23.10.2014 Views

1ue4FyT

1ue4FyT

1ue4FyT

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

Jacayllada roodhi kowda

Jacayllada soo rucleeda

Jacayllada soo riddeeda

Jacayllada raafdillaaca

Jacayllada reer magaalka

In taasiba waa ma raagto.

Ragguna waa wada rag uune

In baa raxan iyo libaaxa

In baa riibiga la cayna

In baa lafaruug ku caana

In baa biqilkuun rifaysa

Waxaa jira ceeb-rabbayste

Hablaha rubad goyn yaqaanne

Ka hoyo roondada mirqaanka.

Xanuunkii ruux-ma-dhaafe

Rooggii ha u dhigin casaaye

Rooxaantii Ladan wanjaaftay

Barbaartay raadgurtaaye

Kollay manaxaha rasaysan

Colmoog raaskaynu naalle

Raadkaaga ka baaji dhiillo.

Safkaasaa rixin u fiican

Geyaankuna wada rabaaye

Kitaabka kuwaa la raaco.

Addoon Rabbigii yaqaanna

Raandhiis iyo aayatiin leh

Rafaadkana kaa ilaasha

Kaa raalliya kuu riyaaqa

Intaad raadiso ha waayin.

Da’dii anna Reestifaaga

Rabbaa oge waan ka weynay

Ka rooni darkaad i mooday

La yidhi doqon ririxanyootay

Dhugmada sababuhu ka raaran

Ranjaan kula diidayaaye

Fadeexad adoon rabbaysan

Dhaleecadu yay ku raacin.

Rasmigu waa raas xalaala

Rarkiyo heeryada jacaylka

Reerkaagaa lala sugaaye

Rugaha boodhka leh ka dhawro

Runiyo been lama maseeyo

Rafiiq dhabi waa xishoodka

Sidii Ramadaan qof soomman

Dhawrsoonida sii raxayso

Kolay tahay raysmagaadho

Asturo ruuneey jidhkaaga.

Mid dhaqankiisii ka rooray

Hiddaha reer Yurub la haysta

Surwaalkana hoos u riixay

Raamaaluhu yuu ku guursan.

Hablaha sida roobladhaca ah

Shantaa faralkana rukuuca

Iimaan iyo rogobna sheegtay

Hablaha rucdigiyo nuxuusta

Ruqseeyee samo ka doortay

32

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!