23.10.2014 Views

1ue4FyT

1ue4FyT

1ue4FyT

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

Filasho wacan: Aleen, Saddaam Xuseen Carab

ka dhasha xasillooni darro, isnac iyo colaado sokeeye. Burburku cidna wax u ma reebo oo hilaadinta hungurigu qaatay waa

lagu wada guul darraystaa; hungurigii-raac asagu na damaciisa wuu ku waayaa; karis xun, baa la yidhi, ayadu na ku la.

Xaaladda soomaalida maanta waxaa ku badan han gadaal u jeeda oo xilli tegay iyo wax aan suuragal ahayn hilaadinaya.

Waa aragtida maanta ku dheggan qabiilka ee dhaqankeedii qarannimada ku astaynaysa. Waa aragti hungo ah.

Waxaa la mid ah gocoshada iyo shallaytada joogtada ah ee had iyo jeer lagu xusuusto waxii dhibaato ina soo maray. Konton

iyo dheeraad sannadood oo la soo dhaafay waxaa ina soo maray xukunno xaqdarro oo innagu la dhaqmay eexo

qabyaaladeed, dulmi iyo caddaalad-darro gaadhay ilaa heer xasuuq ah. Gocashada joogtada ah iyo guntashada utun iyo

godob weligeed u ciil-qabta aargoosi ayadu na hanka iyo hilaadda gadaal bay u jeedinaysaa. Ka ma wado hadalka ha la

illaabo taariikhda oo yaan la xusuusan wixii ina soo maray; waxa aan hadalka uga danleeyahay aynu tii ina soo martay uga

faa’iidaysanno teenna soo socota; waxa aan ku baaqayaa in aynu dulmigii iyo caddaalad-darradii dhacday ka hilaadinno

caddaalad, sinnaan iyo wanaag lagu wada noolaado oo aynu markan hankeenna mustaqbalka u jahayno.

Gebagebo ahaan, hanka hortiisa eegaya ee meesha sare higsanaya, iyo hilaadda ka ambabaxda runta waaqica jira,

hiyigeedu na yahay danta wadarta bulsheed iyo xalaasha qofeed, Allaa la jira oo ma hungowdo. Maraggeedu waa Bandhig

Buugaageedka Caalamiga ah ee Hargeysa. Markii aan bilaabayey qoridda maqaalkan ayaan u wardoontay Jaamac Muuse

Jaamac. Waxa aan weydiistay in uu isbarbardhigo meeshii uu ka bilaabay hilaadda Bandhiggan Buugaagta Hargeysa iyo

meesha uu hadda marayo, uu na iigu soo gudbiyo dhambaal email ah. Waxa uu markiiba ii soo celiyey hadal, sida aan u

arko, soo ururinaya waxa ay yihiin hanka iyo hilaadinta togan ee laga dhabayn karaa. Wuxuu yidhi Jaamac:

“Waxa aan ku fekerayey in aan laba habeen isu keeno tobaneeyo qof oo ka sheekeeya buugaagta. Maantana waxa uu

marayaa 12 caanomaal oo aan loo kala bixin, iyo 10 000 oo qof in sare u dhaaftay oo bandhiggii kii ugu dambeeyey ka soo

qayb galay. Waxaa ka dhashay lix riwaayadood oo beddelay habkii masraxiyadda. Berigaa waxa jiray wax faro ku tiris ah

oo buugaag afsoomaali ku qoran oo la soo bandhigi karaayey, maantana Hargeysa oo keliya ayaa 20eeyo cusub sannadkii

lagu daabacaa, marka laga reebo kuwa aynu debedda ka qaadnay oo sare u dhaafay 5000 oo buug sannadkiiba. Kaaf iyo

kala dheeri! Habeen dhawayd ayaan arkay qolo i daawisiisay cajaladdii laga duubay furitaankii 2008. Wax aan maalintaa

idhi ayey i xusuusiyeen ‘haddii maanta dadka wax akhriyaa yihiin 100 qof, oo marka uu bandiggu dhammaado aynu noqonno

101 qof, waxaynu joognaa guul’. Sheeko iyo Shaahid waxaa ka soo qayb galay afar sheeko oo ay saddex guulaysatay,

sannadkii dhawaana (2013) 40eeyo ayey sare u dhaafeen inta u hollatay in ay ka qayb galaan. Waxaan isleeyahay, haba

yaraatee guuli timi, dariiqa inna horyaallaana waa dheer yahay, oo in ka badanina waa soo socotaa.”

Nuxurka hanka, kiisa togan iyo hilaadinta waaqica jira ka duusha iyo waxqabashada dhiirrada leh ayuu hadalkaasi, si

dadban, u cabbirayaa; taas ayaan ku doortay in aan qoraalkan ku gebagebeeyo.

Rashiid Sheekh Cabdillaahi (Gadhweyne)

24

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!