12.03.2014 Views

WARSIDAHA QOYSKA ESL

WARSIDAHA QOYSKA ESL

WARSIDAHA QOYSKA ESL

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

WARSIDAHA QOYSKA ESL Dayr 2009

Linkoln oo Xariifnimo ka Muujiyey Fanka

Miss Erwin

Maalinta Khamiista ah ee Sebtembar 18, Dugsiga Hoose ee Fanka Matalaaladda

Linkoln waxay soo bandhigeen jilitaankooda ugu horeysay ee dugsiga oo dhan

qol ay ka buuxaan waalidiinta iyo dadweyne kale oo xiisa ku lahaa. Mid ka mid

ah daawadayaasha/dhageystayaasha waxay ka mid ahayd xirfadlayaasha

riwaayadaha/filimada jisha oo ku nool xaafadda berigaasna kooxdeeda safar u

baxin. Islaantaas waxay u riyaaqdey in ay soo aragto waxa ka socda Linkoln! Qof

walbo xiisa ayuu u yeeshay kartida ka muuqdey arday walbo ee dhismaha ku

jiray waxa ay ka muujiyeen shan asbuuc gaagaaban oo kasoo wareegtay

billawga Sanad dugsiyeedkan. Qoob-kaciyaarka, codka, iya qalabka miyuusikada

oo dhan wuxuu qayb ka ahaa farsamadaan cajiibka ah. Waxaana kaloo la jirtey

heeso miyuusik kala duwan leh laga bilaabo heesaha qaafiyada leh ee carruurta

barbaarta ah ilaa heesaha kala ah Abbaleeshiyaanka, Laatiinka, iyo Aafrikada

Galbeed. Waxaa lagu heesay afafka Ingiriisiga, Isbaanishka iyo Wolofka.

2009-10 ESL Family Newsletter (FALL), SOMALI.

WARSIDAHA QOYSKA ESL Dayr 2009

Waxaan rumeysanahay in dugsigeena u fidiyo ardayda oo dhan waxbarasho

gaar ah oo kala duwan ah. Miyuusik, qoob-kaciyaar, iyo masraxiyad waxay ka

caawisaa kuwa af Ingiriisiga baranooya in ay ka gudbaan dhammaan

waxyaabaha hortaagan barashada afka.

Macallimiinteena waxay soo mareen labo asbuuc oo tababar gaar ah

xagaaga sanadkan si ay u bartaan isticmaalka masraxa, miyuusikada, iyo qoobkaciyaarka

baridda saayniska, culuunta bulshada, xisaabta, akhrista iyo qorista.

Sidaas darteed, waynu qoob-kaciyaroona, mataloona, iyo miyuusik ayaan

ciyaaroona maalin dhan, fasalada fanka loogu tala galey keliye ma aha laakiin

meel walboo dugsiga ka mid ah! Waxaynu dareena raaxo anaga oo

waxbaranoona. Haddii aad soo dhexmarto xaafadda Bajartaawun iyo Waddada

Bariga Meeyn, fadlan halkaas joogso ee nasoo mar, halkaaso aad arki karto sida

dugsiga Linkoln ka muujiyey XIRFADNIMADA FANKA!

Hoggaamiyaha Dhallinyarka ah ee Makonell

Miss Mooris

Bisha Juun, waxaa la doortey arday

siiniyar ah oo dhigta Dugsiga Sare ee

Sentral in uu ka qayb galo Machadka

Hoggaamiyayaasha Dhalinyarta ah ee

Xarunta Makonell. Machadka

Hoggaamiyayaasha Dhallinyarta ah waa

shir laga falanqeeyo isku xir-xirnaanta

dhaqanka, diimaha, dhaqaalaha, iyo

siyaasadda ka dhaxeysa Dalka

Maraykanka iyo waddamada Bariga

Dhexe.

2009-10 ESL Family Newsletter (FALL), SOMALI.

WARSIDAHA QOYSKA ESL Dayr 2009

Bisha Luulyo, wuxuu ka mid noqdey kontonka arday ee laga xulay

degmada in ay saddex-maalmood sii degaan xerada Jaamacadda Luwisfiil iyaga

oo ka mid noqonaayaan cilmi baaris xagga dhaqanka, dhaqaalaha, iyo

siyaasadda. Machadka Hoggaamiyayaasha Dhallinyarada ee 2009 wuxuu

ahmiyad-saarey doorka dalka Maraykanka uu ka leeyahay beesha caalamka iyo

haddii uu isbeddelaayo doorkaas anaga oo isha ku haaynaa. Ka qayb gelayaasha

Machadka waxay ka qayb qaateen duruus, dood, iyo dhaqdhaqaaqo laga wada

hadlaayo mowduucyada ay ka mid yihiin Waddamada Bariga Dhexe iyo Dalalka

Galbeedka, Maraykanka iyo Islaamka Asal-raaca ah, Dalka Yahuudda iyo

Falastiin, Aragtida Reer Galbeedka iyo Dunida Muslimka.

Ka qayb galnimadiisa darteed, ardayga wuxuu helay shahaado ka qayb

gelin ah iyo aqoonsasho uu Xoghayaha Dawladda ee Kintaaki ku magacaabey

Safiirka Barwaaqasooranka . Intaas waxaa u dheer, isaga oo lagu sharfey

Abaalmarka Hoggaamiyaha Kooxda Yar. Wuxuu Maraykanka ka yimid dalka

Gaambiya xilliga guga.

Wararka Dugsiga Hoose ee Jefersontaawun

Miss Toompson

Iyadoo ay tahay sanadka 5aad ee ardayda ESLka fasalka 3aad ay tegaan

kaambo meesha loo yaqaano Kambbellesfiil, Kintaaki kuna taala Webiga

Cagaaran(Griin Rifar). Barnaamijkan cajiibka leh waxaa bixiyaa urur sama faleed

ee Kanadeeska ah looguna tala galey in lagu xasuusto cayaaryahaanka

Kanadiyaanka ee ciyaarta Hokiga magaciisana ahaa Tim Horton oo sanado badan

ka hor ku dhintay shil baabuur. Kintaaki waa gobolka keliye ee Maraykanka

gudahiisa oo leh kaambaha Tim Horton. Safarka halkaas waxaa ahmiyad gaar la

saara dhisidda hab kooxeed, iskaashi, mas’uuliyad qaad, iyo ka warhaynta

xaaladda deegaanka.

Bishan gudahiisa waxaa jiri doona Damaashaadka Xilliga Dayrta iyo Bandhigga

Dugsiyada halkaasoo ka jiri doonta goob matisha ESL.

2009-10 ESL Family Newsletter (FALL), SOMALI.

WARSIDAHA QOYSKA ESL Dayr 2009

Adeegyada Maktabadda iyo Dhacdooyinka Jira

Ms. Maier, Maktabadda Dadweynaha ee Lacag la’aanta ah Maktabadda

Dadweynaha ee Lacag La’aanta ah waxay soo dhaweynaysaa waalidiinta

iyo macallimiinta in ay booqdaan faraca maktabaddooda. Ka faa’iideysta ilaha

badan ee aqoonta, qaar ka mid ah wuxuu noqon karaa kaalmo hawlaha aradyda

guriga loo diro in ay ka shaqeeyaan. Waxaa jiraa macluumaad interneedka ku

jira iyo buugaag badan oo aruursan kuwaas oo aradyda ka kaalmeyn karto

mashruucyada waxbarashada dugsiga laga siiyo. Waxaynu qabnaa buugaag

loogu tala galey da’ walbo kuwaas oo carruurta ka kaalmeyn karta barashada

dheeraadka ah waxyaabaha ay ka bartaan dugsiyada.

Waxaa kaloo aynu dhiiri-galinaynaa waalidiinta in ay tusaale noqdaan

xagga akhrista baashaalka ah. Waxaan qabnaa buugaag loogu tala galey dadka

waaweyn iyo carruurta oo ku qoran luqado kala duwan. Waxaan u doodnaa ku

raaxeysiga iyo horumarinta dhammaan luqadaha. Carruurta waxay qabaan

fursooyin badan xagga nolosha haddii lagu baro wax akhrista iyo qorista afkooda

hooyo iyo sidoo kale af Ingiriisiga.

Haddii adiga ama canuggaga uu jecelyahay in uu helo fursooyin kale uu

taba-bar ka sameeyo af Ingiriisiga, fadlan soo booqo Maktabadda Irokuwaay

halkaaso aad ka heli karto qof iskaa wax u-qabso kula shaqeyn doona hal-hal qof

isaga oo jecel in uu ka caawiyo ardayda horumarinta xirfadaha ku hadalka af

Ingiriisiga. Waxaan kulanaa Sabti walboo bisha Oktoobar iyo Noofembar sacadda

marka ay tahay 3da galabnimo maktabadda Irokuwaay. Carruurta waa la

oggolyahay in ay yimaadaan.

Intaas waxaa u dheer, waxaan qabnaa koox Wareegto ah oo Af Faransiis

ku hadla iyo saalo(fadhi) suugaaneed ee af Isbaanishka si ay ka caawiyaan dhiirigalinta

iyo sahlinta jacaylka luqadaha kale xagga dadka waaweyn iyo carruurta

tobanjiraalaha ka weyn.

2009-10 ESL Family Newsletter (FALL), SOMALI.

WARSIDAHA QOYSKA ESL Dayr 2009

Dadka qaba carruurta yar-yar waxaan idiinku casuumeynaa in aad ka qayb

gashaan waqtiyada Sheekooyinka(Qisooyinka) kuwaas oo laga qabto faracyada

maktabadda oo dhan. Imaada ee soo booqda maktabadda deegaankaaga si aad

ka hesho macluumaad dheeraad ah.

Barnaamijyada Carruurta

Waqtiga-sheekada ilmaha aan weli-soconin iyo kuwa soconaaya

Isniin walbo, 10:30 subaxnimo

Waqtiga-Sheekada ilamaha socod-baradka

Arbaco walbo, 11:15 subaxnimo

Waqtiga-Sheekada ilamaha bar-baradka(2-5 jir ah)

Arbaco walbo, 10:15 subaxnimo

2009-10 ESL Family Newsletter (FALL), SOMALI.

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!