26.07.2014 Views

Bogga 13aad - Somali Talk

Bogga 13aad - Somali Talk

Bogga 13aad - Somali Talk

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

18 April, 2009 XOG-MAAL 5

Qeybtii 2aad.

Waxaa la arkaa in aad is weydiiso

cudurka jabtaddu dhibaato ma u

keeni karaa ilmaha ay dhasho

h o o y o c u d u r k a n q a b t a a ?

Jawaabtu waa HAA!, maxaa yeelay

hooyada cudurka jabtada

qabtaa waxa ay u gudbin kartaa

ilmaheeda bakteeriyada xiliga

dhalmada taas oo u keeni karta

ilmaha indho la’aan hurgun

kalagoysyada ilmaha kaga dhaca

iyo bacteeriyadan oo dhiiga ilmaha

raacda sababtana inta

b a d a n d h i m a s h o .

Inta badan faafida cudurka jabtada

waxaa ka qeyb qaata dumarka

marka la barbar dhigo

raga , maxaa yeelay konton boqolkiiba

(50%) oo dumarka

cudurkan qabaayi ma muujiyaan

wax calaamado cudur ah balse si

fiican ayay ugu gudbin karaan

qofkii galmo la sameya, meesha

ay 95% ragu ay muujiyaan

calaamado cudur.

Sidoo kale waxaa cudurkani ku

badan yahay dadka isugu galmooda

qabaabka sharciga iyo

dhaqanka wanaagsan ka fog,

Su’aasha kale ee is weydiinta

mudan ayaa waxay tahay hurgunka

ay keento bakteeriyada

ma mid ku eg baa habdhiska

taranka iyo meelaha kale ee

dadka falfalka xumi isaga tagaan

oo keliyaa ? jawaabtu waa

MAYA!, maxaa yeelay bakteeriyadan

ayaa caabuq iyo hurgunba

ku keeni karta xubna badan oo

jirka ka mid ah hadii ay taabato,

qabsato kuna taranto, tusaale

ahaan hadii bukaha cudurka jabtadda

qabaaye uu caado ka

dhigto in uu gacmaha ku taabtaabto

hubanaha habdhiska

taranka jirkiisa ee hurgunka la il

daran oo uusan isticmaalin wax

saabuun, alkohool ama dhitool,

waxaa dhacda in bakteeriyada

Neisseria gonorrhoeae ay hurgun

ku keento gacmihiisa iyo waliba

xubnaha kale ee jirkiisa e uu

gacantiisa wasakheysan ku taabtay

sida indhaha, afka IWM. Sidoo

kale waxaa la mid ah qofka u

isticmaala farahiisa haweenay

qafta cudurka Jabtadda.

CALAAMADAHA CUDURKA JAB-

T A D D A : -

Calaamadaha u horeya ee lagu

arko bukaha cudurka jabtadda

qaba ayaa ah kuwa dhexdhexaad

ah , inta badana calaamadahaasi

waxa ay soo muuqdaan labo ilaa

toban casho gudahood ka dib

marka uu qofku galmo la sameyo

b u k e c u d u r k a q a b a .

Calaamadaha Dumarka iyo kuwa

raga lagu arko ayaa dhab ahaantii

kala duwan.

Calaamadaha Dumarka:-

1. xanuun ama gubasho la

dareemo xiliyada kaadida.

2. dheecaan ka yimaado farjiga

kaas oo ah cagaar marmarna

u eg dhiig-dhiig.

3. dhiig yimaada xiliyada

caadada dhexdooda.

4. xanuun la dareemo xiliyada

Galmada

5. qaarka danbe oo xanuuna

Calaamadaha Raga:-

1- cuncun iyo xanuun laga

dareemo gudaha dekarka.

2- kaadida oo lagu dhibtoodo

3- malax leh xanuun oo ka timaada

dekarka.

4- madax xanuun iyo qandho la

dareemo marmar.

Ka hor tagaga Faafinta

Cudurka JAbtada.

Cudurkan waxaa looga hortigi

karaa oo keliya qofka oo ku

ekaadaa gogoshiisa (xaaskiisa)

aana sameyn wax gogol dhaaf ah

(sino), halkaas waxaad ka garan

kartaa macanaha balaaran ee ay

xanbaarsantahay xaaraantimeynta

ay diinta Islaama ee

sharafta badani xaaraantimeysay

sinada, waxyaabo badan oo

waxaa jira ay gaaladu sheegaan

in looga hortigi karo cudurka jabtadda

balse waa wax ay iyaguba

ka caalwaayeen oo in aan sheegnaa

aysan waxba nagala

maqneyn, isku soo duuduuboo

xalka keliya ee looga hortegi karo

faafida cudurkan waa ku ekow

gogoshada kana fogow sinada.

BARISTA CUDURKA JABTADDA:-

Si loo xaqiijiyo cudurka bukaha

hayaa in uu yahay cudurka jabtadda

iyo in kale ayay xarumaha

baarista cuduradu u adeegsadaan

sadex dariiqo midood baarista

cudurka jabtadda.

1)- In si toos ah loo adgeesado

sheybaare iyada oo la adeegsanayo

dheecaan aan badneyn

oo bukaha laga soo qaaday,

2)- In laga baaro hiddaha bakteeriyada

Neisseria gonorrhoeae

kaadida bukaha, taas oo u baahan

in la isticmaalo qalab casri

ah sida midka loo yaqaan polymerase

chain reaction.

3)- In la abuuro (culture) bakteeriyada

Neisseria gonorrhoeae

iyada oo la isticmaalayo dheecaan

laga soo qaaday bukaga

cudurka qaba si loo helo xadi

bakteeriyadan ah oo si fudud loo

baari karo, abuuristan oo u baahan

in loo dhameystiro nafaqooyinka

iyo macdanaha ku haboon

koritaanka bakteeriyada .

W.D C/risaaq Mursal Faarax

Xog-maal.

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!