21.08.2013 Views

Looma Dhamma: Sheeko Gaaban - WardheerNews

Looma Dhamma: Sheeko Gaaban - WardheerNews

Looma Dhamma: Sheeko Gaaban - WardheerNews

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

Looma Dhamma

Qore: Cabdullaahi Janno

Febraayo 27, 2012

Abaaro. Colaado. Burcad-badeed. Xaalufin deegaan. Mooryaan-garreey. Gumeyste madow.

Gumeyste cad. Dallaal sokeeye. Daneyste shisheeye. Waa nasiibka Soomaaliya iyo maanta.

Xamar, Soomaaliya

Qeybta 1-aad

Cawil waxa uu dhex joogaa biibito shaah iyo macmacaan fudud lagu iibiyo. Waxa uu dul fadhiyaa

kombiyuutar. Oo wararkii dalka ka daalacanayaa.

Waxa maqalka biibitada taagnaa oday gadanayay baakad sigaar ah. Inta isagoo bakoorad

cuskanayo soo dhutiyay ayuu soo aaday dhanka illinka laga baxo. Markii uu sii baxayay ayuu arkay

Cawil oo cod la maqli karo ku akhrinayay dalal badan oo u soo gurmaday abaaraha Soomaaliya.

“Turkiga, Iiraan, Qatar,” ayuu Cawil lahaa. “Kuwayt, Sacuudiga, Jabuuti...maashaa Allaah!”

“War ma tahriib baad tahay?” ayuu yiri odaygii, “waa adigakan dalal kale afka ku hayee.”

Waxaa uu Cawil kor u jalleecay odaygii oo bakoorad ku tiirsan, laamo jaad ahna calalinaya.

“Mayee waa dalal gurmad ah,” ayuu yiri wiilkii oo muusoonaya, “oo abaaraha u soo gurmaday.”

Odaygii waxa uu afka gashtay xabbad sigaar ah.

“Nin wax ku siiyo badanaa,” ayuu yiri odaygii oo illinka ka sii baxaya, “nin wax kuu sheegase

yaraa.”

Cawil waxa uu sii eegay odaygii oo sii dhutinaya. Siina haruufay.

“Marqaankaa ku saaqayaan u maleenaa?” ayuu Cawil ku qeyliyay.

Odaygii inta dib u soo eegay Cawil ayuu indhaha ku gubay. Waddadii ayuu gooyay isaga oo aan

iska eegin. Saa waxaa odaygii hoon uu la sasay ku yeeriyay gaari xammuul ahaa oo xawaare ku socday.

Inta gaarigii ku soo jeestayuu bakooraddii ka daba tuuray, oo isagana inta iscelin waayay ayuu dhulka

dhinac dhinac ugu dhacay, oo sigaarkiina doc u faniinay. Cawil oo isha ku hayay ayaa ku soo orday—iyo

dadkii ka ag-dhowaa odayga.

“Ha i qabanina,” ayuu odaygii ku yiri cod sare, “qaranka kiciya, isaga ayaa i kicin,e.”

Cawil waxa uu odaygii u keenay bakooraddii uu cuskanayay.

“Lafahaaga u tur,” ayuu yiri Cawil.

Looma Dhamma. Qore: Cabdullaahi Janno

Febraayo 27, 2012

Copyright © 2011 WardheerNews.com

1

Odaygii inta indhaha ka eegay Cawil ayuu dhabarka u jeediyay. Wuu sii dhutiyay, xabado laamo

jaad ahna kala soo baxay jeebka surwaal ku duugoobay.

“Laakiin maxaad u durtay dalalka soo gurmaday,” ayuu Cawil ku yiri odaygii oo sii socda, “oo u

tiri nin wax ku siiyo badanaa, nin wax kuu sheegase yaraa?”

“Adeer maahmaahdaasi aniga ma oran,” ayuu yiri odaygii, “Soomaali ayaa leh. Yaraa wax

daacad kuugu hiilliyo sida Jabuuti iyo Turkiga. Nin soor ku siiyay waa nin kaaga gargaaray baahi maalin

taagan; nin talo ku siiyayna waa nin kaaga gargaaray baahi jiritaankaaga ku dhisan. Baahida ugu weyn ee

ay Soomaaliya qabtana waa tu qarameed—oo in la badbaadiyo mudan.”

“Haa laakiin,” ayuu yiri Cawil, “nin bogga gaajo ku hayo hadal iyo talo maxay ugu fadhiyaan?”

“Adeer meeqo jir ayaad tahay?” ayuu yiri odaygii.

“Labaatan sano,” ayuu yiri Cawil.

“Qax-ku-kor,” ayuu yiri odaygii, “quud ma ahanee qaran kama maqna.”

“Macnahaa?” ayuu yiri Cawil.

“Qarankii Soomaaliyaba siduu u burburay,” ayuu yiri odaygii, “da’ yarta adigoo kale ah fikirkaa

ka qalloocmay. Oo halkii qaran la sahmin lahaa, tahriib iyo caasimadaha adduunka ayaa la hadal-hayaa.

Kii idinka weynaana dallaalnimo iyo qiyaano qaran ayuu sahansadaa—oo sidaas quud ku raadiyaa.”

“Quruxda hadalkaaga,” ayuu yiri Cawil oo muusoonaya, “iyo fool-xumada afkaaga waa kaaf iyo

kala dheeri.”

“Nabad-gelyo,” ayuu yiri odaygii.

“Laakiin magacaaga weli iima aadan sheegin,” ayuu yiri Cawil, “aniga Cawilaa lay dhahaa.”

“Magac-laawe,” ayuu yiri odaygii oo sii dhutinaya isagoo bakooraddiisa cuksanaya, “magacaygu

waa Magac-laawe.”

Nayroobi, Keenya

Qeybta 2-aad

Shir ah dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa loo fadhiyaa. Waxa marti-soor lagu yahay Kenya. Qol

ballaaran ayaa lagu dhex shirayaa. Waxaa miis dheer oo wareegsan ku teedsan ergo hab qabiil ku socdo.

Waxa shirka joogay goob-joogayaal caalami ah, hey’ado aan dawli aheyn, safiirrada IGAD, iyo madax ka

socotay UN-ta.

“Shirka maanta waa isbarasho iyo isa soo dhaweyn,” ayuu yiri Ergeygii ay beesha caalamku u

xilsaaratay inuu dhexdhexaadiyo Soomaalida goobta soo xaadirtay, “illaa labo todobaad ayaad marti inoo

tihiin. Dal iyo dad ayaa idin dhowraya. Hadafka shirku waa inaad idinku noogu yaboohdaan xalkii

waddanka—annaguna waxaad naga taqaaniin hiil iyo hoo wixii aad naga mudan tihiin. Xasuusnaada,

xerada qaxootiga ee dunida ugu weyn waxa ku jira dadka aad matashaan ee Soomaaliyeed. Nin walbow

Looma Dhamma. Qore: Cabdullaahi Janno

Febraayo 27, 2012

Copyright © 2011 WardheerNews.com

2

xal-doonka ka hormari xil-doonka.”

Waxaa sacabbo loogu jiiday Ergeygii. Shirkiina muddo gaaban ka dib wuu xirmay. Waxaa

ergeydii Soomaaliyeed loo sagootiyay hoteelkii loo ijaaray. Ballantuna waxay aheyd in subaxda xigto la

isugu soo noqdo miiska wadahadalka.

Qeybta 3-aad

Waa siddeedii fiidnimo. Rag mugdiga habeennimo isku qarinayo ayaa u soo kala dhuumanayay

Safaaradda Itoobiya ee Kenya. Waxay gooni gooni ula kala faqayeen xoghayaha safiirka Itoobiya.

Saacado ka dib, raggii oo qosolkooda la maqli karo ayaa labo labo iyo saddex saddex u soo baxay.

Mugdigii ayay ku dhex libdheen iyagoon la garan muuqooda—sida aan loo garanba wixii ka farxiyay ee

ay la qoslayeen.

Xamar, Soomaaliya

Qeybta 4-aad

Islaan ayaa buul ku dhex karinayso shaah. Waxaa ay dadka ku soo jiidataa inay BBC uga shiddo raadiyo

sameecado waaweyn leh.

Warkii BBC-da:

Wararka ka imanaya caasimadda magaalada Nairobi ee Kenya ayaa

sheegaya in maanta uu si rasmi ah u furmay shirkii dib-u-heshiisiinta

Soomaalida. Waxa shirka furay Ergeyga qaaska u ah arrimaha

Soomaaliya kaasoo xasuusiyay ergada Soomaaliyeed in ay daacad ka

noqdan geeddi-socodka nabadda. Waxaa sidoo kale madasha shirka

talooyin iyo tusaale ka jeediyay abwaanno, oday dhaqameedyo, iyo

madax ka socday beesha caalamka. Waxa berrito aroornimo lagu wadaa

in uu furmo wejiga labaad ee shirka iyadoo lagu wado in uu shirku socdo

labo todobaad. Wixii soo kordha waxaynu idinku soo tebin doonnaa

barnaamijyada soo socdo.

“Allow hadal kheyr qaba,” ayay tiri islaantii oo shaah ku shubeyso koobab, “Allow hadal kheyr

qaba ka soo yeersii.”

Nayroobi, Keenya

Qeybta 5-aad

Goobtii shirkii Nairobi ayaa la fadhiyaa. Muran baa socday.

“Ergeyga ayaa na kala sari doono,” ayay rag lahaayeen, “ha yimaado.”

Looma Dhamma. Qore: Cabdullaahi Janno

Febraayo 27, 2012

Copyright © 2011 WardheerNews.com

3

“Bal ciddii idiinkaga liidato ha la arko,” ayay lahaayeen kuwo ka soo horjeeday, “yaad

matashaan? Oo idin soo dirsaday?”

Iyadoo sidii loo murmayo ayaa waxaa bannaanka qolkii shirka ka soo muuqday gaari madow,

kala jiidan, lehna muraayado madow. Waxaa gaarigii ka soo degtay Ergeygii daadihinayay shirka dib-uheshiisiinta.

Koox weriyayaal oo Soomaali u badan tahay ayaa ku soo yaacay—oo mid sawir ka qaado,

mid filin ka duuba, iyo mid makarafoon caasha ka geliyay ayay noqdeen. Ergeygii oo aan cidina u

jawaabin ayaa socod boobsiis ku galay qolkii shirka. Ciidan nabad-sugid ah ayaa isku soo laabay

ilbaabadii qolka shirka—u diidayna in uu weriye galo.

“Shirku wuu furan yahay,” ayuu yiri Ergeygii oo isha la raacaya wejiyada cusub ee soo buuxiyay

kuraas horay u bannaaneyd—yirina, “wejiyo cusub ayaa ii muuqda saakay.”

“Mudane waa rag qas iyo qalalaase doonaya,” ayuu yiri ergey Soomaaliyeed oo ka mid ah kuwii

horey u joogay shirka.

“Mayee Mudanow raggaan meesha fadhiyo nama matalaan,” ayuu ku dooday mid ka socday

raggii ku cusbaa qolka shirka.

“Looma dhamma!” ayuu cod gadaal ka soo yiri. “Shirka looma dhamma.”

Waxaa si maqsuud iyo farxadi ka muuqato u dhoollacaddeeyay xoghayihii safiirka Itoobiya.

Ergeygii inta il-biriqsiyo aamusay ayuu neef soo tufay.

“Haddaba ragga shirka ku soo biirow,” ayuu si dabcan u yiri Ergeygii, “sheegta: yaad

matashaan?”

“Mudanow cidi ma matalaan,” ayuu cod meel gees ah ka yiri, “waa is qorqor.”

“I maqla,” ayuu yiri Ergeygii, “si xal loo helo, waa in shirka loo oggolaadaa dadka siyaasadda

isku haya—oo ay taladu ka soo go’do.”

Waxaa is celin waayay xoghayihii safiirka Itoobiya, oo isku daray sacabbo-tumis iyo

dhoollacaddeyn. Saa waxaa ku raacay oo sacaba-tumay ergedii dib ka timid shirka.

“Haddaba ragow yaad matashaan?” ayuu ku celiyay Ergeygii oo qalin dul dhigaya buug miiska u

saarnaa.

Waxaa is eegay ergedii dib ka yimid shirka.

“Mudanow mid waan kuu hubnaa,” ayuu yiri mid iyaga ka mid ahaa, “annaga nama matalaan

raggaan meesha shalay nooga soo hormaray; cidda aan matalnase waa laga tashan karaa, haba ugu

horreeyaan reerkeenna—iyo wixii kale ee aynu ood-wadaag nahay, ee nagu hoos nool.”

Waxaa durbadiiba hadalka dafay xoghayihii safiirka Itoobiya.

“Mudanaha sharafta lahow,” ayuu yiri, “fadlan in yar hakad inoo geli shirka—oo fasax gaaban na sii.”

Looma Dhamma. Qore: Cabdullaahi Janno

Febraayo 27, 2012

Copyright © 2011 WardheerNews.com

4

Xamar, Soomaaliya

Qeybta 6-aad

Waxaa uu Cawil saanta la sii qaaday odaygii dhutinayay.

“Su’aal ma ku weyddiin karaa?” ayuu yiri Cawil, “sidee buu kuugu baxay magacan ‘Magaclaawe’?”

Odaygii inta socodkii hakiyay ayuu eegay Cawil. Oo misana sii dhutiyay.

“Su’aal ma ku weyddiin karaana waad i leedahay,” ayuu yiri odaygii, “anigoon haa ama maya ku

oranna waxaad i weyddiisay su’aashii.”

Waxaa qoslay Cawil. Odaygii socodkii ayuu sii watay.

“Wiilyahow ogow,” ayuu yiri odaygii oo ilkaha ku feenanaya laan jaad ah, “lix magac ma

yeelato.”

Cawil waxa uu eegay odaygii—oo aamusan yahay.

“Qabri nin ka hoos maray,” ayuu odaygii hadalka ku billaabay, “qarankiisu nin uu burburay,

qaxootinimo nin daa’imay, dalkiisa nin qoonsaday, dadkiisa nin quursaday, ama himmad hoose nin ku

qancay.”

Odaygii waxa uu tufay taqsiin ku raagtay afkiisa—tu cusubna afka ku guray.

“Magacaygu wuxuu dhintay,” ayuu yiri odaygii, “maalinkii uu gabbalku u dhacay qarankii

Soomaaliyeed.”

“Soomaalida,” ayuu yiri Cawil, “nimaan magac laheyn ma jiro, waddankana way u dhashteen.”

Odaygii inta si caro leh u tufay taqsiintii cusbeyd ayuu bakooraddii hawada ku laliyay sidii inuu

ku halgaadayo wiilka.

“I maqal,” ayuu yiri odaygii oo ay mergiyadu soo baxeen, hadalkana qasab ku soo saaraya,

“adeerow mar danbe ha i oran waddankan ayaa dad u dhashay.”

Cawil inta sasay ayuu dib u booday. Odaygii waxa uu weli kor u hayay bakooraddii. Oo inta

neef weyn soo tufay ayuu sii dhutiyay. Cawilna wuu soo daba-galay.

“Oday nooc kale ahaad tahay,” ayuu yiri Cawil, “ma waalnid, mana fiyoobid.”

Waxa qosol ka soo fakaday odaygii—Cawilna waa u cammiray.

“Su’aal,” ayuu yiri odaygii.

“Jawaab,” ayuu la soo booday Cawil.

Looma Dhamma. Qore: Cabdullaahi Janno

Febraayo 27, 2012

Copyright © 2011 WardheerNews.com

5

“Horta waddanka ma ku dhalashaa?” ayuu yiri odaygii, “mise waa u dhalasho?”

Qeybta 7-aad

Islaantii waxa ay qaxminaysaa burjike. Jalmad biyo ugu jiraan ayaa dhinac taallay. Waxaa u shidnaa

warkii BBC-da.

Warkii:

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku soo saaray in

burcad-badeedda la iska caabbiyo oo lagu baacsado gudaha biyaha

Soomaaliya. Sidoo kale dalka Boqortooyada Ingiriiska ayaa Golaha

Ammaanka u gudbiyay nuqul uu ku qoran yahay in waddanka

Soomaaliya la saaro cunaqabateyn adag maadaama ay ku guuldarreysteen

in ay ka hor tagaan burcadbadeednimada korodhay. Dalal ay

ka mid yihiin Mareykanka, Faransiiska, iyo Panama ayaa ugu baaqay

Midowga Yurub, urur weynaha NATO, iyo dunida kale in si wadajir ah

loogu soo wada jeesto oo hab militari lagu wajaho burcadbadeednimada

si loo ilaaliyo gargaarka cunnada loo wado Soomaalida.

Dhanka kale dalka Ruushka ayaa dawladaha dunida ugu baaqay in denbi

laga dhigo burcadbadeednimada iyo in la yagleelo maxkamado ilaa heer

caalami ah oo dacwado ku soo ooga burcadbadeedda. Dalal ay ka mid

yihiin Shiinaha, Hindiya, iyo Iiraan ayaa iyaguna la hadal hayaa in ay ku

biiraan ololaha looga hortagayo burcadbadeedda.

Waxaase xusid mudan in maanta oo ay Golaha Ammaanku soo saareen

go’aankan ay burcadbadeedda Soomaaliya af-duub ku qabsadeen afar

doonyo oo laga kala leeyahay Shiinaha, Turkiga, Malaysiyo iyo weliba

laash si gooni loo leeyahay.

Islaantii oo dhegta u raaricineysay warka ayaa yaabtay, afkana maroojisay.

“Xaggee jireen,” ayay tiri iyadoo isla hadleysa, “markii kalluunka baddeenna la bililiqeysanayay?

Markii kalluumaysatadeenna laga baacsanayay baddooda? Markii sunta lagu aasayay baddeenna? Kuye

gargaarka cunnada ayaa la ilaalin. Illeyn nin kaa xoog badan been waa u xarrago! Waxaasoo dhan waxa

na baday waa raggeenna oo caqli iyo karti mooday in BBC-da laga dhaho ‘Looma dhamma.’ Gurigiin

ba’.”

Nayroobi, Keenya

Qeybta 8-aad

Waxaa qol ku wada faqaya xoghayihii safiirka Itoobiya iyo ergedii dib ka timid shirka dib-u-heshiisiinta.

“Horta mid iska ilaaliya,” ayuu yiri xoghayihii, “ha u ekaanina dad aan aqoonin cidda ay

matalayaan. Sheegta beesha aad ka timaaddeen. Iyo gobollada aad ka timaaddeen. Iyo meel aydaan ka

imaanba. Xasuusnaada, shirkii Addis Ababa ee 1993 waxa ay dawladdeenna Itoobiya ku talisay in ay

Looma Dhamma. Qore: Cabdullaahi Janno

Febraayo 27, 2012

Copyright © 2011 WardheerNews.com

6

Soomaalidu wax ku qeybsato goboleysi. Haddaba doorkiinna ciyaara—sidii aad haddaayay u

tiraahdeenba looma dhamma. Waad iga farxiseen—Boqor Minilikna maanta wuu idin boqri lahaa.

Siyaasadda xalay ayaad soo gasheen, waxaadse maanta u hadasheen sidii inaad tihiin quburo

siyaasadeed.”

“Mudanow,” ayuu yiri nin ku jiray ergedii Soomaalida ahaa, “safiirka Itoobiya goormuu nala

kulmayaa?”

“Safiirka wuxuu ka dhashay dad,” ayuu yiri xoghayihii, “iyaga ayuuna u shaqeeyaa, oo ku

mashquulsan yahay.”

Waxaa is eegay raggii.

“Oo xalay si kale ayaad u hadleysayee?” ayuu yiri mid, “waxaad tiri safiirka ayaad hadda ka dib

si toos ah kala xiriiri doontaan wixii talo iyo hagis quseeya.”

“Soomaaliyeey i dhageysta,” ayuu yiri xoghayihii, “annagu sidiinnoo kale uma shaqeynno.

Mowqifkeennu waa mid. Oo go’aankeennu waa hal laga soo billaabo Raysul wasaaraha illaa laga

yimaado safiirrada illaa laga soo gaaro xoghaynta aniga oo kale ah. Marka wixii talo iyo hagis ah aniga

ayay idiin soo mari doonaan hadda ka dib.”

“Laakiin…” ayuu yiri ergey kale.

“Aamus!” ayuu amar ku bixiyay xoghayihii oo ergeygii hadalka ku kala goonaya, “hawl baa idiin

taallo. Ballanteennu waa wixii aynu xalay ku heshiinnay safaaradda iyo eraygii looma dhamma. Haddii

kale waxba idiinma soconayaan. Ogaadana haddii ay dawlad Soomaaliyeed dhisanto, kulligiin denbi

ayaad ka gasheen waddankiinna, oo maxkamad ayaa la idin soo taagi doonaa, xukunkiinuna wuxuu noqon

doonaa dil toogasho. Marka waxaad ku badbaadi kartaan waa ereyga looma dhamma! Inta uu jiro

ereygaas ayuu magaciinuna jiraa—iyo weliba xaafado ama deegaanno aad madax ka tihiin oo aad

canshuur ka qaadataan.”

Ergeydii mid walba mid kale ayuu eegay. Oo ay aamuseen.

Xamar, Soomaaliya

Qeybta 9-aad

Cawil iyo odaygii waxa ay ka soo baxeen luuq. Oo waddo dheer cagta soo saareen.

“Ma aqaan,” ayuu yiri Cawil, “farqiga u dhexeeya waddanka oo lagu dhasho iyo waddanka oo

loo dhasho.”

Odaygii wuu sii dhutiyay.

“Bal ii sharrax,” ayuu yiri Cawil.

Odaygii waxa uu ruugayay taqsiintii afka ugu jidhay—sida uu u ruugayayba wuxuu ugu jawaabi

lahaa Cawil.

Looma Dhamma. Qore: Cabdullaahi Janno

Febraayo 27, 2012

Copyright © 2011 WardheerNews.com

7

“Nin waddan u dhashay,” ayuu yiri odaygii oo bakooraddiisii ku dhutinaya, “waxaa lagu yaqaan

inuu ku faano dalkiisa iyo dadkiisa—oo ma qoonsado, mana quursado. Waxaa lagu yaqaan inuu u

danqado. La gaajoodo danyarta. La faqo bulshadiisa. Oo qarankiisa xume u diido. Inuu walaalkiis u

oggolaado daadihinta siyaasadda dalka. Inuu yureeyo dallaalleyda sokeeye iyo daneystaha shisheeye. Oo

uu calanka buluugga ah liicasho u diido. Kaasaa waddanka u dhashay—haba ka yimaado dibadda,e.”

Odaygii waxa uu afka ku guray laamihii u danbeeyay ee jeebka ugu jiray.

“Dhanka kale,” ayuu yiri odaygii “nin waddanka ku dhashay, waa mid un iskaga dhashay dhulka

Soomaaliyeed. Hayeeshee aan weli gaarin dareen waddaninimo iyo qab Soomaalinimo. Qofkan oo kale

waxa uu u dallici karaa waddani u hiilliya dalkiisa ama caada-qaate luggooyo dalkiisa iyo dadkiisa. Oo

qalinka wax ku xado. Wax bililiqeysto. Gabdhihii faraxumeeyo. Nabadda hagaardaameeyo. Oo

idaacadahana ka yiraahdaa ‘Looma dhamma.’ Wuxuu u hanqal-taagaa inuu qaxootinimo bilaa macno ah

isaga noolaado. Oo aan waddankiisa waxba u soo kordhin. Wiilyahow, nin waddanka ku dhashay la mid

ma ahan nin waddanka u dhashay—xag dareen iyo xag hiilba.”

Cawil waxaa uu dhuuxayay hadalkii odayga—oo dhinac socday.

Addis Ababa, Itoobiya

Qeybta 10-aad

Jewigu wuu degganaa. Bilicda magaaladu indho-qabad ayay laheyd. Nin risiq doon ah iyo nin dan

kaleba lahaa waxay cammireen waddadii faras-magaalka. Baabuur rakaab iyo kuwo xammuulba

laamiyada waaweyn ayay jiho walba u kala gooshayeen. Ciidanka taraafikada ee hagta baabuurta iyo

kuwa nabad-sugiddaba waxa ay si teel teel ah ugu kala firirsanaayeen magaalada. Saro dhaadheer ayaa

magaalada dhex qotomay—saro ay ka mid tahay xarunta Ururka Midowga Afrika. Meeshu waa Addis

Ababa, caasimadda Itoobiya.

Qol lagu kulmo ayaa waxaa wada fadhiya rag iyo haweeney ka socday dawladda Itoobiya.

Waxaa mid walba hor qotomay makarafoon. Waxaana dhinac yaallay cabitaan biyo cad ah. Waa shir ay

albaabadu u xirnaayeen.

“Maanta waa kal-fadhigeennii lixdanaad ee rubac-sanadlaha,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha

Dibedda ee Itoobiya, “oo ku aaddanaa arrimaha Soomaaliya iyo sidii laga yeeli lahaa haddii ay u bilato

dawlad leh heybad iyo hannaan. Ogaada lixdii sano ee ugu danbeysay xaalku weji cusub ayuu la soo

baxay—oo ah mid salka ku haya baraarugga shacabka oo ka daalay dagaal-ooge aan magaciisa saxiixi

karin. Bal xoghaynta xafiiskeyga ka dhageysta warbixin kooban oo arrintaas quseysa.”

Waxaa makarafoonkiisa afka u dhaweeyay xoghayaha.

“Waad mahadsan tahay mudane,” ayuu yiri xoghayihii xafiiska arrimaha dibedda, “haddii aan

dulmar kooban ku sameeyo meesha ay arrimaha Soomaaliya haatan marayaan, xaaladda Soomaaliya

horta nabarkii aan la beegsannay waan la helnay. Weli iyaga ayaa isku sii jeedo. Jabkooda waa

jiritaankeenna. Hayeeshee waxaa jira isbeddello soo guuxaya.

“Soomaalida waxay ka soo daali rabtaa colaadaha, oo waxa ay ku kaceen dagaal-oogayaashii. Oo

kaaga daranee Somaliland iyo Puntland nabad iyo nidaam ayaa muddo ka jirtay. Meelihii uu dagaalooguhu

ku harsanaa waad aragteen oo shacabka ayaa tashaday oo kacdoon isaga saaray dagaal-

Looma Dhamma. Qore: Cabdullaahi Janno

Febraayo 27, 2012

Copyright © 2011 WardheerNews.com

8

oogayaashii noo shaqeyn jiray. Cabsi ayay arrintan nagu heysaa.

“Cabsida ugu weyn waa Soomaaliya oo dib cagaheeda ugu istaagto, oo midowdo, qaasatan haddii

ay dhadhamiyaan nabad iyo nidaam—oo ay rajo iyo nolol u soo noqoto. Arrinkaasi waa qatar. Waa

jabkeenna. Waxay soo dedejinaysaa in mar labaad ay midoobaan Koofurta iyo Waqooyiga.”

“Intaas waan la soconnaa,” ayuu yiri gaashaanle Itoobiyaan ah oo hadalka ku kala gooynaya

xoghayihii xafiiska arrimaha dibedda, “laakiin u gudub wixii talo-bixin ahee cusub ee xafiiskiinna ku soo

kordhay.”

“Waa runtaa, Mudane,” ayuu yiri xoghayihii xafiiska arrimaha dibedda oo taaygii surka ugu

xirnaa toosisanaya, “een, markii aan dhan walba ka eegnay arrimahan iyo halista ka iman karta, waxaynu

isku raacnay dhowr qodob oo ka hor-tag ah illaa iyo xad.”

“Oo ah?” ayay tiri haweeney ka socotay xafiiska raysulwasaaraha Itoobiya.

“In labo arrin la kala saaro,” ayuu yiri xoghayihii xafiiska arrimaha dibedda, “oo si kala duwan

loola dhaqmo.”

Raggii iyo haweenaydiiba waxa ay dhammaantood isha ku wada hayeen afka xoghayaha—oo

sugayeen hadalka uu soo wado.

“Kow,” ayuu yiri xoghayihii oo hadalkiisa wato, “waa in la isku dheelli-tiraa awoodda xoogagga

siyaasadda ku dagaallamaya. Tusaale ahaan, si aysan awoodda Shabaabku u wada guuleysan, waa in laga

hor-keeno xoog hakiya—xoog ka soo dhex-baxa Soomaalida dhexdeeda. Si taas loo helo, Itoobiya waxa

ay qaadday tallaabooyin wax ku ool ah sida abuurista iyo qalabeynta ciidamada wadaaddada Ahlu-Sunna.

Sidoo kale waxaynu hub siinnaa miliishiyo aan hoos-tegin dawladda ku-meel-gaarka, oo annaga naga

amar-qaato si loola dagaallamo Shabaab. Ogow, intaan oo ciidan ah keliya waxaa loogu tala-galay in ay

hakiyaan faafidda Shabaab si ay Soomaalidu iyagu isugu mashquusho ebed. Marar badanna Itoobiya

ahaan annaga ayaaba si toos ah u galno gudaha Soomaaliya si la isugu dheelli-tiro awoodda xoogagga

hubeysan.”

Waxa madaxa luxay oo hadalkii la dhacay wasiirkii arrimaha dibedda.

“Haye,” ayuu yiri safiirka Itoobiya u fadhiya Qaramada Midoobay, “waa maxay arrinta labeysa

middan koowaad ee ah isku dheelli-tirka awoodda kooxaha ku dagaallamaya Soomaaliya?”

“Midda labaad,” ayuu yiri xoghayihii xafiiska arrimaha dibedda, “waa in aan Soomaaliya laga

qaadin cuna-qabeynta xagga hubka ah. Konton iyo sagaalkii kulan ee aynu isla qaadannayba Itoobiya

waxay ku celcelisay qodobkan. Haddii xilligan ay Golaha Ammaanku oggolaadaan in Soomaaliya ay soo

degsato hub ay u madax-bannaan yihiin, waxay taasi keenaysaa labo arrin midkood. Kow, waxa uu

hubkaasi gacanta u galayaa Shabaabka—oo taa nooma roona. Ama labo, waxa qooqi doonto oo uu

damac geli doonaa dawladda Soomaaliya oo weerar dhul-ballaarsi ah ku qaadi doonto deegaannada

Soomaaliyeed ee hoos yimaada Itoobiya. Waa labo kala daran mid dooro.

“Marka waa in beesha caalamka laga dhaadhiciyo in aan Soomaaliya laga qaadin cuna-qabateynta

hubka. Sababtu waxay tahay waxaa ku filan hubka AMISOM. Sidoo kalena waa in Ugaandha iyo

Burundi la xasuusiyo in qandaraaska ciidamadooda uu ka joogsan doono haddii Soomaaliya loo

oggolaado inay hub soo degsato oo ay isku filnaato. Kuna bishaareysta inta ay Soomaaliya

Looma Dhamma. Qore: Cabdullaahi Janno

Febraayo 27, 2012

Copyright © 2011 WardheerNews.com

9

cunaqabateynta hubka saaran tahay, waxaa hirgelaya qorshaha ah isu-dheellitirka awoodda xoogagga ku

dagaallamaya siyaasadda Soomaaliya.”

Waxa uu xoghayihii qurquriyay biyihii u saarnaa miiska.

“Raalli ahaada,” ayuu yiri isagii oo koobkii dul saaraya miiska, “qodobka saddexaad waa in la

xoojiyo ciidamada AMISOM. Iyaga ha noqdaan cududdii dawladda Soomaaliya. Oo AMISOM ha la

qalabeeyo. Ha la tababaro. Ha la nooleeyo. Oo ha la nafaqeeyo. Waa ciidan lagaga maarmi karo in ay

Soomaaliya yeelato ciidan awood leh—oo qatarteeda leh.

“Qodobka afaraad waa in qurbaha laga keeno aqoonyahan Soomaaliyeed. Ogaada Soomaalidu

way ka daashay dagaal-ooge aan magaciisa saxiixi karin. Marka waa in la keeno rag qurbo-joog ah, oo

aqoonyahan ah, hayeeshee aan laheyn mabda’ Soomaalinimo—oo wax lala cuni karo, oo aan waxba

dhaammin dagaal-oogaha xag hunguri-xumo. Shacabka Soomaalidana ha lagu maaweeliyo in ay heleen

rag aqoonyahan ah—annagana danta noogu jirto waa iyaga oo aan ka dhammeysanno saxiixa ay magaca

dawladeed ku saxiixayaan danaheenna dhow iyo kuwa mustaqbalkaba. Waa iga intaa tala-bixinta.”

Waxaa uu xoghayihii xafiiska arrimaha dibedda qurquriyay biyo u saarnaa miiska.

“Waad mahadsan tahay xoghayow,” ayay tiri haweeneydii ka socotay xafiiska raysulwasaaraha

Itoobiya, “sidoo kale mahadsanid wasiirka arrimaha dibedda. Waqti iyo fikir dheer ayaad geliseen talobixintiinna.

Laakiin talooyinkan waa kuwo ku taxalluqo waaqaca iyo isqabqabsiga maanta taagan—oo ah

mustaqbalka dhow. Waa iga su’aalee, ma isla falanqeyseen oo ma heysaan talooyin ku aaddan

mustaqbalka fog ee arrinta Soomaaliya?”

Waxaa qosol gaxgax leh ku dhuftay wasiirkii arrimaha dibedda.

“Qorshe iyo talo waynu heynaa,” ayuu cod deggan ku yiri, “qorshe u cuntamaya maslaxadda

qaaska ah ee Itoobiya mustaqbalka fog.”

“Oo ah?” ayay tiri haweenaydii oo qalinka ku boobeysa buug hor fidsanaa.

“Kow, in Soomaaliya laga faramaroojiyo talada aayaheeda,” ayuu la soo booday wasiirkii

arrimaha dibedda, “oo ay magan u noqoto talada IGAD labo dheh, inay daa’into u-gacan-hoorsiga UN-ta

saddex dheh, iyo in dawlad-goboleedyo is ximanaaya loo sameeyo afar dheh.”

Waxaa qolkii saaqday aamusnaan kooban. Talooyinkan ayuu ruux walba ruugayay—iyo sidii loo

meelmarin lahaa.

“Ma xuma,” ayay tiri haweenaydii ka socotay xafiiskii raysulwasaaraha, “waa talo aad looga soo

fikiray. Kuwo kalena waa lagu sii dari karaa. Hayeeshee waa iga su’aalee waa tuma cidda dhaqangelinaysa

taladan?”

Waxa ay dhammaantood u wada jeesteen miiskii uu fadhiyay wasiirkii arrimaha dibedda

Itoobiya.

“Taa waa sahal,” ayuu yiri wasiirkii isaga oo afka u dhaweynaya mikarafoonka, “isla Soomaalida

ayaa qorshahan dhaqan-gelinaysa.”

Looma Dhamma. Qore: Cabdullaahi Janno

Febraayo 27, 2012

Copyright © 2011 WardheerNews.com

10

“Sidee?” ayay tiri haweenaydii.

Nayroobi, Keenya

Qeybta 11-aad

Waxaa gurigiisii soo galay Ergeygii Soomaaliya u qaabilsanaa beesha caalamka. Labo caruur oo uu

dhalay ayaa ku soo orday. Inta jilib dhulka dhigay ayuu jilibka kalena cuskaday. Wuu dhunkaday. Oo

ka qoslisiiyay. Oo laabta ku qabsaday sidii inuu qarniyo ka maqnaa.

“Waryaahadee ka leexda aabbe wuu daalan yahaye,” ayay tiri xaaskiisa, “caawo waxaan kariyay

cashadii aad jeclayd. Isa soo diyaari.”

Ergeygii inta ku soo jeestay xaaskiisa ayuu dhabanka calaacasha ka mariyay.

“La’aantaada nolosha waa igu adkaan laheyd,” ayuu yiri isagoo muusoonaya, “abaal ayaan kaaga

hayaa sida aad noo garab taagan tahay aniga iyo caruurta.”

“Safarkaaga Soomaaliya lama baajin karo miyaa?” ayay tiri xaaskiisa oo beddelaysa mowduuca,

“waa halis. Noloshaada iyo mustaqbalka caruurtaada ayaad qatar gelinaysaa.”

Waxa uu Ergeygii u dhaqaaqay qolkii jiifka isagoo taaygii u xirnaa iska sii furaya.

“Horta markii aan Soomaaliya kaala hadlo maxaad ii inkirtaa?” ayay tiri xaaskiisa oo qolka ka sii

daba-gashay, “ma hadalkeyga ayaa raqiis kula ah? Mise adiga ayaysan geeridu ku karin?”

“Boqol mar ayaan kuu sheegay,” ayuu yiri Ergeygu, “beenta ay idaacaduhu buunbuuniyaan ha

dhegeysan—halista la sheegsheegayo waa buunbuunis.”

“Idaacadaha aad sheegaysid yaa u warrama oo uga sheekeeya arrimaha Soomaaliya?” ayay tiri

xaaskiisii, “ma cid aan adiga aheyn ayay ka helaan wararka quseeya halista iyo halaagga ka socda

Soomaaliya? Mise adigaa beenaale ah—oo u sheeko-xumeeyo idaacadaha?”

“Fadlan codkaaga hoos u dhig,” ayuu yiri Ergeygii, “Soomaaliya haddii aan tago dhib ima

gaarayo. AMISOM ayaa joogta. Ilaalo Soomaali ah ayaa joogto. Waxba ima gaarayaan.”

“AMISOM iyo ilaalo kaleba maxay kaa celin karaan?” ayay la soo boodday xaaskiisa, “soo iyaga

maalin walba meydkooda waddooyinka la soo waro?”

Markii ay intaasi tiri ayay is celin weysay—oo af labadii boohin furatay. Ergeygii inta

dhinaceeda u soo jeestay ayuu u soo dhaqaaqay, habna siiyay, oo illinta ka tirtiray.

“Waxaan kuu ballan qaadayaa,” ayuu yiri, “inaysan waxba i gaari doonin. Mashruucan ay beesha

caalamku ii wakiilatayna waa gabogabo. Markuu dhammaadana waxaan u guureynaa meeshaan doonno

adduunka oo aan guryo iyo dhul ka gadaneynaa. Waxaa la ii ballan qaaday mag-dhow ku filan illaa

todobo fac oo caruurteena iyo faracooda ah. Waxaa kaloo la ii ballan qaaday in caruurta la siin doono

waxbarasho bilaash oo heer jaamacadeed ah. Marka fadlan igu garab istaag af iyo addinba sida aan

mashruucan u dhammeystiri lahaa adigoo eegaya danteenna iyo tan caruurteennaba—haatanna waa

gabogabo, oo mar dhow ayuu hirgeli doonaa, ciddii diidana waxaa naga kaafisa cududda militari ee

AMISOM iyo cunaqabateynta beesha caalamka.”

Looma Dhamma. Qore: Cabdullaahi Janno

Febraayo 27, 2012

Copyright © 2011 WardheerNews.com

11

Xaaskiisa iyadoon jawaabin ayay illintu ka dareeraysay. Saa kor ayay u soo eegtay ninkeeda.

“Horta waa iga su’aalee,” ayay tiri, “waa maxay mashruucan aad ku celcelineysid in laguu xilsaaray?”

“Arrintaasi waa sir culus,” ayuu yiri Ergeygii, “waa sir culus. Classified.”

Xamar, Soomaaliya

Qeybta 12-aad

Odaygii waxa uu buufta ku hayaa sigaar. Cawil ayaa garab socday.

“War heedhe maad iga hadhid,” ayuu yiri odaygii, “awalbay i cusleeyeen ciilka qaran la’aan iyo

ceebta qaa’inul waddanka,e.”

Cawil wuu qoslayaa.

“Waxaa beryahakan nagu soo batay,” ayuu yiri odaygii, “rag af-Soomaaliga ku hadlo, hayeeshee

aaminsan afkaaro shisheeye oo hagardaamo ku haya qarannimadii Soomaaliya.”

“Dadka ma iyagaa wada xun?” ayuu yiri Cawil, “oo wada daba-dhilif ah?”

“Anigu ma oran ereyga daba-dhilif,” ayuu yiri odaygii, “ogowse inta badan daba-dhilifyadu ma

tiro badna—oo sidii la arki jiray waxay ku haraqmaan mowjadaha waddaniyiinta u heellan danaha dalka,

dadka, iyo diinta.”

“Sida al-Shabaab oo kale maad ka waddaa?” ayuu la soo booday Cawil, “iyagaa u soo baxay

shisheeyaha qasaya Soomaaliya.”

Waxaa qosol gaxgax leh ku dhuftay odaygii—oo socodkiisana sii watay.

“Su’aal?” ayuu yiri odaygii oo ku dhutinaya bakooraddiisii, “labo arrin haddii ay ku qabsato tee

dooran laheyd?”

“ Labo arrin oo see ah?” ayuu yiri Cawil.

“Wiilyahow ka soo qaad,” ayuu yiri odaygii, “waxaad tahay digaagad korsaneyso ilmaheedii ay

dhashay. Waxaa digaagaddii u yimid labo col. Mid waa xoor, midka kalena waa mas. Xoorkii wuxuu

yiri, ‘Digaagadyahey adiga ayaan ku cunayaa—oo haatan ayaan hilibkaaga miciyaha saarayaa.’ Maskii

weynaana wuxuu yiri, ‘Digaagadyahey iska noolow. Iska cun, oo cab. Hayeeshee ogow dhashaada yar

yar ayaan mid mid u liqayaa—oo halna kuuma hambeenayo.’”

Cawil wuu aamusan yahay.

“Haddii aan arrinkaasi ku xiro waaqaca maanta,” ayuu yiri odaygii, “kee baad dooran laheyd nin

adiga ku yiri aan maanta dabka ku saarto, hilibkaagana dubto oo ku quuto; iyo nin ku yiri maanta iska

noolow, laakiin berrito ii daa oo aan dabka saarto hilibkii caruurtaada?”

Looma Dhamma. Qore: Cabdullaahi Janno

Febraayo 27, 2012

Copyright © 2011 WardheerNews.com

12

Waxaa aamusay Cawil.

“Kee dooran laheyd?” ayuu ku celiyay odaygii, “labadaa nin kee asxaan kuu sameeyay? Oo kuu

sokeeyo?”

Nayroobi, Keenya

Qeybta 13-aad

Shirkii ayaa laga soo dareeray. Qolkii weynaa bannaankiisa ayaa la tuban yahay—oo fasax qado loo soo

baxay.

jira.

Ergeygii daadihinayay shirka ayaa waxa dhexda gashtay weriyayaal Soomaali iyo ajnabi isugu

“Shirka haatan waa gabogabo,” ayuu yiri Ergeygii, “meel fiicanna wuu marayaa, oo waxaa socdo

wada hadal lagu qeybsanayo kuraasta. Oo loo qeybinayo qabiillada doorka weyn ka ciyaara siyaasadda

Soomaaliya.”

“Mudane,” ayuu yiri weriye Soomaali ah, “ma dhab baa in ay jiraan qabiillo loo diiday madasha

shirkan? Oo la ceyriyay?”

“Taasi waa been-abuur,” ayuu la soo booday Ergeygii, “cid walba oo door firfircoon ku leh

siyaasadda Soomaaliyeed wuu u furan yahay shirka.”

“Marka aad leedahay door firfircoon ku leh siyaasadda Soomaaliya,” ayuu yiri weriyihii,

“Mudane ma waxaad ka jeeddaa qabiillada hubka heysta—oo gacan-saar la leh Itoobiya?”

“I maqal,” ayuu yiri Ergeygii oo muusoonaya, “Soomaali shirkan way u dhan tahay qeybaheeda

kala duwan. Cid gooni loo soo xushay ama cid gooni loo takooray midina ma jiraan.”

“Mudane ma laga yaabaa,” ayuu yiri weriye kale, “in maxkamad caalami ah la soo saaro

shaqsiyaadkii ka danbeeyay burburka dalka iyo dadka?”

“Taa,” ayuu yiri Ergeygii, “waxay u taallaa Soomaalida. Laakiin ujeeddada miiskan wadahadalka

waa in la soo afjaro colaadda iyo dawlad la’aanta Soomaaliya.”

Weriye kale ayaa damcay inuu su’aalo weyddiiyo Ergeyga, hayeeshee waxaa u diiday nabadsugiddii

meesha joogtay, oo sii sagootisay Ergeygii.

Ergeydii Soomaaliyeed koox koox ayay isula faqayeen intii la sugayay qadada. Xoghayihii

safiirka Itoobiya ayaa u yimaaday koox ergey ah oo meel tuban.

“Beesha caalamka,” ayuu yiri xoghayihii, “qorshe ayay u soo dhiibtay Ergeyga.”

Waxaa hal mar wada aamusay kooxdii uu u yimid.

“Qorshe noocma ah?” ayuu yiri mid iyaga ka mid ah.

Looma Dhamma. Qore: Cabdullaahi Janno

Febraayo 27, 2012

Copyright © 2011 WardheerNews.com

13

“Qorshe ku aaddan sida loo dhisayo dawladda,” ayuu yiri xoghayihii, “oo meel waa kursiga

madaxweynaha. Meel waa kan raysulwasaaraha. Meelna kan guddoomiyaha baarlamaanka. Taa waxaa

garab-socota, qeybsashada kuraasta baarlamaanka oo uu guddoomiyuhu soo magacaabi doono iyo

qaybsashada kuraasta wasiirrada oo uu raysulwasaaruhu soo magacaabi doono. Qabiillada siyaasadda

isku hayana ay ku heshiiyaan kala qeybsashada tirada kuraasta—iyo in sidoo kalena qaar loo qoondeeyaa

dumarka.”

“Mudanow,” ayuu yiri ergey Soomaaliyeed, “kursiga madaxweynaha annaga ayaa iska leh.”

Xoghayihii ayaa wejiga isku kaduuday—sidii qof aan fahmin hadalka.

“Sababka aan xaqa ugu yeelannay ma idiin sheegaa?” ayuu yiri ergeygii, “annagu hadafkeennu

waa in la ciribtiro argagixisada, in Itoobiya loo saxiixo oo loo daayo dhulka ay xaqa u leedahay ee

Soomaali Galbeed, in gobol walba oo Soomaaliya ka mid ah uu yeesho maamul ilaaliya danaha Itoobiya.”

Xoghayihii ilkaha ayuu qosol la caddeeyay—oo kala batbatay.

“Mudane intaas miyeysan ku deeqin?” ayuu yiri ergeygii, “annagu intaas aan sheegayba waynu

fulineynaa—oo waxaan kaloon kuugu dareynaa hawlo kale. Sida in Itoobiya loo fasaxo inay canshuur

la’aan isticmaasho dekedaha Soomaaliya; in la idiin soo musaafuriyo qolyaha nabadiidka ah ee

waddankeenna ku dhex-dhuumanaya; iyo wixii kale ee aan isku af-garanno.”

Xoghayihii safiirka Itoobiya inta saacadda eegay ayuu muusooday.

“Beec raqiis ah ayaad heysaan,” ayuu yiri, “rag kale oo ka tirsan ergeyda ayaa ii yaboohay ballanqaad

ka fiican kiinna, oo iyaga xitaa si fiican iima sii qancinin. Waxaana dawladda loo caleemi-saari

doonaa nin qanciya danaha Itoobiya oo beec fiican la soo shirtago. Iska sii qadeeya, waxaan sii

raadinayaa cid kale oo ii yaboohda beec aan ku qanco—oo ay Itoobiya u aaydo.”

Raggii oo miiska qadada fadhiya ayuu xoghayihii ka dhaqaaqay isagoo xarragoonaya.

Xamar, Soomaaliya

Cawil iyo odaygii way isla lugeynayaan.

Qeybta 14-aad

“Su’aashaadu waa su’aal adag,” ayuu yiri Cawil oo lugta ku laadaya kubbad ka soo baxsatay

dhallinyaro ku ciyaareysay waddada geeskeeda, “bal adigaan kugu soo xawilay, oo wax ka dheh.”

Odaygii waxaa uu tufay laamo jaad ah.

“Su’aalaha na horyaalla,” ayuu yiri odaygii, “waxay dhaafeen kuwo wax laga dhaho. Waxay

gaareen kuwo laga aamuso—shib. Juuqna.”

Cawil waxa uu eegayaa dhulka, sidii ruux wax ka baaranaya. Odaygiina waxa uu afka ku

gurayaa laamihii ugu danbeeyay ee jeebka ugu jiray.

Looma Dhamma. Qore: Cabdullaahi Janno

Febraayo 27, 2012

Copyright © 2011 WardheerNews.com

14

“Adeer ogow,” ayuu yiri odaygii, “arrinku waa isma dhaanto iyo dhasheeda. Al-Shabaab sidii

xoorka ayay maanta kuu dileysaa oo aysan waxna ula harin qarankii la oran jiray Soomaaliya iyo

shacabkiiba. Oo ay soo dhaweysteen shisheeye, sokeeyihii Soomaaligii ahaana gowrac iyo barakicin

ayay isugu dareen. Sidoo kale dallaalleyda haatan hor-boodaya dawladda iyo maamul goboleedyadana

waxay sidii maskii sun culus la beegteen dhaxalkii jiilka soo socda, oo ay ka dallaalleen jiritaankii

qaranka iyo kheyraadkiisaba.

“Haba fureen iskoollo. Haba fureen cisbitaallo. Haba fureen xafiisyo maamul. Haba fureen

idaacado. Haba dhiseen meelo cusub. Mar haddii uu hoggaamiye walba talada uga danbeeyo Itoobiya

iyo Kenya; mar haddii uu hoggaamiye walba ku hayo gobolkeygaay! gobolkeygaay! halkii uu oran lahaa

qarankeygow! qarankeygow!; mar haddii goortii rajo soo iftiintaba uu mid caadaqaate la soo boodayo

ereyga ah looma dhamma si uu dan qaas ah u gaaro; mar haddii hoggaamiye walba ay calooshu soo

kuusan tahay halka dadkii ay mas’uulka ka ahaayeen ay hoostooda gaajo iyo harraad la dhimanayaan;

mar haddii uu hoggaamiye walba u tartamayo u adeegista dano shisheeye iyo ku tumashada danaha iyo

damiirka Soomaaliyeed; mar haddii uu hoggaamiyihii talada dalka hoos geeyay gumeyste cusub oo

caddaan iyo madowba leh; mar haddii…mar haddii…iga daa, dhiigga ha igu karin,e. Qarankii

Soomaaliya labadaas qolo ayuu ku maqan yahay.”

Cawil waxa uu eegayay odaygii. Wuxuu arkay illin ku soo istaagtay odayga.

“Soomaalida maanta joogta,” ayuu si dabacsan u yiri Cawil, “ma jirtaa wax ay u dhan tahay oo ay

ku mideysan yihiin?”

Addis Ababa, Itoobiya

Qeybta 15-aad

Waxa ay haweenaydii ka socotay xafiiska raysulwasaaraha Itoobiya eegaysay wasiirka arrimaha

dibedda—oo ay jawaab ka filaneysay.

“Qorshahaan waxaa meel-marinaya isla Soomaalida,” ayuu yiri, “waxaan hadalka ku

wareejinayaa gaashaanlaha. Isaga ayaa hawlahaasi noo xilsaaran.”

Waxaa makarafoonka afka u soo dhaweeyay gaashaanlihii.

“Mahadsanid, jaalle wasiir,” ayuu yiri gaashaanlihii, “talada Soomaaliya annaga ayay maanta

gacanta noogu jirtaa. Waxa diyaar noo ah rag Soomaali ah oo ciiddaas la tiro eg, oo noo shaqeeya, na

maqla, na aaminsan. Dagaal-ooge ha dhihin. Maamul goboleed mid ka socda ha dhihin. Mid qandaraas

kale wata ha dhihin.

“Marka su’aashu yeysan noqon yaa hirgelinaya qorshahan ee su’aashu ha noqoto taageero ma ka

heli karnaa xafiiska raysulwasaaraha, midka IGAD, Golaha Ammaanka, iyo beesha caalamkaba?

Taageero ah xag dhaqaale iyo xag siyaasadeedba? Aniguna waxa aan idiin ballan-qaadayaa in markii ay

Soomaali heshiin rabtaba aan BBC-da soo fadhiisiyo mid ka mid ah raggaas inoogu jiro qaanadaha, oo

aan afkiisa ka keeno inuu yiraahdo ‘looma dhamma’. Inta ay ‘looma dhamma’ ku hayaan waa inta ay ku

sii raagi doonaan dawlad la’aan, goboleysi, colaado, abaaro, qaxootinimo iyo gacan-hoorsi joogto ah. Ka

dibna waxaa noo fuli doono danaheenna mustaqbalka.”

Waxaa qolkii saaqay farxad iyo reynreyn.

Looma Dhamma. Qore: Cabdullaahi Janno

Febraayo 27, 2012

Copyright © 2011 WardheerNews.com

15

Gaashaanlihii waa uu dhoollacaddeynayaa.

“Raggaan waa Soomaaliyee sidee ku aamini karnaa?” ayay tiri haweenaydii.

“Sahal,” ayuu yiri gaashaanlihii, “oo raysulwasaaruhuba wuxuu caalim ku yahay jawaabta

su’aashaada.”

“Intaad iga dhaaftid waxa uu raysulwasuuruhu og yahay,” ayay tiri haweenaydii, “maad adiga i

maqashiisid jawaabtaada?”

Gaashaanlihii dhoollacaddeyn been ah ayuu isku qasbay.

“Een…waa runtaa, marwo,” ayuu yiri, “haddii aan ku maqashiiyo jawaabta, Soomaalida hal

mabda’ ayay ka siman tahay. Mabda’ ah in loo weyraxo, loo walaaco, la isku weheshado wixii quseeya

qabyaalad iyo nin-xigsasho. Waxay ugu neceb yihiin ninkii kala hadlo danta guud. Waxay fogeeyaan,

yasaan, doqon ku tilmaamaan, haddii ay rabaanna dilaan, ninkii kala hadla qaranimo iyo Soomaalinimo.

Geesi waxay u yaqaaniin ninkii difaaco qabiilkooda. Indheergarad waa kii difaaca danta qabiilka.

Abwaan waa kii gabay ku ammaano dagaalyahanka qabiilka. Wadaadkooda loogu jecel yahay waa

midka qabiilka ugu nacamleeyo dulmiga, una fatwooda inay xaq ku taagan yihiin oo ay jannada geli

doonaan ciddii ka dhimata. Iyaga Soomaalida ah ayaa horay isugu maahmaahay fiqi tolkii kama jannotago.

“Saas ay tahayna, bin’aadan wanaag kama dhammaadee waxaa jiro hal hal dhif ah, oo daacad ah,

karti iyo waxtarba leh. Laakiin isagana nasiib-darrada heysata waxay tahay waxaa harqiyay mowjado

isasaaran—mowjado colaadeed, mowjado jahli, mowjado gaajo, mowjado madow oo mugdi ah. Nasiibwanaag,

isagoo kale waxaa fudud dilkiisa. Oo cid difaacaneysa ma heysto. Dadkiisu waxay difaacaan oo

ay geesi u yaqaanaan ninka la dagaallama qabiillada kale—ninka hubka sita, oo wax burburiya, oo wax

soo bililiqeysta, oo been iyo huuhaa ku hoggaamiyo.

“Dhanka kale, haddii uu midka daacadda ah ka badbaado dilka dadkiisa, waxaa nasiib kale ah in

uusan ka badbaadi karin dilka shabaabka iyagoo lafahooda uga cabsanaya. Haddii uu shabaabka ka

badbaadana waxaa uusan ka badbaadi karin sirdoonkeenna gudaha ugu jira Soomaaliya. Macnaha,

sirdoonkeenna toos uma dilaanee waxa ay u wakiishaan mid ka mid ah raggaas qaanadaha noogu jira—oo

iyagaa fagaare bannaan ah madaxa ka toogta. War qosol leh ma kuu sheegaa, marwooy?!”

Haweenaydii waxa ay madaxa kor uga soo qaadday qoraalkii ay ku boobaysay buugga.

“War see ah?” ayay tiri.

“Kaasoo kale,” ayuu yiri gaashaanlihii, “waxay Soomaalidu u taqaannaa ‘Looma ooyaan’!”

Hal mar ayay haweenaydii ku dhufatay qosol ay la muuqdeen lakabyadii hoose ee ilkaheeda.

Raggii kalena qaar qosolkii ayay ku saxdeen, qufacna la dhiman gaareen.

“Oo kaaga daranee,” ayuu yiri gaashaanlihii oo qosol la fiqfiqleynaya, “cid uu u dhashay iyo cid

uu ka dhashay ma jirto. Xitaa xigtadiisa soke ayaa iska fogeysa—oo yasto, haruufto, durto, docodeyso,

sirta beesha ka qarsato, dilkiisana aan ka nixin. Gunaanadku waa: qorshahan waxa meel-marinayo isla

Soomaalidee yaa ii ballan-qaadaya taageero? Xag dhaqaale iyo xag siyaasadeedba? Gudaha iyo

Looma Dhamma. Qore: Cabdullaahi Janno

Febraayo 27, 2012

Copyright © 2011 WardheerNews.com

16

dibeddaba?”

“Horta mid ku bishaareyso,” ayuu yiri wasiirkii arrimaha dibedda, “IGAD aniga ayaa mashruucan

ka gadaya, oo ka dhaadhicinaya. Beesha caalamkana waxaa arrinkan ka dhaadhicin doono

raysulwasaaraha. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobayna waxaa noo jooga safiirkan—oo ka

dhaadhicin doona. Gaashaanlow adiguna waxaad u xilsaaran tahay wixii quseeya hubeynta dagaaloogayaasha,

dhisidda xarumo sirdoonkeennu ka hawlgalo, iyo kaalmeynta ragga Soomaaliyeed ee

doonaya in ay dhistaan maamul-goboleedyo naga amar-qaato.”

“Mudanow,” ayuu yiri gaashaanlihii, “waxaa igu ballan ah in aad aragtid Soomaaliya oo u

jarjaran maamul-goboleedyo—oo qabiil qabiil, jilib jilib, ilmo-adeer ka ilmo-adeer, iyo xitaa labadii

walaalaha aheydba aan u kala jebiyo maamulo danaheena noo fuliyo.”

“Kulligiin mahadsanidiin,” ayay tiri haweenaydii ka socotay xafiiskii raysulwasaaraha Itoobiya,

“waxaan talooyinkiinna u gudbin doonaa raysulwasaaraha—oo isaga ayaa tallaabo habboon ka qaadi

doono arrimahan. Arrinta uu gaashaanlaha ka dhawaajiyay ee ah taageero gudaha iyo dibeddaba, ha

welwelin gaashaanlow. Sida aan u hubo wadkeyga ayaan u hubaa in badi beesha caalamku ay saxiixi

doonto taladii dhankeenna ka timaadda ee Soomaaliya ku aaddan. Shirku wuu xiran yahay.”

Waxa ay raggii iyo haweenaydii shirayay uruursadeen xaashiyihii iyo qalimadii miiska u

daadsanaa, oo ku riteen boorsooyinkoodii. Qolkii shirka ayay hal mar ka wada dareereen.

Qeybta 16-aad

Islaantii waxa ay shubeysay dhowr koob oo shaah ah. BBC-da ayaa ka shidneyd buulkeeda.

Warkii:

Waxa heshiis kama danbeys ah laga gaaray shirkii dib-u-heshiisiinta ee

muddooyinkan danbe ka socday xarunta magaalada Nairobi ee dalka

Keenya. Waxaa la soo dhisay dawlad cusub oo ku-meel-gaar ah.

Hayeeshee waxaa natiijadii ka soo baxday shirkaasi isla markiiba

qaaddacay rag ka dhex muuqda siyaasadda Soomaaliya—kuwaas oo ku

dooday in si xaq-darro ah loo qeybsaday kuraasta, yirina looma dhamma

awood-qeybsiga.

Islaantii inta ku faraxday qeybta hore ee warka ayay misana niyad-jab ka muujisay markii ay

maqashay qeybtii danbe. Rag meesha ka ag-dhawaa ayaa u riyaaqay warkii, kuna farxay in la

mucaaraday natiijadii shirka.

“Ragannimo iga dheh,” ayuu yiri mid buulka ka shaaheynayay.

Islaantii inta eegtay ninkii oo farxad la weyraxsan ayay billowday in ay kirligeedii babisato.

“Dad aan mabda’ qaran laheyn,” ayay tiri iyadii oo isla hadleyso, “dal uma daneeyaan, dadkooda

uma diir-naxaan, shisheeyahana isu dulleeyaan. Tolow duulkan Soomaaliyeed goormay ka xoroobi

doonaan ereyga ‘looma dhamma’?”

Qeybta 17-aad

Looma Dhamma. Qore: Cabdullaahi Janno

Febraayo 27, 2012

Copyright © 2011 WardheerNews.com

17

Waxaa isla caweynaya safiirka Itoobiya ee Kenya iyo xoghayihiisii. Labo dhalo oo qamri ah ayaa miiska

u saaran—iyo koobab dhalo ah oo gudaha wax lagu shubto ay kor u kacsan tahay, lehna meel gacanta

lagu qabsado oo sidii usha u dhuuban iyo sal wareegsan oo miiska qabsanaya.

“Horta mid xasuuso,” ayuu yiri safiirkii, “xukuumaddii Soomaaliyeed ee dadka cabburin jirtay

waxay si kama’ ah inoo sameysay asxaan weyn.”

“Asxaan noocma ah?” ayuu yiri xoghayihii oo sigaar afuufaya.

“Soomaalida waxaa cilmi-nafsi ahaan ka dhaadhacsan,” ayuu yiri safiirkii, “in madaxa looga

taagnaa, oo la cabburin jiray. Taa waxay dhalisay in Soomaaliga maanta jooga uu ka aamin-baxo

Soomaaliga kale—lama tashado, la lamana tashado. Taa waxaa u sii dheer, kii is-bidaya tol iyo

deegaanba waxaa ku qafilan madax noqo oo mar danbe yaan lagu cabburin.”

Waxaa si yasid leh carab-jilqin u sameeyay xoghayihii.

“Isku soo duub,” ayuu yiri safiirkii, “fikirka noocaas ah oo salka ku haya cabburintii xukuumaddii

hore ayaa waxay maanta annaga Itoobiya ahaan fursad inoo siisay in uu Soomaaligu nagu kalsoonaado—

oo talada naga qaato, talada walaalkiisana ka aamin-baxo, kuna gacan-seero.”

“Waa arrin soo daahday,” ayuu yiri xoghayihii, “waa riyadii Boqor Menelik in ka badan qarni iyo

bar ka hor—laakiin annaga ayaa sharaftaasi helnay.”

“Adiga mid aan ku xasuusiyo,” ayuu yiri safiirkii, “Boqor Menelik iyo cid kale sheekada ka

weyn—Soomaalidu ma ahan dad sahal lagu geli karo. Hayeeshee qilaafka dhexdooda yaalla ayaa

boqonaha gooyay. Inta ay iyagu isku sii jeedaanna waxaa nooga hirgalay mashaariic faa’iido badan leh.”

Waxa ay safiirka Itoobiya iyo xoghayihiisaba isla dhaceen koobabkii qamrigu ugu jiray—qosol

iyo isu hambalyeyn galeen.

“Hambalyo Itoobiya!” ayuu yiri safiirkii, “bal eeg faa’iidada koowaad, ma jirto cid hadalhaysa

dhulka Soomaali Galbeed.”

“Hambalyo, Itoobiya!” ayuu yiri xoghayihii.

“Faa’iidada labaad,” ayuu yiri safiirkii, “in yar oo welwel ah naguma heyso deked la’aanta na

haysata—oo maanta dekedaha Soomaaliya ayay badeecaddu nooga soo degataa. Haatanna Jabuuti

ayaaba noo oggolaatay in la dhiso waddo tareen oo isku xira labada dal si rarka badeecaddu inoogu soo

maro.”

“Hambalyo, Itoobiya!” ayuu yiri xoghayihii oo dhaladii qamriga kor u qaadaya.

“Faa’iidada saddexaad,” ayuu yiri safiirkii, “waa sirdoonkeenna oo gudaha ugu jira ubucda

Soomaaliya, oo daqiiqad daqiiqad noogu soo tebiyo wixii xog ee muhiim ah.”

“Hambalyo, Itoobiya!” ayuu la soo booday xoghayihii.

“Faa’iidada afaraad,” ayuu yiri safiirkii, “waa adduunka oo nooga danbeeya talada xal-u-helidda

Looma Dhamma. Qore: Cabdullaahi Janno

Febraayo 27, 2012

Copyright © 2011 WardheerNews.com

18

Soomaaliya—oo cid aan uga heybaysaneyno ma jirto arrimaha Soomaaliya.”

“Hambalyo, Itoobiya!” ayuu yiri xoghayihii.

“Faa’iido shanaad,” ayuu yiri safiirkii, “oo aan ku qabno burburka Soomaaliya waa in aan ku

guuleysannay dhisitaanka maamul-goboleedyo ku mashquulay sare-u-qaadidda calanka dawladgoboleedkooda

halkii ay ku mashquuli lahaayeen calankii qarankooda Soomaaliyeed.”

“Hambalyo, Itoobiya!” ayuu yiri xoghayihii.

“Faa’iidada lixaad,” ayuu yiri safiirkii, “waa hoggaamiyaasha Soomaalida oo kalsoonida ka

luntay—oo taageeradeenna ku tiirsan xag siyaasad iyo xag cudud militariba.”

“Hambalyo, Itoobiya!” ayuu yiri xoghayihii.

Safiirkii ayaa aamusay, oo qamri ka shubtay dhalo.

“Ma intaas bay kaaga eg tahay?” ayuu yiri xoghayihii.

“Bal ii kaadi,” ayuu yiri safiirkii oo qurqurinaya qamrigii, “dhuunta ayaa i qallashayee.”

“Warkaasaa i gala,” ayuu yiri xoghayihii, “lix faa’iido keliya ma iyadaa nagu filan? Waaba

qasaaro oo kalee!”

“Mid ogow,” ayuu yiri safiirkii, “arrintan yeysan kaa farxin—wuxu waa adduun,e.”

“Macnahaa?” ayuu yiri xoghayihii oo yaabban.

“Quwadaha hadda nagu daneysanayo,” ayuu yiri safiirkii, “sida ay maanta Soomaaliya u galayaan

ayay annagana nagu sameyn karaan berrito. Marka wax la kala har. Laga yaabaa in ay Soomaaliya

berrito hoggaamiso qaddiyadda Afrika oo dhan—oo aan mudanno.”

Waxaa qosol yasid ah ku dhuftay xoghayihii illaa ay ka timid illin.

“Weli dhallinyaro ayaad tahay,” ayuu yiri safiirkii, “aan afartanka gaarin.”

“Mudanow maad ii waddid,” ayuu yiri xoghayihii oo qoslaya, illintana iska tiraya, “guusha iyo

faa’iidooyinka Itoobiya u soo hoyatay, aniguna aan hambalyada soo diree?!”

“Faa’iidada todobaad,” ayuu yiri safiirkii oo la yaabban dhoohanaanta xoghayihiisa, “waa

Soomaaliga oo aan maanta u danqaneyn ciddii ay ciidamadeennu disho gar iyo gar-darro.”

“Hambalyo, Itoobiya!” ayuu yiri xoghayihii.

“Faa’iidada siddeedaad,” ayuu yiri safiirkii oo afuufaya qaac sigaar, “waa jiilka soo koraya ee

Soomaalida oo ku indho-qaaday dawlad la’aan iyo qaxootinimo. Waxaa ku adkaaneyso inay fahmaan in

uu ka maqan yahay dal la oran jiray Soomaaliya.”

“Hambalyo, Itoobiya!” ayuu yiri xoghayihii oo jidbeysan, oo misana ku celiyay, “Hambalyo!”

Looma Dhamma. Qore: Cabdullaahi Janno

Febraayo 27, 2012

Copyright © 2011 WardheerNews.com

19

“Faa’iidada sagaalaad,” ayuu yiri safiirkii, “waa….”

Safiirkii oo hadalkii wada ayaa waxaa soo dhacay telefoonkiisii gacanta. Waxaa u soo qormay

magaca ICG Secretary—oo ah ururweynaha International Crisis Group.

“Tolow maantana maxay rabaan?” ayuu yiri safiirkii oo eegaya telefoonka.

“Yaa waaye?” ayuu yiri xoghayihii.

“Waa gumeystihii shalay,” ayuu yiri safiirkii, “daneystaha maanta, iyo jirjirroolihii berrito.”

“Maxaa ka macno leh,” ayuu yiri xoghayihii oo sigaar shidanaya, “haddii uu dal berrito

isbeddelo, quwadaha soo kacaya ayaan xiriir iskaashi la sameynaynaa sida Shiinaha iyo Hindiya.”

“Dhallinyaro,” ayuu yiri safiirkii oo telefoonka la sii dhaqaaqaya, “noloshu waa u rajo iyo riyo.”

Xoghayihii waxa uu dhaladii qamriga ka gororsaday intii ugu danbeysay, safiirkiina waxa uu

taagnaa meel duruqsan isagoo ku hadlayay telefoonkiisii.

Qeybta 18-aad

Cawil iyo odaygii waxa ay ku soo leexdeen buulkii yaraa ee ay islaantu shaaha ku iibin jirtay.

“Anigu halkan ayaan nafta ku nasinayaa,” ayuu yiri odaygii oo fadhiisanaya, “oo gabadhan baan

Soomaali iska fahannaa ee wiilyahow nabad iyo warsan.”

Cawil inta qoslayuu u sii gudbay biibitadii dhinaca ku heysay buulkii islaanta.

“Sheekaa iigu kaa harsan,” ayuu yiri Cawil, “waxaan isha soo marinayaa wixii warar ahee lagu

soo qoray shabakadaha Soomaalida. Waanse kuu soo noqon, oo ka sii feker su’aashayda.”

Islaantii waxay shaah u soo shubtay odaygii.

“Su’aal noocma ah?” ayay tiri iyadoo shaahii siineyso odaygii.

“Mayee wuxuu rabaa,” ayuu yiri odaygii, “inuu ogaado haddii jirto wax ay Soomaali u dhan

tahay oo ay ka mideysan tahay.”

Cawil waxa uu dul fadhiistay kombiyuutarka—warkii dalkana daalacanayay. Isagoo akhrinaya warkii

ayuu maqlay buuq iyo bulaan ka dhacayay bannaanka. Dheg jalaq uma uusan siinin. Oo sii watay

akhrintii wararka iyo faallooyinka siyaasadeed.

Buulkii habarta ayuu Cawil soo maray—oo ku soo noqday odaygii. Mise odaygii ha sheegin, oo ma

joogin.

“Eeddo aaway odaygii?” ayuu ku yiri islaantii buulka laheyd.

Looma Dhamma. Qore: Cabdullaahi Janno

Febraayo 27, 2012

Copyright © 2011 WardheerNews.com

20

“Miyaadan ogeyn waxa ku dhacay odaygii?” ayay tiri islaantii oo wiilka ku eegaysa weji

murugeysan.

Cawil hadalkii ayaa ku dhegay. Afka ayaa kala tagay. Oo garaaca wadnihiisaa kordhay.

“Odaygii istaagga ayuu ka dhacay,” ayay tiri islaantii, “oo uu miyir beelay. Gaari-gacan ayaa

lagula cararay oo cisbitaalkaa loo qaaday.”

Cawil wuu dhaqaaqi la’ yahay—oo sidii in dhulka lagu nabay ayay cagihii buur kala cuslaadeen.

Inta awood iska baaray, oo dhabarka jeediyay, ayuu hal mar buulkii uga baxay sidii leeb la genay.

Islaantii waxay u soo jeesatay barrnaamij gaar ah oo ka socday BBC-da.

Warkii:

Intaasi waxaa ku dhan wararkii naga soo gaaray dunida. Haatanna aan u

leexanno barnaamij qaas ah oo ku saabsan waxyaalaha ku soo kordhay

dalka Soomaaliya. Dhageystayaal tan iyo intii ay socdeen dagaallada

sokeeye, sirdoonka adduunka raad muuqda kuma aysan laheyn arrimaha

Soomaaliya. Beryahakanse waxaa soo if-baxaya kaalinta muuqata ee ay

sirdoonku ku leeyihiin geyiga Soomaaliya. Sirdoonka la sheego in ay

Soomaaliya ka shaqeyso waa CIA-da Mareykanka, Scotland Yard,

sirdoonka Itoobiya, kuwa al-Qaacida, kuwa al-Shabaab, kuwa NSS ee

dawladda ku-meel-gaarka ah. Waxaa iyana sirdoon leh maamulgoboleedyada

sida PISTA uu ka hawl-gasha Puntland iyo sirdoonka

Somaliland. Dhawaan ayay aheyd markii ay Kenya u qeylo-dhaansatay

dawladda Israa’iil inay ka caawiso qatarta kaga iman karta Shabaabka.

Haddaba dhageystayaal waa maxay dareenkiinna ku aaddan arrimahan

isgarab-ordaya ee haatan ku soo kordhay xaaladda dalka Soomaaliya?

Waxaa yeeray telefoonkii BBC-da.

“Halow, waa BBC-da. Qadka ayaad ku jirtaa—fikirkaaga dhiibo

adduunweynaha ayaa lagaa wada dhageysanayaa.”

Islaantii waxa ay demisay BBC-da, dhabannadana gacmaha saaratay.

“Dad kala dan ah,” ayay tiri islaantii, “waxay u nuglaadaan duullaan shisheeye. ‘Looma

dhamma’ sidaan ugu jirnay ayaan noqonnay bahalo-galeen—oo waa kaa jaajuus nooc walba leh inoo

yimid. Waa yaabka yaabkiise, halka ay Soomaalidu u kala daadatay ereyga ‘looma dhamma’ ayuu

adduunkuna ku midoobay isla ereygaasi oo maalin walba dawlad cusub ayaa middiyaha u soo soofeysata

hilibka bisil ee Soomaaliya sidii iyagoo uurka ka leh, ‘Looma dhamma ku-lug-lahaanshaha arrimaha

Soomaaliya. Bal yaynaan annaguna ka qadin qeyraadka dalkan baylahda ah.’ Allow dalkeenna

samatabixi looma kala harin,e.”

Looma Dhamma. Qore: Cabdullaahi Janno

Febraayo 27, 2012

Copyright © 2011 WardheerNews.com

21

New York, Mareykanka

Qeybta 19-aad

Waxa uu sarkaal ka tirsan Golaha Ammaanka akhrinayay go’aanno ka soo baxay shirkii IGAD.

“Ku: Golaha Ammaanka, Midowga Yurub, Midowga Afrika, Beesha Caalamka

Ka: IGAD

Haddii aynu nahay IGAD waxa aynu ku talinaynaa qodobadan soo socda si xal loogu helo

arrimaha Soomaaliya.

Kow, waa in ay beesha caalamku isku meel uga soo jeesataa argagixisada ka faa’iideysanaysa

dawlad la’aanta Soomaaliya.

Labo, waa in la xoojiyo ciidamada nabad-ilaalinta ee AMISOM xag dhaqaale, xag siyaasad, xag

qalabeyn, iyo xag niyadba.

Saddex, waa in Golaha Ammaanka uusan dabcin cunaqabeynta hubka ee Soomaaliya saaran.

Haddii kale waxa halis gelaya amniga geeska Afrika iyo danaha beesha caalamka maadaama uu hubkaasi

gacanta u geli karo argagixisada caalamka ee ka hawl-gasha Soomaaliya.

Afar, waa in la dhiirro-geliyo ololaha NATO iyo beesha caalamka ay kula dagaalamayaan

burcadbadeedda qatarta ku ah ganacsiga iyo isdhexgalka adduunweynaha.

“Mudanayaal iyo marwooyin,” ayuu yiri sarkaalkii shir-guddoominayay kulankii Golaha

Ammaanka, “maxaa talo ah? Oo aad ka oraneysaan qodobadan?”

“Waa qodobo caqli-gal ah,” ayay tiri sarkaalad ku jirtay shirka.

“Waan ku raacsanahay,” ayuu yiri sarkaal dhinaceeda fadhiyay.

“Aniguna sidoo kale,” ayuu yiri sarkaal kale oo gadaal fadhiyay.

“Haddaba,” ayuu yiri sarkaalkii shir-guddoominayay shirka, “gacanta ha taagto ciddii dooneysa

in qodobadan la ansixiyo.”

Marka laga reebo labo dawladood oo ka aamusay, saddex iyo tobanka kale ee xubnaha Golaha

Ammaanka waxay isku raaceen in la ansixiyo qodobadii go’aankii IGAD. Shirkii si rasmi ah ayuu u

xirmay, oo lagu kala dareeray.

Waxaa si gooni isu soo raacay labo ka tirsaneyd saraakiishii shirka joogtay. Waxay u dhasheen

mid ka mid ah shanta dawladood ee xubinta joogtada ah ka ah Golaha Ammaanka. Elafeetar ayay hoos u

raaceen.

“Waa ii farxad,” ayuu yiri mid, “in la isku raacay qodobadaan. Shirkadda walaalkeyga ayaa

waxay qandaraas ku heysataa hawlo xasaasi ah oo Soomaaliya ka socdo.”

“Aniga xitaa,” ayuu yiri kii kale, “oday soddog ii ah ayaa qandaraas la galay Qaramada

Looma Dhamma. Qore: Cabdullaahi Janno

Febraayo 27, 2012

Copyright © 2011 WardheerNews.com

22

Midoobay. Oo wuxuu Soomaaliya ka wadaa hawlo lacag ba’an ku baxdo—oo wuu ka taajiray.”

“Sax waaye,” ayuu yiri kii koowaad, “Darwin xikmaddii laga dhaxlay ayaa aheyd survival of the

fittest.”

“Waa run,” ayuu yiri kii labaad oo u riyaaqaya, “ninkii awood leh ayaa nolosha ku waara.”

“Kuwo badanna oo Soomaalida ka mid ah,” ayuu yiri sarkaalkii koowaad oo qoslaya, “waxay ku

qanceen in ay qurbaha ceyr ka qaataan—shirkadaheenana waxay ku xisaabtamayaan in saacaddii ay

Soomaaliya ka faa’iidaan malyuumaad doollar.”

Waxa qosol isku cammiray labadii sarkaal ee ka soo baxay shirkii Golaha Ammaanka.

“Talada dalka,” ayuu yiri sarkaalkii labaad, “haddii ay Soomaalida u wareegto, way na af-qaban

doonaan, oo shirkadaheenna cubta gelin doonaan.”

“Talo iyo Soomaali?” ayuu yiri sarkaalkii koowaad, “hal qarni ayaa ka xigto inay Soomaali

baraarugto.”

“Hal qarni kama xigtee,” ayuu yiri sarkaalkii labaad, “waxaa ka xigo iyaga oo isku helo rag

hunguri ka sooman; qabyaalad ka xoroobay; faragelin shisheeye iskala weyn; madaxtinimo ka himmad

weyn; kuna baraarugsan waaqaca qarnigan cusub; isku kalsoon oo oggol in la dhaliilo haddii ay

qaldamaan; oo ka faana inay xoog iyo qori caariddiis wax ku maquuniyaan—oggolna in ay u dhintaan

qaddiyad Soomaalinimo.”

“Qaddiyad noocma ah?” ayuu yiri sarkaalkii koowaad, “ma middii Shabaabka oo kale?”

“Soomaaliduba way ogtahay,” ayuu yiri sarkaalkii labaad, “in aysan Shabaab laheyn qaddiyad

Soomaalinimo—oo ay yihiin maafiyadii diinta iyo dalka.”

“Haddaba waayahaye,” ayuu yiri sarkaalkii koowaad, “qaddiyad noocma ah?”

“Ma aqaan,” ayuu yiri sarkaalkii labaad, “waa arrin u taalla Soomaalida inay abuuraan qaddiyad

Soomaalinimo—annagu hawsha noo taallo waa in aynu ka hortagnaa oo fashilino ciddii isku daydo inay

abuurto qaddiyad Soomaalinimo.”

“Ka hortaggu wuu badan yahaye,” ayuu yiri sarkaalkii koowaad, “noocee ka waddaa? Ma ciidan

Qaramada Midoobay baa loo dirayaa? Mise NATO ayaa sidii Liibiya ku duuleyso? Mise hab kale ayaad

og tahay?”

Waxaa qoslay sarkaalkii labaad.

“Isdeji,” ayuu yiri, “labo siyaabo ayaa looga hortagayaa. Kow, waxaa arrimahaas naga kaafisa

Itoobiya oo xubin firfircoon ka ah IGAD—deetana waxay la kaashaneysaa Midowga Afrika.”

“Warkaasaa i gala,” ayuu yiri kii koowaad, “bal habka labaadna soo daa.”

“Haddii uu nin waddanka jecel noo soo dhuuntana,” ayuu yiri ninkii labaad, “waxaa lagu sasabaa

oo loo ballan-qaadaa jago ama hunguri.”

Looma Dhamma. Qore: Cabdullaahi Janno

Febraayo 27, 2012

Copyright © 2011 WardheerNews.com

23

Labadii sarkaal iyaga oo sidii u sheekeysanaya ayay ka soo degteen elafeetarkii, kana baxeen

sartii weynayd ee ay ku shirayeen.

Qeybta 20-aad

Wuxuu Cawil orod ku soo galay cisbitaalkii—oo isagoo hinraagayana isdhex-taagay qolkii uu odaygu

jiifay. Mise waxa lagu qabtay qoryo AK-47.

“Istaag!” ayaa cod qeylo dheer ah yiri. “Istaag! Ha nuuxsan!”

Qolka waxa dhex joogay toboneeyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ah iyo sarkaalkii

iyaga watay. Cawil sas iyo filanwaa ayuu isha ula raaci waayay wejiyada ciidankii qoriga ku qabtay. Oo

rag baa garba-duub isla durbadiiba u xirxiray, dhulkana seexiyay. Saa waxaa sariirta korkeeda ka soo

jalleecay odaygii oo huwan go’ shaal ah. Wuxuu la sheekeysanayay sarkaalkii watay ciidanka oo ku

fadhiyay sariirta geeskeeda.

“War raggu geesisanaa,” ayuu ku kaftamay odaygii oo dhoollacaddeynaya, “war adeerayaalow

wiilka ka leexda.”

Askartii waxay qoriga ka dul qaadeen Cawil oo dhulka warnaa.

Odaygii waxa uu isha la wada raacay askartii oo u badneyd dhallinyaro.

“Waryaada,” ayuu yiri sarkaalkii watay ciidanka, “ma maqasheen ninkii ku jiray Naafada

Ciidanka Xoogga Dalka ee diiday in loo qoro mushaar?”

Ciidankii la socday sarkaalka waxay si fiican u eegeen odaygii. Cawilna isha ayuu la raacay.

“Waa kan hortiinna jiifo,” ayuu yiri sarkaalkii, “idiinma dhinna. Magaciisu waa Korneyl

Xiddig.”

Waxaa indhaha taagay Cawil—kuna baraarugay cidda uu dhab ahaan u yahay odaygu.

“Adduunow xaalkaa ba’,” ayuu yiri odaygii, “markii aan idinka idinla ekaa, toban nin oo feero

waaweyn oo hubeysan ayaan laad iyo looto kaga qaadi jiray hubkooda. Idinkana wiil dacas go’an oo aan

hub sidan ayaad toban qori ku fooririneysaan. Cajiib.”

“Korneylow,” ayuu yiri sarkaalkii watay ciidanka, “adiga waxaa Ruushka kuu dirsaday qaran

Soomaaliyeed oo lagu soo siiyay tababar komaandoosnimo; wiilashanna waxaa laga soo qortay

xerooyinka qaxootiga, oo taangiyada AMISOM ayay magan u yihiin.”

“Sidaasaa u danbeysay dalkayagii,” ayuu cod qushuucsan ku yiri odaygii, “sidaasaa u danbeysay

dalkayagii.”

Waxa uu odaygii gacanta salaam ugu taagay Cawil oo weli wejigiisa laga dheehan karay sas,

anfariir, farxad, amakaag, iyo shucuur is wada qilaafsan.

“Korneyl Xiddigow martina way kuu joogtaa,” ayuu yiri sarkaalkii, “bal Allaha ku caafiyo waan

Looma Dhamma. Qore: Cabdullaahi Janno

Febraayo 27, 2012

Copyright © 2011 WardheerNews.com

24

kaa soo war dooni doonaaye.”

Waxaa sare u kacay sarkaalkii, oo madaxa saartay koofiyad.

“Maandhow,” ayuu yiri odaygii, “hal mid asxaan iigu samee.”

“Korneyl Xiddig,” ayuu yiri sarkaalkii, “haddii aad i tiraahdo ilaaladaada iiga tag, waan kaa

tegayaa. Haddii aad i tiraahdo madaxweynaha iigu keen cisbitaalka, waan kuugu keenayaa. Haddii aad i

tiraahdid waardiye qaas ah caawo iga naqo, waan kaa noqonayaa shaqsi ahaan. Wax sheego, geesiga

dalkow!”

Cawil waxaa wejigiisa ka muuqday dheeh farxadeed. Oo wuxuu isku cabburinayay dhoollacaddeyn.

“Codsigeygu waa sahal,” ayuu yiri odaygii oo muusoonaya. “Mar danbe qolkayga ha la soo gelin

ciidan ilaalo ah.”

“Waa ballan,” ayuu yiri sarkaalkii, “sidoo kalena haddii uu kuu soo galo qof jilbaab iyo indhoshareer

xiran waa aniga ee i ogow.”

“Maxaa?” ayuu yiri odaygii oo yaabban.

“Hee ilaalo la’aan,” ayuu yiri sarkaalkii, “yaa iga qarinaya kuwii habaaranaa ee Shabaabka?”

Waxaa hal mar wada qoslay odaygii iyo ciidankii la socday sarkaalka. Cawil indho-taag ayaa ka

soo haray.

“Ku talagal,” ayuu yiri odaygii, “sir kuuma qarsoona,e. Askartaadiina ku maqashay; wiilkan

aniga ii yimidna ku maqal.”

Waxaa wada qoslay ilaaladii sarkaalka—iyo Cawil.

“Nabadey, Korneyl Xiddig,” ayuu yiri sarkaalkii, “Allaha ku caafiyo.”

“Aamiin,” ayuu yiri odaygii, “aamiin.”

Waxa qolkii cisbitaalka ka baxay sarkaalkii iyo ilaaladiisii.

Cawil waxa uu sugay illaa ay ka baxayeen ciidankii.

“Magac-laawe, yaah,” ayuu yiri Cawil oo muusoonaya, “waad ii dhuummatayee.”

“Weli magacaygu waa sidaa,” ayuu yiri odaygii, “weli waxaan ahay Magac-laawe.”

Waxaa qoslay Cawil, oo madaxa luxay.

“Soo fadhiiso,” ayuu yiri odaygii.

Cawil waxa uu salka dhigay meeshii uu ka kacay sarkaalkii.

Looma Dhamma. Qore: Cabdullaahi Janno

Febraayo 27, 2012

Copyright © 2011 WardheerNews.com

25

“Sidee dareemaysaa,” ayuu yiri Cawil, “maxayna kugu sheegeen?”

“Waan fiicnahay,” ayuu yiri odaygii, “dhiigga ayaa kugu kacay ayay igu yiraahdeen.”

“Ma su’aalaheyga,” ayuu yiri Cawil oo qoslaya, “baa kugu kiciyay dhiigga?”

Odaygii wuu muusooday.

“Allaha ku caafiyo,” ayuu yiri Cawil, “waan ogaa inaad aheyd oday nooc kale ah.”

Waxaa ilbaabka soo garaacday kalkaaliso da’ yar.

“Adeer is diyaari,” ayay tiri, “shaybaarka ayaa laguu kaxeynayaa mar dhow.”

Cawil waxa uu eegay gabadhii—illaa ay ka sii libdheysay.

“Maad guursatid?” ayuu yiri odaygii oo eegaya Cawil.

“Oo haddaba ma adigaa og,” ayuu yiri Cawil, “inaan xaas leeyahay?”

“Kor waayeel waa wada indho,” ayuu yiri odaygii, “indhahaaga ayaa marqaati ka ah

doobnimadaada.”

Waxaa qoslay Cawil.

“Adeerow,” ayuu yiri Cawil, “bal intaanan shaybaarka laguu kaxeynin, su’aashaydii iiga jawaab.”

“Oo aheyd?” ayuu yiri odaygii.

“Soomaalida maanta joogta,” ayuu yiri Cawil, “wax ay u dhan tahay oo ay ku mideysan yihiin ma

jirtaa?”

Odaygii kor ayuu u soo hinqaday, oo jiifka ka soo fadhiistay.

“Nasiib-darro,” ayuu yiri odaygii, “Soomaalida maanta waxa ay u dhan tahay ereyga ah ‘looma

dhamma’.”

Waxaa qolkii ku soo noqotay kalkaalisadii. Oo ay sheybaarka u kaxeysay odaygii oo cuksanaya

garabkii Cawil.

Qoraaga kala xiriir:

claahijanno@gmail.com ama

facebook.com/Qalinmaal

~Dhammaad~

Looma Dhamma. Qore: Cabdullaahi Janno

Febraayo 27, 2012

Copyright © 2011 WardheerNews.com

26

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!