Cirka Soomaaliya: Reer ba'ow yaa ku leh
Cirka Soomaaliya: Reer ba'ow yaa ku leh
Cirka Soomaaliya: Reer ba'ow yaa ku leh
You also want an ePaper? Increase the reach of your titles
YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.
Cirka Soomaaliya

Reer Ba’ow Yaa ku Leh

Duuliye Sare :

Cabdullaahi Axmed Cabdulle ( Azhari).

Afeef iyo mahadcelin

Wixii dhaliilo iyo turxaan ah oo qormadaani la

timaaddo waxaa iska leh qoraaga, wixii bogaadin

ahna waxaa ila wadaaga intii af ahaan, Ra’yi

ahaan iyo Taariikh ahaanba ila turxaanbixisay.

Hordhac

Dhibaatooyinka qaranjabkii Soomaaliya la yimid

tiro waa dhaafeen. Qaarkood waa ay adag tahay

si aad ku rumaysato haddii lagaaga sheekeeyo.

Sidaas oo ay tahay baa haddana laga yaabaa

in aysan yaab iyo amakaag toona ku noqon

Soomaalida qaarkood, maadaama ay soo mareen

dhacdooyin xataa aysan ku dhicin in ay soo

qaadaan. Haddana diiwaangelinta sooyaalku

wax la dhayalsan karo ma aha. In la qoro wixii

dhacay iyo sidii ay u dheceen intii laga xusuusan

karo waa lama huraan, si jiilalka dambe dib u

eegaan/u tixraacaan.

Haddaba, sooyaalka inyar oo aan ka xusuusto,

waxa aan istusay in aan waxun ka iftiinsho

sida dayaca iyo boobku uga meel waayey cirka

Soomaaliya, iyo waxa ku dhacay hay’addii Duulista

iyo Saadaashada hawada ee Soomaaliya.

Bililiqaysiga Cirka (Hawada Sare) Soomaaliya

Cirka Soomaaliya waxaa ka meel waayey bililiqo

aan loo kala aabayeelin. Waa suurtogal in dad

isweyddiiyaan sida cirka loo boobay. Marka bal

aan si kooban u eegno sooyaalka.

Ilaa iyo hadda, inta dadku ogyahay, cirku ma laha

derbi la soo taaban karo oo aan laga gudbi karin.

Haddii aan xogtaas sida ay tahay u qaadano,

dawladaha dunidaan la yaqaan ku sugan ayaa

ku heshiiyey in cirka ilaa xad la kala lahaado.

Arrintaas haddii aan rumaysano, dawladaha

aduunka, mid walba waxaa loo qoondeeyey cir (

Airspace) ku aaddan dhulka iyo badaha ku xayndaaban

inta looga qoondeeyey ee Khariiradda

Waddankaasu ku fadhido.

Sidaas awgeed, dawlad kasta waxa ay maamushaa

dhammaan gaadiidka cirkeeda mara. Waxa

ay siisaa hoggaamin iyo kala-jehayn. Sidaas oo

kale , waxa ay bixisaa xog/akhbaar ku aaddan

xaaladda saadaasha hawada sida Cimilada iyo

Gegooyinka diyaaradaha. Habkaas maamulka

cirka ku saabsan waxaa loo yaqaan: Flight Information

Region Boundary ( FIR Boundary).

Badanaaba, maammulidda cirka ee dawlad

walba waxaa loogu magacdaraa magaalo-madaxda

dalka, taas oo noqonaysa xarunta laga hago

gaadiidka cirkeeda isticmaala, sida Muqdishu

FIR, Nairobi FIR, Cairo FIR etc.

Waddamada leh dhulka baaxadda weyn, sida

Maraykanka, waxa ay leeyihiin dhawr xarumood

oo gaadiidka cirka laga hago ( FIR Boundary).

Haddana, dhammaan xadka cirka waddamada

dariska ah waxaa ka dhexeysa wada-shaqayn.

Maadaama dunidu isku wada xiran tahay, dalalku

waxa ay isu gudbiyaan hagidda gaadiidka u

kala gooshaya cirarkooda, si midiba tan kale ula

www.buuh.net
Janaayo 26 ,1991, Soomaaliya waxa ay gabtay waajibaadkii cirkeeda ka saarnaa

waxa ayna ka baxday Hawada. Hawadii sare ee soomaaliya ugu yaraan waxa ay

noqotay shan qaybood oo ay kala maamulaan: Kenya, Ethiopia, Djibuuti, Yemen iyo

“Siishelis.”

socodsiiso gaadiidka xadkeeda soo gelaya ama

ka baxaya. Waxaa markaas dawlad walba xeer

caalami ahaan waajib ku noqonaysa dhammaan

waxyaalaha gaadiidka cirkeeda marayaa u baahan

yahay, sida nabadgelyada, gegiyada diyaaradaha,

saadaasha hawada iyo wixii soo raaca.

Gaadiidka soo gala wadan xadkiisa cireed waxa

uu kala baxaa labo, mid dalka ku eg iyo mid meel

kale u sii dhaafaya.

Janaayo 26 ,1991, Soomaaliya waxa ay gabtay

waajibaadkii cirkeeda ka saarnaa waxa ayna

ka baxday Hawada. Hawlgabkaasi waxa uu la

yimid noqday “Suldaanow sidii miro bardaa lay

bashuuqsaday..” oo hawadii sare ee soomaaliya

ugu yaraan waxa ay noqotay shan qaybood oo

ay kala maamulaan: (b) Kenya (t) Ethiopia (J)

Djibuuti (X) Yemen iyo (kh) Siishelis.

Guud ahaan, cirka Soomaaliya waxa uu marin u

yahay Afrika, bariga dhexe, bariga fog, jasiiradaha

iyo dalalka ku teedsan bad weynta Hindiya

(indian ocean), Uustaraaliya (Australia) iyo waddamada

bariga Aasiya (Asia). Sidaas daraadeed,

gaadiid faro badan baa isaga goosha cirka/hawada

sare ee soomaalida, haddii ay tahay mid

dalka ku eg iyo mid ka gudbaya.

Waxa aan ilaa iyo hadda dulmaryo ku soo samaynay

sida dunidu u kala xadaysatay cirka.

Weyddiintuse waxa ay noqonaysa marka, haddii

maamulkii cirka Soomaalidu uu noqday ‘hal

geel ah oo ninkii lahaa faylaha jaray ‘kana tegey,

sidee uu saamaysay gaadiidka cirka guud ahaan

iyo gaar ahaanba?

Inkasta oo ay adag tahay in la taxo dhammaan

dhibaatooyinka ka dhashay qaranjabkii Soomaaliya,

gooni ahaan cirka Soomaalida, waxa aan

soo qaadanaynaa dhawr tusaale sida:

• Maadaama ay ku adkaysteen duullimaadyada

qaarkood in ay maraan cirka

Soomaaliya, iyaga oo la socda in aan cidina

mas’uul ka ahayn nabadgelyadooda,

adeeg la isku hallayn karaana uusan ka

jirin, waxaa cirka isku shareeray caymiskoodii.

Caymiska cirka ku dhegay waxaa

ku sii kordhay saacadihii duullimaadka

oo sii dheeraaday. Waa marag-ma-doonto

marka, in kharashkii lagu raaci jirey diyaaradaha

cirka Soomaalida adeegsanaya

uu isna noqday “danyuarow durug”.

• Gaaddiidkii isagu isku aamini waayey cirka

Soomaalida khadkii ayuu beddeshay ,

taasina waxa ay keentay in ay baaqdaan

khidmadiihii dhinacaas ka imaan jirey.

Haddiiba aysan jirin hay’addii maamuli

lahayd cirka Soomaalia waxaa suurtogal

ah in gaadiidkaasi uusan dib dambe ugu

soo laaban hawada Soomaalida ama ay

mudo dheer ka maqnaadaan.

Imaatinkii UNISOM ee 1992 waxaa bilaabatay in

uu dib u hawlgalo FIR boundary-gii Muqdisho ,

gegida diyaaradaha ee Muqishana waxa ay noqotay

tan Afrika ugu mashquulsan. Hase yeeshee,

xilligaas, FIR -ka Muqdisho ma hoos imaanayn

dawlad Soomaaliyeed. Un-ka ayaa si ku-meelgaar

ah xilkaas ula wareegtay.

Waxaa la keenay qalab casri ah oo loo adeegsado

dhanka hagidda diyaaradaha iyo saadaasha hawada.

Waxaa dib u soo laabtay shaqaalihii hore

qaarkood ee aqoonta iyo waayo-aragnimada u

lahaa saadaasha hawada iyo hagidda gaadiidka

cirka, sida hagayaashii diyaaradaha, ( ATC Air

traffic Controllers ) iyo shaqaalihii ka shaqayn

jiray Qaybta saadaasha hawada. hawlgalkaasi

haddana waa hakaday.

Sida la wada ogyhahay, UNISOM hawlgalkii

Soomaaliya ee 1992-1994 waa ku fashilantay

waana isaga baxday. Marka, waddamadii iyo

hay’adii hawsha wadday oo UN-Ku mashruuc

ahaanta ugu dhiibtay waxa ay isugu yimaadeen

www.buuh.net 2
Qalabkii casriga ahaa ee UN-tu keentay 1992, waxaa loo raray Nayroobi; shaqaalihiina

inyar maahine intii kale waa laga tegey; waxaa dayactir magacu-yaal

“ah lagu sameeyey gegiyo dhawr”

shir xiligii ay ka baxayeen wadanka, si looga

falanqoodo cirka Soomaaliya. Dood iyo qaadaadhig

badan kaddib waxaa la isku raacay qodobada

ay ka mid yihiin:

• Maadaaama Soomaaliya ka mid tahay

dalalka xorta ah ee UN-ta ka tirsan in aan

cirkeeda dal kale lagu wareejin karin.

Haddana, waxaa dunida u cuntami weyday

in cirka soomaalia oo ah silsilad

muhiim ah oo isku xira waddamo badan

gebi ahaanba laga leexdo.

• Waxaa la isku raacay markaas in la aasaaso

hay’ad fulisa hawlihii ay fulin jirtay

hay’addii duulista iyo saadaasha hawada

ee Somalia, taasoo loo baxshay CACAS

( Civil Aviation Caretaker Authority for

Somalia) 1996, iyada oo hoos tegayso

ICAO (International civil Aviation Organization)

oo ah hay’adda UN-ka u qaabilsan

duulista iyo saadaasha hawada oo horay

mashruuc ahaan ( ICAO project 1993) u

sii haysay hawlahaas.

• In FIR-kii Muqdishu la geeyo guri ku yaal

xaafadda Girigiri ee UN-ku ku leeyahay

magaalada Nairobi ee Kenya, si halkaas

looga hago dhammaan duulimaadyada

maraya cirka Soomaaliya .

• In hay’addaasi diyaariso shaqaale aqoon

iyo tayo leh oo la wareega shaqada iyo

maamulka hay’addii duulista iyo saadaasha

hawada Soomaaliya marka dagaalka

sokeeye dhammaado.

• In hay’adda CACAS u xilsaaran tahay

arruurinta dhammaan khidmadaha laga

qaadayo gaadiidka cirdka mara amaba ku

dega iyo gegooyinka Soomaaliya.

• In dhaqaalaha ka soo baxa lagu fuliyo

hawlaha kala ah: Adeegga iyo dhaqdhaqaaqa

xafiiska Hay’adda CACAS, mushaarka

shaqaalaha ka hawlgala hay’adda,

dayactirka iyo qalabaynta garoomada

shaqaynaya ee Wadanka Soomaaliya,

tababarka shaqaalaha ka hawlgala

ha’yadda CACAS iyo kuwii mustaqbalka

fulin lahaa hawlaha Hay’addii duulista iyo

saadaasha hawada Soomaaliya iyo wixii

kale oo soo baxa .

• Mashaqadii hawlgabkii dawladdii

Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca maammulidda

arrimaha cirkeeda waa sii

socotay. Qalabkii casriga ahaa ee UN-tu

keentay 1992, waxaa loo raray Nayroobi.

Shaqaalihiina inyar oo kow iyo labo la

oran karo maahine intii kale waa laga

tegey.

• Samhalallo ahaan (sandareerto ahaan),

waxaa dayactir magacu-yaal ah lagu

sameeyey gegiyo dhawr ah lana siiyey

qalab aan sidaas u sii tayo badnayn sida,

Raadiyo ah HF iyo VHF. Dad aan badnayn

oo ay ka mid yihiin hagayaasha diyaaradaha

( Air traffic controllers) tababarro

baa iyana la siiyey.

• Hay’addii cusbayd ee la sameeyey (CA-

CAS) waxaa madax looga dhigay nin

Kanadiyaan ah oo la oran jirey joe, sannadihii

xigayna waxaa madaxnimadeeda

isaga dambeeyay tira kale oo ajnabi ah

(midna Soomaali ahayn). ICAO waxa ay

muddo kaddib wakiilatay UNDP in ay u

kormeerto hawlaha ay waddo CACAS.

• Dabadeed waxaa khidmadaha qaadistooda

iyo uruurintooda ICAO u wakiilatay

IATA ( International Air transport Association

) oo ah hay’ad shirkadaha diyaadaha

dunida badankood ku bahoobeen.

Xaaladda gegiyada/Garoomada Diyaaradaha

ee Soomaaliya ka hor 1991.

Gegi caalami ah (International Airport): waa

gegi leh adeegyada cansuusharaha, sodcaalka

iwm. Awoodaas waxaa lahaa magaalooyinka:

Muqdishu, Hargeisa ,Barbera, Erigavo, Boosaaso,

Kismanyo, Borama iyo Calula waxaana ka duuli

www.buuh.net 3
Marka gaar looga hadlayo bililiqaysiga ku dhacay gegiyada dalka burburkii

dawladdii dhexe ee Soomaaliya awgeed, gegi kasta waxa ay noqotay caalami (

International Airports) oo wixii la doono laga soo dejiyo lagana saaro. Xaalad-

“doodu waxa ay ku qeexantay “Suldaanow sidii miro Bardaa lay bashuuqsadaye”

karay kuna soo degi karay diyaardaha debed iyo

gudaha wadanka ka yimaada.

Gegiyada Baydhabo iyo Ballidoogle waxa ay xilligaas

gaar u ahaayeen ciidamada qalabka sida.

Gegida mogadishu oo qur ah ayaa lahayd awoodda

diyaaraduhu ku soo degi karaan habeenkii

oo lahaa Nalalka dhabaha gagooyinka ifiya iyo

qalab kale. Gegiyada Kismaayo, berbera, iyo

Gaalkacyo waxaa ka wada hawlgeli jirey ciidamada

iyo shacabkaba , halka gegida Kismaayo lagu

tabobbari jirey duuliyeyaasha ciidammada.

Gegiyada, Kismayo, Mogadishu, Beledweyne,Ceel

buur, Galkacayo, Qardho, Bossaso Calawla,

Burco, Hargeysa iyo Berbera waxa ay lahaayeen

qalabka haga Diyaardaha ee VOR ama ADF, waxa

ayna ku khasbanaayeen in loo sheego afgaradka

xudduudda Firka marka la dulmarayo.

Gegiyada Mogadishu, Hargeysa iyo Berbera

waxaa hay’adda duulista iyo saadaasha hawada

u joogay Enjineero qaabbilsan koontaroolka diyaaradaha

soo dagaya, xaaladdooda duullimaad,

farsamo , socodsiinta hawlaha iyo caymiskooda.

Qiyaastii in ka badan 90%, Hay’addii Duulista

iyo Saadaasha Hawadu waxa ay Gobollada

wadanka iyo dagmooyin kaleba ku lahayd xafiis

qalabaysan oo soo tabiya xaaladda hawada xilli

walba. Gegiyada Muqdishu, Hargeysa, Burco,

Kismanyo iyo Berbera waxa ay lahaayeen gaadiidka

iyo qalabka dabdamiska iyo koox hawlahaas

u tababaran, halka gegiyada Muqdishu,

Hargeysa, Kismanyo, Bardheere , Garbahaarey,

Berbera,Galkaio, Burco, Erigavi, Bossaso , Calula,

Borama , Garowe, iyo Qardho ay lahaayeen

calanka dabaysha xawaaraheedaa/xawligeeda

sheega (Windsock) .

Hase yeeshee, gegeiyada Muqdishu, Hargeisa,

Berbera, Kismanyo iyo Ballidoogle ayaa lahaa

laami/daamur adag, meesha kuwa Gaalkacyo

iyo Baydhabo ay saarnaayeen jaan daamur ah,

kuwaas oo loogu talogalay diyaaradaha jetka ah

ee ciidanka qalabka sida in ay ka hawlgalaan.

Sidii aan horay ku soo xusnayba, gegi caalaami

ah waa in ay yeelataa waaxda sodcaalka/

socdaalka iyo jinsiyadaha (Immigiration), iyo

canshuuraha ( Customs ), si loo ogaado wax

kasta oo dalka soo gelaya amaba ka baxaya.

Marka gaar looga hadlayo bililiqaysiga ku dhacay

gegiyada dalka burburkii dawladdii dhexe ee

Soomaaliya awgeed, gegi kasta waxa ay noqotay

caalami ( International Airports) oo wixii la

doono laga soo dejiyo lagana saaro. Xaaladoodu

waxa ay ku qeexantay “...Suldaanow sidii miro

Bardaa lay bashuuqsadaye” oo CACAS waa tii

cidlada ka heshay.

Soomaalidu waxa ay haddana tiraahdaa “Lax

walba shilalka ay isdhigto baa lagu qalaa”.

Maadaama ciddii lahaydba gabtay, CACAS iskuma

lurin in ay wax ka ogaato aqoonsiyada

ay wataan diyaardaha ka soo dega gegiyadaas

caalamiga isu rogay. Hawlaha hay’adda duulista

iyo saadaasha hawada ay qaban jirtey waxaa ka

mid ahaa: (b) in ay hubiso aqoonsiyada diyaaraduhu

wataan asalkooda iyo jiritaankooda

(airworthiness certificate), (t) in ay hubiso in

diyaaruduhu aqoonsi caymis sugan ku jiraan

(insurance certificate), (j) in ay hubiso in diyaaraduhu

wataan caddayn dayactir (aircraft

maintenance certificate), si aysan u halaagin

waxa ay sidaan, (kh) iyo kuwo kale.

Inkasta oo Soomaaliya dadkeedii u keenay

qaranjabka labaatanka sano ka badan socday,

haddana, dhawr jeer bay isku dheceen CACAS

iyo maamullada Somaliyeed qaarkood. CACAS,

maadaama ay jegedaan meel bannaan ka heshay,

haddana, qof Soomaali ahi uusan madax marnaba

ka noqon, maammullada lama socodsiin jirin

faahfaahinta waxa ay qabato iyo sida ay u qabato,

iyo himilada hawsha ay hayso. Wixii cabasho

ah oo dhanka soomaalida uga yimaada waxa ay

www.buuh.net 4
Ummad ahaan, cidna kuma eedayn karno in Soomaaliyana ay noqoto qaybo mid

walba leedahay gegiyo laga dhoofiyo duurjoogta iyo xoolaha dheddig. Mana

qabo in nin isagu hashiisii faylaha jaray cidlana uga dhaqaaqay uu waraabe u

“caroodo.”

isaga riixi jirtey UNDP iyo ICAO oo xarunteedu

tahay Moontiriyaal ee Kanada (Montreal, Canada).

Xaaladdu waxa ay ku wada biyo shubatay

“Reer Ba’ayow yaa ku Leh!”

Inkasta oo ilaa maantadaan aysan jirin hal meel

oo loogu hagaago maamulidda cirka Soomaaliya,

haddana CACAS Waxaa looga baahnaa in

ay qabato waxyaalihii horay ay ugu qaban jirtay

Hayaddii Duulista iyo Saadaasha Hawada ee

Somalia , sida dayactirka, qalabaynta gegiyada

diyaaradaha, tababbarida guud ee shaqaalaha

iyo arrimaha kale ee la xiriira hab-maammulka

guud ee cirka.

Caano daatay dabadoodaa la qabtaa

ICAO hadda waa in ay dardar gelisaa hawlihii ay

qaban jirtay intii dawladda dhexe jirtey, maadaama

lagu tirinayo in ay lacago badan u hayso

Soomaaliya. labo lacagood baan filyaa ICAO in ay

Soomaaliya u hayso, sida khidmadihii laga qaadi

jirey diyaardaha adeegsada cirka iyo garoommada

dalka ( Mogadishu FIR ) iyo mid UN-ku ku

bixiso sannad walba in lagu hormarsho dayactirka

iyo qalabaynta Gegooyinka Diyaaradaha

iyo arrimaha duulista iyo saadaasha hawada

wadanka.

Xiligan oo ay u muuqato in nabadgelyada

mogadishu soo hagaagayso, waa suurtogal in

la soo cesho FIR-kii mogadishu (Muqdishu FIR

Region). Waxaase aan fududaan doonin sidii

loo heli lahaa shaqaale u tababaran hawlahaas

amaba loola qabsado farsamooyinka casriga ah

ee maanta adduunka laga adeegsado.

Dhab ahaantii, ummad ahaan, cidna kuma

eedayn karno in FIR-kii mogadishu la wareejiyo

Soomaaliyana ay noqoto qaybo mid walba leedahay

gegiyo laga dhoofiyo duurjoogta iyo xoolaha

dheddig. Haddana, meel dagaal ka socdo korantaduna

ka tegayso iyada oo aan digniin la bixin

amaba aysanba lahayn, diyaaradaha imaanaya

waxa ay yihiin bal adba saawee. Haddana, anigu

ma qabo in nin isagu hashiisii faylaha jaray

cidlana uga dhaqaaqay uu waraabe u caroodo.

Hooyada waanagsan markii ilmaheedu kufo oo

ay ooyaan waxa ay tiraahdaa, “ hooyo ka bood

waxba kuma gaarine”. Ogow hadda in ay hanka/

qabka/kalsoonida u dhisayso dhasheeda.

Haddaba, waxa aan qabaa in qabkii wanaagsanaa

ee Soomaalinimo weli wax ka dhaqanyihiin.

Soomaalidu waxa ay tiraahdaa, “cayri caymo ma

diiddo”. Waxaa kale oo ay tiraahdaa “nin faas/godin/gudin

haysta qoryo/xaabo ma waayo”. Haddii,

xasillooni la heyo, talana waa le heli doonaa.

Duuliye Sare : Cabdullaahi Axmed Cabdulle

(Azhari).

Email azhari101@gmail.com

Duuliye Sare Cabdullaahi Axmed Cabdulle

(Azhari):

• Waxa uu ka mid ahay duuliyeyaashii

shirkaddii diyaaradaha ee Soomaaliya

1979 - 1991.

• Waxaan wax ka unkay dawlad-goboleedka

Puntland waxaana noqday Agaasimaha

guud ee wasaaradda Hawlaha

Guud iyo Gaadiidka (Oktoobar1998-

Juun1999). Waxa aan mar kale noqday

agaasimaha guud ee hay’adda shaqada

iyo shaqaalaha (Juun 1999- Ogosto2004).

• Dabadeed waxa aan noqday Xildhibaan

iyo wasiirku-xigeen dawladdii ku-meelgaarka

ahayd ee Cabdullaahi Yusuf iyo

Cali Maxamed Geeddi (Ogosto 2004- Janaayo

2009).

• Markaas kaddib, waxa aan noqday

www.buuh.net 5