaysan bilaabin in ay u

shaqeeyaan dad kale ama ay uga shaqeestaan iskood

dalka Turkiga gudahiisa.

Ajaanibta heesata ogolaasho dagnaasha ah (ikaamat)

ugu yaraan 6 bilood waxay xaq u leeyihiin in ay

dalbadaan ogolaasho shaqo ah.

Sharcigu wuxuu u kala saarayaa 3 nuuc ogolaashaha

shaqo: Ogolaasho shaqo ee waqti cayiman; Ogolaasho shaqo oo

joogta ah iyo Ogalaasho shaqo oo madax banaan.

Ogolaasho shaqo ee waqti cayiman (Sureli Calisma Izni)

Adigoo ajnabi ah, waxaad dalban kartaa “Ogolaasho

shaqo ee waqti cayiman” jago cayiman, goob shaqo oo

cayiman, ama mashruuc ugu badnaan hal sano,

go`aan ka gaarista in lagu siinaayo ogolaashahan iyo in

kale, Wasaarada Shaqada waxay si taxadar leh u

eegaysaa arrimahan soo socda; xaaladda shaqo ee

suuqa,iyo horumar kasta ee shaqo oo la heli karo, iyo is

bedelada dhinacyada dhaqaale ama dhaqaalaha guud ahaan,

inta ogalaashaha dagnaasho le egyahay, iyo inta qandaraaska

shaqo la egyahay..

Ogolaasho shaqo oo joogta ah (Suresiz Calisma Izni)

Haddii adigoo ajnabi ah ku dagneed dalka Turkiga si

sharci ah iyo si toos ah ilaa sideed sano ama hadii aad

shaqaysay ugu yaraan lix sano waxaad dalban kartaa

shaqo joogta ah.

Ogalaasho shaqo oo madax banan (Bagimsiz Calisma Izni)

“Ogalaasho shaqo oo madax banana” waxaa laga

yaabaa in lagu siiyo oo laguu ogalaado in aad ku

shaqaysato si madax banan,ayadoo sabab looga

dhigaayo in aad dagneed dalka Turkiga si sharci ah ku

dagneed mudo shan sano ah .

Sidee loo dalbadaa

Hadii aad haysato sharci dagnaasho (ikamet) oo aanan

dhicin, adiga iyo qofka aad u shaqaynaysidba waa in

aad dalab qoran u gudbisataan Wasaarada Shaqada iyo

Amniga Bulshada.

Wasaarada Shaqada iyo Amniga Bulshada waxay

damaanad qaadaysaa in ay kugu soo warceliso 90 cisho

gudahood.

Siyaabaha lagu diidi karo dalabkaada?

Marka loo eego sharciga lambarkiisu yahay 4817,

dalabka waxaa lagu diidi karaa :

a) Hadba xaaladda ganacsi ee suuqa, horumarka

nolosha shaqaalaha iyo isbadalka dhinacyada dhaqaale,

taasoo ku haboonayn in lagu siiyo ogolaasho shaqo.

b) Haddii uu jiro qof wadanka u dhashay oona leh

xirfadaada oo kale,kaasoo mudo afar usbuuc gudahood

lagu helay intuu kuu maqnaa dalabkaa shaqo.

c) Haddii aadan haysan ogolaasho dagnaasho oo aanan

dhicin.

d) Haddii dalabkaadi hore ee shaqo la diiday oo aad dib

u dalbatay in aad ka shaqayso shaqadii oo aad horay u

dalbatay oo kale ama xirafadii hore oo kale ayadoo

aynan kasoo wareegin markii lagu diiday mudo sanad

ah.

e) Haddii shaqaaleentaada ay dhib ku noqonayso

amniga wadanka Turki, bulshada, amniga guud

ahaaneed, rabitaanka bulshada, dhaqanka guud iyo

caafimaadka.

Waxaad xaq u leedahay in aad qaado talaabo sharciyeed

Adiga iyo cidii doonayso in aad u shaqayso waxaa laga

doonayaa in ay wargeliyaan go`aanka wasaaradda sodan

casho gudahood haddii aad wax ka qabtaan, hadii

wasaarada ay diido cabashadiina, waxaad kasoo dalban

kartaa maamulka maxkamadda rafcanaan.

Habka ay wax u shaqeeyaan

Si aad uga shaqaysato Turkiga gudihiisa:

Waxaad u baahantahay in aad haysato

ogolaasho daganaasho (ikamet) ugu yaraan lix

bilood.

Waxaa lagaa doonayaa in aad hesho qof aad u

shaqayso kaasoo raba in uu ku shaqaalaysiiyo.

Waxaa lagaa doonayaa in aad ku buuxiso

foomka codsiga af Turki oona soo gudbiso afar

koobi/nuqul.

Waxaa laga doonayaa qofka ku shaqaalaysiiyay

in uu asna buuxiyo qaybta ka qusayso foomka

dalabka.

Waxaa lagaa doonayaa in aad soo gudbiso wixii

caddayn ah.

Caddaymaha lagaa doonaayo, fadlan booqo bogga

internetka ee Wasaarada Shaqada

http://www.yabancicalismaizni.gov.tr

Wixii su`aalo ah, waxad lasoo xariiri kartaa xafiiska

UNHCR iyo lamaanayaasha la shaqa gala UNHCR.

Lamaanayaasha la shaqeeya UNHCR ee Turkiga dhaxdiisa

ASAM

ASAM – Ankara

Cinnah Caddesi No.27/7

Cankaya-Ankara

Тel iyo Fax: 427 5583

E-mail: sgdd@sgdd.org.tr, www.sgdd.org.tr

HRDF

HRDF Xarunta Dhaxe- Istanbul

Yenicarsi Caddesi.No.34

Galatasaray/Istanbul

Теl: (0212) 293 1605

Fax: (0212) 293 1009

E-mail: ikgv@ikgv.org

Hay`adaha aan dowliga aheen ee kalkaaliya qaxootiga

Helsinki Citizens Assembly

Tomtom Mahallesi

Kumbaraci Yokusu No.50/3

Beyoglu-Istanbul

Теl: (0212) 292 4830

Fax: (0212) 292 4833

E-mail: refugeeaid@hyd.org.tr

Multechi-Der-Izmir

871 Sokak No 19

PK 96

Hisaronu Konak Izmir

E-mail : bilgi@multeci.org.tr

www.multeci.org.tr

Hay`adaha Qaramada Midoobay U Qaabilsan Arimaha

Qaxootiga (UNHCR)

Ankara

Tiflis Cad. 212. Sok.No:3

Sancak Mah.06550

Ankara

Теl: (0312) 409 7000

Fax: (0312) 441 2173

E-mail: turan@unhcr.orh

Van

Istasyon Mahallesi

Terminal 1.Sokak

Hayirlar Caddesi No: 40/2

Теlo: (0432) 2234858

Fax: (0432) 223 3244

Warqadan waxay ku siinaysaa macluumaad ku saabsan sida qof

ajnabi ah uga shaqeesan karo dalka Turkiga, waxaan aloo

sameeyay si ay kuugu hagto qaabka qaanuun oo loo mari

karo.UNHCR waxay mar walba kuu cadayneesaa in macluumadka

warqadan ku xusan in uu yahay mid sax ah in lagana faa-idaysta ay

mudantahay.UNHCR waxay kugula talinaysaa in aad la xariirto

abuukaate hadii aad rabto in aad si dhab ah u xaqiijiso

macluumaadka warqadana ku qoran iyo fahankeedaba oo ku

haboon xaaladaas aad ku guda jirto.

www.unhcr.org.tr

April 2008

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!