04.08.2018 Views

VEM_ÄR_DIN_MAMMA_HEL_LÅG

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

HORDHAC

Waxaan ku fikirayaa hooyooyinka. Hooyooyin

aan la kulmay marki aan soo korayay. Waxaan ku

fikirayaa micnihi ay iigugu fadhiyeen. In ay yara

ahaayeen kuwa aan ku daysado ee sirta ah. Ay ka

buuxdo aqoon xagga nolosha ah. Marki aan in yar

gudaha ka eego caalamkooda gaarka ah waxaan

xasuusta farxadda. Sanduuqa waxyaabaha leysku

qurxiyo, boorso gacanta ah, kabar musquleed.

Caalamku wuu weynaaday. Dhammaantood cid

walba waxbey i siisay aan weli xambaarsanahay

ilaa iyo maanta, xitaa marki iyagoo aamusan ay

fadhiyeen miiska kushiinka iyagoo koobkooda

qaxwada gacanta ku heysta.

Maanta waan ogahay in la dhacsanaashada

aan la dhacsanaa iyaga ay salka ku hayo rabitaanka

canugga ee ah in uu caalamka fahamo.

In aysan arrintu ku saabsaneyn in ay ahaayeen

hooyooyin oo keliya, ee xitaa ay ahaayeen dad

waaweyn, iyo dumar. Rabitaanka wax fahamku

waa wax canug soo koraya aasaasi ah iyo horuumar

dabiici ah. Dareen is badbaadin oo u baahan

cid lagu daysado.

Laakiin caalamku in aannu weynaanno oo

keliya kuma joojinayo in uu wareego. Si joogto

ah ayuu isu bedbeddelayaa, mararka qaarkood

waxaa loo arki karaa si aad u degdeg badan, laakiin

badanaa si tartiib ah oo aananba dareemeynin

ayuu u socdaa. Markaana si lama filaan ah

ayaannu u arkeynaa in uu caalamku is beddelyay,

waxaanunna u baahannahay in aannu mar kale

eegno. Mar kale fahanno. Iyo mar kale.

Marka ay Astrid iyo David booqanayaan Fröslunda,

waxay himmaddu tahay in ay isku dayaan in

ay arkaan, ayna fahmaan hal meel. Meel iyaga ku

cusub, oo leh shalaydeeda, maanteeda, tayadeed

iyo taxaddigeeda. In dadka aagga deggan xiriir

lala sameeyo wax lagama maarmaan ah ayey

hawsha loo socdo u tahay. Dad deegaan ah oo

laga yaabo in ay Fröslunda ku noolaayeen noloshooda

oo dhan iyo kuwa laga yaabo in ay hal

maalin oo keliya ku noolaayeen, oo ku hadlaya

100 luqadood oo kala duduwan, una dhexeeya 0

iyo 100 jir. Astrid iyo David waxay kuula imaanayaan

hal su’aal oo laga amba qaadayo, kana caawineysa

in ay wax arkaan. Hal su’aal oo caalami ah

oo cid walba ay isla xiriirin karto. Hal su’aan oo

micno leh.

Su’aashu waa muhiim, waana mid dhab ah. Si

fiican uma shaqeyneyso in su’aasha toos waddada

leysugu weydiiyo, waxaa lagama maarmaan

ah wada xiriirid, xiriir, kulan. Kaamiradu waa in

ay qalab noqotaa, istuudiyo dibadda ahna waa in

suuqa laga dhex sameeyaa, iyadoo ay u jeeddada

la sheegay tahay in xiriir la yeesho. Kaalay ha lagu

masawiree! Siin iyo qaadasho. Kulan.

Waxaa jiraya kulamo fara badan. Saf dheer oo

is duubaya xaga suuqa Fröslunda. Kaamiradu waxbey

isu keeneysaa. Kaamiradu wada hadal ayey

albaabka u fureysaa. Sawirka Fröslunda wuu weynaanayaa,

wuu hormaryaa, wuuna is beddelayaa.

Sidaas ayeyna ahayd hooyadey. Ku fac ah Fröslunda.

Waxayna ku soo kortay guri cusub oo laba qol

ah ku yaal dabaqa u sareya ee Tallåsvägen 11F iyada

iyo hoyadeed, abaheed iyo walalkeeda ka yar.

Maxaddada baska iridda bannaanka horteed ku

taal. Kushiin aan qaboojiye lahayn. Hoolka dhexda

uu yaallo kabadh ay jiilal iska dhaxleen oo ay

ka buuxdo hanti yar-yar oo maalinle ah. Waaliddiin

shaqaale ah oo ka tirsan Xisbiga Bulshada Dimuqraadiga

ah oo hoballo ahaan u heesaya, urur

shaqaale ahaanna isu xilqaamay, oo guri nasasho

ka dhisay bannaanka magaalada, abidkoodna

aan leysin qaadan ama khamri cabin. Swiidhanti

shacabka guri u ahaydna ay mareysay sanooyinki

ugu fiicnaa, swiidhish dhab ah oo boorsooyin dabay

uu qiima ka buuxo dusha ku sita. Ama haddii

si fudud loo dhaho; dad waaweyn oo doonayay

in ay dhisaan bulsho cusub oo fiican, oo ay iyaga

iyo carruurtooda isugu tala galeen. Isla waxa

ay waaliddiinta jooga Fröslunda ay doorteen,

iyo qeybtaas dunida inteeda kale, ay mar walba

doonayeen.

Hooyadaa yaa waaye?

Josefine Bolander

maamule, farshaxan cid kasta

u furan, degmada Eskilstuna

6

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!