26.07.2014 Views

Bogga 13aad - Somali Talk

Bogga 13aad - Somali Talk

Bogga 13aad - Somali Talk

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

18 April , 2009 XOG-MAAL 6

Wax kasta oo aad u malaysid in ay

yihiin wixii ugu dambeeyey ee qof

lagu samayn karro, waxaad arkaysaa

wax ka daran in ay suuro galyihiin,

waxaa taasi la mid ah dhacdo layaab

leh oo qabsatay rag Soomaaliyeed oo

dukaan ku leh Xaafada Delf ee

duleedka Cape Town.

Waxaan soo aragnay nooc kasta oo

dhibaato ah oo la gaarsiiyo dukaamaleyda

Soomaalida, laakiin tani

ku dhacday wiilashani ay sheekagadani

ku saabsantahay waa mid nooceeda

oo kale uu noo dhimanyahay

maqalkeeda, si sahlana aysan maskaxda

uga fikiri karin suurtogalnimadeeda.

Waxay ahaayeen labbo wiil oo naga

codsaday in aanan magacooda la

shaacin, dukaan ayay ku leeyihiin

xaafada Delf, sidii caadada ahayd habeenkii

ayay dukaanka dhexdiisa jiifsadeen,

laakiin sidii caadada ahayd

kuma aysan soo toosin, subixii waxay

kasoo tooseen xaafad kale oo 10km u

jirta halkii ay degenaayeen, tolow

maxaa yaab iyo faraj ah, markii ay

illinka fureen indhahooda ayay aamini

waayeen waxa ay arkayaan.

Dukaanka waa koodii, laakiin xaafada

iyo meesha ay joogaan ma ahan halkii

ay degenaayeen, kaaga daran waxaa

kasoo horjeeda dukaan kale oo ay

leeyihiin rag Soomaaliyeed kuwaasi

oo dagaal iyo weerar kusoo qaaday

raggani lasoo dheelmiyey iyagoo ka

cabanaya sababta ay habeenimo dukaan

kale uga ag fureen, ragani ambadka

ah ma yaqaanaan sida ay halkan

ku yimaadeen, ragga kale ee dukaanka

lagu ag-qabtayna ma aaminayaan

hadalka wiilasha ee ah in aysan

ka warheynin.

Daqiiqad kasta waxay u maleeyaan in

ay riyoonayaan oo ay hurdaan, laakiin

arrintu riyyo ka weyn, dhowr jeer

ayay indhaha maraanmaranayaan si ay

u xaqiijiyaan in aysan hurdeeynin,

waa hubaal ma hurdayaan, waxa hortooda

yaalana waa wax macquulnimada

ka weyn, layaab ma lahan in

midkood uu niyada iska yiri “tolow

ma xerro jin baad joogtaan?”.

Haddaba sidee ayaa ragani lagu

dheelmiyey?, marka hore dukaankooda

waa mid ka samaysan

Konteenar, marka labbaad waxa uu ka

ag furnaa dukaan uu leeyahay nin

middab ah oo dalka u dhashay, ninkii

midabka ahaa ayaa maleegey qorshe

dukaanka Soomaalida uu meesha uga

raro iskagana fogeeyo, wuxuu la

yimid farsamo cajiib ah, wuxuu soo

kirreystey gaari weyn oo uu ku rakibanyahay

wiishka xambaara konteerada.Wuxuu

sugey illaa habeenbarkii

intii laga gaarayay saxda dhexe,

kadib wiishii ayaa afarta xagal ka qabtay

konteenarkii, gaarigana saaray,

sidaas ayaana lagu geeyey xaafada

10kn mitir jirta ee ay subixii dambe

kasoo toosi doonaan.

Markii aan sheekadani maqalnay,

waxaan wiilasha wareysanaya sida ay

suurogal ku tahay in aysan maqlin

shanqarta weyn ee uu gaariga samaynayo,

midkood ayaa noo sheegey sida

soo socota “meesha aan seexano waa

meel aad u yar oo aad dareemi karto,

wiilka illa jiifana waa mid dhaqdhaqaaq

baddan oo kolba meel u

gadooma, aniga waan u bartay dhaqdhaqaaqiisa,

danna kama gallo marka

dhaqdhaqaaqa waxaan u maleeyey tii

wiilka, halka guuxa gaariga aan isagana

u maleeyey gaari shaqaale qaado

oo subax kasta dukaanka agtiisa dadka

ka daabula, maba aanan soo dhiganin

in dukaanka la dallacay”.

Arrintani waxay Xog-Maal soo gaartay

habeen kadib markii ay dhacday,

wiilasha waxay noo sheegeen in dukaankii

halkiisii ay ku celiyeen, ninkii

rarayna ay wadahadal la galeen.

Waxa ugu daran ee ay la kulmeen

ayaa ahaa ragga Soomaalida ah oo

marnaba aamini waayey sida ay wax u

dhaceen, kuna sigtey in ay dagaalamaan

dhexdooda.

Qormada Xuuraan ee Xog-Maal boga

10-aad kusoo baxda cadadkii hore

waxaan kusoo qaadanay qormo aan

ciwaan oga dhigney „Afar jibaaranaha

inkaaraha qaba (nolosha eddega birta

ah ka samaysan). Qormada waxaan ku

faaqidney dhibaatada ka jirta dukaamada

konteenarada ka samaysan,

markii dhibaatooyinkiisa laga

sheekeynayay marnaba lagama fikirin

suurtogalnimada arrintani.

Haddii ay dhici karto arrintani, miyeysan

suurogal ahayn in badweynta la

raaciyo?

Xog-Maal

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!