26.07.2014 Views

Puntland:-Ma U Baahan Nahay Sirdoon? - Somali Talk

Puntland:-Ma U Baahan Nahay Sirdoon? - Somali Talk

Puntland:-Ma U Baahan Nahay Sirdoon? - Somali Talk

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII 2 JEER LAGU DAABACO MADBACADDA HORYAAL BOSASO

ILAYSOmar Said

OUR SERVICE

INTERNET

GSM

Ilaysnews Editor

Omar Siciid Moh’ed

E:-isse80@gmail.com

Ilays designer

moh’ed

ARBACA,3,JUNE 2009, Caddadkii 36aad , Tell:-712246/66712246 Email:-ilaysnewspaper1@gmail.com Q:-6000 Ssh

OUR SERVICE

SMS MASSAGE

E-ADEEG

FAALADA WARGAYSKA/TIFAFTIRAHA

Puntland:-Ma U Baahan Nahay Sirdoon?

EEG BOGGA 2AAD

Shirkada Africa Oil oo

Heshiis ku saabsan

Sahaminta Dooxada

Nugaal iyo Dharoor

la gashay Shirkadda

Raytec Metals...

EEG BOGGA 4AAD

Dagaalada Muqdisho,

Goobaha Lakala Qabsaday

Iyo Khasaaraha

ka dhashay

EEG BOGGA 3AAD

Dhambaalkii Mandela U Diray

SH.Sharif & Dr.Cumar Iimaan!

EEG BOGGA 3AAD

DAGAAL DIIMEEDKA

(WAAYIHII HORE)

EEG BOGGA 5AAD

Maydad Burcad-Badeed, Maamulka Puntland

Lagu Wareejiyay iyo Duqa Degmada Bosaso Oo

Sheegay Inaysan Aqbalayn Mayd Dambe

EEG BOGGA 2AAD

Cumar Xaashi Oo Galay

Gudaha Baladweyne

EEG BOGGA 2AAD

EEG BOGGA 5AAD

100-kii Maalmood ee ugu

Horeeyay Xafiiska

Madaxweyne Cabdiraxmaan

EEG BOGGA 4AAD

2 ILAYS NEWSPAPER/WARARKA ARBACA 3 JUNE 2009

FAALADA WARGAYSKA/TIFAFTIRAHA

Puntland:-Ma U Baahan

Nahay Sirdoon?

Puntland waa Dawlad Goboled ka

tirsan Soomaaliya, sidaas darteed

ayaa laga warhayaa xaa;adda

maanta Soomaaliya ku sugan tahay

marka dhinacyo badan laga eego,

way muuqataa inaan Puntland lahayn

hay’ad Sirdoon oo si quman ula

socota waxyaabaha jira .

Marka laga hadlo Sirdoon waxay

dadka qaarkii soo xusuusanayan

Dawladii Kacaanka ahayd, waxay

Sirdoon u yaqaana koox dadka

xirxirta, cadaadisa , warka shakhsiyaadka

daba gasha, Ma ahan sidaas

Sirdoonku.

In badan dadka Soomalaida ah

waxay isku qaldan Sirdoon iyo Jaasuus.

Runtii waa kala macne labadan

shaqo. Mid waa midka dalkiisa iyo

dadkiisa xogtooda siiya dad kale,

kaas dawladaha reer galbeedku

xataa iyagoon Maxkamad keenin

ayey khaarijiyaan. Laakiin Sirdoonku

waa ka duwan yahay ninka ama kooxda

caynkaas ku shaqaysata. Waa

ilaaliyayasha danta qaranka, waxay

ka hortagaan wax kasta oo cadawgu

la maagan yahay dalkaas.

Hadaynu u soo noqon Dawlad Goboleedka

Puntland ma lahan hay’ad

Sirdoon oo si quman u shaqaysa,

waxa jirtay koox lagu magacaabi

jiray sirdoonka Puntland , dhowaan

ayaa waxa kala diray Madaxweynaha

Puntland si dib u habayn

loogu sameeyo, waxaa kaloo jira

koox lagu magacaabo PIS oo iyagu

aan u dhaqmin sida waardoon Dawladda

Puntland hoos yimaada lana

oran karo waa Jawaasiis dalka u

shaqeeya, kooxdan ayaan xataa

wax ka aqoon qaabka sirdoonka,

waxay caan ku yihiin inay dadka

muwaadiniinta ee reer Puntland argagax

geliyaan, calamka sirdoon

baabuurta dagaalka wata lama arag.

Weli waxaa Maskaxdeena ka guuxay

Ciidankii Nabad Sugida Soomaaliyeed

(NSS-tii) oo qaarkeen nacayb

xoog weyn u hayaan, waayo waxay

kooxdani garab martay dantiii loo

asaasay, iyagoo ku soo hoos noqday

dadka Somaliyeed, weli waxaa la

xasuustaa tacadiyadii ay gaysteen,

taas ayaa sababaysa in marka la

maqlo sirdoon six un loo arko. Waxaa

haboon in la ogaado inaan

Qaran laguha isku taagi karin ilaa la

helo haya’d Sirdoon oo ummadaas

si daacad ah ugu shaqaysa.

Way muuqaata in Puntland ka dayacan

tahay dhinaca Sirdoonka, sidaa

darteed waxaa xilku saran yahay

Xukuumadda oo laga doonayo inay

kaalintaas buuxiso, waxaa maalmahan

muuqanaya in arrimaha Puntland

ay gacmaha kula jiraan kooxo

sirdoon oo jihooyin kala duwan ah.

Aan isku aragti ahayn balse doonayo

in awood ahaan la wiiqo Puntland,

sirdoonka ayaa dhex maquuraya

laamaha dawladda , waxaa socday

dacaayado ku lid ah hawlaha Puntland

doonayso inay ka mira dhaliso.

waana waajib dhamaanteen

ina wada saran inaan u toog hayno

waxyaabaha lagu marin habaabinayo

dadkeena. Dawladda waxaa

saran in ay dhisto hawlwadeeno u

heelana Sirdoonka Puntland .

Cumar Xaashi Oo Galay

Gudaha Baladweyne

Wasiirka Amniga ee dowladda

Somaliya Cumar Xaashi Aaden

iyo Saraakiil uu hoggaaminayo oo

ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa

galay gudaha magaaladaasi, sida ay

sheegayaan Warar Madax banaan

oo ka soo baxaya magaaladaasi.

Cumar Xaashi Aaden, C/kariim Faarax

Laqanyo & Yuusuf Axmed

Hagar (Dabageed) waxay ka tirsan

kooxda uu Madaxweyne Sheekha

shariif Madaxda ka yahay ee dagaalka

kula jirta A-shabaa iyo xuisbul

Islaam,waxayna doonayaan in

ay dadweynaha gobalkaasi ay ka

dhaadhiciyaan waxyaabaha ay doonayaan.

Cumar Xaashi ayaa hub iyo Saanada

ka soo qaatay ethipai,isagoo hore

ugu eedeeyay Madaxweynihii ee somalia

C/laahi Yuusufu in uu ethiopia

tegay, khiyaamo qarana lagu oogo.

Maydad Burcad-Badeed Somaliya Oo Puntland

Lagu Wareejiyay iyo Duqa Degmada Bosaso Oo Ku

Hanjabay Inaysan Aqbalayn Mayd Dambe

Weriyaaysha/Ilays

Ciidanka badda ee Wadanka Faransiiska

ayaa laba meyd ah iyo

laba nool oo Burcad-Badeed somaliyeed

ku wareejiyay Maamul goboleedka

puntland 01, June, 2009.

Ciidamada Ilaalada Xeebaha Puntland

oo wata doonyo yar yar ayaa

meel 18 km u jirta Dekeda Bosaso

ugu tegay Markabaka faransiiska,

kalana soo wareegay Maydkii iyo labadii

nine e kale ee noolaa.

Maydkan oo lagu soo duubay Bac

madow ayaa laga soo dejiyay Dekeda

Bosaso, waxaana lagu wareejiyay

dowlada Hoose ee Bosaso, oo

markii Dambe aastay.

Wasiirka Amniga puntland C/laahi Siciid

Samatar oo warbixin kooban ka

bixiyay Burcada Nool iyo kuwa dhintay

ayaa yiri” ciidamada Faransiiska

ayaa nala soo xiriiray, waxayna noo

sheegeen in ay wadaan Burcadbadee

somaliyeed, qaar Mayd yihiin,

qaarna noolyihiin, Burcaddu waxay

ka koobnayd 8 nin, Afar ka mid waa

la dhaawacay waxaana la geeyay

Dalka Jabuuti, oo lagu daaweeynayo,

laguna xiray, Labo Mayd ah

iyo Noolna annaga ayaa lanuku soo

wareejiayay”

Mar uu ka warmayay wasiirku, cidda

dishay ragan somaliyeed iyo meesha

lagu dilay waxaa yiri’’ sida ku cad

warbixin uu Faransiiku nagu wareejiyay,

Ciidamada India eek u sugan

Gacanka Cadmeed ayaa laayey ragan,

kuwa dhaawacay, qaarna maxaabiis

ahaa u qabtay, Badda ayayna

kaga tageen, Ciidamada Faransiiska

ayaa dhaawacii, jabuuti geeyay,

maydkii iyo burcadii noolaydna punland

ku soo wareejiyay”

Wasiirka Arimaha Amniga ee puntland

C/laahi Siciid Samatar waxaa

uu intaa ku daray” Markasta waanu

uga dignaa dhalinyarada in ay

ka waantoobaan falalka burcadbadeedka,

wax khayr oo ku jira ma

jiro, maalinkasta waa la laynayaa,

qaar wadamo aynaan aqoon ayaa

lagu xirxiray, marka ay Xabsigooda

oo 20 sanno ka badan ay soo

dhamaystaan waxaa lagu soo celin

doonaa guryahoodii”

Dhinaca kale, warar ayaa sheegaya

in ragan Burcaddu ay isku dayeen in

ay Toddoobaadkii Hore ay afduubtaan

markab la yiraahdo MV Maud oo

ka diwaan gashan dalka Norway, oo

marayay Gacanka Cadmeed, waxaase

badbaadiyay ciidamada

Hunuuda ee jooga Gacanka.

Warar, wargaysku uu ka helay qaar

ka tirsan Saraakiisha Ammaanka

ayaa noo sheegay in mid ka mid ah

Burcad-badeeda Nool ee la keenay

Dekedad Bosaso uu ka tirsnaan jiray

Ciidamadda Ilaalada Dekeda Bosaso,

Ma aha markii u horraysay ee Burcadbadeed

Mayd iyo kuwo noolba

lagu soo wareejiyo MGPL, ciidamada

Fransiiska iyo Maraykankan ayaa

markasta oo ay soo laayeen Burcadbadeeda

Maydadkooda ku soo wareejiya

puntland.

Dhinaca kale, Magaalada Roma

ee dalka talyaaniga waxaa ka dhici

doona shir looga hadlayo Burcadbadeeda

oo ay soo qababqaabiyeen

midowga urub.

shirkan oo lagu casuumay MGPL,

waxaa ka qaybgeli doona wasiirka

amniga C/laahi Siciid Samatar,

waxaana la filayaa in xukuumada

puntland ay hor dhigi doonto ka soo

qaybgalayaasha Barnaamijyada ee

Dowladu doonayso in ay kula dagaalanto

Burcadda.

Barnaamijyadan oo isugu jira, Wacyigelin

iyo xoog ku Muuqin wada

socda oo xukuumaddu ku doonayso

in ay ku tirtirto Burcada, waxay si

weyn uga hirgaleen Magaalooyinka

Waaweyn ee puntland.

Duqa Degmada Bosaso

Guddoomiyaha Gollaha Degaanka

Bosaso, islamarkaana ah Duqa Degmada

Bosaso Md. C/risaaq Xareed

oo u waramay Idaacada Daljirbarnaamijka

Caawa & Daljir, 01,June,

2009 ayaa sheegay in ay hore ugu

wargaliyeen maraakiibta dagaalka

ee isu-xulafaystay la dagaalama

burcad badeeda, ilaaliyana xeebaha

Somaliya in aanay meyd aanay la

socon cadaymo la xiriira cidda ay yihiin

halka ay ka yimaadeen aan loo

soo gudbin karin.

Md. Xareed waxaa uu sheegay in

maadaama ay si galdan ula wareegeen

shaqaalaha dawlada hoose

meydka 2-da nin, ay ku khasban yihiin

in ay aasaan, maadaama ay yihiin

dad Muslim ah.

“Ma naqaan cid dishay, halka lagu dilay,

waxa loo dilay, iyo cidda ay yihin

toona ...” ayaa uu yiri Md. Xareed.

Md Xareed isagoo hadalkiisa sii wata

waxaa yiri “Hore ayaan ugu sheegay

safraakiisha iyo ciidanka maraakiibta

dagaalka ee reer galbeedku in

ay soo cadeeyaan wixii maxaabiis

ama meyd burcad badeed ah oo ay

doonayaan in ay nagu soo wareejiyaan

Waa markii labaad, Md, xareed uu

sheego inaysan qabanayn Maydad

kale,hase yeeshee waxaa muuqata

in hadalkiisa cidna dheg Jalaq u siinin,

oo dowladaha reer galbeedku

aanay aqoonsanayn Duqa.

ARBACA 3 JUNE 2009 ILAYS NEWSPAPER/WARARKA 3

Dhambaalkii Mandela U Diray

SH.Sharif & Dr.Cumar Iimaan!

W.Q. Muxammad Idris Axmad

Email: dalyaqaan@yahoo.com

Waxaan kasoo noqday safar

gaaban oo aan ku booqanayey

Jaalliyadda Soomaaliyeed

ee dalka South Africa. Booqashada

iyo Arrimeheeda qorma gaara ayaan

ka diyaarshey oo aan ugu tala

galay Soomaalida adduunka kale

joogta iney fikrad guud kaga qaadato

( Soomaalida iyo South Afrika)

waayo wexey ka maqlaan oo keliya

Soomaali badan oo lagu laayo.

Laakiin qormadan waxaan ugu soo

deg degayaa, inaan ku gudbiyo farriin

ka socota Oday Afrikaan ah, Wax

diin ahna aan rumaysnayn, Misana

Wadanka Afrika ugu weyn uguna

qanisan madax ka noqday, halgan

dheerna u soo galay. Maadaama ay

tahay in xaalka hadba si lagu dayo.

Waxaan halkaan ugu soo gudbinayaa

Dhambaalka Odaygaa Afrikaanka

ah, ee Waaya aragga ah, Nelson

Mandela, Madaxweynihii Koowaad

ee Koonfur Afrika, wuxuuna u dirayaa,

Sh. Sharif Sh. Axmed, Sh.

Xasan Dahir Aweys iyo Sh. Cumar

Iimaan Abuubaker.

South Africa markaan soo gaarey

waxaan la soo kulmay Caleema saarkii

Madaxweynaha Cusub ee dalka

loo doortay Jacob Zuma, waxaanan

idaacadda ka dhegeystey khudbaddii

uu ka jeediyey madasha caleema

saarka ee magaala madaxda Pretoria,

shir aad loo agaasimay oo ay ka

qayb galeen in ka badan 40 Madaxweyne,

waxaana hadalkiisi iga raacay

(Haddaynu nahay Madow iyo

Caddaan wexeynu wadaagnaa dalkan

South Afrika, waana ineynu ka

wada shaqaynu sideynu ugu wada

noolaan lahayn nabad iyo horumar

iyo Ammaan, waxaanan ku socon

doonaa wadadii oo noo jeexay

Madaxweyne Mandela).

Nelson Mandela, wuxuu halgankii

xorriyadda u xirnaa 28 sano oo xariir

ah, waxaa dheeraa muddooyin kale

oo goos goos ah, markii uu xabsiga

ka soo baxay, uuna noqday

Madaxweynihii Madoobaa ee ugu

horreeyey ee dalka South Afrika,

wuxuu Dadkiis wadanka u badan ee

madawgaa ugu baaqay erey maah

maah iyo hal ku dheg u noqday,

ayna wax badan ku gaareen, wuxuu

ugu baaqay, ineyan isku mashquulin

wixii horay u dhacay ee midab takoorku

u geystey, iyo inaaney marna

ku mashquulin iney ka aargoostaan,

laakiin ay taariikhdaas xusuusnaadaan.

Hadalka uu shicaarka uga

dhigayna waa (Forgive but not Forget).

(Cafi laakin ha hilmaamin).

Wuxuu ninkaas gaalka ahi gartay,

aargoosigu inaanu xal noqonayn,

dadkiisuna haddeey ku jeestaan sidii

caddaanka dil iyo dhac iyo boob iyo

bililiqo loogu geeysan lahaa, inaaney

wax badanna ka helayn, dalkuna gubanayo,

caddaanka laga badan yahayna

dagaalamayo oo is difaacayo.

Dalkuna waa buuxaa oo khayraad

ayuu la ceegaagaa, maantana

madawga ayuu gacanta u soo galay,

wax ay gadaal ugu jeestaan, horana

aaney ugu soconi ma yaalaan. Waxaa

hadaladiisi ka mid ahaa:

(( Waxaa hal mar gacantayada kusoo

dhacay Dawlad Casriya oo xoog

leh iyo Nidaam Dhisan, Annagoo

Qaarna Duurka ka yimi, Qaarna

dhulka hoostiisa (Xabsiyada) waxaana

lagama maarmaan ahayd inaanu

wax wadaag ogolaanu)) Buuga

Mandela’s World – James Barber

Waxaa kaloo Siyaasaddaas deggan

ku bixiyey iney si tartiib ah dalka ula

wareegaan, dadkooduna wax ku

bartaan, kuwii horana shaqadana

kusii wadaan, nabad gelyana ku dareemaan.

Haddii Qolada Madaw ee

weligood aan Dawlad arag xafiisyada

laga buuxin lahaana hal mar ayaa

nidaamku iska dabawareegi lahaa.

Waxaa sidaas oo kale yeelay, Qolada

Shiicadaa ee reer IRAN, Khomeini

iyo wadaadadiisu wexey

Dawladda ayaamihii hore oo dhan

maamulkeeda u dhiibeen, siyaasiyiin

iyo aqoon yahanno, farsamayaqaanna

ah, waagii dambana waa

ka takhaluseen.

Waxaa Mandela lagu eedayn jirey

inuu yahay nin aan Ilaawin oo u jajaban

raggiisi lasoo halgamey ee gobanimada

dhaliyey, xitaa markii uu

madaxweynaha noqday, wuxuu si

gaara u daryeeli jirey xisbigiisa ANC,

waxaana la xusaa inuu 1998 xisbigiisa

uga waasideeyey kaalmo lacag

dhan 10 million oo $, midkiiba, Boqor

Fahadkii Sucuudiga iyo Zayidkii

Imaaraadka, si xisbigu isugu dhiso.

Dhambaalka Mandela wuxuu xambaarsanyahay,

saaxiibada Muqdisha

Maanta ku dagaalamaya, Sh.

Shariif, Sh. Xasan iyo Dr. Cumar,

waxaa mudda dheer ka dhexeysey

saaxiibtinimo iyo wax wadaag, waxaan

xusuusnahay, iyagoo saddex

kursi oo isku xiga wada fariista oo

aan la kala dhex geli Karin waqti aad

u dhow.

Laakiin si kastaba ha laysugu khilaafo

xallinta qadiyadda dalka gaar

ahaana Muqdisha,

waxaan laysku khilaafi Karin, iyana

inkiri Karin, inaan labada dhinac midna

midka kale anfin Karin, oo dhihi

Karin (maba jiro) meel uu (joogana

lama yaqaan).

Haddii caro uurka kaa buuxiso, carada

aad qabtaana dami weydo, qofka

aad u qabto keliya ma gubto ee adigana

wey ku galaafataa.

Dersiga uu Mandela fahmay waxa

weeye, dadka aan carada iyo ciilka

liqi karin, si ay nolol hor leh oo

mustaqbal leh u jeexdaan waa kuwa

ugu ayaan daran ee iyaguna is guba

kuwa kalana guba.

Nebi Yusuf Calayhi Salaam, markii

walaalihiis oo marna ceel ku riday,

marna gaday, oo ka takhalusay, uu

la kulmay asagoo awood iyo gacan

saraba ka leh, wuxuu ku yiri: (

Maanta laydin eedi maayo, Allaha

ugu Naxariis badanna ha idiin dembi

dhaafo, kaca qamiiskayga qaada,

aabahay wajigiisa saara aragu wuu

usoo noqonayaa, ehelkiinoo dhanna

ii keena).

Wixii ciil qalbigiisa ku duugnaa oo

dhan Ilaahay dartiis ayuu u liqay, cafis

iyo saamax wanaagsan ayuu ka

doortay, Ilaahayna wanaag iyo darajooyin

sare ayuu ugu abaal gudey.

Nebigeenna Calayhi Salaatu wasalaam

reerkiisa Qureyshi wexey ku

sameeyeen waxa siiradu qortay oo

cadaadis iyo camal cumo iyo dagaal

ahaa.

Maalintuu awooda hantay, ee Makka

furtay, ee dhammaantood lasoo hor

tubay, wuxuu ku yiri: Maxaad fileysaan

inaan idinku sameeyo, wexey

dheheen: (Walaal wanaagsan

ini adeer wanaagsan) wuxuu ugu

jawaabay (Dareera waxaad tihiin

kuwa la sii daayey oo aan la taabanayn).

Dagaalada Muqdisho,

Goobaha Lakala Qabsaday

Iyo Khasaarha

ka dhashay

Muqdish, 02, june, 2009

Dagaalo cuslus oo muddo saddex

Maalmood ah ka socday

Muqdisho ayaa garabyada ku dagaalamaya

halkaasi ay koox waliba

dhinaceeda waxa ay sheegatay

inay guulo dhinaca dagaalka ah

gaartay, hase yeeshee ma jiraan

warar madaxbanaan oo xaqiijinaya

sheegashada labada dhinac ee dagaalku

dhexmarayo.

Sida ay sheegayaan Wararka ka

imaanaya Muqdisho waxa uu dagaalkani

ka bilowday xaafadda

Yaaqshid halkaas oo ay Ciidamada

Dawladdu ay weerareen fadhiisin

ay lahaayeen kooxda Xisbul Islaam

oo ku yaala Saldhiga Bilayska ee

degmadaas, halkaas oo sida ay

wararku sheegeen ay Dawladdu

gacanta ku dhigtay gelinkii hore ee

maalintii Axada, kadib dagaal culus

oo hubka culus la’isku Adeegsaday,

kaas oo ku baahay Suuqa labaad ee

Magaalada Muqdisho ugu weyn ee

Suuq Bacaad, halkaasoo ay ku soo

dhacayeen madaafiicda ay labadaas

kooxood isweydaarsanayeen sida

ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Dagaalkan oo maalintiisii Saddexaad

galay ayaa waxaa ku dhintay

ilaa dhowr iyo Labaatan Qof.

dhaawacuna uu kor u dhaafay ilaa

100 qof.

Afhayeenka Xisbul Islaam Sheekh

Xasan Mahdi ayaa saxaafadda u

xaqiijiyey inay mujaahidiintoodu

la wareegeen gacan-ku-heynta

Saldhigga Bilayska ee Degmada

Yaaqshiid, waxaanu yiri “degmada

Yaaqshiid waa xasiloon tahay, haddana

waxa ku sugan Mujaahidiinta,

dadkana si caadi ah ayey u socon

karaan, una ganacsan karaan”ayuu

yiri Sheekh Xasan oo sheegay inay

saldhiggaas weerar ku soo qaadeen

sida uu u hadalka u dhigay maleeshiyooyin

ka amar qaadanayey hoggaamiye

kooxeedyadii muqdisho.

Dagaalka ayaa markale dib u qarxay

markii Miino loo dhigay Gaari ay wateen

Ciidamada Bilayska Gobolka

Banadir, waxaana ku dhintay ilaa 4

askari, tiro kalena way ku dhaawacmeen.

Wararka waxay intaas ku dareen,

in dagaaladii u dambeeyay ay ka

dhaceen Degmooyinka Dharkeenlay

iyo yaaqshid. waxaana ciidamada

Dowlada, saraakiisha hoggaaminaysa

ka mid ah Salaad Cali jeel oo

mar ahaan jiray Wasiir k/xigeenkii

Wasaarada Gaashaandhiga, islamarkaan

la hayb ah Madaxweyne

Sh. SHariif sh, Axmed

4 ILAYS NEWSPAPER/WARARKA ARBACA 3 JUNE 2009

100-kii Maalmood ee ugu Horeeyay Xafiiska

Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole)

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland

Dawladda cusub ee Puntland

waxay garawsan tahay in

xoojinta nidaamka dimoqraadiyayntu

uu yahay habka keliya

ee horseedaya siyaasad deggan

mudada dheer iyo dhaqaale xasilloon.

100-kii Maalmood ee ugu

horeeyay Xafiiska, Maamulka

Cusub waxa uu Baarlamaanka

Puntland waydiistay in Axdiga

Qabyada ah ee ay dawladii hore

u gudbisay baarlamaanka in dawladda

dib loogu soo celiyo si loogu

sameeyo dib-u-eegid sharciyeed

ka hor inta aan loo gudbin Baarlamaanka,

taas oo xildhibaanada

sharci dejintu ay aqbaleen.

Nidaamka socda ee dib loogu eegayo

dastuurka ujeedadiisu waa

in lagu saxo qaabka dhismeedka

Dastuur Goboleedka, kaas oo ay

adkayd in la akhriyo oo la fasiro,

si la isaga ilaaliyo qodobo iska

hor imanaya ama is dul saaran.

Yoolka ugu dambeeya waa in la

soo gudbiyo qoraal la turxaan

bixiyay oo ku salaysan laba arrimood:

In dhammaan qodobbada

ku saabsan arrimo isku mid ah la

hoos geeyo hal cinwaan; iyo

in qoraalka lagu sameeyo dibu

habayn ayadoo habka si guud u

hadalka loo rogayo mid si khaas

ah uga hadlaya arrinta uu ku saabsan

yahay. Dastuurka cusub ee

Qabyada ah waxa uu u qaabsan

yahay sida soo socota:

Cinwaan I: Qeexida Asaaska ah

iyo Yoolka Dawlad Goboleedka

Puntland ee Soomaaliya; Ciwaan

II: Kafaalo Qaadka iyo Xuquuqda

Asaasiga ah ee Qofka; Cinwaan

III: Xeerka Dhaqaalaha; Cinwaan

IV: Nidaamka Siyaasadeed iyo

Qaybaha Asaaska u ah Dawlad

Goboleedka; Cinwaan V: Qaab

dhismeedka Dawlad Goboleedka

(Qaybinta Awooda); Ciwaan VI:

Arrimaha Maamulka; iyo CinwaanVII:

Dib-u-habayta iyo Waxka-dhi-mid.

Dawladdu waxay

Baarlamaanka u gudbisay miisaaniyadda

kumeel gaar ah ee saddex

bilood taas oo qayb ka ah nidaamka

dimoqraadiga. Tallaabadani

waxay caddayn u ahayd aqoonsiga

saddex farac ee dawladu ka

kooban tahay ee kala baxsan oo

siman; Puntland taariikhdeeda

marka dib loo raaco, awooda

waxaa isku koobi jiray Madaxweynaha

si aan waafaqsanayn dastuurka

ayadoo siyaasadda dawladda

la weecinayo oo aan la tixgalin

awoodda dastuuriga ah ee xoojinaya

Baarlamaanka

(Faraca Sharci dejinta) si uu ula

socdo xafiiska Madaxtooyada

(Faraca Maamulka). Yoolka dheer

ee dhamaystirka nidaamka dimoqraadiyaynta

waxaa ka mid ah samaynta

qorshe rasmi ah oo lagu

asaasayo nidaam shaqaynaya ee

xisbiyo badan si loogu jihaysto

waqti cusub oo tartan siyaasadeed

oo fikradaha macquulka ah ee kala

duwan la soo jeediyo oo la tixgeliyo.

Dawladda Puntland taariikhdeeda

halka xisbi oo keliya waa meesha

ay ka asaasantay dhibaatada siyaasadeed

ee curyaamisay dawlad

Goboleedka ilaa markii la asaasay

toban sano ka hor.

Dawladda Cusub waxay aqoonsan

tahay in iska hor imaadkii 2001-

2002 ka dhacay Puntland uu ahaa

dib u dhac weyn oo la soo dersay

nidaamka siyaasdeed ee dhinacan

Soomaaliya. Taas oo jirta, waxa

kale oo Dawladu ay aqoonsan

tahay in Puntland uu wax weyn iska

badalay ilaa xilligaas; Doorashooyinkii

2005 iyo 2009 ee ku dhacay

sida ammaanka iyo kala dambaynta

ayaa Puntland ka dhigaya waqti

taariikhi ah ee is-badalka; taas oo

muujinaysa sida ay dadwaynahu u

doonayaan maamul nidaamsan oo

shaqaynaya oo xoog leh, kaas oo

difaaca danaha Dawlad Goboleedka

oo dhawra qaanuunka/sharciga.

DIB U DHISKA KAABAYAASHA

DHAQAALAHA |

Ka hor dagaalkii Soomaaliya (ka

hor 1991), intii ay jireen waagii

xukunkii dimoqraadiga iyo xukunkii

kelitaliska militari, Puntland

waxay ahayd qaybta la ilaaway ee

ka mid ah Soomaaliya. In badan oo

khayraadka dawladda waxaa lagu

bixin jiray koonfur, gaar ahaan caasimada

Muqdisho, halkaas oo laga

dhisay dekedaha, garoonada, jidadka,

wershedaha yaryar, jaamacadaha,

cisbitaalada iyo xarumaha

kale ee dadwaynaha. Gobolada

kale oo ka faa’iiday xarumaha kale,

sida garoomada caalamiga ah iyo

dekedaha waxay ahaayeen Kismaayo

iyo Berbera, iyo wershedo

yaryar oo laga dhisay magaalooyin

ay ka mid tahay Jowhar. Sanadihii

1980-naadkii, xukunkii militariga

kelitaliska waxa uu dhisay 750 km

oo ah jid ku dhereran woqooyikoonfur

oo isku xira magaalooyinka

waaweyn ee Puntland. Marka

taas laga soo tago,

LA SOCO CADADKA XIGA

Shirkada Africa Oil oo Heshiis ku saabsan

Sahaminta Dooxada Nugaal iyo Dharoor

la gashay Shirkadda Raytec Metals...

Range Resources oo Sheegtay in ay Shidaal

ka Sahaminayso Badda Puntland...

Tarjumadii Somalitalk.com

Shirkadda Africa Oil Corp ayaa

shaaca ka qaaday in ay heshiis la

gashay shirkadda Raytec Metals

Corp. (“Raytec”), heshiiskaas oo

ku saabsan qandaraas wax-soosaar

wadaag oo lala gelayo Dawlad

Goboleedka Puntland ee Soomaaliya

iyo Jamhuuriyadda Kenya.

Shirkaada Raytec Metal oo ka hawl

gasha gobolka Saskatchewan, Canada

waa shirkad yar oo qaabilsan

qodista macdanaha sida Potash,

Suulphur, Uranium iyo Iron Ore.

Warbixinada ugu horeeyey ee la

xiriira warka heshiiska sahaminta

ayaa tibaaxay in “shirkaddaasi ay

ka yaabisay dadka maal- gashada

kaddib markii ay Khamiistii May 28,

209 shaaca ka qaaday in ay Warqad

Rabitaan ah la saxiixatay Afrika Oil

oo ku saabsan Sahaminta Puntland

iyo Kenya.

Africa Oil waxay sheegtay in shirkadda

Raytec ku wareejinayso boqolkiiba

25% macaashka laysanka heshiiska

wax soo saarka ee Dooxada

Nugaal iyo Dharoor ee Puntland,

Soomaaliya.

Sidoo kale Africa Oil waxay Raytec

ku wareejinaysaa boqolkiiba 10%

macaashka heshiiska wax soo saarka

ee aagga loo yaqaan Block 9 iyo

boqolkiiba 25% macaashka laysanka

ee Kenya.

Waxaa warku tibaaxay in shirkadda

Raytec ay qorshaynayso in ay

aagaggaas ka hawl gasho 2009 iyo

2010.

Afrika Oil waxa kale oo ay heshiis

kula jirtaa Shirkadda Range Resources

ee laga leeyahay Australia,

taas oo leh boqolkiiba 50% macaasha

sahaminta Dooxada Nugaal iyo

Dharoor.

Waxaa xusid mudan in shirkadda Africa

Oil ay sahamin nooca Seismic

ku samaysay Dooxada Dharoor,

laakiin ilaa hadda aysan muuqan

meel ay ku soo bandhigtay xogtii ay

ururisay natiijadii ka soo baxday.

Idaacadda Dalmar Radio mar ay

(horaantii bishii May 2009) weydiisay

Agaasimaha Guud ee Macdanta

iyo Batroolka Puntland, Ciise Dhollawaa,

in ay heshiis shidaal waayahan

galeen, waxa uu ku jawaabay

“Maya ma aanaan galin, wax heshiis

shidaal ah intii anigu aan joogay oo

la galay ma jiro, wax haba yaraatee

lagu heshiiyey ama aanu heshiis la

galay ma jiro. Dawladii hore heshiisyadii

ay gashay ayaan waxaan ku

jiraa dib u eegsitooda in aan fiirino

siday ahaayeen, maxaa ka hir galay,

maxaa la qabtay.” DHEGEYSO.

Shirkadaha sahaminta shidaalka ee

yimaada Puntland, laga soo bilaabo

2005 waxaa muuqatay in ay goboladaas

ka wadeen maaweelo, ilaa

hadda lama oga ficilka dhabta ee ku

aadan shirkadahaas ee uu qaadanayo

maamulka cusub ee Puntland.

Waxaase dhanka shirkadaha muuqda

in ay sii wataan qoraaladii ku saabsanaa

heshiisyada ay galayaan.

May 20, 2009 ayay ahayd markii

shirkadda Range Resources ay

sheegtay in ay baaritaan sahamin

ee nooca seismic ku samaysnayso

badda Puntland (offshore seismic).

Waxayna markaas sheegtay inaysan

dheg u jalaq siinaynay burcadbadeedda.

“Haddii aad sahamin nooca

seismic ku samaynaysid badda

waxa keliya oo aad sidaas samayn

kartaa marka aad haysatid taageerada

dawladda Puntland, ilaalo hubaysan

ayaana la soconaysa maraakiibta

sahaminta, kuwaas oo noqon

kara maraakiib dawladda,” sidaas

waxaa yiri madaxa Range Resouces

Landau isagoo markaas ku sugnaa

Dubai. Waxaana warku sheegay in

uu booqanayo Puntland.

ARBACA 3 JUNE 2009 ILAYS NEWSPAPER/BULSHADA 5

Q.8aad

Adeer ma xuma hadalkaaga

laakiinse waxaan ku waydiinayaa

… ma ku qabaa oo

makugu mehersan yahayn ninku..?

“Maya laakiin ..”

“hadduusan ku qabin muxuu kaaga

duwan yahay kan ay aabe iyo hooyo

kula doonayaan?

Sow mase wanaagsana in ducada

waalidka aad qaadato, iskana

iimaansato midka ay iyagu rabaan..”

Muxibbo hadalkaas adeerkeed kasoo

yeedhay wuxuu ula mid ahaa

gamuun miriid ah oo wadnaha dushiisa

kaga dhacay waxayna niyadda

iska tiri sowkan midkii aad miciinka

baday kugu soo laba kacleeyey.

Lama fileyn inuu adeerkeed sidaas

iyo si u dhaw ula hadli doono. Waxay

is lahayd markuu oohintaada maqlo.

Cabashooyinkaagana dhagaysto intuu

kabahiisa ka cararo buu guriga

walaalkiis isku sii dayn doonaa

“waan ka xumahay in aad adeer

sidaas igu tiraahdo, waxaan kuugu

soo cararayna waa naxariis aan kaa

filayay. Teeda kale ma filayo in aan

ka haro kii aan oo kaan sanadada

wadasoconay ballanta adag inoo

dhaxaysay naftayda aan ku aaminay

in aan mid aan aqoon inuu dad

yahay iyo inuu bahal yahay. Waxaan

ka xigaa dhimasho”

“oo muxuu kugu aqriyey midkan aad

ku dhaggan tahay ood waalidkaa oo

dhan aad ku dartiis uga go’aysid

..miyuu ku falay mise ..3”

“ Waxba iguma aqriyin, balse naftaydaa

aamintay.. iyadaan ogolayn in

aan ninkaas siro… rajadiisa burburiyo…

gunta ka jaro geedkii aan muddada

waraabintiisa ku howshoonay..

waalo oon damaciisa ku gubo… yaa

qaba sharci islaam iyo mid gaal in

qof ku aaminay la lug gooyo… oo

waa tuma nafta ogolaaneysa in ay

qof qiimeeyay, aaminay,tixgeliyey,

xushmad iyo kalgacal ku maamulay

intay lama degaan geyso haddana

kaga dhaqaaqdo…

.. Kolleyba adeerow aniga ma ahi

tii daalimadda noqon lahayd.. nolol

kastoo la ii ballan qaado waxaan ka

xigaa meeshaan calaamadaystay”

“Adeer Halkaas iigu eke waan ku

fahmaye.. waxaa kula socodsiinayaa

in aan aad ugu faraxsanahay heerka

wanaagsan ee ay maskaxdaadu

joogto, wallow ay arintu culus tahay…

waa arrin waalidkood iyo ilmo dhex

taal, wayna adag tahay sidii doonisa

waalidkaa loo hor istaagi lahaa”.

W/Q: C/qaadir M.Wacays

“Waxaan ku ballan qaadayaa in aan

intii awoodeyda ah meel mariyo adiga

rabitaankaaga” bay muxibbo iyo

adeerkeed isla dhaafi waayee, waxayna

ka codsatay inuu isla galabtaba

reerka aado, jawaab deg-deg ahana

uu u keeno, waxayna jawaabtii noqotay

in wax ka qabashada arrinteeda

ayan suurta gal ahayn.

Isaga iyo aabaheedna ay arintaas

isku mari waayeen, kuna soo kala

tageen in ay muxibbo talada odayga

raacdo haddii ay rajo ka leedahay

baraaraha mustaqbalkeeda.

Wuxuu muxibbo adeerkeed gaar

ahaan iyada kula taliyey in ay guursato

jannaalahaas walaalkeed ah,

maadaama sanadahan dambe miskiin

aan waxba haysan uu dhaamo

jannaalaha lacagta firdhinaya, adiga

iyo reerkiinana u horseedaya nolol

farxad iyo badhaadho leh.

Jacaylka ay muxibbo u qabtay

mursal uma muuqan mid dhab ah,

waayo aabaheed bay markii horaba

warka daaha uga qaadi lahayd, una

sheegi lahayd inuu jiro wiil ay ku ballan

sanaayeen in ay is guursadaan,

isagana ay sugaysay si uu raalli uga

noqdo, isuguna duceeyo. Adeerkeed

been bay u sheegtay, waxay ka

dhaadhicisay in ay warka aabaheed

daaha uga qaaday balse uu ku diiday.

Muxibbo uma ayan muuqan sidii

gabar laga xayuubiyay xoriyaddii

ay gayaankeed ku dooran lahayd.

Walwalka iyo walaahowgu malaha

mursal ma dhaafsiisnayn. Markuu

aabaheed dareenkan cusub oo soo

kordhay ugu bushaareeyay uun bay

naxdin yari jirkeeda ku hagoogataymaahee

markii dambe farxaddeediibaa

u soo noqotay Intay Mursal iyo

jacayl qallalan iyo hantiile iyo jacayl

qoyan miisaan caddaaladeed wada

saartay bay ugu dambeyn si dhib

yar u dooratay hantiilaha iyo jacaylka

qoyan.

Gabdho fara badan oo intay wiilal sida

mursal jacayl qallalan la guuraynaya

guntiga u xidhay dabadeedna ku

hungoobay bay kolba qaybta xusuus

dhowrka maskaxdeeda intay soo

hordhigato misana mar labaad ugu

soo rogaal celineysay…

Waxaa haddana horteeda imaanayey

heblaayo iyo heblaayo oo intay hantiilayaal

huursadeen ku cawaynaya

guri fiilo ah oo ay dhex taallo alaabta

ugu qaalisan oo gabdhaha reer

yurub loo dhigo iyo baabuurkii ugu

dambeeyay oo ay wershadaha reer

yurub farsameeyeen…

LA SOCO CADADKA XIGA

Deegaanka U dhexeeya Afgooye

iyo wanlawayn oo ay mar ka talin

jirtey Saldanaddii Geledi, ayaa waxa

ka jirtey dariiqada Qaadiriya oo keliya

taas oo suldaanku madax u ahaa

wadaad la dhihi jirey Sheekh Ibraahim

Xasan Jeberow ayaa damcay inuu

nawaaxiga wanlaweyn ka asaaso

dariiqada Axxmediya waase loo

diidey Dabadeed wadaadkii wuxuu u

haajirey galbeed sannadku markuu

ahaa 1820; wuxuuna xarun hirgashay

dariiqada Axmediya uga dhisay

Baardheere Xer tiro badan ayuu

helay wuxuuna shaqo uga dhigay

diin barasho iyo tacab beereed

Xaruntiina wuxuu ku magacaabay

‘Jameecada Baardheere’ Sheekh

Ibraahin markuu geeriyoodey waxaa

xilkii jameecada la wareegey shariif

ibraahin ku xigeenna waxaa u

noqday shriif Cabdiraxmaan.

Suldaan Yuusuf Axmed, oo ahaa

madaxii dariiqada Qaadiriya, wuxuu

dareemay in dariiqada Axmediya ee

ka hana qaadday Baardheere ay

halis ku tahay dariiqadiisa Dabadeed

wuxuu go’aansaday inuu tirtiro

jameecada Baardheere. Sidaas

darted wuxuu qaaray olole ballaaran,

wuxuuna dadweynihii saldanadiisa

ku hoos jirey ee raacsanaa afkarta

Qaadiriya ku amray inay jihad u

guntadaan si loo cirib tiro kooxaha

Axmediya ee dariiqadooda la

loollamaya.

Sannadkii 1843 ayaa Suldaan Yuusuf

oo hor kacaya ciidan afartan

W/D:- Maxamuud Yuusuf (Maxkoof)

Sudoku

kun lagu qiyaasayay uu ku duulay

jameecadii Baardheere halkaasna

dagaal lagu hoobtay iyoxasuuq

nax naxriis darro ah baa ka dhacay

xertii Baardheere iyadoo colka ku

soo duulay uu ugu yaraan shan

jeer ku soo labanlaabmayey si fool

xun ayaa loo gumaaday culimada

goobtaas ku geeriyootayna waxaa

ka mid ahaa labadii hogaamiye

eejameecada shriif ibraahin iyoshariif

cabdiraxmaan, dhammaan beerihii

iyo guryihii jameecada Baardheere

waa la gubay . dabkuna bil iyo

dheeraad buu qiiqayay labaatan

sano oo danbe Bay lamadagaan

ahayd

Sodaku waa halxiraale xisaab ku dhisan oo adduunka oo

dhan caan ku noqotay, markii hore wuxu ka soo baxay

wadanka maraykanka hase ahaatee waxaa soo caanbixiyay

dalka Japan.

Halxiraaluhu wuxuu ku dhisanyahay 9x9god oo usii qaybsama

3x3 si aad u xaliso halxiraalaha waa inaad 9ka god ee

jiifka ah iyo 9ka god taaga aad galiso tirade udhaxaysa 1-9

.Sadarna Tiro mar ka badan lama gelin karo.

6 4 9 1

9 1 8 6 4

5 1 4

5

6 2

DAGAAL DIIMEEDKA

Qarniyadii hore, Dadka soomaliyeed waxaa dhex mari jiray dagaalo

ku salka ku haya Aargoosi Qabiil, Geela, Dumarka iyo Diinta:- Dagaaladii

ugu xumaa waxay dhexmarayn Dariiqooyinka Qaadiriya Iyo

Axmedia Sanadkii 1842, kuwaasoo lagu baaba’ay, sheekadan ayaanasawir

buuxa ka siinaysa Dagaaladaas

Sudoka Toddobaadkan

6 2

9 4 1 3

Xalkii Sudokii

8 2 1 7 3 6 9 5 4

9 4 3 8 1 5 2 6 7

7 6 5 4 9 2 8 1 3

6 7 9 3 4 8 5 2 1

4 5 2 9 6 1 7 3 8

1 3 8 5 2 7 4 9 8

3 1 7 2 5 4 6 8 9

6 ILAYS NEWSPAPER/TAARIIKHDA ARBACA 3 JUNE 2009

Koboca Islaamiyiinta

Dagaalkii Al-Ittixaad &

SSDF Ee Buuralayda Saliid.

Cutubka Afraad

W.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.

Qormadda 22aad

Kolkay gudaha u galeen Al-Ittixaad

dhulka buuraleeyda Cal-madoow

ayaa waxaa soo shaac baxay awood

ciidan tababaran, iyo weliba kala miiran

ku dhacay hoggaankii sare ee

awoodda oo gacanta u galay koox

ka ad-adag kuwii hore. Waxaa loo

doortay Xasan Daahir Aweys Taliyaha

guud ee hawlgalka ciidamadda

Al-Ittixaad Al-Islaami ee ku jira

xaaladda aadka u adag.

Hoggaankaas cusub ee majaraha

u qabtay waqtigaa adkaa ururka

Al-Ittixaad ayaa lagu amaannaa

sidii waxtarka noqotay ee uu dib u

habaynta ciidan iyo siyaasadeed ugu

talaabsaday. Haddii kooxaha wax

hoggaaminayey ee Al-Ittixaad ayan

la iman qorshahaas cad ee dheeliga

tiran. Waxaa la sheegaa inayan dib

uga soo abaabulanteen Soomaaliya

xaraka kale oo Islaamiyiin ah

oo xoog badan, dhinacya badan ka

dhisan .

Muddo kooban ka dib markay wada

gaareen xoogagga Al-Ittixaad iyo

maatadoodii la socotay degaanka

Saliid (80KM dhinaca Galbeed kaga

aadan Boosaaso). Ma hakan SSDF

ee way kaga daba tageen halkaas.

Waayo waxaa la doonayey in awood

ahaan la burbruriyo si aanay mar

kale u soo xoogaysan. Qorshaha

dagaalkaas waxaa qaabaynayey

Cabdulaahi Yuusuf.

Saliid ayaa ah meel leh hal waddo

oo bartankeeda marta. idhinacyada

kale waxaa ku xeeran buuro. Ceel

ayaa ku yaal bartamaha Saliid. Waa

meel istaraatiijiyad fiican leh oo difaaca

ku haboon. Waxaa la sheegaa

inay ahayd halkii ay gabbaadka u

galeen oo daraawiish kaga baxsadeen

kolkii Suldaan Maxamuud Cali

shire Ciidamadiisii ay soo jebiyeen

Daraawiishtu.

Habeenkii ugu horreysay ee Saliid

ay degaan Al-Ittixaad ayaa waxaa la

hadlay Sheikh Cabdicasiis Faarax

waxaa ku yiri:-

’’ Caawa waa jihaad ninkii cararow

Ehelu naar ayaa tahay.’’

Hadalkaasi dhammaan dagaalyahanadii

Al-Ittixaad dareen ayuu ku reebay.

Waxaa la sameeyey qorshihii

rasaasta qoriga loo yaqan AK. Ninkii

waxaa ku soo hagaagtay kow iyo

toban xabadood. Qoryaha la watay

waxaa u badnaa AK,Rasastay haystaanna

waxaa u badnaa Faal(G3)

iyo BKM. Waxaa goobtaas Al-Ittxaad

ciidamadeeda ku weheliyey

Boqol iyo Sodon Caruur ah oo ay gacanta

ku hayeen, Haween iyo maata

kaleba.

Subaxnimadii sahan ayaa Al-Ittixaad

direen,kolkay dareemeen dhaqdhaqaaq

dagaal. Waxay haysteen doorbino

wax lagu eego oo meel fog wax lagaga

arko. Shan Saac oo subaxnimo(Kow

iyo Tobankii Subaxnimo) ayaa dagaal

dhamaystiran ku bilowday. Difaacii

Al-Ittixaad ayaa dhinac la jabsaday.

Sagaal ayaa meel qur ah laga dilay.

Aad ayey u dagaalameen, waana jebiyeen

SSDF.

Intaas ka dib waxaa soo if baxay inaan

la loodin karin Al-Ittixaad. Dhammaantooda

niyaddoodu waxay ahayd

mid aad u saraysay. Waxaa ka ba’ay

welwelkii iyo baqdintii ay markii hore

qabeen. Waxaa inta badan sirta Al-

Ittixaad ahayd mid aananay haynin

hoggaanka dagaalka SSDF. Waxay

SSDF-tu ku qiyaasayeen dagaalyahannadda

Al-Ittixaad ee ku jira buuraleyda

Saliid ilaa iyo Kun dagaalyahan.

Waxayse tirada dhabta ah ee Al-

Ittixaad Ciidamadooda ku jira Saliid

ahaayeen 300 Dagaalyahan, boqol

iyo soddon caruur ah iyo sideetameeyo

haween ahaa.

Marwalba waxaa ka go’nayd SSDF

inay si awood ah uga adkaato Al-

Ittixaad. Dagaallo rogaal celin ah oo

labaad ayey ciidamadii daacadda u

ahaa Cabdulaahi Yuusuf ku qaadeen

fariisimo ay dagaalyahannadda Al-

Ittixaad ka samaysteen degaanka

Saliid ee buurlayda ah. Dagaalkan oo

ahaa kii labaad ayaa waxaa uu bilowday

subaxnimadii, waxaana uu dhammaaday

kowdii duhurnimo. Waxaa uu

isugu jiray duqayn aan kala go’lahayn

iyo weerar is daba joog ah oo marba

dhinac laga weerarayo Al-Ittixaad oo

iyagu u ekaa kuwa is difaacaya keliya.

Inkastoo dagaaladaas lagu beegsaday

Al-Ittixaad aan wax guul ah

laga gaarin, haddana SSDF waxay

u adeegsatay gabaadka Al-Ittixaad

Madaafiic iyo hubka waaweyn ee

Bmka oo lagu garaacay maalin walba

si joogta ah. Waxaa lagu qiyaasaa 60

Madfac ilaa 80 madfac ha ahaadaan

Hoobiye 120mm amaba BMKa qoriga

loo yaqaan in 24 Saac kasta lagu liishaamayey

goobaha Al-Ittixaad fadhiyeen.

Waxaa duqayntaas aan kala

go’a lahayn ku geeriyooday allaha

u naxariiste Dr.Cabdicasiis Faarax

oo ahaa madaxa siyaasdda ee Urur

weynihii Al-Ittixaad Al-Islaami .

LA SOCO CADADKA XIGA

Isbar-bar Dhigid Is-Afgaradkii Nairobi April

2009 iyo Is-Afgaradkii Caruusha ee 1967

•Warbixin iyo Faallo: SomaliTalk.com | May , 2009 Eng.

Maxamed Cali iyo Xasan Dhooye | webmaster@somalitalk.com

Cabbirka ay Kenya gudbisay waxay

u muuqataa in Qarammada

Midoobay ay go’aan ka gaari doonaan

dhowaan, waana kan hadalkii

UN-ta: “Akhbaarta ay Kenya soo

gudbisay waxaa tixgelinteeda lagu

darayaa qorshaha Kulanka afar-iyolabaatanaad

ee Guddiiga Xadaynta

Badaha uu magaalada New York ku

yeelan doono inta u dhaxaysa 10ka

August ilaa 11ka September 2009.”

(UN.5/6/2009).

Kenya ma aha markii ugu horaysay

oo ay Dawlad Soomaaliyeed la gashay

heshiis hal-dhinac keliya ka

faa’iidayo oo loogu yeeray Is-afgarad.

Kii hore waxa uu ka dhacay Caruusha.

Haddaba qormadan waxaan

ku eegi doonaa wixii ku qornaa iyo

is-bar bar dhigid Is-afgaradkii Caruusha

ee 1967 iyo kii Nairobi ee 2009

iyo talooyin ku socda baarlamaanka

Soomaaliya waxa la gudboon mar

haddii la dhaafay May 13, 2009.

1967 Caruusha MOU (Xuduudda

Dhulka) - 2009 Nairobi MOU

(Xuduudda Badda)

• Axdiyadii hore ee Soomaaliya:

(Dhulka Qaranka): Dhulka qaranku

waa muqadas, waana laguma

xadgudbaan. Gobannimada dhulka

waxay koobeysaa berriga, jasiiradaha,

biyaha goboleedka, dhulka

uurkiisa hoose, hawada sare iyo

xeebaleyda (Qalfoofka Qaaradda

“Continental shelf”)...*

Shirkii Kinshasa - September 1967

Kulankii Afraad ee Shirkii Madaxda

dawladaha Ururka Midowga Afrika

(OAU) ayaa lagu qabtay magaalada

Kinshasa ee dalka Jamhuuriyadda

Congo intii u dhaxaysay 11 ilaa 14

September 1967.

Afhayeen u hadlay shirkaas Ururka

Midowga Afrika ayaa gabagabadii

shirka September 14, 1967 waxa uu

sheegay in Soomaaliya iyo Kenya

ay isku raaceen is-faham hordhac

ah oo ku saabsan muranka xadka

dhulka ee u dhaxeeya. Waxayna

aqbaleen casumaad uu u fidiyay

Madaxweynahii Zambia, Dr. Kenneth

Kaunda[2], si ay kulan kale ugu

yeeshaan magaalada Lusaka (Zambia)

dabayaaqada bisha October

1967, si ay isla meel dhigaan faraqa

u dhaxeeya, isla markaasna asaasaan

xiriir wada shaqayn.

Waraysi ay (16/9/1967) Jariidadda

Zambian Mail la yeelatay Madaxweyne

ku xigeenkii Zambia, Kapwepwe,

ayuu ku sheegay in dhexdhaxaadinta

Zambia ee ku saabsan

muranka (dhulka) Jamhuuriyadda

Soomaaliya ay timid kaddib markii

a’iisul wasaaraha Soomaaliya

Maxamed Ibraahim Cigaal[3] ra’iisul

wasaaraha Soomaaliya

Maxamed Ibraahim Cigaal[3] uu arrinta

la soo qaabilay madaxweyne

Kauda.

Waxaa gabagabadii kulankii

magaalada Kinshasa (ee Jamhuuriyadda

Congo) laga soo saaray soojeedin

(proposal) hordhac ah oo ay

isla gaareen dawladahii Soomaaliya

iyo Kenya, qoraalkaas oo SomaliTalk.

com soo tarjumtay waa kan:

Soo-jeedintii (proposal) Kinshasa -

September 14, 1967

(1) Labada Dawladood waxay muujiyeen

rabitaankooda ay mid kasta

tan kale tixgalinayso xornimadeeda

iyo wadajirka dhulkeeda ayadoo laga

duulayo Qodobka III, Farqaddiisa

3aad[4] ee Axdiga Ururka Midowga

Afrika;

(2) Labada Dawladood waxa kale oo

ay qaadeen tallaabooyin dheeraad

ah si ay u xalliyaan wixii khilaaf ah oo

ka dhax taagan ayadoo laga duulayo

Qodobka III, Farqaddiisa 4aad[5] ee

Axdiga Ururka Midowga Afrika;

(3) Labada Dawladood waxay ballan

qaadeen in ay xaqiijinayaan dhawridda

nabadgalyada iyo amniga xuduudda

labadeeda dhinac ayadoo la iska

ilaalinayo burburinta naf bini’aadam

iyo maal;

(4) Waxaa intaas dheer, Labada

Dawladood waxay isku raaceen in ay

joojiyaan dacaayadaha (barabogaandada)

colaadda xambaarsan ee ay

isu mariyaan warbaahinta sida raadiyaha

iyo wargayska ee midba tan

kale kaga soo horjeedo;

(5) Labada Dawladood waxay

aqbaleen casumaadda uu u fidiyay

Madaxweyne Kaunda ee Zambia si

ay ugu kulmaan magaalada Lusaka,

dabayaaqada bisha October 1967, si

ay u sii horumariyaan, oo u xoojiyaan,

oo u sii adkeeyaan dhammaan noocyada

wada shaqaynta.

- (Africa Research Bulletin, vol.3-4,

1967, pp.856A)

Heshiiskaas hordhaca ah markii la

isla gaaray, waxaa hambalyo iyo ammaan

shirkii OAU looga soo jeediyay

Madaxweyne Kenneth Kaunda ee

Zambia iyo Dawladaha Kenya iyo

Soomaaliya oo lagu ammaanay isku

daygooda in ay ka gudbaan faraqa u

dhaxaaya, sida ku xusan qodobada

sare.

Waxaa markaas kulanka laga soo

jeediyay in Dawladaha Kenya iyo

Soomaaliya iyo Dawladda Jamhuuriyada

Zambia oo marti galinaysay in

ay Xoghaynta-Guud ee OAU u soo

gudbiyaan wixii horumar ah ee la gaaray

marka la isugu yimaado kulanka

lagu ballamay ee Lusaka (Zambia).

LA SOCO CADADKA XIGA

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!