26.07.2014 Views

Bogga 13aad - Somali Talk

Bogga 13aad - Somali Talk

Bogga 13aad - Somali Talk

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

18 April , 2009 XOG-MAAL 3

Barbara Hogan oo raali galin bixisey,

shaqadeedana heysanaysa.

Haweeneyda ah wasiirada cafaimaadka

dalka Barbara Hogan ayaa la

sheegey in aanan laga diri doonin golaha

wasiirada kadib markii ay raali

galin ka bixisey hadal dhaleeceyn ah

oo ay dowlada u jeedisey bishii

maarso.

Hogan ayaa xukuumada ku eedeysay

mid inkirsan xuquuqda aadanaha

kadib markii fiiso dal ku gal ah loo

diidey hogaamiyaha ruuxiga ah ee

qoowmiyada Tibet, Dalai Lama.

Hadalkaasi ayaa dhaliyey carro weyn

oo dhanka xukuumada, iyadoo siyaasiyiin

sarsare ay ku baaqeen in

Hogan shaqada laga eryo maadaamaa

ay dhaleeceysay isla xukuumadii ay

iyada ka tirsanaynd, afayeenka xukuumada

Temba Maseko ayaa warfidiyeenada

u sheegey in Hogan ay

shaqadeeda sii heysan doonto, isla

markaasina ay bixisey raali galin cid

kasta qancisay, wuxuu hadlayay

waxyar kadib kullan golaha wasiirada

ay Pretoria ku yeesheen

Awooda dalka oo meel dhexe

la’isugu geeynayo.

Golaha wasiirada ayaa khamiistii

meelmariyey qodobka 17-aad oo ah

qodob cusub oo lagu soo kordhinayo

dastuurta dalka kaasoo awoodo baddan

siinaya dowlada dhexe kuwaasoo

ay ku faragalin karto maamulada dowladaha

hoose ee ay dadka soo doortaan.

Afayeenka dowlada Themba Maseko

ayaa sheegey in qodobkani ay golaha

meelmariyeen, isla markaasina looga

gol leeyahay in lagu dardargaliyo fidinta

adeegyada asaasiga ah sida

korontada, biyaha iyo guriyeynta,

wuxuu intaasi ku daray in ay jirraan

maamulo dowlado hoose oo si cad

oga horyimid qorshayaasha dowlada

dhexe, kadibna meelmariyey qorshayaal

aanan bulshada deegaanadaasi

aan waxbo taraynin, mar lagu riixey in

uu sheego kuwa ay yihiin maamulada

uu ka hadlayo ayuu yiri „ma doonayo

in aan ka hadlo arrin dood kicineysa

iyada oo la joogo xiligii doorashooyinka”.

Xisbiga mucaaradka ah ee DA oo

gacanta ku haya maamulka dowlada

hoose ee Cape Town ayaa xisbiga

talada haya ku eedeynaya in arrintani

looga gol leeyahay in lagu wiiqo

awooda maamulada lasoo doortey ay

u leeyihiin in ay fuliyaan adeegyada

loo igmaday, isla markaasina la meelmariyo

siyaasadaha ANC .

Eedeyntaasi waxaa diiddey ANC iyo

dallada maamulada dowladaha dhexe

ee lagu magacaabo SALGA (SA Local

Governments Association).

Nin sheegey in uu shubmi

gaaray markii uu heley lacag

shixnad ah

Nin ganacsade ah oo sare oo dalkani u

dhashay ayaa qol hotel ka heley lacag

aad u tiro baddan oo rugjad ah, qolka

waxaa kaga horeeyey ciyaaryahano

kubadda cricket-ka oo ka qeybgalay

tartankii Cricket-ka ee u dhexmaray

South Africa iyo Australia, kana dhacay

P.E.

Lacagta uu heley waxay gaaraysay

R450,000 (4 boqol iyo konton kun oo

Rand) taasi oo dhamaantedd wada

ahayd boqol boqol xaanshi ah oo hal

meel ku wada guntan, ganacsade

Stephen Blewett ayaa sheegey in uu

isku shubmi gaaray markii uu lacagta

heley.

Wuxuu ku wareejiyey maamulaha

hotelka, daqiiqado kadibna waxaa

yimid raggii lahaa oo raadsanaya,

waana la siiyey

Kasrils “kama war hayo

cajaladaha sirta ah”

Wasiirkii hore ee sirdoonka Ronnie

Kasrils ayaa beeniyey in uu wax ka

ogyahay cajalado sir ah oo la duubey

taleefoono ay kuwa hadleen Leonard

McCarthy hogaan hore ee hey‟ada

baaritaanada ee Scorpion iyo Bulelani

Ngduka madaxii hore ee hey‟ada garsoorka

oo ka wada hadlaya gooreynta

dacwada Zuma.

Cajaladaha raggani laga duubey waa

kuwa ay hey‟ada garsoorka ee NPA

ku sababaysay ka noqoshadii ay ka

noqotey dacwadii Zuma oo ay sheegtey

in farogalin siyaasadeed lagu

sameeyey arrintaasi oo laga ogaaday

cajaladaha maqalka ah ee raggani laga

duubey iyagoo taleefoon ku wada

hadlaya.

Hogaanka agaasinka iyo isku dubaridka

ololaha doorashada ee ANC

Fakile Mbalula ayaa Kasrills ku

eedeeyey in uu wax ka ogyahay taleeloonada

la dhagaystey ee la duubey,

maadaamaa uu xiligaasi ahaa wasiirka

sirdoonka.

Kasrills ayaa arrintani ku beeniyey

wareysi uu siiyey jariidada Business

Day ee Johannesburg kasoo baxday.

Xog-Maal

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!