26.07.2014 Views

Muqdisho:Yaa Masuulka Ah Dhiiga Ku Daadanaya ? - Somali Talk

Muqdisho:Yaa Masuulka Ah Dhiiga Ku Daadanaya ? - Somali Talk

Muqdisho:Yaa Masuulka Ah Dhiiga Ku Daadanaya ? - Somali Talk

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

AXAD 1 MARCH 2009 ILAYS NEWSPAPER 5

Nabar Aan Dawoobeyn.

(Sheeko Taxane Ah)

W.Q. Cabdulqaadir M. Wacays

Waxay ahayd goor maqrib ah

oo ay isu diyaarineysey in

ay aaddo golaha Internetka oo ay

beryahaas si weyn ugu waalnayd.

Waxay khadka MSN-ka kula ballansanayd

wiil ay wada socdeen oo

degganaa magaalada Minneapolis

ee dalka Mareykanka.

Markey timid golihii internetka, waxay

durba gashay khadkii MSN-ka oo uu

kusii sugayey saaxiibkeed. Markey

cabbaar fadhidey bay si kedis ah u

eegtay saacaddii ugu xirnayd gacanta

midig. Waa 10:00 fiidnimo. Waxay

fadhidey muddo seddex saac ah,

waxayse iyada la ahayd in ay fadhidey

daqiiqado. Intey sadarkii ugu

dambeeyey ee nabadgalyeynta ahaa

u qortay saaxiibkeed bay kursigii ay

ku fadhidey ka kacday iyadoo degdegsan.

Xogaadii lacagta ahaa ee

lagu yeeshay intey iska bixisay bay

albaabka ka baxday.

Habeenkaas aad bay ugu daahday

golaha Internetka. Waa goor dambe!!.

Magaaladu waa Gaalkacyo,

ma aha Garoowe, mana aha Boosaaso.

Waa magaalo yar oo ay wada

deggan yihiin beelo Soomaaliyeed

oo aan colna ahayn, nabadna ahayn,

balse si dadban isugu waafaqsan in

aan magaalada mar kale lagu kala

guurin xitaa haddii ay isaga dhimato

boqollaad wiil. Welwel iyo cabsi

ayaa ku beermay. Waxay ka welwelsaneyd

hooyadeed oo ay hubtey in

ay habeenkaas ku xanaaqi doonto.

Goor hore ayaa la kala xerooday, dad

tiro yar ayaana waddooyinka socdey.

Hooyo qayladeeda waxba iga dhibi

maysee, mar uun yaa gurigii nabad

igu geeya, intey hoosta iska tiri bay

cagta saartay waddadii ay u mari

jirtey gurigooda. Belaayo buulkaagaa

laga galaa…

Idman waxay ahayd qiyaastii gabar

30-jir ah. Waxay ahayd gabar qurux

badan oo ka mid ah gabdhaha laga

tilmaamo magaalada Gaalkacyo,

waxaase iyada intaas u dheeraa

furfurnaan iyo dabeecad-wanaag ay

kaga soocnayd gabdhaha kale. Nin

kasta wuxuu niyadda ka jeclaa in ay

mar uun la hadasho, shar iyo khayr

wuxuu kala kulmaba. Ninka ay dusha

ka salaanto ama ay wax yar isla

taagto waxaa loo arkayey nin ragga

kale wax dheer. Magaciisu Daqiiqado

gudahood ayuu ku faafayey

magaalada oo dhan.

Quruxdu dhib uun bay kaala maqan

tahay, bay hooyadeed ka maqli jirtey.

Waxaa sida daadkii ugu soo qulqulayey

codsiyo kala duwan oo loogu

soo gudbinayey xagga taleefanka, internetka,

iyo warqado. Codsiyadaas

waxay isugu jireen run iyo been,

sheeko dheer iyo mid gaaban, qiyaali

iyo dhab-ka-hadal, guurdoon

iyo gaabsidoon. Hase yeeshee dheg

jalaq uma aysan siin jirin. Gabar meeli

u caddahay meeli ka madow. Meel

kale ayaa balag looga lulayey. Nin

kale bay duntu ugu xirnayd. Markiise

xaalkeeda la bixin kari waayey, nin

kasta candhuuftiisii buu dib u liqay.

Ha ku daalin jeedaal, indho sooma

jiidaan qalbi kaa janjeeree.

Idman lix bilood ka-hor bay khadka

MSN-ka ee internetka isku barteen

wiil la yiraahdo Shirwac oo degganaa

magaalada Minneapolis ee dalka

Mareykanka. Cidna isma barin. Si

fudud bay isku barteen. Dhambaal

uu Shirwac qof kale u dirayey ayaa

si qalad ah ugu soo dhacay sanduuqeeda

dhambaallada. Waxay u

dirtay dhambaal ay ugu sheegtay in

uu soo qaldamay. Kaddibna, wuxuu

usoo diray dhambaal mahadcelin

ah. Sidaas ayey Idman iyo Shirwac

isbarashadoodu ku billaabatay.

Dabadeed, waxay isdhaafsadeen

dhambaallo kala duwan oo ugu dambeyntii

suurtagaliyey in ay qalinka ku

wada duugaan heshiis wada-socod

saaxiibtinimo.

Afartii toddobaad ee ugu horreysey

isbarashadooda, Idman waxay

iyada ka ahayd maaweelo, dheregdhacsi,

sheeko qiyaali ah, iyo waqtiisku-dhaafis.

Waxaa maskaxdeeda

ka daadegiwaayey sida looga miradhalin

karo xiriir saaxiibtinimo oo

u dhexeeya laba qof oo kala jooga

Gaalkacyo iyo Minneapolis. Waxay

nafteeda ku qancin kari weyday sida

ay isu jeclaan karayaan laba qof oo

aan is aqoon, ama aan fool-ka-fool

isusoo hor fariisan. Waxaa dhalanteed

la ahayd in la isku jeclaan karo

waraaqo la isu diro, MSN-ka oo lagu

wada sheekeysto, iyo taleefanka oo

la iska maqlo.

Laakiin, xaaladdu mar dhexe bay

si kedis ah isu beddeshey. Idman

waxaa saamayn weyn ku yeeshay

sheekadii MSN-ka, waraaqihii, iyo

sawirradii ka dambeeyey ee ay isdhaafsadeen

iyada iyo Shirwac.

Waxaa laabteeda ku dhacday dhibic

jacayl. Waxaa ku dhacay is-beddel

baaxad weyn oo saameeyey nolosheeda.

Waxay jacayl ugub ah u

qaadday wiil aysan weli fool-ka-fool

isu arag, oo aysan xitaa codkiisa

maqal. Waase adduun iyo xaalkiis.

Cimrigaagoo dheeraaday, geel dhalaayana

waa ku tusaa...

Idman iyadoo socodka boobaysa

bay dhinac martay barxadda weyn

ee kasoo horjeedda guriga madaxtooyada

oo loo yiqiin ‘Quraca’.

Habeenkaas wuxuu u ahaa habeenkii

ugu horreeyey oo ay tagto golaha

Internetka. Maalin kasta laba jeer

bay tegi jirtey. Weligeed habeen

ma aysan tegin. Markey barxaddii

dhaaftay bay dhinaca midig u leexatay.

Tolow dukaankii habaryar masii

martaa bay is-weydiisey, waxayse

islamarkiiba is xusuusisey in ay

tahay xilli dambe oo goor hore dukaanka

la xiray. Markey socotay in

cabbaar ah oo ay usoo dhowaatay

gurigoodii bay maqashay dhawaaqa

rasaas la is-weydaarsanayo. Dhegeheedu

kuma cusbayn maqalka

guuxa rasaasta. Hebeen iyo maalin

bay maqli jirtey. Dhegba jalaq uma

aysan siinine socodkeedii bay iska

sii wadatay illaa ay ka gashay albaabka

gurigooda oo uu ku sugayey

wiil yaroo walaalkeed ah.

“Naa heedhe, miyaadan bani’aadam

ahayn. Waa maxay goorta aad socoto?”

bay ka horkeentay hooyadeed

oo neef weyni kasoo booddey markey

aragtay gabadheedii oo nabadqab

kusoo hoyatey. “Naa miyaadan

maqleyn waxa rasaas dhacaya?”

bay u raacisay iyadoo weli usii dhegataageysey

rasaasta xooggan ee

la is-weydaarsanayey.

“Hooyo, internetka ayaan kusoo daahay.

Sahro iyo muxibbadii aan ilmoadeerka

ahayn ee Mareykanka joogay

baan wada sheekeysaneyney,”

Bay cudurdaar ka dhigatay.

“Internet...aa…Alla internet iyo

adigaanba isku kiin nacay. Internet

uun bay sheegtaa. Maalintii baa la

isku ogaaye, haddana ma habeen

baad ku darsatay. Wallee waxaad

soo waddo iyo webiga yaa weyn

dheh?...Internet…Internet…Naa

naag weyn baad tahaye wax iskula

har,” bay hooyadeed ku canaanatay.

“Ee hooyo waa maxay waxaas oo

rasaas ah. Yaa caawa is galay?” bay

hooyadeed ka horgeysey. Idman

sheekadaas ma aysan ahayn mid

ku cusub ee waxay rabtay uun in ay

beddesho mawduuca sheekada si

ay isaga weeciso canaanta kulul ee

hooyadeed kaga imanaysey. Idman

aroor kasta markuu waagu beryo

waxa ugu horreeya oo ay dhegaheedu

maqlaan waxay ahaayeen:

‘Dhowr qof ayaa xalay la dilay, kuwo

kalena waa dhaawac. Hebel xalay

ayaa aano-qabiil loo dilay. Tuugo

hubeysan ayaa xalay u dhacay guryo

badan, kuwo kalena waxay baarteen

dad magaalada ku daahay. Laba nin

oo xalay intey dayoobeen u gudbay

xaafadda Baraxleey ayaa saakayto

meydadkoodii qashin-qubka lasoo

dhigay!!’“Garan mayo, waase iskahor-imaad

xoogan.

Berrito ayaan kala ogaan doonnaa,

haddii Eebbe idmo,” intey Nuuro ugu

jawaabtey gabadheedii bay gashay

qolkeedii jiifka.

Idman waa sidii ay rabtaye intey cashadii

loo dhigay si tartiib ah daaradda

guriga ugu cuntay bay iyadana

qolkeedii abbaartay. Maba aysan

nasanine, waxay durba billowday

diyaargarow xooggan. Intey mayratay

bay dhar cusub xiratay sidii tiiyoo

ay u socoto xaflad aroos ama sidii

gabar aroosad ah oo weli ku jirta

bishii malabka oo isu diyaarinaysa

mataankeedii oo aan xaafadda ka

fogeyn. Boorso yar oo ay ugu jireen

uunsi iyo barafuunno kala duwan

bay soo dhoweysatey. Idman ma

aysan ahayn aroosad, umana aysan

socon xaflad aroos ee waxay isu diyaarineysey

la-sheekeysiga gacaliyaheed

Shirwac oo ay habeenkaas

ku ballansanaayeen in markii ugu

horreysey ay taleefanka ku wada

hadlaan. Waxay isu diyaarisay sidii

tiiyoo uu taleefanka ka dhex arkayo

quruxdeeda ama ka dhex urinayo

udgoonkeeda. Waxay illowdey in

codkiisa wax dhaafsiisan aysan

maqli doonin, aragtina warkeedba

daa. Si kasta arrintu ha ahaatee,

waxay iyada u ahayd habeen xusid

iyo xusuusba mudan.

Goor ay tahay saqdii dhexe bay

maqashay dhawaaqa taleefanka.

Intey kursigii ay ku fadhidey kasoo

booddey bay daaradda guriga abbaartay.

Nasiibdarro, taleefanka qolka

lama aysan soo geli karin. Wuxuu

ku rakibnaa daaradda guriga iyadoo

sidaas loo yeelay in isticmaalkiisa loo

sinnaado oo aan qof qurihi qolkiisa

ku xiran.

“Hallow....waa qofma?” bay weydiisey

iyadoo uu codkeedu gariirayo,

baqdinina ay ka muuqato. Waa ay

hubtey in dhawaaqa taleefanku ahaa

mid dibadeed. Magaalada Gaalkacyo

dhawaaqa taleefannada dibedda

laga soo diro iyo kuwa gudaha waa

ay kala duwan yihiin, waxayse iyadu

rabtey uun in ay ogaato qofka la hadlaya

qofka uu yahay.

“Xabiibi, waa Shirwac. Iska warran?

Sow Idman maaha?” ayuu Shirwac

si dhiirranaan leh ugu jawaabey.

“Nabad…Nabad…Xabiibi…Waa Idman,”

intey tiri bay dhinacyadeeda

eegtay sidii tiiyoo ay dad kale

dhageysanayaan. Illeyn farxadi waa

naxdin. Mar kale bay misana geesaheeda

eegtay. Waxba ma aysan arkin.

Daaradda gurigu waaba mugdi.

Keligeed uun baa dhex yuururtey.

Saacado kahor ayey korontadii

magaaladu tagtay. Ciil-qab xagga

korantada ah ayey magaaladu la

ooyeysey.

LA SOCO AXADA DAMBE

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!