26.07.2014 Views

Bogga 13aad - Somali Talk

Bogga 13aad - Somali Talk

Bogga 13aad - Somali Talk

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

18 April , 2009 XOG-MAAL 4

Dilal fool xun oo ka kala dhacay

melo kala duwan

Ugu yaraan 2 qof ayaa la dilley, 2

kalana waa la dhaawacay dhacdooyin

kala duwan oo kala dhacay

gobolada Western Cape iyo Eastern

Cape.

Axadii lasoo dhaafay rag hubeysan

ayaa u dhacay dukaan ay Soomaali

leedahay oo ku yaala xaafada xasiloonida

daran ee Delf ee duleedka

Cape Town, ragga waxa ay toogasho

ku dilleen C/laahi Maxamud Sabriye,

waxayna isla goobta ku

dhaawaceen 2 kale oo kala ah Abdi

Khadar oo ay xabbada ka haleeshey

xabadka iyo qoorta iyo Liibaan Khadar

oo isagana ay xabbada ka

haleeshey lugaha.

Marxuumka la dilley ayay xabbada

kaga dhacday xabadka.isla goobtana

ku geeriyooday waxana la sheegay

in uu dhalay ganacsade Caan ka ah

dalka soomaliya Gaar ahaan muqdisho.

5 nin ayaa loo qabtey dhacdada,

laakiin qabashadooda waxay

dhacday iyagoo dhacaya dukaan ay

leeyihiin muwaadhiniin dalka u dhashay

waxyar kadib markii falka

geysteen.

Dhanka kale sida uu kusoo

waramayo wariyaha Xog-Maal ee

magaalada Port Elisaberth ee

gobolka Eastern Cape, tuulada Isinyoka

ee isla magaaladaasi waxaa

aroornimadii khamiista lagu dilley

Maxamed Khadar oo rag hubeysan

ay ku toogteen dukaankiisa

dhexdiisa.

Wuxuu noqonayaa marxuumkii ugu

dambeeyey ee la dillo .

Dilalkani waxay kusoo beegmayaan

iyadoo muddo bil ah laga nastey dilalka

Soomaalida loo geysto,

waxaase xusid muddan in falalkani

ay dhacaan xiliyada fasaxyada la

galo ee dadka dalka ay dabaal dagayaan,

todobaadkani waxaa

dhamaaday fasixii ciida masiixiga ee

Jimcaha wanaagsan loogu magac

daray (good Friday) ama (Easter).

Boqolaal qof oo Soomaali ah ayaa si

xaq darro ah loo dilley, kumanaan

fal dambiyeed ayaa laga galay dadka

Soomaaliyeed ee degen Koonfurta .

“Car Juu ii dheh”

Waxaan ku jirraa goob Internet ah

isla markaasina talefoonada laga

dirsado, dadka qaarkood dhalooyinka

ayay fadhiyaan, kuwana taleefoono

ayay ku hadlayaan.

Nin ka mid kuwa taleefoonada ku

hadlaya ayaa la hadlaya qof dumar

aan u maleeyey oo dabcan

xaaskiisa ah ama ehelkiisa dhow

ah, waxaa lagu heystaa “maxaad

lacag usoo diri weeysey”, isagana

wuxuu leeyahay “bisha dambe

ayaan soo dirayaa, hadda lacag ma

hayo”. Waxada hadalkiisa ka dareemi

kartaa in uu xalainayo arrin

xasaasi ah oo qoys. Isaga oo qaati

taagan, ayaa waxaa hadlay nin ka

mid ahaa kuwii dhalooyinka fadhiyey,

oo yiri “ninkaasi u sheega hadalka

hoos ha‟u dhigto ama banaanka

ha‟ola baxo”, aniga oo

arkaya ayuu ninkii is galay,

waxaan iri “ka aamus ninkaasi hadalkiisa

ha dhamaystee”, isagaoo

teleefoonka ku hadlaya ayuu banaanka

la aaday. Ninka ka cabanaya

qeylada ninka taleefoonka ky

hadlaya, isaga waxa uu dhagaysanayaa

heeso, cabaar ka dib ayuu

ninkii soo galay isagoo hadalkii

soo dhamaystey.

Dhamaan wixii xanaaq ahaa oo uu

qabay ayuu ninkii hadlay kula dul

dhacay, wuxuu yiri “maxaa

ninkaasi halkaas iska fadhiya ka

galay hadalkeeyga, waa wax qurun

ah oo aan edeb lahayn”. Daqiiqado

kadin murankii ayaa circa isku

shareerey, ninkii si loo dajiyo ayaa

la waayay, xanaaq ayuu meel la

qaban waayay, waxay gaartey in

ay six un isu caayaan labbadii nin

oo gacan qaad ay sheekada gaarto,

dadkii meesha joogey ayaa kal reebreeb

galay. Si dhib leh ayaa labbadii

nin lagu kala reebey, arrinta

oo dhanna waxay ka bilaabatay

“hadalkaaga hoos u dhig”.

Waxaa halkaasi iiga soo baxay

culeyska dadka dalkani ku heysto,

waxaan la kulmey dad aad u baddan

oo lumiyey dabeecadii oo

dhan, oo wax kasta oo yar ka

xanaaqaya, waxaan is tusey in dad

baddan ay dhaqtar u baahnaan lahaayeen

heerka cadaadiska maskaxdooda

gaaray dartiis. Maqaalkan

waxaan jeclahay in aad oga

faa‟ideysataan illaalinta xanaaqiina,

taasina waxaad ku gaari kartaan

nasiino wanaagsan, iyo

shaqada aad heeysaan oo aad xad u

yeeshaan.

Raga aan ka hadlayo waxaa iiga

muuqdey astaan kasta oo daal,

rafaad iyo dhibaato ah, taasi

micnaheedu ma ahan in aysan lacag

heysan, ee waa shaqada oo si

xad dhaaf ah u qabtaan, oo ay

naftoodii hilmaameen.

Qore: Ismaaciil Cabdi (Turki ) P.E

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!