26.07.2014 Views

Bogga 13aad - Somali Talk

Bogga 13aad - Somali Talk

Bogga 13aad - Somali Talk

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

18 April , 2009 XOG-MAAL 16

Dabagalka dacwooyinka iyo dambiyada laga gallo Soomaalida

K/Afrika, dhibaatooyinka kale waa

kuwa aanan wax tirro ah lahayd sida ay

u baddanyihiin dartood.

Waxaasi oo gabood fal ah waxay galaan

diiwaanka dowlada, gaar ahaan saldhigyada

ciidamada Police-ka oo ka fura

gal dacwadeedyo, una sameeya tirsi

dacwadeed, haseyeeshee dad aad u yar

ayaa isku daya in ay dabagal ku

sameeyaan dacwooyinkaasi, taasi oo

horseeda in galkii dacwada la laabo

marka la waayo qof daba socda oo uu

walwal ku hayyo.Kaaga daran xittaa

qofka Soomaalida ah inyar xittaa waqti

kuma bixiyo ogaanshaha tirsiga

dacwada (Case Number), ma waxay ka

tahay aqoon la‟aan, miyuusan ku baraarugsanayn,

mise mucaajisnimo ayay ka

tahay?

Waxay ka tahayba waxaa xaqiiqo ah in

wax baddan uu kaga lumayo ogaansho

la‟aanta tirsiga dacwada iyo dabagal

la‟aanta.

Waxaad arkaysaa qof cabanaya oo

sheeganaya in intaasi oo jeer la waxyeeleeyey,

hanti uu leeyahay la dhacay,

isaga la dhaawacay ama la jir dilley,

hase yeeshee haddii la weeydiiyo waxa

cadaynta ah ee uu u haya sheegashadiisa

ma hayo wax uu ku muujiyo.

Haddii xittaa ay timaado cid caawineysa

dadka waxyeeloobey, tusaale

barnaamijyada dib u dejinta dhibanayaasha

looga sameeyo wadamada

galbeedka, dadku ma heystaan tirsi

dacwadeed iyo qoraal cadaynaya dhibaatada

gaartay.

Injineer Xusseen Cali waa gudoomiyaha

Jaaliyada SASA ee gobolka Western

Cape, wuxuu khamiistii booqasho ku

tagay tuulada Delf oo ay dhibaatooyin

ka dhaceen, dukaamaleydii la kulmey

waxa uu ku baraarujiyey in ay xifdiyaan

tirsiga dacwayooyinka, kadib wuxuu la

kulmey Police-ka, kullanka kadib ayuu

Xog-Maal u xog waramay, wuxuuna

yiri “cabashada ugu baddan ee nooga

timaada xagga Police-ka iyo hey‟adaha

kale ee aan la kulano si aan dhibaatooyinka

Soomaalida ogala hadalno waa in

Soomaalida aysan dabagalin dambiyada

laga galo dacwooyinka laga furo,

waxaad arkaysaa qof la dhaawacay oo

la qabtay kii waxyeeley, lana la‟yahay

in uu inta maxkamada imaado ku

cadeeyo dambiilaha dambiga uu galay,

taasi waa dhibaato weyn, waxayn fursad

siisey dambiilayaasha oo inta la siidaayo

markale dambiyadii oo kale ka

geysta bulshada dhexdeeda.

Xog-Maal

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!