26.07.2014 Views

Gaariye Nabadeey!

Gaariye Nabadeey!

Gaariye Nabadeey!

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

Gaarriyana ma Naga Tagey!

Lix haloo u wada gaar ahaa goconayaa mooyi!

W.Q. Maxamed Daahir Afrax

Siduu Good ku yiri gabay

Geesigu ma waaree

Gaarriyana ma naga tagey!

Laba sano oo keliya ayaa ka soo wareegtay markii aan akhristayaasha Wardheernews la wadaagay murugadii ay igu

dhalisay geerida is daba-joogga ah ee sidii tusbax g’ay ay godka ku sii hoobanayaan hormuudkii hal-abuurka iyo

abwaannada Soomaaliyeed. Kii aan xilligaas tacsidiisa u fadhiney wuxuu ahaa Saalax Xaashi Carab. Baroor-diiqdiisa

waxaan ku xusay magacyada taxane dheer oo aan wax badan ka horreyn. Waxaa ka mid ahaa (Allaha u wada

naxariistee) Xuseen Aw Faarax, Xasan Shiikh Muumin, Cabdulqaadir Xirsi Yamyam, Cabdillaahi Qarshe, Cabdi

Muxumud Amiin, Cumar Dhuule, Cabdulle Raage iyo qaar kaloo badan. Labadii sano ee ka dambeyseyna waxaa ka

sii daba tagey tiro aan ka yarayn intii aan maalintaas u murugoonayney. Qiyaastayda wuu yaryahay toddobaad aan

mid hor leh laga qayla-keenin. Toddobaadkii dhawaa annagoo weli u fadhina tacsidii Faysal Cumar Mushtee iyo

Cabdi Jeylaani Marshaale oo in yar ka horreeyey ayaa nalooka naxsaday “Gaarriyana socoy”!

Geeridu waa xaq tanise waa gaw! – “Abidkii rag waa goi’ jiree tanise waa gaw e”. Cali Jaamac Haabiil ayaa ugu

baroor-diiqay saaxiibkiis Xirsi Cilmi Goonle. Meeriskan ka sokow, geerida Gaarriye waxay i xasuusisay lixdii qodob

ee uu Cali Jaamac taxay, sheegayna inuu uga gami’la’yahay geeridii Xirsi: “Geeridii Xirsay sheegayaan gacal ha

waayeene”. Lixdii qodob ee uu halqabsiga uga dhigay: “lix hal oo u wada gaar ahaa gocanayaa mooyi”. Sidii Jaamac

geeridii saaxiibkiis Xirsi ay xasuusisay lix sifoo qaali ah oo uu lahaa, ayay anigana geeridii saaxiibkay Gaarriye waxay

ii xasuusisay “lix haloo wada gaar ahaa”!! Lix sifo oo qaali ah oo uu maansayahannadeenna weli nool ku yaryahay

(hadduuba ku jiro) mid ay lixdaasi ku wada kulansan yihiin. Marka aan mid-mid idiinku sheego waan ku

kalsoonahay intiinii Gaarriye ila tiqiin inaad wada oran doontaan “been maad sheegin”. An idiin tiriyo:

1. Wuxuu ahaa geesi an la gabban, cidnaba uga haybaysan wixii ugu muuqda xaq iyo xalaal. Maansaynta iyo

nolosha caadiga ah labadaba si isku mid ah ayuu ugu ahaa dhiirrane hadalkiisu dabka ka cadyahay.

2. Wuxuu ahaa nin leh mabda’ joogtaysan oo aragti ay hagayso. Mabda’iisu wuxuu ahaa xuma-diid, heer

qaran, heer qaaradeed iyo heer caalami intaba.

3. Wuxuu ahaa aftahan codkar ah. Wuxuu codkar ku ahaa maansaynta iyo hadalka caadiga labadaba. Dadku

waxay u badan yihiin qof hadalka caadiga ah codkar ku ah laakiinse an laba meeris oo maansa ah tixi Karin

iyo mid maansada wacdaro ku muujiya, laakiinse hadalka caadiga ah af-garooc ku ah. Gaarriye wuxuu

ahaa nin labadaba la isu raaciyey.

4. Wuxuu ahaa gabayaa haddana aqoonyahan ah/cilmi-baadhe. Wuxuu fursad u helay tacliin sare. Waxay ku

caawisay inuu cilmi-baadhis ku keeno hindise cusub: miisaanka maansada; dhanka kalena khilaawayn

(imagination) ku hal-abuuro maansooyin loo riyaaqo. Waa sifo aanan xasuusan gabayaa la wadaaga.

5. Wuxuu ahaa gabayaa haddana macallin ah. Labada sifo ee kala ah aqoonyahanimada iyo aftahanimada

ayaa waxay ku caawiyeen inuu noqdo macallin fiican oo ardayda wax ka dhaadhicin og, wax uu ka

dhaadhiciyana yaqaan.

6. Wuxuu ahaa bulshay gole-joog macaan oo marka uu sheekaynayo asaga uun afkiisa la wada eego.

Tilmaan-bixintani ma aha iska male-awaal iyo nin-jeclaysi saaxiibtinimo. Waxay ka soo maaxatay xog-ogaalnimo

hoose iyo aqoon dheer oo aan u lahaa Maxamed Xaashi Dhamac. Gaarriye muddo dhawr iyo soddon sannadood

dhan ayaan ahayn saaxiib marba dal ku kulma (Soomaaliya, Itoobiya, Yemen, UK, Norway, kwd).

Toddobaataneeyadii qarnigii hore ayaan isku barannay magaalada Muqdishu. Waxaa iskaaya baray hawlaha

suugaanta oo labadayada midba dhinac kaga jirey, marna aan isku dhinac ka miisi jirney maadaama aan ahayn

aragti-wadaag. In badan oo ka mid ah maansooyinkiisa caanka ah wuxuu sameeyey annagoo wada fadhina,

waxaan ka mid ahaa dadkii u horreeyey ee uu u akhriyey intaan la faafin, talona ka weydiiyey. Waxaad ku garan

kartaan qaar aan ka mid ahaa raggii uu magacooda ku halqabsan jirey. Tusaale: “Afraxowse weligay yididiilo kama

webin”.

Halkaasaad ka garan kartaan sababta keentay xanuunka gaar ahaaneed ee ay igu damaqday geerida Gaarriye.

Sannadkii 1996kii, markii aan ku hawllanaa asaasidda Naadiga PEN ee Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed,

Gaarriye wuxuu ka mid ahaa abwaannadii ugu horreeyey ee igu dhiirrigaliyey, gacantana igu siiyey. Anigoo jooga

Nairobi oo saxiixyo baafinaya ayaan maqlay inuu socdaal ku joogo Jibuuti. Halkaas ayaan ugu tagey. Laba fadhi oo

dhaadheer oo aan Jibuuti ku wada qaadannay 14 kii iyo 15 kii May 1996 ayuu igula aqbaly fikraddii asaaska PEN, ka

dib markuu ku qancay, saxiixayna Axdiga International PEN oo aan u dhiibay, kaas oo loo baahnaa inay saxiixaan 25

qoraa oo bud-dhige u noqda asaaska Naadiga. Ilaa waqtigaas Gaarriye wuxuu ka mid ahaa madaxda naadiga,

asagoo imminka ahaa Guddoomiyaha Laanta Somaliland.

Xasuusta iyo ka-taariikhaynta Abwaan Gaarriye way ka weyntahay wax looga bogan karo sadarradaan kooban.

Waa wax mudan in buugaag laga qoro, maxfallo loo abaabulo, da’da soo koraysa loo iftiimiyo si ay ugu daydaan.

Run ahaan wuxuu ahaa la-higsade. Intii taakulaysay muddadii uu xanuunsanayey iyo inta imminka ku dadaashay

sagootiska uu mudan, kuwaas oo ay ka mid tahay Dowladda Somaliand oo abaabul weyn u gashay in dalkiisa loogu

sameeyo aas qaran, waxay naga mudan yihiin, haddaan nahay guud ahaan bahda hal-abuurka gaar ahaanna

naadiga PEN, bogaadin sare. Gaarriye wuxuu ku kaftami jirey, “kolleyba marka aan dhinto waa la i karaamayn

doonaaye, inta aan noolahay qaar ha la i sii amaahiyo, imminkay karaamayntu waxtar ii leedahaye”. Taas

micneheedu wuxuu yahay, hal-abuurka iyo maskax-maalka ummadda qiimaha weyn ugu fadhiya ha la karaameeyo

oo ha la daryeelo inta ay noolyihiin, iyo dabcan markay geeriyoodaanba. Ha lagu daydo sida uu arrintaas ugu

dadaalo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo dadaalkiisa noocaas ah uu tusaale u yahay daryeelka uu muddada

tobanka sano ka badan ku taakulaynayey, dhaxalkiisana ummadda ku gaarsiinayey buuni Aw Jaamac Cumar Ciise,

oo uu u gurmaday asagoo la daalaa-dhacaya dhaxal aad u qaali ah.

Gaarriye naxariistii janno Eebbe ha ku abaal-mariyo, ummadda uu ka geeriyoodeyna cawil khayr qaba ha ugu

beddelo.

Maxamed Daahir Afrax

mdafrax@gmail.com.

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!