26.07.2014 Views

Shidaal Baarista Puntland - Somali Talk

Shidaal Baarista Puntland - Somali Talk

Shidaal Baarista Puntland - Somali Talk

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII 2 JEER LAGU DAABACO MADBACADDA HORYAAL BOSASO

Ilaysnews Editor

Omar Siciid Moh’ed

E:-isse80@gmail.com

Ilays designer

Maxamuud Yuusuf

(Maxkoof)

ARBACA 10 JUNE 2009, Caddadkii 38aad , Tell:-712246/66712246 Email:-ilaysnewspaper1@gmail.com Q:-6000 Ssh

OUR SERVICE

OUR SERVICE

INTERNET

GSM

SMS MASSAGE

E-ADEEG

Shidaal Baarista Puntland

WARSAXAAFADEED UU SOO SAARAY AGAASIMAHA BATROOLKA IYO

MACDANTA IYO WARBIXIN AY QORTAY BOGGA INTERNETKA EE GAROWEONLINE

“Ranger Resource oo Rabta Inay Soo Noqoto”

Garoweonline.com

EEG BOGGA 3AAD IYO 7AAD

Shirkadda Golis oo Adeega Isgaarsiinta

Gaarsiisay Degaamo Cusub ee DGPL

“Adeega Golis waxaa laga helayaa dhagaxa hoostiisa iyo

Badda korkeeda” Cumar Faaruuq, Madaxa Suuqgaynta ee Golis

EEG BOGGA 2AAD

Ciise Dhoolawaa/ Agaasimaha Batroolka Iyo Macdanta P/L

War-saxaafadeed UNHCR-UNICEF Ku tumashada

Xuquuqda Bani’aadamka oo Ka Sii Dartey

Magaalada Dagaalladu Halakeeyeen ee Muqdisho

NAYROOBI, 9ka Juunyo 2009: UNI-

CEF iyo UNHCR ayaa si aad ah

uga welwelsan heerka ay gaarsiisan

tahay saameynta ay rayidka ku

yeesheen rabshadda ka sii dareysa

ee Muqdisho iyo ku-tumamashada

xuquuqda bani’aadamka ee ay sameynayaan

dhinacyada iskahorimaadyada

ku lug leh. Soomaali badan oo

rayid ah iyo saxaafadda ayaa rabshidii

7dii Maajo ka qarxay Muqdisho, ee

ay dhaliyeen dagaalladii u dhexeeyey

xoogagga Dowladda raacsan iyo kooxaha

hubeysan ee ka soo horjeeda,

ku tilmaamey in ay ahaayeen kuwii

ugu ba’naa sanadihii dhowaa. Duqeyn

lagu soo warramey in loo geystey xaafadaha

rayidku degaan iyo goobaha

dadka ka dhexeeya ayaa ku khasbey

dad lagu qiyaasey 117,000 oo

qof in afartii toddobaad ee la soo

dhaafey oo keliya ay ka cararaan

guryahooda ku yaallay Muqdisho.

Dadka barokacay waxa ay u

badan yihiin haween iyo carruur,

kuwaas oo badidoodu waxa ay

sii qaateen ay aad u yaraayeen,

oo haddana ku khasban in ay u

adkeystaan xaalado aad u adag.

Haweenka ayaa si gaar ah u nugul

iyada oo lagu soo warramey

kufsi iyo galmo dhiig-miirasho ah

oo loo geysto inta ay waddada ku

jiraan iyo inta ay ku sugan yihiin

goobaha ay u qaxeen – halistaas

ay oo ay uga sii dartey

EEG BOGGA 3AAD

HESHIISKII XUQUUQDA

CARRUURTA OO 20 JIRSADAY!

EEG BOGGA 4AAD

Ciidamadii Daraawiisha

Puntland Oo

Banneeyay Tukaraq

EEG BOGGA 2AAD

KAKA OO KU BIIRAY

REAL MADRID

EEG BOGGA 7AAD

Fadeexad Ka Dhalatay

Lacag La Lunsaday Iyo

Qormooyin kale ka eeg

Gudaha

2 ILAYS NEWSPAPER/WARARKA ARBACA 10 JUNE 2009

Shirkadda Golis oo Adeega Isgaarsiinta

Gaarsiisay Degaamo Cusub ee DGPL

Shirkada Isgaariinta Geyigeenka

ee Golis ayaa Shir Jaraa’id oo

Maalintii Axada 7 , Juunyo, 2009

ay ku qabatay Xarunteeda Bosaso

waxay ku soo bandhigtay Degaamo

cusub oo shirkadu gaarsiisay Adeega

Isgaarsiinta Markii ugu horraysay

Taariikhda.

Md, C/laahi Cali Cumar, Madaxa

Howlgelinta Shirkada Golis oo

Shirha-jaraa’id furay ayaa ugu

bishaareeyay Dadweynaha somaliyeed

in shirkada Golis ay gaarsiisay

Isgaariinta Casriga Dhulka Buurlayda

ee Cal Madow iyo Buurta

Cagaaraan ee Gobolka Sannaag

oo MGPL, Md C/laahi Cali Cumar

waxaa uu sheegay in shirkadda Golis

ay markasta u heelan tahay Qancinta

iyo Raagelinta Macaamiisha “

Shirkadda Golis waxay ku teedsan

tahay Dhamaan Gobolada puntland,

waana wadan aad u ballaaran, waxaanan

oran karaa Adeegan oo kale

waxaa qaban kara Dowlad Awood

badan oo haysata Agabkii ay u

baahnayd” Sidaas waxaa yiri C/laahi

Cali Cumar, Madaxa Howgalinta

Shirkada Golis.

Madaxa Suuqgaynta iyo Iibka,

Md,Cumar Ciise Maxamed (cumar

Faaruuq) ayaa sharaxaad ka bixiyay

degaamada Cusub ee shirkadu

gaysay isgaarsiinta, isagoo arrintaas

ka hadlayana waxaa yiri ‘’

degaamadaas waxaa ka mid ah,

Degaanka Sanaag, sanaag oo ah

dhul Ballaaran, Buurta Cagaaran

oo sisilada Golis Marto, Magaalooyinka

ku teedsan Buurtaas ee isgaarsiinta

la gaarsiiyay, waxaa ka

mid ah Degmooyinka, Kulmiye, jiidale,

Laaso surad, harshow iyo ilaa

inta ka sokoysa Xiis Iyo Maydh oo

dhowaan adeega la gaarsiin doono

iyagana, Runtii Dadka isticmaala adeega

telephonada golis iyo dadka

badda mara waxay noo sheegeen,

ku dhowaad,adeegu uu gaaray meel

u aad ugu dhow xeebaha Yemen”

Md,Cumar Faaruuq waxaa kaloo

uu sheegay in shirkaddu markii ugu

horraysay ay daahfurtay Degaamadda

Cal Madow oo ah dhul Ballaaran

oo aad u adag tahay in la gaaro,

“Waxaanu sidoo kale gaarsiinay adeega

Isgaarsiinta Buuralayda Cal

Madow, waxaan aad ugu faraxsanahay,

Saxaafaddana horteeda ka

sheegayaa in markii aanu gaariisnaynay

adeega Isgaarsiinta Caluula

iyo Degaanada u dhow, waxaanu

isticmaalnay Doonyo,Laashash Dameero

, iyo Waxyaalo kale oo aan

la suuraysan Karin., runtii, waxaan

rabaa in aan dareensiiyo ummada,

dhaqaalaha,halkaas naga galay,

meelo inta aanu gelino si fudud aanu

lacag uga helayno ayaa jiray, laakiin

waxaanu doorbidnay dadkagayaga

Buuraha ku xayiran ee Adeega Qaaliga

ee TURAYA lagu hadlo, oo iyagu

hadli Karin, Ilaahay Fadligiis, waxaa

maanta Hadlaya, Magaalooyinka,

Calluula, Xaabo, Sayn, Murcanyo,

bareedo, geesalay, garbo, ceel-qud

iyo meelo kale, waxaa kaloo hadlaya

Kaamamka Kalluumaysiga ee

Raascasary iyo Xaabo xiga, Xuurow

iyo Booco oo ah Meel Ceelal ah oo

la’isugu yimaado” Sidaas Waxaa yiri

Ciidamadii Daraawiisha Puntland

Oo Banneeyay Tukaraq

Garowe, 09, june, 2009/Ilays

Wararka ka imaanaya Degaanka Tukaraq

ee Gobolka Sool ayaa sheegaya

in Ciidamadii Daraawiisha ee

ku Sugnaa Aagaas ay banneeyeen

dhammaantood.

Ciidamadan daraawiishta oo si joogta

loo siiyo Mushaharka iyo Raashinka

ayaa ilaalin jiray Degaankaas,

waxaana la sheegayaa in ay kala

aadeen degaamada xudun iyo Taleex.

Dhammaan Ciidamada Waa faaruqiyeen

Wadada Laamiga, waxaana la

sheegayaa in ay sabab u tahay siyaasado

ay daba ka riixayso

Maamulka Somaliland,iyadoo uu ku

soo fool leeyahay Magaalada Laascaanood

Madaxweynaha somalialand

Daahir Rayaale.waxaana uu

ku kharajgareeyay lacag ka badan

500 kun dollar si carqalad loo gelin

Imaanshihiisa Laas caannood

Warar Qaarkood ayaa sheegaaya

in siyaasiyiin Jooga puntland ay ka

ku lug leeyihiin howlaha lagu kala

furfuraya Ciidamada puntland ee ku

sugnaa Aaga Tukaraq, waxaa kaloo

ay ku howlanyihiin sidii khakhal siyaasadeed

u gelin lahaayeen P/land

Madax Suuqgaynta Shirkadda Golis

Md, Cumar Faaruuq, oo shirkan

jaraa’id kaga hadlay Horumar farabadan

oo shirkaddu gaartay Sannadihii

tegay ayaa sidoo kale sheegay

, Bartilmaameedyada Sannadan

ee Shirkaddu Higsanayso “ waxaa

ka mid ah in aan Adeega Golis gaarsiino

dhulka Buurlayd. maxaa yeelay

waxaa nagu batay Codsiyada

dadka ku nool dhulka gaari waaga

ah, runtii Dadkaas , markasta waxay

yimaadaan shirkada , waxayna

leeyihiin waxaan joogaa dhul Gaari

waa ah, oo aan la gaari Karin” sidaas

waxaa hadalkiisa ku soo gunnaaday

Cumar Faaruuq

Shirkada golis oo la asaasay sannadkii

2002, waa shirkaddii ugu horraysay

ee adeega GSM keentay

Puntland, waxayna ka howlgashaa

dhammaan degaamadda puntland,

sidoo kale waa shirkadda ugu ballaaran

ee shaqaalaysa dad tiraddoodu

ku dhowdahay ilaa 800 qof. Adeegan

ay dhowaan gaarsiisay dhulka

buuralayda ah, waa mid wax weyn ka

bedeli doonaa Nolosha iyo Ganacsiga

dadka ku nool degaamadaas

Fadeexad Ka Dhalatay

Lacag La Lunsaday

Garowe, 09, June, 2009

Wararka ka imaanaya Caasimada

Garowe ayaa sheegaay in la waayay

130 milyan oo shilin,oo ahayd adeegii

Wasaarada Qorshaynta iyo Xiriirka

Caalamiga ee P/Land

Xarunta Wasaarada ee Garowe ayaa

la sheegayaa in lagu leeyahay Lacagihii

Korontada, Telephoonada, Biyahah.

iyo adeegyadii kale ee xafiiska

Arrintan, waa faddeexadii ugu horraysay

ee soo baxda tan iyo markii

Maamulka cusubi uu Xariga u qabtay

puntland,iyadoo dhaqan ahaan Adeegyada

Wasaaradaha uu qof ka mid

ah Madaxda uu Jeebka ku shubto.

WAREEGTOOYIN KA SOO

BAXAY XAFIISKA MADAX-

WEYNAHA P/LAND

Garowe,Puntland:

Waxaa Xafiiska Madaxweynaha

DGPL Mudane Cabdiraxmaan

Maxamed Maxamuud ka soo baxday

xeer madaxweyne oo Lambarkiisu

yahay 44,kuna Taariikhaysan

June7,2009.

Hadaba xeerkan ayaa waxa uu u

qornaa sidatan:

Xeer Madaxweyne Lr44,ee June

7,2009,kuna saabsan Magacaabid

la Taliye Madaxweyne Xagga Ciidamada

Amniga.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka DGPL

Qodobkiisa 54aad faqradiisa 19aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayoaragnimadiisa

Ciidan

Wuxuu xeeriyey:

1.Waxaa loo Magacaabey G/le sare

Yaasiin Cumar Dheere la-Taliyaha

madaxweynaha xagga Arrimaha Ciidanka

Amniga.

2.Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa

Markuu saxeexo madaxweynuhu.

Xeerkan ayaa waxaa ku saxeexnaa

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

XEER MADAXWEYNE

:Waxaa xafiiska Madaxweynaha

DGPL ka soo baxay xeer Madaxweyne

oo lambarkiisu yahay 43,kuna

taariikhaysan 6da June,2009.

Xeer Mdaxweyne Lr43,ee

June06,2009,kuna saabsan Magacaabid

Taliye ku xigeen Ciidanka

Booliiska Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka DGPL

Qodobkiisa 54aad faqaradiisa 19aad

Markuu Tixgeliyey: Talo soo jeedinta

Taliyaha Ciidanka Booliiska DGPL.

Markuu Tixgeliyey: Aqoonta iyo waaya

aragnimada sare ee uu u leeyahay

Ciidanka Booliiska aan looga

maarmi Karin hawsha Ciidanka

Booliiska.

Wuxuu xeeriyey:

a)Waxaa G/sare Cumar Saalax

Maxamed(Canjeex)loo magacaabay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska

DGPL.

b)xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa

Markuu saxeexo Madaxweynuhu.

ARBACA 10 JUNE 2009 ILAYS NEWSPAPER/WARARKA 3

War-saxaafadeed ay wadajir u soo saareen UNHCR-UNICEF

Ku tumashada Xuquuqda Bani’aadamka oo Ka Sii Dartey

Magaalada Dagaalladu Halakeeyeen ee Muqdisho

oo keentey in ugu yaraan 34 dugsi

si ku-meel-gaar ay u degaan kooxo

hubeysan ilaa bilowgii sanadka, oo

ugu yaraan lix dugsina la soo weerarey

ama la duqeeyey toban iyo labadii

bilood ee la soo dhaafey.

NAYROOBI, 9ka Juunyo 2009:

UNICEF iyo UNHCR ayaa si aad

ah uga welwelsan heerka ay gaarsiisan

tahay saameynta ay rayidka

ku yeesheen rabshadda ka sii dareysa

ee Muqdisho iyo ku-tumamashada

xuquuqda bani’aadamka ee

ay sameynayaan dhinacyada iskahorimaadyada

ku lug leh. Soomaali

badan oo rayid ah iyo saxaafadda

ayaa rabshidii 7dii Maajo ka qarxay

Muqdisho, ee ay dhaliyeen dagaalladii

u dhexeeyey xoogagga Dowladda

raacsan iyo kooxaha hubeysan

ee ka soo horjeeda, ku tilmaamey

in ay ahaayeen kuwii ugu ba’naa

sanadihii dhowaa. Duqeyn lagu soo

warramey in loo geystey xaafadaha

rayidku degaan iyo goobaha dadka

ka dhexeeya ayaa ku khasbey dad

lagu qiyaasey 117,000 oo qof in afartii

toddobaad ee la soo dhaafey oo

keliya ay ka cararaan guryahooda ku

yaallay Muqdisho.

Dadka barokacay waxa ay u badan

yihiin haween iyo carruur, kuwaas

oo badidoodu waxa ay sii qaateen

ay aad u yaraayeen, oo haddana ku

khasban in ay u adkeystaan xaalado

aad u adag. Haweenka ayaa si gaar

ah u nugul iyada oo lagu soo warramey

kufsi iyo galmo dhiig-miirasho

ah oo loo geysto inta ay waddada

ku jiraan iyo inta ay ku sugan yihiin

goobaha ay u qaxeen – halistaas ay

oo ay uga sii dartey yaraanta gargaarka

bani’aadamnimada ee la

heli karo. Waxaa lagu soo warramey

in tiro ka badan 200 oo qof la diley

bishii la soo dhaafey oo keliya, kuwaas

oo badidoodu ahaayeen rayid.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in

ilaa 700 oo qof ay ku dhaawacmeen

iskudhacyada. Wararka laga heley

NGO nala hawlgala oo taageera

cusbitaalka Dayniile ayaa tilmaamaya

in 218 qof oo dhaawac ah lagu

daweeyey cusbitaalkaa, 81 ka mid

ahina ay ahaayeen haween iyo carruur

ay da’doodu ka yar tahay 14, oo

uu ku jirey ilmo lix-bilood jir ah.

Sida uu iskahorimaadkani u

dhibaateynayo rayidka ayaa ah

mid aan la aqbali karin. Dembiyo

dagaal iyo dembiyo ka dhan ah

bani’aadamnimada oo aan cidna loo

ciqaabin ayaa maalin kasta ay ku

kacayaan dhinacyada ku lugta leh

iskahorimaadyadan dabadheer ee

rabshadda ku dhisan. Wararka ayaa

sheegaya in dad aad ugu baahan in

ay cararaan ay maalmo ku xayiran

yihiin guryahooda, halkaas oo ay

ku sugayaan in ay dagaalladu qaboobaan

si ay ‘si ammaan ah ay uga

soo baxsadaan’ Muqdisho, dadkaas

oo aan haysan cunto, biyo iyo adeegyada

aasaasiga ah. Cusbitaal

ku yaalla degmada Yaaqshiid ayaa

muddo kooban loo xirey cabsi laga

qabo ammaanka shaqaalaha caafimaadka,

arrintaas oo yareysey daryeelkii

caafimaad ee ay dhaawacu

heli lahaayeen.

Maxaa Ka Jira Hawlaha

Shidaal Baarista Puntland?.

WARBIXINTII GAROWE ONLINE

Ranger Resource oo Rabta Inay Soo Noqoto

Magaalo madaxda DGPL ayaa waxaa

dhowaan booqasho ku yimid wafti

ka kooban labo xubnood oo ka socda

shirkada Range Resource oo horey

heshiis lagu sheegey in khayraad

looga baarayo Puntland ula gashey

Xukuumadii Cadde Muse.

Waftigaan oo la kulmey sadex Wasiir

[ Maaliyada, Arrimaha gudaha &

Howlaha Guud] iyo Agasimaha hay’

ada loo xilsaarey Khayradka Puntland

Ciise Dholawa ayaa wararka

kasoo baxaya sheegayan in Range

Resource codsatey sidii ay dib ugu

bilabi la’haayen dib- u-kala iibinta

khayradka Puntland oo horey qaybo

kamid ah uga iibiyeen shirkado ay

kamid tahay Africa Oil.

Wararka soo baxaya ayaa sidoo kale

kulankaan ayaa tibaaxaya in shirkada

Range Resource ku xod-xodatey

Wasiirada iney meesha ka saareen

mamulkii hore ee shirkada kaasoo

ay xuseen inuu qaladaad badan

galey.

Madaxweynaha Puntland oo aan la

kumin waftiga kasocdey Range Resource

ayaa wararka GO heleyso

shegayaan in Agasimihiisa hay’ada

baarista khayradka Puntland la

dhacsan yahay sidii shirkada Range

Resource dib ugu bilaabi laheyd

howlaheedii taasoo la rumeysan yahay

iney ka hor-imaan imaaneyso

go’aankii dowlada ee ahaa in dib

loo eegayo heshiishyadii horey loo

sixiixey.

Ciise Dholwaa ayaa wareysi uu siiyey

Idaacad Dalmar ee ka holwgasha

qaarada Yurub u sheegey

in Puntland sixiixin wax heshiis ah

islamrkaana maamulka cusub uu

wakiishay qareeno dib-u-eega heshiisyadii

khayraadka ee horey loo

sixiixey.

Haddana dhinacyada iskahorimaadyada

Muqdisho ku lug leh oo aan danba

ka gelin ammaanka rayidka ayaa

si cad ugu tumanaya mabaa’diida

caalamiga ah ee bani’aadamnimada

iyo kuwa xuquuqda bani’aadamka”

ayuu Mudane Guillermo Bettocchi,

oo ah Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya,

yiri maanta isaga oo ka hadlaya

dagaallada. “Beesha caalamku waa

in ay soo faragelisaa si loo joojiyo

dhaqankaan xisaabtan la’aanta ah

ee joogtada ah, falangelintaas oo

ay ku jirto iyada oo sameysa geeddi-socod

la-aamini karo oo madaxbannaan

oo baara ugu dambeyntana

maxkamad soo taaga kuwa ka

mas’uulka ah dembiyada dagaalka

iyo dembiyada bani’aadamnimada

ka dhanka ah ee lagula kacayo

shicibka Soomaaliyeed” ayuu raaciyey

Mudane Bettocchi.

Qoysas aan tiro lahayn ayaa lagu

soo warramey in ay ku kala haadeen

iskahorimaadyada. Sida ay xaaladdu

hadda tahay, Muqdisho dhexdeeda

ma jirto goob keliya oo ammaan

ah oo ay carruurta ku badbaadaan.

Carruurta ayaa lagu dilayaa, laguna

dhaawacayaa guryahooda dhexdooda,

dugsiyadooda, iyo waddooyinka

xaafadaha magaalada. Waxyaabihii

dhacay bishii Maajo ayaa sii xumeeyey

rabshad soo socotey

Agasimaha hay’ada loo igamadey

iney maareyso khayraadka Puntland

Ciise Dholawa oo horey fikir ahaan u

diidanaa heshiiska Range Resource

la gashey maamulkii uu madaxda

ka ahaa Cadde Muse ayaa hadda

la rumeysan yahay inuu aaminsan

yahay in shirkadaan tahay mid wadashaqeyn

kale lala yeelan karo.

Mr. Faroole ayaa Xukumadiisa cusub

markii la doortey sheegtey in dib-ueegis

ku sameyn doonto dhamaan

heshiisyadii Puntland la gashey

shirkadaha shisheye si loo hubiyo

iney ka turjumayaan danta shacabka.

Dhinaca kale wararka kulankaan kasoo

baxaya ayaa sheegeya in Waftigii

ka socdey Range Resource u sheegeen

Wasiirada la kulmey in shirkada

Africa Oil jabisey heshiiskii ay la galeen

Puntland iyo shirkadooda kadib

markii ay kasoo bixi waydey qodobo

muhiim ah.

Lama oga sababta xubnahaan

booqdey Garowe ugu sheegeen Wasiirada

la kulmey in Africa Oil jabisay

heshiiskii ay la gashey Puntland iyo

Range Resource balse warar aan la

xaqiijin ayaa xusaya in shirakadan

rabto sidii ay uga soo ceshan saamigeedii

hore Africa Oil kasoo ahaa

Carruurta ayaa ay halis ku haysaa

iyada oo dhammaan kooxaha dhinacyada

ka ah iskahorimaadyada

hadda ka socda Soomaaliya ay ka

dhiganayaan askar. Wiilasha qaangaarka

ah ayaa si gaar ah loo bartilmaameedsadaa.

Agoomaha, carruurta

ay qoysaskoodu kala maqan

yihiin, kuwa la dayacay ama kuwa

saboolka ah ayaa si gaar ah ugu nugul

halistaa.

“Dhinacyada iskahorimaadyada

ku lugta leh waa in ay ogaadaan in

dhibanayaasha ugu weyni ay yihiin

carruurtooda, kuwaas oo ku

dhimanaya, ku dhaawacmaya ama

ku barokacaya dagaallada, iyada oo

qaar xataa loo qorto in ay ka qaybqaataan

dagaalka,” Ayaa ay tiri Marwo

Hannan Suleymaan, oo ah Ku-simaha

Wakiilka UNICEF Soomaaliya. “In

carruurta askar laga dhigto waxa ay

xadgudub ku tahay sharciga caalamiga

ah ee bani’aadamnimada iyo Heshiiska

Xuquuqda Caruurta, waxaana

jirta in carruur ka yar 15 jir oo loo adeegsado

dagaallada ay tahay dembi

dagaal oo keeni kara in qofka ku kacay

sharciga lala tiigsado”.

UNHCR iyo UNICEF waxa ay ugu

baaqayaan dhammaan kuwa ku lugta

leh iskahorimaadyada Soomaaliya in

ay joojiyaan sida maalin kasta loogu

tumanayo xuquuqda bani’aadamka

ee dadka rayidka ah.

80% Nugaal & Dharoor kadibna mar

kale uga iibin laheyd shirkado kale.

Range Resource oo aan iminka xiriir

wanaagsan la laheyn Africa Oil ayaa

horey uga iibisay 80% heshiis lagu

sheegey in khayrad looga baarayo

dhulka Nugaal iyo Dharoor Valley.

Shirkadda Range ayaa kulankan ka

sheegtey dhinaca kale in ay baritaan

sahamin ee nooca seismic ku samaysnayso

badda MGPL (offshore seismic)

balse marka hore quudareyneysa

iney heshiis arinkas kala gasho

mamulka cusub ee Puntland kasoo u

saamaxi doona iney saamiyo ka iibso

shirkado kale kadib-na u keento.

Africa Oil oo horey shidaal uga

baartey Dharor ayaa diidan iney soo

wareejiso xogtii laga heley baaristaas

iyada oo ku xireysa in DGPL codsato

marka hore sidii ay dib ugu bilaabi

laheyd howlaheedii shidaal baaritsta

ee Puntland.

Shirkadaha sahaminta shidaalka ee

yimaada Puntland ayaa laga soo bilaabo

2005 waxey caadeysteen kala

iibinta khayradka Puntland [suqyada

calamiga ah]

EEG BOGGA 7AAD

4 ILAYS NEWSPAPER/WARARKA ARBACA 10 JUNE 2009

QORMADII 1aad

HESHIISKII XUQUUQDA

CARRUURTA OO 20 JIRSADAY!

IXTIRAAMKA XUQUUQDA CARRUURTA WAXA AY HORMARISAA BULSHADA

Bulsho kasta waxa ay rajeyneysaa

ayna filaneysaa in carruurteeda

kori doonaan si ay u noqdaan muwaadiniin

karti leh oo mas’uul ah

kuwaas ka qayb qaadata wanaagga

bulshadooda. Haddana dunida oo

dhan, carruurta waxaa loo diidaa adeegyada

aasaasiga ah iyo deegaan

wanaagsan oo ay ku koraan. Waa

xuquuq ay leeyihiin, in loo oggolaado

in ay badbaadaan, si buuxda u kobcaan

ayna si firfircoon uga dhex

muuqdaan bulshada.

Maalin kasta carruur badan ayaa

ay la soo gudboonaataa noocyo

kala duwan oo rabshad ah ayna

dhibaato ka soo gaartaa iska-horimaad

hubeysan, oo waaya baahida

aasaasiga ah ee cunto iyo hoy, ama

dugsiyada aadi karin, ku khasban in

ay shaqeeyaan saacado badan ama

dhibaato ka soo gaartaa takoor, xadgudub

iyo dhiig-miirasho. Carruurta

loo diido baahiyahooda iyo xuquuqahooda

aasaasiga ah lagama fili karo

in ay noqdaan qaangaar daryeel iyo

wax soo saar leh kuwaas oo ixtiraama

xuquuqda dadka kale.

Heshiiska xuquuqda carruurta waa

heshiis caalami ah oo ay ansaxiyeen

Golaha loo dhan yahay ee Qarmada

Midoobey bishii Nofembar 1989.

waa heshiiska caalamiga ah ee dunidan

oo dhan loogu ansaxinta badnaa,

ilaa hadda ay ansaxiyeen 191

dal. Waxa uu qeexayaa xuquuqda

aasaasiga ah ee tahay in ilmo kasta

(qof kasta oo ka yar 18 sano jir) uu

haysto. Xuquuqahaa waxaa ka mid

ah xuquuqda badbaadada; tan u

kobcidda si buuxda; tan ka ilaalinta

saameynta dhibaatada ku keeneysa,

ka ilaalinta dhammaan noocyada

rabshadaha, xadgudubka iyo dhiigmiirashada;

iyo in uu si buuxda uga

qayb qaato nolosha qoyaska, tan

dhaqan iyo tan bulsho, oo ay ku jirto

xuquuqda ay u leeyihiin in ay cayaaraan

ayna ku raaxeystaan carruurnimadooda.

Heshiisku waxa uu ilaaliyaa

xuquuqda carruurta isaga oo dhiga

jaangooyooyin dhinaca daryeelka

caafimaadka; waxbarashada; iyo adeegyada

sharci, madani iyo bulsho.

Marka la oggolaado

Heshiiska, dowladaha waxa ay ballan

ku qaadayaan in ay sameeyaan

tallaabooyinka iyo siyaasadaha ay

danta ugu weyn ugu jirto carruurta.

Dowladaha, bulshooyinka iyo shakhsiyaadkaba

– oo ay ku jiraan carruurta-

ayaa uu waajib ka saaran yahay

in ay fuliyaan xuquuqahan iyo in

aaney ku xadgudbin xuquuqa dadka

kale maaddaama xuquuqaha ay mar

walba la socodaan mas’uuliyado.

Tusaale ahaan, carruurtu waxa ay

16kii Juunyo 1976, toddobo boqol

oo carruurta dugsiyada ee Suweto

oo ka tirsan Koonfurta Afrika ah,

ayaa nafahooda ku waayey markii

ay isu taageen in ay helaan xuquuqdooda

ay u leeyihiin in ay wax ku

bartaan afkooda. Si ummadaha

loo xusuusiyo kuwii dhintey iyaga

oo u dagaallamaya xuquuqahooda

iyo si mas’uuliyiinta loo xusuusiyo

waajibaadka ka saaran carruurta,

ayaa Ururka Midowga Afrika (OAU)

uu go’aansaday in 16ka Juunyo ay

tahay maalin la sharfo Carruurta Afrika.

Iyada oo loo dabbaaldegayo

maalintan, iyo maaddaama uu

sanadkani yahay 20 guuradii Heshiiska

Xuquuqda Carruurta, ayaa UNI-

CEF ay bixineysaa shan maqaal oo

diiradda saaraya xuquuqda carruurta

iyo waxa ay qoysaska, bulshooyinka

iyo dowladaha u baahan yihiin

si ay u bixiyaan waxa danta ugu wanaagsan

ay ugu jirto carruurtooda..

xaq u leeyihiin in laga ilaaliyo iskahorimaadyada,

cadowtinimada,

dhiig-miirashada iyo dayacaadda,

isla markaana waxaa iyaguna

mas’uuliyadi ka saaran tahay in

aaney dhexdooda is-waabsan (isdhibaateyn)

ama dhaawac kale isu

geysan. Xuquuqda carruurta macnaheedu

ma ahan rukhso loo siinayo

carruurta in ay sameeyaan

wax walba oo ay doonaan, isla sida

aaney xuquuqda bani’aadamku ugu

oggolaan qaangaarka in ay wixii ay

doonaanba sameeyaan. Laakiin

muhiimadda xuquuqda

carruurta waxa laga dheehanayaa

xaqiiqada ah in ay carruurtu yihiin

kuwo nugul oo dad kale ku tiirsan,

gaar ahaan marka ay aad u yar yihiin,

oo sidaa daraaddeedna ay u

baahan yihiin in tallaabooyin gaar ah

la qaado taallaabooyinkaas oo looga

ilaalinayo dhibaateynta korna loogu

qaadayo wanaaggooda iyo bed-qabkooda.

Xuquuqa carruurta ayaa xuddun u

ah horumarka bani’aadamka waxaana

ina wada saaran mas’uuliyadda

lagu xaqiijinayo. Wax-ka-ogaanshaha

Heshiiska Xuquuqda Carruurta

ayaa ah hab taa loo bilaabi karo

CONVENTION ON THE RIGHTS OF THE CHILD TURNS 20 !

RESPECT FOR CHILDREN’S RIGHTS ADVANCES SOCIETIES

On June 16th 1976, seven hundred school children in

Soweto, South Africa, lost their lives as they stood up

to demand their right to receive education in their own

language. To remind nations of those who fell fighting

for their rights and to remind duty-bearers of their obligations

to children, the Organization of African Unity

(OAU) dedicated June 16th as the day to honour the African

Child. In commemoration of this day, and as this

year marks the 20th anniversary of the Convention on

the Rights of the Child,, UNICEF is providing a series of

five articles focusing on children’s rights and what families,

communities and governments need to provide for

the best interest of their children.

Every society hopes and expects

that its children will grow up to be

capable and responsible citizens

who contribute to the well-being of

their communities. Yet around the

world, children are denied basic

services and a good environment to

grow up in. This is their right, to let

them survive, develop fully and participate

actively in society.

Everyday many children have to

cope with different forms of violence

and be victimized by armed conflict,

face lack of basic needs like food

and shelter, can’t go to school, have

to work long hours or be victims of

discrimination, abuse and exploitation.

Children whose basic needs

and fundamental rights are denied

cannot be expected to mature into

caring, productive adults who will

respect the rights of others.

The Convention is an international

treaty, adopted by the General Assembly

of the United Nations in November

1989. It is the world’s most

widely ratified human rights treaty,

so far by 191 countries. It spells out

the basic human rights that children

everywhere – anyone under the age

of 18- should have. Among those

rights are the right to survival; to

develop to the fullest; to protection

from harmful influences, protection

from all forms of violence, abuse

and exploitation; and to participate

fully in family, cultural and social life,

including the right to play and to enjoy

their childhood.

The Convention protects children’s

rights by setting standards in health

care; education; and legal, civil and

social services. By agreeing to the

Convention, governments commit

themselves to undertake all actions

and policies necessary for the best

interests of the child.

Governments, communities and

individuals – including children- have

the obligation to fulfill these rights

and not to infringe on the rights of

others as rights always come with

responsibilities. For instance, children

have a right to be protected

from conflict, cruelty, exploitation and

neglect, and at the same time they

also have a responsibility not to bully

or harm each other. Child rights do

not constitute a license for children

to do anything they want, in the same

way that human rights do not give

adults the freedom to do whatever

they want. But the importance of children’s

rights lies in the fact that they

are vulnerable and dependant, especially

when very young, and so they

need specific measures in place to

protect them from harm and promote

their well-being.

Child rights are central to human

progress and we all share the responsibility

of making them a reality.

Learning about the Convention on

the Rights of the Child is one way to

begin.

• This articles is adapted

from the book “It’s Only Right”

by Susan Fountain ©UNICEF 1993

and “The Rights of the Child in

the Caribbean” ©UNICEF.

THE CONVENTION

ON THE RIGHTS

OF THE CHILD

20

YEARS

ARBACA 10 JUNE 2009 ILAYS NEWSPAPER/BULSHADA 5

Q.10aad

Bisadii qoor qabasho biyaha kuma

qurqurisee, adigu muxuu bareerahaagu

yahay: bay ku suul daartay

iyadoo dareensan in ayan markan

muxibbo talo doon ahayn.

“abaayo weli go’aan cad ma aanan

gaarin”

“ oo haddaasna ma anaa go’aan kuu

gaaraya”

“ maya, laakiin talaanu isku leenahay”

“ oo ma waxaad iga dhowreysaa in

aan kugula taliyo ka hadhista mursal

iyo u nuglaanshaha hantiilaha aad

sheegeyso”

“ maya laakiin sow in aanu arrintan

isla gorfeyno maaha.

“ oo ma wax la isla gorfeeyaa meesha

yaala, mise Mursal baan anigu

nin kale uga hiilinayaa”

“Shukriyey sida aad adiguba ogtahay

adduunyadu waa laba maalmood,

labadaas maalmoodna ma fiicna in

aad wel wel iyo walaac ku qaadato

adigoo helaya nolol raaxa leh. Waad

aragtay maryan iyo baarliintii aanu

deriska ahayn sida raaxada leh ee ay

ku nool yihiin, adiga qudhaada in aan

adiga kuu dhoofo oo aan dabadeed

diiso iyo tigidh kuu soo diro,

Halkaasna aad ka shaqaysato ama

aad aniga ila joogto aad bay kuugu

wacan tahay marka abbaayo laba

qaawan isma qaadee anigu mursal

xaggee baan geeyaa?

Shuki intay indhaheedu ghuduuteen

galkii ay ku jireenna dibadda uga soo

baxeen bay iyadoo hadal gariiraysa

lasoo booday ‘ nacas yahay dabayl

raaca ah hantiiluhu lacagtaas uu

kugu beer dulucsanayo lama uusan

dhalan; mursalna faqriga aad kaga

ordayso dhaxal looma siin,duniduna

sida aad adiguba hora u xustay waa

laba maalmood waana sida hadhka

labadiisa galin. Daqiiqaddan la joogo

bay dhici kartaa inuu hantiiluhu

musalafo mursalna uu hanti yeesho

Muxibbo intay hadaladii shukri ee

dhanka hadalka ahaa u adkaysan

wayday bay hadalka ka boobtay

iyadoo leh “ anigu waxaas oo dhan

kuma aanan waydiin balse kaliya

sida ay adigu kuula muuqato uun

baan rabay in aan ogaado “

Haddii ay sidaas tahay maxaad iga

soo doontay “

“waxaan is lahaa saaxiibtaa go’aan

kaaga fahamsii

naa balaayaad go’aamisay’ sow

nabsi ka yaabi maysid “maxaad godobta

uga galaysaa wiilkaas

W/Q: C/qaadir M.Wacays

miskiinka ah ku xusheemeeyay wanaajay

ku calmaday oo xushmad iyo

kalgacayl kugu maamuusay maskaxdaada

yari ma waxay kusiisay in

aad ka cararto wiil indhihiisa kaa jecel

una ruclayso mid aan gabdhahaba

kaa aqoon jacaylkii aad ku taami

jirtay ma sidaanaad abaal marin uga

dhigtay

…haddii uu sidaan kaa ahaa maxaad

wiilka u lugoyn jirtay anigana

ii siri jirtay , sow ilaah ka biqi maysid

Shuri iyadoo wali hadalka sii wadda

jumlad kastana ay jumlad amaahinayso

bay intay muxibbo istaagtay

ku tiri iyadoo albaabka kasii baxaysa”

nabadeey …macsalaama. anaa

warqad kuu soo diti doona..”

Waxba warqadna ha ii soo dirin ammaan

I sii haddii aad dunida wada

joonan waynu ari doonnaa adiga iyo

nabsiga waxa aad kala heshaan

Markay muxibbo ka baxday albaabka

gurigooda waa kan saaxiibteeda

iyadoo aan meelna ku leexan bay

abbaartay gurigoodii.waxba iskuma

ayan howlin gocashada qaddiyadda

dhex taalla iyada iyo mursal ama

midda hadda ka dhex oogantay iyada

iyo saaxiibteed shukri. Go’aankeedu

mid cad oo aan ka noqosho lahayn

buu ahaa, wayna ku faraxsanayd

hannaanka ay iyadu barnaamijkeeda

u qaadaysay

Waxaa galabtaas guriga ku sugayay

ninkii kaxayn lahaa’ aabaheedna

wuxu rabay is baristooda dabadeed

inuu isguna si gaar ah ula dardaarmo

Markii muxibbo iyo ninkii kaxayn lahaa

la is baray. In cabaar ahna ay

wada sheekaysteen bay ugu dambanyn

iyada iyo ninkii is nabadgalyeeyeen

, kuna kala tageen inuu iyadoo

diyaar ah soo maro caawa ka

hor inta aan salaadda subax la tugan

Muxibbo waxay markaa dabadeed

billoday qabanqaabada safarkeeda

wayay diyaarsatay dharkii ay ku

dhoofi lahayd iyo shandadihii ay qaadan

lahayd waxay waqti fara badan

u hurtay baarista iyo ururinta alaab

fara badan oo ayan ka maarmin gurigana

ku dhex filigsanaa dhwr duug

oo sheekooyin ah oo ay aad ugu

baahnaydna boorsadeeday ku guratay

Haye maandheey wali ma is diyaarin

baad waddaa” buu aabaheed ku

yiri iyadoo armaajooyinkeeda kolba

mid furaynsa kuma xumid for safar

billow ah “haye aabe maxaa darnaa

“ bay aabaheed waydiisay intay

hawsheedii joojisay salkana saaratay

kursi dhinaceeda yiilay “

FEDERAALKU WAA QAAB

XUKUN ISLAMI AH!!

Qore: Idiris Shire Xussain

e-mail: idrisshire@gmail.com

Yurub & Dhaxalkii Dawladdii Islaamka

Waxaan iyana muran ka taagnayn

in aqoonta & ilbaxnimada maanta

ka jirta North America, Asia, Australia

& dalal fara badan oo laambadahoodu

si fiican u iffayso, inay ka soo

jeeddo Xadaraddii Qaaradda Yurub

ka curatay oo iyana la ogsoonyahay

inay dhaxashay Xadaraddii Dawladdii

Islaamka, ee fadhiidka noqotay

laga bilaabo qarnigii 12aad kuna

soo afjarantay (Khilaafadii Bani Al-

Cabbas) ee xaruntoodu ahaanjirtey

magaalada (Baqdaad), inkastoo (Khilaafadii

Cusmaaniintu) ee Turkigu

muddo ilaa qarnigii 19aad bilawgiisii

sii cagacagaysay, laakiin ma ahayn

awoodda adduunka ugu weyn sidii

Dawladdii Islaamku mar ahaan

jirtey. Xilligii Turkigu ahaa awoodda

ugu weyn ee muslinku leeyahay

markaasba waxaa jirey xoogag kale

oo Yurub ka jirey, sida Boqortooyadii

Spain, Portugal kadibna Ingriiska &

Faransiiska.

Islamarkaasna, tariikhdu waxay qiraysaa

in Qaaradda Yurub tahay

barta ay ka ifbaxday waxaa diiwaanka

siyaasadda looga yaqaan (The

Indsustrial Revolution - Kacdoonka

Warshadaynta) kana bilaabantay

carriga Ingriiska, oo ah goobta lagu

daahfuray awoodda dab-dhalinta

(Source of Energy) ee ay leedahay

dhuxul-dhagaxu, taasina suurtagelisey

in la sameeyo marakiib & doonyo

dhul fog ukala gooshi kara, ciidan

badanna qaada taasina suurtagelisey

in la guumaysto dhul balaadhan,

lana helo cudud shaqaale oo

farabadan & (Natural Resources –

Agab Caydhiin), sidaas darteedna

la dhisay warshaddo wax soo saar

badan leh (Mass Production) oo

maantana warshaduhu ay gadheen

inay ku shaqeyaan noocyada kala

duwan ee dab-dhalinta sida Shidaalka,

Gaasta, Nukleerka, iwm, wax

soosarkooduna noqday xad dhaaf

layskuna haysto suuqyadii loo iibgaynlahaa

& gacan-ku-hayntoodaba!

Yurub oo Soo Kordhisey Laba

Qaab Xukun oo Hore Leh

Xadaraddii Yurub ka curatay markay

kobocday oo si fiicanna u laffa-ruugtay

aqoontii xadaaradihii hore ee

aadanuhu lahaa ayna usoo gudbisey

xadaaradii islaamku oo iyaduna xiligeedii

aqoontii ka horeysey fitirfaatir

u qaaday wixii manfaca lahaana kala

soo baxday wax fara baddanna ku

soo kordhisey maqaam aad u sareeyana

gaadhsiisey.

Yurub markay waxaas oo aqoon ah

gacanta ku dhigtay, waxay bilawday

inay midho badan oo qiimo leh

dhasho

, waxyaabaha ay ku soo kordhisey

garaadka siyaasiga ee aadnaha

waxaa ka mid ah laba qaab xukun

oo cusub, waana laba iyagu isburinaya,

waxayna kala yihiin qaabka

(Hantigoosadka – Capitalism) &

(Hantiwadaag - Socialism)

Sida aan horeba u sheegnay, qaababkii

xukun ee kala duwanaa ee

xadaaradihii hore lahayeen, waxay

ka yimadeen aqoon aadanuhu u

siman yahay iyadoo aan loo kala

aabayeelen diintooda, midabkooda

& nasabadooda midnaba. Ilaha ama

goobaha ku takhassusay tariikhda

siyaasadda & geedisocodkeeda

dheer laguma hayo xadaarad, ashkhaas

amaba dad gaar ah oo ku

anddacoonaya inay yihiin kuwii ugu

horeeyey ee samaystay mid ka mid

qaab xukunkaas hore, mana jirto cid

si gaar ah u caddayn karta inay ka

dhalatay aqoon gaar ahaaneed oo

ay leedahay ummaduha kalena kaga

dayatay. Lakiin marka lagu noqdo

Ilahaas ama goobahaas laftooda,

waxaa ku cad inay run ahaantii jiraan,

waana faro ku tiris, dhowr

qaab-xukun ama shuruuc dhaxalgal

ah, iwm, oo ku soo biiray kobaca

caqliga siyaasiga ee aadanaha oo

loo aanayn karo xadaarado cayiman

sida xadaraddii (Greeiga) oo loo qirayo

inay tahay tii adduunka ugu horeysay

ee samaysay (Barlamaan) &

qaar kale oo loo aanayn karo ashkhaas

sidaa iyana loo qirayo (Boqor

Xamuraabi, Baabil-Ciraaq) inuu

ahaa Xaakinkii ugu hreeyey ee ku

dhowaad 4500 oo sano ka hor dejiyey

waxa maanta loo yaqaan (Xeerka

Ciqaabta). Qaybo ka mid xeerkas

waxaa laga helay dalka Ciraaq iyagoo

dhagax ku naqshadaysan, qodobada

ku qoran waxa ka mid ah (Isha

ilbaa u dhiganta, iligana ilig baa u

dhigma, wastaadka daar dhisa, hadday

sartu ku dunto dadkii degganaa,

issagana waa in daartii lagu dumiyaa

& qodobo kale oo badan).

Ash-khaastaas siyaasadda casriga

ah raadka weyn ku leh ee Yurub u

dhashay, waxaa ka mid ah ragga

soo bandhigay qaabka (Hantigoosadka

& Hantiwadaaga), inkastoo

runtii ay jiraan mufakiriin fara badan

oo reer Yurub ah oo siyaabo kala

duwan saamayn ugu lahaa fikkirka

labada qaab, ha ahaato dhinaca falsafadda

siyaasadda, qorshooyinka

dhaqaalaha, maamulka, iwm,

LA SOCO CADADKA XIGA

6 ILAYS NEWSPAPER/TAARIIKHDA ARBACA 10 JUNE 2009

Koboca Islaamiyiinta

Dagaalkii Al-Ittixaad & SSDF Ee Buuralayda Saliid.

Cutubka Afraad

W.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.

Qormadda 23aad

Waxaa jiray dagaallo yar yar oo

maalin maalin dhaca . Waxaase la

oran karaa mudo bil ah inuu dhacay

laba dagaal oo waaweyn. Dagaalladaas

dhacay ayaan u fulin sida

uu u qorshaystay Cabdulaahi Yuusuf

hoggaamiyaha dagaalka SSDF

ku qaadday Al-Ittixaad. Maskaxda

Cabdulahi Yuusuf kama tanaasulin

inuu guul ka gaaro dagaalka uu

kula jiro Al-Ittixaad. Waxaa isaga iyo

saraakiishii kale ee ku wehelisay dagaalka

buuralayda Calmadow qorshaysteen

dagaal abaabulan inay

ku qaadaan Al-Ittixaad. Waxaa meel

la isugu keenay kun iyo laba boqol

oo SSDF ciidamadeedii ah. Waxaa

kaloo la agaasimay Lixdan ka

mid ah gawaarida dagaalka ee loo

yaqaano teknikadda noocyadeeda

kala duwan, iyadoo madaafiicda iyo

hoobiyayasha lagu jiheeyey dhinaca

buuraha Saliid ee Al-Ittixaad Gabaadka

u ah.

Dagaalkii duufaanta ee Cabdulaahi

Yuusuf ku qaaday ururka Al-ittixaad

ayaa ku soo afjarmay guuldaro gaartay

ciidankiisii SSDF. Dhinac kale

Al-Ittixaad ayaa qorsheeyey, iyagoo

hoos ahaan u ogaa xaaladda dhabta

ah ee ay ku sugan yihiin dagaalyahannadooda

ku go’doonsan Saliid

in loo gurmado. Waxaa Al-Ittixaad

ogaayeen in dagaalyahannadooda

ku jira Buuralayda Saliid ay ugu

tababar wanaagsan yihiin horin la

oran jiray Sacad Bin Abii Waqaas.

Halka inta kale ahaayeen kooxo

dagaalyahan ah oo aan tababar fiican

qabin. Walow wax weyn ay ka

faa’iidaysteen xaaladda dagaalka ee

ay waqtigaa ku sugnaayeen.

SSDF ayaa iyagu dejiyey Laasqoray

Ciidan Indha hore ah, si loola socdo

wax alla wixii ka yimaada dhinaca

waddada buuraleyda ah ee Geeldoora

lagu magacaabo. Qorshihii

dagaalka ee buuraleeyda ayaa Al-

Ittixaad go’aansadeen in qaabkiisa

wax laga beddelo. Waxaa lagu soo

biiriyey ciidamadii Islaamiyiinta ee

joogay halka loo yaqaan Kala Bayr-

Laascaanood uuna madaxda ka

ahaa Col.Abuu Maxamed iyadoo uu

uga hooseeye Cabdiwahaab Maxamuud

Gurey oo dhaawac fududi

ka soo gaaray dagaalkii ka dhacay

halka Duddun la yiraahdo. Waajibka

dagaalka ee la siiyey ayaa ahaa inay

qabtaan magaaladda Laasqoray oo

masaafo aad uga durugsan ahayd

halka ay joogaan. iyo inay taakuleeyaan

xoogga Al-Ittixaad ee ku jira

Saliid.

Baadi Goobkii

Wada hadaladda

’’Xaaladda kulul ee siyaasadeed

iyo ciidan darteed ayaan waxaan

go’aansanay si aan uga warhayno

dalkii iyo dadkii inaanu tagno

Jabuuti.’’ayuu yiri Sheikh Cabdulqaadir.

Jabuuti ayaa xilligaas waxaa isugu

tagay madaxd sarsare oo ka tirsanaa

Al-Ittixaad Al-Islaam, July1992-

dii. Dacwad kulul iyo is eedayn la is

eedeeyey wadaadada dhexdooda, ka

dib Sheikh Cabdulqaadir Nuur Faarax

waxa uu xusay kulamadoodaaas

Jabuuti go’aamadii ka soo baxay inay

ka mid ahaayeen.

In dagaalka la joojiyo dhinaca

wadaadada ama Al-Ittixaad.

In ay is difaacaan oo aan nala jiirin,

taasoo ah wadada keliya ee lagu

xoojin karo nabada ay raadinayaan.

SSDF ayaa dhankeeda qorshaysaynaysay

inay shir la qaadato

beelaha Gobolka Sool dega (Dhulbahante).

Shirkaas ayaa ka dhacay

Laascaanood. SSDF ayaa ka dalbanaysay

beelaha Sool inay la galaan

dagaalka ka socda buuralayda Saliid

oo dhufays u ahayd dagaalyahanada

ururka Al-Ittixaad ee dagaalka kula

jira SSDF. Waa ku hungoobeen SSDF

dalabkoodii ahaa inay Laascaanood

ka helaan cudud ciidan oo la dagaal

gasha.

Sheikh Cabdulqaadir Nuur Faarax

ayaa Jabuuti kula kulmay Gen.

Maxamed Abshir intii lagu jiray qabanqaabada

shirka Laascaanood

ee SSDF iyo reer Sool. Sheikhu

waxaa uu ka dalbay Gen.Maxamed

Abshir in ay Al-Ittixaad ahaan tagaan

shirka Laascaanood ee nabadana

looga wada hadlayo. Si loo baajiyo

dhiiga daadanaya ee dadka ehelka

ah.Sheikh Cabdulqaadir waxaa uu

yiri:-

’’ Gen.Maxamed Abshir ma soo

dhoweyn fikirkaygaa. Dano gaar ah

ayaan shirkaas uga hadlaynaa.’’

Kama daalin ayuu yiri Sheikh Cabdulqaadir

Nuur ayuu yiri, inaan mar

labaad ku noqday Gen.Maxamed

Abshir. Markaan sheekaysanay ka

dib ayaan kala hadlay in dagaalka la

joojiyo. Kuma kalsoonaan hadalkayga.

Waxaa uu igu yri:-

’’ Boosaaso ayaad naga qabsanaysaan

’’. Weliba ii raaciyey ogaada

’’ Boosaaso waa halbowlahayagii.’’

Ma joogsan isku dayga ahaa in

dagaalka ka soconaya Gobollada

Waqooyi Bari la joojiyo. Dhinaca

ururka Al-Ittixaad aad ayey isugu

hawleen in dagaalkaas la soo afjaro

sababa jira awgood. Beesha

Warsangeli ayey Al-Ittixaad xiriir la

sameeyeen si aanay dagaalka ula

gelin SSDF. Waa ku guuldaraysteen

inay wax natiijo ah ka helaan., Keliya

aan ka ahayn inay Cabdulaahi Yuusuf

ku garab taagan yihiin dagaalka

uu kula jiro Al-Ittixaad. Waxaase

muuqanaysay in dad badan oo ka

tirsanaa beesha Warsangeli taageersanaayeen

Al-Ittixaad.

Xuseen Cabdalla Codweyn, Sheikh

Cabdulqaadir Nuur, Maxamed

Sheikh Cusmaan iyo Cabdulaahi

Cali Xaashi, ayaa Jabuuti waxay kula

kulmeen Xasan Abshir Faarax oo ka

mid ahaa hoggaanka SSDF. Waxay

ka codsadeen in dhinacooda dagaalka

ay joojiyaan. Waxay intaa raaciyeen

inaanay dagaal ku jirin,balse

arrintoodu tahay is daafac. Kolkaas

ayaa Xasan Abshir ugu jawaabay:-

’’ Hadaad run sheegaysaan, danahayga

oo dhan waa baajinayaa,

waad i raacaysaan Boosaaso ayaan

ka wada degeynaa. Idinkaa lacag

haystee Diyaaradda inoo soo

kireeya.’’

Waxay ugu jawaabeen.

’’ Diyaar ayaan u nahay. Boosaaso

la hadal. In nalaga soo dhoweynayo

iyo in kale noo xaqiiji.’’

LA SOCO CADADKA XIGA

Suxufiyiin Joojiyay

Shaqadii Magaalada

Muqdisho

Muqdisho, 9 June, 2009

Kaddib markii ay soo bateen dilalka

gaadmada ah ee lagula kacayo

weriyayaasha ka howlgala

magaalada Muqdisho ayaa qaar ka

mid ah Wariyeyaasha ugu caansan

Magaaladaas ka howl gala Idaacadaha

Maxaliga waxa ay war saxaafadeed

kasoo saareen magaalada

Muqdisho.

Wariyeyaasha Warsaxaafadeedka

kasoo saaray magaalada Muqdisho

ayaa waxa ay ka warbixiyeen sida

ay shaqada uga tagayaan iyo waxyaabaha

keenay inay howlahooda

joojiyaan gebi ahaanba.

Wariyayaasha Maanta soo saaray

qodobadaani shaqa joojinta ah ayaa

waxa ka dhax muuqdo wariyo yaal

can ka ahaa saxaafada soomaaliya

isla markaana halbowle u ahaa qaar

kamid ah idaacadaha maxalaiga ah .

C/raxman Yuusuf Alcadaala oo ahaa

tafaftiraha Idaacada Shabeele oo

warsaxaafadeedka ka hor aqriyay

warbaahinta waxa uu daaha ka rogay

liiska warirayaasha ka fariistay

howlihi shaqo sababa amaan awgeed.

Hadaba Magacyada Wariyayaasha

ayaa kala ah:

1- Ibraahim Jeekey , Agaasimaha

Idaacada Tvga Universal

2-Xasan Cali Geesey Soo saare

Barnaamijka Xulashada (Somaliweyn)

3-C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala Tifaftiraha

Shabeele (Shabelle)

4- Maxamed Abuukar Ma’da Tifaftiraha

(Horn Afrik)

5- Bashiir Naaleeye (Agaasime Xigeenka

Tvga Universal)

6-C/fataax Jeyte (Simba)

7- Cabdi Casiis Afrika TIfaftiraha

Codka Nabada)

8-Cilmi Cisman Faarax Boodhari

(Universdal TV)

9- Maxamed Ibraahim Raage (Shabelle)

10-Oday Cabdulle Majaajiliiste (Shabeele)

11- Cilmi Boodhari (Universal TV)

12- Maxamud Maxamed Odowaa

(Somaliweyn)

13- C/llaahi Kulmiye Caddow (Horn

Afrik)

Intaan iyo in ka badan oo wariyayaal

ah ayaa waxa manta iclaamiyeen in

ay isaga hareen ilaa iyo amar danbe

howlahoodi saxafinimo iyagoo hoosta

ka xariiqay in ay dib u howlgali

doonaana marka ay xaalada wadanka

sidaan wax isaga badalaaan.

Wariyayaasha quusta ka jooga

xaalada siyaasadeed ee soomaaliya

manta ka jirto ma ahan intaan oo

kale ee waxa jiro tiro intaan ka badan

oo la aamusan go’aankooda

XIGASHO :-SOMALIWEYN

ARBACA 10 JUNE 2009 ILAYS NEWSPAPER/CAYAARAHA 7

ka yimid bogga 3aad

KAKA OO KU BIIRAY

INAA LILAAHI WA INAA

REAL MADRID

ILAAHI RAAJACUUN

09/06/2009

Cayaaryahankii kooxda Milan iyo

xulka Brazil ee Kaka ayaa ugu dambayntii

si rasmi ah ugu wareegay kooxda

kubadda cagta ee Real Madrid

ka dib markii uu qalinka ku duugay

heshiis 6 sanadood ah kuna kacay

lacag dhan 68m (Euros) oo u dhiganta

£56m (Pound).

Heshiiskan ama lacagtan lagu kala

gatay xiddigan reer Brazil ayaa noqonaya

kii ugu badnaa dunidan ee

lagu kala iibsado cayaartoy kubadda

cagta marka la fiiriyo lacagta Sterlin

ka ingiriiska, ka dib markii uu

jabiyey rikoorkii hore oo ay isla kooxdan

Real ku soo ibbsatay xiddigii

reer France Zinadin Zidane sanaddii

2001 dii lacag dhan 45.6m (Pounds).

Kaka oo 27 jir ah ayaa sheegay in

uu u ogolaaday heshiiskan si uu u

caawiyo kooxda uu jecel yahay ee

Milan oo xiligan ay soo foodsaareen

dhibaatooyin xaga dhaqaalaha ah,

wuxuuna ku sii adkeeyey in uu ogaa

in haddii uu ka tagayo Milan ay Real

ahayd kooxda kaliya ee uu doonayey

in uu u cayaaro.

Kaka oo hadda ku sugan magaalada

Recife oo ay xulka Brazil maalinimada

arbacada ah ga hortagi doonaan

xulka Paruguay ayaa dhinaca kalena

wax kama jiraan ku tilmaamay

hadalada ah in uu u doortay Real lacagta

darteed wuxuuna caddeeyey

in uu heray dalabaad kale oo uga lacag

wanaagsanaa midkan balse uu

u doortay Real jacaylka uu u qabo.

Kooxda Milan ayaa xiddigan uga soo

iibsatay kooxda Soa Poalo ee dalka

Brazil lacag dhan 8.5m (Euros)

sanadkii 2003 dii asagoo mudadii

uu la joogay kooxdana la qaybsaday

guulo badan waxayna ku sheegeen

qoraal ay soo saareen in ay adkaan

doonto in la buuxiyo booskii Kaka.

Kaka oo dhinaca kale ka hadlayey

funanadda uu ka xiran doono kooxda

Real ee number 5 ka uuna horey

caan ugu ahaa xiddigii Zidane ayuu

sheegay in taasi ku sii biirin doonto

culays badan

Kaka ayaa lixdiisanadood oo uu la

joogay Milan ku guulaystay koobabka

Seria A, Champions League,

Uefa Super Cup iyo waliba Fifa Club

World Cup.

XIGASHO;- CAYAARAHA

Maxaa Ka Jira Hawlaha

Shidaal Baarista Puntland?.

Ranger Resource oo Rabta Inay Soo Noqoto

Africa Oil oo horey shidaal uga

baartey Dharor ayaa diidan iney soo

wareejiso xogtii laga heley baaristaas

iyada oo ku xireysa in DGPL codsato

marka hore sidii ay dib ugu bilaabi

laheyd howlaheedii shidaal baaritsta

ee Puntland.

Shirkadaha sahaminta shidaalka ee

yimaada Puntland ayaa laga soo bilaabo

2005 waxey caadeysteen kala

iibinta khayradka Puntland [suqyada

calamiga ah] kuwasoo lagu kala iibsado

saamiyada, iyada oo ilaa hadda

la ogyahay in maamulka cusub ee

uu madaxda ka yahay Madaxweyne

Farole go’aan ka qaatey sidii loola

macaamili lahaa.

Africa Oil ayaa asbuci lasoo dhaafey

ka gadey heshiis qandaras wax-soosaar

wadag ah shirkad la yiraahdo

Raytec Metals Corp kaasoo lagu wareejinayo

25% macashka khayraadka

laga helo dooxooyinka Nugaal iyo

Dharoor.

Kala iibinta saamiyada khayraadka

Puntland ayaa ah mid marey gacmo

badan taasoo la rumeysan yahay in

shirkadahaan kor uga qaadayaaan

macashka ay helaan dadka ku leh

saamiyada.

WARSAXAAFADEED KA

SOO BAXAY XAFIIKA

AGAASIMAHA MAC-

DANTA PUNTLAND

HORSEEDMEDIA.COCM

Qoraalkan ay hay’ada Macdanta

Puntland soo saartay ayaa lagu

sheegay in Dowlada Puntland ay

horey ulla gashay shirkadaha Range

Resource iyo African Oil heshiisyo

baaris macdan ah iyo Batroolka, bartamihii

sanadkii 2007.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in

dowlada Puntland ay aqoonsan

tahay heshiisyadii hore, balse ay ka

fiirsan doonaan heshiisyada xiligan

ee ku aadan habka ay hay’adaha u

hawlgalayaan.

Madaxa shirkada Range Resource

Mr. Peter Landau, ayaa la sheegay

in uu kulan kula qaatay todobaadkii

tagay mas’uuliyiinta Dowlada

Puntland, magaalada Garowe, kulankaasi

oo looga hadlay habka ay

shirkadahan uga sii shaqeyn karaan

Puntland iyo waxa ay noqon doonto

wada shaqeynta maamulka cusub

iyo shirkadihii horey u heystay heshiisyada

macdan barista.

Ciise Dhoolawaa oo ah Agaasimaha

Guud ee Hay’ada Puntland.

Batroolka iyo macdanta ayaa shaaca

ka qaaday in kulankaasi uu jawi

wanaagsan ku dhacay isla markaana

looga hadlay hawlihii horey ay

shirkadaasi Range u qabatay iyo

hawlaha ay mustaqbalka ka qaban

doonto Puntland.

Warsaxaafadeedkan ayaa sidoo

lagu sheegay in lagu wado in kulan

noocaan ah ay la qaataan dhawaan

Mas’uulyiinta ka socota shirkada African

Oil oo ayaguna dhawaan dalka

imaan doona.

Warsaxaafadeedka ayuu ku sheegay

Agaasimaha Batroolka ee Puntland,

in siyaasadooda maamulka

cusub ee Puntland uu yahay in si

waadax ah oo aan qarsoodi ku jirin

banaanka loo soo dhigo wax alaale

oo la xariira hawlaha macdanta iyo

batroolka.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska Ciise

Dhoolawaa Agaasimaha Batroolka

iyo Macdanta ee Puntland,

ayaa saxaafada looga digay inay

faafiyaan warar kutiri ku teen ah

ama xiisad lagu abuurayo, ayadoo

warsaxaafadeedkan lagu sheegay

in qeybo kamid ah saxaafada ay

warar aan sal iyo raad toona lahayn

ka faafiyeen kulankii dhexmaray

Mas’uuliyiinta Puntland iyo Madaxa

shirkada Range Resource.

Waxaana sidoo kale lagu beeniyey

warar sheegaya in Peter Landau

oo ah madaxa Range uu eedeeyey

shirkada African Oil, ayadoo hay’ada

Batroolka ee Puntland sheegtay hadii

ay jiraan wax khilaaf ah ama heshiis

la jabiyey in arrintaasi ay ku dhawaaqi

karto oo kaliya mas’uuliyiinta

dowlada ee u xil saaran hawlahan.

Warka kasoo baxay Madaxa macdanta

iyo Batroolka Puntland ayaa

lagu sheegay in dowlada Puntland

gadaal ka shaacin doonto natiijooyinka

kasoo baxa kulamada marka

lasoo gaba gabeeyo oo ay is wada

arkaan dhamaan hay’ada arrimahan

qaabilsan iyo shirkadah heshiiska

Anagoo Kala aha dadka Magacyadoodu

hoos ku qoranyihiin

waxaan Tacsi U diraynaa Qoskii,

ehelkii iyo qaraabadii iyo dadka

reer Puntland guud ahaan anagoo

uga tacsiyaynayana geeriyooday

allaha u naxariistee Dr

Mahamed Yaasiin Daahir ( Dr

Boob) oo 8/06/2009 ku geeriyooday

shil baabuur oo ka dhacay

inta u dhaxayasa Xido iyo

Waaciye waxaana leenahay

janadii allaha hoy uga dhigo

qoskii,eheladii iyo qaraabdii uu

ka tegayna samir iyo iimaan allaha

ka siiyo

Magacyada Tacsida Diraya

1. Asli Qodax Cawke

2. Marayan Mahamed

Omer ( ilka cas)

3. Hooyo Xaawo Ashkir

4. Hooyo Fadumo samatar

5. Caasho Qodax Cawke

6. Xuseen qodax Cawke (

Karloos)

7. Xasan Qodax Cawke (

Xasan Caaqil)

8. Ashkir Nuur Qodax

9. Aadan Nuur Qodax

10. Roodo Nuur Qodax

11. Said Siyaad Ali

12. Mire Siyaad Cali

13. Farxiyo Abdi Diiriye

14. Ismahaan Abdi Diriye (

Umma Asha)

15. Madiino Gaacshe Xasan

Waxaa kaloo Tacsi dirayaa

dadka kala ah:

Dr Maxamed Siciid Maxamed

(Shaadheeye)

Dr C/laahi Siciid Aw-Muuse

Dr Ismaaciil Ciise Cumar

Dr:- Yusur iyo dhakhaatiirta ku

sugan Puntland iyo Somalia

Oo kala jooga magaalooyinka

Garowe iyo Bossasso waxay

leeyihiin :-

ALLAHA U NAXARIISTO

( DR: Mahamed Yaasiin

Daahir) DR: Boob

AAMIIN AAMIIN AAMIIN

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!