26.07.2014 Views

Madaxweyne Faroole Iyo Khudbadii Jimcaha - Somali Talk

Madaxweyne Faroole Iyo Khudbadii Jimcaha - Somali Talk

Madaxweyne Faroole Iyo Khudbadii Jimcaha - Somali Talk

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

WARGAYSKA ILAYS TODDOBAADKAN WAXAA LAGU DIYAARIYAY GAROWE, MADBACADDA HORYAAL AYAANA DAABACDAY

Ilaysnewspaper Founder

C/shakuur Mire Aadan

Ilaysnewspaper Editor

Omar Siciid Moh’ed

ILAYSE:- isse80@hotmail.com

AXAD 12 APRIL 2009 Caddadka 21aad, Tell:-90712246/66712246 Email:-ilaysnewspaper1@gmail.com Q:-6000 Ssh

OUR SERVICE

INTERNET

GSM

OUR SERVICE

SMS MASSAGE

E-ADEEG

Wasiirkii Hore Ee A/Gudaha

DFKMS Gacma dheere

Oo Soo Gaaray Puntland.

EEG BOGGA 2AAD

Sheekh Cismaan Oo

Xoriyadiisii Helay

Madaxweyne Faroole

Iyo Khudbadii Jimcaha

“ Maraakiibta Shisheeyuhu waxbay kala baxaan ,

waxna way ku shubaan Baddeena” Madaxweyne Faroole

Bosaso,10,April,2009

Madaxweynaha

DGPL

Mudane Cabdiraxmaan

Maxamed Faroole

ayaa Salaadii Maalintii Jimacaha

ahayd waxaa uu

kala qayb galay Shacabka

Magaaladda Boosaaso isaga

oo kula Tukaday Masjidka

Dacwa.

Madaxwayne Faroole,

maxaad rabtaa in marka

ugu horreeya Puntland

ka qabto?

EEG BOGGA 7AAD

EEG BOGGA 2AAD

Badda Somalia Oo

Qarka U Saaran

In Lala Wareego

Cilmi-Baaris Ay Samaysay

Somalitalk EEG BOGGA 4AAD

Khudbadii salaada jimacaha

ka dib ayaa madaxweynuhu

waxaa uu la hadlay

dadkii Masaajidka Dacwa

ku Tukuday, waxaa uu ka

hadlay hawlaha ay xukumadiisu

wado

EEG BOGGA 2AAD

Sawirka Dhabta Ah Ee

Dawladda Sheikh Shariif.

“Cabdulaahi Yuusuf Haduu Itoobiyaan Keenay, Sheikh

Shariifna Waxa Uu Bixiyey Dhulkii Soomaaliyeed’’

EEG BOGGA 3AAD

Dagaalkii Ogaadeenya

EEG BOGGA 6AAD

12 Aprile: Maalinta

Ciidanka Xooga

dalka Somaliyeed.

EEG BOGGA 2AAD

AXAD 12 APRIL 2009 ILAYS NEWSPAPER WARARKA

12 Aprile: Maalinta

Ciidanka Xooga

dalka Somaliyeed.

Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed

waxaa la asaasay 12

Aprile 1960-kii. Ujeedada loo

asaasay ayaa ahayd inay hantaan

difaaca dalka Somaliyeed iyo weliba

soo celinta dhulka Somaliyeed ee

maqan.

Ciidanka Xooga Dalka, ugu horayntii

waxaa lagu asaasay xubno ka mid

ahaa ciidamadii Booliska iyo dhalinyaro

Somaliyeed oo markas la qoray.

Waxaana loogu yeri jiray cutubyadii

ugu horeeyey ee qorta ciidamadaas

Cali Boobaaye. Weli waxaa la xasuustaa

hannaankii hagaagsanaa

ee lagu bilaabay ciidamda Xoogga.

Waxa Taliyihii ugu horeeyey noqday

Allaha u Naxariistee Gen .Daauud

Cabdulle Xirsi.

Ciidamadas Xooga dalka somaaliyeed

ayaa iyagoo curdin ah waxay

dagaal la galeen Dawladda Itoobiye

ee guunka ahayd 1964-tii. Waa la ogyahay

wacdaraha iyo geesinimadda

ay ka muujiyeen goobaha dagalka .

sanadkii 1977-kii waxaa Somaliya

iyo Itoobiya dhexmaray dagaalkii

Ogaadeenya. Cidna daah kama saara

siday Ciidamadii Xoogga Dalka

Soomaaliyeed dhabarka uga jebiyen

Ciidamadii Itoobiya ilaa ay gaareen

Dacalada Magaaladda Harar. Gen.

Cali Ismaaciil ayaa buugga uu ka

qoray dagaalkaas waxa uu ku sheegay

siday Ciidamadii Xooga dalka

Soomaaliyeed uga guulaysteen kuwa

Itoobiya. Waxaa uu aha Gen.Cali Ismaaciil

taliyiihii ugu fogaa ee gaaray

agagaarka Harar.

Maanta 49 Sano ka dib waxaa la ogsoon

yahay halka ay Soomaaliya taalo.

Ma haysano Xooga Dalkoow….

Xooga Dalkoow…. Geyshkayagoow

Guulaysata… Guulaysta Guul …….

Shimbir Duula Yuu Kicine , Dabaabadna

Yey Socone Intaad Xero Ku Dayrtaa

Feejignaa Ku Daawadda.

Waxaan ku soo afjaraynaa qoraalka

xuska maalinta Ciidamadda Xooga

Dalka Soomalaiyeed heesta uu alifay

Cabdulqaadir Shube ee ah .

Calankayga Wacanow Cishadaad

Dhalaataad Caadal Kuugu Dhaar

Maray Inaadan Ciil Mudan. Adna Ciida

Hooyooy Ciidankaagii Waxa Uu

Yiri Caam ahaan Dalkaygow Kuwada

Ciida

Madaxweyne Faroole

Iyo Khudbadii Jimcaha

“ Maraakiibta Shisheeyuhu waxbay kala baxaan ,

waxna way ku shubaan Baddeena” Madaxweyne Faroole

Madaxweynaha DGPL Mudane

Cabdiraxmaan Maxamed Faroole

ayaa Salaadii Maalintii Jimacaha

ahayd waxaa uu kala qayb galay

Shacabka Magaaladda Boosaaso

isaga oo kula Tukaday Masjidka Dacwa.

Khudbadii salaada jimacaha ka dib

ayaa madaxweynuhu waxaa uu la

hadlay dadkii Masaajidka Dacwa

ku Tukuday, waxaa uu ka hadlay

hawlaha ay xukumadiisu wado ee

dhinacyadda badan. Isagoo Madaxweynuhu

aad ugu dheeraaday ka hadalka

Burcad badeedka .

Waxaa uu Madxaweynuhu Xusay

sida aan Dawladiisu awooda ugu

lahayn inay la dagaalanto Burcad

Badeeda faraha ba’an ku haysa

afduubka Maraakiibta Caalamka

isaga gooshaysa.kuwaas oo caadaystay

inay afduubaan Maraakiibta

Madaxweynuhu waxaa uu xusay in

Maraakiibta Caalamiga ah ee xeebaha

Soomaaliya u timid inay la

dagalaman Burcad badeedaka ay

la baxaan Kalluunka isla markaana

wax ka qaban waayeen Burcadii,

waxaa kaloo uu Madaxweynuhu tilmaamay

sida uu uga xun yahay wadamada

kaalmadda siiya Somaliya

isla markaana Maraakiibtooda lagu

afduubanayo xeebaha Somaliya.

Sheekh Cismaan Maxamuud

Shire ayaa xorriyadiisii dib u

helay ka dib markii Maxkamada

derajada kowaad ee Gobolka bari

ay sii daysay.

Sh.Cismaan oo 23 march, 2009, ay

ciidamada PIS-tu xireen, xarigaas

oo markii dambe sababay dhimashada

Saddex qof, ayaa guddoomiyaha

Maxkamada Maxamed Cabdi

Awaare waxaa uu waxba kama jiraan

ka soo qaaday eedaymihii lagu

soo oogay sheekha.waxaana uu

sheegay inaysan jirin markhaatiyaal

iyo cadaymo ku filan dambiyada loo

haysto sheekha.

Eedaymaha lagu soo oogay sheekha,

waxaa ka mid ahaa inuu tegay

Magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo,

islamarkaana uu la kulmay

Ururada Islaamiyiinta ka taliya gobolladaas,

waxaa kaloo shiikha lagu oogay

in uu dadweynaha kicinayay si

ay uga soo horjeestaan Maamulka

puntland.

Waxaa uu Madxweyne Cabdiraxmaan

Faroole ku xusay hadalkiisa

Khudbadaas Jimcaha, in Burcadda

lagula dagalami karo iskaashi ay sameeyaan

Wadamadda Calamka iyo

Maamulka Puntland. Waxaana uu

dadweynaha ka codsaday in la takooro

Burcadda, isla markaana lala

shaqeeyo ciidamadda Booliska .

Burcad badedka ayaa maalmihii

ugu dambeeyey waxay dardar geliyeen

hawlaha ay ku afduubanayeen

Maraakiibta ku gooshta Gacanka

Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.

Iyadoo dhibaatada Burcadbadedku

noqotay mid caalami ah oo indhaha

dunida ku soo jeedisay xeebaha

Soomaaliya.

Sheekh Cismaan

Oo La Sii Daayay

Sheekh cismaan oo la hadlay Saxaafada

Maxaliga ayaa u mahad

celiyay Madaxweynaha Puntland

iyo shacabka reer puntland ee taageeraya,

waxaana uu sheegay in uu

ku faraxsan yahay in dib u helay Xorriyadiisii.

Xukuumada Madaxweyne Faroole

ayaa mudadii ay jirtay waxay aad

uga shaqaynaysay sidii nidaamka

Cadaalada ee puntland loo hagaajin

lahaa, garsoorayaal aqoon lehna

maxkamadaha loo keeni lahaa

2

Wasiirkii Hore Ee A/Gudaha

DFKMS Gacma dheere

Oo Soo Gaaray Puntland.

Garowe,10,April, 2009

Wasiirkii Hore

ee Arrimaha

Gudaha DFK-

MS Maxamed

M a x a m u u d

Guuleed “Gacma

dheere’’,

marna Madaxweynihii hore ee DFK-

MS Cabdulaahi Yuusuf Axmed uu

u magacaabay Ra’iisul Wasaare ,

hase ahaatee kolkii dambe is casilay.

Ayaa iminka waxaa uu ku sugan

yahay Garoowe oo u ah Caasumad

DGPL.

Warar aan si rasmi ah loo shaacin

ayaa ka soo baxay safar la saadaalinayo

inuu Puntland ku iman doono

Madaxweynihii Hore ee SoomaaliyaCabdulaahi

Yuusuf. Waxaa soo

baxaya oo kale in safarka Madaxweynahaas

hore xanibaad ku noqotay

warqad Dawladda Yemen ka sugayso

Maamulka Puntland taas oo

ay ku ogolaanayaan raali ahaansha

Puntland ee imaantinkiisa Puntland.

Ilaa iyo waqtigan ayaan Yemeni helin

qoraal dhinaca Puntland ka soo baxay

oo gaaray dhinaca Yemen, waxayna

dadka qaarkii tilmaamayaan

dib u dhac ku iman kara Madaxweynahaas

hore inuu gaaro Puntland.

Warar kale oo la isla dhexmarayo

ayaa magaaladda Gaalkacayo ka

imanayaa oo sheegayaa in Gudoomiyihii

hore ee Gobolka Banaadir

Maxamed Cumar Xabeeb ‘Maxamed

Dheere’’ isagana laga filayo inuu soo

gaaro Galkacayo

Sida ay xaqiijinayaan xubno ku

dhowdhow Maxamed Maxamuud

Guuleed ‘’Gacma Dheere’’ oo iminka

ku sugan Garowe waxaa la socdo

xubno ka mid ahaa Barlamaanka

Federaalka iyadooy Puntland horey

u sii joogeen xubno kale .

Waxay dadka siyaasadda odorosaa

sheegayaan in Madaxweynihii

Hore Cabdulaahi Yuusuf inuu qorshaynayo

inuu isku duba rido isbahaysi

Mucaarad ah oo la mid ah

midkii lagu magacaabi jiray SRRCdii

lagu asaasay Ceelbarde waqtigii

dawladaii Carta la soo dhisay.ilaa

iyo iminka lama hubo xubnaha ka

qayb galaya isbahaysigaas oo la

filayo inuu mucaarad ku noqdo Dawladda

uu horseedka ka yahay Sheikh

Shariif Sheikh Axmed., waxaan kaloo

la hubin sida Dawladda Puntland

raali uga noqon karto isku dubarid

Isbahaysi mucaara ah oo aanay ka

warhaynin.

AXAD 12 APRIL 2009 ILAYS NEWSPAPER WARARKA 3

Sawirka Dhabta Ah Ee Dawladda Sheikh Shariif

FAALLADA WARGAYSKA

“Cabdulaahi Haduu Ethiobiyaan Keenay, Sheikh

Shariif Waxa Uu Bixiyey Dhulkii Somaliyeed’’

Waxay dadka iyo dalka Somaliya

u ahayd Habeen

Madow. Kolkuu qalinka

ku duugay Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Heshiis uu la galay Wadanka

Kenya. Waxaa uu gacantiisa ku

saxiixay qoraal aan laga fiirsan.

Isaga oo garabka ku haya Wasiirka

Arrimaha dibadda ee Kenya Moses

Wetang’ula..

Dembi ugu weyn oo la galo ayaa

ah in qayb wadan ka mid ah la siiyo

si sharci daro dal kale. Hadii

Islaamiyiintu ku xaman jireen Cabdulaahi

Yuusuf inuu Somaliya soo

geliyey qawada shisheeyey oo ethopia

horsed ka tahay. Maanta kuwii

qoriga u qaatay siday shegaa in

Cadawo Soomaaliya laga xoraynayo

ayaa gacmahooda ku saxiixay in

dhul Soomaaliyed la bixiyo.

Maxay la hortagayaan dadka

Soomaliyeed. Maxaa uu u soo dagalamay

Sheikh Cabdulqaadir Cali

Cumar oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha

ninka marka sharciyan la eego

ka masuul ka ah Dhulka Soomaaliyed.

Maxa uu Sheikh Shariif isaga

dhigi jiray Wadani Islaanimadu ku

fogtahay.

Heshiiska Labada dawladood kala

saxiixdeen waxa marag ahan u joogay

Amb. Longve Hans Wilhelm, la

taliyaha khaaska ah ee Wasaarada

Arrimaha Dibada ee Norway, iyo

weliba Ms.Rina Kristmoen oo ka socotey

Safaaradda Norway ee Nairobi.

Macnaha sow ma ahan in wax

la kala iibsanayey

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ma

qarin in Sheikh Shariif iyo Cumar

Cabdirashiid la og yihiin Saxiix heshiiskan

oo dan weyni ugu jirto dawladda

Kenya. Website-ka Somalitalk.

com ayaa mudo hore waxaa uu soo

bandhigay Khatarta ku soo fool leh

Xuduudka Badda ee u dhexeeye

Soomaliya iyo Kenya. Qoraalkaase

laguma baraarugin. Maalmo dhoweyd

ayuu ku celiyey qaylo dhaantii

hore oo kale , waxaana ku xigay

in Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka

Caalamiga ahi Saxiixay waxay Kenya

ka weyday Soomalaiya.

Halka la isku haysto ayaa ah Jasiiradaha

Lama Shaaqa oo Soomaaliya

weligeed lahayd. Markaas ayaad

is weydiin karataa maxay Kenya u

doonaysaa Jasiiradahaas?

Waa fududahay Jasiiradaha ayaa

hodon ku ah Shidaalka waxayna Kenya

doonaysaa inay Soomaaliya kala

wareegto 38,000km2 oo dhul badeed

ah. Wasiir Cabdiraxmaan Cabdi

shakuur waxaa uu si bareer ah u

sheegay innaan la xadayn xuduudka

Badda ee u dhexeeya Somaliya iyo

Kenya. Taas oo macna ahaan ka dhigaysa

dhul la isku haysto Jasiiradaha

Lama Shaaqa.

Waxaa jira dhiidhi aad u weyn oo

Somalida oo dhami ka dhiidhiday

hadalada aan qiimaha badan lahayn

ee ay Kooxda Sheikh Shariif ku difaacayaan

khaladka Taariikhiga ah ee ay ka galeen

Ummadda Somaliyeed kuwas

oo doonaya inay si kale u fasiraan

heshiiska dibindaabyada ah ee ay la

galeen Kenya.

Dawladda Kenya waxay doonaysay

inay saxiixan marag fur uga dhigato

qasdigeeda ah la wareegida Jasiiradaha

Lama Shaaqa. iydoo Qaramada

Midoobay 13 May 2009-ka ku

wargelisay wadamada aduunka inay

ku soo gudbiyaan Xuduudahooda

Baddaha.

Maanta waxaa si qumaati ah loo

arkayaa sawirka dhabta ah ee Dawladda

uu Madaxweynaha ka yahay

Sheikh Shariif Shiekh Axmed

iyadoo kooxaha iminka dawladda

hoggaamiyaa ku dhaliili jireen Cabdulaahi

Yuusuf iyo dawladiisii inay

ahaayeen daba dhilif Soomaliya u

soo horseeda in ethiopia qabsato.

Maanta Cabdulaahi Yuusuf ma ahan

Madaxweyne. Itoobiya wadanka Somaliya

Ciidamadedii waa kala baxday.

Arrintuse waa ka dar oo dibi

dhala. Kut ka guur oo qanjo u guur.

Waxaa Sheikh Shariif Xalaaleey in

Canshuurtii Soomaliya lagu qado

wadan kale iyo in dhulkii Soomaaliyeed

ee Muqadaska ahaa qayb ka

mid ah loo saxiixo Kenya.

Waa ay muuqata inaan dawladda

Kenya si fudud u qaadan dooni dhulka.

Haday Ethiopia joogi weyday

gudaha Somaliya . Kenya ma joogi

karaysaa qayb ka mid ah Badaha

Somaliya oo weliba Shidaal ku jiro

GOLIS LANDLINE FEATURES

Sidee E-mail looga dirsan karaa Mobile-kaaga Gacanta

Fadlan tag tax-massege dabaeed geli 111, dabadeed message-ka ku qor halka loogu talagalay ee message-ka lagu qoro adigoo ka hor marinaya

cinwaanka aad rabto in aad u dirto tusaale qurux@hotmail.com geele@gmail.com

dabadeed dir fariinta.

NB: dal iyo Dibadba waa isku mid

CALLCONFERENCE

Sidee loo isticmaalaa three party call And Mobile Conference

Fadlan garaac Number-ka aad rabo marka uu kaaqabto Hold-geli hadan midkale garaac isaguna markuu kaaqabto hold-geli hadana midkale garaac

kadib taabo callcomference

hadaad rabto in aad isticmaasho Landline three party call garaac numberkaad rabto kadib taabo carabka hadana garaac number kala hadana taabo

carabka hadana taabo nubberka sadex saas waxaad ku helaysaa dhamaan dadkaad rabtay

Call forwarding

Si aad line-kaaga ugu xawishaa Mobile-kaaga Gacanta fadlan raac habkan:

Active :*57*number-kaaga # Deactivete:#57#

Callback on busy

Sidee kuu soo wici karaa line aad rabtey oo mashquul kaa noqday markale

adiga:

Fadlan garaac *59# marka line-ka la dhigo ayuu adiga ku soo wacayaa :

Ogaansha waqtiga

Fadlan garaac: #*32

Callwaiting

Si aad line-kaaga ugu samayso adeegan: Fadlan garaac *58#

Sidee laysaga xiraa adeegan #58#

Wakeup time

Sidee line-ka guriga ama xafiiska kuu yaal aad ugu buuxsan kartaa

waqatiga aad rabto ee aad balanta leedahay:

Fadlan garaa *55* iyo saacada aad rabto oo ah habka 24saac usaale:

1300# sidoo kale waxaa loo tirtiraa adeegan #55#

AXAD 12 APRIL 2009 ILAYS NEWSPAPER RA’YIGA 4

Maxaad Kala Socotaa in Badda Soomaaliya ay Qarka

u Saaran tahay in Lala Wareego Bisha May 13, 2009?

CILMI-BAARIS | SOMALITALK.COM | February-April, 2009

Qaybta Labaad.

Xeerkii Hore ee Badaha Adduunka

Xeer lagu dhaqo Badaha Adduunka

in la sameeyo waxaa loo

baahday kaddib markii la arkay in

uusan shaqayn karin xeerkii badda

ee lagu dhaqmi jirey laga soo bilaabo

qarnigii 17aad ee ay sameeyeen

Dutch-ka (Holland), kaas oo biyaha

badda ee dal uu leeyahay ku xadidayey

meel xeebta ka durugsan

3 nautical mile (5.6 km) oo keliya.

Biyaha badda ee intaas ka baxsan

waxay ahaan jireen kuwo aan cidna

lahayn, oo aan cidna sheegan karin.

FG: 1 nautical mile (nmi) = 1.852 kilometer

(km).

Qarnigii 20aad ayaa dalal badan oo

leh xeeb waxay muujiyey baahida ay

u qabaan in la kordhiyo fogaanta inta

ay xeebta ka durugsan yihiin biyaha

badda ee ay dalalkaasi xaqa u leeyihiin,

si ay u yeeshaan macdanta,

Batroolka iyo khayraadka dabiiciga

ah, isla markaana u difaacdaan kalluunka,

kana ilaaliyaan wasakhaynta

ama dikhowga loo geysan karo

ama in aan qashinka lagu duugin.

Arrintaas baahideeda waxaa lagu

aqoonsaday kulan sannadkii 1930kii

lagu qabtay magaalada Hague (Holland),

laakiin kulankaas waxba la iskuma

raacin.

Ilaa sannadihii 1950-maadkii waxay

Qarammada Midoobey isku dayeysay

in ay dalalka adduunka ku qanciso

in ay isku raacaan sharci loo

sameeyo badda adduunka. Shirweynihii

ugu horeeyey ee Qarammada

Midoobey ee sida rasmiga

looga hadlay xeer loo saameeyo

Badaha Adduunka waxaa magaalada

Geneva (Switzerland) lagu qabtay

29kii April 1958, shirkaas oo

hordhac u ahaa afar kulan oo lagu

samaynayey Xeerka Badaha. Sannadihii

1970-naadkii ayaa la qabtay

shir-weynihii saddexaad ee Qarammada

Midoobey ee xeer u samaynta

badda. Shir-weynahaas kaddib, toban

(10) sano ayey qaadatay in la

nidaamiyo xeerka badaha, ayadoo

la tixgelinayo khayraadka dabiiciga

ah ee badda ku jira iyo cidda yeelan

doonta.

Shirweynihii Qarammada Midoobey

ee 10kii December 1982 lagu

qabtay magaalada Montego Bay

ee dalka Jamaica ayaa waxaa 117

dal saxiixeen sharciga Qarammada

Midoobey ee Badaha Adduunka.

Waxana uu Xeerkaasi si rasmi ah u

dhaqan galay 16kii November 1994.

Dalal badan ayaa xeerkaas saxiixay,

kaddibna dhaqan geliyey. Laakiin

sida aan arki doono waxaa jira dalal

saxiixay balse aan weli dhaqan gelin,

dalal diiddan qaybo ka mid ah xeerka

badda iyo dalal aanba saxiixin. Waxaa

Xeerka Qarammada Midoobey ee

Badaha Adduunka loo soo gaabiyaa

UNCLOS (United Nations Convention

of the Law of the Sea).[3]

Arrinta ugu weyn ee xilligaas (1994)

uu Xeerka Badaha Adduunku wax ka

bedeley waxay ahayd in la kordhiyey

fogaanta inta ay xeebta ka durugsan

yihiin biyaha badda ay leeyihiin dalalka

xeebaha leh, taas oo ahaan jirtey

3 nmi waxaa laga dhigay meel xeebta

ka durugsan ilaa 12 nmi (22 km),

waxaana qaybtaas loo aqoonsaday in

ay ka mid tahay dhulka dalka xeebta

leh - eeg sawirka hoose - barta (TS).

Islamarkaas fogaan xeebta ka durugsan

ilaa 24nmi waxaa loo tixgeliyey in

ay tahay aag la ollog ah dalka xeebta

leh (CZ).

Waxaa kale oo dalalka xeebaha leh

loo ansixiyey in ay leeyihiin xuquuqda

gaarka ah ee kalluumaysiga iyo

khayraadka badda ilaa meel xeebta

dalkaas u jirta 200 nautical miles

(370 km). Waxaa kale oo xeerkaasi

xuquuq u siinayaa in dal kasta oo leh

xeeb badda gudaha usii gashan uu

gaar u lahaanayo xuquuqda batroolka,

gaaska iyo khayraadka kale ee ku

jira badda ilaa 200 nmi (370 km) meel

ka durugsan biyaha xeebta dalkaas

- toosna ugu beegan xeebta (macne

weyn ayaa ku jira hadalka ah “toos

ugu beegan xeebta”).

Fogaanta badda ee xeebta ka durugsan

ilaa 200 nmi (370 km) waxaa

loo yaqaan Aagga Gaarka ah ee Ganacsiga

(EEZ), waana aag ganacsi

ahaan ay khaas u adeegsan karaan

dalalka leh xeebaha

TS: Territorial sea (ka tirsan Dhulka

Dalka). CZ: Contiguous Zone (Aagga

la olloga ah dalka).

EEZ: Economic Exclusive Zone

(Aagga Gaarka ah ee Ganacsiga).

HS: High Sea (Bad weyn).

Continental Shelf (Qalfoofka Qaaradda

- waa inta dhulka ah ee si

toos badda u sii dhex gashan).

Sawir faahfaahsan oo ay samaysan

Sida aan warbixintan ku arki doono,

waxaa jira qorshe hadda ka socda

Qarammada Midoobey oo lagu

doonayo in wax laga bedelo “Xeerka

Badaha Adduunka”, waxaa qorshuhu

yahay in la kordhiyo fogaanta

200nmi oo laga dhigo ilaa 350 nmi

(648 km) - Sidaas daraadeed waxaa

la kordhinayaa waa Aagga Gaarka

ee Ganacsiga ee EEZ.

LAAKIIN, waxaa shardi ah in dalalka

leh xeebaha ugu dambayn 13ka

May 2009 ay Qarammada Midoobey

u gudbiyaan macluumaad iyo xog la

xiriirta cabbirka rasmiga ah ee badda

dalalkaas si loogu kordhiyo fogaanta.

Haddii kale waxaa dhici doonta

in dalkii aan waqtigaas ku soo gudbin

xogta uu markaas waayi doono

xuquuqda badda - wixii ka baxsan

200nmi - oo lagu wareejiyo dalal kale

ama Hay’ad ay Qarammada Midoobey

samaysay oo shirkado ama

dalal kale ka sii kiraysa badda

dalkaas aan macluumaadka ku

soo gudbin waqtiga kama dambaysta

ah ee kor ku xusan.

(Halkaas weeye dulucda warbixintani

meesha ay ku saabsan

tahay, waayo Soomaaliya

uma muuqato in ay waqtigaas

kugeyn karto macluumaadka

iyo khariidadaha muujinaya

xadka cusub ee badda

Soomaaliyeed, horayna looma

maqal maamul ka hadlaya ama

codsaday deeqda Qarammada

midoobay ugu tala gashay

waddamada soo koraya sidii ay

xogta badahooda u soo gudbin

lahaayeen. Sidaas daraadeed

badda Soomaaliya waxay qarka

u saaran tahay in dalal kale

lagu wareejiyo!)

Xeerkii hore ee Badaha Adduunka:

EEZ = 200nmi (374

km)

Xeerka Cusub ee Badaha Adduunka:

EEZ = 350nmi (648

km)

Soomaaliya iyo Xeerkii Hore

ee Badaha Adduunka

Inta aynaan u gudbin Xeerka Cusub

ee Badaha, aan dib u jalleecno waxyaabihii

ay Soomaaliya ka tiri xeerkii

hore ee badaha iyo sharciyadii ay ka

soo saartay.

Xeerka Qarammada Midoobey ee

Badaha Adduunka ee UNCLOS

waxa ay Soomaaliya saxiixday 10kii

December 1982. Soomaaliya waxay

xeerkaas dhaqan gelisay 24kii July

1989. Waxaana, sida aan hoos ku

arki doono, uu Xeerka Badaha Adduunku

si rasmi ah Qarammada Midoobey

uga dhaqan galay 16kii November

1994.

Laakiin, Soomaaliya waxay ku adkaysatay

in 200 nmi (370 km) ee badda

loo yaqaan Aagga Gaarka ah ee

Ganacsiga ay ka mid tahay dhulka

Soomaalida.[4]

Dalalka Bariga Afrika, oo ay

Soomaaliya ka mid tahay, markii

ay heleen xorriyadda waxay dib u

eegeen xeerarkii ay dejiyeen gumaystayaashii.

Xeerarkaas dib loo

eegay waxaa ka mid ahaa xeerka

badaha oo xadaynayey in badaha

dhulka dalalkaasi ay xaqa u leeyihiin

ay tahay ilaa 3 nautical mile (5.6km)

oo keliya. Haddaba, sannadkii 1963

ayaa dalalka Madagascar iyo Tanzania

waxa ay fogaantii badda (ballaca)

ka mid ah dhulkooda ee ahayd

3 nmi ay ka dhigeen 12 nmi (22km).

Halka dalalka Kenya, Mauritius iyo

Seychelles ay ballacii 3nmi ee badahooda

ka dhigeen 12 nmi, sanadihii

1969, 1970 iyo 1972 siday u kala

horeeyaan.

LA SOCO CADADKA XIGA

AXAD 12 APRIL 2009 ILAYS NEWSPAPER SHEEKOOYIN 5

XUQUUQDA QORAALKA [COPYRIGHT]

ISHA WWW.SOMALITALK.COM

Qore: Eng. Maxamed Cali Aadan | Minneapolis, USA | June 18, 2003

COPYRIGHT iyo ISLAAMKU WUXUU KA QABO?

[Waxaa ka qayb qaatay: Cabdulfatax M. Cabdulle (Canada]) & M.M.

Ciise (Soomaaliya)]

Haddii qof uu nuqul ama Copy kusameeya

Qaraalada aanu lahayn oo

markaas magiciisa kudaabaco ama

Kitaab uusan qorin intuu soo guuriyo

magiciisa kudaabacay isagoo iskadhigaya

kii qoray ama Alifey, waa maxay

xukenkeedu?. Markii aan arintaas u

bandhignay culimada Soomaaliyeed

ee kuxeel-dheer diinta Islaamka, oo

ay u-laabteen cilmiga Fiqiga, waxay

kabixiyeen jawaabtan:

• Mas’aladaas Xukunkeedu

waa {TUUGANIMO} waxaana loo

yaqaan Luqada carabiya MUSEYIF.

• waa Xaaraam in qoraal qof

kale leeyahay la xado asagoo qofkii

asalka ahaa ee laga soo xigtey aan

magaciisa iyo ishii uu ka soobaxay la

xusay.

• Waa khiyaamo in qoraal la

minguuriyo ayadoo aan qofkii lahaa

laga amar qaadan ama la xusin in

asaga laga soo xigtey, Islaamkuna

khiyaanada ma ogola.

Haddaba waxaan soo qaadaneynaa

dhawr xadiis oo laga weriyey rasuulka

(S.c.w), xadiisyadaas oo kusaabsan:

• Xukunka khiyaanada

• Wanaaga qofka aan faraha

la gelin wax aan khusayn

• Danbiyada maseyrka iyo

xasadka

Xukunka Khiyaanada, gaar ahaan

maalka dadweynaha, dawladda ama

beytul maalka, oo xaqdaro wax looga

qaato:

Thowbaan (Allah raali haka noqdee),

wuxuu Rasuulka Muxammad (s.c.w.)

kaweriyey: “Qofkii dhintay asagoo

beri ka ah Kibirka[1], Khiyaano uu

maal xaqdaro ku qaatay iyo deyn

waxa uu gelayaa Jannada. Saxiix

sunan At-Tirmadi oo uu soo yareeyey

Albaani, Baabka 21aad ee Baabul

QULUUL, bogga 111.

[1] Kibir waa isweyneysiin la iska

weyneysiiyo xaqa iyo khalqiga Allah

oo la yaso.

Waxaan xadiiskan ka korosaneynaa

in aysan bannaanayn maal lagu qaato

khiyaano, maalkana waxaa soo hoos

gelaya wax kasta oo qofku kasbaday

ama ku helay xoogiisa, qoraalkuna

wuxuu kamid yahay waxyaabaha uu

qofku kasban karo, sidaas darteedna

aan khiyaamo lagu qaadan karin.

Abuu Hurayra (Alle haka raalli noqdee)

wuxuu yiri: Rasuulkii Alle

(S.C.W.) wuxuu yiri: “Qofka Muslimka

ah wanaaggiisa iyo dhowriddiisa

Islaamka waxaa ka mid ah inuu ka

haro waxyaalaha aan khuseyn isaga”

Waxaa weriyay At-Tirmidi.

Waxaan xadiiskan ka korosaneynaa

in wanaagga qofka muslimka ah (rag

iyo dumarba) ay kamid tahay inaanu

faraha la gelin arrimo aanu shaqa ku

lahayn ama xuquuq dad kale leeyihiin

sida xuquuqda qorista/daabacaadda

iwm.

Qofka bililiqaysta qoraal (maqaal) diyaarsan

oo wakhti qaali ah iyo maskax

badan ay kaga baxeen qoraagii

ka shaqeeyay, oo magaca qoraaga

inta uu ka masaxo kiisa ku been-hawaasiya

waxaa weeye qof xasdaya

qoraagii hawshan lahaa, xuquuqdiisii

ayuuna meel kaga dhacay.

Sidaasna diinta Islaamku waa kasoo

hordeeddaa.

Haddii aan ka eego Dhinaca Kutubta

Islaamka, hababka loo soo xigto

qoraal waxaa kamid ah in hadii qof

qoraa ahi doonayo inuu Qormo ka

qaato Kitaab ama Risaalo nin kale

qoray waxaa muhiim ah inuu xuso

Qoraagii Asalka u lahaa Qormadaan

uu kubiiriyey qoraalkiisa si markale

looga faa’iideysto.

Hadaba taasi (xigasha qoraalku)

waa inaaney keenin inuu qoraaga

cusubi uu hadalkaas u isticmaalo

qaab tuugonimo ah oo noqon karta

inuu kitaab katuuro magicii Qofkaasi

lahaa oo markaas uu saaro kiisa, taasna

waa Arin Tuuganimo oo waxaa

markaas dhici karta in Dadkii hore u

yiqiin Kutubkaas ay Arkaan in magicii

qoraagii hore lagabedelay, waana

lagu fahmayaa Arinkaas waayo Kutubku

wuxuu ahaa Macruuf layaqaan

Cida iska leh.

Halkaas waxaan uga tusaale qaadan

karnaa Qoraalada Caadiga ah

sida Bayaanada, Gabayada iwm in

aan loo adeegsan karin qaabkaas

Xatooyada ah, waxaana shardi ah in

loo daayo Qofkii lahaa, Haddii aan

sidaas la yeelin waxaa hubaal ah

in qofka cusub ee qoraalka sheegtay

uu ku ceeboobi doono markii

la’Akhristo oo lagu ogaado Qofkani

inuu nuqul [ama Copy] kusameeyey

Kitaabkii ama buugii ama CD-gii walaalkiis

oo aan raali kanoqon. Arintan

(xaqa laga xayuubinayo qoraalka)

waxay noqon kartaa xad-gudub laga

galay qof bini aadam ah ayadoo la

xaqirayo ama aan loo ogolayn wixii

uu waqtigiisa iyo maskaxdiisa ku

bixiyey laga idan weydiisto.

LA SOCO CADADKA XIGA

Nabar Aan Dawoobeyn.

W.Q. Cabdulqaadir M. Wacays

QAYBTII 9AAD

Ma hubtaa in uu ku jecel yahay…Waxaan

ka baqayaa inuu

“Haa…Abboowe…Waa

meel cidla’ ah kaaga dhaqaaqo oo

hadhowna aan weyno meel aan u

raadinno…Naa wax iskula har, waxaanse

ka baqayaa in mar kale jacayl

aan jirin laguugu luggooyo oo aad

dabin kale lugaha la gasho’ erayadaas

iyo kuwo kaloo u dhigma oo

ay horay ugu yiraahdeen saaxiibteed

iyo hooyadeed ayaa xusuusteeda

dib ugu soo maaxday.

Oo haddiise uu baaqday muxuu iigu

soo sheegi waayey? Xitaa haddii uu

ballantii ka baxay muxuu iiga qariyey?.

Abbaayo raalli ahaw oo keliya

ayaa igu filnaan lahayd inkastoo

dhaawaca i gaari lahaa aanan marna

ka bogsoodeen, malaha waa uu i sirayey

ee jacaylku dhab kama ahayn,

bay iskula hadashay. Tolow taleefan

ma u dirtaa, bay niyadda iska tiri,

haddana waxay isku canaanatay in

aysan guuxeeda ka dheereyn oo illaa

iyo caawa ay bal isaga ka war

sugto. Fiicnaan lahaydaa in aadamigu

ay is-uurdaalacan karaan, ma

qof baa qof kale siri lahaa oo been

ku maaweelin lahaa, bay nafteeda

ku samirsiisay. Wadnahoo la kala

waaxo, wixii ku jirana la wadaago,

Alla wanaagsanaan lahaydaa…

Iyadoo weli nafteeda la doodeysa

bay maqashay dhawaaqa taleefanka.

Wuxuu ahaa taleefan dibadeed.

Intey sariirtii ka boodday bay u orodday

daaradda guriga oo uu taleefanku

yiil.

“Halow,”bay ku tiri intey taleefankii

dhegta saartay.

“Abbaayo, adiga Idman miyaa?” buu

ku yiri qofkii taleefanka soo diray.

“Haa, waa Idman ee adiga kee

ahayd,” bay ugu jawaabtey. Wuxuu

ula muuqdey qof aysan is aqoon

ama qof is qarinaya oo codka bedeshey.

Codka ay maqashay iska

daa kii gacaliyaheed Shirwac ee xitaa

ma ahayn qof kaloo ay codkiisa

garanaysey. Malaha waa kuwii shukaansi-doonka

ahaa oo is qarin jirey

ama waa kuwii intey marqaanka iga

dhex arkaan taleefannada igu soo

waali jirey bay hoosta iska tiri.

“Abbaayo, ma hubtaa in aad Idman

tahay?” intuu qofkii kusoo celiyey buu

u raaciyey “I’m…Aniga magacayga

waxaa la i dhahaa…sorry yaah for

my broken Somali…yaah…Andrew

Warsame…Waxaan kaasoo wacayaa

Mareykanka. Waxaan ahay Shirwac

saaxiibkii…Adiga horta Shirwac ma

taqaantaa? farriin degdeg ah ayaan

kaaga hayaa…Please are you sure

you are Idman?”

Idman…

Shirwac is my love…Waa gacaliyahayga…,”

bay mar kale ugu celisey

iyadoo la yaabban farriintaasi waxa

ay noqon doonto, waxaase u caddaatay

in farriinta soo socota ay ka

timid Shirwac. Tolow Shirwac mar

kale ayaa la xiray oo sidaas buu ku

baaqday miyuu soo wadaa, mise

Shirwac ballantii wuu kaaga baxay

ee gabaryahay tasho buu ku dhihi

doonaa, bay hoosta iska tiri. Haddii

wiilka la xiray waaba wax la garan

karo, balse haddii uu ballantii iiga

baxay muxuu la baqayaa, muuse

isagu afkiisa iga dhaho, bay iskula

doodday.

“Sister…I am so sorry, Shirwac could

not make it…I mean…Shirwac ma u

noqon suurtagal inuu soo dhoofo…”

buu ninkii yiri.

“Oo Mareykankaba kama soo dhoofin

miyaa?” bay ninkii ka horgeysey

isagoo aan hadalkiiba dhammayn.

“Maya…Abbaayo…Ani waxaan ka

mid ahaa saaxiibadii garoonka diyaaradaha

u sagootiyey…Nasiibdarro,

shil baabuur ayaa dhacay…Ani

iyo wiil kale dhaawac fudud ayaa nasoo

gaarey, isagana dhaawac culus

ayaa madaxa ka gaarey” buu ku yiri

isagoo hadalka shigshigaya.

“Dhaawac aa…Shil baabuur aa...,”

intey tiri bay iyadoo ooyeysa u raacisay

“Hadda, sidee buu yahay? Ma la

hadli karaa? Fadlan waan ku baryayaa

ee ila hadalsii…Fadlan waan

ku baryayaa ee aan hal mar codkiisa

maqlo.”

“Abbaayo, farriinta aan kaaga hayo

aan kuu sheego. Waa ballan aan

isaga kasoo qaaday. Wuxuu iga

codsaday inaan kuu sheego ‘inuu

ku jecel yahay, weligiisna ku jeclaan

doono’. Erayadii ugu dambeeyey ee

uu ku dhawaaqo waxay ahaayeen

‘Idman, I love you…Waan ku jeclahay’,”

intuu ninkii intaas ku yiri buu

haddana u raaciyey “Abbaayo, ma

kula hadalsiin karo. Ani xitaa lama

hadli karo, sababtoo ah…”

“Fadlan waan ku baryayaa ee ila hadalsii…Hal

mar aan codkiisa maqlo”

bay mar kale ninkii hadalka kaga

dhexgashay iyadoo ooyeysa oo aad

mooddo in aysan dhegaheeduba

maqlayn warka uu ninku u sheegayey.

“Abbaayo. I am so sorry. Waan ka

xumay, ma kula hadalsiin karo. Allaha

u naxariisto. Saacad kahor buu

geeriyooday…” buu si murugo leh

ugu yiri.

LA SOCO CADADKA XIGA

AXAD 12 APRIL 2009 ILAYS NEWSPAPER TAARIIKHDA 6

Dagaalkii Ogaadeenya.

Qormadda 7-aad

26-kii bishii maarso, 1964-kii

ayay dhacday doorashadii barlamaanka

Soomaaliyeed, iyada oo

kululaanshihii dagaalku uusan weli

qaboobin. Bil kadib, Dr. Cabdirashiid

C. Sharmaarke ayaa madaxweynihii

jamhuuriyadda ku wareejiyay xilkii ay

dowladdiisu haysay. 7/ 6- 1964-kii,

madaxweyne Aadan Cabdulle wuxuu

ra’iisul-wasaare u magacaabay

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, oo kamid

ahaa halgamayaashii Leegada. Isla

markaas madaxweynuhu wuxuu faray

ra´iisul-wasaaraha cusub in uu

soo dhiso xubnihii hoggaamin lahaa

dowladda. Xilligaas qallafsan ayay

labadii masuul (Cabdirashiid iyo

Cabdirisaaq) isku dhaafsadeen xilkii

ay hayeen si kalsooni iyo niyad-wanaag

leh oo ka duwan anaaniyada

maanta ku fitaaxday Soomaalida.

15/ 7- 1964-kii, raíisul-wasaare Cabdirisaaq

Xaaji wuxuu barlamaankii

u soo bandhigay dowladdii uu dhisay,

taas oo markiiba ay waajahday

dhibaato kaga timid gudaha, kadib

markii ay weyday kalsoonidii xubnihii

barlamaanka. Bil kadib ayaa dowlad

labaad la soo dhisay, taas oo ku

guulaysatay in ay hesho codka intii

badnayd ee fadhiday barlamaanka

taariikhdu markay ahayd 27/ 8-

1964-kii. Dabadeed dowladdii cusbayd

ayaa sidaas lagu ansixiyay.

Ra´iisul-wasaaraha cusubi, wuxuu

talada qabtay iyada oo qadiyadda

dhulalka maqan ay go´doon tahay.

Dowladdii Soomaaliyeed waxay

marar badan isku deyday in ay taageero

ka raadiso ururkii midnimada

Afrika OAU. Sidii dowladdii ka horeysay

ay ugu hungowday ayaa

dowladdii Cabdirisaaq-na ay ugu

hungowday. Taasina waxay ka dambeysay,

dowladihii xubnaha ka ahaa

ururka oo qaatay aragtidii ku salaysneed

in xudduudaha Afrika sidooda

loo dhaafo.

Waxaa xusid mudan in madaxweynihii

Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan,

uu ka qeyb galay fadhigii ugu

horeeyay oo OAU-da ee lagu qabtay

Addis-ababa sanadkii 1963-kii. Wuxuu

halkaas ka jeediyay khudbad uu

ku cadeynayo sida uu u diidan yahay

in gobolka Ogaadeenya loo aqoonsado

dhul Itoobiya leedahay. Wuxuu

si xoog leh u naqdiyay aragtida

oraneysa in xudduudaha Afrika loo

daayo sidii uu gumeysigu kaga tegay.

Madaxweynaha Soomaaliyeed

wuxuu arintaas ku tilmaamay mid

salka ku haysa siyaasad khaldan oo

aanan cadaalad ku dhisnayn, taas

oo tilmaameysa mowqif dib u gurasho

ah oo looga dhuumanayo

W.Q. Dr.Sadiq Enow

geesinimadii ku haboonayd in lagu

waajaho dhibaatada uu gumeysigu

kaga tegay Afrika iyo xal u-heliddeeda.

Hadalladii uu madaxweynuhu

halkaas ka jeediyay waxaa kamid

ahaa :“ Aragtidaasi waxay muujinaysaa

sida gaaban oo aanu u

fekereyno, haddiiba uu ururku dhinac

iska marinayo qadiyadaha inoo yaal

oo matalaya nolosheena dhabta ah “.

(Daahir Maxamuud Geelle, risaalad

uu ku diyaariyay shahaado majisteer,

Qaahira, 1995-kii, s. 64).

Madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan,

wuxuu dowladihii ururka ka

codsaday in ay fiiro u yeeshaan

dhibaatada gaarka ah oo dadweynaha

Soomaaliyeed ka heysata xudduudaha

la farsameeyay, kuwaas oo

kala teeday shacab mid ah oo walaala

ah.

Dowladdii cusbayd oo uu Cabdirisaaq

dhisay, sidii middii ka horaysay,

waxaa gacanta sare ku lahaa xisbigii

SYL. Cimilada qallafsan ee dowladda

ka haysatay siyaasadda dibadda

waxaa u weheliyay culayska ka haystay

gudaha. Taas oo ka timid xisbigii

Leegada markii uu noqday awood

ballaaran, wuxuu waayay xoog ku

mucaarad ah oo talada kula loolama.

Markaas, sida caadadu tahay,

waxaa bilaabatay in dhexdiisa uu ka

abuurmo mucaarad. Arintaas waxay

sababtay in madaxweynihii Soomaaliya

iyo ra´iisul-wasaarihiiba ay ka cudur-daartaan

ka qeyb-galka fadhigii

OAU-da ee ka dhacay Qaahira bishii

juun 1964-kii. Wafdigii Soomaalida

uga qeyb galay shirkaas waxaa hoggaamiyay

wasiirkii arimaha dibadda

Axmad Yuusuf Ducaale. Waxaa wafdiga

lama filaan ku noqday, qodob uu

golaha si kedis ah u keenay madaxweynihii

Tansaniya Julius Nyerere,

taas oo oranaysay in loo codeeyo

aragtida ah in xudduudaha Afrika

loo dhaafo sidii uu gumeysigu kaga

tegay. Xubnihii fadhiga yimid, intoodii

badnayd, waxay u codeeyeen in xudduudaha

aanan la fara-fareyn. Wafdigii

Soomaaliduna wax u bannaanaa

oo kale ma jirin, aanan ka ahayn

in ay mowqif diidmo ah ka istaagaan

aragtidan ay ku dulmanaayeen.

Inkasta oo dowladda Masar oo martida

loo ahaa ay u muuqatay mid garab

taagan qadiyadda Soomaalida,

misana waxay u codeysay in xudduudaha

sidooda loo daayo.

Kadib markii Soomaalidii looga adkaaday

dagaalkii diblomaasiyadeed

ee qaaradda gudaheeda, iyaga oo

weli curdan ah ayay isku deyeen in

ay gacan ka raadiyaan saaxiibo ka

baxsan qaaradda Afrika oo ay u kaashadaan

qadiyaddooda. Taladaas

ayay ku timid fadhigii dowladaha

Islaamka ee lagu qabtay Xamar

bishii disember 1964-kii. Fadhigaasi,

Soomaalidu si wanaagsan bay ugu

soo bandhigeen dhibaatada ka haysata

xuduudda, iyaga oo codsaday

in gacan laga siiyo arintaas. Xubnihii

matalayay dowladda Suuriya oo

keliya ayaa arintii booriyay oo dowladaha

fadhiga yimid ku dhiiri geliyay in

ay qadiyaddan taageeraan. Waxaase

jirtay in arintii laga gaabsaday.

Sanadba sanadka xigay, waxaa

soo if-baxayay farqiga weyn ee ku

kala jiray siyaasaddii barlamaanka

Soomaaliyeed ee shacabka lagu hoggaaminayay

iyo mowqifka caalamiga

ah ee diidan in uu debec u muujiyo

Soomaalida iyo qadiyaddooda. Sidaa

darteed ayaa ra´iisul-wasaare Cabdirisaaq

X. Xuseen iyo dowladdiisii

waxay ku dadaaleen in ay ka baaxaan

siyaasadda ciriiriga ah ee dibadda

ka haysatay. Ra´iisul-wasaaruhu,

isaga oo aanan ka tanaasulin qadiyaddii

dhulka inaga maqan, ayuu

misana debciyay siyaasaddii ku

dhisnayd caadifadda Soomaalinimo.

Bishii oktoober 1965-kii, dowladdu

waxay heshiis la dhigatay Itoobiya ku

saabsan in dicaayadaha la joojiyo.

Isla markaas dowladdu waxay gacan

siisay raggii qadiyaddatan u halgamayay.

Waxaa ay howlahooda u

gacan baneysay wasaarad ay lagu

magacaabay Danaha Soomaaliyeed,

taas oo wasiir looga dhigay

Shiikh Maxamuud Maxamad Faarax

(Maalin-guur). Shiikhu wuxuu kamid

ahaa halgamayaashii magaca weyn

ku lahaa ururkii Leegada. Ra´iisulwasaare

Cabdirisaaq Xaaji, mar uu

la kulmay xubnihii madaxda ka ahaa

Jabhaddii Xoreynta Soomaali Galbeed,

wuxuu si toos ah ugu sheegay

in nabadgelyada qarannimada

Soomaaliyeed ay halis ku jirto, sidaa

darteed ay mudan tahay in loo kaadsado

howlaha halganka oo lala sugto

xilli kale. (National and Class Conflict

in the Horn of Africa, Jhon Markakis,

1987, p. 180).

Cabdirisaaq X. Xuseen wuxuu kamid

ahaa halgame ku soo caan baxay

dhaq-dhaqaaqii ururkii Leegada. Sida

uu BBC-da ka sheegay, madaxda

Soomaaliyeed waxaa lagu doortay

in ay ahaayeen hormoodkii ururkaas

oo xilligii gobanimo-doonka, mana

eeyan lahayn khibrad siyaasadeed

oo ay kaga tallaabsadaan qodxaha

diblomaasiyadeed ee hor-tiil. Isla

markaas Soomaalidu malahayn dad

reer magaal ah oo iyaga ka waaya-aragsan.

Dadaal bay ka ahayd

in ay la kufaa-kacaan hoggaanka

talada dalka, iyada oo eeyan jirin

cimilo siyaasadeed iyo qowmiyado

la caadifad ah oo u hiiliya. Rai´iisulwasaaraha

kama uusan tanaasulin

qadiyaddii Ogaadeenya, laakiin

wuxuu qabay in laysu diyaariyo xilli

ay kaga haboon tahay in la halgamo.

Xilligii Cabdirisaaq bay ahayd markii

magaalada Garoowe laga furay xero

ay ku tababartaan dhallinyaro jabhad

ah, kuwaas oo laga soo ururiyay

gobolka Ogaadeenya. Tirada ragga

halkaas isugu yimid waxay gaarayeen

1.200 oo nin. (Ibid, p. 181)

Siyaasaddii gudaha, ra´iisul wasaaruhu

wuxuu ku jaheeyay in uu xooga

saaro wax ka qabadka hannaanka

dowladda iyo mu´asasaadkeeda.

Wuxuu ku dadaalay in uu la dagaalamo

anshax-xumida maamulka

iyo xafiisyada dowladda oo ay kamid

tahay eexda, qabyaaladda iyo

laaluushka.

LA SOCO AXADA DAMBE

AXAD 12 APRIL 2009 ILAYS NEWSPAPER 7

Shax Erayeed

W/D:- Maxamuud Yuusuf (Maxkoof)

Adiga oo raadinaya erayada Macnahooda hoos lagu muujiyay, Gudub

ama Hoos ku buuxi erayada aad isleedahay waa sax godadka. Marka

horre ka shaqee erayada fudud ama aad garanayso, tirada sharaxaada

ku hortaal waa tirada xarfaha godadka gelaaya.

Raisul Wasaare Sharma’arke

Ma Qarin Karaa Dhulka

Somaliyeed ee La Bixiyey

Fikrado La Ururiyay

Madaxwayne Faroole

maxaad rabtaa in marka

ugu horreeya Puntland

ka qabto?

W/D: Cumar Siciid Maxamed

Gudub

1.Dhir Qodax leh

4.Bartilmaameed

6.Sixran

Hoos

1.Xabaale qode

2. Xaalufay

3.Qaawan

5.Hodmay

7.xiddeeyo

1 2 4 7

6

3 5

w

i

Sudoku

Sodaku waa halxiraale xisaab ku dhisan

oo adduunka oo dhan caan ku noqotay,

markii hore wuxu ka soo baxay wadanka

maraykanka hase ahaatee waxaa soo caanbixiyay

dalka Japan.

Halxiraaluhu wuxuu ku dhisanyahay 9x9god

oo usii qaybsama 3x3 si aad u xaliso halxiraalaha

waa inaad 9ka god ee jiifka ah iyo

9ka god taaga aad galiso tirade udhaxaysa

1-9 .Sadarna Tiro mar ka badan lama gelin

karo.

1 8 4 2

5

7 2 3

9 3 1

8

4 1 3

9 2 5 7

9 5 8

5 8

Halxiraalihii toddobaadkii D Horre

i s k u d u u b n a a n

u

n

y

i h o d a n

l

u

w

n

a g a m m a a n

a

u

l

r

i

Xalkii Sudokii

Caddadkii Horre

5 7 3 2 4 9 8 6 1

2 6 8 3 1 7 5 9 4

9 4 1 6 8 5 2 7 3

7 2 4 9 5 8 3 1 6

8 5 9 1 6 3 4 2 7

1 3 6 4 7 2 9 5 8

3 8 5 7 9 1 6 4 2

4 1 2 5 3 6 7 8 9

6 9 7 8 2 4 1 3 5

Halxiraalaha Sudoku waxaa

kordhinayaa fahamkaaga,

fadlan Haddii aad

ka shaqaysid Jawaabta

ku soo hagaaji xafiiska

wargayska oo ku yaala

Amabl Plaza Qolka 115

ama emailka:-

Ilaysnewspaper1@ gmail.

com

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya

Mudane Cumar C/rashiid Cali

Sharma’arke ayaa Shir Jara’id oo uu

ku qabtay xafiiskiisa Muqdisho, kaga

hadlay arrinta muranka weyn dhalisay

Xuduud badeedka Soomaaliya

iyo Kenya u dhexeysa iyo aragtiyo

kala duwan oo laga bixiyay heshiis

dhex maray Xukuumadaha Somaliya

iyo Kenya.

Waxa uu sheegay Dr. Cumar C/rashiid

inaan uusan ahayn sida loo fasirtay

heshiiskaasi,

Waxaana uu yiri

“Ma jirto taako dhul ah oo aan uga

tageyno Dowladda Kenya, guddi

ayaana u saarnay xadeynta dhul

badeedka labada dal”

Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid

waxaa uu ka dhawajiyey inuu jiro

muran u dhaxeeya Soomaliya iyo

Kenya. Murankaas oo ku saabsan

xuduud badeedka labada dal u dhexeya,

isagoo carabka ku adkeeyey in

arrintaas loo bandhigi doono Guddi

ka socda Qaramadda oo xal u raadisay

is haysigaas.

Arrimahan ayaa muujinayaa inuu jiro

jaahwareer siyaasaded iyo mid shariciyeed

oo ka taagan xuduud badeda

u dhexeysa Kenya Iyo Soomaaliya

Fransiiska Oo Xoog Ku Soo

Furtay Dad Laga Haystay

Paris, 11,April, 2009

Ciidamada Fransiika ayaa xoog ku

soo furtay 4 qof oo fransiis ah oo

burcad badeed somaliyeed, 7,april,

2009, ka soo qafaasheen Biyaha

Caalamiga.

Ciidamada Fransiisku waxay dileen

2 burcad badeeda ah, Midna

way dhaawaceen, labo kalena Nolol

ayay ku qabteen.Haseyeeshee

Howlgalkaas ciidamadu ay ku soo

furanayeen Doonida iyo dadka saaran

waxaa ku geeriyooday nin fransiin

ah, sida ay xaqiijisay wasaarada

Gashaandhiga fransiika.

Ma ah Markii u Horraysay oo ciidamada

fransiiku ay xoog ku soo furtaan

dad ay burcad badeed somaliyeed

ka afduubtaan badda.

Barta Internetka ee Madaxweyne C/

raxmaan Maxamed Faroole uu sida

gaarka ah u leeyahay ayaa fikarado

ay dadka soo booqda ka ururisay,

waxaa ka soo baxay natiijo yaab

leh.

Boqolkiiba 68%, Dadkii fikradahooda

dhiibtay waxay sheegeen in ay

doonayaan, in Madaxweyne C/raxmaan

Faroole uu mudnaanta kowaad

siiyo Nabadgelyada. Boqolkiiba 19,

dadku waxay yiraahdeen waxaanu

doonaynaa in Madaxweyne Faroole

uu marka kowaad ku dhaqaaqo soo

celinta Gobollada ka maqan puntland,

gaar ahaan Gobolka sool oo

ilaa 15 may, 2007, gacanta ugu jira

Maamulka somalinimo diidka ee

daahir rayaale Kaahin.

Boqolkiiba 5%, dadku waxay ku dhiirigaliyeen

Madaxweynaha in uu xooga

saaro Horumarinta dhaqaalaha,

Hase yeeshee arrinta la yaabka leh,

waxay noqotay markii Boqolkii 4%,

dadkii fikrahooda dhiibanayay ay

yiraahdeen, madaxweynuhu waa in

uu wax ka qabtaa Burcad Badeeda

ka qowlaysatada Badeena iyo Baddaha

Caalamiga.

Dhinacyada Waxbarasha iyo Caafimaadka.

Boqolkiiba 3%, dadkii codkooda

dhiibtay waxay doonayeen

in madaxweynuhu uu xooga saaro

Caafimaadka, halka Boqolkiiba 3%

ay rabaan in mudnaanta la siiyo

waxbarashada.

Gabagabadii

Guud ahaan dadkii fikradahoodu

dhiibtay oo codeeyay waxay

ahaayeen 343 qof, waxayna

ahaayeen dad aqoon u leh Aalada

internteka iyo computerka, hase

yeeshe lama oga dadka aan isticmaalin

Adeegaas, waxyaabaha ay

doonayaan in Madaxweyne Faroole

mudnaanta siiyo afarta Sanno ee

soo socota ee uu xilka haynayo.

Sida muuqata, dadkii codeeyay

Saddex meelood oo labo meelood

waxay doonayeen in madaxweyne

Faroole uu mudnaanta kowaad siiyo

Nabadgelyada,Madaama Nabadgelyadu

tahay Asaaska Horumarka iyo

Nolosha Bani’aadamka.

Haddii Nabadgelyada La adkeeyo,

ciidamada Amnigana la Haggaajiyo,

Burcad badeedu waa sidii Diqsigii

oo kale, oo Haddii Nadaafada Lagu

dadaalo, diqsigu waa dhintaa, mana

dhasho

www.telcompuntland.com

mark-dep.telcom@hotmail.com

HORYAAL

PRINTING

CENTER

OGAYSIIS

Waxaa lagu war gelinayaa dhamaan macaamiisha shirkada Telcom Puntland

In shirkaddu samaysay qiimo bedel, Qiimaha gudaha puntland

Qiimaha daqiiqadii Mobile-ka ee Puntland Gudaheeda waa sidan

Maalinkii 6:00 AM to 6:00 pm Qiimaha halkii daqiiqo waa 0.01 cents/min ( hal

cent) sidiisii hore

Habeenkii 6:00 pm to 6:00 AM qiimaha halkii daqiiqo waa 0.005 cent ( nus

cents ) halka uu markii hore ka ahaan jirey lacag la’aan

Qiimaha fariimaha qoraalka ee dibadda loo dirayo waa $0.10 cents/SMS

( Toban cents halkii fariin)

Sms-ka Local Puntland macaamiishu waxa ay isugu diri karaan lacag la’aan

Qiimayaasha Dibadda iyo Somalia waxba isma bedelin waa sidoodii hore

Qiimaha cusub waxa uu dhaqangalay 16/03/09

Mahad sanidin

Marketing Department

Marketing Department: Wixii talo iyo tusaleeyn ah nagala soo xiriir ciwanadan hoose:

Tel: + 252- 4 -500034 | Fax: + 252- 4-500001 | E-market-dep-telcom @hotmail.com

Office Stationery

TELCOM PUNTLAND

JOWLE ENTERPRISES

Electronics and Satellite Digiitals

ADEEGYADA

DAABACADEED EE

HORYAAL DIYAARKA

KUULA TAHAY

‣Buugta Akhriska

‣ Buugta Iibka

& Adeegyada

Bulshada

‣ Receipt Vouchers

‣ Payment

Vouchers

‣ Invoices

‣ Cash Sales

‣ Daily Sheets

‣ Business Cards

‣ Envelops

‣Stickers

‣ Prescription

‣ Register Books

‣ Text Books

‣ I.D Cards

‣ Certifications

‣ Flyers

‣ Invitations Cards

KADALBO HORYAAL DOOKHAAGA

DAABACADEED

WAQTIGA AAD RABTO, SIDA AAD U

RABTO

Office furnitures

& QIIME KURAALI GALIYA

Renting Cars % For Selling

Wixii faahfaahin ah kala xiriir

Tell :- 824299/796169/726169

BOSASO SOMALIA

For more information please contact Manager of Jowle Interprises 797111

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!