23.10.2014 Views

1ue4FyT

1ue4FyT

1ue4FyT

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

Hilaadinta Fanka iyo Suugaata

Halabuurka fanku asagu na, sida uu u dhan yahay, waxa uu ku arooraa han iyo hilaadin. Fannaan, maansoyahan,

muusiqeeye, qoraa masrax iyo sheeko, iyo farshaxan kale, mid kasta oo uu yahay, adduunka ayuu u eegaa una arkaa si

dadka kale ka duwan. Isha ayuu geliyaa, ka dibna inta uu furfuro oo uu cardaadduqaha ka dhigo ayuu si kale maskaxdiisa

dib ugu dhisaa. Tiisa hummaagga ah ayaa qalbigeenna qaadata oo aynu la ashqaraarnaa oo ku hirannaa. Adduunka uu

halabuuray waa hilaadinta cabqariyadda fannaanka ee si kale uga muuqaal-celinaysa adduunkeenna iyo waayaha

nolosheenna. Filqanka dunida iyo waxa ku nool buu si aan caadigii lagu ogaa ahayn u rogayaa oo u dhaqdhaqaajinyaa.

Hummaagyada uu asagu ka halabuuray buu ina rumaysiinayaa.

Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi” tixdiisa Debedyaal, ninka uu ula baxay magacaas ee uu tixda na ugu magac-daray,

ma aha nin nool oo jira. Hadda na waa qof leh sifaale gaar ah oo dadka lagaga soo sooci karo, waa shakhsiyad suugaaneed

ama faneed dhab ahaan u jirta. Jiritaanka shakhsiyaddaasi kuwo nool oo dhulka dushiisa soconaya bay ka sugnaan roon

tahay. Waxaynu odhan karnaa Hadraawi meel durugsan buu ka hilaadiyey qofaynta debedyaal.

Debedyaal dad ahaan buu ugu soo arooray tixda. Waxa ka sii xeel dheer marka uu fannaanku qofeeyo wax kale oo aan dad

ahayn. Xasan Cabdillaahi “Ganey” gorgor buu hortiisa soo fadhiisiyey oo uu waraysi iyo dood dheer la yeeshay. Hadraawi

na mar kale, tixdiisa Daahyaley, silsiladdii Deelley lafteeda ayuu ka dhigay qof uu la hadlayo. Waa kan ducada faraya ee ku

odhanaya:

Deelleyna aan faro

Duco iyo sidii roon

Dowgaagu waa sahan

Dadku waa abbaartaa

Isku dira bahdeed iyo

Kala dila ha noqonnine

Isku dara ha lagu dhaho

Nin xumaa danee’yoo

Waxa jira damqanayee

Yaanu xagalkadaac iyo

Goldaloolo kaa helin

Xidho duubka nabadeed

Daacadd’iyo runta ba sheeg

Daaraanta magacow.

Ilaa tiro ka badan konton sadar ayuu Deelley, sidii qof hortiisa jooga, ku la dardaarmayaa oo aakhirka na maansada ku soo

gunaanadayaa.

Axmed Sheekh Jaamac na, sheekadiisa maanseed ee Cadlidoonaha Daal Allaa baday, xoolaha soomaalida

ayuu dad ka dhigay oo shirweyne isugu geeyey. Wuu ka hadliyey oo waxa uu afka u geliyey doodda ka dhex

oogan labada dhinac ee kala ah soomaalida maanta iyo ilbaxannimada aadamiga ee qarniga kow iyo labaatanaad.

Lama-seegaanka timaaddada ayuu ka hilaadiyey. Ayadu na waa tusaalaha hanka iyo hilaadinta fanka.

Hilaadin Taban

Han iyo hilaadin tabani na way jiraan. Aynu soo qaadanno tusaale laba ah. Midi waa ismoodsiis qofka been tusa. Waa

marka qofku madaxiisa ka abuuro wax aan jirin ee uu meeshii xaqiiqada gashado, ee uu taas run ka dhigto ugu na dhaqmo

sidaa. Ha lagu ba kala heer noqdo ee waa bukaan dadka qaar garashada kaga dhaca. Kiisa u darani waa ka waallida ah

22

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!