Wax ba dhawran maynee Allow dhagaxyo - WardheerNews
Wax ba dhawran maynee Allow dhagaxyo - WardheerNews
Wax ba dhawran maynee Allow dhagaxyo - WardheerNews
You also want an ePaper? Increase the reach of your titles
YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.
Taariikhdu Waa Cibaaro

Cabdalla Xaaji Cusmaan

Sebtember 25, 2011

Taariikhda aadmigu soo maray taniyo intii uu Ilaahay abuuray dunidan ee ay soo jirtay, waa

cibaaro miidhan oo u baahan in dib loo jalleeco si wax loogu qaato.Marka uu Ilaahay(SW) uu

innooga warramayo raggii qooqay ee uu Fircoon ka mid ahaa waa si aynnu uga baydhno

waddadii ay qaadeen Fircoon iyo raggii la midka ahaa, isla markaana aynnu u marno dariiqa

toosan ee ay ambiyadii innoo jeexeen. Qarni kasta waxa dunida soo mara rag tacaddiyo geysta

oo aan waxba ku qaadan kuwii iyaga ka horreeyey ee sida xun u dhintay amma u jabay.

Waxaan maanta qoraalkan kooban doonayaa inaan kaga hadlo qayb yar oo ah sooyaalka mid

ka mida boqorradii daallimiinta ahaa ee soo maray gobolkan bariga Afrika. Boqorkaas baan

sidii uu u dhaqmayey, isla weynidiisii iyo halkii uu ku dambeeyey soo qaadanaynaa.

Boqorkaan ka warramayo waa Hayle Silaasihii mar ka talin jiray dalka Itoobiya oo 45

sannadood boqor ahaa.

Hayle Silaase waxa uu si shirqool ah ku hantiyey boqortooyadii Xabashida sannadkii

1928kii.(Dhaxalka meella kamuu soo galayn). Intii aanu boqorka noqon magaciisa runta ah

waxa la odhan jirey Tefarri Mokonnen. Waxa aabbo u ahaa Raas Mokonnen Waldhe Mikael

oo u shaqayn jirey boqorkii waagaa ee Xabashida, Menelik. Menelik markii uu qabsaday

xaruuntii Islaamka geeska Afrika ee Harar sannadkii 1887kii,waxa uu Raas Mokonnen oo

Hayle Silaase aabbihii ahaa u magacaabay inuu noqdo guddoomiyihii u horreeyey ee Amxaar

ah ee xukuma Harar, halkaas oo uu tacaddiyo badan ka geystay. 1930kii ayuu Hayle Silaase

isku caleemasaaray inuu yahay boqorkii boqorrada Itoobiya (Emperor). Intaa waxa uu dheera

oo uu sheegan jiray :

Roi des Rois - Boqorkii boqorrada

Lion Conquérant de la Tribu de Juda - Libaaxa guusha ee Yuhuudda

Élu de Dieu - Kii Ilaah doortay

Défenseur de la Foi - Kii difaacayey iimaanka

Lumière du Monde - Iftiinka dunida

1 Taariikhdu Waa Cibaaro

Cabdalla Xaaji Cusmaan

Sebtember 25, 2011

Copyright © 2011 WardheerNews.com
Iyo qaar kale oo badan. Sheegashadan waxa aaminsanaa dadka Amxaarada oo

gaadhay heer ay u sujuudaan, isla markaana ay ku dhaartaan Hayle Selaase.

Boqortooyadii Itoobiya makaniisadda ayey aad ugu xidhnayd, waxayna isku ahaayeen ul iyo

diirkeed. Go’aamada uu qaadanayo boqorku, qaarkood makaniisadda ayuu kala tashan jirey.

Xitaa qofka boqornimada loo dhiibayo iyagaa go’aamin jiray sidaa daraaddeed ul iyo diirkeed

bay isku ahaayeen boqortooyada iyo makanniisaddu. Dalka Itoobiya waa dal kristaana ayuu

odhan jirey isagoo inkiray xuquuqda ay leeyihiin dadka muslimiinta reer Itoobiya oo

boqolkiiba konton ah. Distoorka dalka Itoobiyana si qayaxan buu ugu qornaa in dalku yahay

Kiristaan.Maalmaha ciidaha Kiristanka waa laga nasan jiray shaqada hasayeeshee ciidaha

Islaamka waa la shaqayn jiray.(arrintan waan u joogay)

Hayle Silaase sannadihii uu boqorka ahaa dadka Amxaaradu mugdigii ay dunida kaga jireen

ayuu ka saaray gaar ahaan dhinaca waxabarashada iyo dhaqaalaha. Xukunka, maamulka iyo

ciidammadana iyaga ayuu gacanta ka saaray. Qawmiyadaha dega koonfurta Itoobiya iyagu

inay addoomo yihiin ayey u aqoonsanaayeen boqorka iyo nidaamkiisu.Qawmidda Oromada

aad bay u xaqireen reer boqor oo Gaalla ayey ugu yeedhi jireen, cuqdad weyn bay taa ka

qaadeen Oromadu, heer waxay gaadheen inay Amxaaroobaan oo qawmiyaddoodii u arkaan

mid liidata gaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobollada Shawa iyo Wallagga.

Hayle Selaase xukunkiisa sees adag oo uu is lahaa cidi ma gilgili karto ayuu u dhistay.

Ra’iisalwasaariyaha iyo wasiirrada oo dhan, aqalka sare ee baarlamaanka, guddoomiyayaasha

gobollada, saraakiisha maamulka, safiirrada, saraakiisha ciidammada iyo qaadiyada

maxkamadaha dhammaan isagaa soo magacaabi jiray. Guddoomiyaha maxkamadda sare

isaga laftiisa ayaa ahaa intii uu noolaa oo dhan. Hoggaamiyayaasha qawmiyadaha dalka oo

dhan si toosa ayuu ula xidhiidhayey, kuwa daacadda u noqdana xoolo badan iyo darajooyin

buu ku tixi jiray .

2 Taariikhdu Waa Cibaaro

Cabdalla Xaaji Cusmaan

Sebtember 25, 2011

Copyright © 2011 WardheerNews.com
Hayle Selaase iyo qoyskiisu heer bay gaadheen ay dalka u maamulaan sidii guryo ay leeyihiin

oo kale, saddex wiil iyo saddex hablood oo uu dhalay mid walba waxa uu ku magacawnaa

amiir u taliya gobol, hantida dalka iyagaa iska lahaa oo cidina ma xisaabinayn, gobollada

dalka oo dhan meelo ay ku raaxaystaan oo iyaga u xidhan bay ku lahayeen.Cuntada ay cunaan

qaar baa Yurub looga soo waaridayey xitaa biyaha nooca Evian la yidhaa ayaa France looga

keenayey oo guriga reer boqor lagu cabbi jiray. Baabuurta lagu raaxaystokolba ka u

dambeeya ayey wadanayeen, boqorka keligii oo qudha baabuurta u gaarka ah ee raaxada

badan 73 bay ahaayeen.

Qasriga boqortooyada meelo ugaadha iyo dugaagga lagu dhaqaaleeyo ayaa ka samaysnaa.

Ganacsiga waawayn sida warshadaha, beeraha waaweyn, huteellada iyo guryaha waaweyn oo

dhan boqorka innamadiisa, hablihiisa, kuwa uu soddogga u yahay, inta ku dhawdhaw iyo

makanniisadda ayaa iska lahaa.1974kii markii xukunka laga tuuray hantidaboqorka dibadda

u taallay waxa lagu qaddaray 20 bilyan oo Dollars. Waxa uu ahaa nin aad iyo aad u lacag

jecel, maalmihii xukunka laga tuuray ayaa sariirtii uu ku seexan jiray firaashkii saarraa

hoostiisa laga soo qufay lacag qadarkeedu dhannaa 350,000 Birka Itoobiya ah. Intii uu

boqorka ahaa waxa uu ku dedaalay inuu helo dawo wax ka tarta gabowga oo uu geed dheer

iyo mid gaabanba u fuulay.(Arrinta gabowga, Allaha u naxariistee Ugaaskii Ciisaha,Ugaas

Xasan Xirsi baa laga weriyey)

Intaa waxa dheeraa cabsi joogta ah oo lagu hayey qawmiyadaha Itoobiya oo dhan.Cabsi

gelintu tan iyo boqorradii isaga ka horreeyey siyaasad ay ku dhaqmaan bay u ahayd si dadka

oo dhan loo tuso xoogga boqortooyada isla markaana loo oggolaysiiyo xukunka Amxaarada.

Bilawgii jabka boqortooyada

Dhiil waliba markuu buuxsamo uu daataa,sannadkii 1971kii ayaa bilaw u ahaa burburka

boqornimadii Hayle Selaase.Waxa uu Ilaahay ku salliday ardaydii Jaamicadaha Addis Ababa,

kuwaas oo dhigay bannaanbaxyo aan kala joogsi lahayn.Waa Amxaaradii uu isagu

rabbaystay, waa kuwii oo weliba hoosta ku sita mabaadiida Shuucidda oo berigaa calankeedu

babanayey. Boqorku wadda kasta ayuu u maray sidii uu u joojin lahaa kacdoonka ardayda

weyse u suuroobi wayday. Kacdoonkaa oo socda ayaa waxa uu Ilaahay qaddaray in gobolka

Wallo abaar xumi ku haabsatay 1972-1973kii. Abaartaas oo Hayle Selaase iyo asiirradiisiiba

si weyn u dafireen iyagoo ku andoocoonaayey in dalka Itoobiya haba yaraatee aanay abaaro

ka jirin.Tefishanka (BBC) da ayaa berigaa baahiyey oo caalamka tusay abaarta ba’an ee ku

dhufatay gobolka Wallo, intaa waxa la daba dhigay Hayle Selaase oo qasriga boqortooyada

dugaaggii ku noolaa hilib u qaybinaya. Dadkii ay abaartaasi sahayatay waxa lagu qaddaray

laba boqol oo kun oo ruux.Haddeed mudaaharaaddadii iyo shaqo ka fadhiisigii ayaa sii

xoogayestay,ciidammadii iyo saraakiishii hoose ayaa iyaguna gadooday.

Hadal iyo dhammaan taariikhdu markay ahayd 12kii Sebtambar 1974kii ayaa xukunkii Hayle

Selaase ciidammadu afka ciidda u dareen.Maalintaa baa ugu dambaysay Hayle araggiisa.

Maalmo ka dib waxa dhegta dhiigga loo daray ra’iisal wasaariyihii, wasiirradii, saraaskiishii

sare ee ciidammada oo uu ku jiro wiil uu awow u ahaa oo ciidanka badda xukumi jiray,

kuwaas oo tiradoodu dhammayd 59 qof. Wiilkii dhaxalka lahaa oo la odhanayey Asfa Wossen

iyo wiil uu dhalay oo Yurub joogay maahee intii kale ee reer boqor xabsiyada ayaa lagu

guray, hantidii ay dalka ku lahaayeen dhammaan waa la qarameeyey oo dawladdaa la

3 Taariikhdu Waa Cibaaro

Cabdalla Xaaji Cusmaan

Sebtember 25, 2011

Copyright © 2011 WardheerNews.com
wareegtay.27kii Ogost 1975kiiayaa radiyo Addis Ababa laga sheegay in Hayle Selaase

dhintay oo la aasay. Sida uu u dhintay iyo halka lagu aasay midna lama sheegin.

Boqor Hayle S. yaa afgambiyey, siduu u dhintay, halkee lagu aasay?

Waa halkan meesha ay cibaaradu ku jirto. Ninkii darajooyinka aan kor ku soo xusnay

sheegatay waxa xukunkii ka tuuray mid ka mida kuwii uu u haystay addoomaha, waa Korneyl

Mangistu Hayle Mariyam oo ka soo jeeda qawmiyadda la yidhaa Walaamo ee degta koonfurta

Itoobiya.Mangistu 16kii sannadood ee uu xukunka hayey kumanyaal Amxaaro kuwii ladnaa

ah ayuu dhegta dhiigga u daray qaar kale oo badanna xabsiyada ayuu ka buuxiyey.

1991kii ayaa isagana taladii dalka xoog looga tuuray. Halkaa markay arrimuhu marayaan ayaa

Amxaaradii daacadda u ahayd Hayle Selaase baadi goob u galeen halkii lagu aasay

maydkiisa. Sannadkii 1992kii ayaa nin ogaa halkii laguxabaalay soo baxay. Maalintii uu

ninku horkacayey dadka si loo soo saaro qalfoofkii Hayle waxa daba socday oo duubayey

telefishannada caalamka qaar ka socday. Sidii loo daba socday ayuu ninkii galay gurigii

madaxtooyada, waa la yaabay, lagama hadhinse oo waa la daba socdaa, xafiiskii Mangistu

fadhiisan jirey ayuu daf yidhi, uu sii dhaafay oo musqusha ayuu galay, gidaar hortiisa ah ayuu

farta ku fiiqay isagoo tilmaamaya halka lagu aasay maydka Hayle Selaase. Waa la jebiyey

gidaarkii oo laga soo saaray saxaaraddii uu ku jirey qalfoofku.

Haddaba ninkii boqorka boqorrada sheeganayey ee Hayle Selaase waxa musqushiisa ku

xabaalay oo 16 sannadood ku dul kaadshayey oo ku dul sindhoonayey mid ka tirsan kuwii uu

u haystay addoomaha. Ku darsoo weliba magaca Mangistu waxa ku soo arooray xarfaha ay ka

kooban tahay kelmadda carabiga ah ee NAJIS (Sheekh Cabdulmajiid Kashk Allaha u

naxariistee ayaan ka dhageystay kelmaddaa) .Waa cilmi Ilaahay wax innagu tusayo una

baahan in lagu cibaaro qaato. Ninkasta amma koox kasta oo tacddi iyo isla weyni ku dhaqanta

waxa u dambayn ifka oo ay ku dulloobaan iyo cadaab aakhiro.

Tusaale yar aan raaciyo

Sannadkii 1979kii boqorkii dalka Iraan Shaah Raasa Bahlaawi oo 40 sannadood dalkaa

xukumi jiray ayaa isna taladii xoog looga tuuray. Isagoo dullaysan ayuu dalkiisii hooyo ka

cararay. Boqor Shaah isagoo haystay hanti lagu qaddaray bilyanno oo dibadaha u taallay ayuu

4 Taariikhdu Waa Cibaaro

Cabdalla Xaaji Cusmaan

Sebtember 25, 2011

Copyright © 2011 WardheerNews.com
waayey dal soo dhaweeya, haad geed u fadhiisto waayey buu noqday, aakhirkiina silic iyo

dulli buu ku dhintay.

Sidaa oo kale Maarkoos oo muddo badan ka talin jiray Filibiin, Bookaasihii Afrikada Dhexe

ka amar-ku-taaglayn jirey iyo dabcan Siyaad Barre ayaa iyaguna guuldarro iyo dulli ku

dambeeyey.

Sannadkan 2011ka ee aynnu ku jirno, madaxweynihii dalka Masar Xusni Mubaarik oo dalkaa

ka soo taliyey muddo 32sannadood ah ayaa xukunkiisii afka ciidda loo daray, maalmo yar

kadibna waxaan telefiishannada dunida ka fiirsannay isaga oo rarab lagu sido oo maxkamad la

hor keenay isaga iyo wiilashiisii dhaxalka isu diyaariyey oo dullaysan. Kornayl Qaddaafi oo

isna 42sannadood dusha ka saarraa ummadda Liibiya ayaa isaga iyo wiilashiisii oo dullaysan

duhur cad laga eryey taladii dalka.

Guntii iyo gebagebadii aan ku soo af jaro qoraalkan oo aan idhaahdo sooyaalka dunidu soo

martay waa cibaaro u baahan in dib loo jalleeco si ay cid walba cashar buuxa iyo cibaaro ugu

noqoto.

Waxa qoray Cabdalla Xaaji Cusmaan

Email: cabdalla_xaaj@yahoo.fr

Xigasho

1)Wikipedia

2)BBC

3)Raadiyo Addis Ababa

4)Ugaas Xasan Xirsi

5 Taariikhdu Waa Cibaaro

Cabdalla Xaaji Cusmaan

Sebtember 25, 2011

Copyright © 2011 WardheerNews.com
6 Taariikhdu Waa Cibaaro

Cabdalla Xaaji Cusmaan

Sebtember 25, 2011

Copyright © 2011 WardheerNews.com