26.07.2014 Views

Muqdisho:Yaa Masuulka Ah Dhiiga Ku Daadanaya ? - Somali Talk

Muqdisho:Yaa Masuulka Ah Dhiiga Ku Daadanaya ? - Somali Talk

Muqdisho:Yaa Masuulka Ah Dhiiga Ku Daadanaya ? - Somali Talk

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAA OO TODOBAADKII 2 JEER LAGU DAABACO MADBACADDA HORYAAL BOSASO

ILAYS

AXAD 1 MARCH 2009- Caddadkii 9aad, Tell:-90712246 ama 66712246 Email:-ilaysnewspaper1@gmail.com Q:-6000 Ssh

FAALLO

Muqdisho:Yaa Masuulka

Ah Dhiiga Ku Daadanaya ?

Kulankii kooxda xiriirka

Caalamka Ee Somalia oo

War Laga Soo Saaray.

Brussels:- Warsaxaafadeed laga

soo saaray kulan labo maalmood

uga socday magaalada Brussels

ee dalka Belgiumka kooxda Xiriirka

Caalamiga (ICG) ayaa lagu

taageeray Dowladda midnimada

Qaran ee Soomaaliya ay yeelatay

iyo isku dhafka xubnaha Baarlamaanka

Soomaaliyeed.

Waxay warsaxaafadeedkooda ay

ku taageereen dib ugu laabashada

xubnaha Dowladda caasimada

dalka ee Muqdisho iyo in amaanka

ay dib u soo celin doonaan,

iyadoo laga rajeeyay in ay abuuri

doonto Dowladda cusub jawi deganaansho

oo dadka u sahlaya

shaqooyin in ay helaan.

Wasaaradda Arimaha Gudaha

Puntland oo qaadatay

Shaqaale cusub .

Bidix: Dadkii ku dhaawacmay dagaalkii muqdisho iyo Dagaalyahanada xisbul Islaam oo isu diyaarinaya Dagaal

EEG BOGGA 2AAD

BOSASO OO XARUN CUSUB U

NOQOTAY GANACSIGA QAADKA

“Qaadka ayaa Xakuma Ganacsiga Somaliya”Washighntonpost

EEG BOGGA 3AAD

MADAXWEYNE FAROOLE

IYO SAFARKIISII GOBOLKA

MUDUG

EEG BOGGA 2AAD

Garowe:-Wasaaradda Arimaha

Gudaha ee Puntland Barnaamijkeeda

Joint Program oo ay gacan

ku siiso UNDP ayaa qaadatay

todobaadkaan Shaqaale aqoone

leh.

Imtixaanka waxaa ku guulaystay

oo shaqadii halkaas ku helay afar

qof oo kala ahaa:

Ahmed Osman Aden oo loo qaatay

Senior co’ordinator

Abdimalik Jama Moxamed oo noqday

- Fianance and Planning

Mid ka mid ah Dadka Calashada Qaadka iyo Qaadka Miirowga ee Kenya

Somaliya: Sun Ma lagu

Aasay?

‘’Maxaa Loo dilay Ilaria

Alpi’

EEG BOGGA 7AAD

OGADEN

DAGAALADII OGADEN

“Saadiq Eenow

EEG BOGGA 6AAD

Mahamud Ahmed Xasan oo ku

guulaystay -Capacity Building

yo Guulleed Salah Bare oo loo

qaatay Monitoring and Evaluation

NABAR AAN DOWOOBEYN

WAA SHEEKO TAXANE AH

OO JACAYL AH, WAXAA-

NA QORAy C/QAADIR M.

WACAYS

EEG BOGGA 5AAD

BARNAAMIJKA

XUKUUMADA

P/LAND EE

2009-2011

EEG BOGGA 4AAD

AXAD 1 MARCH 2009

Ilays Newspaper founder.

1991 kismayo, Somalia

Abdi Shakuur Mire Aadan

Managing Editor

Omar said Mohe’d

712246

Editor

Omar said Mohe’d

Design and Layout

Omar Said Moh’ed

Reporter

Cali Ibraahim Qoobay

723424

Bashiir M.M

711613

KU SOO HAGAAJIYA

FIKARADIHIINA

ilaysnewspaper1@gmail.com

Sabti, 28,feb, 2009

Gobalka Mudug wuxuu ka mid yahay

gobalada sida aadka ah looga taageersan

yahay Madaxweynaha Puntland

& dawladiisa cusub, wuxuuna

Madaxweyne Faroole todobaadkii

hore booqasho ku yimid gobalka Mudug,

isagoo ujeedada ugu muhiimsan

Socdaalkan ay ahayd kormeerka

shaqada dawladda & la kulmida

Isimada gobalka.

Madaxweyne Faroole wuxuu si wadar

ah & gooni-gooni-ba ula kulmay

Isimada gobalka Mudug & Shaqsiyaadka

dawladda Puntland ay uxilsaartay

shaqada gobalka Mudug

in ay qabtaan, wuxuuna qolobaa

ka dhageystay warbixino ku aadan

xaaladaha ay ka hadlayeen, ka dibna

wuxuu tagayey meel walba oo

warbixinteeda la siiyo.

Wariyaashii la socdey Madaxweyne

c/raxmaan maxamed Faroole

booqasho walba oo uu ku sameynayay

goobaha Magaalada Gaalkacyo

ayaa soo sheegay in uu Madaxweynuhu

si dareen xoog leh ku jiro

u dhageysanayay Warbixinada ay

jeedinayaan dadka Masuuliyadu ka

saaran tahay goobaha booqashooyinka

lugu sameynayay.

Dad badan ayaa Madaxweyne Faroole

ku soo dhaweeyey banaanka

& gudaha Magaalada, wuxuuna

Booqashadiisii ugu muhiimsaneyd

ku tagay Cusbitaalka Magaalada

Gaalkacyo waxa ayna dad badan ku

soo dhaweeyeen Caleemo qoyan,

isagoo balan qaaday in wax weyn

ILAYS NEWSPAPER

MADAXWEYNE FAROOLE IYO

SAFARKIISII GALKACAYO

laga qaban doono Cusbitaalka

Magaalada Gaalkacyo oo aan shaqo

aysan badneyn.Xarunta Maamulka

gobalka Mudug ayuu Madaxweyne

Faroole kula kulmay Odayaasha

dhaqanka ee gobalka Mudug iyo

Nabadoonada gobalka, waxa ayna

dhaliilo usoo jeediyeen Maamuladii

ka horeeyey Madaxweyne Dr. C/rixmaan

Sheekh Maxamed Sheekh

Maxamuud (Faroole) maamulkiisa,

ayagoo ugu baaqay in uusan marin

wadadii ay mareen maamuladii ka

horeeyey.

Waxaana Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa

cusub ay usoo jeediyeen

Talooyin ku aadan xaalada sida uu

wajahayo, siiba xaaladaha ka taagan

gobalka Mudug ayagoo tibaaxay

in aysan wax wanaagsaneyn aheyn

in Maamul walbaa noqdo mid mara

hanaanadii ka horeeyey, waxa ayna

sidoo kale Madaxweynaha ka codsadeen

in uu qaado talaabooyin

lugu toosinayo howlaha dawladda ee

gobalka Mudug.

Madaxweynuhu wuxuu si toos ah

uga sheegay Xarunta Maamulka

gobalka in uu wax ka qabanayo

xaaladaha ka jira gobalka Mudug,

wuxuuna soo qaaday dilalka kala duwan

ay geysanayaan dambiilayaasha

wuxuuna sheegay cidii dil geysata dil

laga dhigo oo aysan difaacin Isimada

& Salaadiinta kala duwan, wuxuuna

sheegay in ay kala hadleen arimahaasi

Isimada gobalka oo ay ka dhowrayaan

Warqad saxiixan oo ku aadan

arintaas In qofkii qof dila loo dilo.

2

booqashadiisii Gaalkacyo ayaa ku

sifeeyay midii ugu xamaasada badneyd

ee uu ku tago meel ka mid ah

deegaanada Puntland, waxa ayna

leeyihiin “ Waxa ay taasi tuseysay

Madaxweyne Faroole iyo Xukuumadiisa

sida loogu hanweyn yahay

waqtigan la joogo ayna dadka

Puntland udoonayaan Hogaan wanaagsan.

Inta badan dadka reer Puntland

waxa ay taageersan yihiin Xukuumada

markan jirta, waxa ayna aad

ula dhacsan yihiin howlaha Madaxweyne

Faroole, ayagoo hadal haya

in uu Madaxweyne Faroole isbadal

muuqda sameyn doono bishan aynu

ku jirno oo uu wax ka badalayo

Maamulada dawladda ee gobalada

& degmooyinka Puntland, waxaana

Madaxweyne Faroole ubalan qaaday

dadka Puntland in ay horumar

wanaagsan gaarsiin doono.

Ilo ku dhow dhow Madaxweynaha

ayaa usheegay APL in uu balan ku

qaaday Madaxweynuhu in uu dib

udhisi doono Golayaashii deegaanka

ee Puntland oo uu kala diray

madaxweynihii looga guuleystay

Madaxweye-nimada Puntland ee

Cadde Muuse Xirsi.

Goobaha la doonayo in loo sameeyo

golayaasha deegaanka ayaa kala

ah Gaalkacyo, Burtinle & Deegaano

kale oo ka mid ah Puntland oo aan

horay ulaheyn.

F. C. Geylan

AllPuntlad

Muqdisho:Yaa Masuulka

Ah Dhiiga Ku Daadanaya ?.

Dagaalkii ka dhacay maalmihii

dhoweyd magaaladda Muqdisho

ayaa noqday mid raad ku yeeshay

magaaladda. Hay’adaha u dooda

xuquuqda Aaadamaha ayaa qaylo

dhaan ku dhiftay kuwaas oo argagax

ka muujiyey xaalada Muqdisho. Ugu

yaraan 325 qofood ayaa ku dhaawacmay

dagaaladaas, iyadoo dhimashaduna

kor u dhaaftay 50 qofood.

Tan iyo markii Jabuuti lagu soo dhisay

Dawladda loogu yeero Midnimada

Qaran ayaa waxaa soo baxayey

diidmo ka imanaysay kooxaha Islaamiyiinta

ee aan qaybta ku lahayn

heshiisyadii hore ee la gaaray.

Xisbul Islaam iyo ciidamdaa Dawladda

oo garabsanaya xoogaga

AMISOM ayaa dagaalkii u dambeeyey

waxaa uu ku dhexmarayey Muqdisha

dhinaceeda Konfureed. Ilaa iyo

waqtigan ayaa la isku hor fadhiyaa

meelihii dagaalku soo gaaray maalintiisii

ugu horeysay.

Xoogaga AMISOM ayaa ku waayey

laba ka mid ah Taangiyadooda oo

mid ka mid ah cilad farsamo ku dhacday.

Dagaalka ka dhacay Muqdisho ayaa

dadka degan, waxay ka muujiyeen

welwel xad dhaaf ah, iyadoo waqtigan

Muqdisho dib ugu soo noqonayeen

dadkii horay uga barakacay oo lagu

qiyaasay in ka badan Afar Boqol oo

Kun.

Soomaaliya ayaa mudo ku jaahwareersanayd

dagaal sokeeye oo aan

dhamaad lahayn. Waxaase iminka

ayaa laga baqi qabaa in dagaalkii

sokeeye isu bedelo mid dhex mara

kooxaha Islaamiyiinta oo mudo iyagu

ahaa kuwa is garabsada,Baqdinta

jirta ayaa ah in dagaalku u xuubsiibto

mid lagu dagaalamo diin iyadoo

dadka dagaalamayaa ay wada

yihiin muslimiin iyo weliba dad isku

mabda’a ahaa.

Dhiiga ka qulqulaya Muqdisho ayaa

waxaa loo baahan yahay in la joojiyo

yo weliba in la helo cid masuulka ka

ah dadka shacabka ah ee maalin

walba ku dhimanaya. Ma sahalana

in dadku ku dhamaadaan is haysi

siyaasadeed oo awooda lagu hardamayo.

Dad badani waxay qabaan

inaan dhiiga daadanaya aanu ahayn

mid diineed. Sidaa dartee ayaa la

oran karaa waa baadil labada dhinac

eek u dagaalamaya dadweynaha

dushooda.

Maanta waxaa la joogaa xilligii farta

lagu fiiqi lahaa cida shacabka waxyeelaynaysa.

Waxa keliya ee dadka

Soomaaliyeed dhowrayeen ayaa ah

rajo ay la yimaadaan Islaamiyiintu.

Waase arrin laga naxo in Islaamiyiinta

dhexdooda manta bilaabeen dagaal

dhexdooda ah.

Tan oo quus ku abuurtay dadweynaha

Soomaaliyeed ee iyagu rajada

ay sugayeen ahayd in Islaamiyiintu

mar uun xukunka yimaadaan.

Waxaa la filayey in maalin ay soo

noqoto maalmihii Maxkamadihii Islaamiga

ahaa. Waxaa la filayey in Islaamiyiintu

maskaxdooda furaan oo

ay gartaan danta dadka.

Xaalka Soomaaliya ayaa u muuqda

rajo xumo iyo dagaal hor leh iyadoo

cullimadda Masaalaxadu u soo jeediyeen

kooxaha isku diidan siyaasada

. talooyinkaas ayaa la oran karay

waxay saldhig u noqon karayaan in

la abuuro jawi isu soo dhowaansho

oo Islaamiyiintu isku afgartaan.

Soomaaliya manta waxay maraysaa

meel halis aad u ah iyo kala leexasho

siyaasadeed oo keeni karta in lagu

sii jiro dagaal hor leh mudo 20 sano

oo kale. Waxay dhabtu tahay in aan

laga aamusi Karin in la helo shaqsiyaadkii

ka dambeeyey falkaas dhiiga

badan ku daadatay ee shacabku ku

hoobtay .

Isku soo duubo waxaa la filayaa

inay shacabku gadoodaan oo aanay

u dul qaadan in dushooda lagu dagaalamo.

Muqdisho waxay la soo

noolayd qabqablayaashii Muqdisho

iyo mooryaantii ka amar qaadan jirtay.

Kuwaas oo ku dhiiraday inay

dadka Islaamka ah dhoofiyaan oo

ka ganacsadaan. Sidoo kale waxay

waqtigaan la daalaa dhacayaan Islaamiyiinta

is diidan ee u qaabka eg

qabqablayaashii hore balse huwan

magaca Islaamka. Yaa Masuul ka ah

Dhiiga ku daadanaya Muqdisho?

AXAD 1 MARCH 2009

ILAYS NEWSPAPER

BOSASO OO XARUN CUSUB U NOQOTAY GANACSIGA QAADKA

By:- Omar Siciid maxamed

Qaadka ayaa Xakuma Ganacsiga Somaliya

3

Tan iyo Markii Xoogaga Alshabaab

ay la wareegeen qaybo

badan oo koonfurta iyo Bartamaha

somalia waxaa aad hoos ugu dhacay

ka Ganacsiga iyo Isticmaalka Maandooriyaha

Qaadka (Jaadka).

Nooca Qaadka loo yaqaano Miirowga

oo laga keeno dalka Kenya oo

aad looga isticmaali jiray Koonfurta

somalia ayaa loo soo duway puntland

halkaasoo u noqotay suuq cusub,

Canshuurta laga qaadano ay

yartahay.

Waxaa Hoos u dhacay Qiimaha Qaadka

Mirow-ga iyo Hareriga lagu iibiyo,

waxaa laba jibaarmay dadka Qaadka

cuna iyo kuwa iibiya, waxaa la

furay Majlisyo cusub oo lagu Calanshado

Maadooriyaha Qaadka,waxaa

laba- jibaarmay Ganacstada ka faashlaysa

Qaadka, waxaa laban laabmay

Gawaairada Qaadka soo daabusha.

Waxaa sidoo kale aad kor ugu kacay

tirada dadka waalanaysa, tirada

dadka shaqooyinkoodii ka tegay, tirada

Caruurta darbijiifka urursada garaabada

qaadka islmarkaana cuna,

waxaa kor u kacay Geeljirayaasha

iyo Maleeshiyada wadooyinka Isbaarada

dhigata.

Bishii Februay, Wadada Laamiga

ee isku xirta Galkacayo iyo Bosaso

waxaa ka dhacay shilal foolxun oo

dad lagu laayay oo weli arrintoodii

ay taagan tahay,waxaana sababay

Qaadka.

Arrintu siday doonto ha ahaatee,

Maandooriyaha Qaadku waa masiibo

Qaran oo ku habsatay dadka reer

puntland.

Inkatoo ciidamada, Shaqaalaha

dowlada, Barlamaanka iyo Qaar ka

tirsan golaha Wasiiradu ay Calashadaan

Maandooriyaha Qaadka haddana

xukuumada cusub ee puntland

oo uu madax ka yahay Madaxweyne

faroole waxaa saaran Waajib in ay

badbaadiyaan dhalinyarada reer

puntland oo 70% isticmaala qaadka.

Xukuumada puntland waxaa looga

fadhiyaa in ay Canshuur badan

saarto, ka fogayso Bartamaha

Magaalooyinka, xaddido Qaadka

soo galaya puntland, ciqaab adagna

saarta cidkasta oo ku xadgubta sharciyada

ku aadan maandooriyaha Qaadka.

Culimada, Ururada arrimaha bulshada

iyo Aqoonyahanada reer punt

waa in qayta kaga aadan ka qaataan

la dagaalanka Maandooriyahan.

Qaadka ayaa Xakuma

Ganacsiga Soomaaliya

Jariidada Washigtonpost ayaa

sanadii 2006 waxay soo daabacday

Maqaal dheer oo ay kaga hadlayso

Maandooriya Qaadka ee somalia

laga isticmaalo,Maqaalkaas

waxaa Tarjumtay Somalitalk.com.

WAAJID, Soomaaliyaa – Ka hor intii

aysan burburin dawladdii Soomaaliya

sannadkii 1991, Maryan Cali

waxay macallimad ka ahayd dugsi

hoose halkaas oo ay maalmeheeda

waqtiga ku bixin jirtey in ay casharrada

Juqraafiga iyo Xisaabta barto

fasalka shanaad. Hadda waxa ay nolol

maalmeedkeeda ka soo saartaa

Qaadka (Jaad), kaas oo ah geed daroogo

ah oo marka la ruugo dhaliya

xaalad kacsan (neerfoose ah ama

mirqaansan) iyo dareen marka dambe

qofka ka dhigaya mid tacbaan ah

daalan oo riyo ku jira. Sidaas waxaa

ku bilowday qoraal ay qortay jariidada

Washington Post cadaddkeedii

Axad , April 16, 2006; kaas oo ku soo

baxay bogga A11.

Qoraalka (Emily Wax ee Washington

Post) oo ay SomaliTalk.com soo tarjumtey

waxa uu intaas ku daray:

Dumarka Soomaaliyeed ee waxbartay

sida Maryan Cali ayaa ugu badan

ka ganacsiga Qaadka, oo ah xirfad

halkan lagana qadariyo iyo lagana

caayo, waana inta yar ee ka haray

fursadaha shaqo ee dhaqaalaha sii

liicaya ee dalka (Soomaaliya).

“Haddii dalku uu weligiis noqdo caadi,

waan joojinayaa (iibinta Qaadka),

waxaana ku laabanayaa macallinadii,”

ayey tiri Maryan oo 40-jir ah,

taas oo kaydkeeda ku ilaalisa AK-47,

waxana ay leedahay ilig dahab ah

kaas oo ay tiri waxa uu ka dhigayaa

mid u muuqata “qof adag”. “Maxaa

kale oo aan sameeyaa si aan u noolaano?”

ayey tiri.

Soomaaliya, dalka tirada dadkiisu

tahay 8 million oo ay xukumaan qabqablayaasha

dagaalku, waa dalka

adduunka ugu isticmaalka badan Qaadka,

sida ay sheegeen cilmi baarisyo.

Da’yarta Soomaaliyeed oo ay

cabsida geliyeen rabshadaha, kuna

soo barbaaray qawaaniin la’aan,

waxa ay yiraahdeen Boqorka Qaadka

(King Khat) ama mucjisada Miraa,

oo ah magaca daroogadan loo

yaqaan, in ay ka caawiyaan yaraynta

xanuunka

Cilmibaarisyadu waxa ay ku qiyaaseen

in boqolkiiba 75% ay raga qaangaarka

ah (ee Soomaaliyeed) ay isticmaalaan

daroogadaas (Qaadka).

Magaalo kasta waxa ay leedahay qol

loogu talo galay Qaadka,

halkaas oo raggu gabran yihiin saacado

badan iyagoo dhegeysanaya

Muusik aad u cod dheer oo calashanaya

caleenta cagaaran oo ay

ka kasoo dheecaameyso calyadu

(candhuufta), kuna lingaxmaya ama

ku dhegaya ilkahooda dhexdooda.

Isticmaalka Aalkolada iyo badanaa

isticmaalka daroogadu ma ahan mid

dhaqan ahaan laga aqbalo wadankan

Muslimka ah (Soomaaliya), laakiin

calashiga iyo ka ganacsiga Qaadka

waxaa loo tix geliyaa arrin ciiro am

ama mugdi ku jiro. Sidaas daraadeed

Maryan Cali, oo ah hooyo 10 carruur

ah leh, waxay dhex mukhuuratay ganacsiga

daroogadan , taas oo ay tiri

waxay suurtagal uga dhigtay in ay

hesho lacag iyo in ay daacad u noqoto

falsafada Soomaalida ee ah isku

xirnaanta qabiilka: “Isku soo xoori oo

arrintu waa Quudi, oo Difaac.”

Qaadku mamnuuc kama aha wadama

badan oo ku yaal Afrikada

ka hooseysa Saxaraha, waxana

laga adeegsadaa guud ahaan Afrikada

Bari iyo qayb ka mid ah Bariga

Dhexe, gaar ahaan Yemen. Waxa

uu mamnuuc ka yahay dhawr dal oo

Afrika ah, sida Tanzania iyo Eritrea,

sidoo kale waxa uu mamnuuc ka yahay

Maraykanka iyo Yurub.

Sannadkii 1980 ayaa Ururka Caafimaadka

Adduunka (ee loo soo

gaabiyo WHO) waxa uu Qaadka u

aqoonsaday daroogo aan qofku ka

fuqi-karin ama iska deyn karayn,

xilligaas ayaa hoggaamiyayaashii

Geeska Afrika waxay u ololeeyeen

ka soo horjeedsiga (Qaadka), iyagoo

dhehaya isticmaalka badan ee Qaadku

waxa uu dhaliyey Furriin badan,

dumarka oo la garaacyo, iyo shaqo

lumid. Dalka Soomaaliya dadka kasoo

horjeeda dabeecadan qaranka

ee faraha ka baxday waxa ay yiraahdeen

in ragga isticmaala daroogada

Jaadka waxa ay dayacaan qoysaskooda

iyagoo lacag aad u farabadan

iyo waqti ku bixinaya (Qaadka).

Qaadku waa uu aad uga baxaa (ama

ku kobcay) dalalka deriska ah ee

Kenya iyo Itoobiya, halkaas oo beeraleydu

ay bilaabeen in ay xididada u

siibaan dhirta Qaxwaha (Coffee) oo

ay booskaas ku beeraan caleenta

cagaaran (ee Qaadka) markaas oo uu

hoos u dhac ku yimid suuqa Qaxwaha

sannadadii sagaashanaadkii iyo labadakun.

Maanta dalka Kenya waxa uu

dhooofiyaa Qaad lagu qiyaasay lacag

dhan $250 million sannadkiiba.,

kaas oo ka badan ama ka kor maray

lacagta ay Kenya ka hesho caleenta

Shaaha oo ah dalag lacag badani ka

soo gasho dalka Kenya, sidaas waxaa

laga soo .xigtey dawladda Kenya

Maalin kasta waxaa labada garoon

ee ugu weyn Nairobi ka duula dersin

diyaarado ah oo sida jawaano uu ka

buuxo Qaad oo usii jeeda Soomaaliya

lacagta ay (Kenya ka hesho)

waxaa lagu qiyaasay $300,000 maalintiiba,

sida ay sheegtay hay’adda

Qaranka Kenya ee u ololeysa kasoo

horjeesiga Daroogada sida xun loo

adeegsado.

Sida Tubaakada iyo Alkolada, ayaa

Qaadku waxa uu yahay ganacsi ay

wadaan dad aad u xoog weyn.

Qabqablayaasha dagaalka ayaa xakuma

ganacsiga Qaadka, lacagata

kasoo baxdana waxa ay ku iibsadaan

hub, taas oo u ogolaaneysa in ay

sii haystaan xukunka qaybohooda

dagaalka ee kala qoqoban, sidaas

waxaa laga soo xigtey warbixin ay

sannadkii 2003 Soomaaliya ka soo

saareen koox khubaro ah oo ah Qaramada

Midoobey.

“Dhawr ka mid ah kooxaha waaweyn

iyo maamulada ayaa waxa ay si toos

ah saami ugu leeyihiin ganacsiga,

iyagoo sii maraya ku xirnaanta kuwo

Qaadka soo waarida ama dalka soo

geliya, ama cashuur laga qaado marka

uu dalka soo gelayo (Qaadku).”

Sida ay sheegtay warbixintu.

Calashiga/Ruugidda Qaadku waxa ay

yaraysaa rabitaanka cuntada. Waxana

uu muddo dheer ahaa dabeecada

dadka magaalooyinka deggan, badanaa

dadka beeraleyda ah waa kuwo

aad fakhri u ah oo aan iibsan Karin,

laakiin dadka u shaqeeya hay’adda

gargaarka aadamino waxa ay sheegeen

in ragga ka yimaada beeraha ee

u soo guura magaalooyinka in ay bilaabeen

isticmaalka geedka waqtiga

lagu dilo, iyagoo lacag amaahanaya

si ay ugu kabaan dabeecadaas.

“Kulan kasta oo aan la yeelano

Jaaliyadda Soomaaliyeed, waxaa

lagu xusaa in uu yahay (Qaadku)

dhibaatada ugu weyn ee kasii dareysa,”

sidaas waxaa yiri Regine Kopplow,

oo ah sarkaal ka tirsan Qaramada

Midoobey qaybta u qaabisan

nafaqada caafimaad ee Carruurta ee

Soomaaliya. “Dadku ma garanayaan

wax laga sameeyo arrintan. Waxaa

jirta Abaar. Waxaa jira dareen la

xiriira ammaanka. Waxaa jira buufis

(qulub) xaqiiqo ah. Waxay ku dambeynesaa

in ay dhibaato gaarsiiyaan

carruurtooda, kuwaas oo waayaaya

iskuul iyo cunto.”

•ISHA WARKA: http://www.washingtonpost.com

| Tarjumadii Somali-

Talk.com | May 6, 2006

LA SOCO CADADKA XIGA

AXAD 1 MARCH 2009 ILAYS NEWSPAPER 4

DIGNIIN CULUS

Barnaamijka Xukumadda Dawlad

Isbedelka dhaqanka Cunto Qaadashada

Goboleedka Puntland 2009-2012.

ee Reer Miyiga iyo Dhibaatadii ka dhalatay

QAYBTII 1AAD

Cuntada Bani’aadamka cunaa

waxay ku salaysan tahay badanaaba

shaqada Bani’aadamku qabto

iyo cimilada uu ku nool yahay,

inta badan dadyow kastaabi waxay

leeyihiin cunto iyaga lagu yaqaano,

taasoo ka dhalatay dad kasti cunadii

noloshoodu ku fiicnaatay ama deday

baahidooda nololeed.

Inaga somaali ahaan waxaynu

ahayn, haatana inteena badani tahay

reer guuraa, cuntadii dadkeenu

haystay ee soo jireenka ahaydna

mid haqab tirta baahida qofka reer

guuraaga dhanka shaqada iyo cimilada,

cuntadaas oo ahayd Caano,hilib

iyo Subag.

Wargayska Ilays waxaa Waraysi kala

yeeshay isbedelka ku yimid dhaqanka

cunto Qaadashada reer miyiga,

Dr Maxamed Siciid Maxamed (Dr

shaadheeyay) oo baaritaan ku sameeyay

arrintaas.

Ilays:-Muxuu yahay Isbedelka ku

dhacay Dhaqankii cuntada ee reer

Guuraaga somaliyeed???

Dr:-Isbedel weyn ayaa ku dhacay

dhaqankii cuntada ee reer guuraaga,

kaasoo saamayn weyn ku yeeshay

Hab-nololeedkii lagu yiqiinay

Reer Miyiga, oo waxaa isbedelay

Waqtigii cuntada la cuni jiriy,Noocii

cunnada iyo Karinteediiba, Tusaale

ahaan:- waxaa maanta dhacda in

Geel jirihii Noloshooda la ogaa uu

hadda u raran yahay Rati sida Cunto

kala duwan,Qayb Bisil iyo Qayb aan

Bislayn. Aniga shaadheeye ahaan

waxaa isoo maray cunug 3 bilood jira

oo loo sido Caano Booro (Maamex),

ilmahaas oo ka yimid xero xoolo

joogaan.

Ilays: Cuntada uu Qofku Cuno

Maxay Jirkiisa u Tartaa??

Dr:-Waxtarka cuntadu jirka u leedahay

waxaa loo qaybin karaa si-

datan:-

1.Cunto u samaysa jirka Unugyo

Cusub, Koritnooda iyo Dayactirkooda.(

Waxaa ka mid ah Hilib,

Caana,Ukun,Kalluun iyo Digirta).

2.Cuntao siisa jirka Tamarta

(Awooda) uu ku dhaq-dhaqaaqo,

ku shaqeeyo.(waxaa kamid aha

Bariiska,Baastada,Burka ,Galayda,

Saliida iyo Subaga)

3.Cunto siisa jirka Awood uu kaga

hortego Cudurada iyo dhismaha

awoodaas.(waxaa laga helaa Khudaarta

iyo Miraha la cuno(Furitka)

Ilays.Haddaba waa cuntadee Cuntada

shuruudahaas fulisaa?

Dr:-Waa cuntada isu dheeli tiran taa

soo ka kooban Qodobada kor ku xusan

iyo biyaha oo ah qayb cuntada

saxda ah ka mid ah.

Ilays:- maxaa iska bedelay dhaqankii

cunnada ee reer miyiga??

Dr:-Waagii horre inaga reer guuraageenu

waxay cunni jireen, waxa

xoolahooda uga soo baxa Hilib,

Caano iyo Subag (anigu ma oranayo

dhakhtar ahaan dadku subag ha

cabo, laakiin noloshii soo jireenka

ahayd taasoo iyadu muujisay in

ay sax ahayd baa keentay in aan

dhaho waxakani sax bay ahayd,),

Maanta Qoyska reer guuraaga ahi

Neefkii iyo Caanihiisiba wuxuu u

iib geeyay Magaalo, subagiina lama

sugo , wuxuuna ku soo bedeshay

Bariis,Baasto,Bur, iyo Saliid.intaas

oo ah Cuntadii Jirka siinaysay Tamarta

(Awood) uu ku dhaqdhaqaaqo

ama ku shaqeeyo, halkaasna waxaa

ka baxay cuntadii jirka dhisaysay iyo

tii Jirka Awooda ka hortega Cudurada

siinaysay, taasoo ahayd Caanaha

oo la oran karo cunto dhamaystiran

iyo Hilibka.( Taasi ma ahayn in aan

reer guuraagu heli jirin Bariis, Bur iyo

Sonkor, ee waagii hore waxay cuni

jireen kuwa aan soo sheegay iyo

waxa xoolohooda uga soo baxa)

Taasi waxay keentay qofkii reer

guuraga oo sidii u guura,u dhaansha,u

rara, xoolihiina raaca (ilaasha) oo

shaqadiisii aan habba yaraatee wax

iska bedelin oo cunto hal nooc ka

kooban cuno (Bariis,Baasto, Sonkor,

Saliid iyo Bur) halkaasi waxaa

ka dhashay in shaqada qofka reer

guuraagi qabanayay iyo cuntadii uu

cunayay aanay isu dheelitirnayn ka

dib waxaa yimid Cuduro aan waagii

hore laga aqoon miyiga ama aan ku

badnayn ay maanta si yaab leh ugu

fideen, Sida TB (Qaaxada).

Markasta Nolosha reer guuraagu

way adkayd, Mar Tirada xoolaha uu

haysto baa yarayd, mar xoolo Irmaan

baan ku jirin, Marna Abaar ayaa jirtay,

sidaas ay tahay dadku waxaay

lahaayeen dhaqan ay isku badbaadiyaan

kaasoo ah in ay xoolaha qashaan

kaydna ka samaystaan iyagoo

hilibkii subag ku fariisinaya. Midaas

weeye amarka Eebe ka sokow tii Cudurada

iyo Nafaqo darrada ay kaga

badbaadi jireen iyaga iyo Caruurtoodu.

Waxaa iswaydiin mudan, dhaqankii

Miyiga lagama aqoon khudaar

ama Fruitka (Cambaha, Mooska iyo

Babayga) haddana qofkii reer miyiga

somaliyeed way ku yarayd cudurada

vitamin la,aanta iyo dhiig yarida .

LA SOCO AXADA DAMBE

Madaxweynaha DGPL, Dr. C/raxmaan

Faroole, ayaa Golaha Baarlamaanka

Puntland waxa uu (Arbaca

Janaayo 28, 2009) ka hor akhriyey

qorshaha xukuumada DGPL ee

2009-2012. Waxaana markaas Golaha

Wakiilada Puntland cod aqlabiyad

ah (57 cod) ku ansixiyeen barnaamijkaas.

Barnamaijka xukuumada Puntland

ayaa u qornaa sidan:

Barnamijka Xukumadda DGPL

2009-2012

Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka

Puntland

Garowe, 28 January, 2009

HORDHAC:

Mudane Gudoomiye, Mudanayaal

iyo Marwooyin:

Asallaamu Calaykum Wa Raxmatu

Allahi Wabarakaatuhu,

Gudoomiye, sida aan ka wada warqabnno

waxaa 1998-dii la dhisay

Dawlad Goboleedka Puntland oo ay

ku bahoobeen 5 Gobol iyo Deegaanka

Buuhoodle (Bari, Sanaag, Nugaal,

Sool, Mudug iyo Degaanka Buhoodle).

Arintaaas waxaa keenay baahi

loo qabey qaab dhismeed cusub oo

matalikara masiirka bulshadeena.

Qab dhismeedkaas ayaa markii ugu

horreysay la taaba geliyay, iyadoo la

adeegsanyo habraaca dhaqanka oo

lagu dheehay waayaha siyaasadeed

ee Soomaaliya. Waxaa lama huraan

noqotay in lala jaan qaado wacyigii

xilligaas jiray, iyadoo la doonayo

in aayaha iyo masiirka dadka reer

Puntlnad meel lagu ogaado, si ay

u helaan maamul tayo leh oo suga

amniga, una horseeda ummadda

horumar dhaqan-dhaqaale (socioeconomic

development).

Dhismaha DGPL wuxuu kale oo

ahaa qaab-dib-u-heshiisiineed ee

loo yaqaan hoos-ka-dhis kor-u-dhis,

una horseedi kara deegaamada kala

ee Somaliya inay dhistaan maamul

goboledyo kan oo kale ah, taasoo

noqota qaabka keliya oo Somali la

isugu kenikaro Nidaamka Federaaliga

oo Dawlad Dhexe oo midaysan

lagu gaari karo. Aakhiritaanki, fikrigan

nadiifka ah waxaa la isaga raacay

shirkii di-u-heshiisiineed ee Kenya,

2002-2004, oo beesha caalamka

hormuud ka aheyd, ummada Somaliyedna

aqoonsatay.

Miradhalka himiladaas waxaa tusaale

u noqday doorashoyinka demoqaradiga

ahaa ee dhowaan ka dhacay

Puntland, laguna soo doortay

Madaxweyne iyo Madaxweyne-kuxigeen

08/01/2009.

Dorashadaas waxay masuuliyad

culus dusha u saartay heyadaha

dawliga ah ee Puntland ayna ugu

horreyaan Xukummadda iyo Golaha

Wakillada cusub oo laga sugayo

is-beddel dhab ah oo lagu higsado

himilooyinka mustaqbalka ee

dadkeenna, una horseedi kara amni,

xasilloni siyaasadeed iyo horumar

dhaqaale.

Sidaas darteed, waxaa loo baahanyahay

inaan wada aqoonsanno

in Xukumadda iyo Golaha Wakiillada

ay maanta horyaalin caqabado

waaweyn oo dhinac kasta ah,

xag siyasadeed (DFKMG), amniga,

dhaqaalaha iyo bulshadaba. Waxa

aan qarsoonayn xaaladda dhabta ah

ee jirta.

Haddaba, waxaa la inoo ka baahan

yahay – Xukumad, GW iyo shacaba,

inaan u wada howlgalno sidii aynu

uga gudbi lahayn marxaladdan adag

uguna talaabsan lahayn waddada

horumarka.

Hadafka aan higsaneynana laguma

gaari karo si sahal ah, Sidaas darted,

waxaa kuligeen laynoo ka baahan

yahay in aan qaadano go’aamo adadag

oo muhiim u ah hurumarka shacabka

Puntland. Taasi waa lagama

maarmaan, mar hadaan dooneyno

in aan la nimaadno is bedel dhab ah

oo ka turjumaya himilooyinka aan

higsaneyno. Qorshaha guud ee xukumaddu

wuxuu taabandoona dhinacyada

kala duwaan ee noloshasiyasadeed,

amni, dhaqaale , bulsho

iyo ilaalinta deganka, dadkeena iyo

dalkeena.

La Soco Cadadka Xiga

AXAD 1 MARCH 2009 ILAYS NEWSPAPER 5

Nabar Aan Dawoobeyn.

(Sheeko Taxane Ah)

W.Q. Cabdulqaadir M. Wacays

Waxay ahayd goor maqrib ah

oo ay isu diyaarineysey in

ay aaddo golaha Internetka oo ay

beryahaas si weyn ugu waalnayd.

Waxay khadka MSN-ka kula ballansanayd

wiil ay wada socdeen oo

degganaa magaalada Minneapolis

ee dalka Mareykanka.

Markey timid golihii internetka, waxay

durba gashay khadkii MSN-ka oo uu

kusii sugayey saaxiibkeed. Markey

cabbaar fadhidey bay si kedis ah u

eegtay saacaddii ugu xirnayd gacanta

midig. Waa 10:00 fiidnimo. Waxay

fadhidey muddo seddex saac ah,

waxayse iyada la ahayd in ay fadhidey

daqiiqado. Intey sadarkii ugu

dambeeyey ee nabadgalyeynta ahaa

u qortay saaxiibkeed bay kursigii ay

ku fadhidey ka kacday iyadoo degdegsan.

Xogaadii lacagta ahaa ee

lagu yeeshay intey iska bixisay bay

albaabka ka baxday.

Habeenkaas aad bay ugu daahday

golaha Internetka. Waa goor dambe!!.

Magaaladu waa Gaalkacyo,

ma aha Garoowe, mana aha Boosaaso.

Waa magaalo yar oo ay wada

deggan yihiin beelo Soomaaliyeed

oo aan colna ahayn, nabadna ahayn,

balse si dadban isugu waafaqsan in

aan magaalada mar kale lagu kala

guurin xitaa haddii ay isaga dhimato

boqollaad wiil. Welwel iyo cabsi

ayaa ku beermay. Waxay ka welwelsaneyd

hooyadeed oo ay hubtey in

ay habeenkaas ku xanaaqi doonto.

Goor hore ayaa la kala xerooday, dad

tiro yar ayaana waddooyinka socdey.

Hooyo qayladeeda waxba iga dhibi

maysee, mar uun yaa gurigii nabad

igu geeya, intey hoosta iska tiri bay

cagta saartay waddadii ay u mari

jirtey gurigooda. Belaayo buulkaagaa

laga galaa…

Idman waxay ahayd qiyaastii gabar

30-jir ah. Waxay ahayd gabar qurux

badan oo ka mid ah gabdhaha laga

tilmaamo magaalada Gaalkacyo,

waxaase iyada intaas u dheeraa

furfurnaan iyo dabeecad-wanaag ay

kaga soocnayd gabdhaha kale. Nin

kasta wuxuu niyadda ka jeclaa in ay

mar uun la hadasho, shar iyo khayr

wuxuu kala kulmaba. Ninka ay dusha

ka salaanto ama ay wax yar isla

taagto waxaa loo arkayey nin ragga

kale wax dheer. Magaciisu Daqiiqado

gudahood ayuu ku faafayey

magaalada oo dhan.

Quruxdu dhib uun bay kaala maqan

tahay, bay hooyadeed ka maqli jirtey.

Waxaa sida daadkii ugu soo qulqulayey

codsiyo kala duwan oo loogu

soo gudbinayey xagga taleefanka, internetka,

iyo warqado. Codsiyadaas

waxay isugu jireen run iyo been,

sheeko dheer iyo mid gaaban, qiyaali

iyo dhab-ka-hadal, guurdoon

iyo gaabsidoon. Hase yeeshee dheg

jalaq uma aysan siin jirin. Gabar meeli

u caddahay meeli ka madow. Meel

kale ayaa balag looga lulayey. Nin

kale bay duntu ugu xirnayd. Markiise

xaalkeeda la bixin kari waayey, nin

kasta candhuuftiisii buu dib u liqay.

Ha ku daalin jeedaal, indho sooma

jiidaan qalbi kaa janjeeree.

Idman lix bilood ka-hor bay khadka

MSN-ka ee internetka isku barteen

wiil la yiraahdo Shirwac oo degganaa

magaalada Minneapolis ee dalka

Mareykanka. Cidna isma barin. Si

fudud bay isku barteen. Dhambaal

uu Shirwac qof kale u dirayey ayaa

si qalad ah ugu soo dhacay sanduuqeeda

dhambaallada. Waxay u

dirtay dhambaal ay ugu sheegtay in

uu soo qaldamay. Kaddibna, wuxuu

usoo diray dhambaal mahadcelin

ah. Sidaas ayey Idman iyo Shirwac

isbarashadoodu ku billaabatay.

Dabadeed, waxay isdhaafsadeen

dhambaallo kala duwan oo ugu dambeyntii

suurtagaliyey in ay qalinka ku

wada duugaan heshiis wada-socod

saaxiibtinimo.

Afartii toddobaad ee ugu horreysey

isbarashadooda, Idman waxay

iyada ka ahayd maaweelo, dheregdhacsi,

sheeko qiyaali ah, iyo waqtiisku-dhaafis.

Waxaa maskaxdeeda

ka daadegiwaayey sida looga miradhalin

karo xiriir saaxiibtinimo oo

u dhexeeya laba qof oo kala jooga

Gaalkacyo iyo Minneapolis. Waxay

nafteeda ku qancin kari weyday sida

ay isu jeclaan karayaan laba qof oo

aan is aqoon, ama aan fool-ka-fool

isusoo hor fariisan. Waxaa dhalanteed

la ahayd in la isku jeclaan karo

waraaqo la isu diro, MSN-ka oo lagu

wada sheekeysto, iyo taleefanka oo

la iska maqlo.

Laakiin, xaaladdu mar dhexe bay

si kedis ah isu beddeshey. Idman

waxaa saamayn weyn ku yeeshay

sheekadii MSN-ka, waraaqihii, iyo

sawirradii ka dambeeyey ee ay isdhaafsadeen

iyada iyo Shirwac.

Waxaa laabteeda ku dhacday dhibic

jacayl. Waxaa ku dhacay is-beddel

baaxad weyn oo saameeyey nolosheeda.

Waxay jacayl ugub ah u

qaadday wiil aysan weli fool-ka-fool

isu arag, oo aysan xitaa codkiisa

maqal. Waase adduun iyo xaalkiis.

Cimrigaagoo dheeraaday, geel dhalaayana

waa ku tusaa...

Idman iyadoo socodka boobaysa

bay dhinac martay barxadda weyn

ee kasoo horjeedda guriga madaxtooyada

oo loo yiqiin ‘Quraca’.

Habeenkaas wuxuu u ahaa habeenkii

ugu horreeyey oo ay tagto golaha

Internetka. Maalin kasta laba jeer

bay tegi jirtey. Weligeed habeen

ma aysan tegin. Markey barxaddii

dhaaftay bay dhinaca midig u leexatay.

Tolow dukaankii habaryar masii

martaa bay is-weydiisey, waxayse

islamarkiiba is xusuusisey in ay

tahay xilli dambe oo goor hore dukaanka

la xiray. Markey socotay in

cabbaar ah oo ay usoo dhowaatay

gurigoodii bay maqashay dhawaaqa

rasaas la is-weydaarsanayo. Dhegeheedu

kuma cusbayn maqalka

guuxa rasaasta. Hebeen iyo maalin

bay maqli jirtey. Dhegba jalaq uma

aysan siinine socodkeedii bay iska

sii wadatay illaa ay ka gashay albaabka

gurigooda oo uu ku sugayey

wiil yaroo walaalkeed ah.

“Naa heedhe, miyaadan bani’aadam

ahayn. Waa maxay goorta aad socoto?”

bay ka horkeentay hooyadeed

oo neef weyni kasoo booddey markey

aragtay gabadheedii oo nabadqab

kusoo hoyatey. “Naa miyaadan

maqleyn waxa rasaas dhacaya?”

bay u raacisay iyadoo weli usii dhegataageysey

rasaasta xooggan ee

la is-weydaarsanayey.

“Hooyo, internetka ayaan kusoo daahay.

Sahro iyo muxibbadii aan ilmoadeerka

ahayn ee Mareykanka joogay

baan wada sheekeysaneyney,”

Bay cudurdaar ka dhigatay.

“Internet...aa…Alla internet iyo

adigaanba isku kiin nacay. Internet

uun bay sheegtaa. Maalintii baa la

isku ogaaye, haddana ma habeen

baad ku darsatay. Wallee waxaad

soo waddo iyo webiga yaa weyn

dheh?...Internet…Internet…Naa

naag weyn baad tahaye wax iskula

har,” bay hooyadeed ku canaanatay.

“Ee hooyo waa maxay waxaas oo

rasaas ah. Yaa caawa is galay?” bay

hooyadeed ka horgeysey. Idman

sheekadaas ma aysan ahayn mid

ku cusub ee waxay rabtay uun in ay

beddesho mawduuca sheekada si

ay isaga weeciso canaanta kulul ee

hooyadeed kaga imanaysey. Idman

aroor kasta markuu waagu beryo

waxa ugu horreeya oo ay dhegaheedu

maqlaan waxay ahaayeen:

‘Dhowr qof ayaa xalay la dilay, kuwo

kalena waa dhaawac. Hebel xalay

ayaa aano-qabiil loo dilay. Tuugo

hubeysan ayaa xalay u dhacay guryo

badan, kuwo kalena waxay baarteen

dad magaalada ku daahay. Laba nin

oo xalay intey dayoobeen u gudbay

xaafadda Baraxleey ayaa saakayto

meydadkoodii qashin-qubka lasoo

dhigay!!’“Garan mayo, waase iskahor-imaad

xoogan.

Berrito ayaan kala ogaan doonnaa,

haddii Eebbe idmo,” intey Nuuro ugu

jawaabtey gabadheedii bay gashay

qolkeedii jiifka.

Idman waa sidii ay rabtaye intey cashadii

loo dhigay si tartiib ah daaradda

guriga ugu cuntay bay iyadana

qolkeedii abbaartay. Maba aysan

nasanine, waxay durba billowday

diyaargarow xooggan. Intey mayratay

bay dhar cusub xiratay sidii tiiyoo

ay u socoto xaflad aroos ama sidii

gabar aroosad ah oo weli ku jirta

bishii malabka oo isu diyaarinaysa

mataankeedii oo aan xaafadda ka

fogeyn. Boorso yar oo ay ugu jireen

uunsi iyo barafuunno kala duwan

bay soo dhoweysatey. Idman ma

aysan ahayn aroosad, umana aysan

socon xaflad aroos ee waxay isu diyaarineysey

la-sheekeysiga gacaliyaheed

Shirwac oo ay habeenkaas

ku ballansanaayeen in markii ugu

horreysey ay taleefanka ku wada

hadlaan. Waxay isu diyaarisay sidii

tiiyoo uu taleefanka ka dhex arkayo

quruxdeeda ama ka dhex urinayo

udgoonkeeda. Waxay illowdey in

codkiisa wax dhaafsiisan aysan

maqli doonin, aragtina warkeedba

daa. Si kasta arrintu ha ahaatee,

waxay iyada u ahayd habeen xusid

iyo xusuusba mudan.

Goor ay tahay saqdii dhexe bay

maqashay dhawaaqa taleefanka.

Intey kursigii ay ku fadhidey kasoo

booddey bay daaradda guriga abbaartay.

Nasiibdarro, taleefanka qolka

lama aysan soo geli karin. Wuxuu

ku rakibnaa daaradda guriga iyadoo

sidaas loo yeelay in isticmaalkiisa loo

sinnaado oo aan qof qurihi qolkiisa

ku xiran.

“Hallow....waa qofma?” bay weydiisey

iyadoo uu codkeedu gariirayo,

baqdinina ay ka muuqato. Waa ay

hubtey in dhawaaqa taleefanku ahaa

mid dibadeed. Magaalada Gaalkacyo

dhawaaqa taleefannada dibedda

laga soo diro iyo kuwa gudaha waa

ay kala duwan yihiin, waxayse iyadu

rabtey uun in ay ogaato qofka la hadlaya

qofka uu yahay.

“Xabiibi, waa Shirwac. Iska warran?

Sow Idman maaha?” ayuu Shirwac

si dhiirranaan leh ugu jawaabey.

“Nabad…Nabad…Xabiibi…Waa Idman,”

intey tiri bay dhinacyadeeda

eegtay sidii tiiyoo ay dad kale

dhageysanayaan. Illeyn farxadi waa

naxdin. Mar kale bay misana geesaheeda

eegtay. Waxba ma aysan arkin.

Daaradda gurigu waaba mugdi.

Keligeed uun baa dhex yuururtey.

Saacado kahor ayey korontadii

magaaladu tagtay. Ciil-qab xagga

korantada ah ayey magaaladu la

ooyeysey.

LA SOCO AXADA DAMBE

AXAD 1 MARCH 2009 ILAYS NEWSPAPER 6

Dagaalkii Ogaadeenya.

W.Q. Dr.Sadiq Enow

Qormadda 1-aad

Marka la doonayo in si buuxda looga

waramo dagaalkii Ogaadeenya (D.

O.), waxaa mudnaan leh in la eego

dhamaan xaglaha uu dagaalku lahaa.

Somaaliya iyo Itoobiya oo ku

muransanaa gobolka Ogaadeenya,

ayaa waxay ahaayeen kuwii sida

gaarka ah ugu qahranaa waleecada

dagaalkan. Waxaase jirtay dowlado

badan ee ku weheliyay waldaamintiisa,

kuwaas oo ahaa xoogaggii

isku hardafayay Dagaalkii Qaboobaa

(D. Q.).

Dagaalka Ogaadeenya wuxuu ahaa

kii ugu milgaha culsaa dagaalladii

dunida ka dhacay xilligii uu socday

Dagaalka Qaboow. Waxaa xusid

mudan in dagaal kasta oo xilligaas

dhacay ay xoogaggii dunida si buuxda

u kala safteen. Dagaalkanse wuxuu

ahaa mid gudihiisa ay isku kala

fireeyeen labadii quwadood ee dunida

ugu xooga weynaa. Dalkii la oran

jiray Midowga Soofyeeti, oo markuu

dagaalka bilowda la dhan ahaa

Soomaalida ayaa markuu dagaalkii

dhamaaday ka dhan ahaa. Waxaa

taas ka soo horjeeday Mareekanka

oo Itoobiya ku sugnaa bilowgii dagaalka

ayaa dhanka Soomaaliya ka

soo saftay.

Labada quwadood oo ku hardamayay

D. Q. (SSR & USA), waxaa mid

waliba ku daba safnaa ummado

badan oo sababo kala duwan iyo

doon-doon maslaxadeed, hiilo la

garab taagnaa. Sababahaasi waxay

isugu jireen dano siyaasadeed,

dano ciidameed, dano dhaqaale iyo

dano diineed. Soomaalidu waxay

ahaayeen kuwo baadi-goob ugu jira

baylahdood maqan oo ay muddo

raadkeeda hayeen, taas oo goortii

la dhacay iyo raggii dhacayba ay u

xusan yihiin. Itoobiya ayaa iyaduna

u muqatay dal difaacaya jiritaankiisa

dowladnimo iyo is-heysashada dalkeeda

Qarnigii XX-aad, waxaa dunida ka

dhacay dagaallo caalami ah, kuwaas

oo galaaftay naf iyo maal badan.

Bulshada Soomaaliya, inkasta oo

tirada dadkeedu uu yar-yahay, misana

degaanka istraateejiga ah oo ay

dadkeedu ku nool yihiin dartiis, ayaa

wuxuu kalifay in ay, qayb aanan la

dhayalsan karin ka qaataan dagaalladii

caalamiga ahaa.

Dagaalkii I-aad, kii II-aad iyo Dagaalkii

Qaboobaa ayaa waxay yihiin

dagaallada waaweyn ee qarnigii tegay

sida xoogan ugu baahay dunida

guudkeeda. Dagaalladii Daraawiishta

ayaa waxay socdeen sanooyin

badan intuusan dagaalkii I-aad dunida

ka qarxin. Markuu joogsadayna,

dagaalladii Soomaaliya ka socday

waa ay ka danbeeyeen. Sidoo kale

lix sano horteed ayaa degaankayaga

hur ka baxayay intuusan dagaalkii IIaad

bilaaban, kaas oo hardidiisii ay

gaartay dhamaan gobollada Soomaaliyeed.

Dagaalkii Ogaadeenya ayaa

isna ah mid taariikhda inoo galay oo

safxado badan ka qaatay qoraallada

laga allifay Dagaalkii Qaboobaa.

Sanadkii 1945-kii, waxaa dhamaaday

dagaalkii II-aad ee aduunka.

Waxaa halkaas ku soo af-jarmay itaalkii

ay lahaayeen dadyowgii dunida

ku amar ku-taaglayn jiray qarniga qaybtiisii

hore. Waxaa safka hore kaga

jiray Ingiriis, Faransiis iyo Jabaan.

Waxaa isna dagaalkii ku jabay Jarmalka

oomarkaas xag dhaqaale iyo

xag sancaba ka soo xoogoobayay.

Dowladahaas aanu soo xusnay,

xoogoodii wuxuu ku wiiqmay dagaalka.

Dabadeed waxaa halkaas ka

abuurmay laba xoog oo cusub. Waa

Mareekan iyo Midowga Soofyeeti.

Jarmalka oo ahaa dowladda hurinaysay

dabkii dagaalkan ayaa jabay

markii ciidamada labadaas dal ay

ku soo biireen gulufyadii colaadeed

ee Jarmalka lagaga soo hor jeeday.

Ciidankii Casaa ee Soofyeetiga the

red army waxay u soo dhaqaaqeen

galbeed, halka kuwii Mareekanka ay

u soo dhaqaaqeen bari. Dagaalkii

wuxuu joogsaday bartamihii sanadkii

1945-kii, markaas oo ay labada ciidan

ku kulmeen webiga la yiraahdo Elbe

ee ku yaal bartamaha dhulkii dowladdii

laga adkaaday ee Jarmalka.

Inkasta oo la sheego in D. Q. uu

bilowday sanadkii 1945-kii, markaas

oo uu dhamaaday dagaalkii II-aad

ee dunida, misana isu muuqashada

labada dowladood ee xooga leh,

waxay bilaabatay sanadkii 1948-

kii, markaas oo la dhisay derbigii ku

teednaa magaalada Berliin, kaas oo

u qeybiyay degmada laba qeybood

(East Berlin & West Berlin). D. Q.

wuxuu dhamaaday sanadkii 1989-kii.

Taasina waxay ka dambeysay markii

la bur-buriyay drebigii Berliin, xaafadihii

degmadana dib laysugu furay.

Ciidamadii xulufada ahaa oo ka

dhanka ahaa Jarmalka, guushii ay

ka soo hoyeen dagaalka, ayaa waxay

abuurtay is-tuhun labada xoog ee

waaweyni ay is-dareensadaan. Isu

muuqashadooda waxay bilaabatay

sanadkii xigay markii uu dhamaaday

dagaalka, taas oo si buuxda u istaagay

sanadkii 1990-kii. Ooraahda ah

Dagaalkii Qaboobaa the cold war,

waxaa bixiyay nin la yiraahdo Bernard

M. Baruch (bishii abriil,1947-kii),

markaas oo khilaafka labada xoog

uu soo if-baxay. Wuxuu ku bilowday

muran lagu difaacayo aragti siyaasadeed

iyo isu caga-jugleyn ay weheliso

is-hubayn.

Dagaalkan oo ahaa colaad buuxda

iyo iska soo hor-jeed dhex yiil

Mareekan iyo xulufadiisa (dowladaha

yurubta galbeed) oo dhan ah iyo Midowga

Soofyeeti iyo xulufadiisa (dowladaha

yurubta bari) oo dhanka kale

ah. Labada quwadood, waxay muddadaas

ka fogaadeen inay si toos ah

isu hardiyaan. Waxaa casharro lama

ilaawaan ah u noqday hoog iyo bi´ii

ay ka dhaxleen labadii dagaal ee qaaradda

ka huray nuskii hore ee qarniga.

Inkasta oo uu ka dhexeeyay falal colaadeed

oo tilmaamaya is-diidanaanta

ay isu qabeen, misana muddadii

uu D. Q. socday, quwadahaasi waxay

ku guuleysteen in ay degaamadooda

ka fogeeyaan fagaaraha lagu

hardamayo. Falalkaasi waxay isugu

jireen dagaallo dowli ah oo dhex mara

dowlado aanan iyaga ahayn, hurin

dagaallo sokeeye, howlo jaajuusnimo

ah, loolan siyaasadeed iyo dhaqaale,

is-hubayn iyo khilaafaad diblomaasiyadeed,

af-gembiyo ciidameed,

saldhigyo laga sameysto dunida dacalladeeda,

wada-hadallo qarsoon

iyo fadeexooyin siyaasadeed, kuwo

dhaqan iyo kuwo dhaqaale. Howlahaas

ayaa dowlad waliba waxay ku

dooneysay wadiiqadii ay kaga gacan

sareyn lahayd tan kale Intuusan dagaalku

dhamaan, waxaa jiray fadhi ka

dhacay dalka Soofyeetiga oo ay isugu

yimaadeen saddex madaxweyne

oo ka socday dalalka USSR, USA iyo

UK. Fadhigaas waxaa loogu magac

daray magaaladii uu ka dhacay, waxaana

la yiraahdaa Yalta Conference.

Mudddada uu socday fadhigu waxay

ahayd 4 - 11/ 1945-kii. Hoggaamiyihii

Soofyeetiga Joseph Stalin, madaxweynihii

Mareekanka Franklin Delano

Roosevelt iyo ra´iisul wasaarihii Ingiriiska

Winston Churchill ayaa halkaas

isgu yimid.

Go´aamadii ay madaxdaasi gaareen

ayaa waxay ahaayeen kuwo sir ah

oo aanan la baahin sababo ciidan iyo

kuwo siyaasadeed awgeed. Waxaa

kamid ahaa in dagaalka la wado illaa

ay dowladda Jarmalku shuruud

la´aan isla dhiibto, dabadeedna

dalkeeda loo qaybiyo gobollo federaali

ah oo ay dusha ka maamulaan

dowladaha xulufada ah. Qorshihii

qarsoonaa oo ay dowladahaasi ku

heshiiyeen ayaa dhulkii Jarmalka u

qaybiyay afar qeybood oo maamul

dhexe oo ku meel-gaar ah leh, kaas

oo wax ka diyaariya maxkamadihii la

saaray denbiilayaashii dagaalka, isla

markaasna wuxuu wax ka qiimeeyay

dhaawacii uu Jarmalku geystay.

Maamulladaas afarta ah waxaa kala

hagayay Mareekan Faransiis, Ingiriis

iyo Midowga Soofyeeti, waxaana

magaalo madax u ahayd Berliin.

Mareekanku wuxuu doonayay oo

kale in caalamka uu yeesho ganacsi

xor ah. Hoggaamiyihii Soofyeetiga

ayaa arintan ku eegay il ay

ka muuqato kalsooni darro. Sababtoo

ah, Mareekanku wuxuu xilligaas

lahaa 75 % wax soo-saarka

wershadeed ee dunida. Madaxda

Soofyeetigu waxaa u muuqday haddii

ganacsiga dunida uu noqdo mid

madax-bannaan, in Mareekanku uu

si fudud seylado ugu helayo wax

soo-saarkiisa xooga badan. Isla

markaasna uu sicir jaban ku soo iibsanayo

macaadinta uu dibadda uga

baahan yahay.

Wada-hadallada ay isugu iman jireen

hoggaamiyayaasha dowladaha adkaaday,

ayaa Winston Churchill

wuxuu Soofyeetiga ku eedayn jiray

in ay doonayaan in ay ballaariyaan

maamulkooda, iyaga oo baahinaya

aragtida shuuciyadda ah. Stalin

wuxuu ku dadaalay dhankiisa in uu

mag-dhow ka helo wershadaha Jarmalka.

Inkasta oo madaxweyne S.

Truman uu arintaas diiday, misana

Stalin wuxuu ogolaaday tanaasulaad

waaweyn. Taas oo uu dhaafsiistay

ballan qaad ku saabsan nabadgelyada

dalkiisa. Tanaasulka uu Stalin

sameeyay baa waxaa kamid ahaa

arimahakan :

Isaga oo ciidamadiisa kala baxay

kanaalka la yiraahdo Dardanells ee u

dhexeeya badda Marmara iyo badda

Dhexe (Turkiya).

Isaga oo ka kacay dhul uu ka qabsaday

Iiraan ee ku yaal waqooyiga.

Isaga oo oggolaaday in uusan Finland

ka dhisin dowlad shuuci ah.

Isaga oo oggolaaday in uusan taageero

u fidin dhaqdhaqaaqa shuuciga

ah ee ka jira dalka Giriiga oo markaas

Ingiriisku maamulayay.

LA SOCO AXAD KASTA

AXAD 1 MARCH 2009 ILAYS NEWSPAPER 7

Somaliya: Sun Ma lagu Aasay?

‘’Maxaa Loo dilay Ilaria Alpi’

Qaybta 6aad

Tarjumadii: SomaliTalk.com | Janaayo 2009

Waalidka weriyaha la diley ayaa

iyaguna ka shakisan Marocchino

sida uu sheegay weriye Mr.Maren

oo yiri

“Wixii ugu dambeeyey oo Giorgio Alpi

(aabihii gabadha la diley) uu igu yiri

markii aan gurigiisa ka sii baxayey

waxay ahayd in uu ka shakisan yahay

Giancarlo Giancarlo in uu si uun

uga dambeeyo dhimashadii gabadhiisa.”

Mr. Maren waxa uu intaas ku daray

waxaan marar badan ku celciliyey

Video-gii laga duubay goobtii dilku

ka dhacay, waxaana sawirada Video-gu

muujinayaan Giancarlo Marocchino

oo ka mid ah dadkii ugu

horeeyey ee yimid goobta dilku ka

dhacay. Taas lama yaabin, ayuu yiri

weriyuhu, laakiin Giancarlo inta uu

kaamaarada eegay ayuu yiri:-

“Waxay joogeen meel ay ahayd in

aysan iman.”

Jiilaalkii 1993, nin ganacsade Talyaani

ah oo ah Giancarlo Marocchino

ayaa waxaa Muqdisho ka qabtay

ciidamada Maraykanka ee sida

gaarka u tababaran ee Rangerska,

waxayna su’aalo weyiinayeen

muddo shan maalmood ah, kaddibna

waxay u tarxiileen Talyaaniga.

Waxaa la sheegay in Admiral Howe

uu ninkaas (Marocchino) uga shakiyey

in uu hub gaarsiinayey Caydiid,

waxana loo tixgeliyey cadaw shacab.

Laakiin Odayaasha Beesha iyo

Cali Mahdi - oo cadaawadi ka dhaxaysay

Caydiid - ayaa waxay warqad

u direen Howe iyagoo sheegay in ay

Marocchino ay u tixgelinayaan sidii

wiilkooda, iyagoo tilmaamay in xaaskiisu

ay tahay haween Soomaali ah,

waxayna sheegeen in Soomaalida

oo keliya ay xaq u leeyihiin in ay

tarxiilaan. Ugu dambayntii Marocchino

waxaa loo ogolaaday in uu

ku soo laabto Soomaaliya.” Sidaas

waxaa bogga 140-aad ku qoray Jonathan

Stevenson buugiisa Gacanka-bixidii

Muqdisho. Admiral Howe

waxa uu ahaa ergeygii gaarka ahaa

ee Soomaaliya u joogey Xog-hayahii-Guud

ee Qaraamada Midoobey

Boutros-Qaali intii u dhaxaysay

March 9, 1993 - February 1994 oo

uu is casilay.

Alpi ka hor intii aan la dilin waxay

Muqdisho waraysi kula yeelatay Cali

Mahdi, waxayna su’aashii u horeysey

ay weydiisey ahayd “MADAX-

WEYNE ma ii sharaxi kartaa sida

ay tahay Xaaladda Waqooyiga

Muqdisho.” Cali Mahdi waxa uu ugu

jawaabey “Woqooyiga Muqdisho

dhammaan waa deggan tahay,

Giancarlo Marocchino oo jooga

goobtii dilka Alpi.

mana jiraan wax dhibaatooyin ah.”

Waraysigaas waxaa laga sii daayey

Telefishanka dalka Talyaaniga ee

RAI markii la diley weriyaasha 1994.

Guddiga Baaritaanka ee Baarlamaanka

Talyaaniga ayaa waxay

Cali Mahdi weydiiyeen in xiriir shaqo

ay dhex martay isaga iyo Muunye.

Waxana uu ugu jawaabey in aan

weligood xiriir dhex marin isaga iyo

Muunye. Waxaa markaas la weydiiyey

“ In ay jiraan warar la isla dhex marayey

Soomaaliya dhexdeeda, oo

ah in dilkii weriyaashii Talyaaniga

ay salka ku hayaan qorshahii weriyaashaasi

ay ku tageen Boosaaso

oo ay booqdeen Markabka “21-ka

October” ee kalluumaysiga oo ay

qabsadeen maleysiyo SSDF, waxaana

weriyaasha markabka ka soo

qaadeen sawiro. Waxa kale oo weriyaashu

soo ururiyeen xog ku saabsan

sidii markabka loo qabsaday

iyo sida khaldan ee loo adeegsado

Mashruuca Mucaawinada ee dawladda

Talyaaniga”,

waxaana Cali Mahdi la weydiiyey in

uu arrimahaas maqlay.

Cali Mahdi waxa uu ku jawaabey: in

uu maqlay in Muunye uu bixiyey lacag

dhan $600,000 (lix boqol oo kun

oo doolar) si loogu siidaayo Markabka.

Waxaa markaas la weydiiyey sida ay

ku ogaadeen in

“Afar kiilomitir la soo daba galay weriyaasha

la diley ilaa ay ka soo gaareen

Amana (Hotel).”

Waxa uu Cali Mahdi ku jawaabey

‘’ Maalintaas anigu waxaan joogey

Nairobi, waxaan wacay Muqdisho,

waxaana la hadlay Caddow. Waxaan

weydiiyey sida wax u dhaceeen.

Waxay ii sheegeen in laba qof lagu

diley Amana (Hotel) hortiisa. Waxaan

weydiiyey in ay halkaas degganaayeen

iyo in kale. Waxay markaas

ii sheegeen in aysan deganayn hoteelkaas

balse ay ka yimaadeen

Saxafi (hotel) oo ku yaal Koonfurta

Muqdosho, waxaana soo daba galay

gaari Land Rover ah oo midab kiisu

yahay buluug.

Cali Mahdi waxaa kale oo la weydiiyey

waxa uu ka oranayo qoraal ay sirdoonka

Talyaaniga ee SISMI qoreen

21-kii Maarso 1994 oo ahaa: “Xaaska

Cali Mahdi, Nuurta, markii aan la kulmeen

waxay sheegtay aragtideeda

ku aaday dilkii labada weriye in uu

ahaa mid ay ka dambeeyeen Kooxaha

Islaamiga ah ee xag-jira si ay

u sameeyaan carqalad ku aadan reer

Galbeedka.” Waxay Nuurto intaas ku

dartay

“in (weriyaasha) la daba joogey ilaa

markii ay 17-kii (Maarso 1994) ka

soo laabteen Boosaaso. Dadka dilka

geysteyna ay ka yimaadeen Waqooyiga

Muqdisho iyo in dad badan oo

Soomaali ah ay lacag ka qaataan

Xag-jirayaasha iyo Somaliland, si loo

carqaladeeyo nabadda Muqdisho.”

Cali Mahdi waxa uu hadalkaas kaga

jawaabey

‘’Inay 1994 Nuurto ahayd xaaskiisii,

lakiin hadaladda ay ku hadashay ay

ahaayeen waxba kama jirin oo ay yihiin

mala-awaal.’’

Waxaa markaas la weydiiyey

“maxaa sababay in xaaskaagii ay

sidaas tiraahdo”.

Cali Mahdi waxa uu yiri: “

‘’Ma garanayo, anigu waxaan ahayd

Cali, iyaduna waa Nuurta. Si kastaba

ha ahaatee hadalkaasi run ma ahan,

ma aha run,” ayuu hadalka ku adkeeyey

Markabkii “21 Oktobar” oo July

2007 kusoo caariyey xeebta Garacad...

Cali Mahdi waxaa la tusay ama loo

akhriyey qoraal ay qortay hay’adda

sirdoonka ee SISDE 3-dii September

1997, qoraalkaas waxaa ka mid

ahaa:

“March 1993 in ay jireen ururro dembiilayaal

caalami ah oo ka hawl gala

dhulal caalami ah, kuwaas oo daabula

waxyaalo sharci darro ah. Ururradaas

oo xiriir la leh wasiirkii arrimaha

dibbadda ee madaxweynahii

Soomaaliya Cali Mahdi oo magaciisu

yahay Xaaji Maxamed Xaashi

Cigaal.” Arrintaas Cali Mahdi waa ku

gacan sayray.

Waxaa markaas la weydiiyey in uu

ogyahay in Muunye Siciid Cumar

(Muunye) la kulmay King Kong (Boqor).

Waxa uu Cali Mahdi ku jawaabey

“Haa, waa ogahay”.

Waxaa markaas la weydiiyey in uu

ka war hayo in Alpi ay Boosaaso waraysi

kula yeelatay Boqorka. Waxa

uu Cali Mahdi ku jawaabey

“kama war hayo taas”.

Waxaa markaas la weydiiyey: waxaad

ka warhaysaa in hub lagu qaaday

maraakiibta SHIFCO ee Muunye,

kamana war haysid arrintan

waraysiga miyaa? Waxa uu yiri

“Maya.”

Waxa markaas Cali Mahdi la weydiiyey

in uu ka war hayo in Dawladda

Talyaanigu ay baaritaan samaysay

iyo in isaga lagala soo xiriiray Xarunta

Dhexe ee Booliska Talyaaniga

ee magaalada Udine.

“Waxaan u malaynayaa inaan arrintaas

ka maqlay Qareenkayga,

Stefano Menicacci,” ayuu yiri Cali

Mahdi.

LA SOCO CADDADKI XIGA

AXAD 1 MARCH 2009

ILAYS NEWSPAPER

Telcom Puntland

Bosaso, Somalia

8

HORYAAL PRINTING

CENTER

ADEEGYADA DAABACADEED

EE HORYAAL DIYAARKA KUULA

TAHAY

Shirkadda Telcom Punland oo ku soo kordhisay adeega GSM-ka (Mobile-ka) Features Casri ah

Garaac si aad u dalbatid adeegyada TELCOM-PUNTLAND 141

Riix si aad ugu darsato numberadda Family-ga (FN) 146

Riix si aad u Dalbato adeega numberada ku gafay (Missed call) 144

Riix si aad u ogaato lacagta kuugu jirta 221

Riix si aad lacag ugu shubato 222

Riix si aad u la xiriirto qaybta adeega macaamiisha 143

Riix Si aad Qof kale lacag ugu shubto 333

QORAAL AHAAN

Riix si aad Lacag ugu shubato

*141*pin#

Riix si aad u ogaato lacagta kuugu jirta *142#

Riix si aad lacag u xawishid *143#

Riix si aad u bedesho password ka *156#

Riix si aad u ogaato Numberkaaga *145#

Riix si aad u dalbatid deyn *149#

Riix si aad u ogaato lacagta dheeriga ah *146#

•Divert all incoming calls :

* 2 1 * (Phone Number) # ok

•To Divert when no response:

* 6 1 * (Phone Number) # ok

oIn case of no access or busy

* 6 2 * (Phone Number) #ok

•Qaabka loo joojiyo Forwarding-ka Si aad u joojiso Forwardingka isticmaal # 21 # ok

•Qaabka lacagta loo xawilo adiigo isticmaalaya qoraal

*143#Password Number*1* 252 your number#

•Qaabka loo badasho Password *156#Old Password#New Password#

Shirkadda Telcom puntland waxay ugu bishaaraynaysaa macaamiisheeda in

ay ku soo kor dhisay Landline-ka Features noocii ugu danbeeyay ee dunida

laga isticmaalo manta,shirkadda Telcom Puntland waxay kaloo ku sahashay

in landline-ka shirkadda aad u isticmaali kartid in aad lacag la’aan ku wacdo

goboloda puntland oo dhan

Shirkada Telcom Puntland xarunteeda weyn waxay ku taal magaalada Boosaaso, waxaana

shirkadu ay xarumo ku leedahay dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka Wixii Faahfaahin

ah:Tell: Tel: 002524500007 AMA 143 OO AH QAYBTA QANCINTA MACAAMIISHA

www.telcompuntland.com

mark-dep.telcom@hotmail.com

‣Buugta Akhriska

‣ Buugta Iibka

& Adeegyada

Bulshada

‣ Receipt

Vouchers

‣ Payment

Vouchers

‣ Invoices

‣ Cash Sales

‣ Daily Sheets

‣ Business Cards

‣ Envelops

‣Stickers

‣ Prescription

‣ Register Books

‣ Text Books

‣ I.D Cards

‣ Certifications

‣ Flyers

‣ Invitations Cards

KADALBO HORYAAL

DOOKHAAGA

DAABACADEED

WAQTIGA AAD RABTO, SIDA

AAD U RABTO

& QIIME KURAALI

GALIYA

Wixii faahfaahin ah kala

xiriir

Tell :- 824299/796169/

726169

BOSASO SOMALIA

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!