12.07.2015 Views

PDF Somali printable A4 version - Family Planning Queensland

PDF Somali printable A4 version - Family Planning Queensland

PDF Somali printable A4 version - Family Planning Queensland

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

Waa maxayka-hortaggauur-qaadiddaDegdegga ah?Ka-hortagga uur-qaadidda degdegga ahwaxaa loo adeegsan karaa inayyarayso khatarta uurka ka dibgalmo aan layska ilaalin.Ka-hortagga uur-qaadidda degdegga ah waxaa helikara haweenka khatarta ugu jira uur-qaadidda aanla-doonayn ka dib isutagga galmada.Ka-hortagga uur-qaadidda degdegga ah wuxuuu shaqeeyaa:dasagoo daahiya ugxan-samaynta (soo-dayntaukumaha ee ugxan-sidaha)ka-hortagidda bacriminta asagoo yareeyadhaqdhaqaaqa minada ilmo-galeenka dhexdiisaiyo tuubooyinka Fallopian-ka asagoo ku keenaisbaddallo dusha sare ee ilmo-galeenka(makaanka), kaas oo ka-hortaga abuur-middaugxan bacrisan.Hababka Ka-hortagga uur-qaadidda degdegga ah oolaga helo Australia waa:Kiniiniyada ka-hortaga uur-qaadidda, oo badanaaloo yaqaan kiniiniyada subaxda-ka-dib, waa kuwa uguwaxtarka badan haddii la qaato 24 saac ka dib galmoaan layska ilaalin, hase ahaatee waxaa la adeegsankaraa ilaa 5 maalmood ka dib. Sidii dhaqso looqaataba way ka sii fiican tahay.Kiniiniyada ka-hortaga uur-qaadidda, waxaa lagahelaa badiba farmashiyada, ayagoon lahayn rijeeto(warqadda dhaqtarku daawada ku qoro). Waxaakaloo laga heli karaa kilinikada FPQ iyo adeegyadacaafimaadka galmada ee kaleeto.Qalabka ka-hortaga uur-qaadidda naxaasta ah ooilmo-galeenka la gasho (IUD) waxaa la gelin karaailaa 5 maalmood ka dib galmo aan layska ilaalinasagoo ah doorasho ka-hortagaha uur-qaadiddadegdegga ah oo waxtarka ah. IUD uma fiicnahaweenka oo dhan.IUD-yada waxaa laga helaa kilinikada FPQ, dhaqaatiirtaqaarkood, dhaqtarka haweenka iyo kilinikadabacriminta.XuubkaXuubku waa fur cinjir ah oo u e’g qubadda, oo lageliyo siilka inta ay socoto isutagga galmada ama kadib galmada si loo yareeyo khatarta uur-qaadidda.Xuubabka waxaa laga helaa ayagoo qiyaaso kaladuwan ah waxaana jira laba nooc oo lahelo – arcing ama coil spring.Xuubku wuxuu u shaqeeyaa:asagoo la geliyo siilka si uuu daboolo afka-siilka, kaasoo keena xayndaab ka ilaaliyaminada inay gasho ilmogaleenka(makaanka) ka dib biyobaxa.Xuubabka waxaa laga gadan karaa kilinikada FPQ iyobadiba farmishiyaasha isla markii qiyaasta saxda ahiyo nooca la ogaado.Ma-dhalays Ka-dhigiddaMa-dhalays-ka-dhigidda waa hab joogto ah eeka-hortagga uur-qaadidda. Ma-dhalays-ka-dhigiddadheddiga waxaa ka mid ah xiridda tuubooyinkaFallopian-ka si loo joojiyo marinka ugxanta. Hababkaqalliinka iyo kuwa aan qalliinka ahaynba waa la helaa.Ma-dhalays-ka-dhigidda labka (vasectomy) waxaa kamid ah qalliin lagu sameeyo faaska deferens-ka silooga owdo marinka minada.Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan ma-dhalayska-dhigiddawaxaa laga helaa kilinikada FPQ amadhaqtarkaaga.Hababka dabiiciga eeka-hortagga uur-qaadiddaHababka dabiiciga ah ee ka-hortagga uur-qaadiddakuma xirna adeegsiga hoormoonada ama qalabkawaxaana ka mid ah kuwaan soo-socda:Qorshaynta Qoyska ee Dabiiciga ah (NFP) ooadeegsata wacyi-gelinta wejiyada bacriminta ee ka jirtawareegga caadada taas oo muujinaysa markii isutaggagalmada layska ilaaliyo si looga hortago uur-qaadidda.Macluumad dheeraad ah iyo xiriirada degaanka waxaalaga heli karaa www.nfpprog.com ama www.acnfp.com.au.Naas-nuujinta – Amenorrhoea Caana-samaynta(LAM) waa u adeegsiga naas-nuujinta sidii habkaka-hortagga uur-qaadidda ee haweenka kuwaas ooyeesha shuruudaha soo-socda:si buuxda ilmaha u nuujinaya ayagoon ilmahasiinayn wax kaabid cunto ah ama caano ahilmo dhalay in ka yar 6 bilood ee la soo dhaafaymuddooyinkii caadada oo aan soo noqonNaas-nuujintu waxay saamayn ku leedahay soosaaristahoormoonada kuwaas oo yareysa fursadda dhiciddaugxan-samaynta (ukun soosaarka), sidaas darteedyaraynaysa fursadda uur-qaadidda.Wixii macluumaad dheeraad ah iyo talooyin kala xiriirkilinikada FPQ.Ka-bixintu Ka-bixintu waa hab ka-hortagga uurqaadiddahalkaas oo uu ninku uu guskiisa ka soo saaro(ka soo bixiyo) siilka haweenta ka hor intuusan biyobixin.Waxaa kaloo loo yaqaan coitus interruptus.Waxaa jira qaabab ka-hortagga uur-qaadidda oo waxtarbadan leh habkaani badanaa laguma taliyo.

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!