06.05.2015 Views

Buundooyin dhisid - FISP

Buundooyin dhisid - FISP

Buundooyin dhisid - FISP

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

1/3 SOMALISCH

Qoraalka Filmka

Buundooyin dhisid

Isku xira Dunida Carruurta

Buundooyinku waxay sameeyaan Xiriir. Waxay sahlaan isu socodka Duni u muuqata inay kala

qaybsantahay. Waxay caawiyaan Dadka, inay aqoonsadan lanaqabsadaan Dunida Qaybaheeda

isku Midka ah iyo kuweeda kala gedisan.

Cunug baa dhashay. Usbuucyada iyo bilaha hore wuxuu ku noolyahay Qoyskiisa dhexdiisa. Marba marka

ka danbaysa wuxuu baran Dad iyo Duni cusub: Goobta cayaarta, Meesha carrurta laguhayo, Xanaanada,

Iskuulka iyo Meelo ka sii durugsan.

Aabayaasha iyo Hooyooyinko Carrurta dhalatay waxay rajaynayaan, in Cunugoodu uu Nolool Fiican

helo. Waxay la rabaan waxa ugu Wanaagsan iyo inay koritankiisa ka Caawiyaan.

Caawinaada ugu muhimsan waa jacaylka, ay u muujiyaaan. Caawinaada kalo muhimta ah waa

Buundooyinka iyo Xiriirka Dunida dhexdeeda, taaso Cunugu ku koridoono. Buundooyinka Caynkaasa

Cunuga waxay siiyaan Amaano kuna caawiyaan, suu isu jihayn lahaa. Hadiise Dunidu kala qaybsantahay

waxaa Carrurta ka horyimaada marar badan xaalado, ka qaada Kalsoonida oo mararka qaarkood ku

adkaada. Filmkaanu wuxuu tilmaamaya sidii, idinku ka Waalid aad Cunugiina Buundooyin caynkaa ah

ugu dhisilahayden.

Buundooyinka Carrurta Yaryar

Sidoo kale Farxada ka muuqyta Indhaha Hooyo oo ka timaada horumar, Cunugu ka gaaro Goobtacayaarta

iyo Meesha lagu hayo waa Buundo. Waxay isku xirta Waayoaragnimadii uga siyaada Meesha carruurta

lagu hayo iyo Hooyo Agteeda – waa Buundo u muuqata khafiif, Cunugunah ku gudbo si dhib badan

siisanah Geesinimo iyo xoog Koritaankiisa.

Garoonka cayaarta Cunuga waxay u tahay meel, Cayaar iyo Madadaalo uu ka helikaro. Islamarka waa

Meel wax Barasho. La cayaarida Carruurta kale waxay u tahay tababar muhim u ah Kartidiisa mujtamaca

sida is gargaarka, wax qaybsika, isku xanaaqa iyo dib u Heshiinta.

Hooyada, agtiisa fadhida, waxay dhistaa Buundo u dhexeysa wixii la yaqaanay iyo waxa cusub, oo u

dhexeeya Qoyska iyo Dunida dibada ah. Waxay siisaa Cunuga Amaano. Way sasabi karta, markii siduu

rabay wax u noqon waayaan waana ku dhiiri galisaa, inuu markale isku dayo.

Badanaaba waxaa ku filan Joogitaankeeda, loomana baahna, inay soo dhexkasho. Markasta, markii

Cunugu dhibaato kaligiis awoodo inuu xaliyo, waxaa u siyaada isku kalsoonidiisa.

Buundooyinka Xanaanada Carruurta

Markii Cunugu Xanaanada uu ku jiro Nasashada lana soo baxo Tufaaxiisa ama Rootigiisa, waxay siisaa

dareen fiican. Wuxuu ka mid yahay Carruurta isla markaasna ku xiranyahay Hooyadii, u diyaarisay

Kolayga Quraacda.

Iyadoo ku faanaysa Gabadhu bay tustaa Aabaha Sawiradii, ay ku sameysay Xanaanada carruurta.

Macalimadii waa soo faanisay. Waxaa ka sii muhimsan taas Farxada iyo Faanka Aabaha iyo Hooyada.

Cunugtu waxay dareentaa, in Aabaheed ku faanayo shaqada ay qabatay iyo waxay ka baratay Xanaanada,

Taageerayana. Taasi waa tan ugu fiican oo ku dhiirigalisa, Inay horumar kale samayso.

Xanaanada carruurta Gabadhu waxay la kulantaa Duni cusub. Cayaaro badan wali lama yaqaan waxaana

dhici karta oo kale in Afkale oo ka duwan kan Guriga lagu hadlo. Taas darteed Cunugtu ma hubto, ma

inay runtii wax kasta barataa Waalidku se maka raaliyahay. Furfuraanta iyo Danaynta Waalidka, waxay

Cunugtoodu Xanaanada caruurta kala kulanto, waxay siisa Amaano. Waxay dhistaa Buundo, ay cunugtu

hadda u baahantahay, si ay koritaan fiican u samayso xataa meeshan cusub. Sidoo kale Booqashada

Xanaanada carruuta iyo wadahadalka Macalimada waxay Waalidka u sahashaa ka qaybqaadashada

Waayaaraga Carrurtooda.

© 2009 schulverlag blmv AG, Bern [ Kopieren für die kostenlose Abgabe an Eltern erlaubt / Koobi lacaglaan ah baa waalidka loo ogolyahay ]

2/3

Waxa kaloo Buundooyin Muhim ah Buugaagta sawirkale, oo Aabaha iyo Hooyadu Cunugooda la

daawadaan. Waa Buundooyin ay u maraan Duni cusub oo cajiib ah kana baxsan Qoyskooda - Duni, ay

dhici karto inay Libaaxyo iyo Dinosauri is dhex mushaaxaan. Carruurta, Gurigooda mar hore ku bartay

sheekooyinka layaabkale ee Buugaagta sawirkale, Madadaalo bay ka helaan akhriska Qoraalada iyo

Buugaagta.

© 2009 schulverlag blmv AG, Bern [ Kopieren für die kostenlose Abgabe an Eltern erlaubt / Koobi lacaglaan ah baa waalidka loo ogolyahay ]

Buundooyinka Carruurta yar iyo wayn

Carruurta, Afkooda hooyo si fiican ugu hadlikara oo Kalmado badana ka yaqaan, Sahal bay u bartan Af

cusub. Saa darteed waa fiicantahay, Waalidka afka qalaad ku hadla markay Carruurtooda Afkooda hooyo

kula hadlaan. Maalin kasta – ha ahaato guriga, soo Adeega ama Majabaxsiga – waxaa jira waxyaalo

aan la koobi karin oo keeni kara la hadalka Cunuga. Muhiim weeye, in Waalidku sida ugu badan oo u

suurtagali karta Waqti ugu helo,si uu Cunuga ula sheekaysto una dhagaysto.

Mararka qaarkood waxay isticmaalaan Caruurtu Guriga dhexdiisa kalmado meeshaa looga hadlo, iyadoo

ay dhici karto in Qoysku Afkale ku hadlo. Danaynta Waalidka Micnaha Kalimadahaas iyana sidoo kale waa

Buundooyin, Carruurta ka caawima, sidii ay Xanaanada carruurta iyo Iskuulka u dhexgelilahaayeen.

Waalidku waa ku dayasho muhiim ah. Aabayaasha iyo Hooyooyinka Afkaqalaad, oo Dariskooda la

sheekaysta ama Koras ay tageen kalsooni ka hela ku hadalka Luqada meesha, waxay Caruurtooda u

fududaysaa isu socodaka Dunida dhexdeeda. Intuu Waalidku meesha si fiican u yaqaan saxna u fahmay,

ayuu si fiican u awoodaa Gargaar iyo Toosin inuu siiyo Carruurta – xataa hadhow, markii Carruurtu

weynaadaan oo Xiriiro badan la leeyihiin Dunida dibada ah.

Buundooyinka Carruurta Iskuulka

Waalidka oo dhan, waxay rabaan, in Carruurtoodu Iskuulka ku horumaraan. Sidee bay ugu caawimi

karaan? Caawimaada ugu muhimsan waa Danaynta Waalidka, waxa Cunugu barto uuna ku Faraxsanyahay.

Danaynta Aabaha iyo Hooyada waa inay noqotaa mid joogta ah lana dareemikaro. «Maanta

Iskuulka sidee ahayd? Maxaad qabateen?» Suaalahaas oo kale waa Buundooyin muhiim ah oo u

dhexeeya Iskuulka iyo Qoyska.

Mararka qaarkood Waxbarashadu waa Madadaalo, mararka qaarkoodna waa adagtahay waana lagu

daalaa. Iskuulka meesha waxaa layska rabaa Iskufilaansho badan – xataa Darsiga Guriga. Waa caadi,

markii Carruutu Khalad sameeyaan. Laakiin waa inay Bartaan, inaysan haddiiba isdhiibin, markii wax ku

adkaadaan. Waa caawimtaa, markii ka Waalid ahaan ay Cunugooda ku dhiirigeliyaan, inuusan ka harin

oo uu markale isku dayo. Waxay dareenta : «Macalimadayda iyo Waalidkaygu waa wada shaqeeyaan.

Waana i garab taaganyihiin, walow aanan wali wax kasta awoodin.»

Xataa ka qayb qaadashada Aabaha iyo Hooyada wada hadalka Macalinka iyo Waalidka iyo Habeenka

Waalidka iyana waa Buundo, isku xirta Dunida Carruurta. Islamarkaas waxay tustaa Cunuga: «Runtii

Iskuulku waa u muhim xataa Waalidkay!» Taas waxay siisaa Rabitaan Waxbarasho waxayna ku caawimtaa

Horumar sameyn.

Dunida Cunuga oo ka baxsan Qoyska waa sii weynaataa marba marka danbeysa. Koritaankiisa wanaagsan

waxuu u baahanyahay Meelo ugaarah oo si Xorah, wax ugu qabsankaro oo isagoo isku filan khibrad u

samaysankaro. Xoriyad la siiya, lagama wado, ha la cidleeyo.

Si la mida Qoyska dhexdiisa, Cunugu Waqtigiisa firaaqada waxu u baahanyahay Xeerar iyo Xadad,

Dadnimadiisa iyo Da`diisa u qalma. Cunugu yuu la joogaa? Xegee aadey? Goormuu guriga imaan? Yuu

Internetka kula xiriira? Halkaa waxay u baahantahay Itifaaq cad. Xeerarka lagu heshiiyey waa Buundooyin

u dhexeeya Qoyska iyo Dunida banaanka ah. Waxay Cunuga u noqota Difaac iyo jihayn.

Muhiim waxaa kaloo ah Danaynta Waalidka Waaya aragnimada, uu Cunugu sameeyo Waqtigiisa

firaaqada ah. Jawi wanaagsan iyo istixgalin labada dhinacba Qoyska xataa Carruurtu si furan bay diyaar

u yihiin, inay uga hadlaan waxyaalihii ay la kulmeen iyo Khibradahoodii ka baxsanaa Qoyska. Markale

waa waxa ugu Qaalisan, oo Waalidku Carruurtooda siin karo, waa Waqti. Waqti ay ku dhagaystaan,

oo Cunugu waxyaalihii fiicnaa uu la kulmay kuna Farxay iyo in lagala hadlo, markii Xaalado adag ka

horyimaadaan siduu u dhaqmi lahaa.

3/3

SOMALISCH

Danayn in la tuso ma aha, in waxkasta lagu raacsanyahay, oo Cunugu sameeyo.

Mararka qaarkood waxay noqonaysaa in Khilaaf yimaado, matalan, haddii Cunugu

uusan dhowrin Xeerarkii laysku ogaa. Intabadan Dhaqanka Khaladka ee Cunugu waa Baaq

soo jeedin, xagga Jiheynta iyo xagga Buundooyinka u dhexeeya Dunida, uu ku noolyahay.

Markii Carruurtu muujiyaan, inay awoodaan, Xuduudyadii laysku raacay gudahooda in ay Masuuliyadooda

qaadi karaan, waxaa marba marka ka danbaysa loo balaarin karaa Xoriyadiisa.

Buundooyinka Dhallinyarada

Marar badan wuxuu raacaa Cunugu Jidkiisa. Waalidku marwalba ma raacikaro mana ilaalinkaro. Waalidka,

Waqti u hela, Dhallinyarada inay dhagaystaan, markii ay ka hadlayaan waxyaalaha ay la kulmeen Waqtigooda

firaaqada ah, waxay awoodaan inay qiyaasaan, intee Joojin iyo Jiheyn u sii baahanyahay: Xaggee

buu ka taaganyahay Cunugu Masuuliyadiisa innu qaato? Xaggee u baahan Xuduudyo iyo Xeerar?

Marar badan bay Dhallintu Xeerarka iyo Xuduudyada Waalidka ka horyimaadaan. «Iyagoo dhan waa

loo ogolyahay waxaas! Aniga maahee!» Taas waxay u baahantahay Waqti iyo Acsaab fiican. Markastana

wadahadal Buundooyin lagu dhiso, Isfahanka labada dhinac suurtogeliya.

Mararka qaarkood dhallintu waxay qabaan in wax maqalku Guriga oo keliya khasab yahay, dibadana ay

xor yihiin. Waxaan ku noolahay Mujtamac, Fursado iyo Xoriyadoh badan bixinayah. Taasi qofka dhallinta

ah waxay ku ridikarta jaahwareer. Markasta ma gartaan in Mujtamaca kanni Xeerar iyo Xuduudyo

leeyahay, oo kuli in la dhawraa waajib tahay. Waa muhim, ka Waalid ahaan inaad ku caawitan siidi ay

taas u garanlahaayeen. Waalidka marwalba qiimaha danta caamka ah ee Qoyska iyo meesha Xeeran

yaqaan, waxay Cunugooda siiyaan Jiheyn una dhisaan Buundooyin muhim ah. Matalan markay ku

yirahdan,Ixtiraamka iyo dhawritaanka dadka kale lakula dhaqmo iyo naftiisaba markuu Iskuulka joogo

ama waqtiga firaaqada waa muhiim, sida Qoyska.

Wadahadalada noocaasoo lala yeesho Dhallinta waa muhim. Tixgelinta Dhallintu ay Kalmadahas siiyaan

waxaa ka badan tan ay siiyaan, sida Waalidku laftiisu u dhaqmo. Dhaqanka, Dhallinta laga dhawrayo,

waa inuu Waalidku marwalba muujiyo – la dhaqankooda Dadka kale oo kabaxsan Qoyskooda sidoo kale

haddii iska Horyimaad dhaco iyaga Carrurta soo koraysa.

Dhamaan Carrurtu waxay leeyihiin Riyooyin iyo Khiyaal, sida ay rabaan inay noqdaan, markay waynaadan.

Marku cunugu dhalinyaro noqdo oo ay tahay in uu Mihnad doorto, waa in, Buundooyin loo dhiso u

dhexeeya Riyada iyo Xaqiiqada.

Meeelaha talada laga helo sida Xafiiska warbixinta Mihnadaha waxay siiyaan Gargaar iyo Jiheyn. Saas oo

ay tahay Dhallinyarada way ku adagtahay, helida meel ay ka bartaan mihnadii ay rabeen. Arjiyo badan

bay meelo badan u diraan, waxay sameeyaan maalmo Tijaabo ah, marwalbana waa in ay u adkaystaan

Diidmo. Waa waqti kala roor ah oo u dhexeeya Rajo iyo Niyad xumi, u dhexeeya Rabitaan iyo Runta. Waa

waqti ay dhallintu si aad ah ugu baahanyihiin Taageero katimaada Waalidka. Mar waa inay, ku taageeran

siduu uga harilahaa Riyooyinka aan suurtagalka ahayn, haddana ku dhiirigeliyaan Rabitaankiisa iyo

Rajoyinkiisa in uusan ka harin.

Mararka qaarkood waalidku waa inay oggolaadan, in Cunugu barto mihnadii uu la rabay mid aan

ahayn. Dhiirigelinta iyo Gargaarka Aabaha iyo Hooyada way u sii baahanyihiin, xataa markay jidkooda

ku dhacaan.

Marku Cunugu waynaado oo uu guriga ka tago, Waalidka waa in uu waxyaalo badan sii daayo. Waqtigii,

Taxadarkii iyo dhowridii ay Carrurta siiyeen markay korayeen, hadda waa dhagaxdhigii Buundooyin

cusub: Buundooyin, ka dhiga Isdhaafsashada iyo Iskuxiraanta u dhaxaysa Waalidka iyo Carruurta

waaweyn mid waligii nool.

Buundooyinku waxay sameeyaan Xiriir. Waxay sahlaan isu socodka Duni u muuqata inay kala

qaybsantahay. Waxaa la dhisi kara maalin kasta. Meel walba.

Buundooyin dhisid Isku xira Dunida Carruurta

Filmka iyo Qoraalka Filmka waxaa la helaa iyago Affafkan ah: Albaan, Carabi, Jarmal, Ingiriis, Iiran, Faransiis, Talyaani, Purtuqiis,

Ruus, Seerbo-krowaati-Bosni, Soomaali, Isbanyool, Tamiil, Turki

(Affafka o dhan waxaad ka heli DVD qura – Waxa ka Dalbankartaa meesh Buugaagta lagu gado ama)

© 2009 schulverlag blmv AG, Bern [ Kopieren für die kostenlose Abgabe an Eltern erlaubt / Koobi lacaglaan ah baa waalidka loo ogolyahay ]

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!