30.10.2012 Views

Af-Soomaali

Af-Soomaali

Af-Soomaali

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

Dr. Cabdiraxman Maxamed Cabdi Xaashi

Murashax Madaxweynenimo

ee Soomaaliya 2012

BARNAAMIJKA SIYAASADEED

www.badbaadoqaran.org

ميحرلا نمحرلا للها مسب

:ميركلا هباتك يف لاعو لج للها

ل اق

مكيلع للها ةمعن اوركذاو اوقرفت لاو اعيمج للها لبحب اومصتعاو﴿

متنكو اناوخإ هتمعنب متحبصأ ف مكبول ق نيب فلأ ف ءادعأ متنك ذإ

مكل للها نيبي كلذك اهنم مكذقنأ ف رانلا نم ةرفح ا فش ىلع

﴾نودتهت مكلعل هتايآ

103

،نارمع

لآ

Eebe cassa wa jal wxuu sheegay:

﴾Qabsada Xadhigga Eebe (Islaamka) dhamaantiin hana kala

tagina, xusana Nicmada Eebe ee korkiinna ah, markaad Col

ahaydeen oo isu Dumay/Duway Quluubtiinna ood

Noqoteen Nicmada Eebe darteed Walaalo, idinkoo ahaa Qar

God Naar ah, oo idinka koriyey Xaggeeda, saasuu idiinku

Cadayn Eebe Aayaadkiisii si aad u Hanuuntaan ﴿

Suurat Aali-Cimraan, 103

TUSMO

KHUDBADDA MUSHARRAXNIMADA

ARAGTIDAYDA SIYAASADEED

QORSHAHA SIYAASADEED

TAARIIKH NOLOLEED

KHUDBADDA MUSHARRAXNIMADA

www.badbaadoqaran.org

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Naxariis iyo Nabadgalyo Korkiinna Eebbe ha yeelo dhamaantiin, Aamiin

Walaalayaal,

BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM

KHUDBADDA MUSHARRAXNIMADA

Waxan ugu tartamaya hoogaanka ugu sarreeya ee qarankeenna, , maxaa yeelay waxaan u

heellanahay dhawrista sharfta iyo karaamada shacbiga Soomaaliyeed oo dhawanahan ay

hadhaysay asaatnta xun. Tayada hogaamiyaha wanaagsan, waa inuu yeeshaa haybad,

daacadnimo, iyo inuu tusaale hufan u noqdo bulshada kale si ay ugu day’daan. Haddaba,

waxaan ballanqaadayaa inaan ku si foobi doono tusaalaha wanaagsan ee laga doonayo

hoggaamiyaha tayada leh, taasoo suuroobi karta , marka eebbe igu gallado, islamarkaana

ay taageeradooda ii muujiyaan dadweynaha Sooomaaliyeed, si aan ugu guulaysto

KHUDBADDA MUSHARRAXNIMADA

musharaxnimadadayda.

Waxan ugu tartamaya hoogaanka ugu sarreeya ee qarankeenna, maxaa yeelay waxaan u

heellanahay inaan dib-u-soo-celiyo dawlkad wanaagga Soomaaliya ee ku dhisan

hufnaanta maamulka la-iska-dhex-arki-karo, la-xisaabtan iyo dhawrista haybadda

maaliyadda. Sida aad dhammaantiin la socotaan, waxaa xilligan Soomaaliya hadheeyey

nasiib-darro iyo sharaf-darro u horseedday in loogu yeedho dalka ugu musuq-maasuqa

badan dunida. Sidaas awgeed, waxaan shacbiga Soomaliyeed u ballanqaadayaa , haddii

eebbe igu gallado inaan hanto mas’uuliyadda xafiiska madaxweynennimada, inaan

mudnaanta koowaad siin doono sidii aan gacan bir ah ugu qaban doono ka hortagga iyo

la dagaallanka musuq-maasuqa.

Sida aad dhammaantiin la socotaan, dulinka faafitaanka musuq-maasuqu, waa cudurka

ugu daran ee curyaamiya koridda dhaqaalaha iyo la dagaalanka saboolnimada. Musuqmaasuqu,

wuxuu dhiirrigeliyaa, islamarkaana niyad-jab ku abuuraa waddamada aanu

KHUDBADDA MUSHARRAXNIMADA

saaxiibka nahay ee deeqda bixiya ee u heellan taageerada maaliyadeed iyo gargaarka

dhaqaale ee ay sida weyn ugu baahan yihiin shacbiga Soomaaliyeed. Waxaa kaloo xusid

mudan, inuu musuq-maasuqu, si fool-xun u niyad-jabiyo muwaadinimadda iyo haybadda

shacbiga Soomaaliyeed ee danaynaya inay si siman u bixiyaan canshuuraha ku

waajibay ee adeegyada horumarineed ee dadwweynaha loogu samaynayo, iyadoo

musuq-maasuqu uu dhiirrigeliyo in qaar ay la baxsadaan ama aysan bixin canshuurihii

dalka lagu horumarin lahaa.

Walaalayaal,

Waxaan ugu tartamaya hooggaanka ugu sarreeya ee qarankeenna, maxaa yeelay

waxaan u heellanahay inaan dib-ugu-soo-celiyo gacmaha dadka Soomaaliyeed hannaankii

arrimaha maamulka dawliga ah. Haddii Eebbe idmo, waxaan ballan-qaadayaa in

aanu hoggaankaygu marna u dulqaadan doonin in mar dambe laga hor-joogsado

wakiillada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u dhaartay gudashada xilka ay arrimaha

qaranka u hayaan, inay si buuxda u fuliyaan noockasta oo ay ka hayaan arrimaha go’aan

qaadashada mas’uuliyaddooda. Waxaa intaas soo raaca, inaan hortiinna ka ballan-

KHUDBADDA MUSHARRAXNIMADA

qaadayo, inaan hogaankayga dhexdiisa laga oggolaan doonin khilaaf, middi-middi-kutaag,

carqalad ku noqda habsami-u-socodka mas’uuliyadda aynu ugu dhaarannay

daacad ugu adeegidda shacbiga Soomaaliyeed.

Haddii Eebbe idmo, maadaama aan anigu ahay musharax u taagan jagada ugu sarraysa

qarankeenna, waxaan shacbiga Soomaliyeed u ballan-qaadayaa inaan intii awooddayda

ah isugu gayn doono sidii aan wax walba uga hormarin doono, islamarkaana aan xoogga

saari doono arrimaha khuseeya danta guud ee ummdda Soomaaliyeed, lagamana

yaabo inaan ku lug-yeesho wax ka baxsan danta qaranka, haddii ay ahaan lahaaayeen

kuwa gudaha ah ama dibadda, suuragalna ma noqon doonto dano shakhsiyaadeed oo

ka dhan ah danta guud inaan marna ku lug yeesho .

Walaalayaal,

Fadlan ii oggolaada, inaan dulmar kooban idinkugu iftiimiyo hadafkayga, aragtidayda

iyo qorshe-siyaasadeedkayga, kuwaasoo ay tilmaamaya mudnaanta, barnaamijyada iyo

KHUDBADDA MUSHARRAXNIMADA

arrimaha bud-dhigga u noqon doona xukuumadda aan dhisi doono, haddii eebbe igu

gallado inaan ku guulaysto musharaxnimadayda ku wejehan August 20, 2012.

Farriinta aan ujeedinayo dhallinyarada Soomaaliyeed.

Farriintayda ku wejehan Dhallinyarada Soomaaliyeed, meelkasta oo ay ku sugan yihiin,

ha ahaato gudaha ama dibadda dalka, haddii ay ku sugan yihiin xeryaha qaxootiga ama

ay ku sugan yihiin qurbaha, waxaa imminka la gaadhay waqtigii da’yarta Soomaaliyeed

ay haybsan lahaayeen dalkooda hooyo, islamarkaana ay u hawlgeli lahaayeen dib-uhanashada

aayahooda. Waxayna taas uga qayb qaadan karaan, hirgelinta hawlgallada

shirkadaha wax soo saarka, ku biiritaanka ama dhismaha ururrada bulshada rayidka ah,

iyo ururrada siyaasadda ama waaxyaha kale ee ay gacan kaga gaysan karaan fursadaha

horurineed ee dalka ka jira.

Dhallinyarow, marka la eego xilliga adage e dalku marayo iyo hadimooyinka taariikhiga

ah ee uu soo maray awgeed, dalkiinnu manta ma jirto waqti uu idiinkaga baahi badan

KHUDBADDA MUSHARRAXNIMADA

yahay. Maadaama aan ahayn musharax u taagan jagada maxaweynennimada ee

dalkeenna, waxaa idiinkugu baaqayaa haddii aad tihiin dhalliyarada Soomaaliyeed

inaad ku soo biirtaan ololahayaga ama ololayaasha kale ee ay ku jiraan musharraxiinta

kala duwan ee Soomaalida ah ee jagada madaxweynennimada, si aad qayb uga

noqotaan dhismaha taariikhda dib-u-dhalashada dalkeenna hooyo iyo sidii mar kale

dib-loogu heli lahaa badbaadinta haybadda iyo karaamadiisa uu lahaan jiray qarankii

weynaa ee Soomaaliya.

Gunaanadka khudbaddayda,

Walaalahayga Soomaaliyeedow,

Anigoo kaalmaysanaya fadhliga Eebbe, waxaan si weyn ugu kalsoonahay in taageeradiinnu

ay muhiim u tahay doorashan nagu soo fool-leh, iyadoo wadajirkeennu uu dhab

ahaan dib-ugu-soo-celin doono gacmaha dadka Soomaaliyeed xuquuqda arrimaha

maamulka dalkooda hooyo haddii eebbe idmo. Walaalahayga Soomaaliyeedow,Waxaa

jeclahay inaad idin xusuusiyo inaan nahay hal qaran, hal ummad oo midowday, waaana

KHUDBADDA MUSHARRAXNIMADA

hubaal inaan ka guulaysan doonno caqabad kasta ama dhibaato kasta oo nala soo gudboonaata.

Si kastaba ha ahaatee, kala qaybsanaantu, waxay noo horseedaysaa; tagdarri,

fashil iyo burbur, islamarkaana waxay shabaq ama xayndaab noo gelinaysaa kuwa

aan doonaynin inaan cudurkaas ka bogsonno.

Waxaan ku kalsoonahay in maalintaas iyada ah ay aad u soo dhawdahay, anigoo aad

rumaysan in muddo gaaban oo dhawr sano ku siman, halkii markii hore dalkeennu uu

ku caan baxay ‘dalkii fashilmay’ ay dunidu ku dhawaaqi doonto in dalkeennu uu noqon

doono ‘ Mucjisadii Soomaaliya’.

Sida ku cad aragtida mustaqbalka ee aan qoraalkan ku soo bandhigayo iyo qorshaha

siyaasadeed ee aan soo jeedinayo, waxay ku salaysan yihiin natiijooyinka baahsan ee

wada tashiga iyo talo-wadaagga ku dhisan oo ay u dhan yihiin dhammaan khubarada

iyo xeel-dheerayaasha Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda ku dhaqan. Waxaanan

adeegsan doonaa tallaabooyinka xaqiiqda ku dhisan ee ka dhanka ah ballan-qaadayada

KHUDBADDA MUSHARRAXNIMADA

een-abuurka ah.

Hadafka aragtiyeed ee aan halkan ku soo bandhigayo, wuxuu ka tarjumayaa, xilligii caddaalada,

niyadsamida, hufnaanta shaqada iyo maamul-wanaagga. Waxana idinka

codsanayaa inaad igu taageertaan iyo inaad iigu soo ducaysaan in Eebbe ii fududeeyo

mas’; uuliyadan adage e aan kaga dhabaynayo yoolka aan higsanayo ee aan u

jaangooyey qorshaha muddada afarta sano ee soo socota iyo wixii ka dambeeya, Insha

Allah.

Ugu dambayntii, waxaan halka ku soo gebegebaynayaa qorshaha iyo hadafka siyaaseed

ee musharaxnimada jagada ugu sarraysa ee dakleenna , anigoo ah shakhsi ku rajo weyn

hanashada jagadaas, ayna ka g heshiisyo is-faham iyo tanaasulaad ku dhisan oo lagu

xallin karo dhammaan caqabadaha dalka hor yaalo’an tahay inuu la yimaado hab-raac

yada tayeysan ee maamul-wanaag loo dhan iyo hannaanka hufnaanta aqooneed ee la iska

dhex-arki-karo, kuna salaysan maaraynta arrimaha dawliga ah iyo kartida maamul-

KHUDBADDA MUSHARRAXNIMADA

wanaagga.

Qorshe siyaasadeekan musharaxnimo, wuxuu soo bandhigayaa adeegsiga qaabka la

xisaabtankan sharci-dajinta iyo kormeerka golaha baarlamaanka, kaasoo looga golleeyahay

iskaashiga xuuumadda iyo baarlamaanka, si ay wadajir ahaan ugu xaqiijiyaan

heshiisyo is-faham iyo tanaasulaad ka dhan ah caqabadaha dalka jira,islamarkaana si

wadajir ah looga hawlgalo xaalad kasta oo dalka la soo gudboonaata.

Walalahayga Soomaaliyeedow, Waxaan hortiinna ka caddaynaa inaan ka dhabayn doono

qorshaha siyaaseed ee musharaxnimadayda, anigoo Ilaahheenna weyn iyo ummadda

qaaliga ah ee Soomaaliyeedba u ballan-qaadaya gudashada xilkayga insha allah.

Dr. Cabdiraxman Maxamed Cabdi Xaashi

Khamiis Juunyo 28th, 2012,

Muqdishu, Soomaalia

KHUDBADDA MUSHARRAXNIMADA

ARAGTIDAYDA SIYAASADEED

www.badbaadoqaran.org

BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM

ARAGTIDAYDA SIYAASADEED

BAAHIDA LOO QABO MADAXWEYNE RUNTII MIDEYN KARA QARANKA

Marnaba suuragal ma noqon karto in taageerada beesha caalamka iyo hawlgalka barnaamijyada

horumarineed ay dib u soo celiso in Soomaaliya lugaheeda mar kale isku

taagto, ayna hesho dawlad midnimo iyo horumarin higsan karta, ilaa dalku yeesho

madaxweyne aaminsan midnimo qaran oo dhab ah, ayna kalsooni ku qabi karan inta

aaminsan wadajirka iyo nabad ku wada noolaashada ummadda Soomaliyeed. Waxaanan

anigu qirayaa inaan noqon doono madaxweynahaas, haddii eebbe aniga igu gallado

jagadaas, Insha Allah.

Ugu hoorrayntii, tayada laga doonayo hoggaamiyaha xafiiskaa, waa inuu yahay hoggaamiye

weyn oo huwan haybad, daacadnimo, iyo waayo aragnimo dheeraada.

Sifooyinkani, waa kuwa faro-ku-tiri, ilaa intii ay burburtay dawladdii ee Soomaaliya

ARAGTIDAYDA SIYAASADEED

sannadkii 1991, balse waa haybad tayo iyo waayo-aragnimo huwan oo aan inigu

doonayo inaan soo bandhigo, haddii jagadaas la ii doorto; sida ku xusan heeararkayga

waxbarasho iyo khibraddayda waqtiga dheer ee waayo-aragnimada aanu leeyahay

hay’adaha caalamiga ah ee aan ka soo shaqeeyey, sida Bangiga Adduunka(World Bank).

Tan labaad, waxaan ka soo jeedaa gobolka Soomaaliya ee maamulka Khatumo State ee

Somalia, kaasoo ku caan baxay xuddunta taariikhda halganka, madax-bannaanida iyo

midnimada , ,isagoo ku sifoobay buundada isku-xidhka midnimada Soomaaliya,

waqooyi iyo Koofur. Dadka reer khatumo, waxay ku dhisan yihiin magac ahaan inay u

adeegaan shacbiga Sooomaaliyeed, mana jirto taariikh ama dhaqan tilmaamaya inay

marnaba ku gabooon-faleen ama gacan-bidixeeyeen dadka la nool, taasina waa sababtay

horseedday in gobolkasta oo haddaba in la doorto, musharax haysta dhammaa

khibraddii aqooneed ee loogu baahnaa inuu xal waara ka gaadho caqabadaha hoggaamineed,

kana soo jeeda gobol ay inta badan bulshada Soomaaliyeed aaminsan yihiin,

waxa ay maanta Soomaalidu u baahan tahay, waa kartida iyo hufnaanta shaqo aa aan

anigu matali karo. Waxaa rajaynayaa in aan helo kalsoonidda iyo tageerada dhammaan

dadka Soomaaliyeed ee jecel, sinnaan, caddaalad iyo in Soomaalidu ay nabad waarta ku

ARAGTIDAYDA SIYAASADEED

wada noolaadaan.

Si ka duwan inta badan ee u taagan musharraxnimada jagadaas iyada ah, ayaan uga

dhabayn doonaa qorshe hawleedka xilkayga, anigoo noqon doona adeegaha naftiisa u

hibeeya dadka Soomaaliyeed, islamarkaana ku hawlgeli doona qaabab hufnaan leh oo

uu dib uga hanayo sharaftii ay ummaddu lahayd, anigoo sare u qaadi doona tayeyna

heer-nololeedkooda ee la marin habaabiyey 20kii sano ee la soo dhaafay.

Madaama aan hore u kasbaday waayo-aragnimo aqooneed iyo khibrad heer caalami ah

oo aan kaga soo sahaqeeyey Bangiga Adduunka iyo beesha caalamkaba, waxaan shacbigayga

uga faa’iidayn doonaa khibradaas, waxaanan u horseedi doonaa dalka iyo dadkaba

horumar tayeysan iyo heer-nololeed degenaansho iyo horumar leh, waxaanan ugu

adeegi doonaa daacadnimo, anigoo ku kalsoon inaan ku soo beegnmay xilligii ay ugu

baahi badnayeen helitaanka muwaadin aaminsan midnimo qaran oo dhab ah. Waxaan

eebbe ka rajaynayaa inuu fursaddaas igu gallado, si aan u noqdo, badnaadiyihii Soomaaliya

oo midaysan.

AAMIIN.

ARAGTIDAYDA SIYAASADEED

QORSHAHA SIYAASADEED

www.badbaadoqaran.org

BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM

QORSHAHA SIYAASADEED

waaxyaha amniga iyo garsoorka

Waxay xukuumadda cusub, mudnaanta kowaad siin doontaa sugidda amniga, waxaana

ay dhisi doontaa haddii eebbe idmo, kaddib doorashooyinka madaxweyennimada Au-

gust 20, 2012. Waxaan aad u rumaysanahay in xaaladda cakiran ee imminka uu dalku

ku suganahayay samata-bixin karaan oo keliya ciidammada qalabka sida ee Soomaali-

yeed. Ciidamada AMISOM oo kaashanaysa ciidammada Ethiopia iyo kuwa Soomaali-

yeed, waxay xaqiijiyeen guulo lixaad leh, iyagoo dib-u-hantay gobollo baaxad leh oo dal-

ka ka mid ah. Baahinta nabadgalyada iyo sidii dib-loogu dhisi lahaa sharciga iyo kala

dambaynta goobaha dib-loo-sugay amnigooda, ayaa waxay ka mid noqon doontaa haw-

QORSHAHA SIYAASADEED

laha ugu xasaasisan ee dawladda cusub ay qaban doonto.

Waxa lagama maarmaan ah in Soomaalida iyo bulshada caalamkuba, aysan dayicin

guulaha muhiimka ah ee la gaadhay, lagana gaashaanto in lagu marin habaabiyo karti

darro iyo go’aan qaadasho la’aan. Tababarro iyo qalabayn loo sameeyo ciidammada

qalabka sida ee Soomaaliya, military iyo Booliisba muddada labada sano ee ugu hor-

raysa, ayaa waxay horseedaysaa in si buuxda gacanta loogu dhigo dalkaoo dhan, taasoo

waddada u xaaraysa in la soo gebegebeeyo hawlgallada ciidammada AMISOM iyo Ethio-

pia ay ka wadaan dalka.

Waxaan soo dhaweynayaa talo-soo-jeedinta bulshada rayidka ah e shirkii dhawaan ka

dhacay Istanbul II, kaasoo lagu sheegay dib-loo-qaabeeyo ciidammada AIMSOM, iyadoo

ciidammada nabad ilaalinta QM-lagu sookordhindoono ciidammo kasocda waddamada

Islaamka ah, si looga hortago dicaayadaha iyo borobagaandada ay fidinayaan kooxaha

QORSHAHA SIYAASADEED

Al-shabaab ee oranaya, ciidammada Amisom waa quwado shisheeye oo aan islaam

ahayn, kunasoo duulay dalka. Si loo sugo amniga, xasiloonida dalka, loona soo celiyo

sharcigii iyo kala dambayntii, waxaa lagamamaarmaan ah in la taabbageliyo hay’adaha

garsoorka , adeegyada anshaxmarinta iyo ciqaabta dhagar-qabayaasha, si arrimahaas

loo meelmariyo, waa in dib loo dhiso waaxyaha tababarrada iyo kobcinta khibradaha

hawl-waddeenna waaxyahaas qaabilsan, iyadoo dunida oo dhan laga keenayo dadka

Soomaaliyeed ee xirfadda iyo waaya-aragnimada u leh shaqooyinkaas muhiiimka u ah

bulshada.

dib-u-heshiisiin siyaasadeed iyo ajendadeeda

Wuxuu dalku imminka ku suganyahay xaalad ba’an oo dhinacyada siyaasadda iyo

dhaqaalaha saamayn ku yeelatay, taasoo ay saldhig u yihiin abaaraha xad dhaafka ah iyo

dagaalka sokeeye ee daba-dheeraaday ee socday 20kii sano ee la soo dhaafay. Sidaassi

le’eg, waxaa hadimooyinka dalka aafeeyey kaddib ah marinhabaabinta iyo si xunu

QORSHAHA SIYAASADEED

adeegsida diinta islaamka oo dano siyaasadeed iyo rabshado loo adeegsanayo. Sidaas

awgeed, waxaa lagama maarmaan ah in mustaqbalka la dhiso bulsho Soomaaliyeed oo

saldhigeedu yahay nabadgalyo iyo xasilooni, iyadoo ay dawladdaydu ay mudnaanta koo-

waad siin doonto geeddi-socod dib-u-heshiisiin siyaasadeed oo heer qaran ah,

waxaanan kabilaabi doonnaa sidii loo turxaanbixinlahaa qodxaha xanuunkabadan ee

caqabadaha ku noqday hindisayaashii siyaasadeed ee heer caalami ahaa.

Waxaana arrimaha adag ee ka mid ah: haddii ay Soomaalidu dhaqan-geliso nidaamka

dawladda federaalka ah, immisa dawlad-gobleed baa dalku yeelan doonaa, immisa deg-

mo ayuu dawlad-goboleed kasta uu yeelan dooona? Muddo intee le’eg ayaa heshiis

rasmi ah laga gaadhi doonaa tirade kuraasta? Iyo sidee loo wadaagi doonaa khayraadka

dalka? Arrimahan iyo kuwa kale oo la xidhiidha, waa in xal laga gaadhaa waqtiga ugu

dhaqsiyaha badan. Waxay beesha caalamku fududayn doontaa kaalinta taageerada,

QORSHAHA SIYAASADEED

alse Soomaalida ayey u yaalliin inay xal waara ka gaadhaan arrimahaas siyaasadeed ee

cakiran.

Haddii aan musharaxnimadayda ku guulaysto, waxaa si buuxda u taageeri doonaa in

maamul-hoosaad laga sameeyo gobolkasta, iyadoo aansi dhaw ulashaqayn doono oday-

dhaqaameedyada iyo ururrada kale ee bulshada ee gobolkasta ka jira. Waxaa intaas soo

raaca, in dawladdaydu, ay u hawlgeli doonto sidii uu gobol kasta ku helilahaa saami

siman dhinacyada dib-u-dhiska iyo mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee laga

hirgelinayo dib-u-soo-kabashada dalka.

dib-u-soo-kabashada dhaqaalaha iyo horumarinta

Si loo xoojiyo nabadgalyada Soomaaliya, kaddib marka gacanta dawladda dib loogu soo

celiya goobaha kamaqan, islamarkaana la sugo amniga iyo xasiloonida dalka, waxa laga-

ma maarmaan ah in shaqooyin loo abuuro ragga iyo dumarka shaqo la’aanta ah dalkaoo

QORSHAHA SIYAASADEED

dhan – gaar ahaan, dhalliyaradii kaqayb qaadatay dagaalladii kooxaha Al-Shabaab ama

ururro diimeedyada kale ama maleeshiyaadka hubaysan– dhismaha mashaariicda kaa-

bayaasha waaweyn sida; dayactirka goobaha dawladda, dugsiyada waxbarashada iyo

dhismayaasha kale. Si haddaba loo dhammaystiro hadafkan isaga ah, waxay dawladdu

taageero u fidin doontaa dadkan Soomaaliyeed ee shaqo la'anta ah, islamarkaana lagu

taageeri dono agab xirfadeed oo ay ku shaqaystaan iyo xirfado aqooneed sida;

farasamada gacanta iyo siminaarro jogto ah oo sare loogu qaadayo khibraddooda

shaqo, sida koronto-yaqaan, dhismaha, looxaanta, makaanikada iwm. Xoogga ciidamada

qalabka sida; sida militariga, boliiskaba iyo Asluubtaba, waxaa laga hawlgelin doonaa

dhallinyaradaas aan shaqooyinka haysan, kaddib markii tababarro loo fidiyo. Laguna

meeleyo hay'adaha xirfadahooda waafaqsan.

Si dhab ahaan loola dagaallamo falalka burcad-badeedda ah, loona ciribtiro had-

QORSHAHA SIYAASADEED

imooyinka waxyeelaya dhaqaalaha iyo amniga dalka, , waxay dawladdayadu dejin

doontaa qorshe dhamaystiran oo xagga dhaqaalaha ah, islamarkaana waxay shaqooyin

ka abuuri doonta dhinacyada kalluumaysiga iyo khayraadka badda, kuwaasoo imminka

si sharci-darro ah ay uga fa'iidaystaan shirkado ajnabi ahi, waxaanan xoogga saari

doona iskaashiga ugu habbon inaan la yeelanno dawladaha saxiibka ah si ay khay-

raadkaas ummaddu uga manaafacadsato, iyadoo imminka si ba'an ay dhibaatooyinka

burcad-badeedku u waxyeelayeen. Intaas waxa u dheer, in ay xukumaddaydu ay ku bal-

lan qaadayso, sidii dagaal qawan aan ugu qaadi lahayn cid kasta oo ku lug leh wasa-

khaynta deegaan xeebedkenna, anago tageero lagula dagalamayo aan beesha calamka

an aweydiisan dono.

Fikradihii gabowga ahaa ee weli ku wareegaya maskaxda dadweynaha Soomaliyeed

qaarkood ee tilmamaaya in fursadiihii shaqooyinka ee intooda badan gacanta dawladda

QORSHAHA SIYAASADEED

ku jiray in is-beddel lagu sameeyo. Haddaba, fursadaha waaxda gaarka loo leeyahay

ama madaxa bannaan wa muhiim, islamarkaana shacbiga soomaliyeed waxay hibo u

leeyihiin hindisaha shirkadaha iyo hay'adaha madaxa banan, kuwasoo laga dareemi

karo horumarb lixad leh oo ay Soomalidu ka waddamada Kenya, Bariga iyo bartamaha

Afrika, Waqooyiga Amereika, Yurub iyo dalalka bariga dhexe. Gudaha Soomaliya, waxa

lagu guulaystay shirkado fara badan sida; is-gaarsiinta, xawilaadaha lacagaha, dib-ka-

keenidda noocyo kala duwan oo qalab ah oo kuwa dhismuhu ay ka mid yihiin. Marka

dib loo so celiyo dhaqalaahas dibadda ay ku leeyihiin, lagana hirgeliyo gudaha Somaali-

ya, waxa hubaal ah in horumar lixaad leh dalku ku tallaabsan doono.

Fursado kuwaas la mid ah, ayaa laga heli doona dadka xad dhaafka ah e dibadaha ka soo

laabanaya ee maalgashiga xoogga leh dalka ku samaynaya, iyadoo qaar badan oo ka mid

ah ay la soo noqonayaan khibrad iyo waaya-aragnimo, halka kuwa kalena ay dalka ku

QORSHAHA SIYAASADEED

so kordhin doonaan dhaqaalaha ay dunida ka soo kasbadeen iyo kuwa hawlgabka geliya

oo iayaguna maalgelin dalkooda hooyo ku samaysanaya, shaqooyinna u abuuraya dad-

kooda.

Waxaa kalo jira, kaalin mug leh oo dawladdu ay bulshada u abuuri karto, sida; kobcinta

dhaqaalaha, iyadoo ay dawladdu diiradda sari doonto afar goobood o muhiim ah. Ku-

waaso noqon doona halbowlaha horumarinta dalka.

Midda koowad, waxay dawladdu gacan ka gaysan doonta mashaariicda kaabayasaha

dhaqaalaha, oo sare u qaadi doonta horumarka dalka, sida; dhismaha waddooyinka,

dekkedaha, garoomada diyaaradaha iyo quwadda xoogga korontada, iyadoo la xoojin

doono wax soo saarka dhinacyada beeraha islamarkaana la dhiirrigelin doono maal-

gashiga shirkadaha ganacsiga .

Tan labaad, waxay dawladdu xoojin doonta keydka akhliga wax soo saarka xoolaha nool

QORSHAHA SIYAASADEED

(Soomaaliya waa dalka ugu balaaran ee xoolaha nool dibadda u iib-geeya), waxayna ka

heshaa dhaqalaha ugu balaaran ee dalka so gala, islamarkaana waxaa la dhiirrigelin

doona maalgelinta iyo awoodaynta daynaha iyo keydka wax soo saarkaas, si sare loogu

qaado waaxdan muhiimka ah, iyadoo iskashi buuxda lala yeelanayo bunuugta

maalgelinta u fidinaysa dalka dhaqaalihisa. Intaas waxaa dheer, inay dawladdu xoalo

dhqatada ku taageeri doonto daaweyn iyo tallaal lacag la'aan ah, si caafimaadka iyo wax

soo saarka xoolaha loo kobciyo, looguna qodo ceelal iyo daryeel kale oo ay u baahan

yihin. Waxay dawladdu balaarin doonta suuqqa xoolaha loo iibgeeyo ee waddamada

Bariga Dhexe. Sidoo kale, waxay dawladdu gargaar u fidin doontaa sidii suuqyo cusub

looga furi lahaa dunida oo dhan.

Si loo kobciyo wax soo saarka xoolaha, waxay dawladdaydu, gacan ka gaysan doontaa

abuuritaanka xirfadaha elektroonikadaha ee xoolaha lagu horumariyo, taasoo mar wal-

QORSHAHA SIYAASADEED

a dunida lala wadaagayo xog iyo waaya-aragnimada qiimaha ee kala duwan ee ay duni-

da ka joogaan idaha, riyaha, geela, lo'da ee dhamaan gobollada dalka iyo dibaddaba,

iyadoo la dhiirrigelinayo qiimaha xoolaha, lana awoodaynayo tayada iyo tartanka ganac-

siga xoolaha ee dunida, lagana hortagayo dhibaatooyinka ganacsatada qaarkood ay

abuuran oo dhib u keenaysa horumarinta iyo qorshayaasha suuq-gaynta xoolaheenna,

lagana gashaanto dhacdooyinka sumcadda ka dilaya xoolaha iyo ganacsatada suuqyada

bariga oo inta badan xooleheenna loo iibgeyo.

Tan seddexaad, dawladdu waxay ku dhiirrigelin doonta ganacsatada Soomaliyeed sidii

ay tartan adag ula gali lahaayen waddamada bariga (EAC) iyo bartamaha Afrika, is-

lamarkaana ay uga hawlgeli lahaayeen tartannada adag wax soo saarka iyo adegyada

tani waxay fursad noo siin doonta ka qaybgalka ururrda iyo xiriirrada ganacsiyeed ee

heer gobol iyo heer caalami. Si la mid ah culayskii xoleheenna kala so gudboonaaday

QORSHAHA SIYAASADEED

suuqyada, si la mid ah ayaa waxa ganacsigeenna saameyey khasaare iyo hos u dhac

waddamada afrikada bari iyo bartamaha, kuwaasoo ka hor joogsaday maalgelintii

rasmiga ahayd ee dhinaca shirkadaha laga hirgelinlaha gudaha Soomaaliya, taasoo soo

jiidan doonta shirkadaha maalgashiga ee dalka gudihiisa (FDI). Sidoo kale, dawladdu

waxay dhiirrigelin doonta hirgelinta waaxyaha muhiimka u ah dhaqaalaha dunida ee

fa'iidooyinka gaarka ah u leh bulshada, ayaan ku kordhin doona dhaqaalaha dalka insha

allah.

Ugu dambayntii, dawladda waxa ka go'an kobcinta iyo sare u qaadista daryeelka bul-

shada iyo heer nololeedkooda, iyadoo ay dawladda Soomaaliyeed si buuxda u maalgelin

doonto dhinacyada waxbarashada caafimaadka, iyo biyo nadiif ah sidii qof walba ku heli

lahaa. Khayraadka ugu muhiimsan ee dalku waa dadweynaha, sidaas darteed waxaan

ku dadaalayna awoddaynta qaybaha bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay

QORSHAHA SIYAASADEED

joogaanba. Aqoontu waa halbowlaha horumarka, sidaas darteedna waxaan si joogto ah

u kobcin doonna heerka aqooneed ee dadaweynaha iyo ciribtirka jahliga.

maamul wanaagga

Inta badan Soomaalida iyo dunida inteeda kale, waxay si weyn u rumaysan yihiin in

Soomaaliya ay tahay dalka dunida u musuq-maasuqa badan, arrintaas xaqiiqdeeda iyo

inaysan xaqiiq ahayn, waa la is-weydiin karaa, balse waxaan su’aali ka taagnayn in xuku-

umadda KMG ah ee Soomaliya lagu tilmaamo musuqmaasuq, karti darro iyo hufnaan

la’aan dhinaca la xisaabtanka ah. Sida warbixintii Bangiga Adduunku ka soo saaray intii

uu socday shirkii Istanbul II ee May 2012 , taasoo lagu faahfaahinayey musuqmaaasuqa

ka jira DKMG ah, waxayna natiijada musuqmaasuqa baahsan saamayn ku yeelatay

kalsoonidii ay dadweynaha Soomaaliyeed ka qabeen hoggaaminta DKMG ah. Arrimaha

asaldhigga u ah dawlad wanaagga waxa ka mid ah; hufanaanta la iska-dhex arki karo, la

QORSHAHA SIYAASADEED

xisaabtanka haybadda maaraynta maaliyadda.

Mid ka mid ah hababka maamul-wanaagga, ayaa ah la xisaabtanka maamulka. Waxayna

dawladdaydu musuq maasuqa u aqoonsan doontaa inuu ka mid yahay noockasta oo lid

ku ah dagaalka ka dhanka ah ciribtirka saboolnimada. Waxan kaloo u aqoonsan doonaa

in qaababka lagula dagaallami karo musuqmaasuqa ay ka mid noqon doonaan ni-

daamka la xisaabtanka in laga hirgelin doono dhammaan hay’adaha dawladda.

Waxay xukuumaddaydu, mudnaanta koowaad siin doontaa in golaha baarlamaanku uu

dhaqan-gelin doono sharciga la dagaalanka musuq-maasuqa, iyadoo aynu dhisi doonno

golaha la dagaalanka musuq-maasuqa heer qaran sida ugu dhaqsiyaha badan. Intaas

waxa dheer, inaan si deg deg ah u hawlgelin doonno hay’adda madaxa bannaan ee hanta

-dhawrka hay’adaha dawladda, iyadoon aan dhisi doonno hay’adda la xisaabtanka iyo

hanta-dhawrka qaranka.

QORSHAHA SIYAASADEED

Waxaan ku ballan qaadayaa in qaab la iska dhex-arki karo oo hufnaan leh ay mu-

waadiinta canshuurta bixiyaa ula socon karaan sida loo isticmaalo iyo mudnaasiintooda

dhammaan dakhliga dalka iyo canshuuraha soo gala.

Si loo dar-dar geliyo kalsoonida ummadda, waxaan ballan-qaadayaa in madaxweynaha,

ra’iisul wasaaraha iyo golaha wasiirraduba ay soo bandhigi doonaan hantidooda ka hor

inta aysan xilka la wareegin, islamarkaana dhammaan mushaaraadka heerarka kala du-

wan ee dawladda waxaa loo soo bandhigi doonaa dadweynaha oo uu madaxweynaha,

ra’iisul wasaaraha iyo golaha wasiirraduba ay ku jiraan.

dib-u- dejinta qaxootiga ama bara-kacayaasha

Waxaa iga go’an haddii eebbe igu gallado oo la I doorto, in dawladda cusub ee soo dhisi

doono ay mudnaan gaar ah siin doonto kumanaanka qaxootiga ah ee ku tabaalaysan

xeryaha Kenya, Ethiopia iyo malaayiinta ku bara-kacay gudaha dalka. Waxaa u qors-

QORSHAHA SIYAASADEED

hayn doonnaa barnaamij baahsan oo dib-loogu-dejinayo, annagoo la kaasghanayna

hay’adda qaxootiga QQ ee UNCHR iyo hay’adaha kale ee heer caalami ee qaxootiga iyo

bara-kacayaasha daneeya. Tilmaamaha asaasiga ah ee dib-u-dejinta qaxootiga aan u

raaci doonno waxaa ka mid ah; xaqiijinta barnaamijtada taabbagelinta, iyadoo dhaqaale

ahaan iyo bulsho ahaanba loo qooondayn doonno hab-raacxyada is-dhexgalka heer-

nololeedka caadiga ah ee dadweynaha Soomaaliyeed.

siyaasadda dibadda

Caalami ahaan, waxaan rumaysannahay in iskaashiga aan la yeelanayno dunida inteeda

kale, sida ku xusan axdiga qaramada midoobay iyo heshiisyada, waxay Soomaaliya

xurmayn doontaa, ayna taageeri doontaa dhammaan heshiisyada xuquuqul insaanka

heer caalami iyo xuquuqda uu bini’aadmigu u leeyahay aaya-ka-talinta, is-mamulkiisa

madaxa bannaan iyo nabad ku wada noolaashaha dunida. Intaas waxaa soo raaca, in

QORSHAHA SIYAASADEED

Soomaaliya ay xurmayn doonto dhammaan heshiisyadii ay dawladihii hore ee Soomaali-

ya ay galeen, iyadoo la dhawrayo iskaashiga iyo mucaahadooyinka ururrda heer gobol

iyo kuwa deriska ah, waxayna Soomaaliya si adag u rumayasan tahay taageerada iyo

taabbagelinta amniga iyo xasiloonida, islamarkaana wax kasta oo khilaafaad ah lagu

xallin doono wada hadal iyo is-xurmayn labada dhinac.

dastuurka

Iyadoo laga shidaal qaadanayo waxyeellada, burburka iyo dhibaatooyinka laxawga leh

ee la soo gudboonaaday shacabka Soomaaliyeed labaatankii sano ee tegay, qaranka,

dadaweynaha Soomaaliyeed, waxay xaq u yeelanayaan dhaqan-gelinta iyo hirgelinta

dastuur cusub oo ku hawlgeli doona hab-raac sharciyeed la iska dhex-arki karo, si

buuxdana u qeexaya nidaamka hoggaamineed ee loo dhan yahay dastuurka cusub, waa

inuu ku salaysnaadaa dastuurkii 1960 kaasoo aafti dadweyne lagu oggolaaday sannad-

kii 1961.

QORSHAHA SIYAASADEED

Maadaama, si weyn loo saadaalinayo amniga iyo xasilooni waarta inay ka hirgeli doonto

dalka Soomaaliya mustaqbalka dhaw, dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada ee

ku nool gudaha iyo dibadda iyo waxa hor yaalla fursado qaali ah oo ay kaga qaybgeli

karaan dhismaha iyo horumarinta dalkooda, sidaas si la mid ah, waxa dhawaanahan

bilaabay waddamo badan oo dunida ka mid ah oo gacan weyn ka gaystay sidii ay

bulshooyinkooda waxbarasho la xiriirta noocyada maamulka dawliga ah iyo ho-

rumarintiisa ku baahinaya.

Waxaa xusid mudan in xaaladahan adag ee heshiiska bulshada iyo xiriirka dhaw ee ay

wadaagaan aynu u adeegsan doono maamul-wanaagga , kaasoo si dhab ah u taabanaya

hab-nololeedka maalinlaha ah ee dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed, dalkuna ma

awoodo inuu si deg deg ah u dhaqan-geliyo dastuurka cusub iyadoon si dhab ah looga

baaraan-degin nuxurka uu xambaarsan yahay, maadaama uu ummadda un yahay

toobiyihii mustaqbalkooda.

QORSHAHA SIYAASADEED

TAARIIKH NOLOLEED

www.badbaadoqaran.org

BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM

TAARIIKH NOLOLEED

Dr. Cabdiraxman Maxamed Cabdi (Xaashi) wuxuu cilmiga qeybta dhaqaalaha ka haystaa

shahaadadda ugu sareyso ee PhD-ga isagoo takhasus ku sameeyey cilmiga dhaqaalaha

caalamiga iyo lacagaha ee uu ka qaatay Jaamacadda George Mason University iyo laba

shahaadadood oo (master degrees) ee qeybta cilmiga dhaqaalaha iyo maaliyadda uu ka

haysto Jaamacadda John Hopkins Universtiy. Dr. Cabdi waxbarashadiisa koowaad ee

jaamacadeed wuxuu ka dhigtay Jaamacadda Pace University oo ku taala magaalada New

York, wuxuuna ku takhasusey cilmiga Xisaabaadka. 1980-dii magaalada New York

dhexdeeda, wuxuu ka soo shaqeeyey xaruumaha dhexe ee shirkadaha

PriceCooperWaterhouse iyo Citibank. Sidoo kale wuxuu ka soo shaqeeyey shirkadda

Bangiga Maalgelinta, ee Salomon Brothers oo magaalada New York ku dhextaala,

TAARIIKH NOLOLEED

halkaas oo ka ahaa (senior financial analyst) oo ah u Kuur Gale Sare ee Dhanka Maali-

yadda halkaasoo ganacsatada joogta New York, London, iyo Tokyo u fidin jirey

warbixinno la xiriira dhaqaalaha. Laga bilaabo 1989 ilaa 2004, wuxuu ka soo shaqeeyey

Bangiga Aduunka (World Bank), halkaas oo ka ahaa Howl-galaha Hanti-dhowrka qeybta

maareynta raasumaalka & daynta, oo uu mas’uul ka ahaa maareynta hanti-sheegtada ee

hantida Bangiga oo gaaraysey $115 bilyan oo doolar ah. Sidoo kale Dr. Cabdi waa

Xisaabiye haysta Shahaado Sare (Certified Public Accountant (Certified Public

Accountant (CPA)) oo waxa uu xubin ka yahay Ururka Dhaqaalaha Mareykanka

(American Economic Assiciation (AEA)).

Imminka waa la taliye xagga dhaqaalaha iyo maaliyadda oo uu ku shaqeysto. Aqoontiisa

waxbarasho ee qotada dheer oo ay u weheliso kasmada uu uleeyahay xirfaddii gacan-ku

-qabasho ee kala yimid xarunta ganacsiga caalamka ee Wall Street iyo Bangiga Aduunka

ayaa waxay ka dhigeysaa dhaqaale yahan guud, ee dhanka howl-fulinta shirkadaha

TAARIIKH NOLOLEED

ganacsiga, iyo sida macluumaadka maaliyadeed iyo howlaha dhaqaalaha ay u wada

saameeyaan suuqyada ganacsiga, amniga maaliyadda (financial securities), badeecoyn-

ka, iyo sicirka sarrifka.

Dr. Cabdi waa qoraaga buug soo socda oo cinwaan u ah Bangiyada Islaamka (Islamic

Banking): (Steady in Shaky Times?), buuggaaso la daabici doono horaadka xagaaggan

(2012), buuggan wuxuu sharxi doona nidaamka bangiyada Islaamka oo ah bangiyo ku

shaqeeya shareecada Islaamka oo uu la bar-bardhigayo xasiloonida bangiyadaha

caadiga ah. Sidoo kale buuggan wuxuu sahminayaa waxa ay yihiin casharada laga yaabo

in laga baran karo oo ku aaddan nidaamka looga shaqeeyo bangiyada Islaamka ee uu

ufidin karo nidaamka maaliyadeed ee dunida iminka ka jira ee looga shaqeeyo kaasoo

ay masiibeysey dhibaatooyinka maaliyadeed ee soo noq-noqanaya sida waaqiciga ah oo

ay daliilna u tahay afarta qarni ee la soo dhaafey.

TAARIIKH NOLOLEED

Dr. Cabdi wuxuu dhashay 23 bisha Sitembar, 1955, kuna dhashay Sheikh, Soomaaliya.

Waxa dhalay Md. Maxamed Cabdi Xaashi, oo ahaa Madaxweynihii hore ee Puntland, iyo

Marwo Racwi Cumar Mursal. Waa xaasle oo waxay Muna Jamac Cabdi Raage isqabaan

tan iyo 31 bisha Maajo, 1999 (13 sano).

Dugsiga Hoose:

� Dugsi Hoose ee Laas Caanood

Laas Caanood, 1964 - 1966

� Dugsi Hoose ee Hodan

Muqdisho, 1967

Dugsiga Dhexdhexe:

TAARIIKH NOLOLEED

TAARIIKHDA WAXBARASHADIISA

� Xarunta Waxbarashada Muqdisho

Iskuul Gaar loo leeyahay oo ku yaala Shingaani, Muqdisho, 1968 - 1969

� Iskuulka Lafole Demonstration School

Kulliyadda Waxbarashada Lafoole, Muqdisho, 1970

� Media Centrale

Muqdisho, 1971

Dugsiga Sare:

� Dugsiga Sare ee Benaadir

Muqdisho, 1972 - 1974

� Dugsiga Sare ee 15 ka Maajo

Muqdisho, 1975

Adeegga Shaqada Qaranka:

� Dugsiga Hoose ee Dhagaxtuur ee Hodan

TAARIIKH NOLOLEED

Muqdisho, 1976

Waxbarashada hore ee Jaamacadda:

� Jaamacadda Pace University

New York, New York

Shahaadadda koowaad ee jaamacadda oo uu ku takhasusey Maamulka iyo Maareynta

(Bachelor of Business Adminstration (BBA), ee qeybta Xisaabaadka, 1982

Xisaabiye Haysta Shahaado Sare (Certified Public Accountant (CPA)):

� Jaamacadda Gobolka New York (The University of the State of New York)

Qeybta Waxbarashada, 1985.

Ka dib marka uu soo buuxiyay caddeymaha oo uu soo dhameystirtay shuruudihii

xirfadle iyo shuruudaha kale ee uu sharciga uga baahnaa waxaa Md. Cabdirahman

TAARIIKH NOLOLEED

Maxamed Cabdi la siiyay ruqsaddii rasmiga ee Gobolka New York si uu ugu shaqeysto

Xirfadle Xisaabiye haysta Shahaado Sare (Certified Public Accountant).

Waxbarashada ka dambeysa shahaada koowaad ee jaamacadda:

� Jaamacadda Johns Hopkins University

Baltimore, Maryland

Shahaadadda Master of Arts ee qeybta (Applied Economics), 2003

Shahaadadda Master of Science ee qeybta (Finance), 2005

Waxbarashada ka dambeysa shahaada labaad ee jaamacadda:

� Jaamacadda George Mason University

Fairfax, Virginia

Shahaadadda ugu sareysa ee Doctor of Philosophy ee qeybta Dhaqaalaha, 2010

TAARIIKH NOLOLEED

Dr. Cabdiraxman Maxamed Cabdi Xaashi

Midnimo, Amni, Kabidda Dhaqaalaha, Dawlad-Wanaag

Dawlad Wanaag

www.badbaadoqaran.org

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!