18.09.2013 Views

Kannibalkvinden Somaliske eventyr og fabler - Silkeborg Bibliotekerne

Kannibalkvinden Somaliske eventyr og fabler - Silkeborg Bibliotekerne

Kannibalkvinden Somaliske eventyr og fabler - Silkeborg Bibliotekerne

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

Qayb-Libaax (Løvens part)

Qoraalkii Abdulkhaliq Shikh-Osman

Beri baa Libaax, Dacawo, goray, Dhurwaa iyo bakayle ayaa geel wada lahaa. Dacawada,

Gorayga, Dhurwaaga iyo bakaylaa maalinba midbaa geela raaca ama labaa wadda raaca.

Libaaxunna wuu iska Joogaa waayo isagu waa boqorkii.

Maalintii danbe, "waxa wada raacay geelii, dacawadii iyo goraygii markaasay tidhi

dacawadii ama xabag inoo doon ama geela la sii joog".

"Geelaan la sii joogayaa " goraygii.

Dacawadii ayaa xabagtii doontay, markaasay laba dhagax xabag korkooda u soo marisay.

"Hoo xabagtan liq", dacawadii ayaa tidhi.

Markaasuu liqay goraygii oo uu ku margaday, cunnahana u fadhiisatay.

"Geela soo kaxee oo ku soo hees", tidhi dacawadii.

"Wuu-uu-uu-mn" goray oo codkii ka soo bixiwaayey.

"Gorayow geela ha didin", dacawaa tidhi.

Markay yimaadeen gurigii ayey libaaxii u sheegtay oo tidhi maantoo dhan goraygu geeluu

didinayey.

"Maxaa kugu dhacay ee aad geela u didinaysaa?

Libaaxii ayaa waydiiyay.

"Wuu-uu-uu-mn", goray.

"Ogaan ayuu kuu diidayaa", dacawo.

Libaaxii goraygii ayuu ku soo booday uu dilay.

Maalintii labaad, bakayle iyo dawoco ayaa geelii wada raacay. Hadhkii markay ahayd ay

gaajootay oo ay cano libaax xasaystay dhantay. Markay dhamaysay ayey labeentii caanaha

soo qaaday, sidii wax la cayaaraya ayey bakaylihii labeentii afka u marmarisay.

"Caanahaygii yaa dhamay?" yidhi libaaxii.

"Bakaylaa afka labeen ku leh oo dhamay", ku jawaabtay dacawadii.

Bakaylihiina libaaxii ayaa dilay.

Maalintii danbe ayuu libaaxii hal dilay, markaasuu habar - dugaag oo dhan isugu yeedhay.

"Inoo qaybiya hilibkan oo waraabow qaybi", yidhi libaaxii.

www.silkeborgbibliotekerne.dk/børn+og+unge/somaliske+fabler 14

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!