Create successful ePaper yourself
Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.
ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAA OO TODOBAADKII 2 JEER LAGU DAABACO MADBACADDA HORYAAL BOSASO

ILAYS

ARBACA 4 MARCH 2009- Caddadkii 10aad, Tell:-90712246 ama 66712246 Email:-ilaysnewspaper1@gmail.com Q:-6000

Go’aamo Muhiim Ah Oo Ka Soo Baxay

Kulankii Golaha Wasiirada Puntland

FAALLO

Isbedelka SomaliLand

Cidina Ma is Hortaagi Karto.!

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaaladda Hargaysa

dhowaan Gudoomiyaha Guddiga Doorashada

Jamhuuriyada isku Magcawda Somaliland Mudane

Jaamca Maxamuud Cumar (Sweden) ayaa waxaa

uu daah rogay hadalo iyo guux siyaasadeed oo ay sii

odorosayeen siyaasiyiinta Mucaaradka Somaliland.

Mudo Sanad ka hor ah ayaa la sii ogaa inuu Dahir

Riyaalle Kaahin uu xilka Somalind Madaxnimadiisa

kororsandoono mar Labaadniyo mar Sadexaadba.

Ama ha la yiraahdo waa mala awaal, amaba ha la yiraahdo waa run. Waxaa

hadalkaas ka soo yeeray Gudoomiyha Gudigga Doorashda Maamulka Somaliland

uu daah furay siraha daboolaa ee daaha gadaashiisa ka muuqanayey

oo dad badni war arkooyda lahaayeen..Gudoomiyahu waxaa uu u

sheegay dadkii ku faani jiray inay Soomalida kale kaga horeeyaan maamulka

iyo dimuqaradiyadda in xukunkii loo kordhiyey Dahir Riyaalle Kaahin .

Garowe ,Isniin, 02 March, 2009

Golaha Wasiirada ee Xukuumada puntland ayaa Isniintii kulan aan

Caadi ahayn ku yeeshay Caasimada Garowe, Kulankan oo u gudoominayay

Madaxweynaha puntland C/raxman Sh. Maxamuud Sh.

Maxamed ayaa Waxaa laga soo saaray Go’aano muhiim ah.

EEG BOGGA 2AAD

Ciidamada Marines Maraykanka Oo

Burcada Badeed ku Wareejiyay P/land

EEG BOGGA 2AAD

Ciidamadii Badda ee Maraykanka

Liverpool Oo Qasaartay,

Real Madrid Oo 4

dhibcood U jirta Barca

EEG BOGGA 7AAD

‘’ la qaban mayo doorashada 29 March 2009-ka oo maalmo yar ina xigaan.

Waxaanu dib ugu dhignay qaraxyo ka dhacay Hargaysa Oct 2008’’

Markaas ayaa qofka caqliga leh is weydiinkaraa sow ruwaayadu la mid ma

ahan hadalkii Maxamed Siyaad Barre ee uu ku yiri Oct 1990-kii waxaan u

baajinay dabaaldegii Kacaanka sababo la xiriira dhibaatada gaartay dadka

walaalaha aanu nahay ee Kuwetr oo la qabsaday. Ciraaa ayaa Kuweyt qabsatay.

Hadalak Jaamac Sweden maxaa uu kaga duwan yahay kii Maxamed

Siyaad Barre? Hargaysaa Qarax Oct ka dhacay……

EEG BOGGA 3AAD

ABUUMANSUUR: BEENLOW MISE

NIN LAGU BEEN ABUURTAY?

Hogaamiyaha ururka Al-Shabaab

Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali

(Abuu-Mansuur) wuxuu dhowaan xaruntiisa

Bayshabo waraysi ku siiyay

barnaamij lagu magacaabo Liqaa’ul

Yawm (kulanka manta) oo ka baxa

taleefishanka Al-Gezira qaybtiisa

Carabiga.

Waraysiga Abuu-Mansuur oon hubo

kolka ay dad badani dhegaystaan ama

akhristaan inuu ka yaabin doono,

EEG BOGGA 3aad

XUSUUSTA QALINKA

Iimaan Axmed Guray.

EEG BOGGA 5aad

BARNAAMIJKA

XUKUUMADA

P/LAND EE

2009-2011

EEG BOGGA 4AAD
ARBACA 4 MARCH 2009

Ilays Newspaper founder.

1991 kismayo, Somalia

Abdi Shakuur Mire Aadan

ILAYS NEWSPAPER

Go’aamo Muhiim Ah Oo Ka Soo Baxay

Kulankii Golaha Wasiirada Puntland

Garowe ,Isniin, 02 March, 2009

2

Managing Editor

Omar said Mohe’d

712246

Editor

Omar said Mohe’d

Design and Layout

Omar Said Moh’ed

Reporter

Cali Ibraahim Qoobay

723424

Maxamed C/laahi Max’ed

736992

Xuseen Xasan

KU SOO HAGAAJIYA

FIKARADIHIINA

ilaysnewspaper1@gmail.com

Golaha Wasiirada ee Xukuumada

puntland ayaa Isniintii kulan aan

Caadi ahayn ku yeeshay Xarunta

Madaxtooyada ee Caasimada Garowe,

Kulankan oo u gudoominayay

Madaxweynaha puntland C/raxman

Sh. Maxamuud Sh. Maxamed

ayaa laga soo saaray Go’aano

dhowr ah.

Kulankan oo ahaa kii saddexaad

oo golaha wasiirada xukuumada

p/land ay yeeshaan ayaa Madaxweyne

C/raxmaan faroole waxaa

warbixin ka siiyay Safarkii uu

dhowaan ku tegay Degmooyinka

Gobolka Mudug.

Warbixintii Madaxweynaha ka dib

waxaa kulanka si aad ah loogu

jeex-jeexay Amniga Gudaha ee

puntland gaar ahaan xiisadaha

ka jira Degaamada Cagaaran ee

Burtinle iyo igidhays ee degmada

Ufayn, oo ay ka jiraan dhul isku

haysasho Beelaha wada dega

Degaamadaas, waxaana Go’aan

lagu gaaray inaan dhulka cidina

sheegan karin, lagana samaysan

karin Seerooyin dhul daaqsimeedka

xoolaha,

Golaha Wasiiradu waxay kaloo

go’aan ku gaareen samaysanka

tuulooyin cusub ay go’aan ka

gaari karto oo keliya Wasaarada

Arrimaha Gudaha iyo D.Hoose,

waxaa kaloo la Mamnuucay in la

shido dhuxul oo lag gubo dhirta.

Go’aankan ayaa noqonayaa Xeer

Madaxweyne, waxaana la Horgayn

doonaa Golaha Wakillada Puntland.

Degaamada Cagaaran iyo igidhays

waxaa ka jiray mudooyinkii dambe

xiisad Colaadeed oo ay dad ku

dhinteen,dad kale ku dhaawacmeen,

xiisadan oo ka bilaabatay Tuulooyin

iyo dhul Daaqsimeed la’isku haysto

oo dadka ku nooli qaarkood ay

doonayaan in Berkedo iyo guryo ka

dhistaan, qaar kalena ay diidan yihiin

oo ay doonayaan in xoolahoodu u

daaqo.

Arrinta Degaanka Cagaaran ee degmada

Burtinle ayaa marar badan soo

noqnoqatay inkastoo lakala xukumay

Beelihii dirirtu dhexmartay.

Xukuumada cusub ee madaxweyne

Faroole ayaa ku dadaalaysa

in ay dhexdhigta Nabadgelyo waarta

Beelaha degaamadaas iyadoo la

kaashaynaysa Isimada, Nabadoonada

iyo culimada reer puntland.

Arrintu siday doonto ha ahaatee,

xukuumada p/land oo ay sugayaan

Habaynta Ciidamada iyo Waaxyaha

dowlada, Dhamaystirka Garoomada

Diyaaradaha ee Bosaso iyo Garowe,

dhismaha Kaabayaasha Dhaqaalaha.

ayaa laga yaabaa in xiisadaha

Beelaha dhexdoodu ay caqab ku noqon

karaan, haddii aan si deg-deg

Hogaamiyayaasha bulshadu gacan

MADAXWEYNE FAROOLE OO

DHAGAX DHIGAY DUGSI CUSUB

Madaxweynaha Puntland C/raxman

Maxamed Faroole ayaa shalay

(03,March, 2009) dhagax dhigay

Dugsi waxbarasho oo la mataano ah

Dugsiga Raas Casayr ee Bosaso iyo

Yamayska ee Galkacayo.

Dugsigan Waxbarasho oo qaadi kara

400kun oo arday waxaa la filayaa in

albaabada loo furi doonaa Sanad

dugsiyeedka 2009 ee bisha september.

Dugsigan waxaa ka koobnaan doona

Xannaano ilaa dugsi sarre, waxaa

kaloo leeyahay Guryo la seexdo

(Boarding) oo qaada 2000 qof

Xafladii dhagax dhiga Dugsigaas

waxaa ka soo qayb galay Madaxweynaha

puntland iyo Madaxweyne

xigeenka puntland C/samada Cali

Shire, waxaana goobjoog ka ahaa

Wasiirka Waxbarashada ee puntland.

Waxaa kaloo ka soo qayb galay

Madax ay ka mid yihiin Gudoomiha

gobolka Nugaal, Duqa degmada Garoowe

iyo Masuuliyiin kale oo xukuumada

puntland ka tirsan.

Dugsigan Cusub ee Dhismihiisa laga

bilaabay Garowe waxaa fursad siinayaa

kumaankun arday reer puntland.

Madaxweynaha DGPL; Ayaa Magacaabay

Taliyaha Daraawiishta DGPL.

Garowe, 01 March, 2009 (Ilays)

Madaxweynaha

DGPL

Dr.Cabdulraxmaan Maxamed Faroole

ayaa 01 March 2009 waxaa

uu u magacaabay Taliyaha Ciidanka

Daraawiishta DGPL G/Sare Siciid

Cabdi Faarax (Tuute-Weyne).

Magcaabistiisa Sarkaalkan madaxda

ka noqonaya Ciidmada Daraawiishta

DGPL ayuu Madaxweynuhu

waxaa uu u cuskaday magacaabistiisaa

markuu arkay baahida loo qabo

dib u dhiska ciidamada Daraawiishta

DGPL iyo Waaya aragnimadiisa.

Sarkaalkan Saciid Cabdi Faarax

ayaa ka mid ahaa Saraakiishii ka

qayb gashay dagaalkii Somalia iyo

Ethoipia dhexmari jiray 1977-kii.

Waxaa uu ku dhashay Eyl Sanadkii

1952-dii Waxaa uu ciidamadii Xooga

dalka Soomaaliya ku biiray 1974-tii.

Waxaa uu ku biiray Sanadkii 1980-

kGii Jabhadii mucaraadka ahayd ee

SSDF.

Sare Siciid Cabdi Faarax waxaa uu

tababaro ciidan ku soo qaatey kulliyada

Oddesia ee Midowgii Soviety.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Daraawiishta

ayaa soo dhoweeyey magacaabista

G/Sare Siciid Cabdi Faarax

(Tuute-Weyne) iyagoo sheegey inuu

yahay nin karti u leh inuu ka soo

baxo shaqada loo magacabey ee ciidanka.

Waxaa laga sugayaa inuu isbedel

mug weyn ku sameeyo ciidamada

Daraawiishta DGPL oo u baahan

isbedel mug weyn in lagu sameeyo,

dibna loo soo nooleeyo haybadoodii

iyo kaalintii ay ku lahaayeen DGPL

iyadoo waqtigan qaybo ka mid ah

Puntland oo ay ugu horayso maqanshaha

Laascaanood Xarunta gobolka

Sool laga filayo inay Daraawiishta

Puntland dib u soo celiyaan

Ciidamada Marines Maraykanka Oo

Burcada Badeed ku Wareejiyay P/land

Bosaso, 03,March,2009 (Ilays)

Ciidamada Badda ee Maraykanka

ayaa ku wareejiyay 03, March, 2009

, Ciidamada Amaanka ee puntland

Koox burcad badeed ah oo 9 qofood

oo ay gacanta ku soo dhigeen

ciidamo Mareykan Xili ay Burcadu ka

qowlaysanaysay Marinada ay Maraan

Maraakiibta Caalamiga ah.

Markab ku dagaalka ah ooy leeyihiin

ciidamada Mareykanka oo ka

tirsan maraakiibta Caalamiga ee ka

hawlgalka Badda Somalia iyo Gacanka

Cadmeed ee la dagaalanka

burcad badeeda ayaa d soo fariistey

meel qiyaastii 7 mile u jirta dekeda

magaalada Bosaaso.

Ciidamad Maraykanka ayaa ku soo

qaaday Burcada Doonyo yar yar ah

ooy wateen,iyadoo dekeda ay ku

sugayeen ciidamada Amaanka ee

p/land

Masuuliyiin amaanka Puntland ayaa

la wareegay Burcadii, waxaana isla

markiiba loo dhaadhicyay Xabsiga

Weyn ee Bosaso, oo ay horreba ugu

jireen burcad badeed farabbadan.

Waa markii ugu horraysay ee Ciidamada

maraykanku ay ku wareejiyeen

burcad badeed Maamulka puntland,

iyagoo markii horre burcad u dhiibi

jiray dowlada Kenya, mararka qaarkoodna

iska sii dayn jiray marka kala

harraan hubka ay wataan

Ciidamada Fransiiska ee ka howlgala

xeebaha Somalia ayaa tiro dhow jeer

ah ku wareejiyay ciidamad Amaanka

p/land.

Wadamada kale ee ka howl gala

Gacanka Cadmeed ayaa iyaguna

Burcad badeedka ay qabtaan ku wareejiya

dowlada Yemen.
ARBACA 4 MARCH 2009

KA YIMID BOGGA 1aad

Isbedelka SomaliLand

Cidina Ma is Hortaagi Karto.!

‘’Ama ha la yiraahdo waa mala

awaal, amaba ha la yiraahdo waa

run. Waxaa hadalkaas ka soo yeeray

Gudoomiyha Gudigga Doorashda

Maamulka Somaliland uu daah furay

siraha daboolaa ee daaha gadaashiisa

ka muuqanayey oo dad badni

war arkooyda lahaayeen..Gudoomiyahu

waxaa uu u sheegay dadkii ku

faani jiray inay Soomalida kale kaga

horeeyaan maamulka iyo dimuqaradiyadda

in xukunkii loo kordhiyey

Dahir Riyaalle Kaahin . la qaban

mayo doorashada 29 March 2009-ka

oo maalmo yar ina xigaan. Waxaanu

dib ugu dhignay qaraxyo ka dhacay

Hargaysa Oct 2008’’

Markaas ayaa qofka caqliga leh is

weydiinkaraa sow ruwaayadu la mid

ma ahan hadalkii Maxamed Siyaad

Barre ee uu ku yiri Oct 1990-kii waxaan

u baajinay dabaaldegii Kacaanka

sababo la xiriira dhibaatada gaartay

dadka walaalaha aanu nahay ee

Kuweit oo la qabsaday. Ciraaq ayaa

Kuweyt qabsatay. Hadalka Jaamac

Sweden maxaa uu kaga duwan yahay

kii Maxamed Siyaad Barre? Hargaysaa

Qarax Oct ka dhacay……

Maanta Udub, Kulmiye iyo Ucid waa

dhan yihiin, Qaran sheeda ayuu ku

jira. Maxaa loo sheegi karaa dadka

Somali land? Aaway Hee Doorashadii

29 March……..!!!!!!

War Riyaalle ma umulbaa? Ilowsha

dhowa sow ma oga dadka degaankaas

inay diideen maamulkii

Siyaad Barre. Maanta Ina Riyaale

xoog wax ma ku haysan karaa. Miyaanu

dunida la socon iyo isbedelka

dhacay.? Bal hareerihiisa ma eego

miyaa?. Aaway Col.Cabdulaahi

Yuusuf? xagee ku dambeeyey Gen

Cadde Muuse? Miyaanu ku quusan

in baalashii hogaanka taariikhda ee

askartu dhamaatay? Miyaanu ka war

hayn inuu Sheikh Shariif Madaxweyne

Noqday?…… Miyaanu ka war

hayn in Puntland uu Madaxweyne ka

yahay Dr. Cabdiraxmaan Faroole.?.

miyaanu la socon waxyaabaha is

bedelaya?…. Miyaanu wax akhrisan

oo wax ogayn in nin madow uu

ku fadhiyo kursigii hogaaminta Maraykanka

Barak Obama….. waxaa

dadka Soomaaliyeed maqli jireen

hees la yiraahdo War Ninka Yaw

Warama……..

Isku soo wada duubo waa qaloocsamay

Udubkii Somaliland mudo hayey

hogaankeeda. Allahaw naxariiste

waa uu dhintay Maxamed Ibraahim

Cigaal(Ina Xaarxaarato).. Udub waa

sii kala qaybsamay.haduu cod yar

kaga guulaystay Kulmiye doorashadii

hore. Way muuqataa inaanu ku

guulaysanayn doorashada Somaliland

hogaanka Udub ee ku fashilmay

siyaasada Somaliland,

isticmaalayaana sha xsiyaasadeed

waqtugeedii dhamaaday’’ Cadkeerow

ku cunay.ama ku ciideeyey”

Dhowaan shir jaraa’id oo uu qabtay

hogaamiyaha Xisbiga mucaaradka

ah ee Kulmiye Axmed Maxamuud

Siilaanyo waxaa uu carabaabay in

dib u dhigida doorashooyinka uu ka

dambeeyo Dahir Riyaalle, ayna codsanayaan

inaan Somaliland Khatar

la gelin. Waa hadal mug leh siyaasad

ahaan.

Waxaa muuqatay inaany hogaanka

Udub wax dan ah ka lahayn saacada

Somaliland ee ku sii sinqaysa in dagaal

sokeeye dib loogu noqdo. Maxaa

dan ah oo ku jira in reer Somaliland

mar kale magaalooyinka dhexdooda

ku dagaalmaan. Waa dhibaato

waayo oo qaro leh khaakhuul ka

dhaca Somaliland oo mandaqadan

laga wada dareemi karo. Hogaanka

Udub weli wax ma garan iyo in qarnigii

kow yo labaataanaad lagu jiro

Axmed Siilaanyo wuxuu gaashaanka

ku dhuftay qodobka sheegaya in

Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu

ay xilka haynayaan inta laga gaarayo

[Apr 16, 2009], xitaa hadii looga

guulaysto doorashooyinka; isagoo

sheegay in taasi ay tahay mid lagu

marin habaabinayo Somaliland.

Kolkuu Gudoomiyaha Doorashooyinka

maamulka Somalind ku dhawaaqay

in doorashadii dhici lahay 29

March 2009 dib loogu dhiga 31 May

2009 ayuu u dhoofay Dahir Riyaalle

wadanka Ingriiska . kaaga darane

Afhayeenka Madaxtooyada ayaa ku

faanay in socodaalka Madaxweynaha

Maamulka Somaliland ay ka mid yihiin

Wasiiro iyo xubno Barlamaan.

Waa su’aal furan mar dambe ma u

faani doonaan dadka Somaliland

Somalida kale inay dimuqaraadiyad

iyo maamul wanaag astaan u yihiin.

Biyaha Badda meel kasta oo aad ka

dhadhamisaa waa isku dhadhan….

Keligii Taliye kastaana waa isku

mid. Waxa keliya ee reer Somaliland

sugayaan waa inay ka dhiidiyaan

kelitalisnimadda Riyaale, Hadii

maalahan Muqdisho Madaafiicda la

isku garaacayey awooda xukunka

oo la isku haysto , maxaa u diidaya

Hargaysa marka Riyaalle xoog ku

sheegto inuu yahay Madaxweynaha

Somaliland. Dadka sharciga ay dhigtaan

ayaa kala haga. Riyaalle iyo kooxdiisa

ka hartay xukunkii Kacaankii

Oktoobar ee lagu canqariyey xukun

jacaylka, anigaa irrida, anigaa sharciga

ah, anigay soconayaan waxaan

doonayo. Anigaa Dastuur ah, Anigaa

Barlamaan ah, aniga …… anigaa ..

Anigaa wax walba ah, waa inay reer

Somaliland ina Riyaale u sheegaan

Now Riyaalle Isbedlka Somaliland

Cidna Ma Is Hortaagi Karto……Now

iyo Now Baryo Ma ahan………..

ILAYS NEWSPAPER

ABUUMANSUUR: BEENLOW MISE

NIN LAGU BEEN ABUURTAY?

Hogaamiyaha ururka Al-Shabaab

Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali

(Abuu-Mansuur) wuxuu dhowaan xaruntiisa

Bayshabo waraysi ku siiyay

barnaamij lagu magacaabo Liqaa’ul

Yawm (kulanka manta) oo ka baxa

taleefishanka Al-Gezira qaybtiisa

Carabiga.

Waraysiga Abuu-Mansuur oon hubo

kolka ay dad badani dhegaystaan

ama akhristaan inuu ka yaabin doono,

ayna isweydiin doonaan su’aasha

ah: Sheekhu ma beenlow baa mise

waa lagu been abuurtaa?.

Haddaba waa kan waraysigii ee

akhris wacan:

Al-Jazeera: Sheekh Abuu-Mansuur

hadda annagu waxaan joognaa

magaalada Baydhabo. Ciidamadii

Itoobiyaanku way bexeen ciidamo

ka socda dowladda ku meel gaarka

ahina ma joogaan magaalada

dhexdeeda. Daqiiqadaha iminka la

joogaa maxay idiinka dhiganyihiin,

sideese u qiimayn kartaan?

Abuu-Mansuur: Mujaahidiintu meel

kastoo ay joogaan gaar ahaan mujaahidiinta

Soomaaliya jooga waan

u bishaaraynaynaa. Sidoo kale waxaan

u tacsiyaynaynaa qoysaskiii

shuhadadii ku shahiiday xoreynta

magaalada Baydhabo. Wixii aan u

dagaallamaynay way dhaboobeen,

waxayna tani bishaaro weyn u tahay

muslimiinta caalamka oo nagu kaalmeeyay

dareenkooda iyo ducadooda,

nana siiyay talooyin iyo weliba

qaar kamid ah oo na siiyay taageero

dhaqaale. Kuwaas waxaan ku leenahay:

Bishaaro, rugtii riddadu maanta

gacanta mujaahidiinta ayay ku jirtaa,

waana in aan ogaanno in cadawgu

aanu ku bixin rabitaankiisa ee uu

ku baxay weerarrada mujaahidiinta

dartood. Generaalkii Itoobiyaanka

ahaa ee u yimid inuu qaabeeyo ciidamada

una diyaariyo sidii ay u bixi

lahaayeen isagoo dadkii iyo madaxdii

joogtay madaxtooyada Baydhabo

wuxuu yiri: (Halkaan markaan ka

tago oon saacad keliya kasii maqanahay

Mukhtaar Rooboow ayaa

ku fariisan doona). Kurisgii kuma

aanan fariisan maxaa yeelay kuwii

isku magacaabayay dowladda ayaa

boobay kuraastii iyo dhammaan

hantidii dowladda ee magaalada taallay.

Magaaladii waan soo galnay

waxana maanta Alle mahaddiis lagu

dhaqaa shareecada Ilaahay. Waxan

dareemaynaa wixii aan u dagaallamaynay

inay dhaboobeen, dadkuna

waxay ku jiraan nabad iyo xasillooni.

Suurtagal ma ahayn maanta kahor

in aad mobile-kaaga suuqa ku dhex

qaadato, mana aadan awoodi karin

in aad magaalada habeenkii dhex

socotid. Maanta waxaad awooddaa

inaad wixii aad doonto qaadato waqtigii

aad doontana socoto.

3

Al-Jazeera: Dhaqdhaqaaqa Al-

Shabaab maxaa loo aasaasay,

muxuuse kaga duwanyahay

dhaqdhaqaaqyada kale ee ka jira

Soomaaliya?.

Abuu-Mansuur: Dhaqdhaqaaqa Al-

Shabaab waxa uu aasaasmay waqti

aan fogayn keddib markii dadka

qaar ay kasoo laabteen dagaalkii

Af-Ghanistaan, lana jebiyay dowladdii

Dhaalibaan. Rag kamid ah

dhaqdhaqaaqyadii Islaamiga ahaa

ee dalka gudihiisa joogay ayaa kulmay.

Raggaasi waxay dareemayeen

in dhaqdhaqaaqyadoodu ay gaabis

yihiin gaar ahaan wixiiba ku saabsan

jihaadka. Waxa jiri jiray dhaqdhaqaaqyo

islaami ah oo Soomaali ah oo

isku deyay inay jihaadaan, laakiin

waxa kahor yimid caqabado fara

badan, markaas bay iska daayeen.

Raggii dhqdhaqaaqyadaas ku jiray

oo isku daygaas hore sameeyay baa

kulmay, go’aanna ku gaaray inay

aasaasaan dhaqdhaqaaq jihaadkana

gala diintana fidiya oo jihaadka

iyo diin fidinka isku dhinac wada. Arrinkaasi

wuu dhaboobay Allena wuu

barakeeyay dadaalladaas, raggaasina

waxay burriyeen maleegyo gaalo

waddo oo fara badan oo dadkaan lala

maagganaa. Rag badan oo dhaqdhaqaaqaan

ka tirsanaa Alle wuxuu u

doortay inay dartiis u shahiidaan. In

ka badan toban qof oo kamid ahaa

raggii dhaqdhaqaaqaan aasaasay

manta waa shuhado. Waxaa kamid

ah walaalkeen Sheekh Ibraahim

Xaashi, walaalkeen Abuu-Qutayba,

walaalkeen Macallin Aadan Xaashi

(Ceyroow), walaalkeen Cumar

Dheere (Abuu-Jabal) . Qaar badan

oo kamid ahaa raggii goobjoogga ka

ahaa kulankii lagu aasaasay dhaqdhaqaaqu

way shahiideen, qofkii kamid

ah oo noolina wuxuu ku dadaalayaa

inuu ku dhinto wixii ay ku dhinteen

kuwii isaga ka horreeyay. Dagaalladii

ugu horreeyay ee shacbigu uu

ku bartay dhqdhaqaaqa mujaahidiinta

Al-Shabaab waxay ahaayeen

dagaalladii argagixiso la dirirka ee

ay hoggaaminayeen sagaalkii dagaal

ooge, kuwaas oo la heshiiyay

Maraykanka. Dagaal oogeyaashaasi

waqtigaas intay afduubaan islaamiyiinta

ayay u gacan gelin jireen

maamulka Maraykanka, iyagoo usii

marsiinaya xafiisyo uu ku leeyahay

dalka Jabuuti. Waxaa kamid ahaa

laba laga afduubay guriga Aadan

Ceyroow. Mid kamid ahi hadda wuu

joogaa wuxuuna ka qaybgalaa jihaadka,

kii kalena Hargeysa ayuu ku

xiranyahay.

LA SOCO CADADKA XIGA

Waxaa Tarjumay

Sabriye Macallin Muuse

sabkaxaaji@hotmail.com

Minnesota - Unites States
ARBACA 4 MARCH 2009 ILAYS NEWSPAPER 4

Qaybtii Labaad

SIYAASADDA GUUD

GOLAHA XUKUUMADDA

Waxaa si rasmi loo magacaabay

18 wasiir, 23 Wasiir-ku-xigeen iyo

2 Waasiir Dawlo taasoo jirta ayaa

hadan waxaa Golaha Xukuumadda

ka bannaan jagooyin aan weli la

magaacaabin, dhakhsana loo soo

buuxin doona markii la helo dadkii

ku haboonaa, haddii Alle Idmo.

Xukuumadu waa garowsan tahay

dareenka shacabak Puntland ee ku

aadan tirada xukuumada. Waxaa

tirada xukuumada sababay duruufo

badan iyo wacyiga lagu sugan

yahay. Sidoo kale waxaa sababay

in wasaarado isa saarnaa la kala

qaaday, sida xanaanada xoolaha,

beeraha iyo daaqa iyo daryeelka

deegaanka oo u baahan wasaarado

gooni ah si hawl dhab ah loo qabto.

Dhanka kale, Xukuumadan aan

soo dhisay ma ay wada gaari karto

deegaamada iyo beelaha dhammaantood,

laakiin waxay daaweysay

wax tirsasho badan oo horay u

jirtay.

Xukuumadan waxqabadkeedu wuxuu

noqondoonaa mid muuqda oo lala

xisaabtamo. Waxay xukuumaddu tix

gelinaysaa kala madax banaanida

iyo wada shaqaynta hay’adaha dawladda

sida, Golaha Wakiiladda,

Dr:- Yaasiin Faarax Cartan

Aduunka waxaa Magaalo ugu horraysay,

Atens (Caasimada Griiga

ee Casrigan) iyo Sparta oo xaddaaradii

Giriiga dhismay,kuwaasoo

lagu magaacabay “Gitta”

Magaalo waxaa muhiim ah in ay

leedahay, Astaamo lagu garto,

waa in laga helaa wixii adeeg ah,

2009, waxaa aduunka ka hirgalay

magaalooyin waawayn “Megalopolo”,

Haddaba iyadoon la hilmaameen

burburkii Somalia, ayaana haddana

Puntland heshay nasiib 18 sanno oo

nabad ah,

Maxaa laga qabtay Magaalooyinka

puntland 18 sanno.

1.Biyaha oo Dowlada Holland ku deeqday.

2.Shirkadaha Telephonada iyo

Xawaaladaha oo laga hirgeliyay si

gaar ahna loo leeyahay (Private).

Barnaamijka Xukumadda Dawlad

Goboleedka Puntland 2009-2012.

Golaha Xukuumadda iyo Golaha

Garsoorka. Waxaa ka hawlgeli doona

dad aqoon, waayo aragnimo iyo karti

u leh maamulidda iyo hogaaminta

hay’adaha dawliga ah (Government

Institutions).

Hay’aduhu waxay ku hawl galayaan

waajibaad shaqo oo qeexan (Job

description). Ku waasoo la tilmaami

doono qaabka wada shaqaynta

iyaga iyo hay’adaha kale oo ay isku

ujeedada yihiin, sida garsoorka iyo

ammniga, hay’adaha adeegga bulshada,

hay’adaha waxa soo saarka

iyo dakhliga IWM.

Waa muhiim in aan leenahay siyaasad

qorshaysan oo ka tarjumi karta

danta gaarka u ah shacabka reer

Puntland, midda guud ee Somaliya,

xiriirka caalamiga ah iyo xiriir wanaagsan

oo aan la yeelano dawladaha

deriska ah.

Xukuumadu waxaa ay dardar gelineysaa

gedi-socodka demoqradiya

oo ay ugu horeyso dhameystirka

Dastuurka cusub oo ka tarjumidoona

danta shacabkeena, aftina loo qaado

18 bilood gudohood, haddi Alle idmo

Waxaa kale oo ammuurtaas barbar

socondoona in la qoro ugu horreyntii

xerka axsaabta badan, furitanka axsaabta,

magacaabidda guddiga doorashooyinka

iyo dejinta xeerka

dorashada (electoral commission and

electoral law), taas oo loola jeedo dardar

gelinta hanaanka geedi socodka

dimuqoraadiyadda (Democratization

Process). Taasi waxaa ay Puntland u

horseedaysaa, Ilaah idankiis, in laga

gudbo nidaamka qabaliga ah ee toban

jirsaday, kaas oo sababay caqabado

badan oo qaarkood la dhaafi

kari waayey iyo in lagu tallaabsado

nabad buuxda, horumar iyo iskaashi

buuxa ee dhinacayada kala duwan.

Xagga siyasadda ku wajahan Qaran

Somaliyeed, xukuumada Puntland

waxay ilaalineysaa nidaamka fedaralka

oo ah mid reer Puntland hore

u go’aansadeen, sidaasna saldhig

ugu noqday xukuumada Federalka

ah ee KM ee hadda jirta oo la dhisay

2004tii.

Sidaas darteed, waxaa xukuumudu

aaminsan tahay daafacaadda nidaamka

Federalka ah ee Dawlad Qaran

ee Somaliya, oo wax ka hooseeya

dadkeenu marnaba aqbali karayn.

Xiriirka Puntland iyo Dawladda Federaalka

ahi waxuu ku dhisnaan doonaa

nidaamka Federaalka ah ee hadda

kala dhiman oo dhameystirmidoona

marka ay soo dhismaan maamullo

Puntland oo kale ah oo ku wada

howlgala Xeer Federal ah oo ay si

buuxda

XAALADA MAGAALADA BOSASO

“Xaalad la fiirin karo kama jirto magaalada Bosaso,xaga

nadaafada, xaga sixada, xaga Korontada iyo biyaha”

Puntland degmooyinkeeda midna

wax la taaban karo lagama qaban,

Dowlada Hoose ee Bosaso, Irideeda

waxaa lagu iibiyaa Maandooriyaha

Qaadka, Mana soo marin duq magaalo

oo wax ka qabta ama la kaashada

dadweynaha fulinta arrintaas.

Magaalo keligeed iskaga socon karto,

Haddii aan majaraha loo hayn,

Dowlada puntland waxaa looga fadhiyaa

in ay wax ka qabto arrimaha

soo socda.

1. Dowlada Hoose tooskeeda

ha ka qaadeen Maandooriyaha Qaadka,

Nadaafadan ha la hagaajiyo.

2. Dowlada puntland ha u

magacowdo Gudi sarre oo degmooyinka

habeeya. (Wasiiro, Aqoonyahano,

Dhakhaatiir iyo culimo)- oo hoos

yimaada wasaarada H.guud iyo Guriyeenta,

sameeyana Qorshaynta

Magaalooyinka (City planning) sida

wadooyinka, parkinidii Gawaarida

iyo Calamad leh oo Basaka dadweynuhu

Istaagaan.

3. Waa in dowladu samaysaa

Suuq la dejiyo Bacadlaha.

4. Dariiqa Waqda oo deg-deg

loo furo

5. Qaadka oo meel Sinai ah la

dejiyo, Magaaladana laga saaro.

6. Boosteejooyinka Baabuurta

laga rarto oo meel haboon la geeyo

oo laamiga laga fogeeyo.

7. Layrka, waa in dariiqyada

muhiimka lagu xiraa.

8. Meesha dadku Maro (Mersha-peide),

waa in la baneeyaa.

9. Nadaafada Magaalada, waa

in loo xilsaaraa shaqaale joogta ah,

(Isbissini-Nadiifiye Qashin)

10. Bartamaha Magaalada (Centeral)

garigacmeedyada iyo kuw dariiqa

wax ku iibiya, waa in la habeeyo.

Puntland uga hawlgasho diyaarintiisa

si ay u ilaashato daneheeda ku

saleysan awood qeybsiga. Taasi

waxay tahay inaan cid dibedda ka

ah maamulka Puntland aysan ku

matali doonin marnaba diyaarinta

xeerkaas.

Middaas oo ay hadda dhacday in

diyaarinta Xeerka Federalka ah ay

DFKM iyadu iskeed ugu magacawday

dad aan maamulka Puntland

soo dirsan oo aan u aragno inay ilaalinayaan

oo keliya danaha Dawladda

Federalka KM.

Waa muhiim, waana siyaasadda

xukuumadda in aan kula dhaqanno

Dawladaha aan deriska ka nahay

xagga berriga iyo xagga baddaba

siyaasad ku saleysan is- xurmeyn,

deris wanaag iyo wax-wada-qabsi ku

aadan danaha naga dhexeeya oo ay

ka mid yihiin isdhaafsiga ganacsiga

iyo adkeynta amniga.

Waxaan iyadana dardar gelineynaa

xiriirka wadashaqeynta aan la leenahay

Beesha Calaamka, ha ahaadeen

deeq bixiyayaasha (donors)

ama hey’adaha kale oo calamiga ah

(UN agencies and INGOs) si ay si

buuxda uga hawlgalaan degaanka

Puntland mar labaad, iyadoo la sugi

doono haddi Alle idmo amaankooda.

Taasi waxay fududeyneysa in dib loo

bilaabo mashaaricdii kala go’day iyo

kuwa cusubba.

La Soco Cadadka Xiga

11.Kawaanka Hilipka iyo Kalluunka

waa in dhakhaatiirta xoolaha ku

takhakhustay ay ka howlgalaan.

12.Waa in dowladu gacanta ku qabataa

Hubinta iyo Kontoroolka (food

Control) cunnooyinka Dekedaha

dalka ka soo gelaya..

Gunnaadka

Xaafadaha la ilaawey, Sida Raf iyo

Raaxo, Biyokulule,Turjaale,Tuulo

Absame, waa in ey hellaan Nal iyo

biyo Joogta ah, Ugu danbayntii aanu

u kacno sidii aanu magaalooyinka

waxa uga qaban lahayn oo u hormarin

lahayn si aanu ugu noolaano,

ilmaheenuna ku barbaaraan Degaan

Nadiif ah oo billicsan.

F.G:- Yaan loo qaadan in aan qof

dhaliilayo ee waa wax toosin iyo

hagaajin
ARBACA 4 MARCH 2009 ILAYS NEWSPAPER 5

Xusuustii Qallinka

Iimaan Axmed Guray.

Qarnigii Lix iyo Tobnaad ayaa

Iimaan Axmed Guray waxaa uu

jebiyey oo ka adkaaday Boqor Abasiini

ahaa oo la oran jiray Lebna Dengel

taasi waxay marag fur u tahay

geesinimadda dadka Soomaalida ee

soo jireenka ahayd abid.

Iimaan Axmed Guray waxa uu ku

dhashay meesha la yiraahdo Hubata

oo u dhexeysa Harar iyo Galdaysa

sida taariikhda lagu sheego

Sanadkii1500. Waxaa uu guursaday

haweenay uu dhalay Boqorkii ka

talinaayey Saylac gabadhaas oo la

oran jiray Baati. Sanadkii 1522-kii

ayaa waxaa Saylac laga soo rararay

Caasumidnimadii dawlada Islaamka

waxaana loo soo wareejiyey Harar

.(Xigashao Buuga al-Soomaali ee

uu qoray Gen.Cali Ismaaciil P45).

Iimaan Axmed Guray ayaa ciidamadiisu

waxay gaareen Hara biyoodka

Taana Sanadkii 1533-dii ee Gobolka

Goojaam. Sanadihii 1533-dii ilaa

1538-dii waxaa ciidamadiisu misna

gaareen magaalada Kasala ee dalka

Sudan. Boqorkii Xabashida ee Lebna

Dengel waxaa uu noqday haad geed

waayey. Hadba meel ayuu u cararaa

ilaa uu dibad meerkaas iyo is qarintaas

isagoo ku jira uu geeriyooday

Sanadkii 1541-kii.

Boqortooyadii Burtaqiiska2 ayaa u

soo hiilisay Abasiiniyiinta laga adkaaday.

Waxay ciidamo u soo direen la

safta. Iyagoo racoodii ugu horeeyey

ay soo gaareen degaanka Geeska

Afrika Sanadkii 1541-kii. Dagaalkii

dhex maray Iimaan Axmed Guray iyo

ciidamadii Burtaqiiska ayaa waxaa

lagu dilay hogaamiyihii ciidamadaas

oo la oran jiray Chirstopher Dagama

Waxaa dhacday in Sanadkii 1543-

dii uu dagaal xoogani labada ciidan

dhexmaray. Walow Xabashidu gacan

weyn ka helaysay Burtaqiiska. Waxaa

dagaalkaas dambe ku jebiyey oo

laga adkaaday Iimam Axmed Gurey

ciidamadiisii, waana la dilay Iimaamkii.

Hase ahaate waa sii socday gulufka

colaadeed ee u dhexeeyey

muslimiinta iyo masiixiyiinta ku nool

Geeska Afrika.

Qarnigii Sagaal iyo Tobnaad Bilowgiisii

wixii ka horeeyey sida laga

dheegto taariikhda Abasiinya(Absinia

History). Absiinya ma lahayn Boqortooyo

awood dhexe ah oo midaysa

Boqortooyooyinkii kala gooni

goonida ahaa ee ka jiray Abasiinya.

Qoomiyadahan Masiixiga ahi waxay

ahaayeen kuwa aan ururusanayn.

Gobolka Tigrey oo u xiga dhinac

Waqooyiga xadka Sudan. Gobolka

Baqamaar(Amxaaradda). Waa dhul

buuraleey ah. Galbeedka Sudan

ayaa kaga aadan. Waqooyiga waxaa

ka xiga Tigrey. Gobolka Goojaam

waxaa uu barbarka ku hayaa dhinaca

hoose ka xigaa Gobolka Amxaarada.

Waa dhul biyuhu ceegagaan

waxaa ku taala Hara Biyoodka

Taana iyo Wabiga Niilka Blue-ga ah.

Gobolka Wallo waxaa uu Konfur Bari

kaga yaala Gobolka Tigrey. Sidoo

kale Gobolka Shawa ayaa ku yaal

Bartamaha Itoobiya.

Gobol kastaa ee ka tirsanaa Abasiinya

waxaa caada u ahayd inuu

yeesho Boqor u gaar ah. Dagalka

iyaga dhexdooda ah amaba midkay

kula jireen dadka degaanka Geeska

Afrika degan ayaa ku salaysnaa oo

kelya awood helid iyo beer laxawsi

Kirstaanimo si ay awooday wax ku

xukuman u yeeshaan. Dantood xukun

raadinta ah ayaa mar walba iska

cadayd taaso ahayd inay dad gumaystaan.

Sida ku cad maqaal uu ku qoray

wargays la yiraahdo Geeska Afrika

ee ka soo baxayey New Jersey

Maraykanka Sanadkii1979-kii cadadkiisii

Aprile/June ayaa Richard

Chairman3waxaa uu ku iftiimiyey

in boqoradii hore ee Absiinya ay

ahaayeen kuwa aan lahayn maamul,

magaalo caasimad u ah, waxayna

ahaayeen kuwa ku nool xerya guura

guura( Khaymado) waxaa kaloo uu

sheegay inayan jirin awood siyaasadeed

ee isu dheeli tirayd maamulka

goboladda boqortooyada. Waa sii

waday cadayntiisa isagoo sheegay

in laga soo bilaabo Qarnigii 12-aad

ilaa 1890-kii Boqortooyadii Abasiinya

aysan lahayn Caasumad sugan

oo la yaqaan. Sidaas darteed waayida

la waayey caasimad sugan iyo

baahida loo qabay xarun siyaasadeed

waxaay dhib ku noqotay in la

xadado awooda boqortooyadu ku

leedahay gobolada kale.

Ma Caqli galbaa in qof Dheeman

heystaa uu ku badasho Maar?

Qalinkii: -Cabdixakiim Jaamac Jooje

Leicester UK

Marka hore mahad idilkeed waxaa

iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana

Rasuulkeenii ayeey korkiisa

ahaatay. Intaas kadib dhammaan

akhristayaasha sharafta iska lahow

iga gudooma salaanta islaamka

(A.C.W.W).

Sida aynu la wada socono adduunkan

maanta waxa ugu qaalisan waa

dheeman, taasoo qofka heystaa ay

wax walba uga qaalisan yihiin. Haddaba

ma wax dhici karaa in qof dheeman

heystaa in uu qof kale oo maar

heystaa uu uga badasho. Runtii waa

wax aan dhici Karin, laakiin Soomaali

wey ka suurtowdaa, waxaana daliil

u ah dulucda aan uga gol leeyahay

mowduucan.

Dhulka xeebaha ah adduunka oo idil

waxaa la siiyaa mudnaan gaar ah,

oo waddanka hadduu bad leeyahay

waxaa la aaminsan yahay in ay Gaajo

iyo Faqri is daayeen. Sida hadda

ka hor uu sheegay Madaxweynaha

Jabuuti mar la yiri dhulkaaga waa

faqri, oo uu yiri Jabuuti waxey leedahay

Xeeb ballaaran, oo waddan

xeeb lehna faqri wey kala fog yihiin.

Halkaas waxaad ka qaadan kartaa

qiimaha ay baddu ku fadhido.

Annaga Soomaali ahaan waxeynu

leenahay xeebta ugu dheer Africa.

Waxaa la aaminsan yahay in baddeena

laga helo kalluunka ugu

qaalisan. Waxaa intaas dheer in ay

jiraan macdano kale oo qaali ah oo

ku aasan baddaheena. Nasiib darro

dadka soomaalida ah arimahaas

uma muuqdaan. Warbixin laga qoray

waddamada IGAD ayaa waxaa lagu

sheegay in dakadaha ugu baddan

waddamada IGAD inay ku yaalaan

Soomaaliya. Tiro koob la sameeyay

oo la yiri illaa 12 dakadood oo IGAD

ay leedahay, ayaa todoba ka mid ah

waxey ku yaalaan Soomaaliya.

Arimaha ugu yaabka baddan waxa ay

ka jiraan deegaamada Puntland, taasoo

waayahan danbe ay isugu faan

noqotay in dadki ay soo wada degaan

dhulka Laamiga maro, iyadoo

laga soo wada guurayo magaalooyinkii

camirnaan jiray ee ay Xeebaha

ahaa. Magaalooyinkii Caanka ahaa

ee xeebaha sida Beyla, Caluula,

Xaafuun iyo Qandala, waxaa lagu

soo waramayaa in laga soo wada

guuray. Warbixin uu dhawaan soo

diyaariyaya weriye Shiikh Adduun,

uu kasoo qoray magaalada Qandala

oo uu booqasho ku tagay, wuxuu

kasoo wariyay in aanay magaaladu

deganeen xitaa dad gaaraya Boqol

qofood.

Sida aynu la socono Qandala waxa

ay soo martay heer lagu tilmaamay

Gacanka Hodanka ah ee Soomaaliya,

taasso ay ugu wacnayd iyadoo

ka gaartay ganacsi heer Caalami,

oo uu dhaqaalaheedu aad iyo aad

u heer sareyn jiray. Qandala waxey

waayo soo qaadataba maanta waa

laga soo kala guuray. Haddaba waxaa

isweydiin leh, dadki magaaladan

camiri jiray ee dhaqaalaha xooga leh

ku heystay Halkee ayeey uga guureen.

Waa su’aal aan jawaabteeda

ka sugayo Qurbo joogta reer Qandala

ee Yurub iyo Ameerika, iyo weliba

waxgaradaka ku nool Soomaaliya.

Haddaba waxaan kula talin lahaa

maamulka Cusub ee Puntland, in uu

tixgalin siiyo magaalooyinkan xeebaha

dhaca, oo uu bulshada reer

Puntland, u sameeyo mashaariic ay

kaga howlgalaan magaalooyinkaa

xeebaha. Ogow mar walboo ay horumar

sameeyaan magaalooyinka xeebaha,

waxaa kordhaya dhaqaalaha

dalka. Sidoo kale waxaa muhiim ah in

dadka lagu dhiira galiyo inay bartaan

xirfadaha Badda looga shaqeysto, si

ay uga kaaftoomaan ku xirnaashaha

gacan wax u soo dirta ama waxa

loo yaqaano shaxaadka. Maamulka

waxaan kaloo kula talin lahaa inuu

asaaso Machadkii badda ee laga

baran jiray { Fishing, Mechanic iyo

navigation }. Runtii iskuulkaas wuxuu

ahaa iskuul qiimo leh, oo ardeydii

kasoo baxday waagaas maanta adduunka

oo idil ayeey xirfaddaas uga

shaqeystaan.

Soomaaliyeey dhulkeena aynu aamino,

oo ka faa’ideysano nimcooyinka

uu Allaah inagu maneystay. Dhulkeenu

wax walbuu leeyahay, oo laga

helaa haddey noqoto dhul Beereed,

Xoolo nool, bad, macdan kale. Haddaba

adigoo iska leh dhulka qiimaha

iska leh, oo maalintii aad suuqa u

daadegtoba aad soo sameyn karto

dhaqaale wanaagsan, sidee ayeey

ku dhacday inaad dhul shisheeye,

oo aad ka tahay shaqsi la liidayo inaad

uga soo safarto. Soomaaliyeey

dhulkiina ku kalsoonaada, oo aamina,

isaga ayaad huran tahaye.

Waxaan kaloo fursaddan uga

faa’ideysanayaa inaan uga mahadceliyo

Aqoonyahandii iyo ganacsatiadii

isku howshay inay dib u kiciyaan

Warshaddii kalluunka ee Laasqoray,

oo maalgaliyay. Runtii waa tusaale

wanaagsan oo ku dayasho mudan,

wax weyn ayaad dalkii ku soo kordhiseen

oo Allaha idinla garab galo

dadaalkiina.

Ogow mar walba heybad waxaad

ku leedahay dhulkaaga hooyo, ee

dhulkiina waa dheemanee haku

badalanin maar iyo wax ka liita.
ARBACA 4 MARCH 2009 ILAYS NEWSPAPER 6

Koboca Islaamiyiinta Somalia

( Siraha Qarsoon )

Qormadii 9aad

Waayihii Horu-socdka Islaamiyiinta Soomaaliya

W.Q. cabdishakuur Mire Aadam

Kooxaha Islaamiyiinta ayaa waxay

marwalba ka koobnaayeen

xubno kala qabiil ah. Halka mucaaradkii

hubaysnaa uu u muuqanayey

qabiil qur ah oo doonaya inay

awooda dalka xoog ku yimaadaan,

lahayna barnaamij siyaasadeed oo

wax ka bedeli kara xaaladda dhaqaalaha

iyo bulshada ee waqtigaas

Soomaaliya ku jirtay.

Islaamityiintu waxay si tartiibtartiib

ah bulshaweynta ugu soo bandhigayeen

ku dhaqanka shareecadda

Islaamka. Iyagoo dhexmaquurayey

dadka muhiimka ah ee loo qaateenka

ah oo dacwadda fidinteeda si furan

uga qayb qaadan kara. Kuwaas

oo u badnaa dhaliyarra-da waxbaratay

ee lahaa rag iyo dumarba.

Mucaraadka hubaysnaa ayaa xilligaas

u sii kala dhanbalmayeey qabiil

qabiil iyo jifo-jifo hoose oo aan

dhaafsiisnay awood ku faan qabiil

iyo dib ugu noqoshadii waqtigi jaahiliyadda.

Waxaa bilaabmayey kala

furfurasho jabhadihii mucaaradka

ahaa ee ku midoobay SSDF oo

ahayd midi ugu horeeyeysay mucaaradka

hubaysan ee Soomaaliya,

dulaankana Soomaaliya uga soo

qaada Itoobiya. SSDF waxaa Oktobar

1981-kii ku midoobay Jabhadda

Badbaadinta Soomaaliya (Somali

Salvaition Front), Xisbiga Shaqalaha

Soomaaliyeed (Somali Workers

Party) iyo Jabhadda Dimuqaraadiga

Xoraynta Soomaaliya (Democratic

For the Liberation of Somalia ) .

Waxaa la isweydiin karay Afgembigii

9 Aprile 1978-dii ee dhicisoobay

lug ma ku lahayd Itoobiya?. Marka

qumaati la isugu dardaro xisaabaadka

qaarkood Sirta qarsoon ee

Soomaaliya ma tahay in saraakiisha

qaarkood ee ka qayb qaatay afgembigaas

inay Itoobiya dabada ka riixaysay?.

Waa la is weydiin karaa mar

labaad markuu fashilmay afgembigaasi

sababtay Itoobiya dabada

ula galeen saraakiil badan oo fikrad

ku lahaa afgembigaas? Ma la oran

karaa waxaa jiray xiriiro qarsoon oo

ka dhexeyey abid Itoobiyaanka iyo

saraakiisha Soomaaliyeed qaarkood

ee fulinayey qorshahaas afgembi?.

Islaamiyiinta ayaa qorshahoodu

weyni waxaa uu ahaa hoos ka soo

dhisid bulshada si loo helo awood

dhinac walba ka qaabaysan. Waxay

marwalba farta ku fiiqayeen

khaladaadka muuqda ee dawladii

kacaanka ahayd oo waqtigaa la daalaadhacaysay

la dagaalanka mucaaradka

hubaysan ee qabyaaladu u

ahayd Dastuurka.

Waxay Islaamiyiintu aad sahleen baritaarka

burburkii dawladaas sii liicaysay

xilligaas. Islaamiyiintu ayaa ka

koobnaa dhowr garab oo ka kala jiray

Waqooyiga iyo Konfurta Soomaaliya.

Waxdada ayaa ka dhisnayd Waqooyiga

halka Jamaaca Islaamiya iyo Al-

Islaax ka jireen Konfurta Soomaaliya.

Hawshaas ay hayeen garabyada

Islaamiyiinta ayaa muhiim waxay u

ahayd baraarujin dhinaca diinta ee

shacabka. Waxaa soo shaac baxay

koboca siyaasadeed iyo bulsho

ee Islaamiyiinta ku dhex yeesheen

dadweynaha ka biya diidsan arrimaha

muuqada ee kacaanku uu

wadey. Iyadooy Islaamiyiintu heleen

dhega raaricinta bulshada cabursanayd

ee Soomaaliyeed oo xilligaas

la daalaadhacaysay niyad xumadda

kacaankii Oktoobar. Meesha kama

maqnayn khilaaf ku kala dhex jira

xooggaga Islaamiyiinta. Waxaan soo

bidhaamayey kala guullan dhexdooda

ah. Iyo sida loo wajahayo arrimahaa

taagan goor kasta. Hase ahaate

waxaa mar walba qarinayey inaanu

soo shaac bixin khilaafkoodaasi culayska

saaraa ee kaga soo wajahnaa

dawladii kacaanka ahayd oo isku si u

wada arkaysay kooxaha Islaamiyiinta.

Inkastoo aanay Sanadihii dambe

waxba ka qaban karayn awoodoodaas

sii kordheysay.

Sanadkii 1982-dii kolkii dawladii

kacaanka ahayd ka soo sii daysay

xabsiga Shiikh Maxamed Macallin

Xasan ayaa dhaqdhaqaaqii Jamaaca

Islaamiya qaybta ka hartay

ururukii Al-ahli una badnaa ardaydii

tafsiirka Quraanka ka raacan jirtay

Shiikha ayaa u soo bandhigay Shiikh

Maxamed Macalin Xasan inuu noqdo

hogaanka Ururka iyagoo ku yiri:-

’’ Booska hogaaminta ururka Shiikh

Maxamed Macalin adiguu kuu banaan

yahay waa booskaagii....’’

Shiikh Maxamed Macallin Xasan

(Ilaahay Ha u Naariistee) waa ka

cudur daartay inuu noqdo hogaanka

Jamaaca Islaamiya. Waa u duceeyey

dadkii taladaas u soo jeediyey,

waxaana uu kula dardaarmay inay

halkoodii ka sii wadaan ku baraarujinta

dacwada ee dadka dhexdiisa.

Bilowgii sanadkii 1983-dii waxaa kulan

isugu yimid hogaankii Jamaaca

Islaamiya Muqdisho. Waxaa kulankaas

lagu qaadaa dhigay dhabaha

Jamaaca Islaamiya qaadanayo iyo

toobiyaha Istaraatiijiyada la qaadan

doono waqtiga soo socda. Mudo bil

ah ayaa kulankaas loo fadhiyey ka

baaraan dega iyo munaaqashada

waxyaabo badan oo sal uss noqonaya

xarakada islaamiga ah.

Waxaa Jamaaca Islaamiya isku af

garteen laba qodob oo kala ahaa.

•In lagala dagaalamo dadka waxyaabaha

Bidcada ah ee Diin ahaanta

u haystaan.

•n laga hortago Cilmaaniyada waxyaabaha

la hal-maala.

Siraha qarsoon waxaa ka mid ah

kolkii kulankaas Jamaaca Islaamiya

la soo gabgabeeyey ayaa waxaa

dibada isa soo dhigay guux iyo hadalo

la isla dhexmarayey oo ku saabsanaa

jihada uu qaadayo ururkan oo

ahaa mid xubnahiisa muhiimka ah

badankood ahaayeen ardaydii tafsiirka

Quranka ka baranjirtay Shiikh

Maxamed Macalin Xasan. Waxaa

soo baxay hadalo suuqa la geliyey

oo sheegayey in Shiikh Maxamed

Macalin hogaanka Jamaaca Islaamiya

ka guureen oo ay u guureen dhinaca

Shiikh Nuur Cali Colow. Iyadoo

weliba intaas lagu sii qurxiyey in la

doonayo in Islamaamiyiinta lala xiriirsiiyo

Jabahadii SSDF. Waxaa la

sheegaa in khilaaf soo kala dhexgalay

Jamaaca Islaamiya ku saabsanaa

isu haysashada awooda hogaanka

cida gacanta ku haynaysay iyo

weliba asaarta qabiilka oo Soomaalidu

tahay kuwa u dhego nugul.

Ururkii la oran jiray Waxdada ee

Waqooyiga iyo xarakadii Jamaca

Islaamiyaa ayaa midoobay Sanadkii

1983-dii Bishii Nov, lana baxay ururka

Al-itixaad Al-islaami, intii aanu dhicin

midowgii labadan urur ayaa waxaa

ka horeeyey aragti is weydaarsi

Jaamaca Islaamiya iyo Waxdada

iyagoo wada dersayey xaaladaha

ku saabsan isla jaanqaadkooda.

Xubnihii ka midka ahaa Jamaaca

Islaamiye ee socdaalka ku tegey

Waqooyiga Soomaaliya ayaa waxaa

ka mid ahaa Maxamed Cabdi Dahir,

Cabdiraxmaan Barre, Cabdulqaadir

Nuur Faarax. Is dhex galka labadan

urur ee Islaamiga ah ayaa raadinta

midowgooda waxaa uu u saansaan

ekaa midoowgii labadii gobol ee

Soomaaliya oo Talyaaniga iyo Ingariisku

kala xukumayeen oo is raacay

1 July 1960-kii abuurayna Jamhuuriyada

Soomaaliya.

Waxaa kaloo door muuqda ku lahaa

midaynta Ururadan Jabha Islaamiya

Sudan oo xiriirsiiyey labada

dhinac Maarso1983-dii, waxaana

xarun u ahayd intaanu dalku burburin

magaalada Muqdisho oo uu

inta badan ku sugnaa hogaamiyihii

waqtigaas ee ururka Al–itixaad Alislaami,

Sheikh Cali Warsame.Ururkaasi

waxaa uu ahaa goobta midaysa

awooda in badan oo Islaamiyiinta

Soomaaliya ah. Marka laga reebo

ururka Al–islaax oo isaga qudhigiisu

ahaa awood Islaami ah oo feer socota

ururukaas kale.

Waxaa kaloo door muuqda ku lahaa

midaynta Ururadan Jabha Islaamiya

Sudan oo xiriirsiiyey labada

dhinac Maarso1983-dii, waxaana

xarun u ahayd intaanu dalku burburin

magaalada Muqdisho oo uu

inta badan ku sugnaa hogaamiyihii

waqtigaas ee ururka Al–itixaad Alislaami,

Sheikh Cali Warsame. Ururkaasi

waxaa uu ahaa goobta midaysa

awooda in badan oo Islaamiyiinta

Soomaaliya ah. Marka laga reebo

ururka Al–islaax oo isaga qudhigiisu

ahaa awood Islaami ah oo feer socota

ururukaas kale.

LA SOCO ARBACA KASTA

BUUGA KOBACA ISLAAMIYIIN-

TA SOMALIA OO UU QORAY

C/SHAKUUR MIRE AADAN
ARBACA 4 MARCH 2009 ILAYS NEWSPAPER 7

Fallanqaynta Cayaaraha Horyaalada urub

Liverpool Oo Qasaartay, Real Madrid

Oo 4 dhibcood U jirta Barca

LONDON —Liverpool ayaa qasaarisay

fursad ay ugu dhowaan lahayd

kooxda hogaanka horyaalka Ingriiska

heysa ee Manchester United

markii ay qasaaro lama filaan ah kala

kulantay Middlesbrough oo kaga badisay

2-0

Middlesbrough oo ciyaaraha horyaalka

badisa waxaa ugu danbeysay

bishii November ee Sanadkii Hore,

intaasi waxaa u dheer ineysan wax

goal ah dhalin ilaa iyo 5 tii kulan ee

la soo dhaafay , laakiin Tuncay Sanli

ayaa wuxuu gool Labaad shabaqa

liverbool ku hubsaday ka hor intuusan

goal iska dhalin qeybtii hore Xabi

Alonso, taasoo Liverpool u keentay

iney u sii dhacdo kaalinta 3-aad iyadoo

sanadkaan ku hamineysay iney

hanato horyaalka tan iyo 1990.

natiijadaan waxey Liverpool siineysaa

55 dhibcood , waxeyna wali

ka hooseysaa 7 dhibcood kooxda ka

sareysa ee defending champions ah,

taasoo aan ciyaarin Kulanmadii horyaalka

ee todobaadkana maxaa yeelay

waxey la ciyaaraysay kooxda Tottenham

cayaarta League Cup final.

Chelsea ayaa qasaarada Liverpool

ka faaiideysatay waxeyna wax loo

yaqaan goal difference kaga sara

martay kooxdaasi markii ay 2-1 kaga

badisay Wigan.

Arsenal ayaa ilaa iyo hada badin la’

markii ay xalay mar kale 0-0 la gashay

kooxda Fulham , waana kulankii

4-aad oo isku xiga oo at Arsenal wax

goal ah dhalin.

Arsenal natiijadaani waxey ugu

dhigantahay in mudo 15- sano ah

markiiugu horeysay ay wax goal ah

dhalin weyso , waxeyan hada 2 dhibcood

ka sareysaa Everton.

Everton oo labadii qeyb ee ciyaarta

2 goal oo kala duwan heshay ayaa

West Bromwich Albion ku gaaracday

2-0 waxeyna wali ilaashaneysaa rajada

ay ka qabto iney u soo baxado

European competition.

Real Oo Dhinaca ku haysa Barca

MADRID (AP)— Real Madrid ayaa

diiwaan gashatay guushuu 10th oo

isku xigta ee league ah oo isku xigta

waxeyna hada soo yareysay farqiga

dhibcaha u dhaxeeyay iyada iyo

Barcelona taasoo hada horyaalka ku

hogaamineysa four points , Guti iyo

Raul ayaa u kala dhaliyeen 2-0 ay

kaga badisay Espanyol

Barca ayaa horyaalka waxey ku

hogaamineysaa 60 points 24 kulan

oo ay ciyaartay halka Real oo ku

soo xigta ay leedahay 56 dhibcood

25 kulan oo ay ciyaartay and Sevilla

third on 47.

Spanish league leader Barcelona, oo

ku dhawada 3 kulan aan wax guul ah

gaarin ayaa la ciyaari doonta Atletico

Madrid,

Frederic Kanoute ayaa 2 goal oo uu

u dhaliyay Sevilla waxey kaga badiyene

Athletic Bilbao 2-1 in the Spanish

league iyadoo isku diyaarineysa

Copa del Rey semifinal match.

labadaan koox ayaa ciyaari doona

lugta labaad their Copa del Rey

semifinal taasoo ka dhici doonta the

San Mames habeenimada Wednesday,

Sevilla ayaa lugtii 1-aad ku soo

badisay 2-

Kooxda Atletic madrid ayaa dhulka

dhinac u dhigtay Kooxda khatarta

ahee Barcilona, markii ay kaga badisay

4-3, guuldaradan ayaa tii labaad

ee isxigta ee Barcilona la kulanto.

Juve Oo Dirqi kaga Fakatay Napoli

Claudio Marchisio ayaa dhaliyay

goalka kaliyaha ee Juventus ku badisay

kaasoo ah 1-0 ay kaga qaadatay

3 dhibcood Napoli in Serie A.

Juventus, oo 1-0 ay kaga soo adkaatay

Chelsea in the Champions

League, ayaa ciyaartaan xaga weerarka

ku bilowday Alessandro Del

Piero iyo David Trezeguet in attack,

laakiin labaduba wax goal ah waa

dhalin waayeen .

Inter Milan oo horyaalka ku

hogaamineysa 59 points, aya waxaa

soo raacda Juventus oo leh 53 halka

AC Milan ay ka leedahay 48.

Mauro Zarate ayaa Lazio’ u dhaliyay

2-0 ay kaga badisay Bologna. natiijadaasi

waxey gadhiisineysaa booska

7-aad , hayeeshee waxey kaga

tageysaa Bologna xaga hoose .

Hakashada Inter iyo Qasaarada Milan

2 goal oo uu dhaliyay Teenager Mario

Balotelli iyo mid kale oo uu raacsaday

Hernan Crespo oo dhamaadkii

ciyaarta dhashay ayaa kooxda Serie

A hogaankiisa heysa ee Inter Milan

waxey la gashay 3-3 AS Roma kulankii

ka dhacay San Siro xalay.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa goalal

ay u kala dhaliyeen Daniele De Rossi

iyo John Arne Riise waxey Roma ku

qabtay hogaanka .

Nasiib darada ugu xuni waxey ku

dhacday AC Milan wali ka daba jiitameysa

Inter Milan iyo Juventus in the

Serie A title markii ay qasaaro xoogan

kala kulantay Sampdoria 2-1.

26 kulan oo la ciyaaray Inter, ayaa

waxey ku hogaamienysaa 60 points,

7 dhibcood ka badan waxey ka sareysaa

Juventus oo 1-0 kaga badisay

Napoli in Turin on Saturday.taasoo

leh 53, halka AC Milan ay leedahay

48 waxaa soo raaca Fiorentina oo

leh 46.

Fiorentina iyo Genoa, ayaa waxey

isku heystaan booska 4-aad ee

Champions League qualification

place, laakiin labadaba waxey ku

guuldareysteen inet badiyaan todobaadkaan

Fiorentina waxey 1-1 la gashay kooxda

horyaalka ugu hooseysa ee

Reggina, .

M.UNITED OO HANATAY KOOB-

KA LEAGE CUP EE ENGLAND

London:-Manchester United ayaa

la hoyaaday koobka League Cup

markii ay 4-1 rigoorayaal ah kaga

qaaday Tottenham , taasoo u ah

kooxda horyaalka English Premier

League hogaankiisa heysa koobkii

ugu horeeyay 5 koob oo ay ciyaareyso.Ciyaartaasi

oo 0-0 ku dhamaatay

xitaa xiligii lagu daray , ayaa waxaa

geysiga ciyaarta noqday United

goalkeeper Ben Foster kaasoo badbaadiyay

Tottenham’s first shootout

kick oo uu laaday Jamie O’Hara iyo

David Bentley oo qasaariyay laadkii

3-aad ka hore intii uusan laadka

guusha dhalin Anderson.

Guushaan waxey u tahay United

tii labaad oo ay qaado marka laga

soo tago bishii December’s oo ay

soo qaaday Club World Cup . Sidoo

kale The Red Devils waxey

Premier League ku hogaamineysaa

seven points, iyadoo dagaal ugu jirta

Champions League iyo FA Cup.

Kulamo ka tirsanaa Premier League

oo la ciyaaray ayaa , waxaa ka mid

ahaa Aston Villa oo fursadeedii u soo

bixitaanka Champions League mugdi

yar ma la galiyay markii daqiiqadii

ugu danbeysay goalkii bareejada

ahaa aye ka dhalisay Stoke taasoo

ku soo idlaatay 2-2 at Villa Park.

Natiijadaasi waxey ugu dhigantahay

Villa iney sii jiifto booska 4-aad oo

ah final Champions League slot, 3-

dhibcood waxey u jirtaa Liverpool oo

3-aad ku jirta , waxeyna 6 dhibcood

ka sareysaa Arsenal, oo 5-aad fadhida.

West Ham ayaa xalay sameysay dagaal

ay kaga taqalustay 1-0 kooxda

Manchester City at Upton Park taasoo

ay ku soo jiifatay boosjka 7-aad

ee horyaalka.

Blackburn ayaa ka baxaday halka

hoose ee horyaalka ee relegation

zone markii ay 2-1 kaga badisya

Hull..

Michel Ession oo Garoomada

ku soo Laabtay.

London:- Xiddiga reer Ghana iyo

Kooxda chelsea ayaa markii u horraysay

ciyaaray Ciyaar tijaabo ah oo

la saftay ciyaaryahanada keydka

ee chelsea oo la ciyaarayay kooxda

keydka ee Astanvila

Ession oo mud lix billood ah ka maqnaa

Garoomada ayaa waxaa la filayaa

in uu ka qayb qaato Cayaaraha

Horyaalka Ingriiska iyo Cayaaraha

loogu soo baxayo koobka aduunka

ee 2010, oo xulkiisa Qaranku uu 29

march la yeelan doono xulka Benin
ARBACA 4 MARCH 2009

ILAYS NEWSPAPER

Telcom Puntland

Bosaso, Somalia

8

HORYAAL PRINTING

CENTER

ADEEGYADA DAABACADEED

EE HORYAAL DIYAARKA KUULA

TAHAY

Shirkadda Telcom Punland oo ku soo kordhisay adeega GSM-ka (Mobile-ka) Features Casri ah

Garaac si aad u dalbatid adeegyada TELCOM-PUNTLAND 141

Riix si aad ugu darsato numberadda Family-ga (FN) 146

Riix si aad u Dalbato adeega numberada ku gafay (Missed call) 144

Riix si aad u ogaato lacagta kuugu jirta 221

Riix si aad lacag ugu shubato 222

Riix si aad u la xiriirto qaybta adeega macaamiisha 143

Riix Si aad Qof kale lacag ugu shubto 333

QORAAL AHAAN

Riix si aad Lacag ugu shubato

*141*pin#

Riix si aad u ogaato lacagta kuugu jirta *142#

Riix si aad lacag u xawishid *143#

Riix si aad u bedesho password ka *156#

Riix si aad u ogaato Numberkaaga *145#

Riix si aad u dalbatid deyn *149#

Riix si aad u ogaato lacagta dheeriga ah *146#

•Divert all incoming calls :

* 2 1 * (Phone Number) # ok

•To Divert when no response:

* 6 1 * (Phone Number) # ok

oIn case of no access or busy

* 6 2 * (Phone Number) #ok

•Qaabka loo joojiyo Forwarding-ka Si aad u joojiso Forwardingka isticmaal # 21 # ok

•Qaabka lacagta loo xawilo adiigo isticmaalaya qoraal

*143#Password Number*1* 252 your number#

•Qaabka loo badasho Password *156#Old Password#New Password#

Shirkada Telcom Puntland xarunteeda weyn waxay ku taal magaalada Boosaaso, waxaana

shirkadu ay xarumo ku leedahay dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka Wixii Faahfaahin

ah:Tell: Tel: 002524500007 AMA 143 OO AH QAYBTA QANCINTA MACAAMIISHA

‣Buugta Akhriska

‣ Buugta Iibka &

Adeegyada Bulshada

‣ Receipt Vouchers

‣ Payment Vouchers

‣ Invoices

‣ Cash Sales

‣ Daily Sheets

‣ Business Cards

‣ Envelops

‣Stickers

‣ Prescription

‣ Register Books

‣ Text Books

‣ I.D Cards

‣ Certifications

‣ Flyers

‣ Invitations Cards

KADALBO HORYAAL

DOOKHAAGA DAABACADEED

WAQTIGA AAD RABTO, SIDA

AAD U RABTO

& QIIME KURAALI

GALIYA

Wixii faahfaahin ah kala xiriir

Tell :- 824299/796169/

726169

BOSASO SOMALIA