26.07.2014 Views

Bogga 13aad - Somali Talk

Bogga 13aad - Somali Talk

Bogga 13aad - Somali Talk

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

Madaxa Wargayska :

Maxamed Raage

APRIL 18 2009 Cadadka 10aad

Xog-Maal waa Wargays ku hadla Afka

Hooyo soona baxa Bishii labo jeer.

Tifaftiraha Wargayska:

Maxamed Muuse Nuur

Bogga 13aad

Wararka K/frika.

--Dube ragii dilay

oo lugu xukumay..

Bogga 3aad

—- Awooda dalka

oo meel dhexe la

isugu geynayo

Bogga 3aad

—-Xuuraan: hoteelada

habaaska leh

bogga 10aad.

SOOMAALIDA

--Wariye Fant

a s t i c o o

laxiray..

-- 2 nin oo isku

dilay naag.bogga

12aad.

--- soomali la

laayay bogga

4aad.

Iyo warar kale

oo xiiso leh

Soo saaristaan waxaa ku jira aayadaha Qur’aanka Kariimka iyo Axaadiista Nabigeena (SCW) Ee Fadlan hadhigin meel aan munaasan u ahayn Wargayska.

Fadlan kusoo dir wixii talooyin iyo tusaale ah ooaad wargayska u hayso E-mail Xog-maal@hotmail.com ama 26 Durban road pelville Cape Town

18 April, 2009 XOG-MAAL 2

Jacob Zuma, Qoob iyo jaan ka ciyaarka

Xoriyada

Ugu dambeyntii 8 sanno kadib oo uu gala baxayay

maxkadaha dalka ayaa dacwadii lagala noqdey

Jacob Zuma, madaxweynaha ANC ahna ninka sida

weyn loo filayo in uu noqanayo madaxweynaha xiga

ee Koonfurta Afrika.

Go’aanka kala noqoshada dacwada waxaa gaaray

hey’ada garsoorka qaranka ee lagu magacaabo NPA

(National Prosecuting Authority), waxayna gaartay

go’aanka kadib markii ay gacanta ku dhigeen cajalado

maqal ah oo laga duubey taleefoono ay

iskula hadleen baarayaal dacwada Zuma iyo rag

siyaasiyiin ah, waxaa laga wada hadlayay xiliga ku

haboon ee ay tahay in Zuma dacwada lagu soo

oogo, waxaana lagu beegey waxyar ka hor intii aan

la aadin shirweynihii ANC-da ee Polokwane ee

Zuma lagu doortey, si markaasi looga hor istaago in

la doorto.

Raga taleefoonada laga duubey waa madaxii

waaxda howlgala gaarka ah ee Scorpion (Dibqalooc)

ee iminka la kala direy, ninka la yiraahdo

Leanard McCarthy, Bululani Ngduka oo ahaa madaxii

hore ee NPA oo isla markaasina ahaa ninkii 8

sanno ka hor dacwada ku furey Zuma balse xilkaasi

ka dagay 2004-tii, iyo nin ganacsade ah oo ay olog

yihiin Thabo Mbeki, madaxweynihii hore.Mokotedi

Mphashe waa madaxa NPA, isaga iyo darsan

hey’ada ka tirsan ayaa shir jaraa’id oo warfidiyeeno

tiro baddan ay ku xoonsanaayeen ka jeediyey hadal

dheer oo uu ku sharaxayo sababaha ay dacwada

ola laabanayaan, wuxuu meesha ka aqriyey hadaladii

lasoo duubey oo qoraal ah, wuxuuna sheegey

in hey’ada ay go;aan ku gaartay maadaamaa

farogalin lagu sameeyey garsoorka laga noqonayo

dacwada oo dhan.Ka hor maalinta go’aanka la

shaacinayo oo ahayd isniintii (4/4/2009), todobaad

idil ayay saxaafada hadal haysay in dacwada laga

noqonayo kadib markii lasoo dusiyey warka.Markii

go’aanka loo sheegey Zuma ayuu si weyn ugu

farxay, halka qaranka oo dhan laga daawanayay

shaashadaha TV-yada , lagana dhagaysanayay

idaacadaha.Maalin kadib ayaa sida sharcigu yahay

NPA dacwada si rasmi ah galkeeda oga laabtay

maxkamada sare ee Pettermarisburg ee gobolka

Kwa-Zulu Natal, wax yar kadib waxaa shir jaraa’id

ku qabtay magaalo xeebeedka Durban Jacob Zuma

oo si xeeldheere oga hadlay waxyaalihii uu lasoo

kulmey intii ay dacwada socotey.dhamaan qoyska

reer Zuma oo dhan ayaa la galiyey xaalad adag oo

aan la qayaasi Karin, dhib baddan ayaa naloo

geystey, waana wax aad looga xumaado in sanadahani

oo dhan maxkamad aan gala baxo iyadoo

aanan dambi lahayn” ayuu yiri Zuma oo shucuur

qushuuc leh ay ka muuqatay, wuxuu intaasi ku daray

“dacwadaha la’ii heystey waxay ahaayeen kuwa

lasoo maleegey oo siyaasadeed, ujeedkuna wuxuu

ahaa in la’iga hor istaago in aan dalkani madaxweyne

ka noqdo”.Wuxuu sheegey in uusan aar guddan

doonin, balse marka uu xafiiska fariisto April 22

kadib uu wax baddan ka sixi doono nidaamka garsoorka

oo dhan.

Laakiin g’aanka NPA wuxuusan ka daadagin

asxaabka mucaaradka, gaar ahaan DA iyo ID,

haweeneyda hogaamise DA (Democratic Alliance)

Helen Zille ayaa dacwad ka furtey NPA taasoo ku

saabsan in ay u rukuucdey cadaadis siyasadeed oo

ANC kaga yimid halkii ay sharciga dalka fulin lahayd,

waxaa kale oo ay DA dacwad ka furtey

garyaqaanka (abukaataha) Zuma taasoo ku saabsan

sidii ay gacantiisa ku galeen cajaladaha sirta ah

ee laga duubey jawaasiista baareysay dacwada

Zuma.Laakiin waxaa gool siyaasadeed dhaliyey xisbiga

ID oo haweeneyda hogaamisa Patricia De Leal

ay dacwad ka furtey baarayaasha cajaladaha sirta

ah laga duubey ee lagu eedeeyey in ay maleegeen

dacwada Zuma, talaabadani waxay muujisey in DA

ay si shakhsiyan ah u bartilmaameedsanayso

Zuma, halka ID ay moowduuc macquul ah ka hadlayso.

Zuma waxaa lagu heystey dacwado la xariira musuqmaasuq,

iyo wax isdaba marin, arrimaha waxay ku

saabsanyihiin lacago uu ka qaatay schabir Sheik oo

ahaa la taliyihiisa xagga maaliyada markii uu ahaa

madaxweyne ku xigeenka dalka, Sheik oo ah nin

maalqabeen ah wuxuu heley qandaraas hub ay

dowlada kusoo iibsatay, waxaa lagu heley dacwad

musuq ah 2005-tii waxaana lagu xukumey 15

sanno oo xarig ah, maalmo kadib ayaa Zuma laga

qaaday xilkii madaxweyne ku xigeenimada

dalka.Wixii xiligaasi ka dambeeyey ANC waxaa ka

dhexjirey garabyo kala taabacsan Zuma iyo Mbeki

taasoo horseedey in doorashadii 2007 ee madaxweynenimada

ANC uu ku guuleysto Zuma,

doorashada kadib waxaa xisbiga ka jabay garabkii

Mbeki taabacsanaa.Iminka Zuma wuxuu

doorashada galayaa isagoo aanan wax dacwad ah

lagu heysan taasoo ahayd walwalka ugu weyn ee

dadka heysatay maadaamaa maxkamadiisa lagu

beegey bisha August, markaasina uu maxkamad

tagi lahaa isagoo madaxweyne ah.

18 April , 2009 XOG-MAAL 3

Barbara Hogan oo raali galin bixisey,

shaqadeedana heysanaysa.

Haweeneyda ah wasiirada cafaimaadka

dalka Barbara Hogan ayaa la

sheegey in aanan laga diri doonin golaha

wasiirada kadib markii ay raali

galin ka bixisey hadal dhaleeceyn ah

oo ay dowlada u jeedisey bishii

maarso.

Hogan ayaa xukuumada ku eedeysay

mid inkirsan xuquuqda aadanaha

kadib markii fiiso dal ku gal ah loo

diidey hogaamiyaha ruuxiga ah ee

qoowmiyada Tibet, Dalai Lama.

Hadalkaasi ayaa dhaliyey carro weyn

oo dhanka xukuumada, iyadoo siyaasiyiin

sarsare ay ku baaqeen in

Hogan shaqada laga eryo maadaamaa

ay dhaleeceysay isla xukuumadii ay

iyada ka tirsanaynd, afayeenka xukuumada

Temba Maseko ayaa warfidiyeenada

u sheegey in Hogan ay

shaqadeeda sii heysan doonto, isla

markaasina ay bixisey raali galin cid

kasta qancisay, wuxuu hadlayay

waxyar kadib kullan golaha wasiirada

ay Pretoria ku yeesheen

Awooda dalka oo meel dhexe

la’isugu geeynayo.

Golaha wasiirada ayaa khamiistii

meelmariyey qodobka 17-aad oo ah

qodob cusub oo lagu soo kordhinayo

dastuurta dalka kaasoo awoodo baddan

siinaya dowlada dhexe kuwaasoo

ay ku faragalin karto maamulada dowladaha

hoose ee ay dadka soo doortaan.

Afayeenka dowlada Themba Maseko

ayaa sheegey in qodobkani ay golaha

meelmariyeen, isla markaasina looga

gol leeyahay in lagu dardargaliyo fidinta

adeegyada asaasiga ah sida

korontada, biyaha iyo guriyeynta,

wuxuu intaasi ku daray in ay jirraan

maamulo dowlado hoose oo si cad

oga horyimid qorshayaasha dowlada

dhexe, kadibna meelmariyey qorshayaal

aanan bulshada deegaanadaasi

aan waxbo taraynin, mar lagu riixey in

uu sheego kuwa ay yihiin maamulada

uu ka hadlayo ayuu yiri „ma doonayo

in aan ka hadlo arrin dood kicineysa

iyada oo la joogo xiligii doorashooyinka”.

Xisbiga mucaaradka ah ee DA oo

gacanta ku haya maamulka dowlada

hoose ee Cape Town ayaa xisbiga

talada haya ku eedeynaya in arrintani

looga gol leeyahay in lagu wiiqo

awooda maamulada lasoo doortey ay

u leeyihiin in ay fuliyaan adeegyada

loo igmaday, isla markaasina la meelmariyo

siyaasadaha ANC .

Eedeyntaasi waxaa diiddey ANC iyo

dallada maamulada dowladaha dhexe

ee lagu magacaabo SALGA (SA Local

Governments Association).

Nin sheegey in uu shubmi

gaaray markii uu heley lacag

shixnad ah

Nin ganacsade ah oo sare oo dalkani u

dhashay ayaa qol hotel ka heley lacag

aad u tiro baddan oo rugjad ah, qolka

waxaa kaga horeeyey ciyaaryahano

kubadda cricket-ka oo ka qeybgalay

tartankii Cricket-ka ee u dhexmaray

South Africa iyo Australia, kana dhacay

P.E.

Lacagta uu heley waxay gaaraysay

R450,000 (4 boqol iyo konton kun oo

Rand) taasi oo dhamaantedd wada

ahayd boqol boqol xaanshi ah oo hal

meel ku wada guntan, ganacsade

Stephen Blewett ayaa sheegey in uu

isku shubmi gaaray markii uu lacagta

heley.

Wuxuu ku wareejiyey maamulaha

hotelka, daqiiqado kadibna waxaa

yimid raggii lahaa oo raadsanaya,

waana la siiyey

Kasrils “kama war hayo

cajaladaha sirta ah”

Wasiirkii hore ee sirdoonka Ronnie

Kasrils ayaa beeniyey in uu wax ka

ogyahay cajalado sir ah oo la duubey

taleefoono ay kuwa hadleen Leonard

McCarthy hogaan hore ee hey‟ada

baaritaanada ee Scorpion iyo Bulelani

Ngduka madaxii hore ee hey‟ada garsoorka

oo ka wada hadlaya gooreynta

dacwada Zuma.

Cajaladaha raggani laga duubey waa

kuwa ay hey‟ada garsoorka ee NPA

ku sababaysay ka noqoshadii ay ka

noqotey dacwadii Zuma oo ay sheegtey

in farogalin siyaasadeed lagu

sameeyey arrintaasi oo laga ogaaday

cajaladaha maqalka ah ee raggani laga

duubey iyagoo taleefoon ku wada

hadlaya.

Hogaanka agaasinka iyo isku dubaridka

ololaha doorashada ee ANC

Fakile Mbalula ayaa Kasrills ku

eedeeyey in uu wax ka ogyahay taleeloonada

la dhagaystey ee la duubey,

maadaamaa uu xiligaasi ahaa wasiirka

sirdoonka.

Kasrills ayaa arrintani ku beeniyey

wareysi uu siiyey jariidada Business

Day ee Johannesburg kasoo baxday.

Xog-Maal

18 April , 2009 XOG-MAAL 4

Dilal fool xun oo ka kala dhacay

melo kala duwan

Ugu yaraan 2 qof ayaa la dilley, 2

kalana waa la dhaawacay dhacdooyin

kala duwan oo kala dhacay

gobolada Western Cape iyo Eastern

Cape.

Axadii lasoo dhaafay rag hubeysan

ayaa u dhacay dukaan ay Soomaali

leedahay oo ku yaala xaafada xasiloonida

daran ee Delf ee duleedka

Cape Town, ragga waxa ay toogasho

ku dilleen C/laahi Maxamud Sabriye,

waxayna isla goobta ku

dhaawaceen 2 kale oo kala ah Abdi

Khadar oo ay xabbada ka haleeshey

xabadka iyo qoorta iyo Liibaan Khadar

oo isagana ay xabbada ka

haleeshey lugaha.

Marxuumka la dilley ayay xabbada

kaga dhacday xabadka.isla goobtana

ku geeriyooday waxana la sheegay

in uu dhalay ganacsade Caan ka ah

dalka soomaliya Gaar ahaan muqdisho.

5 nin ayaa loo qabtey dhacdada,

laakiin qabashadooda waxay

dhacday iyagoo dhacaya dukaan ay

leeyihiin muwaadhiniin dalka u dhashay

waxyar kadib markii falka

geysteen.

Dhanka kale sida uu kusoo

waramayo wariyaha Xog-Maal ee

magaalada Port Elisaberth ee

gobolka Eastern Cape, tuulada Isinyoka

ee isla magaaladaasi waxaa

aroornimadii khamiista lagu dilley

Maxamed Khadar oo rag hubeysan

ay ku toogteen dukaankiisa

dhexdiisa.

Wuxuu noqonayaa marxuumkii ugu

dambeeyey ee la dillo .

Dilalkani waxay kusoo beegmayaan

iyadoo muddo bil ah laga nastey dilalka

Soomaalida loo geysto,

waxaase xusid muddan in falalkani

ay dhacaan xiliyada fasaxyada la

galo ee dadka dalka ay dabaal dagayaan,

todobaadkani waxaa

dhamaaday fasixii ciida masiixiga ee

Jimcaha wanaagsan loogu magac

daray (good Friday) ama (Easter).

Boqolaal qof oo Soomaali ah ayaa si

xaq darro ah loo dilley, kumanaan

fal dambiyeed ayaa laga galay dadka

Soomaaliyeed ee degen Koonfurta .

“Car Juu ii dheh”

Waxaan ku jirraa goob Internet ah

isla markaasina talefoonada laga

dirsado, dadka qaarkood dhalooyinka

ayay fadhiyaan, kuwana taleefoono

ayay ku hadlayaan.

Nin ka mid kuwa taleefoonada ku

hadlaya ayaa la hadlaya qof dumar

aan u maleeyey oo dabcan

xaaskiisa ah ama ehelkiisa dhow

ah, waxaa lagu heystaa “maxaad

lacag usoo diri weeysey”, isagana

wuxuu leeyahay “bisha dambe

ayaan soo dirayaa, hadda lacag ma

hayo”. Waxada hadalkiisa ka dareemi

kartaa in uu xalainayo arrin

xasaasi ah oo qoys. Isaga oo qaati

taagan, ayaa waxaa hadlay nin ka

mid ahaa kuwii dhalooyinka fadhiyey,

oo yiri “ninkaasi u sheega hadalka

hoos ha‟u dhigto ama banaanka

ha‟ola baxo”, aniga oo

arkaya ayuu ninkii is galay,

waxaan iri “ka aamus ninkaasi hadalkiisa

ha dhamaystee”, isagaoo

teleefoonka ku hadlaya ayuu banaanka

la aaday. Ninka ka cabanaya

qeylada ninka taleefoonka ky

hadlaya, isaga waxa uu dhagaysanayaa

heeso, cabaar ka dib ayuu

ninkii soo galay isagoo hadalkii

soo dhamaystey.

Dhamaan wixii xanaaq ahaa oo uu

qabay ayuu ninkii hadlay kula dul

dhacay, wuxuu yiri “maxaa

ninkaasi halkaas iska fadhiya ka

galay hadalkeeyga, waa wax qurun

ah oo aan edeb lahayn”. Daqiiqado

kadin murankii ayaa circa isku

shareerey, ninkii si loo dajiyo ayaa

la waayay, xanaaq ayuu meel la

qaban waayay, waxay gaartey in

ay six un isu caayaan labbadii nin

oo gacan qaad ay sheekada gaarto,

dadkii meesha joogey ayaa kal reebreeb

galay. Si dhib leh ayaa labbadii

nin lagu kala reebey, arrinta

oo dhanna waxay ka bilaabatay

“hadalkaaga hoos u dhig”.

Waxaa halkaasi iiga soo baxay

culeyska dadka dalkani ku heysto,

waxaan la kulmey dad aad u baddan

oo lumiyey dabeecadii oo

dhan, oo wax kasta oo yar ka

xanaaqaya, waxaan is tusey in dad

baddan ay dhaqtar u baahnaan lahaayeen

heerka cadaadiska maskaxdooda

gaaray dartiis. Maqaalkan

waxaan jeclahay in aad oga

faa‟ideysataan illaalinta xanaaqiina,

taasina waxaad ku gaari kartaan

nasiino wanaagsan, iyo

shaqada aad heeysaan oo aad xad u

yeeshaan.

Raga aan ka hadlayo waxaa iiga

muuqdey astaan kasta oo daal,

rafaad iyo dhibaato ah, taasi

micnaheedu ma ahan in aysan lacag

heysan, ee waa shaqada oo si

xad dhaaf ah u qabtaan, oo ay

naftoodii hilmaameen.

Qore: Ismaaciil Cabdi (Turki ) P.E

18 April, 2009 XOG-MAAL 5

Qeybtii 2aad.

Waxaa la arkaa in aad is weydiiso

cudurka jabtaddu dhibaato ma u

keeni karaa ilmaha ay dhasho

h o o y o c u d u r k a n q a b t a a ?

Jawaabtu waa HAA!, maxaa yeelay

hooyada cudurka jabtada

qabtaa waxa ay u gudbin kartaa

ilmaheeda bakteeriyada xiliga

dhalmada taas oo u keeni karta

ilmaha indho la’aan hurgun

kalagoysyada ilmaha kaga dhaca

iyo bacteeriyadan oo dhiiga ilmaha

raacda sababtana inta

b a d a n d h i m a s h o .

Inta badan faafida cudurka jabtada

waxaa ka qeyb qaata dumarka

marka la barbar dhigo

raga , maxaa yeelay konton boqolkiiba

(50%) oo dumarka

cudurkan qabaayi ma muujiyaan

wax calaamado cudur ah balse si

fiican ayay ugu gudbin karaan

qofkii galmo la sameya, meesha

ay 95% ragu ay muujiyaan

calaamado cudur.

Sidoo kale waxaa cudurkani ku

badan yahay dadka isugu galmooda

qabaabka sharciga iyo

dhaqanka wanaagsan ka fog,

Su’aasha kale ee is weydiinta

mudan ayaa waxay tahay hurgunka

ay keento bakteeriyada

ma mid ku eg baa habdhiska

taranka iyo meelaha kale ee

dadka falfalka xumi isaga tagaan

oo keliyaa ? jawaabtu waa

MAYA!, maxaa yeelay bakteeriyadan

ayaa caabuq iyo hurgunba

ku keeni karta xubna badan oo

jirka ka mid ah hadii ay taabato,

qabsato kuna taranto, tusaale

ahaan hadii bukaha cudurka jabtadda

qabaaye uu caado ka

dhigto in uu gacmaha ku taabtaabto

hubanaha habdhiska

taranka jirkiisa ee hurgunka la il

daran oo uusan isticmaalin wax

saabuun, alkohool ama dhitool,

waxaa dhacda in bakteeriyada

Neisseria gonorrhoeae ay hurgun

ku keento gacmihiisa iyo waliba

xubnaha kale ee jirkiisa e uu

gacantiisa wasakheysan ku taabtay

sida indhaha, afka IWM. Sidoo

kale waxaa la mid ah qofka u

isticmaala farahiisa haweenay

qafta cudurka Jabtadda.

CALAAMADAHA CUDURKA JAB-

T A D D A : -

Calaamadaha u horeya ee lagu

arko bukaha cudurka jabtadda

qaba ayaa ah kuwa dhexdhexaad

ah , inta badana calaamadahaasi

waxa ay soo muuqdaan labo ilaa

toban casho gudahood ka dib

marka uu qofku galmo la sameyo

b u k e c u d u r k a q a b a .

Calaamadaha Dumarka iyo kuwa

raga lagu arko ayaa dhab ahaantii

kala duwan.

Calaamadaha Dumarka:-

1. xanuun ama gubasho la

dareemo xiliyada kaadida.

2. dheecaan ka yimaado farjiga

kaas oo ah cagaar marmarna

u eg dhiig-dhiig.

3. dhiig yimaada xiliyada

caadada dhexdooda.

4. xanuun la dareemo xiliyada

Galmada

5. qaarka danbe oo xanuuna

Calaamadaha Raga:-

1- cuncun iyo xanuun laga

dareemo gudaha dekarka.

2- kaadida oo lagu dhibtoodo

3- malax leh xanuun oo ka timaada

dekarka.

4- madax xanuun iyo qandho la

dareemo marmar.

Ka hor tagaga Faafinta

Cudurka JAbtada.

Cudurkan waxaa looga hortigi

karaa oo keliya qofka oo ku

ekaadaa gogoshiisa (xaaskiisa)

aana sameyn wax gogol dhaaf ah

(sino), halkaas waxaad ka garan

kartaa macanaha balaaran ee ay

xanbaarsantahay xaaraantimeynta

ay diinta Islaama ee

sharafta badani xaaraantimeysay

sinada, waxyaabo badan oo

waxaa jira ay gaaladu sheegaan

in looga hortigi karo cudurka jabtadda

balse waa wax ay iyaguba

ka caalwaayeen oo in aan sheegnaa

aysan waxba nagala

maqneyn, isku soo duuduuboo

xalka keliya ee looga hortegi karo

faafida cudurkan waa ku ekow

gogoshada kana fogow sinada.

BARISTA CUDURKA JABTADDA:-

Si loo xaqiijiyo cudurka bukaha

hayaa in uu yahay cudurka jabtadda

iyo in kale ayay xarumaha

baarista cuduradu u adeegsadaan

sadex dariiqo midood baarista

cudurka jabtadda.

1)- In si toos ah loo adgeesado

sheybaare iyada oo la adeegsanayo

dheecaan aan badneyn

oo bukaha laga soo qaaday,

2)- In laga baaro hiddaha bakteeriyada

Neisseria gonorrhoeae

kaadida bukaha, taas oo u baahan

in la isticmaalo qalab casri

ah sida midka loo yaqaan polymerase

chain reaction.

3)- In la abuuro (culture) bakteeriyada

Neisseria gonorrhoeae

iyada oo la isticmaalayo dheecaan

laga soo qaaday bukaga

cudurka qaba si loo helo xadi

bakteeriyadan ah oo si fudud loo

baari karo, abuuristan oo u baahan

in loo dhameystiro nafaqooyinka

iyo macdanaha ku haboon

koritaanka bakteeriyada .

W.D C/risaaq Mursal Faarax

Xog-maal.

18 April , 2009 XOG-MAAL 6

Wax kasta oo aad u malaysid in ay

yihiin wixii ugu dambeeyey ee qof

lagu samayn karro, waxaad arkaysaa

wax ka daran in ay suuro galyihiin,

waxaa taasi la mid ah dhacdo layaab

leh oo qabsatay rag Soomaaliyeed oo

dukaan ku leh Xaafada Delf ee

duleedka Cape Town.

Waxaan soo aragnay nooc kasta oo

dhibaato ah oo la gaarsiiyo dukaamaleyda

Soomaalida, laakiin tani

ku dhacday wiilashani ay sheekagadani

ku saabsantahay waa mid nooceeda

oo kale uu noo dhimanyahay

maqalkeeda, si sahlana aysan maskaxda

uga fikiri karin suurtogalnimadeeda.

Waxay ahaayeen labbo wiil oo naga

codsaday in aanan magacooda la

shaacin, dukaan ayay ku leeyihiin

xaafada Delf, sidii caadada ahayd habeenkii

ayay dukaanka dhexdiisa jiifsadeen,

laakiin sidii caadada ahayd

kuma aysan soo toosin, subixii waxay

kasoo tooseen xaafad kale oo 10km u

jirta halkii ay degenaayeen, tolow

maxaa yaab iyo faraj ah, markii ay

illinka fureen indhahooda ayay aamini

waayeen waxa ay arkayaan.

Dukaanka waa koodii, laakiin xaafada

iyo meesha ay joogaan ma ahan halkii

ay degenaayeen, kaaga daran waxaa

kasoo horjeeda dukaan kale oo ay

leeyihiin rag Soomaaliyeed kuwaasi

oo dagaal iyo weerar kusoo qaaday

raggani lasoo dheelmiyey iyagoo ka

cabanaya sababta ay habeenimo dukaan

kale uga ag fureen, ragani ambadka

ah ma yaqaanaan sida ay halkan

ku yimaadeen, ragga kale ee dukaanka

lagu ag-qabtayna ma aaminayaan

hadalka wiilasha ee ah in aysan

ka warheynin.

Daqiiqad kasta waxay u maleeyaan in

ay riyoonayaan oo ay hurdaan, laakiin

arrintu riyyo ka weyn, dhowr jeer

ayay indhaha maraanmaranayaan si ay

u xaqiijiyaan in aysan hurdeeynin,

waa hubaal ma hurdayaan, waxa hortooda

yaalana waa wax macquulnimada

ka weyn, layaab ma lahan in

midkood uu niyada iska yiri “tolow

ma xerro jin baad joogtaan?”.

Haddaba sidee ayaa ragani lagu

dheelmiyey?, marka hore dukaankooda

waa mid ka samaysan

Konteenar, marka labbaad waxa uu ka

ag furnaa dukaan uu leeyahay nin

middab ah oo dalka u dhashay, ninkii

midabka ahaa ayaa maleegey qorshe

dukaanka Soomaalida uu meesha uga

raro iskagana fogeeyo, wuxuu la

yimid farsamo cajiib ah, wuxuu soo

kirreystey gaari weyn oo uu ku rakibanyahay

wiishka xambaara konteerada.Wuxuu

sugey illaa habeenbarkii

intii laga gaarayay saxda dhexe,

kadib wiishii ayaa afarta xagal ka qabtay

konteenarkii, gaarigana saaray,

sidaas ayaana lagu geeyey xaafada

10kn mitir jirta ee ay subixii dambe

kasoo toosi doonaan.

Markii aan sheekadani maqalnay,

waxaan wiilasha wareysanaya sida ay

suurogal ku tahay in aysan maqlin

shanqarta weyn ee uu gaariga samaynayo,

midkood ayaa noo sheegey sida

soo socota “meesha aan seexano waa

meel aad u yar oo aad dareemi karto,

wiilka illa jiifana waa mid dhaqdhaqaaq

baddan oo kolba meel u

gadooma, aniga waan u bartay dhaqdhaqaaqiisa,

danna kama gallo marka

dhaqdhaqaaqa waxaan u maleeyey tii

wiilka, halka guuxa gaariga aan isagana

u maleeyey gaari shaqaale qaado

oo subax kasta dukaanka agtiisa dadka

ka daabula, maba aanan soo dhiganin

in dukaanka la dallacay”.

Arrintani waxay Xog-Maal soo gaartay

habeen kadib markii ay dhacday,

wiilasha waxay noo sheegeen in dukaankii

halkiisii ay ku celiyeen, ninkii

rarayna ay wadahadal la galeen.

Waxa ugu daran ee ay la kulmeen

ayaa ahaa ragga Soomaalida ah oo

marnaba aamini waayey sida ay wax u

dhaceen, kuna sigtey in ay dagaalamaan

dhexdooda.

Qormada Xuuraan ee Xog-Maal boga

10-aad kusoo baxda cadadkii hore

waxaan kusoo qaadanay qormo aan

ciwaan oga dhigney „Afar jibaaranaha

inkaaraha qaba (nolosha eddega birta

ah ka samaysan). Qormada waxaan ku

faaqidney dhibaatada ka jirta dukaamada

konteenarada ka samaysan,

markii dhibaatooyinkiisa laga

sheekeynayay marnaba lagama fikirin

suurtogalnimada arrintani.

Haddii ay dhici karto arrintani, miyeysan

suurogal ahayn in badweynta la

raaciyo?

Xog-Maal

18 April , 2009 XOG-MAAL 7

Dooqii La,isku Dal Dalay

(wiil Soomaali ah iyo Gabar

South African ah)

Waxaa laga yaaba in dadka baddankooda

Soomaalida ah ay ka

dhaadhacsantahay in dadka dalkani

u dhashay ay wada necebyihiin

Soomaalida, oo ay dillaan,

dhibaatooyin kalana u geystaan,

laakiin halkani waxaan ku

heeynaa qof jacayl uu Soomaali

u qaaday isu dilley dartiis.

Botisha Anderlin oo ah gabar u

dhalatay dalka K/Afrika ayaa

jacayl daran u qaaday wiil

Soomaaliyeed. Jacaylku waa

indho la’yahay, meel kastana

waa uu gala, haddii aad la yaabantahay

gabadha dalkani u

dhalatay ee wiil Soomaali ah

jacaylka u qaadaysa, waxaa kuusoo

socda war kaaga yaab baddan,

kaasina waa in jacaylkaasi

dartiis isu dishey gabadhii.

Botisha waa 18 jir, muda 3 bilood

ah ayay jacayl daran u qabtay

wiil Soomaaliyeed oo ka shaqaynayay

dukaan xaafadooda ku

yiiley, wiilka waxaa lagu magacaabaa

Haashim Axmed Cali.

Jacaylku waa xariir bini’aadamka

dhexmara, waxaana asaas u ah

in labbada qof ay wada hadlaan

marka hore inta aysan miraha

jacaylka guran, ka waran haddiiba

aanan la wada hadli karrin.

Botisha ma taqaano Afsoomaaliga,

Haashimna ma

yaqaano afka English-ka oo ay

Botisha ku hadasho, haddii labbada

qof aysan is fahmeynin sow

ma ahan in turjubaan loo waco-

Botisha waxay qeexday jacaylka

ay u qabto Haashim, laakiin

markii ay ogaatay in uusan fahamsanayn

waxa ay sheegeyso

ayay u yeertey Cabdinaasi Xassan

Xaaji oo luuqada yaqiiney si

uu ugu kala tirjumo.

Bal qayaas jacaylka turjubaan

galay illaa heerka is faham laga

gaarayo, oo ay tahay in wax

kasta oo aad sheegi lahayd turjubaan

lasii mariyo. Cabdinaasir

waa uu u sharxay Haashim waxa

ay gabadha ka dooneyso,

Haashim fajac iyo layaab ayaa

kasoo haray waa uuna ka biyo

diidey.

Cabdinaasir isaga waa uu u

beerlaxawsaday gabadha

wuxuuna codsaday in ugu

yaraan uu la daadihiyo jacaylka,

malaha waxa uu fahmay heerka

gabadha jacaylka ka gaaray oo

xittaa gaarsiin lahayd in ay diinteeda

Islaam u badasho, laakiin

asxaab kale oo la joogey

ayaa Haashim ku qanciyey in uu

gabadhani ka fogaado. Cabdinasir

Botisha waxa uu ku qanciyey

in ay wax lala qabanayo iskana

tagto, wuxuu sidaasi u

sheegayaa Haashim oo aan arrin

ta ku qanacsanayn oo carab

laadlaadinaya, asxaabta kalana

ay meel adag iska taageen.

Gabadhii jacaylka ay wiilka u

qabto iyo warka wanaagsan ee

ogolaansho ah dadka oo dhan

ayay u sheegtey, xaafada oo

dhan ayaa odgaatay, dadbaddan

oo arrinta jecleystey ayaa bilaabay

in ay si fiican dukaanka wax

oga iibsadaan, dadka kalana kusoo

xiraan

Dadka arrinta maqlay waxaa ka

mid ah hooyada gabadha iyo

wiilka adeerkiis oo si kulu ugula

taliyey Haashim in uu faraha ka

qaado gabadha.

Hashim wuxuu bilaabay in uu

gabadha ka dhuumaalaysto,

marka ay wadada ka hor timaadana

uu u sheego in uu

meel ka daahayo, laakiin waa naf

naf jacelee meeysan quusan.

Bitosha ayaa habeen timid tukaanka,

banaankana ugu yeertey

Hashim, isagiina waxa uu ka

xanaaqay imaashaha gabadha

xiliga ay mashquulsanyihii,

wuxuuna indhaha ka saaray in

uusan dooneynin jacaylkeeda,

iyadu meeysan fahmin, waxayna

u yeertey Cabdinaasir. Waa u

yimid una sheegey waxa uu

leeyahay oo ah in uusan

jacaylkeeda waxbo kala qaban

karin.Maxaa qaraacan ah,

maxaa niyad jab ah, maxaa rajjo

beel ah, Botisha aduunka oo

dhan ayaa kusoo caariyey, wax

ay samayso ayay garan weeysey,

iyadao oo lugaha jiideyso

ayay ka hadaaftey meesha.

Markii ay kaligeed meel ku noqotey

oo ay maskaxdeeda la tashatay

ayay usoo baxday in aysan

aduunkani ku noolaan karrin

Haashim la’aantiisa, waxayna

go’aansatay in ay nolosheeda ku

qamaarto, habeenbarkii ayay suuliga

xarig ku xiratay oo ay is daldashay.

Haashim oo arrinta ay hanfariir

ku noqotey ayaa isaga huleeley

tuulada isaga oo ka baqaya in

loo qabsado dhimashada

gabadha.

Qisadani waxay ka dhacday tuulo

Cape Town u dhow, 29-kii

Maarso, 2009.

Qore: Cabdilaahi Xaaji (Xuduu)

17 april, 2009 XOG-MAAL 8

Shir beeleed P.E ka

dhacay

Qore: bahda Xog-

Maal, P.E.

Shirweynihii shanaad ee

Beesha Absame ee

Koonfur Africa ayaa lagu

qabtay magaalada P.E

maalmihii taariikhdu ay

ahayd 10kii illaa 13-kii

April.

Shirweynaha oo 4-tii

sanaba mar la qabto

ayaa waxaa isugu yimid

inka baddan 500 qof oo

ka tirsan urur beeleedka

Absame International

Link oo ah mid dhanka

dowlada a diiwaangashan.

Kadib 3 maalmood oo ay

socdeen kullamo albaada

u laaban oo

xasaasi ah ayaa ugu

dambeybtii lagu soo

gunaanaday isu imaatin

balaaran oo dadka oo

dhan ay ka qeybgaleen,

waxaana meesha

loogaga dhawaaqay

hogaan cusub oo uu

ururka yeelanayo.

Sheekh Cabdullaahi Sh.

Cabdi Ubax oo ah nin

culumo ah, isla

markaasina xilal kasoo

qabtey ciidamadii

qalabka siddey

ee dowladii

Soomaaaliya ee dhexe,

waa nin siweyn looga

qadariyo dalka.

Sida ay ku waramayaan

wariyeyaasha Xog-Maal

oo oo kala ah Ismaaciil

Cabdi Turki, Maxamed

Saxafi iyo Cabdiraxmaan

Nuur, ergada shirka ka

qeybgashay ayaa

harqisey magaalada,

iyadoo magaallada ay

noqotey markii ay ugu

dad badneyd xagga

Soomaalida timid.

Waxay kaloo wariyeyaasha

sheeegayaan

in magacaabista

hogaanka cusub aysan

ku iman si sahlan

oo madasha siweyn

loogu tartamay xilka gudoomiyenimada,

balse

markii dambe si hoose

lagu dhameeyey kadib

markii guddi soo xula

loo saaray.

Hogaanka cusub ayaa la

doortey kadib markii uu

xilka ka degey gudoomiyihii

hore Ugaas Maxamed

Cabdi Diiriye

(Ugaas Qooqaani),

ugaaska waxa uu Xog-

Maal u sheegey in uu

go’aansaday in uu

shaqada ka nasanayo

kadib 13 iyo

sanno oo uu xilkaasi soo

hayay.

Tahniyad Dhalasho oo

farxad leh

1. Maxamed Cali Ibraahin

2. Nuur Cali Ibrahin

3. Mahdi Caraaye Cabdi

4. Cumar Xasan Kabiila

5. C/qaadir Axmed Hagarey

6. Maxamed C/lahi Faray

7. Ridwaan Abuukar Canshuur

8. Sahra Cali Ibrahin

9. Kiin Cali Ibraahin

10. Dahabo Cali Ibraahim

11. Xamdi Cali AXmed

12. Fartuun Cali Dhagay

13. Luulay Jagni iyo wiilkayda

14. Safiyo iyo Xasan

15. Ayaan iyo Caana boore

16. Fartuun Xaaji Aamanuu

17. Cabdulaahi Xuseen „Ibrahin (Calaay)

18. Faadumo Cabdi Fiidoow

19. Abuubakar Yariisow

20. M.M Nuur (Deeqdarajo)

Dhamaan Dadkan waxay tahniyad dhalasho oo farxad leh

u dirayaan Abuukar Xaaji Canshuur iyo Shariifo Cali

Ibraahin oo gabar ugu dhalatay magaalada Cape Town

waxaana loo bixiyay Fayruus Abuukar Xaaji Canshuur

waxay leeyihiin soo bar baar noqo tii Diinteeda iyo

Dalkedaba anfacda anagane waxaa leenahay Aamiin

Aamiin Aamiin.

18 April , 2009 XOG-MAAL 9

X a a l a d d a Q a x o o t i g a

Soomaalida Ee South Africa

Oo Laga Arinsaday.

Shir looga hadlayey Xaaladda

Qaxootiga Soomaalida ee ku

jira xerooyinka Dalka Koonfur

Africa iyo sidii loo tixgelin lahaa

rabitaankooda ku salaysan

inay helaan nolol midan

ka badalan, ayaa lagu qabtay

Magaalada Cape Town ee

dalka Koonfur Africa.

Shirkan oo ay si wada jir ah

usoo agaasimeen Laanta

Qaxootiga QM ee UNHCR iyo

The CITY OF CAPE, islamarkaana

ay goobjoog ka

ahaayeen Jaaliyadaha Africa

eek u nool dalkan Koonfur Africa,

Hay’adaha NGO-yada ee

qaabilsan Qaxootiga, Wakiilo

ka kala socday Safaaradaha

Ingiriiska, Maraykanka iyo

Canada, ayaa si gaar ah la

iskula meel dhigay in

Soomaalida qaxootiga ah ee

xerooyinka dalka Koonfur Africa

dib u celin lagu sameeyo,

islamarkaana ay helaan tixgelin

guud oo caalami ah.

Xoghayaha guud ahna Afhayeenka

Jaaliyadda Soomaaliyeed

ee Koonfur Africa

( S O M A L I C O M M U N I T Y

BOARD) Maxamed Cusmaan

Jaamac (Dheereeye) oo kulankaasi

ka hadlayey ayaa ka

c o d s a d a y H a y ’ a d a h a

caalamiga ah in Qaxootiga

Soomaalida, loo fududeeyo

helitaanka adeegyada ay xaqa

u leeyihiin, hase ahaatee aan

hiyi kicin lagu sameynin.

Isagoo la hadlayey wargeyska

Xogmaal, ayaa Xoghayaha

waxa uu tilmaamay in qodobada

sida gaarka ah qalinka

lagu wada duugay ay tahay

sidii qaxootiga Soomaaliyeed

ee dalbanaya in dal 3-aad loo

qaado, balse ay qaadan

doonto Afar ilaa Shan

sano.Sidoo kale kuwa dalbaday

in dalka Soomaaliya dib

loogu celiyo, ayuu Mr.

Dheereeye sheegay in la isla

gartay in marka hore la

qiimeeyo xasiloonida dalka,

halka kuwa doonaya inay

deegaanadooda gudaha Koonfur

Afrika dib ugu laabtaana la

taakuleyn doono.

Bishii May ee sanadkii tagay,

ayaa dalka Koonfur Africa,

waxaa ka dhacay rabshado

jinsi naceyb ah oo ay ku barakaceen

Kumanaan Soomaali

ah, qaar kalana lagu dilay,

iyadoo tirade qaxootiga

Soomaalida ee haatan ku jira

xerooyinkana ay gaarayso 463

-ruux.

W.Q: C/risaaq C/laahi Maxamed

Koobka nabada ee ka socday

Cape town oo hakad ku yimid.

Koobkan oo ay soo qaban qaabiyeen

gudiga isportiga ee gobalkani

Westren Cape ayaa socday

maalmihii la soo dhaafay ayadoo

ay ka qeyb galeen ilaamaa 6

kooxood oo ka wada dhisan magaalada

Cape Town.

Koobkani oo loogu magac daran

koobka nabada ayaa ku bilaawday

jawi aad u wanaagsan

ayadoo wareegii hore ee ciyaarta

ay weli lagu guda jiro balse

kooxaha ay is wada arkeen.

Waxaa is if baxaya in koobka

hakad ku yimid warar hoose oo

wargeyska Xog-maal loo soo dusiyay

aya sheegaya in uu qilaaf

soo kala dhex galay kooxaha

qaarkood .

Yuusuf U.K oo ka mid ah gudiga

isportiga ayaa sheegay in aysan

jirin qilaaf haba yaraatee soo

kala dhex galay kooxaha balse

ay jirto cillad farsamo oo tar

tanka hakad u galay.

Waxaa la arkayay in koox walba

ay ka muuqatay isku duubni iyo

wada shaqeyn ayadoo garoomada

ispoortiska lagu ciyaaro

ay ahaayeen kuwo mashquul ah

oo ay koox kasta samaynayso

diyaargarow iyo jimicsi.

18 April , 2009 XOG-MAAL 10

Qore: Cabdinaasir Axmed

(Saxansoxo).

Todobaadkani waxaan safar

gaaban ku maray 2 magaalo

oo waaweyn, Soomaalidana

ay aad u degentahay, waa

P.E iyo Cape Town, marka

uu qofka safar galo waxa

ugu horeeya ee niyada kusoo

dhacaya waa jiifka iyo

halka uu degeyo kolka uu

gaaro halkii uu u socdey,

sidoo kale marka aad tahay

socoto oo aadan magaaladaasi

hoy ku lahayn waxaa

niyada soo galaya Hoteel oo

ay tahay in aad jiifato.

Caadi ahaan hoteelada la

jiifto aduunka waa ganacsi

macaash baddan laga hello,

sidaasi darteedna aad ayaa

looga dadaalaa in la tayeeyo

nadaafada, adeega iyo qidmeynta,

iyo waliba gogosha

wanaagsan, waxaa dadaal

kasta loo galaa in qofka uu

dareemo raaxo iyo nasiino

kama dambeys ah.

Su‟aal?, ka waran

Soomaalida iyo ganacsiyada

hoteelada ?.

Marka hore aan ku bilaabee,

hoteelada waa ganacsi ay

Soomaalida siweyn ugu

baraarugsantahay, sababtuna

waxay tahay waa dad

dhamaantood wada safar ah,

adeega hoteeladana aad ugu

baahi qabba, waxaad arkaysaa

in magaalooyinka qaar

maalin kasta Hotel cusub

laga furo, misane wali ay

taagantahay baahida jiifka.

Runtii ganacsiga hoteelada

ee Soomaalida waa mid si

weyn loogu nafisey, dadka

Soomaaliyeed ee qurbaha

aanan guryo ku lahayn ayay

tani u tahay fursad qaali ah.

Waxaa kale oo war fiican ah

qiimaha qaban ee hoteelada

lagu seexdo, ogow ma jiraan

hoteelo aan kuwa

Soomaalida ahayn oo lagu

seexdo R20 ama R25, kuwa

ay leeyihiin dadka dalka u

dhashay kuwooda ugu jaban

R100 ayay ka biloowdaan,

ma filayo in uu jirro qof

lacagtaasi si joogto ah oga

bixin karra jiif. Laakiin hoteelada

Soomaalida dhib

weyn ayaa ka jirra,

qaarkood marka aad illinka

ka gasho waxaa ku salaamaya

habaash (bus), haddii

aad tahay qof sanboor

qabba, hatisho ayaad ka

wareegeysaa, waxaana kugu

dhacaya hargab aadan isku

ogeyn.

Inta aadan wax kale

samaynin fadlan eeg suuliga,

illinka maba xirmo,

adiga oo duulaya ayaad nin

xaajoonaya dalaq u dhahaysaa

kolkaasuu naxdin iyo

hanfariir kala go‟ayaa,

mararka qaarkood ma

shaqaynayso aalada biyo

raacinta ee marka la saxaroodo

godka lagu nadiifiyo,

xeendaabka qubeyska

biyaha baddanaa ma kulula,

haba sheegin tuubooyinka

shabaaxiska ah ee kor kasoo

foorara, waxaa dhexyaala

weel afweyn oo biyaha kaa

hooraya ay ku dhacayaan

kadibna isla iyagii ay tahay

in aad isku nadiifiso.

Qolka u dhaadhac, inta baddan

sariirara waa kuwa

goglan, go‟ iyo buste is dul

saaran oo la‟isku soo dhan

laabay, barkintuna dhinac

ka saarantahay, haddii aad

weeydiisato shukumaan waa

laguga qoslayaa, haddii uu

yaalana waa mid aanan 10

barri la meeyrin, gogosha

iyadu wallow ay tahay tan la

galiyo dadaalka ugu baddan

haddane mararka qaar ma

jecleysanaysid ustada saran,

dharka ma jirro takabaan la

surto, xittaa musbaar darbiga

ku suran oo aad wax

suran kartid ma lahan,

dharkaaga waa inaad barkataa,

haddii aad tahay nin

dharkiisa feereysanyahay oo

xaragoonaya fadlan

feeradaada boorsada ku

waddo.

“Marwaxadii aaway kuleel

ayaa jirraa, mise uumigii

aaway qaboow ayaa jirree?”,

hadalkaasi ma ahan

mid loogaga hadlo hoteelka

Soomaalida leedahay ee aad

degentahay, waxa ugu weyn

ee aad ka fikiri karto waa in

qolkaagu leeyahay daaqad

la xirri karro, lana balaqi

karro, balse hala yaabin

hadii aad taasi lafteeda

weeyso oo aysan shaqaynin.

Mararka qaarkood waxaad

kusoo tooseysaa iyada oo

qolka lagugu qufuley,

markaas ayaad saacado ku

jirreysaa xabsi guri, ka

waran haddii dhismaha uu

dab qabsado? Inta uusan

holaca kusoo gaarin, qaaca

ayaad u dhimanaysaa, ugu

yaraan mid ka mid ah hoteelada

oo aan tagay meesha

qubeyska waxaa la‟ii sheegey

in dacaska banaanka

lagu siibto, markii aan

weeydiiyey sababta, waxaa

la‟ii sheegey in dhowr qof

ay ku waxyeeloobeen kadib

markii ay ku sabiibaxdeen

ismiidka aan nadiifka ahayn

Hoteelada qaarkood ma

buuxsamaan, 9 saac habeenimo

haddii aad timaadid

boos ayaa kuu banaan, lagu

celin maayo, taasi micnaheedu

ma ahan in aysan

sariiraha buuxin, joodariyo

(firaash) dheeraad ah ayaa

hoteelka yaala, kuwaasi

ayaa laguu dhigayaa

sariiraha dhexdooda,

ha‟isku murjin in aad tiraahdin

“raali noqo” haddii

aad qof caloosha uga istaagtid

adigoo sariirtaada kasoo

deganaya waayo isagaa caloosha

ku hoos dhigtey.

Ogoow hoteelada oo dhan

sidaasi ma ahan, ugu yaraan

midkood oo aan P.E ku

arkay habeenkii R100 ayaa

lagu seexdaa qolalka

qaarkood, adeegiisana waa

heersare, waxaase aan ka

yaabay erey bixin ay banaanka

ku qorteen, waxay

ku qoreen “Albeerkada

Ramadhaan” oo ah kalmad

talyaani ah laakiin

Soomaalida ay isticmaasho,

markii aan weeydiiyey

Saxafi Cabdiraxmaan Nuur

Jilley oo hoteelka leh,

wuxuu ii sheegey in looga

danleeyahay in haddii lagu

qoro kalmada “Hotel” ay

kalmadaasi soo jiidanayso

ajaaniibna oo aan loo ogoleyn

in ay seexdaan, hadalkaasi

waxbaan ka fahmey.

18 April , 2009 XOG-MAAL 11

Dardaarankii Nabigeena

NNKH : Waxaan idiin dardaarmayaa

salaadda iyo wixii

ay hanatay (milkisay) gacmihiinu.

N e b i g u

wuxuu xanuunsanayey 18

maalmood oo ay Asxaabtu

booqanayeen Xanuunkiisa,

Xanuunkii ugu horreeyay

w u x u u a h a a M a d a x -

xanuun,habeenkii isniinta ee

uu maalinkeeda dhiman

doono ayaa xanuunkiisii

c u s l a a d a y .

Sayid-Bilaal ayaa aadamay

aadaankii salaadda subax

wuxuu istaagay albaabka

guriga Nebiga, wuxuuna

yidhi: (Assalamu caleyka yaa

rasuululaahi) Faaduma ayaa

tiri: 'Rasuulkii Illahey nafsadiisa

ayuu ku mashquulsan

yahay, markii salaaddii

cadaatay ayaa Sayid-Bilaal

soo laabtay, wuuna salaamay

rasuulka sidii hore oo kale,

dhawaaqii Bilaal waxaa

maqlay rasuulka wuxuuna

yidhi: 'soo gal Bilaal', waana

soo galay Bilaal isagoo ooyaya

Rasuulkuna (SCW) wuxuu

yidhi Bilaalow xanuunkii ayaa

igu cuslaatay ee ha tujiyo

salaadda dadka Abuubakar

Sadiiq. Bilaal waa baxay

isagoo madaxa gacmaha

saaranaya, oranaya musiibo

ayaa noo timid iyo ereyo kale

oo la mid ah. Masjidkii ay uu

galay, wuxuuna Abuubakar ku

yidhi 'Nebigu wuxuu ku amrayaa

inaad salaadda tujiso'

Abuubakar markii uu arkay

mixraabkii uu Nebigu (NNKH)

istaagi jiray oo faaruq ah wuu

hanan waayay nafsaddiisa

waana la miir daboolay waana

qeyliyay, muslimiintii oo

dhanna wey qeyliyeen, qeyladii

ayuu maqlay Nebigu

(NNKH) wuxuuna weydiiyay

gabadhiisa Faadumo wuxuuna

yidhi ' Faadumoy waa maxay

hugunka iyo sawaxanka

yeedhaya?' waxay tidhi Faadumo

'Muslimiintii ayaa qeylinaya

markey ku waayeen'.

Rasuulku wuxuu u yeedhay

Sayid Cali iyo Fadal Bin Cabaas,

weyna garba galeen

waxeyna geeyeen masajidkii

salaaddii ayuuna ka bixiyay

asxaabtii, salaaddii kaddib

ayuu rasuulku (NNKH) la dardaarmay

asxaabtii wuxuuna

yidhi: 'Waxaan idiin dardaarmayaa

oo aan idiinku sagootinayaa

cabsida Illahay iyo

inaad adeecdaan oo aad

amarkiisa qaadataan anigu

waan faaruqayaa (ka tagayaa)

adduunyada, maantana

waa maalintii iigu dambaysay

adduunyada iiguna

h o r r e e y s a y A a k h i r o ' .

Intaa kaddib Nebiga (NNKH)

waxaa la geeyey gurigiisa,

Illahay ayaa u waxyooday

Malakul-mowt wuxuuna yidhi:

'Hoobo (u tag) xabiibkayga

(kaan jeclaa) Muxammad

(NNKH) uguna tag suurad

wanaagsan una naxariiso)

marka aad ka qaadaysid

nafta, markii aad u tagtid idan

weydii, haddii uu kuu idmo u

gal gurigga balse haddii uu

kuu diido ha u galin, kana soo

l a a b o ' .

Malakul-mowt wuxuu u tagay

N a b i g e e n a M u x a m m a d

(NNKH) isagooo u eg nin

reer miyi ah, wuxuuna yidhi:

'Assalamu calaykum ma soo

galaa?' Faadumo ayaa la hadashay

oo tidhi: 'Ninyahow

rasuulkii illahay wuxuu ku

mashquulsan yahay Nafs

a d i i s a ' ! !

Malakul-mowt mar labaad

ayuu ku celiyey salaantii,

waxaana maqlay rasuulkii.Rasuulka

(NNKH) ayaa

Faaduma ku yiri: 'Ma garanaysaa

ninka?'. Faaduma

waxay tidhi: ' Maya' rasuulku

wuxuu yiri: 'waa ninka gooya

macaanyaalka, kala geeya

(kala wada) dadka is jecel,

kharaabiya guryaha, camira

Qubuurta, ilmaha agoomeeya,

naagahana carmal ka dhiga,

waxaana la yiraahdaa Malakul

- m o w t ' .

Faaduma markay ogaatay in

ninku yahay malakul-mowt

ayay ooyday, waxayna tidhi: '

masiibo ayaa nagu dhacday,

waxaana dhimanaya rasuulkii

Illahay ee ugu dambeeyey

ambiyada, waxaa naga

go'ayaa wax'yigii samada ka

imaanayey, waxaan weyneynaa

hadalkii rasuulkeena,

maanta kaddibna maqli

mayno salaantii Aabahay.

Rasuulku wuxuu yidhi: Faadumoy

waxaad tahay qofka

ugu horreeya ee aan is

haleeleyno (isla kulmeyno)'

wuxuu kaloo rasuulku yidhi:'

malakul'mowdow soo gal'

wuuna soo galay malakul'mowt,

wuxuuna yidhi.

'Assalamu calayka yaa rasuullulaah'

rasuulkuna wuxuu

yidhi 'wacalaykum assalam

yaa malakul-mowt, ma

waxaad iigu timid inaad i soo

siyaarato mise inaad iga

qaado nafta?'.Malakul-mowt

wuxuu yidhi: 'waxaan kuugu

imi inaan ku soo siyaarto

kaana qaado nafta haddii aad

ii idinto, balse haddii aad ii

idmi weydo waan iska noqonayaa!

Rasuulku wuxuu

yidhi: 'malakul-mowdow xaggee

uga soo tagtay malakuljibriil.

Malakul-mowt wuxuu

yidhi:'waxaan uga soo tagay

samada adduunyada', isla

markiiba waxaa yimid malakul

-jibriil, wuxuuna fariistay Nebiga

madaxiisa, wuxuuna rasuulku

yidhi: 'miyaadan ogayn

in amarkii dhawaaday?

Wuxuu yidhi:'waan ogahay

rasuulkii Illaahayow'.Rasuulku

wuxuu yidhi: ' iigu bishaarey

illaahay agtiisa waxa ii yaala

oo karaama ah (wanaag ah)'.

Malakul-jibriil wuxuu yidhi:

'albaabada samada waa la

wada furay, malaa'igtii illaahayna

saf bay galeen iyagoo

sugaya ruuxdaada, albaabadii

jannada waa la wada furay'.

Rasuulku wuxuu yidhi: 'iigu

bishaaree siday ahaan doontaa

ummadaydu maalinta

Qiyaamaha?'.Malakul-jibriil

wuxuu yidhi: 'waxaan kuugu

bishaaraynayaa Illaahay inuu

yidhi: Jannada waan ka xarimay

(u diiday) ambiyada illaa

Nabi Muxammad (NNKH)

galo, sidoo kale jannada waan

ka xarimay ummadaha illaahay

oo dhan illaa ay ummadda

Nabi Muxammad ka

galaan'.Rasuulkuna wuxuu

yidhi: 'hadda ayuu diib noqday

(wanaagsanaaday) qalbigaygu,

igana suushay mur

u g t i i ' .

Rasuulku wuxuu yidhi:

'malakul-mowdow ii soo

dhowow'. Malakul-mowt waa

u soo dhawaaday naftii

ayuuna ka jiiday illaa ruuxdii

k a s o o g a a r t o

xudunta.Rasuulku wuxuu

yidhi: 'maxaa darnaan badiyey

xaraaradda (xanuunka)

mowdka', wuxuu kaloo yidhi:

'malakul-jibriilow ma waxaad

dhibsatay eegtaanka wijigayga?'.

Malakul-jibriil wuxuu

yidhi ' Illaahay xabiibkiisiyow

ayaa awood u leh

inuu eego wajigaaga adigoo

sakaraadaya'. Aanas Binu

Maalik wuxuu yidhi: ' Nabigu

markay naftu kabaxaysay

wuxuu lahaa: Waxaan idiin

dardaarmayaa salaadda iyo

wixii ay hanatay (milkisay)

g a c m i h i i n u .

Rasuulkii Illaahay wuxuu geeriyooday

maalin isniin ah ee

bisha rabiicul-awal ka mid ah,

ama loo yaqaan mowliid. Haddii

adduuniyo lagu baaqi yeelayo

qof, waxaa la dayn lahaa

r a s u u l k i i I l l a a h a y :

Rasuulka waxaa maydhay

Sayid Cali, waxaa ku shushubayey

biyaha fadal bin Cabaas

iyo Usaama bin Zayd, waana la

kafanay, waana lagu tukaday,

waxaana lagu aasay gurigiisii

ee qolka Caa'isha (RC,) habeen

arbaco ah ayaana la aasay

S u u b a n a h a ( N N K H . )

Xog-Maal.

18 April , 2009 XOG-MAAL 12

Wargeys-ka Xog-Maal oo ilko rittey

Qore: Cabdirisaaq Indhojacayl

Wargeyska codka Soomaalida

Koonfurta Afrika ee Xog-Maal ayaa

waxaa wuxuu u dabaaldagayaa

dardar cusub iyo hor u talaabsi uu

ka sameeyey xagga tayada

qoraalada iyo barnaamijyada uu

idiin soo gudbinayo.

Bahda Xog-Maal waxay idiinku

bishaareynaysaa in wixii hadda ka

dambeeya wargeyska qeybo ka

mid ah lagu daabacayo qad midab

leh, taasoo ahayd arrin aanan

horey u jirrin, daabacaadii labbaad

ayuu wargeyska kusoo baxayaa

isagoo midab ah sida laga yaabo

in aan ku baraarugteen.

Waxaa kale oo ay bahda idiinku

bishaareynaysaa in Xog-Maal wax

laga badalay naqshadii hore, loona

badalay naqshad xirfad baddan ay

ku duugan tahay oo soo jiidasho

leh, taasoo aad ka arki kartaan

boga hore, waxaa mahadaasi leh

bahda naqshadaynta ku xeeldheer

ee wargeyska ee uu madaxda ka

yahay Hanad Maxamed Xusseen.

Xog-Maal oo isu taagay kobcinta

heerka wacyiga Soomaalida Koonfurta

Afrika waxa uu maalin kasta

isku dayayaa in uu sare u qaado

tayada qoraalada, soona bandhigo

macluumaad hal abuur wanaagsan

leh, kana muuqato xirfad

saxaafadeed oo heerkeedu

sareeyo , isla markaasina lagu soo

kordhinayo farsamooyin curis ah

oo akhristayaasha xiiso galinaya

taasoo kaso maaxatay maskadxa

aqoonyahanada saxaafadeed ee

ah howlwadeenada wargeyska

Iyadoo wargeyska uu maraya

cadadkii 10-aad oo uusan maalin

hakkan, hakkanna doonin (Insha

allaah) inta bahda wargeyska

xusuladooda xabaal ka sareeyaan

(noolyihiin), wuxuu si joogto ah

idiinku soo tabin doonaa wax

kasta oo idin quseeya oo dalkani

Koonfurta Afrika ka dhaca iyadoo

eex la’aan ah, madax banaan iyo

cabsi la’aan, waxaan idiin rajaynaynaa

safar wanaagsan

Wariye Cusmaan Xassan Cali

oo damiin lagu siidaayay

Qore: Xafiis ka war-qabadka Xog

-Maal

Mid ka mid wariyeyaasha

Soomaaliyeed, kana tirsan

ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed

ee SOJASA Cusmaan Xassan Cali

(Fantastic) ayaa damiin lagu

siidaayay todobaadkii hore kadib

markii uu habeen xabsiga ku

hoydey.

Cusmaan iyo kaamariiste Cabdulaahi

Ibraahim Dasar ayay

ciidamada amaanka Bellville

xireen 7-dii April kadib markii

sida ay Police-ka sheegeen

gacantooda laga heley qalab

lasoo xaday, sida ay ogaatay

Xog-Maal, qalabka waxa uu ahaa

kumbuyuutar nooca fudud ah ee

loo yaqaano Laptop-ka .

Cismaan ayaa sheegey in aalada

ay iibsadeen iyagoo aanan ka

warheynin in lasoo xaday iyo in

kale, isla markaasina loo qariyey.

Waxaa labbadaba lagu soo

daayay damiin lacageed,

w a x a y n a t a h a y i n u u

maxkamada ku noqdaan

kadib.

2 bil

2 nin oo isku dishey haweeney

Koonfur Afrikaan ah

Qore: Maxamed Saxafi, P.E

Nin Soomaali ah ayaa dhintey, kii

dilleyna waa uu baxsaday kadib

markii ay ku dagaalameen

haweeney la sheegey in uu qabay

ninka wax dilley.

Ninka la dilley waxaa lagu magacaabi

jirrey Cabdiwali Cabdiraxmaan

kan wax dilleyna

waxaa magaciisa lagu soo koobey

Qoslaaye, sida ay sheegeen

dad xog-ogaal ah naagta la’isku

heystey waxaa qabay Qoslaaye

oo sheegtey in uu soo islaamiyey,

isla markaasina ay u degeneyd

tuulo uu dukaan ku lahaa

kaasoo uu ka iibiyey marxuumka,

kadibna uu galay sahan dukaan.

Kadib murran muddo soo jiitamay

oo labbada nin u dhaxeeyey

oo naagta ku saabsan, mar sii

horeysayna gacan ka hadal

gaaray, ayay ugu dambeyntii 2

todobaad ka hor ku dagaalameen

magaalada P.E, marxuumka toori

ayuu wattay, halka Qoslaaye uu

wattay sunta dadka kaga ilmeeysiisa

oo uu indhaha kaga buufiyey

kolkii toorrida lala soo laacay,

kadibna inta ka qaaday ku dilley

marxuumka.

Qoslaaye waa uu baxsaday, lamana

hayo meel uu jaan iyo cirib

dhigey, waxaa la galay gar lagu

heshiiyey in mag ay kala qaataan

sida ay diinta qabto.

Ururka saxafiyiinta SOJASA ayaa

xariga Cusmaan ku sifeeyey mid FG: xafiiska P.E ee Xog-Maal

shil ah oo aanan wax xariir ah la kala xariir cell: 0783000783

lahayn xirfadiisa saxaafadeed. ama 0793222180

18April , 2009 XOG-MAAL 13

Nin aduunyo joogoow maxaa

aragti kuu laaban." Arintu

markii ay halkaan mareyso ayaa

naasir saaxiibkiis nuur oo u

dulqaadan waayay dhag xumada

waxa ay dhaqanka ka

yeelatay najma go’aan saday

inuu saaxiibkii ogeysiiyo si

uusan hadhow u eedin, wuxuu

soo aaday internet cafee dabadeedna

u diray aqbaar u qorneyd

sidan;

Waxaan kuu soo tabinayaa salaan

mida ugu wacan oo ay isku

diraan saxiibo uu jirkoodu isu

danqanayo, salaan kadib saxiibkayga

aan jeclahow aad ayaan

kuugu caafimaad qabaa, adigana

waxaan Eebaha awooda

sare leh kaaga baryayaa sidaa

iyo si ka sii wacan.Hubaal ayaan

u ogahay inaadan ku farxi

doonin aqbaartan aan kuu soo

diray, ha yeeshee waxaan u

arkay inay waajib tahay inaan

maantay kuu soo gudbiyo war

dhiilo xambaarsan oo aysan niyadu

ku diirsan doonin, fadlan

daqiiqado I amaahi maqalka iyo

araga.

najma xaaskaaga ahna dumaashidey,

waxa ay ku kacday

fal u cunami waayay dhamaan

inta samaha jecel ee maqashay,

aan abaaro u jeedada iyo biya

dhaca warkayga, najma waxaa

habeen iyo dharaarba aan cagta

ka bixin wiil dhalinyaro ah,

markii aan si hoose u xuuraansaday

sida wax u jiraan waxaan

xaqiiqsaday inuu yahay

xiriirkaan mid jira oo ka weyn

darisnimo iyo Soomaalinimo,

dabcan wixii intaa ka baxsana

waad fahmi kartaa, aniga arintaan

waan u adkaysan waayay

sababtoo ah dhibkaaga waa

dhibkayga, mana fiirsan karo

xaaskaaga oo xumaan lagu

sameynayo wayoo adigaba ma

aadan fiirsan laheyn xaaskayga

oo xumaan faraha kula jirta.

Waan kula qeybsanayaa dhibaatada

ay leedahay arintaan,

si kastaa eey noqotana

waan kula garab taaganahay,

wixii aan ka yeeli laheyna

adiga ayaan kaa

sugayaa.Aqbaartaan markii ay

gaartay naasir aad buu uga

naxay, waxayna ku noqotay falaar

lagu ganay wadnahiisa,

wuxuu aamini

waayay qoraalada ay indhihiisu

qabteen, dhowr jeer ayuu ku

celiyay aqriska aqbaarta, waxaa

ka soo burqaday dhidid waa

weyn, waxay la noqotay in buur

lagu daayay, waxaa u bilaabatay

wal wal iyo walaahow.

"Alla naf wax jecel dhibaatadeedu

badanaa." Wuxuu la soo

baxay mobilekiisii dabadeedna

wacay numberkii nuur, muddo

ayuu kala sheekaysanayay

arinta najma, nuurna wuxuu

ugu sir baxay si daacadnimo ah

oo aan aheyn isku diraanimo,

markii ay sheekada u

dhamaatay ayuu naasir yiri

saxiib waad mahadsantahay

anigaa mar kale ku soo wacayo,

wuxuu xajin waysnaa mobilka,

waad dareemi kartaa xanuunka

uu mudan karo qof xaaskiisa

looga soo sheegay wax aan xil

laheyn, wal walka iyo

walaacana waxay ahaayeen

kuwa durbadiiba laga dhayalsan

karo wajigiisa, wuxuu bilaabay

inuu kaligii isla hadlo, cunadii

iyo cabitaankii ayuu ka go’ay,

hurdadii ayaa ka soo dhici waysay,

waxaa cariiri ku noqotay

dunidii oo idil, maalmo markii

uu ku jiray dhibaatadaan ayaa

waxaa fahmay walaalkii oo ay

isku qol seexan jireen, wuxuu

waydiiyay isbedelka ku yimid

iyo meesha laga haleelay, asagana

wuxuu u sheegay arintan,

kadibna

walaalkiis waxaa uu siiyay talo

wacan, wuxuu u sheegay in

dunidan wax kasto la arko, arintaanna

looga horeeyay oo ay

qabsatay rag badan oo asaga

ka horeeyay, wuxuu ku dhiiri

galiyay inuu ad adeeg iyo xilkasnimo

muujiyo, wuxuu ku adkeeyay

walaalkii inuu aado Addis

Ababa si uu indhihiisa wax

ugu soo arko inta ka horeysana

uu muujiyo farxad iyo degenaan.Waxay

aheyd xili habeennimo

ah, feysal wuxuu ka

yimid daawashada cayaar kubada

cagta ah, aad ayuu u faraxsanaa

waayoo waxaa guulaysatay

habeenkaa kooxda uu

taageero, markii uu soo galay

albaabka guriga ayay inta ka

hortagtay ku tiri, gacaliye waan

ku sugayaa ee so ii imaan maysid,

haa ayuu yiri daqiiqado

kadibna wuxuu ugu soo galay

qolkeeda, waxaa u furmay

sheego, waxay u sheegtay inay

caawa oo dhan ay u soo jeeday

awgiis, waxay u keentay casho

iyo caano heer sare ah, wuxuu

isku dhuftay alaabihii loo

keenay, habeenkaa wuxuu ahaa

habeenkii ayaan darada najma,

waxay ka talaabeen xuduudkii,

mar dambe ayay soo baraarugtay

waxayna bilaawday inay

iska ilmayso, ayada oo

calaacalaysana waxay tiri, " feysal

maxaad ka wadaa saan,

aniga waan isku kaa aaminay,

waxaan midigtaada galiyay naftayda,

ma waxaad dooneysaa

inaad aniga I fadeexayso, soo

ma ogid inaan nin dhan ooridii

ahay, hada maxaan sameynaa

hadii aan uur yeesho, iska bax

dantii aad laheyd waad gaartay

kaama filayn sidaan, kaama

filayn sidaan, ma u maleynin

inaad sidaan sahlan iigu fududaaneyso.

W.Q Maxamed Nuur

Warsame (Keyfane)

18 April, 2009 XOG-MAAL 14

CIYAARAHA: Liverpool &

B. Munich,FC port iyo

Vallarreal Oo Baska Kawada

Haray.Man United

oo Iskoorka Jabisay.

Mid ka mid ah kulamadii

ugu xiisaha badnaa ciyaaraha

Qaaradda Yurub,

ayaa dhacay waxaa ku legdamay

Liverpool iyo Chelsea,

inkastoo daawadayaal

badan ay niyad jab daran

ku riday natiijada ciyaarta.

Waxaa lawada sugayey

kulankan darbiga ah ee

Liverpool iyo Chelsea oo

Lugtii 1-aad ay Chelsea

gurigeeda ku garaacday

kooxda Liverpool, (3-1),

hase ahaatee Lugtii 2-aad

ee xalay, ayaa quus ku riday

ciyaaryahanada Liverpool.

Liverpool, ayaa isla

daqiiqadii 19-aad ee ciyaarta

Goolkii ugu horeeyey

ku furtay kulanka, kaasi oo

uu si halaasi ah shabaqa

Chelsea ugu lulay F.

Aurelio, isla qeybtii hore 28

-daqiiqo X. Alonso, ayaa

Gool ku laad qurux badan u

labeeyey Chelsea, 2-0 ayaa

l a g u k a l a

nastay.Taageerayaasha

Liverpool, oo si aad ula

dhacsan habsami u osocdka

kulanka iyo rajada 2-gool

ee Liver ku horeyso, ayaa

qeybtii Labaad daqiiqadii 51

-aad qalad uu sameeyey

Gool hayaha Liverpool

waxa ay ciyaarta ka dhigtay

2-1.

Ciyaarayahanka reer Brazil

iyo kooxda Chelsea ee R.

Alex, ayaa u labeeyey Liverpool

daqiiqadii 57-aad,

halka F. Lampard uu 76-kii

daqiiqado ee ciyaarta gool

Sedexaad ku daray, hase

yeeshee Xidigga reer Liverpool

A Leiva daqiiqadii 81-

aad waxa uu ma wali ma

quusan ku yiri taageerayaasha

isagoo gool

caaqibo leh bar bardhac

kaga dhigay ciyaarta, isla

Laba daqiiqo ka dib ayaa D

Kuyt, rajada sii kordhiyey

oo laad lasoo habeeyey si

caalami ah udaba mariyey

gool-hayaha Chelsea .

Hamiga naadiga k/cagta ee

Liverpool, oo hawada isku

shareeray, loogama bartay

inay qeybaha dambe ee

ciyaarta dardar la timaado,

ayaa daqiiqadii 89-aad ee

ciyaarta F Lampard, waxa

uu ka dejiyey tareenka lagu

tago Samefinals-ka kooxda

Liverpool ka dib markii uu

ku quusiyey goolkii ugu

dambeeyey, taasoo natiijada

ciyaarta ka dhigtay 4-

4 .Isku celcelis Labadii kulan

ee ciyaarta 7-5 , Liverpool

ayaa lagu jiiday,

iyadoo Chlesea ay markeedii

5aad usoo baxday

Semifinals-ka Europeans

Champions League Lixdii

sano ee ugu dambaysay.

Kulan kale, Barcelona iyo B.

Munich oo lugtii 1-aad ay

Barcelona 4-0 dirtay Bayer,

ayaa kulankii xalay 1-1 barbaro

ah ku quusisay,

taasoo celcelis ahaan ciyaarta

ka dhigaysa 5-1 ay

Barcelona ugu awood

sheegatay Munich.Hadaba

Chelsea iyo Barcelona oo

isku balansaday Semafinals

- k a a ya a Mala a yiin

daawadayaal ah oo daafaha

caalamka ku nooli waxa ay

isweydiinayaan bal cidda

awoodeeda la iman doonta

oo Finalka usii talaabi karta.

Sidoo Kale Habeenkii Xigay

Ayaa dhacday ciyaar aad

loo wada sugayay Manchester

United iyo FC Port

ciyaarta ayaa ahayd mid

aad u xiiso badnayd oo

taariikhi ah, Cristiana

Ronaldo ayaa daqiiqadii

6aad dhaliyay gool uu meel

dheer ka laaday Fc Port

ayaa niyad jab ku noqotay

goolkani Manchester na

waxay la soo baxday dar

dar aad culus.

Ciyaarta oo aad u adkeyd

ayaa ku soo idlaatay 1-0 oo

ay guusha ku raacay Man

United Ciyaarta isku cel celi

waxa ay ka dhigaysaa 3-2,

iminka Man United waxa ay

Semi Final-ka la ciyaaraysaa

Arsenal.Ciyaarta waxa

ay lahayd laba taariikhi ah

tan ugu weyn waa Manchester

United waxey noqtay

kooxdii ugu horeysay

ee horyaalka English ka

tirsan oo Porto kaga adkaata

gurigeeda, tan kale

waxa u suurto galay iney

ilaashato recordkeeda aan

laga adkaan horyaalka

kooxaha yurub ee Champions

League , iyadoo aan

laga adkaan 23 kulan oo ka

mid ah,tani waxa ay farxad

u tahay Alex Ferguson.

Arsenal ayaa kooxda reer

Spain’ ee Villarreal waxey

ku garaacday 3-0 , taas

oo ahayd mid la yaab leh

goalashaasoo ay ka kala

heshay Theo Walcott,

Emmanuel Adebayor and

Robin van Persie waxeyna

ku soo baxaday 4-1 isku

celcelisa ahaa

Isku soo duub Kooxaha

Ingiriiska ka socda waa 3

koox kuwooda ugu

awooda badan halka ay

soo afareyso Kooxda Barcelona

oo ayadane dab

yar aanan shidayn,

kooxaha Ka ciyaara Premier

league ayaa 2dii

sanno ee la soo dhaafay

caadaystay in ay u soo

wada baxaan Semi finalka

Champion League.

Manchester ayaa waxey

garoonkeeda Old Trafford

ku marti galin doontaa

April 29 kooxda Arsenal

Halka Chelsea ay u safri

doonto Dhankii Spain.

18 April, 2009 XOG-MAAL 15

The Towed tuck shop

Two Somali shopkeepers slept one

night in their Shop in Delf, Cape

Town, they knew little about

where they will wake up the fallowing

day, and none did they prepared

for mysterious location.

After long sound sleep of the

night, they woke up to what would

be yet the unbelievable surprise for

their entire life; one of them

opened the door and saw the surrounding

is another place 10km far

away from their original location.

How did it happen?

They spoke about incident to

Xog-Maal, according to them,

their shop was made from a

container, and there was a rival

South African shop owner near

their shop, they said he hired a

tow away truck with heavy

machinery lifters, in the midnight

he simply picked the box and

transported as far as 10km away

from his shop.

Other shop owners who were

operating in the new location

confronted the two fiercely for

why they opened a shop in area;

the angry shop owners couldn‟t

believe the two don‟t know how

they made their way in the

place.

Lastly they hired a tow away

truck and went back to the

original place, but due to dispute

with the rival shop owner, their

tuck shop remained closed.

Lover dies, loved escapes, and

the desperate love interpreter

The long-held view by many

Somalis that South African hates

them is now proving to be wrong,

here we have a story about SA citizen

who loves a young Somali

man to the extent that she killed

her self.

Botisha was 21 years old township

girl, years back she may have

never tough of ever meeting someone

from Somalia, her rare encounter

with them may have been

images from TVs, but lately, men

from Somalia happened to be her

neighbor as they opened a shop

near their home.

The only things she interested

about them were the low priced

groceries that her mother would

tell her to buy from them as they

are affordable and within short distance.

One day she had fallen love with

Hashim, 24, one of the shopkeepers,

a love that claimed her life

lastly, she told him about her feelings

but he failed to understand as

he can‟t speak English, she managed

to ask help from another English

speaking Somali, Abdinasir.

Abdinasir “the love interpreter”

translated the romantic feelings

between the two, he then tries to

bridge between them, he manages

to convince Hashim to accept verbally

the proposed love relation,

Hashim accepts without surety.

Time passes, then Botisha advances

her love acts, but Hashim

finds it odd and uncomfortable,

then decides to pull out, less did he

knew about the fort coming tragic

destiny. One day the small village

woke up to the shocking news that

Botisha hanged her self in the toilet

because of her failed love relation

with the Somali guy.

On hearing the news of the

Botisha‟s death, Hashim run away

out of fear for his life, he though

that the girls relatives will kill him

because of the incident.

Another Somali killing in the

cursed Delf.

One Somali national is gunned

down and other two were

wounded after armed robbers

stroked in their shop, Delf, outside

Cape Town.

Five alleged perpetrators were

arrested only when they tried to

rob a South African owned shop,

according to Cape Times news

article cried on page 3, Tuesday

14 April, Delf police spokesman

Joe Wilson named the victims as

Abdul Mohamed Sabir, 30, ( The

dead one) Abdul Kadar,26, and

Libaan Kadar, 25. Delf is know

for its brutal Somali killings in

recent past

Xog-Maal reporter in Port

Elisaberth reports that a Somali

man was shot dead by unknown

armed men in his shop outside

the city, the details were sketchy

and no further information were

available at the time of going to

press last night.

Reported By Abdi Nazir

Ahmed Bashiir

18 April , 2009 XOG-MAAL 16

Dabagalka dacwooyinka iyo dambiyada laga gallo Soomaalida

K/Afrika, dhibaatooyinka kale waa

kuwa aanan wax tirro ah lahayd sida ay

u baddanyihiin dartood.

Waxaasi oo gabood fal ah waxay galaan

diiwaanka dowlada, gaar ahaan saldhigyada

ciidamada Police-ka oo ka fura

gal dacwadeedyo, una sameeya tirsi

dacwadeed, haseyeeshee dad aad u yar

ayaa isku daya in ay dabagal ku

sameeyaan dacwooyinkaasi, taasi oo

horseeda in galkii dacwada la laabo

marka la waayo qof daba socda oo uu

walwal ku hayyo.Kaaga daran xittaa

qofka Soomaalida ah inyar xittaa waqti

kuma bixiyo ogaanshaha tirsiga

dacwada (Case Number), ma waxay ka

tahay aqoon la‟aan, miyuusan ku baraarugsanayn,

mise mucaajisnimo ayay ka

tahay?

Waxay ka tahayba waxaa xaqiiqo ah in

wax baddan uu kaga lumayo ogaansho

la‟aanta tirsiga dacwada iyo dabagal

la‟aanta.

Waxaad arkaysaa qof cabanaya oo

sheeganaya in intaasi oo jeer la waxyeeleeyey,

hanti uu leeyahay la dhacay,

isaga la dhaawacay ama la jir dilley,

hase yeeshee haddii la weeydiiyo waxa

cadaynta ah ee uu u haya sheegashadiisa

ma hayo wax uu ku muujiyo.

Haddii xittaa ay timaado cid caawineysa

dadka waxyeeloobey, tusaale

barnaamijyada dib u dejinta dhibanayaasha

looga sameeyo wadamada

galbeedka, dadku ma heystaan tirsi

dacwadeed iyo qoraal cadaynaya dhibaatada

gaartay.

Injineer Xusseen Cali waa gudoomiyaha

Jaaliyada SASA ee gobolka Western

Cape, wuxuu khamiistii booqasho ku

tagay tuulada Delf oo ay dhibaatooyin

ka dhaceen, dukaamaleydii la kulmey

waxa uu ku baraarujiyey in ay xifdiyaan

tirsiga dacwayooyinka, kadib wuxuu la

kulmey Police-ka, kullanka kadib ayuu

Xog-Maal u xog waramay, wuxuuna

yiri “cabashada ugu baddan ee nooga

timaada xagga Police-ka iyo hey‟adaha

kale ee aan la kulano si aan dhibaatooyinka

Soomaalida ogala hadalno waa in

Soomaalida aysan dabagalin dambiyada

laga galo dacwooyinka laga furo,

waxaad arkaysaa qof la dhaawacay oo

la qabtay kii waxyeeley, lana la‟yahay

in uu inta maxkamada imaado ku

cadeeyo dambiilaha dambiga uu galay,

taasi waa dhibaato weyn, waxayn fursad

siisey dambiilayaasha oo inta la siidaayo

markale dambiyadii oo kale ka

geysta bulshada dhexdeeda.

Xog-Maal

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!