22.06.2013 Views

Taarikhdii_sheekhii - Maktabada.com

Taarikhdii_sheekhii - Maktabada.com

Taarikhdii_sheekhii - Maktabada.com

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

SHEEKH MUXAMMAD BIN C/WAHAAB

HALGANKIISII IYO RAADKII UU REEBAY

1115-1206H

(1703-1792)

WQ

Muxammad Cusmaan Aadam

1

Waxaa Faafinta Buugan markii ugu horeysay

Suura galiyay shabakadda dacwada ee

maktabada.com

Waxaan Dhamaan walaalaha Soomaaliyeed ee

nasiibka u yeelan doona inay aqriyaan buugan

qiimaha badan ka codsanaynaa inaysan ducadooda

ka hilmaamin Sheekh Muxammad C/waahab iyo

walaalka noo sahlay in aan afkeena hooyo kaga

dharagno taarikh-da Imaamkaas, sidoo kale ha ka

hilmaamina Ducadiina walaalihiina shabakadda

Maktabada.com

2

Gogoldhig

Mahad oo idil Allaah ayey u sugnaatay, ammaan iyo

nabadgelyana nabigeenna muxammad ah dushiisa ha

ahaato, iyo ehelkiisii iyo asxaabtiisii iyo intii wanaaga ku

raacday ilaa qiyaamuhu ka oogmo.

Intaa kaddib nabigeenna sallalaahu calayhi wasallama

waxaa uu xadiis ka sugnaaday ku yiri:

.) 4291:

دٚاد ٛثأ(

" بٕٙ٠د بٌٙ دّذج٠ ِٓ َبع ةئبِ ًو سأس ٍٝع ةِلأا ٖزٌٙ جعج٠ الله ّْئ"

Oo micnihiisu yahay: Alle wuxuu umaddan usoo

saaraa qarnigii walba mar, qof diintooda u

nooleeya".

Laga soo bilaabo qarnigii koowaad ee hijriyada ilaa iyo

xilligan waxaa dunida islaamka soo maray culimo sida

qorraxda u ifayey, hawshooduna ahayd noolaynta diinta

islaamka, diintii ayey ifiyeen, iyaguna way ifeen, diintii

ayey koryeeleen, iyagana diintii ayaa koryeeshay, waa

halkii nabigeennu sallalaahu calayhi wasallama xadiis kale

kaga yiri: "Allaah kitaabkan dad ayuu kor ugu qaadaa,

qolo kalena hoos ayuu ugu dhigaa". Muslim ayaa

weriyey.

Qoraalkan hortaada yaalla wuxuu ka hadlayaa caalim

kuwaa ka mid ah, safka horena kaga jira, kana soo

bidhaamay saxaraha iyo gawaanka jaziiradda carbeed,

balse dhawaqiisu saameeyey shanta qaaradood, haba kala

badnaado raadka uu ku reebaye.

Waa qoraal ka hadlaya halgan diineed oo ka hanaqaaday

deegaan in badan dunida ka daboolnaa balse kaddib

noqday tiriig ifkiisa lagu soo hirto.

Waa halgan ujeedadiisa iyo halka uu ku wareegayaa ahayd

u noqoshada diintii saafiga ahayd ee uu nabigeenna

muxammad ah inooga tagay, sallalaahu calayhi wasallama.

3

Caalimka halgankan bilaabay kana miradhaliyey waa

imaam Muxammad bin C/wahaab bin Suleymaan

Altamiimiyi, waxaa qoraalkani taaban doonaa taariikhdiisii

nololeed iyo qoyskiisii, bilawgii tacliintiisii iyo safarradiisii

aqoon-kororsi, sababihii halganka ku kallifey, iyo

ujeeddadii uu ka lahaa, dhibkii uu u maray meel marinta

ujeeddadiisa, mirihii iyo raadkii halganku reebay, dadkii ka

horyimid iyo kuwii taageeray, iyo arrimo kale oo aad

qoraalka ku dhex arki doontaan insha Allaah.

Sababaha aan qoraalkan u doortay:

Waa arrin ay isweydiinayaan akhristayaal badani, muxuu

qoraagani isugu hawlay mawduucan, wakhtiga intaa

le'egna ugu bixiyey soo saarista kitaabkan?

Jawaabtu waxaa ay tahay dhowr arrimoodba:

1- iyada oo halgankii Sheekh Muxammad C/wahaab uu

ahaa mid dunida soo mara saddexdii qarni ee ina

dhaafay kii ugu cuslaa;

2- iyadoo uu ahaa halgan ku saabsan saafiyeynta diinta

Alle iyo baraxtirka xuquuqda uu ku leeyahay uunkiisa;

3- aniga oo ka mid ah dadka aaminsan in caqiidadii

sheekhu ku baaqay tahay caqiidada islaamka ee saxda

ah ee uu nabi muxammad ammaan iyo nabadgelyo

dushiisa ha ahaatee ku rabbeeyey asxaabtiisii,

asxaabtuna usoo gudbiyeen jiilkii xigay, culimadii ka

danbaysayna ku qoreen kutubtii sunnada iyo caqiidada

ay ka allifeen qarniyadii fadliga badnaa, wixii kasoo

horjeedayna ay ahaayeen caadooyin iyo dhaqammadii

jaahiliyada oo lasoo nooleeyey;

4- iyadoo umadda Soomaalidu aysan aqoon badan u

lahayn shakhsiyadda iyo taariikhda imaamkan, kuwo

taageersan iyo kuwo kasoo horjeeda, iyo kuwo aan

danba ka lahayn intaba.

Afartaa waxyaabood ayaan oran karaa waa ay ugu

horreeyaan waxyaabihii igu bixiyey inaan qoraalkan u qalin

qaato.

4

Qoraalkan afsoomaaliga ahi waa kii ugu horreeyey

inta aan ogahay ee laga qoro sheekh Muxammad,

marka laga reebo maqaallo taageero iyo dhaleecayn

intaba leh oo saxaafadda qaarkeed lagu qoray, balse

marnaba ma arag mana maqal kitaab afsoomaali ah

oo sheekhan ka taariikhaynaya.

Waxaan ku dadaalay maadaama qoraalka laga soo

tarjumay kutub badan oo carabi ku qoran, usluubkooduna

kala duwan yahay, inaan u bato dhanka tarjumidda

erayeed, iyada oo marmarna aan isticmaalay tarjumid

guud oo micnaha iyo dulucda ina tusaysa;

Waxaa kale oo aan inta karaankayga ah ku dadaalay in

qoraalku koobnaado, oo aynu qayb walba ka bixinno

warbixin ujeedada ina dhacsiinaysa, iyada oo oo laga

fogaanayo dheerayn lagu daalayo iyo gaabin dantii la lahaa

wax u dhimaysa.

Dabcan kitaabkani qofkii aan Sheekh Muxammad warbixin

badan ka hayn inuu wax u kordhin doono ayaan filayaa,

waxaanan kula dardaarmayaa akhrisataha qaba aragtidan

mid ka duwan inuu fikraddiisa usoo bandhigo si deggan oo

cilmiyeysan, maadaama lagu jiro casri qoraalka iyo cilmibaaristuba

baaheen waa in aynu ixtiraamnaa maskaxda iyo

caqliga akhristayaasha.

Wixii aan saxay oo xaqa ku haleelay Allaah ayaan uga

mahad naqayaa, wixii aan ku gafeyna waa ilduuf aniga iga

dhacay, Allaah ha iga dhaafo, ciddii igu baraarujisana waan

uga mahad naqayaa.

Mahadnaq:

5

Mahad oo idil Allaha xaqa lagu caabudo ayey u sugnaatay,

na waafajiyey u istaagidda hawshan, noona fududeeyey

qoraalkan.

Waxaa mahad-celin iga mudan dadkii ka qaybqaatay inuu

kitaabkani soo baxo, talo iyo taagna ku biiriyey, waxaanan

leeyahay jazaakumullaahu kheyran.

Afeef iyo Codsi furan:

Waxaad kitaabka ku arkaysaan inaan marar badan

adeegsaday erayo aan ka mid ahayn kuwii guddiga

Afsoomaaligu meel mariyey, sida "Z" oo aan u adeegsaday

erayga carabi ahaan waafaqsan iyo "Th" oo aan u

isticmaalay erayga carabiga ah ee "ث " iyo anigoo

laalaabay erayo aan ku jirin kuwii guddigu ansixiyey ee

ahaa: M, N, L,G,R,D,B, taana waxaa keentay baahida

qoraalka, maadaama aan hadallada carabi kasoo tarjumay.

Wixii kale ee khalad naxwe ama luqadeed ah, waan uga

mahadnaqayaa ciddii igu baraarujisa.

Muxammad Cusmaan Aadam

Rabiicu Althaani:1431H (20 March 2010)

Gaalkacyo, Soomaaliya

6

Qaybta koowaad:

Qoyskii sheekha, dhalashadiisii iyo

barbaariddiisii

Safarradiisii waxbarasho

Culimadii uu cilmiga ka qaatay

Kusoo noqoshadiisii deegaankiisa iyo

bilawgii halganka.

7

Qoyskii sheekha, dhalashadiisii iyo

barbaariddiisii

Magaciisa iyo abtirkiisa:

Waa Maxamed bin C/wahaab bin Suleymaan bin Cali

Altamiimiyi, Alnajdiyi Alxanbaliyi.

Wuxuu ku abtirsadaa qabiilka ballaaran ee la yiraahdo

Banii tamiim" ee ka mid ah kuwa ugu waaweyn qabaailka

dega jaziiradda carbeed, nabiguna sallalaahu calayhi

wasallama wuxuu qolodaa ku tilmaamay

ummaddiisa kuwa Dajaal ugu xanuunjin badan. 1

Qoyska sheekha:

Sheekhu wuxuu kasoo jeedaa qoys diinta caan ku ahaa

dhalashadiisii ka hor 200 oo sano, qoysaska diinta lagu

kuunyana ka mid ahaa.

Awoowgii Suleymaan bin Cali wuxuu ahaa caalimkii Najdi

ugu weynaa (waqooyiga dhulka hadda sacuudiga loo

yaqaan) gobollo kala duwan ayuuna Garsoore ka noqday,

wuxuuna ahaa caalim loogu noqdo dhacdooyinka xal loo

waayo. 2

Jawaabihii uu ka bixiyey suaalihii cilmiyeed ee la waydiiyey

inta haatan daabacan waa 400 oo jawaabood. 3

Kutub cilmiga noocyadiisa kala duwan ahna wuu leeyahay. 4

Aabbihii C/wahaab:

Aabihii wuxuu ku dhashay magaalada Cuyeyna ee carriga

Najdi ku tiil, aabbihii Suleymaan ayuuna cilmiga ka bartay

iyo culimadii kale ee deegaankiisa ilaa uu ka noqday caalim

1 Saxiixa bukhaari:lambarka xadiiska:2543, iyo 4366

2 Cinwaan Almajdi uu qoray ibnu Bishri: 1/60

3 Culimadii Najdi uu qoray C/laahi Albassaam: 1/312

4 Culimadii Najdi: 1/310-311

8

faqiih ah wuxuuna Garsoore ka noqday magaaladiisii

Cuyeyna. 1 Wuxuu dhintay 1153H.

Dhalashadii iyo barbaariddii Sheekh Maxamed

Wuxuu dhashay taariikhda hijrigu markay ahayd 1115

kuna beegnayd 1703 miilaadiga, magaalada Cuyeyna ayuu

ku dhashay, isla halkaa yuu ka bilaabay waxbarashadiisa,

isaga oo aan toban jir gaarin ayuu qoraanka xifdiyey, mid

xifdi badan oo dhugmadiisu diirrantahay ayuuna ahaa.

Kadib Aabbihii ayaa cilmiga axkaamta u bilaabay, aad

ayuuna u wax akhris badnaa, taasoo u suuragelisay inuu

muddo yar cilmi badan ku hanto, aabbihiina la yaabo

fahmadiisa iyo hanaqaadkiisa, wuxuuna yiri: " waxaan ka

faaiidaystay wiilkayga Maxamed faaiidooyin

axkaamta ku saabsan". 2

Sheekh Maxamed aabbihii ayuu ka codsaday inuu xajka

aado wuuna u fasaxay da'diisuna 12-13 sano ayey ahayd,

xajka kadib Madiina ayuu tagay oo 2 bilood soo joogay,

kaddibna magaaladiisii Cuyeyna ayuu dib ugu soo noqday

oo waxbarashadiisii halkii kasii anbaqaaday. 3

Wuxuu yiri Taariikhyahanka reer Najdi ee loo yaqaan ibnu

Bishri: " sheekhu yaraantiisii aad ayuu u mudaalacasho

badnaa (wax akhris badnaa) wuxuuna daalacan jiray

kutubta tafsiirka, xadiiska iyo sharraxaadda culimadu

saareen asalka islaamka, markaasuu Alle u waasiciyey

laabtiisa garashada iyo fahamka tawxiidka 4 iyo hufiddiisa,

iyo haleelidda waxyaabaha buriya ee dadka ka leexiya

waddada tawxiidka". 5

1 Cinwaan Almajdi: 1/235

2 Rawdatu ibnu Qannaam: 1/25

3 Rawdada: 1/25

4 Wuxuu ii sheegay taariikhyahanka soomaaliyeed Aw Jaaac Cumar Ciise in sidaas oo kale Sheekh Nuur Cali Coloow

uu caqiidada ka fahmay aayadaha quraanka ee ka hadla tawxiidka iyo shirkiga, intii uusan labada xaram u safrin.

5 Cinwaan Almajdi fii taariikhi AlNajdi:1/6

9

Safarradiisii waxbarasho:

Waxaa caado ahaan jirtay ilaa haddana jirta in marka

ardaygu cilmiga ka faaiidaysto deegaankiisa uu u safro

meeshii uu cilmi kale ka kororsan karo, waxayna ahayd

caado tan iyo saxaabadii soo taxnayd.

Markii sheekh Maxamed uu kulansaday cilmigii

deegaankiisa kana qaatay culimadii magaaladiisa kuwii ugu

waaweynaa ee aabbihii ka mid ahaa ayuu goaansaday inuu

u dhaqaaqo halkii kale ee uu gaari karo cilmina ka heli

karo.

Safarkiisa wuxuu ku hormariyey Maka iyo Madiina oo ah

labada xarumood ee islaamka saldhiga u ah.

Wuxuu yiri Dr C/laahi Cuthaymiin oo ka mid ah

taariikhyahannada reer Najdi isagoo ka hadlaya safarkan

sheekha: " xasuustiisa ayey ku tiil waxyaabihii uu xajkiisii

ugu horreeyey soo arkay, wixii labada xaram uu kusoo

arkay ayaana qancin ugu fillaaday inuu tallaabadiisa ugu

horraysa xijaas ka bilaabo". 1

Markuu muddo joogay labada xaram cilmina kororsaday

ayuu soo maray magaaladiisii Cuyeyna isagoo usii jeeda

Basra (Ciraaq), wuxuuna u tagay sheekh jooga tuulo basra

u dhow oo la oran jiray Almajmuuca, xarun cilmi ayaana

ku taallay, muddo ayuuna ku nagaaday. 2

Dhowr jeer ayuu isaga noqnoqday inta u dhaxaysa Basra

iyo Axsaa (baxreyn ayey ahaan jirtay haddase waa bariga

sacuudiga). 3

Markuu Basra kasoo noqday labada xaram ayuu haddana

soo maray, xajkana wuusoo gutay, carrigiisii najdi ayuuna

kadib yimid, waxaa qassadkiisu ahaa inuu Shaam u safro

oo cilmigiisa sii ballaariyo balse mooriyaan xujeyda dhici

jirtay ayaa jidka u gashay sahaydiina ka furatay. 4

1

Sh Maxamed C/wahaab noloshiisii iyo fikirkiisii: bogga 30aad.

2

Cinwaan almajdi:1/7-8

Aldurar alsaniyah: 9/216 3

4

Alrasaail wal-masaail alnajdiyah:3/340

10

Sheekhu markuu bilaabay safarradiisa cilmi wuxuu ahaa

arday cilmiga ku xoogaystay da'diisuna tahay 20 sano,

muddo 16 sano ah ayuu cilmi kororsi u safrayey oo isaga

noqnoqonayey xijaaz (maka iyo madiina), Najdi iyo

Ciraaq. 1

Culimadii uu cilmiga ka qaatay:

Culimadiisii Najdi:

1- Aabbihii Sheekh C/wahaab bin Suleymaan oo dhintay

1153H.

2- Adeerkii Sh. Ibraahin bin Suleymaan oo dhintay

1141H. 2

Culimadiisii Xijaaz:

3- Sheekh C/laahi bin Saalim Albasri, oo asalkiisu ciraaq

kasoo jeeday, balse ku dhashay kuna dhintay Maka,

kana mid ahaa kuwa ugu waaweyn culimadii xadiiska

looga danbeeyey wakhtigiisii., wuxuu dhintay 1134H,

safarkiisii ugu horreeyey ee uu xijaaz aaday ayuuna

wax ka maqlay da'diisuna ahayd 12-13 sano 3 .

4- Sheekh C/laahi bin Ibraahim bin Sayf oo deganaa

Madiina kuna dhintay 1140H.

Sheekhan si weyn ayuu uga faaiidaystay xiriirkooduna

aad ayuu u dheeraaday, waxyaabaha ay isku aragti ka

ahaayeen waxaa ka mid ahaa xaaladaha adag ee

dadku ku jiraan ee sharciga khilaafsan iyo

dhaqanxumada ummadda ku dhex faaftay. 4 xadiiska

ayuu sheekhan si weyn uga xanbaaray kutubta

1

Caqiidatu Sh maxamed bin c/wahaab alsalafiyah, oo uu qoray Sh saalix Alcabuud 1/142-143

2

Caqiidatu Sh Maxamed bin c/wahaab alsalafiyah, Saalix Alcabuud:1/143-144

3

Alcabuud:1/145-146

4

Sheekh Maxamed bin C/wahaab oo uu qoray Axmed bin Xajar Aalabuutaami:bogga 16aad

11

xadiiska qaarkoodna wuu u ijaazeeyey. 1 (shahaado

ayuu siiyey).

5- Sh. Muxamed Xayaat bin Ibraahin Alsindiyi: caalimkii

xadiiska loo daba fariisan jiray ayuu ahaa carriga

xijaaz oo dhan, wuxuu kasoo jeedaa gobolka loo

yaqaan Sindi, ee ka mid ah Pakistan, caasimaddiisuna

tahay Karachi, Madiina ayuu sheekhani deganaa,

sheekh maxamedna halkaa ayuu kula kulmay

cilmigana kaga qaatay, kutub badan oo axaadiis ah

ayuu ka xanbaaray, ijaazana wuu siiyey, wuxuu si

gaar ah sheekhani uga mid ahaa culimada ay sheekh

muxamed isku aragtida ka ahaayeen ka hor

imaanshaha dhaqammada sharciga khilaafsan sida

shirkiga, bidcada i.w.m.

Sheekh C/lladiif Aalasheekh oo faraca sheekha ka mid

ah wuxuu yiri isagoo ka hadlaya xiriirka sheekh

Maxammed uu la lahaa sheekhiisan: " wuxuu ku lahaa

raadka ugu weyn xaga ku jihaynta inuu tawxiidka

rabbi saafiyeelo, kana fogaado iska dabagalka indhaha

la', wuxuuna ku jiheeyey kitaabka iyo sunnaha inuu ku

mashquulo". 2 Wuxuu sheekhani dhintay 1163H Allaah

ha u naxariisto.

5- sheekh Ismaaciil bin Muxammad Alcajluuni, oo ka mid

ahaa culimadii reer Shaam, waxaana la filayaa inuu

sheekhu kula kulmay Maka iyo Madiina. 3

6- Sheekh Cali Afandi bin Saadiq Aldaaqistaani. Isna

wuxuu ka mid ahaa culimadii reer Shaam, Madiina

ayuu deganaa sheekhuna halkaa ayuu cilmiga kaga

bartay, wuxuu dhintay 1199H, wuxuuna ahaa sheekh

ka da' yar sheekh Maxamed bin c/wahaab. 4 (alcabuud

1/162-163).

1 Saalix Alcabuud: 1/156

2 Saalix Alcabuud 1/156-161

3 Alcabuud 1/161

4 Alcabuud 1/162-163

12

Kuwaa ayaa ugu waaweynaa culimadii sheekhu xijaaz

(maka iyo madiina) cilmiga kaga bartay.

Culimadiisii Basra:

Waxaynu soo sheegnay in sheekhu Ciraaq tagay muddo

badanna ku noolaa cilmigana ka raacan jiray, wuxuuna

muddadaa cilmiga ka baran jiray sheekh magaciisu ahaa:

7- Muxammad Almajmuuci. 1

Culimadiisii Axsaa

magaalo weyn oo cammiran ayey ahaan jirtay, culimadii

magaaladaa joogtay wuu ka faaiidaystay, kutub badanna

wuu ka helay oo ay ka mid ahaayeen kutubtii Ibnu

Taymiya iyo ibnu Qayim. 2

Waxaa kale oo la wariyaa in sheekhu tagay Baqdaad iyo

Mawsil oo ka mid ah magaalooyinka ciraaq ee waaweyn,

balse arrin sugan ma aha.

Sheekhu ma tagin meel jaziiradda carbeed ka baxsan oo

aan Basra ahayn, umana suuroobin inuu tago Shaam oo

mooriyaan ayaa sahaydii ka furatay, sidoo kale ma tegin

Masar, Hindiya, Iiraan iyo magaalooyin aysan carabiba

degin.

Sidoo kale sheekhu ma baran luqad aan carabi ahayn sida

Turkishka iyo faarisiyada, mana baran falsafadda iyo wixii

la halmaala, cidda arintaa sheegtayna caddayn uma helin,

baahina sheekhu uma qabin luqad ajnabi ah. 3

Mirihii Safarkii dheeraa:

Hadii socdaalkaa dheer sheekh maxamed ku kala bixiyey

jaziiradda dhexdeeda iyo dibaddeedaba, wakhtigaa

dheerna u huray barashada cilmiga, wuxuu lasoo noqday

maskax cilmi la ciiraysa, iyo maktabad cagaheeda ku

soconaysa, sheekh Ibnu Badraan oo ka mid ah culimadii

1 Isla halkii hore

2 Alcabuud: 1/171

3 Alcabuud: 1/175-178

13

eer Shaam wuxuu yiri isagoo sheekh muxammad ka

hadlaya: " wuu buuxsamay, dhanka culuumta sunnada iyo

dhaqankii saxaabada ayuuna ka bislaaday, mad-habka

Axmedna xariif ayuu ku noqday". 1

Sidee sheekhu Basra uga soo baxay?

Qofka isu taaga faridda samaha iyo reebidda xumaha

dadku isku aragti kama qaataan, qaar waa soo

dhaweeyaan, waxa uu sheegana waa qaataan, qaar waa la

diriraan samaha uu sheegayana xumaan ayey ku

tilmaamaan, xumaha uu ka digayana samaan ahaan ayey

u difaacdaan, waana arrin weligeed soo taxnayd in dadku

sidaa u qaybsamo, Nabiyadii Allaah soo diri jirayna sidaa

uun ayaa dadku ugu kala qaybsami jiray, qolyo kalaa jira

oo aan danba ka gelin waxa la sheegayo, balse marka

dagaal la isaga horyimaaddo qolyaha samaddoonka la

dirira ayey la jaal yihiin.

Sheekhu Basra oo aan deegaankiisii ahayn ayuu cilmi u

doontay, intuu joogayna wacyigelin ayuu ka bilaabay balse

taa laguma nabad gelin ee waa lagula diriray, waxayna

keentay in magaalada laga soo saaro.

Taariikhyahan ibnu Bishri wuxuu yiri: " Dad reer Basra ah

oo qaarkood madaxdoodii yihiin ayaa sheekha kusoo

ururay, dhibaato daran ayeyna u geysteen, xilli kulul oo

qorraxdu bartamaha samada joogto ayeyna soo saareen,

markii uu marayey meel u dhaxaysa Basra iyo Zubeyr ayuu

dhanqalmay! oo geeri qarka u fuulay, wuuna lugaynayey

isagoo kaligii ah, waxaa markaa la kulmay nin dameer ku

shaqaysta oo magaciisa la oran jiray Abuu Xumeydaan,

wuu waraabiyey dameerkiina wuu saaray ilaa uu gaarsiiyey

magaalada Zubeyr. 2

1 Almadkhal ilaa mad-habi imaam Axmed 230, alcabuud 1/181

2 Cinwaan Almajdi: 1/8

14

Waa nin Rabbi ilaashanayo uguna talagalay nooleynta

diintiisa, dhibkaan gaarayna mid ka daran nabi Muxammad

sallalaahu calayhi wasallama iyo nabiyadii ka horeeyey

ayuu gaaray, cid kasta oo samaha ku baaqdaana way la

kulmaysaa, waxayna ka mid tahay leyliyada rabbaaniga ah

ee loo baahanyahay in lagu sabro si miro wanaagsan loo

goosto.

Nabigeenna sallalaahu calayhi wasallama markii ugu

horraysay ee Jibriil u yimid, ayuu isaga oo argagaxsan

khadiijo usoo galay, una sheegay inuu naftiisa u baqay,

kaddib ayey u geysey Wariqata binu Nawfal oo diimihii

hore caalim ku ahaa, markii uu u sheegay waxa uu arkay

ayuu dejiyey oo ku yiri" kheyr wadihii ayaa kuu yimid

(malaku jibriil), maan noolaado marka tolkaa ku eryayo

waan kuu hiilin lahaa!! Nabigu sallalaahu calayhi wasallama

isagoo yaabban ayuu yiri: " oo ma I saarayaan?! Wuxuu

yiri wariqata: " qofna lama iman waxa aad la timid oo kale,

hadduu jirana waa lala colloobay ". 1

Ugu danbayntii sheekhu deegaankiisii ayuu kusoo noqday

magaalada Xureymala ayuu yimid oo aabbihii Garsoore ka

ahaa, halkaa ayuuna ku bilaabay faafinta cilmiga iyo inuu

dadka ugu baaqo tubta toosan.

Markii aabihii dhintay 1153H, sheekhu dadaalkiisii waasii

laalaabay, wuxuuna goaansaday inuu la dagaallamo

caqiido xumada baahsan, dadkana ugu baaqo caqiidadii

islaamka ee hufnayd.

1 Saxiixa bukhaari:3, iyo 4953, 6982

15

Qaybta labaad:

Sababihii halganka

Bilawgii halganka

Ka bixiddii Xureymala

Degiddii Cuyeyna

Ka bixiddii Cuyeyna

Sababihii Halganka

16

Halgamaaga isbeddel doonka ah waxa dareenkiisa

dhaqaajiya, jiif iyo joogba u diida, naftiisu la gubataa,

masuuliyadda baaxadda weynna ugu babac dhigaa, jidka

qodxaha badan ee wehelkiisu yaryahayna isugu biimeeyaa

waa khatar weyn oo bulshadiisu ku jirto!

Waxay noqon kartaa: dhaqanxumo baahsan, diinxumo,

jaahilnimo, masiibooyin aan taag loo hayn, iyo wixii la

halmaala ee bulshada jiritaankeeda lid ku ah.

Waxaa iswaydiin mudan maxaa Sheekh Maxamed ka

dhawaajiyey oo culimadii uu wax ka bartay iyo ragii

eenigiisa ahaaba la dhawaaqi waayeen?!

Suaashan jawaabteeda oo koobani waxay tahay: in qofku

noqdo halgamaa ummad dhan samatabixiya ma aha wax

cid kastaa heli karto ama calfan karto waa deeq xag rabbi

laga bixiyo, wax qof gubaya ayaan mid kale dhib weyn la

lahayn, mid kalena uusan dareensanayba! mid ay aad u

gubaysaana uusan lahayn dhiirranaan iyo goaan uu arrinta

ku wajaho.

Waxaa xasuusin mudan in culimadii sheekh Maxamed

cilmiga ka bartay qaarkood sida sheekh Maxamed xayaat

alsindi, sh c/laahi bin ibraahil Aala seyf, iyo sheekh

maxamed almajmuuci ay saddexduba sheekh maxamed

kala mid ahaayeen ka gubashada xaaladda ummaddu

marayso, qaarkoodna waa dhiirri gelin jireen, balse nasiib

uma yeelan inay xilkaa u istaagaan, qaarkoodna duruufta

amni uma saamixin oo carrigay joogeen uma dhalan.

Mid kalena waa jirtaa oo shaygu hadduu noqdo caado

dadka badankiisu ku dhaqmo hoosba looma dhugto danna

lagama galo, qofka ugu roon ayaa laga yaabaa inuu

naftiisa ku mintido cid kalena uusan ku fekerin.

Sheekh Maxamed waxaa taariikhdu xustay maadaama uu

ahaa nin dhugmo badan wax akhrisna badan, inuu

yaraantiisii ka dhiidhin jiray waxa bulshadu ku jirto, waana

midda ku kalliftay inuu safarkiisii dheeraa cilmiga ku

17

ixiyo, si uusan xujo la'aan u noqon maalinta dooddu cirka

isku shareerto!!

Waxaa kale oo diyaargarowga sheekha ina tusaya markii

Basra laga soo eryey xajka ayuu soo maray markaa ayuu

kacbada hoos istaagay oo Allaah waydiistay inuu

halgankiisa diinta ku koryeelo, dadka quluubtoodana usoo

duwo. 1

Haddii aynu usoo noqonno sababihii halganka, waxaa lagu

soo uruurin karaa waxaa sababay xaaladdii xumayd ee

ummaddu ku jirtay oo ay ka fogaadeen diintii, dhaqankii

suubbanaa, cilmigii, garsoorkii iyo wax kasta oo ummadi

ku istaagto.

Taa waxaa inoo sii iftiimin kara innagoo warbixin kooban

ka bixinna muuqaalkii deegaankii sheekhu kasoo baxay ee

Najdi.

Najdi waa dhul ku yaal waqooyiga jaziiradda, ahna dhul

ballaaran oo qabaail badani degaan.

Laba deegaan ayaa magaca Najdi loo yaqaan, mid waa taa

aynu sheegnay, midna waa Najdi Ciraaq ku taal oo ah

midda nabigu ku tilmaamay inay fitno iyo balaayo kasoo

bidhaami doonto, dhammaan fitnooyinkii waaweynaa ee

qarniyadii hore dhacayna ay ka bilaabmeen, firqooyinka

baadiyeysanna ay kasoo ifbaxeen, sida khawaarijta,

qadariyada, shiicada, 1.w.m sidaas ayeyna ku fasireen

culimada xadiisku, sida inoogu iman doonta insha Allaah

qaybta dacaayadaha.

Xaaladdii Najdi sheekha ka hor:

Wixii ka danbeeyey 251dii hijriyada, maamul adag kama

jirin Najdi, oo dawladdii Cabbaasiyiinta way ka go'day,

niman la oran jiray banii Ukhaydir oo shiica ahaa ayaa la

goay oo dawlad yar ka samaystay, ilaa bartamihii qarnigii

afaraad ay kala wareegeen nimankii la oran jiray

1 Alrasaail walmasaail Alnajdiya: 3/340

18

Alqaraamidah ee fasaadka badnaa, raad xun oo jahli iyo

baadinnimo ah ayeyna carriga kaga tageen.

qaraamiddadu waa nimankii qarnigii afaraad qabsaday

xaramka oo bililiqaystay, xajaru aswadkana la tagay,

muslimiin shiico ah ayey sheegan jireen balse taa culimada

muslimiintu kama aqbalin, marka dhaqanxumadooda la

arkay waa la isku waafaqay inay gaalo ahaayeen.

Qaraamidada waxaa aasaasay nin la oran jiray Abuu Saciid

Aljannaabi Alqarmadi sannadkii 286H ayey kasoo baxeen

agagaarka Basra ee Ciraaq. 1

Imaam ibnu Kathiir mar uu ka hadlay xasuuq iyo bililiqo ay

ka geysteen xaramka Maka, sannadkii 317H iyadoo weliba

maalmihii Xajka la joogo wuxuu yiri: "Waxaa arrintaa ku

kallifay iyagoo ahaa gaalo Zanaadiqo ah

(munaafiqiin), waxayna u janjeereen dhanka

Faatimiyiintii sannadkaa kasoo baxay Afrika, dhanka

Galbeed, amiirkoodana waxaa lagu naanaysi jiray

Almahdi, waana abuu Muxammad cubeydullaah bin

Maymuun Alqaddaax, wuxuu sheegtay shariif faatimi

ah, rinjiile ayuu ka ahaa Silmiya, waxaa sidaa ka

rumeystay in badan oo barbariyiin ah iyo waxmagarato

kale, dawlad ayeyna yeesheen". 2

Dhaqanxumada Qaraamidadu ay Najdi kaga tageen:

1- qabuuraha oo la dhiso

2- cilmiga sunnada oo laga fogaado

3- shirkiyaadka oo la caadaysto i.w.m

Qaraamiddada xukunkoodii markii uusoo afjarmay

bartamihii qarnigii shanaad Najdi way kala googo'day oo

tuulo kastaa maamul gaar ah ayey samaysatay,

maamullada deriska la ah ayaana ku amar ku-taagleyn

jiray, ama odayaasha qabaailka oo qudhoodu kala

tagsanaa ayaa xukumi jiray.

1 Albidaaya wa nihaaya:11/108-109

2 Albidaaya wa nihaaya:11/212-213

19

Dawladdii cusmaaniyiintu markii ay xukunka la wareegtay

wax xil ah Najdi iskama saarin, farahana lama soo gelin, in

marmar wakiilka Baxrayn u joogaa kormeero mooyee, waa

intii aysan Baxrayn ka madax bannaanaan cusmaaniyiinta

sannadkii 1080H. 1

Xilligii sheekhu Najdi kasoo baxay:

Maamulladaa kala qoqoban iyo dhaqanxumadii

qaraamidadu ku beertay ayaa kasii daray ilaa xumuhu uu

samaan ka noqday, samuhuna xumaan!! Cilmi haddii la

barto ku dhaqankiisu aad ayuu u yaraa, wax saamayn

ahna kuma lahayn dhaqanka bulshada, ee wuxuu ahaa

shay qofka barta iyo masjidka ku eg.

Kala tagsanaanta qabaailka, colaadda baahsan,

jidgooyooyinka intuba waxay ahaayeen kuwo aan tusaale

loo heli Karin. 2

Sheekh maxamed isagoo nin warqad u diraya wuxuu

leeyahay: " waad ogtahay waxa dadku ku sugan yahay, oo

jahli iyo moognaan ah iyo inay ka jeesteen wixii loo

abuuray, waad ogtahay waxay ku suganyihiin oo diintii

jaahiliyiinta ah, iyo inta ay ka haystaan diintii nabi

muxammad Sallalaahu calayhi wasallama, waadna ogtahay

inay diintooda ku dhiseen erayo iyo ficillo ay dadkoodii

hore kasoo gaareen oo kii yaraana ku barbaaray kii

weynaana ku gaboobay". 3

Taasi waa xaalka reer beledka, reer miyiga miyaa?! Wuxuu

leeyahay ibnu Qannaam oo ah taariikhyahan reer Najdi ah:

" reer miyigu diin waxba kama ogeyn astaamihiisana

ma oogi jirin, in badan oo ka mid ahina diinta waa

1 Islaamiyah laa wahaabiyah, Sh Naasir Alcaqli: 20

2 Islaamiyah laa wahaabiyah 21-22

3 Isla halkii hore

20

dafirsanaayeen, ama ma aysan ogeynba rumaynta

isa soosaarista aakhiro. 1

Taasi ma aha wax lala yaabo maxaa yeelay waxaa meesha

isaga danbeeyey shiico, qaraamiddo iyo dayac xoog leh oo

ka yimid dawladihii islaamka matalayey waa Cabbaasiyiintii

iyo Turkidii cusmaaniyiinta loo yiqiinnay.

Nimanka maamullada yaryar haystayna sidaas ayey

awoowyaal kasoo gaareen, in wax ka maqan yihiinba lama

ahayn, inay canshuurtooda shacabka ka helaan ayaa u

darnayd!!!

Dunida kale ee islaamka:

Najdi uguma liidan dunida islaamka ee dhibaatadu waa

baahsanayd, waxaana dhacday sidii nabi Muxammad

sallalaahu calayhi wasallama horay u sheegay oo uu yiri:

"islaamku isagoo wax lala yaabo ah ayuu bilawday

wax lala yaabana wuu ku noqon doonaa! Kuwa lala

yaabi doono ayaa wanaag u sugnaaday". 2

Taa micnaheedu ma aha in ummaddu wada gaaloobi

doonto, ee micnaha xadiisku waxa weeye mar walba

waxaa badanaya dadka aan diinta danaynayn xilna aan

iska saarayn, waxay ku kacayaanna aan iswaydiinayn ma

bannaanyahay mise ma bannaana!! Qorshahana aysan ugu

jirin diinta iyo ka fekerkeedu midnaba.

Sida xaaladda diintu ahayd xilligii sheekha waxaa

ina tusi kara:

- Bidcada iyo waxyaabo uusan nabi Muxammad ka tegin

oo diin laga dhigtay, hawa raaca iyo dariiqooyinkuna

bateen.

- Dadka sunnada haysta xaqana ku dhegan, bidcadana

ka dhanka ah oo yaraaday.

1 Isla halkii hore

2 Imaamu muslim ayaa weriyey:lanbarka xadiiska:372

21

- Jahli ummadda wada saaqay, gaar ahaan xaga

caqiidada iyo axkaamta muhiimka ah.

- Dadkii oo badankoodu aysan diinta baranayn, intii

barataana ay kaga dhaqmayso wixii rabitaankooda

waafaqa.

- Iska dabagalka indhaha la' oo aan daliil la

iswaydiinayn oo caadi noqday, ilaa xaaladdu gaartay in

masjidka xaramka (Kacbada) la wada tukan waayo,

mad-hab kastaana gaar u tukato, dawladdiina ay tabar

darraysay, dadkuna ay hogaan la'aan soo dhacaan,

ayna gacanta u galaan dad liita, oo hankoodu yahay

damac iyo qancinta naftooda. 1

Cudurkii ugu khatarsanaa

Wuxuu ahaa dadka oo wax u dhimay xaqii Alle ku lahaa

(Tawxiidka), oo ay caadi noqotay cibaadadii Alle in cid

kale loo leexiyo, oo cid kale la waydiisto wax Alle

mooyee aysan cidina qaban Karin, nadar (shardi) lala

galo cid aan Alle ahayn, cid aan Alle ahayn wax loo

bireeyo.

Sidoo kale bidcooyinka iyo waddooyinkii shirkiga loo

marayey oo tira-beelay, sida qabuuraha oo la dhiso,

masaajidda oo qabriyo lasoo geliyo, ama qabri masjid

laga dul dhiso, mawlacyo iyo meelo uusan sharcigu

mudnaan gaar ah siinin oo la weyneeyo, dad nool iyo

kuwo dhintay oo xadkoodii la dhaafsiiyo, arrimahan ayaa

ummadda ka dhigay mid liidata, tabar daran, kala

tagsan, cadawgiina dhaxalsiiyey inay dalal badan oo

islaamku lahaa hantaan. 2

Qof walba oo wax garad ah wuu haleeli karaa in

islaamku heerkii uu gaaray qarniyadii hore uusan ku

gaarin mabaadi jilicsan iyo hawaraacnimo, ee u ku

gaaray mabaadi adag, taasoo u suuragelisay inuu qarni

wax ka yar hanto dhul aad u ballaaran oo saddex

1 Naasir Alcaqli: 23

2 Alcaqli:24

22

qaaradood ka mid ah, isagoo islaamku galbeedka ka

gaaray Andalus (Spain iyo Boortaqiiska), dhanka barina

xuduudda Shiinaha, waqooyi galbeedna Giriiga,

koonfurna geeska Afrika!!! Isla mar ahaantaana meesha

ka saaray dawladihii waaweynaa ee kumanaanka sano

qaarkood jireen, cilmiga iyo ilbaxnimada muslimiintuna

ay gaartay meel aad u sarraysa, ummadduna ay noqoto

mid laga haybaysto, markii ay tirtirtay dawladdii

Faarisiyiintana ay marmar amarro adag kusoo rogto

dawladdii Roomaanka, oo ay dhici jirtay in duruuftu ku

khasabto boqorka Roomaanku inuu yiraahdo: "

Lacagtayada ayaan ku qorayaa magaca boqorka

muslimiinta ama caruurtiisa ee meel hebla hala ii

daayo"!!!!

Hoos udhaca iyo tabar yaraantu kuma iman sabab la'aan

ee waxaa keenay iyadoo laga tagay wixii xoogga lagu

yeeshay oo ummad jirta lagu noqday.

Awood ma yeelan karaan mana hinqan karaan

ismana difaaci karaan dad hankoodu yahay inay

qabri dul fariistaan, aroor iyo galabna ku

wareegaan!! Dhibkii lasoo darsana ula cararaan,

fekerkooduna yahay in la diyaariyo miizaaniyaddii

qabuuraha!!!.

23

Bilawgii Halganka

Xaaladahaa qallafsan ee aynu kasoo warranay ee

ummaddu ku sugnayd sheekhu markii uu arkay ayuu

furkii tuuray! hoostana ka xariiqay inuu u istaago

badbaadada ummadda, naftiisu meeshay doonto haka

dhacdo, sheekhu marnaba ma adeegsan gacan ka

hadal, mana darbin urur hubaysan, qaab

kacaannimo ahna uma dhaqmin ee wuxuu

halgankiisa u bilaabay si xikmadaysan, culays

badanna ka qaadi karta, miro la taaban karana

lagu guran karo, isaguna kaga badbaadi karo

tuhun xukun doonnimo.

Taariikhdu markii ay ahayd 1153H da'diisuna tahay 38

sano ayuu sheekhu dhawaaqay, oo bilaabay caddaynta

xaqiiqda tawxiidka iyo dariiqii rasuulka sallalaahu calayhi

wasallama, kuwa jaahiliinta iyo hawaraacana ka digo.

Markaas ayaa arintiisu caan baxday codkiisuna faafay,

xaqdoonka iyo samadoonnaduna kusoo hirteen. Markaa

sheekhu Xureymala magaalada la yiraahdo ayuu joogay

oo aabbihii garsoore ka ahaa isla sannadkaa ayuuna

aabihii dhintay. 1

Shirqoolkii addoonta iyo ka bixiddii Xureymala

Magaaladaa laba qabiil ayaa deganaa oo mid kastaa

awooddeeda sheegato, cid wada xukuntaana ma jirin, cid

qofka xun edbisa, midka liitana xaqiisa usoo dhicisaa ma

jirin.

Labadaa qabiil mid ka mid ah ayaa lahayd biddood

fasahaad badan oo diin xun oo aan xadgudubka ka

joogsan, dadkana dhiba, sheekhu wuxuu u qasdiyey inuu

falalkaas ka joojiyo iyagana edbiyo, markii ay arintaa ka

war heleen ayey goaansadeen inay sheekhaba

1 Halkii hore

24

isdhaafiyaan oo ay dilaan! Goor habayn ah ayey gurigiisii

kasoo boodeen, dadkii ayaa qaar dareemay waana lagu

qayliyey weyna carareen. 1

Markaa ayuu sheekhu goaansaday inuu ka guuro

Xureymala, maadaama mooriyaantaas uusan tabar u

hayn, dadka lihina ayan edbinayn.

Degeddii Cuyeyna

Sheekhu mar hadduu goaansaday u istaagidda arintaa

baaxadda weyn, uuna filayey in dad badani ka hor iman

doono, waxaa lagama maarmaan noqotay inuu ka fekero

laba waxyaalood oo muhiim u ahaa inuu hadafkiisa ka gun

gaaro, waxayna kala ahaayeen:

1- Goob xarun u noqoto oo uu ka dhex doorto

magaalooyinka Najdi, baaqiisana ka faafiyo.

2- Garab xoog leh oo difaaca inuu helo.

Sheekha waxaa usoo baxday labada waxyaaloodba inuu ka

helayo magaaladii uu ku dhashay kuna barbaaray waa

Cuyeyna, iyada ayuu afka saaray, waxaa markaa amiir ka

ahaa Cismaan bin Xamad bin Macmar, si maamuus leh

ayuuna sheekha usoo dhaweeyey. Taariikhdu waa 1155H.

Sheekhu wuxuu amiirkaa u bandhigay hadafkiisa ah inuu

doonayo noolaynta diinta Alle ee lagu ciyaaray, dadkana

ugu baaqayo kitaabka Alle iyo sunnada nabiga, macnaha

tawxiidkana wuu u sharxay, in dadka dhaqankoodu

tawxiidka garab marsan yahayna wuu u sheegay, wuxuuna

amiirka ku rajageliyey in haddii uu tawxiidka u hiiliyo

isagana Alle u hiilin doono, taladiisana koryeeli doono,

Najdi iyo inta kalena uu hanan doono.

1 Aalabuutaami:14

25

Ibnu macmar waa aqbalay baaqii sheekha, waana soo

dhaweeyey, waana garab istaagay, sheekhuna halkaa ayuu

kasii anbaqaaday halgankiisii.

Sheekhu wuxuu amar ku bixiyey in la tirtiro waxyaabaha

dadka tawxiidka ka khaldaya ee xaqdarrada lagu

weyneeyo, sida burburinta masaajidda qabuuraha laga

duldhisay, geedaha la weyneeyo ee la barakaysto i.w.m.,

xuduudiina waa la oogay (ciqaabihii sharciga), oo

haweenay xumaan samaysay oo qiratay ayaa lagu

bilaabay. 1

Qisadii haweenaydii dhagaxa lagu dilay:

Haweenaydan markii ay aragtay nadiifinta Cuyeyna ka

socota iyo asnaamta iyo qabuuraha dhisan ee la duminayo

iyo nuurka iyo iftiinka magaaladii dhex xulay ayey sheekha

u timid oo sheegatay inay gogol dhaaftay, guurna ay soo

martay!

Sheekhu caqligeedii ayuu hubiyey, waxaa usoo baxday

inay fiyawdahay, wuxuu ku yiri in lagu xoogay Malaga

yaabaa?! Waxaas oo dhan meesha way ka saartay, waa

haweenay isa soo dhiibtay rabtana in la daahiriyo!

Maalmo ayuu sheekhu u kaadiyey, iyaduna afar jeer ayey

soo noqotay oo qiratay, taasoo waajib ka dhigtay in

ciqaabta lagu fuliyo dhagaxna lagu dilo.

Amiirkii Cusmaan bin Macmar ayaa soo baxay iyo

muslimiin kale, wayna dhagxeeyeen ilaa ay ka dhimato,

qofkii ugu horreeyey ee dhagxeeyana wuxuu ahaa amiirka.

Kadib sheekhu wuxuu amray in la mayro, la kafno laguna

tukado sida sharcigu dhigayo. 2

Sheekhu intii uu cuyeyna joogay magaalooyin badan ayuu

warqado u diri jiray iyo rag kala duwan, magaalooyinka uu

1 Aalabuutaami:15

2 Rawdada ibnu Qannaam:2/2, Cinwaan Almajdi:1/10

26

la xiriiri jiray waxaa ka mid ahaa: Dirciya, Riyaad, Axsaa,

Intaba dad ayaa baaqiisa aqbalay. 1

Buuqii ka dhashay gabadhii dhagaxa lagu dilay:

Warxuma-tashiil oo dhan ayaa isbiirsaday, waxaa la isku

waraystay "wadaadkan haddaan maanta la qaban

meel fog ayaa laga dooni doonaa" !!!

Arintii waxaa la gaarsiiyey amiirkii Axsaa oo la oran jiray

Suleymaan binu Cureycir Alxumaydi, waxayna

warxumatashiilku ka codsadeen inaan arintaa la fiirsan ee

wax laga qabto.

Waxaa amiirka lagu yiri: ninkani carriga wuu qabsanayaa

adiguna xorriyaddaada waad waayi doontaa!!

Amiirkii arinta dhab ayuu u qaatay warqad ayuuna usoo

diray ibnu Macmar wuxuuna ku yiri: "wadaadkan aad

hayso sidaa iyo sidaa ayuu sameeyey, waa inaad dishaa

haddii aadan yeelin dhaqaalaha waanu kaa joojinaynaa". 2

Amiirkii bin Macmar sheekha ayuu arintii u sheegay,

sheekhuna wuxuu ku yiri: " arinkan aan u istaagay kuna

baaqay waa kalmaddii "laa ilaaha illallaah" iyo tiirarkii

islaamka, iyo faridda samaanta iyo reebidda xumaanta,

haddaad qabsato una gargaarto Allaha hufan wuu ku

xoojinayaa, cadawgaagana wuu kaaga hiilinayaa, ee

yuusan ku argagixin kuna cabsigelin Suleymaan". 3

Sheekhu aad ayuu ugu dadaalay inuu dejiyo amiirka balse

faqriga loogu gooddiyey ayaa hortiisa ka muuqday! nin

waanadiisa qaatay ayuu iska dhigay wuuna xishooday,

balse mar kale ayuu sheekha usoo cid diray oo ku yiri: "

Suleymaan wuxuu na faray inaan ku dilno, caradiisa iyo

khilaafkiisana ma kari karno, maxaa yeelay dagaalkiisa

taag uma hayno, dhaqan fiicanna ma aha inaan

magaaladeenna kugu dilno ee naftaada u tasho

magaaladana isaga tag". 4

1 Saalix Alcabuud: 2/150

2 Cinwaan Almajdi: 1/10, Sh Maxamed bin C/wahaab muslixun madluumun muftaraa calayhi, oo

uu qoray sheekh Mascuud Caalim Al-nadawi: bogga 50aad.

3 Halkii hore

4 Halkii hore

27

Ka bixiddii Cuyeyna:

Warqaddaa markii sheekhu akhriyey wuu ka baxay

Cuyeyna, isagoo lug ah, askari la yiraahdo Fariid Aldufayri

ayaa wehel looga dhigay, isagu faras ayuu ku joogay, waa

dharaar cad, qorraxdu waa kulushahay, sheekhu babbis

ayuu gacanta ku wataa, wuxuu ku celcelinayaa aayaddi

quraanka ee ahayd: "بستحٌ لا ثٌح نم هقزرٌو اجرخم هل لعجٌ ه اللّ قتٌ نمو

"Qofkii Allaah ka baqa, faraj ayuu u furaa, meel uusan

filanayna waa ka arzaaqaa". Suuradda Dalaaq:

Qiso ayaa la sheegaa ah in askariga lagula soo dardaarmay

inuu sheekha bannaanka ku dilo, kadibna uu damcay dilka

sheekha balse gacantu gariirtay! balse ma aha qiso

taariikhyahannadu wada sugayaan. 1

Waxqabadkii sheekha intii uu Cuyeyna joogay:

Sheekhu muddo 3 sano ku dhow ayuu Cuyeyna joogay

muddadaa cilmiga faafintiisa ayuu ku mashquulsanaa, siiba

saafiyeynta caqiidada dadka iyo ka leexintooda

waxyaabaha ay ku fitnoobeen, sida qabuuraha i.w.m, kuwo

badan ayaana la burburiyey, sidoo kale salaadda

jamaacada in la oogo oo amiirku dadka tujiyo waxyaabihii

hirgalay ayey ka mid ahayd, canshuurihii dadka laga qaadi

jiray waa la joojiyey waxaana lagu bedelay in zakada la

qaado, sidoo kale ciqaabaha sharcigu u jideeyey in dadka

lagu edbiyo qaar ka mid ah ayaa la fuliyey.

Kutub dhowr ah ayuu sheekhu ku qoray Cuyeyna. 2

Ninkan amiirka ah ee magaalada ka saarayna wuu la

xididay oo eeddadii jawhara binti c/laahi bin macmar ayuu

guursaday. 3

1 Isla halkii hore

2 Mascuud Nadawi 51

3 Nadawi:46

28

Qaybta saddexaad

Imaanshihii Dirciya

Heshiiskii taariikhiga ahaa

Qoomamayntii ibnu Macmar

Baaqii sheekha

Caqiidadii sheekha

Axkaamta Gaalaysiinta

29

Imaanshihii Dirciya

Sheekhu markii uu duhurkii kasoo kicitimay Cuyeyna isla

casarkii wuxuu soo gaaray Dirciya.

Dirciya waa tuulo ku taallay agagaarka Riyaad, haddase

waa xaafad Riyaad ka mid ah, waxaa ka talin jiray niman

la yiraahdo ilma sacuud.

Wuxuu ku degay C/raxmaan bin Suweylim iyo Axmed bin

suweylim, oo ilma adeer ahaa sannadku waa 1158H.

C/raxmaan bin Suweylim naftiisa ayuu u baqay, maxaa

yeelay wuxuu ogaa xaaladda dadku ku jiro iyo sidaysan

u aqbalayn caalimkani waxa uu ku baaqayo, oo weliba ay

dhibaato kala hor imanayaan siiba dadka madaxda ah.

Balse sheekhu kalsoonidiisa uu rabbi ku qabaa aad ayey

u weynayd, wuu waaniyey, qalbigiisana wuu dejiyey,

wuxuu ku rajo geliyey gargaarka Alle iyo nasrigiisuba

inay iman doonaan.

Dadkii xiriirka la lahaa ibnu Suweylim ayaa ogaaday in

sheekhu gurigiisa joogo, si hoose ayey ugu soo dhuuman

jireen, sheekhuna baaqiisa ayuu u sharxi jiray.

Waxaa jiray laba nin oo la dhashay amiirka magaalada

oo la kala oran jiray Mashaari iyo Thaniyaan, iyo weliba

haweenay kasmo badan oo ammiirku qabay,amiirku waa

Muxammad bin Sacuud;

Labada nin sheekha ayey u iman jireen oo ka dhegaysan

jireen duruusta uu akhriyo, kadib markii ay ku qanceen

manhajkii sheekha ayey walaalkood u sheegeen in

sheekhu kusoo degay guriga ibnu Suweylim, uuna yahay

falxad Rabbi usoo kaxeeyey ayna habboontahay in

deeqdaas rabbi ku gaaryeelay uu ka faaiidaysto.

30

Kaalintii haweentii Ammiirka:

Xilligii sheekhu Cuyeyna joogay dad qoyska reer sacuud

ka mid ah ayaa xiriir la lahaa, waxaana ka mid ahaa wiil

ammiirku dhalay oo la oran jiray C/caziiz bin muxammad

bin sacuud oo kaddib aabbihii jagada ka dhaxlay (ma

aha C/casiiskii qarnigii 20aad), sheekha ayuuna warqado

u diri jiray si uu ugu soo qoro wixii cilmi iyo hanuun ah,

wuxuuna sheekha ka codsaday inuu allifo kitaab caqiido

ah oo kooban, dadka waaweynna akhristaan, sheekhu

wuu aqbalay wuxuuna allifay kitaabkiisa caanka ah

"Alusuul al-thalaathah".

Waxaa kale oo sheekha ku xirnaa garsoorihii Dirciya

C/laahi bin ciisaa.

Haweenayda ammiirku qabo waxay aragtay kitaabka

usuulka ah ee wiilkeedu haysto, waa ay akhriday si fiican

ayeyna u fahamtay.

Markii sheekhu Dirciya si qarsoon kusoo galayna dadkii

ugu horreeyey ee ogaaday ayey ku jirtay.

Waxay ninkeeda ammiirka ah ku tiri: ma maqashay

sheekhii Cuyeyna joogay?!

Ina C/wahaab miyaad u jeeddaa! ayuu yiri.

Haa ayey tiri. Maxaa helay?! Ninkeedaa yiri.

Dirciya ayuu ku sugan yahay ayey ku jawaabtay. Waan

ogahay ayuu yiri.

Waxay tiri: Sheekhani waa deeq rabbi kuu keenay ee ka

faaiidayso oo karaamee u hiilintiisana isu taag.

Hadalkii ayaa meel uga dhacay! Wuxuuna yiri:

haweenyahay arrintu hiil kuma joogsanayso! Oo maxaa

dhacaya ayey tiri?!

Qabaailka reer Najdi oo dhan ayaa dhan inaga noqonaya,

tabarna uma hayno dagaalkooda ayuu ku jawaabay.

Haweentii kasmada badnayd waxay ku jawaabtay: haddii

aynu quluubteenna Allaah ugu hiilinno, cadawgeenna

wuu inooga hiilinayaa!!

31

Habaynkaa Ammiirku hurdada ma ledin! Maankiisii oo

dhan ayaa kala yaacsanaa, maxaa ka iman kara

wadaadkan u hiilintiisa?! Magaaladaydu hadda waa

degantahay reer Najdi haddii si dhiirran loogu babac

dhigo xaalku sidee noqon?!

Amiirku wuxuu goaan ku gaaray inuu xag rabbi u cararo

oo habaynka saacadihiisii danbe ayuu kacay oo Alle-bari

bilaabay isagoo lahaa:

"Alloow waad ogtahay in dadku ila colloobi doono

oo ehelkayga iyo hantidaydaba colaad loo qaadayo

ee xeelad iyo awood toona ha siinnin cadawgayga!

Allow waxaan ahay mid tabar daran ee tabartayda

geli u hiilinta diintaada hufan!

Allow haddaan cid kale kaashado waxaan ahay mid

baahan ee kaashigaaga igaga deeq cid kasta oo

kaasoo hartay!

Allow waad ogtahay inaanan weli goaansan u

hiilinta diintaada ee laabtayda waasici, samirna ku

shub"!

Markii waagu baryey ayaa amiirka qalbigiisa Alle ku

tuuray u hiilinta diinta iyo jacaylka sheekha,

cadawgiisiina waxaa looga dhigay wax licib saqiir ah!

inuu sheekha u cid diro ayuu damcay waxaase lagu yiri:

adigu cagahaaga ugu tag una muuji maamuus iyo

inaad ku faanayso imaanshihiisa.

Sidii ayuu yeelay wuu maamuusay wuuna soo

dhaweeyey.

Hadduu sheekha u yimid, sheekhu wuxuu akhriyey

baaqiisii iyo waxa hadafkiisu yahay, caqiidada saxda ah

ayuu u sheegay, reer Najdi waxa ay ku jiraan oo caqiido

xumo, jaahilnimo, kala tagsanaan, is dilid iyo boob ahna

wuu jalleecsiiyey! Diin iyo adduunyo sida ay uga

arradanyihiin ayuu tusay, shareecadii islaamkana uga

jaahilyihiin, wuxuuna ammiirka ku rajageliyey inuu

32

noqon doono hogaamiye ummaddu ku midawdo

boqortooyana hela, carruurtiisuna iska dhaxlaan.

Heshiiskii Taariikhiga ahaa:

Bayaankaas markii sheekhu jeediyey ammiirkii waa ku

qancay, waana aqbalay, wuxuuna sheekha u ballan

qaaday inuu ka difaacayo cid kasta oo uu reerkiisa iyo

caruurtiisa ka difaaci lahaa.

Wuxuuse dhigtay laba shardi oo kala ah:

1- Haddii la guulaysto halgankuna miradhalo inuusan

sheekhu Dirciya ka guurin.

2- Inuusan sheekhu ammiirka u diidin canshuurta uu reer

Dirciya ka qaado xilliga beeruhu soo go'aan.

Sheekhu shardiga hore waa aqbalay, isku meel ayeynu

ku dhimanaynaa ayuu ku jawaabay.

Shardiga labaadse wuxuu ugu jawaabay: "wax kaaga

kheyr badan ayaan rabbi kaaga rajaynayaa inuu kuugu

beddelo".

Halkaa ayaa sheekha iyo ammiirku heshiiskaa ku

galeen in diinta la koryeelo, calanka jihaadka la

taago, dariiqii nabiga sallalaahu calayhi wasallama

la raaco, wanaaga dadka la faro, xumaanta la

reebo shareecadana la dhaqangeliyo.

Sheeko aan sal lahayn!

waxaa jirta sheekho dadka qaarkood ku sheekeeyaan oo

ah in sheekha iyo amiirku ku heshiiyeen in amiirka iyo

faraciisuna iska dhaxlaan dawladda, sheekha iyo

faraciisuna diinta!

Arintaasi ma aha mid sal leh waa been geesa leh, waa

midda ugu roon dacaayadihii mucaaradka!

33

Sheekhu wax mansab ah ma codsan, caruurtiisana uma

sii carbuunin!!

Balse reer Aalasacuud ayaa ugu abaalguday in qofkii

faraca sheekha ka mid ah ee u qalma loo dhiibo

jagooyinka ugu sarreeya arrimaha diinta, sida muftiga

dalka, garsoorka iyo wasiirka arrimaha diinta, in mararka

qaarkood wasaarado kale loo dhiibana waa dhacdaa oo

muwaadiniinta ayey ka mid yihiin jagana kama

caaggana, balse wixii diin ku saabsan ayey u badan

yihiin.

Balse haddii la waayo qof u qalma ma aha in mid kasta

oo iyaga ah oo diinta wax uun ka yaqaan la isaga dhiibo

mansab uusan u qalmin, tusaale ahaan: Sheekh C/casiis

bin C/laahi bin Baaz oo ahaa muftigii dalka 1975-1999M,

kama mid ahayn faracii sheekha ee cilmigiisa ayaa

darajadaa geeyey, mana jirin xilligii muftiga laga

dhigayey cid uga habboon mansabkaa, cilmi ahaan iyo

asluub ahaan intaba.

Dardartii dacwada:

Goobtaas ayuu sheekhu salka dhigtay, dadkii Cuyeyna

ku taageersanaa oo madax iyo shacabba leh ugu

yimaaddeen iyo dadyow kale oo afarta jiho isaga yimid,

Dirciyana waxay noqotay xarun cilmiga iyo hanuunka

loosoo doonto, iyadoo noloshu aad ciriiri u ahayd ayey

ardaydu habaynkiina shaqayn jireen maalintiina wax

baran jireen! Sheekhuna jilbaha ayuu u aastay aflixinta

dadkaa, iyo inay fahmaan caqiido toosan, guul ayaana

laga gaaray, Dirciyana waxay noqotay meel jaziiradda ka

tilmaaman.

34

Qoomamayntii ibnu Macmar!

Haddii sheekhu Dirciya yimid oo qofka lugta ahi gelin

wax ka yar uga socdo Cuyeyna, uuna garab adag iyo soo

dhaweynba helay, dad badan oo magaalada u dhashay

iyo kuwa kaleba ay cammireen xaruntii sheekha, waxay

taasi qoomamo weyn ku beertay Cismaan bin macmar

waa ninkii Cuyeyna ka talinayey ee sheekha dharaarta

kulul soo saaray! [Mindhaa kumaba uusan fekerin in

Allaah gargaarkiisu badan yahay!!], wafdi magaaladiisa u

dhashay oo uu soo xulay, oo madax iyo dad magac lehba

isugu jiray isagoo horkacaya ayuu Dirciya yimid!

Wuxuuna xaal iyo raalligelinba ka bixiyey falkii uu ku

kacay, sheekhana inuu magaaladiisii kusoo noqdo ayuu

ka codsaday, balse sheekhu wuxuu ku xiray

ogolaanshaha Muxammad bin Sacuud!

Ibnu macmar iyo wafdigiisii waxay la kulmeen ibnu

sacuud oo kala xaajoodeen in sheekha looga tanaazulo!

Balse ibnu sacuud gaashaanka ayuu arintaa u daruuray!

Nimco rabbi usoo gacangeliyey oo uu magac iyo darajo

iyo diinba ku helay inuu cid kale u dooro waa diiday.

Ibnu Macmar iyo wafdigiisii iyagoo faramaran ayey ku

noqdeen magaaladoodii Cuyeyna. 1

1 Sheekh Maxamed bin C/wahaab: Axmed bin Xajar Aalabuutaami:15-16

35

Baaqii sheekha

Sida waaqicu ka markhaatikacayo, kutubta sheekhana

ku xusan, culimo badan oo dalal kaladuwan u dhashayna

ay isla qireen sheekhu kuma baaqin mabda' uu dhagax

dhigay iyo waddo uu xagaaf-jaray midnaba, ee waxaa uu

dadka ugu baaqay kitaabkii Alle iyo sunnadii nabiga,

sallalaahu calayhi wasallama, isla markaana loo fahmo

sidii saxaabadii u fahmeen;

Halganka sheekhu intaa in lasoo nooleeyo dadkana laga

qaado mirirka fuulay ee xaqii ka indha-saabay ayuu ku

saabsanaa.

Sheekhu lama iman fikrad iyo mad-hab cusub oo aysan

muslimiintu wada aqoon, ee waxaa uu lahaa

caqiidooyinkan iyo dhaqammadan xunxun ee

dhallaankuna ku barbaaray waayeelkuna ku gaboobay

ha la iska daayo hana laga waantoobo.

Dadku sidii la arki jiray tan iyo nabiyadii qaarna waa

aqbalay qaarna waa ka horyimaaddeen, xoog iyo xeelad

kasta oo ay ku horjoogsan kareenna waa adeegsadeen,

dacaayado aan loo aabayeelin waa faafiyeen, magacyana

waa u bixiyeen balse waxaas oo dhan baaqii sheekhu

waa dul maray Allaah ayaa horay u yiri:

." نورفاكلا هرك ولو هرون همتٌ نأ هلاإ اللّ ىبأٌو مههاوفأب اللّ رون اوئفطٌ نأ نودٌرٌ"

.) 32:

ةبوهتلا(

"Waxay doonayaan inay iftiinka Alle (kitaabkiisa)

afkooda ku damiyaan Allaahna waa diiday inuu iftiinkiisa

dhammaystiro mooyee! Gaaladu haba kahdeene"!

Qayb gaar ah ayeynu kaga hadlaynaa dacaayadihii ay

adeegsadeen iyo sidii aysan waxba uga tarin xawligii

dacwada iyo dadaalkii sheekha.

36

Baaqii oo qodabbaysan 1 :

1- Hufidda tawxiidka iyo shirkiga oo laga

fogaado:

Waana qaddiyaddii ugu weyneyd ee dhextiillay

nabiyada iyo dadkii ka horyimid, sidoo kale dadka

kheyrka ku baaqaya ee dariiqii nabiyada haya iyo

kuwa kasoo horjeedaa qaddiyaddaa ayey isku hayaan,

arrintan sugiddeeda waa mid uu Allaah faray cid kasta

oo xil kas ah.

2- Ilaha diinta laga qaadanayo oo la saafiyeelo:

Ilaha dadka hawaraaca ahi diinta ka qaataan tiro ma

leh! kitaab iyo sunne lagu kari waa!! sheekhuna waxaa

uu lahaa dadyahow u noqda kitaabka iyo sunnaha

iyagaa ilaha diinta ah, khad kasta oo madow oo

warqad cad ku taalna ha iska qaadanina.

3- Astaamaha diintu jidaysay oo la muujiyo,

waxyaabaha dib laga keenayna laga tago.

4- Sharciga Alle oo loo xukuntamo: maxaa yeelay in

badan oo muslimiinta ka mid ah gaar ahaan kuwa

hawaraaca ah iyo reer miyiga badankiisu waa ka

tageen ku dhaqanka sharciga dhan walba, diin iyo

adduunyo midnaba sharci kuma dhaqi jirin,

ummaddana waxaa hareeyey waxyaabo diinta lagu

soo daray, caadooyin iyo xeerar jaahilnimo ku dhisan,

waxaa batay cuskashada sixirroolayaasha,

faaliyayaasha iyo mingislayda.

Noloshiii ciriiriga ahayd ee loogu gooddiyey ciddii

kitaabka Alle ka tagta ayaa dadkii soo wajahday, amni

xumo, faqri, kala tagsanaan ayaa dadkii ku dhacay.

5- Faafinta cilmiga iyo la dagaalanka jahliga iyo

dibudhaca:

Horay ayeynu usoo xusnay in waxyaabihii sheekha ku

dhaliyey inuu hawshan culus isu taago ay ka mid

1 Islaamiya laa wahaabiya: Naasir Alcaqli:…..

37

ahayd cilmiga oo yaraaday, jahliga oo faafay, dadka

oo waxa ay ku dhaqmayaan xujo diini ah aan u raadin

ee wixii ay arkaan dadka oo samaynaya iyaguna iska

sameeya;

Sheekhu inuu arintan meesha ka saaro ayaa ka mid

ahaa waxa uu ku baaqayey, isaga oo lahaa diinta

halaga qaato ilaheeda asalka ah: kitaabka iyo

sunnada, dhaqankii saxaabadana halagu dhego, sidoo

kale sheekhu waxaa uu ku baaqayey in cilmiga

adduunyada wixii ummadda waxtar u leh la barto si

horumar loo gaaro.

6- Midnimada oo la adkeeyo kala tagsanaantana

laga tago: iyadoo ka dhalanaysa in diintu sida ay

tahay loogu dhaqmo.

7- Amniga iyo dawladda oo la adkeeyo:

Reer Najdi tawxiidka iyo sunnaha kadib, wax ay helaan

waxaa ugu baahi badnaa dawlad iyo nidaam ay ku

midaysan yihiin, maxaa yeelay kala qobqobnaantu

waxaa ay gaartay meel aan la suuraysan Karin,

tuulooyin saacad ama laba saacadood la isaga lugeeyo

ayaa mid kastaa ahayd dawlad gaar ah oo madax

bannaan ama meel kale oo ay xoogaa dhaqaale ah ka

hesho looga taliyo.

Sidaynu horay usoo xusnay wixii ka danbeeyey

bartamihii qarnigii 3aad ee hijriyada Najdi waxaa ay

ahayd meel dayacan, oo marba kooxo ku habsadaan,

mar shiico, mar qaraamiddo baadiniya ah oo shareeco

iyo astaamaheedba aan ogolayn, markii

cusmaaniyiintii yimaaddeenna xilba iskama saarin,

maxaa yeelay dawladahaasi waxaa ay ahmiyadda

siinayeen meelaha ilaha dhaqaalaha leh, sida Ciraaq,

Shaam, Masar i.w.m.

Sheekhu inuu arrintan iyadana meesha ka saaro ayuu

goostay, oo haddii ammiirkii ay ballanta wada galeen

uu ballantii oofiyey waxaa lagu dadaalay sidii

dawladda loo ballaarin lahaa, ammiirrada kalena loogu

38

aaqi lahaa in la midoobo, kuwo aqbalay oo

jagooyinkoodii loo daayey iyo kuwo diiday oo xoog

lagu muquuniyey ayey u qaybsameen!!!

Diin lama oogi karo iyadoo uusan amni jirin, amnina

ma suuroobi karo iyadoo aysan dawladi jirin, waa laba

isgarab socda oo aan kala hari Karin, diin iyo dawlad,

nabiyadii Alle soo dirayna labadaba waa ay ku

baaqayeen.

Qodobbadaa ayaa ugu waaweynaa baaqii sheekha,

waana arrimo baahidoodu taagnayd, sheekhuna

karaankiisa ayuu isugu geeyey sidii looga miradhalin

lahaa, Allena waa ku guuleeyey oo carrigii sheekhu

kasoo baxay waa innagaa aragna inay dunida

muslimka uguna amni badan tahay uguna hodansan

tahay.

39

Caqiidadii sheekha

Waa arrin iswaydiin iyo ogaalba u baahan maxay ahayd

caqiidadii Sheekh Maxamed C/wahaab dadka ugu

baaqay? Ma isagaa abuuray mise meel kale ayuu kasoo

xigtay?!

Haddii uu meel kasoo xigtay xagee ahayd meeshaasu?!

Yaase uga horreeyey caqiidadan uu ku baaqayey?

Jawaabta suaashan innagoo soo koobayna, waxaan si

cad u leennahay: Caqiidadii sheekh Maxamed ku baaqay

waxay ahayd caqiidadii islaamka ee saafiga ahayd, wax

uu abuuray ama isku kabkabay midnaba ma ahayn.

Caqiidada islaamka waxaa laga xigtaa lagana qaataa

waxyiga lagu soo dejiyey nabi Muxammad sallalaahu

calayhi wasallama iyada oo loo fahmayo sidii

saxaabadiisu u fahmeen, maxaa yeelay macallinkoodii

nabi muxammad ayaa u baray sidii Alle doonayey in loo

fahmo.

Caqiidada islaamka lagama qaato caqliga, dhaqammada

dadyawga, falsafadaha, qofkii intaa caqiido ka qaataana

ma hayo tubtii toosnayd.

Caqiidada islaamka waxaa gundhig u ah 6da tiir ee

iimaanka iyo 5ta tiir ee islaamka, iyadoo si guud iyo si

faahfaahsan intaba loo baranayo.

Bal aynu aragno sida sheekh muxammad u haystay

caqiidadaas toosan uuna uga fogaa wixii khilaafsan, aynu

akhrinno isaga oo ka jawaabaya warqad ay usoo direen

dadkii ku noolaa gobolka Qasiim ee ka mid ah carriga

Najdi, iyaga oo waydiinaya caqiidada uu aaminsan yahay

dadkana ugu yeerayo, waxaa uu yiri Alle naxariis badan

ha siiyee:

- "Waxaan Allaah markhaati gelinayaa iyo

malaaigta ila joogta, idinkana aan idin marag

40

gelinayaa in aan rumaysanahay waxa firqada

badbaadaysaa rumaysan tahay ee sunnada iyo

jamaacada ehelka u ah, oo ah: in Allaah la

rumeeyo iyo malaaigtiisa, kutubtiisa,

rasuulladiisa, isa soo saarista geerida kaddib, iyo

in wax kasta oo dhacayaa ku imanayaan qorshe

Alle xagii ah, kheyr iyo sharba.

- Rumeynta Alle waxaa ka mid ah in la rumeeyo

waxa uu naftiisa ku tilmaamay oo kitaabkiisa ku

sheegay, nabigiisuna sallalaahu calayhi

wasallama ku hadlay, iyada oo aan la inkirayn,

lana weecinayn;

- Waxaan rumaysanahay Allaah cid u dhiganta oo

la mid ahi inaysan jirin, uuna yahay maqal

badane arag badane ah, uma diidayo waxa uu

naftiisa ku tilmaamay hadalkiisana barihiisa

kama duwayo, magacyadiisa iyo aayadahiisa

midnaba leexin ku samayn maayo,

tilmaamihiisana ma qaabaynayo, kuwa

makhluuqana ku matali maayo;

Maxaa yeelay? cid Allaah la mid ahi ma jirto, cid la

eeni ahina ma jirto, makhluuqaadka uu abuurayna

laguma jaangooyo.

Allaah isaga ayaa naftiisa iyo cid walba ku cilmi

badan, uguna run badan, uguna hadal san;

Naftiisa waa uu ka hufay waxa makhluuqu ku

sheegeen, kuwa wax suureeya iyo wax cid kale u

ekeeya intaba, kuwa tilmaamaha diida sidoo kale

ayuu isaga hufay:

. نٌملاعلا هبر لله دمحلاو نٌلسرملا ىلع ملاسو نوفصٌ امع ةهزعلا هبر كهبر ناحبس

[Rabbigaa cizzada iska leh hufnaantiisee wuu ka

hufanyahay waxa ay ku tilmaameen, nabad

gelyana ha ahaato rasuullada dushooda, Allaah

ayaana mahad oo idil u sugnaatay, wax jira oo

dhan rabbi u ah.

41

- Firqada badbaadaysaa dhexdhexaad ayey ka

tahay Alle ficilladiisa, oo kuwa qaddarka beeniyey

iyo kuwa aaminsan in addoonku dirqisan yahay

ayey u dhexeeyaan.

Alle gooddigiisana dhexdhexaad ayey ka yihiin, oo

khawaarijta iyo murji'ada nimanka la yiraahdo

ayey u dhexeeyaan;

Iimaanka marka la joogo khawaarijta iyo

muctazilada oo isku dhan ah, iyo murji'ada iyo

jahmiyada oo isku dhinac ah ayey u dhexeeyaan;

Saxaabada rasuulka marka laga hadlayana

shiicada iyo khawaarijta ayey u dhexeeyaan.

- Waxa aan rumaysanahay in Quraanku yahay

hadalkii Allaah, lana soo dejiyey aanan la

abuurin, xag rabbi uu kasoo bilawday kuna

noqon doono, uuna ugu hadlay si dhab ah,

addoonkiisa iyo ergaygiisana uu kusoo dejiyey

iyo ka uu waxyigiisa ku aamminay, ahna safiirka

isaga iyo addoommaha u dhexeeya, waa

nabigeenna Muxammad ah ammaan iyo

nabadgelyo dushiisa ha noqotee.

- Waxa aan rumaysanahay in Allaah waxa uu

doono sameeyo, inuu isagu wax doono mooyee

aysan waxba suuroobayn, shayna uusan sida uu

rabo ka bixi Karin, ma jiro wax dunida yaal oo

qorshihiisa ka bixi kara, ama maamulkiisa

mooyee meel kale kasoo fuli kara, cidna kama

leexan karto qorshaha la xadeeyey, mana dhaafi

karto wixii looxa wax lagu kaydiyey ee ilaashan

loogu dhigay.

- Waxa aan rumaysanahay in ay waajib tahay in la

rumeeyo wax walba oo nabigu sheegay oo

geerida kadib dhici doona;

Imtixaanka qabriga ayaan rumaynayaa, iyo in la

isugu nimcaynayo, naftana jirta lagu soo

celinayo, dadkuna ay rabbi isu taagi doonaan

42

iyaga oo cagacad oo qaawan, aan gudnayn,

qorraxduna usoo dhawaanayso, miizaankana la

taagi doono, dadku wixii ay soo kasbadeenna la

miizaami doono:

" اورسخ نٌذهلا كئلوأف هنٌزاوم تفخ نمو . نوحلفملا مه كئلوأف هنٌزاوم تلقث نمف

" نودلاخ مهنهج ًف مهسفنأ

[Kuwa miizaankoodu cuslaadaa kuwaa ayaa

liibaanay!

Kuwa miizaankoodu fududaado kuwaasi waa kuwo

naftooda u tacab beelay, jahannama ayeyna ku

waari doonaan].

Diiwaannada ayaa la faafinayaa, qayb midigta ayey

kitaabkooda ku qaadan kuwana bidixda.

- waxa aan rumaynayaa Darka nabigeenna ee

banka qiyaame ku sugan, biyihiisu caanaha waa

ka cadyihiin! malabkana waa ka macaan yihiin!!

koobabka lagu cabbayaana xiddigaha ayey tiro

le'egyihiin!!! Ruuxii mar ka cabbaa dib u harraadi

maayo!!!

- Waxa aan rumaynayaa buundada jahannama la

saari doono (jidka siraad) dadkuna ay ku gudbi

doonaan heerkii camalkoodu joogay.

- Waxa aan rumaynayaa ergeynta nabigeennu

sallalaahu calayhi wasallama ergeynayo

(shafeecada), uuna yahay midka ugu horreeya,

lagana ergo aqbalayo;

Shafeecada nabigeenna sallalaahu calayhi

wasallama cid baadiyeysan uun ayaa inkiraysa,

balse ma dhacayso iyada oo aan la fasixin, allena

raalli ka noqon, sidii Allaahba yiri:

" ٝضتسا ٌّٓ لائ ّ ْٛعفش٠ لاٚ"

28:

ءب١جٔلأا

Uma shafeecaan cid Alle raalli ka yahay mooyee.

" ٗٔراث ّلائ ٖذٕع عفش٠ ٞزٌّا ار ِٓ"

Albaqara:255.

43

"Waa kuma ka fasax la'aantiisa shafeeca

qaadayaa?!

Waxaa oo kale oo Allaah yiri:

" ءبش٠ ٌّٓ الله ْرأ٠ ْأ ذعث ِٓ ّلائ بئ١ش ُٙتعبفش ٟٕغت لا تاّّٛضٌا ٟف هٍِ ِٓ ُوٚ

." ٝضش٠ٚ

"Imisa ayaa malaaig cirarka joogta oo ergeyntoodu

aysan waxba tarayn, in Allaah fasaxo oo raalli

noqdo mooyee?"

Kamana raalli noqdo tawxiidka mooyee, umana

fasaxo ahlu tawxiidka mooyee.

Gaalada miyaa?! Wax qayb ah kuma leh

shafeecada, sidii Allaah yiri: "ٓ١عفبّشٌا ةعبفش ُٙعفٕت بّف

mudathir: 48.

"Kuwa ergeeya ergeyntoodu waxba u tari mayso".

- waxa aan rumaynayaa in jannada iyo naartu

abuuran yihiin, haddana ay jiraan, aysan

weligood dhammaanayn, muminiintuna ay

rabbigood qiyaamaha ku arki doonaan

indhahooda, sida ay dayax nayla-qaada (habayn

afar iyo tobnaad jooga) u arkaan, oo ayan isugu

ciriirinayn aragtidiisa.

- Waxa aan rumaynayaa in nabigeenna

Muxammad ah ammaan iyo nabad gelyo dushiisa

ha ahaatee uu yahay midka nabiyada iyo

rasuullada lagu ebyey, qof iimaankiisuna uusan

ansaxayn jeer uu nabinimadiisa rumeeyo oo

sidaa qiro;

Ummadiisana uu ugu fadli badan yahay

Abuubakar Sadiiq, kaddibna Cumar, kaddibna

Cusmaankii laba iftiinlaha ahaa, kaddibna caligii

laga raalli noqday, kaddibna inta tobanka ka

dhiman (waa tobankii jannada loogu

bishaareeyey iyagoo nool) kaddibna reer Beder,

kaddibna kuwii geedka joogay (geedkii

nabigeennu sallalaahu calayhi wasallama

44

heshiiska kula galay saxaabadiisa sannadkii 6aad

inayan cararayn) heshiiskii laga raalli noqdayna

nabiga la galay, kaddibna asxaabtii kale Allaah

haka raalli noqdee.

Waan ka xigto dhiganayaa asxaabtii nabiga

Allaah, wanaagoodii ayaan sheegayaa, Allena

raalli ahaansho ayaan uga raadinayaa iyo danbi

dhaaf, xumaan waxay lahaayeenna waan ka

gaabsanayaa, wixii dhexmarayna waan ka

aamusayaa;

Sarrayntooda ayaan rumaynayaa aniga oo ku

dhaqmaya hadalkii Allaah yiri:

" لاٚ ْبّ٠لإبث بٔٛمجص ٓ٠زٌّا بٕٔاٛخلإٚ ٌٓ ا شفغا بّٕثس ٌْٛٛم٠ ُ٘ذعث ِٓ اٚؤبج ٓ٠زٌّاٚ

10 : ششحٌا " ُ١حس فٚؤس هّٔئ بّٕثس إِٛآ ٓ٠زٌٍّ ّلاغ بٕثٍٛل ٟف ًعجت

[kuwa gadaashood imanaya waxay oranayaan:

Rabbiyoow noo danbi dhaaf annaga iyo

walaalaheennii iimaanka nooga hor maray,

quluubteennana xumaan ha u gelin kuwa

iimaanka laga helay, Rabbigeenoow adigaa turid

badan oo naxariis badan].

- waan u raalli dalbayaa hooyooyinkii mu'miniinta

(xaasaskii nabigeenna sallalaahu calayhi

wasallama) ee ka nadiifsanaa xumaan oo dhan.

- Waxa aan qirayaa karaamooyinka awliyada, iyo

waxa loo hibeeyey ee aragti dheer ah, balse

xuquuqda Allaah waxba kuma ay laha, wax

Allaah mooyee cid kale aysan qaban karinna

iyaga lagama raadin karo.

- Qof muslimiinta ka mid ah ugama markhaati

kacayo janno iyo naar midnaba, ciddii nabigu uga

markhaati kacay mooyee, balse dadka samaha

fala wanaag ayaan u filayaa, kuwa xumaha

sameeyana waan u baqayaa.

- Kuma gaalaysiinayo qof muslimiinta ka mid ah

danbi uu danbaabay, diintana kagama saarayo.

45

- Waxaan arkaa in jihaadku la jirayo hogaamiye

walba, mid toosan iyo mid khaldanba, salaadda

jamaacada ahna lala tukanayo.

- Jihaadku waa uu soconayaa laga soo bilaabo

maalintii nabi muxammad sallalaahu calayhi

wasallama lasoo saaray, ilaa qofka ugu

danbeeyaa Dajaal la dagaallamo, hogaamiye xun

xumaantiisu jihaadka ma burinayso iyo sidoo

kale mid caadil ah caddaaladdiisu.

- Waxa aan arkaa inay waajib tahay in la maqlo oo

la addeeco madaxda muslimiinta kooda toosan

iyo ka qalloocsanba, haddi ayan dadka farin wax

rabbi lagu caasinayo.

- Qofkii talada qabta ummadduna ku midawdo

ayna ku raalli noqoto, seeftiisana kaga adkaada

oo sidaa hogaamiye ku noqda in loo

hogaansamaa waa waajib, in la mucaaradaana

waa xaaraam.

- Waxa aan arkaa in dadka bidcooleyda ah laga

fogaado, lagana soocmo, ilaa ay ka tawbad

keenaan, sida ka muuqata ayaan ku xukumayaa,

wixii u qarsoonna Allaah ayaan u deynayaa.

- Waxaan aaminsanahay in wax kasta oo diinta

lagu soo daray (nabi muxammad kaddib) ay

bidco tahay.

- Waxa aan rumaysanahay in iimaanku yahay: wax

lagu hadlo, xubnahaha laga sameeyo, qalbigana

lagu gunto, toosnaanta ku kordha,

caasinimadana hoos ugu dhaca, uuna ka kooban

yahay dhowr iyo toddobaatan waaxyood, ta ugu

sarreysaana tahay kalmadda tawxiidka, ta ugu

hoosaysaana tahay waddada oo dhibka laga

leexiyo.

- Waxa aan arkaa inay waajib tahay in dadka

wanaaga la faro, xumaantana laga reebo, sida

shareecada muxammadiya ee nadiifta ahi

waajibinayso.

46

- Tani waa caqiido kooban oo aan qoray iyada oo

qalbigaygu mashquulsan yahay si aad u

ogaataan waxa aan hayo, Allaah ayaana inooga

wakiil ah waxa aynu ku hadlayno". 1

Qofkii akhrista caqiidada islaamka kana qaata kutubtii

culimada xadiisku qoreen sida imaamu Axmed iyo

ardaydiisii oo imaam Bukhaari uu ka mid ahaa waa uu

garanayaa in caqiidadaas sheekhu qirtay ay tahay

caqiidadii saxaabada iyo jiilalkii wanaagsanaa ee nabi

muxammad sallalaahu calayhi wasallama kheyrka uga

marag kacay, qofkiise aan laba socon caqiidadii ahlu

xadiiska ee iska akhristay wax caqiido islaam loogu

sheegay shaki la'aan wuu inkirayaa caqiidada sheekha

iyo midda ahlu xadiiskaba.

Sheekhu waxaa uu xoogga saaray qaddiyadda

tawxiidka, maaddaama uu yahay waajibka ugu

horreeya ee qofka muslimka ah laga doonayo,

rasuulladuna ku bilaabi jireen dhanbaalkooda iyo

baaqooda.

Bay'addii sheekhu kasoo baxay ee la ciiraysay

waxyaabo badan oo tawxiidka garab marsan ayaa

keenaysay in sheekhu baaqiisa ku bilaabo tawxiidka,

xoogana saaro hufiddiisa.

Qaddiyaddan ayaa ah midda sheekhu ku mintiday,

ammiirkana heshiiska kula galay, dadkii kasoo

horjeedayna kula colloobeen laguna kala dhintay.

1 Aldurar Alsaniyah fil-ajwibati alnajdiyah:Sheekh C/raxmaan bin Muxammad bin

Qaasim:1/29-33

47

Qaababkii sheekhu tawxiidka uga hadlay:

1- in la caddeeyo tawxiidka saxda ah iyo qaybihiisa ku

sugan kitaabka iyo sunnada, lana caddeeyo farqiga u

dhexeeya qiridda ficillada Alle iyo caabudida kaligii.

Sidoo kale in uusan qofku ku islaamayn qiridda uu qiro

in Alle wax abuuray, waxna arsaaqo, khalqigana uu

isagu wada leeyahay, ilaa uu ka qiro in Alle kaligii

cibaadada leeyahay.

Waxaana u daliil ah oo quraanku in badan sheegay in

gaaladii nabiga loosoo diray aysan Alle u diidanayn

abuurista, arsaaqda iyo lahaanshaha, ee ay kasoo

horjeedeen in kaligii la caabudo, iyagoo lahaa ma

ilaahyadii ayaa mid laga dhigay?!

2- in la caddeeyo shirkiga iyo noocyadiisa, iyo

muuqaalladiisa, iyo waddooyinka qofka gaarsiin kara,

lagana digo, lagana dhinac noqdo isaga iyo

ehelkiisaba.

Waxaa shirkiga soo gelaya in cid aan Allaah ahayn

cibaado loogu dhawaado, isaga oo qofku is leh Alle

haku gaarsiiyo ama hakaaga ergeeyo.

3- qofkii tawxiidka garta uuna u caddaado inuu yahay

diintii Allaah iyo rasuulkiisa isla markaana tawxiidka

naca, dadkana ka leexiya in la gaalaysiiyo.

Sidoo kale qofkii shirkiga garta iyo mushrikiinta,

ogaadana in rasuulka loosoo diray la dagaallankooda,

kaddibna isagoo sidaa qirsan shirkiga ammaana

dadkana u qurxiya, isna waa la gaalaysiinayaa.

4- in lala dagaallamo mushrikiinta marka xujada lagu

oogo kaddib, lalana jihaado ilaa fitnadu ka

dhammaato, diintuna Alle u sugnaato. 1

Caqiidadaa sheekhu sheegtay, dadkana ugu baaqay,

wixii kasoo horjeedana uu ka digay ayaa inagaga filan

dacaayado ay ka faafiyeen dad ujeeddooyin iyo dano

kale lahaa.

1 Aldacwah Al-islaaxiya: Sh C/laahi bin Muxammad bin C/muxsin Almudawac:105-107

48

Qaybta aynu kaga hadli doonno warqadihii sheekha

ayeynu ku xusi doonnaa warqado kale oo tan la mid ah

insha Allaah.

Axkaamta Gaalaysiinta

Sheekh muxammad bin c/wahaab culimada kale ee ahlu-sunnaha

ayuu kala mid ahaa inuu wax ku gaalaysiiyo wixii gaalnimo

keenaya, kuwaasoo isugu jira kuwo qalbiga ka dhaca, kuwo lagu

hadlo, iyo kuwo ficil ahaan qofka uga dhaca, iyada oo qofka

muslimka ah ee waxyaabahaasi ka dhaceen la eegayo heerkiisa

aqooneed iyo qaabka waxyaabahaasi uga dhaceen, sida in lagu

khasbay, inuu kama' u sameeyey, maskaxdiisu siday ahayd, inuu

wax ta'wiishay iyo wixii kale ee cudur daar u noqon kara.

Qaaciddada ugu weyn gaalaysiinta: Shayga qofka lagu

gaalaysiinayo waa in adillada kitaabka iyo sunnuhu si cad u

sheegeen inuu gaalnimo keenayo.

Sheekhu isaga oo arintaa ka hadlaya waxaa uu yiri: "waxaan uun

gaalaysiinaynaa qofka alle cibaadadiisa wax la wadaajiya,

marka aan u caddayno xujada ah in shirkugu baadil yahay".

(muallafaatka sheekha qaybta: shanaad, alrasaail

alshakhsiya, 60).

Qaaciddada labaad: inuu qofku si doorashadiisa ah u sameeyo

waxa gaalnimada keenaya, sheekhu isaga oo arintan ka hadlaya

waxaa uu yiri: "Shirkiga qofka mu'minka ah ka dhaca isaga oo oo

aan is ogayn, isaga oo ku dadaalaya amarka alle iyo rasuulkiisa

inuu qaato, waxaan rajaynayaa in arinkaasi uusan ka saarayn

yabooha (muminiinta loo yaboohay in wixii dhib ah ee soo gaara

danbi dhaaf ay u noqonayso). Muallafaatka sheekha Q:3aad,

fataawaa wal-masaail: 98.

Isaga oo ka jaabaya dacaayadaha laga faafiyey waxaa uu

yiri:

"Oraahda ah inaan si guud wax u gaalaysiinno taasi waa been

abuurka cadowgu dadka kaga hor istaagayaan diinta, waxaana

leeyahay Allow adigaa ceeb ka hufane, taasi waa been abuur

weyn".

49

Mar kale waxaa uu yiri: " wax kuma gaalaysiinno wixii culimadu ku

kulansanyihiin mooyee". Q:3aad, fataawa wal-masaail, 9.

Waxaa kale oo hadalladiisa ka mid ah: "waxa cadawgu iga

sheegeen ee ah inaan male wax ku gaalaysiiyo, ama xiriir (dadka

sheekha kasoo horjeeda inuu ku xiran yahay), ama aan gaalaysiiyo

jaahil xujadu ayan ku oogmin, waxaasi waa been abuur weyn".

Q:5aad, alrasaail alshakhsiya, 25.

Mar kale waxaa uu yiri: " qofkii xujadu ku ooganto, ehelna u

noqda inuu garto, wuu ku gaaloobayaa caabudida qabuuraha".

Q: 3aad, 37.

Isaga oo ka hadlaya arinta dagaalka ee lagu eedeeyey waxaa uu

yiri: "Arinta dagaalka cidna lama aanan dagaalamin ilaa iyo hadda

inaan isdifaacayno mooyee, iyaga ayaa noogu yimid

deegaankeenna oo aan deegaankeenii noo deynin, waanse la

dagaalamaynaa qaarkood annaga oo ka aar-goosanayna). Q:5aad,

alrasaail alshakhsiya: 38

Mar kale waxaa uu yiri: "anagu idin lama aanan imaan gaalaysiinta

iyo dagaalka, waxaanse idiin ku naseexaynaynaa diintan aad

ogaateen inay tahay diintii alle iyo rasuulkiisa". Q:5aad, alrasaail

alshakhsiya: 196.

Wiilkii uu awowga u ahaa sheekh C/ladiif bin C/raxmaan ee ahaa

muftiga Najdi xilligiisii, isaga oo arimahan ka hadlaya waxaa uu yiri:

" sheekhu cidna dagaal kuma bilaabin, ee cadawgiisaa ku bilaabay,

sheekha iyo dadkiisuna way isdifaacayeen, wixii sheekha kadib

dhacay ama xilligiisa oo gef ama xadgudub ah looma tiirin karo

isaga, lamana dhihi karo isaga ayaa amray ama raalli ayuu ka ahaa,

oo usaama bin zeyd arintan oo kale way ku dhacday, markuu dilay

ninkii reer juhayna, iyo khaalid bin waliid markuu laayey reer

judayma, waana arin dadka cilmiga iyo iimaanka leh ay ogyihiin".

Minhaaj alta'siis: 28. (nabiguna sallalaahu calayhi wasallama arintaa

kama raalli noqon ee labadaba wuu ku canaantay, dadka ay

laayeena looma tiirin karo nabi muxammad ).

50

Waxyaabaha sheekhu wax ku gaalaysiiyey:

Waxaa muhiim ah inaan ogaanno in islaamnimadu

ay leedahay albaab laga soo galo iyo mid laga baxo:

Islaamku sida aynu ognahay wuxuu leeyahay tiirar shan ah,

kuwaasoo ah: labada shahaado, salaadda, zakada, soonka iyo

xajka, waxaa dadku wada ogsoonyahay in salaaddu leedahay

shuruud iyo tiirar aysan ansaxayn la'aantood, waxaa kale oo la

ogsoonyahay inay jiraan waxyaabo salaadda buriya oo haddii qofku

ku dhaco salaadda aan waxba laga soo qaadayn, sidaas oo kale

ayey leeyihiin zakada, soonka iyo xajku shuruud iyo tiirar iyo wax

buriya.

Hadaba suuragal ma tahay in tiirkii ugu weynaa islaamnimada

uguna horeeyey uguna muhiimsanaa, wax walbana ay isaga ku

istaagayeen uusan lahayn shuruud iyo wax buriya?!!!

Culimada muslimiintu kutubta fiqhiga ah waxay kaga hadlaan baab

gaar ah oo arintan khuseeya lana yiraahdo Baabka riddada, ama

murtadka, kaasoo ay ku faahfaahiyaan waxyaabaha qofka diinta ka

saari kara, oo hadal ah ama ficil ama niyo ah.

Sheekh muxammad bin c/wahaab Alle ha u naxariistee lama iman

wax ka dheeri ah intii ay culimadu kaga hadli jireen kutubtaas, ee

iyagii ayuu dhaqan geliy si faahfaahsanna u sharxay, waxyaabaha

islaamnimada buriya aad ayey u badanyihiin waxaase ugu weyn

toban waxyaabood waxayna yihiin sidan hoos ku xusan:

شفغٝ ٗ ٔب كششٝ ُأ شفغٝ لا الله ُإ { الله ةدببع ٜف كششىا : هٗلأا

ءبشٝ َِى لىر ُٗد بٍ

Midka koowaad: waa Allaah oo cibaadadiisa cid kale lala wadaajiyo,

cibaadaduna waa ay noocyo badan tahay kuma koobna oo kaliya

soonka iyo salaadda, sida dadka qaarkood moodayaan, ee waxaa

ka mid ah: baryada, gawraca, nadarka, gargaarsiga, kaalmaysiga,

talasaarashada.

Wixii Allaah mooyee cid kale ayan qaban Karin isaga mooyee cid

kale in la weyndiistaa waa shirki weyn, sidoo kale: Allaah kaliya

ayaa wax loo bireeyaa, cid kale sida qabri ama jin in wax loo

bireeyaa ma bannaana, waana shirki diinta burinaya. Arintaana

sheekhu wuxuu kaga hadlay kitaabkiisa: mufiid almustafiid:

muallafaatka sheekha, qaybta koowaad, alcaqiidah: 295, 385.

51

Isaga oo sheekhu shirkiga qeexaya waxaa uu yiri: " waa inuu

Allaah cid kale la baryo, ama cid aan isaga ahayn uu noocyada

cibaadada u leexiyo".

"Waxaa ka mid ah: in cid aan alle ahayn wax loo bireeyo, sida

qofka jinka ama qabriga wax u bireeya". Q1aad, alcaqiidah,

385.

ٌٖىؤضٝ ٗ ٌٕ٘عذٝ طئبصٗ الله ِٞب ٗ ْٔٞب وعج ٍِ : ّٜبثىا

. بعبَجإ شفم ذقف ٌٖٞيع وم٘خٝ ٗ تعبفشىا

Midka labaad: Qofkii samaysta cid isaga iyo alle u dhaxaysa,

oo uu baryo, shafeecadana weydiisto,oo uu talo saarto, wuu

gaaloobayaa, culimaduna waa ku midaysan yihiin qodobkan.

ححص ٗأ ٌٕشفم ٜف لش ٗأ ِٞمششَىا شفنٝ ٌى ٍِ : ثىبثىا

. شفم ٌٖبٕزٍ

Midka saddexaad: qofkii aan gaalada gaalaysiin, ama

gaalnimadooda ka shakiya, ama diintooda wax sax ah ku

sheega wuu gaaloobayaa.

Gaalada laga hadlayaana waa kuwa la isku waafaqsanyahay

gaalnimadooda, maxaa yeelay culimadu weligood waa isku

khilaafi jireen dad gaalaysiintood, iskuma gaalaysiin jirin

khilaafkaa, oo ma ay oran jirin qofkaan gaalaysiiyo ciddii aan

gaalaysiin waa gaal! Tusaale ahaan Xallaaj ninkii la oran jiray

ee gaalnimada loo dilay taariikhdu markii ay ahayd 309

hijriyada, culimada badankoodu waa ay gaalaysiiyeen,

qaarbaase jira ka gaabsaday, culimaduse iskuma gaalaysiin

arintaa. Tusaale labaad: Muxyidiin ibnu Carabi, culimada qaar

ayaa kutub ka qoray ay ku gaalaysiinayaan, qaarna kutub ay

ku difaacayaan ayey qoreen, culimaduse arintaa iskuma

gaalaysiin, hadaba qaaciddadu ma khusayso qofkii

52

gaalnimadiisa la isku khilaafsan yahay, ee gaalka asalka ah

ayey khusaysaa.

ٌيص ٗ ٔٞيع الله ٚيص ٜبْىا شٞغ ٙذٕ ُأ ذقخعأ ٍِ : عباشىا

ِٝزىبم َٔنح ٍِ ِضحأ ٓشٞغ ٌنح ُأ ٗأ ، ٔٝذٕ ٍِ وَمأ

. . شفبم ٖ٘ف َٔنح ٚيع جٞغا٘طىا ٌنح ُ٘يعفٝ

Midka afaraad: qofkii aamina inuu jiro hannaan ka suubban

hannaankii nabi muxammad s.c.w, ama xukun ka wanaagsan

xukunkiisii, sida dadku wax ay dejisteen oo laga hormariyo

diinta, waa gaaloobayaa qofkaasina.

ٔٞيع الله ٚيص ه٘صشىا ٔب ءبج بٍَ بئٞش طغبأ ٍِ : شٍبخىا

إ٘شم ٌّٖؤب لىر { ٚىبعح ٔى٘قى شفم ذقف ٔب وَع ٘ى ٗ ٌيص ٗ

. } ٌٖىبَعأ طبحؤف الله هزّأ بٍ

Midka shanaad: qofkii naca wax ka mid ah diintii nabi

muxammad s.c.w uu la yimid, haduu doono haba noqdo qof

ku dhaqma e wuu gaaloobayayaa, maxaa yeelay nicidda wax

diinta ka mid ah la naco oo la karaahsado ayaa gaalnimo

sideeda u ah.

ٔٞيع الله ٚيص ه٘صشىا ِٝد ٍِ ءٜشب أزٖخصا ٍِ : سدبضىا

ٗ للهببأ وق { ٚىبعح ٔى٘قى لىر ٗ شفم ٔببقع ٗأ ٔبا٘ث ٗأ ٌيص ٗ

. } ُ٘ئزٖخضح ٌخْم ٔى٘صس ٗ ٔحبٝآ

Midka lixaad: in lagu jeesjeeso wax diintii rasuulka s.c.w ka

mid ah, ama abaalmarinta diinta ama ciqaabta iyaduna waa

gaalnimo.

ٔب ٚظس ٗأ ٔيَع َِف فطعىا ٗ فشصىا ٍْٔ ٗ شحضىا

ٍِ ُبَيعٝ بٍ ٗ { ٚىبعح ٔى٘ق وٞىذىا ٗ شفم

. } شفنح لاف تْخف ِحّ بَّإ لا٘قٝ ٚخح ذحأ

Midka todobaad: waa Sixirka: waana wax la gunto, ama la la

afuufo, ama lagu hadlo ama la qoro, ama wax la sameeyo oo

53

عببضىا

qofka lagu sameeyey jirkiisa ama qalbigiisa ama caqligiisa

saamaynaya, waxaana ka mid ah: madiidaysiga, ama kala cayrinta(

in ninka naag la jeclaysiiyo ama la necbaysiiyo, qofkii sameeya ama

ka raalli noqda wuu gaaloobayaa"

وٞىذىا ٗ َِٞيضَىا ٚيع ٌٖخّٗبعٍ ٗ ِٞمششَىا ةشٕبظٍ : ٍِبثىا

ً٘قىا ٛذٖٝ لا الله ُإ ، ٌٍْٖ ّٔإف ٌنٍْ ٌٖى٘خٝ ٍِ ٗ { ٚىبعح ٔى٘ق

. } َِٞىبظىا

Midka siddeedaad: gaalada oo loo kaalmeeyo loogana

hiiliyo muslimiinta: maxaa yeelay Allaah ayaa yiri: qofkii xigto ka

dhigta iyaga ayuu ka mid yahay.

Mas'aladani waa mas'alo aad u culus, aadna loogu kala tagay, dad

bandanna ku fitnoobeen, kuwo dhayalsaday oo fududaystay oo

gaalada si walba xigto uga dhigtay, iyo qolo mas'aladu sida ay

tahay aan u fahmin, oo xiriir walba oo gaalada lala yeesho wax ku

gaalaysiiyey intuba waa jiraan.

Xiriirka gaalada lala yeeshaa wuu noocyo badan yahay,

waxaana ka mid ah:

1- Mid wax dhib ah aan lahayn, sida ganacsiga, diblumaasiyadda

aan muslimiinta dhib u keenayn, mid ehelnimo oo dad

muslimiin iyo gaalo kala ah hadana qaraabo ah oo is xiriiriya,

kaasoo aan wax u dhimayn qofka islaamnimadiisa iyo sirta iyo

danaha muslimiinta.

2- Xiriir xaaraan ah balse aan gaalnimo gaarsiisnayn, sida

jaajuusnimada hunguriga ama dano aduunyo keentay ee

aysan wehelin in gaalnimada qofku ku qanacsanyahay, in laba

qolo oo muslimiin ah oo dagaalamaya, qolo ka mid ahi ay

gaalo garabsato, iyaga oo aan gaalnimadooda raalli ka ahayn,

waa arimo xaaraan ah balse gaalnimo ma gaarsiisna, in wax

lagu gaalaysiiyana waa faham xumo, waxaana u daliil ah arintii

saxaabigii la oran jiray Xaadib ibnu abii Baltaca oo gaalada

warqad u qoray markii nabigu sallalaahu calayhi wasallama

Maka ku duulayey, isaga oo uga warbixiyey duullaanka kusoo

socda, balse nabiga waa loo waxyooday, warqaddiina waa la

qabtay, nabigu sallalaahu calayhi wasallama wuxuu

54

saxaabigaa kuu yiri: maxay tahay arintani Xaadiboow? Maxaa

kugu kallifay? Markaa ayuu ku cudur daartay inuu doonayey in

gaaladu u badbaadiso ehelkiisa iyo hantidiisa Maka ka yaalla,

ee uusan gaalnimadooda raalli ka ahayn. Cumar bin khaddaab

ayaa yiri: rasuulkii Allow aan dilo munaafiqan ee ii fasax,

wuxuu nabigu s.c.w ugu jawaabay: maxaad ka ogtahay in

Allaah kuu yiri reer Beder waxaad doontaan sameeya waan

idiin danbi dhaafaye?!!. Markaa ayey soo degtay suuradda

Almumtaxinah oo Allaah kaga hadlay inaan gaalada xigto laga

dhigan, maxaa yeelay waa cadowga Allaah iyo mu'miniinta,

Waa qiso saxiix ah oo ku taalla…………………

Waa qiso ku cad arinta aynu ka hadlayno, sidaa ayeyna

culimadu u fahmeen, khawaarijta mooyee cid kale kuma

khilaafin.

3- Xiriir gaalnimo ah, waa midka qofka u sameeyo inuu gaalada

iyo gaalnimadooda raalli ka yahay, uuna sidaa u jecelyahay

ulana xiriirayo uguna hiilinayo.

Culimada dacwadu qodobkan aad ayey uga hadleen, sida

Sheekh C/lladiif bin C/raxmaan oo sheikh muxammad bin

c/wahaab awoow u yahay, oo kaga hadlay kitaabkiisa: "Usuul

wa dawaabid fi takfiir" iyo kitaabkiisa minhaaj Al-ta'siis, sidaa

ayuuna ugu faahfaahiyey. Sidoo kale Sheekh Saalix Aala

sheikh, oo isna faracii sheekha ka mid ah sharraxa uu saaray

kitaabka tawxiidka ayuu ku faahfaahiyey, culimadii hore ee

mufasiriinta iyo muxadisiinta ahaana sidaa ayey uga hadleen.

تعٝشش ِع جٗشخىا ٔعضٝ سبْىا طعب ُأ ذقخعا ٍِ : عصبخىا

ٍِ ٗ { ٚىبعح ٔى٘قى شفبم ٖ٘ف ٌيص ٗ ٔٞيع الله ٚيص ذَحٍ

ٍِ ةشخٟا ٜف ٕ٘ ٗ ٍْٔ وبقٝ ِيف بْٝد ًلاصلإا شٞغ غخبٝ

. } ِٝشصبخىا

Midka sagaalaad: qofkii aamina in dadka qaarkood ay u

fasaxanyihiin ka bixidda diinta nabi muxammad sallalaahu

55

calayhi wasallama wuu gaaloobayaa, maxaa yeelay Allaah

ayaa yiri: "qofkii raadiya diin aan islaamka ahayn lagama

aqbalayo, aakhirana kuwa tacab beelay ayuu ka mid yahay.

وٞىذىا ٗ ٔب وَعٝ لا ٗ َٔيعخٝ لا الله ِٝد ِع ضاشعلإا : ششبعىا

بْٖع ضشعأ ٌث ٔبس ثبٝآب شمر ٍَِ ٌيظأ ٍِ ٗ { ٚىبعح ٔى٘ق

. } َُ٘قخٍْ ٍِٞشجَىا ٍِ بّإ

Midka tobnaad: In gebi ahaanba laga jeesto diinta Alle oo aan la

baran laguna dhaqmin, Allaah ayaa yiri: "yaa ku dulmi badan qof

lagu waaniyey aayadaha rabbigii kadibna isaga jeestay,

annagu danbiilayaasha waanu ka aargoosanaynaa"

Tobankaa ayaa ugu waaweyn waxyaabaha islaamnimada buriya,

aasaasna u ah, sheekha iyo culimada dacwaduna waa ay sharxeen

haloogu noqdo kutubta caqiidada.

Waxyaaba gaalnimada ah waxaa ka mid ah: Allaah iyo nabiyadiisa

oo la caayo, ama malaaikta, ama lagu jeesjeeso kutubtii alle kusoo

dejiyey nabiyada, axkaamta sugan ee diinta oo laga shakiyo,

xaaraamta xaaraamnimadeeda la isku waafaqsan yahay oo la

xalaalaysto i.w.m

56

Warqad ku socota kooxaha takfiirka ah:

Halkan waxaan kusoo gunaanadayaa qaybtan gaalaysiinta ku

saabsan, hadal uu leeyahay sheekh C/lladiif bin C/raxmaan

Aalasheekh, oo ahaa muftigii najdi xilligiisii, kana mid ah faracii

sheekha, hadalkaasi wuxuu ku socdaa kooxaha takfiirka ah,

noocii ay doonaanba ha noqdeen, kuwo dadkoo dhan

gaalaysiiya, ama kuwo siyaasiyiinta uun gaalaysiiya, waana

kan hadalkii sheekha oo aan tarjumay:

Waxaa uu yiri isaga oo qolo takfiir ah la hadlaya: "Waxaan

Axsaa ku arkay 64tii (1264H) laba nin oo idinkoo kale ah oo

maariqiin ah (diinta ka faham-hallaabay) oo salaaddii jumcaha

iyo jamaacadaba ka go'doomay, muslimiintii deegaankaa ku

noolaydna gaalaysiiyey, xujadooduna tiinna oo kale ay ahayd,

waxayna ku hadlayaan: reer Axsaa waxaa ay la fariistaan oo la

macaamilaan ina Fayruuz iyo dadka la mid ah ee aan dadka

wax baadiyeeya gaalaysiin, awoowgiisii baaqii sheekh

muxammab bin c/wahaab ka horyimid oo la collaytamayna si

cad uma uusan gaalaysiin, sidaa darted waa gaal maadaama

uusan baadida ka beri noqon, ciddii la fariisataana isaga ayey

la mid tahay!!

Labadaa hordhac ee beenta ah ee baadinimada ah ayey ka

dhaliyeen wixii axkaam ah ee ka dhalanayey gaalnimada cad.

(labada hor dhac: 1- waa in ina fayruuz uusan gaalaysiin

awowgii, 2- sidaana uu ku gaaloobay, natiijaduna ay tahay

ciddii diin u ag fariisataa waa gaalo).

Ilaa xaalkoodii gaaray inay ka tagaan salaanta, arintoodii ayaa

la iisoo tabiyey waanan soo gole fariisiyey, waana handaday,

hadalkana waan ku adkeeyey (maadaama uu ahaa masuulkii

diinta ugu sarreeyey) waxaa ay sheegteen inay haystaan

57

caqiidadii sheekh muxammad bin c/wahaab iyo kutubtiisii,

shubhadii haysatay ayaan ka fayday, xujooyinka ay

baadinimada u cuskadeenna waan ka baabi'iyey, waxaanan u

sheegay in sheekh muxammad bin c/wahaab uusan shaqo ku

lahayn caqiidadaa iyo manhajkaa, uusanna waxba ku

gaalaysiin, wixii muslimiintu isku waafaqsanyihiin in qofkii la

yimaaddaa uu ku gaaloobayo mooyee wax kale, oo ah shirkiga

weyn iyo aayadaha Allaah iyo rasuulkiisa ama wax ka mid ah

oo lagu gaaloobo, marka xujadu ku ooganto ka dib ayna u

gaarto si wax kasoo qaad leh (ay fahmaan shubhana ayan

cuskan), sida in la gaalaysiiyo qofka dadka suubban caabuda

oo Allaah la barya, oo ka dhigta kuwo Allaah ula siman

xuquuqda uu uunkiisa ku leeyahay oo cibaado iyo ilaahnimo

ah, arintaana dadka cilmiga iyo iimaanka leh waa ay ku

kulansanyihiin, qolo walba oo madaahibta la raacsanyahay ka

mid ahna mas'aladan baab weyn ayey u goonni yeelaan, iyaga

oo ku sheegaya xukunkeeda iyo waxa gaalnimada keena,

shirkigana waa ay caddeeyaan". Aldurar alsaniyah: 1/467-476.

Hadalkaa sheekha waxaa inooga baxay:

1- In sheekh muxammad uu wax ku gaalaysiiyo wixii lagu

kulansanyahay ee aynu horay usoo sheegnay.

2- In dadka suubban caabudidoodu ay ka mid tahay

waxyaabaha gaalnimada keena.

3- In sheekhu arintaa kala mid yahay culimada muslimiinta ee

madaahibta dhammaan ka tirsan.

4- Inaan dadka gaalnimada ku dhaca la gaalaysiin iyada oo

aan xujada lagu oogin xaquna uusan u caddaan.

5- Dadkaa xujadu ku oogantay ee culimada qaarkood

gaalaysiiyeen qofkii gaalaysiin waaya inuusan gaaloobayn,

58

maxaa yeelay dadka la isku hayo gaalnimadoodu asal ma

ahayn ee waa wax dib ka yimid oo sababi keentay.

6- Qofkii aan isagu shirki ku dhicin in lagu gaalaysiiyo

qubuuriyiinta ayuu gaalaysiin waayey kama mid aha

caqiidadii iyo manhajkii sheekh muxammad bin c/wahaab ee

waa caqiidadii khawaarijta maariqiinta ah.

7- In faham xumada dadka qaarkood ka qaateen dacwadii

sheekha ay soo ifbaxday xilli hore, culimaduna mar walba

ay u taagnaayeen kala soocidda manhajkii sheekha iyo

manhajkii khawaarijta.

8- In loo baahanyahay in kooxaha xaq darrada wax ku

gaalaysiiya si cilmiyeysan loola doodo lagana badbaadiyo

baadida ay ku socdaan, maxaa yeelay dhibkoodu iyaga

kuma ekaanayo ee muslimiinta ayuu saamaynayaa, oo

marka ay gaalaysiiyaan dhiigooda, hantidooda iyo

dhammaan xurmooyinkooda ayey bannaysanayaan, dad

bulshada ka faquuqan oo colaad u haya ayeyna

noqonayaan.

59

Qaybta afaraad

Caqiido xumadii baahsanayd

Shirkiga iyo sababihii keenay

Qabuuraha iyo kaalintii ay shirkiga ku

lahaayeen.

Waxyaabaha ka reebban qabuuraha

Sidee saxaabadu ula dhaqmeen

qabrigii nabiga iyo kuwii kale ee

madiina

Bilawgii qubuuriyiinta ee ummaddan

Sidii qubuuraha loogu fitnaysnaa

xilligii sheekh Maxamed soo baxay.

Arrin muhiim ah marka qabuuraha

dhisan la burburinayo

60

Caqiido xumadii baahsanayd 1

Waxaa aynu horay ugu soo xusnay "sababihii

halganka" in sheekhu la kacay lana dhawaaqay

mushkilado jiray darteed, waana waxa ka dhawaajiya

qof walba oo samaddoon ah.

Waxa aynu soo xusnay in ay sababaha ka mid

ahaayeen: diinxumo, dhaqanxumo iyo jaahilnimo;

Waxaa aynu sidoo kale soo xusnay faafsanaantii

shirkiga iyo bidcooyinka, sidoo kale in dadku u batay

kuwii xumaanta qurxinayey isla markaana ay iyagu

hogaanka u hayeen ummadda inteeda kale, waxa

sharciga waafaqsanina uu yaraaday.

Haddii aynu ku hormarno shaygii ugu weynaa ee

sheekhu ka dhiidhinayey lana dagaallamayey waa

shirkiga waxaan leennahay:

Khatarta shirkiga:

Shirkigu waa midka ugu weyn danbi la galo, xumaan

oo dhanna ugu xun, Allaaah waxaa uu yiri:

( امٌظع امثإ ىرتفا دقف للهاب كرشٌ نمو)Alnisaa: 48

"qofkii Alle wax la wadaajiyaa waxaa uu been abuurtay

danbi weyn".

Waxaa kale oo Alle ku yiri suuradda luqmaan, aayadda

13aad: (مٌظع ملظل كرهشلا هنإ) shirkigu waa danbi weyn.

Waxaa nabigeennu yiri sallalaahu calayhi wasallama

mar la weydiiyey danbiyada kee ugu weyn? " inaad

Allaah wax garab dhigto isagoo ku abuuray". 2

Waxaa Allaah nabigiisa ku yiri:

" نٌرساخلا نم هننوكتلو كلمع هنطبحٌل تكرشأ نئل " suuradda

Alzumar:65.

1 Warbixinta ibnu Qannaam ayey inoogu iman doontaa arrintan oo faahfaahsan

2 Bukhaari:6811, Muslim:

61

Oo micnaheedu yahay: "Haddii aad shirki samayso waxaa

dhubaal ah in camalkaagu burayo kuwa tacab beelayna

aad ka mid noqonayso".

Qofkii shirki la yimaadda jannada waa laga xarrimay sidii

Allaah yiri:

" رٌصن نم نٌملاهظلل امو راهنلا هاوأمو ةهنجلا هٌلع اللّ مهرح دقف للهاب كرشٌ نم ههنإ "

Almaaida:72.

Oo micnaheedu yahay: "qofkii Alle cibaadadiisa cid kale la

wadaajiya jannada waa laga reebay, naarta ayuuna ku

waarayaa, daalimiintuna cid u hiilisa heli maayaan".

Khatarta danbigan waxaa ka mid ah inuusan Allaah u

cafinayn qofkii la yimaadda, sida uu ku yiri suuradda

Alnisaa, aayadda 48aad:

" ءاشي نمل كلذ نود ام رفغيو وب كرشي نأ رفغي لا للها ّنإ " ".

Oo micnaheedu yahay: Alle ma dhaafo in wax lala

wadaajiyo, wixii intaa kasoo harayse ciddii uu doono ayuu

u dhaafaa.

Farqiga u dhexeeya muwaxidka iyo mushriga:

Muwaxidku waxaa uu aaminsanyahay oraah ahaan iyo

ficil ahaanba in Allaah kaligii uu leeyahay maamulka

iyo mulkiga dunida oo dhan;

Waxaa uu rumaynayaa dhammaan magacyada iyo

tilmaamaha uu Allaah sheegtay ama nabigiisu

sallalaahu calayhi wasallama ku sheegay;

Waxaa uu Allaah ugu dhawaanayaa cibaadada

noocyadeeda oo dhan, cid Allaah kasoo hartayna

waxba uguma dhawaado;

Cibaadada noocyadeeda waxaa ka mid ah: Alle ka

cabsiga, rajaynta waxa Alle agtiisa yaal, jacaylka Alle,

talasaarashadiisa, nadarka, u gawricidda, baryada,

gargaar doonka, magangalyo doonidda, i.w.m intaas

62

oo dhan muwaxidku cid aan Alle ahayn waxba kama

siiyo;

Shirkigu waa tawxiidka lidkiis, mushriguna waa qofkii

cibaadada Alle kaligii leeyahay cid kale wax ka siiya.

Shirkigu waa noocyo badan yahay, waddooyin

badanna waa uu leeyahay, cibaadada noocyadeeda oo

dhanna wuu geli karaa;

Qof kasta oo barya cid aan Allaah ahayn oo waydiisata

wax Alle mooyee cid kale aysan awoodi Karin shirki

ayuu ku dhacay, sidoo kale qofkii cid aan Allaah ahayn

kaga gargaar dalba wax Alle mooyee cid kale aysan

keeni Karin shirki ayuu ku dhacay;

Qofkii wax u nadra (oo tusaale ahaan yiraahda sheekh

hebeloow haddii aan caafimaad helo ama caruur, waan

ku siyaarayaa, isagoo xagiisa waxtar ka rajaynaya)

isna shirki ayuu ku dhacay;

Qofkii magaca Alle waxaan ahayn wax ku bireeya ama

cid kale oo uu weynaynayo wax u bireeya isaguna

shirki ayuu ku dhacay;

Cibaadadu waa xaq Allaah gaar u leeyahay lalama

wadaajin karo cid kale ha ahaado: Malag, Nabi, Weli, jinni

iyo insi intaba.

63

Sababihii shirkiga keenay 1

Shirkigu dunida waa uu kusoo derriyey oo tawxiidka ayaa

asal ahaa.

Nabi Aadam calayhi salaam iyo nabi Nuux kun sano ayaa u

dhexaysay dadkii muddadaa noolaa muwaxidiin ayey

ahaayeen, qof mushrig ah laguma arag.

Haddaba waxaa is waydiin mudan maxaa shirkiga

sababay?! Dadkii muwaxidiinta ahaa maxaa u qaybiyey

muwaxidiin iyo mushrikiin?!!

Jawaabtaa waxaa ina siinaya Tarjumaankii quraanka

C/laahi bin Cabbaas isaga iyo aabbihiiba Allaah haka raalli

noqdee, isaga oo fasiraya aayadda 23aad ee suuradda

Nuux:

(ارسنو قوعيو ثوغي لاو اعاوس لاو اّدو ّنرذت لاو مكتهلآ ّنرذت لا اولاقو)

Oo micnaheedu yahay in gaaladii loosoo diray nabi

Nuux ay isku waaninayeen: " haka tegina

ilaahyadiina! Oo haka tegina wudd iyo suwaac iyo

yaquuth iyo yacuuq iyo nasri"!!!

c/laahi bin Cabbaas waxaa uu yiri: " kuwani waa

magacyo niman saalixiin ahaa oo Nuux tolkii ka mid

ahaa, markii ay dhinteen ayaa shaydaan u

waxyooday tolkood oo ku yiri: "Taallooyin ka taaga

meelihii ay fariisan jireen, kuna magacaaba

magacyadoodii, weyna yeeleen, lama caabbudin

xilligaa, markii kuwii sidaa yeelay dhinteen cilmigiina

la illaaway ayaa la caabbuday!!!". 2

Waxaa halkaa inoogu cad in sababtii shirkiga keentay ay

ahayd dadka wanaagsan oo xadkoodii la dhaafsiiyey

goobahoodiina la weyneeyey!!! Isla sababtii ugu horraysay

ee shirkiga dunida keentay ayaa mar walba oo meel laga

tirtiro kusoo celinaysay, sida aynu arki doonno insha

Allaah.

1 Alqubuuriyah: Sheekh Axmed Xasan Almucallim 81/82

2 Saxiix albukhaari/fatxul baari 8/668

64

Qabuuraha iyo kaalintii ay shirkiga ka qaateen

Qabriga xaqiiqadiisu waa guri lagu asturo jirka qofka

dhinta, iyadoo insaanka karaamo looga dhigay, faaiidooyin

badan ayaana ugu jira qofka la aasay iyo bay'adaba.

Nabigeennu sallalaahu calayhi wasallama waxaa uu inoo

sheegay in qofku kula kulmi doono qabriga imtixaan, iyo

weliba abaal marin hordhac u ah waxa uu mudan doono

qiyaame, haddii uu ahaa qof wanaagsan oo saalix ah waa

loosii nimceeyaa, haddii uu xumaana waa lasii cadaabaa,

balse waa cadaab ka yar midka danbe.

Sharcigu qabuuraha axkaam ayuu u jideeyey laga doonayo

inay maraan dadka muslimiinta ahi.

Waxyaabo qabuuraha ku bannaan iyo waxyaabo ka

reebban intaba sharcigu waa sheegay.

Waxyaabaha bannaan ee wanaagsan waxaa ka mid ah

booqashada qabuuraha iyadoo xikmado ku jiraa ay jiraan,

lagana doonayo qofka booqanayaa in uu xasuusnaado.

Bilawgii islaamka nabigeennu sallalaahu calayhi wasallama

waa reebay in qabuuraha la booqdo maxaa yeelay dadku

shirkigii ayey ku dhawaayeen oo qabuuruhu waxyaabaha

ay caabbudi jireen ayey ka mid ahaayeen.

Balse markii shirkiga laga adkaaday lagana tirtiray xijaaz

nabigu sallalaahu calayhi wasallama waa fasaxay

booqashadii qabuuraha, waxaana uu yiri sallalaahu calayhi

wasallama : " waxaan ahaa mid idinka reebay booqashada

qabuuraha ee booqda aakhiro ayey idin xasuusinaysaaye". 1

Xikmadda ku jirtaa waa in loosoo duceeyo qofka muslimka

ah, aakhirana lagu xasuusto oo markaa qofka qalbigiisu

jilco tawbadda iyo camalka suubbanna ku dadaalo.

1 Saxiixu Muslim/sharraxa Nawawi: 7/46

65

Qabriga gaalka waa la booqan karaa balse looma

ducaynayo, waana la habaari karaa, aakhirana waa lagu

xasuusanayaa.

Intaa xikmad dhaafsiisan oo booqashada ku jirtaa ma jirto,

ciddii wax kale qabuuraha ku ag samaysa nabi muxammad

sallalaahu calayhi wasallama ayey khilaaftay ajar inay

helaan iska daayee danbi ayey lasoo noqonayaan.

Waxyaabaha booqashada ka reebban:

1. in qabriga la isku masaxo

2. in la dhunkado

3. in ciid laga soo qaato si loo barakaysto

4. in qabuuraha lagu dhex tukado ama lagu sujuudo ama

xagooda salaadda loola jeesto, ama masaajid laga dul

dhiso, ama masaajidda dad lagu dhex aaso.

5. in qabuuraha magaalada ka baxsan loo safro

6. in qabuuraha dabbaaldegyo iyo xaflado lagu qabsado

7. in la dhiso ama la nuuradeeyo

8. in la iftiimiyo oo nalal ama faynuusyo laga shido

9. in xagooda loo cararo oo la baryo, gargaarna la

waydiisto, ama la aammino inay wax tari karaan

waxna dhibi karaan.

10. in wax lagu bireeyo

Daliilka kusoo arooray in waxyaabahaasi reebban

yihiin:

Arrinta koowaad: ee ah in qabriga la isku masaxo kama

soo aroorin nabi muxammad sallalaahu calayhi wasallama

iyo saxaabadiisii, qaabkii uu dadka barayna kama mid

ahayn, cibaadadana waxaa halbeeg u ah in la sameeyo

wixii nabiga iyo saxaabadiisu sameeyeen wixii aysan

samaynna laga tago.

66

Midda labaad iyo saddexaadna waa la mid oo qaaciddadaas

ayey raacayaan.

Midda afaraad axaadiis cadcad oo saxiix ah ayaa nabigu ku

reebay sallalaahu calayhi wasallama isaga oo yiri:

1 (اديع يربق اولعجت لاو اروبق مكتويب اولعجت لا)

Oo macnihiisu yahay: guryihiinna qabuuro haka dhiganina

qabrigaygana meel aad munaasabado iyo xaflado ka

dhigataan haka dhigina.

Sida guryuhu qabuuro ku noqonayaan laba middoodba

waa lagu fasiray, ta koowaad: in la isku aaso guryaha, ta

labaadna: inaan guryaha lagu tukan salaadaha qaarkood,

maxaa yeelay qabuuraha ayaa ah meel salaadda ka

caaggan ee guryihiinna hakala mid dhigina qabuuraha.

Xadiis kale waxaa nabigu ku yiri sallalaahu calayhi

wasallama:

2

) اهيلإ اوّلصت لاو روبقلا ىلع اوسلجت لا)

Macnihiisuna waa: qabuuraha haku dul fariisanina

xagoodana ha u tukanina.

Waxaa kale oo nabigu yiri sallalaahu calayhi wasallama :

ذخّتي نأ يشخ وّنأ ريغ هربق زربأ كلذ لاولف : تلاق . دجاسم مهئايبنأ روبق اوذخّتا ىراصّنلاو دوهيلا للها نعل

3

) ادجسم)

Macnaha xadiisku waxa weeye: Lacnaddii Alle yahuud iyo

kiristaan dushooda ha noqoto qabuurihii nabiyada ayey

masaajid ka dhigteen!!

Nabigu waxaa uu u lacnadayaa ficilkaa foosha xun ee ay

sameeyeen oo ah in qabuurihii nabiyada ay masaajid ka

dul dhiseen, haddi qabuurihii nabiyada sidaa la isugu

lacnaday maxaad moodaysaa qabuuraha kale?!!

1 Abuudaauud/sharraxa cawnul-macbuud 1/383

2 Muslim/nawawi: 2/668

3 Bukhaari/fatxul baari:3/200, muslim/nawawi:5/12.

67

Caaisha Alle haka raalli noqdee waxaa ay tiri: Haddi

lacnaddaasi aysan jiri lahayn nabiga bannaanka ayaa lagu

aasi lahaa, waxaase laga baqay in masjid laga dhigto!

Nabiga gurigiisii ayaa lagu aasay oo uu ku naf baxay,

nabiyadana meesha nafta looga qaado ayaa lagu aasaa,

halkaa ayuu ku ilaashanaa, waxaa ay leedahay caaisha

waxa sidaa loo yeelay inaan qabrigiisa laga dhigan meel

lagu tukado, illeen haddii bannaanka loo saaro cidna ma

ilaalin karto, guriga caaishase waa la ilaalin karaa oo wuu

kooban yahay.

Waxa kale oo nabigu yiri sallalaahu calayhi wasallama:

1

) دجاسم مهئايبنأ روبق اذخّتا موق ىلع للها بضغ ّدتشا دبعي انثو يربق لعجت لا مهللا ّ )

Macnihiisuna waxa weeye: Alloow qabrigayga haka dhigin

sanam la caabudo, Alle caradiisu waa ay ku darraatay qolo

dushood, nabiyadooda qabuurahooda masaajid ka dhigtay!

Suaal: waxaa dadka qaarkii iswaydiin karaan: Nabigu sow

ka ku aasan masjidkiisa ma aha?! See la isu waafajinayaa

axaadiistan iyo arintan aynu wada aragno?!

Jawaabtu waxa weeye: nabiga sallalaahu calayhi

wasallama markii la aasay gurigiisa ayaa lagu aasay,

guryihiisuna masjidka ayey ku dheganaayeen, wakhtigii

cusmaan bin caffaan ayaa masjidka la weyneeyey markaa

saxaabadii waaweynayd oo dhan ayaa joogay taladana

iyaga ayaa gacanta ku hayey, waxaa la isla gartay in

dhinaca qabrigu jiro aan masjidka laga ballaarin ee

dhinacyada kale laga fidiyo, si uusan masjidka u dhex

gelin, waana la isku waafaqay sidaa ayaana la yeelay.

Qarnigii koowaad dhammaadkiisii saxaabadiina in yar ay ka

nooshahay markaana ay umawiyiintu talada hayeen, ayaa

masjidkii ballaarin labaad lagu sameeyey waxaa amarka

lahaa oo talada hayey Waliid bin C/malik bin Marwaan,

markaa ayuu amray in masjidka la waasiciyo dhinac

1 Imaamu Axmed:2/246

68

kastana loo ballaariyo, sidii ayaa la yeelay qabrigiina sidaa

ayuu masjidka ku dhex galay!

Culimadii reer madiina oo uu ugu weynaa Saciid bin

Musayib oo taabici ahaa arrintaa waa ay ka hor

yimaaddeen, sida uu sheegay imaam ibnu Kathiir 1 iyo

taariikhyahanno kaleba balse ammiirku waa uu ku

adkaystay goaankiisa culimadiina waa uu ka horyimid.

Haddaba ficil uu sameeyey nin boqor ah kuna khilaafay

sharciga iyo culimadii diinta taqaannay lagama dhigan

karo daliil loo cuskado in masaajidda qabuuro laga dhisi

karo. 2

Arinta shanaad ee ah in qabuuro magaalada ka

baxsan loo safro:

Waxaa nabigeennu yiri sallalaahu calayhi wasallama:

3

" يدجسمو ىصقلأا دجسمو مارحلا دجسم : دجاسم ةثلاث ىلإ ّلاإ لاحرلا ّ ّدشت لا"

Macnihiisuna yahay: Safar cibaado looma xirxirto saddexda

masjid dhinacooda mooyee, waa masjidka xaramka ah

(kacbada), masjidka nabiga, iyo Baytul maqdis.

Sidaa ayaa saxaabadii nabiga iyo taabiciintii ugu dhaqmeen

xadiiskan oo marnaba ma dhicin in ay u safreen qabuuro

ka baxsan kuwii madiina iyaga oo booqasho u socda,

fahamkii saxaabada iyo dhaqankoodii in la qabsadaana waa

waajib.

Laga yaabee in dadka qaarkood daliil ka dhigteen

booqashadii nabigu sallalaahu calayhi wasallama booqday

qabrigii hooyadii, iyadoo qabrigeedu uu ku yaallay Maka

iyo Madiina dhexdooda!

Arintaa waxaa looga jawaabayaa: Nabigu sallalaahu calayhi

wasallama uma safrin booqashada qabriga hooyadii ee

1 Albidaaya wa nihaaya:9/75

2 U noqo Albidaaya wa nihaaya: 9/74-75

3 Bukhaari/fatuxul-baari:3/70, muslim/nawawi:9/104-106

69

waxaa uu ahaa safar, isagoo marayey jidka isku xira

labada magaalo, markaa ayuu ku leexday oo sii maray,

sidaa ayaa ku cad axaadiista dhacdadan kusoo aroortay.

Arrinta lixaad ee ah in qabuuraha dabbaaldegyo aan

lagu qabsan karin:

waxaa u daliil ah xaddiiskii aynu soo xusnay ee nabigu yiri

sallalaahu calayhi wasallama: "Qabrigaygana haka

dhiganina meel aad ku ciiddaan (isugu timaaddaan

xafladana ku dhigataan).

7aad: Inaan la dhisi karin ama la nuuradeyn karin

axaadiis badan ayaa ku timid aynu qaar ka xusno:

Abuu saciid Alkhudriyi Alle haka raalli noqdee waxaa uu

nabiga ka weriyey sallalaahu calayhi wasallama:

) بٙ١ٍع ٍّٝص٠ ٚأ بٙ١ٍع ذعم٠ ٚأ سٛجمٌا ٍٝع ٕٝج٠ ْأ ٝٙٔ)

1

Nabigu waa reebay sallalaahu calayhi wasallama in

qabuuraha la dhiso iyo in lagu fariisto iyo in lagu dul

tukado intaba.

Xadiis kale Jaabir bin C/laahi ayaa werinaya waxaa uu yiri

Alle haka raalli noqdee:

2

) ويلع ىنبي نأو ويلع دعقي نأو ربقلا صصجي نأ مّلسو ويلع للها ىّلص للها لوسر ىهن

Nabigu waa reebay in qabriga la nuuradeeyo iyo in lagu

fariisto iyo in la dhiso.

Qolada qabuuraha dhista nabigu sallalaahu calayhi

wasallama waxaa uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa ugu

shar badan uunka Alle abuuray, 3 Maxaa yeelay dadka ayey

dinta ka duwayaan cid aan Alle ahaynna waa ay ku

xirayaan, sidii qoladii nabi Nuux laga soo saaray ay

sameeyeen.

1

Abuu yaclaa:2/297 waana xadiis saxiix ah sida sheekh Albaani ku sheegay "Taxdiiru Alsaajid:22

2

Saxiixa Muslim/Nawawi: 7/37

3

Sida ku cad bukhaari/fatxul baari 3/208, Muslim/nawawi 5/11

70

Qabriga dhisan oo la dumiyo:

Waa waajib haddii awood loo hayo, waxaana u daliil ah

xadiiska uu weriyey Abul-hayaaj al-asadiyi waxaa uu yiri

cali bin abii daali ayaa igu yiri:

لاإ ّ افرشم اربق لاو وتسمط ّلاإ لااثمت عدت لا نأ : مّلسو ويلع للها ىّلص للها لوسر ويلع ىنثعب ام ىلع كثعبأ لاأ"

" وتيوس ّ

" Miyaanan kuu direyn wixii nabigu ii diray?! Waa in aadan

ka tegin sawir inaad baabi'iso mooyee, qabri kor u

qaadanna aadan ka tegin inaad sinto mooyee.

Kutubta axkaamtu waxaa ay isku waafaqsan tahay inaan

qabriga taako wax ka badan kor loo qaadi Karin oo ah

sidiisa dabiiciga ah.

Imaamu shaafici waxaa uu yiri Alle ha u naxariistee: " Ma

arag qubuurihii muhaajiriinta iyo ansaarta oo

nuuradaysan". 2

8aad: in la iftiimiyo:

waa dayac xoolaha la dayacayo, laguna bixinayo meel aan

ku habboonayn, qof dhintay qabrigiisu mugdi iyo iftiin waa

midka gudaha ugu jira, hadba camalkiisu sidii uu ahaa

ayuu noqonayaa, inaynu iftiiminno ma aha mid wax u

kordhinaysa, mana bannaana maxaa yeelay nabi

muxammad iyo saxaabadiisu ma samaynin, madaahibtuna

waa isku waafaqsan tahay in iftiiminta qabuuruhu xaaraam

tahay.

1 Muslim/nawai:7/35-36

2 Al-umm 1/277

71

1

9aad: in la baryo ama la aammino inay wax tari

karaan:

Qayb saxaabada ka mid ah oo soo islaamiddoodu markaa

dhaweyd ayaa iyadoo socdaal lagu jiray waxaa lasoo

maray geed gob ah oo gaaladu seefaha suran jireen iyagoo

barakaysanaya oo aamminsan in geedku wax u

kordhinayo, markaa ayey nabiga ku yiraahdeen: Annagana

geed aan barakaysanno noo samee! sida iyaguba u

leeyihiin geed ay barakaystaan!! Nabigu waxaa uu yiri

isagoo yaabban: Allaahu akbar! Waa waddooyin!

Allaha naftaydu gacantiisa ku jirto ayaan ku

dhaartaye waxaad tiraahdeen sidii reer israaiil ay

muuse ku yiraahdeen: Ilaah noo samee sida iyaguba

(gaaladu) ay ilaah u leeyihiin! 1

Qabuuraha agtooda in lagu roob doono ama lagu soo

ducaystaa kama mid aha caqiidadii nabi Muxamad iyo

saxaabadiisa, dhaqankii uu ina barayna kuma jirto,

qabuuruhu ma leh wax dhib ah iyo dheef toona, iyaga ayaa

uga baahan dadka nool duco, saddaqo iyo in dhibka laga

ilaaliyo.

Qofkii aamina inay dhib ama dheef leeyihiin waa qof wax

ka haysta caqiidadii mushrikiinta.

10aad: in qabuuraha wax lagu nadro:

Nin ayaa xilligii nabiga sallalaahu calayhi wasallama nadar

ku galay inuu wax ku bireeyo meel Buwaana la oran jiray,

nabiga ayuu weydiiyey arrintaasi sida ay noqonayso;

"Nabigu waxaa uu weydiiyey laba suaalood oo ah: Sanam

la caabbudi jiray miyaa halkaa ku yiillay? Ciid gaaladu

lahaayeen miyaa halkaa lagu qaban jiray? Labadaba

saxaabadu maya ayey ku jawaabeen;

1 Tirmidi/tuxwatul axwadi: 4/475

72

Nabigu waxaa uu ugu jawaabay ninkii: Nadarkaaga oofi,

nadar macsi ah oofin ma leh, iyo wax uusan qofku hanan

Karin" 1

Qabuuraha oo wax lagu nadro ama wax lagu bireeyaa waa

dhaqankii jaahiliyada, mana bannaana in looga daydo,

waana nadar macsi ah oo ma bannaana in la oofiyo.

Sidee saxaabada iyo dadkii wanaagga kaga dayday

ula dhaqmi jireen qabriga nabiga sallalaahu calayhi

wasallama iyo qabuurihii kale ee Madiina ku

yaallay? 2

Wanaaga islaamka waxaa ka mid ah inuu karaameeyey

qofka, nolol iyo geeriba.

Qabuuraha sharcigeennu waa reebay in la ihaaneeyo,

waxaa la diiday in lagu xaajo guto, in lagu istaago, in lagu

fariisto, in maydka lafihiisa la jabiyo, in qabuuraha kabo

lagula dhex socdo.

Dhanka kale waxaa la reebay waxyaabihii aynu soo xusnay

ee tobanka ahaa iyo wixii qabriga xadkiisa dhaafinaya.

Saxaabada rasuulku sallalaahu calayhi wasallama iyagana

Alle haka raalli-noqdee iyagoo fartoomaya axaadiistii

nabigeenna ee aan qaar soo xusnay, ma ay dhisin

qabrigiisa, masjidna kama ay dhigan, gurigiisana lagama

saarin si aan loogu fitnoobin.

Qaasim bin Muxammad bin Abuubakar ayaa usoo galay

eeddadii Caaisha, waxaa uu ku yiri: hooyo I tus qabriga

nabiga sallalaahu calayhi wasallama iyo labadiisa saaxiib

(Abuubakar iyo Cumar), wuxuu yiri: "waxaa ay ii faydday

saddex qabri oo aan kor u kacsanayn, aanan

1 Abuudaauud/saxiix abuudaauud 2/636

2 Alqubuuriyah: Axmed Almucallim: 65-69

73

aaba'sanaynna, laguna quruurixiyey jaygii bannaanka

guduudan". 1

Xilligii saxaabada ma jirin in dadku saf usoo galaan qabriga

nabiga sallalaahu calayhi wasallama si ay u arkaan, ee

iyagoo masjidka jooga ayey salaami jireen;

Haddii qof jeclaystana Caaisha ayuu fasax ka qaadan jiray

illeen iyadaa guriga lahayde, haddii ay doonto waa ay tusi

jirtay, sida ku cad qisadii aynu soo xusnay ee Qaasim bin

Muxammad.

Cali bin Xuseyn bin Cali bin Abii daalib oo lagu naanaysi

jirey Zaynulcaabidiin ayaa arkay nin imanaya meel

daloosha oo qabriga nabiga u dhaweyd, kaddibna galaya!

Markaa ayuu uga digay oo ku yiri: aabbahay ayaan ka

maqlay oo awoowgay ka werinaya in nabigu sallalaahu

calayhi wasallama yiri: " Qabrigayga ciid haka

dhiganina, guryihiinnana qabuuro, igu salliya

salligiinnu waa uu isoo gaarayaa meel aad

joogtaanba". 2

Digniintaas nabigu bixiyey ayey saxaabadu dadka bari

jireen, haddii ninkaa kaligii ee qabriga kusoo noqnoqonaya

loo deyn lahaa dad badan ayaa ku dayan lahaa, in markaa

meeshu xaflad isu beddesho ayaa iman lahayd, oo lagu

dhaco wixii nabigu ka digay ee yiri: Qabrigayga ciid haka

dhiganina" si ayan taasi u dhicin saxaabada iyo

taabiciintuba waa ka hortagi jireen, maxaa yeelay ka

hortaga ayaa daaweynta ka waxtar badan.

Marnaba ma dhicin xilligii saxaabada iyo taabiciinta inay

dad u safraan qabuuro, ha noqdo qabriga nabiga sallalaahu

calayhi wasallama ama kuwo kale, waxaana sababayey

dadka oo xasuusnaa xadiiski nabigu yiri sallalaahu calayhi

wasallama : "safar looma xirxirto (cibaado ahaan) saddex

1 Abuudaauud: 2/234

2 Imaamu Axmed 2/367, abuudaauud: 1/622

74

masjid mooyee" masjidka xaramka, iyo masjidka fog

(Baytul maqdis) iyo masjidkaygan. 1

Waxaa aynu soo xusnay in masjidka markii uu ballaariyey

Waliid bin C/malik uu qabrigu masjidka galay, taladii

culimada ee ahayd in dhinaca qabriga la iska daayana la

diiday, culimadu talo kale ayey soo jeediyeen dawladduna

waa aqbashay, waxaa qabriga lagu wareejiyey darbi dheer,

kaddib ayaa darbigii masjidka laga sii daba dhisay;

Maxaa sidaa loo yeelayey? Waxaa loo yeelay in marnaba

caammadu aysan gaarin qabriga, masjidkana waxaa loo

dhisay qaab aysan dadku jihada qabriga ugu jeesan

Karin. 2

1 Saxiix Albukhaari/fatxulbaari: 3/70, Muslim/nawawi:9/104-106

2 Eeg sharraxa nawawi ee Muslim 5/12-13.

75

Bilawgii qubuuriyiinta ee ummaddan

dhexdeeda:

Qubuuriyiintu waa dadka lagu ibtileeyey inay qabuuraha ku

xirnaadaan, oo har iyo habayn isaga daba noqdaan, oo

haddii dhibaato dhacdo qalbigooda qabuuruhu kusoo

dhacayaan! Roob la'aan ayaa dhacday! qabuuraha hala

aado ayaa xigta! Colaad iyo abaaro ayaa dhacay!

Qabuurahaa la illaaway ayaa la isku qancin!! Intaa safar

ayaa lagu jiraa! Xagee?! Siyaaradii sheekh hebel! Xoolo

ayaa la uruurin! Xagee loo wadaa?! Waa siyaaradii sheekh

hebel!! Dadka shaqadoodu sidaa tahay ayaa qabuuriyiin la

yiraahdaa.

Ummaddani 3dii qarni ee ugu horreeyey waa ay ka

nadiifsanayd dhaqanka noocaa ah, cilmiga oo faafsanaa iyo

sunnada oo xoog lahayd darteed.

Markii ugu horreysay ee qabri la muujiyo laguna xirnaado

waxaa ay ahayd bilawgii qarnigii 4aad, waxaana keenay

saddex dawladood oo shiico iyo baadiniyo isugu jiray

(baadiniyadu waa qolo aan oogin astaamaha diinta ee

tiirarka 4ta ahi ka mid yihiin:salaadda, zakada, soonka iyo

xajka, Tawxiidka uun ayey ku dhawaaqaan)

Waxayna kala ahaayeen dawladahaasi:

1- Banii Buweyhi: waxay ahaayeen shiico ka talin jiray

dhulka Faaris meelo ka mid ah;

2- Cubeydiyiinta ama faadimiyiinta, oo ahaa baadiniyo

ka talin jiray maqrib, masar ilaa labada xaram.

3- Qaraamidada: oo ahaa reer miyi baadiniyo ah, kana

talin jiray jaziiradda meelo ka mid ah ilaa Ciraaq

qaarkeed.

Saddexdaa qolo ayaa bilaabay dhisidda qabuuraha iyo ku

xirnaanshahoodaba, sidaa waxaa xaqiijiyey culimada iyo

taariikhyahannada muslimiinta oo ay ka mid yihiin

Imaam ibnu Taymiya sida ku xusan Majmuuca

76

fataawihiisa 1 , iyo ibnu Kathiir sida uu ku sheegay

Albidaaya wa nihaaya 2 , iyo imaam Dahabi sida ku cad

Siyar aclaam Alnubalaa 3 .

Xiliigaa wixii ka danbeeyey waxaa bilawday hardan ka

dhexeeya culimaddii sunnada iyo shiicada, kuna saabsan

dhisidda qabuuraha, balse maadaama ay ahaayeen

dawlado xoog badan oo arxan daran si weyn ayey ula

dagaalameen cid kasta oo ka hortimaadda

ujeedooyinkooda, dhisiddii qabuuruhuna aad ayey u

faaftay, dadkiina in badan ayaa ku xirmay, waxaa ayna

noqotay fitno dhallaankii ku barbaaray, waayeelkiina ku

cirraystay! Ciddii ka hadashana la yiraahdo diin cusub

ayey wadataa!!

Qof kasta oo la rabo in la karaameeyo qabrigiisa waa la

dhisay, kuwo xitaa waqdhis ah ayaa laga sameeyey

meelo kala duwan! Ilaa ay ka dhacday in halqof uu shan

meelood ku yeesho qabri dhisan!! Adillo been abuur

ahna waa loo dhoodhoobay!!!

Taasi maxay sababtay?

Waxaa ay sababtay in muuqaalladii shirkigu dib ugu soo

noqdaan ummaddan, ayna soo noolaadaan dhaqammo

badan oo jaahiliyadu lahayd, nabiguna waa sii sheegay

in shirkigu soo noqon doono in badan oo ummadda ka

mid ahina qaadi doonto waddadii jaahiliyada, bal aynu

aragno qayb ka mid ah axaadiistii nabigu arrintaa ku

tilmaamay:

Soo noqoshada shirkiga:

Waxaa uu yiri sallalaahu calayhi wasallama: " saacadda

qiyaame ma dhacayso iyadoo aysan qabaail badan oo

ummadayda ka mid ahi mushrikiinta ku biirin! Oo aysan

1 Majmuuc Alfataawa: 27/465-467

2 Albidaaya wa nihaaya:11/233

3 Siyar aclaam Alnubalaa: 16/250-252

77

qabaail badan oo ummaddayda ka mid ahi asnaamta dib

u caabudin" 1

Waxaa kale oo nabigu sallalaahu calayhi wasallama yiri:

" saacaddu ma dhacayso iyadoo aysan haweenka reer

Daws baryahooda ku ruxin Dil-khalasa hareerihiisa" Waa

sanam ay caabudi jireen xilligii jaahiliyada. 2 Maxaa ay

isla ruxayaan?! Waa ay jidbaysan yihiin! Sanamka ayey

ku ag xadraynayaan! oo baryayaan oo weynaynayaan!!

Axaadiistan iyo kuwo kale oo la mid ah waxaa ay si cad u

sheegayaan in shirkigu ummaddan kusoo noqon doono,

qabaail badanna gaaloobi doonaan, qabaailka qaarna ay

dib boorka uga jafi doonaan sanamyadii ay caabudi

jireen nabi Muxammad sallalaahu calayhi wasallama intii

aan lasoo saarin ka hor!!!

Culimada muslimiinta ee xilligan nool qaarkood waxaa ay

caddeeyeen in qolyaha ka shaqeeya raad raaca

waxyaabihii taariikhiga ahaa qaarkood ay wadaan soo

noolaynta sanamyadii la caabudi jiray islaamka ka hor!

Iyaga oo dadka uga dhigaya hidde iyo dhaqan!! Iyo

xadaarad shacabka goobtaa ku dhaqani lahaan jiray!!

Suaal: dadka qaarkood waxaa ay dhihi karaan: Nabigu

sallalaahu calayhi wasallama miyuusan dhihin :

"Shaydaan wuu ka quustay in dadka tukadaa ku

caabudaan jaziiradda carbeed" 3 sidee la isku

waafajinaya xadiiskan iyo kuwii aad sheegteen ee ku

saabsanaa in ummadda in badani gaaloobayso?!

Jawaab: waxaynu kusoo koobaynaa sidan soo socota:

1- waa in la rumeeyo dhammaan wixii uu Nabi

Muxammad sallalaahu calayhi wasallama sheegay,

maxaa yeelay iskama hadlo ee waxyi ayuu ku

1 Sunan abuudaauud, kitaabka fitnada 2/499

2 Saxiix albukhaari/fatxul baari 13/76, saxiix muslim: 18/32

3 Saxiix muslim/C/baaqi: 4/2177

78

hadlaa, isaga ayaa sheegay in shirkigu soo

noqonayo, isla markaana shaydaan ka quustay in

jaziiradda lagu caabudo.

2- Xadiiskan ka warramaya quusashada shaydaanka,

kuma jirto inta quustaasi sii jirayso, ee waxaa uu ka

warramayaa xaaladdii xilligaa taagnayd, markii uu

arkay awoodda muslimiinta iyo sidii diintu u faaftay

ayuu ka quustay in dib danbe loo caabudo;

Balse rajadiisii dib ayey usoo noolaatay nabiga oo aan

weli geeriyoon, waxaa jaziiradda kasoo baxay Musaylima

Al-kaddaab, Aswad Alcanazi iyo Dulayxa Al-asadi,

saddexduba nabinimo ayey sheegteen dad ayaaana

rumeeyey! Markii nabigu dhintayna Carab badankeedu

diinta waa ka baxeen, taas oo keentay in Abuubakar u

xusul duubto sidii uu carab diinta ugu soo celin lahaa,

waxaa bilaabmay dagaalladii loo bixiyey "Xuruub

Alriddah" dagaalladii gaaloobidda, kuwii riddoobay qaar

dagaalladii ayey ku dhinteen intii kalena xoog ayaa lagu

soo celiyey! Miyeysan taasi tusaale cad u ahayn in

quusta shaydaan aysan sii raagin ee ay ku koobnayd

marxalad taagnayd?!

3- xilligii Cali bin Abii daalib dad ayaa diinta ka baxay

oo waxyaabo ay ku gaaloobeen ku kacay, kaddibna

Cali waa uu gubay. 1

4- Waxaa kale oo daliil cad ah xaddiiska ka warramaya

in reer Daws dib u caabudi doonaan sanamkoodii ay

jaahiliyada lahaan jireen, reer dawsna waxaa ay ka

mid yihiin qabaailka jaziiradda dega, waana qolodii

uu ka dhashay Alle haka raalli noqdee saxaabigii

qaaliga ahaa Abuu hureyra.

5- Waxaa kale oo nabigu sallalaahu calayhi wasallama

yiri: "habaynka iyo maalintu ma tegi doonaan iyada

oo aan Laate iyo Cuzze dib loo caabbudin". 2 Laate

iyo Cuzzana waa sanamyadii Maka iyo Madiina iyo

1 Saxiix albukhaari/fatxulbaari:12/267

2 Muslim/nawawi:18/33

79

inta u dhexaysa lagu caabudi jiray, jaziiradda

ayeyna ka mid yihiin.

Dhacdooyin badan oo ummadda soo maray kuna

saabsanaa dad riddoobay iyadana lama koobi karo.

Jawaabahan koobani waxaa ay inoo iftiiminayaan in sidii

nabigu sallalaahu calayhi wasallama sheegay gaalnimadu

kusoo noqonayso jaziiradda iyo ummadda guud ahaanba. 1

Sidii qubuuraha loogu fitnaysnaa xilligii Sh

Maxamed bin C/wahaab soo baxay:

Awoodda tiro iyo ciidan ee dadka qabuuraha ku tiirsan

waxaa ay joogtay halkii ugu sarraysay xilligii sheekh

muxammad soo bidhaamay, taageero siyaasadeed oo

weynna waa ay lahaayeen.

Aynu soo qaadanno tusaalayaal dhowr ah iyo

dhacdooyin sheekhu la kulmay oo qiira-geliyey:

1- Geedkii Darfiya:

Waa geed haweenku aadi jireen marka ay dhalaan,

iyagoo waydiisan jiray in cimriga ilmahan loo

dheereeyo, geedkana dun ama xarig ayey ku xiri

jireen xasuus ahaan!

2- Xilliyadii sheekh Maxamed uu tagay xaramka mar ka

mid ah ayuu arkay dhacdooyin la yaab badan oo ku

saabsan qabuuro iyo muuqaallo la caabudayo!

Waxaa ka mid ahaa qabri dhisan oo aad loo qurxiyey

xayndaabna loo sameeyey ayna ku hareeraysan

yihiin dad ooyaya oo u cabanaya qabriga! Markii uu

dadka waydiiyey qabriga waxaa lagu yiri waa:

Qabrigii Ummul mu'miniin Khadiija binti

Khuweylid! 2

1 Alqubuuriyah Axmed Almucallim:106-110

2 Rawdada ibnu Qannaam:13-14

80

3- Isla safarkaas waxaa uu arkay shay sidii kacbadii loo

sameeyey oo la saaray neef geel ah! Dharka

kacbada oo kalena la huwiyey!! Dad calamo cadcad

wataana ku hareeraysan yihiin!! Farxad iyo

rayraynna ay ka muuqato!! Qaarkood quraan ayey

akhrinayaan, qaarna waa ay ducaysanayaan!

Qaarna waa ay is ruxayaan (xadraynayaan!), ciidan

ilaaliyaana waa ku hareeraysan yahay! Sheekhu

isaga oo daawanaya muuqaalkan ayaa nin u yeeray

oo ku yiri: miyaadan nagala qayb qaadanayn

farxaddan?! Sheekhii ayaa yiri oo xagee u

socotaan?! Mawlaca sheekh Maxbuub ayaan u

soconnaa si aan usoo cuntaynno ayuu ku jawaabay!

Oo sheekh Maxbuub kuma ayuu ahaa?! Sheekh

Maxamed ayaa yiri! Waa sheekh kheyr qaba oo beri

hore dhintay ayuu ninkii ku jawaabay!

Sheekh Maxamed ayaa yiri: oo maxaad la dabbaal

degaysaan?! Ninkii ayaa yiri: geeridiisa ayaan

sannad walba u dabbaal degnaa! 1

4- markii sheekhu soo dhammaystay safarkiisii cilmi oo

uu kusoo noqday Najdi, waxaa uu soo maray

magaalada Axsaa (Baxreyn) dhisme kacbadii loo

ekaysiiyey oo dharkii kacbada oo kale la saaray

ayuu arkay, dadkuna ku noqnoqonayaan! Wuu

gartay in meeshu tahay qabri dhisan, ardaydii

magaalada mid ka mid ah ayuu ku yiri: waa kuma

qabrigani? Wuxuu yiri: waa nin suufi ahaa oo Ciraaq

ka yimi qarnigii hore kaddibna Axsaa degay, nin

saahid ah ayuu ahaa, markii uu dhintay ayaa

wiilkaasi yimid (waa mid markaa qabriga ag

fadhiyey) halkan ayuu ku aasay dhismahanna wuu

ka dul dhisay! Dadka ayuuna xoolo kaga urursadaa!

Weligiina isaga oo tukanaya lama arag!!!

Sheekhu inta uu yaabay ayuu yiri oo sidee ammiirka

magaaladu arrintan ugu ogolaaday?! Ninkii waxaa

1 Ibnu Qannaam:1/13 ٌ Rawdada

81

uu ku jawaabay: Axsaa dawladda Turkiga ayey xiriir

la leedahay, ninkan aasanna dawladda Turkiga ayuu

xiriir la lahaa!!! 1

5- markii sheekhu soo galay Cuyeyna ammiirkii

magaaladuna soo dhaweeyey ayaa sheekhu soo

bandhigay in la dumiyo qubbad laga dul dhisay

qabrigii Zeyd binu Khaddaab, maxaa yeelay dadku

waa ku fitnoobeen hanuunkiina waa ku seegeen,

ammiirkii wuu aqbalay wuuna u fasaxay sheekha in

la dumiyo, sheekha iyo ammiirka iyo 60 nin oo

hubaysan ayaa dumiyey, sheekha ayaana bilaabay,

dadkii deegaanka ayaa isku dayey inay difaacaan

balse kuma ay guuleysan.

Intaasi waa qayb yar oo ka mid ah

muuqaalladii sheekh Maxamed ku kiciyey la

dagaallanka qubuuriyiinta iyo burburinta

qabuuraha lagu fitnoobay.

Bal aynu aragno culimadii ku noolayd dhulal

kala geddisan oo dunida islaamka ka mid ahaa

oo ka warramaya dhibaatooyinka qabuuriyiintu

ku hayeen caqiidada islaamka.

Culimadii Hindiya

Sheekh Axmed Dahlawi

Waxa uu ahaa caalim reer Hindiya ilaa hadda ku

faanaan, qayb weynna ka qaatay faafinta iyo

horumarinta culuumta islaamka qaybaheeda kala

duwan, madaaris badan ayuu aasaasay, culimo

badanna waa ka aflaxday;

Waa halyey taariikhdiisa lagu dhigto dugsiyada iyo

jaamicadaha Hindiya iyo Pakistan, waxaa uu

geeriyooday markii hijriyadu ahayd 1176H.

Isaga oo ka hadlaya dadka qabuuraha ku xiran waxaa

uu yiri: " Haddaad tahay mid ogaanaya qaabaynta

1 Cinwaan Almajdi: 1/65

82

xaaladdii mushrikiinta, Caqiidadoodii iyo

dhaqammadoodii, waxaad eegtaa xaalka caammada

iyo jaahiliinta wakhtigan nool (waa xilligii sh Maxamed

C/wahaab) gaar ahaan kuwa degan hareeraha dhulka

islaamka! Sida ay ka malaysanayaan awliyonimada iyo

waxa ay arrinteeda iska moodsiinayaan!! " 1

Sheekh Ismaaciil Shaah Dahlawi:

Isna culimadii hindiya ayuu ka mid ahaa oo sheekhaa

hore ayaa awoowe u ahaa, waxaa uu yiri: " waxaad

ogaataa in shirkigu ku faafay dadka dhexdiisa xilligan,

waxyaabaha muuqdana waxaa ka mid ah:

- in dadku gargaar weydiisanayaan culimada, nabiyada,

imaamyada iyo shuhadada;

- wax-magaratada muslimiinta oo ku dayday

mushrikiintii hore

- gunta iyo gabagabadu waxaa ay tahay, wax kasta oo

ay sameeyeen dhagax-caabudka hindidu waxmagaratada

muslimiintu waa ay ku sameeyeen

nabiyada, awliyada, imaamyada, shuhadada,

malaaigta iyo jinka. 2

Culimadii Ciraaq

Sheekh Maxamuud Aaluusi oo ahaa caalimkii Ciraaq

geeriyoodayna 1270H, waxaa uu yiri: "dadka badankiisu

waxaa ay badiyeen inay baryaan cid aan Alle ahayn, sida

awliyada, kuwo nool iyo kuwo dhintayba, Sayiddii

hebeloow ii gargaar! Taasina waddo bannaan ma aha". 3

Waxaa kale oo uu yiri: " waxaa taa kasii weyn inay dadka

aasan wax ka doonanayaan! Sida in qof xanuunsan la

caafiyo! Ama mid faqiir ah la hodmiyo! Ama baadi maqan

lasoo celiyo! Wixii dadka ku cuslaadana la fududeeyo!!". 4

1 Alfawz Alkabiir:26

2 Taqwiyatu Al-iimaan:45-47

3 Tafsiir Ruux Almacaani:6/128

4 Ruux Almacaani: 6/127

83

Mar kale waxaa uu yiri: " xog ogaal ayaad u tahay in haddii

dadka maanta jooga arin culusi lasoo deristo bad iyo

berriba ay baryayaan cid aan waxba u dhimi Karin waxna u

tari Karin". 1

Warbixintii taariikhyahan ibnu Qannaam 2 :

Caalimkan oo ka mid ah ardaydii ka aflaxday

sheekh Maxamed bin C/wahaab Alle ha u

naxariistee, isla markaana noqday taariikhyahan

weyn oo miizaan ku leh jaziiradda carbeed waxaa

uu yiri isaga oo ka warbixiniya xaaladdii dadku ku

sugnaa markii sheekhu soo baxay:

"Bilawgii qarnigii 12aad waxaa dadka badankiisu

ku daatay shirkiga, jaahiliyadii ayeyna u noqdeen,

iftiinkii islaamka iyo sunnadiina waa ka baaba'day

dhexdooda, dadkii cilmiga iyo garaadka lahaa oo

le'day darteed, iyo wax magaratada iyo dadka

hawaraaca ah oo isa sarraysiiyey! Kitaabkii Alle

dhabarkooda ayey ka tuureen! Wixii baadinimo

ahaa oo ay aabayaashood kasoo gaareen ayey

raaceen, iyaga oo is leh in odayaashu xaqa ka

ogaayeen hanuunkana ka badiyeen……

Waa ay ka bayreen cibaadadii Alle kaligii lahaa,

waxayna u leexdeen dhinaca awliyada iyo

saalixiinta, kuwo nool iyo kuwo dhintayba!

Musiibooyinka iyo balaayooyinku marka ay

dhacaan iyaga ayey gargaar waydiistaan,

danahoodana iyaga ayey la aadaan, dhagaxanta

iyo dhirta ayey aamineen inay dhib iyo dheef

hanan karaan! Dadka qabuuraha ku jira ayeyna

caabudeen! Ducadii iyo nadarkiina iyaga ayey u

leexiyeen! Xilli doog iyo abaareedba! Iyagoo

arintaa kaga hormaray mushrikiintii jaahiliyadii

1 Ruux Almacaani:11/98

2 Wuxuu ahaa reer Axsaa wuxuu dhintay sannadkii 1225H

84

hore, maxaa yeelay kuwaasi marka dhibaatadu

taabato cid aan Alle ahayn ma ay baryi jirin!

Iyagoo weliba cibaadada baraxtirayey! Balse

marka Alle badbaadiyo ayey shirkiga ku

noqonayeen!! …………….

Arrintaasi gobol kuma gaar ahayn ee gobollada iyo

jihooyinka oo dhan ayey ku baahsanayd! Mana

bilaaban bilawgii sheekha ee in badan ayey ka

horraysay! Qarniyadii wanaagsanaa markii ay

tageen ayey bilaabatay, kadibna wakhtigu waa

socday iyadoo baadinimadu sii kordhaysay! Ilaa ay

ka yimaaddeen dad aaminsan in diintuba

baadinimadaas tahay! Maxaa yeelay? Aabbayaal

iyo awoowayaal iyo facyaal hore ayaa sidaa ku

sugnaa, waxaa ayna yiraahdeen raadkoodii ayaanu

haynaynaa!!!

Reer Najdi arrintaa wax weyn ayey ka haysteen!

Qabriga Zayd binu khaddaab oo meesha jabiilla la

yiraahdo ku yaalley ayey iman jireen oo

barakaysan jireen oo kurbooyinka inuu ka faydo

waydiisan jireen arin caan ah ayeyna ahayd!

Reer Xijaaz:

Xaramka Maka ee sharfan wixii lagu samayn jiray

miyaa?! In badan ayuu ka darnaa meelaha kale.

Waa goobahaas daahirka ah, reer miyiga iyo

faasiqiinta iyo dadka baadiyeysan waxaa ay ku

samaynayeen wax qalbigu la murugoodo!

Xaaraantii ayaa dhexdiisa lagu tuntay, dad badan

ayaana sidaa muujistay! Dadka cilmiga lehna wax

isbedel ah ma keenayn oo iyaga ayaaba xaqa ka

hor imanayey baadilkana difaacayey!

Dhacdooyinkaa waxaa ka mid ahaa wixii ay ku

samayn jireen qabriga nin la oran jiray Abuudaalib

85

(xukuumaddii ashraafta ayuu ka mid ahaa) waxaa

ayna baryi jireen marka musiibooyinku dhacaan!

Sidoo kale ayey ku samayn jireen qabriga nin la

oran jiray Maxbuub oo Daaif ku aasnaa! Waa ay

weynayn jireen shafeecadana waa ay waydiisan

jireen! Iyo weliba danbi dhaaf!!

Haddii tuug magan galo labadan qabri waa la deyn

jiray haddiise uu kacbada ku dhego waa laga soo

fujin jiray! Wax xurmo ahna lama siin jirin!!

Waxaa kale oo ka mid ahaa wixii ay ku samayn

jireen qabriga hooyooyinka mu'miniinta (xaasaskii

nabiga sallalaahu calayhi wasallama) sida

Maymuuna iyo Khadiijo, oo xumaan iyo xaaraam

isugu jiray qof muslim ahina uusan bannayn Karin,

iskaba daa inuu Alle ugu dhawaado ama cibaado

ka dhigtee.

Waxa qabriga nabiga sallalaahu calayhi wasallama

lagu samayn jiray miyaa?! Oo ah dunuub waaweyn,

sida dhabanka oo la booreysto! Iyadoo la

rukuucayo ama la sujuudayo isdullayn darteed!

Sidaana xaflado lagu qabsado! Waxayna ahayd

wax aan qarsoonayn in la sheegana ka muuqaal

badnaa! Nabiguna sallalaahu calayhi wasallama

waa lacnaday qofkii sidaa yeela intaa ayaana

canaan iyo gooddi ugu filan.

Carrabku wuu ka daalayaa waxa lagu samayn jiray

qabriga Xamze agtiisa! Iyo Baqiic iyo Quba!!

Qalinkuna wuu ka caajisayaa inuu caddeeyo!!!

Waxa Jidda lagu samayn jiray miyaan ka

warramaa?! Balaayadu waa ay ku fidday

baadinimada iyo xumaantuna waxaa ay gaartay

meeshii ugu sarraysay!

Waxaa ay haysteen qabri dhererkiisu yahay lixdan

dhudhun! Qubbadna laga dul-dhisay!! Oo ay

86

sheeganayeen inuu yahay qabrigii ayeeyo Xaawo!!!

Shayaadiinta qaarkood ayaana sameeyey oo

diyaariyey wakhti hore!!!

Waxay kaloo haysteen qabri ay ku magacaabi

jireen Calawi! Oo ay weyneyntiisa ku dhaafeen

uunka oo idil!! Haddii tuug ama gacan-kudhiigle

qabrigiisa galo qof mu'min ah iyo mid faasiq ah

toona uma tallaabsan jirin kumana dhiirran jirin!!

Qofkii ciiddiisa magan gala waa la magan gelin

jiray cid madaxda ka mid ahina dhib uma geysan

jirin!!!

Reer yeman:

Wixii magaalooyinka Yeman lagu samayn jiray

miyaa oo shirki iyo fitno ahaa?!! Waa ay ka badan

yihiin in la raadraaco oo lasoo koobo!

- Sida reer Sanca: oo ku xirnaa qabri nin la

yiraahdo Alhaaddi! Waa ay ku jarmaadi jireen

kuna carraabi jireen qabrigiisa!!

- Reer Buruc: waxay haysteen Burci! Waana nin

masaafooyin dhaadheer loosoo goyn jiray!

- Reer Xadramawt iyo Shixir iyo Yaafic iyo Cadan:

baadinimada ayaaba dhex degtay! Caydaruus

ayey haysteen oo lagu ag sameeyo shirki iyo

baadinimo wax aan la faahfaahin Karin!

- Reer Makha: waxaa ay haysteen Shaadali oo

aysan baryadiisa ka daali jirin!

- Reer Xudayda: Sheekh Sadiiq oo ay aad u

weyneyn jireen!

- Dhulka Najraan: tii ugu darnayd ayaa ka

taagnayd! Waxaa ay hasteen ninkii ay u

yaqaaneen Sayid oo reer miyiga iyo qabaailka ku

teedsani aad ugu fogaadeen!!!

Ibnu Qannaam waxaa uu yiri ugu danbayntii:

Qofkii arka waxa ay ku kacayeen dadkii ku noolaa

dhulalkii muslimiinta isagoo iimaanka garanaya

87

waxaa u caddaanaysa sida islaamku u nuxuusay

xilligaa! Dheefta adduunyada iyo waxa naftu

jeceshahayna ay u ahaayeen ujeeddada iyo danta

ugu weyn ee ay ka lahaayeen jiritaanka iyo

joogitaankaba!

Wuxuu haddana yiri: " sidaasi waa sidii badnayd

balse muslimiintu kuma wada sugnayn, oo Alle

ummadda baadinimo kuma kulmiyo jaahilnimana

kuma wada sifowdo, sida axaadiista saxiixa ah ku

timid oo nabigu sallalaahu calayhi wasallama uu

sheegay inaysan dhammaanayn dad had iyo jeer

waddadiisii iyo dhaqankiisii ku dhegan ilaa

qiyaamuhu ka oogmo….". 1

Horay ayeynu usoo xusnay markhaati-kacii culimada

reer Hindiya iyo Ciraaq.

1 Rawdada ibnu Qannaam:1/10, Sh maxamed c/wahaab: Saalix Alcabuud:1/60-71

88

Qabuurihii Masar, Shaam, Ciraaq, Turkiga iyo

dalal kale: 1

Masar-Qaahira:

Waxaa Qaahira ku yaallay in ka badan 294 qabri oo dhisan

oo macaamiil badani ku xirnayd! Waxaa ka mid ahaa kuwa

ugu caansan:

- Madaxii Xuseyn bin Cali bin Abiidaalib (waa waqdhis

loo sameeyey ee madaxa masar lama keenin, waana

la isku khilaafsan yahay halka lagu aasay? Ma Ciraaq

mise Shaam mise Madiina?)

- Xaruntii Sayida Sakiina

- Sayida Nafiisa

- Sayida Saynab

- Imaam Leyth bin Sacad

- Imaam Shaafici

Kuwa kale ee Masar ku yaallay balse aan Qaahira ku ool

waxaa ka mid ahaa Qabriga Sayid Badawi! Oo ku

yaalla "Tanta" waa qabri aad loogu xiran yahay ilaa iyo

hadda! Aadna loogu fitnoobay!! Qoraayaasha reer masar

ee xitaa aan diinta ka hadlin ee arrimaha bulshada ka

hadlaa qoraallo badan ayey ka sameeyeen ay ku

sheegayaan dhaqaalaha lagu bixiyo qabrigan iyo

miizaaniyadda dadka gacanta ku hayaa kasoo

xereeyaan! (Qoraayaashaa waxaa ka mid ah Axmed

Mansuur oo ka mid ah hormoodka kanaalka Aljaziira,

una dhashay dalka Masar).

Gabayaagii webiga Niil Xaafid Ibraahim waakii lahaa:

!!! تاوملأا قزرت فلأ فلأبو مهردب نوقزرٌ لا انؤاٌحأ

Kuweenna nool shilin lama siiyo, balse mawtida

malyuun ayaa la siiyaa!!!

Shaam:

1 Aldacwatu Al-islaaxiyah fii bilaadi Al-najdi:C/laahi Almudawac:56-58

89

Tirada qabriyada dhisan ee Shaam ku yiillay aad ayey u

badnayd, Dimishqa iyo hareeraheeda waxaa yaallay ku

dhawaad 200 oo qabri! 27 ka mid ah ayey ku tilmaami

jireen inay saxaabadii ka mid yihiin!!

Kuwa Shaam ugu caansanaa:

- Xarunta Nabi Yaxye bin Zakariye calayhi salaam oo

Lubnaan ku tiilley.

- Xarunta Shamcuun ee bariga Lubnaan.

- Xarunta nabi Daauud calayhi salaam.

- Xarumo lagu magacaabay labada nabi: Ayuub iyo

Saalix oo falastiin ku yaallay.

- Xarumo lagu magacaabay nabiyada is dhalay:

Ibraahim, Isaxaaq, Yacquub iyo Yuusuf oo intuba ku

yaalla Falastiin magaalada Khaliil!!

- Xarunta nabi Yuunus oo iyaduna Falastiin ku taallay!

Kuwan iyo kuwo kale oo aan la koobi Karin ayaa ku

faafsanaa carriga Shaam ilaa iyo haddana jira oo

dadka lagu fitneeyey aroor iyo galabna lagu carraabo!

Iyadoo waxtar la weydiisanayo!!

Ciraaq:

Basra: qabriyo badan oo saxaabadii qaarkood lagu suntay

ayaa ku yiilley, sida Dalxa, Subeyr, Cutba bin Qazwaan,

Miqdaad bin Aswad, C/raxmaan bin Cawf, Anas bin Maalik

iyo kuwo kale.

Najaf iyo Karbala: waa laba magaalo oo shiicada aan lagu

tarraxin! aad ayey qabuuraha dhisan hodan ugu yihiin, sida

loo weyneeyana ma aha si la tilmaami karo, bil sannadka

ka mid ah oo dadka labadaa magaalo degan aysan xaflado

qabuureed lahayn ma jirto! Najaf waxaa ay u bixiyeen

Najaf Al-ashraf! (najaftii sharafta badnayd!)

90

Waxaa labadan magaalo ku kala yaalla qabriga Cali bin

Abiidaalib oo Najaf ku yaal iyo qabriga wiilkiisa Xuseen bin

Cali oo Karbala ku yaal!

Taariikhyahannada ahlu sunnuhu waxaa ay isku waafaqsan

yihiin in Cali lagu aasay Kuufa oo ahayd halkii caasimadda

u ahayd, isla qasrigii madaxtooyada ayaana lagu aasay.

Qabrigan Najaf ku yaalla ee shiicadu ku fitnowday ma aha

qabrigii Cali, Najafna laguma aasin, waxaa la isku

khilaafsan yahay inuu yahay qabri ay iyagu been

abuurteen iyo inuu yahay qabrigii Muqiirata bin Shucba! Oo

ah saxaabi weyn oo shiicadu aad u necebyihiin!!

Maadaama uu ka mid ahaa madaxdii Mucaawiye kuwii uu

ugu kalsoonida badnaa, garaadkiisa iyo ra'yigiisa bisil

darted, dhammaan saxaabada Alle haka raalli noqdee.

Turkiga-Istanbuul:

Waa caasimaddii Cusmaaniyiinta, waxaa ku yaal 481

masjid oo jaamac ah! Mid kastaana qabuuro dhisan ayaa

ku yaal!!

Hindiya iyo Afgaanistaan:

Iyaguna ma aha kuwo qalin lagu tilmaami karo afna laga

sheegi karo! Si weyn ayey ugu daydeen Hunduuska iyo

Buudiyiinta ay deriska la yihiin, waxa kuwaasi

qabuurahooda ku sameeyaan ayeyna kaga daydaan.

Intaasi waa daraasad kooban oo inoo sheegaysa sidii

xaaladda dunida islaamku ahayd markii uu soo baxay

Sheekh Maxamed bin C/wahaab Alle ha u naxariistee.

Waa xaalad aynu ka arkayno sidii dadku u xalaalaystay

wixii sharcigu xarrimay ee ahayd in qabuuraha la dhiso;

Waa arrin ina tusaysa sida diin looga dhigtay wixii nabi

Muxammad sallalaahu calayhi wasallama lacnaday!

91

Waa arrin murugo leh oo aan ka arkayno sida dadku

tawxiidkii uga fitnoobay, oo iyagoo aan is ogeyn ay

quluubtoodii u jiheeyeen meelo kale, xoolahoodiina ku

idleeyeen wax shaydaan u qurxiyey! Ilaa ay ka noqdeen

dad aan hammi kale lahayn ka fekerka qabriyada mooyee!!

Dadkaasi sow adduun iyo aakhiraba ma tacab beelin?!

In qabuuraha lakala barto, la raadiyo, loo safro, xoolo loo

kaxeeyo, dhallaanka lagu ababiyo, ayaa ahaa dhaqan aad

u baahsan oo jiray xilligii Sheekh Maxamed bin C/wahaab u

istaagay masuuliyaddaa aadka u weyn, isagoo ujeeddadiisu

ahayd in dadka Alle loosoo celiyo, cidii Alle kasoo hartayna

xaq aysan lahayn aan la siin, booskoodana aan la

dhaafsiin, taasina tahay waddadii liibaanta adduun iyo

aakhiro.

92

Burburintii Qabuuraha

waxaan soo xusnay inaan qabuuraha la dhisi Karin ciddii

dhistana uu nabigu lacnaday sallalaahu calayhi wasallama,

nabiguna uu amar ku bixiyey in la dumiyo qabuuraha

dhisan laguna celiyo sidoodii caadiga ahayd, saxaabaduna

sidaa ku dhaqmeen oo fuliyeen amarradii nabi muxammad

sallalaahu calayhi wasallama.

Iyadoo Sheekh Muxammad C/wahaab uu qaadayo waddadii

nabi muxammad sallalaahu calayhi wasallama iyo

saxaabadiisa, uuna dhaqan gelinayo amarkii nabiga ayuu

dawladihii uu heshiiska la galay amar ku siiyey inay

dumiyaan qabuuraha dhisan maadaama ay sharci darro

tahay!

Waa aynu soo xusnay xilligii sheekhu joogay Cuyeyna oo

ibnu Macmar ka talinayey inuu dumiyey qabrigii Seyd binu

Khaddaab oo jabiilla ku yaallay, sidoo kale ayaa reer

sacuudna yeeleen oo dhulkii ay ka arrimin jireen waa ay ka

sifeeyeen qabuurihii dhisnaa, meel walba oo ay furtaanna

shaqada ugu horreysa ayey ka dhigi jireen! Saddex ammiir

ayaa sheekha xilligiisii xilka isaga danbeeyey oo kala ahaa:

Maxamed bin Sacuud, C/casiis bin muxammed iyo Sacuud

bin C/casiis, saddexduba si hagar la,aan ah ayey ugu

istaageen hawshaa, Najdi ilaa koonfurta Yeman oo

xukunkoodu gaaray (xilligii dawladdii sacuudiga ee

kowaad) ayey tirtireen dhismayaashii qabuuraha ee ku

yiilley! Sidaa si la mid ah ayey sameeyeen ammiirradii ka

danbeeyey ilaa kuwa hadda jooga.

93

Arrin muhiim ah marka la burburinayo

qabuuraha dhisan.

Mar haddii qabuuraha oo la dhisaa tahay xaaraam munkar

ah oo shareecadu diidday, in la dumiyaana waajib tahay

sidii aynu soo xusnay, waxaa lagama maarmaan ah in

fulinta waajibkaa la waafajiyo hannaanka sharcigu u

sameeyey tirtiridda munkarka;

Darajooyin saddex ah ayaa sharcigu u jeexay in lagu

wajaho munkarka, hadba tii suuragal ah ayaana la

adeegsanayaa, qofka muslimka ahi haddii uu fuliyo wixii

karaankiisa ah laguma leh wax kale, waajibkiina sidaa ayuu

ku noqonayaa qof ku gutay.

Tallaabooyinka loo maro tirtiridda munkarka:

1- Gacanta oo lagu tirtiro: qofku haddii uu awoodo

waxaa ku waajibaysa inuu munkarka ku bi'iyo

gacantiisa, inuu af ka sheegana waajib kagama

dhacayo, sida madaxweynaha dalka xukuma, ama

amiirka gobol ka taliya ee fasax ka haysta dawladda,

ama waxa qofka gurigiisa ka dhacaya ee sharciga

khilaafsan ee caruurtiisa ama reerkiisu samaynayo

waxaa ku waajibaysa inuu gacanta ula tago sidaana

ku tirtiro.

2- Afka oo laga inkiro: waa darajada labaad ee qofku

usoo dhacayo haddii uu kari waayo inuu gacan ula

tago oo shaygu ka baxsan yahay karaankiisa, sida

wax u baahan dawlad oo haddii uu gacan ula tago

isku dhac imanayo, ama gurigiisa meel aan ahayn

ka dhacaya haddii uu faraha la galana dhib kasoo

gaarayo, taa waxaa waajib ku ah inuu afka ka

inkiro, caddeeyana sida sharcigu yahay.

3- Inuu qalbiga ka naco: haddii afkii xitaa uusan ku

nabad gelayn oo dhib soo gaarayo dil, ama garaac

ama xabsi i.w.m waxaa laga doonayaa qofka

muslimka ah in uusan munkarka ka raalli noqon

94

qalbigiisuna la qabsan, ee waa inuu qalbiga ka

nacaa, kuna fekeraa hadii uu awood u lahaan lahaa

inuu tirtiri lahaa waxna ka qaban lahaa, hadii uu

sidaa yeelo isna waajibkii waa ka dhacay.

Talllaabooyinkaa ayaa loo maraa tirtiridda munkarka iyo

wax ka qabashadiisa, waxaana sharcigu ilaalinayaa

marka uu waddadaa inoo jeexayo in dhibka jira mid ka

weyni uusan iman, oo haddii dhib ka weyni imanayo

munkarka tirtiriddiisii ayaa munkar noqonaysa, kasii

weyn kii hore ee laga dhiidhinayey.

Nabigeennu sallalaahu calayhi wasallama isaga oo inoo

sheegaya arintan waxaa uu ku yiri xaddiis imaamu

muslim weriyey:

مل نمف هناسلبف عطتسٌ مل نمف هدٌب هرهٌغٌلف اركنم مكنم ىأر نم

" نامٌلإا فعضأ كلذو هبلقبف عطتسٌ

Oo micnihiisu yahay" qofkii idin ka mid ah ee arka wax

sharcigu reebay haku beddelo gacantiisa, haddii uusan

kari Karin haku beddelo carrabkiisa, hadii uusan kari

Karin haku beddelo qalbigiisa, taa ayaa iimaanka ugu

darajo hoosaysa".

Munkarka oo la tirtiraa waa iimaan, in laga raalli

noqdaana iimaanka ayey wax yeelaysaa.

Haddii aynu garannay tallaabooyinkaa, aynuna garannay

in qabuuraha oo la dhisaa munkar tahay, tirtiridooduna

tahay waajib diini ah, see ayuu ula dhaqmay nabi

muxammad sallalaahu calayhi wasallama qabuurihii

dhisnaa saxaabaduse see yeeleen waddadeese mareen?

Nabigeennu sallalaahu calayhi wasallama sannadkii uu

gutay cumradii la oran jiray Cumratu Alqaddaa,

sannadkii 7aad ee hijriyada, waxaa hareeraha kacbada

ka dhisnaa in ka badan 300 oo sanam oo Carabi

leedahay, Maka hareeraheeda iyo inta Madiina u

dhexaysay waxaa iyagana yaallay sanamyo badan, iyo

weliba qabuuro badan oo dhisan.

95

Nabigu sallalaahu calayhi wasallama marka uu

cumraysanayey waxaa uu watay ciidan kun iyo dhowr

boqol ah, qureyshi kama awood badnayn nabiga iyo

saxaabadiisa, sidaas oo ay tahay nabiga iyo saxaabadu

ma taaban qabuurihii Maka iyo sanamyadii toona, iyo

weliba kuwii u dhexeeyey Maka iyo Madiina, maxaa

yeelay? Nabigu sallalaahu calayhi wasallama nafta

saxaabadiisa ayaa kala qiima badnayd inay qabri

dumiyaan ama sanam jabiyaan markaana loo dilo, ama

dagaal dhaco.

Sannadkii Maka la furtay qureyshna laga adkaaday ayaa

nabigu sallalaahu calayhi wasallama si sahlan u

burburiyey sanamyadii, saxaabadana u kala diray

hareeraha Maka si ay usoo dumiyaan qabuuraha iyo

sanamyada dhisan, markaa ayuu nabigu siiyey Cali bin

Abii daalib amarkii aynu soo marnay ee ahaa inuusan ka

iman sawir taagan iyo qabri kor u qaadan midnaba.

Maxaa yeelay? Qabuurihii iyo sanamyadii ma laha

maanta cid difaacaysa oo u dhimanaysa, saxaabadana

wax dhib ahi kama soo gaarayo, dadkii dhistayna waa

islaameen oo waa arkeen in wuxu boombale yihiin

shaydaan ku mashquuliyey!

Sidaa oo kale ayaa loola dhaqmayaa xilli kasta

qabuuraha dhisan, haddii dadka ku xirani yihiin kuwo

hubaysan oo awood leh ma bannaana in la taabto, ma

aha in qabuuraha loo turayo, ee in fitno iyo dagaal dhaco

ayaa laga cararayaa oo dadka duminaya uusan dhib

kasoo gaarin, dadkii diinta qaadan lahaana aysan sidaa

uga didin.

Waxaase waajib ah in la qaado labadii tallaabo ee kale:

in carrabka lagu caddeeyo waxani inay sharci darro

tahay, masaajidda laga sheego, meelaha la isugu

yimaado laga sheego, dadka la tuso in kutubta

Axkaamta ka hadashaa dhammaanteed sidaa

caddeynayso, hadii qofku naftiisa markaa u baqo oo

96

meel looga itaal badan yahay joogo waxaa la doonayaa

inuu naftiisa u turo oo qalbiga ka naco shaygaa

xaaraamta ah.

Haddaba dadka isku mashquuliya inay qabuuraha

dumiyaan iyada oo qabuuruhu leeyihiin ciidan difaaca iyo

hub lagu difaaco, waa inay dib u jalleecaan siiradii nabi

muxammad sallalaahu calayhi wasallama iyo

siyaasaddiisii arintaa ku saabsanayd, hirgelinta

shareecadana waa in loo maraa waddo sharci ah oo aan

meel cid la' ah la iska qarda jeexin, dadka cilmiga iyo

garashada Alle ku mannaystay waa in laga talo qaataa,

ee aan siyaasad laga dhigan caadifad iyo laab lakac.

Maxaa dhacaya haddii aan sidaa la yeelin?!

In waddadii nabi muxammad sallalaahu calayhi

wasallama la khilaafo ayaa imanaysa, khilaafka nabigana

sallalaahu calayhi wasallama laguma gaaro guul ee waa

lagu jabaa, adduun iyo aakhiraba.

Dadka sidaa yeelayaana waxaa ay sababi karaan

arrimahan soo socda:

-Waxaa ay ummadda dhaxalsiinayaan cawaaqib xumo

aan laga soo waaqsan tan iyo jiilalka soo socda;

- waxaa ay ummadda u horseedayaan burbur iyo

dagaallo hor leh, xilli ummaddu la il daran tahay dhibkii

kasoo gaaray qaranjabkii hore;

- waxaa ay fursad siinayaan cadawga ummadda oo mar

walba yididiiladoodu tahay inaynu diif iyo darxumo la

ildarraanno;

- waxaa ay dadka ku dirayaan barashada diinta iyo ku

dhaqankeedaba, waxaana iman karta mar sanka laga

qabsado cid kasta oo astaan diineed ka bidhaamayso;

97

Sheekh Muxammad C/wahaab Alle ha u naxariistee

cilmigiisa iyo kasmadiisu aad ayey u sarraysay, si uu

hadafkiisa u gaaro, waxaa uu arkay in ay lagama

maarmaan tahay in la helo awood sharciga fulisa, taa ayaa

ku kalliftay in uu muxammad bin sacuud ku qanciyo

manhajkiisa, ujeedadiisana u sharxo, kalsoonina ku siiyo in

uusan xukunkiisa damac kaga jirin.

Amiirkii Alle waa qanacsiiyey, sheekhu nasiib ayuu lahaa,

sabirkiisii dheeraa Alle kuma qadin iskaashigaa ayaana mid

kastaa hadafkiisii ku gaaray.

Waa tusaale ku dayasho mudan in maanta la helo sheekh

diinta aqoon durugsan u leh, lilllaahina ku shaqaynaya

damac adduunyana ka fog, iyo hogaamiye niyadsan oo

aammina in uu sharaf iyo karaamaba ku gaarayo

dhaqangelinta diinta Alle, adduun iyo aakhirana ku

liibaanayo.

98

Qabta Shanaad

Marxaladihii Halganka iyo mirihiisii

Marxaladihii halganka

Kutubtii Sheekhu qoray

Ardaydiisii iyo awlaaddiisii

Dawladihii Sacuudiga

Raadkii uu ku yeeshay dibadda

jaziiradda carbeed.

99

Marxaladihii dacwada 1

Culimadii ka taariikhaysay halgankii sheekh Maxamed bin

C/wahaab waxaa ay u qaybiyeen marxaladihii uusoo

maray, afar qaybood oo u kala habaysan sidan soo socota:

1- Baaqiisii xilligii uu cilmiga baranayey

2- " " " " Xureymala joogay

3- " " " " Cuyeyna joogay

4- " " " " Dirciya degay.

Marxaladda koowaad: Xilligii waxbarashada

Marxaladdan waxaa sheekhu dareemay baahida dacwada

loo qabo iyo inay daruuri u tahay nolosha dadka,

maadaama ay faafsan yihiin wax badan oo diinta garab

marsan.

Waxaa uu markaa bilaabay in uu dadka ku baraarujiyo

gefafka ay samaynayaan ee caqiido iyo cibaado iyo akhlaaq

intaba ku saabsan.

Marxaladdani waxaa ay ka bilaabmaysaa markii sheekhu

tacliintiisa ka bilaabay Maka iyo Madiina ilaa uu soo maray

Cuyeyna, Basra, Axsaa, waxayna ku dhammaanaysaa

imaanshihiisii Xureymala.

Muuqaalladii marxaladdani lahayd:

Waxaynu marxaladdan ka dheehanaynaa waxyaabahan

kala ah:

Sidii sheekhu u haleelay xaaladda liidata ee ummaddu

ku jirto, iyo sida uu uga xumaaday waaqicaas ugana

dhiidhiyey fekerkiisana ugu mashquuliyey inuu wax ka

qabto.

1 Waxaad ugu noqotaa marxaladaha dacwada Aldacwa Alislaaxiya:171-178

100

Wada-sheekaysiga uu macallimiintiisa kala yeeshay

arrimahan, gaar ahaan markii uu Madiina joogay.

Isaga oo muslimiinta qaarkood ku baraarujinayey

khaladaadka ay samaynayeen gaar ahaan caqiidada.

Isaga oo shiicada ku diidi jiray khaladaadka ay Basra

ku samayn jireen, waxyaabaha ay daliilka ka

dhigtaanna burin jiray kana jawaabi jiray, waana

arrintii sababtay in Basra laga soo saaro.

Marxaladdii labaad: Xureymala

Waxaa ay ka bilaabmaysaa markii sheekhu kasoo

noqday safarkiisii dheeraa ee uu ku bixiyey barashada

cilmiga, kaasoo qaatay 16 sannadood qiyaastii, waxaa

ayna ku egtahay ka bixiddiisii Xureymala markii uu ka

badbaaday shirqoolkii addoonta.

Muuqaalladii marxaladdan:

Iyada oo sheekhu ka dhiirranaa sidii uu ahaa

ardaynimadiisii.

Isaga oo si guud dadka ugu boorrinayey inay diinta

ku dhaqmaan.

Isaga oo durayey garsoorayaasha lacagta ku qaata

kala xukumidda dadka, laaluushna arrintaa u

arkayey.

Markii uu intaa sameeyey ayaa aabbihii lagu

dacweeyey, kaddib waxaa uu bilaabay hawlahan

kale:

Waxaa uu samaystay xer isaga si gaar ah ugu xiran

oo cilmiga ka barata

Aabihii ayaa isla mararkaa dhintay markaana waxaa

uu soo saaray kitaabkiisa Altawxiid la yiraahdo.

101

Markii Aabbihii dhintay Xureymala kuma soo harin

cid cilmi sheegata oo isaga isku dhererin karta,

ummaddiina waa ay raacday, iyagoo ka arkayey

tilmaamo lagu dayan karo oo ka muuqday.

Baaqiisii ayuu sii xoojiyey dadkuna mar walba waa

kusoo hiranayey, wuxuuse uga tagay magaalada

maamul xumadii ka jirtay iyo fawdadii ku

baahsanayd.

Marxaladdii saddexaad: Cuyeyna

Sheekhu Cuyeyna ayuu gaaray qiyaastii 1154tii hijriyada,

amiirkii magaaladuna waa soo dhaweeyey, horay ayuuna

ugu xirnaa sheekha, waa uu maamuusay taageerana waa u

ballanqaaday, dadkii uu u talinayeyna wuxuu amar ku

siiyey inay sheekha garab istaagaan, kheyrka uu

sheegayana qaataan.

Muuqaalladii marxaladdan:

Dadka dacwada u heellan oo reer Cuyeyna ah oo

kordhay.

Iyada oo duruus dad badani ka faaiidaystaan la

sameeyey.

Waxyaabihii dadku ku fitnaysnaayeen sida:

qabuuraha, dhirta i.w.m oo la dumiyey.

Iyadoo dadka la waaninayey, kuwii basar xumo ku

kacana la edbinayey.

Ciqaabaha sharciga qaarkood oo la fuliyey oo ay ugu

weynayd haweentii dhagaxa lagu dilay.

Rag ducaad ah oo loo kala diray hareeraha Cuyeyna si

ay dadka ugu sharxaan xaqiiqda jirta.

Culimada iyo madaxda Cuyeyna ka baxsan oo

warqado iyo baaqyo loo kala diray.

102

Iyada oo marxaladdani saamaysay dad magac iyo

maamuus ku lahaa magaalooyinkii deriska la ahaa

Cuyeyna, sida ilma Sacuud: Mashaari iyo Thaniyaan

iyo wiilkii amiir Maxamed bin Sacuud uu dhalay ee

dhaxal sugaha ahaa iyo weliba haweentii amiirka.

Marxaladdani waxaa ay ku egtahay ka bixiddii sheekhu

Cuyeyna ka baxay, waa aynuna soo sheegnay sababtii

keentay.

Marxaladdii Afaraad: Dirciya

Waxaa ay ka bilaabmaysaa markii sheekhu soo gaaray

isaga oo laga soo saaray magaaladii uu ku dhashay.

Marxaladdani waa tii halganku biya-dhigay, waana

marxaladda ugu ballaaran uguna miro badnayd.

Waa marxaladdii guusha, waa markii ugu horraysay ee la

aasaasay dawladda Sacuudiga, wax kasta oo suuroobi

karana waa la adeegsaday marxaladdan.

Marxaladdan dacwadu waxaa ay isku darsatay: Aragti iyo

dhaqangelin, culimo iyo madax, deegaan iyo shacab.

Xikmaddii ku jirtay ku tiirsanaanta awoodihii jiray:

Waxaa iswaydiin mudan maxaa sheekhu marba isugu

bandhigayey awoodihii jiray ee qabaailka? Muxuu

ardaydiisa iyo inta raacda kacdoon ugu abuuri waayey sida

dadka qaarkoodba sameeyaan ha guuleysto ama ha

jabee?!

Jawaabtu waxaa ay tahay: qofka ku baaqaya wax dadka

badankiisu ku khilaafsan yihiin, wuxuu u baahan yahay

garab iyo gaashaan adag, si uu naftiisana ugu nabad galo,

hadafkiisana uga mira dhaliyo.

103

Tusaale waxaa inoogu filan nabi Muxammad sallalaahu

calayhi wasallama markii uu Maka joogay, immisa qabiil

ayuu isu bandhigay xilliyadii ay xajka imanayeen?! isaga

oo oran jiray: " Ma jirtaa cid I qaadaysa oo tolkood I

dhex geynaysa, Qureyshi way I diidday inaan

hadalka Rabbigay dadka gaarsiiyee?" 1

Alle waxaa uu Nabigiisa ku beegay qabiil adag oo ballan

qaaday inay ka difaacayaan cid kasta oo ay naftooda iyo

caruurtooda iyo ehelkoodaba ka difaaci lahaayeen,

qolodaasi waa Ansaar, Alle iyagana sharaf ayuu siiyey

adduun iyo aakhiraba, nabiguna garab iyo gaashaan ayuu

helay, sidaa ayuuna ku gutay xilkiisii.

Waxaad halkaa ka arkaysaa in meesha nabi Muxammad oo

Alle ilaalinayey uu hiil iyo garab uga baahday in cid kasta

oo kalena uga sii baahi badan tahay.

Mirihii heshiiskii taariikhiga ahaa:

Heshiiskii taariikhiga ahaa ee dhex maray imaamka iyo

amiirka, waxaa laga dhaxlay faaiidooyin aad u waaweyn,

waxaan kasoo qaadan karnaa:

1- kaalinta heshiisku ka qaatay faafidda diinta Alle oo

ka saafi ah: barax, bidco, khuraafaad dhankastaba

leh.

2- Manhajkii ahlusunnaha oo lasoo nooleeyey iyo in

lagu daydo salafkii suubbanaa.

3- Iyadoo la dhigay dhagaxii ugu horreeyey ee lagu

istaajiyo dawlad carbeed oo xoogan oo diin ku

dhisan, jaziiradda dhexdeedana ka curatay.

4- Axkaamtii kutubta ku taallay oo la dhaqan geliyey

cibaado iyo mucaamalaadba, astaamihii diintuna

meel walba ka muuqdeen.

5- Dhaqdhaqaaq cilmi oo xoogan oo ku beermay Najdi

iyadoo ka dhalatay duruustii badnayd ee sheekhu

1 Siirada nabiga ee ibnu kathiir:1/437

104

ixinayey iyo culimadii kale ee kusoo hiratay

waagan baryey.

6- Xasillooni, amni iyo midnimo saamaysay gebi

ahaanba jaziiradda.

7- Muslimiintii dunida ku nooleyd kuwo dhawaa iyo

kuwo fogaaba oo loo bandhigay baaqii sheekha.

8- Iyaga oo ku midoobay hal manhaj iyo hal nidaam,

markii horena beelbeel iyo tuulo tuulo u kala

tagsanaa, manhaj diineed iyo mid adduunyo

midnaba aan ku midaysnayn.

9- Iyadoo ay Najdi dunida ka caanbaxday noqotayna

meel tilmaaman, halkii markii hore ay ka ahayd

meel aasan oo liidatay.

Iyo raadadka aynu si faahfaahsan ugu sheegayno

qoraalkeenna soo socda:

Intaa ayeynu ka xusi karnaa kuwii ugu waaweynaa

mirihii ka dhashay heshiiskii dhex maray Imaam

Muxammad bin C/wahaab iyo amiir Muxammad bin

Sacuud, labadaba Alle naxariis badan ha siiyee.

105

Mirihii halganka:

Qaybta koowaad: Kutubtii Sheekha 1

Sheekhu intii uu dadka diinta ugu yeerayey tabihii uu

adeegsanayey iyo qaabkii uu dadka diinta ku

fahamsiinayey waxa ka mid ahaa inuu qoro kutub, kuwo

yaryar iyo kuwo waaweyn intaba, isagoo tixgelinayey

dhammaan heerarka bulshada.

Kutubtiisu badanaa dhinacyada kala duwan ee diinta way

khuseeyeen, sida Tafsiirka quraanka, xadiiska, fiqhiga,

siirada, iyo caqiidada oo ugu badnayd kutubtiisii,

maadaama ay ahayd baahida ugu weyn ahna shayga ugu

mudan in wax walba laga hormariyo.

Sheekhu kutubtiisa wuxuu u qoray qaab fudud oo ay

fahmayso dhammaan ciddii akhrisataa, wuuna ka fogaaday

eray-bixinta falsafadda iyo waxa loogu yeero "mandiqa

giriiga" oo ku batay hannaankii loo qori jiray kutubtii

culimadii danbe, gaar ahaan kuwii caqiidada ku saabsanaa,

wuxuuna ku ekaysan jiray aayadaha quraanka iyo

axaadiista nabiga iyo sharrixii saxaabada iyo taabiciinta

laga weriyey.

Kutubtiisu saamayn weyn ayey ku lahayd dadkii

wakhtigiisii noolaa iyo kadibba, wuxuu isku dayey sidii

magnadkii inuu dadka ugu soo jiito taana in badan ayaa u

meel martay, waxaynu soo sheegnay in C/casiis bin

Muxamad bin sacuud oo ahaa wiilkii uu dhalay aasaasihii

dawladdii sacuudiga ee koowaad iyo hooyadiiba ay sheekha

ku xirnaayeen xilligii uu Cuyeyna joogay ayna akhristeen

kutubtiisa qaar ka mid ah ayna ku qanceen, taasina ay

sababtay inay sheekha ku garab istaagaan degiddiisii

Dirciya iyo in taageero weyn loo fidiyo dawladduna hiil iyo

hooba siiso.

1 Muxammad bin C/wahaab muslixun madluumun wa muftaraa calayhi:161-171

106

Kutubtiisa kuwii ugu waaweynaa uguna caansanaa:

1- Kitaabka Tawxiidka: waa kitaabka ugu caansan

kutubta sheekha, ahna kii ugu horreeyey wax uu

qoro.

Wuxuu kitaabkan kaga hadlay xaqiiqda tawxiidka,

fadligiisa, in la dhowro, shirkiga iyo khatartiisa,

noocyadiisa, waddooyinka qofka ku ridi kara i.w.m

Qayb walba oo kitaabkan ka mid ah wuxuu kusoo

uruuriyey aayado iyo axaadiis mawduuca khusaysa

iyo weliba mararka qaar sharraxaaddii saxaabada

iyo taabiciinta, kadibna wuxuu tilmaamayey

waxyaabaha laga faaiidaysano adilladaas.

Kitaabkani sharraxyo badan ayuu leeyahay waxaa ugu

caansan kitaabka loo yaqaan: "Fatxul majiid" oo uu

qoray wiilkii uu awowga u ahaa: C/raxmaan bin Xasan

Aalasheekh.

2- Kashfu shubahaat: wuxuu kaga hadlay

shubhooyinka laga yaabo inay cuskadaan dadka

doonayey inay ku nagaadaan dhaqammadii xumaa

ee ay samaysteen ee ahaa ku xirnaanshaha cid aan

Alle ahayn oo dhib iyo dheef laga rajeeyo, ama uqiildayidda

shirkiga iyo qubuurinimada.

3- Al-usuul al-thalaatha: (asallada saddexda ah),

wuxuu kaga hadlay barashada Alle, barashada

Diinta islaamka iyo barashada Nabiga sallalaahu

calayhi wasallama. oo ah saddexda suaalood ee

qofka qabriga lagu weydiinayo, waa kitaab yar oo

kooban balse macne weyn ku dhisan.

4- Shuruudda Salaadda iyo tiirarkeeda: waa kitaab

fiqhi ah kuna dhisan mad-habtii sheekha ee

xanbaliyada.

107

5- Qawaacidda afarta ah: waa kitaab tawxiidka ku

saabsan.

6- Asallada iimaanka.

7- Fadliga islaamka: wuxuu ku sheegay shuruudda

islaamka, dhibaatooyinka shirkiga iyo bidcada.

8- Kitaabka kabaairta: danbiyada waaweyn iyo

adillada ku timid ayuu kaga hadlay.

9- Nasiixada muslimiinta: waa kitaab uu ku kulmiyey

axaadiis ku saabsan dhammaan qaybaha diinta.

10- Lix meelood oo siirada ka mid ah: wuxuu ku

xusay:

Bilawgii waxyiga

Baridda tawxiidka iyo raddinta gaalada.

Qisadii qaraaniiqda. (waa qiso aan sugnayn oo

kutubta qaarkood lagu soo arooriyo iyadoo ay

dulucdeedu tahay nabiga oo akhrinaya Suuradda

Alnajmi, ayaa shaydaan u dhexgeliyey hadal

gaaladu ku faraxday markaa ayey yiraahdeen

Alleylehe Muxammad maanta ilaahyadeennii si

sharaf leh ayuu u xusay).

Gabagabadii Abuudaalib. (diintii uu ku dhintay

noocii ay ahayd).

Waxtarka hijrada iyo waanada ku sugan.

Qisadii riddada, kaddib markii nabigu dhintay.

11- Tafsiirka Faatixada.

12- Dhaqammadii Jaahiliyada: wuxuu ku sheegay

131 waxyaabood oo nabigu sallalaahu calayhi

108

wasallama ku khilaafay dhaqankii iyo caqiidadii

jaahiliyada.

13- Tafsiirka kalmadda tawxiidka.

14- Tafsiir suuradaha qaarkood ah.

15- Siiradii nabiga sallalaahu calayhi wasallama

(waa kitaab dhammaystiran oo siiradii nabiga

sallalaahu calayhi wasallama ka hadlaya).

16- Hanuunkii nabiga: waa kitaab uu kasoo gaabiyey

kitaabka ibnu Qayim ee loo yaqaan "Zaad

Almacaad fii hadyi kheyr Alcibaad".

17- Aadaabta marka salaadda loo socdo.

18- Fadliga quraanka.

19- Axaadiista fitnada.

20- Soo koobidda Fatxul-baari (sharraxa Bukhaari ee

uu qoray Xaafid Ibnu Xajar Alcasqalaani).

21- Waraaqihii Shakhsiyadeed ee sheekha. (waa

kitaab lagu uruuriyey warqadihii ay is dhaafsadeen

isaga iyo dad uu xiriir dhex-maray).

Kuwaa ayaa ugu waaweyn dhaxalkii sheekhu ka tagay,

kutub waaweyn oo la isugu geeyey kutubtiisii iyo

raadkiisii cilmiyeed oo dhanna waa jiraan.

109

Qayb ka mid ah waraaqihii sheekhu u kala

diray meelo kala duwan.

Warqadaha sheekhu aad ayey u badnaayeen, maadaama

uu xilli dheer halganka ku jiray, wuxuuna bilaabay xilligii

uu joogay Cuyeyna.

Wuxuu u kala diri jiray dad ay isyaqaanneen oo culimo iyo

hogaamiyayaal ah isagoo ugu baaqayey inay xaqa la

arkaan una istaagaan, xumaantana ka dhiidhiyaan;

Waxaa kale oo uu u diri jiray dad suaalo soo weydiin jiray

ha ahaato kuwo diini ah, ama inay ogaadaan xogta dhabta

ah ee baaqiisu ku saabsan yahay ama iyagoo hubsanaya

dacaayadaha qaarkood ee sheekha laga faafiyey inay run

yihiin iyo in kale.

Waxa warqadihiisu u badanyihiin arintii udub dhexaadka u

ahayd baaqiisa ee ah hufidda tawxiidka iyo ka fogaanshaha

shirkiga iyo dhaqammada xunxun ee jaahiliyada.

Waxaynu halkan ku xusaynaa haddii Alle idmo saddex

warqadood oo tusaale u ah kuwii kale ee sheekhu diri jiray

aynu aragno sheekha iyo sidii uu u hadli jiray:

110

Warqadda koowaad: wuxuu u diray nin la oran jiray

Faadil Aalamaziid oo xukumayey baadiyaha Shaam. 1

Ka: Maxamed bin C/wahaab

Ku: Sheekh Faadil Aalamaziid: Alle ha u siyaadiyo

iimaan, hana ka badbaadiyo gujinta shaydaanka.

intaa kadib:

Sababta aan kuugu soo qoray waxay tahay in Rashiid bin

Carbaan uu nooga kaa sheegay hadal wanaagsan oo

qalbigu ku farxo;

Wuxuu noo sheegay inaad doonaysid inaan warqad kuusoo

qoro oo ay sabab u tahay hadalka colleytanka, beenta iyo

xasaradda ah ee nalaga sheego, sidaasina waa sida

waajibka ku ah dadka adigoo kale ah: inuusan aqbalin

hadal aan la hubin.

Laba arrimood ayaan kuu sheegayaa inta aanan tilmaanta

diinta kuu sheegin;

Midka koowaad: dadka I khilaafsan waxaan u sheegaa inay

waajib ku tahay raacidda dardaarankii nabigu sallalaahu

calayhi wasallama u dardaardmay ummadiisa, waxaanan

iraahdaa kutubtii waa ay idin agtaallaa ee eega,

hadalkayga waxba haka qaadanina, haddii aad garataan

hadalkii rasuulka sallalaahu calayhi wasallama ee

kutubtiina ku yaal raaca haba khilaafee dadka badankiisu!

Midda labaad: arrinkan ay igu inkireen dartiina iila

colloobeen haddii ay weydiiyaan caalim walba oo jooga

Shaam ama Yeman ama cid kale waxa uu oranayaa: kani

waa xaq waana diintii Alle iyo Rasuulkiisa, balse ma

awoodo inaan carrigayga ku muujiyo! Maxaa yeelay?

Dawladdu kama raalli noqonayso! Ina C/wahaabse waxaa u

saamaxay inuu muujiyo amiirka magaaladiisa ayaan

diidanayn, oo xaqa markii uu gartay ayuuba raacay!! Sidaa

1 Dhamman warqadahani waxay ku yaallaan Qaybta shanaad ee ka mid ah kutubtii sheekha ee ay

isku uruurisay Jaamicadda Imaam Muxammad bin Sacuud ee Riyaad ku taal.:( Rasaail

Alshakhsiyah):(31)

111

ayaa hadalka culimada ah, waxaanan filayaa in hadalkoodu

kusoo gaaray.

Adiga ayaa ka fekeraya arrinta koowaad ee ah: hadalkayga

ha raacina, hana raacina waxaan hadalka Alle iyo

rasuulkiisa ahayn ee kutubta ku yaal.

Arrinka labaadna adaa ka fekeraya ee ah: in caaqil walbaa

garanayo balse uusan awoodi karin muujintiisa;

U hormari naftaada wixii ku badbaadinaya, ogoowna in

uusan ku badbaadinayn waxaan rasuulka raaciddiisa ahayn

sallalaahu calayhi wasallama, adduunku wuu idlaanayaa,

jannada iyo naartase qofka caqli leh uma habboona inuu

illaawo.

Muuqaalka arrinta ee saxda ah waxa weeye: inaan

leeyahay looma yeeran karo cid aan Alle ahayn, kaligii ah

oo aysan cid kale wax la wadaagin, sidii Alle yiri:" عِ ٛعذت لاف

اذحأ الله" "Alle la jirkiisa ha u yeeranina qofna"

Nabiga arrintiisana uu ka yiri:

"اذشس لاٚ اّشض ُىٌ هٍِأ لا ًل" suuradda Aljinni:() "dheh idiin ma

hanan karo dhib iyo wanaag toona".

Kani waa hadalkii Alle oo rasuulku sallalaahu calayhi

wasallama inoo sheegay, inoona dardaarmay, dadkana uu

ka reebay inaysan ka tegin.

Markii aan u sheegay in maqaamyadan (qabuuraha la

weyneeyo) ku yaalla Shaam, labada xaram iyo meelo

kaleba ay garab marsanyihiin diintii Alle iyo rasuulkiisa,

dadka suubban oo la baryo iyagana la qabsadaa ay tahay

shirki Alle loo sameeyey oo Allaahna ka yiri: " ذمف للهبث نشش٠ ِٓ ّٗٔئ

سبٌّٕا ٖاٚأِٚ ةّٕجٌا ٗ١ٍع الله َّشح" "Ciddii Alle wax la wadaajisa Alle

jannadiisa waa ka xarrimay hoygiisuna waa naarta".

Markii aan sidaa muujiyey ayey inkireen uuna ku

weynaaday, waxay yiraahdeen: ma waxaad naga dhigtay

Mushrikiin! Arrinkani ma aha la wadaajin!!

112

Kani waa hadalkoodii, kan kalena waa hadalkaygii, Alle

ayaanan u tiirinayaa, kan ayaana ah midka ani iyo iyaga

noo dhexeeya;

Haddii la iga sheego wax sidaa ka duwan waa been iyo hal

aan jirin.

Waxa hadalkayga rumaynaya waxa weeye: In caalimku

uusan kari Karin muujintiisa, xitaa culimada Shaam waxa

ka mid ah kuwo leh waxani waa xaq, balse ma muujinayo

qof dawladda la dirirsan mooyee!

Adiguse ilaah mahaddii cid aan Alle ahayn kama baqaysid,

waxaan Alle weydiisanayaa inuu annaga iyo idinkaba nagu

hanuuniyo diinta Alle iyo rasuulkiisa, Alle ayaana ogaal

badane ah.

113

Warqadda Labaad: waa mid guud 1

Ka: Maxammed C/wahaab

Ku: Ciddii ay gaarto ee Muslimiin ah

Intaa kadib:

Waxa la idiin sheegay ee ah in aan si guud wax u

gaalaysiiyo waa been abuurka cadawga;

Sidoo kale oraahdooda ah inaan leeyahay: qofkii diinta Alle

iyo rasuulkiisa raaca isaga oo degan beledkiisa kuma filna

inuu aniga ii yimaaddo mooyee!! Taasina sidoo kale waa

been abuur.

Dantu waa in la raaco diinta Alle iyo rasuulkiisa meeshii la

doono hala joogee;

Balse waan gaalaysiinayaa qofkii qira diinta Alle iyo

rasuulkiisa, kaddibna la collooba dadkana ka horjoogsada;

Sidoo kale qofkii asnaamta caabuda kaddib markii uu

gartay inay diintii gaalada tahay, dadkana u qurxiya, kaas

weeye midka aan gaalaysiinayo, caalim kasta oo dunida

saaranna kuwaa wuu gaalaysiinayaa, qof madax adag ama

jaahil ah moyee.

Allaah ayaa cilmi badane ah.

Nabadgelyo.

1 Rasaail Alshakhsiya:(57)

114

Warqadda saddexaad: waa jawaab ku socota

sheekh Yemani ah oo warqad usoo diray.

Warqaddii sheekha yemaniga ah: 1

Ka: Ismaaciil Aljaraaci

Ku: Midka Alle waafajiyey: Maxamed C/wahaab.

Intaa kaddib:

Waxaa dadku iiga kaa sheegeen kuwo aan rumaysanayo

iyo kuwo aanan rumaysanaynba;

Dadku arrintiinna waa ku kala qaybsan yahay: kuwo idin

amaanaya iyo kuwo idin dhaleecaynaya intaba.

Waxaa iga kaa faraxgeliyey ku toosnaantaada shareecada

wakhtiga aakhiru zamanka ah, islaamkuna hiil yaryahay,

adigoo dadka ugu yeeraya, tiirarkiisana toosinaya.

Allaha isaga mooyee cid kale aysan jirin ayaan ku

dhaartaye, iyada oo ay jirto sida aanu tolkeen ka

dhexnahay haddana ma kari karno waxa aad karaysid ee

xaqa caddayntiisa ah! Iyo muujinta daawada.

Kuwa aanan rumaysanayn warkooda ayaa leh inaad si

guud wax u gaalaysiinayso! dadka suubanna aadan rabin!!

Kutubtii danbana aadan cuskanayn!!!

Adigu ii sheeg iigana runsheeg waxa aad ku sugantahay

iyo waxa aad ku baaqayso, si warkaaga iyo jacaylkaaguba

agteenna ugu sugnaado.

1 Rasaail Alshakhsiya:(99)

115

Jawaabtii sheekha:

Ka: Maxamed C/wahaab

Ku: Ismaaciil Aljaraaci

Assalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu.

Intaa kaddib:

Waxa aad na weydiisay Allaha isaga mooyee cid kale aysan

jirin iyo rabbi isaga aan ahayne ayaan ku dhaartaye,: cid

aan ku dayanno ayaan leennahay, waana rasuullada

ammaan iyo nabadgelyo dushooda dhamaantood ha

ahaatee.

Wixii iyaga iyo tolkood dhexmaray dayasho ayey u yihiin

ciddii raacday;

Waxa aad sheegtay ee ku toosnaanta diinta ah: Deeqda

Alle ayaa iska leh, nabiguna sallalaahu calayhi wasallama

waxa uu yiri: " Islaamku isaga oo aan la garanayn

ayuu bilawday, garasho la'aanna wuu ku noqon

doonaa sidii uu ku bilawdayba". 1

Hadalka ah: inaan si guud wax u gaalaysiinayno: waa

been abuurka cadawga, kuwaas oo dadka diinta ka

duwaya, waxaanan leeyahay : "Alloow hufnaantaadee

kani waa been abuur weyn".

Dadka suubban miyaa? Wanaagooda ayey ku sugan

yihiin Alle haka raalli noqdee, waxaanse leennahay waxba

baryada kuma laha, Allaah waxa uu yiri: " ٛعذت لاف لله ذجبضٌّا ْأٚ

اذحأ الله عِ"

"Masaajidda Alle ayaa leh ee cid kale Alle hala baryina"

Kutubtii culimadii danbe arrinteeda: kutubtoodii waan

haysannaa, waxaanan kaga dhaqmaynaa wixii kitaabka iyo

sunnada waafaqa, wixii aan waafaqinna kuma dhaqmayno.

1 Muslim:372

116

Ogoow Alle hakuu naxariistee, waxa aan ka diin

dhiganayno, dadkana ugu yeerayno waa Alle oo baryada

loo keli yeelo, waana raadkii rasuullada, Allaah waxa uu

yiri:

"الله لائ ّ ْٚذجعت لا ً١ئاشصئ ٟٕث قبث١ِ بٔزخأ رئٚ"

" sheeg nabi muxamadow: markii aanu reer israaiil

ballanta adag kaga qaadnay inayan caabudin cid aan Alle

ahayn". [baryaduna waa cibaado].

Eeg Alle hakuu naxariistee waxa dadku dib ka keenay ee

ah in cid aan Alle ahayn la baryo! Kutubta ayaad ka dhex

helaysaa.

Alle ha inaga mid dhigo ani iyo adigaba kuwa sida aragtida

cad ah dadka ugu baaqaya, sidii Allaahba nabigiisa ku yiri:

" نم انأ امو اللّ ناحبسو ًنعبتا نمو انأ ةرٌصب ىلع اللّ ىلإ وعدأ ًلٌبس هذه لق

" نٌكرشملا

"Dheh tani waa wadadaydii, dadka ayaan ugu

yeerayaa xag rabbi si aragti cad ah, ani iyo inta I

raacdayba, Allaah ayaa hufane kama mid ahi

gaalada".

Ammaan nabiga dushiisa ha ahaato.

Dhowrkaa warqadood ee aynu ka xusnay warqadihii

sheekha, waxaa ay tusaale u yihiin boqollaalkii waraaqood

ee sheekhu u kala dirayey afarta jiho, iyadoo sababuhuna

kala duwanaayeen, balse aragtida sheekhu ku salaysnayd

caddaynta ujeedadiisa iyo ka jawaabidda suaalaha lasoo

weydiinayey.

117

Qaybta 2aad ee mirihiisii ka mid ah: Faraciisii

iyo ardaydiisii 1

Sheekhu Alle ha u naxariistee konton sano ka badan ayuu

ku mashquulsanaa macallinnimo iyo wacyigelin, ardaydii

muddadaa ka aflaxday qalinna laguma koobi karo, afna

lagama sheegi karo, maxaa yeelay Dirciya waxay noqotay

faynuus meel saxare ah ka ifiya oo cid walba oo cilmi

danaynaysaa kusoo hirato!

Dadkii sheekha la joogay kuwo muddo kooban la joogay

iyo kuwo in badan agfadhiyey iyo qolooyin waanadiisa iyo

wacdigiisa ku ekaysatay intuba waa jireen.

Ardaydiisii kuwii ugu waaweynaa hormoodkana u ahaa

halgankiina halkii kasii waday waxaa safka hore kaga jiray

wiilashiisii iyo wixii kasii farcamay.

Waa nicmo aad u weyn in ubadkaagu diinta iyo caqiidada

suubban kaa dhaxlaan, isla markaana dadka ku

hogaamiyaan, waxyaabaha qofku Alle agtiisa darajo sare

kaga helayo ayeyna ka mid tahay.

Aynu soo qaadanno qayb ka mid ah caruurtiisii ka

aflaxday iyo kuwo kaleba:

1- Xuseen bin Muxammad bin C/wahaab:

Wuxuu ahaa garsoorihii Dirciya, sheekha booskiisiina

isaga ayaa fariistay markii uu dhintay waana

curadkii sheekha, wuxuu dhintay 1224H.

2- C/laahi bin muxammad bin c/wahaab: Darajada

labaad ayuu joogay walaalkii xuseen kadib, .

Masjid jaamica Dirciya ayuu cilmiga ka akhrin jiray,

huwantii Turkiga ayaa u qafaashay Masar halkaa

ayuuna ku dhintay.

1 Muxammad bin C/wahaab muslixun madluumun muftaraa calayhi:71-81, Aldacwah Al-

islaaxiyah:95

118

Waa sheekha dhammaystiray kitaabka siirada ee

aabbihii qoray, waana waalidka dhalay caalimkii

weynaa Suleymaan bin C/laahi aalasheekh oo

turkiyiintu cadcad u googooyeen!!

3- Cali bin Muxamad bin C/wahaab

Caalim Saahid ah ayuu ahaa, oo xalaal quute ah,

kuna xeeldheer fiqhiga iyo tafsiirka.

4- Ibraahim bin sheekh Muxammad

Isna wuxuu ahaa caalim Faafinta cilmiga u goay.

Taariikhyahanka ibnu Bishri isagoo ka hadlaya

afartan caalim wuxuu yiri: "Afartaa waxaa laga

siiyey cilmiga wax ay asaagood kaga hormareen,

mid kastaana gurigiisa agtiisa ayuu ku lahaa

madraso ay joogeen arday ka timid jihooyin kale,

iyagana cilmiga ka qaata xilli walba, nolosha

ardayduna dawladda ayey saarnayd".

Waxaa kale oo ardaydiisii ka mid ahaa: C/casiis

Alcariini. Xamad Alxuseyn, Axmed bin Macmar, Axmed

bin Suweylim, xuseyn bin qannaam, Saciid bin Xaji,

amiir C/casiis bin Sacuud, amiir Sacuud bin C/casiis,

C/casiis bin xasiin (sheekhan danbe wuxuu hogaamin

jiray wafdiyada culimada ee ashraafta Maka lasoo geli

jiray dood cilmiyeedda). Iyo kuwo kale oo badan.

119

Qaybta saddexaad ee mirihiisii ka mid

ah: Dawladihii Sacuudiga.

Dawladdii sacuudiga ee koowaad.

Dawladdii Sacuudiga ee labaad.

Dawladdii sacuudiga ee saddexaad.

120

Bilawgii sacuudiyiinta iyo isballaarintoodii:

Dawladda sacuudigu waxaa ay ka mid ahayd mirihii ugu

waaweynaa ee ka dhashay halgankii Sheekh Maxamed bin

C/wahaab, maadaama ay tahay arrin ka hadalkeedu

gudaweyn yahay ayeynu ugu tala galnay qayb gaar ah in

lagu xuso.

Waxaa ay soo martay marxalado saddex ah oo mid

walbaaba taariikhdeeda iyo astaamaheeda u gaarka ah

lahayd.

Waxaana loo kala qaybiyaa sidatan:

1- dawladdii sacuudiga ee koowaad

2- dawladdii sacuudiga ee labaad

3- dawladdii sacuudiga ee saddexaad

mid walbana waxaa aynu uga hadlaynaa insha Allaah si

gaar ah oo kooban.

Dawladdii Sacuudiga ee koowaad 1 :

1139-1234H, (1746-1818 Miilaadiga).

dawladdan waxaa isaga danbeeyey afar ammiir oo kala ah:

Maxamed bin Sacuud, wiilkiisa C/casiis, wiilka uusii dhalay

ee Sacuud iyo wiilka uu sii dhalay ee C/laahi.

Cimrigeedu waxaa uu ahaa 95 sano oo u dhaxaysay 1139H

oo ah markii amiir Maxamed xilka loo caleema saaray,

waxaa ayna ku egtahay 1234H oo ah markii

cusmaaniyiintu rideen. Haddiise laga soo bilaabo markii Sh

Maxamed iyo Amiir Maxamed heshiiska wada galeen oo

ahayd 1157H cimrigeedu waxaa uu noqonayaa 77

sannadood.

1 Dawladdi sacuudiga ee koowaad ka fiiri: Muxamad bin c/wahaab muslixun madluumun wa

muftaraa calayhi:91-155, taariikhdii boqortooyada sacuudiga DrCuthaymiin 1/80, taariikhu bilaadi

sacuudiyah: Dr Cijlaani:1/34, Aldacwah-alislaaxiya:193-213

121

Amiirkii koowaad: Maxamed bin Sacuud

Waxaa uu dhashay 1109H waxaa uuna dhintay 1179H oo

ku beegan 1690-1765 miilaadiga.

Tilmaamihiisii:

Wuxuu ahaa nin lagu yaqaanno kasmo, kheyr-jacayl,

geesinnimo, dhiirranaan iyo gobannimo.

Waa amiirkii heshiiskii geesinimada ahaa la galay Sh

Maxamed bin C/wahaab una babac dhigay weerar kasta oo

jasiiradda gudaheeda iyo dibadeedaba kaga yimaadda.

Waxqabadkiisii iyo waxyaabihii xilligiisii dhacay:

Intii amiirkani xilka hayey Dirciya waa buux dhaaftay,

iyadoo ay isugu yimaaddeen dad badan oo isugu jiray

arday iyo qaar kale oo doonayey inay sheekha la kulmaan

oo ogaadaan waxa baaqiisu yahay, wafdiyo aan kala go'

lahayn ayaa iyaguna magaalada imanayey.

Amiirro magaalooyin kale xukumayey ayaa aqbalay baaqii

sheekha, waxaana ka mid ahaa amiirkii xukumayey

magaaladii sheekha laga soo saaray ee Cuyeyna waa

Cusmaan bin Macmar.

Dagaallo ayaa dhex maray reer Dirciya iyo deegaanno kale,

inta badanna reer Dirciya ayaa guushu raacaysay, waxaa

xukunkooda hoosyimid Xureymala, Jabiilla, Sulfa, Kharas

iyo kuwo kale oo Najdi ka mid ah.

Waxqabakiisii oo kooban:

1- isaga oo ka run sheegay heshiiskii uu sheekha la

galay ee ahaa inuu cid walba sheekha ka difaacayo,

naf iyo maalna la garab istaagayo.

122

2- Aasaaskii dawaladda Sacuudiga, laguna saleeyey

shareecada islaamka.

3- Xeerarkii qabaailka ee sharciga khilaafsanaa oo

meesha laga saaray.

4- Faridda samaha iyo reebidda xumaha oo uu ku

dadaalay isagoo fulinayey waajibaadkii diiniga ahaa,

dadkana ugu baaqayey, kuna adkaynayey nidaam

ahaan.

5- Isagoo qayb weyn ka qaatay faafinta cilmiga iyo

fududeynta barashadiisa, kuna boorrin jiray dadka

inay xaadiraan xarunta sheekha, isaguna dadka

arrintaa u horkici jiray.

6- Arrimaha maaliyadda la xiriira oo uu si weyn u

nidaamiyey ugana hufay wax kasta oo sharciga

khilaafsan, dhanka soo xeraynta iyo bixinta

labadaba.

Amiirkani waxaa uu geeriyooday 1179H isagoo da'diisu

tahay 70 jir, Alle ha u naxariisto, darajadiisana ha kor

yeelo sidii uu diinta u kor yeelay.

Amiirkii labaad: C/casiis bin Muxammad bin Sacuud.

Waxaa uu ku dhashay Dirciya 1133H waxaa uuna dhintay

1218, (1721-1803M) wuxuu xukunka qabtay 1179H.

(ma aha c/casiiskii qarnigii 20aad, kaasi waxaa uu inoogu

iman doonaa dawladda sacuudiga ee saddexaad oo uu

yahay aasaasaheedii).

Amiirkani waxaa uu ka mid ahaa ardaydii sheekh Maxamed

kuwoodii waaweynaa, gabdhaha sheekha mid ka mid ahna

wuu guursaday, intii uusan sheekhu Dirciya imanna dadkii

xiriirka la lahaa ayuu ka mid ahaa.

123

Tilmaamihiisii:

Wuxuu ahaa nin diinta aad ugu dhegan, samaha fara,

xumahana reeba, geesi ah, deeqsi ah, goaan leh, shacabka

u garsoora, waxa uu diin u arko aan ka gabban.

Muddadii uu xilka hayey oo ahayd 39 sano dhulka

sacuudiyiintu ka talinayeen aad ayuu u fiday, jaziiradda

carbeed badankeeda iyo weliba gobollo ciraaq ka mid ah

ayaa xukunkoodu gaaray, nimankii kasoo horjeeday

kuwoodii ugu khatar badnaana waa uu ka takhallusay oo

uu ka mid ahaa amiirkii Riyaad.

Mashaakilaadkii soo wajahay:

Dawlad ku ekayd degmooyin kooban kaddibna sidaa aynu

aragno isu ballaarisay waa la dareemi karaa inayan dhib

yaraan iyo raaxo ku fidin.

Waxaa dawladdan kasoo horjeeday amiirro badan oo

jaziiradda gudaheeda iyo dibadeedaba joogay.

Waxaa ugu xoog badnaa uguna darnaa markii Najdi la

nadiifiyey kadib: Ashraaftii Maka iyo hareeraheeda ka talin

jiray, oo taageero xoog leh ka helayey dawladdii

Cusmaaniyiinta ee Turkiga ahayd taasoo cabsi weyn ka

qabtay in xukunku ka wareego, carabna dib ugu noqdo.

Xilliyaddii xukunka aabihii ugu danbeeyey ayaa

Ashraaftu reer Najdi xajka ka mamnuuceen, iyagoo

ka baqayey inay dadka ka fitneeyaan! una meeriyaan

caqiidada ay ina C/wahaab kasoo qaateen!!! Balse

amiirkan c/casiis markii uu xilka la wareegay hadyad badan

oo qaali ah oo isugu jirtay fardo, dahab iyo geel ayuu u

diray ashraafta, wuxuuna ka codsaday in xajka loo fasaxo

reer Najdi, waa ayna aqbaleen.

124

Wafdiyo reer Najdi ah ayaa dhowr jeer tagay Maka iyaga

oo dood cilmiyeed la galay culimadii reer Maka ee

ashraaftu aqoonsanayd, marar la is afgarto iyo marar la

kala boodo intuba waa jireen.

Geeridii Sheekh Maxamed C/wahaab:

Xilligii amiirkan sannadkii 1206H, waxaa la oofsaday

imaamkii Muslimiinta, caalimkii Tawxiidka,

hogaamiyihii geesiga ahaa, halyeygii adkeysiga

badnaa, Sheekhii islaamka abuu C/laahi Maxamed

bin c/wahaab bin Suleymaan Altamiimiyi, magaalada

dirciya ayuu ku dhintay laguna aasay, kaddib cimri

dheer oo ahaa 91 sano, oo uu ku dhammaystay

tacliin, macallinimo, hagaajin umadeed, hogaan

diineed, isaga oo indhihiisa ku arkay halka baaqiisii

gaaray iyo najdi oo ku noqotay sidii ay ahayd xilligii

saxaabada rasuulka, xaga saafi ahaanshaha

tawxiidka iyo aasmidda shirkiga, naxariis badan Alle

ha siiyo sheekh Muxamed, aakhirana haka waraabiyo

darka nabiga, dhammanteenna ha inagu soo kulmiyo

bandiiradda nabiga hoosteeda. Aamiin.

Kaddib heshiiskii waa jabay, dagaallo ba'an oo faraha looga

gubtay ayaa dhex maray reer Najdi iyo ashaaftii, waxaa ka

mid ahaa dagaalkii Kharma oo dhacay 1212H, reer Maka si

weyn ayey ugu hoobteen dagaalladaa, waxaa ayna

dalbadeen heshiis waana laga aqbalay, xuduud cusub oo

labada maamul u dhaxaysa ayaa la sameeyey.

Dawladdii Turkigu ciidan ayey usoo dirtay ashraafta balse

waa la jabiyey sacuudiyiintuna waa ay isa sii ballaariyeen.

Sannadkii 1214H ayaa reer Najdi xajiyeen iyadoo uu

hogaaminayo dhaxalsugaha Sacuud bin C/casiis iyo ciidan

laxaad leh oo uu wato, sannadkii xigayna amiirka ayaa soo

xajiyey.

125

Weerarkii Karbala:

Karbala waa magaalo Ciraaq ku taal oo shiicadu degan

tahay, waa halka uu ku aasanyahay Xuseen bin Cali bin

abii daalib, shiicaduna halkaa ayey ku weyneeyaan.

Intii sacuudiyiintu ku mashquulsanaayeen loolankii

ashraafta oo gacanta ku hayey goobaha barakaysan waxaa

dhabarjebin xoog lihi kaga imanaysay meelo badan oo

dhammaantood ka baqayey dawladdan dhallinta yar iyo

xawaaraha ay ku socoto.

Waxaa kuwaa ka mid ahaa: Shiicadii Ciraaq.

Waxaa jiray heshiis ay kala saxiixdeen guddoomiyihii

cusmaaniyiinta Ciraaq u joogay iyo reer Sacuud balse masii

waarin, taasina waxaa ay keentay in sacuudiyiintu weerar

ba'an ku qaadaan Karbala sannadkii 1216H, iyagoo dadka

magaaladan degani ay colaad weyn u hayeen waxa ay ugu

yeereen: "Wahaabiyada" isla markaana ganacsigooda ay

jidgooyo u dhigan jireen.

Xasuuq aad u weyn ayaa shiicada loogu geystay Karbala,

xoolo nooc walba lehna waa laga soo furtay! Saacado

ayeyna reer Najdi ku sugnaayeen magaalada.

Burburkii heshiiskii Kharma:

Heshiiskii tuuladan lagu gaaray ee dhex maray reer Najdi

iyo Ashraafta, 5 sano ayaa lagu dhaqmay, nabadna lagu

wada noolaa, balse Shariif Qaalib oo ahaa ninkii heshiiska

saxiixay ayaa tuhun kusoo oogay sacuudiyiinta, wada

xaajood cusubna wuu bilaabay, balse nasiibkiisa ragii uu

wafdiga u dirsaday ayaa kasoo saftay dhankii reer Sacuud

oo ku qancay mabda'oodii!!!

Dhinac kale Shariif Qaalib iyo walaalkii C/muciin ayaa

khilaaf soo kala dhexgalay, taasoo keentay in C/muciin

gurmad weydiisto sacuudiyiinta, sidaa ayeyna fursad ku

heleen kuna soo galeen Maka iyagoo xoog kula wareegay

126

Xijaaz oo dhan sannadkii 1217H, C/muciin ayaana Maka

guddoomiye looga dhigay.

Reer Najdi sidii dhaqanka u ahayd ahdaaftoodana ka

mid ahayd ayey ku dhaqaaqeen burburinta

qabuuraha dhisan iyo tirtiridda wax walba oo sharci

darro lagu weyneeyo, ama hannaankii sharcigu u

sameeyey la weydaariyey.

Dadkii wanaaga ayaa loogu baaqay xumaantiina waa looga

digay, dadku afar imaam ayey la kala tukan jireen oo madhab

kastaa gaarkeeda ayey u tukan jirtay, hal imaam ayaa

lagu kulmiyey, canshuurtii iyo xaq darrooyin badanna waa

la tirtiray.

Dhacdo naxdin leh!

Waxaa taariikhyahannada qaarkood weriyeen in amiir

Sacuud bin C/casiis u baxay dhinaca Jidda isaga oo

dabagalay Shariif Qaalib oo xagaa u baxsaday, balse

daacuun carriga ka dhacay dartii uma suuroobin, xijaazna

dib ayuu uga noqday, 200 oo askari oo ciidamadiisa ka mid

ahaa ayuu Maka kaga tegay waana la gawracay!!

Geeridii amiir C/casiis bin bin Maxamed bin Sacuud.

Amiirku isaga oo dadka tujinaya salaaddii casar oo

sujuudsan ayaa nin Ciraaqi ah oo reer Karbala ah mindi

laba af leh ku dhuftay! Wuxuuna ka argoosanayey xasuuqii

Karbala.

(waa dhacdo u eg tii lagu dilay amiirkii mu'miniinta

Cumar bin Khaddaab Alle haka raalli noqdee, isagoo

salaad ku jira ayaa la dilay! mindi laba af leh ayaa

lagu dilay!! Nin ka aargoosanayey boqortooyadoodii

majuusiga ahayd ee la dumiyey ayaa dilay!!!).

127

Alle ha u naxariisto amiir C/casiis bin Muxamed, sannadkii

1218H oo ku beegan 1803 miilaadiga ayaa la dilay,

cimrigiisiina wuxuu ku dhammastay halgan dhinacyo badan

lahaa, isagoo xukunka hayey 39 sano.

Amiirkii saddexaad: Sacuud bin C/casiis bin

Muxammad bin Sacuud.

Wuxuu ku dhashay Dirciya 1161H waxaa dhaxal suge loo

magacaabay 1202H, wuxuu dhintay 1229H (1748-1814M)

Sheekh Maxamed ayaa awoow xaga hooyo uga ahaa.

Waxbarashadiisii Dirciya ayuu ku qaatay, sheekha iyo

culimadii kale ee reer Dirciya ayuu ka aflaxay.

Tilmaamihiisii:

Wuxuu ahaa nin cilmiga jecel, kuna caanbaxay

codkarnimo, xikmad, geesinnimo, kasmo, siyaasad

qotodheer iyo hogaamin ciidan.

Xilligii aabbihii isaga ayaa ciidamada hogaamin jiray,

magaalooyin badanna furay.

Isballaarintii dawladda:

Xilligiisii dawladdu waxaa ay gaartay ilaa koonfurta Yeman,

dhanka waqooyina ilaa baadiyaha Shaam, galbeedna ilaa

badda cas.

Khilaafkii u dhexeeyey sacuudiyiinta iyo cusmaaniyiinta

halkii ugu sarreysay ayuu gaaray.

Qabashadii xijaaz mar kale:

Waxaynu kusoo xusnay taariikhdii C/casiis bin muxammad,

in markii Sacuud oo ciidamada hogaaminayey uu u

dhaqaaqay dhinaca Jidda daacuun halis ahi ka dhacay,

uuna sidaa uga joogsaday, isla markaana Maka looga

bireeyey 200 oo ciidamadiisii ka mid ahaa.

128

Markii uu Sacuud xilka la wareegay ayuu dib usoo

cusboonaysiiyey sifeynta Xijaaz (Maka, Madiina, Daaif

iyo Jidda).

Daaif ayuu ka bilaabay, dagaal la'aan ayey is dhiibeen,

Madiina ayuu ku xejiyey sidoo kale ayey is dhiibeen,

labadaba maamul ayuu u sameeyey, qabuurihii ay

weyneyn jireenna waa laga dumiyey! waxayna ahayd

1220H, 1805 miilaadiga. Maka ayuu kadib u jihaystay,

Shariif Qaalib markii uu arkay awoodda sacuudiyiinta

hadyado badan ayuu ka horkeenay, ballanna wuxuu ku

qaaday inuu u hogaansamayo heshiisyadii horey loo kala

saxiixday, sidaa ayaa Maka lagu hantay, xajka oo xilligiisii

la joogayna dadku si nabad ah ayey u guteen

Muddadaa kadib Sacuud waxaa uu ku mashquulay

wacyigelinta dadka iyo isbeddel dhanka cilmiga ah, iyo

weliba baabi'inta dhaqammo badan oo jaahilnimo ku

salaysnaa, sannad walba oo uu xajiyo dadka ayuu kula

hadli jiray banka carrafa, isaga oo ku boorrin jiray inay

diinta ku dhegaan, dhaqan xumadana ka fogaadaan,

nicmada Alle siiyey ee amniga iyo midnimada ahna ugu

shukri naqaan.

Halkaa waxaad ka dareemaysaa sida sacuudiyiintu ugu turi

jireen ashraaftii reer Maka, iyada oo ay ballamo badan uga

baxeen, ciidankiisii uu maka kaga tagayna ay ka

gawraceen ayuu haddana iska cafiyey oo u daayey

maamulkii Maka, umana ciqaabin dhibaatooyinkii ay horey

ugu geysteen.

Dadka wax ka qoray loolankii ka dhexeeyey sacuudiyiinta

iyo dadkii kasoo horjeeday waxaa ay isla qireen in dhanka

ballanta iyo naxariista ay sacuudiyiintu kaga fiicnaayeen

kuwii kasoo horjeeday ee isugu jiray: Ashraafta,

masriyiinta iyo cusmaaniyiinta, taana waxaa keenaysay

iyagoo diin ku dhisnaa, isla markaana ay ku badnayd

badawnimadii carbeed ee ka fogeyd beenta iyo wax isbadamarinta.

129

Sacuud waxaa uu weeraro badan ku ekeeyey meelo badan

oo cabsi kasoo wejihi jirtay sida meelo ka mid ah Ciraaq

iyo Shaam, oo marmar ay ciidamadiisu gaari jireen

baadiyaha Dimishqa.

Isku dhicicii Sacuudiyiinta iyo Ingiriiska:

Waxaa jirtay shirkad lagu magacaabi jiray "Shirkadda

bari ee Hindiya" ingiriiska ayaa aasaasay isagoo u

ekaysiiyey shirkad ganacsi, isla markaana hindiya ayuu soo

degay, dadkana waxaa lagu qanciyey in shirkaddani

ganacsato tahay, ciidan ayey bilawday inay qorato ay ku

difaacanayso dhaqdhaqaaqeeda ganacsi, balse waxay

ahayd dhagaxii ugu horreeyey ee gumaysiga ingiriiska,

waana tabtii uu ku degay meelo badan oo dunida

muslimiinta ka mid ah oo Cadan ay ku jirtay.

ciidankii ganacsiga difaacayey kaddib wuxuu isu beddelay

ciidan dalka oo dhan hantay, 1857dii ayaa Hindiya oo

dhani gacanta u gashay ilaa ay xornimada ka qaadatay

1947dii iyaga ayaa xukumayey, isla magacii shirkadda

ayaana lagu xukumayey!!!

Dadkii deganaa magaalada Ra'sul kheyma ee hadda ka mid

ah "Isutaga imaaraadka carabta" waxaa u talinayey amiir

la oran jiray Suldaan Saqar Alqaasimi, wuxuuna

taageersanaa sacuudiyiinta oo ay isku caqiido ahaayeen,

sidaa darteed cabsi weyn ayey gelin jireen doomaha

shirkadda ingiriiska ee maraya xeebaha khaliijka, weeraro

ayeyna la beegsan jireen, xoolana waa ay ka furan jireen.

Taasi waxaa ay keentay in xukuumaddii Bombay ee

Hindiya ay weerar kusoo qaaddo Ra'sul kheyma ayna

ciidankoodii badda waxyeello weyn u geystaan,

magaaladana gubaan, dadkiina ay qaxaan, waxaa ay

ahayd sannadkii 1224H, 1809M balse markii cadawgii dib

uga noqday ayaa suldaan Saqar iyo shacabkii kusoo

noqdeen dibna u cammireen.

130

Weerarkii Cusmaaniyiinta:

Waxaan soo sheegnay in xukunka reer Najdi aad u fiday oo

gaaray khaliijka badankiisa, iyo yeman, iyo meelo ka mid

ah Ciraaq iyo Shaam.

Taasi waxay hurdo seejisay dawladdii cusmaaniyiinta oo

cabsi weyn ka qaadday dawladdan curdanka ah ee sii

baahaysa, iyo halista ay gelin karto jiritaanka xukunka

Turkiga.

Waa loo fariistay sidii laga yeeli lahaa, talo in badan la

gorfeeyey kaddib waxaa la goaansaday in lala dagaallamo

dawladdan, lana ciribtiro, si taa loo xaqiijiyo waxaa lasoo

xulay hogaamiye miciyeystay oo ku xeeldheeraa hogaanka

ciidanka iyo tabaha dagaallada, waa nin aan carab u

dhalan, af iyo dhaqan midnaba aan la wadaagin, arxanna u

galayn, waa nin reer yurub ah, kasoo jeeda dalka

Albaaniya , waa kuma ninkaasi akhristoow?!

Waa Maxamed Cali Baashaa, oo tolow maxaa abaal marin

loogu ballanqaaday haddii uu dawladdaa cirib tiro?! Waxaa

loo ballanqaaday xukunka Masar! Iyo isagoo weliba u

madax bannaan talada dalka iyo kheyraadkiisaba!!

Alleylehe wax nin darajo adduun rabaa u halgamo waa

tahay!

Abaabulkii dagaalka:

Maxamed Cali wuxuu diyaariyey ciidankii ugu horreeyey ee

weerari lahaa Sacuudiyiinta, wuxuuna madax uga dhigay

wiilkiisa Tuusuun! cid kale laguma aamini karo hawshan

abaal marinta weyn leh!! Taariikhdu waa 1226H, 1811M,

xeebta galbeed ee Xijaaz ayuu kala soo degay ciidan

laxaad leh oo tiradiisu tahay 10,000 (toban kun oo askari)

saanad millaterina loosoo dhammays tiray! Yunbuc ayuu la

wareegay, kadibna Madiina ayuu usoo jihaystay, laba wiil

oo Sacuud dhalay ayaa ka hor yimid, dagaal faraha looga

131

gubtay ayaa dhex maray, Turkidii waa la jabiyey 1200 oo

askarina waa laga dilay!!

Yunbuc ayey dib ugu soo noqdeen, dib ayeyna isu soo

habeeyeen, Madiina ayey hareereeyeen muddo 2 bilood ah,

kadib markii ay go'doomiyeen oo dadkii ganacsigii laga

gooyey ayey qabsadeen.

Tuusuun si dhakhso ah ayuu Jidda ugu soo dhaqaaqay,

C/laahi bin Sacuud oo ciidanka hogaaminayey waxay dantu

ku khasabtay inuu ciidankiisa Maka kala baxo, sidaa

ayeyna Turkidu ku qabsadeen jidda iyo Maka, daaifna waa

ay la wareegeen maalmo kadib.

Mid ka mid ah hogaamiyayaashii reer Najdi oo la oran jiray

Cusmaan Almadaayifi ayey qabteen, Masar ayaa loo

dhaadhiciyey si xun ayaana loola dhaqmay.

Xijaaz gacanta reer Baashe ayey gashay, Maxamed Cali

mar haddii wiilkiisii guul soo hoyiyey waa inuu booqasho

kusoo kala bixiyaa deegaanka la xoreeyey! October 1813kii

ayuu yimid Jidda, Axmed Baashaa nin la yiraahdo ayuu

Xijaaz madax uga dhigay, degmooyinkana ashraaftii iyo

rag kale ayuu u magacaabay.

Dagaallo kulul ayaa dhexmaray reer Najdi iyo Turkiyiinta

sida dagaalkii Turba oo dhacay December 1813kii, jab

weyn ayaa turkida gaaray, janaayo 1814kii ayaa mar kale

Qanfada lagu kulmay, sidoo kale turkidu waa ku hoobteen.

Geeridii Sacuud:

Xilli dagaallada iyo hardanku halkaa marayaan ayaa

halyeygii faraska ka degay! Lana oofsaday sannadkii

1229H, 1814M. dagaalladiina halkii ayey kasii socdeen.

132

Muuqaallo ka mid ah nolol maalmeedkii Sacuud:

Waxaa dhaqan u ahayd marka uu ciidankiisa dhex

joogo inuu salaadda maqrib kadib wacdiyo, oo

xasuusiyo siiradii nabiga sallalaahu calayhi wasallama

iyo saxaabadiisii, isagoo ku dhiirrigelinayey inay

geesinimadoodii oo kale la yimaaddaan.

Golayaasha cilmiga marka la fadhiyo reer Aalasacuud

waxaa ay fariisan jireen wajahadda, reer Sheekh

Maxamedna waa dhinac fariisan jireen, mid ka mid ah

reer sheekh ayaa istaagi jiray oo wacdi jeedin jiray.

Sheekh C/laahi Sh Maxamed ayaa tacliinta

qaabilsanaa, sheekha xaga diinta ugu sarreeyana ahaa

markii aabbihii iyo walaalkii dhinteen kadib.

Marka madaxtooyada la joogo Sacuud duruus ayuu

akhrin jiray sida tafsiirka ibnu kathiir iyo riyaadu

saalixiin.

Duhurka iyo casarka dhexdooda ayuu dadka is haya

kala saari jiray, dacwadahooda iyo

cabashooyinkoodana dhegaysan jiray, casarka kadibna

wuxuu xaadiri jiray duruusta caamka ah ee

madaxtooyada lagu qabto.

Amiirkii afaraad: C/laahi bin Sacuud bin C/casiis

Wuxuu ku dhashay Dirciya, wuxuu dhintay 1819M.

Wuxuu xukunka hayey 1229H-1233dii, 1813-1818M.

Wuxuu lasoo kulmay xaalad qaraar, turkida iyo masriyiinta

iswataana aad u xoogaysteen, wuxuu isku dayey inuu

heshiis la galo, balse nimankaa uma muuqan waxaan

ahayn jirrid goynta sacuudiyiinta iyo wahaabiyada!

Dagaallo badan ayaa dhex maray labada dhinac, khasaare

badanina waa dhacay, guushuna dhanka turkida ayey usii

janjeersanaysay.

133

Khiyaanadii huwanta:

Heshiis ayaa dhexmaray reer Najdi iyo xulafadii Turkiga

sannadkii 1815kii bishii luulyo, waxaa lagu heshiiyey in

xabbad joojin la sameeyo, Turkiduna Najdi iyo

hareeraheeda faraha kala baxaan, dadkuna is dhex maro,

heshiiskii Masar ayaa loo qaaday si loo tuso Maxamed Cali

Baasha, wuu ogolaaday, wafdigii reer Najdi ee heshiiska

wax kasoo saxiixayna waa ay soo noqdeen, balse Maxamed

Cali wafdiga si wanaagsan uma qaabilin.

Duullaankii Ibraahim Baashaa:

Maxamed Cali oo khiyaano ka watay heshiiskii uu reer

Najdi la saxiixday, waxaa uu Najdi arrimaheeda usoo

xilsaaray wiilkiisa kale ee Ibraahim Baasha, ciidan laxaad

lehna waa kusoo daray, Yunbuc ayuu kasoo degay,

sebtember 1816M, qabaail badan oo nacfi doon ah ayuu

dhexda kasii kaxaystay, wuxuu sacuudiyiinta kula kulmay

meel la yiraahdo Muweyh bishii May 1817kii, ciidankii reer

Najdi uma adkaysan madaafiicda xooga badan ee Turkida

iyo huwan-teedu wateen, sidaa darteed Qasiim ayey dib

ugu gurteen, magaalada Ras ayey difaac ka xirteen,

saddex bilood ayey turkidu halkaa ku hareereeyeen, kadib

dadkii magaalada joogay waa ay is dhiibeen,

magangalyana way dalbadeen, halkaa waxaa turkida kaga

dhintay inta u dhaxaysa 600 ilaa 700, halka najdiyiinta ay

ka dhinteen 70 qof.

Ras sidaa ayey ku gacan gashay, magaalooyin kalena way

la wareegeen sida:Cunayza, Bureyda, Shaqraa iyo kuwo

kale.

Xasuuqii Durma:

Magaalada Durma la yiraahdo ayey hareereeyeen, oo

ahayd magaaladii ugu difaac adkayd Najdi marka

caasimadda laga yimaaddo, dadkeedii isma dhiibin,

134

madaafiicdii ayaana si daran u baabi'isay, kadib ayey

Turkidu galeen, bililiqo badanna waa ay ka heleen! Haween

wixii ay arkeenna waa kufsadeen!! Taariikhdu waxay ahayd

24kii febraayo 1818 kii.

Hareerayntii Dirciya:

Sacuudiyiinta gacmahooda kuma harin waxaan Dirciya

ahayn oo caasimaddii ah, ciidankii Darma kasoo baxay iyo

wixii habqan caruur iyo haween ahaa ayaa isugu yimid,

halkaa ayaa turkidu ku hareereeyeen muddo 6 bilood ah.

Reer Najdi si naf hurid ah ayey u dagaallameen, culimo iyo

caammaba, iyagoo muddadaa go'doon ku jiray, dadkii

kadib waa is dhiibeen, balse C/laahi bin sacuud in muddo

ah ayuu isasii adkeeyey, kaddibse wuu isdhiibay 9kii

sebtember 1818kii.

Maxaa xigay?!

c/laahi iyo qaar saraakiishiisii ka mid ah Masar ayaa loo

dhaadhiciyey, November ayey gaareen, see loola

dhaqmay?!

Xumaan kasta oo suuragal ahayd in dawlad jabtay lagula

dhaqmo ayaa lagula kacay!! Ninka Masar joogaa ma

aha nin carab ah, waa Yurubiyaan arxan daran, qalbi

adag! Khiyaano badan, dhagar badan, waana

tilmaamihii lagu soo doortay looguna igmaday la

dagaallanka wahaabiyada!!

C/laahi bin Sacuud Astaana (istanbuul) ayaa loo

dhaadhiciyey waa caasumaddii Cusmaaniyiinta, halkaa

ayaa lagu toogtay laguna daldalay isaga iyo ragiisiiba bishii

Safar 1234H, oo ku beegnayd 17kii December 1819kii.

Halkaa ayey kusoo afjarantay dawladdii sacuudiga ee

koowaad, afartaa amiir ayaana isaga danbeeyey,

halgankaa dheer ayeyna soo martay, loolankaa adag

ayeyna ugu danbaytii la kulantay.

135

Xasuuqii Dirciya:

21 kamid ah hogaamiyayaashii ugu waaweynaa reer

AalaSacuud ayaa la dilay, sidoo kale culimadii reer Sheekh

kuwoodii ugu waaweynaa ayaa si xun loo toogtay

qaarkoodna la daldalay! Waxaana ugu weynaa Suleymaan

bin C/laahi bin sheekh, xubin xubin ayaa loo jarjary

sheekhan, "innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun"

Dhaadhicintii labada qoys:

Intii ka hartay labada qoys ee dhallinyaro iyo xaasas ahaa

Masar ayaa loo dhaadhiciyey, waxaa ayna gaareen 13kii

may 1819kii, halkaa ayey qaxooti ku ahaayeen,

qaarkoodna xabsiyada ayey ku jireen, tiradoodu waxaa ay

ahayd ilaa 400 oo qof.

Burburintii Dirciya

Cadowga dawladaha dumiyaa badanaa kuma ekaado

rididda talisyada, ee waxaa qorshahooda ka mid ah

tirtiridda dhammaan astaamaha iyo xarumaha tilmaami

kara xadaaradda dawladdaa la riday.

Turkida iyo xulufadoodu waxay bilaabeen duminta guryihii

Dirciya, siiba kuwii xafiisyada ahaa, iyo weliba baabi'inta

beeraha, si ay u noqoto meel lama degaan ah oo aan mar

danbe cammirmin, taasi waxay keentay in dadkii kusoo

haray ay ka barakacaan oo ay u jihaystaan meelo kale oo

ay nolol ka abuuran karaan, deganaanshana ka heli

karaan.

136

Tahniyaddii ingiriiska!

Shirkaddii gumeysiga ee Hindiya ka talinaysay markii ay

ogaatay waxa sacuudiyiinta ku dhacay wafdi ayey soo

dirtay xagaagii 1819kii, kabtan magaciisa la oran jiray

Georg Forster Sadleer ayaa hogaaminayey, si uu ula kulmo

Ibraahim Baasha isagoo tahniyad ka siday dawladda

ingiriiska, taas oo ku saabsan burburintii wahaabiyada.

8dii ama 9kii sebtember ayuu kula kulmay meel Madiina u

dhow, tahniyaddiina gaarsiiyey, Baashana si weyn ayuu

usoo dhaweeyey.

Wafdigii ingiriiska safarkaasi wuxuu u ahaa fursad ay ku

sahamiyaan jaziiradda carbeed, si xeeldheer ayeyna u

sahamiyeen uguna dhex wareegeen.

Yididiiladii Sacuudiyiinta!

Jabkii soo gaaray reer Sacuud wuxuu ahaa mid aan mar

danbe la filan Karin inay xukun u hanqal taagaan, waxaa

ay noqotay mid lagu biiriyo sheekooyinka ku saabsan

awoodihii iyo dawladihii burburay ee dunida soo maray!!

Balse adduun sidaad ka filanaysid ama ka damcaysid ma

aha!!! waxaynu arki doonnaa dawladdii danbaska laga

dhigay oo mar kale soo fuftay, cagaheedana isku taagtay,

sababaha soo nooleeyey iyo baaxadda dhulkeedu inta uu

gaaray waxaynu ku sharxi doonnaa qaybaha soo socda

insha Allaah.

137

Dawladdii Sacuudiga ee Labaad 1

1238-1309H (1822-1891M)

Hadafkeennu ma aha in aynu si faahfaahsan uga hadalno

dawladda sacuudiga iyo marxaladaheedii, dhib iyo dheef

toona, balse waxaa aynu kasoo qaadanaynaa qaddar

kooban, maadaama ay ka mid ahayd mirihii ugu

waaweynaa ee ka dhashay halkankii diineed ee Sheekha.

Marxaladdan labaad waxaa isaga danbeeyey shan amiir oo

kala ah:

1- Turki bin C/laahi bin Maxamed bin Sacuud

2- Faysal bin Turki bin C/laahi

3- Sacuud bin Faysal bin Turki

4- C/laahi bin Faysal bin Turki

5- C/raxmaan bin Faysal bin Turki

Rag kale oo reer Sacuud ah oo soo kala dhexgalay marmar

waa jireen oo inqilaab ku yimid balse muddadooda oo

maalmo ama bilo ahayd darteed ma aynaan tirin.

Amiirka koowaad: Turki bin C/laahi

Waxaa uu ku dhashay Dirciya sannadkii 1183dii hijriyada,

wuxuu dhintay 1249H (1755-1834M). wuxuuna dawladda

aasaasay 1238H, 1822M

Amiir Turki markii dawladdooda la dumiyey, qoyskoodiina

intii soo hartay loo dhaadhiciyey Masar, isagu kama mid

ahayn dadkii la taxaabay, ee miyiga Najdi ayuu ku

dhuuntay, markii huwantu Dirciya burburisay ayna guurtay

ayuu kusoo noqday deegaankiisii, dadka ayuu ugu baaqay

1 Waxaad u noqotaa kutubtan kala ah: Taariikhda boqortooyada sacuudiga: Sayid ibraahiim 164 iyo

inta ka danbaysa, taariikhda boqortooyada sacuudiga Dr C/laahi Cuthaymiin 1/219 iyo bogaga ka

danbeeya, Almawsuuca alcarabiya alcaalamiya 10/471-472, Aldacwah alislaaxiya: C/laahi

Almudawac 207-211

138

in nidaamkii dib loosoo celiyo waana la taageeray sidaa

ayeyna ku istaagtay dawladdu.

Maxaa suuragaliyey soo noqoshada Sacuudiyiinta?!

Waa arin u baahan jawaab maangal ah, maxaa yeelay sidii

loola dhaqmay dawladdan iyo sidii loogu dadaalay jirrid

goynteeda ma ahayn si lagu fekeri karay in ay u hanqal

taagi karaan siyaasad danbe.

Waxaanse kusoo uruurin karnaa sababaha caawiyey inay

yihiin saddex waxyaabood oo kala ah:

1- Guuriddii Turkiyiinta:

Turkidu waa ay ka guureen Najdi markii ay

hawshoodii dhammaysteen, iyagoo ku noqday Xijaaz

iyo Masar, maxaa yeelay cabsi ay ka qabeen Najdi

ma muuqan.

2- Mabaadidii dawladda lagu aasaasay oo

bulshadu ku qanacsanayd:

Mabaadidii uu ku baaqay Sheekh Maxamed C/wahaab

laguna taagay dawladda waxaa ay ku baahsanayd

dhammaan carriga Najdi, beled iyo baadiyaba, culimo iyo

caamaba waa la wada cabbay, dadkuna xaqnimo ayey u

aamineen, sidaa darteed haddii dawladdii la dumiyey,

nidaamkiina la tirtiray, daarihiina la gubay, dadkiina la

xasuuqay, qaarna la qafaalay, intii deegaanka kusoo

hartay ee aan ahayn labada qoys caqiidadoodii quluubta

ayey ku haysteen, cid kasta oo la wadaagtana xigto ayey

ka dhiganayeen, waa sababta ugu weyn ee keenaysay in

qofkii ku baaqa waddadii sheekha ay reer Najdi u

raacaan si aan kala har lahayn.

3- Gobannimadii reer Aalasacuud:

Qoyskani waxaa ay ahaayeen kuwo shacabkooda u

roon, deeqsiyaal ah, ballan iyo garsoor leh,

139

dhaqammadii carabta ee wanaagsanaa ku dhegan,

dadkuna aad ayuu u jeclaa, maadaama ay dadka u

horkacayeen waxa ay aaminsan yihiin.

Saddexdaa sababood waxaa ay keeneen in wiilkii

dhuuntay markii uu deegaankiisii yimid madaxa lagu

qaado, dawladdiina uu mar kale dib u taago, waddadii

dawladdii horena qaadsiiyo.

Waxqabadkii uu la yimid amiirkani:

Hirgelinta shareecada islaamka.

Dardargelinta tacliinta iyo dhiirrigelinta ardayda iyo

culimadaba.

Isagoo naftiisa ka bilaabayey ku dhaqanka diinta.

Ballaarinta dawladda iyo baahinta awoodeeda.

Geeridiisii:

Muddo 14 sano ah ayuu xilka hayey 1249H ayaa si gaadmo

ah loo dilay, waxaa dilay wiil uu abti u ahaa kana mid ahaa

qoyska Aalasacuud oo la oran jiray Mashaari bin

C/raxmaan Aalasacuud, isagoo ula jeeday inqilaab, 40

maalmood ayuu xukunka sii haystay, kadibna waxaa ka

dhacsaday Faysal bin Turki oo inoo iman doona insha

Allaah.

Amiirkii labaad: Faysal bin Turki:

Dirciya ayuu ku dhashay sannadkii 1203H, wuxuu dhintay

1282H (1790-1865M) dadkii xabsiga Masar loo taxaabay

ayuu ka mid ahaa markii dawladdoodii la dumiyey, markii

aabbihii dawladda dib usoo nooleeyey ayuu xabsigii kasoo

dhuuntay oo yimid deegaankiisii, aabihii ayuu u

qaabilsanaa hogaanka ciidamada.

1250H ayuu la wareegay xilka, wuxuu ahaa geesi aan

ganbasho aqoon, lagu yaqaan kasmo iyo kibir la'aan,

diintana si sare ugu dhaqma.

140

Weerarkii Masriyiinta:

Markii dawladdani gashay gugii labaatanaad ayaa mar kale

masriyiintu soo weerareen sannadkii 1254H, ciidan laxaad

leh ayey kusoo saareen, dawladda oo weli curdan ahayd

burburkii horena aan kasoo kaban uma suuroobin reer

Najdi inay is difaacaan, Faysal wuu is dhiibay, Qaahira

ayaana lagu xiray.

Mar kale ayuu kasoo baxsaday xabsiga, isaga oo is afgarad

hoose la sameeyey ilaalada xabsiga, sannadkii 1256H,

dhulkiisii ayuu yimid abaabul ayuu bilaabay, dawladdii

ayuu dib u taagay 1259H, ilaa uu ka dhintay sannadkii

1282H.

Faallo ku saabsan marxaladdan labaad ee

sacuudiyiinta:

Marxaladdan caasimaddoodu waxaa ay ahayd magaalada

Riyaad, maxaa yeelay Dirciya ma ahayn meel si fudud loo

dayactiri karo, caasimadna u noqon karta, balse Riyaad

wax burbur ahi ma gaarin. (Dirciya wakhtigan waa xaafad

ka mid ah Riyaad iyadoo u qaybsan Dirciyadii hore iyo

Dirciyada Cusub).

Marxaladdan waxaa aad u baahsanaa khilaaf u dhexeeyey

qoyska reer Aalasacuud dhexdooda, sababtuna waxay

ahayd: xukunka oo ka wareegay faracii C/casiis bin

Muxammad una wareegay faracii walaalkii C/laahi bin

Muxammad bin sacuud.

Taasi waxaa ay keentay in kuwii hore ee dawladdii hore

haysan jiray ay ka horyimaaddaan ilma adeerradood,

Masriyiintii iyo Turkidii dawladdoodii burburiyeyna ay

xulufo ka dhigtaan, una soo kaxaystaan la dagaallanka

walaalahood, si ay xukunkoodii usoo dhacsadaan! Waxayna

fursad qaali ah u ahayd Turkiga iyo huwantiisa oo aan

141

marnaba rabin in ay Najdi xasilloonaato, si aysan

Sacuudiyiintu mar danbe isu ballaarin.

Taasi waatii keentay in gaadmo lagu dilo Turki bin C/laahi

oo ahaa aasaasihii marxaladdan labaad, waxaa toogtay wiil

qoyska ah, oo adeer iyo abtiba uu u ahaa, kana mid ahaa

gacanyarayaashiisii.

Markii uu dhintay Faysal bin Turki bin C/laahi sannadkii

1882M, wuxuu xukunka uga tagay 3 wiil oo uu dhalay oo

kala ahaa: Sacuud, C/laahi iyo C/raxmaan, iyaguna

mucaarad la'aan ma noqon oo ilma adeerradood ayaa sidii

ugu kacsanaa, iyaga qudhoodana isqabqabsi ayaa ka

dhexeeyey.

Sida ay xukunka u kala qabteen waxaynu ku muujinaynaa

shaxdan soo socota oo aynu arkayno midkood inuu saddex

jeer xukunka kusoo noqday, labada kalena kiiba laba jeer,

taas oo ka tarjumaysa khilaafka qoyska ka dhex aloosnaa,

waana sidatan:

C/laahi bin Faysal: 1865-1871

Sacuud bin Faysal: 1871-1871

C/laahi bin faysal (mar labaad) 1871-1873

Sacuud bin Faysal (mar labaad) 1873-1875

C/raxmaan bin Faysal 1875-1876

C/laahi bin Faysal(mar sadexaad) 1876-1889

C/raxmaan bin faysal(mar labaad 1889-1891

Waa amiirkii ugu danbeeyey dawladdii labaad ee

sacuudiga, muddadii ay jirtay waa intii u dhaxaysay 1238-

1309H oo ku beegan: 1822-1891.

Waxaa sidoo kale soo biiray qoys la oran jiray Aala rashiid

oo gacanyarayaal u ahaan jiray Aalasacuud, kadibna bariga

142

jasiiradda dawlad yar ka samaystay, talada Najdina wax ku

yeeshay, gacan saarna la yeeshay Turkiga, deegaankaas si

weyn ayey isugu ballaariyeen, caasimadna waxay ka

dhigteen Xaail, khilaafka Aalasacuud dhexdooda ka

aloosnaana aad ayuu u caawiyey, taas oo dhashay in

dhallinyaradii reer Sacuud qaarkood xulufo ka dhigtaan

Rashiidiyiinta.

Balse rashiidiyiintu danahooda ayey ilaashanayeen, ugu

danbayntii Najdi gacantooda ayey gashay, reer Sacuud

madaxdoodii iyo qoysaskoodii qaar ka mid ahi waxaa ay u

qaxeen Kuweyt, oo ay magangelyo ka heleen, sannadkii

1310H, 1891M waxaana xilka hayey C/raxmaan bin Faysal

oo ahaa Boqor C/casiis aabihii.

Sidoo kale marxaladdan labaad xukunkoodu ma dhaafin

Najdi dhexdeeda, haba jireen degmooyin badan oo ku

teedsanaa khaliijka carbeed oo taageersanaa xilligii Turki

bin C/laahi iyo wiilkiisa Faysal, balse markaa kadib waxay

iska ahaayeen magac-uyaal ku kooban Riyaad iyo

agagaarkeeda oo iyaga qudhoodu isku haysteen!

143

Warbixin kooban oo ku saabsan dawladii

Rashiidiyiinta ama Aala-rashiid

Dawladdani waa tii xukunka kala wareegtay Aalasacuud

kaddib markii dhallinyaradoodii xukunka isku khilaafeen,

in muddo ah ayey Rashiidiyiintu haysteen qayb ka mid ah

Najdi iyo gobollada bari oo caasimaddoodu ku taallay waa

Xaail. kadib markii Aalasacuud ay rideenna iyagaa Najdi oo

dhan la wareegay, waxayna ku siqeen ilaa Suuriya,

Najraan (waqooyiga yeman, haddana ah koonfurta

sacuudiga) ilaa xuduuda Xijaaz.

Dawlad xoogan ayey noqdeen oo u hanqaltaagaysa inay

gaaraan halkii reer Sacuud gaareen iyo meel ka fog.

Waxaa muhiim ah inaynu ogaanno ma jirin wax khilaaf

dhanka caqiidada ah oo u dhexeeyey labadan qoys:

Aalasacuud iyo Aalarashiid, mid walbaa waxay ku taagnayd

mabaadidii lagu aasaasay dawladdii Sacuudiga ee Sheekh

Maxamed C/wahaab wax ka taagay, kaliya waxay isku

hayeen xukunka, sida Aalasacuud dhexdooduba isugu

hayeen, Rashiidiyiintu markoodii horena sida aynu xusnay

waxay la shaqayn jireen Sacuudiyiinta, balse waa rag oo

markii ay arkeen khilaafka qoyska ku dhex jira ayaa damac

galay sidaa ayeyna talada ku hanteen.

Aasaasayaashii dawladdan:

Waa C/laahi Al-cali Alrashiidi, iyo walaalkii Cubeyd

Alrashiidi, 1850-1902 ayey si weyn isu ballaarisay, 13 amiir

ayaana isaga danbeeyey.

C/laahi Alcali wuxuu aad ugu xirnaa Turki bin C/laahi

Aalasacuud, markii Turki la dilayna isagaa wiilkiisii Faysal

xukunka lasoo celiyey, kana takhallusay nimankii

inqilaabka geystay.

144

Markii C/laahi Alcali dhintay xukunka cidna kalama

dardaarmin, waxaa joogay walaalkiisii dawladda la

aasaasay waa Cubeyd Alrashiidi, wuxuuse Cubeyd ahaa nin

cibaado iyo Alle ka-cabsi badan, isagoo hogaanka

ciidankana aad u yiqiin, geesi laga goojiyana ahaa,

gabayaana ahaa, hadduu xukunka isku magacaabi lahaa

loo wada hogaansami lahaa,balse arrin aan marnaba looga

fadhiyin ayuu la yimid oo ahayd: "Culimadii iyo madaxdii

deegaanka ayuu isugu yeeray oo ku yiri: Amiirkiinii

isagaa hadda xal u baahan (wuu dhintay) ee cid

talada idiin qabata raadsada! Cidina wax fikrad ah

masoo jeedin, markaa ayuu istaagay oo ku

dhawaaqay ciddii xukunka la wareegi lahayd,

wuxuuna doortay wiilkii walaalkii dhalay: Talaal bin

C/laahi Alrashiidi, sidaa ayuuna xukunka ku qabtay.

Xiriirka reer Sacuud iyo reer Rashiid u dhexeeyaa weli waa

fiicnaa, waana la xididi jiray, amiirkanina si weyn ayuu

dawladdiisii u ballaariyey.

Amiirro dhowr ah oo midba ka kale dilay ayaa isaga

danbeeyey xukunka, ugu danbayntii markii reer Sacuud

khilaafkoodii darnaaday ayaa dhallintoodii qayb ka mid ahi

taageero waydiisteen reer Rashiid, fursad qaali ah ayey u

noqotay, ciidan laxaad leh ayeyna soo dumeen, goobtii la

oran jiray Malaydala oo Qasiim ka mid ah ayaa la isku

helay sannadkii 1890M reer Rashiid oo qaar reer Sacuud

ahi la socdaan ayaa guushu raacday, Qasiim ayey

qabsadeen, dagaalkii wuu sii socday kadibna Riyaad ayey

qabsadeen oo caasimaddii Sacuudiyiinta ahayd sannadkii

1891. dawladdii Sacuudiga ee labaadna halkaa ayey ku

dhammaatay.

C/raxmaan bin Faysal oo markaa talada hayeyna sidii aynu

soo xusnay wuu qaxay, Qatar ayuu tagay, dawladda

Cusmaaniyiinta ayuu warqad u qoray isagoo ka codsanaya

inuu Kuweyt ku noolaado, waa loo ogolaaday, halkaa

ayuuna qaxooti ku noqday.

145

Reer Sacuud waa niman jab iyo guulba arki jiray sidaa

kuma samrin! dib ayey usoo rogaal celiyeen iyagoo Kuweyt

iyo qabaail badan taageero ka helaya, c/casiis oo ina

c/raxmaan ah oo dhallinyaro ah ayaa ciidan soo kaxaystay

1902dii Riyaad ayuu qabsaday iyo magaalooyin kale,

heshiis ayaa dhex maray labada qoys, ku saabsanaa in

xuduud cusub la kala samaysto, balse hardanka iyo

dagaalladii ma joogsan, labada qoloba boqortooyo ayey

soo dhadhamiyeen, "Qoori xero kuma heshiiso" waa in

midkood reerka u haraa!

Hardan dheer kadib 1921 ayaa dawladdii Rashiidiyiinta

lasoo afjaray, Sacuudiyiintuna isku ballaariyeen dhulkoodii,

madaxdoodiina Riyaad u taxaabeen, iyagoo xabsi guri ku

xukumay, ilaa ay halkaa ku dhinteen.

146

Dawladdii Sacuudiga ee Saddexaad 1

Aasaasaheedu waa boqor C/casiis bin C/raxmaan bin

Faysal bin Turki bin C/laahi bin Muxamed bin Sacuud,

waxaa uu ku dhashay Riyaad sannadkii 1296H 1880M

wuxuu dhintay 1374H- 1953, wuxuu dawladda aasaasay

1319H, 1902M.

Riyaad ayuu ku barbaaray waxna ku bartay, yaraantiisii

wuxuu ahaa mid jecel farda-fuulka, goaan adag, geesi

xikmad badan ah, waa cabqarigii qarnigii 20aad.

Markii reerkoodu qaxeen sannadkii 1891M, wuxuu ahaa 11

jir, markii ay qaxootiga noqdeen wuxuu aad uga fekeri

jiray soo celinta xukunkoodii;

Xiriir wanaagsan ayaa dhexmaray isaga iyo amiirkii Kuweyt

Mubaarak Alsabaax, taasoo keentay inuu ka helo taageero

ciidan.

Sannadkii 1319H, oo ku beegnayd 1902dii jannaayo,

da'diisuna tahay 22 jir ayuu soo kaxaystay ciidamo dhowr

iyo afartan nin ah, isagoo duullaan ku ah deegaankiisii

Najdi, qabaail badan ayuu soo dhexmaray oo kulligood ku

qanciyey inay taageeraan, in badan ayaa taageertay

ciidankiisii waxay noqdeen dhowr kun, reer Rashiid markii

ay arintaa ogaadeen ayey taageero ka dalbadeen saldhigii

Cusmaaniyiinta ee Ciraaq ku yaallay, reer miyigii C/casiis

la socday markii ay ogaadeen ciidanka kusoo maqan ayey

kala dhuunteen, waxaa kusoo haray ragiisii afartameeyada

ahaa ee uu Kuweyt kala yimid.

C/casiis nin isa soo miidaamiyey ayuu ahaa sidaa kuma

joogsan, si dhuumaalaysi ah ayuu ugusoo dhaqaaqay

dhinaca Riyaad, magaalada bannaankeeda ayuu goor

habayn ah soo gaaray, qayb ciidankiisii ka mid ah ayuu

1 Aldacwa Alislaaxiya fii bilaadi Alnajdi:215-218

147

kaga yimid oo geel iyo Fardo wata, wuxuuna kula soo

dardaarmay haddii uu soo noqon waayo ilaa waaberigii

inay cararaan.

Isaga iyo qayb ciidankiisii ka mid ah ayaa kasoo dhacay

deyrkii magaalada ku wareegsanaa, nin saaxiibkii ah oo la

oran jiray Juweysir oo ag deganaa guriga Riyaad looga

taliyo ayuu soo abbaaray, wuu u yimid wuuna martigeliyey

C/casiis iyo ragiisii.

Kadib waxay u dhaqaaqeen dhinicii guriga amiirka, wayna

u dhaceen, haweentii amiirka ayey qabteen, oo weydiiyeen

halka uu jiro, waxay u sheegtay inuu habaynkii ciidankiisa

la seexdo balse uu waaberiga iman doono, iyada iyo

haweeney kale ayey qol ku xireen, iyaguna gurigii ayey

isku qariyeen iyagoo amiirka sugaya.

C/casiis ragiisii uu bannaanka kaga yimid ayuu u cid diray

way soo gaareen, markii waagu baryey ayaa amiirkii oo

xoogaa ilaalo ah wataa yimid warna aan ka hayn raga

gurigiisa ku jira, isla markiiba C/casiis iyo ciidankiisii

rasaastii ayey ku boobeen, wayna dileen, waxaa magaciisa

la oran jiray Cijlaan, rashiidiyiinta ayuu wakiil uga ahaa

Riyaad, waxaa dilay C/casiis ina adeerkii oo la oran jiray

C/laahi bin Jalwa.

C/casiis taageerayaal badan ayuu Riyaad ku lahaa

markii ay ogaadeen inuu falkaa fuliyey ayaa gurmad

badani usoo baxay, Rashiidiyiintii wax badan masii

dagaallamin, Riyaad sidaa ayey gacantiisa ku

gashay!!!

kadib wuxuu bilaabay inuu isa sii ballaariyo oo

magaalooyin badan qabsado.

Goobo badan ayey isaga horyimaadeen isaga iyo

Rashiidiyiinta oo cusmaaniyiintii taageero ka helaya marar

uu jabay iyo marar uu wax jabiyey intuba waa jireen,

loolan 21 sano qaatay kadib ayuu carrigii u haray,

dawladdii Rashiidiyiintuna soo afjarantay sannadkii 1923M.

148

C/casiis aabbihii C/raxmaan oo ahaa ninkii xilka laga

inqilaabay sannadkii 1891M, wuu noolaa oo kuweyt ayuu

qaxooti ku ahaa, waxyaabaha wiilkiisu samaynayo wuxuu u

arkayey qar iska tuur! Mana filayn inuu guushaa gaarayo,

kadib aabihii ayuu u yeeray, culimadii iyo madaxdii reer

Riyaad ayuu ku kulmiyey masjidka weyn ee Riyaad

wuxuuna ka dalbaday inay ku dhaartaan u hogaan-sanka

aabbihii C/raxmaan, balse C/raxmaan inta uu kacay ayuu

diiday arinta wiilkiisu soo jeediyey, wuxuuna goobta ka

sheegay in amiirku yahay C/casiis, sidaa ayuu odeygu ugu

tanaasulay wiilkiisa, wuxuuna u ahaa la taliyihiisa

koowaad, wuxuuna ku magacaabay imaamka Muslimiinta

ilaa uu ka dhintay 1932dii.

C/casiis haddii Najdi iyo gobollada bari uu gacanta ku

dhigay intaa kuma joogsan, ee wuxuu sii waday ballaarinta

dawladdiisa.

Qabsashadii Casiir:

gobolka Casiir (koonfurta sacuudiga oo asalkiisa yamani

lahayd) ayuu qabsaday 1920kii, gobolladii rashiidiyiinta

gacantooda ku haray ayuu la wareegay ilaa 1923dii.

Qabashadii Xijaaz:

xijaaz ayuu duullaan kusoo qaaday Maka ayuu qabsaday

sannadkii 1924kii iyadoo uusan dagaal ka dhicin, 1925kii

ayuu Madiina qabsaday, 1926kiina Xijaaz oo dhan ayaa

gacantiisa gashay.

Xilligaa ka hor C/casiis waxaa loogu yeeri jiray: Amiirka

Najdi iyo inta hoos timaadda". Markii uu xijaaz qabsaday

waxaa loogu yeeray: Boqorka xijaaz iyo Najdi iyo inta

hoostimaadda".

Sannadkii 1932dii ayuu digreeto soo saaray uu u bixinayo

dawladdiisa :Boqortoodaya Carbeed ee reer Sacuud"

Isagana loogu yeero Boqorka boqortooyada.

149

C/casiis iyo qolyihii rashiidiyiinta ahaa ee kasoo horjeeday

waxay kusoo beegmeen xilli uu loolan culusi ka dhexeeyey

dawladaha reer galbeedka, oo mid kastaa doonaysay inay

awoodda bariga dhexe gacanta ku dhigto, Turkiga iyo

xulufadiisu waxay la jaal ahaayeen Jarmalka oo ay

taageero ciidan iyo hubba ka helayeen, halka C/casiis oo

Kuweyt taageerayso ay Ingiriiska gacan saar la lahaayeen,

kana heli jireen saanad millatari.

Waa amiirkii ugu horreeyey ee reer Sacuud ka mid ah oo

xiriir dadban iyo mid toos ahba la yeesha ingiriis ama gaalo

kale, iyadoo ay keenaysay awooddii reer galbeedka ee

markaa jirtay, dawladaha tabarta daranna ay ku

khasbanaayeen inay heshiis la galaan dawladaha reer

galbeed ee loolamayey ama ay xukunka waayaan.

Ma dhahayno C/casiis mar kasta wuu ku saxnaa xiriirka

reer Galbeedka, balse waxaan leenahay ma jirin wax

saamayn ah oo ay ku yeelatay hannaankii diineed ee

jasiiradda iyo caqiidadii ummadda iyo dhaqan gelintii

shareecada.

Waxaa hanqaltaagiisa ka mid ahaa inuu ku darsado

dhulkiisa dhulal kale oo ay ka mid yihiin Urdun ilaa

Falastiin! Balse cagajuglayn ingiriiska kaga timid ayuu uga

joogsaday intii wax badso wax beel bay dhashaa ay ku

dhici lahayd!

Markaana waxaa socday qorshihii reer galbeedku ku

diyaarinayeen soo raridda Yahuudda iyo dejintooda dhulka

Falastiin!!

C/casiis muxuu dawladdiisa Dastuur uga dhigay?

C/casiis isagoo ahaa nin soo nooleynayey xukunkii

qoyskooda ee la riday, balse lama iman dariiq ka

duwan manhajkii sheekha iyo imaamku ku

150

heshiiyeen, marnaba gorgortan kama gelin in

dawladda lagu dhaqo shareecada islaamka.

Waxaa hadalladiisa ka mid ahaa: "Alle waxaan ballan kula

galay saddex waxyaabood:

1- inaan Tawxiidka ku baaqo, shareecadana ku xukumo

wax yar iyo wax weynba.

2- Qofka xumaanta wada inaan gacanta qabto seefna

ku maamulo.

3- Qofkii wanaag la yimaadda inaan abaal mariyo, kii

ilduuf ka dhacana aan iska cafiyo.

Waxaa kale oo khudbooyinkiisa ka mid ahaa:

"Kitaabka Alle ayaa diin inoo ah, isaga ayaan ula

noqonaynaa wax walba, sunnada nabigu sallalaahu

calayhi wasallama waa daliilkeenna, waxaana ku

sugan wax kasta oo aan u baahannahay oo kheyr

iyo toosnaan ah, annaguna dhankeenna waan ku

dadaalaynaa inaan istaajinno oo raacno kuna

maamulno arrin walba".

Waxqabadkiisa kuwii ugu waaweynaa:

Isaga oo dhulkuu uu ka talinayey ku mideeyey ku

dhaqanka shareecada islaamka.

Arrimaha xajka iyo labada xaram oo uu si weyn

isaga xilsaaray, kana shaqeeyey sida ugu fudud ee

xujeydu waajibkooda ku gudan karaan, meeshana

ka saaray canshuurtii ashraaftu xujeyda ka qaadi

jireen.

Xaramka Maka wuu dayac tiray isagoo ballaarintiisa

qorsheeyey ayuu dhintay wiilkiisa Sacuud ayaana

qorshihii fuliyey.

Isagoo kacbada u sameeyey hal imaam, halka ay

dadku lahaayeen afar imaam oo mid kastaa madhabtiisa

dadka ku tujiyo.

151

Isaga oo aasaasay hay'adda farida samaha iyo

reebidda xumaha.

Adkaynta garsoorka, isaga oo shareecada ku

qotomiyey una dooray dad aqoon u leh.

Cilmiga iyo culimada oo uu siiyey mudnaanta

koowaad, isaga oo ku dadaalay in tuulo kastaa

yeelato xarumo waxbarasho iyo dad waxbaridda u

heellan.

Wuxuu sameeyey gole waxbarasho oo loogu yeeri

jiray Majlis Almacaarif, oo ka dhignaa wasaarad

waxbarasho, wuxuuna khasab ka dhigay

waxbarashada hoose oo dhammaan caruurta laga

doonayey in la geeyo goobaha waxbarashada.

Wuxuu aad u adkeeyey amniga maadaama uu yahay

shayga koowaad ee bulshada daruuriga u ah, wax la'aantii

socon karaana uusan jirin.

Dhanka dhaqaalaha C/casiis waa ninkii soo saaray

batroolka oo looga faaiidaystay horumarinta dalka, dhanka

tacliinta, caafimaadka, amniga iyo wax kasta oo bulshadu

u baahan tahay.

Macaahiddii iyo jaamicadihii xilligiisa la aasaasay:

1- Machadka cilmiga ee Sacuudiga: Maka

2- Madrasada diyaarinta dadka waxbarashada sare loo

dirayo: Riyaad.

3- Daaru Tawxiid: Daaif

4- Kulliyadda shareecada: Maka

5- Machadka riyaad ee cilmiga: Riyaad (waa bilawgii

jaamicadda weyn ee kadib loo bixiyey Imaam

Maxamed bin Sacuud).

6- Kulliyadda Shareecada: Riyaad

152

Dhimashadiisii:

Halgan dheer oo soddon sano qaatay, iyo labaatan sano oo

kasii danbeeysay oo uu ku mashquulsanaa horumarinta

dawladdiisa, wuxuu c/casiis dhintay 1373H, oo ku

beegnayd 1953dii, Daaif ayuu ku dhintay, Riyaad ayaana

lagu aasay.

Dad badan oo Muslim iyo gaalo isugu jira ayaa wax ka

qoray taariikhda C/casiis, waxayna isku raaceen inuu ahaa

shakhsi isagoo kale uu dhif yahay, uuna yahay cabqarigii

qarnigii 20aad.

Raga wax ka qoray waxaa ka mid ah taariikhyahankii

weynaa ee reer Shaam: Kheyrudiin Zirikli, iyo qoraaga

weyn ee reer Masar Maxamed Xasanayn Haykal.

Waxaa xukunka uga danbeeyey wiilashiisan kala ah:

1- Boqor Sacuud bin C/casiis oo xilka hayey 1953-

1964tii.

2- Boqor Faysal bin C/casiis 1964-1975

3- Boqor Khaalid bin C/casis 1975-1982

4- Boqor Fahad bin C/casiis 1982-2005

5- Boqor C/laahi bin C/casiis 2005-……..

Dhammaan Alle ha u naxariisto waa rag dalkooda

hormariyey, islaamka kalena wax taray.

Qaddarkaa ayeynu kaga joogsanaynaa warbixintii

koobnayd ee aynu ugu talagalnay inaynu ku tilmaanno

dawladda Sacuudiga iyo marxaladihii ay soo martay,

innagoo ula jeednay inaan sheegno inay ka mid tahay

mirihii laga dhaxlay halgankii Sheekh Maxamed C/wahaab

Alle ha u naxariistee.

153

Qaybta Afaraad ee mirihiisii ka mid ah:Raadkii

uu ku yeeshay dibadda jaziiradda Carbeed:

Aynu xusno toddaba meelood:

1- Yaman

2- Masar

3- hindiya

4- Induniisiya

5- Galbeedka Africa

6- Shaam iyo Ciraaq.

7- Jazaair

8- Soomaaliya

Yaman:

Isla markii Sheekhu dacwada ku dhawaaqay oo ay

hanaqaaday waxaa ku dayday oo ay hiil u noqotay culimo

ku noolaa Dalka Yaman, oo arkayey khaladaadka faafsan,

balse ka baqayey collaytanka iyo guuxa dadweynaha,

culimadaa waxaa ka mid ahaa Imaam Maxamed Amiir

Alsancaani, oo ahaa caalim weyn oo reer yeman ah,

qorayna kutub badan oo culuumta shareecada

noocyadeeda kala duwan ah, sida Xadiiska iyo

qawaaciddiisa, siirada nabiga, fiqhiga, caqiidada iyo kuwo

kaleba.

Sheekhani wuxuu tiriyey qasiido dheer oo uu sheekha ku

ammaanayo, kuna bogaadinayo wax qabadkiisa, isla

markaana wuxuu isna bilaabay inuu qoro kutub caqiidada

ku saabsan oo sida sheekha oo kale kaga digayo

shirkiyaadka iyo khuraafaadkii baahsanaa.

Qasiidadiisa waxaa ugu horeysay tuduc micnaheedu yahay:

154

Salaamtaydu Najdi dusheeda ha ahaato, iyo cidda

Najdi degtayba, inkastoo salaantaydu aysan meel fog

wax ka tarayn!

Hadalladiisa waxaa ka mid ahaa: "Markii akhbaartu la

duushay in caalim uu kasoo bidhaamay Najdi, la

yiraahdo Maxamed bin C/wahaab, ardaydiisa

qaarkoodna ay nasoo gaareen, noogana warrameen

xaqiiqooyinka xaaladdiisa iyo ku dadaaliddiisa Alle

ka cabsiga iyo faridda samaha iyo reebidda xumaha,

ayey naftu u hilawday inaan u qorno tuducyadan

sannadkii 1163H, waxaanan usii marsiinnay dhanka

Maka-da sharfan, (markaa ayuu sheegay tixdiisii).

Waxaa tixda ka mid ahaa:

"akhbaartu waxay noo keentay inuu noogu soo

celinayo sharciga sharafta leh wax muujinaya.

Waxa kale oo ka mid ahaa: "wuu I farax geliyey

waxa uu la yimid ee dariiqadiisa ah, waxaanan

islahaa inaan keli ku ahay dariiqadan". 1

Sidaas ayuu Sancaani dadka ugu baaqay inay u noqdaan

dariiqadii xaqa ahayd ee Nabi Muxammad, culimo badan oo

ka danbaysayna waddadiisii ayey qaadeen, sida Xuseyn

bin Mahdi Alnucmi, iyo Muxamad bin Cali

Alshawkaani, waxayna ka tageen kutub qiimo weyn leh

oo noocyada cilmiga badankiisa ah.

Shawkaani si weyn ayuu ugu baaqay manhajkii sheekha si

toos ah iyo si dadban labada, meelo badan oo ka mid ah

kitaabkiisa Albadru Aldaalic ee taariikhda ah ayuu ku

difaacay sheekha iyo ardaydiisa, iyo madaxdii reer Sacuud

intaba, bal fiiri : 2/7, 2/5-8, 1/262 iyo meelo kale oo

kitaabkiisaa ka mid ah.

1 Diiwaanka Sancaani:128-132

155

Sancaani iyo Shawkaani qarnigii 12aad ilaa iyo

wakhtigan masoo marin yaman cid la miizaan ah,

cilmiga iyo kutub badnaanta labadaba, fiqhiga laga

haysto waqooyiga yaman ee dawlad iyo shacabba la

cuskado wuxuu u badan yahay fiqhigii ay ka tageen

labadan imaam, Alle ha u naxariisto.

Masar

Dacwadau Masar waxay ka saamaysay taariikhyahankoodii

ugu weynaa waa C/raxmaan bin Xasan bin

Burhaanudiin Aljabarti 1 , oo asalkiisu kasoo jeedo dhulka

Xabasha, balse dhowr fac ku dhashay Masar, wuxuu wax

lala yaabo ku tilmaamay sidii foosha xumayd ee loola

dhaqmay maxaabiistii reer Najdi iyo xoolihii lagu bixiyey

xafladihii loogu dabbaaldegayey guushii ku-meel gaarka

ahayd, c/laahi Aalasacuud markii loo dhaadhiciyey Astaana

oo halkaa lagu toogtay wuxuu ku tilmaamay inuu yahay

"Shahiid"

Waxyaabihii qaabka darnaa ee reer Baashe sameeyeen

waxaa ka mid ahaa inay iibiyeen maxaabiistii qaarkood,

Jabarti isagoo arrintan ka gilgilanaya wuxuu yiri: "waa

Muslimiin Xor ah".

Markii Maxamed Cali Baashaa uu la yaabay sida uu Jabarti

ula safanyahay culimada wahaabiyada lagu suntay ayey

dileen wiil uu dhalay si gaadmo ah, aad ayuu uga

murugooday oo ugu ooyey ilaa uu ka indhabeelay,

kaddibna waa la ceejiyey oo sidaa ayuu ku dhintay". 2

1 Wuxuu kasoo jeeday dhulka xabasha oo qoyskoodu ka hijroodeen, wuxuu ku dhashay Qaahira

1168H oo ku beegnayd 1756, isaga iyo aabbihiiba waxay ka mid ahaayeen culimadii waaweynayd

ee Azhar wuxuuna dhintay 1240H oo ku beegnayd 1825. Akhbaarta sacuudiyiinta wuxuu meelo

badan kaga xusay kitaabkiisa loo yaqaan: Taariikh Aljabarti.

2 Fiiri: Alsacuudiyuun wal-xal al-islaami: Maxamed Jalaal Kashka:176, iyo Al-aclaam:

kheyrudiin Zirikli:3/304

156

Kaddib waxaa yimid Caalimkii Muxamad Rashiid Ridaa 1

ee ahaa muftiga labada dawladood:Masar iyo suuriya, isna

si weyn ayey dacwadu u saamaysay aad ayuuna ugu

difaaci jiray Majalladiisa Almanaar,., isagoo difaacaya

sheekh Maxamed bin c/wahaab wuxuu yiri: "Wuxuu ka mid

ahaa imaam maxamed bin C/wahaab kuwaa caadiliinta ah

ee diinta boorka ka jafay, wuu istaagay isagoo ku baaqaya

in tawxiidka la saafiyeelo, cibaadadana Allaah loo baraxtiro

kaligii, sida uu kitaabkiisa ku jideeyey nabigiisa nabiyada

lagu khatimayna uu jideeyey, iyo in bidcada iyo macaasida

laga tago, shareecada laga tagayna la oogo, iyo in

xurmooyinka Alle ee lagu tuntay la weyneeyo". 2

Mar kale waxaa uu yiri isaga oo dhaleecayna xaflad loo

sameeyey boqol guuradii kasoo wareegtay markii la taagay

xukunkii reer Baashaa 1903 iyadoo masaajiddii aad loo

qurxiyey markii xafladdu dhacaysay: "Masaajiddu waa

guryihii Alle, mana habboona in loo qurxiyo

munaasabadaha xuska boqorrada iyo madaxda kaligood

taliyayaasha ah". Kaddib wuxuu ka sheekeeyey siyaasad

xumadii Maxamed Cali Baashe oo ay ka mid ahayd

dagaalkii uu ku qaaday wahaabiyada iyo baabi'intii uu ku

sameeyey, iyagoo ahaa kuwii isu taagay hagaajin diineed

oo ka curatay jaziiradda carbeed oo ah hoygii islaamka iyo

saldhigiisii". 3

Mar kale waxaa uu yiri: "Haddii wixii horjoogsaday aysan

jirin, islaamka wuu cusboonaysiin lahaa mid diineed iyo

mid aduunyo oo wada jira, wixii ka horyimidna waxaa ugu

weynaa dawladdii Cusmaniyiinta iyo taagiriddii Muxamad

Cali Baashe uu ku taageeray la dagaallanka wahaabiyada,

iyo inuu awoodoodii baabi'iyo, waxa qarsoon ee hoos ka

hagayeyna waxay ahayd dawladdii maleegyada shaydaan

1 Wuxuu ahaa reer shaam kadib masar ayuu degay kutub badan ayuu qoray, wuxuu dhintay 1354H

2 Fiiri hordhaca uu Dr Maxamed Ismaaciil Almuqaddam u sameeyey siyaanatul-insaan 1/26

3 Isla halkii hore"1/27

157

(ingiriiska) cadawgii barigana ahayd, gaar ahaan ummadda

islaamka". 1

Waxaa kadib yimid Caalimkii xadiiska looga danbeeyey

qarnigii 14aad ee hijriga waa Imaam Abul-ashbaal

Axmed Muxammad Shaakir, oo reer Iskandariya

ahaa, wuxuu dadaal dheer u galay kor uqaadidda sunnada

iyo dhaleecaynta bidcada, wuxuu aad uga shaqeeyey

daabicidda kutubta sunnada oo uu ugu weynyahay

Musnadka imaamu Axmed bin Xanbal, kutubta tafaasiirta

ah, kuwa caqiidada sida Sharraxa Daxaawi ee Imaam Cali

bin abil-cizz Alxanafi, iyo kutub kale.

Wuxuu caalimkani ahaa mid aan la ganban xaqa uu

aaminsanyahay, wuxuuna ahaa mid aad looga xurmeeyo

golayaasha cilmiga ee Masar oo ay Azhar ugu horreyso,

aabbihii wuxuu ahaa ninka ugu sarreeya garsoorka

Iskandariya. 2

jamaacada Ansaaru Alsunnah iyo culimo kale ayaa iyaguna

aad u faafiyey dacwadii sunnada ee wahaabiyada lagu

suntay, madbacad lagu magacaabo Madbacatu Alsalafiyah

ayey ka hirgeliyeen dalka, ka hor bartamihii qarnigii hore,

ilaa haddana aad ayey ugu dhex faafsan tahay bulshada

reer Masar.

1 Almannaar:26/205

2 Sheekh Muxamad Naasirudiin Al-albaani wuxu yiri: noloshaydii laba caalim wax la mid ah

ma arag: Axmed Shaakir iyo Badiicudiin Alsindi.

158

Hindiya:

Isla xilligii sheekha waxaa ku noolaa Caalim weyn oo dadka

sunnada ugu baaqayey kama qaadan Sheekh Maxamed bin

C/wahaab, ee cilmigiisa ayaa xaqa u bidhaamiyey waa

imaamka reer Hindiya iyo inta ka go'dayba silsiladdooda

cilmigu marto, waa Callaamah Axmed Shaah Dahlawi

oo loo yaqaan (Shaah weliyullaah Al-dahlawi)

sheekhan iyo faraciisu aad ayey dadka ugu baaqeen in

tawxiidka la saafi yeelo, sunnadana halbeeg laga dhigto.

Waxaa kale oo hindiya kasoo baxay culimo si weyn u

difaacday Sheekh Maxamed bin C/wahaab, kutubna ka

qortay, dacwadii uu ku baaqayeyna dadka ugu baaqday,

waxaan culimadaa ka xusi karnaa:

Sheekh Maxamed Bashiir Alsahsawaani 1 : oo qoray

kitaabka lagu magacaabo: Siyaanatu Al-insaan can

waswasati Daxlaan. (dadka oo laga dhawro waswaasinta

Daxlaan) waa kitaab uu kaga jawaabayo been abuurka

Daxlaan u gaystay diinta iyo sheekh maxamed iyo dadka

taageersanba, waana kitaab weyn oo hadda lagu daabacay

laba Mujallad.

Sheekh Maxamed Manduur Al-nucmaani: ayaa isna

qoray kitaabkiisa ah "Dacaayaat mukathafah didda

Sheekh Maxamed bin C/wahaab". Oo uu kaga

jawaabayo dacaayadaha la buunbuuniyey ee sheekha laga

faafiyey.

1 Wuxuu ka mid ahaa culimadii xadiiska ee Hindiya kuwii ugu waaweynaa, mar uu xajka yimid

ayuu dood la yeeshay Axmed Zayni Daxlaan oo allifay kitaab uu sheekh Maxamed iyo dadka

raacsan ku dhaleecaynayo, baadilka iyo qubuurinimadana ku difaacayo, markii sheekh Sahsahaawi

uu deegaankiisii ku noqday ayuu qoray kitaabkiisa la yiraahdo Siyaanatu Al-insaan can waswasati

Daxlaan. Wuxuu dhintay 1326H, kitaabkiisa waxaa daabacay Rashiid ridaa oo taxqiijiyey, kadibna

waxaa daabacay Maxamed ismaaciil Almuqaddam labaduba waa reer Masar.

159

Sheekh Mascuud Caalim Nadawi 1 : oo qoray kitaabkiisa

cajaaibka badan, oo uu u bixiyey: "Muxamad bin

C/wahaab muslixun madluumun wa muftaraa

calayh". (Maxamed c/wahaab waa samaddoon la dulmiyey

laguna been abuurtay). Si aad u tafaftiran oo taariikhaysan

ayuu kitaabkan u allifay, ugana jawaabay dacaayadihii reer

galbeedku sheekha ka faafiyeen iyo kuwii kaleba,

kitaabkan asalkiisa Urduu ayuu ku qoray kaddib Carabi

ayaa loo tarjumay.

Culimo badan oo kale ayaa jirta oo reer hindiya ah waxna

ka qortay sheekh Maxamed balse saddexdaa caalim ayaa

safka hore kaga jiray.

Sidoo kale taageerayaasha sheekha ama dadka la

caqiidada ah ee ku nool hindiya, Pakistan iyo bangaladesh,

waxaa loo yaqaan: Ahlu-xadiis, waxayna leeyihiin xarumo

aad u badan oo cilmiga lagu barto, sida jaamicadda

Alsalafiya, oo ku taal Hindiya-Banaaris oo uu madax ka

ahaan jiray caalimkii qoray kitaabka siirada "Alraxiiq

Almakhtuum" iyo jaamicadda Alsalafiya ee ku taal

Pakistan-Faysalaabaad iyo xarumo kaleba, Jaamacadda

Abuubakar ee ku taal Karachi-Pakistan.

Sidoo kale waxaa dalkan mar ka curatay dawlad uu madax

ka ahaa amiir la oran jiray Sayid Axmed sannadkii 1820m,

balse masii dheeraan jiritaankeedu oo isticmaarkii ingiriiska

ayaa ka takhallusay. 2

Sidoo kale Caalimkii weynaa ee noocyada cilmiga ku

takhasusay waa Imaam Sadiiq Xasan Khaan, markii uu

guursaday boqoraddii gobolka Bahoobaal oo hindiya ka mid

ah, wuxuu la wareegay maamulkii gobolka, wuxuuna kusoo

1 Wuxuu ahaa asalkiisii Caalim Xanafi ah kuna dhegan mad-habtiisa, gumaysigii ingiriiska ayaa

xabsiga dhigay, kutubtii Shawkaani iyo kuwo kale ayuu xabsiga ku daalacday, markii uu kasoo

baxayna wuxuu iska daayey ku-dheganaanshihii xanafiyada ee daliilka ayuu raaci jiray, dadkii

sheekha difaacay kuwii ugu dhiirranaa ayuu ka mid ahaa, wuxuu dhintay 1373H

2 Sheekh Muxammad bin C/wahaab: Axmed bin Xajar Aalabuutaami:55-56

160

ogay shareecada islaamka isaga oo dadka ugu baaqayey

tawxiidka ugana digayey shirkiga iyo khuraafaadka kale.

Induniisiya:

Sannadkii 1803m waxaa jaziiradda Soomtara ee ka mid ah

induniisiya ka bilaabay dacwadii sheekha Xujeydii kasoo

noqotay xajka, kaddib markii ay la kulmeen culimadii reer

Najdi ayna ku qanceen manhajkooda, kaddib dagaallo ayaa

dhex maray muslimiintii manhajkan ku qancay iyo gaaladii

Buudiga ahayd, waxaa arrinta soo farageliyey isticmaarkii

Holand, dagaallo ba'an ayaa dhexmaray muslimiinta iyo

gumeysiga qaatayna 16 sano, ugu danbayntii gumaystaha

ayaa adkaaday xoogagii muslimiintana waa la jabiyey,

balse dadkii mabaadida aaminsanaa kama idlaan

jaziiradda. 1

Galbeedka Afrika:

Waxaa kasoo safray nin la oranjiray Cusmaan bin Fowdi,

oo ka dhashay qabiilka weyn ee Fullaaniyiinta loo yaqaan,

kuna faafsan dalal badan oo galbeedka Afrika ah.

Wuxuu dhashay 1168 ama 1169H, oo ku beegnayd 1754M.

Sheekhani markii uu xajka yimid, wuxuu la kulmay

culimadii dacwada, wuu ka faaiidaystay manhajkoodiina

wuu ku qancay, kaddib dalkiisii ayuu ku noqday isaga oo

ku baaqaya caqiidada saafiga ah, wuxuu ku guulaystay

inuu qabiilkiisii mideeyo kana dhaadhiciyo dacwadii uu ku

baaqayey, isla markaana ka dhigto cudud uu adeegsado

faafinta caqiidada uu xanbaarsanyahay.

waxaa iyaguna halkaa degan qabiilka Haawsa ee ku

faafsan dalalka Maali, Niijar, kaamaroon, Nayjeeriya iyo

kuwo kale, waxay ahaayeen dad islaamka ka haysta magac

1 sheekh Maxamed bin C/wahaab caqiidatuhu alsalafiya wa dacwatuhu alislaaxiya: sheekh

Axmed bin Xajar Aalabuutaami:56

161

oo kaliya, ku dhaqma wax kasta oo jaahiliya ah, dagaallo

faraha looga gubtay ayaa dhexmaray Cusmaan iyo

Haawsa, kaddib guushu waxay raacday Cusmaan, dawlad

loo yaqaan Sookootoo, ayuu ka taagay galbeedka Afrika

sannadkii 1803M, dawlad la oran jiray Qabar ayuu meesha

ka saaray, sidaa ayuu ku faafiyey manhajkii Sheekh

Maxamed c/wahaab ee salafiga ahaa, ilaa uu ka dhintay

sannadkii 1232H oo ahayd 1817M dawladdani waxay jirtay

ilaa isticmaarku dumiyey sannadkii:1903M iyadoo boqol

sano jirsatay, faraciisiina ay iska dhaxlayeen.

Cusmaan bin Fowdi waxaa dalalkaa looga aqoonsan yahay

halgamaa weyn waxaa jira dugsiyo iyo jaamicado iyo

xarumo kale oo badan oo magaciisa lagu maamuusay,

dadka deegaankaa degan sida uu ugu weyn yahay caruurta

in badani waxaa ay u bixiyaan Cusmaan.

Waxaa laga qoray kutub badan oo ka warramaysa

taariikhdiisii iyo waxqabadkiisii, sidoo kale dacwadiisii aad

ayey dalalkaa uga miradhashay oo galbeedka afrika wuxuu

ka mid yahay meelaha ugu badan ee laga haysto dacwadii

sheekh maxamed c/wahaab ku baaqay.

Shaam iyo Ciraaq:

Sidoo kale Ciraaq iyo Shaam ayaa ka mid ahaa meelihii

baaqa sheekhu gaaray xilli hore, balse maadaama ay ku

yaalleen saldhigyo waaweyn oo Turkigu lahaa ma

suuroobin in dacwadu biya-dhigto wixii ka horreeyey

dumiddii dawladda Turkiga, inkastoo ay mar walba jireen

shakhsiyaad dacwada aaminsan balse aan awood u lahayn

faafinteeda, waxaa ka mid ahaa culimadii Ciraaq ku

noolayd ee dacwada faafisay Caalimkii reer Ciraaq

Maxamuud Shukri Al-aaluusi iyo adeerkii Nucmaan Alaluusi,

Maxamuud wuxuu allifay kutub dhor ah oo uu ku

difaacayo dacwada sheekh Muxammad kuna naqdinayo

qubuuriyiinta, waxaa kutubtaa ka mid ahaa:

162

1- Qaayatu Al-amaanii firraddi Calaa Alnabhaanii,

isagoo ku naqdinayey qubuurigii weynaa ee la

oran jiray Yuusuf Alnabhaani 1 ee shirkiyaadka

difaaci jiray, sheekh Maxamedna si weyn ugu

been abuurtay.

2- Al-aayatu Alkubraa calaa dalaali Alnabhaaniyi fii

raa'iyatihi Alsuqraa.

3- Taariikhdii Najdi.

4- Sacaadatu Aldaarayn fii sharxi xadiith Althaqalayn.

5- Alsuyuuf almushriqah mukhtasar Alsawaaciq

Almursalah.

6- Fatxu Almannaan tatimmatu minhaaj Alta'siis.

7- Faslu alkhidaab fii sharxi masaail aljaahiliyah lilimaam

maxamed bin C/wahaab.

8- Kanzu alsacaadah fii sharxi kalimateey

Alshahaadah.

Kutubtaasi dhammaantood caqiiqada islaamka ee

saafiga ah ayuu ka allifay wuxuuna ku difaacay

sheekh maxamed iyo dadka la caqiidada ah.

Shaam iyadana iyadoo cunaqabatayn xaga caqiidada ah

la saaray haddana xaqa haddii afka la qabto feeruhuu

ka dillaacaa! Waxaa kasoo baxay culimo waaweyn oo

aynu ka xusi karno:Naasirudiin Alxijaazi, iyo abulyasaar

Aldimashqi, oo labaduba allifay kutub ay dacwada

sheekha ku difaacayeen, sidoo kale Muxamad Bahjat

Albaytaar, iyo muxaddiskii weynaa Jamaaludiin

Alqaasimi, sidoo kale Muxamad kurdi Cali, ugu

danbayntii Imaam Muxammad Naasirudiin Al-albaani oo

ahaa muxaddiskii qarnigan. Iyo culimo kale oo Alle

ummadda ku anfacay.

1 Wuxuu ahaa Ciraaqi, kasoo shaqeeyey garsoorka iyo saxaafaddaba, gabayaana wuu ahaa, Rashiid

Ridaa wuxuu yiri: kutubtiisa waxaa ka buuxa axaadiis la sameeyey iyo kuwa sharciga garab

marsan, almannaar: 10/797, dacaawaa almunaawi'iin:55, taariikhdiisa ka eeg: aclaam 8/218

163

Jazaair:

Waxaa jirtay jamciyad lagu magacaabo: "Jamciyadda

Culimada Muslimiinta ee reer Jazaair". Waxaa madax

ka ahaa caalimkii weynaa C/xamiid ibnu Baaddiis,

waxaa loo aasaasay ka hortagga afkaarta gumaysiga iyo

wacyigelinta bulshada, waxayna noqotay mid shacabku aad

u taageeray, sidii S.Y.L soomaaliya looga taageeray oo

kale.

Faransiiska iyo pro-faransiisku (waxay la midyihiin protalyankii

soomaaliya) waxay culimadaa ku furayeen

tashwiish ah waa wahaabiyo waa in xukuumaddu indhaha

ku haysaa dhaqdhaqaaqooda iyo hawlahooda! Waa in laga

hortagaa! i.w.m balse culimadani risaalada ay xanbaarsan

yihiin ayey gudanayeen danna kama galayn dacaayadaha

rakhiiska ah ee gaalada iyo daba-dhilifku faafinayeen.

Haddaba culimadani waxaa ay dadka ugu baaqayeen wax

la mid ah wixii sheekh Maxamed ku baaqayey oo ahayd in

loo noqdo diintii Alle ee saafiga ahayd, la isagana tago

waxyaabaha dib laga keenay, taa ayaana cizzi iyo sharaf

lagu gaari karaa.

Ibnu Baaddiis oo hadlaya wuxuu leeyahay: "in dadka

loogu yeero kitaabka iyo sunnaha iyo wixii salafku

haysteen, loogana digo baadinimada iyo bidcada iyo

waxyaabaha lagu halaagsamo miyaa ah faafinta

wahaabinimada?! Mise faafinta cilmiga iyo

saafiyeynta iyo xorriyadda damiirka iyo weyneynta

caqliga iyo adeegsiga caqliga iyo xubnaha ayaa ah

noolaynta wahaabinimada? Haddaba haddii sidaa

xaaladdu tahay caalamka reer magaalka ahi waa

wada wahaabiyo, ummadda muslimiintuna waa wada

wahaabiyo". 1

Caalimkii Maxamed Bashiir Al-ibraahiimi oo ka mid

ahaa xubnaha Jamciyadda ugu waaweyn isna waxaa

1 Aathaaru ibni Baadiis:5/270-271

164

hadalladiisii ka mid ahaa: "Toloow! Xaqu wuu ka

sarreeyaa shakhsiyaadka, sunnadana laguma

magacaabo magaca ciddii noolaysay, wahaabiyadu

waa dad muslimiin ah oo idin la wadaaga ku

abtirsiga islaamka, oo idin kaga sarreeya oogidda

shareecadiisa iyo xuduuddiisa, muslimiinta

dhammaan casrigan joogana kaga sarreeya hal arrin

oo ah inaysan ogoleyn wax bidco ah, danbigoodu

muxuu yahay haddii ay inkireen wixii kitaabka Alle

iyo sunnada rasuulku inkireen?! Ayna ugu

fududaatay wixii ay awood heleen inay munkarka ku

dooriyaan!". 1

Danta aynu ka leenahay waxa weeye in jamciyaddan oo

safka hore kaga jirtay xoraynta Jazaair ay aaminsanaayeen

isla mabaadidii uu sheekh Maxamed ku baaqay, taas oo

aynu oran karno dacwada sheekhu waa ay biya-dhigtay

Waqooyiga Afrika.

Taariikhyahanna qaarkood ayaa sheega in dhaqdhaqaaqii

loo yiqiin Al-sanuusiya, ee ka jiray waqooyiga Afrika, gaar

ahaan Liibiya lana dagaallamay gumaysiga ay

aaminsanaayeen mabaadidii sheekha, balse taa ma qirsana

taariikhyahannada dacwadu, ee waxay sanuusiyadu ahayd

mid la mid ah dariiqadii Saalixiyada ee ka jirtay Suudaan

iyo Soomaaliya ayna matalayeen daraawiishtii Sayid

Maxamed Cabdille Xasan.

1 Aathaar Al-ibraahiimi:123-124

165

Soomaaliya:

Soomaaliya waa meel dadkeeda lagu ibtileeyey wax qoris

la'aan, sidaa darteed ayaa dhacdooyinka iyo waxyaabaha

lasoo darsaa badankoodu dabaysha raacaan, intii la

helaana ay adkaataa hufiddeeda iyo kala

shaandhaynteedu, dadyowga geeska Afrika ee Soomaaliya

ilaa Ereteriya, waxay ka mid ahaayeen meelaha sida

tooska ah xiriirka ula leh jaziiradda carbeed, guud ahaan

muslimiinta dhulalkan ku noolna Xajka ayey sannad walba

gudan jireen oo dad ayaa ka aadi jiray, sidaa darteed

waxay ahaayeen dad u dhuun-duleela waxa ka jira

geyigaa.

Haddii aynu usoo dhaadhacno dalkeenna Soomaaliya,

waxaa sugan in dacwada sheekhu soo gaartay wakhti hore,

isla bilawgii dawladdii Sacuudiga ee koowaad;

Waxaa taariikhdu inoo kaydisay in shakhsiyaadkii ugu

horreeyey ee dacwada sheekha soo xanbaara uu ka mid

ahaa Caalimkii weynaa ee magaca ku lahaa dalka

Soomaaliya, waa Sheekh Cali C/raxmaan Fiqi-kheyrre,

oo loo yiqiin (Xaaji Cali Majeerteen).

Caalimkani wuxuu noolaa intii u dhexaysay 1787-1852M,

wuxuu ku dhashay gobolka Nugaal, halkaa ayuuna wax ku

bartay, ugu danbayntii wuxuu u socdaalay jaziiradda

carabta ilaa ciraaq oo uu cilmi badan kasoo xanbaaray, 10

ilaa 12 sanana uu joogay labada xaram iyo Ciraaq.

Waxaa uu aqoon dheer u lahaa culuumta luqadda carabiga

iyo suugaanteeda, fiqhiga madaahibta islaamka, xadiiska

iyo tafsiirka, iyo weliba culuum kale oo aan diini ahayn,

sida:xisaabta, cilmi-falaga iyo kuwo kale;

Sheekhani wuxuu la kulmay ardaydii Sheekh Maxamed bin

C/wahaab manhajkoodiina wuu ku qancay, sidaa darteed

markii uu dalka kusoo noqday wuxuu bilaabay halgan

diineed oo dheer, wuxuu isku dayey inuu dacwada ka

166

dhaadhiciyo Boqortooyo beeleeddii ka jirtay gobolka Bari,

xukumaysayna ilaa gobollada dhexe, wuxuu u bandhigay

inay shareecada Alle hirgeliyaan, kana waantoobaan

dhaqanxumada iyo alle ka fogaanshaha ay ku suganyihiin,

si kasta oo uu u waaniyey ulana hadlay dhegaha ayey ka

furaysteen.

Ugu danbayntii sheekha iyo shakhsiyaad kooban oo

dacwadiisii aqbalay waxay isku dayeen in ay xiriir la

sameeyaan walaalahooda jaziiradda carabta jooga kana

codsadaan inay soo farageliyaan arrimaha soomaaliya,

iyadoo markaana laga cabsi qabay gumaysigii ingiriiska ee

saldhiga ka samaystay Cadan 1836dii inuu usoo tallaabo

Soomaaliya.

Sheekha iyo Caaqil Faarax xirsi oo ay boqorka reer Bari

qaraabo ahaayeen waxay warqad dheer u direen Suldaan

Saqar Alqaasimi oo ka arriminayey Ra'sul-kheyma,

haddana faraciisu ka taliyaan isla degmadaa iyo Shaariqa

oo labaduba isutagga carabta ka mid ah. 1

Waxay u sharxeen xaaladda qallafsan ee dalku ku jiro, sida

diintii looga fogaaday xaaraantiina loo xalaashaday,

caqiidadii saxda ahaydna looga tagay, Suldaan Saqar oo

markaa sumcad ku lahaa dalka soomaaliya waxay ugu

baaqeen inuu soomaaliya ku darsado boqortooyadiisa si

uusan gumeysigu ugu soo hanqaltaagin;

Waxaa kale oo ay ka dalbadeen saanad ciidan, oo ay ku

muquuniyaan shacabka soomaaliyeed ee diinta kasoo

horjeeda;

Waxaa sheekh cali warqadda ku yiri: Haddaadan awoodi

Karin inaad ciidan noosoo dirto, soo far dadka

musaafirka ah oo dhulkiinna ka imanaya fariimo ah:

"Suldaan bin Saqar ayaa nasoo diray si aanu ugu

jahaadno kuwa baadiyeysan ee dhulka soomaaliya,

1 Waxaa la weriyaa inuu yahay suldaanka loogu magacdaray Boosaaso marka loogu yeero.

Bandarqaasim

167

annagoo la jirra Xaaji Cali iyo Xaaji Faarax, sidaasi

aad bay noo anfacaysaa waxna noo taraysaa". 1

Balse suldaanku isaga ayaaba taageero u baahnaa oo kusii

jeeday iska caabbinta weeraro ingiriiskii hindiya fadhiyey

kaga imanayey.

Warqaddan Sheekh Cali u diray Suldaanka, qoraayo

dhowr ah ayaa ku xusay kutubtooda, balse waxay u

tiiriyeen odayaasha ama culimada soomaaliyeed oo

warqad guud ayey ka dhigeen, mana ahayn ee

warqadda Sheekh cali kaliya ayaa diray, oo uu

weheliyo caaqil Faarax Xirsi, taa waxaa u daliil ah

iyada oo qoraaga weyn ee Aw Jaaac Cumar ciise uu

hoygii sheekha kasoo helay asalkii warqadda

(makhduudadii) oo waafaqsan warqadda ay

faafiyeen: Axmed C/laahi Riiraash, Xasan Maki,

Axmed Barkhad, Dr Suldaan Alqaasimi (xaakimka

Shaariqa), maadaama dulucda warqaddu

iswaafaqsantahay, asalkiina laga helay hoygii

sheekha, waa arrin sugaysa in warqadda sheekhu

qoray.

Arrinta labaad ee uusan muran geli Karin waxaa ay

tahay: in magaca Xaaji Cali iyo Caaqil Faarax ay ku

suganyihiin warqadda dhexdeeda, lana ogyahay inay

ahaayeen laba nin oo ku wada socday qaddiyaddan.

Qolyo ayaa yiri: heerkiisa aqooneed maba

gaarsiisnayn inuu warqaddan oo kale qoro!!

Warqaddiisa jawaabaha ah ee uu u diray wadaadkii

soomaaliga ahaa 2 isku heer uma qorna, isku

tacbiirna ma aha!! Iyaga oo aan fahmin farqiga u

dhexeeya warqad shakhsi caadi ah loo dirayo iyo

1 Taariikhda buunigii mujtahidka ahaa: ee uu qoray Aw Jaamac Cumar Ciise:55

2 Waa risaalada la yiraahdo: Ajwibatu Alqaybiyah lilsuaalaati Alqarbiya

168

warqad boqor loo dirayo, qaabka dhigaalka iyo hab

maamuuseedka la adeegsanayo, iyo weliba dulucda

qoraalka.

Marka ay la weynaatay in sheekh Cali qoray warqaddan yar

waxaysan ka warhayn in sheekhu qoray kutubtan hoos ku

qoran:

1

ظ١حٌّا سِٛبل ٍٝع ّٟٕجٌّا ظ١شٌّٕا سِٛبٌّٕا - 1

2

ةاشتلأا ةٍ١مع ٓع ةبمٌّٕا فشو - 2

َبِلإا ةفٌبخِ َبىحأ ٓع َبّغٌا فشو - 3

ةٍّضجٌا ساشصأ ةعِبجٌا ةٍطشمٌا شئبخر - 4

سّٛضٌا حتاٛف ٟٔبعّث شجعٌا ٌٟٚأ ٗ١جٕت - 5

3

عاذتثلااٚ تصعّتٌا ٌٟٚأ ٓع عبٕمٌا فشو - 6

يٛجّطٌاٚ ٟ٘لاٌّا ُ٠شحتٌ يٛجمٌّا - 7

ٍٟع خ١ّشٌا ةثٛجأ ٟف ٌٌٟٛا حتف - 8

. ة١ثشغٌا تلااإضٌٍ ة١ج١غٌا ةثٛجلأا - 9

Balse nin soomaali ka dhashay nasiib uma leh in

raadkiisa cilmi uu waaro lana manaafacaadsado,

innagoo reer guuraa ah darteed, kutubtaa waxaa

laga hayaa risaalada ugu danbaysa oo ah mid

kooban, balse inta kale iyada ayey magacyadoodu

ku xusanyihiin. 4

Aan usoo noqonno mawduuceennii:-

Sheekh Cali laga soo bilaabo lagana soo gaaro xilligii

Sheekh Nuur Cali C/raxmaan oo ahaa ninkii qayladhaan

aad u dheer soomaaliya gaar ahaan gobollada dhexe iyo

koonfurta la dhexmaray isagoo tawxiidka dadka ugu

baaqaya, marnaba gobolka bari kama marnayn

shakhsiyaad haysta baaqii sheekh Maxamed C/wahaab

1 Waa kitaab uu ku sharxay Qaamuus almuxiid-ka fayruuz Aabaadi

2 Waa kitaab ku saabsan Culuum Alquraan

3 Waa kitaab fiqhi ah oo ku dhisan adillada kitaabka iyo sunnada.

4 Sheekh jaamac cumar ciise oo ah taariikhyahan culimo badan la fariistay warbixin badanna

ka qaaday wuxuu qabaa inuusan geyiga soomaaliyeed cagta soo dhigin caalimkan mid la mid

ah, waana arrin ka muuqata kutubtiisaa aynu xusnay, waxaase nasiib darro ah in dhallinyaro

muqarrar kooban soo xarriiqday ay maanta isku dayaan xadaynta darajadii culimada.

169

akhristana kutubtiisii, kana dhan ah caadooyinka xunxun

iyo qubuuriyiintii dalka ku baahsanaa;

Sidoo kale gobollada kale ee soomaaliya ayaan ka marnayn

shakhsiyaad aaminsanaa caqiidadaas, inkastoo aysan ii

fududaan inaan helo magacyada culimadii gobollada kale

hormoodka u ahayd.

Waxyaabaha caddaynaya inuu sheekh Cali

aaminsanaa mid la mid ah dacwadii Sheekh

Maxamed:

Isaga oo ku tilmaamay sheekh maxamed inuu ahaa

Mujaddid (ninkii diinta kor uqaaday boorkana ka jafay

qarnigii 11aad ee hijriga). 1

Isaga oo warqaddaa aan kor ku sheegnay u diray mid

ka mid ah kuwii ugu waaweynaa taageerayaashii

Aalasacuud ee khaliijka. 2

Iyo isaga oo gabayo ka tiriyey caadooyinkii xumaa ee

baahsanaa, waxaana ka mid ahaa tix laga hayo

tuducyadan:

Ma akliyo wamaa uhilla iyo ari qubuureedka! 3

Xeerey aabayaasho gooyeen abaynaahu

Rasuulkii ergada noo ahaa itabacnaahu 4

Waana gabay ay hayaan in badan oo reer miyiga ka mid

ah.

Taariikhda caalimkan waxaa uruurinteeda dadaal dheer u

galay taariikhyahanka cimrigiisa ku dhammaystay

baadigoobka xaqiiqada iyo dhaxalkii soomaaliyeed waa

halgamaaga qalinka Sheekh Jaamac Cumar Ciise

1 Inkastoo ay sahwi tahay oo sheekhu noolaa qarnigii 12aad iyo horraantii qarnigii 13aad,

haddana Waxaa ay ku xusantahay risaalada Al-ajwibatu Alqaybiyah lil-suaalaat alqarbiyah,

fiiri taariikhda buunigii mujtahidka ahaa, bogga:75 qaybta carabiga ah.

2 Inuu Suldaan Saqar ka mid ahaa taageerayaashii Aalasacuud waxaynu kaga soo hadalnay

qaybtii dawladdii sacuudiga ee koowaad.

3 Ma cuno wixii cid aan alle ahayn loo gawracay, sida axanka iyo waxa qabuuraha loo

bireeyo.

4 fiiri buuga taariikhda buunigii mujtahidka ahaa bogga:29 qaybta soomaaliga ah.

170

(qoraaga taariikhdii daraawiishta iyo kutub badan

oo taariikh iyo suugaanba leh), caafimaad badan Alle

hasiiyee, cimrigiisana kheyr ha ugu khatimee, Kitaab

ayuu ku ururiyey intii uu ka helay taariikhdii Sheekh Cali

wuxuuna u bixiyey: "Taariikhda buunigii mujtahidka

ahaa: Xaaji Cali C/raxmaan Fiqi" kitaabku laba

qaybood ayuu ka koobanyahay, qayb carabi ah iyo qayb

soomaali ah, waxyaabo ay isku mid ka yihiin iyo

waxyaabo ay ku kala duwanyihiin labaduba waa jiraan,

taariikhda sheekha iyo dhulalkii uu maray iyo

waxqabadkiisii waa ay ka midaysan yihiin, qaybta

soomaaligu waxaa ay la gaar tahay maansooyinkiisii

soomaaliga ahaa, qaybta carabiguna waxaa ay la gaar

tahay qoraaladiisii iyo gabayadiisii carabiga ahaa.

Ugu danbayntii waxaan leennahay Soomaaliya

waxay ka mid ahayd meelihii ugu horraysay ee

dacwada sheekhu soo gaarto, ayna horkaceeyn

dadkii markaa ugu cilmi badnaa guud ahaan geyiga

soomaaliyeed.

171

Qaybta lixaad 1

Sababihii Sheekha guuleeyey

Baaqii sheekhu kaga dhawaaqay carriga Najdi, bari iyo

galbeedna ku faafay, miro badan oo dawlado ka mid

yihiinna reebay, maxaan is oran karnaa wuu guuleeyey?

Waxaynu ognahay in mar walba ay kacaan baaqyo dadka

loogu yeerayo, iyo waddooyin dadka loo jeexayo oo dadka

la qaadsiinayo iyadoo khasab iyo sasabaad intaba la

adeegsanayo, dad hirka iska raacana ay jiraan mar walba;

Baaqyadaasi heer kasta oo ay gaaraan mar walba waa

kuwii guushoodu noqoto dhays bakayle, haddii waddada

loo maray iyo hadafka la tiigsanayaa mid kastaa uusan

ahayn mid Alle ka raalliyahay, Allena kama raalli noqdo

waxaan sharcigiisa waafaq-sanayn.

Dacwadii sheekh Maxamed ku baaqay waa ay

hanaqaadday, waa ayna mira-dhashay, wayna guulaysatay

halbeeg kasta oo guusha lagu cabbiro marka aynu

adeegsanno!

Dad raacsan ayaa jira, jiha walba way ku faaftay iyada oon

cidna lagu dirqin, kutub u hiilinaysa ayaa taalla, dadka ku

dhegani mar walba oo la garramo waa ay ka xuja cadyihiin

dadka kasoo horjeeda! haddii aan cadow kale loosoo

adeegsanna waa ay ka awood badan yihiin!!

Bal si qotodheer u dhuux: duullaankii lagu tirtiray

dawladdii koowaad ee sacuudiga waxaa isu soo

kaashaday: Turki, Masriyiin, Ashraaftii xijaaz, iyo

ingiriiska oo u sacabtumayey!! Halka iyagu ay

ahaayeen dadkii deegaanka oo kaliya!! Markii ay

samaysmeen oo faafeenna aysan jirin awood kale oo

riixaysay ama bari-taaraysay!!! Taasi waa halbeega

1 Almustadaab fii asbaabi najaaxi dacwati imaam muxamed bin c/wahaab: waxa qoray

C/raxmaan Yuusuf Alraxma 17-49:

172

xaqa lagu miizaamo oo ah, dadka iyo xaqa haddii la isu

daayo in xaqu guulaysanayo.

Waxaad dib u xasuusataa hadalkii Muxammad bin Sacuud

uu ku lahaa haweentiisa habeynkii ay ka doodayeen in

Sheekh Maxamed lasoo dhaweeyo lana taageero muxuu

yiri? "haweenyahay arintu taageero kaliya kuma

joogsanayso! Ee carab oo dhan ayaa inaga dhan

noqonaysa!! Iyaduna ay ku jawaabtay: Allaah ayaa

inoo hiilinaya haddii aynu diintiisa u hiilinno"!!

Maxamed bin Sacuud aad ayuu uga baqayey awoodihii

Najdi iyo agagaarkeeda ka jiray iska daa meel ka baxsane,

kamana uusan awood badnayd amiirradii Cuyeyna, Riyaad

iyo meelihii dariska lahaa marka mid mid ay isaga

horyimaaddaan, haddii ay isa soo bahaystaanna arrintu si

kale ayeyba ahayd;

Suleymaan bin Cureycir oo ahaa ninkii Axsaa haystay oo

amarka ku siiyey ibnu Macmar inuu Sheekh Maxamed

Cuyeyna ka saaro maxaad u malayn isaga?! Laxaadkiisu

intee le'ekaa?!! Waxaas oo dhan markii uu ina Sacuud

xaqa garab istaagay waxay noqdeen wax liita oo tabar

daran, Allena waa uga hiiliyey, waxayna noqdeen wax

taariikhda reer Sacuud lagu dhex xuso, ee aan gaarkood

loo xusin!!!

Haddii aynu usoo noqonno jawaabta suaasheennii ahayd

maxaa sheekh maxamed guuleeyey?

Innagoo faahfaahin doonna sababihii guuleeyey haddana

waxaynu kusoo koobi karnaa, waxaa guuleeyey: Isaga

oo dadka ugu baaqayey wixii nabigu ugu baaqay ee

ah: In Alle kaliya la caabudo, cibaado nooc ay

noqotaba loo baraxtiro, cid kalena aan wax looga

leexin, ha ahaato ciddaasi malag, nabi ama cid ka

hoosaysa.

173

Midda labaad: qaabka Alle lagu caabudayaa inuu noqdo tii

uu nabi Muxammad sallalaahu calayhi wasallama ku

caabudi jiray saxaabadiisana uu baray, ummadiisana uu u

dardaarmay, maxaa yeelay nabigu isaga ayaa Alle iyo

dadkiisa isku xira, loona soo diray inuu tuso jidka Alle loo

maro, aakhirana isaga ayaa dadka ku markhaati furaya

inuu tusay waddadii xaqa.

Jawaabta oo faahfaahsan:

Waxaa la dhihi karaa sheekha waxyaabihii guuleeyey

waxaa ugu waaweynaa qodobadan hoos ku qoran:

1- isaga oo ku baaqay Tawxiidka ahmiyadna

siiyey:

Tawxiidku sida la wada ogsoonyahay waa tiirka

koowaad ee islaamku ku taaganyahay, waa albaabka

diinta laga soo galo, sidaa darteed waxaa waajib ah in

la toosiyo lagana sifeeyo mirir kasta;

Haddii la dumiyo ama la dhaawaco qofka camalkiisa

ayey ka goantahay oo baaba'aya ama dhaawacmaya.

Tawxiidku waa midkii asalka u ahaa dhammaan

baaqyadii nabiyadii Alle soo diray, isaga ayey

siinayeen mudnaanta koowaad, ciddii badbaaddaa

isaga ayey ku badbaadaysay, ciddii halaagsantaana

isaga ayey ku halaagsamaysay.

Nabi nuux calayhi salaam 950 sano ayuu dadkiisa

diinta ugu baaqayey halaaga ka hor, tawxiidka ayuuna

ku baaqayey! Dad yar oo hal doonni qaaddo ayaa

rumeeyey, intii kale waa halaagsameen, maxaa yeelay

tawxiidka ayey diideen, rasuulladii kale iyo

ummadahoodiina sidaas oo kale ayey ku kala baxeen.

Nabigeennu sallalaahu calayhi wasallama 13kii sano ee

uu Maka joogay 1o ka mid ah tawxiidka kaliya ayuu ku

174

aaqayey, maxaa yeelay shareecada kale ayaa isaga

ku duldhismaysa, haddii aan la adkayn dhismaha kale

ma istaagi karo.

Tawxiidku waa midka Alle u abuuray dhammaan inta

xilku qabto, waa jinniga iyo insiga, waa midka dadku

ugu qaybsamo gaalo iyo muslim, dartiina loogu

dagaallamo, jannada iyo naartana loo abuuray. Ma aha

marka shay la dhayalsan karo.

Tawxiidku wuu buraa wuuna nuqsaamaa, waxaana

waajib ah in labadaba laga dhawro, waxa buriyaa waa

shirki, waxa nuqsaamin u keeni karaana waa wax

shirki ku gaarsiinaya.

Suurtagal ma tahay in waxyaabo tawxiidka ka

hooseeyaa buraan sida salaadda, soonka, sakada,

xajka, dahaarada i.w.m, tawxiidkuna uusan burin?! Ma

aha wax maangal ah ama sharcigu qabo!

Shirkigu waa in xuquuqdii Alle gaarka u lahaa cid kale

wax laga siiyo, oo cid aan Alle ahayn loo tukado, ama

la baryo, ama la gargaarsado, ama loo gawraco, ama

loo nadro, ama dhib iyo dheef laga rajeeyo i.w.m.

Shirkigu waa kii ugu weynaa cudurradii ay nabiyadu

daweynayeen, wuuna jiri doonaa ilaa qiyaamuhu ka

oogmo, mar walbana Alle wuxuu usoo saaraa dad

samadoonno ah oo dadka ka sifeeya, intii Alle dawo u

qoraana waa caafimaaddaa inta kalena darxumo ayey

u dhimataa!

Sheekh Maxamed bin C/wahaab waxaa uu nasiib u

yeeshay inuu ka mid noqdo halyeeyadaa taariikhda ka

galay bogga qaaliga ah, Allena ku karaameeyey uguna

hiiliyey qaadida culeyskaa weyn ee ummadeed.

Waxaa uu kusoo beegmay xilli ummadda inta badani u

jabtay dhanka xidigaha, qabuuraha, dad culimo lagu

175

sheegay, iyo waxyaabo badan oo lagu fitnoobay, iyaga

oo waxaas oo dhan ka dalbaya wax aan Alle mooyee

cid kale hanan Karin, sida caruur, roob, amni,

barwaaqo, hodantinnimo i.w.m.

Markii shekhu arrintaa arkay ayuu naftiisa u huray, af

iyo qalinna adeegsaday, cid kasta oo ku garab

istaagaysana raadsaday, wixii aynu soo marnay ayaa

dhacay.

Sheekhu kitaabkiisa tawxiidka ah wuxuu ku saleeyey

daaweynta cudurradii jiray, 66 baab ayuu ka dhigay,

mid kastaa daawana wuu tilmaamayaa, cudurna wuu

ka digayaa!

50 sano ka badan oo sheekhu ku baaqayey tubta

toosan indhihiisana uu ku arkay mirihii halgankiisa

ayaa la oofsaday isagoo jira 91 sano.

2- isaga oo sunnada ku dheganaa:

in Alle la caabudo waa micnaha qaybta hore ee

kalimadda tawxiidka: الله لائ ّ ٌٗئ لا;

in rasuulka la raacaanaa waa micnaha qaybta

labaad ee tawxiidka: الله يٛصس ذّّحِ.

Rasuulka sunnadiisu waa waxyi Alle xagiisa ka

yimid, sida quraankuba waxyi u yahay, oo Alle u

yiri: " ٝحٛ٠ ٟحٚ لائ ٛ٘ ْئ . ٌٜٛٙا ٓع كطٕ٠ بِ "

Sidaa darteed ayuu Alle inoogu waajibiyey

qaadashada wax walba oo nabigu la yimid, rasuulka

oo laga amar qaataana tahay Allaah oo laga amar

qaatay, qofnana aysan u bannaanayn inuu doorasho

ka yeesho ama racfaan ka qaato dariiqii rasuulka

sallalaahu calayhi wasallama.

Wax walba oo qofka muslimka ah laga rabo ha

noqoto: caqiido, cibaado, akhlaaq, ganacsi, guur,

176

dhaqan, furriin, qisaas iyo mag, i.w.m waa inuu ku

saleeyaa wixii Alle yiri iyo wixii nabigiisu yiri

sallalaahu calayhi wasallama, hadii uu yeelo wuu

badbaadi, hadii uu ka leexdana wuu hoogi, hadba

qaddarka raaciddiisu le'egtahay ayuu badbaado

helayaa, inta uu khilaaf sameeyana halaag ayuu ku

mudanayaa.

Sidee Sheekhu sunnada u qabsaday?

B. isaga oo baaqiisa ku saleeyey daliil quraan ah

ama xadiis, oo xasuusan xadiiskii nabigeennu yiri

sallalaahu calayhi wasallama: "waxaan idinkaga

tagay wax aydaan lumayn intaad

qabsanaysaan: waa kitaabka Alle iyo sunnada

rasuulkiisa. 1

T. iyada oo loola noqonayey sunnada wax walba oo

la isku khilaafo, maxaa yeelay? Waa waajib diini ah

oo Alle ina faray in lagu kala baxo kitaabka iyo

sunnada.

Iyada oo aan qofna xor u ahayn inuu sida uu doono

u fasirto kitaabka iyo sunnada ee uu ku

khasbanyahay waajibna ay ku tahay inuu ula noqdo

sidii saxaabada iyo qarniyadii wanaagsanaa u

fasirteen.

J. in hadalka Alle iyo hadalka rasuulkiisa laga dhigo

halbeega lagu cabbiro kheyrka iyo sharka, lagana

hormariyo hadal kasta iyo falsafad kasta.

Sheekhu si uu dadka ugu celiyo sunnadii rasuulka

ayuu allifay kutub sunnada iyo siirada ka hadlaysa;

Sidoo kale sheekha iyo ardaydiisii waxay ka digeen

wax walba oo khilaafaya sunnadii nabiga sallalaahu

calayhi wasallama maxaa yeelay waa bidco, bidcana

1 Xaakim, silsiladda Saxiixada ah:1761

177

waa lagu naar tagaa, sida rasuulku inoo sheegay

sallalaahu calayhi wasallama.

Qofku inuu sunnadii garab marsanyahay waxaa

calaamad u ah: inuusan sunnada baran, danna

ka gelin, waxayna ahayd arrin xilligii sheekhu

soo baxay baahsanayd, had iyo jeerna dadka

sunnada barashadeeda aan ahmiyadda siin

kheyr badan ma laha, waana sidii culimadii

hore oran jireen: "Ra'yigu waa habayn,

xadiiskuse waa dharaar"!

Qofkii dadka ugu baaqa sunnadii nabiga sallalaahu

calayhi wasallama wuxuu noqonayaa qof sharaf leh,

darajadiisuna sarrayso if iyo aakhiraba, wuxuuna

qayb ka helayaa hadalkii Allaah ee ahaa: " هٌ بٕعفسٚ

نشور" (sharaftaada waanu kuu koryeellay).

Sheekha waxyaabihii koryeelay waxaa ka mid ahaa

sunnada ayuu koryeelay, aakhirana darajo sare iyo

nabiga la jirkiisa inuu ahaado ayaan u rajaynaynaa.

3- isaga oo cilmi iyo aragti cad ku socday:

cilmigu waa sharaf, iftiin, darajo iyo maamuus,

qofkii daneeya wuu sarreysiiyaa, kii aan danayna

wuu hoosmaraa!

Waa jid ku gaarsiinaya wanaag oo dhan, kuu

sababaya sharaf aadan si kale ku hesheen;

Ummaduhu isaga ayey ku kala hormaraan,

islaamkuna aad ayuu ugu boorriyey barashadiisa,

wuxuuna ka dhigay jid qofkii qaada jannada

geynaya.

Dacwo kasta oo cilmi ku socotaa waxay filataa waa

guul, tii xamaasad kaliya ku socotaana waxay ku

kadsowdaa dhaan dabagaalle!

178

Sheekh Maxamed Alle ha u naxariistee, arrintaa si

weyn ayuu u dareensanaa tan iyo maalintii uu

garaadsaday, sidaa darteed ayuu cilmiga geed

gaaban iyo mid dheerba u fuulay, safar labaatan

sano ku dhawaad qaatayna dartii u galay, ujeedada

uu ka lahaa maxay ahayd?! Wuxuu arkayey in

ummaddu ka fogaatay barashadii cilmiga,

baadinimada ay ku jirtana ay ugu wacan tahay

jaahilnimada ku dhex faaftay, iyo kuwo culimo

sheegtay oo dadkii baadida u horkacay!

Haddii uu baaqiisii bilaabay wax walba cilmi ayuu ku

saleeyey, magaalooyinkii uu ku noolaana ma joogin

cid garab istaagi kartay xaga cilmiga.

Masaajid iyo xarumo kale oo cilmi ayuu aasaasay,

waxaana soo xaadiri jirey dad cilmi doon ah iyo

kuwo hanuun doon ah intaba, arday jihooyin kale ka

yimid ayaa Dirciya soo cammiray, habaynkiina

xoogsan jiray maalintiina cilmiga baran jiray, dadaal

iyo deyn badan ayaa sheekhu u galay ardaydaa

aflixintooda, Allena waa ku guuleeyey, haddii

sheekhu dhintay baaqiisii ma demin, caruurtiisii oo

ka mid ahaa dadkii ka aflaxay iyo kuwo kale ayaa sii

waday, tan iyo xilligan oo culimada labada xaram

joogtaa iyo Najdi iyo meelo badan oo kala duwanba

ay haystaan cilmigii sheekha.

Haddaba waxaynu oran karnaa sheekhu wuxuu

haystay xujo cad oo adag, cid kasta oo raacdayna

uu ku qanciyey, kuwii ka horyimidna uu ku

aamusiyey! Taasi waa cilmiga.

Kutubtii uu qoray iyo jawaabihii uu ka bixiyey

suaalihii la weydiiyey iyo warqadihii uu diri jirey

intuba waa astaan cad oo cilmigiisii ina tusaysa.

179

4- isaga oo ku tiirsanaa xukuumad taageeraysa

waxay ahayd xikmad Alle qalbigiisa ku tuuray inuu

ku dadaalo hanuuninta madaxdii deegaankiisa iyo

inuu ku qanciyo ku dhaqanka sharciga Alle iyo

fulintiisa.

Waxaynu soo xusnay in Sheekhu Xureymala uga soo

baxay fawdo ka jirtay darteed iyo iyadoo aan lahayn

maamul midaysan, qofka naftiisuna aysan qiimo

weyn ku lahayn oo cid kastaa kusoo dhiirran kartay.

Haddii uu Cuyeyna yimid waakii heshiiska la galay

amiirkeedii, kuna qanciyey diinta in la fuliyo, dhowr

sano haddii la fuliyeyna uu uga baxay ballantii, uuna

amar ku siiyey sheekha inuu magaalada isaga tago.

Intaa sheekhu kuma joogsan, ee magaalo kale ayuu

abbaaray oo uu kheyr iyo garab ka filayey waa

Dirciya sidii si la mid ah ayuu amiirka heshiis ula

galay, wuuna ka run sheegay oo sheekha iyo

dacwadii wuu garab istaagay guulna waa la gaaray

dhan kastaba ah.

Sheekh C/casiis ibnu Baaz oo ahaa muftigii

dalka 1395-1420H (1975-1999M) waxaa uu

yiri Alle ha u naxariistee: "Sababtani waa tii

ugu muhiim-sanayd sababihii sheekha

guuleeyey".

Xaqu wuxuu u baahan yahay awood fulisa oo garab

istaagta, sheekhu intii uu oran lahaa aniga ayaa

maamul samaysanaya, wuxuu ka doorbiday inuu

hagaajiyo maamuladii jiray, iyaguna noqdaan kuwa

diinta fulinaya sheekhuna noqdo midka fatwada

diinta laga qaadanayo.

Allaah waatii uu yiri:

180

" سبٌّٕا َٛم١ٌ ْاز١ٌّاٚ ةبتىٌا ُٙعِ بٌٕزٔأٚ تبّٕ١جٌبث بٍٕصس بٍٕصسأ ذمٌ

25:

ذ٠ذحٌا"

سبٌٍّٕ عفبِٕٚ ذ٠ذش سأث ٗ١ف ذ٠ذحٌا بٌٕزٔأٚ ظضمٌبث

"Waxaa dhab ah inaan rasuulladeenna lasoo

dirnay xujooyin cadcad, waxaanan lasoo

dejinnay kitaab iyo halbeeg, si dadku

cadaaladda ugu istaago, waxaa kale oo aanu

soo dejinnay bir, dhib ayaa ku sugan waxtarna

dadka waa ay u leedahay".

Haddii dacwadii hanaqaadday xuduudda Dirciyana

dhaaftay, sheekh Maxamed kama xuubsiiban

sheeknimadiisii, xukunna uma hanqal taagin, ee

wuxuu mar walba ku hawllanaa hagaajinta

ummadda iyo dardar gelinta dacwada, siyaasadda

sharciga ah ee dawladdu ku soconaysana isaga ayaa

caddaynayey oo dawladdu ka qaadanaysay;

Dawladduna dhankeeda hadii ay aragtay

daacadnimada sheekha iyo inuusan dan ka lahayn

xukunkeeda, kama aysan bixin ballantii ee waxay sii

laalaabtay dadaalkii ku aaddanaa koryeelidda diinta

iyo meel marinta talooyinka sheekha.

Isla waddadaa ayey mareen ardaydii sheekha iyo

tafiirtiisii, marnaba uma ay hanqal taagin xukunka

iyo inay inqilaab ku kacaan.

Haddiise culimadu hadafkooda ka dhigaan

xukun doon, dadkana u rabbeeyaan qaab

kacaannimo, dadkana loogu sheego in hadafka

la tiigsanayana yahay dawlad in la helo! Waxa

lala kulmaa waa dhibaatooyin laxaad leh oo ka

dhex dhaca bulshada iyo dadkii sida kacaanka

u carbisnaa!! Waxa ka danbeeyaana waa in

gacmaha la isula tago dhiigna daato,

ummaduna isku halaagsanto qolo kastana

meel gaar ah cadowgu ku cuno!! Gaar ahaan

dadkii diinta sheeganayey oo bulshada inteeda

181

kale laga faquuqo, laguna tilmaamo

xukundoon, dano shisheeye u adeegaya!

Dhacdooyinka aynu usoo joognay ayaana

markhaati cad inoogu filan.

5- Baaqiisa oo caddaa qarsoodina ka fogaa

Sheekhu xilligii aabbihii dhintay intii ka danbaysay

wuu caddaystay ujeeddadiisa, dadkana si cad ayuu

ugu yeerayey caqiidada saxda ah inay qaataan kana

fogaadaan waxa loo yaqaan "khuraafaadka" aan

cilmi iyo caqli toona ku dhisnayn, dawladdii haddii

ay ku qanacdayna ma jirin sabab loo qariyaa.

Dadka u imanayey isaga oo ilaalinayey heerarkooda

aqooneed, haddana ma jirin mabaadi sheekhu dad

gaar ah ku koobayey oo dadka intiisa kale ka

qarsoonayd, marnaba ma dhicin in dawladda ama

dad kale ku eedeeyaan in wadaadka wax u

qarsoonyihiin, ha ahaato damac siyaasadeed ama

dano shakhsiyadeed oo kale.

Xikmaddii nabigeenna ayey ka mid ahayd inuu

bilawgii dacwada dadka ugu sheego si hoose, meelo

aysan gaaladu arkaynna dadka wax ku baro, balse

ma jirin wax diin ah oo uu saxaabada ka wada qarin

jiray.

Haddii uusan dhib jirin in wax la qariyo waa wax

tuhun keenaya, sababina kara isku dhac dhexmara

dadka diinta sheeganaya iyo maamullada jira.

Sidaa darteed waxaa ducaadda looga baahanyahay

inay fahmaan siyaasaddii nabiga iyo dadkii

samaddoonnada ahaa habkii ay ku guulaysteen,

dadkana u muujiyaan caqiidadooda iyo

manhajkooda, si la isugu barbardhigo manhajka aad

sheeganaysid iyo kuwa kale ee dalka ka jira;

182

Haddiise qofku dhaqan ka dhigto inuu weligiiba

qarsoodi ku jiro, cadaadis ha saarnaado ama yuu

saarnaane, taa micnaheedu waa in qofkani wato

dano kale ee uusan lillaahinimo ku socon.

6- isaga oo sheekhu ku abtirsanayey islaamka iyo

sunnada kana fogaanayey magacyo kale

Sheekh Maxamed Alle ha u naxariistee ma sheegan

jirin summad aan islaam iyo sunne ahayn,

ardaydiisuna kuma abtirsan jirin urur ama dariiqo

magac loo bixiyey, iyaga oo fartoomaya hadalka Alle

ee ah:

"اذه ًفو لبق نم نٌملسملا مكاهمس وه مٌهاربإ مكٌبأ ةهلم"

"Qabsada ama raaca diinta aabbihiin Ibraahim,

(Alle) isaga ayaa muslimiin idin ku magacaabay mar

hore iyo haatanba ".

Iyada oo la sheegtaa islaam iyo sunne waa midda

dadka kulmin karta, abtirisyada kalese waa ay kala

geynayaan, ha noqoto dariiqo ama urur, maxaa

yeelay waxa ka dhadhamaya qof ama koox!

Erayga "Wahaabiya" ma aha mid sheekha ama

dadka la mabda'a ahi sheegteen, ee waa mid lagu

tiinbarayeey, dulucda loola jeedaana tahay in

sheekhani mad-hab cusub oo isaga ku abtirsanaysa

la yimid!!

Sheekhuse waxaa oo dhan wuxuu ka lahaa" Alle

ayaa ceeb ka hufane waa been abuur weyn".

Magacyada muslimiinta looga baahanyahay:

Waa muslimiin, mu'miniin, adoommadii Alle,

tilmaamaha ay leeyihiinna waa: muttaqiin, saalixiin,

sunniyiin, oo kulligood ah kuwo sharciga ku sugan

ama eray sharciga ku jira laga jeexay, isla

markaana culimadii hore ay isticmaaleen.

183

Magacyo dariiqadeedka iyo urureedka ay

dadku la baxaan culimada muslimiintu mar

hore iyo mar danbaba waxaa ay ku tilmaameen

kuwo aan sharci ahayn, dadkana kala geynaya.

Maxaa yeelay? Kulligood waxay ku tusayaan dariiqo

ama urur ka goonni ah muslimiinta intooda kale, ahna

shay ciriiri ah oo ay ku dhexjiraan dad kooban oo

summad gaar ah leh! halka islaamku yahay mid

ballaaran oo gudaweyn, kuna filan dhammaan dadka

ku abtirsada.

Sidaa darteed sheekh Maxamed waxa halkudhig u

ahaa: Islaam iyo sunne, iimaan iyo tawxiid saafi ah,

caqiido saafi ah iyo wixii la mid ah ee sharcigu

jideeyey.

7- isaga oo midnimo ku baaqayey kala taggana

reebayey.

midnimada sheekhu ku baaqayey waa in xaqa lagu

midoobo, kitaabka iyo sunnadana laga dhigto halka laga

fulayo, fahamkii salafkii suubbanaana la cuskado.

Allaah iyada oo uu midnimada ina farayo kala taggana

inooga digayo waxa uu yiri:

"اٛلّشفت لاٚ بع١ّج الله ًجحث اّٛصتعاٚ" "qabsada xariga Alle idinka

oo idil, hana kala tegina".

Amarka ah in kitaabka la qabsado ayaa la hormariyey

inta aan midnimada la ina farin, maxaa yeelay? Kitaabku

isaga ayaa ah ka lagu midoobayo.

Waxaa nabigeennu sallalaahu calayhi wasallama yiri: "

1

" ةازع ةلشفٌاٚ ةّحس ةعبّجٌا "midnimadu waa raxmad, kala

taguna waa cadaab".

Waxa kale oo nabigu yiri sallalaahu calayhi wasallama :

"ummaddani waxa ay u kala tegi doontaa saddex iyo

Imaamu Axmed:silsiladda saxiixada ah:168 1

184

todobaatan firqo, laba iyo todobaatan naarta ayey

galayaan! midna jannada!! Waana: jamaacada". 1

Jamaacada waxaa fasiray saxaabigii weynaa ee C/laahi

bin Mascuud Alle haka raalli noqdee isaga oo yiri: "

Jamaacadu waa wixii xaqa waafaqa kaligaaba aad

ahaatide".

Kala tagga cadaab ayaa nabigu sallalaahu calayhi

wasallama ku tilmaamay, mirihiisa xunna waxaa

ka mid ah:

- isaga oo amnigii cabsi u beddelaya

- barwaaqadii faqri u horseedaya

- dhiig daata sababaya

- isu socodka joojinaya

- waxmagaratada xoojinaya, bulshada inay

fasahaadiyaanna keenaya

- jahliga faafinaya, jaahiliintana sarraysiinaya

- cilmigu inuu yaraado, ehelkiisuna nuxuuso keenaya,

i.w.m

qofkii akhriya kutubta sheekha iyo ardaydiisa

wuxuu arkayaa sidii ay ugu dadaali jireen

midnimada, ugana digi jireen kala-tagga.

8- isaga oo ku dadaalay faridda wanaaga iyo

reebidda xumaanta

wanaaga oo la faro xumaantana la reebo waa mid

ka mid ah kuwa ugu waaweyn tilmaamaha

ummadani kaga kheyr badan tahay ummadihii hore,

waana waajib sharci ah in qof kastaa inta

karaankiisa ah isu taago gudhashada waajibkan, af

iyo addin hadba kii uu wax ku keeni karo, haddii

uusan labadaa waxba ku keeni karinna uusan

marnaba ka raalli noqon ee qalbiga ka naco.

1 Saxiixa Muslim: 7325, Abuudaauud:4597

185

Ciddii waajibkaa isu taagtaa sharaf iyo sarrayn ayey

helaysaa, ciddii iyada oo kari karta ka tagtaana

lacnad iyo dulli ayey sababsanaysaa;

Allaah waxaa uu yiri:

" بّث هٌر ُ٠شِ ٓثا ٝض١عٚ دٚٚاد ْبضٌ ٍٝع ً١ئاشصئ ٟٕث ِٓ اٚشفو ٓ٠زٌّا ٓعٌ

" ٍْٛعف٠ اٛٔبو بِ شئجٌ ٍٖٛعف شىِٕ ٓع ْٛ٘بٕت٠ لا اٛٔبو . ْٚذتع٠ اٛٔبوٚ اٛصع

Oo micnaheedu yahay: "waa la lacnaday wixii

gaaloobay ee reer israaiil ka mid ahaa, carrabkii

nabi Daauud iyo nabi ciise ayaa lagu lacnaday,

waxaana sababay caasinimadoodii iyo

xadgudubkoodii! Waxay ahaayeen kuwo aan

xumaha ay samaynayaan iska reebin, xumaayee

wixii ay ku kici jireen!!!".

Waxa Alle uu leeyahay "xumaayee waxay ku

kici jireen" waa ka tegidda waajibkan diiniga

ah.

Maalin ayaa nabigu sallalaahu calayhi wasallama

usoo galay haweentiisii Zaynab binti jaxshi oo ku

yiri: "halaag ayaa carab u sugnaaday! Shar soo

dhawaaday dartii!! Maanta teedkii Yaajuuj iyo

maajuuj intaa oo kale ayaa laga furay! (intuu

nabigu isku qabtay suulkiisa iyo farta xigta)

Markaa ayey tiri: "oo miyaa nala halaagayaa

iyada oo dadka wanaagsani nagu dhexjiraan?!

Nabigu sallalaahu calayhi wasallama wuxuu ku

jawaabay: "Haa haddii xumuhu bato". 1

Xumaanta oo la isku daawado waa lagu halaagsamaa

in la iska qabtana waa lagu badbaadaa.

Dadka xumaanta samaynaya iyo kuwa ka joogsanaya

wuxuu nabigeennu sallalaahu calayhi wasallama ku

matalay dad wada saaran doon dabaq kore iyo qayb

hoose leh, una qori tuurtay halkii ay kala fuuli

lahaayeen, qolo waxay heshay xaga sare, qolana hoos,

qolada hoos joogtaa marka ay biyo u baahato waxay

1 Bukhaari:3346, 3598, 7059, 7135

186

soo maraan kuwa sare oo halkaa ayey badda kasoo

darsadaan, kaddib ayey is yiraahdeen oo maad

halkiinnan dalooshataan dhibkana ka deysaan qoladan

sare!

Haddii kuwa sare ay u daayaan kuwan hoose

damacooda way wada halaagsamayaan, haddii ay

gacanta qabtaanna way wada badbaadayaan". 1

Sheekhu isaga oo quraankaa iyo axaadiistaa ka

duulaya ayuu waajibkan isu taagay, wanaag tawxiidku

ugu horreeyo ayuu dadka faray uguna baaqay,

xumaan shirkigu ugu horreeyana wuu ka digay, isaga

oo af iyo addinba adeegsanaya labada dhinacba.

9- Tilmaamihiisii wanaagsanaa

Dadka samaddoonnada ah intooda badani waa dad

ku caanbaxa hufnaan iyo dhowrsoonaan, tan iyo

yaraantooda, tilmaamo dadka soo jiitana lagu arko,

waa jiraan dad iska caadi ahaa ama waxuun fasaad

ah ku jiray balse marka danbe hanuun xaga rabbi

uga yimaaddo sidaana dadkooda ku badbaadiya.

Sheekhu qolada hore ayuu ka mid ahaa, waxaa lagu

yaqaannay toosnaan iyo hanweyni, fahmo iyo

dhugmo aad u sarreeya, dareen diirran iyo xumaandiid,

daal la'aan iyo harjad aan kala go' lahayn.

Intii uu halganka bilaabay dhaqammada wanaagsan

ee uu ku dheganaa waxaan ka xusi karnaa:

Bukhaari:2493, 2686 1

a) Cibaado badnaan: Alle xusid, quraan akhrin

badan, Allabari badan, dhib kasta oo ku

yimaadda ula jeesta xaga macbuudkiisa.

187

Qofkii sidaa ku sifoobana Allaah ayaa u

ballanqaaday inuu u gargaarayo, farajna u

furayo.

b) Sabir badnaan: waxaan arrintan ka arki

karnaa iyadoo cad wakhtigii dheeraa ee uu

waxbarashada ku jiray, iyo u bareeriddiisii inuu

u babacdhigo masuuliyad ummadeed iyo

isbeddel ay dadka badankiisu kasoo horjeedaan,

una adkaystay, kontan sanana ku jiray halgan

aan kala go' iyo daal lahayn!

Waxaa kale oo aan ka arki karnaa sidii uu ula

dhaqmi jiray qolyihii been abuurka iyo

dacaayadaha ka faafin jiray oo mar walba uu ku

dadaalayey hanuunintooda iyo toosintooda.

c) Kalsoonidii uu Alle ku qabay: waa arrin aad

u layaab badan in mar walba arrintani sheekha

hadalkiisa ay ku jirtay, amiirradana uu ku

qancinayey in la guuleysan doono, halganku

inuu miradhalayo ayaa mar walba qalbigiisa ku

tiillay, haddii uusan ka leexan dariiqa kitaabka

iyo sunnaha iyo raadkii dadkii wanaagsanaa.

Hadalladii uu amiirrada kula hadlayey waxay

ahayd: "Diintii Alle ayaan wadaa qofkii u

hiiliya Alle ayaa u hiilinaya, xukunkiisana

ballaarinaya, boqortooyo in badan jirtana

siinaya"!!!

Sidii uu Alle ka malaysanayey ayaa loo aqbalay,

kuwii garab istaagay waa tanaadeen xukun

xoog badanna waa heleen, kuwii ka horyimidna

waa dabar go'een, magacooda waxaa la

sheegaa marka laga warramayo qolyihii

sheekha colka la ahaa ama caayi jiray!!

188

Halka sheekha taariikhdiisa lagu dhigto shanta

qaaradood, nacab iyo gacalba ay dhigtaan,

kuwo ammaanaya iyo kuwa caayaya intuba!

d) Daal la'aantiisii iyo geesinnimadiisii:

Immisa meelood ayaa sheekha laga soo

saaray?! Basra, Xureymala, Cuyeyna oo ah

magaaladii uu ku dhashay kuna barbaaray!

Intaasoo dhani ma niyad jebinin, dadaalkiisii

inuu sii laalaabo mooyee waxba uma dhinmin,

wuuna ku talagalay inuu guuleysto oo sharaf ku

noolaado ama xaqa dartii u dhinto;

Waa geesi xaqa u diriraya, adeegsanaya

cilmigiisa iyo xujooyinkiisa cadcad, isma laha

waa lagaa tirabadan yahay mar haddii uu ka

tayo badan yahay waxa kasoo horjeeda! Tayada

ayaa tirada ka cuslaan karta!!

Sidii aynu ku aragnay warqadihii uu jihooyinka

u kala diray wuxuu dhaliilayey culimada arkaysa

baadilka isla markaana madaxa foorarinaya!

xaqdarradana aan ka dhiidhinayn!! Kuwaa oo

kale inuu noqdo halyey iskala sarreeya ayuu

ahaa!!!

Wax kasta oo la yiri iyo si kasta oo loo caayey

iyo dacaayad kasta oo laga faafiyey mar

haddaan cilmi loogu babac dhigi Karin, xujana

lagu aammusin Karin, maxaa laga tari?!

Meeye kuwii nabiyada caayi jiray?! Caydoodii

xaqii ma aamusisay? Jawaabtu waa maya ee

iyaga ayaa caradii Alle aamusisay! Oo laga

dhigay qaar cirka halaag looga soo diro iyo

kuwo seefo lagu laayo!

Sheekh Maxamed nabiyadaa ayuu dariiqoodii

hayey, wuu arkayey in cid dadka ka nabad

gelaysaa aysan jirin! Oo nabiyadii ayaaba qaar

189

la laayey, muxuu dil ka tarayaa hadduu diin sax

ah ku dhinto? Miyuu waari lahaa?!

Iyo tilmaamo kale oo badan oo ah kuwa ay ku

sifoobaan hogaamiyayaasha raadka weyn

reeba.

190

Qaybta todobaad: dadkii ka horyimid,

noocyadoodii iyo dacaayadahoodii. 1

Waxaan in badan soo xusnay in sheekha dad badani ka

horyimaaddeen dacaayadana ka faafiyeen, haddaba waxaa

lasoo gaaray xilligii aynu mawduucan wax ka xusi lahayn,

iyadoo uu yahay mawduuc aad u ballaaran, kutub badanna

laga qoray, haddana waxaan isku dayeynaa inaan isku soo

xoorinno dacaayadaha kuwa ugu waaweynna aan xusno

iyo jawaabihii sheekha iyo taageerayaashiisu ka bixiyeen.

Noocyadii mucaaradka:

Waxaa loo qaybiyaa saddex qolo:

1- culimadii dariiqooyinka suufiyada iyo kuwii

shiicada, ha joogeen deegaankiisa ama kuwa

deriska la ahe;

2- madaxdii maxalliga ahayd ee ka talinaysay

deegaankii Najdi ee kala qoqobnaa, iyo weliba

maamulladii deriska la ahaa, sida: Baxreyn (oo

horey loo oran jiray Ixsaa) iyo dawladdii

Ashraafta sheegan jirtay ee Xijaaz iyo kuwo

kale;

3- dawladdii Cusmaaniyiinta ee ku magacawnayd

khilaafada islaamka.

1 Dacaayadahan iyo jawaabahooda waxaad ugu noqotaa kitaabka la yiraahdo:

Dacaawaa Almunaawi'iin, li dacwati sheekh Maxamed bin C/wahaab oo uu

qoray Dr C/casiis bin Muxamad Alcabdilladiif, waa kitaab loo gaaryeelay

gorfeynta arrimahan, ahna mid soo uruurinaya dacaayadaha badankoodii iyo

jawaabihii laga bixiyey.

191

Qaybta koowaad: Culimadii suufiyada iyo shiicada:

Haddii aynu ku hormarno labadan qolo oo ku noolaa

deegaanka sheekha iyo kuwa deriska la ah ilaa Yeman ilaa

Ciraaq markii qaarkood ay sheekha isdhaafsadeen waraaqo

badan ayna qolo kastaa ku dhegtay mawqifkoodii ayna

arkeen sida baaqii sheekha loo qaadanayo ayey bilaabeen

dacaayadahan iyagoo afarta jiho u kala dirayey waraaqo

iyo kutub ay allifeen oo ay uga digayeen sheekha, waxaa

ka mid ahaa walaalkii Suleymaan bin C/wahaab oo qoray

kitaabka la yiraahdo "Alsawaaciq Al-ilaahiyah fi-rradi

calaa Alwahaabiyah" taariikhyahannada qaar ayaa

sheega in walaalkii markii danbe mawqifkii sheekha ku

qancay balse ma aha arrin sugan.

Labadan qolo: suufiyada iyo shiicada waxaa ay ka

midaysnaayeen oo isu keenay laba qodob:

- difaacidda qabuuraha dhisan oo labaduba hodan

ku ahaayeen ilaa iyo haddana ku dhegan yihiin;

- baryidda iyo gargaarsiga cid aan Alle ahayn, siiba

dadkii dhintay ee ama nabiyo ahaa ama dad kale oo

suubban ahaa ama dad ay iyagu si gaar ah u

weyneeyaan ahaa.

Qaybta labaad: Amiirradii maxalliga ahaa:

Waa nooca labaad oo mucaaradka ahaa, ujeeddo kale ma

lahayn oo aan ahayn ilaashiga xukunkooda oo ay uga

baqayeen labadan hogaamiye ee heshiiyey, sidaa darteed

iyaga iyo culimadu waa isbiirsadeen geed dhow iyo mid

dheer intaba waa u fuuleen manjaxaabinta sheekha iyo

amiirradii taageerayey, balse waxba kama tarin xujooyinkii

cadcaddaa ee sheekhu adeegsanayey, shacabka

badankiisuna baaqii sheekha ayey ku qanceen, nimankii

kasoo horjeeday oo cilmiga sheeganayey wixii raacay

mooyee intii kale deegaanno fogfog ayey aadeen, sheekha

walaalkii ayaana ka mid ahaa nimankii qaxay! Amiirradiina

192

in badan ayaa isdhiibay kuwa kalena xoog ayaa lagu

muquuniyey haba ugu darnaado amiirkii Riyaad iyo

ashraaftii xijaaz, weynuna soo marnay loolankii dhexmaray

iyaga iyo sacuudiyiinta.

Qaybta saddexaad: Cusmaaniyiintii:

Iyaga cabsida ugu weyn ee haysay waxay ahayd in

xukunku ku noqdo gacan Carbeed, turkiguna meesha ka

baxo, maxaa yeelay xilli dheer ayey turkigu talada hayeen,

ha noqoto markii ay khilaafada la wareegeen oo ahayd

qarnigii 7aad ama ha noqoto ilaa qarnigii 3aad oo ay

Cabbaasiyiinta ka dhigeen maqaarsaar aan wax goaan ah

lahayn, in magaca khaliifka loogu yeero mooyee usha

amiirnimadana la siiyo, minbarkana jumcaha looga

duceeyo!!!

Goaan ayey ku gaareen la dagaallanka dawladdan xawliga

ku socota sidii aynu soo xusnay ayeyna ula dagaallameen

dacwada iyo dawladdaba ilaa ay dumiyeen, balse mar

walba sacuudiyiintu madaxa ayey lasoo kacayeen weyna

soo fufayeen iyagoo taageero xooggan ka haysta dadkii

deegaanka ee ay isku aragtida ahaayeen.

Sida aynu arki doonno dacaayaduhu waasii kala

foolxumaayeen, dadka sheegayeyna iyagoo isku ujeeddo

ahaa haddana waa is dhaameen xaga xishoodka iyo

usluubka iyo erayada ay adeegsanayeenba.

Qolyahaa dacaayadaha faafinayey oo la bilawday halgankii

sheekha, kama idlaan dunida oo ilaa iyo hadda waa jiraan,

haba ku kala xoog badnaadeen deegannada ay joogaane;

Sidoo kale culimada difaacaysaa mar walba waa joogaan

intaana kutub horleh ayey qorayaan iyagoo weliba luqado

kala duwan ku qoran, dadka manhajkii sheekha ku qancaa

mar walba waa kasii badanayaan heerkii ay joogeen, dadka

inta ay ku qanceen ka noqdaana aad ayey u yaryihiin

marka loo eego inta sugnaata.

193

Dacaayadaha waxaynu u qaybinnay laba qaybood oo kala

ah: kuwo toos ah oo aynu adeegsan doonno erayga ah

"Dacaayad" qaybtani waa kuwo ina tusaya been abuur

toos ah oo sheekha lagu sameeyey oo sal iyo raad toona

aan lahayn.

Qaybta labaad waa arrimo laga duwey sidii xaqa ahayd oo

si baadilnimo ah loo muujiyey si sheekha loo duro, qaybtan

waxaynu adeegsan doonnaa erayga ah "Shubho". Waana

kuwan hoos ku xusan:

Dacaayadihii:

1- Nabinnimo ayuu sheegtay! Nabigana

wuu liidaa!!

2- Waa mujassim, Alle uunkiisa u

ekaysiiya!!

3- Karaamooyinka Awliyada ayuu diiday!!

Shubhooyinkii:

1-Ummaddii ayuu laayey wuuna

gaaleysiiyey!!

2-Tawasulkii ayuu mamnuucay!!

3-Shafeecaysiga nabiga sallalaahu calayhi

wasallama ma ogola!!!

4- Siyaarada ma ogola! Qabuurihii dadkii

suubbanaana wuu ihaaneeyey!!

todobadaa isugu jira dacaayado iyo shubhooyin ayeynu

kasoo qaadanaynaa wixii ay sheekha ka faafiyeen.

194

Dacaayaddii koowaad: Nabinnimo ayuu

sheegtay, nabigana wuu liidaa!!!

Waa middii ugu foolxumayd wixii ay sheekha ka sheegeen,

balse ma ahayn mid ay suuq fiican u heleen, dadkuna

aqbaleen, xitaa dadka sheekha kasoo horjeeday

badankoodu waa ka xishoonayeen werinta beentan

qayaxan.

Mas'alada ah in nabigeenna lagu khatimay dhammaan

nabiyada waa mid muslimiintu ku kulansan yihiin, qofkii

shaki geliyaa inuu gaaloobayana waa mid lagu midaysan

yahay, maxaa yeelay? waa qof iska indhatiray

aasaasiyaadka diinta iyo astaamaheeda sida dharaarta u

cad.

Mawqifkii Sheekha:

Sheekhu isagoo tilmaamaya nimankii nabinimada sheegtay

qayb ka mid ah wuxuu yiri: "Culimadu waa ay ku kulansan

yihiin gaalnimada Mukhtaar, markii uu ku xadgudbay

nabinnimada, iyadoo ay jirtay oogiddiisa astaamaha

diinta". 1

Mar kale waxaa uu yiri isagoo ka warrama xuquuqda ku

waajibaysa qof kasta oo muslim ah: "waxaa ugu weyn

xaqa nabiga, waxaana ugu sii waajibsan inaad qirto inuu

rasuulkii Alle yahay, nabinimadana lagu khatimay, oo aad

ogaato haddii qof saxaabada ka mid ah aad gaarsiiso

darajada nabinimada inaad gaaloobayso". 2

1 Mu'allafaatu Sheekh 3/45. mukhtaar bin abii Cubeyd waa nin noolaa qarnigii koowaad ee

hijriyada saxaabo badan ayuu soo gaaray, wanaag badan ayuu muujisan jiray bilawgiisii, nimankii

dilay xuseen bin Cali bin Abiidaalib waa ninkii la dagaallamay oo iyagina madaxa ka guray, kadib

markii uu xoogaystay ayuu yiri waa la ii waxyoodaa!! Culimadii markaa joogtayna sidaa ayey isugu

raaceen gaalnimadiisa, cid u doodday oo difaacdayna ma jirin.

2 Aldurar Alsaniya:1/98-99

195

Nimankii sheekha beentan ka sameeyey:

Waxaa ka mid ahaa nin la oran jiray Ibnu Cafaaliq, isagoo

yiri mar uu raddinayey amiirkii Cuyeyna ibnu Macmar:

"wallaahi nabinimo ayuu ku sheegtay hab-dhaqankiisa!!

carrabkiisase kuma sheegan, wuuba kasii saramaray

sheegashada nabinimo, waxaanad joojiseen booskii

rasuulka! Waana aad qaadateen amarradiisa iyo

nahyigiisaba!!"

Ninka la yiraahdo Axmed bin Cali Alqubbaani 1 ayaa sidoo

kale ka mid ahaa raggii beentan calanka u siday, wuxuu

qoray kitaab la yiraahdo "Faslu Alkhiddaab" wuxuu ku

sheegay bogga 36aad in sheekhu nabinnimo sheegtay,

isagoo yiri ninkii la oran jiray Musaylima Alkaddaab ayey

isku deegaan yihiin!

Waxaa kale oo ka mid ahaa Calawi Alxaddaad, wuxuu ku

yiri kitaabkiisa "Misbaax Al-aanaam" bogga 4aad:

"Nabinnimo ayuu qarsanayey! Calaamadaha arrintaasina

dabcigiisa ayey ka muuqatay!! Carrabkiisa kuma

sheegan!!! Si dadku aysan uga didin, waxaa arrinkaa ka

markhaati kacaya sida culimadu sheegeen markiisii hore

wuxuu ahaa mid aad u xiiseeya akhbaartii nimankii

nabinnimada sheegtay! Sida Museylima Alkaddaab, Sijaax,

Aswad Alcanasi, Duleyxa Al-asadi iyo kuwii la midka

ahaa"!!!!

Mar haddii uu ina yiri wuu qarsanayey, isaga qudhiisa ayaa

la oranayaa sidee ku ogaatay? Qalbigiisa miyaad

daalacatay?! Mise waxyi ayaad ku ogaateen oo samada

ayaa la idiinka sheegay?! Labada arrimood kii ay ku

jawaabaanba way gaaloobayaan, oo waxa qalbiga ku jira

Alle kaligii ayaa ogaan kara, ciddii la sheegataana waa cid

wixii uu khaaska la ahaa sheegatay! haddii ay waxyi

sheegtaanna dariiqii Mukhtaar ayey marayaan.

1 Ciraaqi reer Basra ah ayuu ahaa xilligii sheekha ayuu noolaa.

196

Sidaa darteed qaabka ay beentan u abuureen waa

qaab fadeexad usii kordhisay, Allaahna dadka

xaqdarrada ku socda Ahlu-xaqqana ku been abuurta

wuu fadeexeeyaa mar ay noqotaba.

Waxaa dacaayaddan aad usii faafiyey udubdhexaadkii

beenta iyo tiirkii ay ku taagnayd! waa

Axmed Zeyni Daxlaan, ninkan oo xumaan kasta iyo

been walba oo qof ku fekeri karo aan ka dhowrsan,

wuxuu fursad ugu helay isaga oo ku noolaa Maka,

dadka xujeyda ahna kusii rari jiray wixii uu

maleego. 1

Sheekh Maxamed kitaabkiisa Tawxiidka ah waxaa uu kusoo

arooriyey xaddiiskii uu weriyey Abuubakar Alburqaani ee

saxiixa ahaa ee nabigu yiri sallalaahu calayhi wasallama:

"waxaan ummaddayda uga baqayaa madaxda wax

baadiyeysa, haddii seeftu ku dul-dhacdo lagama qaadi

doono ilaa qiyaamaha, waxaa ahaan doona ummaddayda

dhexdeeda soddon beenaalayaal 2 oo mid kastaa nabinnimo

sheeganayo, anigaana nabiyadii la igu khatimay nabina

igama danbeeyo…". 3

Arrinka uu leeyahay Calawi Alxaddaad iyo kuwo

kaleba: "wuxuu xiisayn jiray akhbaarta dadkii

nabinnimada sheegtay" iyaduna waa been kale oo ay

doonayaan inay beentooda weyn ku tukubiyaan.

1

Labadiisa kitaab eek ala ah: Khulaasatu Alkalaam bogga 239 iyo Aldurar Alsaniyan firraddi calaa

Alwahaabiyah:48

2

Culimadu waxaa ay ku fasireen soddonka: kuwa taageerayaasha yeelan doona ee dadka qaarkii

raaci doonaan, balse kuwa ku hadaaqa sheegashada nabinimo aad ayey u badan yihiin lamana koobi

karo, meel walbana waa joogaan.

3

Imaamu Axmed 5/278, silsiladda saxiixada ah:1683

197

Nabiga ayuu liidaa!!

Dacaayaddan liidataa iyaguna wixii ay ku hadaaqeen ayey

ka mid ahayd oo ay doonayeen inay dadka sheekha kaga

fogeeyaan, waxa hadalladoodii ka mid ahaa: "Ina

C/wahaab wuxuu yiri: nabigu wuxuu ahaa nin shaqo loosoo

diray, wuuna gutay, in la milicsadaana waa gaalnimo!

Ushayda ayaana ii dhaanta!! Oo abeesada iyo wixii la mid

ah iga dilaysa" (subxaanallaah)!!!

"wuxuu necbaa salliga nabiga sallalaahu calayhi wasallama,

maqalkiisana wuu dhibsan jiray! In lagu dhawaaqo oo

minbarrada laga sheegana wuu diidi jiray, ciddii sidaa

samaysana wuu dhibi jiray, qabriga nabiga wuxuu ku

sheegay sanam uguna weyn sanamyada oo dhan!!!

Jawaab:

Waxaa jawaabta lagu soo koobayaa: nimankan markii lagu

yiri: nabigu sallalaahu calayhi wasallama waxba kuma laha

baryada iyo gargaarsiga, ee Alle kaliya ayaa leh, nabiguna

sallalaahu calayhi wasallama cilmi-qaybka wuxuu ka ogaa

intii loo sheegay, Allaah ayaana quraankiisa ku yiri: "dheh

ma oga kuwa cirarka iyo dhulalka ku sugan cilmiga

waxa maqan Allaah mooyee" Alnamli:65.

markii intaa loo sheegay ayey yiraahdeen nabiga ayaa la

quursaday!!!

Waa sida kiristaanka marka lagu yiraahdo Ciise waa

addoonkii Alle ay u arkaan in nabi ciise la quursanayo!

Nimankii Qureyshi ka daba-dirtay saxaabadii Xabasha u

hijrootay inay soo celiyaan, waxay ku yiraahdeen Najaashi:

"Nimankani diinteeniina waa ka baxeen, taadana ma gelin,

Ciisana waa caayaan oo ilaahnimo uma ogola! Markii Jacfar

bin Abii daalib akhriyey suuradda Maryama, Najaash

wuxuu yiri "Ciise intaa ma dhaafsiisna" baadariyaashii ayaa

198

gadooday oo guuxay! Wuxuu ku yiri: haddaad doontaan

guuxa"!. 1

Sheekh Maxamed iyo taageerayaashiisu waxay nabiga u

weyneeyaan sida sharcigu qabo oo ah: In la rumeeyo wax

walba oo uu sheegay, loo hogaansamo wax walba oo uu

faray, laga tago wax walba oo uu reebay, diin iyo dhaqan

laga dhigto ku dayashadiisa, Allena aan lagu caabudin sidii

uu isagu u caabuday mooyee, diintiisa loo gargaaro, lagu

dhego, dadka diintiisa haysta la jeclaado oo la garab

istaago, kuwa kasoo horjeeda la naco lagana dhinac noqdo,

sidaa ayaa ah tubta toosan ee ay waajibka tahay in Alle

lagu weydiisto salaadda iyo dibaddeedaba.

Halbeegaas ayaa ah midka lagu ogaan karo qofku inuu

nabiga jecelyahay, oo Alle dadka jacaylkiisa sheegta wuxuu

ku imtixaanay raacidda nabiga, haddii laga helo waa kuwa

sheegashadoodu run noqonayso, haddii laga waayo

raaciddana waa ay beenoobaysaa.

Alle waxaa uu yiri: "dheh hadii aad tihiin kuwo Alle

jecel aniga I raaca, Alle wuu idin jeclaanayaa

danbiyadiinana wuu idiin dhaafayaa, Allaahna waa

dhaafid badane naxariis badane ah". Aala

Cimraan:31

Sheekh Maxamed Bashiir Alsahsawaani oo ka mid ahaa

culimadii Hindiya ee waaweynayd waxaa uu yiri: "annagu

haddaan nahay ahluxadiiska, rasuulka waan weyneynaa,

weyneyn kasta oo ku timid kitaabka iyo sunnaha sugan,

weyneyntaasi ha ahaato mid oraah ah ama ficil ah ama in

qalbiga lagu gunto ah;

Balse dadka bidcada ehelka u ah, weyneyntoodu waa mid

lasoo derrisiiyey, sida: In qabrigiisa loo safro, habaynkii iyo

maalintii uu dhashay la dabbaaldego, mawliid la akhriyo,

weyneynta sharciga ku timidse waa ay ka fogyihiin".

1 Siirada ibnu Hishaam:1/344, Dalaalil Alnubuwah:imaam Albayhaqi:2/301-304

199

Caalimkii reer Masar-Suuriya Maxamed Rashiid Ridaa

(wuxuu ahaa muftigii labada dal markii ay midaysnaayeen)

waxaa uu yiri: Qofkii taariikhda raacraaca wuxuu

ogaanayaa in kuwa nabiga ugu jecel uguna raacid badan

ay yihiin kuwa ugu xadgudub yar (aan darajo ilaahnimo

gaarsiin) gaar ahaan asxaabtiisii iyo dadkii xigay qarniyadii

kheyrka badnaa;

Dadka kuwa ugu iimaan liita uguna raacid yarna, waa kuwa

ugu badan ku-xadgudubkiisa, oraah ahaan iyo ficil ahaan

oo ay bidco la yimaaddaan, waanad ku arkaysaa labada

qolaba gabayadooda". 1

Sheekh Maxamed C/wahaab isaga oo beentan ka

jawaabaya waxaa uu yiri: "waxa mushrikiintu iga

sheegeen ee ah inaan reebayo ku-sallinta nabiga

ama aan leeyahay haddii aan kari karo qubbadda

nabiga waan dumin lahaa, waxaas oo dhan waa been

ay iga sameeyeen shayaadiinta doonaya inay

xoolaha dadka baadil ku cunaan, sida awlaadda

Shamsaan iyo awlaadda idriis". 2

Sheekha iyo dadka la manhajka ah waxaa ay nabiga ugu

sallinayaan sida sharciga ah, iyagoo arka inay cibaado

tahay, cibaadada halbeegeeduna yahay: in loola yimaaddo

sidii nabigu ula yimid iyo saxaabadiisu, in minbarrada laga

qalaado ama gabay salli lagu sheegaana ma aha sunnadii

nabiga iyo dhaqankii saxaabada midnaba.

In nabiga sallalaahu calayhi wasallama lagu amaano gabay

hufan ama lagu difaaco waa shay bannaan, haddii qofku

lillaahi ula jeedana ajar ka helayo, balse salli ma aha,

salligu siiqooyin u gaar ah ayuu leeyahay waxaana ka mid

ah midka salaadda lagu akhriyo (marka la

ataxyaadsanayo).

1 Siyaanatul Insaam can waswasati Daxlaan

2 Shamsaan iyo idriis: waa kuwo Najdi lagu caabudi jiray intii uusan sheekhu tirtirin.

200

Marka nabiga la ammaanayo waxaa waajib ah inaan la

gaarsiin darajo ilaahnimo, in darajo ilaahimo la gaarsiiyana

ma aha oo kaliya in ilaah lagu sheego, ee haddii wixii ilaah

gaarka u lahaa loo leexiyo nabiga waxaa ay la mid tahay

iyadoo darajo ilaah la siiyey.

Sida kuwa yiraahda" Adduun iyo aakhiro ayaa deeqdaada

ka mid ah"! "cilmiga looxa (maxfuudka ah) iyo qalinka ku

yaal cilmigaaga ayuu ka mid yahay!! Taasi ma bannaana

waana shirki uusan jirin shirki ka weyni, maxaa yeelay

adduun iyo aakhiro Allaah ayaa iska leh, cilmiga looxa ku

yaalna malaaig iyo nabiyaal toona ma ogaan karaan wixii

looga waxyoodo mooyee.

Sidoo kale nabiga marka la ammaanayo in la gargaarsado

ma aha mid bannaan (markii uu dhintay kaddib)maxaa

yeelay gargaarsigu waa cibaado Alle ayaana iska leh

Qofkii yiraahda: xuquuqda Alle iyo xuquuqda nabiyada,

darajada Alle iyo darajooyinka nabiyada hala kala saaro,

ma aha in loogu jawaabo nabiyadii ayaa la quursaday ama

la liiday.

Nabigu sallalaahu calayhi wasallama isaga oo arrintan ka

digaya waxaa uu yiri: "ha iigu xadgudbina sidii nasaaradu

ina Maryama ugu xadgudbeen, waxaan ahay oo kaliya

addoonkii Alle iyo rasuulkiisii, ee dhaha waa addoonkii Alle

iyo rasuulkiisii". 1

Waxaa nabigu sallalaahu calayhi wasallama inoo sheegay

in ummaddani ku tallaabsan doonto wax walba oo

ummadihii hore ku kaceen, taana waxa ka mid ah ku

xadgudubka nabiyada iyo iyadoo la gaarsiinayo darajo

ilaahnimo.

Mad-habta Xanbaliyada ee sheekhu haystay waxaa ay

qabtaa in qofkii nabiga caaya uu xukunkiisu dil yahay, ha

tawbad keeno ama yuusan tawbad keenin, maxaa yeelay

tawbaddu isaga iyo Alle ayey u dhaxaysaa balse xaqii

1 Bukhaari:6830

201

nabiga ee uu ku tuntay waa in laga gooyaa oo qudha laga

jaraa.

Maalintii nabigu sallalaahu calayhi wasallama Maka furtay

waxaa jiray 9 qof oo uu amar ku bixiyey in la laayo xitaa

hadii ay kacbada qabsadaan, sababtuna waxaa ay ahayd:

iyagoo nabiga caayi jiray, tix iyo tiraab intaba adeegsan

jiray, iyadoo gaaladii reer Maka intii kale la iska cafiyey.

Waxaad xasuusnaataa in sheekha kutubtiisa uu ka mid

ahaa: Kitaab siiro ah, si uu dadka nabiga sallalaahu calayhi

wasallama u jecleysiiyo xuquuqdiisana u baro ayuu u

allifay, waana kitaab ilaa maanta yaal oo la daabaco,

Waxyaabaha qubuuriyiintu aaminsan yihiin waxaa ka

mid ah: in dunida oo dhan loo abuuray nabiga

sallalaahu calayhi wasallama dartii! Allaahna waxaa

uu leeyahay: "uma abuuran jinni iyo Insi wax kale

inay I caabudaan mooyee". (nabi muxammadna

insiga ayuu ka mid yahay).

Sheekha iyo taageerayaashiisuna sidaa quraanku sheegay

ayey rumaysan yihiin.

Intaa aynu kaga joogsanno beentii koowaad iyo

jawaabteedii.

202

Dacaayaddii labaad: Mujassim ayuu ahaa

(mid Alle uunkiisa ku shabbaha)

Aragtiyada dadku ka kala aaminsanyihiin

tilmaamaha Allaah:

Magacyada iyo tilmaamaha Alle ku sheegtay kitaabkiisa

ama nabigiisu ku sheegay sallalaahu calayhi wasallama,

dadka islaamka ku abtirsadaa waxaa ay ugu qaybsameen

guud ahaan saddex qolo, oo kala ah:

1- qolo diidday dhammaan ama qayb ka mid ah, si

qayaxan ha u diideen ama usluub ay samaysteene,

iyagoo adeegsanaya erayada: Ta'wiil, Tanziih i.w.m,

kuwan waxaa loogu yeeraa "Mucattilo" waana

Jahmiyada iyo faracyadeeda sida: Muctazilada,

Ashcariyada, Maaturiiyada, kullaabiyada i.w.m.

2- qolo magacyada iyo tilmaamahaba sugay, balse intaa

aan ku ekaan ee ku shabbahay tilmaamaha uunka oo

yiri: Alle tilmaamihiisa iyo kuwa uunkiisu waa isku

mid"!! haddii ay quraanka ku taal Alle wax ayuu arkaa

oo maqlaa, waa araggeenna iyo maqalkeenna oo

kale!!! Haddii quraanku Alle u sheegay inuu gacmo

leeyahay, waa kuweenna oo kale!!

Allaah ayaa ceeb oo dhan ka hufane sidaa ayey

qoladani ku hadaaqday.

3- qolada saddexaad: waxaa ay yiraahdeen: Magacyada

iyo tilmaamaha Alle sheegtay ama nabigiisu ku

sheegay, dhammaan waa xaq, in la rumeeyaana waa

waajib, in la beeniyaana waa gaalnimo.

Isla markaa waa in laga fogaadaa in Alle uunkiisa loo

ekaysiiyo, oo waa in la yiraahdaa: magacyada Alle iyo

tilmaamihiisu waa kuwo isaga u qalma, farqiga

tilmaamihiisa iyo kuwa uunka u dhexeeyaana waa

farqiga Alle iyo uunkiisa u dhexeeya oo kale.

203

Qolada sidan aaminsan waa ahlusunna wal-jamaaca,

ama ahluxadiiska, laga soo bilaabo saxaabadii,

taabiciintii, kuwii raacay oo afarta imaam ku jiraan,

muxaddisiintii kutubta aynu haysanno qortay sida:

Imaam Bukhaariyo iyo Imaam Muslim, ibnu Khuseyma

iyo kuwa la midka ah.

Dhammaan waxaa ay ku tageen in ay waajib tahay in

la rumeeyo magacyada iyo tilmaamaha Alle, waana in

aan la faaqidin qaabkooda oo Alle loo daayaa loona

talasaartaa, qaabaynteedu waa baadinimo, in kuwa

uunka loo ekaysiiyaana waa baadinimo, in la dafiro

ama macnahooda laga leexiyaana waa baadinimo kale.

Sidaa ayaa loogu qaybsamay mas'aladan,

waxaan shaki ku jirin in qolada garta lihi yihiin

kuwa kitaabka iyo sunnaha iyo fahamkii

saxaabada ku dhegan, waana waddadii dadkii

suubbanaa oo hore ku tageen.

Haddaba sheekh Maxamed qaddiyaddan

mawqifkee ka taagnaa? Mucattil miyuu ahaa?

Mise mushabbih ama mujassim? Mise Ahlu

sunne?

- Jawaabta suaashan aynu ugu noqonno caqiidadii

sheekha ee aynu horay usoo marnay waxaa ka mid

ahaa hadalkiisii: " Rumeynta Alle waxaa ka mid ah

in la rumeeyo waxa uu naftiisa ku tilmaamay oo

kitaabkiisa ku sheegay, nabigiisuna sallalaahu

calayhi wasallama ku hadlay, iyada oo aan la

inkirayn, lana weecinayn;

- Waxaan rumaysanahay Allaah cid u dhiganta oo

la mid ahi inaysan jirin, uuna yahay maqal

badane arag badane ah, uma diidayo waxa uu

naftiisa ku tilmaamay hadalkiisana barihiisa

kama duwayo, magacyadiisa iyo aayadahiisa

midnaba leexin ku samayn maayo,

204

tilmaamihiisana ma qaabaynayo, kuwa

makhluuqana ku matali maayo;

Maxaa yeelay? cid Allaah la mid ahi ma jirto, cid

la eeni ahina ma jirto, makhluuqaadka uu

abuurayna laguma jaangooyo.

Allaah isaga ayaa naftiisa iyo cid walba ku cilmi

badan, uguna run badan, uguna hadal san;

Naftiisa waa uu ka hufay waxa makhluuqu ku

sheegeen, kuwa wax suureeya iyo kuwo cid kale

u ekeeya intaba, kuwa tilmaamaha diida sidoo

kale ayuu isaga hufay:

. نٌملاعلا هبر لله دمحلاو نٌلسرملا ىلع ملاسو نوفصٌ امع ةهزعلا هبر كهبر ناحبس

[Rabbigaa cizzada iska leh hufnaantiisee wuu

ka hufanyahay waxa ay ku tilmaameen, nabad

gelyana ha ahaato rasuullada dushooda, Allaah

ayaana mahad oo idil u sugnaatay, wax jira oo

dhan rabbi u ah.

Taa ayaa ah mawqifkii sheekhu mas'aladan ka

taagnaa, ciddii wax kale ku sheegta sida mujassim

ama mushabbih, waa cid aan sheekha aqoon ama

tashbiiha aqoon, ama xaqa aqoon ama intaba aan

aqoon, ama colaadda ku fogaatay ay indhatirtay.

Isla caqiidadaa ayaa ardaydiisa iyo inta taageersanba

haysteen ilaa iyo haddana ku baaqayaan.

Waxaa uu yiri wiilkisii C/laahi markii ay Maka furteen

sannadkii 1218H: "mad-habkeenna ku saabsan

asallada diinta waa dariiqii dadkii hore ee suubbanaa

iyada ayaa badbaado badan, oo cilmi badan oo

xikmad badan, annaga oo khilaafayna kuwa yiri:

Culimadii danbe dariiqooda ayaa cilmi badan!

Caqiidadeennuna waxa weeye: inaan qirno aayadaha

iyo axaadiista tilmaamaha ku timid, macnaheedana

205

aan Alle u talasaaranno, annagoo aamminsan in

xaqiiqda ay tilmaamayso uu Alle leeyahay". 1

Waxaa uu yiri caalimkii reer Ciraaq Maxamuud Shukri Alaaluusi

isaga oo ka hadlaya caqiidadii sheekha:

"waa la ogaaday waa ayna caan baxday, qoraalladiisii iyo

warqadihiisii iyo kutubtiisii la dhegaystay ee lagu dul

akhriyey iyo wixii fartiisa ku sugnaadayba, arrintiisa iyo

dacwadiisa iyo ardaydiisii iyo saaxiibadiisii darajada lahaa

ayey ka caanbaxday: inuu haystay jidkii jiilkii suubbanaa

iyo imaamyadii diinta ee luqadda iyo fatwadaba ehelka u

ahaa, wixii ay ka aaminsanaayeen garashada Alle iyo

sugidda tilmaamihiisa dhammayska tiran iyo tilmaamaha

weynidiisa, taasoo quraanka sharafta lihi sheegay,

axaadiista nabiguna ku ansaxday, saxaabaduna ay aqbal

iyo guddoon iyo nabadgelin kula kulmeen, iyagoo sugayay

oo rumeynayey kuna dulmarayey sidii ay ku timid, iyaga

oo aan leexin ama inkirin oo aan kuwa uunka ku metelin

ama aan qaabaynin". 2

Mawqifkii qolyaha dacaayadaha faafinayey:

Waxay yiraahdeen wuxuu Alle ku matalay xayawaan

dhaqdhaqaa-qaya oo kale, waxaa hadalladan faafinayey

Calawi Alxaddaad iyo Daxlaani iyo rag kale.

Waxay iyagu aaminsanaayeen inkiridda iyo leexinta

tilmaamaha Alle badankooda, sida sarreyntiisa i.w.m, sidaa

darteed qofkii u rumeeya sida quraanku sheegay ama

axaadiistu sheegtay agtooda waa Mujassim ama

Mushabbih, waxayna dhammaantood sheekha ku

1 Aldurar Alsaniyah fil ajwibati Alnajdiyah:1/126

2 Taariikhdii Najdi: Al-aaluusi:77

206

dhaleeceeyeen inuu aayadaha iyo axaadiista u qaatay sida

ka muuqata!! oo uusan fahmin macnaha dahsoon!!!

Fahamka ay ku dhaleeceen waa kii saxaabada iyo jiilalkii

suubbanaa midka ay dahsoonaanta ku sheegeenna waa

mala'waal shaydaan u qurxiyey oo kitaab iyo sunne iyo

saxaabo aan midnaba laga qaadan.

Shiicada oo ka mid ahaa qolyihii sheekha ku been

abuuranayey iyaga ayaa ugu horreeyey cid Alle uunkiisa ku

shabbahda iyagoo ka qaatay aasaasahoodii C/laahi bin

Saba oo ahaa yahuudi yemani ah!!

Dhaleecayntan ay sheekha kusoo oogeen ee ah inuu Alle

makhluuqa ku shabbahay iyaga ayaa ku habboon oo Alle

ku mataalay wax naaqus ah markii ay ka xayuubiyiin

tilmaamihiisii astaanta u ahaa dhammaystiranka iyo

weynida.

Haddii qaarkood la weydiiyo: ilaahiin xagee jiraa? Waxay

ku jawaabi: meelna!! Qaarkoodna: meel walba wuu

joogaa!! Iyagoo aan ka hufayn meelaha xunxun ee

xarumaha shaydaan ah ee xitaa malaaigtu ay ka fogaato.

Balse sheekha iyo dadka raacsan waxaa ay aamminsan

yihiin in Alle sarreeyo, uunkiisana ka dhexbaxsan yahay,

carshigiisa oo makhluuqa ugu sarreeyana uu kasii

sarreeyo, sida uu quraankiisa ku sheegtay nabigiisuna

sallalaahu calayhi wasallama sheegay.

Haddaba yaa gar leh? Ma dadka quraanka iyo

axaadiista ku dhegan? Fahamkii saxaabadana

haysta? Mise dad intaba garab marsan oo meel kale

ku xiran diintoodana ka qaata? Bal muslim Alloow ka

gar naqa!

207

Dacaayaddii saddexaad: Karaamooyinka

awliyada ayuu diiday!

Suaashu waxay tahay horta waa maxay Awliyo? Waa

maxayse karaamo?

Jawaab: erayga weli macnayaal badan balse isu dhaw

ayuu luqadda carabiga ah ku leeyahay, wuxuuna ku tusaa

xigtanimo iyo isu dhawaansho.

Haddaba weliga ilaah: waa midka Alle xiga una dhaw, oo

Alle yiri: "Hooy ogaada, in Awliyada Alle dushooda

aysan ahayn cabsi mana aha kuwa tiiraanyoonaya.

Waa kuwa iimaanka laga helay Allaahna ka baqi

jiray". Suuradda Yuunus:63.

Waxyaabaha aan caadiga ahayn ee banii aadamka ka

dhaca:

Waxaa jira waxyaabo badan oo basharka ka dhaca, isla

markaana aan ahayn wax caadi ahaan dhaqankooda asal

ku ah oo lagu yaqaan, tusaale ahaan banii aadamku inuu

fariisto oo istaago oo socdo waa wax lagu yaqaan, balse

inuu duulo ama badda cagihiisa kula dulsocdo ma aha wax

lagu yaqaan, haddii ay dhacdo qof sidaa la yimaadda

waxaa la oranayaa qofkani wax caadada khilaafsan ayuu la

yimi, haddaba maxaa lagu magacaabayaa shaygaa?

Wuxuu yeelan karaa magacyo badan, iyadoo ku xiran

hadba xaaladda uu ku suganyahay qofka falkani ka

dhacay, waxayna kala yihiin:

Irhaasaat:

Nabiyada inta aan lasoo dirin waxaa jira waxyaabo kasoo

ifbaxa oo ka duwan dhaqanka bulshadooda iyo dhacdooyin

ay la kulmaan oo dadka caadiga ahi uusan la wadaagin,

208

iyadoo ay gogol xaar u tahay darajada weyn ee lasiin

doono, si dadbanna lagu sii ogeysiinayo in xaalad kale uu

geli doono, sida: in dhirta iyo dhagxaantu la hadlaan ama u

sujuudaan, nabigeennuna wuu soo arkay arrimahan

yaraantiisii iyo soo saaristiisii inyar ka hor, waxyaabahaa

waxaa la yiraahdaa "Irhaasaat" waa hordhac mucjizo.

Mucjizo:

Marka nabiga lasoo diro, caalamadaha lagu xoojiyo loogana

dhigo xujo uu ula tago dadka loo diray waxaa la yiraahdaa

"Mucjizo" oo micnaheedu yahay: mid dadka

tabarbeelinaysa inay xoog ama xeel kula yimaaddaan iyada

oo kale.

Mucjizada waxaa weheliya: Carayn (car keena ama car

sameeya sidaa oo kale).

Karaamo:

Dadka suubban ee aan nabiyada ahayn balse dariiqooda

haya, Allaahna ku xiran waxa ka dhaca ee caadada

khilaafsan waxaa la yiraahdaa" Karaamo" waa maamuus

iyo sharaf Alle ku karaameeyey markii ay xarigiisa

qabsadeen.

Qeexidda karaamada: waa ficil Alle samaynayo isaga oo

ku maamuusaya addoonkiisa, caraynna aysan wehelin,

qofkuna rabitaankiisa uusan kula imanayn, xoog iyo xeelad

midnaba uusan u adeegsanayn dhicidda falkaa".

Irhaasaatka, mucjizada iyo karaamada: saddexduba waa

fal Alle samaynayo addoonkuna uusan kula imanayn

rabitaankiisa iyo xoog iyo xeelad midnaba, balse mucjizada

carayn ayaa wehelisa.

209

Tusaalooyinka karaamada:

Arrintii Maryama (nabi ciise hooyadii calayhi salaam) in

cunto loo keeni jiray, nabi zakariyana markii uu weydiiyey

ay tiri: "Alle xagii ayuu ka yimid Allaahna ciddii uu doono

xisaab la'aan ayuu arzaaqaa". Aalacimraan:37.

Arrintii ninkii caalimka ahaa ee sariirta Boqoraddii Saba u

keenay nabi Suleymaan calayhi salaam. Suuradda

Alnamli:40

Dhacdadii Jureyj uu wiilka yar ku yiri: kumaa ku dhalay?

Uuna ku jawaabay: hebelkii qawsaarka ahaa. 1

Qisadii Asxaabul-kahfi ee hurday in ka badan saddex boqol

oo sano. Suuradda Alkahfi:25

Dhacdadii saxaabada rasuulku ay ku dulsocdeen webiga

iyaga oo jihaad ku jira ayna gudbeen. 2

Aragtidii Cumar bin khaddaab isaga oo minbarka Madiina

saaran uu arkay ciidankii muslimiinta oo lagu

dhabarjabinayo meel Ciraaq ka mid ah, uuna digniin

siiyey. 3

Waxaas oo dhani waa wax ka dhacay dad suubbanaa oo

Alle xiriir wanaagsan la lahaa, Allaahna uu sidaa u

maamuusay, mana ahayn wax ay xoog iyo xeelad midnaba

kula yimaaddeen ee Alle ayaa sameeyey, waana wax

caadada basharka khilaafsan.

Fiiro gaar ah:

Waxaa habboon in lagu baraarugsanaado dhowr

waxyaabood oo kala ah:

Qofka karaamadu ka muuqato calaamad uma aha inuu

ka kheyr badan yahay qofka aysan ka muuqan, maxaa

yeelay saxaabada iyo taabiciinta waxaa fadli badnaa

1 Muslim:6508

2 Xilyatu Al-awliyaa Abuu Nucaym:1/7 Siyaru aclaam alnubalaa, ee imaamu Dahabi:2/120

nuskhadda Maxamuud Shaakir, Albidaaya wa nihaaya ibnu khatiir:6/402

3 Waxaa ku weriyey Imaam Albayhaqi kitaabkiisa Dalaail Alnubuwah, ibnu kathiirna wuxuu

ku sheegay Albidaaya wa nihaaya:7/131, wuxuuna yiri: Sanadka xadiisku waa xasan jayid ah,

sidoo kale sheekh Al-albaani wuxu ku tilmaamay: Xasan, sida ku sugan Silsilatu Al-axaadiis

Alsaxiixa:1110. (erayga xasan: waa darajo ka mid ah darajooyinka xadiiska sugan ee la

xujaysan karo).

210

saxaabada, karaamooyinka laga soo weriyey

taabiciinta ayaana ka badan kuwa saxaabada laga soo

weriyey, taana imaamu Axmed waxaa uu ku

macneeyey in iimaankoodu sarreeyey oo aysan u

baahnayn wax lagu kabo.

Qofka aysan karaamo ka dhicin daliil uma aha inuusan

weli Alle ahayn.

Sixir ama shacwado:

Waxyaabaha ka muuqda dadka aan laga helin iimaan iyo

Alle ka cabsi isla markaana caadada khilaafsan waxaa

loogu yeeraa: Sixir ama Shacwado, waana fal shaydaan.

Haddii uu badda ku dulsocdo ama duulo, balse uusan

sharciga Alle ku dhaqmin maxaa la oranayaa? Waxaa la

oran waa qof shayaadiinta la qaraabta oo iyagaa duulinaya

ama badda ku socodsiinaya.

Imaamkii la oran jiray Yuunus bin Cabdi Alaclaa ayaa

u yimid imaam shaafici wuxuuna ku yiri: "Leyth

wuxuu yiri: (waa leyth ibnu sacad imaamkii reer

masar) haddii aad aragtaan qof badda ku dul

soconaya haku kadsoomina ilaa aad ka aragtaan

halka uu sharciga ka joogo! Imaam Shaafici waxaa

uu markaa ku jawaabay: Saaxiibkeen Leyth waaba

ka gaabiyey arrinta: ee haddii aad aragtaan qof

badda ku soconaya hawadana duulaya haku

kadsoomina ilaa aad ka aragtaan halka uu sharciga

ka joogo".

Haddaba qof laga yaabo inuusa tukan, dadkana ku

yiraahda: Maka ayaan kusoo tukaday! Ama xoolaha dadka

baadil ku cuna, ama xaaraanta aan ka dhowrsan,

astaamaha diintana aan oogin, yaan calankiisa giirgiiran

lagu kadsoomin laguna suntin awliyanimo dadkana yaan

lagu fitnayn ee hala adeegsado halbeegga sharciga.

211

Caqiidada Ahlusunna wal-jamaaca ee karaamada ku

saabsan:

Ahlusunna waljamaaca caqiidadooda waxaa ka mid ah in la

rumeeyo karaamooyinka Alle siiyey awliyadiisa iyada oo

aan la dhaafineyn halka sharcigu joojiyey.

Laba qolo oo ka mid ah bidcooleyda ayaa mawqifyo

sharciga khilaafsan ka istaagay karaamooyinka: qolo

inkirtay oo tiri wax jira ma aha, sida Muctazilada, qolo

kalena waa ku talax tageen oo wixii muuqdaba karaamo

ayey ku sheegeen, iyagoo aan fiirin xaaladda qofka ay ka

dhacday iyo halbeegga sharciga midnaba.

Mawqifkii sheekha:

Markii aynu kasoo hadlaynay caqiidadii sheekha waynu soo

aragnay in sheekhu aaminsan yahay in awliyadu

karaamooyin leeyihiin, isaga oo yiri: " Waxa aan qirayaa

karaamooyinka awliyada, iyo waxa loo hibeeyey ee

aragti dheer ah, balse xuquuqda Allaah waxba kuma

ay laha, wax Allaah mooyee cid kale aysan qaban

karinna iyaga lagama raadin karo".

Isaga oo ka hadlaya waxyigii Alle u waxyooday nabi muuse

hooyadii waxaa uu yiri: "waa waxyi ilhaamin ah, waxaana

ku sugan sugidda karaamooyinka awliyada". 1

Mar kale waxaa uu yiri: "sida dadka ku waajibka ahi waa

inay jeclaadaan (awliyada) oo raacaan, qiraanna

karaamooyinkooda, mana diido karaamooyinka awliyada

bidcooleyda mooyee, diinta Allena waxay u dhexaysaa laba

dhinac: waa hanuun u dhexeeya laba baadinimo, iyo xaq u

dhexeeya laba baadil". 2

Wiilkiisa C/laahi waxaa uu yiri: " ma inkirayno

karaamooyinka awliyada, xaqoodana waa u

1 Majmuucu mu'allafaati sheekh: 4/282

2 Majmuuca:1/69

212

aqoonsanaynaa iyo inay hanuun xag rabbi ah ku taagan

yihiin, mar walba oo ay ku socdaan dariiqa sharciga ah iyo

qawaaniinta dhowrsoon, balse noocyada cibaadada waxba

kuma laha, nolol iyo geeri toona, balse midkood iyo muslim

walba waa laga ducaysan karaa marka uu noolyahay" 1

Wiilkii uu awowga u ahaa ee qoray kitaabka Fatxul majiid

waxaa uu yiri: "karaamooyinka awliyadu waa xaq, balse

ma gaari kartaa heer ay mawtida soo nooleeyaan sida

mucjizooyinka?

Jawaab: karaamooyinka awliyadu waa wax ku sugan

ahlusunnaha agtooda, Weliguna wuxuu karaamada ku

helay barakada raacidda nabi Muxammad sallalaahu

calayhi wasallama, xaqiiqda karaamudana kama

muuqanayso inuu raacidda nabiga dadka ugu yeero

mooyee, isaga oo ka dhan ah bidco kasta iyo leexsanaan

kasta oo shareecada laga leexdo.

Raacidda nabiga barakadeeda ayaa Alle ku taageerayaa

malaaigtiisa, iyo ruux xagiisa ka timid". 2

Hadalladii mucaaradka:

Qolyaha sheekha durayey aragti midaysan kama lahayn

dacaayaddoodan ku wajahan sheekha iyo

taageerayaashiisa, qaar waxay lahaayeen: karaamada

awliyada ma ogola!

Qaarna: koox ragiisa ka mid ah ayaa diiddan!!

Qaar kale ayaa yiri: kuwa nool karaamadooda waa

ogolyihiin, balse mawtida ma ogola!!!

Aynu kasoo qaadanno dhowr hadalladoodii ka mid ah:

- Calawi Alxaddaad: waxaa uu yiri: "Hadaaqiisa waxaa

ka mid ahaa (sheekha ayuu u jeedaa) inuu diiday

1 Aldurar Alsaniya: 1/128

2 Aldurar Alsaniya: 2/81

213

karaamooyinka awliyada iyo waxa Alle ku gaar yeelay

ee arrimo hoose ah iyo siro iyo barakooyin". 1

- Xasan Al-shatti: waxaa uu yiri: "karaamooyinka

awliyadu waa xaq, Imaamu Axmed wuu ku inkiray

cidda diidda, baadinimo ayuuna ku xukumay, guntu

waxay tahay in culimada xanbaliyadu la mid yihiin

ahlusunnaha kale oo ay ku kulansanyihiin sugiddeeda,

xitaa kooxda reer Najdi ee wahaabiyada ah iyada oo

ay jirto xagjirnimadoodu waa ay ogolyihiin! Balse

qaarkood ayaa dadka nool ku gaaryeela! Daliilna uma

haystaan ku gaaryeeliddaas". 2

- Nin la yiraahdo Cusmaan bin Yaxya Alcalawi waxaa uu

yiri: "Maxammad C/wahaab waa uu gaaleysiiyey qofkii

qira karaamooyinka awliyada". 3

- Mid kale oo la yiraahdo Ibraahim Alsamnuuddi ayaa

yiri: "hadalka kuwa diiddan tawasulka ee yiri: maydku

waxba ma tari karo waxay ula jeedaan diididda

karaamooyinka awliyada"!!! 4

Halkaa waxaa inooga caddaatay in sheekha iyo ardaydiisu

qirsanaayeen karaamooyinka awliyada, iyaga oo ku

raacaya caqiidada ahlusunnaha, balse ay diiddan yihiin in

cibaadada Alle loo leexiyo, ha noqdeen awliyadu kuwa nool

ama kuwa dhintay.

Waxaa kale oo inoo caddaatay in qolyaha sheekha kasoo

horjeedaa ay karaamada ka dhigayaan baryidda awliyada

nool iyo qabriyadooda, qofkii ka reebana ay leeyihiin:

karaamadii awliyada ayuu diiday.

1 Misbaax al-aanaam: 18

2 Al-nuquul Alsharciya firraddi calaa alwahaabiyah:104

3 Faslu alkhidaab fii bayaani alsawaab:42

4 Sacaadatu Aldaarayn:1/228

214

Waxaa kale oo iyaduna meesha aan ka marnayn cidda

awliyada ah, iyada oo sheekha iyo taageerayaashiisu ku

joogsanayaan halbeegga sharciga ee ah Iimaan iyo Alle ka

cabsi, iyadoo qolyaha kale summad awliyanimo saarayaan

cid kasta oo ay ku arkaan calaamad caadada khilaafsan

ama qalbigooda ku weyn.

Waxaan mas'aladan kusoo afmeerayaa hadal uu yiri mid ka

mid ah culimadii sheekha difaacaysay waa C/daahir Abuu

Samxi 1 : "khalkhalsanaanta kuwa qabuuraha barya

waxaa ka mid ah: haddii aad Allaah kaligii xusto oo

tiraahdo kaligii barya cid kalena ha milicsanina,

quluubtoodu waa ay didaysaa, aadna way u

caroonayaan, waxayna arrinkaa ku tirinayaan quursi

awliyadoodii lagula kacay! Kuwaa oo aysan

awliyanimadoodu ku sugnaan daliil barkii! Iyo wax

khabar sax ah u eg midnaba!! Waxayna oranayaan:

Karaamooyinkii awliyada ayuu diiday! halka iyagu ay

yihiin kuwo rabbigood ku quursanaya baryidda cid

kale! Ka jeesashadoodana ay ku dhacayaan ceeb iyo

dulmi weyn haddii ay u dhugmo yeelan lahaayeen". 2

Intaasi waa dacaayadihii iyo jawaabahoodii, bal

shubhooyinka iyo wixii laga yirina aynu aragno.

1 Wuxuu ku dhashay Iskandariya masar, sannadkii 1300H, boqor C/caziiz ayaa u

magacaabay imaamka iyo khadiibka Xaramka Maka, qaahira ayuu kadib ku dhintay 1370H,

fiiri Alaclaam:Zirikli:4/11

2 Alrisaala Almakiya:25

215

Shubhada koowaad: Gaaleysiinta iyo dagaalka

Shubhadan waxaa ka farcamaya arrimahan kala ah:

- Gaaleysiinta iyo dagaalka:

- Wahaabiyadu waa khawaarij Najdina waa halka

uu kasoo baxayo geeska shaydaanku

- Wahaabiyadu waxyaabaha lagu gaaloobo waxay

kusoo dareen wax aan ka mid ahayn!

- Aayadihii gaalada ku yimid ayey muslimiinta dulsaareen.

- Dawladdii khilaafada ahayd ayuu ku baxay

Faraca koowaad: Gaaleysiinta:

Maadaama uu sheekhu awooddiisa saaray sifeynta

Tawxiidka iyo ka digidda shirkiga oo tawxiidka lidkiis ah

uuna caddeeyey waxyaabaha dadku diinta kaga bixi karaan

oo tawxiidka burinaya, isla markaana uu caddeeyey qofkii

shirki weyn ku dhaca xujadana lagu oogo xaquna u

caddaado, shirkigiina ka joogsan waaya inuu gaalyahay,

ayey yiraahdeen ina C/wahaab ummaddii oo dhan ayuu

gaaleysiiyey!

Aynu soo qaadanno hadalladoodii qayb ka mid ah iyo

jawaabihii sheekha iyo dadka la caqiidada ahi ka bixiyeen:

Ibnu cafaaliq 1 :

Ninkan oo ka mid ahaa ragii hogaanka u hayey dacaayaddii

sheegashada nabinimo, ayaan marnaba ka daalin faafinta

beenta, tab kasta oo uu adeegsadaba, waxaana

hadalladiisii ka mid ahaa:

"Ninkani ummaddii ayuu gaaleysiiyey, oo wallaahi

rasuulladiina wuu beeniyey iyaga iyo ummadahoodiiba,

shirki ayuu ku xukumay". 1

1 Muxammad bin C/raxmaan bin Cafaaliq Alxanbaliyi, Ixsaa ayuu ku dhashay 1100H, iyadana

ayuuna ku dhintay 1164H, ragii ugu dacaayado badnaa oo dacwada ka horyimid ayuu safka hore

kaga jiray, fiiri culamaau Alnajdi:3/818

216

Mar kale isaga oo ibnu Macmar la hadlaya waxaa uu yiri:

"waxaad ka dhigateen gaaleysiinta qaraabadii nabiga iyo

caydooda iyo lacniddooda asal diintiinna ka mid ah" 2

Markale wuxuu yiri: "wuxuu dhaar faajirnimo ah ku maray

in yahuudda iyo mushrikiintu ka xaalad wanaagsan yihiin

ummaddan" 3

Ibnu suxaym 4 :

Ninkan oo sheekh ka ahaa Riyaad isna wuxuu ahaa ragii ku

fogaaday beenta iyo dacaayadaha aan loo meel dayin

waxaana hadalladiisii ka mid ahaa: "waxaa sugan inuu

leeyahay dadku muddo laga joogo lix boqol oo sano wax

diin ah ma haysan" 5

Calawi Alxaddaad 6 :

Isna wuxuu yiri: "haddii qof damco inuu diintiisa soo galo

wuxuu oranayaa: qir in aad gaal ahayd, labadaadii

waalidna ay gaalnimo ku dhinteen, oo qir in caalimka hebel

iyo hebel ay gaalo yihiin iyo wixii la mid ah, haddii uu qiro

wuu aqbalayaa haddii kalena wuu dilayaa". 7

Xasan bin Cumar Al-shatti 8 :

Isaga oo ka hadlaya tilmaamihii sheekha waxaa uu yiri:

"Gaaleysiinta ummadda iyo in la aamino xalaalnimada

dhiigooda iyo xoolahooda iyo weliba caruurtooda oo la

addoonsado"!!!

1

Jawaabu ibni Cafaaliq calaa risaalati ibnu Macmar 58

2

Isla halkii hore 63

3

Halkii hore 65-66

4

Suleymaan bin Axmed bin Suxaym Alcanzi, ragii sheekha iyo dacwadiisaba ugu cadaawad

badnaa ayuu ka mid ahaa, waddooyin badan ayuu adeegsaday si uu dacaayado uga faafiyo,

faafiddeedana u horjoogsado, Riyaad ayuu sheekh ka ahaa, wuxuu dhashay 1130H, wuxuuna

dhintay 1181H Zubeyr ayuu ku dhintay.

5

Faslu alkhidaab firraddi calaa dalaalaati ibni c/wahaab:165

6

Calawi bin Axmed bin Xasan Alxaddaad, yamani reer Xadramawt ah ayuu ahaa, kutub badan

ayuu leeyahay wuxuu dhintay 1232H, fiiri Alaclaam:Zirikli:4/249

7

Misbaax Al-aanaam:5

8

Xasan bin Cumar Alshatti, reer Dimishqa ayuu ahaa, 1205H ayuu dhashay, wuxuuna dhintay

1274H kutub dhowr ah ayuu leeyahay, fiiri Alnactul Alakmal:368

217

Daxlaan 1 :

Waxaa uu isna sii taartay: "qofna muwaxid uma rumaysna

qofkii ku raaca waxa ay aaminsan yihiin mooyee,

muwaxidiintuna sida ay sheeganayaan waxaa ay noqdeen

kuwo aad u tira yar, walaalkii Suleymaan ayaa maalin ku

yiri: Tiirarka islaamu waa imisa? Wuxuu yiri: waa shan.

Markaa ayuu ugu jawaabay: Lix ayaad ka dhigtay! ka

lixaadna waa qofkii aan ku raacin muslim ma aha".

Waxaa kale oo Daxlaan yiri: "waxay caddaysan jireen

gaaleysiinta ummadda, intii lix boqol oo sano laga soo

bilaabo! Maxamed C/wahaab ayaana caddayntaa ugu

horreeyey wayna ku raaceen, haddii qof diintiisa soo galo

oo uu markaa kahor xajiyey waxay leeyihiin xaj labaad xaji

kii hore adiga oo gaal ah ayaad la timi kaamana gudayo

xajka". 2

Jawaabihii sheekha iyo ardaydiisa:

Sheekh Maxamed warqad uu u diray Riyaad wuxuu ku yiri:

"annagu muslimiinta ma aanan gaalaysiin, ma aanan

gaalaysiin mushrikiinta mooyee cid kale". 3

Warqad kale oo uu u diray wadaadadii Tharmadaa wuxuu

ku yiri: "waxa cadawgu iga sheegay ee ah inaan male wax

ku gaalaysiiyo ama xiriirinta (qubuuriyiinta) ama aan

gaaleysiiyo jaahil aysan xujadu ku oogmin waa been abuur

weyn oo ay doonayaan in ay dadka diinta Alle iyo

rasuulkiisa kaga didiyaan". 4

1 Axmed bin Zayni Daxlaan, Maka ayuu ku dhashay 1232H, muftiga shaaficiyada reer Maka ayuu

noqday, kutub dhowr ah oo taariikhda iyo caqiidada iyo naxwaha ku saabsan ayuu leeyahay,

Madiina ayuu ku dhintay,

Wuxuu ka yiri Muxammad Rashiid Ridaa: Daxlaan muxaddis iyo taariikhyahan iyo nin caqiidada

takhasus u leh midnaba ma ahayn, wuxuuse ahaa nin kutubtii danbe wax kasoo guuriya iyagana

daba gala. Ka eeg taariikhdiisa aclaam Zirikli:1/129, majallada Almanaar 7/393

2 Aldurar Alsaniya 42-43

3 Majmuucatu muallafaati sheekh Maxamed c/wahaab: 5/189

4 Halkii hore: 5/25

218

Isaga oo ka jawaabaya beentii ibnu Suxaym waxaa uu yiri:

"Allaah wuu ogyahay in ninkani igu been abuurtay arrimo

badan oo aanan oran, badankooduna aysan maankayga

kusoo dhicin, waxaana ka mid ah: oraahdiisa ah inaan iri:

dadku lix boqol oo sano waxba ma haysan iyo inaan kutawasulka

saalixiinta wax ku gaalaysiiyo iyo inaan Buusiri

gaaleysiiyey……… intaas oo dhan waxaan ka leeyahay:

Alloow hufnaantaadee tani waa been abuur weyn". 1

Mar kale waxaa uu yiri isagoo beentan iska fogeynaya:

"waxaa ka mid ah (been abuurka) inaan si guud wax u

gaalaysiiyo, ama aan waajib ka dhigayno in qofkii diintiisa

ku muujisan kara deegaankiisa uu noosoo hijroodo, ama

aan gaalaysiinno qofkii aan wax gaalaysiin, intaa iyo

laalaabkeeduba waa been abuur ay dadka diinta Alle iyo

rasuulkiisa kaga duwayaan". 2

Mar kale wuxuu yiri: "Haddii midkood yiraahdo si guud

ayey wax u gaalaysiiyaan, waxaan leennahay: Alloow

hufnaantaadee waa been abuur weyn" midka aan

gaalaysiinayno waa midka isaga oo qiraya in tawxiidku

yahay diintii Alle iyo rasuulkiisa, in Alle cid aan ahayn la

baryaana baadil tahay, markaa kadibna ahlutawxiidka

gaalaysiinaya". 3

Mar kale waxaa uu yiri: "haddii aan nahay kuwo aan

gaalaysiinayn kuwa caabudaya sanamka laga dul

dhisay qubbadda C/qaadir, iyo sanamka laga dul

dhisay Axmed Badawi iyo kuwa la midka ah,

jaahilnimo darteed iyo iyadoo aysan jirin cid

baraarujisa, see u gaalaysiinaynaa qof aan Allaahba

u shirki samaynin haddii uusan noosoo hijroonin,

1 Halkii hore: 5/11,12

2 Halkii hore:3/11

3 Halkii hore:5/48

219

ama uusan wax gaalaysiin, ama uusan dagaallamin?!

Alloow hufnaantaadee tani waa been abuur weyn". 1

Intaasi waa qayb yar oo tusaale u ah sidii sheekhu uga

fogaa gaalaysiinta dadka aan waxba galabsan ama aysan

xujadu ku oogmin, bal aynu aragno culimadii kale ee ka

danbaysay:

Wiilkiisii c/laahi:

Waxaa uu yiri: "midka burdaha leh (waa Buusiirii) iyo kuwo

kaleba oo hadalkooda shirki iyo xadgudub laga helayo ahna

kuwo dhintay, gaalnimadoda lama xukumayo, arrinta

waajibka ahse waxay tahay in hadalladooda la inkiro lana

caddeeyo qofkii sida ka muuqata (hadalladooda) aaminaa

inuu gaal yahay mushrik ah, balse kii yiri (burdaha iyo

waxa la midka ah) arrintiisa ilaah ayaa loo celin, dadka

dhintayna in loo leexdo ma habboona, sababtoo ah ma

garanayno tawbaddiisa iyo tawbad la'aantiisa". 2

Wiilkii uu awowga u ahaa: C/raxmaan bin Xasan ahna

qoraaga Fatxul-majiid, waxaa uu yiri: isagoo ka hadlaya ka

fiirsashada gaalaysiinta: "Laakiin jahliga

faafsanaantiisa darteed iyo cilmiga loo leeyahay

raadkii risaalada oo ku yar in badan oo dadkii danbe

ka mid ah, ma ahaanin in arrinkaa lagu gaalaysiiyo

(shirkiga), ilaa looga kala caddeeyo wixii nabigu la

yimid waxa khilaafsan". 3

Wiilkii uu C/raxmaan dhalay: C/ladiif bin C/raxmaan bin

Xasan:

Isaga oo dhaqankii sheekha ka hadlaya waxaa uu yiri:

"Sheekh Maxamed Alle ha u naxariistee wuxuu ka mid

ahaa dadka kuwa uga joogsasho badan ugana gaabsi

badan ganidda gaalnimada, xitaa ma goynin gaalaysiinta

1 Fataawaa wa masaail Alsheekh:11

2 Majmuucatu Alrasaail wal masaail:1/47

3 Aldurar alsaniya fil-ajwibati alnajdiya:2/211

220

jaahilka cid aan Alle ahayn baryaya ee dadka qabuuraha ku

jira ah, ama cid kaleba, haddii aysan u fududaan cid u

naseexaysa ama gaarsiisa xujada uu ku gaaloobayo qofkii

arrimahaa sameeyaa". 1

Mar kale waxaa uu yiri: "isagu wax kuma gaalaysiinayo

wixii muslimiintu ku kulmeen mooyee in qofkii sameeyaa

gaaloobayo, oo ah shirkiga weyn iyo ku gaaloobidda

aayadaha Alle iyo rasuulladiisa, ama wax ka mid ah, marka

xujadu ku ooganto kaddib, ayna gaarto gaariddeeda

qiimaynta leh". 2

Sahsawaani: oo ka mid ahaa culimadii Hindiya waxaa uu

yiri isaga oo Daxlaan u jawaabaya: "sheekha iyo

taageerayaashiisu ma gaalaysiin qof muslimiinta ka mid

ah, mana aaminsanayn in iyaga uun muslimiin yihiin, ciddii

khilaaftaana gaalo tahay, mana bannaysan dilka

ahlusunnaha iyo qafaalashada haweenkooda, mid wax ka

badan oo ahlucilmi ah kana mid ah taageerayaashii

sheekha ayaan la kulmay, kutubtooda in badan oo ka mid

ahna waan akhriyey, waxyaabahan sal iyo raad toona uma

helin, iskaba daaye waa been iyo hal aan jirin". 3

Markale wuxuu yiri: "hadalladaas jawaabtoodu dhammaan,

dhererkooda iyo badnaantooduba waa been qurun ah ee

yuusan ku cajab gelin qurunka badnaantiisu". 4

Maxamed Rashiid Ridaa:

Wuxuu ahaa caalim asalkiisu yahay reer Shaam, balse

markii danbe deganaa Masar ahaana muftiga Masar iyo

Suuriya xilligii ay halka dawlad ku midaysnaayeen, wuxuu

yiri isaga oo sii faallaynaya hadalka Sahsawaani: "

1 Minhaaju Alta'siis:65-66

2 Majmuucatu Alrasaail:3/5

3 Siyaanatu Al-insaan can waswasati Daxlaan: 518 dabcada Rashiid Ridaa

4 Halkii hore: 486

221

Waxaaba kutubtan ku sugan waxa uu sheegay wax ka

duwan kana soo horjeeda (waa Daxlaan) waxa ku sugan

inuusan gaalaysiinayn qofkii la yimaadda mooyee wax

gaalnimadooda muslimiinta oo dhani ku kulansan yihiin". 1

C/laahi Al-qasiimi:

Isaga oo shiicada u jawaabaya waxaa uu yiri:

"Maalmaha cajaa'ibtooda ee dadka qaarna ka qosliya

qaarna ka oohiya waxaa ka mid ah: in Shiicadu ku

tuhunto ahlusunnaha ah taageerayaasha Sheekh

Maxamed C/wahaab inay muslimiinta gaalaysiiyaan,

dhiiggooda iyo xoolahoodana bannaystaan! Iyada oo

shiicadu maxfallada ka caddayso gaalaysiinta

akhyaartii ummaddan iyo gaalaysiinta saxaabadii

waaweynayd iyo ciddii xiriirisa ee firqooyinka

muslimiinta ka mid ah;

Midka gaalaysiinaya akhyaartii saxaabada sida"

Siddiiq iyo Cumar iyo Cusmaan iyo Caaisha iyo

Mucaawiye iyo kuwo kale…… sidee ayuusan

xishoodkiisu uga reebayn inuu qof ku tuhmo

gaalaysiinta muslimiinta". 2

Halkaa waxaa ka cad in sheekha iyo dadka la caqiidada ahi

ay dadka islaamka ku abtirsanaya asal ahaan u arkaan

muslimiin, loolana dhaqmayo qaabka muslimiinta, sida in

la cuno waxa ay gawracaan, laga guursado loona guuriyo,

lala tukado laguna tukado maydkooda, lagu aaso

xabaalaha muslimiinta, qofkii riddooba mooyee.

Caddaymahani waxay sidoo kale farriin u yihiin

kooxaha takfiirka ah ee ka been sheegaya mawqifkii

sheekha, iyagoo badankoodu ka jaahil yihiin,

qaarkoodna shaydaan duufsaday, qaarna lagaba

yaabo in loosoo adeegsaday sumcad xumeynta

dacwadii sheekha.

1 Halkii hore:518

2 Alsiraac bayna Alislaam wal wasaniya:1/348

222

Mas'alada dagaalka:

Markii sheekhu salka dhigay Dirciya Aala-sacuudna ay

raaceen, dad badanna isugu yimid Dirciya ilaa ay ka

ciirciirtay, isla markaana ay saamaysay deegaannadii

deriska la ahaa, ayaa arrimahani cabsi weyn ku beertay

amiirradii ka telinayey tuulooyinka iyo degmooyinka Najdi,

sida Riyaad iyo Ixsaa, waxayna bilaabeen isbahaysi ay

magaalada kusoo weerarayaan.

Aalasacuud waa ay isdifaaceen, markii weerarada laga

joojin waayeyna weeraro ayey ku ekeeyeen meelihii lagaga

soo duulayey, ilaa ay Riyaad ka qabsadeen dagaal socday

27 sano!

Sidoo kale ayey u weerareen Ixsaa gacantana ugu

dhigeen.

Markii Najdi iyo Barigeedaba ay qabsadeen ayey jawaabo

ku habboon siiyeen meelihii kale ee lagu dhibaataynayey,

waxaa ka mid ahaa: Karbala, oo jidgooyo joogta ah u

gaysan jiray safarrada ganacsi ee reer Najdi la lahaayeen

Ciraaq, iyaga oo xoolahana dhacayey dadka watana cabsi

gelinayey qaarna laynayey, taasi waxay dhashay xasuuqii

Karbala ee aynu horay usoo marnay.

Dhinaca Xijaaz (Maka iyo Madiina) nimankii Ashraafta

sheeganayey ee ka talin jiray waxay ku kaceen dulmi kii

ugu weynaa oo dawlad uga horraysay iyo mid uga

danbaysay toona aysan jirin, taasoo ah inay bulsho

muslimiin ah oo deegaan ballaaran ku nool ka

mamnuuceen gudashada Xajka! Haddii ay u arkayeen dad

baadiyeysan yaa u banneeyey inay xajka u diidaan?

Taariikhda muslimiintu ma werin tan iyo saxaabadii firqo

muslimiin ah oo caqiidadooda darteed loogu diiday xajka,

ha noqoto Khawaarij, shiico, jahmiyo, qadariyo i.w.m.

223

Sacuudiyiintu markii ay la wareegeen xilligii dawladdoodii

koowaad iyo kadibba, marnaba ma dhicin inay qolo

muslimiin ah ka takooreen xajka, xitaa shiicada oo sannad

walba rabshooyin iyo bannaan baxyo aan loo baahnayn

dhiga, iskaba daaye sidaa caksigeed ayey sameeyaan oo

waxay ku dadaalaan sannad walba inay saameeyaan dad

cusub oo manhajkooda ku qanciyaan, waana arrin waaqici

ah oo sannad walba dhacda in caddadka dadka caqiidadii

sheekha taageersan ay sii kordhaan, iyada oo xajku ka mid

yahay meelaha lagu saameeyo.

Basarxumada kuwa ashraafta sheeganayey ay ku kaceen

reer sacuud markiiba ugama jawaabin dagaal iyo weerar,

ee waxay ku dayeen wada-xaajood iyo weliba inay

hadyado badan oo qaali ah u diraan xaakimka Maka, mar

ayaa lagu guulaystay balse ma noqon arrin sii raagta,

kaddib waxaa bilawday loolankii qaraaraa ee dhexmaray

horayna aynu wax uga soo xusnay, ilaa ugu danbayntii

sacuudiyiintu gacanta ku dhigeen goobaha Barakaysan,

ayna ugu danbayntii cusmaaniyiintu soo qaadeen weerarkii

arxan darrada ahaa.

Suaal: maxaa keenay in iyadoo ay jiraan firqooyin badan

oo baadinimadooda la isku raacsan yahay sida shiicada oo

kale xajka loo diidi waayo? Dadka wahaabiyada loogu

yeerana loogu diiday?!

Jawaabtu waxay tahay: in dadka wahaabiyada lagu suntaa

ay ku baaqayaan caqiido saafi ah oo waafaqsan dadka

damiirkooda iyo fitradooda, oo ah: In Alle kaligii cibaado

loogu dhawaado, cid kasoo hartayna aan waxba laga siin

xuquuqda Alle, sida baryada iyo gargaarsiga,

talasaarashada, rajaynta, cabsida i.w.m.

Caqiidadaa ayaa dadka xujeyda ah iyo kuwa kaleba si

xawaara badan u saamaynaysa, iyada oo ay markaa si

sahlan ugu faafayso afarta jiho, nimankan Maka haystayna

taa ayey kasoo horjeedeen, Shiicada iyo kuwa lamidka

224

ahise waxba saamayn ah kuma yeelan karaan cidnaba, oo

manhajkooda waxaa ka mid ah inay caqiidadooda

qarsadaan oo weliba inkiraan marka ay la joogaan cid

kasoo horjeedda oo caqiidooyinkooda xun aqoon u leh.

Waxaa ka mid ahaa hadalladii iyo sheekha iyo

taageerayaashiisa:

Isaga oo ka hadlaya arinta dagaalka ee lagu eedeeyey waxaa uu

yiri: "Arinta dagaalka cidna lama aanan dagaalamin ilaa iyo hadda

inaan isdifaacayno mooyee, iyaga ayaa noogu yimid

deegaankeenna oo aan deegaankeenii noo deynin, waanse la

dagaalamaynaa qaarkood annaga oo ka aar-goosanayna).

(Muallafaatka sheekha, qaybta 5aad, alrasaail alshakhsiya:

38)

Mar kale waxaa uu yiri: "anagu idin lama aanan imaan gaalaysiinta

iyo dagaalka, waxaanse idiin ku naseexaynaynaa diintan aad

ogaateen inay tahay diintii alle iyo rasuulkiisa". Q:5aad, alrasaail

alshakhsiya: 196.

Wiilkii uu awowga u ahaa sheekh C/ladiif bin C/raxmaan ee ahaa

muftiga Najdi xilligiisii, isaga oo arimahan ka hadlaya waxaa uu yiri:

" sheekhu cidna dagaal kuma bilaabin, ee cadawgiisaa ku

bilaabay, sheekha iyo dadkiisuna way isdifaacayeen, wixii

sheekha kadib dhacay ama xilligiisa oo gef ama xadgudub

ah looma tiirin karo isaga, lamana dhihi karo isaga ayaa

amray ama raalli ayuu ka ahaa, oo usaama bin zeyd arintan

oo kale way ku dhacday, markuu dilay ninkii reer juhayna,

iyo khaalid bin waliid markuu laayey reer judayma, waana

arin dadka cilmiga iyo iimaanka leh ay ogyihiin". Minhaaj

alta'siis: 28. (nabiguna sallalaahu calayhi wasallama arintaa kama

raalli noqon ee labadaba wuu ku canaantay, dadka ay laayeena

looma tiirin karo nabi muxammad ).

225

Waxaan kusoo ururinayaa arrinta dagaalka: in sheekha

iyo taageerayaashiisu aysan marnaba weerar ku

qaadin meel aan dhibaato kaga iman, intaa wixii ka

duwan ciddii sheegata waxaa looga fadhiyaa

caddayn dad dhexdhexaad ahi qeexayaan.

226

Faraca labaad: wahaabiyadu waa khawaarij,

Najdina waa halka uu kasoo baxayo geeska

shaydaanku!

Khawaarij waa maxay? Calaamadaha lagu gartase maxaa

ka mid ah?

Jawaab: waa firqo soo baxday xilligii saxaabada,

aaminsanaana in lagu gaaloobo danbiyada loo yaqaan

kabaa'irta (danbiyada waaweyn ee aan gaalnimada

gaarsiisnayn), sida: Dilka, zinada, isticmaalka

maandooriyaha, tuugnimada i.w.m. ee sharcigu ciqaab

adag u sameeyey.

Sidoo kale qofka ay gaalaysiinayaan ma eegaan heerkiisa

aqooneed, sababta ku kalliftay farlalka gaalnimada keeni

kara, inuu cudur daar leeyahay iyo sababaha kale ee qofka

danbiyada ku ridi kara.

Waynu soo aragnay in sheekha iyo ardaydiisu iskaba daa

kabaairta ee ay ka feejignaan jireen inay qofka ku

gaalaysiiyaan shirkiga iyada oo aan xujada lagu oogin

xaqana loo caddayn.

Haddaba waa khawaarij dacaayad aan boos lahayn inay

tahay waa iska caddahay intaa ka badanna kuma

dheeraanayno.

Arrinta Najdi:

Waxay yiraahdeen qolyaha dacaayadaha waday Najdi waa

halka uu nabigu sheegay sallalaahu calayhi wasallama in

geeska shaydaan kasoo baxayo iyo fitnadu, waxaa kale oo

ay yiraahdeen waa halkii uu kasoo baxay ninkii nabinimada

sheegtay Museylima Alkaddaab, inta aynaan jawaab

kooban ka bixin bal aynu aragno hadalladoodii:

Ibnu Cafaaliq: waxaa uu yiri: "fadliga shaam iyo yeman iyo

labada xaram iyo faaris waxaa ku yimid wax uu garanayo

qof wax uun aqoon ah axaadiista u leh, idinkase reer

227

Yamaama ah (waa Riyaad iyo hareeraheeda) xadiiska

saxiixa ah waxaa ku yimid in agtiinna geeska shaydaanku

kasoo baxayo, kamana tagaysaan inaad ku sugan tihiin

shartii beenaalihiinna (museylima) ilaa qiyaamaha,

arrinkanna cibra qaadasho ayaa ugu filan dadka kasmada

leh". 1

Suleymaan bin C/wahaab: ninkan oo sheekha ay walaalo

ahaayeen wuxuu safka hore kaga jiray cadawga sheekha,

taasina la yaab ma leh oo nabiyadii Alle soo diray ayaaba

qaarkood ka horyimaaddeen aabayaashood, wiilashoodii,

adeerradood iyo dadkii dad ugu xigay.

Waxaa ninkan hadalladiisii cadawnimada ahaa ka mid

ahaa: "waxaa ka mid ah waxa idin tusaya baadilnimada

mad-habtiinna waxa ku sugan labada saxiix (bukhaari iyo

muslim) ee Abuuhureyra nabiga ka weriyey inuu yiri

sallalaahu calayhi wasallama: "Gaalnimada madaxeedu

xaga bari ayuu ka imanayaa". Hadduu ogaan lahaa in

barigu gaar ahaan deegaankii Museylima uu noqonayo

deegaan iimaan, kooxda loo gargaarayaana ku

sugnaanayso, xaramaynka iyo yemanna ay noqonayaan

meelo gaalnimo oo sanamyada lagu caabudo, in laga

hijroodaana ay waajibayso wuu sheegi lahaa (nabigu

sallalaahu calayhi wasallama), reer barigana wuu u ducayn

lahaa gaar ahaan Najdi, labada xaram iyo yemanna wuu

habaari lahaa, wuuna ka beri noqon lahaa, maxaa yeelay

arrintaa lidkeeda uun ayaa jirtay, nabigu sallalaahu calayhi

wasallama wuu wada sheegay bariga, Najdina wuxuu ku

gaar yeelay in geeska shaydaan ksoo baxayo". 2

Cusmaan bin Mansuur 3 : wuxuu ninkanina yiri: "Rasuulku

waa iska diiday inuu u duceeyo (Najdi) markii uu u

1 Risaaladii ibnu cafaaliq usoo diray ibnu macmar: 48

2 Alsawaaciq Alilaahiya: 44-45

3 Bilawgii qarnigii 13aad ee hijriyada ayuu dhashay, Ciraaq ayuu wax ku bartay, dadkii dacwada

kasoo horjeeday ayuu ka mid ahaa, ugu danbayntii waxaa la xaqiijiyey inuu ka mid noqday dadka

228

duceeyey Shaam, yaman, iyo madiina, , markii uu cilmiga

Alle ku ogaaday waxa ka dhex dhici doona ama kasoo bixi

doona wuxuu yiri: "kuwaa iyaga xagooduu ka imanayaa

gariirka iyo fitnadu, geeska shaydaanna kasoo baxayaa". 1

Iyo hadallo badan oo intan ku wareegaysa.

Jawaabtii culimada Sunnada:

Marka hore aynu qeexno Najdi:

Waxaa loo yaqaan erayga macnihiisa dhulka sarreeya.

Laba Najdi ayey carabtu deganayd: midda sheekhu kasoo

baxay iyo Ciraaq;

Marka aynu iska dayno nimankan dagaalka ku jira,

culimada xadiisku kee ku fasireen Najdida geeska

shaydaan kasoo baxayo?, ma midda jaziiradda carbeed ee

sheekhu kasoo baxay? Mise midda Ciraaq?

Bal aynu eegno wixii culimadu ka yiraahdeen:

Imaamkii la oran jiray Abuu suleymaan Alkhaddaabi, waa

caalim noolaa qarnigii afaraad ee Hijriyada, wuxuu sharxay

Bukhaari iyo Abuu Daauud, waxaa uu yiri: "Najdi waa

dhinaca bari, qofkii madiina jooga najdidiisu waa baadiyaha

Ciraaq, iyo hareeraheeda iyadaana bariga madiina ah,

Najdina asal ahaan waa inta sarreysa ee dhulka ka mid ah,

waa wax kasoo horjeeda dhulka godan".

Daauudi waxaa uu yiri: "Najdi waa dhinaca Ciraaq".xaafid

ibnu xajar Alcasqalaani ayaa kusoo raray kitaabkiisa

Fatxul-baari ee ah kitaabka ugu sharrax ballaaran kuwa

lagu sharxay Saxiixa Bukhaari 2

Waxaana u marag kacaya xadiiska ibnu cumar ee

muslim weriyey oo uu yiri: "Reer Ciraaqoow maxaa

idinka weydiin badan waxa yar! Waxa weynna idinka

dacwada u gargaaray, wuxuu leeyahay sharrax kitaabka tawxiidka ah ee sheekh muxammad qoray,

ka fiiri culamaau najdi:3/693

1 Misbaax aldulaam:234

2 Fatxul-baari, 13/46-47, silsiladda saxiixada ah ee sheekh Albaani:2246

229

samayn badan!! Nabiga ayaan maqlay sallalaahu

calayhi wasallama isaga oo leh: "fitnadu dhankaa

ayey ka imanaysaa bariga ayuuna tilmaamay".

Waxaa halkaa ka cad in xadiisku Ciraaq khuseeyo,

nabiguna dantii uu lahaa tilmaan ku caddeeyey". 1

(saxaabaduna u fahmeen ciraaq sidaana dadka bareen).

Waxaa kale oo jira riwaayo ay werinayaan Yacquub

Alfasawi oo ka mid ahaa muxadisiintii qarnigii

saddexaad iyo Abuu Nucaym Al-Asfahaani oo ka mid

ahaa muxadisiintii qarnigii shanaad, oo ay ku

caddahay in nabiga sallalahau calayhi wasallama

lagu yiri Ciraaqna u ducee oo saddex jeer lagu

celiyey mar walbana uu kasii jeestay markii ugu

danbaysayna uu yiri: "iyadaa dhul-gariirku ku

suganyahay iyo balaayadu, geeska shaydaanna

kasooa baxayaa". 2

Waxaa axaadiistaa iyo sharraxa culimadaba ku cad in

Najdida loo jeedaa tahay Ciraaq, fitnada iyo gariirkuna ka

imanayo, bal aynu xusno fitnooyinkii isdaba joogga ahaa

ee halkaa kasoo baxay iyo dhibaatooyinkii waaweynaa ee

muslimiinta kalasoo darsay, midkoodna kama soo bixin

Najdida jaziiradda carbeed ee sheekhu kasoo jeedo:

Khawaarijta, Shiicada, Qadariyada, jahmiyada,

Qaraamiddada, iyo kuwo kaleba waxay kasoo baxeen

Ciraaq, midkoodna kama soo bixin jaziiradda carabta,

sidoo kale Dajaal oo soo bixi doonaa wuxuu kasoo baxayaa

Bariga, ciraaqna bariga ayey madiina ka xigtaa, waana

halka nabigu sallalaahu calayhi wasallama ka cabbir

qaadanayey.

1 Minhaaj Al-ta'siis:62

2 Al-macrifa:Yacquub Alfasawi:2/746-748, Xilyatu Al-awliyaa:Abuu Nucaym:6/133, fiiri

silsiladda saxiixada ah ee sheekh Albaani:2246

230

Sidaa oo ay tahay reer bariga iyo reer ciraaq toona lama

wada ceebayn karo oo culimo waaweyn islaamkana wax

badan u taray ayaa kasoo baxay.

Halka ay yiraahdeen deegaankii Museylima ayuu

kasoo baxay:

Waa marka koowaade: kuwa sheekha arrintan ku durayaa

badankoodu isla deegaankan ayey kasoo jeedeen oo

walaalkii ugu horreeyo, sidaa darteed haddii deegaanku

xunyahay waa arrin loo siman yahay.

Midda labaad: deegaan laguma ceebayn karo qof xun oo

kasoo baxay dartii iyo koox fasaadsan oo kasoo baxday

midnaba, sida Maka oo ay kasoo baxeen Abuu jahal iyo

dad la mid ah, iyo Madiina oo ay joogeen Yahuud iyo

Munaafiqiin, iyo yaman oo uu kasoo baxay Aswad Al-canasi

oo nabinimo sheegtay xilligii nabiga sallalaahu calayhi

wasallama iyo Masar oo Fircoon kasoo baxay, iyo ciraaq oo

ahayd isha ay kasoo burqadeen kooxaha baadiyeysan

badankoodu, marnaba taariikhdu ma xusin in deegaanka

sheekha Khawaariji kasoo baxday.

Maxamuud Shukri Aaluusi: oo ahaa Caalim Ciraaqi

ah, xilligiisii nin isku dhererin karayna uusan ciraaq

ku noolayn, waxaa uu yiri isaga oo u jawaabaya mid

ciraaqi ah oo beentan faafinayey: "wax cusub ma

aha Ciraaq waxay ahayd salka mixnad iyo balaayo

walba, islaamka ehelkiisuna kama marnayn inay mar

walba dhibaato kaga imanaysay, reer Xaruura iyo

wixii ka dhacay islaamka kama qarsoona (waa

xaruntii khawaarijtii ugu horreysay isku urursadeen

ee ciraaq ku tiillay), fitnadii Jahmiyada kuwaas oo

salafka badankiisu islaamka ka saareen iyaduna

waxay kasoo burqatay Ciraaq, Muctazilada iyo wixii

ay ku yiraahdeen Xasan AlBisri aadna loosoo

raray……. Waxay kasoo burqadeen kana soo

bidhaameen Basra (oo ciraaq ah), Raafiddada iyo

231

Shiicada iyo wixii ka dhacay ee ku-xadgudubka

ahlubeytka ah iyo oraaha xun ee ay imaam Cali ku

leeyihiin (ay ilaah ka dhigteen) iyo culimada kaleba

iyo caayidda saxaabada…….. waxaas oo dhani waa

wax caan ah oo la yaqaan". 1

Dhacdooyinkii murugada lahaa ee Ciraaq ka dhacay waxaa

ka mid ahaa: Goobtii ratiga, iyo siffiin(waa laba dagaal oo

dhex maray ciidammo ay saxaabada rasuulku kala

hogaaminayeen, inkasta oo ay si kama' ah ku dhacday oo

aan qolana la dhaleecayn Karin, haddana fitnooyinka

Ciraaq lagu sunto ayey ka mid tahay) sidoo kale Xasuuqii

Karbala loogu geystay ahlubeytkii nabiga ee uu

hogaaminayey wiilkii nabigu awoowga u ahaa Xuseen bin

Cali bin abii Daalib iyana waa arrin gashay taariikhda

madow ee Ciraaq.

Ugu danbayn waxaan leennahay nimankaa haddii ay xaq

doon yihiin ha keeneen cid culimada xadiiska ka mid ah oo

Najdida jasiiradda carbeed ee sheekhu kasoo baxay ku

fasirtay halka geeska shaydaan kasoo baxayo, haddii ay

keeni waayaan waxaan u sheegaynaa xadiiskii nabiga

sallalaahu calayhi wasallama ee ahaa "waxyaabihii

dadku kasoo gaareen hadalladii nabinimada waxaa

ka mid ah:Haddaadan xishoonayn waxaad doonto

samee". 2

Shubho kale oo qaab daran:

Qaar kale ayaa xishood darrada kusii fogaaday oo wax

ka sheegay qabiilka sheekhu ka dhashay ee loo

yaqaan Banii Tamiim, iyaga oo yiri: "waa tolka uu ka

dhashay ninkii nabiga ku afceliyey ee la oran jiray Dul

khuweysira" nabiguna yiri: waxaa ninkan dhabarkiisa

kasoo bixi doona qolyo quraanka akhrinaya oo uusan

1 Qaayatu Al-amaanii:2/148

2 Bukhaari:6120

232

kalxamaha u dhaafayn" waana ninkii khawaarijtu ka

farcantay!

Taa jawaabteeda waxaan kusoo koobaynaa: marka

koowaade sheekha abtirkiisu meelna kama saro

Dulkhuweysira, inuusan la fikir ahayna horay ayaan

uga soo jawaabnay.

Midda labaad: waxaad ka jaahil tihiin fadliga nabigu u

sheegay qabiilkan ka mid ah kuwa ugu ballaaran

qabaailka dega jaziiradda carbeed, ilaa uu nin gabayaa

ahi ku gabyay tuduc micnaheedu yahay: "haddii reer

Tamiim kula colloobaan dadkuu dhani inay kula col

yihiin ayaad moodaysaa".

Imaam Albukhaari waxaa uu ku wariyey saxiixiisa

xaddiis uu wariyey abuu hureyra Alle haka raalli

noqdee waxaa uu uu yiri: "reer Tamiim waxaan u

jeclahay saddex walxood oo aan nabiga ka

maqlay sallalaahu calayhi wasallama:

1- oraahdiisii uu yiri markii ay u timid saddaqadoodii:

Tani waa saddaqadii tolkay.

2- Oraahdiisii uu ka yiri gabar reer Tamiim ah: Xoree

waa tafiirtii nabi ismaaciile.

3- Iyo oraahdiisii: waa kuwa ummaddayda ugu

xanuunjin badan Dajaal". 1

1 Bukhaari:2543, 4366

Xadiiskan waxaa ku cad in reer Tamiim aakhirusamanka

safka hore kaga jirayaan qabaailka

diinta ku dhegan ee la diriraya shaydaan walba oo

dadka baadiyeynaya, ilaah mahaddiise

aakhirusaman waa lagu jiraa, Dajaalna waa soo

dhawyahay, hordhacyadiisiina waa muuqdaan,

Reer Tamiimna waxay hogaanka u hayaan

Tawxiidka iyo Sunnada, deegaankoodana lagama

233

yaqaan shirki, khuraafaad, Bidco iyo wax walba oo

ummadda xaqa ka indhasaaba.

Hadalka Suleymaan bin C/wahaab haddaan usoo

noqonno waa been iska cad oo kuwiisii hore ka mid ah,

sheekhu ma oran Najdi waa xarunta iimaanka, mana

oran Maka, Madiina iyo yaman waa xarumaha

sanamyada, mana oran Najdi in loosoo hijroodo ayaa

waajibaysa.

234

Faraca saddexaad: wahaabiyadu waxyaabaha

lagu gaaloobo wax aan ka mid ahayn ayey

kusoo dareen:

Arar:

Arrintani waxay ka dhalatay khilaaf ku qotoma xaqiiqda

dhabta ah ee shirkiga iyo waxyaabaha tawxiidka buriya.

Sheekha iyo ardaydiisu waxay ku dadaaleen qeexidda

shirkiga iyo labadiisa qaybood: midka weyn iyo midka yar,

iyadoo ka weyni tawxiidka burinayo, ka yarina

dhaawacayo, isagoo sababi kara inuu ugu danbayntii

tawxiidku buro.

Xaqiiqda tawxiidka sidee loo kala arkayey?

Qolyaha sheekha kasoo horjeeday:

waxay u arkayeen xaqiiqda tawxiidku inay tahay:

rumaynta in Alle yahay midka wax abuuray, waxna

arsaaqa, maamulka iyo mulkigana iska leh, haddii

qofku intaa qirana uu yahay muslim muwaxid ah,

wax kasta oo uu sameeyana oo aan intaa liddi ku ahayn

aysan tawxiidkiisa waxba yeelayn.

Sheekha iyo ardaydiisa:

Sheekha iyo dadka la caqiidada ahi waxay arkaan in intaa

oo kaliya ahi aysan ahayn tawxiidkii oo dhammaystiran ee

ay tahay qayb ka mid ah, oo uunka badankiisu wada qirsan

yahay, muslim iyo gaalaba, marka laga reebo kooxo tirsan

oo la oran jiray: Dahriyiin, majuus, shuuciyada casrigan,

fircoonkii hore iyo dad kaloo tirsan.

Balse gaaladii qureysh iyo carabta kaleba isugu jirtay

arrintaa dood kama qabin, oo marka la yiraahdo yaa idin

abuuray oo idin quudiya oo maamulka leh? Waxay ku

jawaabayeen Allaah, markaa ayaa lagu lahaa oo xagee la

idiin wataa miyeydaan waantoobayn, miyeydaan

cabsanayn?

235

Arrinta loo baahan yahay in la rumeeyaa waxay tahay: in

Alle yahay midka iska leh: (abuuridda, arzaaqda,

mulkiga), (Alle leh magacyo wanaag badan iyo

tilmaamo sarreeya), (isla markaana uu yahay midka

kaliya ee xaqa u leh cibaadada iyo u hogaansanka).

Gaaladii qureysheed labadan danbe ayey diidanaayeen oo

ah: Alle magacyadiisa iyo tilmaamihiisa oo wada socda, iyo

inuu kaligii cibaadada leeyahay, oo waxay oran jireen: ma

ilaahyadii ayuu mid ka dhigay?! Waa wax amakaag leh!!!

Ilaah micnihiisuna waa midka la caabudo, ee way

qirsanaayeen inuu yahay Rabbi taas oo micnaheedu yahay

inuu wax abuuray, quudiyo, maamulkana leeyahayna.

Farqiga u dhexeeya midka ay diideen iyo midka ay sugeen

waxa weeye: waxay ogolaayeen inay Alle u keli yeelaan

ficilladiisa, balse iyagu ficilladooda cibaadada ah inay Alle u

keli yeelaan ma ogolayn! Taas ayeyna ku muteen inay

yihiin mushrikiin, gaalo ah, lalana dagaallamo, aysan

lahaynna wax xurmo ah.

Sidaa darteed arrinta qolyaha sheekha kasoo horjeedaa ay

tawxiidka ku qeexaan wuu ka ballaaran yahay, sidaa ay

sheegeenna islaam laguma noqdo, haddii cidi ku

noqonaysana qureysh iyo nabiga khilaaf kama dhexeeyeen.

Haddii aynu sheegno kala duwanaanshaha labadaa

qaybood daliilkeeda, Allaah waxaa uu quraankiisa ku yiri:

هبر نم لق . نورهكذت لافأ لق لله نولوقٌس . نوملعت متنك نإ اهٌف نمو ضرلأا نمل لق"

ءًش هلك توكلم هدٌب نم لق . نوقتت لافأ لق لله نولوقٌس . مٌظعلا شرعلا هبرو عبسلا تاومسلا

-84:

نونموملا(

. نورحست ىنأف لق لله نولوقٌس . نوملعت متنك نإ هٌلع راجٌ لاو رٌجٌ وهو

.) 89

Oo micnaheedu yahay: waxaad tiraahdaa yaa dhulka

leh iyo inta ku suganba? haddaad tihiin kuwo wax

garanaya, waxay oran doonaan: Allaah ayaa leh!

waxaad ku tiraahdaa miyeydaan waansamayn!!

236

Waxaad tiraahdaa rabbiga todoba cir iyo carshiga

weynba waa kuma? Waxay oran doonaan allaah ayaa

leh! Waxaad tiraahdaa: miyeysaan cabsanayn!

Waxaad tiraahdaa yey gacantiisa ku jirtaa

boqortooyada shay walba oo wax badbaadiya oo

isaga aan cidna laga badbaadin? Waxay oran

doonaan Alaah ayaa iska leh! Waxaad tiraahdaa see

la idiinka sixray (oo tawxiidkiisa u garan la'dihiin).

Bal ila fiiri tafsiirka Imaam ibnu kathiir arrintan ka bixiyey

waxaa uu yiri Alle ha u naxariistee: "Alle wuxuu sugayaa

keli ahaanshihiisa iyo inuu la madaxbannaanyahay

abuurista, maamulka iyo lahaanshaha, si uu dadka

ugu hanuuniyo in Allaha kaligii cibaadada iska leh ee

aysan cid kale u habboonayn uu isaga yahay oo

aysan cidna waxba la wadaagin, sidaa darteed ayuu

rasuulkiisa sallalaahu calayhi wasallama ku yiri inuu

ku yiraahdo mushrikiinta cid kale Alle la caabudaya

ee qirsan rabbinimadiisa oo cidina aysan

rabbinimadaa la wadaagin, isla markaana

ilaahnimada cid kale la wadaajinaya oo cid kale la

caabuday, iyagoo qirsan in waxa ay la caabudayaan

aysan waxba abuurin waxna hanankarin, maamulna

aan yeelan Karin, ee uun ay iska aamineen inay Alle

u dhaweynayaan"!

Isaga oo sharxaya hadalka Alle ee ah miyeydaan

cabsanayn waxaa uu yiri: "haddii aad tihiin kuwo

qirsan inuu yahay rabbiga cirarka iyo carshiga weyn

miyeydaan ka baqayn ciqaabtiisa iskana jirayn

cadaabkiisa marka aad cid kale la caabudaysaan oo

la wadaajinaysaan?!" 1

Halkaa waxaa inooga cad in mushrikiintu aysan diidanayn

rabbinimada ee ay diidanaayeen ilaahnimada, taasoo kala

ah laba waxyaabood, marka la leeyahay mushrikiin

micnaheedu waa inay yihiin wadaajiyayaal, waxa ay

1 Tafsiir Alquraan Alcadiim: imaam ibnu kathiir:3/279-280

237

wadaajinayeenna ma ahayn abuurka, maamulka iyo

lahaanshaha oo rabbinimo la isku yiraahdo, ee waxay

wadaajinayeen cibaadada oo ah ilaahnimada. Marnaba

quraanka iyo sunnadu ma sheegin in mushrikiintu Alle ku

haysteen arrinta hore ee waxay ku haysteen ta danbe oo

ay ka didayeen.

Marka la weydiiyo cidda uunkan iska lehna waxay ku

jawaabaneen Allaah ayaa iska leh, markaa ayaa lagu lahaa

oo maad cibaadada ugu gaar yeeshaan sida aad

lahaanshaha ugu gaar yeelaysaan?!

Haddaba arrinta ay leeyihiin waa lagu soo daray

waxyaabaha lagu gaaloobo waxaa weeye inay

samaynayeen waxyaabo dhaawacaya tawxiidka ama

burinaya marka lagu yiraahdo shirkiga iska daayana ay

lahaayeen ma annagaa shirki ku jirna?! Waan qirsannahay

in Alle wax abuuray oo maamulo oo wax walba leeyahay!!!

Iyagoo markaa isu qaba inay tawxiidka baarkiisa

fadhiyaan!!! Iskana illaaway taasi inayan ahayn arrin doodi

ka taagnayd tan iyo Abuu jahal!!

Hadalladoodii qayb ka mid ah:

Calawi Alxaddaad:

Isagoo difaacaya macaamiisha qabuuraha waxaa uu yiri: "

kuwaasi si kasta oo ay u weyneeyaan nabiyada iyo

awliyada, kama aaminsana waxa ay Alle ka aaminsanyihiin

oo ah abuurista guud ee dhammayska tiran, waxay uun

aaminsan yihiin inay yihiin dad Alle agtiisa weji iyo darajo

ku leh" 1 !

Maxammed At-taahir

Ninkan oo isna inkirayaba in qof muslim ahi gaaloobi karo

waxaa uu yiri: "haddii laga helo hadalka muslimiinta in cid

1 Misbaax al-aanaam:5

238

aan Alle ahayn wax loo tiiriyey waa in lagu xanbaaraa

Sarbeeb (majaaz) waddana looma heli karo in qof muslim

ah la gaalaysiiyo……

Haddii qof caamada ka mid ahi yiraahdo: nabiga ayaa wax

I taray ama weliga, wuxuu ula jeedaa sarbeed, waxaana

sidaa calaamad u ah inuu yahay qof muslim muwaxid ah

oo aan saamaynta u aaminsanayn Alle kaligii mooyee cid

kale". 1

Ibnu cafaaliq:

Isagoo diidaya in u nadridda iyo u gawricidda cid aan Alle

ahayn ay shirki tahay waxaa uu yiri: "ummaddu waa ay ku

kulansan tahay in wax u-bireynta iyo wax u-nadridda cid

aan alle ahayn ay xaaraam tahay qofkii sidaa sameeyaana

uu caasiyey Alle iyo rasuulkiisa, waxaana culimada ka

reebay inay gaalaysiiyaan waa iyagoo dadkani aan sidaa u

samayn aaminsanaan in kuwa wax loo nadray ama loo

bireeyey ay Alle u dhigmaan". 2

Ibnu suxaym:

Waxaa uu isna yiri isagoo isla qumman oo weliba tirinaya

ceebaha sheekha: " waxaa ka mid ah inuu goynayo

gaalnimada qofkii neef bireeya bisinkana u qabta, Allaahna

u yeela, balse ay meesha ku jirto jin iska caabbin! Wuxuu

leeyahay waa gaalnimo hilibkuna waa xaaraam". 3

Suleymaan bin C/wahaab 4 :

Waxaa uu yiri: "xagee ka keenteen in qofka muslimka ah

ee qiraya tawxiidka Alle iyo nabinimada rasuulka haddii uu

baryo qof maqan ama mayd ama u nadro ama cid aan Alle

ahayn u bireeyo inay tahay gaalnimo weyn oo qifkii

1 Quwatu difaac wal-hujuum:16, 17

2 Jawaabu ibni cafaaliq 60

3 Faslu alkhidaab:211

4 Wuxuu ku dhashay Cuyeyna , wuxuu garsoore ka noqday Xuraylama, kaddib wuxuu ku noolaa

Sadiir, aakhirkii Dirciya ayuu ku dhintay, waa la isku khilaafsanyahay inuu aragtidiisii ka noqday

iyo in kale, fiiri culamaau najdi: 1/302

239

sameeyaa camalkiisu burayo? Dhiigiisa iyo xoolihiisuna

xalaal yihiin?!" 1

Mar kale waxaa uu yiri: "Ahlu cilmigu ma dhihin qof Alle cid

aan ahayn wax ka raadiya waa gaal, mana dhihin qofkii cid

Alle aan ahayn wax u bireeya waa gaal…..". 2

Calawi alxaddaad: oo si dhiirran shirkiga u difaacaya

waxaa uu yiri: "midka reer Najdi caddayntiisa ah in

nadarka culimada waaweyn la diido waxay ka mid tahay

been abuurka uu diinta kula kacay iyo jaahilnimadiisa isa

saaran". 3

Shatti: isaga oo ka hadlaya caqiidada sheekha iyo

ardaydiisa waxaa uu yiri: "waxay caddaynayaan in qofkii

rasuulka u gargaarsada ama cid kale dan uu leeyahay ama

wax ka dalba ama u dhawaaqda rasuul allowba ha

yiraahdee ama nabi ama weli wax ka aamina kana dhigta

cid danihiisa ugu dhexaysa isaga iyo alle inuu yahay gaal

dhiigiisa iyo xoolihiisuba xalaal yihiin". 4

Muxamed bin Calawi Almaaliki:

Wuxuu isna yiri: "ma gaaloobayo qofkii cid gargaarsadaa

inuu abuurid iyo jirsiin ka aamino mooyee cid aan Alle

ahayn". 5

Halkaa waxaa inooga cad in dooddu ku wareegayso

inay gaaloobayso iyo in kale ciddii: barida cid aan

Alle ahayn, ama wax u nadarta, ama u biraysa, ama

gargaarsata, ama u dhawaaqata, ama alle usii marta,

sheekha iyo ardaydiisu waxaa ay leeyihiin

arrimahani waa xuquuq Alle oo kitaabkiisa iyo

sunnada nabigiisa ku sugan cid kalena aan loo leexin

1 Alsawaaciq Al-ilaahiya 6

2 Halkii hore:7

3 Misbaax al-aanaam:44

4 Alnuquul alsharicya:101

5 Mafaahiim yajibu an tusaxax:15

240

Karin, haddii loo leexiyana ay gaalnimo keenayso,

qolyaha kalena waxay leeyihiin nadarka iyo u

gawricidda ayaa xaaraam ah gaalnimana ma aha,

gargaarsiga iyo sii maridda miyaa?! iyaga waxbaba

kuma jabna! Maadaama qofku Alle rabbinimo u

qirsan yahay!!!

Jawabiihii sheekha iyo cidda la caqiidada ah:

Waxay yiraahdeen horta xaqiiqda shirkiga aan qeexno:

Waxay tahay in addoonku u leexiyo cid kale wax cibaadada

ka mid ah.

Caqiido kasta ama oraah walba ama ficil walba oo ku

sugnaaday sharciga in Alle xagiisa loo leexiyaa waa tawxiid

iyo iimaan iyo ikhlaas, in cid aan Alle ahayn loo leexiyaana

waa shirki iyo gaalnimo. 1

Tusaalayaal:

Gawraca salaadda ayaa lagu lammaaniyey quraanka

dhexdiisa dhowr jeer iyadoo nabiga la amray sallalaahu

calayhi wasallama inuu rabbigii u tukado waxna u bireeyo,

mar kalena la yiri: dheh salaaddayda iyo gawracaygaba

Allaah ayaa iska leh, nabiguna lacnaday ciddii wax u

biraysa cid aan Alle ahayn, in Alle loogu dhawaadaa

gawraca waa tawxiid in cid kale loo leexiyaa jinni iyo insi

cidday doonto ha noqotee waa shirki iyo gaalnimo

tawxiidkana way burinaysaa.

Nadarka sharciga waafaqsan waa midka uu qofku cid aan

alle ahayn wax u nadrin, wax xaaraam ahna uusan nadrin,

in la oofiyaa waa waajib Allaahna quraankiisa ayuu ku

ammaanay kuwa oofiya, in Alle loo gaar yeelaa waa iimaan

iyo tawxiid, in cid kale lala wadaajiyaana waa shirki.

Calawi alxaddaad marka uu bannaynayo in culimada wax

loo nadri karo muxuu u cuskaday? Waxba! shaydaan unbaa

1 Alqawlu Alsadiid: sheekh C/raxmaan AlSicdi:43

241

u qurxiyey sidii mushrikiintii horeba u dhihi jireen Alle ayey

noo dhaweynayaan!!

Sidoo kale gargaarsiga iyo baryada ayaa ka mid ah

cibaadada, Allaah waxaa uu yiri isagoo u gallad

sheeganaya muslimiintii Beder uu guusha siiyey:

"xusuusta markaad rabbigiin gargaarsanayseen uuna

idin ajiibay".Anfaal:9

Lama oran nabiga ama abuubakar ama cid kale ayaad

gargaarsateen. Marnaba ma dhicin in saxaabada iyo dadkii

wanaagsanaa gargaarsadaan cid aan Allaah ahayn, maxaa

yeelay waxay arkayeen aayadaha ku yimid in aan la baryi

Karin cid aan Alle ahayn, sida alle yiri: "ha baryin Alle

sokodii cid aan dhib iyo dhoof toona kuu keeni Karin,

haddad sidaa yeesho waxaad ka mid tahay

daalimiinta".yuunus:106

Mar kale Allaah waxaa uu lahaa: "qofkii u yeerta Alle la

jirkiisa ilaah kale oo uusan xujo u haysan, xisaabtiisu Alle

agtii uun ayey taal".almu'minuun:117

Ilaah waa wixii cibaado loogu dhawaado noocuu doonaba

ha noqdee, haddii kaasi Allaah uu yahay waa mid xaq ah

haddii kalena waa baadil. Waxaana la inaga reebay inaan

barinno cid aan Allaah ahayn haddii aan barinana waxaa la

inoo sheegay inaan ilaah kale samaysannay.

Mar kale Allaah waatii uu yiri: "ha baryin Allaah la jirkiisa

ilaah kale, mid xaq lagu caabudaa ma jiro isaga mooyee".

Alqasas:88

Mar kale: "masaajidda Allaah ayaa iska leh ee Alle la

jirkiisa cid kale ha u yeeranina". Aljinni:18

Isla suuraddaas Allaah isaga oo nabigiisa amar siinaya

waxaa uu yiri: dheh waxaan uun baryayaa rabbigay mana

la wadaajinayo baryada cid kale". Aljinni:20

242

Mar kale: "ha baryin Allaah la jirkiisa ilaah kale, waxaad ka

mid noqonaysaa haddaad sidaa yeesho kuwa la

cadaabayo". AlShucaraa:213

Tilmaamaha mu'miniinta maxaa ka mid ah? "kuwa aan u

yeeranayn alle la jirkiisa ilaah kale" Alfurqaan:68

Tilmaamaha gaalada maxaa ka mid ah? Inay u

yeeranayaan cid aan Allaah ahayn! Allaah waxaa uu

yiri: "kuwa ay baryayaan Alle sokodii waxba ma

abuurayaan iyaga ayaaba la abuuray, waa mayd aan

noolayn mana garanayaan maalinta ay tahay marka

lasoo saarayo, ilaahiin waa ilaah kaliya".suuradda

Alnaxli 20-22

Waxaa lagu ceebeeyey inay ku xiran yihiin ilaahyo

kale, waxaana la ina faray inaan ilaah kaliya ku

xirnaanno.

Mar kale Alaah waxaa uu yiri:" kuwa aad u yeeranaysaan

Alle sokodii waa addoommo idinka oo kale ah, bal u yeerta

ha idin aqbaleene haddii aad run sheegaysaan"! Acraaf:194

Mar kale: "yaa ka baadinimmo badan cid u yeeranaysa

Alle sokodii cid aan ajiibayn tan iyo qiyaamaha?!

Ahna kuwo baryadooda moog" suuradda Al-axqaaf:5

Allaah isaga oo ceebaynaya kuwa dadka suubban barya

sida nabiyada iyo saalixiinta waxaa uu yiri: "kuwaa ay

baryayaan iyaga ayaaba rabbigood dhawaansho ka

dalbaya, koodii ugu dhawaa ayaa dalbaya, naxariista

Alle ayey rajaynayaan, cadaabkiisana waa ay ka

baqayaan". Suuradda Al-israa:57

Haddaba bal ilaah ayaan kugu dhaarshaye dib u fiiri

hadalkii suleymaan bin c/wahaab iyo raggii la midka ahaa

ee yiri xagee ka keenteen gaalnimada ciddii barida qof

maqan ama mayd ama gargaarsata?! Waxaan leennahay

243

Allaah ayaa noo sheegay oo kitaabkiisa ayaan ka

qaadannay.

Nabigeennu sallalaahu calayhi wasallama isaga oo laylinaya

ina adeerkii ibnu cabbaas waxaa uu ku yiri:"kuray-yahow

kalmado ayaan ku barayaa, Alle dhawr wuu ku dhawrayaa,

Alle dhawr hortaada ayaad ka helaysaaye, haddaad wax

baryeyso Allaah bari, haddaad cid kaalmaysanayso Allaah

kaalmayso". 1

Wax lasoo koobi karo ma aha aayadaha iyo axaadiista ku

timid cibaadanimada baryada iyo gargaarsiga, mana ahayn

wax ka dahsoonaa muslimiintii hore, ilaa mar danbe

shaydaan dadka u qurxiyey inay ku xirmaan cid aan Alle

ahayn oo tallaabadii la qaadayaba la yiraahdo bal awliyada

iyo nabiyada iyo abbayda hala xuso, kaddibna lagu

dhawaaqo: "Maddad yaa rasuulallaah, maddad yaa

jiilaani, maddad yaa sheekh hebel i.w.m oo

micnaheedu yahay gargaar rasuulkiisii allow, gargaar

sheekh jiilaaniyoow, gargaar sheekh hebeloow, ama la

yiraahdo "Aqithnaa yaa qawth" gargaarahoow

gargaar! Subxaanallaah waa kee cidda aan Alle ahayn oo

gargaari kartaa sow Alle ma dhihin:

"yaa ajiiba qofka dhibban xumaantana fayda

idinkana dhigay kuwa talada dhulka haya?! Ma ilaah

kale ayaa Allaah weheliya Miyeydaan waansamayn?!

Alnamli:62

Sheekh Xamad bin Macmar 2 waxaa uu yiri isaga oo ka

hadlaya xukunka uu leeyahay gargaarsiga cid aan Allaah

ahayn: "waxaynu si hubaal ah u ognahay inuusan nabigu

1 Imaamu Axmed:1/293, Tirmidi:2516

2 Xamad bin Macmar: wuxuu ka mid ahaa culimadii Najdi kuwii ugu waaweynaa, ardaydii

Sheekh Maxamed ayuu ka mid ahaa, sannadkii 1211H ayaa c/casiiskii koowaad u diray Maka

si uu dood cilmiyeed ula soo sameeyo culimadii reer Maka, wuu ka xujo adkaaday wayna u

hogaansameen, kadib Sacuudkii dawladdii koowaad ayaa u magacaabay madaxa

qaalliyaasha Maka, halkaa ayuuna ku dhintay. Taariikhdiisa ugu noqo: Culamaau

Najdi:1/239, Mashaahiiru culamaau Najdi:202, Dacaawaa Almunaawi'iin:59

244

ummaddiisa u jidayn inay baryaan qof mawtida ka mid ah,

nabiyaal iyo saalixiin iyo kuwo kale toona, eray gargaarsi

ah iyo mid kale midnaba, iskaba daaye waxaynu ognahay

inuu arrimahan dhammaan reebay uuna ka mid yahay

gaalnimada weyn ee Alle iyo rasuulkiisu reebeen". 1

Mar kale waxaa uu yiri: "qof walba oo barya mayd ka mid

ah nabiyadii ama saalixiintii ama malaaigta ama jinka

wuxuu u yeertay cid aan u gargaarayn, dhib inuu ka faydo

ama ka wareejiyana aan u hanan Karin". 2

Mar kale waxaa uu yiri: "ogow in baryada cid aan Allaah

ahayni tahay laba nooc: midda koowaad: qof nool oo jooga

oo la weydiisto wax uu kari karo sida inuu u duceeyo ama

u hiiliyo ama u kaalmeeyo waa mid bannaan, sidii

saxaabaduba nabiga u gargaarsan jireen noloshiisii

sallalaahu calayhi wasallama oo uu ugu ergayn jiray,

ducadana u weydiisan jireen uuna ugu ducayn jiray.

Nooca labaad: qof dhintay oo la baryo ama maqan iyo cid

kale oo la baryo lama weydiisto wax Allaah mooyee aysan

cid kale awoodin, sida danihiisa in loo qabto ama kurbooyin

laga faydo waxay ka mid tahay waxyaalaha xaaraamta ah

muslimiintuna isku waafaqsan yihiin in sharcigu

inkiray….waxayna ka mid tahay waxyaabaha si daruuri ah

loo ogyahay inaysan diinta muslimiinta ka mid ahayn". 3

Sheekh Abuu butayn:

Waxaa uu yiri: "oraahda qofka yiri in mawtida oo la baryo

danaha xallintoodana la weydiistaa ay tahay sarbeeb

(majaaz) Allaah ayaana ah midka dhab ahaan loo jeedo!

Taa ayaaba ah hadalkii mushrikiintu ay yiraahdeen:

"kuwaasi waa noo ergeeyayaal Allaah agtiisa" "ma

caabudayno inay Allaah noo dhaweynayaan mooyee"

1 Alhadiyatu alsaniya:54

2 Halkii hore: 55

3 Majmuucatu alrasaail wal masaail:4/592

245

Kuwaa ay dhexda joojiyeen ayey baryayeen iyaga oo

sheeganayay inay Allaah agtiisa ugaga shafeecayaan

xallinta danahooda.

Sheekhii islaamka Taqiyudiin waxaa uu yiri: "ciddii yeesha

iyaga iyo Alle dhexdooda cid ugu dhexaysa baryada iyo

talasaarashada waa gaaloobeen iyada oo la isku raacsan

yahay". 1

Ugu danbayntii waxa ay leeyihiin gaalnimo ayaa laga

dhigay, wahaabiyada ayaana diinta kusoo dartay waa wax

quraanka iyo sunnadu qeexeen inay tawxiidka ka

dhanyihiin, waana shaygii mushrikiinta laga fujin waayey

oo ay marmarsiinyaha u raadsanayeen, qolo kasta oo

marmarsiinyo u raadsataana waddadii mushrikiinta ayey

haysaa.

Akhristoow waxaad dhuuxdaa dulucda khilaafka ee

ah: Allaah kaligii halagu xirnaado iyo maya ee

awliyada iyo dadka suubban yaan laga tagin! Isla

markaana waxaad xasuusataa oraahdii mushrikiintii

joogtay xilligii nabi Nuux Alle inooga sheegay inay

isku waaninayeen: "haka tegina ilaahyadiinna oo

haka tegina wadd iyo suwaac iyo yaquuth iyo yacuuq

iyo nasri". Waxaanad xasuusataa in sababtii shirkiga

keentay ay ahayd dadkii suubbanaa oo wax laga

siiyey xuquuqdii Allaah la gaarka ahaa.

Waxaad kale oo xasuusataa oraahdii mushrikiintii

Qureysheed: "ma ilaahyadii ayaa mid kaliya laga

dhigay?! Waa wax lala amakaago!!

Fiira gaar ah:

Waxaad dib u fiirisaa qaybtii aynu kaga soo hadalnay

shirkiga iyo sababihii keenay, khatartiisa iyo inuu

ummadda kusoo noqonayo, uuna soo noqday iyadoo

xabaashii nabigu sallalaahu calayhi wasallama weli qoyan

tahay.

1 Aldurar alsaniya fil ajwibati alnajdiya:8/238

246

Faraca afaraad: aayadihii gaalada ku yimid

ayey muslimiinta dul saareen:

Shubhadan ayey soo arooriyeen iyaga oo iska indhatirayey

waxyaabaha tawxiidka burinaya ama dhaawacaya ee iyaga

iyo bulshaduba ku dhaqmaysay;

Daxlaan waxaa uu yiri: "waxay u qasdiyeen aayado badan

oo quraanka ka mid ah kuna yimid gaalada, markaa ayey

mu'miniintii dulsaareen". 1

Hadallo badan oo sidaa la mid ahaa waxaa yiri: Suleymaan

bin c/wahaab, Calawi Alxaddaad, Lakanhuuri 2 , Zahaawi 3 ,

midkan danbe hadalladiisii waxaa ka mid ahaa:

"Wahaabiyadu waxay ku xanbaartay dhammaan aayadihii

quraanka ahaa ee gaalada kusoo degay dadka

muwaxidiinta ah ee ummadda nabi muxammad sallalaahu

calayhi wasallama ka mid ah". 4

Muwaxidiinta wuxu ula jeedaa dadka har iyo habayn Alle

cid aan ahayn u yeeranaya, wax walba oo tawxiidka

burinayana aan ka dhawrsanayn!

Jawaabihii Ahlusunnaha:

Ugu horreyn waa inaynu fahamnaa in quraanku la hadlayo

laga soo bilaabo dadkii joogay xilligii nabi Muxamad ilaa

qiyaamuhu ka oogmo, muslim iyo gaalaba;

Wax walba oo ammaan ah oo mu'miniinta ku saabsan way

wada saamaynaysaa dhammaan inta qarniyadaa nool ee

1 Aldurar alsaniyah:32

2 Shiici reer Karbala ah ayuu ahaa, kutub dhowr ah ayuu leeyahay, fiiri Aclaam:Zirikli:5/30

3 Jamiil Alsidqi Alzahaawi, gabayaa ciraaqiya ayuu ahaa, Baqdaad ayuu ku dhashay 1279H iyada

ayuuna ku dhintay, caasimaddii Cusmaniyiinta Aastaana(istanbuul) ayuu in badan ku noolaa,

Rashiid Ridaa wuxuu yiri: dad badan oo Aastaana ku arkay waxay iisheegeen in Zahaawi uu yahay

mulxid wax diin ah aan haysan, shareecada islaamkana weerar ku ah, Almannaar:11/841, fiiri

Alaclaam:2/137

4 Alfajru Alsaadiq:47

247

tilmaamahaa wanaagsan leh, wixii si gaar ah saxaabada

loogu goonni yeelay marka laga reebo;

Sidoo kale wixii dad xun ka hadlaya oo gaalo ama faasiqiin

ah way saamaynaysaa dhammaan wixii qarniyadaa nool ee

tilmaamahaa xunxun laga helo.

Allaah waxaa uu nabigiisa ku yiri: "Dheh aniga waxaa la ii

waxyooday Quraankan, si aan idinka iyo dadka uu

gaarayaba ugu digo". Alancaam:19.

Qaaciddo ayaa oranaysa: "Waxa eegmada lihi

waa caamnimada erayga ee ma aha sababta

gaarka ah ee uu ku yimi".

Sheekh C/laahi Abuu butayn:

Caalimkan oo ka mid ahaa kuwii ugu waaweynaa jiilkii ka

aflaxay ardaydii sheekha waxaa hadalladiisii ka mid ahaa

Alle ha u naxariistee: "Hadalka qofka yiri in aayadihii kusoo

degay xukunkii mushrikiintii hore aysan taabanayn ciddii

falkooda oo kale samaysa, iyada ayaaba gaalnimo weyn

ah, iyada oo uusan oraahdaa ku hadli Karin dibi

jaahilnimada ku foorara mooyee cid kale! Ma wuxuu

leeyahay ciqaabaha lagu sheegay quraanka iyo sunnadda

waxaa lahaa dad idlaaday?! Oo qofkii zinaysta lama

ciqaabayo?! Kii wax xadana gacanta lama goynayo?! i.w.m

iyada oo kani yahay hadal sheegiddiisa laga xishoodo, ma

wuxuu leeyahay kuwa salaadda lagula hadlay iyo Zakada

iyo shareecada islaamka ee kale way idlaadeen?! Xukunkii

quraankuna wuu burey?!". 1

Sheekh C/ladiif Aalasheekh:

Waxaa sheekhanna hadalladiisii ka mid ahaa Alle ha u

naxariistee: "Qofkii diida dul-saaridda quraanka iyo

axkaamta uu ku tusayo shakhsiyaadka iyo dhacdooyinka

soo hoos galaya caamnimadiisa erayeed, kaasi waa mid ka

mid ah kuwa ugu baadiyeysan uunka, uguna jaahilsan

1 Aldurar Alsaniya fil ajwibati Alnajdiya:8/237

248

waxa islaamka ehelkiisu haystaan iyo culimaduba, qarniba

qarnigii uu ka danbeeyey, iyo jiilba jiilkii uu ka danbeeyey,

wuxuuna ka mid yahay kuwa quraanka ugu curyaamin

badan, uguna fogaansho iyo fogeyn badan in loo daliishado

meelaha dooddu ku timid;

Quraanka iyo axkaamtiisu waa caam (waa mid guud),

gaarna kuma aha sababaha gaarka ah, maxaa diidaya in la

gaalaysiiyo qofkii sameeya wixii yahuuddu samaysay oo ah

inay jidka Alle dadka ka hor joogsadeen?! Iyo in jidka Alle

lagu gaaloobo iyada oo ay garanayaan?!". 1

Sheekh Maxamed Bashiir Sahsawaani:

Waxaa uu yiri Alle ha u naxariistee: "Haa sheekhu waxaa

uu u daliishaday gaalnimada dadka qabuuraha caabuda

caamnimada aayadaha gaalada kusoo degay, taasina waa

mid wax reebayaa aysan jirin, maxaa yeelay? Dadka

qabuuraha caabudaa ma aha mu'miniin qof muslim ah

agtiisa…….. sheekhuna wuxuu u cuskaday kuwo muslim

isku sheegaya gaalaysiintooda iyaga oo samaynayey

arrimo gaalnimo keenaya;

Caamnimada aayado kusoo degay xaaladda mushirkiinta

ayuu u cuskaday, waxaana cilmiga usuulka ku sugan:

"waxa Fiirada lihi waa caamniada erayga ee ma aha

gaarnimada sababta". Kanna waa mid uusan qofka boos

uga furnayn. (gaabinta caamnimada quraanka ayuu u

jeedaa). 2

1 Misbaax Aldulaam:140

2 Siyaanatu Al-insaan can waswasati Daxlaan:487

249

Ibnu Saxmaan 1 :

Sheekhanina Alle ha u naxariistee waxaa uu yiri: "Qofkii

sameeya sidii mushrikiintu sameeyeen oo kale oo ku

gaaloobidda Alle ah, iyada oo xaqiisii gaarka ahaa loo

leexinayo cid kale oo nabiyaal iyo awliyo iyo saalixiin ah,

oo barya Alle la jirkiisa, oo u gargaarsada sida uu Allaah u

gargaarsanayo, kana dalba wax Allaah mooyee aan cid

kale laga dalbin, maxaa diidaya in aayadaha gaalada la

dulsaaro qofkii sameeyey falkii mushrikiinta oo kale?! Iyo

gaalaysiintiisa?! Ahlucilmiguna waxaa ay sheegeen iy

fiiradu ay tahay caamnimada erayga ee aysan ahayn

gaarnimada sababta, balse haddii quluubtu ka indhabeesho

garashada xaqa iyo in wixii Alle kusoo dejiyey

mushrikiinta lagu dul-dejiyo ciddii falkooda oo kale

samaysa, waddadoodiina qaadda, qofkaa xeelad lagula

dhaqmaa ma jirayso". 2

Maxamed Rashiid Ridaa:

Waxaa uu yiri Alle ha u naxariistee:

"La yaabka jaahilnimadii Daxlaan waxaa ka mid ah iyo

dadka la midka ah: in ay u maleeyeen in waxa quraanku

caddeeyey ee baadinimada shirkigii mushrikiinta ah ay

iyaga nafsaddooda ku ekayd! Xujana aysan ku ahayn ciddii

falkooda oo kale samaysa!! Iyadoo aad mooddo in qofkii

muslimnimo lagu dhalay loo banneeyey shirkiga

jinsiyaddiisa muslimka ah darteed!!! Haba kaga furto Alle

wax walba oo kitaabka Alle shirki ka dhigaye! Sidaa haddii

lagu socdo lama suuraysan karo riddoobid diinta laga baxo,

maxaa yeelay qofkii muslim lagu magacaabay waxaa

waajibaysa in gaalnimadiisa iyo shirkigiisana islaam lagu

magacaabo". 3

1 Wuxuu ka mid ahaa culimadii gobolka Casiir, kutub aad u badan ayuu ku difaacay

dacwadii sheekha, wuxuu dhintay 1349H

2 Kashu Qayaahibi Aldulaam:195

3 Siyaanatu Al-insaan:487 nuqulka uu taxqiijiyey Rashiid Ridaa

250

Ugu danbayn waxaan leennahay: nimankan waxaa

ka adkaaday caadooyinkii ay aabbayaal kasoo

gaareen oo ah in Quraanka iyo sunnada loola

dhaqmo sidii dhaxal dad hore, saamaynta uu

bulshada ku leeyahayna ay tahay in la barakaysto oo

kaliya! Balse aan laga dhigan manhaj lagu daboolo

nolosha iyo halbeeg lagu cabbiro dhaqammada

bulshada.

Arrin kale: nimankani maba aaminsana in qofku

diinta kaga bixi karo fal lid ku ah oo uu la yimid

dartii, maadaama uu aaminsan yahay in maamulka

iyo saamaynta uu Alle leeyahay, taana waynu kasoo

hadalnay inaysan qofka tawxiid ugu filnayn.

iyagoo marka ay rabaan sheekha iyo dadka la

caqiidada ah inay baadinimo ku xukumaan oo ay

weliba gaalaysiiyaan isku dayaya inay u daliishadaan

aayado quraan ah iyo axaadiis, balse shirkiga iyo

gaalnimada sida dharaarta ah u cad waa laga indhasaabay,

shaydaan ayaana u qurxiyey! Alloow

diintaada nagu sug naguna dil naguna soo saar.

251

Faraca shanaad: dawladdii khilaafada islaamka

ahayd ayuu ku baxay

Shubhadan isla raggii hore ayaa hor boodayey waxaase

kusoo biiray Faqiih Xanafi ahaa oo la oran jiray Ibnu

Caabidiin, iyo rag kale oo xukuumadda u shaqayn jiray,

waxayna ku hadlayeen: Waa khawaarij! Ummaddii

ayey kala jabiyeen!! Amiirkii mu'miniinta ayey ku

baxeen!! i.w.m

Qaar kalena waxayba kusoo lifaaqeen: in wahaabiyadu ka

mid ahayd sababihii khilaafadii riday!!!

Nin la yihraado C/qaddiim Zaluum, ayaa si aan ganbasho

lahayn u yiri: "Wahaabiyadu waxaa ay dawladdii islaamka

ka dhex samaysteen maamul hoosaad, iyada oo uu

hogaaminayo Maxamed bin Sacuud, kaddibna wiilkiisii

C/casiis, ingiriiska ayaa xoolo iyo hub ku taageeray!

Waxayna ku istaageen aasaas mad-habi ah si ay dalalkii

islaamka ee dawladda khilaafada hoos imanayey u

qabsadaan!! Seef ayey kor u qaadeen khaliifka hortiisa,

ciidankii islaamka ayeyna la dagaallameen oo ah ciidankii

amiirkii Mu'miniinta, iyadoo ingiriisku guubaabinayo

taageerayana"!! 1

Waxaynu horay usoo sheegnay in quwadihii riday dawladdii

sacuudiga ee koowaad uu ingiriiskii Hindiya fadhiyey ka

mid ahaa, ayna burburiyeen ciidammadii badda ee

Qawaasimta ee Ra'sul-kheyma fadhiyey, ahaana

taageerayaasha sacuudiyiint.

Ninkan Zaluum ah wuxuu isku khaldayaa C/casiiskii

dawladdii koowaad iyo C/casiiskii dawladdii saddexaad

kaasoo ingiriiska taageero ka helayey, halka khilaafada uu

sheegayaana taageero ka helaysay Jarmalka! Labadan

1 Keyfa hadamat Al-khilaafa:10

252

gaalna markaa loolan adag ayaa ka dhexeeyey waana

xilligii waxa loogu yeero "dagaalkii koowaad ee dunida".

Waxaynu soo caddaynay in dawladihii sacuudiga ee

koowaad iyo 2aad aysan wax xiriir ah gaalo la lahayn, mid

toos ah iyo mid dadban midnaba, bilawgii C/caziizkii

dawladdii saddexaadna khilaafadu iyada ayaaba liicday oo

aan cidna eersanayn.

Waxaa kale oo aynu soo xusnay in Turkigu ahaayeen kuwii

Najdi usoo weeraray si arxan darro ah oo burburiyey diin,

dal iyo dad iyo duunyaba.

Aynu usoo noqonno arrinta ah in sheekhu dawladda

ku baxay, maxaa ka jira, wax marmarsiinyo ah xitaa

beentan maloo heli karaa? Sideese Najdi ahayd

sheekha ka hor? Maamul mideysan ma ka jiray?

Hadduu jiray ma ahaa mid Turkiga hoos yimaadda?

Xaqiiqda dhabta ahi waxaa ay inooga soo baxaysaa

jawaabaha suaalahan.

Dr Saalix Alcabuud waxaa uu yiri: "Najdi guud ahaan ma

aysan arag maamul cusmaaniyiintu leeyihiin,

xukunkooduna masoo gaarin, madax cusmaaniyiinta ka

socdaana uma iman, sheekha ka horna ciidamo Turki ahi

ma degin, waxaana xaqiiqdan taariikhiga ah ku tusaya

raadraacidda maamuleed ee loo qaybiyey dawladdii

cusmaaniyiinta;

Qoraal Turki ah oo cinwaankiisu yahay: "Qawaaniinta

cusmaaniyiinta sida diiwaanka ku dhigan" uuna qoray

xoghayihii diiwaanka Yamiin Cali Afandi sannadkii 1018H,

1609M, waxaa warqaddan ku cad in ilaa bilawgii qarnigii

11aad (ee hijriga) ay dawladda cusmaaniyiintu u

qaybsanayd dhawr iyo soddon maamul goboleed, oo afar

iyo toban carab tahay, magaalooyinka Najdina kama mid

aha Axsaa mooyee (Baxrayn) haddaan kasoo qaadno inay

Najdi ka mid tahay". 1

1 Caqiidatu Seekh Maxamed bin C/wahaab Alsalafiya:1/27

253

Dr C/laahi Alcuthaymiin waxaa uu yiri: "wax kasta oo jira

Najdi marnaba ma arag maamul Cusmaani ah oo toos ah,

ka hor soo bixiddii sheekh Maxamed C/wahaab, sida aysan

sidoo kale u arag maamul xooggan oo jirintaankiisa ku

fuliya waxa ka dhex dhacayey dhan kastaba;

Reer Jabar iyo reer Khaalid iyo Ashraaftii (xijaas ka

talinayey) ayaan midkoodna keenin deganaansho

siyaasadeed, dagaallada magaalooyinka Najdi ka

dhacayeyna waxay ahaayeen kuwo taagan, loolanka

qabiilooyinka iskhilaafsan ka dhexeeyeyna wuxuu ahaa mid

joogto noqday, isagoo kulul oo daran". 1

Dr Cajiil Alnashmi waxaa uu yiri: "Najdi iyo deriskeeda

dawladdii khilaafadu ma siin wax ahmiyad ah, tanina

waxaa dhici karta inay ahayd siyaasaddeeda Najdi ku

wajahan, ballaarnaanta dhulkeeda darteed iyo

dhinacyadeeda oo kala fog, taasi waa dhinac, iyo

qaybsanaanta qabiilooyinka iyo tolalka oo qotodheeraa

marka aynu dhinac kale eegno". 2

Amiin Saciid waxaa uu isna yiri: "waxaan in badan isku

dayey intii aan darsayey taariikhda dawladihii

umawiyiinta, cabbaasiyiinta, ayuubiyiinta,

mamaaliiktii Masar, kaddib taariikhdii cusmaaniyiinta

ee iyaga ka danbeeyey dhaxlayna xukunkii, inaan

helo magac guddoomiye ama xaakim kuwaas ama

middood usoo dirtay Najdi ama meel

degmooyinkeeda dhexe ama waqooyi ama galbeed

ama koonfureed ah, mana aanan helin!!! Taasoo ku

tusaysa dayac dheeri ahi inuu jiray oo dawladahaasi

masuuliyaddeeda qaadayaan". 3

Mar kale waxaa uu yiri: "sheekh walba ama amiir walba

oo Najdi jooga wuxuu ahaa mid si buuxda ugu

1 Maxamed bin C/wahaab xayaatuhu wa fikruhu

2 Majallada Mujtamac:cadadka 509

3 Taariikhu Dawlat Alsacuudiya:23

254

madax bannaan maamulka degmooyinkiisa, Turkina

isaga ma aqoon , isaguna Turki ma aqoon"!!! 1

Caalimkii weynaa Imaam C/caziiz bin C/laahi bin Baaz

Allaah naxariis badan ha siiyee waxaa uu yiri: "Sheekhu

kuma bixin dawladdii cusmaaniyiinta inta aan ogahay

aaminsanahayna, Najdina kuma sugnayn maamul iyo

madaxtooyo Turkigu leeyihiin, taa iskaba daaye Najdi

waxay ahayd maamullo yaryar iyo tuulooyin kala yaacsan,

magaalo iyo tuulo walba si kasta oo ay u yartahay amiir

madax bannaan ayaa joogay, waxayna ahayd maamullo

iyaga uu ka dhexeeyo dagaal iyo isqabqabsi;

Sheekh Maxamed kuma bixin dawladdii khilaafada,

ee wuxuu ku baxay xaalado fasahaadsan oo dalkiisii

ku sugnaa, Alle dartii ayuuna jihaad dhab ah u

jihaaday, wuuna adkaystay ilaa iftiinkii dacwadani

uu magaalooyin kale gaaray".

Dr Cajiil Alnashmi: wuxuu mar kale yiri: "si degan waxaan

u dhihi karnaa inaan qoraallada sheekha laga helayn

mawqif cad oo la col ah dawladdii cusmaaniyiinta".

Mar kale waxaa uu yiri: "ma aanan helin haba yaraatee

wax fatwo ah oo sheekhu leeyahay oo gaalaysiinaya

dawladdii cusmaaniyiinta". 2

Mar kale waxaa uu yiri: "siyaasadda sheekha iyo

mawqifkiisii ku aaddanaa magaalooyinka Xijaaz wuxuu

ahaa inuusan wax saamayn ah ku yeelan noloshiisii

dheerayd, wax guubaabo ah ama collaytan ah ama baaq

dagaal ah ama in la qabsado ah, isaga oo dareemayey in

falkaa loo fasiranayo inuu dawladdii khilaafada ku baxay;

Dawladdii khilaafaduna wax isnuuxin ah ma samayn, wax

degdeg ah ama gaws-qabsi ahna ma samayn ama khilaaf

la sheego ah, iyadoo ay xilka isaga danbeeyeen afar

cusmaaniyiin ah xilligii sheekhu noolaa". 3

1 Kitaab can imaam Maxamed bin C/wahaab:179

2 Majallada Almujtamac:caddadkii 506

3 Almujtamac caddadka:510

255

Haddaba haddii xaaladdu sidaa ahayd xilligii sheekha,

mawqifkiisuna kaa ahaa, maxaa sababay duullaankii

ballaarnaa ee Turkigu soo qaadeen kaddib geeridii

sheekha?

Jawaabtu waxaa ay tahay iyadoo markii Ashraafta laga

furtay Xijaaz iyo intii loolanka iyaga iyo sacuudiyiintu

socdayba ay warbixinno khaldan ka bixinayeen reer Najdi,

caqiidadooda iyo siyaasaddoodaba, si Turkiga ay hiil uga

helaan, hadalladii foosha xumaa ee Turkiga la gaarsiiyey

waxa ka mid ahaa in sacuudiyiintu calankooda ku qoreen:

"Qofna rasuul ma aha"!!! dantooduna ay tahay inay

Turkiga xukunka ka tuuraan!!

Turkigu waa dawlad xukunkii islaamka gacanta ku dhigtay

iyadoo ay asal ahaan diinteennu qabto in mudnaanta

xukunka islaamka ay carabtu leedahay gaar ahaan

Qureysh, mar walba waxay ka cabsi qabeen in shucuubta

carbeed lagu kiciyo magac diineed iyo in axaadiista

arrintaa kusoo aroortay lagu guubaabiyo, waxaana mar

walba dhanka carabta kaga imanayey gadood oo reer

miyigu Turkiga ma jeclayn, sidaa darteed wax saldhigyo ah

Turkigu kuma lahayn gebi ahaanba Jaziiradda Carbeed oo

ah saldhigga reer miyiga (waa khaliijka iyo Yeman) marka

laga reebo yeman oo uu muddo xaddidan joogay, ugu

danbayntiina uu kaga haray tuulo yar oo la yiraahdo Laxaj

una dhaw Cadan, balse Ciraaq iyo Shaam iyo Masar oo

ahaa meelo qawmiyado kala duwani ku kulmeen saldhigyo

joogta ah ayuu ku lahaa iyo wakiillo isaga matala, Xijaazna

wakiilkiisa Masar ayaa kormeeri jiray, maamul hoosaadna

waa ay lahayd.

Taariikhyahan reer Turkiya ah oo magaciisa la yiraahdo

Suleymaan bin Khaliil Alcazzi waxaa uu yiri: "Farriimihii

soo gaaray Istanbuul ee ka imanayey Shariif

Mascuud bin Saciid , oo ahaa shariifkii Maka, waxaa

ay caddaynaysay in in mulxid ah oo aan diin lahayn

256

laguna magacaabo Maxamed bin C/wahaab uu kasoo

baxay bari, uu isu taagay garaacidda iyo khasbidda

dadka deegaankaa deggan, si uu ugu hogaansiiyo

naftiisa, isaga oo ijtihaad aan asal ahayn ku socda". 1

Sheegashadii Zaluum uu yiri sheekhu wuxuu ka mid ahaa

sababihii khilaafada riday waxaa ka jawaabaya caalim reer

Turkiya ah oo la yiraahdo Sh Maxamuud Mahdi Alisatanbuuli,

waxaa uuna yiri: "Waxa yaabka leh oo wax

ka qosliya kana oohiya waxaa weeye: in ustaadkani

ku tuhmo dhaqdhaqaaqii Sheekh Maxamed bin

C/wahaab inuu ka mid ahaa sababihii dumiyey

khilaafadii Cusmaaniyiinta, iyada oo aynu ognahay in

dhaqdhaqaaqu istaagay qiyaasta sannadkii 1811m,

khilaafaduna duntay 1922m". 2

Waxaa ka hadalkeenna shubhadan inoogu bidhaantay in

Najdi marnaba aysan arag xukun Turki ah oo sheekh

Maxamed burburiyey iyo ciidan ay leeyihiin oo uu la

dagaallamay, uusanna sheekhu marnaba ka hadlin wax

cusmaaniyiinta khuseeya, cusmaaniyiintuna ahaayeen

kuwii burburiyey dawladdii sacuudiga ee koowaad ee

sheekhu wax ka dhisay, iyaga oo cuskanayey dacaayado

been abuur ah oo aysan hubsan, dantooduna ahayd inay

xukunkooda ku fara-adaygaan.

Waxaa wax lala yaabo ah in Turkigu uusan marnaba ka

damqan xaaladdii qallafsanayd ee ka jirtay Najdi sheekha

ka hor, ee isugu jirtay khilaaf, kala qoqobnaan, qabyaalad,

jidgooyo, i.w.m, markii ay dawlad iyo midnimo heleenna

intii uu gacan qaban lahaa uu isagu burburiyey!

Waxaa kale oo wax lala yaabo ah in ingiriisku Cadan soo

degay 1836M Iyadoo iyadoo markaa weli Turkigu ku baaqi

1 Alwahaabiyuun Al-awaail:5

2 Sheekh Maxamed bin C/wahaab fii mir'aati culamaai Alsharqi wal-qarbi:62

257

ahaa magaalada Laxaj (Laxaj waa magaalo dhawr mayl

cadan u jirta), uusanna arrintaa ka gilgilan!!

Waxaa iyaduna wax la iswaydiiyo ah muxuu Hindiya uga

difaaci waayey ingiriiska markii uu saldhigyo waaweyn ka

samaystay dhammaan xarumihii muslimiinta, sida Delhi,

Bombay, Laahoor iyo kuwo kaleba?! Soomaaliya markii

gumaysigu qaybsaday 1884m sannado yar kaddibna uu

soo degay Berbera isaga oo udbihiisii wata, welibana

Cadan kasoo duulayey xagee Turkigu jiray?!

Koonfurta Soomaaliya markii Saciid Barqash ka iibiyey

Talyaaniga xagee Turkigu jiray? Muxuuse ka qabtay?

Waxaan la fogaysan karin haddii dhulalkaa ay ka istaagi

lahayd dawlad ku socota mabaadidii sheekh Maxamed

C/wahaab ku baaqay in Turkigu soo diri lahaa ciidan laxaad

leh oo tirtira wahaabiyada, maxaa yeelay iyaga ayaa uga

daran cadow walba!

Haddaba maxay ahayd kaalinta Turkiga iyo waxtarka uu

muslimiinta u lahaa qarniyadii danbe inuu carab xukunka

ka ilaashado mooyee?! Jawaabtu waxaa ay u taal

aqoonyahanka garaadka leh, ee ka maran caadifad iyo

laab-lakac.

258

Shubhada labaad: Tawasulka ayuu diiday

Marka koowaad waa maxay tawasul? Intee nooc u

qaybsamaa? Maxaa noocyadiisa bannaan maxaanse

bannaanayn? Sheekh Maxamed iyo dadka la caqiidada ahi

maxay ogolyihiin maxayse diiddan yihiin?

Jawaabaha suaalahan ayey xaqiiqdu inooga soo baxaysaa.

Micnaha Tawasul:

Micnihiisa luqad ahaaneed waa wax shay kale ku gaarsiiya.

Sharci ahaanna waa: in la maro sabab lagu gaaro raalli

ahaanshaha Alle.

Dhammaan cibaadada noocyadeedu waa sabab ku

gaarsiinaysa Alle raallinimadiisa kuuna sababaysa inaad u

dhawaato.

Waxaase kaddib eraygan tawasul loo isticmaalay in Alle

lagu baryo shay uu jecelyahay waddana looga dhigto,

iyadoo la rajaynayo aqbalidda Alle.

Qaybaha tawasulka:

Wuxuu u qaybsamaa laba qaybood:

1- nooc bannaan

2- nooc aan bannaanayn oo xaaraam ah, khatarna ay

tahay inuu shirki qofka gaarsiiyo.

Nooca koowaad:

Culimadu markii ay raacraaceen nusuusta sharciga waxaa

ay soo saareen saddex qaab oo hoos imanaysa tawasulka

bannaan, kuwaas oo kala ah:

1- in Allaah lagu baryo magacyadiisa, tilmaamihiisa

iyo ficilladiisa.

2- In qofku Alle ku baryo camal suubban oo uu

qabtay.

3- In Alle lagu baryo qof wanaag lagu tuhmayo

ducadiisa, oo la yiraahdo noo ducee.

259

Adillada saddexdan qaab:

Midka koowaad: waxaa adilladiisa ka mid ah hadalkii Allaah

uu yiri:

"اهب هوعداف ىنسحلا ءامسلأا للهو" Allaah magacyo wanaag badan

ayuu leeyahay ee ku barya.

Nabigana s.c.w ducooyinkiisii waxaa ka mid ahaa:

"Waxaan kugu baryayaa magac walba oo aad

leedahay oo aad naftaada ku magacawday ama

kitaabkaaga kusoo dhex dejisay". 1

Ama uu dhihi jiray: "Allaah cizzadiisa ayaan ka magan

galayaa iyo awooddiisa wixii shar ah ee aan ka baqayo ama

aan dareemayo". 2

Iyo ducooyin aad u badan oo nabigu s.c.w Allaah ku baryi

jiray magacyadiisa, tilmaamihiisa iyo afcaashiisa.

Qaabka labaad:

Addilladeeda waxaa ka mid ah xadiis nabigu s.c.w inooga

sheekeeyey saddex nin oo Banii israaiil ka mid ahaa iyaga

oo carraabe ah goor maqribkii soo galay ayaa roob ku yimi

markaa ayey god buur hoosteed ku yaallay jirsadeen,

dhagax ayaa buurtii kasoo dilindillooday oo afkii godka

awday, markaa ayey yiraahdeen mashaqadan kama

baxayno inaynu Alle ku barinno mooyee camallo

wanaagsan oo aynu dartii u qabannay, markaa ayaa mid

kastaa Alle baryey meeshiina ka faydantay sidii ayeyna ku

badbaadeen.

Qaabka saddexaad:

Aad ayey u badnayd in saxaabadu nabiga s.c.w u

yimaaddaan oo ka codsadaan inuu uga duceeyo dhibaato

haysata, ha noqoto mid gaar ah ama mid guud.

1 Imaamu Axmed ayaa weriyey waana xadiis saxiix ah sida uu sheegay muxaddiskii Axmed

Shaakir: 3712

2 Muslim:2202

260

Waxa ka mid ah ninki masjidka soo galay maalin jimce ah

iyadoo nabigu khudbaynayo kuna yiri: "nabi allow xoolihii

waa halaagsameen waddooyinkiina waa go'een ee Alle noo

bari inuu noo gargaaro, nabigu allaah ayuu baryey roob

ayaa markiiba soo daatay asbuucna socday. 1

Nooca labaad ee aan bannaanayn:

Waa wixii intaa kasoo haray, sida in Alle lagu baryo

shakhsiyadda nabiyada ama awliyada, ama wajigooda, oo

la yiraahdo Alloow nabiga fadligiisa ama wejigiisa ama

sharaftiisa waxaa nagu sii, ama weli hebel.

Iyadoo nabigu yahay midka uunka ugu fadli badan uguna

weji sharfan, haddana ma aha qaab nabigu ina baray s.c.w

inaynu Alle ku barinno, dhammaan axaadiista arrintaa la

isku dayey in loo daliishadana ma aha kuwo sugan, ee

badankoodu waa been abuur iyo hadallo gacan ku-samays

ah, iyo daciif aad u liita.

Cibaadadana waxaa asal u ah halbeegna u ah wixii nabiga

iyo saxaabadu sameeyeen, wixii aysan samaynna waa

baadil.

Waxaase bannaan inaad tiraahdo allow rumeynta

aan nabigaaga rumeeyey waxaa igu sii, maxaa

yeelay rumayntu waa cibaado iyo camal suubban,

markaa waddo bannaan ayaad qaadday.

Xilligii nabiga s.c.w marka abaari dhacdo nabiga ayaa sidaa

dadka ugu ducayn jiray waana la waraabin jiray, markii

nabiga la oofsaday xaalku see noqday? Dadku intay

qabriga yimaaddaan miyey ku tawasuli jireen? Mise waxay

dhihi jireen Alloow nabigaaga fadligiisa iyo sharaftiisa nagu

waraabi?

Midnaba ma samayn jirin ee dadka suubban ee markaa ay

kheyrka ku tuhmayaan ayey dhihi jireen ummadda u

duceeya;

1 Bukhaari:1021, muslim:798

261

Xilligii amiirkii mu'miniinta Cumar bin Khaddaab ayaa

abaar kululi dhacday, cumar dadkii ayuu isugu yeeray si

loo roob doono, wuxuu yiri: "Alloow nabigaaga ayaan

kuugu tawasuli jirnay markii uu na dhexjoogay waadna na

waraabin jirtay, haddana waxaan kuugu tawasulaynaa

nabiga adeerkii (Cabbaas) ee Alloow na waraabi" markaa

ayuu cabbaas duceeyey ummaddiina waa la waraabiyey. 1

Haddii fadliga nabiga iyo wejigiisa sharafta badan in Alle

lagu baryaa bannaantahay, saxaabadii nabigu wax baray,

fadligiisa cid ka badisaana aysan jirin, cid nabiga ka jecelna

aysan jirin ma suuroobi lahayd inay ka leexdaan nabiga oo

Cabbaas aadaan?! Alloow waa maya, marnaba ma

suuroowdeen, taasi waxaa ay ina tusaysaa in noocaasi

uusan bannaanayn.

Qabuuraha oo lagu tawasulo:

Marka abaari dhacdo ama balaayo in xaga qabuuraha loo

kacaa waa dhaqankii jaahiliyada, mana bannaana, waana

arrin keeni karta ugu danbayntii in qabuuraha la baryo

sidaana loogu dhaco shirki diinta lagaga baxo, wayna

dhacday ilaa haddana waa dhaqan baahsan.

Qabuuraha agtooduna kama mid aha meelaha ducada lala

doonan jiray xilligii nabiga s.c.w iyo saxaabada, in la iska

dhaadhiciyo in qabuuraha agtoodu fadli dheeri ah

leedahayna waa arrin jaahilnimo ku salaysan wax daliil

ahna aan loo hayn.

Qayb ka mid ah axaadiista daciifka ah ama been

abuurka ah ee loo daliishado tawasulka aan ku

sheegnay mid reebban:

"ku tawasula wejigayga, maxaa yeelay

wejigaygu Alle agtiisa wuu ka weynyahay". Ama

"haddi aad Alle wax weydiisanaysaan wejigayga

1 Sida imaam Bukhaari ku weriyey saxiixiisa lambarka xadiiska ( 1010)

262

ku weydiista, maxaa yeelay wejigaygu Alle

agtiisa waa mid ku weyn".

Waxaa looga jawaabayaa: "labadan aad axaadiista ku

sheegteen waa been abuur aan ku sugnayn kutubta

muslimiinta ee axaadiistu ku taal ee la cuskado, qof

culimada xadiiska ka mid ahina ma sheegin, iyadoo

aan la isku diiddanayn in wejiga nabigu uu sharaf iyo

karaamo weyn Alle agtiisa ku leeyahay. 1

1- "Haddii arrimuhu idin ku adkaadaan dadka

qubuuraha ku jira dhankooda u kaca"!. 2

Midkanna qolaa xadiis ka dhigtay!

Jawaabtu waa isla sidii hore oo kale, waa been dharaar

joogta bal keena cidda werisay ee culimada xadiiska

ka mid ah, kitaabkee ku yaal?

Waa arrin khatar ah oo lagu soo noolaynayo

wathaniyadii nabigu s.c.w tirtiray, muxuu ahaa

dadaalkii rasuulladu laga soo bilaabo nabi Nuux ilaa

nabigeenna? Wax kale kuma saabsanayn aan ahayn

ku xirnaanshaha Alle iyo inaan cid kale la caabudin,

lana kaalmo weydiisan.

2- "Markii nabi Aadam gefkii ku dhacay, ayuu yiri:

Rabbiyoow muxammad xaqiisa ayaan kugu

weydiisanayaa inaad ii danbi dhaafto, Allaah

wuxu yiri: oo Aadamoow see ku garatay

Muxammad maba abuurine?! Wuxuu yiri:

rabbiyoow markii aad gacantaada igu abuurtay

ruuxdaadana aad igu afuuftay ayaan madaxayga

kor u qaaday waxaan arkay dhidibbada carshiga

oo ay ku qorantahay "Laa ilaaha illalaah

muxammad rasuulullaah" markaa ayaan gartay

1 Qaacida jaliilah fi-tawasuli wal-wasiila:168

2 Imaam Ibnu Taymiya wuxuu ku sheegay majmuuca fataawihiisa in la isku waafaqsanyahay

beennimada warkan.11/293

263

inaadan magacaaga ku xejinin midka aad uunka

ugu jeceshahay mooyee mid kale, markaa ayuu

rabbi yiri: waan kuu danbi dhaafay, muxammad

hadduusan jirinna kumaba abuureen". 1

warkani waa midka ugu la yaabka badan beenaha ay

tawasulka reebban u sameeyeen, oo tan iyo nabi

aadam ayey daliil ka raadiyeen, balse kuma liibaanin

oo been ayey maciin bideen!!!

3- "Abaar ayaa ku dhacday dadka xilligii Cumar nin

ayaa qabriga nabiga yimid markaa ayuu yiri:

Rasuulkii Alloow ummadaada u roobdoon waa ay

halaagsantaye, ninkii ayaa riyo loogu yimid

laguna yiri Cumar u tag…..".

Qisadan waxa lagu sheegaa kutubta tafaasiirta iyo

kutubta axaadiista sharraxda, waana qiso daciif ah,

ninka weriyey oo lagu sheegay Maalik Aldaar ma aha

nin la yaqaan, shuruudda xadiiska saxiixa ahna waxaa

ka mid ah in laga qaato nin cadaaladiisa iyo xifdigiisa

la yaqaan, hadii aan la aqoonna majhuul ayaa loogu

yeeraa noocyada daciifka ayuuna ka mid yahay, midda

labaad: arrinta jawaabta lagu sheegay waaba riyo oo

xukun lagama qaato, arrinta saddexaad wuxuu

khilaafsan yahay hannaankii roobdoonka ee

sharcigeennu jideeyey saxaabaduna ku dhaqmeen

geeridii nabiga kaddib sallalaahu calayhi wasallama.

4- "reer Madiina abaar ba'an ayaa heshay, caaisha

ayey usoo cawdeen, waxaa ay ku tiri: qabriga

nabiga eega oo meel duleesha samada uga fura,

si isaga iyo samada uusan saanqaaf ugu

dhaxayn, waa ay yeeleen, waa nala waraabiyey

ilaa doog kasoo baxay, geeliina cayilay oo weliba

1 Xaakim ayaa weriyey:2/615, ibnu casaakir ayaa kasii qaatay 2/3, 32/2. imaamu dahabi waxaa uu

yiri waa mawduuc (been abuur) iyo sidoo kale xaafid ibnu Xajar: sidoo kale fiiri silsiladda

daciifada ee albaani:1/38.

264

xayr la dildillaacay, waxaa loo bixiyey sannadkii

dildillaaca"!! 1

Xadiiskan culimada qaarkood waxay ku

sheegeen been abuur qaarna daciif, kii kastaba

aynu niraahnee wuxuu ina tusayaa inaan xujo ku

sugnayn, maadaama uusan nabiga ka ansixin

ama saxaabada.

5- "Cali bin Maymuun waxaa laga weriyey inuu yiri

Shaafici ayaan maqlay oo leh: Abuu Xaniifa waan

barakaystaa, qabrigiisana maalin walba waan tagaa,

haddii baahi ila soo deristo laba rakcadood ayaan

tukadaa, qabrigiisana waan imaaddaa, Alle ayaan

baahidayda ku weydiistaa agtiisa, mana fogaato ilaa la

ii qabto". 2

Qisadani sidoo kale waa been abuur maxaa yeelay

dhaqankan qubuurinimadu ma ahayn mid jiray xilligii

imaamu Shaafici, horay ayeynu usoo sheegnay

nimankii qubuurinimada bilaabay inay ahaayeen

Qaraamiddada oo qarnigii afaraad soo baxay.

Imaamu shaafici inkastoo uu Baqdaad muddo joogay

haddana wuxu ahaa reer Xijaaz marnaba lama arag

isaga oo qabuurihii saxaabada ee Xijaaz ku

agsamaynaya ficilkaas oo kale ama qabuurihii

taabiciintii waaweynaa.

6- "Nin ayaa Cusmaan bin Caffaan isaga daba-noqon

jiray dan uu leeyahay darteed, xilligii uu xilka hayey,

Cusmaanna ma dhugan jirin, arrintaa ayuu ninkii uga

cawday Cusmaan bin Xaniif, wuxuu ku yiri: meesha

weysada tag oo weysayso, kaddib masjidka tag oo

1 Daarami ayaa weriyey waana khabar daciif ah, fiiri tawasulka albaani:139

2 Qisadan waxaa kusoo arooriyey kitaabkiisa taariikhda ah Khadiib Albaqdaadiyi:1/123,

waxaana silsiladda raga kala weriyey ka mid ah nin lagu magacaabo:Cumar bin isxaaq bin

Ibraahim, mana aha nin la yaqaan waa Majhuul. Ibnu taymiya Iyo ibnu Qayim waxay

qisadan ku sheegeen mid been abuur ah.

265

tuko, kaddibna dheh: "Alloow waxaan kuugu soo

jihaysanayaa Nabigeenna dartii, nabigii naxariista,

Muxammadoow waxaan kuugu soo jihaysanayaa xaga

rabbigaa in dantayda la ii qabto darteed" markaa

kaddib dantaada sheego, ninkii sidii ayuu sameeyey,

kaddib ayuu albaabkii Cusmaan kusoo noqday

waardiyihii ayaa u yimid oo gacanta qabtay una

geeyey Cusmaan, agtiisa ayuu fariisiyey wuxuuna ku

yiri dantaada sheego, wuu sheegtay waana loo

dhammeeyey".!!! 1

Intaas ayaan ka tilmaamaynaa waxyaabaha ay xujada

ka dhigteen nimanka tawasulka reebban isku dayey

inay daliil u sameeyaan, kuwo kale oo la mid ahna waa

jiraan oo daciif iyo been abuur isugu jira, ama axaadiis

ay hannaankeedii ka weeciyeen, waxaase daliil cad

inoogu filan in saxaabadu aysan nabiga ku tawuslin

geeridiisii kaddib ee ay u leexdeen adeerkii Cabbaas,

iyadoo tawasulkaasina ahaa inuu duceeyo.

Nimankani waxay aaminsanyihiin in qofka ay ku

tawasulayaan nolol iyo geeriba uu isku mid yahay.

Waxaa intaa sii dheer iyaga oo adeegsanaya erayo

gargaarsi ah ama shafeecaysi ah markaana ku

sheegaya tawasul! Marka la yiraahdo maad ilaah

gargaarsataan waxay leeyihiin xaqiiq ahaan isaga

uunbaan gargaarsanaynaa ee dadkan waan usii

maraynaa maadaama ay ilaah agtii darajo ku leeyihiin!

Waynu soo sheegnay in wixii mushrikiintu ku jawaabi

jireen ay tahay.

raga tawasulkaa reebban u doodayey waa isla raggii

hore, Ibnu cafaaliq, Xaddaad, Dajawi 2 , Kurdi 1 ,

1

Isna waa xadiis daciif ah, u noqo Siyaanatul-insaan can waswasati Daxlaan:131 nuskhada

Rashiid ridaa.

2

Azhari ayuu ahaa, ku dhashay Masar 1287H fiiri Aclaam:Zirikli:8/216

266

Daxlaan, Qubbaani, Zahaawi, Caamili 2 , Calawi

Almaaliki, iyo rag la mid ah.

Haddaba sheekh Maxamed iyo dadka la caqiidada ahi

sidaa ayey qabaan, adilladaa saxiixa ah ayeyna u

daliishadeen ee bal dadka kasoo horjeedaa ha keeneen

daliil quraan ah ama xadiis nabiga ka sugnaaday oo ku

sugan kutubta xadiiska ee la yaqaan, isla markaana ay

culimadu xadiisku saxiixiyeen, haddii kale ha ogaadeen

inaan Alle lagu caabudin hawo iyo sida naftu

jeceshahay.

Xukunka ay culimadu siiyeen qofka tawasulka

reebban la yimaadda laba midkood ayuu

noqonayaa:

1- Inuu Alle ku baryo wejiga nabiyada iyo saalixiinta

iyo fadligooda, qofkaasi wuxuu noqonayaa qof bidco

ku dhacay oo sunnihii garab maray, balse gaalnimo

kuma dhicin, lamina gaalaysiinayo.

2- Iyo inuu iyaga baryo oo gargaarsado haba ku

magacaabo tawasul, qofkaasi gaalnimo ayuu ku

dhacay, haddii xujagu ku ooganto oo xaqa loo

caddeeyana wuu gaaloobayaa.

1 Muxammad bin Suleymaan Alkurdiyi, Dimishqa ayuu ku dhashay 1128H, Madiina ayuu ku

barbaaray wuxuu noqday muftiga shaaficiyada reer Madiina, kutub dhowr ah ayuu leeyahay,

Madiina ayuuna ku dhintay, fiiri Alaclaam:Zirikli:6/152

2 Shiici Ciraaqi ah ayuu ahaa, 1282H ayuu ku dhashay, wuxuuna ku dhintay Dimishqa suuriya eeg

Alaclam:5/287

267

Shubhada saddexaad: Shafeecaysiga nabiga

ayuu diiday

Shubhadan iyaduna waxyaabihii ay soo arooriyeen ayey ka

mid ahayd, jawaabihii hore mid la mid ah ayeyna

qaadanaysaa,

sheekhu shafeecada nabiga ma ogolyahay? Shafeecadu

goorma ayey dhacaysaa? Yaa iska leh shafeecada? Cidda

loo shafeecayaa tilmaamo noocee ah leeyihiin?

Xaqiiqadu suaalahan jawaabahooda ayey kasoo baxaysaa.

Waa marka koowaade sheekhu shafeecada nabiga waa

aaminsanyahay iyo inuu Alle ku karaamaynayo

qiyaamaha.

Shafeecadu qiyaamaha ayey bilaabmaysaa marka

banka qiyaame la isugu yimaaddo dadkuna u

baahdaan cid Alle uga ergaysa si loo kala xukumo,

nabiyaal dhowr ah ayey u tagi doonaan, waa ayna ka

cudur daaranayaan, ilaa ay nabigeenna sallalaahu

calayhi wasallama uga yimaaddaan, markaa ayuu

carshiga hoostiisa ku sujuudayaa oo rabbigii

ammaanayaa, ammaan markaa loo furayo oo aan usii

diyaarsanayn, waxaa lagu oranayaa: Madaxaaga kor u

qaad, dheh waa lagu maqliyi, shafeec waa lagaa

shafeeco aqbalayaaye, markaa ayuu ummadda u

shafeecayaa sidaa ayaana lagu kala xukumayaa, taasi

waa shafeecada Weyn ee loo yaqaan Maqaam

Almaxmuud.

Shafeecooyin kale oo nabigu leeyahay waa jiraan, sida

inuu jannada albaabkeeda isagu gargaraacayo oo

dadka ugu horgalayo, ummaddiisuna ummadaha ugu

horgalayso, iyo isaga oo adeerkii Abuudaalib ugu

shafeecaya in naarta laga fududeeyo oo hoos laga soo

saaro, saddexdan nooc nabigeenna ayaa la gaar ah,

268

ilaa dhowr nooc oo kale oo uu nabiyada iyo malaaigta

iyo dadka suubban la wadaagana waa jiraan.

Shafeecada Allaah ayaa iska leh, sida uu kitaabkiisa ku

yiri:

اعٌمج ةعافشلا لله لق " isaga uun ayaana la weydiisan karaa,

oo qofku dhihi karaa Alloow shafeecada nabigaaga ha

iga qadin, ee ma bannaana in qofku nabiga shafeeco

weydiisto, maxaa yeelay ma aha wax weli la siiyey,

qiyaamaha ayaa la siin doonaa, mana ahayn dhaqankii

saxaabada inay nabiga shafeeco weydiistaan, marka

ay ku yiraahdaan inaan jannada kugula saaxiibno

ayaan rabnaa, wuxuu ku dhihi jiray cibaadada ku

dadaala.

Tilmaamaha dadka shafeecada mutaysanayaa waa

kuwo Alle ka raalli noqday, isla markaana u fasaxay in

loo shafeeco, sida Allaah quraankiisa ku yiri:

ءاشٌ نمل اللّ نذأٌ نأ دعب نم لاإ ائٌش مهتعافش ًنغت لا تاومسلا ًف كلم نم مكو

." ىضرٌو

Oo micnaheedu yahay: "in badan oo malaaig ah oo

cirarka ku sugan ayaan shafeecadoodu waxba tarayn,

marka rabbi u fasaxo cidda uu doono kana raalli noqdo

mooyee".

Mar kale Allaah waatii uu ku yiri aayat kursiga:

" هنذإب لاإ ه هدنع عفشٌ يذهلا اذ نم"

waa kuma ka shafeecaya Alle

agtii, fasaxiisa inuu ku shafeeco mooyee?!

mar kale Allaah wuxuu yiri isaga oo malaaigta ka

hadlaya:

" ىضترا نمل لاإ نوعفشٌ لاو"

uma shafeecaan cid uu ka raalli

noqday mooyee.

Sidaa ayaa sheekha iyo dadka taageersani shafeecada

uga hadleen, kana aaminsan yihiin.

Balse qolyaha kasoo horjeedaa waxaa ay aaminsanyihiin

in shafeecada la weydiisan karo nabiyada iyo

awliyadaba, maadaama ay shafeeci doonaan;

269

Sheekh muxammad iyo dadka la caqiidada ahina waxaa

ay leeyihiin ma aha arrin bannaan, iskaba daaye waa

shirki lagu gaaloobayo, maxaa yeelay waa baryo cid aan

Alle ahayn laga baryayo wax aysan lahayn, welina aysan

hanan.

Nimanka qaddiyaddan u doodaya waa isla raggii hore,

mana helin wax daliil ah oo ay ku meel mariyaan

sheegashadooda, inay nusuusta quraanka iyo axaadiista

leexiyaan mooyee, ama la yimaaddaan khiyaali uu

shaydaan u qurxiyey.

270

Shubhada afaraad: Siyaarada ma ogola

qubuurihii dadka suubbanna wuu ihaaneeyey:

Qaybtii qubuuraha ayeynu kusoo sheegnay hannaanka

sharcigu u dejiyey booqashada qabuuraha iyo axkaamta

uu siiyey, waxa ku bannaan iyo waxa ka reebban.

Arrinta ay leeyihiin siyaaradii ayuu diiday, siyaaradu

horta waa booqasho micne ahaan, sheekhuna ma diidin

booqasha sharciga waafaqsan, ee wuxuu diiday midda

sharciga khilaafsan, ee ah in qabuuraha loo safro, ama

xoolo lagu dul qasho, ama ciid laga soo qaato, ama la

isku dhedhejiyo oo dhabannada la saaro, ama la baryo,

ama dheef loo doonto, dhibkana laga magan galo, iyo

waxyaabo badan oo qubuuriyiintu ku agsameeyaan

qabuuraha.

Waynu soo xusnay xadiisku nabigu s.c.w yiri: "looma

safri karo (safar cibaado) meel aan ahayn

saddexda masjid, masjidka xurmada leh

(kacbada), masjidkayga iyo masjidka fog (Baytul

maqdis). 1

Arrintaana saxaabadu sidaa ayey u fahmeen, ma kala

saarin qabuuraha, kuwo nabiyo iyo kuwo kale toona,

marnaba ma dhicin inay u safreen qubuuro magaalada

ay hadba joogeen ka baxsan, bal nimanka arrintaa u

doodaya ha sheegeen halka ay ku qoran tahay in

saxaabadu qubuuro u safri jireen.

Iskaba daaye waa ay reebi jireen, waxaa dhacday

in saxaabigii weynaa ee Abuu hureyra u safray

buurtii nabi muuse calayhi salaam lagula hadlay

waa Dhuur, isaga oo kusoo cibaadaysanaya markii

uusoo noqday ayaa saxaabi kale oo la oran jiray

Basrata bin Abii Basrata alqifaari ku yiri haddaan

1 Lambarrada axaadiista: Bukhaari:1189, 1995. muslim:511, 1397.

271

ku ogaan lahaa maad safarteen, xadiiskaa aynu

soo sheegnay ayuuna u sheegay. 1

Sidii ay tawasulka reebban ugu sameeyeen axaadiis

been ah ayey qabriga nabiga sallalaahu calayhi

wasallama in loo safrana u sameeyeen kuwo been ah,

sida in nabigu yiri: "qofkii soo xajiya ee aan isoo booqan

wuu igu gabood falay"! ama "qofkii qabrigayga soo

booqda shafeecadayda ayaa u waajibaysa" ama "qofkii

geeridayda kaddib isoo booqda isaga oo nolosha igu soo

booqday ayuu la mid yahay" iyo warar kale oo noocaas

ah, dhammaanna waa been abuur, kuwa ugu roon ayaa

daciif liita ah.

Nabiga siyaaradiisa waxaa ay u bannaantahay

dadka madiina jooga, ama dadka madiina u booqda

inay masjidka nabiga kusoo tukadaan, markaa

ayey qabrigiisa iyo qabuuraha kale ee

saxaabadana booqan karaan, balse in safarka lagu

saleeyo booqashada qabrigiisa sallalaahu calayhi

wasallama ama qabuuro kale ma aha mid bannaan,

saxaabadiina ma samayn, taabiciinna ma samayn,

iyagoo ku dhaqmaya xadiiskaa aynu horay usoo

marnay, ee Bukhaari iyo Muslim weriyeen.

Arrinta ay leeyihiin qubuurihii dadkii suubbanaa

ayuu ihaanaayey!

Waxay u jeedaan duminta qabriyada dhisan, ama

masaajidda laga dul dhisay ama qubbadaha, taasina waa

waajib sharci ah oo nabi muxammad amray, Cali bin Abii

daalibna u xilsaaray, Calina xilligiisii uu Abul-hayaaj al-

Asadiyi u xilsaaray, waynuna soo sheegnay u noqo

qaybta qabuuraha aan kaga soo hadalnay.

1 Maalik:1/68, imaamu Axmed lambarka xadiiska:23960, sunan Alnasaai:3/113-116, ibnu

xibbaan saxiixiisa:2772, xumaydi musnadkiisa 2/421, Tayaalasi:1348, fiiri Axkaam Aljanaaiz

ee Sheekh Albaani:287

272

Intaa ayeynu kusoo koobaynaa dacaayadihii iyo

shubhooyinkii ay ka faafiyeen Sheekh Maxamed Bin

C/wahaab naxariis badan Alle ha siiyee, waana mawduuc

aad u ballaaran lagana allifay kutub badan, waxaase

nuxurka badankiisa soo koobaya kitaabka la yiraahdo:

"Dacaawaa Al-munaawi'iin li-dacwati Alsheekh

Muxammad bin C/wahaab" waxaana qoray sheekh la

yiraahdo c/caziiz bin Muxammad bin Cali Al-Cabdiladiif.

Allaah ha inagu sugo diintiisa, hana hanuuniyo cid

walba oo xaqa garab marsan, magac walba oo ay

wataan iyo meel walba oo ay joogaan, iyo xilli

walba oo ay joogaan.

273

Qaybta siddeedaad: Culimadii taageertay

iyo kutubtii ka taariikhaysay

Mar haddii aynu xusnay dadkii ka horyimid iyo

dacaayadahoodii, waxaa munaasib ah inaan ku xejinno

culimadii dunida dacalladeeda ka taageertay iyo weliba

kutubtii sheekha iyo halgankiisa lagaga taariikheeyey.

Waxaynu horay ugu soo xusnay qaybtii "Raadkii sheekha

ee dibadda Jaziiradda Carabta" qayb ka mid ah hadalladii

culimo ka hadashay dacwadii sheekha kuna tilmaantay

inay ahayd tubtii toosnayd ee nabi Muxammad sallalaahu

calayhi wasallama ummadda uga tegay, sidoo kale

jawaabihii laga bixinayey dacaayadihii sheekha laga

faafiyey waxaynu kusoo xusnay hadallo badan oo

sheekha difaac u ahaa, sida hadalladii Sahsawaani,

Manduur Nucmaani, Aaluusi, Rashiid Ridaa iyo kuwo

kaleba, sidoo kale hadalladii Sancaani iyo Shawkaani

ayeynu soo xusnay oo reer Yaman ahaa, waxaynu hadda

sheegaynaa kutub lagu taageerayo baaqii sheekha,

lagagana taariikheeyey halgankiisii ballaarnaa;

Kutubta sheekha lagaga taariikheeyey boqollaal ayey

gaarayaan, balse waxaan ka xusaynaa qaddar ina tusaya

sida arrintan qalinka loogu qaatay, innagoo culimada

kutubtaa qortayna u kala saari doonna dalalkii ay ka

dhasheen.

274

Culimadii Masar:

Dacwada sheekhu Masar waxaa ay gaadhay xilligii la

dumiyey dawladdii sacuudiga ee koowaad, waxaana

gaarsiiyey dadkii maxaabiista ahaa! Culimo badan iyo

dadweyne caadi ahba waa ay saameeyeen, waxaynu

kasoo xusnay Sheekh C/raxmaan AlJabarti, oo si weyn

uga dhiidhiyey qaabkii loola dhaqmay maxaabiista

qaarkood, aakhirkiina wiilkiisii la dilay, isagiina la

ceejiyey! Sidaa darteed ayuu kitaabkiisa taariikhda ah ku

difaacay dacwada sheekha iyo dadka taageersanba,

balse kutubta reer Masar u gaaryeeleen sheekha waxaa

ka mid ah kuwan soo socda, waxaan jeclaystay inaan

kutubta magacooda carabi ku qoro, marmarna micnaha

magaca kitaabka isagoo soomaali ah aan ku xejiyo:

اضر دٌشر دهمحم خٌهشلا : ةضفا هرلاو ةٌباهولا وأ ةعٌشلاو ةهنهسلا -1

(Sunnada iyo shiicada ama wahaabiyada iyo raafidada,

waxaa qoray Sheekh Maxamed Rashiid Ridaa)

Hadalladii uu kitaabkan ku xusay waxaa ka mid ahaa:

1-"wahaabiyadu waxaa ay si xaqnimo ah ugu baaqayeen

inay yihiin muwaxidiin, ayna ka ilaalinayaan seeraha

tawxiidka inuu shirki usoo gudbo, baaqaana iyaga

hortood waxaa si xaqnimo ah u sheegan jiray sheekhii

islaamka (ibnu Taymiya).

2- Wahaabiyadu ma sheegin in ay iyaga kaligood

muwaxidiin yihiin, muslimiinta kasoo hartayna

dhammaantood gaalo yihiin, sida shiicigani ugu been

abuurtay, waxay uun ka hadlayaan sida culimada kaleba

uga hadlayaan tawxiidka Alle ee rasuullada

dhammaantood ku baaqeen".

خٌهشلا : ةٌبرعلا ةرٌزجلا ًف ًنارمعلاو ًنٌهدلا حلاصلإا ًف ةٌباهولا ةوعهدلا رثأ-2

ًقفلا دماح دهمحم يرهزلأا

275

(Raadka hagaajinta diineed iyo dhismeed ee dacwada

wahaabiyadu ku yeelatay jaziiradda Carabta) waxaa

qoray mid ka mid ah kuwii ugu waaweynaa Culimada

Azhar sannadkii 1354H ayaa markii ugu horraysay la

daabacay.

هيدنجلا مٌلحلا دبع:

فٌلأت : باهولا دبع نب دهمحم ماملإا -3

(Imaamkii Muxammad bin C/wahaab: waxaa qoray

C/xaliim Aljundi oo xubin ka ahaa golaha cilmi barista

ee Azhar)

راطع روفغلا دبع دمحأ

276

: فٌلأت

: باهولا دبع نب دهمحم

ناهطقلا عاهنم:

خٌهشلا : ةهنسلاو باتكلا ىلع باهولا دبع دهمحم خٌهشلا ةوعد دامتعا -5

(cukashadii dacwada sheekh muxamadb c/wahaab ay

cuskanayd kitaabka iyo sunnada)

نمحهرلا دبع روتكدلا : باهولا دبع نب دهمحم خٌهشلا ةوعد لوح ترٌثأ ًتهلا تاهبهشلا-6

ةرٌمع بتار

(shubhooyinkii laga hareer-faafiyey dacwada sheekh

muxammad c/wahaab).

ةضٌوع دهمحم لماك : ثٌدحلا رصعلا ًف نٌدهدجملا خٌش باهولا دبع نب دهمحم ماملإا-

7

(imaam muxammad c/wahaab waa sheekhii kuwa diinta

nooleeyey qarniyadan danbe)

لاتف باهولا دبع : باهولا دبع نب دهمحم خٌهشلا ملاسلإا مامإ ربكلأا ةٌعاهدلا-

8

(Daacigii weynaa imaamkii islaamka sheekh muxammad

c/wahaab)

لاتف باهولا دبع : راصتنلإا برد-

9

(dariiqa guusha)

: رئازجلاب ًحلاصلإا ًملاسلإا ركفلا ًف باهولا دبع نب دمحم ماملإا ةوعد رثأ - 10

سٌوع مٌلحلا دبع روتكدلا

(raadkii dacwada imaam muxammad c/wahaab ku

yeelatay fikirka islaamka ee hagaajineed ee Jazaair).

-4

دومحم لٌبن : ةٌفوهصلا نثو مهطحٌ دٌحوهتلا راصعإ - 11

(Dabaysha tawxiidka oo duminaysa asnaamtii

suufiyada)!

خٌهشلا : اهٌلع دهرلاو باهولا دبع نب دهمحم ماملإا ةوعد لوح ترٌثأ ًتلا تاهبشلا - 12

بٌطخ مٌركلا دبع

(shubhooyinkii laga hareer-faafiyey dacwada imaam

muxammad c/wahaab iyo jawaab laga bixinayo).

دهمحم روتكهدلا : لابقإ دهمحم ركف ًف اهؤادصأو باهولا دبع نب دهمحم خهشلا ةوعد-13

نٌهدلا لامج دٌعسلا

(dacwadii sheekh muxamad c/wahaab iyo ka guuxideedii

fikirkii muxammad iqbaal)1 1

Intaas ayaan ka xusaynaa kutubtii reer Masar kaga

taariikheeyeen sheekh Muxammad, culimadaa

badankoodu waxay u badnaayeen macallimiintii

jaamicada Al-zhar.

Culimadii Shaam iyo Ciraaq:

خٌشلا : نٌدٌؤملاو نٌفصنملاو نٌضراعملا نٌب باهولا دبع نب دمحم خٌشلا ةوعد -14

: ونٌز لٌمج دهمحم

(dacwada sheekh muxammad c/wahaab sida ay u

arkaan kuwa diiddan iyo kuwa dhexdhexaadka ah iyo

kuwa taageersan).

Qoraagani waa reer Suuriya

دبع نب دمحأ روتكدلا : باهولا دبع نب دمحم خٌشلا ةدٌقع ناٌب ًف باطخلا لصف -15

بٌجن مٌركلا

(hadalka oo lagu gooyo caddeynta caqiidadii sheekh

muxammad c/wahaab)qoraagani waa reer suuriya.

1 Muxammad Iqbaal waa gabayaagii ugu weynaa qarnigii labaatanaad Hindiya wuxuuna

ahaa faylasoof, gabayadiisu waxay u badnaayeen wadaniyad iyo dhiirrigelin iyo dhaqan

toosin, wuxuu kasoo jeeday deegaanka Laahoor ee markii Hindiya kala go'day ka mid

noqday dalka Pakistan, wuxuu dhintay 1936, waxaa lagu tilmaamaa inuu lahaa fikradda ah

in muslimiintu ka goaan hindiya sidaa ayeyna Pakistan ku go'day.

277

:waa reer

دٌعس نٌمأ : باهولا دبع نب دمحم خٌهشلا ماملإا ةرٌس-16

suuriya

روتكهدلا : باهولا دبع نب دمحم خٌهشلا ةوعدب ةٌملاسلإا ةٌحلاصلإا تاوعدلا رثأت -17

هًلٌحهزلا ةبهو رٌبكلا هٌقفلا

(sida baaqyada hagaajineed ee islaamiga ahi ugu

saamoobeen baaqii sheekh Muxammad c/wahaab)

qoraagani waa faqiih aad u weyn oo miizaan ku leh

dunida islaamka, gaar ahaan suuriya, wuxuu horay u

ahaan jiray madaxa kulliyadda shareecada ee

jaamicadda Dimishqa.

برغ ًف ةٌحلاصلاا يدوف نب نامثع ةكرح ًف باهولا دبع نب دمحم خٌهشلا ةوعد رثأ-18

دعسم ىفطصم روتكدلا : اٌقٌرفأ

(raadkii dacwada sheekh muxammad bin c/wahaab ku

lahayd dhaqdhaqaaqii hagaajineed ee Cusmaan bin

Fawdi ee galbeedka Afrika).

دهجنملا حلاص دمحم خٌشلا : ةٌباهولا ًه ام -19

(wahaabiyadu maxay tahay?) sheekhanina waa reer

Ciraaq.

رهاض لماك دمحم : ثٌدحلا ًملاسلإا ركفلا ًف اهرثأو ةٌباهولا ةوعهدلا - 20

Dacwada wahaabiyada iyo raadkeeda fikirka islaamiga

ah ee casrigan). Qoraagu waa Lubnaani

لدهلأا دٌس زٌزعلا دبع : باهولا دبع نب دمحم دٌحوهتلا ةٌعاد -21

(Daacigii tawxiidka muxammad c/wahaab) qoraagu waa

lubnaani

هًسوللاا يركش دومحم خٌشلا رٌبكلا ةملاعلا : دجن خٌرات - 22

(taariikhdii Najdi) waxaa qoray caalimkii weynaa ee reer

Ciraaq maxamuud shukri aaluusi.

هيرثلأا ةجهب دمحم : ةهنسلاو دٌحوهتلا ةوعد - 23

(baaqii tawxiidka iyo sunnada) qoraagu waa Ciraaqi.

بٌطخلا ثٌش دومحم نكهرلا ءاوهللا

: لصوملا ًف باهولا دبع نب دمحم ماملإا

278

24

Qoraaga kitaabkani waa jenaraal weyn oo Ciraaqi

ahaa, wuxuu ahaa aqoonyahan aad ugu xeel dheer

taariikhda, suugaanta carbeed iyo

dhaqammadooda, wuxuu xubin ka ahaa golihii

luqadda carabiga.

Hindiya iyo Aasiyada fog

رٌشب دمحم ثدحملا ةملاعلا خٌشلا : نلاحد ةسوسو نع ناسنلإا ةناٌص -

1

ًناوسهسلا

(dadka oo laga dhawro waswaasinta Daxlaan)

ًجونقلا نٌهدلا رٌشب : ةٌباهللا نٌطاٌشلا درطل ةٌهللإا قعاوصلا

يودنلا ملاع دوعسم خٌشلا : هٌلع ىرتفمو مولظم حلصم باهولا دبع نب دمحم - 27

(muxammad c/wahaab waa samadoon la dulmiyey laguna

been abuurtay)

روظنم دمحم ثدحملا ةملاعلا : باهولا دبع نب دمحم خٌشلا دض ةفثكم تاٌاعد - 29

ًنامعنلا

(dacaayaad culus oo sh Maxamed c/wahaab ka

dhan ah)

يرسترملأا اللّ ءانث ثدحملا خٌشلا

279

: ةٌباهولا ةكرحلا ىلع ةرظن

(jalleecid ku saabsan dhaqdhaqaaqa wahaabiyada)

يرسترملأا اللّ ءانث ثدحملا : ةٌدجنلا ةفحتلا - 31

(hadyad reer najdi ku saabsan)

فسوٌ دمحم

: باهولا دبع نب دمحم خٌشلا ةوعد لوح ترٌثأ ًتهلا تاهبشلا

1 Inkastoo kitaabkani yahay mid masaail cilmi ah gorfeynaya haddana sababta loo qoray

waxay ahayd jawaab ku socotay mid ka mid ahaa kuwii ugu darnaa ee been abuurka sheekha

ka faafinayey waa Axmed zayni Daxlaan, sidaa darteed waxaan oran karnaa kitaabku waa

difaac la difaacayo dacwadii xaqa ahayd iyo dadkii ku baaqayey ee sheekh muxammad bin

c/wahaab ugu horreeyo.

25

26

30

32

يونزغلا لٌعامسإ دمحم

يركانوجلا مٌهاربإ دمحم

280

: ةٌدجنلا ةفحتلا

: يدهمحم راصنأ

33

34

(taageerayaasha muxammad)

يرناكوجلا مٌهاربإ دمحم : يدمحم تاءارب - 35

(beri-ahaanshaha muxammad) labadan kitaab ee

danbe af-urduu ayey ku qoran yihiin).

يونزغلا دواد دمحم : دجن ةفحت - 36

مٌهاربإ دمحم : ناطٌشلا نرق هنم علطٌ ًتلا ًه خٌشلا دجن نأ ةٌرف نع باوج - 37

يركانوجلا

Waa jawaab ku saabsan: beenta ah in najdida sheekhu

tahay midda uu geeska shaydaan kasoo baxayo.

ةراقلا هبش ًف اهٌضراعمو اهٌدٌؤم نٌب باهولا دبع نب دمحم ماملإا ةوعد - 38

لٌلجلا دبع نب مركملا وبأ : ةٌدنهلا

(dacwada imam muxammad bin c/wahaab dadka

taageersan iyo kuwa kasoo horjeeda ee qaaradda

hindiya)

ةلودلاو باهولا دبع نب دمحم ماملإا ةوعد نم مهفقومو ثٌدحلا لهأ ءاملع - 39

مركملا وبأ : ةٌدوعسلا

(culimada ahlu-xadiiska iyo halka ay ka

taaganyihiin dacwadii imam muxammad bin

c/wahaab iyo dawladda sacuudiga).

Culimadaasi waa reer Hindiya.

caalimkanina waa reer

-نٌمأ

دمحم ظفاحلا : لصٌفلا لوقلا - 40

Bangaladesh

ناطلس دمحم ةملاعلا : نامٌلإاو رفكلاو ةعدبلاو ةهنسلا ًف نامثلا لئاسملا ةبوجأ - 41

ًموصعملا

(waa jawaabo siddeed ah oo ku saabsan sunnada,

bidcada, gaalnimada iyo iimaanka, sidoo kale wuxuu

kaga jawaabayey dacaayado laga faafiyey sheekh

muxammad iyo dadka raacsan). caalimkani wuxuu kasoo

jeedaa dalalka Uzbakistan iyo Dajikistaan midkood,

wuxuu ka mid ahaa culimada geyigaa ugu cilmi badan,

ugu danbayntii markii midawga soofiyeeti dalalkaa

qabsaday wuxuu soo degay Maka oo uu ku dhintay, Alle

ha u naxariisto.

: باهولا دبع نب دمحم خٌشلا ةوعدب اٌسٌنودنا ًف ةٌحلاصلإا تاوعدلا رثأت - 42

اللّ دبع جٌجن

(sida baaqyada samadoonka ah ee indonisia ka jiraa ugu

saamoobeen baaqii sheekh muxammad) qoraagu waa

induniisi.

دبع نب دمحم خٌشلا ةوعدب دنلاٌات ًف ةٌملاسلإا ةٌحلاصلإا تاوعدلا رثأت -

qoraagu waa reer Thailand, . دمحأ لٌعامسإ : باهولا

kitaabkanina kii hore ayey isku mawduuc yihiin.

Culimadii Afrikada kale ee aan Masar ahayn.

ًماجلا ًلع نب نامأ دمحم خٌشلا : اهخٌراتو ةٌملاسلإا ةدٌقعلا - 44

Qoraaga kitaabkani waa sheekh Oromo ah oo wax ka

dhigi jiray jaamicadda islaamiga ah ee Madiina iyo

Masjidka nabiga sallalaahu calayhi wasallama.

يراصنلأا لٌعامسإ خٌشلا : ةٌملعلا هراثآو باهولا دبع نب دمحم خٌشلا ةاٌح - 45

Sheekhani wuxuu kasoo jeedaa galbeedka afrika, gaar

ahaan dalka Maali.

. ةرقنلا ًماهتلا روتكدلا : دٌحوتلا ىلإ هتوعدو باهولا دبع نب دهمحم

Qoraagani waa reer Tuunis.

281

43

46

Sidoo kale reer Jazaair qoraallo badan ayey ka

sameeyeen dacwadii sheekha, sida sheekh Muxammad

Bashiir Alibraahiimi iyo sheekh C/xamiid ibnu Baadiis,

hadalladoodana waxaad ka helaysaa labada kitaab ee

isku magaca ah ee lagu uruuriyey warqadihii ay qori

jireen. Waa:

ًمٌهاربلإا رٌشب دمحم راثآ

Culimadii jaziiradda Carbeed:

282

iyo

،سٌداب نبا راثآ

دلقم نب حاتفلا دبع : اٌقٌرفأ برغ ًف باهولا دبع نب دمحم خٌشلا ةوعد رثأ - 47

(saamaynta baaqii sheekh maxamed c/wahaab ًمٌنغلا

ku lahaa galbeedka afrika). Qoraagu waa yamani

ًنمٌ ملاعل : باهولا دبع نب دمحم خٌشلا دٌٌأت ًف ةلاسر - 48

(waa kitaab lagu taageerao sheekh maxamed c/wahaab

balse aan la helin magacii qoraaga, balse yemani ahaa).

ًئاسحلإا ماهنغ نب نٌسح : ماهفلأاو راكفلأا ةضور - 49

(qoraaga kitaabkani waa ardaygii sheekha,

caalim reer Ixsaa ah ayuu ahaa, kitaabkiisu waa

midka marjica koowaad u ah taariikhda

Dacwada)

: رشب نبا : دجن خٌرات - 50

(qoraagani wuxuu ka mid yahay jiilkii ka aflaxay ardaydii

sheekha, kitaabkiisu waa marjica labaad ee taariikhdii

dacwada).

نامحس نب نامٌلس ةملاعلا خٌهشلا

: دجن خٌرات ةهمتت

نب رصان نب دمح خٌشلا : باهولا دبع نب دهمحم خٌهشلا دقتعم ًف باذعلا هكاوفلا - 52

رمعم لأ نامثع

51

دبع ملاسلإا خٌش ةملاعلا فٌلأت : هترٌسو هتوعد باهولا دبع نب دهمحم ماملإا - 53

زاب نب اللّ دبع نب زٌزعلا

نب نسحملا دبع

: ةملاعلا

: فٌلاهتلا ًف باهولا دبع نب دهمحم ملاسلإا خٌش جهنم - 54

داهبعلا دمح

نازوفلا نازوف نب حلاص خٌشلا

: نٌدهدجملا ملاعأ نم

لآ حلاص خٌشلا : ةنهسلاو باتكلا ىلع باهولا دبع نب دهمحم خٌهشلا ةوعد دامتعإ - 56

خٌشلا

55

روتكدلا : ًملاسلإا ملاعلا ًف اهرثأو ةٌفلسلا باهولا دبع نب دمحم خٌشلا ةدٌقع - 57

دوبعلا حلاص

نٌمٌثعلا اللّ دبع روتكدلا

: هركفو هتاٌح باهولا دبع نب دهمحم خٌهشلا

283

58

نب زٌزعلا دبع روتكهدلا : باهولا دبع نب دهمحم خٌهشلا ةوعدل نٌئوانملا يواعد - 59

فٌطهللا دبعلا دهمحم

دهمحم نب دٌز : باهولا دبع نب دهمحم دهدجملا ةدٌقع حرش باطتسملا هًنجلا فطق - 60

هًلخدملا يداه نب

نب نمحرلا دبع : باهولا دبع نب دهمحم ماملإا ةوعد حاجن بابسأ ًف باطتسملا - 61

ةمحرلا فسوٌ

ناهطقلا دمحأ

لقعلا مٌركلا دبع نب رصان روتكهدلا

: ةلوهدلاو ةوعهدلا

ةٌدوعهسلا

-بٌبهضلا

دهمحم دمحأ

يرثهشلا رصان دهمحم روتكهدلا

ًنارههزلا دمحأ نب دلاخ

ع هوطملا دمحم نب اللّ دبع روتكدلا

: ةٌباهو لا ةٌملاسإ

62

: ) باهولا دبع نب دهمحم خهشلا(

دٌحوهتلا مامإ - 63

تٌوكلا-نٌهزلا

دهمحمو

: باهولا دبع نب دهمحم خٌهشلا راثآ

: ةٌبرعلا ةرٌزجلا ًف ةٌحلاصلإا ةوعهدلا

: ملاهسلا هٌلع تٌبلا لآو باهولا دبع نب دهمحم

: دجن دلاب ًف ةٌحلاصلإا ةوعدلا

نب دمحم روتكهدلا : اهرثأ ،اهؤدابم ،اهخٌرات باهولا دبع نب دهمحم خٌهشلا ةوعد - 68

ناملهسلا اللّ دبع

ناملسلا اللّ دبع نب دمحم

باهولا دبع نب دهمحم خٌهشلا ةوعد ةقٌقح

64

65

66

67

69

روتكهدلا : ةٌقارشتسلإا ةٌوهرلا ًف هتوعدو هتاٌح باهولا دبع نب دهمحم خٌهشلا - 70

مٌوهتلا اللّ دبع نب رصان

رعٌوهشلا دعس نب دهمحم روتكهدلا

: ةٌباهولا لوح ًخٌرات أطخ حٌحصت

71

دٌدجلا رصان نب دهف : دٌحوهتلا ةٌار تلعو

حلاص : باهولا دبع نب دهمحم ماملإا حلصملا ةوعد نع تاهبهشلاو بٌذاكلأا فشك - 73

خٌهشلا لآ دهمحم نب نٌهدلا

دمحأ نب دومح روتكدلا : ةٌدوعهسلا ةهٌبرعلا ةكلمملا دٌحوت ًف ةٌفلسلا ةوعهدلا رثأ - 74

ًلٌحهرلا

نمحرلا دبع:

باهولا دبع نب دهمحم خٌهشلا ةوعد نم ةدمتسملا ةٌوبرهتلا بٌلاسلأا - 75

ًنٌرعلا ًلع نب

باهولا دبع روتكهدلا : باهولا دبع نب دهمحم خٌهشلا دنع ًهقفلا رٌكفتلا صئاصخ - 76

نامٌلس وبأ مٌهاربإ نب

284

72

دبع نب حلاص : ةنهسلاو باتكلا ىلع باهولا دبع نب دهمحم خٌهشلا ةوعد دامتعإ - 77

مرطلأا نمحهرلا

نٌصحلا زٌزعلا دبع نب دمحأ : روصعلا هلكل ةوعدو رٌمأو مامإ - 78

زٌزعلا دبع نب دمحأ : ةٌباهو لا ةٌفلس باهولا دبع نب دهمحم ماملإا ةوعد - 79

نٌصحلا

دبع نب نامٌلس روتكهدلا : هتوعد ةقٌقحو باهولا دبع نب دهمحم خٌهشلا ةاٌح - 80

لٌقحلا نمحهرلا

ًسرافلا نامثع مٌهاربإ

باهولادبع نب دمحم خٌشلا ةوعد فادهأ

Intaasi waa qayb yar oo tusaale u ah kutubtii

lagaga taariikheeyey Sheekh Muxammad

C/wahaab iyo dhinacyadii halgankiisa iyo mirihii

laga gurtayba, iyadoo culimada kutubtaa qortay ay

kala joogeen mashriq iyo maqrib, waxaan

rajaynaynaa inuu raad raaco qofkii xaqdoon ahi.

81

Tixraacyada

Quraanka iyo culuumtiisa:

1- Alqur'aan Alkariim

2- Tafsiir Alqur'aan Alcadiim: Imaam Ismaaciil bin

Kathiir

3- Ruux Al-macaani: Nucmaan Al-aaluusi

4- Alfawz Alkabiir: Axmed Aldahlawi

Axaadiista iyo sharraxyadeeda:

5- Saxiix Albukhaari: imaam Muxammad bin

Ismaaciil Albukhaari

6- Saxiix Almuslim: Imaam Muslim bin Xajaaj

7- Alsunan: imaam Abuu Daauud suleymaan bin

Ashcath Alsijistaani

8- Aljaamic: imaam Muxammad bin ciisaa Altirmidi

9- Alsunan: Imaam Axmed bin Shucayb alnasaa'i

10- Al-Musnad : Imaam Axmed bin Muxammad bin

Xanbal

11- Almusnad: imaam Abuu yaclaa

12- Almustadrak: Imaam Abuu c/laahi Alxaakim

13- Saxiix: Imaam ibnu Xibbaan

14- Aldalaail Alnubuwah: Imaam Albayhaqi

15- Fatxul baari sharxu saxiix albukhaari: Xaafid

ibnu Xajar Alcasqalaani

16- Sharraxa muslim: imaam Abu zakariya Yaxya

bin Sharaf Alnawawi

17- Cawn Almacbuud sharxu abii daauud:

Shamsulxaq Alcadiim aabaadi

18- Tuxfatu Al-axwadi sharxu sunan Altirmidi:

sheekh C/raxmaan Almubaarakfuuri

19- Silsilatu alaxaadiis alsaxiixa: Sh. Muxammad

Naasirudiin Al-albaani

285

20- Silsilatu al-axaadiis aldaciifa: Sh Albaani

21- Saxiix Aljaamic Alsaqiir: Sh Albaani

Axkaam:

22- Al-umm: Imaam Muxammad bin Idriis

Alshaafici

23- Axkaam Aljanaaiz: Sh Albaani

Siiro iyo Taariikh:

24- Siyar Al-aclaam Alnubala: imaam Dahabi 1

25- Albidaaya wa nihaaya: Imaam ibnu Kathiir

26- Siiratu ibni Hishaam: ibnu Hishaam

27- Alsiira alnabawiya: Imaam ibnu Kathiir

28- Almadkhal ilaa mad-habi imaam Axmed:

Sheekh ibnu Badraan.

29- Al-aclaam: Kheyrudiin Alzirikli

Fataawaa, Caqiido iyo kutub sheekha laga qoray:

30- Majmuuc Alfataawaa: Imaam ibnu Taymiya

31- Taqwiyatu Al-iimaan: sh Ismaaciil Aldahlawi

32- Rawdatu Al-afkaar: Xuseyn bin Qannaam

33- Cinwaan Almajdi: Ibnu Bishri

34- Aldurar Alsaniya fil ajwibati Alnajdiya:

C/raxmaan bin Muxammad bin Qaasim

35- Alrasaail wal masaail Alnajdiya: culimo reer

Najdi ah

36- Majmuuc mu'allafaat Alsheekh: reer Najdi ah

37- Sheekh muxammad bin c/wahaab muslixun

madluumun wa muftaraa calayhi: Sheekh

Mascuud Caalim Aldanawi

38- Siyaanatu Al-insaan can waswasati Daxlaan.

Sheekh Muxammad Bashiir Alsahsawaani

39- Culamaau Alnajdi: C/laahi Albassaam

1 Nuskhada Maxamuud Shaakir

286

40- Sheekh Muxammad bin C/wahaab xayaatuhu

wa fikruhu: Dr C/laahi Alcuthaymiin.

41- Caqiidatu Alsheekh muxammad bin

c/wahaab Alsalafiyah: Dr Saalix Alcabuud

42- Sheekh Muxammad bin C/wahaab: Sheekh

Axmed bin Xajar Aalabuutaami

43- Almustadaab fii asbaabi najaaxi dacwati

sheekh Muxammad bin C/wahaab: C/raxmaan

yuusuf Alraxma

44- Dacaawaa almunaawi'iin li-dacwati sheekh

Muxammad bin C/wahaab: Dr C/caziiz

Aalacabdilladiif (badanaa hadallada mucaaradka

iyo kutubtoodaba isaga ayaan ka xigtay).

45- Aldacwa al-islaaxiya fii bilaadi alnajdi: sh

C/laahi bin muxammad Almudawac

46- Alqubuuriya: sheekh Axmed bin Xasan

Almucallim

47- Altawasul xukmuhu wa aqsaamuhu: Cali bin

xuseyn Abuu Lawz

48- Taariikhda buunigii mujtahidka ahaa xaaji Cali

C/raxmaan fiqi: Aw Jaamac Cumar Ciise.

287

Tusmada

Gogoldhig 3-6

Qaybta koowaad: 7-15

Qoyskii sheekha, dhalashadiisii iyo barbaariddiisii 8-9

Safarradiisii waxbarasho iyo culimadii uu cilmiga ka

qaatay 9-14

Kusoo noqoshadiisii deegaankiisa 14-15

Qaybta labaad: 16-28

Sababihii halganka 17-23

Bilawgii halganka 24

Ka bixiddii Xureymala 24

Degiddii Cuyeyna 25-27

Ka bixiddii Cuyeyna 28

Qaybta saddexaad: 29-59

Imaanshihii Dirciya 30-32

Heshiiskii taariikhiga ahaa 33-34

Qoomamayntii ibnu Macmar 35

Baaqii sheekha 36-39

Caqiidadii sheekha 40-49

Axkaamta gaalaysiinta 49-56

Warqad ku socota kooxaha takfiirka ah 57-59

Qaybta Afaraad: 60-98

Caqiido xumadii baahsanayd 61-63

Shirkiga iyo sababihii keenay 64

Qabuuraha iyo kaalintii ay shirkiga ku lahaayeen:

65

Waxyaabaha qabuuraha ka reebban 66-73

288

Sidee saxaabadu ula dhaqmi jireen qabriga nabiga iyo

qabuurihii kale ee madiina ku yiillay? 73-75

Bilawgii qubuuriyiinta ee ummaddan! 76-80

Sidii qubuuraha loogu fitnaysnaa xilligii sheekhu soo

baxay 80-92

Burburinta qabuuraha iyo arrin muhiim ah marka

qabuuro dhisan la burburinayo: 93-98

Qaybta shanaad: 99-171

(Marxaladihii halganka iyo mirihiisii)

Marxaladihii halganka: 100-105

Mirihii halganka 106

Kutubtii sheekhu qoray 106-109

Qayb ka mid ah warqadihii uu diray 110-117

Ardaydiisii iyo awlaaddiisii 118-119

Dawladihii sacuudiga:1aad, 2aad iyo 3aad 120-153

Dawladdii sacuudiga ee koowaad 121-137

Geeridii sheekh Muxammad! 125

Dawladdii sacuudiga ee labaad 138-143

Warbixin ku saabsan Dawladdii rashiidiyiinta 144-146

Dawladdii sacuudiga ee saddexaad 147-153

Raadkii uu ku yeeshay dibadda jaziiradda (Yaman,

Masar, Hindiya, Induniisiya, Galbeedka Afrika,

Shaam iyo Ciraaq, Jazaair iyo Soomaaliya)154-171

Qaybta lixaad:

Sababihii sheekha guuleeyey 172-190

Qaybta todobaad:

Dadkii ka horyimid noocyadoodii, dacaayadahoodii iyo

shubhooyinkoodii: 191-273

Dadkii ka horyimid iyo noocyadoodii 191-194

Dacaayadahoodii iyo jawaabihii laga bixiyey 194-215

289

Dacaayaddii koowaad: Nabinimo ayuu sheegtay,

nabigana wuu liidaa! 195-202

Dacaayaddii labaad:mujassim ayuu ahaa: 203-207

Dacaayaddii saddexaad: karaamooyinka awliyada ma

ogola! 208-215

Shubhooyinka: 216-273

Shubhada koowaad:Gaalaysiinta iyo dagaalka:216-251

Sheekhu dawladdii Turkiga miyuu ku baxay? 252-258

Shubhada labaad:tawasulka ayuu diiday! 259-267

Shubhada saddexaad: shafeecaysiga nabiga ayuu diiday

268-270

Shubhada afaraad: Siyaarada ma ogola! Qubuuraha

dadka wanaagsanna wuu liidaa!! 271-273

Qaybta siddeedaad: Culimadii taageertay iyo

kutubtii lagaga taariikheeyey 274-284

Tixraacyada 285-287

Tusmada: 288-290

290

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!