26.07.2014 Views

Ethiopia: Shareecadda Islaamka Dhib uma Aragno - Somali Talk

Ethiopia: Shareecadda Islaamka Dhib uma Aragno - Somali Talk

Ethiopia: Shareecadda Islaamka Dhib uma Aragno - Somali Talk

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII 2 JEER LAGU DAABACO MADBACADDA HORYAAL BOSASO

ILAYS

C/shakuur Mire Aadan

Ilaysnewspaper Editor

Omar Siciid Moh’ed

ARBACA 22 APRIL 2009 Caddadka 24aad, Tell:-90712246/66712246 Email:-ilaysnewspaper1@gmail.com Q:-6000 Ssh

Ilaysnewspaper Founder

ILAYSE:- isse80@hotmail.com

OUR SERVICE

INTERNET

GSM

OUR SERVICE

SMS MASSAGE

E-ADEEG

Ethiopia: Shareecadda

Islaamka Dhib uma Aragno

Duqii Degmada Qardho Oo

Dib Ugu Laabtay Shaqadiisii

EEG BOGGA 2aad

Nuxurka Kulan dhex maray Ra’iisal-Wasaaraha

Soomaaliya iyo Dawladda Itoobiya

WAR-SAXAAFADEED

UNICEF Oo Codsatay

Maaliyad Deg-deg ah.

Madaxweynaha Iiran Oo Ka

Caraysiiyay Wadamo Badan

EEG BOGGA 2aad

Badda Somalia Oo Lala

Wareegayo 13 May

CILMI-BAARIS | SOMALITALK.

EEG BOGGA 4aaD

Maxaad Ka Taqaanaa Shantii Xubnood Ee

Guddigii Siyaasada X.H.K.Soomaaliyeed?

(Taariikh nololeedkii S/Guud Max’ed Cali Samatar)

W/Q :-C/casiis Cali Ibrahim “Xildhiban”

EEG BOGGA 2AAD

EEG BOGGA 7AAD

S/Guud Samatar oo La Taagan Raisul Wasaaraddii Ingriiska Margret

NAYROOBI, 17 Abriil 2009 –

Iyada oo ay xaaladda

bani’aadamnimo ee Soomaaliya

ay ka sii dareysey, ayaa Christian

Balslev-Olesen, oo ah Wakiilka

UNICEF Soomaaliya, uu ugu yeerey

bulshada caalamka in ay bixiso ballanqaad

adag oo faahfaahsan oo

wax looga qabanayo baahida ka jirta

Soomaaliya.

Ilaa bilowgii sanadka 2008da,

ayaa dadka u baahan gargaarka

bani’aadamnimada ee Soomaaliya

jooga ay kor u kaceen 77 boqolkiiba.

Marka laga soo tago iska horimaadyada

socda iyo xaaladda haqab-beelka

cuntada ee ka sii dareysa, dadka

Soomaaliyeed waxa hadda soo wajahay

culays weyn oo ay sababtey

abaarta iyo jiilaalka dabadheeraadey

ee gaar ahaan saameeyey gobollada

Bartamaha iyo kuwa Koonfureed, taas

oo hoos u dhigtey cuntada la heli karo

iyo nolol-raadsiga xoolo-dhaqatada.

“Carruurta ayaa ah kuwa ugu nugul

xaaladda hadda jirta ee uu nololraadsigu

aad u adkaadey. Sanadkan

2009ka, waxaa la rajeynayaa in in ka

badan 300,000 ay heli doonto nafaqoxumo

ba’an, kuwaas oo ay ka mid

ahaan doonaan 96,000 oo ay haleesho

nafaqo-xumo aad u ba’an. Dadaallada

joogtada ah ee aan adeegyada

ka hortagga iyo daaweynta ku siineyno

carruurta nugul ayaa ah kuwo aad

muhiim u ah,” ayuu yiri Balslev-Olesen.

EEG BOGGA 3AAD

ARBACA 22 APRIL 2009 ILAYS NEWSPAPER WARARKA

Duqii Degmada Qardho Oo

Dib Ugu Laabtay Shaqadiisii

Qardho, 20, April, 2009

Duqii Degmada Qardho ee gobolka

Karkaar Cismaan Buux Cali ayaa

shaqadisii dib loogu celiyay ka dib

markii xilkaas uu iska Casilay 12

April, 2009.

Wasiirka Arrimaha Gudaha C/laahi

Jaamac Ilkajiir iyo Wasiirka Amniga

puntland c/laahi Siciid Samatar oo

Maalintii Isniinta isugu yeeray Golaha

Degaanka Degmada Qardho iyo Masuuliyiinta

kale ee Gobolka Karkaar

ayaa ka codsaday Cismaan Buux in

dib ugu soo laabto shaqadiisa, Cismaan

Buuxna waa ka aqblay.

Duqa Degmada Qardho Cismaan

buux oo xilligii uu xilka hayn lahaa

ay ka harsan tahay 8 billood ayaa

la sheegayaa in uu la shaqayn kari

waayay guddoomiyaha Gobolka

Karkaar Yaasiin Siciid Xuseen iyo

xubno kale oo maamulka gobolka

karkaar ka tirsan, sida uu noo sheegay

Xubin ka tirsan gollaha Degaanka

degmada Qardho.

Dhanka kale Wasiiradda arrimaha

gudaha iyo Amniga ayaa is hortaagay

bililiqaysi la doonayay in lagu qaato

Hantidii Dowladii Hore ee somalia oo

ka mid tahay Xaruntii Hannuunita iyo

Wadooyin suuqa Degmada Qardho.

Ciidamada Amaanka ee Qardho

ayaa burburiyay dhismayaal laga

samaystay Suuqa,Wasiirka ammaanka

puntland Md, Samatar ayaa

u sheegay dadka gobolka karkaar, in

dhamaan Hantidii dowladii horre ay

xuquuqda lahaanshaha ay ku soo

wareegtay dowlada puntland, cidina

aysan qaadan karin.

Masuuliyiinta Wasaaradaha Gudaha

iyo amnigu waxay kaloo la kulmeen

dadweynaha gobolka Karkaar, Cuqaasha

iyo Waxgaradka degaankaas.

Wasiirada Ilkajiir iyo Samatar oo had

iyo goorba si wada jir ah u qabta

howlahooda ayaa dhowaan waxay

soo burburiyeen dhismayaashii iyo

Barkadihii laga sameeyay Degaanka

igidhays, oo beelo walaalo ah oo

gobolka wada degani ku dagaalameen

Nuxurka Kulan dhex maray Ra’iisal-Wasaaraha

Soomaaliya iyo Dawladda Itoobiya

Addis-Ababa (EN/OGAAL)- Dawladda

Ethiopia ayaa ku sifaysay Dawladda

Shariif Sh. Axmed mid lala jaanqaadi

karayo, isla markaana waxay

Bulshada Caalamka ugu baaqday

in laga taageero la-dagaallanka

Budhcad-Badeedka. Waxaanay

sheegtay in aanay ka noqonayn

go’aankoodii ahaa in ay taageeraan

Dawladda Shariif Sh. Axmed.

Sida ay baahisay Wakaaladda

Wararka Ethiopia ee ENA, Wasiirka

Arrimaha Dibedda ee Ethiopia Seyoum

Mesfin ayaa sheegay in Dawladda

Ethiopia ay taageeri doonto,

ayna ka go’an tahay in ay is-garab taagaan

Dawladda Shariif Sh. Axmed.

Waxaanu sidaa ka sheegay kulan uu

la yeeshay Wefti uu hoggaaminayo

Ra’iisal-Wasaaraha Somalia Cumar

Cabdirashiid Cali oo booqasho ku

tegay Magaalada Addis-Ababa.

Wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia

waxa uu sheegay in la gaaray

waqtigii Dadweynaha Somalia ay

iskood isku maamuli lahaayeen,

isla markaana Beesha Caalamku

taageero dheeraad ah u siin lahayd.

“Beesha Caalamka waxaa looga

baahan yahay inay sameyso taageero

dheeraad ah ay u fidayso dawlada

KMG ah ee Somaliya, iyadoo

lagu taageerayo in iyada lala kaashado

la-dagaalanka kooxaha Burcad-badeeda”

ayuu yidhi Wasiirka

arrimaha dibadda Itoobiya.

Mr. Seyoum Mesfin waxa uu sheegay

in Shirka Urur-Gobolleedka

IGAD ay kaga hadli doonaan Dalalka

xubnaha ka ah Ururkaasi habkii kor

loogu qaadi lahaa taageerada Beesha

Caalamka ee ku wajahan Dawladda

Shariif Sh. Axmed. “Dawladda

uu Madaxweynaha ka yahay Madaxweyne

Sheekh Shariif waxay leedahay

ujeeddooyin cad oo ku saabsan

dib u heshiisiin guud” ayuu yiri Siyum

Musfin.

Maaha markii ugu horraysay ee Dawladda

Itoobiya ka hadasho Siyaasadda

Dawladda Shariif Sh. Axmed,

hase ahaatee, Ra’iisal-Wasaaraha

dalkaas ayaa hore u sheegay in ay

ku qanacsan yihiin dawladda Shariif

Sh. Axmed.

Dhanka Kale Idaacada VOA oo Waraysi

la yeelatay Wasiirka Isgaarsiinta

Ethiopia Bereket Simon, ayaa

waydiisay sida dowlada Ethiopia u

aragto Go’aanka Barlamaanka somaliyeed

ku gaaray in somalia lagu

dhaqo Shareecada Islaamka. waxaana

uu sheegay wasiirku, inaysan

waxba ka qabin in Soomaaliya

lagu dhaqo Shareecada Islaamka

sida uu Baaralaamnku ansixiyay.

go’aankaasina uu yahay mid Soomalaidu

ay dooratay.

Wasiirka ayaa sheegay in Itoobiya ay

aqbalayso doorashada ay Soomalidu

sameeyeen. Haaruun Macruuf oo

waraysigaasi qaaday ayuu uga warramay

mowqifka dawladda Itoobiya,

waxaana uu tilmaamay in ay tahay arrintani

mid khusaysa waddan madax

bannaan isaga oo tilmaamay in Barlamaanka

Soomaaliya ay awood

sharci u leeyihiin in ay go’aankaasi

meel mariyaan.

Mar wax laga waydiiyay Bereket Simon

in go’aankani uu wax ka beddeli

karo mowqifkooda ku aaddan

dawladda Soomaaliya ayaa waxaa

uu tilmaamay in haba yaraatee aanu

waxba ka bedeli doonin .

Isagoo ka hadlayey in hadda ka hor

ay dawladda Itoobiya walaac ka muujisay

dawlad Islaami ah oo ka soo

baxda Soomaaliya waxa uu yiri:

“Haddaka hor waxaynu ka walaacsanayn

xooggaga xagjirka ah ee ku

baaqay inay jihaadka ku qaadayaan

Itoobiya, wacadna ku maray inay

mowqifkooda xagjirka ah ku ballaarinayaan

dhammaan Afraika oo

ay Itoobiyana ku jirto; walaaca ugu

weyn xilligaasi kaas ayuu ahaa.

Haddii dadka Soomaalida ah ama

hay’adahooga dawliga ah sida baarlamanaka

ay ku towfiiqsadaan in

waddanka lagu maamulo shareecada

iyaga ayey u taallaa, dadka

Soomaalida ah ayey u tallaa. umana

malaynayo inay taasi saamayn doonto

xiriirkeena”

Mar wax laga waydiiyay Booqashada

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya uu ku

joogo Addis Abeba iyo sida uu u arko

dawladda cusub iyo talaabooyinka

ay ilaa imika qaadeen ayaa waxaa

Bereket Simone uu sheegay in Ilaa

hadda, inkastoo ay hortaagan yihiin

hawlo waaweyn oo aad u culus,

hawlahaasi dawlad cusub marka aad

tahayna aad u adag, ay haddana isku

dayayeen inay dawladdu noqoto mid

furan oo kuwa qunyar socodka ah ka

soocda kuwa xagjirka ah; waxa uu

sheegay in ay tuseen inay ka go’an

tahay inay la dagaalamaan fikradaha

xagjirka ah, isaga tilmaamay in ay

taasi tahay calaamad wanaagsan

oo dawlad cusub oo ka soo baxaysa

xaalad qalalaase ah ay qaban karto

si ay u miijiso inay jidka saxda ah ku

taagan tahay.

2

Gollaha Wakiilada P/land

Oo Kullan ku Yeelanaya

Xarunta DGPL Garowe

Gollaha Wakiilada ee DGPL ayaa

Maanta oo Arbaca oo bishu tahay

22,April 2009, kullan ku yeelanaya

Xarunta Barlamaanka puntland ee

Garowe.

Kullankan aan Caadiga ahayn, Arrimaha

miiska yaala waxaa ka mid

ah:-

1- Xasaanad-siinta Xukuumada

Puntland, maadaama uu ka dhacay

waqtigii horay loo siiyey oo ku ekaa

18-kii Bishan.

2- Ansixinta iyo ka doodida Dastuurka

cusub ee Puntland, oo marar

badan muran ka dhex dhaliyey baarlamaankii

hore iyo Xukuumadii hore

ee Gen. Cadde Muuse.

3- Miisaaniyada sannadka 2009, oo

ah midii ugu horeysay oo ay Xukuumada

C/rixmaan Maxamed Faroole

usoo gudbiso golaha wakiilada ee

Puntland, Madaama Miisaaniyadii

2009 oo maamulkii midkan ka

horreeyay uu san soo gudbin, barlamaankii

horrena uusan ansixin.

Madaxweynaha Iiran Oo Ka

Caraysiiyay Wadamo Badan

Daraasiin wufuud ah ayaa ka

dareeray shirkii ka dhacay Geneva

ee looga hadlayay Faquuqa iyo

Midab kala sooca Caalamka,ka dib

markii Madaxweynaha Iiran Mohamud

Axmedenijad uu ku tilmaanay xukuumad

Israil Mid ku dhisan Faquuq

iyo Midab-takoor

Ahmedinajad waxaa uu sheegay Wufuuda,

ka dib Dagaalkii Labaad ee

Adduunka, Maraykanka iyo wadamo

kale ay abuureen dhulka reer Falastiin

Dowlad Cadaadis iyo Isirnacayb

ku dhisan.

Madaxweynuhu waxaa uu waydiiyay

wufuuda, waxyaalihii asaaska u

ahaa faragelintii Maraykanku ku sameeyay

Iraq iyo Afghansitan, waxaana

uu sheegay in dagaaladaasi

ay soo qorsheeyeen waxa uu ugu

yeeray Sahnuuniyada Caalamiga ee

Yuhuuda.

ARBACA 22 APRIL 2009 ILAYS NEWSPAPER WARARKA 3

KA YIMID BOGGA 1AAD

UNICEF waxa ay codsaneysaa maaliyad degdeg ah oo lagu

maalgeliyo barnaamijyaada xaaladaha degdegga ah ee lagu

gargaarayo carruurta iyo haweenka Soomaaliyeed

Sida ay qabto Waaxda Lafagurka

Haqab-beelka Cuntada iyo Quudinta

ee Soomaaliya (FSNAU), heerarka

nafaqo-xumada guud oo durba

si weyn uga sarreeysa heerka ugu

hooseeya ee la filan karo marka ay

jiraan xaaladaha degdegga ah ayaa

hadda ka sarreeya 18.6 boqolkiiba.

Bartamaha Soomaaliya, heerarka

nafaqo-xumada ayaa aad u halis ah

oo ka sarreeya 20 boqolkiiba, halka

Boosaaso oo Waqooyiga-bari ee

Soomaaliya ku taalla – ay nafaqoxumada

ay halis tahay ayna ka sarreyso

27 boqolkiiba dadka gudaha

ku barokacay. Gobollada koonfureed

ayaa sidoo kale ay haleeshey biyo

yaraan ba’an oo saameysey haqabbeelka

cuntada ee dadka xoolodhaqatada

ah.

Biyo yaraan iyo maqnaanshaha adeegyada

biyaha iyo fayadhowrka

ayaa keentey in uu shuban-biyood

ba’an uu ka dillaaco dhowr meelood

iyada oo xaalado dhimasho lagu soo

warramey. Cudurada biyaha la xiriira

waxa ay si gaar ah ugu badan yihiin

carruurta ka yar shan jirka.

“Saboolnimo ba’an, maamul la’aan

iyo nabad-gelyo xumada ka jirta

Soomaaliya ayaa keeney dhibaatooyin

culus oo sidoo kale saameynaya

dalal kale sida barokaca dadka iyo

burcad badeedda baahdey. In kasta

oo ay muhiim tahay in ay bulshada

caalamku wax ka qabato nabadgelyo

xumada biyaha Soomaaliya,

waxaa sidoo kale iyana muhiim ah in

dhulkana la geliyo maaliyad badan

oo aan ku wajahneyn oo keliya adeegyada

nafaha lagu badbaadinayo

ee sidoo kale ku wajahan barnaamijyada

muddada fog ee soo kabashada

iyo horumarka.” Ayuu yiri Balslev-

Olesen.

Kartida UNICEF ay u leedahay fulinta

iyo kor u qaadista barnaamijyada

ku aaddan carruurta iyo haweenka

Soomaaliyeed waxa aad hoos ugu

dhigey maaliyad la’aan ba’an oo jirta

2009ka, iyada oo keliya 15 boqolkiiba

qaybtii ay ku lahayd codsiyada isku

jira ee bani’aadamnimada oo gaareysey

$80 milyan la heley ilaa bartamaha

bisha Abriil. Balslev-Olesen waxa

uu xusay: “Qaaraanka deeq-bixiyeyaasha

ee 2009ka ee ilaa hadda

la heley lama jaanqaadayo baahida

bani’aadamnimada ee inooga baahan

in aan kor u qaadno waxqabadyadeenna.

Ilaa hadda waxa aan lacag

ka hormarsaneyney hay’adda si aan

u sii wadno barnaamijyadeenna ilaa

bisha Juunyo, haseyeeshee

helitaanka maaliyadda oo sii daaha

ayaa aad u yareyneysa kartida aan

ku bixinno gargaarka oo aan ku gaarno

goobo kale oo u gargaar degdeg

ah u baahan”

In kasta oo ay xaaladuhu culus yihiin

oo meelaha qaarna si yar loo gaari

karo, haddana UNICEF iyo la-hawlgalayaasheeda

ayaa ku guuleystey

in ay dalka ku bixiyaan barnaamijyo

waaweyn iyo kuwo ballaaran. Ololaha

Maalmaha Caafimaadka Carruurta

ayaa hadda laga fulinayaa

Soomaaliya oo dhan, kaas oo lagu

doonayo in 90 boqolkiiba dhammaan

carruurta ka yar shan jirka iyo 60

boqolkiiba dhammaan haweenka ku

jira da’dii dhalmada lala gaaro xirmo

waxqabadyo caafimaad oo nolol lagu

badbaadinayo kuwaas oo saameyn

sare leh.

Intaa waxaa wehelisa, in ay jiraan qiyaastii

130,000 carruur aad u nugul

ah oo da’doodu u dhaxayso

lix ilaa 36 bilood oo soonanka Soomaaliya

oo dhan kaga faa’iideysanaya

qaybinta cuntada u diyaarsan in la

isticmaalo ee Plumpy’doz, si looga

hortago nafaqo-xumo ba’an oo soo

gaarta dadka nugul. UNICEF – oo

kaashaneysa la-hawlgalayaasheeda

ayaa sii wadda in la helo adeegyo

caafimaad iyo kuwo nafaqeyn, biyo

ammaan ah iyo fayadhowr, waxbarashada

aasaasiga ah iyo tan dadban

oo tayo leh, ilaalinta carruurta nugul,

iyo sidoo kale abuurista fursado ay

dhallinta kaga qayb qaataan dadaallada

lagu soo nooleynayo bulshada.

“Waxa aan codsi degdeg ah u direynaa

deeq-bixiyeyaasheena in

ay taageeraan waxqabadyadan

degdegga ah, gaar ahaan abaarta

dabadheeraatey ee ka jirta Bartamaha

iyo Koonfurta Soomaaliya si

loo yareeyo saameynta xun ee ay ku

reebi karto haweenka iyo carruurta”

ayuu raaciyey Balslev-Olesen.

Xaaladda UNICEF

UNICEF waxa ay ka shaqeysaa in

ka badan 150 dal iyo dhul si ay ugu

caawiso in ay carruurtu badbaadaan

oo ay baraaraan, laga soo bilaabo

yaraantooda ilaa qaangaarkooda.

Waa hay’adda tallaalka ugu badan

siisa dalalka soo koraya, UNICEF

waxa ay taageertaa caafimaadka

iyo nafaqeynta carruurta, biyo iyo

fayadhowr wanaagsan, waxbarasho

aasaasi ah oo tayo leh oo ay helaan

dhammaan wiilasha iyo gabdhaha,

iyo ka ilaalinta carruurta laga ilaaliyo

rabshadda, dhiig-miirashada, iyo

AIDS. UNICEF waxaa ay maaliyaddeeda

oo dhan ka heshaa qaaraan

ikhtiyaari ah oo ay shakhsiyaad, ganacsiyo,

mu’asassooyin iyo dowlado

bixiyaan.

OUR SERVICE

INTERNET

GSM

OUR SERVICE

SMS MASSAGE

E-ADEEG

GOLIS LANDLINE FEATURES

Sidee E-mail looga dirsan karaa Mobile-kaaga

Gacanta

Fadlan tag tax-massege dabaeed geli 111, dabadeed message-ka

ku qor halka loogu talagalay ee message-ka lagu qoro adigoo ka hor

marinaya cinwaanka aad rabto in aad u dirto tusaale qurux@hotmail.com

geele@gmail.com

dabadeed dir fariinta.

NB: dal iyo Dibadba waa isku mid

XARUNTA SHIRKADA ISGAARSIINTA EE GOLIS BOSASO

(ISGAARSIINI WAA GOLIS

CALLCONFERENCE

Sidee loo isticmaalaa three party call And Mobile Conference

Fadlan garaac Number-ka aad rabo marka uu kaaqabto Hold-geli hadan

midkale garaac isaguna markuu kaaqabto hold-geli hadana midkale

garaac kadib taabo callcomference

hadaad rabto in aad isticmaasho Landline three party call garaac numberkaad

rabto kadib taabo carabka hadana garaac number kala hadana

taabo carabka hadana taabo nubberka sadex saas waxaad ku helaysaa

dhamaan dadkaad rabtay

ARBACA 22 APRIL 2009 ILAYS NEWSPAPER RA’YIGA 4

Maxaad Kala Socotaa in Badda Soomaaliya ay Qarka

u Saaran tahay in Lala Wareego Bisha May 13, 2009

CILMI-BAARIS | SOMALITALK.COM | February-April, 2009

Qaybta Saddexaad

Dawladdii Soomaaliya oo ka hadleysey

qeexidda Aagga Ganacsiga

ee loo yaqaan EEZ iyo sida ay u

aragto waxay tiri “Habka ugu macquulsan

ee ay tahay in lagu magacaabo

aagga badda ee qaranka

waa in la yiraahdo badda ka tirsan

dhulka dalkaas, halkii laga oran lahaa

Badda Ganacsiga ee Gaarka

u ah dalkaas. Dalalka soo koraya

dantooda waxaa loo adeegi karaa

marka badda dalalkaas ay ahaato

fogaan ku xadaysan 200 nmi. Waa

in aysan fikir ahaan noqon Badda

Gaarka ah ee Ganacsiga, balse hab

firkir ahaan waa in ay noqoto bad ka

tirsan dhulka dalalkaas”.

Dawladdii Soomaaliya waxay si

QEEXAN u sheegatay in ay mulki

ahaan u leedahay badda laga bilaabo

xeebta ilaa 370km oo toos ugu

beegan xeebta. Waxayna sheegtay

in baddaas ay mari karaan oo keliya

maraakiibta dalalka ay aqoonsan

tahay Jamhuuriyadda Dimoqraadiga

Soomaaliya. Waxaana khasab

ku ahayd maraakiibta shisheeye in

ay marka hore ogolaansho ka helaan

Soomaaliya ka hor inta aysan

halkaas marin.

Bedka badda Soomaaliya ay xilligaas

sheegatay waxaa lagu qiyaasay

782,800 sq. km

Laakiin marka la isticmaalo Computer

dhul-badeedka Soomaaliya waa

825,052 km²

Xeer Lambar #37/1972 - Xeerka Badaha

Dhulka Soomaalida.

Dawladdii Soomaaliya si ay xaqiijiso

ilaalinta xadka baddeeda, waxay

soo saartay Sharci Lambarkiisu

ahaa Xeerka 37aad oo ka soo baxay

Mogadishu, 10kii September 1972:

Sharcigaas oo loo yaqaan Xeerka

Badaha iyo Dekedaha Soomaalida

waxaa ka mid ahaa qodobadan:

•Qodobka 1aad: Badda dhulka

Soomaalida (Somali Territorial Sea)

waxaa soo hoos gelaya qayb badda

ah oo gaareysa 200 nautical miles

oo ka mid ah xeebta Qalfoofka Qaaradda.

Badda dhulka Soomaalida

waxay hoos imanaysaa Jamhuuriyadda

Dimoqraadiga Soomaliya ee

xorta ah. Dembiyada lagu galo xadka

badda dhulka Soomaaliya oo ay

galaan kuwa saaran maraakiibta ee

la xiriirta caafimaadka iyo ammaanka

shacabka waxaa lagu qaadayaa

sharciga Soomaaliya.

•Qodobka 2aad: Meesha cabbirka

laga bilaabayo waa meesha ugu hoosaysa

xeebaha Soomaaliya (xigmad

weyn ayaa halkaas ku jirta).

• Qodobka 6aad: Kalluumaysiga

Badda Dhulka Soomaalida

iyo u kala gooshinta xamuulka iyo

dadka ee dekedaha Soomaaliya

waxay khaas u tahay maraakiibta

sita Calanka Soomaalida iyo markiibta

u haysta fasax/sharci. Haddii taas

lagu xad gudbo marka hore waxaa

markabka la ganaaxayaa 5,000 ilaa

10,000 Sh.So. (oo xilligaas u dhigantey

$700 ilaa $1,500 - waa xilligii Shillinka

Soomaaligu qiimaha lahaa oo

ahaa US$1 = 7Sh.So.). Haddii xad

gudubku soo noqdo mar labaad waxaa

markaas ganaaxa laga dhigayaa

laba-laab, waxaana kabtanka markabka

lagu qaadayaa sharciga xeer

dembiyeedka Soomaaliya, waxaana

lala wareegi karaa markabka.

• Qodobka 9aad: Jamhuuriyadda

Dimoqraadiga Soomaaliya dalalka

aysan aqoonsanayn maraakiibtooda

looma ogola in ay maraan Biyaha

Soomaaliya. Ciddii ku xad gudubta

arrintaas, Soomaaliya waxay ka qaadeysaa

tallaabadii ku haboon.

• Qodobka 10aad: Maraakiibta dagaalku

ma soo mari karaan badda

ku xeeran dhulka Soomaalida haddii

aysan ogolaansho ka haysan Dawladda

Soomaaliyeed.

Maadaama ilaalinta iyo beekhaaminta

kalluunku uu muhiimad weyn

u lahaa Soomaalida, waxaa dawladdii

Soomaaliya soo saartay Xeerka

Kalluumaysiga oo lambarkiisu ahaa

N° 23 ee soo baxay 30kii November

1985, xeerkaas oo qeexayay

maraakiibta iyo shakhsiyaadka la siiyo

shatiga ee ka kalluumaysanaya

baadda Soomaaliya in ay dhawraan

xeerkaas, islamarkaasna ay soo

sheegaan inta ay leegtahay kalluunka

ay badda kala soo baxeeen

iyo nidaamka ay adeegsadeen. Ciddii

xeerkaas ku xadgudubtana ay la

kulmayso ganaax adag ama xabsi.

Waxaa xeerkaas ku cad in:

• Ganaax gaaraya ilaa So.Sh.

10,000 laga qaadayo doonta aan matoorka

lahayn ee xeerkaas ku xadgudubta.

• Ganaax dhan So.Sh. 15,000

ilaa So.Sh. 4,000,000 laga qaadayo

doonyaha uu saaran yahay matoorka

baaxadiisu dhaxayso 6 HP (Horse-

Power) ilaa 101 HP

•Xabsi 3 ilaa 10 sano ah ama ganaax

So.Sh. 5,000,000 ilaa So.Sh.

50,000,000, ama in la isugu daro

xabsi iyo ganaax, qofkii kalluumaaysiga

u adeegsa waxyaabaha qarxa,

ama adeegsada aalad mamnuuc

ah, ama kalluumaysa xilliga xirmada

ee aan lal ogolayn in kalluunka

la dabto, ama soo jillaabtay kalluun

mamnuuc ay tahay in la soo qabto.

(FG: Xilligaas 1985 qiimaha isku bedelka

lacagtu wuxuu ahaa US$1 =

36 So.Sh. Sidaas daraadeed 50 million

So.Sh waxay u dhigaantey 1.4

million doolar.)

Xeerkaas kaddib waxaa su’aalo ka

soo laaban kareen sidee lagu xaqiijinayaa

in maraakiibta shisheeye

ee shatiga la siiyay ay runta ka

sheegaan cadadka kalluunka ay la

soo baxaan. Taas waxaa xal u noqotay:

Wareegto ay Soomaaliya soo

saartay 24kii September 1986 ayaa

si qeexan u sheegtay maraakiibta

shisheeye ee la siiyo shatiga kalluumaysiga

badda Soomaaliya ay

shardi tahay in shaqaalaha boqolkiiba

30% ka dhigaan Soomaali.

Xeerka Badaha iyo Dekedaha

Soomaaliya (xeer #37/1972) waxay

dawladdii Soomaaliyeed ka diiwaan

gelisay dukumiintida Qarammada

Midoobey - DOALOS/OLA.[6]

Meelo badan oo ka mid ah dukumiintiga

iyo qoraallada Qarammada

Midoobey waxaa ku qoran in badda

ay leedahay Soomaaliya (TS) ay

tahay 200nmi, halka dalalka kale

badankood badaha ay leeyihiin ay

tahay 12 nmi.[7] - Xusuusnow dalalka

kale cabbirka 200nmi waxay u

tahay aagga ganacsiga (EEZ).

Dhaqan Galkii Xeerkii Hore ee Badaha

Adduunka

Xeerka Qarammada Midoobey

ee Badaha Adduunka (UNCLOS),

Qodobkiisa 308aad waxa uu dhigayaa

in Heshiiskii la saxiixay 10kii

December 1982 uu dhaqan gelayo

12 bilood kaddib marka ay dhaqan

geliyaan lixdan (60) dal.

Dalalka dhaqan gelinaya waxaa

marka hore laga doonayay in ay

sharciga dalkooda waafajiyaan xeerka

UNCLOS III, kaddibna ay Xafiiska

Xoghayaha Guud ee Qarammada

Midoobey keenaan khariidadda

iyo xogta muujineysa xadka badda

dalkaasi sheeganayo, markaas

kaddibna in dalkaasi si rasmi ah u

dhaqan geliyo xeerkaas.

Xeerkaas Badaha dhaqan gelinta

waxaa loo furay 10kii December

1982. Maalintaas waxaa xeerka

dhaqan geliyey dalka Fiji. Soomaaliya

waxay noqotay dalkii 40aad ee

dhaqan gelinya (1989). Dalkii 60aad

waxaa noqday Guyana oo dhaqan

gelisey 18kii November 1993. Waxaana

xeerka UNCLOS uu markaas si

rasmi ah u dhaqan galay November

1994. Tirada dalalka dhaqan geliyey

heshiishaas (February 2009) waxa

ay tiradoodu gaareysey 157 dal.

ARBACA 22 APRIL 2009 ILAYS NEWSPAPER SHEEKOOYIN 5

Tiirka Sedexaad ee Dawladnimada:

Qaanuunka dalka

W/Q/ Cabduraxman M. Cabdullahi (baadiyow)

Xeer, qaanuun iyo sharci waxey

dhammaan tilmaamayaan nidaam

lagu xeeriyo xiriirka qofka,

qoyska, bulshda iyo dawladda. Nidamkaas

wuxuu noqon karaa mid ku

saleysan Shareecada Ilaahey ama

mid dadku ay ka qaateen waayoaragnimada

aadamiga. Ummadaha

Muslimka ah waxaa laga rabaa in

xeerarkooda, qawaaniintooda iyo

sharciyadooda aysan ka hor-imaanin

nuxurka mabaadi’da Islaamka. Taas

minaheedu ma aha inaan loo ogoleyn

ka faa’deysiga waayo-aragnimada

dawladnimo ee ummadaha kale.

Haseyeeshee, dawladaha la soo

gumeystay sida Somaaliya, qawaanintooda

waxaa sameeyay gumeysiga

oo ka tixraacay qawaaniintooda.

Gaar ahaan, dalalka Muslimka ah

waxaa soo gumeystay dawlado aan

ku diin aheen, kuna dhaqan aheen,

kuwaas oo keenay waxyaabo badan

oo khilaafsan diinta iyo dhaqanka.

Waxaa dalakaas lagu talaalay fikirka

“cilmaaniyadda” (secularism) oo ay

sal u tahay in Islaamka laga fogeeyo

xukunka, diinta iyo dawladdana la

kala saaro.

Sidaas darteed, madaxdii xukunka

Somaaliya soo qabatay bilawgii gobanimada

waxaa ka horyimiday mushkilad

ah qawaaniintii ay ka dhaxleen

gumeysiga iyo shabcabkooda oo

aan qawaaniintaas ictiraafsaneyn oo

uhaysta iney tahay qawaaniin gaallo.

Qawaaniinta dawladu ma aha xeerkii

dhaqanka u ahaa beelaha oo odayaashu

xeerintiisa yaqaaniin, mana

aha shareecada Islaamka oo culimada

wax laga weydiiyo. Intaas wixii

kasoo hara dadweynahu ma ictirafsana,

qiima xeerna uma laha. Sidaas

darteed, hadii la jebiyo qawaaniinta

dawladda, dadku uma arkaan iney

tahay dambi Ilaahey agtiisa, mana

aha wax bulshadu isku ceebiso. Hadaba

in qawaaniintaas la jebiyo miyaa

loo daahaya?

Haddiise qawaaniinta la jebiyo miyaa

bulshadu nabad iyo nolol heleysaa?

Sidey Somaaliya dawlad ku

noqoneysaa haddii aan qaanuun loo

hogaansameyn? Sidey lagu sameen

karaa qaanuun dadku intiisa badan

rumeysanyihiin oo haddii la khilaafo

aakhiro la isku haysto aduunyadana

la isku ceebiyo? Haddii aan isku raacno

sida ayaamahaan socota in Shareeda

Islaamka la isku xukumo, side

loo dhaqan gelinayaa? Yaa sheegaya

waxyaabaha shareecada khilaafsan

iyo waxyaabaha waafaqsan ee qawaaniinta

dalka ku jira? Su’aalahaas

iyo kuwa kale oo badan ayaa jawaab

sugaya, laakiin maqaalkaan looguma

tallagelin inaan uga jawaabno. Waxaan

ka rabnaa oo kaliya inaan isku

baraarujinno baaxadda arinka xaalka

ubaahan.

Qaanuunka dawladda waxaa ugu

horeeya waa dastuur. Hadaba, waa

maxay dastuur? Su’aashaan waxaan

u keenayaa, waxaan ogahay iney jiraan

Somaali uyaqanna dastuur inuu

yahay qaanuun gaalo, Muslimiinta

dastuurkooduna yahay Qur’aanka

Kariimka ah. Waxaa dadka qaar

si khaldan ufahmeen orahda dhaheysa

dastuurkeynu waa Qur’aanka

“al-Qur’aanu dastuuruna” oo micnaheedu

yahay dastuurku waa inuusan

khilaafin Qur’aanka. Qur’aanku,

dastuurka sida loo yaqaan, waa

weynyahay, waa hadalkii Ilaahey oo

lagu soo dejiyay Nabigeynna Muxammad

(saw) oo natusaaleynaya

sida Ilaahey rabo inaan ucaabudno.

Qur’aanku wuxuu tilmaan guud ka

bixinayaa sida Ilaahey ka rabo in

aadamigu ugu noolaado dhulka.

Dhanka kale, dastuur waa qaanuunka

qaanuunyada asaaska u ah oo

dawladaha iyo hay’aduhu sameystaan.

Waxaa Muslimiinta tusaale u ah

dastuurkii uu sameeyay Nabigeenna

Muxammad (saw) markii uu uhaajiray

Madiina. Halkaas waxaa ku

wada noolaa Muslimiin, Yahuud iyo

gaallo kale. Waxaan Nabigu (saw)

sameeyay heshiis lagu magacaabo

“Axdiga Madina”. Hehsiiskaas wuxuu

qeexayay sida loogu wada noolaan

lahaa magaalada Madina. Dastuurada

dawladaha casriga ah wuxuu ka

koobanyahay mabaad’i guud, wuxuu

qeexayaa casimadda, xuduudda dalka,

muqaalka calanka iyo astaanka

qaranka. Wuxuu qorayaa qaab-dhismeedka

dawladda iyo waajibaadka

qaybaheeda kala duwan. Wuxuu kala

bixniyaa awoodaha baarlamaanka,

xukuumadda, madaxweynaha iyo

maxkamadda sare. Arimahaas aan

soo sheegnay waa arimo lagu heshiiyo

oo dal kasta sida ugu haboon

u sameysto. Dastuurada qaar waa

gaabanyihiin, kuwa kalena waa

dheeryihiin. Tussale, Axdiga KMG ee

lagu sameeyay Kenya (2004) wuxuu

ka koobanyahay 71 qodob (article).

Axdigii ka horeeyay ee lagu sameeyay

tuulada Carta 2000, wuxuu

ka koobanyahay 38 qodob. Dasturkii

dawladii kacaanka wuxuu ka koobnaa

112 qodob.

Diinta Islaamku ma sheegin qaabka

xukumadu u egtahay iyo nidaamkeeda

dhismaha ee waxey sheegtay

qaabka la raacayo si xukumad loo

sameeyo iyo waajibaadkeeda. Waxaa

la rabaa in xukumadu ku timaado

wada-tashi (doorashooyin demoqradi

ah). Dad badan ayay la xuntahay

adegsiga eragga dimoqraadiyada oo

uhaysta iney tahay gaallnimo. Laakiin,

sidaas ma aha hadii loola jeedo in

la isdoorto oo kalitalisnimo la diido.

Demoqradiyada aan ka hadleynoo

waa Muslim ee cilmaani ma aha,

waxeyna diideysaa in xukunka xoog

lagu qaato. Labada aayadood oo

ka hadlaya in laga tashado arimaha

ummada Mulimka ah waxey

sheegyaan in wada-tashigu yahay

dhaqan lagu yaqaan muu’miniinta

“wa amruhum shuura baynahum”

iyo in Nabigi Moxamed (saw) oo

Ilaahey ku amray inuu dadkiisa la

tashado “ wa shaawirhum fil amri”.

Tass waxaa lagu fasiray in xukunku

marka hore wada-tashi ku yimaado,

wada-tashina lagu maamulo oo aan

marna la ogolaan kali-talis. Yaa

lala tashanayaa? Go’aanka ka soo

baxa wada-tashiga qasab miyaa

in madaxdu uhogaansanto? Haddi

madaxdu takrifal sameyso waxaa la

sameynayaa?

Su’aalahaas iyo kuwa kale oo la

nooc ah, waxaa loo daayay

dadka ku nool meelaha iyo waqiyada

kale duwan. Waxaa kale oo xukumadda

waajib ku ah iney Shareecada

ku dhaqanto oo nuxurkeedu

yahay in wixii wanaasan la is faro,

wixii xunna la iska fogeeyo (al-amru

bil macruuf wa nahyu canil munkari”.

Tafaasiisha waxyaabaha wanaagsan

iyo waxyaabaha xun waxaa qeexayaa

Shareecada Islaamka oo leh qaybo

aan isbedelin (thaabit) iyo waxyaabo

isla bedela waqtiga, goobta iyo

xaaladda (mutagayir). Laakiin xukumadaha

casriga ah, faahfaahinta

waxyaabaha fiican iyo waxyaabaha

xun oo reeban waxaa lagu qoraa qawaaniinta

kala duwan ee dalka.

La soco cadadka Xiga

Jariirada Il-Giornale ee talyaniga oo waraysatay

Safiirka Somaliya ee Geneva (Yuusuf Baribari)

“Madaafiicda loo adeegsanayo ka hor-tagga burcad-badeeda waxaa

ka wanaagsan hor-u-marka dhaqaale (micro-credit)”.

Yusuf Maxamed Ismaaciil Bari-

Bari waa Safiirka Dowladda

Soomaaliyeed u fadhiya Jimciyadda

Quruumaha ka dhexeysa ee Geneva.

Jariidada Il Giornale wuxuu uga warramayaa

aragtida Soomaaliyeed.

Su’aal: Maxeey doonayaan, maxeeysa

yihin burcad-badeeda qafaashtay

markabka talyaaniga iyo shaqaalaha

saaran?

Jawaab: “Waxba kama jiraan fikradda

laga haysto oo ah burcad-badeedii

madoobaa oo indhaha duuban-jiray

(sida aflaanta lagu arki jiray). Waxaa

loo baahan-yahay in la tix-galiyo

carada shacabka Soomaaliyeed ku

nool xeebaha taas oo ka dhalatay

kallumaysiga sharci-darrada iyo sunta

loo keenayo. Arrintaan waxaa si

dhab ah loogu macneeyn-karaa burcadnimo

mataano ah (twin piracy).

Kalluumeysatada Soomaaliyeed nolol

maalmeedkooda oo kaliya lagama

qaato hasa yeeshee marar badan

waxaa la isaga fogeeyn jiray rasaas

ooda looga qaado. Mas’uuliyadda

ugu horraysa ee burburka Dalkeena

haddii aan Soomaali nahay innaga

ayeey ina saaranta, hasa yeeshee

waa la inala wadaagaa”.

Su’aal: Ma waxaad leedahay ma jiraan

burcad-badeed?

Jawaab: “Iyadoo laga faa’iideysanayo

carada shacabka Soomaaliyeed

iyo awood la’aanta Maamullada

(institutions) maaliishyaad baa ka

faa’idaaystay marka ay garteen in ay

dhaqaale ka sameeyn-karaan”.

Su’aal: Ma la socotaa xaaladda

shaqaalha talyaaniga lagu haysto

waqooyiga Soomaaliya?

Jawaab: “Waay ladan-yihin mana

garanayo sabab wax-loogu dhimi

karo”.

Su’aal: Maxaa loo qabsaday markabka

talyaaniga?

Jawaab: “Sababtu ma ahan calanka

talyaaniga oo saaran.Waxaay

u badan-tahay in lagu raad joogay

labada markab kallumaaysiga laga

leeyahay Masar oo dhoowr jeer loo

digay ka dib marka lagu arkay iyagoo

ka kallumaysanaya meel xeebta

u dhow. Waxaa dhici karta in

markabka talyaaniga uu xilli qaldan

aagaas marayey”.

Su’aal: Shaqaalaha saaran markabka

talyaaniga waxaa lagu haystaa

Puntland oo ah gobolka federaalka

ku yaal waqooyiga Soomaaliya.

Sidee baad dooneeysaan in aad arrintaan

ku xallisaan?

Jawaab: “Dhallinyarada gacanta

ku dhigtay markabka waxaay haddiiba

u yeereen odayaasha degaanka.

Dowlad Goboleedka Puntland

waxaay ku hawlan-tahay sida ugu

saxsan oo arrintaan loo maareeynkaro.

Hasa yeeshee inkastoo marar

badan oo la soo dhaafay Dowladda

Soomaaliyeed iyo gaar ahaan DG

Puntland ay codsadeen in aan la

bixinin lacag madax-furasho, saacadaha

aynu ku jirno dhallinyarada soo

qabsatay markabka talyaaniga waxaa

loo bandhigay in ay qaataan lacag

madax-furasho. Arrinta waxaay

meel ka dhac ku tahay dadaaladda

Maamul Goboleedyada”.

Su’aal: Burcad-badeeda Soomaaliyeed

ma leeyihiin xirriro ka baxsan

Soomaaliya?

Jawaab: “Waxaa muuqata in dibedda

looga soo sheego xilliga ay maraakiibta

soo dhoofayaan iyo ay ku

soo beegaan yihin badda Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa jira mukhallisiin

dibedda ku nool oo maareeya

lacagaha madax-furashada loo bixiyo”.

ARBACA 22 APRIL 2009 ILAYS NEWSPAPER TAARIIKHDA 6

Koboca Islaamiyiinta Somaliya

Shirkii Jabuutii Ee HogGaankii Al-Ittixaad 1991-kii.

Cutubka Labaad

W.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.

Qormadda 16aad

11- Sheik Cabdirahman Sheik

Abukar 12- Sheik Axmed Faarax

Maxamed 13Sheik Cali Sheegow

14- Sheik Axmed Cali Cisman. Kulankoodi

ugu horeeyey ee Muqdisha

ayaa waxaa ka soo baxay in

la abuuro kooxo hubaysan oo suga

amaanka goobaha muhiimka ah ee

Majmaca. Ciidankaas ayaa loogu

wanqalay magac Horseed. Waxayna

ahaayeen kuwa ilaalo ka hayaa

Maxkamada Islaami ah oo waqtigaas

la furay ,balse aan si weyn u

dhaqan gelin.

Gen.MFCaydiid oo waqtigaas u

muuqanayey dagaal oogaha ugu

awooda badnaa Muqdisho, ayaa jirtaankii

ururka Majmaca Cullimadda

waxaa uu u arkay khatar ku soo

kordhaysa oo ka imaanaysa Urur

diini ah oo la qaab noqon kara Al-Ittixaad.

Waxaa uu qalqaalo u galay

Gen.Caydiid isagoo ka duulaya dagaalkii

uu la galay Al-Ittixaad oo uu

u nisbaynayey Qabiilka Daroodka, in

iyaguna la midoobaan ciidan ahaan

iyo siyaasad ahaanba.

Arrinta la midowga Gen.MFCaydiid

ee Majmaca Cullimada waxaa ku

kala jabay ururkii, iyadoo xubno door

ahi diideen in lala midoobo Caydiid.

Ragga aadka ugu ololeeyey in Gen.

MFCaydiid lala midoobo waxaa ka

mid ahaa Xasan Cabdiraxmaan

Xayle oo isagu ka tirsanaa shakhsiyaadkii

sababta u ahaa kala jabkii

dhaqdhaqaaqii Jamaaca Islaamiya.

Waxayna u kala jabeen laba qaybood

koox la baxaday Ahlu Sunna

Wa jamaaca iyo koox ku hartay Majmaca

Cullimada, waxaana Caydiid

taageerayaal u noqday Ahlu Sunna

Wajamaaca u badnaa qabiilka uu ka

soo jeedo.

Shirkii Jabuutii Ee Hoggaankii

Al-Ittixaad 1991-kii.

Al-Ittixaad markay la hagoogteen

guuldaradii dagaalkii Araare, ayaa

xubnihii ka soo horjeeday in dagaalkaas

la galo,lagana barbar dagaalamo

maleeshiyooyinka qabiilooyinka

waxay ka dalbeen Gollaha

Shuurada Ururka in kulan la isugu

yeero xubnaha hogaanka,lagana

wada hadlo marxaladda markaas taagan.

Xilligaas suurta gal ma ahayn

in Soomaliya meel ka mid ah la isugu

iman karay.,waxayna Soomaaliya

ku dhexjirtay bilowgii dagaalka sokeeyey,

Jabuuti ayaana u muuqatay

halka kulan loo dhan yahay la isugu

imaan karo.

Dhamaan xubnihii ugu muhiimsanaa

hogaanka Al-Ittixaad intoodii badnayd

ayaa ka soo qayb galay kulankaas

aan caadiga ahayn, waxaa la garan

karay qodobada ugu muhiimsan ee

looga doodi karay inay ahaayeen

kuwa la xiriira dagaalkii ka dhacay

Araare iyo sidii hogaanka ururku

u noqon lahaa mid qaata go’aamo

loo dhan yahay.waxaa hadalkii ugu

horeeyey soo jeediyey xubnihii masuulka

aka ahaa amarkii lagu bixiyey

inay dagaal galaan xooggagii Al-Ittixaad

ee ku sugnaa Kismaayo, Xuseen

Cabdulle Codweyn, Cabdiraxmaan

Maxamed Jabriil, Dahir Aw Cabdi iyo

xubnihii la fekerka ahaa waxay ku

doodeen in dagaalkii Araare ka qaybgalkiisa

ay ku saxsanaayeen, isla

markaana uu Jihaad ahaa, maadaama

iyagu(Al-Ittixaad) gacanta ku

hayeen Kismaayo. Waxay ku adkaysteen

go’aanka ay qaateen inuu sax

ahaa, ayna mudan yihiin in Gollaha

Shuuradu ku taageeraan.

Xubnaha ku dooday in dagaalkaas

la galay khalad ahaa,isla markaana

aanu ahayn go’aan Ururka Al-Ittixaad

wada gaaray waxaa horseed u ahaa

Sheikh Cabdulaahi Diiriye Abtidoon

iyo Sheikh Cabdulqaadir Cukaash,

waxay ugu horayntii soo bandhigeen

in la jebiyey go’aankii Gollaha Shuurada

ee Sanadkii 1988-kii loogu diiday

in xubno ka tirsan Al-Ittixaad ka

barbar dagaalamaan SNM oo dagaal

xiligaas kula jirta dawladii Siyaad

Barre.

Dood dheer iyo falanqayn ka dib

waxaa gollaha Shuuradda Al-Ittaxaad

kulankoodii Jabuuti ku soo afmeereen

in la ganaaxo xubnihii dagaalka

geliyey dhalinyaradii ka tirsanayd Al-

Ittixaad, waxaana carabka lagu dhiftay

Sheikh Xasan Dahir Aweys iyo

Col.Maxamuud Ciise (Abu Muxsin)

iyo xubno kale, iyadoona laga digay

inaan la qaadin talaabo aanu ansixin

Gollaha Shuuradu.

U Guuristii Al-Ittixaad ee

Goboladda Waqooyi Bari.

Xoogagii Islaamiyiinta ayaa afar

bilood ka dib waxay ka soo guureen

Ras-kamboni Bishii Agosto1991-kii.

Iyagoo soo degey Dhoobley. Taladooda

guud ayaa ahayd Islaamiyiinta

inay dhica goboladda Bari soo

aadaan. Waxaase jiray xubno ka tirsanaa

Al-Ittixaad oo aad u danaynayey

in dagaalyahanadoodu dib ugu

laabtaan Kismaayo, waxaana ka mid

ahaa Sheikh Cabdiwaaxid Xaashi,

Shiekh Cabdulraxmaan Maxamed

Jabriil, Xasan Ashkir, Xuseen Cabdulle

Codweyn, Maxamed Rashid

Cismaan. Kolku aad u muuqday kala

duwanaansha fikirka hogaanka Al-Ittixaad

ee Jubooyinka ayaa la doorbiday

in loo yeero Sheikh Xasan Dahir

Aweys oo ku sugnaa Sacuudiga ,

kana mid ahaa xubnihii lagu ganaaxay

falkii dagaalkii Araare. Waxaa uu

yimid Nairobi isagoo u sii gudbay

Dhoobleey. Xubnaha muhiimka ahaa

ee ku weheliyey socdaalkiisa waxaa

ka mid ahaa Sheikh Cabdulqaadir

Cukaash iyo Sheikh Adem Cabdulle

Garweyne.

Sheikh Xasan Dahir Aweys waxaa

uu kala dooransiiyey dagaalyahanadii

Al-Ittixaad laba qodo midkay

doonayaan.

1– Inay dib ugu laabtaan Kismaayo.

2– Inay u safraan Goboladda Bari .

Inta badan waxay doorteen in loo

kicitimo Goboladda Bari, sidaas

ayuuna go’aamiyey Sheikh Xasan

Dahir. Xubnha aad isugu hawlayey

ayaa ka codsaday in qayb ka mid ah

xoogaga dagaalka ee Al-Ittixaad loo

daayo degaankan. Waa laga ogolaaday

waxaana loo reebay in ku dhow

200 oo dagaalyahan iyadoo madax

looga dhigay Xasan Ashkir.

Sheikh Xasan Turki oo taliye u ahaa

koox ka mid ahayd dagaalyahanada

Al-Ittixaad ayaa si toos ah uga

amar diiday hogaanka sare ee Al-Ittixaad.

Isaga iyo ciidama taabcsanaa

waxay kaga hareen Dhoobley

xoogagii u soo guuray Bari. Waxaa

kaloo taladaas ku raacay Cabdiraxman

Maxamed Jabriil oo u sheegay

Al-Ittixaad inaanay ka soo faa’iidayn

aaditaankooda Bari. Waxaa uu ku

adkaystay Sheikh Cabdiraxmaan

Jabriil in lagu negaado degaanadda

Jubooyinka. Fikirkaas waxaa la qabay

rag ka tirsanaa hogaanka guud

ee Al-Ittixaad, kuna sugnaa Koonfurta

Soomaaliya iyagoo taladda ku

negaanshaha Jubooyinka sal uga

dhigay in degaanadani yihiin degaano

ku haboon istaariijiyadda dhinaca

walba. Waxay hadalkooda ku

cadeeyeen in degaanadda loo socod

ay yihiin degaano joqoraafi ahaan

qabaa’ilku si soo jireen ah u degen

yihiin.

Dagaalkii ka dhacay Araare Aprile

1991-kii ayaa guuldaradiisii waxay

hogaamka Al-Ittixaad hordhigtay

su’aalo ay ka jawaabidood adag

tahay.

Gen, Maxamed Faarax Caydiid

Kulamo badn oo Al-Ittixaad si is daba

joog ah ugu qaadanaysay dalka

gudihiisa iyo dibadiisa . ayaa natiijidadii

go’aamadaas waxay noqdeen

is-canaansasho ururka dhexdiisa

ah. Inkastoo is khilaafkaasi ahayn

mid aad u weynaa oo burburin karay

ururka. Waxaase jirtay in xubno

badan oo ka mid ahaa gudiga fullunta

ee Al-Ittixaad ayaa si dhab ah u adkaynayey

in go’aankii qaadasha dagaalkii

Araare uu ahaa mid aan laga

wada tashan, si sharci ahna ayan

isugu raacin aan golayaasha hogaaminta

ee Al-Ittixaad. Khaladaadkaas

soo baxay ayaa ururku ugu sigtay

inuu ku kala qaybsamo.

Al-Ittixaad waxay la soo if baxeen

qaab ka wanaagsan habdhaqanka

Dagaal oogayaasha (Warlords).

Waxayse ku fashilmeen inay si

hagaagsan u odorosaan, kuna xisaabtamaan

habdhaqanka siyaasadeed

iyo degaaneed ee dhulka ay dananynayaan

inay ka taliyaan. Waxaa

kaloo lagu dhaliilaa Al-Ittixaad inay

mar walba dhayalsadaan awood

Cadowgooda ka soo horjeeda.

Siyaasad ahaan ayaa aad waxaa la

arkayey burburkii Qarankii Soomaaliya

ka dib doorka sii xoogaysanayey

Islaamiyiinta dhinaca siyaasadda,

kobocooda awoodeed iyo hanka

hogaamineed ee ay qabaan inay

Soomaaliya ku hantaan. Inksatooy

jirtay aragti feejigan oo ka imanaysay

ragga u hanqal taagayey inay gacanta

ku dhigaan awooda hogaameneed

ee Soomaaliya. Iyadoo raggaasi aalladda

ay siyaasadooda u isticmaalayeen

ahayd qabiilka oo inta badan

dadka Soomaalida ahi u nugul yihiin

habar isu wacasho markay timaado.

ARBACA 22 APRIL 2009 ILAYS NEWSPAPER 7

Maxaad Ka Taqaanaa Shantii Xubnood Ee

Guddigii Siyaasada X.H.K.Soomaaliyeed?

Taariikh nololeedkii S/Guud Max’ed Cali Samatar

Xigasho:- Xildhibanpublication.com

S

/Guud Max’ed Cali Samatar

wuxuu ku dhashay magaalada

Yoontooy oo u dhow magaalada

Kismaayo ee gobolka Jubba Hoose,

sanadku markuu ahaa 1931dii, wuxuuna

yaqaantiisii ku barbaaray nolol

miyi & magaalada u dhaxeysay oo u

badneyd magaalooyinka Yoontooy,

Goobweyn, Warkoy & Kismaayo.

Aabihiis Sh. Cali Samatar isaga

waxa uu geeriyooday isaga oo 6

bilood jira, waa madi waxaana la

dhashay gabdhood, hooyadii waxay

ku geeriyootay horraantii sanadkii

1980-maadkii magaalada Muqdisho,

halkaas oo lagu aasay.

Markii uu dalka dib ugu soo laabtay

waxaa uu madax ka noqday hoggaankii

Cilmi baarista ee ay howshiisuna

aheyd horrumarinta teknolojiyadda

ciidamada, isaga oo fulinaya

barnaamijkii la oran jiray “Spiritual

Preparation”.

21kii Oktoobar sanadkii 1969kii G/

dhexe Max’ed Cali Samatar wuxuu

ka mid ahaa saraakiishii talada dalka

kula wareegtay inqilaab aan dhiig

ku daadan oo uu hoggaaminayay

Allaha u naxariistee madaxweynihii

xukuumaddii Kacaanka aheyd S/

Gaas Max’ed Siyaad Barre..

12kii bishii July sanadkii 1970kii

waxaa loo magacaabay in uu noqdo

taliyaha ciidanka Xoogga Dalka

Soomaaliyeed, wuxuuna u dallacay

darajada S/Guuto, sanadkii xigay ee

1971dii waxaa loo magacaabay wasiirkii

wasaaradda Gaashaandhigga.

Quraanka wuxuu ku bartay dugsi ku

yaalla magaalada Yoontooy, wuxuuna

waxbarashadiisii dhammeystay

isaga oo 17 jir ah, ka dib markii

uu dhowr sanadood dhiganayay

dugsigaasi waxaa u suuragashay

in turjumbaan u noqdo beeraleydii

Talyaaniga aheyd & shaqaalihii

Soomaalida ahaa ee u shaqeynayay.

1948dii waxa uu magaalada Yoontay

kaga biiray ururkii Dhallinyada

Soomaaliyeed ee “SYL” ee gobonnimadoonka

ahaa, wuxuu kaalin firfircoon

ka galay xubnihii ugu firfircoonaa

ee dhaqdhaqaaqaas, wuxuuna

horsed ka ahaa banaanbaxyadii ka

dhacay gobolka Jubbada Hoose.

1949kii wuxuu u soo wareegay

magaalada Muqdisho, wuxuuna

bishii November sanadkii 1949kii ka

mid noqday askartii Xiisaanleey la

oran jiray wuxuuna ka mid noqday

qeybtii madaafiicda.

Intii uu ciidamada ku jiray ayuu

dhammeystay waxbarashadiisii

dugsiga hoose dhexe, wuxuuna

alifkii ugu horreeyay qaatay 1952dii.

Max’ed Cali Samatar wuxuu ka mid

ahaa askar uu si gaar ah gumeysigii

si gaar ah isha ugu heyn jiray laguna

cadaadin jiray xiriirkii uu la lahaa

dhaqdhaqaaqii gobannimodoonka

ahaa.

2dii bishii August sanadkii 1952dii

oo ku began markii uu dagaalka ka

dhacay magaalada Kismaayo cutubkii

uu ka tirsanaa waxaa loo diray

isaga & dad la sheegay in ay xulafo

la lahaayeenna waxaa loo taxaabay

xabsiga, muddadii ay rabshadaha

ka socdeen iyadoo gumeysigii cabsi

ka qabay waddaniyiintii ay garabsiinayeen.

Max’ed Cali Samatar waxaa si

gaar looga cabsi qabay sirtii &

mu’aamaradihii gumeysiga ee uu u

gudbin jiray xubnaha ururkii “SYL”.

1952dii tacliintiisii heer sare ayay

gaartay, wuxuuna ku guuleystay imtixaam

sarkaalnimo wuxuuna ka mid

noqday saraakiil loo diray dalka Talyaaniga

sanadkii 1954tii.

Doorashooyinkii dowladaha hoose

“Municipality” ee dalka ka dhacay

1954tii, Talyaaniga waa ku hungoobay

waxaana si lixaad leh ugu

guuleystay ururkii SYL, iyadoo waqtigaas

codka badankiis ay bixiyeen

askartii Soomaalida aheyd.

Isla sanadkaas Max’ed Cali Samatar

u tagay kulliyadda “Cessino Di Roma”

ee dalka Talyaaniga isla markaana uu

waxbarashadii loo diray soo dhammeystay

sanadkii 1956dii, markaas

oo uu qaatay xiddigtii ugu horreysay.

Tababarkan oo loo diray 14 sarkaal

oo uu ka mid ahaa Samatar wuxuu

noqday ninkii 1aad, wuxuuna kooxdaas

u noqday horjooge

Markii ay ka soo noqdeen, in kasta

oo uu qabay tababar mileteri, haddana

wuxuu ka mid noqday ciidamadii

boliiska, ka dib markii la baabi;iyay

ciidamadii uu ka tirsanaa, wuxuuna

tababar 6 bilood ah ka galay dugisga

sare ee boliiska ee magaalada

Muqdisho.

Tababarkaas ka dib, Samatar waxaa

lagu qoray qeybtii boliiska ee gobolka

Banaadir oo uu waqtigaas taliye ka

ahaa Allaha u naxariistee Max’ed Siyaad

Barre, xiriir soke-na yeesheen..

Sanadku markuu ahaa 1957dii

Max’ed Cali Samatar waxaa loo

badalay in uu taliye ka noqdo saldhigyadii

boliiska ee magaalooyinka

Baraawe, Golweyn, Jannaale, waxaa

sanadkii xigay ee 1958dii loo soo

badalay xafiiska maamulka boliiska

“Personal Office” ee xarunta dhexe

isaga oo 2 xiddigle ah.

Aasaaskii ciidanka xoogga dalka

Soomaaliyeed oo ku beegan

sanadkii 1960kii wuxuu ka mid noqday

xubnihii salka u dhigay aasaaskii

ciidankaas. Bishii Maajo sanadkii

1960kii oo la furay dugsiga Xalane

wuxuu isaga oo 3 xiddigle ah ka noqday

taliye ku xigeen.

1962dii wuxuu muddi 2 sanadood ah

ka shaqeynayay xafiisyada maamulka

xaruntiisa dhexe ee xoogga

dalka Soomaaliyeed, halkaas oo uu

ka shaqeynayay muddo ku dhow 2

sanadood.

Dagaalkii dhexmaray dalalka

Soomaaliya & Ethiopia sanadkii

1964tii wuxuu abaanduule ka ahaa

ciidamadii qeybta Waqooyi. Dagaalkaas

oo Samatar lagu guddoonsiiyay

bilad geesi, isaga oo ciidamadii

uu hoggaaminayay dhabar

jab & dharbaaxo weyn u geystay

ciidamada cadowga, waxaana mar

kale la guddoonsiiyay bilad maar ah

waxaana loo dalacsiiyay darajada

G/Dhexe.

Sanadkii 1965tii waxaa loo diray

tababar dhinaca ciidamada ah dalkii

la oran jiray Midowgii Sofiyeetka ee

“USSR” halkaas oo uu tababar muddo

2 sano ah ku soo qaatay Akadeemiyada

“Frunzi”.

Max’ed Cali Samatar waxaa lagu

ammaanaa dadaalka uu ka sameeyay

ciidamada dhexdooda, wuxuuna

soo saaray askar mujuro Soomaalinnimo,

aqoon xirfadeed & moral

adag oo bir ah leh, taas oo suurtagal

ka dhigtay in askartu ka qeybgalaan

horrumarinta dalka.

Sanadkii 1973dii Max’ed Cali Samatar

wuxuu u dallacay darajada

Sarreeye Gaas, sanadkii xigayna

wuxuu noqday guddoomiyihii Golihii

Sare ee Kacaanka u qaabilsanaa

dhinaca nabadgelyada.

12kii bishii July sanadkii 1976dii

wuxuu u dalacay S/Guud, wuxuuna

xubin ka noqday Golihii Dhexe ee

xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka

Soomaaliyeed ahna madaxweyne

ku xigeenkii 1aad ee Jamhuuriyadda

Dimoqraadiga Soomaaliya ahna

wasiirkii wasaaradda gaashaandhigga

ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga

Soomaaliya.

Sanadku markii uu ahaa 1977dii S/

Guud Max’ed Cali Samatar wuxuu

ahaa sarkaalkii ugu darajada sarreeyay

ee hoggaaminayay dagaalkii

ciidamada xoogga dalka ee Jamhuuriyadda

Dimoqraadiga Soomaaliya

ay dagaalka la galay ciidamadii

dowladdii uu hoggaaminayay Col.

Mingistu Heylu Maryame,

5tii bishii February sanadkii 1987dii,

21dii bishii December sanadkii

1987dii Ra’iisul wasaare,13kii bishii

April 1989kii Ra’iisul wasaare,1dii

bishii February 1990kii Ra’iisul

wasaare.

Dabayaaqadii sanadkii 1990kii

wuxuu xilka ku wareejiyay 1dii bishii

September sanadkii 1990kii ra’iisul

wasaare Max’ed Xawaadle Madar.

Wixii ka Dambeeyay 1991kii Md Samatar

waxaa uu ku noolyahay Virginia,

Dalka Maraykanka.

Shirkadda Telcom Punland oo ku soo kordhisay adeega GSM-ka (Mobile-ka) Features Casri ah

Family and Friend Package ( Dii waan gelin Numberada Ehalkaaga)

Waxaad si ka qiime jaban dirista numberada Mobilada ku isticmaali kartaa ugu yaraan 9 qof oo aad joogto ula

xiriirtid isla markaasna aad ku wici karto qiimo aad u jaban , waxa kaloo laguu ogol yahay in aad bedeli karto

Call Conversance

Waa adeeg ku sahlaya in aad hal mar la hadli karto in ka badan 10 qof

OGAANSHAHA NUMBERADII KU SOO GARAACAY (CALL NOTIFICATION)

Waa adeeg ku sahlaya in aad ogaan kartid numberadii ku soo garaacay intii mobile kaagu xirnaa ama dabku ka

dhacsanaa (missed Call Notification) si aad adeegaan u dalbatid fadlan qaraac 144

HORYAAL

PRINTING

CENTER

Balance sharing ( lacag waaag)

Waa adeeg ku sahalaya in asxaabtaadu ay kula wadaagto lacagta accounka kuugu jirta adiga u qoondeenaya

hadba inta aad doonto

additional benefit

Hadii Aad ku shubato $1 waxaad Helaysaa 0.20 cent oo dheeri ah.

Hadii Aaad ku Shubato$2 waxaad Helaysaa 0.40 cent oo dheeri ah

Hadii Aad ku shubato $5 waxaad helaysaa $1 oo dheeri ah

Hadii aad ku shubato $10 waxaad helaysaa $2 oo dheeri ah

QAABKA LACAG KU SHUBASHADA

Marka aad doonaysid inaad ku shubato mobile kaaga lacag fadlan garaac 222 dabadeed raac tilmaamahan. Ama

ku shubasho si fudud (*141*pin Num #ok)

OGAASHAHA HARAAGAAGA

Hadii aad doonayso inaad ogaato haraagaaga fadlan Riix (*142*# Ok). Sidoo kale Riix 221 dabadeed dhagayso

tilmaamaha

QAABKA XAWILASHADA call Forwarding

Marka aad doonayso in aad mobile kaaga meel kale ku xawilato fadlan Riix (*21*66xxxxxx#), sidoo kale waxaad

xawilaada kaga bixi kartaa (#21#)

Adeegga dheeraadka ah SMS, VOICE MAIL

Waxaa si fududud u diri kartaa laguuguna diri karaa fariimaha Massage dal iyo dibad

setting Number 2522660111

Marketing Department: Wixii talo iyo tusaleeyn ah nagala soo xiriir ciwanadan hoose:

Tel: + 252- 4 -500034 | Fax: + 252- 4-500001 | E-market-dep-telcom @hotmail.com

Office Stationery

Office furnitures

JOWLE ENTERPRISES

jowle2003@hotmail.com

Electronics and Satellite Digiitals

Renting Cars % For Selling

ADEEGYADA

DAABACADEED EE

HORYAAL DIYAARKA

KUULA TAHAY

‣Buugta Akhriska

‣ Buugta Iibka

& Adeegyada

Bulshada

‣ Receipt Vouchers

‣ Payment

Vouchers

‣ Invoices

‣ Cash Sales

‣ Daily Sheets

‣ Business Cards

‣ Envelops

‣Stickers

‣ Prescription

‣ Register Books

‣ Text Books

‣ I.D Cards

‣ Certifications

‣ Flyers

‣ Invitations Cards

KADALBO HORYAAL DOOKHAAGA

DAABACADEED

WAQTIGA AAD RABTO, SIDA AAD U

RABTO

& QIIME KURAALI GALIYA

Wixii faahfaahin ah kala xiriir

For more information please Contact Manager of Jowle Interprises 797111 Or 746724

Tell :- 824299/796169/726169

BOSASO SOMALIA

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!