26.07.2014 Views

Bogga 13aad - Somali Talk

Bogga 13aad - Somali Talk

Bogga 13aad - Somali Talk

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

18April , 2009 XOG-MAAL 13

Nin aduunyo joogoow maxaa

aragti kuu laaban." Arintu

markii ay halkaan mareyso ayaa

naasir saaxiibkiis nuur oo u

dulqaadan waayay dhag xumada

waxa ay dhaqanka ka

yeelatay najma go’aan saday

inuu saaxiibkii ogeysiiyo si

uusan hadhow u eedin, wuxuu

soo aaday internet cafee dabadeedna

u diray aqbaar u qorneyd

sidan;

Waxaan kuu soo tabinayaa salaan

mida ugu wacan oo ay isku

diraan saxiibo uu jirkoodu isu

danqanayo, salaan kadib saxiibkayga

aan jeclahow aad ayaan

kuugu caafimaad qabaa, adigana

waxaan Eebaha awooda

sare leh kaaga baryayaa sidaa

iyo si ka sii wacan.Hubaal ayaan

u ogahay inaadan ku farxi

doonin aqbaartan aan kuu soo

diray, ha yeeshee waxaan u

arkay inay waajib tahay inaan

maantay kuu soo gudbiyo war

dhiilo xambaarsan oo aysan niyadu

ku diirsan doonin, fadlan

daqiiqado I amaahi maqalka iyo

araga.

najma xaaskaaga ahna dumaashidey,

waxa ay ku kacday

fal u cunami waayay dhamaan

inta samaha jecel ee maqashay,

aan abaaro u jeedada iyo biya

dhaca warkayga, najma waxaa

habeen iyo dharaarba aan cagta

ka bixin wiil dhalinyaro ah,

markii aan si hoose u xuuraansaday

sida wax u jiraan waxaan

xaqiiqsaday inuu yahay

xiriirkaan mid jira oo ka weyn

darisnimo iyo Soomaalinimo,

dabcan wixii intaa ka baxsana

waad fahmi kartaa, aniga arintaan

waan u adkaysan waayay

sababtoo ah dhibkaaga waa

dhibkayga, mana fiirsan karo

xaaskaaga oo xumaan lagu

sameynayo wayoo adigaba ma

aadan fiirsan laheyn xaaskayga

oo xumaan faraha kula jirta.

Waan kula qeybsanayaa dhibaatada

ay leedahay arintaan,

si kastaa eey noqotana

waan kula garab taaganahay,

wixii aan ka yeeli laheyna

adiga ayaan kaa

sugayaa.Aqbaartaan markii ay

gaartay naasir aad buu uga

naxay, waxayna ku noqotay falaar

lagu ganay wadnahiisa,

wuxuu aamini

waayay qoraalada ay indhihiisu

qabteen, dhowr jeer ayuu ku

celiyay aqriska aqbaarta, waxaa

ka soo burqaday dhidid waa

weyn, waxay la noqotay in buur

lagu daayay, waxaa u bilaabatay

wal wal iyo walaahow.

"Alla naf wax jecel dhibaatadeedu

badanaa." Wuxuu la soo

baxay mobilekiisii dabadeedna

wacay numberkii nuur, muddo

ayuu kala sheekaysanayay

arinta najma, nuurna wuxuu

ugu sir baxay si daacadnimo ah

oo aan aheyn isku diraanimo,

markii ay sheekada u

dhamaatay ayuu naasir yiri

saxiib waad mahadsantahay

anigaa mar kale ku soo wacayo,

wuxuu xajin waysnaa mobilka,

waad dareemi kartaa xanuunka

uu mudan karo qof xaaskiisa

looga soo sheegay wax aan xil

laheyn, wal walka iyo

walaacana waxay ahaayeen

kuwa durbadiiba laga dhayalsan

karo wajigiisa, wuxuu bilaabay

inuu kaligii isla hadlo, cunadii

iyo cabitaankii ayuu ka go’ay,

hurdadii ayaa ka soo dhici waysay,

waxaa cariiri ku noqotay

dunidii oo idil, maalmo markii

uu ku jiray dhibaatadaan ayaa

waxaa fahmay walaalkii oo ay

isku qol seexan jireen, wuxuu

waydiiyay isbedelka ku yimid

iyo meesha laga haleelay, asagana

wuxuu u sheegay arintan,

kadibna

walaalkiis waxaa uu siiyay talo

wacan, wuxuu u sheegay in

dunidan wax kasto la arko, arintaanna

looga horeeyay oo ay

qabsatay rag badan oo asaga

ka horeeyay, wuxuu ku dhiiri

galiyay inuu ad adeeg iyo xilkasnimo

muujiyo, wuxuu ku adkeeyay

walaalkii inuu aado Addis

Ababa si uu indhihiisa wax

ugu soo arko inta ka horeysana

uu muujiyo farxad iyo degenaan.Waxay

aheyd xili habeennimo

ah, feysal wuxuu ka

yimid daawashada cayaar kubada

cagta ah, aad ayuu u faraxsanaa

waayoo waxaa guulaysatay

habeenkaa kooxda uu

taageero, markii uu soo galay

albaabka guriga ayay inta ka

hortagtay ku tiri, gacaliye waan

ku sugayaa ee so ii imaan maysid,

haa ayuu yiri daqiiqado

kadibna wuxuu ugu soo galay

qolkeeda, waxaa u furmay

sheego, waxay u sheegtay inay

caawa oo dhan ay u soo jeeday

awgiis, waxay u keentay casho

iyo caano heer sare ah, wuxuu

isku dhuftay alaabihii loo

keenay, habeenkaa wuxuu ahaa

habeenkii ayaan darada najma,

waxay ka talaabeen xuduudkii,

mar dambe ayay soo baraarugtay

waxayna bilaawday inay

iska ilmayso, ayada oo

calaacalaysana waxay tiri, " feysal

maxaad ka wadaa saan,

aniga waan isku kaa aaminay,

waxaan midigtaada galiyay naftayda,

ma waxaad dooneysaa

inaad aniga I fadeexayso, soo

ma ogid inaan nin dhan ooridii

ahay, hada maxaan sameynaa

hadii aan uur yeesho, iska bax

dantii aad laheyd waad gaartay

kaama filayn sidaan, kaama

filayn sidaan, ma u maleynin

inaad sidaan sahlan iigu fududaaneyso.

W.Q Maxamed Nuur

Warsame (Keyfane)

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!