26.07.2014 Views

ilays newspaper arbaca 05 august 2009 - Somali Talk

ilays newspaper arbaca 05 august 2009 - Somali Talk

ilays newspaper arbaca 05 august 2009 - Somali Talk

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII 2 JEER LAGU DAABACO MADBACADDA HORYAAL BOSASO

ED

GOLIS TELECOM

ILAYS

ARBACA 05 August 2009, Caddadki 54aad , Tell:-712246/66712246 Email:-ilaysnewspaper1@gmail.com Q:-6000

Madaxweyne Faroole :-Dadka Somaliyeed ee haysta

Gobollo aysan Lahayn Waa In ay Ka Baxaan”

Madaxweyne Faroole oo ka hadlay Degaamadda Maqan ee Puntland

iyo Deeqaha La Siiyo Dowladda Federaalka Somalia

EEG BOGGA 2AAD

Suxufiyiinta Reer

Puntland Ee

Tahriibaya Oo

Tirdoodu Kordhayso

W/Q:- Maxamed Yuusuf Cali

Tiradda Suxufiyiinta reer puntland

ee u tahriibay waddamada

Qaaradda yurub ayaa la sheegayaa

in sannadkan 2009 aad

tiradoodu kor ugu kacday,ka dib

markii ay soo wajahday Dhaqaale

la’aan iyo mustaqbal la’aan.

EEG BOGGA 2AAD

VACANCY

ANNOUCEMENT

LIVESTOCK MARKETING

PROJECT OFFICER –

PPLP - JOB REF: SOM/IN005

EEG BOGGA 4AAD

Geelle : Mar Saddexaad

ma la dooranayaa?!

EEG BOGGA 7AAD

ZENAWI, SHARIIF IYO SHARMA’ARKE OO UGU HAMBALYEEYAY

SHACABKA IYO MADAXDA PUNTLAND XUSKA 1-DA AUGUST

“Dadka Somaliyeed Waxaan Ugu Baaqayaa in ay Ku Daydaan Dowladda

Puntland OO Ammaanka Dhowraan” Raisulwasaaraha Ethiopia EEG BOGGA 2AAD

Istaraatiijiyada dagaalka lagu burburinayo

Islaamiyiinta mucaarradka DFKM.

WARIYAASHA/ILAYS

Ma ahan arrin aan laga warqabin

inuu jiray guluf colaadeed

oo la qorshaynayay bilihii dhowaa,

kaasoo lagu bartilmaameedsanayey

xoogga mucaaradka ku

ah DFKM ee lagu soo yagleelay

Jabuuti bilowgoo sanadka 2009.

Waddamadda arrimaha Soomaaliya

sida gaarka ah u daneeya

ayaa farta wadanaha saaray kolkii

mucaaradka Islaamiyiintu qarka u

gaareen Villa Soomaaliya oo hoy u

ah hoggaanka DFKM ee Sheikh

Shariif Sheikh Axmed. ma qarsoonayn

welwelka dowladda

Maraykanka iyo reer galbeedkuba

ka qabeen in afgembi

awooda laga qabsado dowladda

Jabuuti lagu soo dhisay.

Maraykanka ayaa ku tilmaamay

Islaamiyiin madax adag Al-

Shabaab iyo Xisbul Islaam iyo

weliba in dagaalyahano ajnabi

ah kooxahan ku weheliyaan

dagaalka ka socday Muqdisho.

Taas oo uu Maraykanku si gaar

ah uga baqi qabo . waxaana Maraykanku

ku taageeray dhaqaale

iyo hub labadaba dowladda FKM

si ay u hakiyaan gulufka dagaalka

ee la doonayo in awooda looga

tuuro Dowladda Shariifka. Ma

ahan in loo fekero in Maraykanku

u danaynayo shacabka Soomaaliyeed

EEG BOGGA 3AAD

Somalitalk oo Toban

sano jirsatay 1999-2009

Somalitalk waa shabakad warbaahin

iyo xog aruurin isugu jirta, kana

mid ah kuwa ugu da’da wayn bogaga

Internetka ee Soomaalida. Waxayna

aad isugu howshaa inay soo

gudbiso Baaritaano, Faallooyin,

Warbixin iyo Qormooyin, laxiriira

Badaha iyo Bariga Soomaaliya, kuwaas

oo u badan dhacdooyin

EEG BOGGA 5AAD

2 ILAYS NEWSPAPER ARBACA 05 AUGUST 2009

Madaxweyne Shariif, Ra’isul Wasaare Sharma’arke

Iyo Raisul Wasaaraha Ethiopia Oo Dadweynaha

Iyo Xukuumadda Puntland U Hambalyeeyay

Garowe/Ilays

Madaxweynaha Somalia Shariif Axmed

iyo Raisul Wasaaraha Somalia

Cumar C/rashiid Cali Sharmarke

ayaa ugu hambalyeeyay Shacabka

iyo xukuumadda puntland Maalinta

1-da August ee Xuska 11- guuradii

ka soo wareegtay maalintii puntland

dhidibadda loo taagay.

Madaxdan oo khadka telefoonka

kaga qayb qaadatay Xafladii lagu

maamusayay Xuska A-da August

ayaa Madaxweyne Shariif oo la hadlaya

dadweynaha Iyo Madaxda reer

puntland waxaa yiri:-

“ Walaalaheena Puntland wax badan

ayaad qabsateen Hambalyo ayaan

idin leeyahay dowladda Soomaaliyana

waxa ay bilaabaysaa qorshayaasheeda

ku aadan arimahaasi oo aan

guul ka gaari doono, waxaana og nahay

Wanaaga ay Puntland ugeystay

Shacabka Soomaaliyeed”

Raisul Wasaare Cumar C/rashiid oo

ka soo jeeda Degaankan Puntland

ayaa ugu hambalyeeyay Ummadda

reer puntland sannadguuradda 11-

aad ee ka soo wareegtay asaaskii

puntland, waxaana ugu baaqay reer

puntland in ay adkeystaan amaanka

iyo Xasilinooida, isagoo wax laga xumaado

ku sifeeyey in ay jiraan dad

doonaya in ay dhibaato ka fuliyaan

gudaha dalka Soomaaliya, isagoo

cadeeyey in uu dhawaan imaan doono

Puntland.

Dhinaca kale Raisul Wasaaraha

Ethiopia Melez Zenawi ayaa ugu

hambalyeeyay Madaxda oo ugu Horreeyo

Madaxweynaha Puntland Md,

C/raxmaan Maxamed Maxamuud

(Faroole) iyo shacabka reer puntland

Xuska Maalinta 1-da August.

Melez oo la hadlay Kumaankun

Muslimiin ah oo isugu soo baxay

magaaladda Adis-ababa ayaa sheegay

in puntland ay guul gaartay, waxaana

uu yiri:-

“ Dadka Soomaaliyeed waxaan

si gaar ah ugu baaqayaa in ay ka

shaqeeyaan amaanka, waxaan ugu

baaqayaa in ay ku daydaan dowladda

Puntland ee dalka Soomaaliya

oo gaartay horumar leh dhamaanba

dhinacyadii looga baahnaa dowladda

ama maamul gobaleed” Ayuu yiri

Raysalwasaaraha dalka Itoobiya”

Degaamadda puntland waxaa ku

nool kumaankun qof oo soomaliyeed

oo ka soo qaxay koonfurta Somalia,

kuwaasoo ay soo jiidatay Ammaanka

iyo Fursadaha shaqo ee kajira puntladn,

waxaa kaloo ku suga puntland

dad ethiopian oo qaxooti ah oo ka

soo cararay dalka ethiopia, waxayna

intooda badani dadkaas ku nool yihiin

Magaalooyinka Waaweyn, Bosaso,

Garowe, Galkacayo iyo Qardho.

Madaxweyne Faroole :-Dadka Somaliyeed ee

Gobollo aysan laheyn haysta Waa In ay Ka Baxaan”

Garowe/Ilays

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Md, C/raxmaan Maxamed Maxamuud

(Faroole) ayaa markale ku

celiyay sida ay xukuumadiisa uga

go’antahay in si nabadgelyo ah ku

gaarto dhulka ka maqan, waxaana

uu hadalkaasi ku soo beegay Xuska

Maalinta 1-da August.

Madaxweyne C/raxmaan Faroole

waxaa uu sheegay in Degaamo

Badan oo ka tirsan Dhulka Puntland

ay Haystaan dad aan u dhalan ,wuxuuna

ugu baaqay in ay ka baxaan

gobaladaasi Sool, Sanaag iyo Cayn

meelo kamid ah iyo waliba Gobaladda

Koonfureed ee dalka Soomaaliya

Madaxweyne Faroole oo arrinkaas

ka hadlayana waxaa uu yiri:-Walaalaheena

Soomaalida ah ee kala

heysta dhulal aysan udhalan ama

laga taageersaneyn waxaan ugu

baaqeynaa in ay ka baxaan oo ay

garwaaqsadaan dadaalada nabdeed,

waxaana aad uga xun-nahay

in dad badan oo diidan nabadda

Soomaaliya ay jiraan”

Dhinaca kale waxaa uu Madaxweyne

C/raxmaan uu ka hadalay Dowladda

Federaalka ee Somalia, waxaana uu.

tilmaamay sida ay lama huraan u

tahay in Lacagaha iyo deeqaha ay

dowlada somalidu hesho ay si siman

ugu qeybsiso dowlad gobaleedyada

& gobalada kale ee Soomaaliya, isagoo

sheegay in ay Madaxda dowladda

Soomaaliya ay arimahaasi kala

hadli doonaan oo ay doonayaan in ay

wax badan isla meeldhigaan.

Isagoo arrintaas ka hadlayana waxaa

uu yiri :-” Dowladda Soomaaliya waxaan

ka codsaneynaa in dhaqaalaha

Soomaaliya magaceeda lugu helayo

ay si siman ugu qeybiyaan Shacabka

Soomaaliyeed, dowladda gobaleedyada

iyo gobalada aan Maamulada

laheyn-ba, waayo Deeqaha magaca

Soomaaliya ayaa lugu soo qaadaa”

Xukuumadda C/raxmaan Faroole

waxaa uu culays wayni ka haystaa

dib-u-soo celinta Xarunta Gobolka

sool ee laascaanood oo 15 october

gacanta u galay Maamulka Daahir

Rayaale ee Hargaysa oo doonayaa

in dalka kala gooyo, waxaa kaloo

dowladda puntland dhibaato ka haysataa

Dagaaladda ka socda koonfurta

somalia iyo Lacagaha faraha

badan ee beesha caalamku siiyo

dowlada shariif oo xamar oo keliya

loo isticmaalo

Suxufiyiinta Reer Puntland Ee

Tahriibaya Oo Tiradoodu Kordhayso

W/Q:- Maxamed Yuusuf Cali

Tiradda Suxufiyiinta reer puntland

ee u tahriibay waddamada Qaaradda

yurub ayaa la sheegayaa

in sannadkan 2009 aad tiradoodu

kor ugu kacday,ka dib markii ay soo

wajahday Dhaqaale la’aan iyo mustaqbal

la’aan.

Suxufiyiintan oo ka Howlgali jiray

Idaacaddaha, Tv-yadda iyo Baraha

Internadyada ayaa la sheegayaa

in qaarkood weli ku xayiran yihiin

Dalalka Liibiya iyo Talyaaniga oo ay

ku sugnaayeen 8 billoowd ee u dambaysay.

Suxufiyiinta Tahriibay Iyo

Wadamada ay Magan galeen

Bishii July ee 2009, waxaa tahriibay

Wariyaasha kala ah, Mowliid Xaaji

Cabdi, Agaasimihii Idaacadda iyo

TV SBC iyo C/risaaq Cumar Ismaaciil

(Sheekh Aduunyo) oo ahaa

Guddoomiyihii Ururka Suxufiyiinta

ee Nusoj, islamarkaana wax ku qori

jiray Boggaga internetka Soomalida,

Labadan suxufi waxay iska dhiibeen

Wadamada Sweden iyo England,

iyagoo sii maray dalka Talyaaniga.

C/risaaq Cismaan Bulqaas oo ka

Howlgali Jiray TV-ga ETN ee Bosaso,

Mukhtaar Siciid Cumar oo

ahaa Markii u dambaysay Wariye

Madaxbannaan iyo Cawaale Jaamac

Salaad oo isna wax ku qori jiray

boggaga internetka, kana soo howlgalay

Idaacadaha Maxaliga iyo TVyada

ayaa iska dhiibay Wadamada

Sweden iyo Talyaaniga. Jaamac

Ayaanle Fayte oo wax ku qori jiray

bogga internetka ee Laasqoray iyo

Maxamed Maxamuud Ilkacase oo

isna ka shaqayn jiray TV-ga ETN

ayaa ka mid ah Wariyaasha Tahriibay,

Wariyaashan ayaa qaarkood u

suurtagashay in yoolkoodii yurub ay

gaaraan,halka qaarkoodna ay ku sugan

yihiin Magaalooyinka Nairobi iyo

Tribuli oo ay isku diyaarinayaan in ay

galaan Safar biimo ah oo la marayo

jid dheer oo khatar ah oo saxara ah

iyo badda halista badan ee u dhaxaysa

Liibiya iyo Talyaaniga.

Suxufiyiintan tahriibtay oo isugu jiray

kuwo shaqo fiican iyo Nololba ku

haystay puntland, qaar ay haystay

Duruufo nololeed iyo Qaar kale oo ka

cararay Dambiyo loo haystay, ayaa

waxay dibu-dhac ku keeni kartaa

saxaafadda puntland oo waayaddii u

dambaysay horumar la taaban karo

sameeyay, waxaana haatan aad ugu

sii yaraanaya Suxufiyiintii la tabaray,

ee tayada lahaa ee wararka tabin

jiray, waxaana boosaskoodii lagu

gufeeyay suxufiyiin da’yar oo qaarkood

aysan dhamaysan dugsiyadda

sare iyo suxufiyiin kale oo laga soo

waariday koonfurta Somalia.

Degaamadda puntland waxaa ka

howlgala ilaa 10 Idaacadood, Labo

TV iyo Labo wargays, waxaana

Idaacadahaas Ugu Magac dheer

Radio Daljir oo ka howlgasha Bosaso,

Qardho, Garowe, Burtinle iyo

Galkcayo, Idaacadda Horseed oo

Caalamka idil laga dhagaysto iyagoo

wararkooda ku faafiya Internetka,

Idaacadda SBC oo ahayd idaacadii

ugu horraysay ee puntland laga hirgaliyo

iyo TV-ga Caalamiga ee ETN

oo hadda laga daawan karo dhammaan

caalamka, xarumana ku leh,

Nairobi, Bosaso, Jabuuti, Hargaysa

iyo Xamar.

Arrintu siday doonto ha

ahaatee,Suxufiyiinta ka howlgala

Hay’adaha warbaahinta puntland

waxaay qaataan wax yar $100,

qaybtoodna waxay ku shaqeeyaan

wax loogu yeero “ shaqo-

Magac ku bedelasho” oo ah

in qofka la siiyo fursad uu kaga

hadlo idaacadda,magaciisana laga

maqlo idaacadda, lacagna uusan

qaadan,waxaa kaloo suxufiyiintu ay

noloshooda ku maareeyaan waxaa

loo yaqaan “Sharuurka, Biyo

Cabaal, Caanaha Caruurta iyo Kalmaddo

kale” oo dhammaantood ah

shaxaad/Lacago laga qaado dadka la

waraysto iyo Hay’adaha Dowliga iyo

kuwa aan dowliga ahayn ee doonaya

in la faafiyo wararkooda.

Madaxweynaha GalMudug ayaa

ku dhawaaqay Dowaladiisii

(Ahlu Sunna ayaa ku gacansayrtay)

04, August, 2009

Maalmo ka hor ayey ahayd kolkii

xooggaga Ahlu sunna wa jamaaca

sida ay sheegteen awood kula wareegeen

maamlkii Galmudug. Todobaadkii

la soo dhaafayna waxay

magacaabeen gudiyo ka hawlgala

Galmudug.

Dhinaca kale Madaxweynihii Galmudug

ee la doortay 14 Augosto ayaa

isaguna ku dhawaaqay golle xukuumadeed

sided Wasiir oo ka mid ah,

waxayna kala yihiin:-

1: Wasaarada Amniga iyo Dhaqan

celinta, Cabdulaahi Guuleed Xersi

2: Wasaarada Arimaha Gudaha iyo

dowlada hoose, Qaliif Ciise Cigaal

3: Wasaarada Maaliyada Maxamuud

Cigaal Hiiro

4: Wasarada Qorsheenta iyo xirirka

caalamiga, Cumar Maxamed Rooblle

(cumarsuuri)

5: Wasaarada kaluumaysiga iyo

qeyraadka bada, Cabdilaahi Jaamac(

Dhoore )

6: Wasaarada Howlaha Guud iyo

Gaadiidka, Ayaanle Macalin Aadan

Ducaalle

7: Wasaarada Garsoorka iyo Arimaha

Diinta: Sh/Daahir Jaamac Mataan

(Ahlu Sunna Waljamaca).

8: Wasaarada Xanaanada Xoolaha

iyo Hormarinta Rermiiga Cali Ducaale

Kaahiye

Wasiiradan oo u badan Qurbo joog

ayaa Ururuka Ahlu Sunna uu ku gacan

sayray

ARBACA 05 AUGUST 2009 ILAYS NEWSPAPER 3

Istaraatiijiyada dagaalka lagu burburinayo

Islaamiyiinta mucaarradka DFKM.

WARIYAASHA/ILAYS

dagaalka ayaa ah saddexda Gobolada

Gedo, Jubadda Dhexe iyo Jubbadda

Hoose waxayna gaarayaan

ilaa iyo Baraawe. Waxaana taakulaynaya

ciidan Itoobiyaan ah oo dhan

4000 (AfarKun)

Ma ahan arrin aan laga warqabin

inuu jiray guluf colaadeed

oo la qorshaynayay bilihii dhowaa,

kaasoo lagu bartilmaameedsanayey

xoogga mucaaradka ku ah DFKM ee

lagu soo yagleelay Jabuuti bilowgoo

sanadka 2009.

Waddamadda arrimaha Soomaaliya

sida gaarka ah u daneeya ayaa farta

wadanaha saaray kolkii mucaaradka

Islaamiyiintu qarka u gaareen Villa

Soomaaliya oo hoy u ah hoggaanka

DFKM ee Sheikh Shariif Sheikh Axmed.

ma qarsoonayn welwelka dowladda

Maraykanka iyo reer galbeedkuba

ka qabeen in afgembi awooda

laga qabsado dowladda Jabuuti lagu

soo dhisay.

Maraykanka ayaa ku tilmaamay Islaamiyiin

madax adag Al-Shabaab

iyo Xisbul Islaam iyo weliba in dagaalyahano

ajnabi ah kooxahan

ku weheliyaan dagaalka ka socday

Muqdisho. Taas oo uu Maraykanku

si gaar ah uga baqi qabo . waxaana

Maraykanku ku taageeray dhaqaale

iyo hub labadaba dowladda FKM si

ay u hakiyaan gulufka dagaalka ee la

doonayo in awooda looga tuuro Dowladda

Shariifka. Ma ahan in loo fekero

in Maraykanku u danaynayo shacabka

Soomaaliyeed ee ku dhowaad

la daala dhacayey dagaalka sokeeye

ee aan dhamaadka lahayan .balse

waa in la fahmaa in Maraykanku waxaa

uu Soomaaliya u danaynayo ay

tahay in la soo qabto xubno lagu tuhmayo

inay ka dambeeyeen falkii lagu

burburiyey safaaradaha Maraykanka

ee Nairobi iyo Daarasalaam 07 Augst

1998-dii iyo weliba weeraradii lagu

qaaday dabayaaqadii 2002 Hoteel

Yuuhuudu lahayd eek u yaalay Mombaasa

Kenya.

Maraykanku waxaa uu ku fashilmay

dagaalkii uu la galay Islaamiyiinta

Soomaaliya Feb 2006 Islaamiyiinta

Soomaaliya oo uu waqtigaas

hogaaminayey Sheikh Shariif Sheikh

Axmed isagoo taageeraya qabqablayaashii

Muqdisho oo Maraykanku

u sameeyey urur la oran jiray la dagaalanka

arggaixisada si loo soo

qabqabto sadex nin oo Maraykanku

u arkayey inay maskax u ahaayeen

dano Maraykanku lahaa oo geeska

Afrika lagu weeraray. Maraykanku

xataa waa uu dhinac maray DFKM

ee uu waqtigaas hogaaminayey Cabdulaahi

Yuusuf isagoo ka doorbiday

inuu taageero oo xulafaysto qabqablayaal

dagaal oo sharciga hareer

marsanaa waqtigaas. Falalkaaas

Maraykanku ku dhaqdhaaqay ayaa

iftiiminaysay inaan Maraykanku wax

dan ah ka lahayn in Soomaaliya ay

hesho dowlad lugaha isku taagta

oo sharcigii iyo kala dambayntii soo

celisa.

Maraykanku markale ayuu soo

abaabulay qorshe lagu burburinayo

Islaamiyiinta kaabiga u gaaray Baydhabo

dhamaadkii 2006-dii, waxaana

uu dowladda Itoobiya siiyey mashruuc

lagula dagaalamayo Islaamiyiinta

Soomaaliya iyadoo uu Itoobiya

dhabarka ka soo taabtay .

dhamaan kharashyadda ku baxayey

howlgalka dagaalka Itoobiya

Soomaaliya ku qabsatay waxaa

bixinayey dowladda Maraykanka,

in ka badan 20,000 (Labaatan Kun)

oo ka mid ah ciidamaamda Itoobiya

ayaa gudaha u soo galay Soomaaliya

mudo toddobaad ahna waa laga

adkaaday Islaamiyiintii . laakiin ma

dhammaan dagaalkii Soomaaliya ka

socday. Ciidamadii Itoobiyana waxay

Soomaaliya ka baxeen horaantii

2009 iyagoo in ka badan 4000 (Afar

Kun) oo askari ku waayey dagaalkii

Soomaaliya . waxaana fashil ku

dhamaaday qorshihii Maraykanka ee

ku aadanaa Soomaaliya oo noqday

mid aan awood wax lagaga qaban

Karin. Taasoo oo maraykanku ku

soo afjaray in Soomaaliya loo dhiso

dowlad uu horseed ka yahay Sheikh

Shariif Sheikh Axmed oo ahaa hoggaamiyihii

Maxkamadaha Islaamiga

ahaa ee Islaamiyiinta Soomaaliya.

Mar kale ayaa khatartu soo muuqatay

kolkii Xisbul Islam iyo Xarakatul

Shabaab Al Mujaahid oo mataansan

kana mid ahaa Islaamiyiinta

uu hoggamin jiray Sheikh Shariif ku

dhowaadeen inay ka guulaystaan

dowladaas uu hoggaamiyo hoggaamiyahoodii

shalay. Arrimahaasina

waxay baraarug hore geliyeen

Maraykanka iyo Itoobiya oo iyagu

si gaar ah isha uga haya Soomaaliya.

Si degdeg ah ayuu Maraykanku

kaalmo dhaqaale iyo mid ciidanba

ula soo gaaray maalmihii kaabiga loo

gaaray Villa Soomaaliya dowladda

uu madaxda ka yahay Sheikh Shariif.

Waxaana uu Maraykanku dejiyey

qorshe habaysan oo lagaga guulaysan

karo Islaamiyinta Mucaaradka

ku ah DFKM.

Qoshaha Maraykanka ee Istraatijyadda

laga guulaysan karo Islaamiyiinata

waxaa ugu horeeyay is

fahan la dhex dhigo DFKM iyo Itoobiya

gaar ahaan xubnihii sida wayn uga

soo horjeedi jiray faragelintii Itoobiya

ee Soomaaliya 2006-dii. Waxaana

xubnahaas ugu muhiimsanaa Cumar

Xaashi Adan oo ahaa Wasiirka

Amniga ee DFKM. Howlgalka Istaraatiijiyadda

ayaa loogu magacdaray

qorshaha Lix geesoodka

. waxaana Shan jiho laga weerarayaa

Islaamyiinta mucaaradka ku

DFKM. Wajiga koowaad ee weerarka

ayaa ahaa mid ku qorshaysan

Magaaladda Beledweyn iyo gobolka

Hiiraan waxaana qorshaahas

madax u ahaa Cumar Xaashi oo

weerar Ismiidaamin ahaa ay ku dileen

Islaamiyiintu. Waxaa qorshaha

dagaalkaas aaga koowaad ka qayb

qaadanaya 1500 oo ciidan ah isuguna

jira ciidamadii Soomalaida ahaa

ee lagu soo tababaray Itoobiya , ciidamaddii

qabqablayaasha, iyo koox

yar oo ka mid ah Islaamiyinta taageersanaa

DFKM. Waxaa kooxdani

amar ahaan u qabaan inay gaaraan

degmadda Balcad uga soo gudbaan

xaafaddaha Muqdisho ee Yaaqshiid

, Karaan qayb Wardhiiglay ka mid ah,

iyagoo Fariisamo ka samaysanaya

Isgoyka Sanca, Garoonka Kubadda

Cagta ee Muqdisho iyo Warshadii

Baastada

Waxaa ciidamadan daba taagan

ciidamo Itoobiyaan oo dhan 3000

(Sadex Kun) kuwan oo guri guri u

baari doona degaanadda ay cagta

sii marinayaan. Ciidamadda Itoobiya

ee waqtigan ayaan ka baqayn sidii

ciidamadii hore Itoobiya in lagu dacweeyo

Maxkamadda Dembiyadda

dagaalka , waayo waxaa si sharciyasan

loo siinayaa ina fal kasta kula

kici karaan koxahaa mucaaradka ah.

Qorshaha aagga labaad ayaa ah

gobolka Galguduud iyo gobolka

Shabeeladda waxaana qorsha dagaalkan

ku jihaysan fullinaya koox

loogu yeero Ahlu Sunna Wajaamaca

waxaana ciidankaasi ka kooban yahay

800(Sideed Boqol) oo ka kooban

beelaha Mareexaan ,Cayr iyo Dir.

Kooxdan ayaa ah ciidan kuwa ugu

xoogga badan ee diyaar u ah inay

galaan dagaal laga hor imaanayo

Islaamiyiinta mucaaradka ah. Waxay

qabaan amar ah inay qabtaan ilaa

iyo degaanka xeebta ee degmadda

Cadalle , Muqdishana ka soo galaan

dhina Waqooyiga iyagaoo soo gaaraya

ilaa iyo xaruntii Nabadsugida

iyo degaanka beexaan, Kaambo ilaa

dekedii hore ee Muqdisho. Waxaan

daba taagan oo kaalmaynayo Ciidan

Itoobiyaan ah oo dhan 3000(SadexKun)

Qorshaha aagga Saddexaad waa

Kooxihii laga saaray Bay iyo Bakool

ee ku sugan xuduuda u dhexeysa

Soomaaliya iyo Itoobiya, waxay ka

kooban yihiin 1600( Kun iyo Lixboqol)

ciidan ah waajibka dagaalkooda

ayaa ah inay qabtaan Baydhabo

ka dibna u soo talaabaan dhinaca

Buur Hakabo ilaa iyo Kontoroolka

Afgooye, waxaana sidii kooxihii hore

taageeray oo daba socdo 3000 (Sadex

Kun )oo Itoobiyaan ah.

Qorshaha aagga Afraad waa kooxda

joogta Doolow oo ka kooban

2000 (Laba Kun) waajibkooda

Qorshaha aagga Shanaad ayaa ah

ciidamo ku dhuumaalysanay gobolka

Shabeeladda Hoose kuwaas oo

daacad u ahaa Sheikh Yuusuf Indha

cade amaba ku jira Xisbul Islaam

oo kolka gulufka dagaalku bilowdo

dhinaca kale taageeraya ciidamadan

ayaa degmooyinka Qoryooley

iyo Diinsoor ka sifayn doona Al-

Shabaab , waxaa lagu qiyaasaa ilaa

400 (AfarBoqol)

Qorshaha aagga Lixaad waa Ciidamada

AMISO iyo kuwa DFKM ee

ka kooban Islaamiyiinta iyo ciidamadii

DFKM qorshahooda ayaa ah inay

mashquuliyaan oo dagaalka ku jaahwareeriyaan

Al-Shabaab iyo Xisbul

Islaam inta qorsha howlgalku fulayo.

Qorsha Lix geesoodka ayaa la

filayaa in sida loo qorsheeyey uu u

fulo . dhowaan waxaa la bilaabay

hordhiciisii kaaso tijaabo ahaanlooga

fuliyey Beledweyn maalmaha

soo socdan waxaa la fili karaa

Sheikh Shariif kolkuu ka soo laabto

kulanka uu todobaad soo socda uu

kula yeelan doono Nairobi Kenya

Xoghaya Arrimaha dibadda ee Maraykanka

Hilary Cliton in lagu soo

afjari doono howlgalka qorshaha

Lixgeesoodka lagu doonayo in lagu

burburiyo Islaamiyiinta Mucaaradka

ku ah DFKM. Waxaa la is weydiin

karaa in Islaamiyiintu sidii 2006-dii

uga dhuuman doonaa awooda ciidan

ee ka xoog badan. Hase ahaatee

waxaa la leeyahay xaalku waa kaga

adkaan doonaa , waayo waxaa daba

taagan oo yaqaan meelaha ay ku

dhuuntaan kooxo Islaamiyiin ah oo

la safan DFKM . iyagoo farta ku fiiqi

doona meel kasta oo ay jaan iyo cirib

dhigaan Islaamyiinta

Khabaar-Keene

Dambi Ma Yeesho

Khabaar-Keene (messenger)

waxa dambi ah oo uu

leeyahay ma jirto aan ka

ahayn inuu keenay wixii jiray,

sababtoo ah waxa uu

keeno ma aha waxa uu isagu

geystay ee waa wax cid

kale oo aan isaga ahayn ay

geysatay oo jira, oo dhacay,

haddaba yaa ah khabaarkeene?

khabaar keene waa

qof alla qofkii waxa dhacay

oo jira soo wariya ama qora.

waxaana khabaar-keena ka

kow ah suxufiga iyo Buug

qoraha

4 ILAYS NEWSPAPER ARBACA 05 AUGUST 2009

CARE INTERNATIONAL SOMALIA / SOUTH SUDAN

LIVESTOCK MARKETING PROJECT OFFICER –

PPLP - JOB REF: SOM/IN005

CARE Somalia/South Sudan is an International NGO working in Somalia

and South Sudan. CARE and its partners work with vulnerable

communities to address the underlying causes of poverty and promote

peace and development, through its strategic goal; to reduce poverty

by empowering women, enhancing access to resources and services,

and improving governance.

CARE is looking for a suitable candidate to fill the position of Livestock

Marketing Project Officer for its Puntland Pastoralist Livelihood Project

(PPLP) to provide technical expertise in livestock marketing activities

and collect valuable market information relating to external and internal

market prices for livestock in Puntland state.

Job Summary

The Project Officer will be responsbile for livestock marketing activities,

including capacity support to the already established market subcommittes

within the grazing blocks, co-facilitating training events,

carrying out needs assessment, monitoring and reporting of project

activities.He/he will be expected to work with other stakeholders in the

lievstock sector including other NGOs and the Minstry of Livestock and

Range to ensure coordination of project activities.

Key Competencies

• Demonstrated experience in research and information management.

• Excellent computer skills.

• Demonstrated knowledge of pastoral related contemporary development

issues.

• Administrative and financial management experience within an

NGO set up.

• Excellent verbal and written communication skills.

• Excellent analytical skills.

Required skills and qualifications

• The position holder is required to have a degree /diploma in relevant

the field (Livestock/Agricultural).

• Two years successful experience in rural development with specific

focus on livestock marketing activities and capacity building of institutions.

• Experience in working with pastoral communities

The position will be based in Garowe, Puntland in Somalia, but a significant

amount of time (70%) is expected to be spent in the field. Closing

date for receiving applications will be on the 9th August, 2009. The

short-listed candidates will be contacted by the 11th August, 2009.

Applications and CVs should be sent to:

The Human Resources Officer

CARE Somalia /South Sudan

Garowe Sub-office

Email: hrgarowe@ci.or.ke

Applicants sending their applications through email should clearly

mark on the subject “Project officer Livestock marketing PPLP- SOM/

IN005’’

CARE is an Equal Opportunity Employer, promoting gender,

equity and diversity and women candidates are strongly

encouraged to apply.

NAAS-NUUJINTA

BARAXTIRAN EE

ILMAHA WAXAY

BADBAADIN KARTAA

KUMAANKUN

CARUURA AH

NAYROOBI, KENYA, 31 Luulyo

2009: Dalka Soomaaliya, oo tobankii

carruur ahiba uu midkood dhinto inta

uusan sanad jirsan, ayaa naasnuujinta

barax-tiran ee lixda bilood ee

ugu horreysa ay ahaan lahayd mid

ka mid ah waxqabadyada ugu waxtarka

badan ee nafaha lagu badbaadiyo

oo ay helaan kumaannaan

carruur ah.

Sidaa waxaa qabta Wakiilka UNI-

CEF ee Soomaaliya Marwo Rozanne

Chorlton. Iyada oo ka faallooneysa

bilowgii Toddobaadka

Naasnuujinta ee Adduunka (1 – 7

Agoosto) Marwo Charlton waxa ay

tiri, “Naas-nuujintu waxa ay ka mid

tahay tallaabooyinka ka hortagga ee

ugu muhiimsan ee lagu yareeyo nafaqo-xumada,

geerida iyo cudurada

haleela carruurta Soomaaliyeed ee

yaryar. Xaqiiqadu waxa ay tahay in

ay arrintu aad u ba’an tahay, iyada

oo lixdii carruur Soomaaliyeed ahiba

ay mid ka mid ahi hayso nafaqo-xumada

ba’an ayna haysato dhibaato

kaga timid maqnaanshaha biyo nadiif

ah iyo xaalado fayadhowr oo ku

filan,“

Halkudhegga Toddobaadka Naasnuujinta

Adduuka ee 2009ka waa

‘Naas-nuujintu, waa Waxqabad Degdeg

ah oo Muhiim ah’ waxaana

jirta in xaaladda degdegga ah ee

Soomaaliya ay UNICEF iftiimineyso

muhiimadda ay naas-nuujintu u

leedahay badbaadada iyo koboca

carruurta Soomaaliyeed ee yar yar

iyo kuwa roonroon.

Iyada oo ku dhowaad kalabar dadka

Soomaaliyeed ay u baahan yihiin

gargaar bani’aadamnimo oo degdeg

ah, ayaa naas-nuujintu tahay waxqabad

degdeg ah oo muhiim ah oo

awood u leh in looga hortago 13 ilaa

15 boqolkiiba geerida carruurta 5 jirka

ka yar. Xaqiiqooyin lagu ogaadey

cilmi-baaris sayniseed oo ku soo

baxay majalada Lancet ayaa qirey

in naas-nuujinta barax-tiran ee lixda

bilood ee ugu horreysa ay keeni

karto saameynta ugu badan ee badbaadada

carruurta oo dhammaan

waxqabadyada badbaadadu uu mid

kasta goonidiisa u yeelan karo. Wixii

ka dambeeya lixda bilood, naasnuujinta

oo la raaciyo cuntooyin ku

habboon oo dhammeystira, ayaa

kaga qaybqaadaneysa boqolkiiba lix

kale yareynta geerida carruurta ka

yar shan jirka.

Sahamada qaranka ee Soomaaliya

laga sameeyey ayaa tusinaya in wax

ka yar toban boqolkiiba carruurta ay

da’doodu ka yar tahay lix bilood ay

helayaan naas-nuujin barax-tiran.

Ku dhowaad dhammaan

Soomaalida oo ay caado u tahay in

ay qubaan caanaha ‘dambarka’ ah

(caanaha ugu horreeya, oo ay ka

buuxaan nafaqooyinka ugu muhiisman

iyo difaaca jirka), oo ay daahiyaan

in carruurta loo bilaabo naasnuujinta

ayna isticmaalaan caanaha

carruurta loogu talogalay iyo caanabooraha

oo si aan nadiif ahayn loo

diyaariyey, ayaa ah cunsurrada ka

qaybqaata heerarka nafaqo-xumada

guud ee Soomaaliya oo ah 18.6 boqolkiiba:

taas oo aad uga sarreysa

nisbada la filanayo marka ay jiraan

xaaladaha degdegga ah oo ah 15

boqolkiiba.

Waxyaabaha sababta u ah heerarka

hooseeya ee Naas-nuujinta ee

Soomaaliya waxaa ka mid ah iyada

oo aan aqoon loo lahayn muhiimadda

naas-nuujinta, iyada oo si

xooggan loo xayeysiiyo caanaha

carruurta loogu talogalay iyo jiritaanka

macluumaad aan sax ahayn

oo ay ka mid tahay ku-tiri-ku-teenta

sheegeysa in hooyooyinka nafaqoxumadu

hayso aaney naaska nuujin

karin, kuwaas oo keena in uu naasku

guro (caano lahaan waayo), ama

kuwa sheegaya in carruurta ka yar

lixda bilood loo baahan yahay in la

siiyo biyo.

“Waa arrin welwel leh iyada oo

faa’iidooyinka aadka u badan ee

naas-nuujintu leedahay ay jiraan,

haddana in caadada naas-nuujintu

ay maalin kasta hoos u dhacayso

Soomaaliya,“ ayaa ay tiri Marwo Fitsum

Assefa, oo ah Khabiiradda Nafaqeynta

ee UNICEF Soomaaliya.

“Caanaha carruurta loogu talogalay

iyo caana-booraha ayaa laga yaabaa

in ay yihiin habab dadku u badan

yihiin in ay ku quudiyaan carruurta

yaryar iyo kuwa roonroonba, laakiin

waa in ay dadku ogaadaan in caanaha

carruurta loogu talogalay iyo

caana-booraha aaney jirka difaaci

karin ayna dhibaato ku keeni karaan

hababka is-difaaca ilmaha, taas oo

carruurta ka dhigeysa kuwa u nugul

caabuqa, gaar ahaan Soomaaliya

oo xaaladaha nadaafadda iyo kuwa

fayadhowrku ay aad u liitaan. “ ayaa

ay raacisey Marwo Assefa

“In kasta oo waxqabadyada lagu

higsanayo in lagu dhiirigeliyo naasnuujintu

ay aad muhiim ugu yihiin

badbadada carruurta, haddana waxaa

nasiib-darro ah in xaqiiqadu ay

tahay in muhiimad iyo maal-gelin ku

filan aan waxqabadyadaas lagu siinin

Soomaaliya,” ayaa ay tiri Marwo

Chorlton, oo ah Wakiilka UNICEF

Soomaaliya. “Waxa aad muhiim u

ah in bulshooyinka iyo qoysasku ay

ku taageeraan ayna ku dhiirigeliyaan

hooyooyinka in ay naaska nuujiyaan

carruurtooda ayna hubiyaan

in hooyooyinka naftooda la wanaajiyo

oo la daryeelo. UNICEF waxaa

ay ku dadaaleysaa in ay isu keento

kheyraad lagu ballaarinayo dadaallada

lagu dhiirigelinayo laguna taageerayo

naas-nuujinta, iyo in ay diyaariso

barnaamijyo muddada dheer

ah oo joogto ah oo arrinta siinaya

muhiimadda ay leedahay

ARBACA 05 AUGUST 2009 ILAYS NEWSPAPER 5

Bogaadinta Habka Haboon

ee fayo dhowrka Hilibka

Olole wacyigelin ee waxyaabaha

dhibta u keenaya

cafimaadka bulshada, kuwaasoo

ka dhasha isticmaalida

hilib fayodhowrkiisu xun yahay.

Aan is waydiino Muxuu yahay

hilibka aan caafimaadka qabin?

Waa hilib ay ku jiraan noolayaal ili

ma’aragtay ah, sunta dabiiciga ah,

waxyaabaha ka hara dawooyinka

xoolaha lagu duro iyo kimikada

beeraha loo isticmaalo

Noolayaasha ili ma’aragtiga

ah waxay keeni karaan cuduro

markay galaan jirka qofka, kuwaasoo

keena

• Calool xanuun

• Shuban dhiig la socdo

• Iyo cuduro isaga kala gudba

xoolaha iyo dadka

Maxaa assaas u ah hilibka aan

fayodhowrkiisu fiicnayn?

•Xoolo aan caafimaad qabin oo lakeeno

gawaanka xoolaha

•Xoolo korkoodu wasaqakhaysan

yahay oo laqalo

•Xoolaha oo lagu qalo meel fayodhowrkeedu

iyo nadaafadeedu

xuntahay

•Qalabka xoolaha lagu qalo oo

fayodhowrkoodu xun yahay

•Shaqalaha ka shaqaynaya hilibka

oo fayodhowrkoodu xun yahay

•Waxyaabaha hilibka lagu qaado

oo aan nadiif ahayn

•Meelaha hilibka lagu iibiyo oo

aan fayodhowrkooda iyo nadaafafoodu

wanaagsanayn

Sidee lagu soo saari karaa hilib

fayodhowrkiisu fiican yahay?

•Waa in la qalo neef caafimaad

qaba oo aan dushana ka wasakhaysnayn

•Lagu qalo kawaan xoolaha loogu

talogalay oo wax walba u dhamaystiran

yihiin

•Waa in hilibka lagu qaado qalab

fayodhowr wanaagsan

•Waa in hilibka lagu gado meel qaabaysan

oo loogu talo galay

Hadaba waxaan dadwaynaha ku

dhaqan Puntland ogaysiinaynaa

in Hay’ada FAO (food and Agriculture

organization) ay bilaabayso

dhisida Kawaan hilibka oo casri

ah oo loogu talo galay bulshada

Puntland, Gawaankaas oo uu lacagtiisa

bixinayo bangiga aduuka

(World Bank). Waxaa shaqada

FAO la wadaya Dowlada Hoose

ee Bosasoso iyo wasaarada xanaadada

xoolaha. Gawaankaasi

wuxuu yeelan doonaa qalab casri

ah waxaana loogu talo galay in

lagu hormariyo fayodhowrka waxsoosaarka

hilibka, si bulshada ku

nool Bosaso ay u iibsato hilib

lagu soo qalay gawaan ka cusub

ee bosaso.

Waa Cusub iyo Dowlad Baraare!

W/Q: C/khayr Maxamed Xussen

Tell: +(252)-90-743649 (GSM)

Email: info.puntlander@gmail.com

Waxaynu dareemaynaa Neecow

isbedel iyo Waa cusub oo noo

dilaacay waanu soo baraarugnay,

Waxaanu ogaanay inaan nahay Dad

Awood leh oo iskood isku taagi kara.

Sanadkaan waxaynu gaarnay

Meeshii horumar u sareysay, waxaana

kasoo noqonay daad inala tegay

iyo Abaar aan dhammaaneyn, wax

badan baynu Roob sugeynay meel

kasta waynu u galnay. dagaal aynu

dad iyo duunyo ku weynay waynu

soo aragnay, laakiin Maanku wuxuu

tebayey Goormaa la nasan doonaa?

Safarka aynu soo galnay wuu basaas

badnaa, haraad Dowladeed

baynu qabnay, laakiin Maanta Ceelkii

baynu joognaa nin kastana wuu

ka dhaansan karaa si xornimo leh oo

Muwaadinimo ku jirto.

Si aynu kalsooni u helno waa inaynu

taageernaa Maamulkeena, Maxaa

yeelay -Far keliya Fool Ma dhaqdo-.

Ragaad ka ilaalinaa oo aynu Qodaxda

ka Gurnaa. Dhalinyaradeena

Barnaa Nabadda iyo Qadiyaddooda

Sidoo kale waa inaynu Maanka ku

haynaa in Haddii Puntland Neecow

Horumar Yeelato ay qof kasta Gurigiisa

ugu iman doonto.

Waxaynu la kulmaynaa Jidgooyooyin

iyo Rafaad waa inaynu Gacmaha

isqabsanaa oo aynu wadajir uga

baxnaa, sidoo kalana Xusuusiya

Dadka Nabadda kasoo horjeeda

Meeshii ay hantidoodii iyo Aabayashood

ku danbeeyeen iyo Saadka

KA YIMID BOGGA 1AAD

Somalitalk oo Toban

sano jirsatay 1999-2009

kuwaas oo u badan dhacdooyin horay

u dhacay oo ay soo faagto iyo waxyaabo

Mustaqbalka la qorshaynayo

inay dhacaan oo ay soo bandhigto

ama ka digto, iyo dabcan wararkii iyo

maqaalladii maalinlaha ahaa. Somalitalk.com

waxay ka hadashaa somaaliya

iyo Soomaalida oo dhan wixii ku

saabsan.

Somalitalk.com waxay ummada

Soomaaliyeed ugu shaqaysaa iskaa

wax uqabso, si bilaash ah. Somalitalk

waa madxafka ugu wayn ee ay ku

kaydsanyihiin xogo farabadan oo ka

hadlaya Soomaalida iyo Soomaaliya.

Hadafka Somalitalk

1-Hadafka Somalitalk waa kobcinta

aqoonta iyo garaadka ummada

Soomaaliyeed.

2-Waa wacyi galinta iyo u jihaynta

ummada dhinaca horumarka, iyo isku

xirka ummada Soomaaliyeed dal iyo

dibadba. Somalitalk waxay ahmiyad

wayn siinaysaa kaydinta Taariikhada

iyo dhamaan xogaha muhiimka ah ee

khuseeya dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

ay uga tegayaan Carruurtooda iyo

Ehelkood, Ninkii iska indha tira ka

aamusa Maalin kaluu ka war bogayaaye

uguna Heesa: Waxarey

War laay Ma laguu waramay in Meel

Baadliyo.....

Falaartii cirka loo tuuray nin kastow

filo, haddaba Horumar Puntland

Gaadho nin kastow filo hana ku ciyaarin

Markay kusoo gaadho oo

ha noqon kii loogu Maahmaahay:

Doqoni Cad Ciid loogu riday Ceeb

moodaa.

Talaabadeenu waa Talaabsi, inaynu

Turanturoonana nooma Taalo,

tan kaliyee inoo taal waa inaynu

Bulshooyinka Caalamka dhib iyo

dheef la qaybsano, Walaalaheena

Soomaliyeedna Samo dhex dhigno

waxna Tusaaleyno oo Taban-taabino.

Taasi waxay keenaysaa inaynu

Gobonimo Gaarsiino uguna Maahmaahno

Dadow Dan iyo Xarago isweyday

ee Dowlad Maydin Dhisnaa?.

Waxaan jeclahay inaan Wax garansiiyo

kuwa Hankoodu Haaweey

Dagaal raacay oo Afkoodu bartay

“Jihaad”, Ninka jihaadka ku dhawaaqow

Jahanama agtaada ka

jaleec. oo ha noqon Dameeri Dhaan

Raacday, Maxaa yeelay Alle Ma

bannayn in Masaakiin la gumaado.

Kan raacayna Jidkii Jihaad ee

Nebi Muxamed yara Jaleec. Dadka

Nabadda haystana hakaga ciyaarinina

ileen Jihaadkiinu waa ciyaare

3-Waa soo dhawaynta iyo tababarida

suxufiyiinta Soomaaliyeed, gaar

ahaan dhalinyarada, sida aad lasocotaan

Somalitalk waxaa ku tababartay

dhalinyaro Soomaaliyeed oo

farabadan, kadibna markay khibrad

yeesheen helay shaqooyin kala duwan

oo saxaafada ah, arintaasna

somalitalk aad ayey ugu farax santahay.

4-Waa dhiiri galinta saxafiga

Soomaaliyeed inuu noqdo mid hal

abuur leh oo wax kusoo kordhiya

saxaafadda Soomaalida, isagoo

ka duulaya ummada dhaqankeeda

wanaagsan. Iyo in saxaafadda

Soomaalidu ka korto isticmaalka

eraybixita qalaad ee loosoo waarido

ee aan waafaqsanayn Diintooda,

Dhaqankooda iyo Waaqicidooda

toona.

5-Hadafka Somalitalk waa inay ilaaliso

luuqada Af-Soomaaliga, iyo inay

kobciso isticmaalkeeda. Sidoo kale

inay ka ilaaliso inaysan lumin ama

yaraan Qorista iyo Akhriska Luuqadda

Soomaaliga.

CADADKA XIGA EE ARBACA-

DA WAXAAN IDIINKU SOO

GUDBIN WARBIXINTAN OO

FAAHFAAHSAN

6 ILAYS NEWSPAPER ARBACA 05 AUGUST 2009

Shabakadaha Qarsoon Ee

Ka Danbeeyay Qaraxyadii 9/11

Immisa sannadood ayaa laga soo shaqaynayey Qorshaha loogu

yeedho la-dagaalanka Argagixisada?

Rumfiel, Bejamin Netenyahu, John Bolton, Paul Wolfowitz, Tony

Blair,Clinton, Bush, Richard Perle,

LaRouche - Israeli Moles Behind

911 And Iraq War

The Pollard Affair Never Ended

From LaRouche in 2004

www.larouchein2004.com

W/Tarjumay Cabdiweli Jambiir

Qaybta 1aad:

Sida la wada ogsoon yahay dagaalka

caalamiga ah ee uu Maraykanku

hormuudka u yahay

ee La-dagaalanka waxa loogu

yeedho Argagixisadu, waa mid ka

mid ah arrimaha ugu waawayn ee

aadka loo aaminsan yahay in lagu

ciqaabo maamul kasta oo ka soo

horjeesta danaha qab-qablaha

adduunka oo Ameerikaanka ah.

Haddaba, waxa is-waydiin mudan,

su’aalo badan oo mudan in

loo daadego. Kuwaasoo ay ugu

horeeyaan:

“Maxaa ka dhaxeeya qaraxyada

daahirihii dhaadheeraa ee Ganacsiga

iyo guud ahaan weerarkii

11-kii September iyo dagaalka

loogu yeedhay la dagaalanka Argagixisada

ee daafaha dunida

saameeyay?. Maxaa ka run ah

wejiga mawduucan loogu dhigay

dunida? Saamayn intee leeg ayay

ku leeyihiin Maamulka Maraykan

shabakadaha Israa’iiliyiintu?

Maamullada Maraykanka iyo Ingiriisku

ilaa xadkee ayay xaqiiqatan

qurxiyeen mu’aamaradaha ay

soo maleegeen kooxo dano gaar

ah u adeegaya, iyaguse fikirkooda

ma ka keeneen arrimaha ay

ku tallaabsadeen? Warbaahinta

Ameerika kaalintee ayay dagaalkan

ka qaadatay hurinta dagaalkii

Ciraaq lagu qabsaday, maxayse

ku sababaynayeen? Dhaawac intee

le’eg ayay ku tahay dagaalka

ay ku jiraan dhaqaalaha dalalkooda?

Ma dhab baa inay argagixiso

la dagaalmayaan? Yay ka yimaadeen

afkaarihii ka dambeeyay

duullaanadii lagu qaaday Ciraaq

iyo Bariga Dhexe? Qorshihii qabsashada

Ciraaq miyay ka horaysay

Qaraxyadii New York Towers

iyo Washington ee 9/11, mise waxay

ahayd wax duullaankii qaraxyaddaasi

dhaliyeen? Waa maxay

faa’iidada dadweynaha Ameerikaanka

ugu jirtay qabsigii Ciraaq,

maxayse kala socdeen ajandayaashii

ka dambeeyay? Waa maxay

faa’iidada hogaamiyeyaasha

Ameerika iyo England ugu jirtay

duullaankaas, yaase qabsashadii

Ciraaq ka dib ka faa’iidaystay?”

Guud ahaanba jawaabaha

su’aalahaas iyo arrimo kale oo

badan, waxa tibaaxaya maqaalkan

taxanaha ah , kaas oo uu qoray

Mr. Lyndon LaRouche, oo ah

khabiir muddo dheer ka soo kala

shaqeeyay Arrimaha Dibadda Maraykanka,

Sirdoonka, Aqalka Cad

iyo meelo kale oo muhiim ah, isla

markaana u dhuun-daloola siro

badan oo dadka badidooda ka daboolaa.

Sidaa daraadeed, isaga oo

daah-furaya arrimo badan, gaar

ahaan dabinnadii ay shabakado

kala duwani daadiyeen si ay u

helaan wejiga maanta ee siyaasadda

Maraykanka, waxa qoraalka

maqaalkan lagu bilaabayaa googol-xaadh

kooban, waana sidan:

“ Mr. Lyndon LaRouche, waxa uu

soo weriyay inay xaqiiqoobeen

caddaymo muujinaya in qorshayaal

socday oo uu la kulmay ay

ku qanciyeen inuu Madaxweyne

George W. Bush qaado duullaankii

uu Ciraaq ku qabsanayay,

kuwaasoo ahaa kuwo ku salaysanaa

Siyaasaddii Arrimaha

Dibadda Yuhuudda sannadkii

1996-kii, oo markaa ay Madaxweyne

George W. Bush ku soo rogeen

Midawga Wakiillo Sirdoonka

Israa’iil u jooga gudaha Dalka Maraykanka.

Shabakaddan Basaasiinta

Israa’iiliyinta ah ee ku sugan

gudaha Maraykanku awood umay

lahayn inay guulo ka gaadhaan

ujeedooyinkooda ay lahaayeen

ilaa intii aanay Dhacdooyinkii Sep.

11 jaah-wareerka ku ridin Madaxweyne

Bush, isla markaana ka-been

abuuritaankii dhacdooyinkaas

iyo ku-xisaabtankii khaldanaa

ayaa u sahlay Wakiilladan Ajaanibka

Sirdoonka ahaa in siyaasadoodii

soo-jiidasho yeelato oo la

qiimeeyo. Mr. Lyndon LaRouche,

ayaa ku dedaalay inuu wax badan

ka ogaado: Tani miyaanay ahayn

dareenka sharraxaya sababta iyo

cidda ka dambaysay Weeraradii

Sept. 11, 2001?’’

Mr. LaRouche, waxa uu dalbanayaa

kulan degdeg ah oo loo dhan

yahay in lagu sameeyo baadhitaankaas,

si markaa Xukuumadda

Maraykanka looga caawiyo Shabakaddan

Sirdoonka Shisheeyaha

ah, kuwaasoo isku deyayay iyaga

oo kaashanaya Qaraxyada Dhacdooyinkii

9/11, si ay u hantiyaan

gacan-ku-haynta Siyaasadda Arrimaha

Dibadda Maraykanka. Shabakaddan

oo loo yaqaano ‘Shabakadda

Pollard ee

“Kuwa Xagga-Dambe Joogayaasha

ah,” ayaa gudaha Maamulka

Madaxweyne Bush geliyay khiyaamooyin

iyo musuqmaasuq, si

ay uga dhaadhiciyaan Madaxweyne

Bush iyo Aqalka Kongareeska

Maraykanka-ba in Duullaankii

Dalka Ciraaq la qaado. Markaad

akhrido caddaynta hoos ku qoran

ee kooban, si xaqiiqo ah ayaad ula

wadaagi doontaa, oo aad u aamini

doontaa Mr. Lyndon LaRouche

gebogabada qoraalkiisan uu ku

sheegayo in dhamaan dadkan oo

dhan ay wajib tahay in si degdeg

ah looga eryo Maskabyada Maamul

ee ay hayaan iyo inay waajib ku

tahay in Aqalka Kongareeska Maraykanku

uu qabto kal-fadhi dhegaysi

ah oo dadweynaha u furan

si loo gaadho salka iyo aasaaska

uu ka yimi qorshahan jarriimadda

ahi.

Warbixintaas waxa loogu yeedhay,

“Kala-daadashada Nadiifta

ah: Istaraatiijiyada Cusub Boqortooyada

Amaanka,” waxaanu

qoraalkani ogolaansho ka

haystay Perle Douglas Feith, oo

haatan ah Kaaliyaha Xoghayaha

Siyaasadda Difaaca Maraykanka;

David Wurmser, oo haatan ah

Kaaliyaha Khaaska Wasaaradda

Gaashaandhiga; Kaaliyaha Arrimaha

Kontaroolka Hubka iyo

Dilaalka Iibka Hubka Maraykanka

John Bolton; iyo Meyrav Wurmser,

oo haatan ah Guddoomiyaha

Xarunta Siyaasadda Bariga

Dhexe, isla markaana ah Madaxa

Arrimaha Siyaasadda Machadka

Hudson Institute. Laba maalmood

ka dib, markii uu ka helay Qorshihii

Siyaasadda Arrimaha Dibadda,

ee uu u keenay Mr Perle, ayaa

Ra’iisal Wasaarihii Israa’iil Benjamin

Netanyahu, khudbad dheer

ka jeediyay Aqalka Koongareeska

Maraykanka fadhi ay labada gole

u dhamaayeen, taasoo uu si adag

ugu isticmaalayay Qorshayaashii

Machadka IASPS u sii jeexay. Isla

maalintaas, ayaa Wargeyska The

Wall Street Journal uu dabacay

qaybo ka mid ahaa Qoraalkii Dekumentiga

Machadka IASPS, isla

markaana maalintii labaad, oo ku

beegnayd July 11, 1996-kii, ayaa

The Wall Street Journal uu bogga

faaqidaada khaaska u ah tifaftiraha

ku daabacay Dekumentigii

Qoraalka Perle oo dhamaystiran.

Bilawgii bishii February 1998-kii,

ayaa Xukuumadda Ingiriiska ee

Ra’iisal Wasaare Tony Blair,

waxay qaadeen dedaal xidhiidhsan,

kaasoo ay ku garabgalayen

Xukuumaddii Ra’iisal Wasaare

Benjamin Netanyahu ee Israa’iil,

oo weliba ay kala qaybqaadanayeen

Shabakadda Wakiillada

Israa’iil (Perle Network), oo ku

sugan gudaha Dalka Maraykanka.

Dhamaantood waxay ku qancinayeen

Madaxweyne Bill Clinton

sidii uu u qaadi lahaa Duullaan

Ciraaq Millatari ahaan loogu qabsado,

iyada oo laga duulayo

qoddobo si caddaan ahayd uu

ugu sharraxayay Mr Benjamin

Netanyahu, oo uu ku sheegay,

“Waraaqda Kala-daadintii Caddaanka

ahayd.” Waxay ahayd in

dagaalka la qaado, iyada oo sida

muuqatay laga duulayay, in Dalka

Ciraaq lagu eedeeyo haysashada

“Hubka Wax Gumaada ee Niyuukleeka

ah.” Khubaradii Baadhayaasha

Hubka Niyuukleerku xilliggaas

waxay ahaayeen kuwo ku

sugan Dalka Ciraaq gudihiisa. Si

loo xoojiyo, loona dardar-geliyo

dedejinta go’aanka qaadista duullaankaas

millatari, ayaa Xoghayihii

Arrimaha Dibadda Ingiriiska

Robin Cook, waxa uu soo saaray

waraaq aan rasmi ahayn oo beenabuur

ahayd “Waraaqda Cad,” oo

la xidhiidhay sida ay Ciraaq u sii

wadaan hawlahooda samaysiga

Hubka Wax Gumaada (Weopon of

Mass Destructin).

Bishii Feb. 19, 1998-kii, Mr Richard

Perle iyo Xildhibaankii hore

uga tirsanaa Aqalka Kongareeska

Maraykanka Stephen Solarz,

waxay si wada jir ah u soo saareen,

“Waraaq Furan oo ku socota

Madaxweynaha,” taasoo ay ku dalbanayeen

in heerka dagaal buuxa

lagu qaado Ciraaq, isla markaana

lagaga tuuro meesha Xukuumaddii

Ciraaq ee Baqdaad. ‘Waa in

khatartaa lagaga takhalusaa hanaan

dhamaystiran oo millatari,

si meesha looga saaro Maamulka

Saddam,’ ayaa ka mid ahaa hadalkii

waraqdaa la daabacay uu

xambaarsanaa, oo isla waqtigaa

uu dib u soo nooleeyay Mr Perle,

oo hogaaminaya Shabakadda Sirdoonka

“Chicken-hawks,” ee ku

sugan Xafiiska Xoghayaha Difaaca

Maraykanka, hase ahaatee, waxa

taasna si kooban u diiday Guddiga

Isu-tagga Jenraalada Millatariga

Maraykanka. Masuuliyiinta

aasaasiyan markii ugu horaysay

ka dambeeyay qoraalka Waraaqda

Perle-Solarz, waxay isugu jireen

Masuuliyiinta Saraakiisha Maamulka

Madaxweyne Bush haatana

ka ah ee soo socda: Elliott Abrams

(Golaha Amaanka Qaranka), Richard

Armitage (Wasaaradda Gaashaandhiga),

John Bolton (Wasaaradda

Arrimaha Dibadda), Doug

Feith (Waaxda Difaaca ee Wasaaradda

Gaasaandhiga), Fred Ikle

(Boodhka Siyaasadda Difaaca Maraykanka),

Zalmay Khalilzad (Aqalka

Cad ee Maraykanka),

LA SOCO

ARBACA 05 AUGUST 2009 ILAYS NEWSPAPER 7

Q.9aad

AYAAN DARAN

QISO DHAB AH

W.Q:- Dr :- CABDULAAHI SH. XUSEEN ( HANTIWADAAG)

Faadumo intay fadhiisatay bay

Aw Jaamac iyo xaaskiisii muddo

uga sheekeysay dunida iyo waxa ka

dhaca iyo amuuraha bulshada ku sugan

tahay markaa kaddibna waxay

u guda gashay xaalka Asli oo ay ku

tiri “Faallaari gilgilasho kaagama

go’do” waxayna ka dalabtay in inta

ninkii Asli uureeyey la helaayo ay

guriga sii joogto Aw jaamac oo xanaaqsan

baa intuu istaagay ku yiri

“Faadumo walaal dhageyso. Waxaan

kaa baryayaa in aadan wixii dhimatay

hahalkeeda igu soo qaadin .

tan kale waxaan kuu sheegayaa in

reer Aw Jaamac hiddo aysan u lahayn

inay ilmo aan meher ku dhalan

rabaystaan

Cambaro baa iyana soo dhex gashay

hadalkii iyadoo leh “ha aado oo

meel ha geeyo kii uurka u buuxshay

iskana daa guri aan keensadee manta

haddii la yiraahdo waa dhimatay

wan baan qali lahaa” Faadumo oo

dhakafaarsan baa tiri “Aw jaamac

iyo Cambaro sowdinkii jeclaa oo ku

dhaaran jiray Asli, maxaa dhacay,

“Maxaa jacaylkii ka dambeeyey” bay

hal mar wada yiraahdeen Cambaro

iyo Aw jaamac

Umuliso Faadumo markii ay muddo

laba saac ah la doodeysay reer Aw

jaamac. Quusna ay ka gaartay in

Asli ciddii lagu cesho bay dib ugu

soo noqotay gurigeedii. Waxayna

Asli u marisay wixii ay kala kulantay

aabbaheed iyo hooyadeed.

“Eeddo waa naxsanahay , ma aqaan

wax alla waxaan sameeyo” bay

ku cabatay Asli”

“maxaad isu dhowri wyday Asliyey

oo isaga celinweyday raga hororka

ah oo haweenka oo dhan ceeriinka

ku ligay”

“Eeddo hal habeen bey si iga noqotay”

“Ma taqaan. Xageese joogaa ninkii

balaayadaan ku baday?

“Eeddo meel uu joogo ma aqaan.

Hase yeeshee magiciisa waxaa la

yiraahdaa Caddaawe”

“Naa alla cadaabaha maxaa

Cadaawe loogu daraa?

“Eeddo ma aqaan mid jinni madoobi

la tag ah oo isla wareegto ah baa I

bartay hal habeen oo qur ah baan

bartay. Kaddibana dib uma arag”

Faadumo oo yaaabban baa tiri

“caku haween! Weligood dhudday

la’yihiin naa maxaa nin aadan hore

u aqoon ku raacshay!! “ Asli ma ay

jawaabin oo hoos bay intay u hogatay

oohin bilowday. “ waxba ha ooyin

waxaadan isu geysan ku guma

dhicine. bay hadalkeedii ku soo xirtay

Faadumo.

Galabnimadii Asli waxay aadday gurigii

Canab si ay u tusto hoyga Caddaawe

Makii ay Asli guriga Canab

soo gashay waxaa aragtay Xaajiya

Xaliimo oo ahayd Canab hooyadeed.

Oo markaas salaaddii casarka ka

salaaman naqsatay. Mar alla markii

ay Xaajiyadu Asli indhaha ka qaadday

bay tiri. “acuudu billaahi! Waa tii !

waa tii !! naa dib u noqo’ gurigaygana

ha iga soo gelin gabadhaydana ha

iga fidneyn”

Canab qayladii bay ku soo kacday.

Waxayna aragtay Asli oo aamusan

iyo hooyadeed oo caytamaysa .”

Hooyo gabadha iska daa” bay tiri

Canab oo dibadda u soo baxday oo

soo raacday Asli. Waxayna dhigteen

ballan ah in subaxdii ay Caddaawe

isu raacaan

Canab hooyadeed iyadoo qaylineysa

ayey soo baxday waxayna tiri “

naayaa meeqo jeer baan ku iri ka har

gabadhaas uurka shaydaan sidda”

Hooyo bug aan ka hayey bay iga

soo doonatay. Imminkana iska noqotaye

maa naa raacay iyadaa I soo

doonatee” “Dooni mayo mar dambe

in aan axadkaas ciddoodii dayrisay

arko” bay Xaajiyadu ku canaanatay

canab.

Maxaa layska og yahay. Waa adduun

iyo xaalkii; adda Canab waa tii

Caddaawe iyo Asli isugeysay.

Canab iyo Asli subixii dambe bay

isugu yimaadeen halkii ay ballanta

ku dhigteen. Waxayna soo aadeen

gurigii Asli . Galab casar ah baa

Canab iyo Asli oo wada socdaa ay

yimaadeen Cali gurigiisa .Cali oo

ahaa saaxiibka koowaad ee Caddaawe

aad buu u soo dhaweeyey

labadii gabdhood wuxuuna u keenay

waxay cabbaan. Cali ma garan

Asli oo uu arkay hal habeen oo qur

ah, mana xusuusan xataa markii

Canab magaceeda u sheegtay. Wax

yar kaddib markii la sheekeystay

. Canab waxay Cali u sheegtay in

ay faq u qabato . sidaa darteeteed

gurigii waxaa lagu dhaafay Asli Cali

iyo Canabna daaradda ayey fariisteen

Canab waxay Cali u warrisay

sheeko dheer oo ku saabsan Asli

iyo jirradka haysta . waxayna u caddaysay

dhibaatada ku dhacday Asli

uu u keenay mas’uula ka yahay Caddaawe.

LA SOCO CADADKA XIGA

Madaxweyne Geelle : Mar

Sadexaad ma la dooranayaa?!

Dalka jabuuti ayaa ah wadanka siyaasad

ahaan ugu degan geeska

Afrika. Horay ayaa waxaa loo xaliyey

sagaashamaadkii khilaaf siyaasadeed

oo abuurmay , ka dibna isu bedelay

dagaal dhex mara mucaaradka

iyo dowlada Jabuuti.

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sonooyinkii

dambe waxay ku caana

maalaysay furfurnaan siyaasadeed

iyo waxqabad uu la yimid hoggaamiyaha

iminka Ismaaciil Cumar Geelle

oo isaga la doortay dhamaadkii

sanadkii 1999-kii inuu dalkaas

Madaxweyne u noqdo. Madaxweyne

Geelle ayaa intuu talada dalka

Jabuuti hayey ku guulaystay inuu

horumar dalkiisa gaarsiiyo, waxaaana

Jabuuti ka muuqanaya waxqabadka

la taaban karo mudadii tobanka

sano ahayd ee uu xukunka

hayey.

Waxaa waqtiyadan dambe soo baxayey

in xisbiga talada dalka Jabuuti

hayaa uu ku dadaalayey in wax laga

bedelo dastuurka si fursad loo siiyo

Madaxweyne Geelle inuu mar sadexaad

qabto jagadda madaxweynanimada

dalkaas si uu u dhamaystiro

isbedelka iyo horumarka dhinac

walba leh ee dalkaasi gaaray intuu

hoggaaminayey Madaxweynuhu.

Inkastooy jiraan dad tira yar oo ku

doodaya inaan Dastuurka Jabuuti

waxba laga bedelin haddana waxaa

muuqanaya rabitaanka dadweynaha

Jabuuti ooiyagu doonaya in dalkoodu

ka badbaado qalalaasaha inta

badan ka jira wadamadda geeska

afrika ee la ologa ah Jabuuti. Waxaana

iska cad saadaal laga qaaday

dadka reer Jabuuti inay doonayaa in

Ismaaciil Cumar Geelle sii ahaado

Madaxweynaha Jabuuti. Jawaabta

ah mar sadexaad ma la dooranayaa

Madaxweyne Geelle ayaa ah. Haa

waa la dooranayaa

Dhalinyaro reer Suudaan ah ayaa la xaqiijiyey

inay ku geeriyoodeen dagaalada Muqdisho

Xigasho Somaliweyn.

Ehelladda Saddex dagaalyahan oo u

dhalatay dalka Sudan oo la sheegay

inay ka barbar dagaalamayeen Dagaalyahannadda

Xarakatul-shabaab

Mujaahidiin ayaa xaqiijiyey inay ku

geeriyoodeen Iska-horimadyaddii

Ciiddamadda DFKMGS iyo Kooxaha

Mukhaawamadda ku dhex maray

magaalladda Muqdisho.

Qaar ka mid ah Ehelladda Saddexdaasi

dagaalyahan ee u dhalatay

dalka Sudan, ayaa ku sheegay

Wareysi maanta lagu soo dabaacay

Shabakadda Wararka ee Islaam

0nline ku sheegeen in raggaasi lagu

dilay dagaalladdii bartamihii bishii

hore Ciiddamadda DFKMGS iyo

Kooxaha Mukhaawamadda ku dhex

maray qeybo ka mid ah magaalladda

Muqdisho.

Ilo-wareedyo ku dhowdhow Qaraabadda

dhallinyaradaasi ayaa u xaqiijiyey

Website-ka Islaam 0nline inay

saddexdaasi dhallinyarro la kala oran

jirey Muscab Bashiir, Usaama Saalax

iyo Maxamed Saalax., isla markana

ay ka barbar-dagaalamayeen

Xarakatul-shabaab Mujaahidiin oo

ka mid ah Kooxaha hubeysan ee ka

soo horjeeda DFKMGS.

Eheladda Usaama Salaax oo 22-jir

ah oo ka mid ah saddexda dhallinyarro

ee u dhalatay dalka Sudan ee ku

geeriyootay dirirta ka socota magaalladda

Muqdisho, ayaa u sheegay

Shabakadda Wararka ee Islaam Online

in Telefoon loogu sheegay inuu

Wiilkooda ku geeriyooday Iska-horimaad

bartamihii bishii July ee la soo

dhaafay ka dhacay daafaha Qasriga

Madaxtooyadda ee Villa Somalia ee

magaalladda Muqdisho.

Sida ay Wararku Shaaraca Sudan

laga soo xigtay Tobaneeyo dhallinyarro

u dhalatay dalka Sudan oo

da’da 30-aadka ku jira inay dagaal

Jihaad

ugu soo ambabaxeen dalka سبيالهلل

Somalia, kuwaasi oo ka barbar dagaalamaya

Dagaalyahannadda

Xarakatul-shabaab Mujaahidiin iyo

Ururka Xisbul-islaam, kuwaasi oo

dagaal kula jira Ciiddamadda DFK-

MGS iyo kuwa Nabad-ilaalinta Afrika

ee AMISOM” ee taageeradda siiya

DFKMGS.

جهادا في“‏ “

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!