26.07.2014 Views

Bogga 13aad - Somali Talk

Bogga 13aad - Somali Talk

Bogga 13aad - Somali Talk

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

18 April , 2009 XOG-MAAL 7

Dooqii La,isku Dal Dalay

(wiil Soomaali ah iyo Gabar

South African ah)

Waxaa laga yaaba in dadka baddankooda

Soomaalida ah ay ka

dhaadhacsantahay in dadka dalkani

u dhashay ay wada necebyihiin

Soomaalida, oo ay dillaan,

dhibaatooyin kalana u geystaan,

laakiin halkani waxaan ku

heeynaa qof jacayl uu Soomaali

u qaaday isu dilley dartiis.

Botisha Anderlin oo ah gabar u

dhalatay dalka K/Afrika ayaa

jacayl daran u qaaday wiil

Soomaaliyeed. Jacaylku waa

indho la’yahay, meel kastana

waa uu gala, haddii aad la yaabantahay

gabadha dalkani u

dhalatay ee wiil Soomaali ah

jacaylka u qaadaysa, waxaa kuusoo

socda war kaaga yaab baddan,

kaasina waa in jacaylkaasi

dartiis isu dishey gabadhii.

Botisha waa 18 jir, muda 3 bilood

ah ayay jacayl daran u qabtay

wiil Soomaaliyeed oo ka shaqaynayay

dukaan xaafadooda ku

yiiley, wiilka waxaa lagu magacaabaa

Haashim Axmed Cali.

Jacaylku waa xariir bini’aadamka

dhexmara, waxaana asaas u ah

in labbada qof ay wada hadlaan

marka hore inta aysan miraha

jacaylka guran, ka waran haddiiba

aanan la wada hadli karrin.

Botisha ma taqaano Afsoomaaliga,

Haashimna ma

yaqaano afka English-ka oo ay

Botisha ku hadasho, haddii labbada

qof aysan is fahmeynin sow

ma ahan in turjubaan loo waco-

Botisha waxay qeexday jacaylka

ay u qabto Haashim, laakiin

markii ay ogaatay in uusan fahamsanayn

waxa ay sheegeyso

ayay u yeertey Cabdinaasi Xassan

Xaaji oo luuqada yaqiiney si

uu ugu kala tirjumo.

Bal qayaas jacaylka turjubaan

galay illaa heerka is faham laga

gaarayo, oo ay tahay in wax

kasta oo aad sheegi lahayd turjubaan

lasii mariyo. Cabdinaasir

waa uu u sharxay Haashim waxa

ay gabadha ka dooneyso,

Haashim fajac iyo layaab ayaa

kasoo haray waa uuna ka biyo

diidey.

Cabdinaasir isaga waa uu u

beerlaxawsaday gabadha

wuxuuna codsaday in ugu

yaraan uu la daadihiyo jacaylka,

malaha waxa uu fahmay heerka

gabadha jacaylka ka gaaray oo

xittaa gaarsiin lahayd in ay diinteeda

Islaam u badasho, laakiin

asxaab kale oo la joogey

ayaa Haashim ku qanciyey in uu

gabadhani ka fogaado. Cabdinasir

Botisha waxa uu ku qanciyey

in ay wax lala qabanayo iskana

tagto, wuxuu sidaasi u

sheegayaa Haashim oo aan arrin

ta ku qanacsanayn oo carab

laadlaadinaya, asxaabta kalana

ay meel adag iska taageen.

Gabadhii jacaylka ay wiilka u

qabto iyo warka wanaagsan ee

ogolaansho ah dadka oo dhan

ayay u sheegtey, xaafada oo

dhan ayaa odgaatay, dadbaddan

oo arrinta jecleystey ayaa bilaabay

in ay si fiican dukaanka wax

oga iibsadaan, dadka kalana kusoo

xiraan

Dadka arrinta maqlay waxaa ka

mid ah hooyada gabadha iyo

wiilka adeerkiis oo si kulu ugula

taliyey Haashim in uu faraha ka

qaado gabadha.

Hashim wuxuu bilaabay in uu

gabadha ka dhuumaalaysto,

marka ay wadada ka hor timaadana

uu u sheego in uu

meel ka daahayo, laakiin waa naf

naf jacelee meeysan quusan.

Bitosha ayaa habeen timid tukaanka,

banaankana ugu yeertey

Hashim, isagiina waxa uu ka

xanaaqay imaashaha gabadha

xiliga ay mashquulsanyihii,

wuxuuna indhaha ka saaray in

uusan dooneynin jacaylkeeda,

iyadu meeysan fahmin, waxayna

u yeertey Cabdinaasir. Waa u

yimid una sheegey waxa uu

leeyahay oo ah in uusan

jacaylkeeda waxbo kala qaban

karin.Maxaa qaraacan ah,

maxaa niyad jab ah, maxaa rajjo

beel ah, Botisha aduunka oo

dhan ayaa kusoo caariyey, wax

ay samayso ayay garan weeysey,

iyadao oo lugaha jiideyso

ayay ka hadaaftey meesha.

Markii ay kaligeed meel ku noqotey

oo ay maskaxdeeda la tashatay

ayay usoo baxday in aysan

aduunkani ku noolaan karrin

Haashim la’aantiisa, waxayna

go’aansatay in ay nolosheeda ku

qamaarto, habeenbarkii ayay suuliga

xarig ku xiratay oo ay is daldashay.

Haashim oo arrinta ay hanfariir

ku noqotey ayaa isaga huleeley

tuulada isaga oo ka baqaya in

loo qabsado dhimashada

gabadha.

Qisadani waxay ka dhacday tuulo

Cape Town u dhow, 29-kii

Maarso, 2009.

Qore: Cabdilaahi Xaaji (Xuduu)

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!