26.07.2014 Views

Bogga 13aad - Somali Talk

Bogga 13aad - Somali Talk

Bogga 13aad - Somali Talk

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

18 April , 2009 XOG-MAAL 9

X a a l a d d a Q a x o o t i g a

Soomaalida Ee South Africa

Oo Laga Arinsaday.

Shir looga hadlayey Xaaladda

Qaxootiga Soomaalida ee ku

jira xerooyinka Dalka Koonfur

Africa iyo sidii loo tixgelin lahaa

rabitaankooda ku salaysan

inay helaan nolol midan

ka badalan, ayaa lagu qabtay

Magaalada Cape Town ee

dalka Koonfur Africa.

Shirkan oo ay si wada jir ah

usoo agaasimeen Laanta

Qaxootiga QM ee UNHCR iyo

The CITY OF CAPE, islamarkaana

ay goobjoog ka

ahaayeen Jaaliyadaha Africa

eek u nool dalkan Koonfur Africa,

Hay’adaha NGO-yada ee

qaabilsan Qaxootiga, Wakiilo

ka kala socday Safaaradaha

Ingiriiska, Maraykanka iyo

Canada, ayaa si gaar ah la

iskula meel dhigay in

Soomaalida qaxootiga ah ee

xerooyinka dalka Koonfur Africa

dib u celin lagu sameeyo,

islamarkaana ay helaan tixgelin

guud oo caalami ah.

Xoghayaha guud ahna Afhayeenka

Jaaliyadda Soomaaliyeed

ee Koonfur Africa

( S O M A L I C O M M U N I T Y

BOARD) Maxamed Cusmaan

Jaamac (Dheereeye) oo kulankaasi

ka hadlayey ayaa ka

c o d s a d a y H a y ’ a d a h a

caalamiga ah in Qaxootiga

Soomaalida, loo fududeeyo

helitaanka adeegyada ay xaqa

u leeyihiin, hase ahaatee aan

hiyi kicin lagu sameynin.

Isagoo la hadlayey wargeyska

Xogmaal, ayaa Xoghayaha

waxa uu tilmaamay in qodobada

sida gaarka ah qalinka

lagu wada duugay ay tahay

sidii qaxootiga Soomaaliyeed

ee dalbanaya in dal 3-aad loo

qaado, balse ay qaadan

doonto Afar ilaa Shan

sano.Sidoo kale kuwa dalbaday

in dalka Soomaaliya dib

loogu celiyo, ayuu Mr.

Dheereeye sheegay in la isla

gartay in marka hore la

qiimeeyo xasiloonida dalka,

halka kuwa doonaya inay

deegaanadooda gudaha Koonfur

Afrika dib ugu laabtaana la

taakuleyn doono.

Bishii May ee sanadkii tagay,

ayaa dalka Koonfur Africa,

waxaa ka dhacay rabshado

jinsi naceyb ah oo ay ku barakaceen

Kumanaan Soomaali

ah, qaar kalana lagu dilay,

iyadoo tirade qaxootiga

Soomaalida ee haatan ku jira

xerooyinkana ay gaarayso 463

-ruux.

W.Q: C/risaaq C/laahi Maxamed

Koobka nabada ee ka socday

Cape town oo hakad ku yimid.

Koobkan oo ay soo qaban qaabiyeen

gudiga isportiga ee gobalkani

Westren Cape ayaa socday

maalmihii la soo dhaafay ayadoo

ay ka qeyb galeen ilaamaa 6

kooxood oo ka wada dhisan magaalada

Cape Town.

Koobkani oo loogu magac daran

koobka nabada ayaa ku bilaawday

jawi aad u wanaagsan

ayadoo wareegii hore ee ciyaarta

ay weli lagu guda jiro balse

kooxaha ay is wada arkeen.

Waxaa is if baxaya in koobka

hakad ku yimid warar hoose oo

wargeyska Xog-maal loo soo dusiyay

aya sheegaya in uu qilaaf

soo kala dhex galay kooxaha

qaarkood .

Yuusuf U.K oo ka mid ah gudiga

isportiga ayaa sheegay in aysan

jirin qilaaf haba yaraatee soo

kala dhex galay kooxaha balse

ay jirto cillad farsamo oo tar

tanka hakad u galay.

Waxaa la arkayay in koox walba

ay ka muuqatay isku duubni iyo

wada shaqeyn ayadoo garoomada

ispoortiska lagu ciyaaro

ay ahaayeen kuwo mashquul ah

oo ay koox kasta samaynayso

diyaargarow iyo jimicsi.

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!