26.07.2014 Views

Bogga 13aad - Somali Talk

Bogga 13aad - Somali Talk

Bogga 13aad - Somali Talk

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

18 April , 2009 XOG-MAAL 12

Wargeys-ka Xog-Maal oo ilko rittey

Qore: Cabdirisaaq Indhojacayl

Wargeyska codka Soomaalida

Koonfurta Afrika ee Xog-Maal ayaa

waxaa wuxuu u dabaaldagayaa

dardar cusub iyo hor u talaabsi uu

ka sameeyey xagga tayada

qoraalada iyo barnaamijyada uu

idiin soo gudbinayo.

Bahda Xog-Maal waxay idiinku

bishaareynaysaa in wixii hadda ka

dambeeya wargeyska qeybo ka

mid ah lagu daabacayo qad midab

leh, taasoo ahayd arrin aanan

horey u jirrin, daabacaadii labbaad

ayuu wargeyska kusoo baxayaa

isagoo midab ah sida laga yaabo

in aan ku baraarugteen.

Waxaa kale oo ay bahda idiinku

bishaareynaysaa in Xog-Maal wax

laga badalay naqshadii hore, loona

badalay naqshad xirfad baddan ay

ku duugan tahay oo soo jiidasho

leh, taasoo aad ka arki kartaan

boga hore, waxaa mahadaasi leh

bahda naqshadaynta ku xeeldheer

ee wargeyska ee uu madaxda ka

yahay Hanad Maxamed Xusseen.

Xog-Maal oo isu taagay kobcinta

heerka wacyiga Soomaalida Koonfurta

Afrika waxa uu maalin kasta

isku dayayaa in uu sare u qaado

tayada qoraalada, soona bandhigo

macluumaad hal abuur wanaagsan

leh, kana muuqato xirfad

saxaafadeed oo heerkeedu

sareeyo , isla markaasina lagu soo

kordhinayo farsamooyin curis ah

oo akhristayaasha xiiso galinaya

taasoo kaso maaxatay maskadxa

aqoonyahanada saxaafadeed ee

ah howlwadeenada wargeyska

Iyadoo wargeyska uu maraya

cadadkii 10-aad oo uusan maalin

hakkan, hakkanna doonin (Insha

allaah) inta bahda wargeyska

xusuladooda xabaal ka sareeyaan

(noolyihiin), wuxuu si joogto ah

idiinku soo tabin doonaa wax

kasta oo idin quseeya oo dalkani

Koonfurta Afrika ka dhaca iyadoo

eex la’aan ah, madax banaan iyo

cabsi la’aan, waxaan idiin rajaynaynaa

safar wanaagsan

Wariye Cusmaan Xassan Cali

oo damiin lagu siidaayay

Qore: Xafiis ka war-qabadka Xog

-Maal

Mid ka mid wariyeyaasha

Soomaaliyeed, kana tirsan

ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed

ee SOJASA Cusmaan Xassan Cali

(Fantastic) ayaa damiin lagu

siidaayay todobaadkii hore kadib

markii uu habeen xabsiga ku

hoydey.

Cusmaan iyo kaamariiste Cabdulaahi

Ibraahim Dasar ayay

ciidamada amaanka Bellville

xireen 7-dii April kadib markii

sida ay Police-ka sheegeen

gacantooda laga heley qalab

lasoo xaday, sida ay ogaatay

Xog-Maal, qalabka waxa uu ahaa

kumbuyuutar nooca fudud ah ee

loo yaqaano Laptop-ka .

Cismaan ayaa sheegey in aalada

ay iibsadeen iyagoo aanan ka

warheynin in lasoo xaday iyo in

kale, isla markaasina loo qariyey.

Waxaa labbadaba lagu soo

daayay damiin lacageed,

w a x a y n a t a h a y i n u u

maxkamada ku noqdaan

kadib.

2 bil

2 nin oo isku dishey haweeney

Koonfur Afrikaan ah

Qore: Maxamed Saxafi, P.E

Nin Soomaali ah ayaa dhintey, kii

dilleyna waa uu baxsaday kadib

markii ay ku dagaalameen

haweeney la sheegey in uu qabay

ninka wax dilley.

Ninka la dilley waxaa lagu magacaabi

jirrey Cabdiwali Cabdiraxmaan

kan wax dilleyna

waxaa magaciisa lagu soo koobey

Qoslaaye, sida ay sheegeen

dad xog-ogaal ah naagta la’isku

heystey waxaa qabay Qoslaaye

oo sheegtey in uu soo islaamiyey,

isla markaasina ay u degeneyd

tuulo uu dukaan ku lahaa

kaasoo uu ka iibiyey marxuumka,

kadibna uu galay sahan dukaan.

Kadib murran muddo soo jiitamay

oo labbada nin u dhaxeeyey

oo naagta ku saabsan, mar sii

horeysayna gacan ka hadal

gaaray, ayay ugu dambeyntii 2

todobaad ka hor ku dagaalameen

magaalada P.E, marxuumka toori

ayuu wattay, halka Qoslaaye uu

wattay sunta dadka kaga ilmeeysiisa

oo uu indhaha kaga buufiyey

kolkii toorrida lala soo laacay,

kadibna inta ka qaaday ku dilley

marxuumka.

Qoslaaye waa uu baxsaday, lamana

hayo meel uu jaan iyo cirib

dhigey, waxaa la galay gar lagu

heshiiyey in mag ay kala qaataan

sida ay diinta qabto.

Ururka saxafiyiinta SOJASA ayaa

xariga Cusmaan ku sifeeyey mid FG: xafiiska P.E ee Xog-Maal

shil ah oo aanan wax xariir ah la kala xariir cell: 0783000783

lahayn xirfadiisa saxaafadeed. ama 0793222180

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!