06.05.2015 Views

Buundooyin dhisid - FISP

Buundooyin dhisid - FISP

Buundooyin dhisid - FISP

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

2/3

Waxa kaloo Buundooyin Muhim ah Buugaagta sawirkale, oo Aabaha iyo Hooyadu Cunugooda la

daawadaan. Waa Buundooyin ay u maraan Duni cusub oo cajiib ah kana baxsan Qoyskooda - Duni, ay

dhici karto inay Libaaxyo iyo Dinosauri is dhex mushaaxaan. Carruurta, Gurigooda mar hore ku bartay

sheekooyinka layaabkale ee Buugaagta sawirkale, Madadaalo bay ka helaan akhriska Qoraalada iyo

Buugaagta.

© 2009 schulverlag blmv AG, Bern [ Kopieren für die kostenlose Abgabe an Eltern erlaubt / Koobi lacaglaan ah baa waalidka loo ogolyahay ]

Buundooyinka Carruurta yar iyo wayn

Carruurta, Afkooda hooyo si fiican ugu hadlikara oo Kalmado badana ka yaqaan, Sahal bay u bartan Af

cusub. Saa darteed waa fiicantahay, Waalidka afka qalaad ku hadla markay Carruurtooda Afkooda hooyo

kula hadlaan. Maalin kasta – ha ahaato guriga, soo Adeega ama Majabaxsiga – waxaa jira waxyaalo

aan la koobi karin oo keeni kara la hadalka Cunuga. Muhiim weeye, in Waalidku sida ugu badan oo u

suurtagali karta Waqti ugu helo,si uu Cunuga ula sheekaysto una dhagaysto.

Mararka qaarkood waxay isticmaalaan Caruurtu Guriga dhexdiisa kalmado meeshaa looga hadlo, iyadoo

ay dhici karto in Qoysku Afkale ku hadlo. Danaynta Waalidka Micnaha Kalimadahaas iyana sidoo kale waa

Buundooyin, Carruurta ka caawima, sidii ay Xanaanada carruurta iyo Iskuulka u dhexgelilahaayeen.

Waalidku waa ku dayasho muhiim ah. Aabayaasha iyo Hooyooyinka Afkaqalaad, oo Dariskooda la

sheekaysta ama Koras ay tageen kalsooni ka hela ku hadalka Luqada meesha, waxay Caruurtooda u

fududaysaa isu socodaka Dunida dhexdeeda. Intuu Waalidku meesha si fiican u yaqaan saxna u fahmay,

ayuu si fiican u awoodaa Gargaar iyo Toosin inuu siiyo Carruurta – xataa hadhow, markii Carruurtu

weynaadaan oo Xiriiro badan la leeyihiin Dunida dibada ah.

Buundooyinka Carruurta Iskuulka

Waalidka oo dhan, waxay rabaan, in Carruurtoodu Iskuulka ku horumaraan. Sidee bay ugu caawimi

karaan? Caawimaada ugu muhimsan waa Danaynta Waalidka, waxa Cunugu barto uuna ku Faraxsanyahay.

Danaynta Aabaha iyo Hooyada waa inay noqotaa mid joogta ah lana dareemikaro. «Maanta

Iskuulka sidee ahayd? Maxaad qabateen?» Suaalahaas oo kale waa Buundooyin muhiim ah oo u

dhexeeya Iskuulka iyo Qoyska.

Mararka qaarkood Waxbarashadu waa Madadaalo, mararka qaarkoodna waa adagtahay waana lagu

daalaa. Iskuulka meesha waxaa layska rabaa Iskufilaansho badan – xataa Darsiga Guriga. Waa caadi,

markii Carruutu Khalad sameeyaan. Laakiin waa inay Bartaan, inaysan haddiiba isdhiibin, markii wax ku

adkaadaan. Waa caawimtaa, markii ka Waalid ahaan ay Cunugooda ku dhiirigeliyaan, inuusan ka harin

oo uu markale isku dayo. Waxay dareenta : «Macalimadayda iyo Waalidkaygu waa wada shaqeeyaan.

Waana i garab taaganyihiin, walow aanan wali wax kasta awoodin.»

Xataa ka qayb qaadashada Aabaha iyo Hooyada wada hadalka Macalinka iyo Waalidka iyo Habeenka

Waalidka iyana waa Buundo, isku xirta Dunida Carruurta. Islamarkaas waxay tustaa Cunuga: «Runtii

Iskuulku waa u muhim xataa Waalidkay!» Taas waxay siisaa Rabitaan Waxbarasho waxayna ku caawimtaa

Horumar sameyn.

Dunida Cunuga oo ka baxsan Qoyska waa sii weynaataa marba marka danbeysa. Koritaankiisa wanaagsan

waxuu u baahanyahay Meelo ugaarah oo si Xorah, wax ugu qabsankaro oo isagoo isku filan khibrad u

samaysankaro. Xoriyad la siiya, lagama wado, ha la cidleeyo.

Si la mida Qoyska dhexdiisa, Cunugu Waqtigiisa firaaqada waxu u baahanyahay Xeerar iyo Xadad,

Dadnimadiisa iyo Da`diisa u qalma. Cunugu yuu la joogaa? Xegee aadey? Goormuu guriga imaan? Yuu

Internetka kula xiriira? Halkaa waxay u baahantahay Itifaaq cad. Xeerarka lagu heshiiyey waa Buundooyin

u dhexeeya Qoyska iyo Dunida banaanka ah. Waxay Cunuga u noqota Difaac iyo jihayn.

Muhiim waxaa kaloo ah Danaynta Waalidka Waaya aragnimada, uu Cunugu sameeyo Waqtigiisa

firaaqada ah. Jawi wanaagsan iyo istixgalin labada dhinacba Qoyska xataa Carruurtu si furan bay diyaar

u yihiin, inay uga hadlaan waxyaalihii ay la kulmeen iyo Khibradahoodii ka baxsanaa Qoyska. Markale

waa waxa ugu Qaalisan, oo Waalidku Carruurtooda siin karo, waa Waqti. Waqti ay ku dhagaystaan,

oo Cunugu waxyaalihii fiicnaa uu la kulmay kuna Farxay iyo in lagala hadlo, markii Xaalado adag ka

horyimaadaan siduu u dhaqmi lahaa.

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!