21.08.2013 Views

Dan-seeg - WardheerNews

Dan-seeg - WardheerNews

Dan-seeg - WardheerNews

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

Dan-seeg

W/Q Cabdullaahi Janno

May 15, 2011

Aadan waxa uu ka soo qaxay Soomaaliya. Markii uu qurbaha yimid, waxba kama uusan

beddelin sidii uu u noolaa Soomaaliya. Waa nin karmeed. Weligiisa isku filnaa. Oo

xoogsade ahaa. Oo baahidiisa haqabtiro. Wuxuu aaminsanaa in qurbahana uu sidii

Soomaaliya isku filnaan karo. Oo uu dabooli karo baahidiisa shaqsi iyo midda

qoyseedba. Dan gooni ah ma ahane dan guud weligiisaba iskuma shiddeyn—oo tiisa ka

raacan jiray.

Nasteexo

Goobtu waa masjid. Nin ayaa makarafoonka ku dheggan.

“Waxa bulshaweynta Soomaaliyeed la ogeysiinayaa,” ayuu lahaa, “in dugsiga

lagu dari doono maaddo af-Soomaali ah oo caruurta loo dhigi doono. Ciddii caruur leh

ha keensato. Macallimiin aan hagar aqoon ayaa idiin jooga.”

Aadan ayaa mucaarraday.

“War wax fiican inoo sheeg,” ayuu yiri Aadan oo ku jiray jameecadii fadhisay

masjidka, “ama naga fadhiiso meeshu waa meel cibaadee.”

“Walaal af-Soomaaligaba waa danteenna,” ayuu yiri ninkii taagnaa, “caruurta

ayaa Ilaahooda ku baranaya. Oo Nebigooda ku baranaya. Oo higgaadda iyo akhriska

Quraanka ku baranaya.”

“Walaalow xayaysiintaada nagala tag,” ayuu yiri Aadan, “aan kaa

cibaadeysannee. Miyaadan arkin hawl adduun ayaad la soo gashay masaajidkee?”

Dadkii masjidka fadhiyay waxaa loo kala jabay labo koox. Kuwo la dhacay

nasteexadii ninkii barnaamijka af-Soomaaliga ahaa watay; iyo kuwo ku kacay oo la

saftay Aadankii lahaa meel cibaado yaan la soo gelinin barashada af-Soomaaliga.

Wadajir

Nin ayaa ag taagan wiish la raaco ee saraha dhaadheer ee Soomaalidu deggan tahay.

Waxa uu ninku wataa qalin iyo warqad. Waxa uu doonayay dad saxiixa warqadda si

cabasho loogu gudbiyo maamulka guryaha.

1 Dan-seeg

W/Q Cabdullaahi Janno

May 15, 2011

Copyright © 2011 WardheerNews.com

“Xaafaddan Soomaalida looma roono,” ayuu lahaa ninku, “tafaraaruqeenna ayaa

laga faa’iideystaa. Waad aragteen xilliga barafka baabuurta waa ku dhib inay maraan

waddada yar ee xaafadda; oo islaamo iyo odayaal badani waad aragteen in ay kufaan

maadaama waddada laga xaaqi waayay; nadaafaddii guryaha waad aragteen way liidataa;

waad aragteen xafiiska weji iyo xushmad kuma lihin. Soomaaliyeey magaciinna

warqaddan ku saxiixa, aniga waxaan ahay Soomaali idinla qaba dhibtaan. In aan dacwo

ka gudbiyo ayaan rabaa xafiiska weyn ee maamulka guryaha.”

“Annaguu rabaa inuu lacag nagu cuno,” ayuu yiri Aadan, “walaalow timirtii

horeba dab loo waa. Iga leexo wiishka aan kaa raacee.”

Kaalmo

Waxa minbarka masaajidka taagan shiikh Soomaali ah.

“Walaalaha Muslimiinta Soomaaliyeed,” ayuu lahaa sheekhu, “waxaan idinka

codsaneynaa in aad masjidka gacan-qabataan. Ijaarka bisha waa la dhaafay. Todobo beri

ayaan la daahnay. Baarakumullaahu walaalayaal sadaqada masjidka intii karaankiinna ah

wax un bixiya.”

“Wallee,” ayuu yiri Aadan, “in aanan shilin siin doonin. Anigoo og qabiilkuu ka

dhashay ayuu shaati diin ii soo gashanayaa Weligaaba baarakumullaahu ku haay—

wallee shilin igama qaaddid.”

Dayac

Aadan waxaa uu dhex fadhiyay qoyskiisa. Waxa u joogo labo wiil. Xaaskiisuna waa uur

sagaal bilood ah. Magaceedu waa Luul. Weligiisa si toos ah ulama uusan sheekaysan

caruurtiisa. Hayeeshee wuxuu aaminsanaa in ay yihiin Soomaali sidiisoo kale ah oo

dhaqanka iyo diinta ay iskooda u dhaxli doonaan—isaguna uu dusha kala socdo.

“Waa yaabee,” ayay tiri xaaskiisa Luul, “maxaa maanta guriga kugu soo celiyay

durbadiiba?”

“Soo ma aragtid,” ayuu yiri Aadan, “waxa bannaanka ka dhacaya? Baraf geela

liqi lahaa ayaa da’ay. Meel walba way xiran tahay. Meeshii yareyd ee aan ku shaaxeyn

jirayna baarkin ma leh; waddooyinkii baabuurta la dhigan lahaana lama dhigan karo ayay

dawladdu amartay. Dee balaayo buulkaagaa laga galaa.”

“Annaga ayaaba kuu baahan,” ayay tiri xaaskiisa Luul, “oo xaqa ayaa noo kaa soo

ceshay. Waad aragtaa ilmahaaga ayaad dhexda u fadhisaa…oo aad is warsaneysaan.”

“Waryaa Mursal,” ayuu yiri Aadan, “dugsigii ma diyaarisay casharkiisa?”

“Haa aabbe,” ayuu yiri Mursal oo kombiyuutarka ku ciyaaraya shax, “waan aqaan

casharka.”

“Suuraddee maanta lagaa rabaa?” ayuu yiri Aadan.

“Idaajaa,” ayuu yiri Mursal.

2 Dan-seeg

W/Q Cabdullaahi Janno

May 15, 2011

Copyright © 2011 WardheerNews.com

“Kaalay i maqashii,” ayuu yiri Aadan.

Mursal waxa uu dusha ka dareeriyay Suuraddii Idaajaa.

“Haddaba ii higgaadi,” ayuu yiri Aadan, “i maqashii sida aad u higgaadisid.”

Mursal indhaha ayuu galka ka bixiyay.

“Aabbe,” ayuu yiri, “higgaad maxaa la dhahaa?”

“Yaah?” ayuu yiri Aadan, “ma warkaasaad maantana keentay?”

“Aabbe I swear,” ayuu yiri Mursal, “I don’t know higgaad. Maxaa waayena?”

Aadan waxa uu haruufay Mursal.

“Waryaa imisaan ku iri iga dhaaf af-Ingiriisi?” ayuu yiri Aadan, “dheh

Bismillaahi bis ba’ la hoos-dhigey siin lagu reeb. Millaahi miim miin la hoos-dhigey.

Allaahi al alif la kor-dhigey laam lagu reeb. Laahi laa laam la kor-dhigey alif lagu reeb.

Hi, hii haa la hoos-dhigey.”

Mursal wuu yaabban yahay.

“Aabbe,” ayuu yiri, “maxaa waaye waxaad dhaheysid? Soomaali miyaa?”

Aadan isagana waagii ayaa ku baryay. Oo wuxuu arkaa wiilkiisa oo saddex iyo

toban jirsaday, hayeeshee dhaafi la’ Suuradaha hoose ee Quraanka. Oo sidoo kalena

higgaadda ka arradan.

“Oo kaalay,” ayuu Aadan ku yiri xaaskiisa Luul, “ilmaha higgaadda maxaad u

bari weysay? Waa maxay caruurtan aan higgaadda aqoon ee misana leh dugsi ayaan

dhigannaa?”

“Aan baree higgaadda,” ayay tiri xaaskiisa Luul, “adiga ma u dhaqeysaa dharka?

Suuqa ma ka soo adeegaysaa? Jikada ma u galeysaa? Guriga ma nadiifineysaa?

“Naa orodow doc ii dhaaf,” ayuu la soo booday Aadan, “kheyrkaagaba intaa wuu

sammeeyaa—waxbarashada caruurtoodana way ka adag yihiin.”

“Aabbe,” ayuu yiri Mursal, “higgaad maxaa la dhahaa? Suurad Quraan ah

miyaa?”

“Alla dhaadhaankiyow,” ayuu yiri Aadan, “intaad kombiyuutar ku sii jeedday

ayaad facaaga ka hartay.”

“Facaaga maxaa la dhahaa?” ayuu misana la soo booday Mursal.

“Naa ilmahaan ma sidan bay dayac iyo baaba’ u yihiin?” ayuu yiri Aadan,

“waryaada is diyaariya markii aad galabta ka soo baxdaan iskoolka waxaad misana

aadeysaan meel lagu barto afkii hooyo.”

“Aabbe,” ayuu yiri Mursal, “afkii hooyo meel magaceed miyaa?”

Intuusan jawaabin Aadan ayaa waxa nabar fool leh qabtay xaaskiisa Luul.

Dhankeeda ayuu u soo hinqaday.

“Ma la gaaray?” ayuu yiri, “ma fooshii baa?”

“Alla laa ilaaha illallaahu,” ayay tiri xaaskiisa oo faruuryaha xanuun la

qaniineyso, oo dhibco kuuskuusan oo dhidid ah ay ka tiftifqayeen, “meesha iga kaxee.

Oo cisbitaalka ii kaxee. Alxamdulillaahi. Aaah!”

3 Dan-seeg

W/Q Cabdullaahi Janno

May 15, 2011

Copyright © 2011 WardheerNews.com

Aadan waxa uu durbadiiba lugaha geliyay surwaal jiinis ah, oo misana ka dul

xidhay jaakad adag oo tii barafka ah. Kabo waaweyn oo duf leh ayuu cagaha gashtay.

Xaaskiisa ayuu u luudiyay dhankii arjaamada. Iyana waxay xiratay jaakad weyn.

“Waryaada Mursal iyo Mowliid,” ayuu yiri Aadan, “ordahaya u sii taga

habayartiinna. Iyada la sii jooga illaa intaan cisbitaalka ka soo noqoneynno.”

Wiilashii waxay u dhaqaaqeen guri deriskooda ahaa oo ay degganeyd haweeney

ay reerku isku fiicnaayeen. Aadan iyo waxaa is raacay xaaskiisa Luul. Wiishkii ayay

soo ag istaageen iyadoo neeftuureyso, oo uu dhidid wada qooyay. Aadan waxa uu

xaaskiisa ku eegay il raxmad. Dhididka ayuu calaacashiisa uga tirtiray.

Shan daqiiqo ayay sugeen inuu wiishku yimaado si ay u raacaan. Waxa furmay

wiish u socday dabaqa kore—oo buux dhaafay. Waxa Aadan loo sheegay in ay halleysan

yihiin wiishashku…oo hal keliya ahi uu shaqeynayo. Wuxuu damcay in uu sugo.

Daqiiqado ka dib ayaa waxa soo noqday halkii wiish ee kor ku maqnaa oo meel ul la

qotomiyo aysan ka bannaaneyn. Waxa yaraaday sabirkii Aadan.

“War waxaan see looga dacwoodaa?” ayuu yiri Aadan oo wejigu kaduudmay.

Baraf

Kursigii gaarigiisa ayuu Aadan si aayar u dul fadhiisiyay xaaskiisa.

“Bismillaahi,” ayuu yiri, oo furihii ku rogey Toyota Camry uu lahaa.

Baarkinkii ayuu ka soo baxay. Bannaanka iyo waddadii barafka wadhnaa ayuu

magan u noqday. Dhulkii sidii in uu diiddan yahay in lagu dul socdo ayuu gaarigii

Aadan dhaqaaqi waayay. Barafkii ayuu galay. Aadan waxa uu sagxadda ku dhejiyay

sheellarihii. Dhawaaq iyo qiiq ayaa ka soo haray gaarigiisii. Saa inta marshada u

beddelay gadaal ayuu damcay in uu dib dib u baxo. Ka daran sidii hore, Toyota Camry

qafiif ah bey aheydee waxay u siqday dhinac dhinac, oo tuur baraf ah ayay qaarka danbe

la gashay. Aadan waxa uu eegay xaaskiisa oo uu dhididku ka soo daadanayo xanuun

awgii. Oo marna indhaha isku nabeysa; marna ashahaadaneyso.

Aadan inta ka soo baxay gaarigii ayuu eegay meesha shaagga looga dheggan yahay.

Mise afartii shaagoodba waa aasmeen. Talo ayaa ku caddaatay. Waxa uu damcay in uu

qeylo-dhaan dirsado. Mise hareerihiisa waxa uu sidoo kale arkay illaa shan gaari kale oo

ay Soomaali leedahay oo barafkii wada galay. Mid waliba iskiisa ayuu u harjadayay.

Aadan inta kadalloobsaday ayuu damcay in uu barafkii ku qodo gacmahiisa. Neef

kulul ayaa ka soo baxaysay. Shaaggii ugu horreeyay markuu in yar qodayba gacmihii

ayaa kogay. Badeel ma wato. Gacmo-gashi ma wato. Xaaskiisa waa foolaneysaa. Cid u

soo gurman kadhay ma jirin. Gaarigii ayuu orod ku soo galay…oo gacmaha dul saaray

4 Dan-seeg

W/Q Cabdullaahi Janno

May 15, 2011

Copyright © 2011 WardheerNews.com

marwaxaddii kuleylka soo afuufeysay. Daqiiqad ma uusan hakane inta bannaanka u soo

baxay, oo salka dhulka dhigay, ayuu damcay inuu lugahiisa ku xaaqo barafkii aasay

shaagaggii gaarigiisa. Saa misana inta soo hinqaday ayuu u soo orday dhankii xaaskiisii

oo ay fooshu heysay.

“War saan si ma ahan,” ayay tiri, “ee bal wac imerjensiga. Wac 911.”

Waxa uu si halhaleel ah jeebka kala soo baxay telefoonkiisa jeebka. Gurmadkii

degdegga ahaa ayuu wacay. Waxa loo sheegay in baabuur loo soo diri doono—iyo in uu

adkeysto maadaama badi waddooyinka ay baraf iyo shilal baabuur la xiran yihiin.

Gawaarileydii kale ee barafku xannibay markii ay arkeen xaalkii Aadan ayay u

soo gurmadeen. Wixii rag ahaa ayaa hal mar waxay muruq iyo maskax isugu geeyeen

baabuurkii ay gabadhu ku foolaneysay. Mid baa badeel la soo orday. Mid baa ciid la soo

orday. Kuwo gaariga ayay geesaha ka galeen—oo riixeen. Iyagoo la xarbinaya barifkii

ayaa waxaa dul yimid ambalaaskii.

Isla durbadiiba Aadan ayaa u cararay dhankoodii. Shaqaalihii ambalaaska ayaa

sariir la soo degdegay, waxayna ku xambaareen xaaskiisii Luul. Aadan inta furihii

gaariga u dhiibay nin deriska ah ayuu xaaskiisii la raacay ambalaaskii—oo dhankii

cisbitaalka u dhaqaaqeen.

Aadan waxa uu fiiriyay xaaskiisa.

“Waan dhownahay,” ayuu yiri, “waan dhownahay. Adkeyso. Waan

dhownahay.”

Luggooyo

Luul waxay ka baxday umushii. Waxaa uu Aadan go’aansaday in Mursal iyo Mowliid

uu geeyo iskoolkii af-Soomaaliga ee hadda ka hor laga naadin jiray masjidka.

Waxa uu wiilashii u soo kaxeeyay dhankii masjidka. Waxa uu yimid masjidkii oo

uu ag-joogo gaari weyn oo ay dhallinyaro ku rareysay salliyadii iyo dermihii masjidka.

“Dhallinyaro,” ayuu yiri Aadan, “ma joogaa macallinkii af-Soomaaliga?”

Waxaa is eegay dhallinyartii.

“Adeer alaabtii masjidkii ayaaba la rarayaa,” ayuu yiri wiil dhallinyaro ah, “iskool

af-Soomaali ah xagguu joogaa?”

“Oo ma meel kale ayuu masjidku u guurayaa?” ayuu yiri Aadan.

“Maya,” ayaa loogu jawaabay, “masjidkii ayaa la xiray. Ijaarka ayuu dhowr mar

masjidka la daahay.”

“Oo salaadda,” ayuu yiri Aadan, “iyo Jimcaha xaggee lagu tukan doonaa?”

Dhallinyartii sidii in aysan maqlin ayay hawshooda iska sii wateen.

5 Dan-seeg

W/Q Cabdullaahi Janno

May 15, 2011

Copyright © 2011 WardheerNews.com

“Dugsigii iyo fasalkii af-Soomaaliga,” ayuu misina yiri Aadan, “iyaga meelo

dhow dhow may u guureen?”

“Finish, adeer!” ayuu yiri wiil ka mid ahaa dhallinyarada, “waa lagu kala tegay

meesha.”

Aadan waxa uu ku dheggan yahay isteerinka gaarigiisa. Oo waddada saaran yahay.

Waxa uu u soo socday xaafaddii uu deganaa. Labadiisii wiil waxay fadhiyeen kuraasta

gadaal. Af uusan Aadan si fiican u garaneyn oo Ingiriis la yiraahdo ayay ku

sheekaysanayeen.

Qore: Cabdullaahi Janno

Wixii talo iyo tusaale ah fadlan ku soo hagaaji Email: claahijanno@gmail.com

6 Dan-seeg

W/Q Cabdullaahi Janno

May 15, 2011

Copyright © 2011 WardheerNews.com

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!