26.07.2014 Views

Bogga 13aad - Somali Talk

Bogga 13aad - Somali Talk

Bogga 13aad - Somali Talk

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

18 April, 2009 XOG-MAAL 2

Jacob Zuma, Qoob iyo jaan ka ciyaarka

Xoriyada

Ugu dambeyntii 8 sanno kadib oo uu gala baxayay

maxkadaha dalka ayaa dacwadii lagala noqdey

Jacob Zuma, madaxweynaha ANC ahna ninka sida

weyn loo filayo in uu noqanayo madaxweynaha xiga

ee Koonfurta Afrika.

Go’aanka kala noqoshada dacwada waxaa gaaray

hey’ada garsoorka qaranka ee lagu magacaabo NPA

(National Prosecuting Authority), waxayna gaartay

go’aanka kadib markii ay gacanta ku dhigeen cajalado

maqal ah oo laga duubey taleefoono ay

iskula hadleen baarayaal dacwada Zuma iyo rag

siyaasiyiin ah, waxaa laga wada hadlayay xiliga ku

haboon ee ay tahay in Zuma dacwada lagu soo

oogo, waxaana lagu beegey waxyar ka hor intii aan

la aadin shirweynihii ANC-da ee Polokwane ee

Zuma lagu doortey, si markaasi looga hor istaago in

la doorto.

Raga taleefoonada laga duubey waa madaxii

waaxda howlgala gaarka ah ee Scorpion (Dibqalooc)

ee iminka la kala direy, ninka la yiraahdo

Leanard McCarthy, Bululani Ngduka oo ahaa madaxii

hore ee NPA oo isla markaasina ahaa ninkii 8

sanno ka hor dacwada ku furey Zuma balse xilkaasi

ka dagay 2004-tii, iyo nin ganacsade ah oo ay olog

yihiin Thabo Mbeki, madaxweynihii hore.Mokotedi

Mphashe waa madaxa NPA, isaga iyo darsan

hey’ada ka tirsan ayaa shir jaraa’id oo warfidiyeeno

tiro baddan ay ku xoonsanaayeen ka jeediyey hadal

dheer oo uu ku sharaxayo sababaha ay dacwada

ola laabanayaan, wuxuu meesha ka aqriyey hadaladii

lasoo duubey oo qoraal ah, wuxuuna sheegey

in hey’ada ay go;aan ku gaartay maadaamaa

farogalin lagu sameeyey garsoorka laga noqonayo

dacwada oo dhan.Ka hor maalinta go’aanka la

shaacinayo oo ahayd isniintii (4/4/2009), todobaad

idil ayay saxaafada hadal haysay in dacwada laga

noqonayo kadib markii lasoo dusiyey warka.Markii

go’aanka loo sheegey Zuma ayuu si weyn ugu

farxay, halka qaranka oo dhan laga daawanayay

shaashadaha TV-yada , lagana dhagaysanayay

idaacadaha.Maalin kadib ayaa sida sharcigu yahay

NPA dacwada si rasmi ah galkeeda oga laabtay

maxkamada sare ee Pettermarisburg ee gobolka

Kwa-Zulu Natal, wax yar kadib waxaa shir jaraa’id

ku qabtay magaalo xeebeedka Durban Jacob Zuma

oo si xeeldheere oga hadlay waxyaalihii uu lasoo

kulmey intii ay dacwada socotey.dhamaan qoyska

reer Zuma oo dhan ayaa la galiyey xaalad adag oo

aan la qayaasi Karin, dhib baddan ayaa naloo

geystey, waana wax aad looga xumaado in sanadahani

oo dhan maxkamad aan gala baxo iyadoo

aanan dambi lahayn” ayuu yiri Zuma oo shucuur

qushuuc leh ay ka muuqatay, wuxuu intaasi ku daray

“dacwadaha la’ii heystey waxay ahaayeen kuwa

lasoo maleegey oo siyaasadeed, ujeedkuna wuxuu

ahaa in la’iga hor istaago in aan dalkani madaxweyne

ka noqdo”.Wuxuu sheegey in uusan aar guddan

doonin, balse marka uu xafiiska fariisto April 22

kadib uu wax baddan ka sixi doono nidaamka garsoorka

oo dhan.

Laakiin g’aanka NPA wuxuusan ka daadagin

asxaabka mucaaradka, gaar ahaan DA iyo ID,

haweeneyda hogaamise DA (Democratic Alliance)

Helen Zille ayaa dacwad ka furtey NPA taasoo ku

saabsan in ay u rukuucdey cadaadis siyasadeed oo

ANC kaga yimid halkii ay sharciga dalka fulin lahayd,

waxaa kale oo ay DA dacwad ka furtey

garyaqaanka (abukaataha) Zuma taasoo ku saabsan

sidii ay gacantiisa ku galeen cajaladaha sirta ah

ee laga duubey jawaasiista baareysay dacwada

Zuma.Laakiin waxaa gool siyaasadeed dhaliyey xisbiga

ID oo haweeneyda hogaamisa Patricia De Leal

ay dacwad ka furtey baarayaasha cajaladaha sirta

ah laga duubey ee lagu eedeeyey in ay maleegeen

dacwada Zuma, talaabadani waxay muujisey in DA

ay si shakhsiyan ah u bartilmaameedsanayso

Zuma, halka ID ay moowduuc macquul ah ka hadlayso.

Zuma waxaa lagu heystey dacwado la xariira musuqmaasuq,

iyo wax isdaba marin, arrimaha waxay ku

saabsanyihiin lacago uu ka qaatay schabir Sheik oo

ahaa la taliyihiisa xagga maaliyada markii uu ahaa

madaxweyne ku xigeenka dalka, Sheik oo ah nin

maalqabeen ah wuxuu heley qandaraas hub ay

dowlada kusoo iibsatay, waxaa lagu heley dacwad

musuq ah 2005-tii waxaana lagu xukumey 15

sanno oo xarig ah, maalmo kadib ayaa Zuma laga

qaaday xilkii madaxweyne ku xigeenimada

dalka.Wixii xiligaasi ka dambeeyey ANC waxaa ka

dhexjirey garabyo kala taabacsan Zuma iyo Mbeki

taasoo horseedey in doorashadii 2007 ee madaxweynenimada

ANC uu ku guuleysto Zuma,

doorashada kadib waxaa xisbiga ka jabay garabkii

Mbeki taabacsanaa.Iminka Zuma wuxuu

doorashada galayaa isagoo aanan wax dacwad ah

lagu heysan taasoo ahayd walwalka ugu weyn ee

dadka heysatay maadaamaa maxkamadiisa lagu

beegey bisha August, markaasina uu maxkamad

tagi lahaa isagoo madaxweyne ah.

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!