26.07.2014 Views

Kacdoon: Gadoodkii Dadka - Somali Talk

Kacdoon: Gadoodkii Dadka - Somali Talk

Kacdoon: Gadoodkii Dadka - Somali Talk

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

TIXDA IYO TIRAABTA NABADDA

Kacdoon: Gadoodkii Dadka

A. M. Yusuf | Wayeel@operamail.com

MAAMUUSAYAA: walaalihii—Muslimiinta Soomaaliya—loo sajaray si gaalku uu ugu jawrfalo.

MAAMUUSAYAA: wadaaddadii, laga eryay masaajidka, laga na jaray garka iyo timihii.

XUSUUSINAYAA: dagaaloogaha, in ay jiraan meelo aan soohdimaha laga tallaabin.

SALAAMAYAA: WALAALIHII LAGU XADGUBAY.

Axmed Yuusuf Axmed (Sheeko-Xariir) ayaa yiri:

… Waa niman garaadkoodu yahay gaabis iyo liid'e

Gardarr'iyo waa niman ku nool geedasaredaaq'e

Inta'y gole fariistaan samaan ku ma gorfeeyaan'e

Sidii guura'raac ba'y habeen talada goostaan'e …

Gamba kama baxshaan xoolah'ay gacantogeeyaan'e

Gargaar u ma fidshaan maatad'iyo geeddig'aan degin'e

Agoomaha ku gaajoonay'iyo gacal ma dhawraan'e …

Gaangeeti iyo waxa'y cunaan geedcagaar badan'e

Gurboodkii'yo waxa'y naga ba'sheen gabannadeeniiy'e

Gabdhihii ba'y wada bareen geerash iyo qaade …

Inta'ayan gayiga iibsan oo badaha suuqgaysan:

Allahayow, adiga'a garanay'ee guusha nagu aaddi! 1

Qawlegii Miyiga

QAWLE, RAG AAN JIXIJIXIN, waa burcad, haddii ay u soo dagtaan xoolo booli ah,

ceerinka ku quuta. Isbahaysiga qawlaysatu, tuugo, beri, miyiga Soomaaliya jidgooyo

ku sammayn jirtay; waxa ay ahaayeen kooxo manaxeyaal hubeysan ka koobanaan

jiray iyo isgaashaanbuursi ay ujeeddadiisu ahayd in xoolo lagu boobo. Socotada iyo

reerguuraaga aya'y ka furan jireen dhar, hanti, hub, jiscin (sahay), iyo waxa alla iyo

wixii ay sitaan oo idil. Had iyo jeer, qawleysatadu, waxa ay u dagaagi jireen carrada

meeshii ay ka qabato—weli ba si qorshe la'aan ahayd—u na foodsaari jireen, hadba

abbaarta uu u dhaco qorituurku. (Waa "xarar iyo madax" oo kale, oo ay reer

magaalku ku qammaaraan.) Meesiga xoolaha, haddii ay ishoodu qabato, ishkin iyo ari

kuu doono ha noqdo, waa ay qalan jireen; haddii aan uu jirin, ciidan iyaga ka itaal

roon; sidaas awgeed na gaashaanka u daruura, iska na dhacsha, xoolaha na ka

yureeya. Qawleysato waa bahalka sidiisii oo kale: Waa horor ku dhici; ama ku dhici,

hadda na ku dili. Waa muhdi, ay furan tahay in la laayo.

QAWLAYSATDU NINKII KA XANUUNSADO, ma ayan daryeeli jirin; waaqlaha ayaa

looga kala dhaqaaqi jiray; isaga iyo hororka iyo waraabaha ay'aa la isku eegan jiray;

koodii fitiliga na (bakhtiya) ma ayan aasin jirin! Nolol iyo geeri, dabayaaqada dambe,

hilbaha qawlega, maax iyo dubaax ba, bahalaha duurka ayaa ka idlaysan jiray.

Isbhaysigoodu waa mid ku dhisnaan jiray "isdugaashi iyo isdareensi." Qawlaysatadu,

diin iyo diin la'aan, col iyo nab—hadba, xeerkii, dad xoolo lagu duudsiin karo, aya'y

dan moodi jireen. Xeerkooda, waxa u ahaan jiray saldhig: "Wax-kasta-ha-la-

HALGAN

I

Email: wayeel@operamail.com | Curiye: A. M. Yusuf | Ladh: Gadood

Ereyo: 2849 | Bog: 1 ka 8 | Garaacay: 03/14/06 07:59 PM

Kacdoon: Gadoodii Dadka

dhaco, wax-kasta-ha-la-dilo." Qawle kasta, weli ba na koodii uga tabar liita,

xeerka ay'aa qaban jiray: Isaga, wadaaygii burcadda, lafahaantiisa, aya'y dhici jireen,

oo dili jireen na. Ragga, kooda u awood weynaa, ayaa na goyn,—mise na, fulin—jiray

xeerarka. Noloshooda oo dhami waxa ay ahayd ama iyaga, qudhooda, oo isdhaca ama

dad kale oo ay dhacaan; haddii kale, waxa ay ahayd iyaga, qudhooda, oo isdila ama

iyaga oo qudha ka jara dad kale. Ama, iyaga ayaa qudha laga gooyn jiray, ku na

dhiman gacan dadow!

Qawleysata reer Xamar

YAA MAXASTII GOODDIGA MUQDISHO ku noolayd argagixinaayay, laga soo billabo

muddadii shan iyo tobankii sano ahayd ee la soo dhaafay, lagu na keeno maalinka

maanta ah? Qabqablayaashu, duuggoodu waa xarig, eedeyn, oogitaan, iyo garsoor.

Dagaalooguhu, isaga ayaa uub dheer ku riday wanaaggii Soomaalinimada; sidaas

darteed na, xeer dambe oo lagu la dhaqmi, mooyee aan ka ahayn "cadgoosi", ma

harin; isagu ba naftiisa abaal u ma hambayn. Ma isweydiisay weligaa, "Tolow, ma

jiraa dal adduunka laga oggolaan lahaa, dagaalooguhu, waxa uu nagu la kaco, goor

iyo ayaan?" Berigii, ay sida yeyda 2 isugu dhex cunayeen gudaha Hoteelkii Grand

Regency—kursi-ku-dirirkii—midkood ba, sidii tays kawaankii lagu qali lahaa loo wado

oo kale, ayaa dhegta la qabtay, jeelka na gudaha loo dhigay. Ii sheeg, in yar ba ha

ahaatee, Sawaaxiligii isaga dhegta ka hayay, dagaaloogihii isu giriirixiyay! Ma

gantaallo ay'ay, sidii roob hooray oo kale, cirka uga soo qubi kareen Nayroobi, loogu

na dulqaadan lahaa, kol ay ku tahay hal ilbiriqsi? Argagixiye, ka sii daran

dagaaloogaha, miyaa dunida ba ka jira? Dembiilayaasha qaarkood waxa ay

qabsadaan, ama ba ay qarxiyaan waa dayaarad, daar, doon … iwm. Dagaaloogaha

koofurta Soomaaliya waxa uu afduubay, baduugay na qaran ka mid ahaan jiray

Quruumaha Midoobay! Hadde, sow wax jira ma aha, Soomaalidu in ay tahay la

hayste—dhibbane u baahan in naftiisa la badbaadsho, sabool mudan in qoortiisa la

xoreeyo? Mujrim dagaalooge ka dembi badan, ka qooq badan, ka digasho daran, ka

na dabbaalnimo xun miyaa hore loogu soo arkay dhaqanka Soomaalida? Dilaa

qamaamudan ay'ay rabaan in ay farta inoogu fiiqaan—arrimaha na inoo tusaan, sidii

in ay yihiin walaal inooga diirnaxahaya—"ajnebi" belaayo ah ee aan muuqan. Belada

se la wada ogahay, la wada arko, la wada yaqaan, si aan qarsoodi ahayn na wax u

disha, laga na wada baqo: Sow dagaaloogaha ma aha? Daahir Qanyare Afrax 3 , Muuse

Suudi Yalaxow, Cumar Maxamuud Maxamed Filish, Bootaan Ciise Caalin, Bashiir

Raage Shiiraar, Cabdirashiid Shire Ilqeyte, Cabdi Nuurre Siyaad, Cabdishukri Cali Xirsi

iyo Ciise Cismaan Cali … iwm., iyagu, weligood dhiig dadeed ba ma gelin, sow ma

aha? Waa xaajiyaal, aan quudan xaaraan, sow ma aha? Ma qof ayaa jira ay dileen

walcankiisa, walaalihiisa, ilmahiisa, xididkiisa, xigaaladiisa iyo "looma-ooyaan" aan

wax ba ka galabsan, wax na ku daran, dood na kala hortgin? Ma jirto wiifto ay iyagu

soo rideen ee goysay "naf Allaah (swt) uu abuuray", sow ma aha? Raggu waa xubno

ka mid ah nabadsugidda qarnigii 21-aad ee Hay'adda Booliska Adduunka (Interpol) 4 ,

sow ma ogid? Ma og tahay, goordhow, in ay nabad ekeyn doonto magaalada Xamar?

Si loo caynsho inteenna weli nool, ay'ay Bulshada Caalamku inoo soo dirtay Ururka

Ladagaalanka Argaagixisada iyo Nabadaynta Muqdisho. Ma og tahay xildhibaanno

doonahaya in ay jiraan—ciidamo ka kooban, gaar ahaan, Tigree iyo Kikuyu—askar

HALGAN

II

Printed On: GPL Ghostscript Colorlayer: ? Document Page: II

Email: wayeel@operamail.com | Curiye: A. M. Yusuf | Ladh: Gadood

Ereyo: 2849 | Bog: 2 ka 8 | Garaacay: 03/14/06 07:59 PM

Kacdoon: Gadoodii Dadka

shisheeye in dalka la keeno? Malaha, dagaaloogaha in uu caabudo Keenyaatiga iyo

Itoobiga ay'ay naga og yihiin!

Shaydaan Xijaaban

DADWEYNIHII AYAA OGAADAY BEENIHII ay naadin jireen:

"Amxaar'aan neceb nahay … diint'aan difaacaynaa …." ay'ay mar

kasta oran jireen. Shacabkii Soomaaliya, ibaarooyinkooda,

baaddooda, boolicunkoodii, gibirkii, iyo badraannimadoodii sanka ka

keenay, ay'ay ugu dari jireen madaafiicda goobta. Si wiirsi leh, mise

na, ay'ay ugu digan jireen dhibanihii ay dileen riddooyinkii halis

badnaa—iyaga oo aan u kala aabayeelayn cid na. Muuse Suudi

Yalaxow iyo qaar kale ba, kaydka waxaa loogu hayaa warar ka soo

yeeray oo aad u naxariis badanaa. Muslim uu dadkoodii ku laayay

hoobiye, waa fulaygii ku yiri:

Caleentooraa cirka ka soo dhacday. Malagooriyaa galay!

MUDDADII KALAGUURKA ayaa la soo gaaray, dadweynaha reer

soomaaliya, waa in ay dadnimadooda ka marooqsadaan gacanta

dagaalooge. Noloshooda iyo aayahooda waa in ay iyagu ka

tashadaan. Goor ayaa la joogaa, ay ku habboon tahay, shacabka oo

isku duuban, in ay nacabkooda ka badbaadiyaan dalkooda.

Rabitaanka dadka wax ka cod ama ka cudud weynaan kara ma jiri

karaan. Maxaa yeelay xoogga ururay ee dadweynaha waa awoodda

qura ee qabka qaarkiis bili karta; qabka qaarkiis na ridi karta.

Qawlka Allaah (swt), qabka in sare la saaro ugu mudan, waa

Islaamnimada; qalaadka dagaaloogaha, qabka in hoos loo siibo ugu

mudan, waa shaydaannimada. Madaxa kor u dhig, ku na dhawaaq

afbuuxa: "Muslim ay'aan ahay! Soomaali ay'aan ahay!" Sheego

mudnaanta Islaamnida; sheego midnimada Soomaalinimada.

ADDOOMO NAFTOODA U HURAYA, ku na taagan "daawgii

jihaadka Allaah" (swt), diinlaawe, iyaga loodin kara miyaa jiri kari

doona? Ogow na, dad xaqooda u gadooday, ma jiro hub waabin kari

doono. Ururka Argagixinta Islaamka, marka tirada laga saaro; qof

kasta oo Soomaali ah, waxa uu ka yahay xubin xooggaas weyn ee

shacabka walaalaha ah, kaas oo aan ay jirin cid caabbin kari doonto.

Iska ka daa' gulufka iyo gashaanrogga raqda dagaalka; dagaalooge

oo kale, ma ba sugo guuxa dadweynaha—in hantaan gobannimo u—

soo darbaday. Tabarta "tiftifku" na waa intaas wax ku siman! Carrada

Ilaahay oo waynayd, isaga awgii na loo mari waayi jiray, ayaa ciriiri

ku noqon doonto! Xijaabkii uu haweenka u diidi jiray, si uu ugu

dhuunto, isaga ayaa naf ka raadin doono! Meel uu isku ku aamino

ay'uu waayi doonaa!

FEEJIGNOW, DAGAALOOGUHU KOLKA uu qaxaan oo kale la soo

gudboonaado, jidka keli ah ee u furan, waa in uu ku saantirto magac

HALGAN

III

Printed On: GPL Ghostscript Colorlayer: ? Document Page: III

Email: wayeel@operamail.com | Curiye: A. M. Yusuf | Ladh: Gadood

Ereyo: 2849 | Bog: 3 ka 8 | Garaacay: 03/14/06 07:59 PM

Kacdoon: Gadoodii Dadka

beeleed oo ah awrkukacsi, dirwacasho, iyo beerlaxawsi toleed, ka na

dhigan "ilmadii jaxaaska". Ugaasyo ama ba duqey loo hayo isla

kalsoonidii kalhore—rag uga soo sammayn kari doona niyadsamidii

looga bartay reeraha, shanyatobankii sano ee la soo dhaafay, nolosha

shacabka na soo badday rafaadka, iyo talooyinkii, gebi ahaan,

beelaha reer Maryooleey weligood ba, xaqa, hore uga soo dabooli

jiray—ay'uu ku qaraaban doonaa.

GUURTIDA SOOMAALIDU, MEEL KASTA oo ay joogaan waxa aan

ka codsan lahaa, in ay ku biiraan Halganka jahaadka Islaamka,

iyaga oo gacan na ka gaysanaya dadaalka loogu jiro in hubka looga

dhigo, lagu na soo dhaqanceliyo sagaalka qawle 5 ee damcay in ay

ilayska ka danshaan masaajidka—u na rogaan guri aan Allaah (swt)

lagu caabudin—ka na dhigaan xero gudcur ah ee iyaga looga

cabsado. Sagaalka Argagixiso ee holliyay in ay qafaalaan qolo Muslim

ah, si ay diyadooda na ganacsi ku la galaan qolo gaalo ah.

Heshiisyada ay Hay'adda Booliska Adduunka (Inerpol) la gashay

sagaalka qawle waa in la buriyaa. Bashiir Raage Shiiraar—jaajuus

caddaystay—ayaa sheegay in Interpol ay xiriir la soo yeelatay

xubnaha sammeeyay Isbahaysiga Ladagaalanka Argagixisada, ka na

codsatay in ay soo qabtaan dembiilayaal "ajnebi ah", kuwaas oo

Koonfurta Soomaaliya lagu qarinayo. (Wareysigii Bashiir Raage

Shiiraar, British Broadcasting Corporation, Maarso 10, 2006.)

HADDII AY TAAS RUN TAHAY, Hay'adda Interpol miyay moog

tahay, sagaalka shaydaan, in aan ayan ka jirin adduunka ba, fallaago

iyaga ka dembi badan? Maxay iyaga u qaban wayday? Interpol waa

hay'ad ku shaqeysa ujeeddooyin ku salaysan gumaysi iyo

midabtakoor, kuwaas oo ay ku sajarayso Soomaali warmoog ah,

Soomaali, haba yaraatee, aan ay jirin dembi ay galeen. Interpol, ha

ogaato, in ay iyadu ba dembi weyn ka gelayso dadweynaha

Soomaaliya. Dagaaloogaha iyo Interpol-ku, waxa ay doonayaan in ay

galaaftaan, si dallacaad iyo doollar ba ay ugu helaan, si dadyow

Muslim ah ay xumaan ugu tiraan. Dad uu Allaah (swt) ku

maseeyay: "… ummadda ugu wada wanaagsan loo na soo saaray

uumiyaha." Jaasuusnimo agtoodu waa ka dembi weyn; qof

Muslim ah na "dooyo" u ma noqdo gaal kaafir ah. Muslimiinta

reer Soomaaliya, Isbahysiga Shaydaan, waxa ay u arkaan gardarri

qaawan, asii loogu duurxulayo in "dembi" loogu lebiso, wadaaddo

aan ay jirin cid ay weligood aafo ku waxyeeleen. Amxaarada uu

dalku la ciirciiray waa in ay Soomaaliya ka baxaan. Waa digniin.

Mohamed Salaad Tafey—Soomaali-Amxaarka—iyo saarka la

halmaalo, iyagu na, waa in ay araggeena ka lumaan. Sagaalka

shaydaan mid aan hoosta gaal ku wadan, ma jiro—haddii uu ahaan

lahaa Amxaar ama Ameerikaan madow. "Ajnebiga" ay sheegaan,

malaha, kuwaas ku ma jiraan? Tan kale, tobanka malyan ee

HALGAN

IV

Printed On: GPL Ghostscript Colorlayer: ? Document Page: IV

Email: wayeel@operamail.com | Curiye: A. M. Yusuf | Ladh: Gadood

Ereyo: 2849 | Bog: 4 ka 8 | Garaacay: 03/14/06 07:59 PM

Soomaalida ah, maxaa iyaga ka dhigay "far dheer?" Adduunka oo

idil, meel kasta, ajaanib ayaa buuxda; qaar si sharci ah ku jooga,

qaar si sharcidarri ah ku jooga, iyo qaar—iyaga oo kale nafta kala

soo dalaabay—oo dartood na, badaha iyo lamadegaannada ku

rubadgo'ay. Ilmahooda, hadda dalal kale aya'y ku kala nool

yihiin. Wallee in laga shaqeyn doono sidii Xamar, iyaga iyo

carruurtooda, la isugu geyn lahaa. Miy'uu awalba, dagaalooge,

dhashiisa dhaxal fiican u reebay? Mid abbihiis, xaqdarrida kala

hadlay, dhalashoodu weli ka ma mid noqon—weli, malaha, ma

aan uu dhalan! Waa "doofaar iyo labadiisa dheegood." Sidii

Ina Sanweyne, "Gari Ilaah ba'y taqaan, aadmi ma taqaan,"

mid yiri ku ma jiro. Dhashoodu haddii ay hadli waayaan, waa

laga hadalsiin doonna, wixii berri ka dambeeya. Geddii buulquraanjo,

meelaha ay ku nool yihiin, ayaa looga soo jafi

doonaa. Halganka dadweynuhu waa mid saamayn doono

adduunka oo idil. Waxa dabagal lagu sammeyn doonaa, qof

kasta iyo meel kasta ee uu dagaalooge dano ku haysto. Ha u

moodina, in warku hanjabad yahay; sida kale, waa garjoojis—

"gar ba gar, ayaa la tusaa!" Dagaalooge, ubadka qaranka waa

in laga celshaa, looga na gurmadaa, laga na yureeya,

QAWLEGA!

IGA BARTA ANIGA: Qof Muslim ah, ugu ma yeero "ajnebi", qof

kale oo Muslim ah! Jawaasiista adinka oo kal ah, ayaa "ajnebi" ah.

Gaalka soogalootiga ah iyo shaydaanka uu u soo martiyay, waa ii

labo gaal oo aan wax ba isu kay doorin; kood na i ma xigo, ila ma na

aha, walaal igu diin ah. Iska daa' Muslim haatan jooga Soomaaliya;

mid carro fog jira, ayaa loo yeeran, si uu u soo gurmado; si uu hiil

inoo taro, si ay kuffaartu uga abaaddo dalkeenna. Wallee

dagaaloogow, goorta ay ku baacsato "tumbul yar oo Lill'laahi

u bahowday", shar macduun ah oo kale waa'd ka noqon

dhooddigii Xamar. Dagaaloogow, taroox bartiisa lagu diimo,

ha uun noqon waayin. Shuko ha xiran; niqaabka na iska xoor!

Muslim adinka, dib dambe, wax idin falaya ma jiro. Wax idiin dan

leh, Interpol, CIA, iyo gaalda ayaa ka jira. Wax aad eersataan ba,

waa iyaga.

Qaylodhaan

DALJIROW HURDADA KA TOOS! Duubcadow, ka kac! Dagaalooge

xujoobay ayaa la ark'ee dirir! Halganka dadweynaha na waa mataan!

Shacabka Soomaalidu waa sidii gacanta oo kale; shanta farood iyo

calaacasha marka laga soo qaado, gacan sida ay u socoto garab

ay'ay gashaa. Islaamku waa garabo; shacabku na waa gacmo.

Muslimka reer Soomaaliya waa "gar garbo og." Guushaa na, caad

iga ma saarno, iyaga ay'ay u hoyan. Haddii Allaah (swt) yiraahdo.

Kacdoon: Gadoodii Dadka

HALGAN

V

Printed On: GPL Ghostscript Colorlayer: ? Document Page: V

Email: wayeel@operamail.com | Curiye: A. M. Yusuf | Ladh: Gadood

Ereyo: 2849 | Bog: 5 ka 8 | Garaacay: 03/14/06 07:59 PM

DOWLADA KMG AH, iyadu na, waxa laga doonahayaa in ay

kasbato rabitaanka shacabka—Mudnaanta Diinta Islaamka.

Isbaaro uu mooryaan waddo ku dhababo, waa in ay jidadka

Soomaaliya oo idil ka qaaddaa. Mooryaan kasta ee uu dagaalooge ku

gabraarto, waa in ay ugaarsataa. Ilo kasta ee uu dagaalooguhu

dhaqaale ka helo, waa laga awdaa. Sagaalka Islaamnimada ku

caasiyay, ka la na ah:

Kacdoon: Gadoodii Dadka

HALGAN

Daahir Qanyare Afrax 6 , Muuse Suudi Yalaxow, Cumar Maxamuud

Maxamed Filish, Bootaan Ciise Caalin, Bashiir Raage Shiiraar,

Cabdirashiid Shire Ilqeyte, Cabdi Nuurre Siyaad, Cabdishukri Cali

Xirsi iyo Ciise Cismaan Cali

waa in ay gacanta ku soo dhigtaa, lagu na oogaa wixii hoog ahaa, oo

ay intaas soo oogi jireen oo idil. Dowladda KMG ah na, ku ma

habboona in ay dhaayaha ka daahato siyaasadaha gurracan, ee uu "

Ururka Isbahaysiga Argagixinta Islaamka" la soo cidgalay. Gacantii

sawirtay hummaagtii fooshxumayd iyo gacantii xiirtay garkii

wadaadka—"sunnadii laga hiddaraacay Nebi Maxammad (scw)"—ii

ma ka la roona. Haddii laga dhiidhiyay gefkii uu gaystay gaal dal fog

jira, maxaa loo daystaa midka kufrinimada la jooga gurigeenna?

Arrimo weeye u baahan gorfayn iyo garsoor. "Xil nin qaaday, eed

qaad."

Tabcada Qawlega

HADDII ODAYAASHU BEELAHA NA—kuwa aan kor ku soo xusay—ay

ku gacansayraan dagaaloogaha; waxa uu duubi doonaa duqey kale

ee cusub oo dhuuniraac ah; dadka qaarkiis ayaa na jiri doono, si weli

ba indhola'aan ah, u okobanaan doono: beenaha ay beelaha bari

ama ba fari doonaan. Dadka qaar ayaa inkiri doona, ka na iilan

doona in ay qaataan xaqa uu Islaamku na barahayo ama ba uu na

wada farahayo. Ishii aragtay "nuurka" mi'yay lahan in ay dib dambe

u jalleecdo mugdigii laga yimi ee aqoondarrida—jahligii jiri jiray

Islaamka kahorow? Jahligii la ciiray tiirarkii Xamarcadde!

Dadweynahu ma oggolaanayaa in la dumiyo shanta tiir ee lagu

dhisay diinta Islaamka? Marka aan taladayda qun uga hadlo na,

waa aniga oo aan noolayn, haddii aan ama niiq ka oran waayo ama

aan ka geysan waayo nabarro: Waa aniga oo dhintay! Haddii ay

nafta iga qaadaan na, miy'ay iga qaadi dadnimda? Miyay iga saari

karayaan diinta Islaamka? Muslimku, haddii uu xagga kuffaarta ka

dhinto, ogow, xag Ilaahay ay'uu weligii ka noolaan doonaa. Naftii

raaci lahayd Ururka Ibliisyada, ha ogaato, naftaada daa' ee, kol ay ku

tahay, naftooda ma baajin kari doonaan. Hubanti weeye in adduunka

na uu gumucu ku shiilan doono, iyo weli ba iyada uu suurkii aakhiro

na kuu wehlin doono. Gaalkii uunka kuu neceb, haddii ay tahay

Islaamnimada waxa uu kugu nacahayo; marna ba ha illaawin,

VI

Printed On: GPL Ghostscript Colorlayer: ? Document Page: VI

Email: wayeel@operamail.com | Curiye: A. M. Yusuf | Ladh: Gadood

Ereyo: 2849 | Bog: 6 ka 8 | Garaacay: 03/14/06 07:59 PM

Islaamnimadu, waa diinta keli ah ee uu Allaah (swt) kugu jeclaan

doono. Nin ay wiiqdo iyo nin ay waariso ba, adduunyo waa meel aan

abid la joogi doonin. Jeer ay ahaato ba, Allaah (swt) xaggiisa ayaa

loo wada galban doonaa! Reer Janno iyo reer Jahannamo ayaa loo ka

la soocmi doonaa. Ha ka mid noqon, maandhow 7 , kuwa raaci doona

dadka Islaamnimada ka gidaadday, iyo dowladdii Islaamnida ka

fogaatay. Qiro shahaadada, ku mintid caqiida, laabtaada na si

adadag ugu hayso diintaada. Ku dhaqo, ku na dhimo Islaamnimada.

Yaa og, goor ay "goortii" iman doonto? Hal se aniga ayaa kuu og. I

maqal: Goordhow, maandow, waa kalabaxii.

War Cusub Dheh

Qawleysatadu, sida aan kor uga soo hadlay, "is ma kalkaalaan,

cidla'da aya'y uga dhaqaaqaan koodii jaba." Maanta (March 14,

2006) ayaan ogaaday in Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal)—xubin

ka tirsan Isbahaysiga Shayaadiinta—in uu sheegay, Hay’adda

Interpol, in aan uu jirin xiriir ay la yeesheen. In Isbahaysigu la xirriro

Soomaalida uun. Cabdi Waal, marka wariyeyaasha u waramayay,

waxa uu joogay aqalka Wasiirka Ahmiga Qaranka, Daahir Qanyare

Afrax. Bashiir Raage Shiiraar aya'y ka "dhaceen libintii doofaar"

ee uu basaasnimadooda ku shaacinayay. Waayo, isagu, waa qawle

liita, laga na tabar badan yahay. Runtii uu dartood u naadinaayay

aya'y ku qoonsadeen. Malaha, haddii uu been sheegi lahaa, waa ba

ay dili—qoorta, aya'y qarjaf ka siin— lahaayeen. Jawaasiis ayaan

nahay iyo ma nihin, afkii yiri, iyo afkii yiri: "Alif wax ma leh iyo

wax buu leeyahay," ka la run badan, Rabbiga na u kala dhow,

aya'y, Alle'y Lehe, aniga ila tahay!

DHAMMAAD

Qore: A. M. Yusuf | wayeel@operamail.com

Afee: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | March 16, 2006

Kacdoon: Gadoodii Dadka

1 Sheeko-Xariir ayaa tegey gobolka Barri, gaar ahaan magaalada Boosaaso,

sanadkii 1994. Bosaaso waxa ay lahayd deked yar oo ay doonyuhu ku soo xirtaan.

Furdadan waa isha dhaqaaluhu ka soo geli Gobolka Bar. Haraadigii Kacaankii

Oktoobar ayaa se ceeriinka ku qaybsan jiray. Dabdeed, Sheeko-Xariir waxa uu

HALGAN

VII

Printed On: GPL Ghostscript Colorlayer: ? Document Page: VII

Email: wayeel@operamail.com | Curiye: A. M. Yusuf | Ladh: Gadood

Ereyo: 2849 | Bog: 7 ka 8 | Garaacay: 03/14/06 07:59 PM

Kacdoon: Gadoodii Dadka

tiriyey gabayga la yiraahdo "Guuto Bahalo ah" eng. trans. "A Horde of Predators".

Boogga: http://www.aftahan.com

2 Jaalle Siyaad, aflagaaddo, erey uu ku tibaaxay: mooryaantii USC-da oo isaga ka

eryootay Xamarcadde. Malaha dhaqankooda ay'uu ku beegahaya dhaqanka

jabhaddii aan dhul, dhir, iyo dhagax ba jajabsatay

3 Maxamed, waa codsi, ha ugu yeerin weligaa! Waa magac "bug ah" ee uu la

baxay waagii u xaday hantidii qaranka—waxa uu la baxsaday mushaarkii booliskii

qaranka ee joogi jiray Buulaxaawo—u na fakaday xaggaas iyo Nairoobi, Keenya,

dowlad cadow ahayd, ilaayo haatan na neceb midnimada Soomaalida. Magaciisa

runta ah waa: Daahir Qanyare Afrax.

4 Interpol: waa hay'ad loo abuuray in ay ka hortagto dembiyada adduunka ka

dhaca, soo na qabato fallaagada baxsiga ah ee adduunka, kuwa dalalkooda ka soo

geystay gaboodfal kadhana xuquuqda bini'aadamka.

5 Waa sagaalka qawle ee dhidbay Ururka Argagixinta Islaamka:

1. Daahir Qanyare Afrax 2. Muuse Suudi Yalaxoow

3. Cumar Maxamuud Max’med Filish 4. Bootaan Ciise Caalin

5. Bashiir Raage Shiiraar 6. Cabdirashiid Shire Ilqeyte

7. Cabdi Nuurre Siyaad 8. Cabdishukri Cali Xirsi

9. Ciise Cismaan Cali

6 Maxamed waa magac been ah ee uu la baxay waagii u xaday lacagta qaranka, u

na baxsaday xaggaas iyo Nairoobi, Keenya. Magaciisa runta ah waa: Daahir

Qanyare Afrax.

7 Amiin Yuusuf (Khasaaro), " Isbahaysigii dhawaan looga dhawaaqay Muqdisho oo

isku maandhaafay hadalkii ka.." Eeg boggan hoose:

http://www.somalitalk.com/2006/mar/14mar016.html

HALGAN

VIII

Printed On: GPL Ghostscript Colorlayer: ? Document Page: VIII

Email: wayeel@operamail.com | Curiye: A. M. Yusuf | Ladh: Gadood

Ereyo: 2849 | Bog: 8 ka 8 | Garaacay: 03/14/06 07:59 PM

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!