26.07.2014 Views

Shidaal Baarista Puntland - Somali Talk

Shidaal Baarista Puntland - Somali Talk

Shidaal Baarista Puntland - Somali Talk

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

6 ILAYS NEWSPAPER/TAARIIKHDA ARBACA 10 JUNE 2009

Koboca Islaamiyiinta

Dagaalkii Al-Ittixaad & SSDF Ee Buuralayda Saliid.

Cutubka Afraad

W.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.

Qormadda 23aad

Waxaa jiray dagaallo yar yar oo

maalin maalin dhaca . Waxaase la

oran karaa mudo bil ah inuu dhacay

laba dagaal oo waaweyn. Dagaalladaas

dhacay ayaan u fulin sida

uu u qorshaystay Cabdulaahi Yuusuf

hoggaamiyaha dagaalka SSDF

ku qaadday Al-Ittixaad. Maskaxda

Cabdulahi Yuusuf kama tanaasulin

inuu guul ka gaaro dagaalka uu

kula jiro Al-Ittixaad. Waxaa isaga iyo

saraakiishii kale ee ku wehelisay dagaalka

buuralayda Calmadow qorshaysteen

dagaal abaabulan inay

ku qaadaan Al-Ittixaad. Waxaa meel

la isugu keenay kun iyo laba boqol

oo SSDF ciidamadeedii ah. Waxaa

kaloo la agaasimay Lixdan ka

mid ah gawaarida dagaalka ee loo

yaqaano teknikadda noocyadeeda

kala duwan, iyadoo madaafiicda iyo

hoobiyayasha lagu jiheeyey dhinaca

buuraha Saliid ee Al-Ittixaad Gabaadka

u ah.

Dagaalkii duufaanta ee Cabdulaahi

Yuusuf ku qaaday ururka Al-ittixaad

ayaa ku soo afjarmay guuldaro gaartay

ciidankiisii SSDF. Dhinac kale

Al-Ittixaad ayaa qorsheeyey, iyagoo

hoos ahaan u ogaa xaaladda dhabta

ah ee ay ku sugan yihiin dagaalyahannadooda

ku go’doonsan Saliid

in loo gurmado. Waxaa Al-Ittixaad

ogaayeen in dagaalyahannadooda

ku jira Buuralayda Saliid ay ugu

tababar wanaagsan yihiin horin la

oran jiray Sacad Bin Abii Waqaas.

Halka inta kale ahaayeen kooxo

dagaalyahan ah oo aan tababar fiican

qabin. Walow wax weyn ay ka

faa’iidaysteen xaaladda dagaalka ee

ay waqtigaa ku sugnaayeen.

SSDF ayaa iyagu dejiyey Laasqoray

Ciidan Indha hore ah, si loola socdo

wax alla wixii ka yimaada dhinaca

waddada buuraleyda ah ee Geeldoora

lagu magacaabo. Qorshihii

dagaalka ee buuraleeyda ayaa Al-

Ittixaad go’aansadeen in qaabkiisa

wax laga beddelo. Waxaa lagu soo

biiriyey ciidamadii Islaamiyiinta ee

joogay halka loo yaqaan Kala Bayr-

Laascaanood uuna madaxda ka

ahaa Col.Abuu Maxamed iyadoo uu

uga hooseeye Cabdiwahaab Maxamuud

Gurey oo dhaawac fududi

ka soo gaaray dagaalkii ka dhacay

halka Duddun la yiraahdo. Waajibka

dagaalka ee la siiyey ayaa ahaa inay

qabtaan magaaladda Laasqoray oo

masaafo aad uga durugsan ahayd

halka ay joogaan. iyo inay taakuleeyaan

xoogga Al-Ittixaad ee ku jira

Saliid.

Baadi Goobkii

Wada hadaladda

’’Xaaladda kulul ee siyaasadeed

iyo ciidan darteed ayaan waxaan

go’aansanay si aan uga warhayno

dalkii iyo dadkii inaanu tagno

Jabuuti.’’ayuu yiri Sheikh Cabdulqaadir.

Jabuuti ayaa xilligaas waxaa isugu

tagay madaxd sarsare oo ka tirsanaa

Al-Ittixaad Al-Islaam, July1992-

dii. Dacwad kulul iyo is eedayn la is

eedeeyey wadaadada dhexdooda, ka

dib Sheikh Cabdulqaadir Nuur Faarax

waxa uu xusay kulamadoodaaas

Jabuuti go’aamadii ka soo baxay inay

ka mid ahaayeen.

In dagaalka la joojiyo dhinaca

wadaadada ama Al-Ittixaad.

In ay is difaacaan oo aan nala jiirin,

taasoo ah wadada keliya ee lagu

xoojin karo nabada ay raadinayaan.

SSDF ayaa dhankeeda qorshaysaynaysay

inay shir la qaadato

beelaha Gobolka Sool dega (Dhulbahante).

Shirkaas ayaa ka dhacay

Laascaanood. SSDF ayaa ka dalbanaysay

beelaha Sool inay la galaan

dagaalka ka socda buuralayda Saliid

oo dhufays u ahayd dagaalyahanada

ururka Al-Ittixaad ee dagaalka kula

jira SSDF. Waa ku hungoobeen SSDF

dalabkoodii ahaa inay Laascaanood

ka helaan cudud ciidan oo la dagaal

gasha.

Sheikh Cabdulqaadir Nuur Faarax

ayaa Jabuuti kula kulmay Gen.

Maxamed Abshir intii lagu jiray qabanqaabada

shirka Laascaanood

ee SSDF iyo reer Sool. Sheikhu

waxaa uu ka dalbay Gen.Maxamed

Abshir in ay Al-Ittixaad ahaan tagaan

shirka Laascaanood ee nabadana

looga wada hadlayo. Si loo baajiyo

dhiiga daadanaya ee dadka ehelka

ah.Sheikh Cabdulqaadir waxaa uu

yiri:-

’’ Gen.Maxamed Abshir ma soo

dhoweyn fikirkaygaa. Dano gaar ah

ayaan shirkaas uga hadlaynaa.’’

Kama daalin ayuu yiri Sheikh Cabdulqaadir

Nuur ayuu yiri, inaan mar

labaad ku noqday Gen.Maxamed

Abshir. Markaan sheekaysanay ka

dib ayaan kala hadlay in dagaalka la

joojiyo. Kuma kalsoonaan hadalkayga.

Waxaa uu igu yri:-

’’ Boosaaso ayaad naga qabsanaysaan

’’. Weliba ii raaciyey ogaada

’’ Boosaaso waa halbowlahayagii.’’

Ma joogsan isku dayga ahaa in

dagaalka ka soconaya Gobollada

Waqooyi Bari la joojiyo. Dhinaca

ururka Al-Ittixaad aad ayey isugu

hawleen in dagaalkaas la soo afjaro

sababa jira awgood. Beesha

Warsangeli ayey Al-Ittixaad xiriir la

sameeyeen si aanay dagaalka ula

gelin SSDF. Waa ku guuldaraysteen

inay wax natiijo ah ka helaan., Keliya

aan ka ahayn inay Cabdulaahi Yuusuf

ku garab taagan yihiin dagaalka

uu kula jiro Al-Ittixaad. Waxaase

muuqanaysay in dad badan oo ka

tirsanaa beesha Warsangeli taageersanaayeen

Al-Ittixaad.

Xuseen Cabdalla Codweyn, Sheikh

Cabdulqaadir Nuur, Maxamed

Sheikh Cusmaan iyo Cabdulaahi

Cali Xaashi, ayaa Jabuuti waxay kula

kulmeen Xasan Abshir Faarax oo ka

mid ahaa hoggaanka SSDF. Waxay

ka codsadeen in dhinacooda dagaalka

ay joojiyaan. Waxay intaa raaciyeen

inaanay dagaal ku jirin,balse

arrintoodu tahay is daafac. Kolkaas

ayaa Xasan Abshir ugu jawaabay:-

’’ Hadaad run sheegaysaan, danahayga

oo dhan waa baajinayaa,

waad i raacaysaan Boosaaso ayaan

ka wada degeynaa. Idinkaa lacag

haystee Diyaaradda inoo soo

kireeya.’’

Waxay ugu jawaabeen.

’’ Diyaar ayaan u nahay. Boosaaso

la hadal. In nalaga soo dhoweynayo

iyo in kale noo xaqiiji.’’

LA SOCO CADADKA XIGA

Suxufiyiin Joojiyay

Shaqadii Magaalada

Muqdisho

Muqdisho, 9 June, 2009

Kaddib markii ay soo bateen dilalka

gaadmada ah ee lagula kacayo

weriyayaasha ka howlgala

magaalada Muqdisho ayaa qaar ka

mid ah Wariyeyaasha ugu caansan

Magaaladaas ka howl gala Idaacadaha

Maxaliga waxa ay war saxaafadeed

kasoo saareen magaalada

Muqdisho.

Wariyeyaasha Warsaxaafadeedka

kasoo saaray magaalada Muqdisho

ayaa waxa ay ka warbixiyeen sida

ay shaqada uga tagayaan iyo waxyaabaha

keenay inay howlahooda

joojiyaan gebi ahaanba.

Wariyayaasha Maanta soo saaray

qodobadaani shaqa joojinta ah ayaa

waxa ka dhax muuqdo wariyo yaal

can ka ahaa saxaafada soomaaliya

isla markaana halbowle u ahaa qaar

kamid ah idaacadaha maxalaiga ah .

C/raxman Yuusuf Alcadaala oo ahaa

tafaftiraha Idaacada Shabeele oo

warsaxaafadeedka ka hor aqriyay

warbaahinta waxa uu daaha ka rogay

liiska warirayaasha ka fariistay

howlihi shaqo sababa amaan awgeed.

Hadaba Magacyada Wariyayaasha

ayaa kala ah:

1- Ibraahim Jeekey , Agaasimaha

Idaacada Tvga Universal

2-Xasan Cali Geesey Soo saare

Barnaamijka Xulashada (Somaliweyn)

3-C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala Tifaftiraha

Shabeele (Shabelle)

4- Maxamed Abuukar Ma’da Tifaftiraha

(Horn Afrik)

5- Bashiir Naaleeye (Agaasime Xigeenka

Tvga Universal)

6-C/fataax Jeyte (Simba)

7- Cabdi Casiis Afrika TIfaftiraha

Codka Nabada)

8-Cilmi Cisman Faarax Boodhari

(Universdal TV)

9- Maxamed Ibraahim Raage (Shabelle)

10-Oday Cabdulle Majaajiliiste (Shabeele)

11- Cilmi Boodhari (Universal TV)

12- Maxamud Maxamed Odowaa

(Somaliweyn)

13- C/llaahi Kulmiye Caddow (Horn

Afrik)

Intaan iyo in ka badan oo wariyayaal

ah ayaa waxa manta iclaamiyeen in

ay isaga hareen ilaa iyo amar danbe

howlahoodi saxafinimo iyagoo hoosta

ka xariiqay in ay dib u howlgali

doonaana marka ay xaalada wadanka

sidaan wax isaga badalaaan.

Wariyayaasha quusta ka jooga

xaalada siyaasadeed ee soomaaliya

manta ka jirto ma ahan intaan oo

kale ee waxa jiro tiro intaan ka badan

oo la aamusan go’aankooda

XIGASHO :-SOMALIWEYN

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!