Muqdisho:Yaa Masuulka Ah Dhiiga Ku Daadanaya ? - Somali Talk
Muqdisho:Yaa Masuulka Ah Dhiiga Ku Daadanaya ? - Somali Talk
Muqdisho:Yaa Masuulka Ah Dhiiga Ku Daadanaya ? - Somali Talk
Create successful ePaper yourself
Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.
AXAD 1 MARCH 2009 ILAYS NEWSPAPER 6

Dagaalkii Ogaadeenya.

W.Q. Dr.Sadiq Enow

Qormadda 1-aad

Marka la doonayo in si buuxda looga

waramo dagaalkii Ogaadeenya (D.

O.), waxaa mudnaan leh in la eego

dhamaan xaglaha uu dagaalku lahaa.

Somaaliya iyo Itoobiya oo ku

muransanaa gobolka Ogaadeenya,

ayaa waxay ahaayeen kuwii sida

gaarka ah ugu qahranaa waleecada

dagaalkan. Waxaase jirtay dowlado

badan ee ku weheliyay waldaamintiisa,

kuwaas oo ahaa xoogaggii

isku hardafayay Dagaalkii Qaboobaa

(D. Q.).

Dagaalka Ogaadeenya wuxuu ahaa

kii ugu milgaha culsaa dagaalladii

dunida ka dhacay xilligii uu socday

Dagaalka Qaboow. Waxaa xusid

mudan in dagaal kasta oo xilligaas

dhacay ay xoogaggii dunida si buuxda

u kala safteen. Dagaalkanse wuxuu

ahaa mid gudihiisa ay isku kala

fireeyeen labadii quwadood ee dunida

ugu xooga weynaa. Dalkii la oran

jiray Midowga Soofyeeti, oo markuu

dagaalka bilowda la dhan ahaa

Soomaalida ayaa markuu dagaalkii

dhamaaday ka dhan ahaa. Waxaa

taas ka soo horjeeday Mareekanka

oo Itoobiya ku sugnaa bilowgii dagaalka

ayaa dhanka Soomaaliya ka

soo saftay.

Labada quwadood oo ku hardamayay

D. Q. (SSR & USA), waxaa mid

waliba ku daba safnaa ummado

badan oo sababo kala duwan iyo

doon-doon maslaxadeed, hiilo la

garab taagnaa. Sababahaasi waxay

isugu jireen dano siyaasadeed,

dano ciidameed, dano dhaqaale iyo

dano diineed. Soomaalidu waxay

ahaayeen kuwo baadi-goob ugu jira

baylahdood maqan oo ay muddo

raadkeeda hayeen, taas oo goortii

la dhacay iyo raggii dhacayba ay u

xusan yihiin. Itoobiya ayaa iyaduna

u muqatay dal difaacaya jiritaankiisa

dowladnimo iyo is-heysashada dalkeeda

Qarnigii XX-aad, waxaa dunida ka

dhacay dagaallo caalami ah, kuwaas

oo galaaftay naf iyo maal badan.

Bulshada Soomaaliya, inkasta oo

tirada dadkeedu uu yar-yahay, misana

degaanka istraateejiga ah oo ay

dadkeedu ku nool yihiin dartiis, ayaa

wuxuu kalifay in ay, qayb aanan la

dhayalsan karin ka qaataan dagaalladii

caalamiga ahaa.

Dagaalkii I-aad, kii II-aad iyo Dagaalkii

Qaboobaa ayaa waxay yihiin

dagaallada waaweyn ee qarnigii tegay

sida xoogan ugu baahay dunida

guudkeeda. Dagaalladii Daraawiishta

ayaa waxay socdeen sanooyin

badan intuusan dagaalkii I-aad dunida

ka qarxin. Markuu joogsadayna,

dagaalladii Soomaaliya ka socday

waa ay ka danbeeyeen. Sidoo kale

lix sano horteed ayaa degaankayaga

hur ka baxayay intuusan dagaalkii IIaad

bilaaban, kaas oo hardidiisii ay

gaartay dhamaan gobollada Soomaaliyeed.

Dagaalkii Ogaadeenya ayaa

isna ah mid taariikhda inoo galay oo

safxado badan ka qaatay qoraallada

laga allifay Dagaalkii Qaboobaa.

Sanadkii 1945-kii, waxaa dhamaaday

dagaalkii II-aad ee aduunka.

Waxaa halkaas ku soo af-jarmay itaalkii

ay lahaayeen dadyowgii dunida

ku amar ku-taaglayn jiray qarniga qaybtiisii

hore. Waxaa safka hore kaga

jiray Ingiriis, Faransiis iyo Jabaan.

Waxaa isna dagaalkii ku jabay Jarmalka

oomarkaas xag dhaqaale iyo

xag sancaba ka soo xoogoobayay.

Dowladahaas aanu soo xusnay,

xoogoodii wuxuu ku wiiqmay dagaalka.

Dabadeed waxaa halkaas ka

abuurmay laba xoog oo cusub. Waa

Mareekan iyo Midowga Soofyeeti.

Jarmalka oo ahaa dowladda hurinaysay

dabkii dagaalkan ayaa jabay

markii ciidamada labadaas dal ay

ku soo biireen gulufyadii colaadeed

ee Jarmalka lagaga soo hor jeeday.

Ciidankii Casaa ee Soofyeetiga the

red army waxay u soo dhaqaaqeen

galbeed, halka kuwii Mareekanka ay

u soo dhaqaaqeen bari. Dagaalkii

wuxuu joogsaday bartamihii sanadkii

1945-kii, markaas oo ay labada ciidan

ku kulmeen webiga la yiraahdo Elbe

ee ku yaal bartamaha dhulkii dowladdii

laga adkaaday ee Jarmalka.

Inkasta oo la sheego in D. Q. uu

bilowday sanadkii 1945-kii, markaas

oo uu dhamaaday dagaalkii II-aad

ee dunida, misana isu muuqashada

labada dowladood ee xooga leh,

waxay bilaabatay sanadkii 1948-

kii, markaas oo la dhisay derbigii ku

teednaa magaalada Berliin, kaas oo

u qeybiyay degmada laba qeybood

(East Berlin & West Berlin). D. Q.

wuxuu dhamaaday sanadkii 1989-kii.

Taasina waxay ka dambeysay markii

la bur-buriyay drebigii Berliin, xaafadihii

degmadana dib laysugu furay.

Ciidamadii xulufada ahaa oo ka

dhanka ahaa Jarmalka, guushii ay

ka soo hoyeen dagaalka, ayaa waxay

abuurtay is-tuhun labada xoog ee

waaweyni ay is-dareensadaan. Isu

muuqashadooda waxay bilaabatay

sanadkii xigay markii uu dhamaaday

dagaalka, taas oo si buuxda u istaagay

sanadkii 1990-kii. Ooraahda ah

Dagaalkii Qaboobaa the cold war,

waxaa bixiyay nin la yiraahdo Bernard

M. Baruch (bishii abriil,1947-kii),

markaas oo khilaafka labada xoog

uu soo if-baxay. Wuxuu ku bilowday

muran lagu difaacayo aragti siyaasadeed

iyo isu caga-jugleyn ay weheliso

is-hubayn.

Dagaalkan oo ahaa colaad buuxda

iyo iska soo hor-jeed dhex yiil

Mareekan iyo xulufadiisa (dowladaha

yurubta galbeed) oo dhan ah iyo Midowga

Soofyeeti iyo xulufadiisa (dowladaha

yurubta bari) oo dhanka kale

ah. Labada quwadood, waxay muddadaas

ka fogaadeen inay si toos ah

isu hardiyaan. Waxaa casharro lama

ilaawaan ah u noqday hoog iyo bi´ii

ay ka dhaxleen labadii dagaal ee qaaradda

ka huray nuskii hore ee qarniga.

Inkasta oo uu ka dhexeeyay falal colaadeed

oo tilmaamaya is-diidanaanta

ay isu qabeen, misana muddadii

uu D. Q. socday, quwadahaasi waxay

ku guuleysteen in ay degaamadooda

ka fogeeyaan fagaaraha lagu

hardamayo. Falalkaasi waxay isugu

jireen dagaallo dowli ah oo dhex mara

dowlado aanan iyaga ahayn, hurin

dagaallo sokeeye, howlo jaajuusnimo

ah, loolan siyaasadeed iyo dhaqaale,

is-hubayn iyo khilaafaad diblomaasiyadeed,

af-gembiyo ciidameed,

saldhigyo laga sameysto dunida dacalladeeda,

wada-hadallo qarsoon

iyo fadeexooyin siyaasadeed, kuwo

dhaqan iyo kuwo dhaqaale. Howlahaas

ayaa dowlad waliba waxay ku

dooneysay wadiiqadii ay kaga gacan

sareyn lahayd tan kale Intuusan dagaalku

dhamaan, waxaa jiray fadhi ka

dhacay dalka Soofyeetiga oo ay isugu

yimaadeen saddex madaxweyne

oo ka socday dalalka USSR, USA iyo

UK. Fadhigaas waxaa loogu magac

daray magaaladii uu ka dhacay, waxaana

la yiraahdaa Yalta Conference.

Mudddada uu socday fadhigu waxay

ahayd 4 - 11/ 1945-kii. Hoggaamiyihii

Soofyeetiga Joseph Stalin, madaxweynihii

Mareekanka Franklin Delano

Roosevelt iyo ra´iisul wasaarihii Ingiriiska

Winston Churchill ayaa halkaas

isgu yimid.

Go´aamadii ay madaxdaasi gaareen

ayaa waxay ahaayeen kuwo sir ah

oo aanan la baahin sababo ciidan iyo

kuwo siyaasadeed awgeed. Waxaa

kamid ahaa in dagaalka la wado illaa

ay dowladda Jarmalku shuruud

la´aan isla dhiibto, dabadeedna

dalkeeda loo qaybiyo gobollo federaali

ah oo ay dusha ka maamulaan

dowladaha xulufada ah. Qorshihii

qarsoonaa oo ay dowladahaasi ku

heshiiyeen ayaa dhulkii Jarmalka u

qaybiyay afar qeybood oo maamul

dhexe oo ku meel-gaar ah leh, kaas

oo wax ka diyaariya maxkamadihii la

saaray denbiilayaashii dagaalka, isla

markaasna wuxuu wax ka qiimeeyay

dhaawacii uu Jarmalku geystay.

Maamulladaas afarta ah waxaa kala

hagayay Mareekan Faransiis, Ingiriis

iyo Midowga Soofyeeti, waxaana

magaalo madax u ahayd Berliin.

Mareekanku wuxuu doonayay oo

kale in caalamka uu yeesho ganacsi

xor ah. Hoggaamiyihii Soofyeetiga

ayaa arintan ku eegay il ay

ka muuqato kalsooni darro. Sababtoo

ah, Mareekanku wuxuu xilligaas

lahaa 75 % wax soo-saarka

wershadeed ee dunida. Madaxda

Soofyeetigu waxaa u muuqday haddii

ganacsiga dunida uu noqdo mid

madax-bannaan, in Mareekanku uu

si fudud seylado ugu helayo wax

soo-saarkiisa xooga badan. Isla

markaasna uu sicir jaban ku soo iibsanayo

macaadinta uu dibadda uga

baahan yahay.

Wada-hadallada ay isugu iman jireen

hoggaamiyayaasha dowladaha adkaaday,

ayaa Winston Churchill

wuxuu Soofyeetiga ku eedayn jiray

in ay doonayaan in ay ballaariyaan

maamulkooda, iyaga oo baahinaya

aragtida shuuciyadda ah. Stalin

wuxuu ku dadaalay dhankiisa in uu

mag-dhow ka helo wershadaha Jarmalka.

Inkasta oo madaxweyne S.

Truman uu arintaas diiday, misana

Stalin wuxuu ogolaaday tanaasulaad

waaweyn. Taas oo uu dhaafsiistay

ballan qaad ku saabsan nabadgelyada

dalkiisa. Tanaasulka uu Stalin

sameeyay baa waxaa kamid ahaa

arimahakan :

Isaga oo ciidamadiisa kala baxay

kanaalka la yiraahdo Dardanells ee u

dhexeeya badda Marmara iyo badda

Dhexe (Turkiya).

Isaga oo ka kacay dhul uu ka qabsaday

Iiraan ee ku yaal waqooyiga.

Isaga oo oggolaaday in uusan Finland

ka dhisin dowlad shuuci ah.

Isaga oo oggolaaday in uusan taageero

u fidin dhaqdhaqaaqa shuuciga

ah ee ka jira dalka Giriiga oo markaas

Ingiriisku maamulayay.

LA SOCO AXAD KASTA