Daraasad-Cimilo-Awaal - Heinrich Böll Foundation
Daraasad-Cimilo-Awaal - Heinrich Böll Foundation
Daraasad-Cimilo-Awaal - Heinrich Böll Foundation
Create successful ePaper yourself
Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.
Arrinka ku saabsan geedka uu Major Swayne ku tilmaamey Qansax ee 3-da fuudh

(1 mitir) jooggiisu yahay waa arrin madax-daalis ah. Maxaa yeelay, geedkaas hadda

laguma arki karo dhul ka ag dhow Berbera. Kooxdii ku howllanayd aqoon-baadhistani

waxa ay isku dayeen in ay ka sal-gaadhaan warkaas uu sheegay Swayne – iyaga oo

barbar dhigaaya xogo ay ka raadiyeen duqey (odeyaal) degaankaas ku nool. Ha

yeeshee, erey-celintoodi waxa ay noqotay inaaney arag, war iyo wacaaltoona u lahayn

in geedkaasi ka baxo ama ka bixi jiray degaanka ku hareeraysan Berbera. Daba-gal

dheeraad ah oo ay kooxdii daraasadda wadday samaysay waxa ay ku ogaadeen in

meesha Berbera ugu dhow ee laga heli karo geedka Qansaxu ay tahay 30-40 kiilo mitir.

Waxa kale oo la yaab ku noqotay kooxdii daraasadda samaynaysay in ay geed lebi ah

(Delonix elata) ku arkeen meel u dhow gumburta Jiifto (eeg muuqaalka # 8), geedkaas

oo ka kor mudhay dhirta hambadhsan (dhulka ku dhegsan) ee xeebta. Geedkaasi

keligii ayuu taagnaa, waxana ka muuqatay garaacid badan, iyo laamihiisii oo dhulka

goglan oo loo garaacay riyo. Geedkan waxa lagu yaqaanna qoriga ugu wanaagsan

ee kooraha geela laga sameeyo , ayaan-darro se waxa ay tahay in geedkani ku jiro

kuwa sii dabar go’aaya, iyadoo aan badi la arkin geed yar oo soo baxaya. Tanina waxa

ay muujinaysaa adeegsigiisa ballaadhan marka la barbar dhigo kasoo-kabashadiisa.

Arkitaanka (aragga) geedkaasi waxa uu kooxdii baadhitaanka samaynaysay ku

noqday arrin fi lan-waa’ ah; maxaa yeelay, geedkan waxa lagu yaqaannaa in uu ka baxo

buuraha Golis guntooda dhinca waqooyi uga foorara. Helitaanka geedkani laga helay

goob aan lagu aqoon ama aan laga fi sheen ayaa loo fasiran karaa in uu saameeyey

adeegsi ballaadhani oo sabab u noqday dhifnimadiisa. Waxa kale oo lagu fasiri karaa

in doorsoon cimilo uu meesha ka saaray, isla markaana u riixay dhul ka joog sarreeya

oo ka roob badan halkan uu geedkani keligii taagan yahay. Diirranaanta cimilo badiba

waxa ay dhirta qaarkood ku xambaartaan in ay u guuraan dhul ka joog sarreeye . Si

la mid ah, waxa laga yaabaa in arrinkan oo kale saameeyey dhirtii Qansaxa ahayd (ee

uu Major Swayne ku sheegay xeebta u dhow Berbera), oo iyana ay u guureen dhulka

joogga sare leh, ee cimiladeedu ka qabowdahay, kana roobka badan tahay xeebta

hoose. Haddaba waxa la is weydiin karaa, marka la eego dhirtan sii dhimanaysa ee

lagaga faalloonayo aqoon-baadhistani in ay u ban-dhigan tahay saansaan la mid ah

waxa helay labadaaas geed: Qansaxa iyo Lebiga ee ka saaray hoy-degaankoodii hore

ee Berbera u dhowaa.

1.4. Cidda Adeegsata Dhul-daaqsimeedka iyo Kheyraadka

Xeebta

Si ka duwan magaalooyinka ka jira gudaha dalka, magaalo-xeebeedyada ay ka

mid yihiin Berbera, Bullaxaar iyo Saylac, oo soo jiray sooyaal aad u fog, dhulka ka

durugsan xeebtu waa uu ka madhnaa tuulooyin iyo magaalooyin. Waxana uu ahaa

dhul-daaqsimeed hodon ah oo ku ceeryoonsan kala-duwanaansho noole (duur-joog,

xayawaanno kale iyo dhiroonba). Xoolo-dhaqatadu waxa ay guur-guuri jireen (sida ay

maanta u dhaqmaan oo kale) dhulkaas ballaadhan, iyaga oo watta xoolahooda (adhi,

riyo, lo’ iyo geel), iyaga oo raadsanaaya kolba meeshii cosob/ugbaad iyo biyo leh.

Sidaas marka ay yeelayeen, waxa ay kaloo ka fal-celinayeen saansaanka cimilo kolba

Candlelight

Case Study

47

CIMILO-AWAAL

Daraasado ku Saabsan Doorsoonka Cimilada