10.11.2012 Views

Caleemo Saarka Madaxweyne Jacob Zuma —— Eeg ... - Somali Talk

Caleemo Saarka Madaxweyne Jacob Zuma —— Eeg ... - Somali Talk

Caleemo Saarka Madaxweyne Jacob Zuma —— Eeg ... - Somali Talk

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

Madaxa Wargayska :

Maxamed Raage

MAY 17 2009 Cadadka 12aad

Xog-Maal waa Wargays ku hadla Afkaaga

Hooyo soona baxa Bishii labo jeer.

Qodobada Wargeyska Qodobada

—Qaxooti guryo

laga burburiyey--

Eag Bogga 7aad...

—Shaqada Shanta

Beri Eeg Bogga

4aad..

— Sanad Guuradii

Xenophobia Eeg

Bogga 4aad….

-XUURAAN:

ku garab qabo

ku qadi meeyside--

Eeg

Bogga 10 aad

-- Sh. Shariif

maxaa heley?

Eeg Boga

7aad...

Tifaftiraha Wargayska:

Maxamed Muuse Nuur

h. Maxamed Idiris ayaa socdaal dacwo faafin

S ah ku maraya dalka K/Afrika , socdaalkiisa oo

kasoo billoowdey magaalada Johannesburg ayuu

ku maray magaalooyin dhowr ah oo ay Soomaalidu

degentahay, Xog-Maal waxay idiin soo gubineysaa

warbixin ku saabsan socdaalka Sheekha — Eeg

Boga 3aad

Caleemo Saarka Madaxweyne Jacob Zuma —— Eeg Bogga 2

Iyo Eeg Boga 9aad

Bogga 13aad

“Alla KFC Saliid

Baddanaa”bogga

8aad..

Soo saaristaan waxaa ku jira aayadaha Qur’aanka Kariimka iyo Axaadiista Nabigeena (SCW) Ee Fadlan hadhigin meel aan munaasan u ahayn Wargayska.

Fadlan kusoo dir wixii talooyin iyo tusaale ah ooaad wargayska u hayso E-mail Xogmaal@hotmail.com ama 26 Durban road pelville Cape Town

17 May, 2009 XOG-MAAL 2

Waa kuwan magacyadii

oo dhamaystiran.

1. Wasaarada beeraha, dhirta iyo daaqa

iyo kalluumeysiga : Tina Joemat-

Pettersson

2. Wasiir ku xigeenka: Dr Pieter Mulder

3. Wasaarada hidaha iyo dhaqanka : Lulu

Xingwana

4. Ku xigeenka wasaarada: Paul Mashatile

5. Wasaarada waxbarashada asaasiga ah:

Angie Motshekga

6. Ku xigeenka wasaarada: Enver Surty

7. Wasaarada isgaarsiinta : Siphiwe

Nyanda

8. Ku xigeenka wasaarada: Dina Pule

9. Wasaarada iskaashiga dowliga ah iyo

amuuraha dhaqanka: Sicelo Shiceka

10. Ku xigeenka wasaarada: Yunus Carrim

11. Wasaarada dhaqancelinta (xabsiyada):

Nosiviwe Mapisa-Nqakula

12. Ku xigeenka wasaarada: Hlengiwe

Mkhize

13. Wasaarada gaashaandhiga iyo halyeeyada

militariga: Lindiwe Sisulu

14. Ku xigeenka wasaarada: Thabang

Makwetla

15. Wasaarada hormarinta dhaqaalaha:

Ebrahim Patel

16. Ku xigeenka wasaarada: Gwen Mahlangu-Nkabinde

17. Wasaarada Tamarta: Dipuo Peters

18. Wasaarada maaliyada : Pravin Gordhan

19. Ku xigeenka wasaarada: Nhlanhla

Nene

20. Wasaarada caafimaadka : Aaron

Motsoaledi

21. Ku xigeenka wasaarada: Dr Molefi

Sefularo

22. Wasaarada tacliinta sare iyo tabobarada:

Dr Blade Nzimande

23. Wasaarada arrimaha gudaha: Dr Nkosazana

Dlamini-Zuma

24. Ku xigeenka wasaarada : Malusi Gigaba

25. Wasaarada deegaameynta

bini’aadamka: Tokyo Sexwale

26. Ku xigeenka wasaarada : Zou Kota

27. Wasaarada xariirka caalamiga ah iyo

iskaashiga: Maite Nkoana-Mashabane

28. Ku xigeenka wasaarada : Ebrahim

Ismail Ebrahim

29. Ku xigeenka labaad : Sue van der

Merwe

30. Wasaarada cadaalada iyo hormarinta

qaanuunka: Jeff Radebe

31. Ku xigeenka wasaarada: Andries Nel

32. Wasaarada shaqaalaha : Membathisi

Mdladlana

33. Ku xigeenka wasaarada : Susan Shabangu

34. Wasaarada Police-ka : Nathi Mthethwa

35. Ku xigeenka wasaarada : Fikile Mbalula

36. Wasaarada macaahiida dowliga ah : Barbara

Hogan

37. Ku xigeenka wasaarada : Enoch Godongwana

38. Wasaarada shaqaalaha dowlada iyo maamulka

: Richard Baloyi

39. Ku xigeenka wasaarada : Roy Padayachie

40. Wasaarada Howlaha Guud : Geoff Doidge

41. Ku xigeenka wasaarada : Hendrietta Bogopane-Zulu

42. Wasaarada hormarinta reer miyiga iyo dib

u qorsheynta dhulka: Gugile Nkwinti

43. Ku xigeenka wasaarada: Dr Joe Phaahla

44. Wasaarada seeyniska iyo tiknoolijiyada:

Naledi Pandor

45. Ku xigeenka wasaarada: Derek Hanekom

46. Wasaarada hormarinta bulshada

(gunooyinka): Edna Molewa

47. Ku xigeenka wasaarada: Bathabile

Dlamini

48. Wasaarada ciyaaraha iyo jimicsiga: Makhenkesi

Stofile

49. Ku xigeenka wasaarada: Gert Oosthuizen

50. Wasaarada abniga qaranka : Siyabonga

Cwele

17 May, 2009 XOG-MAAL 3

Caleemo saarkii Jacob

Zuma.

Xaflad balaaran oo si heersareysa

loosoo qabanqaabiyey, taasoo lagu

qarash gareeyey R75 malyuun,

kana soo qeybgaleen 29 madaxweyne

iyo 30 wakiilo dowladeed,

dublamaasiyiin tirro baddan,

saxaafada aduunka xoogeeda, 30

kun oo dadweyne, 5 kun oo marti

sharaf ah, iyo malaayiin qof oo

shaashadaha ka daawanayay ayaa

lagu caleemo saarey madaxweynihii

afaraad ee si xor loosoo doorto

dalka Koonfur Afrika.

Barqonimadii sabtidii 9-kii May,

2009, kolkii ay inta baddan martida

timid fagaarada cagaaran ee

xeendaabka qasriga madaxtooyada

ayaa waxaa soo daatay

roob kadibna markaliya ayay

dadku wada dalacdeen dalaayado

wada madoow oo ay dowladu bixisey.

Xafdlada waxaa kasoo xaadirey

Nelson Mandela halyeeyga xoriyada

dalkani, iyo madaxweynihii

hore Thabo Mbeki iyo xaaskiisa

Sanele Mbeki kuwaasoo dhamaantood

fadhiyey halka lagu dhaarinayay

Zuma.

khudbad uu qaranka u jeediyey

Zuma waxyar kadib markii xilka

loo dhaariyey ayuu ku sheegey

dhamaan qorshayaashiisa

mustaqbalka dhow, khudbada oo

malaha ahayd tii siyaasadeed ee

ugu muhiimsanayed taariikhda

dalkani ee dhow ayuu hoosta kaga

xariiqey sida ay oga go’antahay in

uu dalka ku hogaamiyo waddo

wanaagsan oo hormar leh.

Markii uu khudbada dhameeyey

ayuu hoos usoo degey isagoo ay

garab socoto xaaskiisa koowaad

Makumalo, saanqaadkiisa wuxuu

ahaa mid borotakool ah waxaana

horsocdey labbo askari ah oo si

gaado ka cayaar ah u talaabo

qaadayay, wuxuu tagay barxada

kale ee koonfureed oo ay ku

sugayeen 30 kun oo taageereyaashiisa

ah halkaas oo uu u jeediyey

khudbad gaaban isagoo ku

hadlayay afka Zuluga, mar kaliya

ayay dadka qeeylo hooriyeen

markii uu baray xaaskiisa

koowaad oo uu yiri “tani waa Makumalo,

barta, waa xaaska madaxweynaha,

kuwa kale waxaan idin

bari doonaa markale dhanka kale

ayay joogaan”.

Kadib waxa uu salaan ugu

dhaqaaqay marti sharafta madaxweyneyaasha

ah, waxaa xusid

muddan in madaxweynaha Liibiya

Mucamar Al-Qadafi uu ahaa martida

ugu miisanka culus ee meesha

timid, Qadafi oo ah gudoomiyaha

midoowgfa Afrika ayaa ah

saaxiibka ugu dhow ee Zuma.

Xaflada waxa ay qaadatay maalintii

oo dhan iyadoo dadweynaha ay

madadaalinayeen hobolo muusiga

iyo laxanka iyo heesah u qaadayay

dadweynaha la ruxmayay codadka

ka baxaya sameecadaha jaguuga

ah.

Magacyada Wasiirada uu magacaabay

Madaxweyne Zuma.

51. Wasaarada madaxtooyada (1)

( gudiga qorsheynta qaranka) Trevor

Manuel

52. Wasaarada madaxtooyada (2)

(kormeerka habsamiga shaqada, qiimeynta

iyo maamulka madaxtooyada):

Collins Chabane

53. Wasaarada dalxiiska : Marthinus van

Schalkwyk

54. Ku xigeenka wasaarada: Thozile

Xasa

55. Wasaarada ganacsiga iyo warshadaha

: Rob Davies

56. Ku xigeenka wasaarada: (1) Thandi

Tobias

57. Ku xigeenka wasaarada (2) Maria

Ntuli

58. Wasaarada gaadiidka : Sbusiso Joel

Ndebele

59. Ku xigeenka wasaarada : Jeremy Cronin

60. Wasaarada biyaha iyo arrimaha

deegaanka : Buyelwa Sonjica

61. Ku xigeenka wasaarada : Rejoice

Mabhudafhasi

62. Wasaarada haweenka, dhalinta, caruurta

iyo dadka naafada ah : Noluthando

Mayende-Sibiya

17 May , 2009 XOG-MAAL 4

Shaqaalaha Shanta bari.

“saaxiib nin aan qaraabo nahay oo

meel tuulo ah jooga ayaa ii yeerey,

waxa uu ii sheegey dukaan cusub oo

aan furanayno aniga iyo isaga, marka

waa fursad aanan diidi karin ee wixii

barri ka biloowda shaqaale soo

raadso”, sidaasi waxaa kugu dhahaya

wiilka 5ta casho kuu shaqaynayay ee

aad helistiisa raadineysey 15-ka cisho.

Adinu waa kaligaa, dad oo dhan isaga

ayaad ka heeysaa, horey waxaa

kaaga tagay 5 kale oo isaga ka

horeeysey, waxaad ku baryootamaysaa

in uu ku siiyo muddo 5 maalmood

ah oo aad ku raadsato qof shaqaale

ah, waxaad dadaal kasta u galaysaa in

aad wiilka ku qanciso in uu kula sii

joogo, xitaa waxaad ugu yabooheysaa

in aad lacagta u kordhinayso, isaga

waxaasi uma cadda.

Qofkani shaqaalaha kuu ah ee kaa

tagaya isagu waa “nin meeli u caddahay

meeli ka madoow”, waxaa u bidhaamaya

dukaan lug laga siinayo oo

uu qorsheynayo in uu muddo kadib

kala bar iibsan doono, ugu dambeyntana

la wareegi doono, waxbo kama

galin kala badnaanshaha lacagta uu

shaqaalenimada ku helayo iyo tan uu

ka helayo lugta uu dukaanka ka helayo,

waxaan oga jeedaa in haddii

xittaa lacag labbo jeer ka baddan uu

ku helayo shaqaalimada marka la barbardhigo

tan uu ka helayo dukaanka,

isaga waxa 100% u cad in mar uu

dukaan wax ka yeeshey.

Shaqaalaha shanta bari waa dhibaato

guud ahaan heysata dukaamaleyda

Soomaalida, waxaana jirta in marar

baddan ay door ku leeyihiin dhibaatadaasi

isla raga dukaamada leh, waxaa

dhacda in shaqaalaha la kala shukaansado,

waxaa iyana jirta qofka

dukaanka leh in uu inta baddan jecelyahay

in uu canaado qofka u shaqaynaya

taasoo keenta in qofka

shaqaalaha ah uu dhibsado xushmo

la’aanta uu kala kulmayo qofka uu la

shaqeeynayo.

Cadadka dambe waxaan ku faaqidi

doonaa mooduucani oo dhamaystiran,

oo aan si weyn ugu kuurgalnay,

waxaan xooga saari doonaa sababaha

inta baddan keena shaqaalaha salka

fudud ee aan shaqada ku nagaanin,

eeda ma shaqaalahaa leh, mise waa

jawiga xaalada lagu jirro ama waa

dadka loo shaqeeyo?

Haddii aad tahay qof ay saameysey

dhibaatadani fadlan noogu soo dir

fariin ciwaanka wargeyska ee ah xogmaal@hotmail.com

, sheeg waxa aad

u malaynayso dhibaatada, imisa

shaqaale ayaa kaa tagtay mudada

intee la’eg?, waa haddii laguu

shaqayn jirey, haddii aad laftaada

shaqaale noqotey maxaa kalifey in

aad kolba shaqo ka tagtay?, afkaartiina

waan soo daabici doonaa.

Sanad guuradii Xenophobia

Maalintii isniinta ee ay taariikhda ku

beegneyd 11-ka May, waxaa ku

beeganeyd sanad kadib markii ay dalkani

ka qarxeen rabshadihii shisheeye

nacaynka ee lagu barokiciyey

ajaaniibta Afrikaanka ah. Rabshadaha

waxaa ku dhintey 62 qof, waxaana ku

barookacay inka baddan 20 kun oo

qof.

Sanad kadib waxay su’aal ka taagantahay

halka ay ku dambeeyeen kumanaan

gal dacwadeed oo laga furey

dambiyadii la galay.

Ernesto Alfabeto Nhamuave waa

ninkii baasiinka lagu bilbiley ee

dabka lagu qabadsiiyey dariiqyada

xaafada Ramaphosa ee duleedka

Johannesburg, ninkaasi oo sawiradii

laga qaadya uu aduunka oo

dhan la argagaxay laga baahiyey

shaashadaha aduunka, galkii laga

furey dilka ninkaasi sanad kadib

waxa kaliya oo ku qoran qoraal

laga sameeyey haweeneydii askari-

yada ahayd ee biyaha ku damisey

jirkiisa iyo qoraal laga sameeyey

qoyskiisa. Ma jirto wax kale oo

cadayn ah oo lo ohayo, hal qofna

looma soo qabanin, iyada oo qotskiisa

kasoo jeeda dalka Mosambique

ay rumeysanyihiin in kuwii

falkani ay geystey ay dariiqyada

mushaaxayaan.

Police-ka waxay sheegayaan in

uusan jirrin hal qof oo marqaati ah

oo ku cadeeya waxa dhacay, sidaasi

darteedna aanan la heynin

cadeeymo dad lagu maxkamadeyn

karro.

In ka yar 10% dadkii loo qabqabtay

rabshadaha oo ahaa 1400 qof ayaa

xabsiyada ku jirra, sida ay sheegeyso

hey’ada garsoorka qaranka ee NPA

wadarta 469 gal dacwadeed oo laga

furey falalkii dhacay, 137 dacwad oo

kaliya ayaa maxkamad lagu oogey,

iyada oo dacwadihii dilalkii ugu foosha

xumaa ay ka cago jiidayaan in wax

hormar ah laga gaaro.

Illaa iyo 182 dacwadood ayaa laga

noqdey sababo la xariira Police-ka oo

ku guuldaraystey in ay daba galaan

goobjoogayaal iyo dadka dacwoonaya

ee isaga cararay dalka. Illaa hadda 52

dacwadood ayaa ama qeyb laga dhagaystey,

iyada oo 82 dacwadood oo

kale loo celiyey in baaritaani dheeraad

ah lagu soo sameeyo, halka 7 qof kaliya

lagu xukumey muddo xabsi oo

gaaraysa 15 sanno.

Sanad kadib oo ay wali dadka maskaxdooda

kusoo maaxanayaan nasiib

darooyinka ku habsaday, iyada oo

dowladana aysan hal dhudhun talaabo

ka rogin maxkamadaynta kuwa falalka

geystey, ayaa waxaa la sheegayaa in

wali ay jiraan astaamoi muujinaya in

rabshadihii ay soo laaban karaan xilli

kasta.

17 May, 2009 XOG-MAAL 5

Faa’iidooyinka kale ee naasnuujintu

leedahay ayaa waxaa ka

mid ah nadaaminta iyo kala fogeynta

ilmaha, maxaa yeelay

jiqida ama nuugista cunugu uu

naaska nuugayaa waxa ay carisaa

unugyada maskaxda kuwaas

oo sii daaya hormoonka loo

yaqaan Prolactin, hormoonkan

ayaa inta badan hakiya in

hooyadu hesho dhiiga billaha ah

(caadada) teedana in aysan

hooyadu qaadin uur inta uu ilmuhu

nuugayo (waa hadii si

joogta ah ilmaha loo nuujiyo).

Hooyooyin badan baa laga yaabaa

in ay ku andacoodaan in ay

naasahoodu laheyn caano ku

filan cunugooda, hadaba si aysan

taasi u dhicin hooyadu waa in ay

isticmaashaa cabitaan badan

cunugana naaska ugu dhigtaa si

joogta ah si uu naasku ula qabsado

nuugista cunuga una dhiiqo

caana badan.

Hooyada Ilmaha nuujineysaa ma

haboona in ay isticmaashaa cabitaanka

Kafeyga, sigaarka, iyo

daawooyin aan takhtar u qorin,

maxaa yeelay kafeyga iyo daawooyinka

qaarkood ayaa ka kooban

maadada daroogada ah ee

loo yaqaan caffeine, maadadan

oo maskaxda cunugu wax yeeli

karta.Sidoo kale Nuujinta ilmahu

waxay abuurtaa jaceyl, farxad

iyo reynreyn dhexmarta ilmaha

iyo hooyadii taas oo laga yaabo

in ay ka duwanaado mida dhex

marta ilmaha masaasada la siiyo

iyo hooyadii, ufirso cunuga

markii masaasada afka loosaaro

inbadan baa lagayaabaa in uu

diido isagoo isticmaalaya gacmihiisa

ama sokale u diidaya, laakiin

taas cagsigeeda cunuga

markaa naaska hooyada afka

loosaaro marna kama horkeenayo

diidmo ilaa uuka dhargaa

caanahaas taas waxaa siidheer

cunuga oo ooyana marka ey

hooyadii nuujiso wuu aamusayaa

taas uu aad ka dareemikarto

saaxiibnimada ka dhixeysa

hooyada iyo dhalaankeeda..

ISLAAMKA IYO NUUJINTA

ILMAHA.

Diinta islaamka ee sharafta

badan ayaa ah nidaam nololeed

oo kaamil ah oo uu ALLAAH ugu

tala galay in ay ahaato dastuurka

dhabta ah ee ay tahay qof kasta

oo muslim ahi in uu ka dhinbila

qaato, balse nasiib daro muslimiinta

maanta joogta ayaa noqday

dad maskaxda laga gumeystay

aadna moodaa in aysanba ku fekereyn

sidii ay duliga saaran uga

bixi lahaayeen, qaar badan oo

dadyowga muslimka ahi waxayba

u arkaan Kitaabka Qur’aanku in

uu yahay mid aan la jaanqaadi

Karin casriga tignoolojiga, mase

oga in uu quraanku yahay masdarka

(source) habab nololeed

casri walba iyo xili kasta la socon

kara .

Hadaba ALLAAH waxaa uu

Quraanka Kariimka ah noogu tilmaamay

inta ugu haboon oo ay

tahay hooyadu in ay nuujiso

cunugeeda, ogowna ALLAHA

sameeyey caanaha hooyada ayaa

uga aqoon badan cidwalba inta

ugu haboon ee ay tahay in ilmaha

la nuujiyaa, Rabi waxuu

noogu sheegay suuratul baqara

ayaada 233aad ( WAALIDIINTU

HA NUUJIYAAN ILMAHOODA

LABA SANDOOD, HADII

DOONAYAAN IN AY NUUJINTA U

DHAMEYSTIRAAN ILMAHOODA)

sidoo kale waxaa uu ALLAAH

noogu tilmaamay suuratul Luqmaan

aayada 14aad (WAXAAN

U DARDAARANAY DADKA

LABADIISII WAALD, WAA SIDII

HOOYADIIS IYADOO TABAR YAR

TABAR YARI KALANA KU SU-

GAN,GUDHINTIISUNA WAA LABO

SANO EE KU MAHADI ANI IYO

LABADAADII WAALID XAGEY-

GAANA LOO AHAAN) iyo suuratul

Al-axqaaf ayaada 15aad (DADKA

WAXAN U DARDAARANNAY

LABADIISII WAALID INUU U

WANAAG FALO, HOOYADIIS

UURKEY KU SIDAY IYADOO DHI-

BAN, UURKIISA IYO GUDHIN-

TIISUNA WAA SODON BILOOD,

MARKUU ILMUHU TABAR YEESHO

OO AFARTAN YUU (kan fiican)

DHAHAA EEBOW IGU TOOSI

INAAN KUGU MAHADIYO

NICMADAADA AAD IIGU NICMEY-

SAYANIGA IYO WAALIDIINTEEY,

IGUNA TOOSI INAAN CAMAL FII-

CAN OOD KA RAALLITAHAY

FALO, IINA WANAAJI

FARACEYGA, WAANA KUU TOW-

BAKEENAYE, WAXAANA KAMID

AHAY MUSLIMINTA,) in ay nuujinta

ilamahu tahay Laba

sanadood.

Ugu danbeyntii waxaan aad

ugula talinayaa hooyooyinka

soomaaliyeed iyo dhamaan hooyooyin

muslimiinta ah in ay caruurtooda

nuujiyaan labasanood

si loo helo jiil caafimaad qaba,

nuujintan ayaa ah mid wax

badan ka tareysa nadaaminta

caruurta oran maayo

xakameynta taranka sida ay

gaaladu aaminsan yihiin, waayo

muslimiintu waxay u baahan yahay

taran fiyow oo joogta ah.

Gabagabadu waa:

TUUR MASAASADA OO NUUJI

CUNUGAAGA.

17 May , 2009 XOG-MAAL 6

Dhowr sheey oo ay tahay in aad

ka taxadarto marka aad

raacayso gaadiidka dadweynaha.

Qore: Cabdiraxmaan Nuur Jilley

(Bashaash)

Nolosha magaalooyinka, gaar ahaan

dalkani oo nolosha oo dhan ay ku

xirantahay gaadiidka waxaa markastaba

taagan baahida in aad raacdo

gaadiidka dadweynaha.

Adiga oo ajnabi ah, gaar ahaan

Soomaali ah, una baahan in aad meel

kasoo dan gudato kadibna raacdo

gaadiidka dadweynaha kuwa masaafada

gaaban ama masaafada

dheer ee magaalooyinka isaga goosha

waa in maanka ku heeysaa dhowr

sheey oo aad u baahan tahay in aad

ka taxadarto.

Tusaale haddii aad raacaysid

gaadiidka masaafada gaaban ee

xaafada dhexdooda ah, isku day in

markasta aad boosteejo ka raacdo

caasiga, haddii aad dariiq taagan

tahay iska eeg inta qof ee caasiga ku

jirta, haddii rag dhowr ah oo qaab

tuugo leh ay ku jirraan ha raacin

gaarigaasi waayo waxaa laga yaabaa

in uusan tagsi ahayd oo nimanku

tuugo yihiin kadibna ku afduubtaan oo

ku dhacaan ama ku waxyeeleeyaan.

Waxaa caado ah in caasiyada aysan

lahayn daba-ka-fuul lacagta dadka ka

qaada, sidaasi darteed dadka ayaa

lacagta iska aruuriya, waxaana lacagta

aruuriya hadba qofka fadhiya

kuraasta hore kan dhexe ee darawalka

ku xiga, waxaa dhacda in

dadka oo dhan ay soo dhiibaan lacago

isku dhagan oo ay tahay in laga gooyo

lacagta ay baska kusoo raaceen baakhigana

loo celiyo, howshaasi waxay

u baahantahay xirfad yar iyo maskax

dhaqso baddan oo aanan ku wareerin

lacagta loo dhiibey.

Soomaalida oo ah dad ay ku taagantahay

“yaanan waxbo lagaaga

horeynin” ayaa kuraasta hore fuula

haddii ay firaaqo ku helaan, kama

warhayo howsha ay tahay in uu

qabto, marka gaariga uu dhaqaaqo

ayaa tobon iyo dhowr qof ay markaliya

soo taagayaan lacago kala duwan

si loog jarro lacagta ay gaariga kusoo

raaceen, qofkii Soomaaliga ahaa indhaha

umbuu taagayaa, baskiina

waxaa ka dhalanaya buuq keena in

gaariga la joojiyo oo uu darawalka

lacagta xisaabiyo qof kastana u celiyo

baaqigiisa, waxaa xitaa dhacaysa in

dadka qaar ay lacagta qarsadaan,

kuna masibidaan in ay lacagta kuu

dhiibeen, kadibna dadka ayaa qofkii

ku canaananaya sababta uu hor u

fuuley isagoon xisaabta aqoonin,

marka fadlan hor ha fuulin haddii

aadan waxbo xisaabin karrin.

Subixii hore caasileyda ma ogola lacagta

weyn ee isku taala, waxay rakaabka

u sheegaan in ay lacago

yaryar soo qaataan, xittaa gaariga

dhexdiisa waxaa ku dhegen qoraalo

fariintaasi dadka u sheegaya, marka

fadlan lacag go’an u qaado caasiga

aroortii.

Ogoow caasiileyaashu waa dadka ugu

khatarta baddan dalka, waa ay hubeysanyihiin,

wax sharci ah oo qabta ma

lahan, waxa y doonaa n a yay

sameeyaan, rakaabka sideey doonaan

ayay ka yeelaan, xitaa waa ku dilayaan,

marka haddii aad lacag ama

wax kale isku qabataan fadlan xadkaaga

ha gudbin oo ha ceeytamin,

haddii aad ka maarmi kartana lacagtaasi

ka tag, caafimaadkaaga ayaa ku

jirra.

Arrin kale oo aad muhiim u ah waa in

aad garanaysid halka aad u socoto

magaceeda, gaar ahaan sida ay dadka

dalka ugu dhawaaqaan, waxaa

dhacda in Soomaalida ay iska

sameysato dhawaaq gaar ah oo magacii

xaafada ah oo aysan fahmeynin

dadka dalka u dhashay, haddii aad

qaban weeyso magaca gacanta ama

warqad ku qoro oo tus darawalka,

meelaha boosteejooyinka ah waxaa

ku qoran magaca meelaha ay caasiyada

u kala baxaan, sidaasi darteed

waa muhiim in aad garanaysid sida ay

u qoranto magaca meesha aad u socoto,

in baddan waxaa dhacda in dhawaaqo

meesha iyo qoraalka ay aad u

kala duwanyihii, tusaale ah waxaa

jirta magaalo la yiraahdo Nasna, laakiin

qoraalka aad ayuu oga duwanyahay

dhawaaqa, waana Knysna,

marka haddii aadan sidaasi u aqoonin

ma keeni kartid durba. Dadka rakaabka

ah ee gawaarida dadweynaha

raaca waxay leeyihiin caado ah in

haddii qof aanan ku midab ahayn ama

ajnabi ah uu gaariga soo galo in ay si

wada jir ah ugu maadeystaan oo ay

ugu qoslaan, waa ay ku maagayaan,

gaar ahaan haddii qalad yar ka dhaco

qofka, marka ha xanaaqin, haddii aad

luuqad taqaanana dadka u furfurnoow,

haddii kale iska aamus.

Sigaar laguma dhex shitto caasiyada

dhexdooda, gacanta lagula siinsado.iska

illaali, haddii kale waa lagaa

tuurayaa caasiga. Fadlan iska illaali in

aad lacag baddan jeebka ku qaadato

adiga oo caasi raacaya, alaab culusna

ha qaadanin, barkee caasiga kuu

qaadi mayo, ogoow haddii caasigu shil

gallo daaqadaha muraayada ah waa

laga bixi karaa inta la jabiyo, muraayada

jabi si uusan gaari kale oo

ordaya meesha kuugula dhicin haddii

aad shil gashaan, u fiirso muraayada

waxaa ku qoran fariin

laguugu sheegayo in laga la jabin

karro lagana bixi karro.

FG: cadadka dambe waxaan idiin

soo gudbineynaa qormo tan daba

socota, ha moogaan.

17 May, 2009 XOG-MAAL 7

Shariifkaa halkan imanaya,

waa laga beensheegey.

Todobaad ka hor xafladii caleemo

saarka ee Madaxweyne Zuma ayaa

waxa Soomaalida dalka joogta oo

dhan si layaab leh ugu dhex fidey war

sheegayay in uu xaflada kasoo

qeybgalayo madaxweynaha DKMG ah

Sheekh Shariif Sh. Axmed, kadibna la

kulmi doono Soomaalida.

Arrintani waxay noqotey hadal heynta

ugu baddan, iyadoo si weyn la’isula

dhexmaray. Lama garanayo cidda hadalkani

faafisey, hase yeeshee waxaa

dhacday in dad baddan ay gobolo ka

yimaadaan oo ay yimaadaan Johannesburg

si ay Shariifka ula kulmaan.

Wargeyska Xog-Maal oo si gaar ah ula

socday arrintani ayaa si madax banaan

u shaacin karra maanta in xittaa

Shariifka aanan lagu casuumin xaflada

iskaba dhaaf in uu yimaadee, waxaan

wacnay wasaarada arrimaha dibbada

si aan u xaqiijino imaanshaha madaxweynaha,

waxaa naloo sheegey in

uusan imanaynin, waan ku qanci

weeyney oo waxaan u qaadanay in

hadalkani uu ka midyahay siyaasada

dowlada ee ah in aanan lasii sheegin

madaxda dalka imanaysa.

K a d i b w a x a a n w a c n a y V i l l a

Soomaaliya oo aan la hadalnay

agaasimaha madaxtooyada oo noo

sheegey in uusan Shariifka imanaynin,

markale kumaanan qancin, oo waxaan

sugney illaa laga gaarayay maalintii

caleemo saarka ee 9-kii May, 2009.

Waxaan eegeyney madaxweyne kasta

oo kasoo gala illinka qasriga madaxtooyada

ee Pretoria, waxaan ka dhex

goobney martisharaftii lagu casuumey

xaflada, waxaan xittaa weeyney wax

Soomaaliya ka socda.

Waxa ugu yaabka badnaa wuxuu

ahaa sida dhaqsaha baddan ee uu

warka ku faafay iyo cidda faafisey, iyo

danta laga lahaa, waxaase kasii darnaa

hubsiimo la’aanta dadka , qof

kasta waxa uu warka kuugu

sheegayaa sidii isagoo ah xog-ogaal

ah, marka aad sii weeydiiso halka uu

warka kasoo xigtey wuxuu ku leeyahay

“dadka ayaa sheegayay”. Wallow

socdaal uu Sheekh Shariif halkan ku

yimaado ay tahay guul weyn oo

dublamaasiyadeed oo usoo hoyata

DKMG ah, haddane taasi meeysan

dhicin ugu yaraan xiligii xaflada

caleemo saarka Zuma taasina waxaa

ugu wacan labbada dowladood oo

aanan lahayn wax xariir dublamaasiyadeed.

Cooshashkii xerada qaxootiga

Blue Waters oo la burburiyey

Haweeney Soomaliyeed oo uur lix

bilood leh ayaa isbitaalka loola cararay

kadib markii ay waxyeelo kasoo

gaartey gacan qaad dhexmaray saraakiisha

ciidamada amaanka Cape

Town iyo dadka qaxootiga ah ee degenaa

xerada xeebta ku taala ee Blue

Waters, Cape Town.

Shirkad gaar loo leeyahay oo qandaraas

qaadatay ayaa burburisey aroornimadii

jimcaha 13 coosh oo ay

dadka qaxootiga ka taagteen xerada

oo ay ku noolaayeen illaa May 2008

markii deegaanadoodii laga barokiciyey.

Pieter Coronje, waa afayeenka maamulka

magaalada Cape Town wuxuu

sheegey in dhowr jeer oo hore

qaxootiga looga diggey in ay meesha

ka guuraan, oo ay burburiyaan

cooshadaha sharci darada ah ee ay

meesha ka taagteen, haddii ay sidaasi

yeeli waayaane ay dowladu burburin

doonto.

Wuxuu intaasi ku daray in ay illaa

haatan burburiyeen 13 coosh, kuwa

harayna ay dhawaan burburin

doonaan, laakiin dadkii cooshadaha

hoyga u ahaa laga burburiyey ayaa

durbadiiba bilaabay in ay dib u dhistaan.

Walwalka ugu weyn ee dadkani ayaa

ah iyadoo uu fooda nagu soo hayo

waqtigii xagaaga ee qabowga baddan,

roobabka iyo dabeelada ay dhacayeen,

isla markaasina laga baabi’iyey

hoygoodii. Qaxootigani waxa ay ka

midyihii 461 qof oo ka haray dadkii

kumanaanka gaarayay eek u barokacay

rabshadihii shisheeye nacaybka

May, 2008, oo iminka kusii harsan

xerooyinka kala ah Blue Waters ee

duleedka Strandfontain iyo xerada

militariga Young Field ee agagaarka

Wynburg.

Qaxootiga waxa ay ku cawdeen in

teendhooyinkii la siiyey ay dusha ka

duleeshameen, biyaha na soo

daayaan, taasina ay ku qasabtay in ay

dhismooyin sameyntaan, iminkana ay

ka walwal qabaan cimilada daran ee

fooda soo ah iyadoo ay meesha ku

noolyihiin caruur.

17 May, 2009 XOG-MAAL 8

“Alla KFC saliid badanaa!”, bal naga

daba dheh jumladaasi, oo haddane

mar kale ku celi, isku day in qofka kuu

dhow uu codkaaga maqlo, kadib iska

aamus, marka ay waxoogaa kasoo

wareegto waxaad maqlaysaa qofkii

aad maqashiisey oo ku hadaaqaya

hadalkaasi, hana kula yaabin haddii

aad aragtid qofkaasi oo KFC cunaya

isla markiiba, gaar ahaan gabdhaha.

Dib ayaan ka sharixi doonaa waxa aan

ola jeedno arrintani.

Hadalkani waa mid ka caan baxay

magaalada Cape Town, gaar ahaan

dhalinta haasaawaha u toog haya ee

dumar iyo ragba leh, muhiim ma ahan

in aan soo hingaadino sida ay kalmadu

ku timid, laakiin aan ka hadalno

micnaha ay faa’iideyso jumlada.

Kama hadlayo naxwo ahaan waxa uu

hadalka turjumaadiisa noqonayo, kaliya

“KFC-da” ka raac, dhalinta iyo

haasaawahana maanka ku hay, waxaa

halkaasi kaaga soo baxaya micnaha

loola jeedo halqabsiga ah “alla KFC

saliid badanaa”.

Dulucda oo duudduuban, KFC waa

shirkad ka ganacsatada hilibka digaaga

ee duban iyo cuntada fudud,

laakiin waxaa si guud loogu yaqaanaa

hillibka duban laftiisa, waa hillib la

wada jecelyahay, sababtoo ah dhadhankiisa

ayaa aad u heersareeya,

waxaa lagu dubaa walxo isu dheeli

tiran oo hillibka ka dhigaya mid dhadhan

wanaagsan, waxaa lagu daraa

waxlo sidii xawaajigii oo kale ah oo

laakiin ka kooban sheeyo kala duwan

oo caraf iyo dhadhanba heer sareeya.

Marka aad cunto adiga oo faraha

muudsanaya oo wali usii baahan oo

halamsanaya ayaad ka kaceeysaa.

Mar haddii dhanaan iyo dhadhan

wanaagsan laga hadlay, toloow Dumarka

yaa kaga horeeya?, haba

sheegin, sida ay sheegeen dhalinyarada

haasaawaha ku cindan ee dumarka

madaxa banaan agtooda ka

qoordiinleeya waxa ay noo sheegeen

in gabadhii aadan habeenkaasi KFC u

casho geeyney aysanba sheeko koow

kaa dhahaynin.

Midkood oo u waramay Xog-Maal

wuxuu leeyahay “marka hore waa in

aad haqab tirtaa unugyada dhadhanka

iyo dhamxanaga taasina waa

KFC, kadibna aad ugu luqluqdaa

dhallo cabitaan ah oo aad u qaboow,

kadib umbaa sheekada lagaa gurayaa”.

Xittaa raga xaasaska leh qaati ayay ka

taaganyihiin KFC, hala yaabin haddii

aad aragtid nin xanaaqsan oo leh

“KFC kumaan oga dacwoonaa?” , sababtu

miyaad garanaysaa?, isaga oo

banaanka ku maqan ayaa guriga laga

soo wacayaa, waxaa loo sheegayaa in

caawo xaafada aysan casho jirrin,

ayna tahay in uu horey usoo iibiiyaa

baakado KFC ah oo lagu casheeyo,

raga gurigoodu uu bulshada yahay

waa in jeebkooda hoos usii qodaan si

ay habeenkaasi reerka dadka jooga oo

dhan ay u cunaan KFC.

“alla KFC saliid badanaa” wallow ay

tahay jumlad ciyaal suuqniyo yari ku

jirto sida ay dhalinta ku fasiraan, haddane

waa jumlad duurxul ah oo

lagugu fahamsiinayo in gabadhu KFC

u baahantahay, kuwiina dhagweynta

ah waxay dhahayaan “wax saliid baddan

leh maba cuni karno ee haaf

baasto aan noo dalbo”.

Marka aan sidani oga sheekeyneyno

soow soo xasuusan meeysid sheekadii

ninkii diinka ku rafaadsanaa ee loo

gargaarey ee yiri “Alla muxuu diin farsameeyey!”.

KFC malaayiin lacag ah ayay ku bixisaa

xayaysiinta iyo ii dhehda laga

baahiyo saxaafada, waxaan hubaa in

halqabsigani cusub ee ah “alla KFC

saliid banadaa” uu ku haboonyahay

xayaysiin, laakiin qormadani looma

qaadan karro in aan ku xayaysiineyno

KFC ama aan dadka ku dhiiragalineyno

isticmaalkeeda, ujeeda qormada

waa wacyi galin sida aad hoos

ku arki doontaan. Shirkadani waxaa

leh asal ahaan rag Yuhuud ah, dhawaan

dalkani K/Afrika, gaar ahaan

bulshada Islaamka ah ee ku nool

waxaa ka dhaqangalay mabnuucid

xoogan oo lagu soo rogey isticmaalka

iyo wax ka iibsiga badeecada shirkadani,

waxaa lagu saleeyey in macaashka

shirkadani ay ka hesho ganacsiga

hillibka digaaga in lagu maalgaliyo

gumeysiga lagu hayo dadka

reer Falastiin ee walaalaha ah.

Marka ogsoonoow in shillin kasta oo

kaaga baxa hillibkani uu yahay mid

lagu weerarayo Masjidul Aqsa ee barakaysan,

lagu laaynayo ummada reer

falastiin, adiga ama xaaskaaga haku

wallacdo ama gabadha aad shukaansato

shuruud hakaaga dhigto

ogoow khatarta kuugu sugan.

Xog-Maal

17 May, 2009 XOG-MAAL 9

CAPE TOWN – Ururka Saxafiyiinta

Soomaaliyeed ee South Africa

(SOJASA), ayaa kulan si halaasi ah

loosoo agaasimay la yeeshay Madax

ka tirsan warbaahinta BBC-da.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Jaaliyadda

Soomaalida ee South Africa

(SASA), ee Xaafadda Bellville, ayaa si

weyn loogu soo dhaweeyey Aamina

Muuse Weheliye oo ka mid ah Saxafiyiinta

ugu caansan Somalia.

Aamina Muuse oo ka tirsan

Shaqaalaha BBC-da laanta Afka

Soomaaliga, ayaa maalmihii ugu dambeeyey

ku sugneyd gudaha dalka

South Africa, si ay halkan uga tebiso

warbixino la xiriira Doorashii Madaxtinimada

ee dhawaan lagu doortay

Madaxweynaha cusub ee Jocob Zuma.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen

inta badan Saxafiyiinta Soomaaliyeed

eek u sugan dalkan Koonfur Africa,

ayaa la iskula meel dhigay falanqeyn

ku saabsan qaabka saxafiyiinta

Soomaalida ee sababo amaan darri

aawadeed uga soo hayaamay dalkii

Hooyo ay xilligan uga hawlgali karaan

dalkan Koonfur Africa ee aalaaba lagu

dhibaateeyo muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha SOJASA Md. Maxamed

Muuse Nuur (Deeqdarajo) oo ka hadlayey

kulankaasi, ayaa sheegay in mudada

halka sano ah ee uu Ururka

Saxafiyiinta ee SOJASA dhisan yahay

uu qabtay waxyaabo la taaban karo

oo bulshada Soomalaiyeed dan u ah,

islamarkaana uu qorshaha ugu jiro

inay talaabooyin dheeraad ah ku

dhaqaaqaan mustaqbalka dhow.

Gabagabdii kulanka, ayaa la isku afgartay

sidii Bulshada Soomaaliyeed in

si dhab ah loogu adeego Shacabka

Soomaaliyeed ee dhibaatada sii daba

dheeraanaysa ay dilootay, islamarkaana

looga haqabtiro wararka

xaqiiqda ah ee jira, taasi oo ay iska

kaashanayaan Warbaahinta BBC-da

iyo Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed

ee SOJASA.

Soomaali Ku Jirta Xabsiyada

Dalka Angola Oo Cuntada Ka

Soomay.

Ilaa 145-maxaabiis ah oo isugu

jira Soomaali iyo Ajaanib kale,

ayaa ku xiran Xabsiyada dalka

A n g o l a , k u w a a s i o o k u

dhaqaaqay talaabo cuno ka

soomid ah si ay cabashadooda u

muujiyaan.

Ka dib markii ay sii kordheen

weerarada lagu ugaarsanayo muw

a a d i n i i n t a g a n a c s a t a d a

Soomaalida ee ku nool dalka

Koonfur Africa, ayaa Soomaali

badan oo ka cararay dalka, waxa

ay abaareen dalalka dariska la ah

Koonfur Africa sida dalka Angola.

Hadaba, Soomaalidaasi maxay

kala kulmeen dalalkaasi gaar

ahaan dalka Angola?

Baashi Cabdalla, waxa uu ka mid

yahay 35-Soomaali ah oo ku

xiran Xabsiyada Dalka Angola

muddo ka badan Laba Bilood,

Baashi oo khadka Isgaariisnta

ugu waramayey Wargeyska Xogmaal,

ayaa sheegay inay dhibaatooyin

aad u daran ay ku

haystaan Xabsiga, islamarkaana

ay muddo 3-maalin ah cuntada

ka soomeen.

Baashi oo ahaa qofkii Labaad ee

Soomaali ah oo 22-kii March lagu

xiro dalkaasi Angola, walina ku

jira xabsi ku yaala dalkaasi, ayaa

sheegay in xaaladooda nololeed

ay aad u liidato, islamarkaana

aysan jirin wax xukun ah oo lagu

qaaday ilaa iyo hadda.

Ujeedada ay markii hore u

aadeen Angola ayaa Bashiir Cabdalla

waxa uu ku sheegay si ay

uga abuurtaan dhaqdhaqaaqyo

ganacsi maadaama uu yahay dal

Nabad galyo ahaan dhaama

dalka Koonfur Africa.

Sharciyan Angola ayaa waxa ay

magalgalyo siisaa dalalka Sudan,

Chat iyo Somalia ee mushkiladaha

qaraari la degeen, hase

ahaatee ilaa iyo hadda Xukuumadda

Luanda ee dalkaasi ayaan

wax amar ah kasoo saarin

maxaabiistaasi ajaanibta ah ee

dalkeeda ku xiran bilooyinka,

iyadoo wax Maxkamad ah lasoo

taagin.

Qore:C/risaaq C/laahi Maxamed

Indho Jaceyl.

17 May , 2009 XOG-MAAL 10

Waxay ahaan jirtey “ku qabso ku qadi

meeyside” xiligaasi waxay ahayd markii

Soomaaliya la joogey oo inta qof xoolihiisii

lagu qabsado ama laga wada

qaadan jirey ama qeyb laga qaadan

jirey, hadda sidii ma ahan oo waxaan

joognaa dal sharci iyo kala dambeyni

ay taalo oo ma jirto cid lagu qabsan

karro xoolahiisa.

Laakiin taasi micnaheedu ma ahan in

aanan lagu qaadan karrin xoolo uusan

qofka lahay oo uusan soo dhididin,

kama hadlayo xatooyada ama dhica

bareerka ah, waxaa jira dad xarfaano

ah oo soo allifey qorshe cusub oo la

magac baxay ”ku garab qabbo ku qadi

meeyside”. Magaciisu waa Laari,

wuxuu ka guluc siinayaa indho aad

moodo libaax dhiig ka dhergay, inta

baddan labbo labbo ayay u socdaan,

maalin kastana waxaad ku arkeeysaa

tuulo cusub, baddanaa waxay wataan

gaari yar ama caasiga dadweynaha

ayay raacaan.

Tukaanka ayay kuugu soo galayaan,

inta aad isa salaamaysaan iyaga indhahooda

waa ku dhaafsanyihiin oo tukaanka

ayay isha la raacayaan,

daqiiqado gudahood xisaabta ayay

hoos isaga dhufanayaan deetana

waaba ogyihiin qiimaha badeecada

dukaanka ku jirta, haddii aad soo

dhaweyso oo aad cabitaan u shubto

waxay wareysi kaaga bilaabayaan

“suuqiina ka waran”, haddii aad laftaadu

xarfaan kale tahay waxaad ugu

jawaabaysaa “ma xuma, alxamdulilaah”,

isagu ma qancayo wuxuu

kusii weeydiinayaa “weekend-iga oo

kale meeqaad ka qabataan?”, qofka

allow sahalka ah ee aan waxbo kala

ogeyn aniga oo kale wuxuu sheegayaa

lacagta laga qabto dukaanka

dhamaadka todobaadka.

Marka uu dukaanka ka baxo hoowsha

ugu horeyso ee uu qabanayo waa in

uu eeg eegaa agagaarka dukaanka bal

in wax dukaamo kale ku yaalaan iyo in

kale, wuxuu kaloo ka qayaas

qaadanayaa dadka degen tuulada

ama xaafada, dhaqaalahooda oo uu ka

cabirayo guryaha ay ku jirraan iyo

waliba haddii xarumo dowladeed sida

iskuulaad iyo boosteejo tareen ka ag

dhowyihiin meesha, haddii uu macquul

u arko meesha waxa xiga ee uu

sameeynayo waa in uu la hadlo

odayga ama habarta leh meesha uu

malaha is yiri dukaan waa ku haboontahay

oo aan wax baddan kaa fogeyn.

Daqiiqada xigta heshiis ayayba

gaarayaan oo ku saabsan in dukaanka

laga kireeyo, maalinta xigta dukaankii

ayuu hagaajin ugu dhaqaaqayaa,

qofka ugu horeeya ee kuu sheegaya

warka ku saabsan dukaanka lagaa agfurayo

waa qof Soomaali ah oo adiga

ku yaqaana, taasi waxaan uga jeedaa

kuwa dukaanka kaa agfuranaya ma

lahan wax sir ah, kaliya adiga umbeeysan

kuu sheegeynin qorshahooda.

Taasi ujeedo la’aan ma ahan, waxay

doonayaan in uu warka kusoo gaaro ka

hor inta aysan talaabo qaadin, oo aysan

hanta ka galin meesha, sidaasina

qorshahooda ayaa ugu fulaya

Iyagu waxay heeystaan jaangooyo

gaar ah ama xisaab gaar ah oo ay

doonayaan in ay ka macaashaan dukaanka

iyaga oo aaban illinka u furin,

lacagtaasi adiga ayay tahay in aad bixiso,

marka uu qofka ogaado in dukaan

kale laga agfurayo waa war dhiilo

weyn ku ah ganacsigiisa, sababta oo

ah dukaanka kale waxa uu kula

qeeybsanayaa macaamiishii,

waxaanaba laga yaabaa in ugu dambeyn

kaala wareega macaamiisha oo

dhan, waayo kuma ekaanayo kaliya in

uu dukaan kaa garab furo, ee wuxuu

dadaal u galayaa in uu badeecada

kugu jabiyo si uu macaamiisha kaagala

wareego, dukaankana kaaga xirro.

Waxaad galaysaa buuq iyo isqabqabsi,

ninkii ayaad faraha isku taagtaageysaan

muran iyo kala jiida, xaalka

waxaa lagu soo afjarayaa in la’idiin

garqaado, mudane Laari isaga rag

ayaa diyaar u ah oo uu doonayo in ay

garta u galaan dhankiisa, ragani waa

kuwa iimaan laawayaal ah oo cuntadooda

iyo jiifkooda ka saxa garaha

noocan oo kala ah. Gartii waxaa la

go’aaminayaa in ninka kale uusan dukaanka

furin kana guuro meesha, isagii

ayaa ku calaacalaya in dukaanka

dhismihiisa iyo hagaajintiisa uu qarash

baddan ka galay haddii ay tahay in uu

isaga tagana loo celiyo qarashkii ka

galay, markeey ugu yartahay wuxuu

sheeganayaa R20 kun, qofkii dukaanka

laga agfurey ayay tahay in uu lacagtaasi

bixiyo, wuuna bixinayaa inta baddan.

Marka uu adiga lacagta kaa qaato, ma

joogsanayo, meelo kale ayuu u qaraab

tagayaa billo ka dib, isaga dukaankiisa

waa dukaan la’aan, xittaa haddii uu

helo dukaan rasmi ah oo aysan cidina

ku heeysanin ma rabo in uu ka

shaqaysto, qof aan weeydiiyey waxa

ugu wacan arrintaasi ayaa ku kaftamay

“muxuu dukaan yeeli, nin dukaan

la’aan heeysta ”Intaasi kuma eka, haddane

waa in dukaankii aad la wareegtaa,

haddii aadan wax qorshe ah u

heeynin waa aad kiradiisa bixisaa bil

kasta si uusan qof kale usoo galin

Tani waxay keentey in laga shakiyo qof

kasta oo Soomaali ah, xittaa haddii uu

yahay wariye oo uu wax duubanayo in

uu dukaan kaa agfuri rabbo ayaa looga

shakiyaa, sidoo kale Soomaali aan

yarayn ayaa arrintani darteed isku

dishey ama isu waxyeeleysey, waana

xaqiiq aanan qarsoomeynin si kasta oo

loo daboolo

Qore C/nasir Saxansoxo

17 May , 2009 XOG-MAAL 11

Waa maxay qiimaha

cibaadadu ay leedahay?

Cibaadadu waa fal

kasto oo Eebe (Alle)

l o o g u d h a -

waado,Eebana jecel yahay

kaasoo daliilkiisu

ku sugan yahay

Qur'aanka iyo Sunada

Nabige (NNKH) sida,

Salaada, Soonka, iyo

Xajka, Dadka farabadan

ayaa Eebe ku

gaalooba y we yn a

beeniyeen ama Diintiisa

diideen iyagoo caabudi

qaar kamid ah uunka

Alle sida, Sanamada,

D h a g a x d a ,

Dabka,Biyaha.

Geedaha, Jinniga, Insiga,

Qorraxda, Dayaxa

i w m ,

Alle kor ahaaye wuxuu

u ballan qaaday gaalaa

iyo waxay caabudeen

inuu naarta ku shidi qiyaamadaWuxuuna

yiri:-

Idinka iyo waxaad

caabudaysaan oo Eebe

ka soo haray waxaydin

noqon shidaalka jahanamoIdinkuna

waad ku

arooreysaan," Gaalnimada

waa dambiga ugu

weyn Alle horti.

C a b d u l l a a h i B i n

Mascuud Allaaha ka

raali noqdee wuxuu

weydiiyey Rasuulka

(NNKH) Dambigee ugu

weyn?Markaasuu yiri

Rasuulka (nnkh) Inaad

Alle u shariig yeesho

isagoo keligii ku uuma

y.Marar badan

isagoo Qofka u jeedin

inuu Eebe ku gaalaabo,

Ayey dhacdaa inuu Alle

ku gaaloobo tusaale,

Hadduu qofka jeclaado

adduun, Xoolo iyo caruur

iskana halmaamo

Alle iyo diintiisa iyo

nabigiisa (NNKH)

Kana digtoonaado gaaln

i m o .

Anas Allaha ka raali

noqdee wuxuu ka wariyey

Nabiga (NNKH)

Inuu yiri "Seddex (3)

laga helo wuxuu dareemaa

macaanka iim

a a n k a " .

Anas Allaha ka raali

noqdee wuxuu ka wariyey

Nabiga (NNKH)

Inuu yiri "Seddex (3)

laga helo wuxuu dareemaa

macaanka iim

a a n k a " .

1-Inuu cid walba ka jeclaado

Eebe (Alle) iyo

Rasuulkiisa (NNKH).

2-Inuu qofkuu jeclaanaayo

Alle oo keliya

dartii u jeclaado.

3-Inuu naco inuu gaaloobo

kadib markii Alle

ka badbaadiyey gaalnimo

siduu u neceb ya-

hay oo kale in naarta

l a g u t u u r o .

Sharuudaha Lagu

Aqbalo Cibaadada:

1-Iimaanka: Inuu qofku

rumeeyo Ilaahay,

Ogaadana in Alle oo

kaliya xaq uu leeyahay

cibaadada Ilaahay

wuxuuna yiri: Eebe

wuxuu ku dhaartey

waqtiga casarka ah in

dadku khasaaro kusugan

yahay marka laga

reebo kuwa xaqa rumeeyay

ee camal fiican

f a l a y . "

2-Ikhlaaska: Inuu qofku

Alle cibaadada u saafi

yeelo kana fogaado istustus

iyo isma-qashiis,

Ilaahaynawuxuu yiri:

Dadkana waxaan Eebe

caabudidiisa ahayn

lama farin iyagoo u keli

yeeli Eebe diintiisa."

3-Raacida Sunnada:

Waxaa waajib ah in

qofka muslimka ahi uu

kaga daydo cibaadada

iyo akhlaaqda (Dabciga

w a n a a g s a n ) .

Nabiga (NNKH) oo kaliya

kana fogaado bidcada

iyo firqooyinka ka

leexday tubta toosan ee

Nabiga (NNKH) ku

waasoo neceb Sunnada

N a b i g a ( N N K H )

camalkoodana lama

aqbalo ee iyagaa dib

l o o g u c e l i n .

Ca'isha (RC) Waxay

tiri: Rasuulka Alle Naxariis

iyo Nabad gelyo

korkiisa ha yeelee

W u x u u y i r i :

Qofkii ku soo dara diinteena

waxaan kamid

ahayn isagaa dib loogu

c e l i n .

Taasi waxay daliil u

tahay inaan diinta

waxna lagu kordhin

ama dhimi karin.

Sidaas awgeed waxaa

waajib ah in qofka

Muslimka ah inuu diintiisa

barto kadibna uu

raaco kitaabka iyo sunn

a d a .

Waayo Ilaahay kor

ahaaye waxuu faray addoomadiisa

wanaagsan

iney ku daydaan Rasuulka

(NNKH) Wuxuu

y i r i :

Dhab ahaantii waxaa

idiinka sugnaaday Rasuulka

ku dayasho

wanaagsan hadaad tihiin

Mu'miniinta ka raj

e y n e y s a

Eebe Khayr maalinta

Qiyaame Xusa in

b a d a n .

Xasan Cabdi Xersi

17 May , 2009 XOG-MAAL 12

Sheekh Maxamed Idiris oo markii

5 aad socdaal ku jooga K/Afrika

Qore: Tifaftiraha

Muftiga weyn ee Soomaaliyeed

Sheekh Maxamed Idiris ayaa socdaal

rasmi ah ku maraya dalkani Koonfurta

Afrika, socdaalka Sheekha waa kolkii

5 aad muddo 4 sanno ah taasoo celcelis

ahaan noqoneysa in Sheekh uu

dalka soo booqanayay in ku dhow

sanadkiiba mar.

Markii ugu horeysey ee uu dalkani

yimid waxay ahayd bishii Luulyo 2006

dii, kadib casuumaad rasmi ah oo uga

timid hey’ada culumada Soomaaliyeed

ee K/Afrika (Al-Bayaan) oo markaasi

ku jirtey qabanqaabadii ugu horeysey

ee lagu yagleelayay goobo gaar ah oo

ay Soomaalida ku cibaadeystaan.

Isla markii uu cagaha soo dhigey

dalka oo uu ka dhul bilaabay Johannesburg

waxa uu Sheekha udub

dhexaad u noqdey mashruuca najaxay

ee laga taabo galiyey arrimaha

dacwada.

Sh. Maxamed Idiris oo bugcad kasta

oo aduunka ka tirsan cagta u dhigaya

faafinta iyo xoojinta diinta islaamka

darteed, ayaa booqashadiisaa ugu

horeysey bilaabay barnaamij yabooh

ah oo Soomaalida lacag looga aruuri-

yey si loo dhiso masaajido iyo

madaariis diinta laga oogo.

Kadib mashruucaasi oo si layaab leh u

aflaxay, howsha dacwada waxa ay

noqotey sidii tusbax furtey oo kale, 4

sanno kadib Soomaalida waxa ay

gacanteeda ku taagatay 3 goobood

oo diinta lagu oogu waxaana ku

kacay malaayiin lacag ah oo la aruuriyey.

Magaalooyinka masaajidada laga taagay

waxaa ka mid ah Johannesburg

iyo Port Elisaberth , iyadoo sidoo kale

laga sameeyey 2 mandaraso , arrinta

micnaha weyn samaynaysa waa in

xittaa dhismayaasha iyo dhulka ay ku

fadhiyaan masaajida iyo madaarista la

iibiyey oo aysan ahayn kuwo kireysey.

Ugu yaraan masaajid ka mid ah oo ah

kan Johannesburg ee Imaamu

Shaafici wuxuu ku fadhiyaa dhul 4

boos ah oo ku yaala goob istaraatiiji

ah waxaana laga bixiyey ku dhawaad

R4 malyuun.

Hadda Sheekha socdaalkiisani ugu

dambeeyey waxa uu la xariiraa

mashruuc Yabooh ah oo lacag loogu

aruurinayo in masaajid laga taago

magaalada Cape Town, xaafada Bellville

ee ay Soomaalidu degentahay,

muddo sanooyin ah Soomaalida waxa

ay ku cibaadeysan jirtey meel aad u

yar oo aanan qaadin 10% jameecada

masaajidka meeshaasi oo uu ku

yaboohey walaalkeen Islaam ah, hese

yeeshee dhismihii uu ku yaalay masaajidka

ayaa dib u dhisid lagu

sameeynayaa oo la burburiyey, taasi

waxay keentey in la waayo goobtii

yarayd ee lagu cibaadeysan jirrey.

Gudiga culumada Soomaaliyed ee

Cape Town ayaa maareysay in ay

helaan goob kale oo dhismo dushiisa

ah taasoo aanan sinaba ugu

yabooneyn in masaajid laga dhigo,

ma lahan meel lagu weeyso qaato,

musqulo iyo waliba meel kabaha la

dhigto oo waasac ah, xittaa illinka

laga soo galo waa jaraanjaro birro ka

samaysan oo halis baddan marka la

korayo iyo marka laga degayo.

Tirrada dadka Soomaaliyeed ee

xaafadaasi ku nool oo sii kordhaya,

isla markaasina ah meelaha ay

Soomaalida ugu baddantahay inta

dalka joogta ayay ka jirtaa baahi

muuqata oo aanan indhaha laga qabsan

karrin oo ah mid masaajid,

waxaad qayaasi kartaa khatarta ku

sugan ummada tirro intaasi la’eg oo

aanan heysanin goobo lagu cibaadeysto,

caruurta wax lagu barro, lagana

jiheeyo.

Sheekh Maxamed Idiris

(xafidahullaah), tan iyo intii uu 15

maalmood ka hor dalka yimid waxa

uu cagta mariyey magaalooyin iyo

gobolo baddan oo dalka ka mid ah,

waxa uu jeediyey muxaadarooyin

baddan oo si weyn looga soo xaadirey,

waxa uu sameeyey yabooh si

weyn looga jawaabay,lacagta la’isu

keeno waxaa lagu iibin doonaa dhul

iyo dhismo masaajid iyo mandaraso

noqda.

Markasta oo uu dalka soo booqdo

waxaa dib usoo noolaata niyada

dadka iyada o muxaadarooyinkiisa

murtida hadalka lagu kabay ay yihiin

kuwa ay dadka ku diirsadaan, dhagaysigeedana

ku celceshtaan.

Ka hor socdaalkii uu halkani ku yimid

waxa uu kasoo kicitimey dalka Norway

halkaas oo Mu’tamarkii sanadlaha

ahaa uu kaga qeybgalay, hadda

waxaa jadwalka ugu jirra in uu taggo

dalka Holland oo uu ka heysto casuumaad

ku saabsan in uu

muxaadarooyin ka jeediyo.

Deegaankiisu waa magaalada barakaysan

ee Makka Almukarama, ee

dalka boqortooyada sacuudi

carabiya.

Xog-maal

17 May , 2009 XOG-MAAL 13

markii ay asxaabtii oo

dhan isugu yimaadeen

gurigiisa ayuu ka cods

a d a y i n a y k a

d h e g e y s t a a n

dalqadaha naj

m a , i n k a s t o o

eey saaxiibadii ka

codsadeen inuu is

dejiyo sheydaankana

iska naaro, hadana

wuxuu ku gaabsaday

in wax shaydaan iyo

caro ah aysan heyn,

waxay ku jeesteen naj

m a .

waxay waydiiyeen

w a x a d h a c a y ,

ayadana waxay ku afgobaadsatay

inaysan

garaneyn halka sartu

ka qurunsantahay.

waxaa ka soo fakatay

ilmo kulul oo ay ku

tiraysay garbasaarkeeda,

dhab ahaantii

waxay ilmadu uga socotay

sidii wabi

burqaday oo kale,

waxba ha isku daalin

oohin iyo cataw hortaa

ayaa la ooyay,

Hadii aan najmoy kaa

qaldanahay si sax ah

u g a j a w a a b

s u ’ a a s h a a n .

"aniga kulamaba joogine

Yaa Uurka Kuu

Yeelay"?Sheeg hee

ileen aniga iyo adiga

isma arag waayadaan,

wax hadal ah ayaa ka

soo bixi waayay.

naasirna wuxuu ku

dhawaaqay inay uga

furantahay Sadax

Dalaaqo, wuxuu siiyay

lacag ay meher ahaan

u g u l a h e y d .

w u x u u k a s o o

kaxaystay labadiisii

caruur, codsi deg deg

ah ayuu u dirsaday

safaarada wuxuu u

sheegay in xaaskiisa

eey dhimatay iyo inaysan

jirin cid ilmaha ka

heyneyso, si dhaqsi ah

ayaa looga soo jawaab

a y w a r q a d i i s i i .

waxaa ilmaha iyo asagaba

laga qaaday

dhiiga loo yaqaano

D.N.A oo lagu ogaado

dadka is dhalay weyna

ku guuleysteen imtixaankii

kadibna

waxay asaga iyo ilmhiisa

isku raaceen

U . . K .

najma waxaa soo

foodsaartay fadeexad

facshar ka noqotay

xaafada bunka ee magaalada

addis ababa

iyo nawaaxigeeda,

waxayna bilowday

inay xirato indhashareer,

si aan dadka

looga garan ayada oo

calaacalaysana waxay

tiri;

Murugadi i ad-

uunkiyo

M u g d i a a n

dhamaanbaa

Maankayga helayoo

Macaankiyo qaraarkana

Midna iima roono…

Miskigiyo kareenkiyo

Ma marsado saliidoo

M u r u g o i y o

xanuunbaa

Midabkeygii doorshoo

Muqaalkale isiiyee…

Macsidaan falaayoon

Macaanka aan u

moodaa

Mar qura gadoontoo

Ma hadho ceebbaa

Mininkeyga taalo..

Markii ay u dul

qaadan waysay fadeexadaan

ayay iska

aaday Soomaaliya,

waxeyna iska soo

xaaqday cunigii ku

jiray caloosheeda.

naasir iyo caruurtiisana

waxeey ku noolyihiin

wadanka ingiriiska

nolol aan farxad

b a d a n i l a h e y n

maadaama jaceylkii

n o l o s h i i d a i y o

maamadii caruurtiisa

fadeexada ku dhacaday

eey iaygana

saameyn weyn ku

yeelatay. waxaana

halkaas ku dhamaatay

q i s a d i i l a m a g a c

b a x d a y f a r x a d i i

nolosheyda fool xumaa

u danbeysay.............dhamaad

D H A M A A D … . B Y

maxamed nuur

warsame (keyfane)

k e y f a n e -

som@yahoo.com.

Hadaba bahda wargeyska

xog-maal

waxa ay idin balan

qaadaysaa in ay

idin soo bandhigto

cadadlka xigga

Sheeko Jaceyl oo

aad u xiiso badan

17 May, 2009 XOG-MAAL 14

Man United Oo Si Xamaasad Xambaarsan U Hanatay

Koobka Horyaalka Premier League.

Kooxda k/cagta ee Manchester United, ayaa markii 18-aad si

xaraga leh u hanatay Koobka horyaalka Pemier League ee dalkaasi

Ingiriiska, ka dib markii kulan aad u xiisa badnaa ay

galabka ku xaqiijisay guusheeda.Kulan aad loo wada dhawrayey

oo dhibic qura ay ku raadinaysay Manchester United ayaa

galabta ka dhacay Garoonka Old Trafford ee naadigaasi, kaasi

oo ay fooda is dareen kooxda k/cagta ee Arsenal (The Gunners).

Malaayiin taageerayaal ah ayaa ku tashanayey inaysan ciyaary-

anada Man U qasaarin doonin guusha dhibicda qura ku xirneyd

ee ay hanteen galabta, ka dib markii barbardhac ay kusoo afmeerantay

ciyaartii ay la yeesheen Arsenal, taasi oo Manchester

United u suurtagelisay inay si xarago leh ku qaadaan markii 18aad

Koobka horyaalka Ingiriiska ee Premier League.

Man United, oo iminka horyaalka Ingiriiska ay uga harsan tahay

kulan ay la yeelan doonto kooxda Hull City, ayaa dhinaca kale

Finalka u taagan Horyaalka naadiyada Qaaradda Yurub ee European

Champions Leagu, kaasi oo ay kula loolami doonto Barcelona

oo iyaduna hanatay Koobka Spanish-ka.

Liverpool, ayaa horey ilaa 18-jeer ugu guulaysatay Horyaalka

Ingiriiska, balse sanooyinkan dambe ma aysan arag wax Koob

ah, inkastoo sanadkan ay aad u raja wanaagsaneyd.

Maxaad Ka Taqaanaa Ciyaaryahanka Sanadkan Ee

Horyaalka Ingiriiska ?.

Mid ka mid ah abaalmarinada ugu qiimaha badan ee dalka Ingiriiska

laga bixiyo sanad kasta, islamarkaana ay bixiyaan saxafiyiinta

Sports-ka ee FWA, ayaa la gudoonsiiyey Captain-ka kooxda

kubadda cagta ee Liverpool, Gerard.

Steven Gerard, oo 19-sano ka dib noqonaya xidigii ugu horeeyey

ee u cayaara Naadiga Liverpool tan iyo sanadkii 1990-kii xilligaasi

oo abaalmarin caykan oo kale ah la gudoonsiiyey John

Barnes, ayaa waxaa laacibtinimada Sanadkan ee horyaalka

Ingiriiska kula tartamayey xidigaha kala ah Rio Ferdinand, Ryan

Giggs, Wayne Rooney, Vidic, Frank Lampard, Cristiano Ronaldo

iyo Michael Carrick.Captain-ka kooxda kubadda cagta ee Liverpool,

Steven Gerard, ayaa sanadkan horyaalka Ingisiirka ee Premiership-ka

ka dhaliyey ilaa 23-Gool.

Barcelona Oo Hanatay Horyaalka Spain 11-sano Ka Dib.

Muddo 11-sano ah ka dib ayaa Kooxda K/cagta Barcelona

waxa ay si rasmi ah ugu guuleysatay Koobka (Copa

del Rey) ee dalkaasi Spain, iyadoo guusheeda ay ka

dambaysay ka dib markii kooxda Athletic Bilbao ay ku

garaacday 1 - 4.

Kooxda Barcelona oo aanan wax koob ah arkin tan iyo

2006-dii oo ay ku guuleysatay Supercopa, horyaalka

dalkeeda iyo Champion League ayaa haatan dib usoo

ceshatay hanashada koobab tiro badan iyadoo haatan ay

qarka usaaran tahay inay ku guuleysato horayaalka dalkeeda

halka Horyaalka Championka ay Final joogto.

Barcelona ayaa Spanish Cup ugu danbaysay 11 sanno

ka hor 1998-dii oo markaasi ay u ciyaarayeen Hristo

Stoichkov oo reer Bulgaariya ah, Rivaldo oo reer Brazil

ah oo haatan u ciyaara kooxda Bunyodkor oo ka dhisan

dalka Uzbekistan isla markaana u uleeyahay Madaxweynaha

dalkaasi Mogi Mirim EC, sidoo kale waxaa sannadkaasi

u ciyaarayay xidiga waagaasi Barclona Luis

Enrique, sidoo kale Tababaraha hada layliya kooxda Barcelona

Josep Guardiola, iyo waliba xidigii Yurub ee xiligaasi

Luis Figo oo haatan u safta kooxda Inter ee dalka

Talyaaniga.

Lazio Oo Ku Guulaysatay Copa Italy.

Naadiga SS Lazio, ayaa guul ka gaartay kulan ay la yeelatay

kooxda Sampadoria, taasi oo horseeday inau markeedii

5aad ku guulaysato Koobka horyaalka Taliyaaniga

ee Copa Italy.Kulanka Lazio iyo Sampadoria, oo aad

u xiiso badnaa ayna kasoo qeyb galeen kumaan

kun oo taageerayaasha labada kooxood ah, ayaa

garoonka lagu ciyaarayay waxa uu ahaa Olompic

Stadium ee ah ee ciyaarta Finalka lagu qaban

doono Championka Yurub ee magaalada Roma.

90-kii daqiiqo ee loo qoondeeyey ciyaarta ayaa

barbardhac 1-1 ah la isla dhaafi waayey iyadoo 30

-daqiiqo oo dheeri ah si ay ukala baxaan hase

yeeshee waxba iskama aysan badalin oo waxay

kusoo idlaatay 1 - 1, sida sharciga qabo waxaa la

dhigay Rigooreyaal (Penelty), taasi oo guusha haleeshiisay

naadiga Lazio oo Koobkan uu u noqonayo

kii 5-aad ee ay abid qaado.

C/risaaq C/laahir Maxamed (indhojaceyl)

17 May , 2009 XOG-MAAL 15

Anniversary of xenophobia attacks

11th Mya 2009 marks the first anniversary

of our country’s most shameful

violence since apartheid, in which

62 people were killed in a wave of

xenophobic attacks that swept the land

THE police docket of the investigation

into the murder of Ernesto Alfabeto

Nhamuave contains only a statement

from his family and an affidavit

from the policewoman who doused

the flames consuming his body with a

fire extinguisher.

The police have failed the family of

the Mozambican man, doused with

petrol and burned alive on May 18 last

year, a week after the xenophobic violence

in South Africa began.

The gruesome image of Nhamuave

engulfed in flames was beamed

around the world and he became the

face of the atrocities. Not one suspect

has been arrested for his murder —

though his killers are still on the

streets of Ramaphosa informal settlement

on the East Rand and boast of

what they did to him.

Captain Sasa Mlangeni, of the Reiger

Park police, said: “No witnesses have

come forward to say what they saw.

We are battling to get information.

We do not have a photograph of the

deceased.

“If people don’t come forward, there

is nothing we can do. We have tried

our best. In the local newspapers, we

requested witnesses to tell us what

happened.” But the mob members are

well known in the settlement, The

Times discovered.

Ben Sithole, Nhamuave’s friend and a

fellow Mozambican, told this newspaper

that “the very same youths who

burned Ernesto are roaming the streets

freely and they boast about it”.

“It’s just fun to them and they even

make jokes about it. They regard

themselves as heroes and they are

proud of it,” he said.

The police’s inability to arrest the killers

is cold comfort to Nhamuave’s

grieving family, who last heard from

the police in September .

Nhamuave’s name is hardly mentioned

in his home in the village of

Vuca, in Mozambique — especially

when his wife, Hortencia Masangwela,

is around. The 31-year-old

mother of three still wails each time

her husband’s name is mentioned,

said Nhamuave’s brother, José.

“The children are fine now; they used

to ask all the time what happened to

their father but they’ve stopped now,

after we explained to them, but his

wife — that’s a different story,” said

José.

“She still cries a lot when we mention

his name. I went home during Easter

and I just avoid mentioning his name

because she cries and says she wants

her husband back,” he continued.

The death of Nhamuave did not only

rob his family of a loving father,

brother and husband, but also of a

breadwinner.

“Life is difficult; they don’t have anyone

to provide for them, I help whenever

I can, but it is difficult,” said

José, adding that he still remembers

the Sunday when he received the

phone call telling him that his brother

was dead.

“I spoke to him on the Saturday morning

and he said he was going to work,

but I could not get hold of him later in

the afternoon. I was shocked and sad

to learn the following day that he had

been killed,” said José.

“I’m happy that the government took

my brother home for burial; now it is

up to the government and God to deal

with the people who killed him.”

Less than a 10th of the more than

1400 people arrested for xenophobic

crimes are in jail, and civil society

groups are blaming police.

The National Prosecuting Authority

confirmed that, of the 469 xenophobia

-related cases on court rolls in May

last year, only 137 people were convicted

and, in many instances, police

investigations into some of the most

heinous murders are stalling.

A total of 182 cases have been withdrawn

because of the inability of the

police to trace witnesses or complainants

who have left the country. So far,

51 cases are either part-heard or are

ready for trial, and 82 others have

been referred for further investigation.

Tlali Tlali, spokesman for the National

Prosecuting Authority, said a

detailed breakdown of convictions per

crime was not available, but he was

aware of seven people serving 15-year

jail terms for murder and robbery.

The Consortium for Refugees and

Migrants has lashed the government

for its inaction.

“Too few perpetrators of last year’s

violence have been successfully

prosecuted, and it appears there have

been insufficient investigations into

those responsible for instigating and

fuelling the violence in some areas.

There has also been no public inquiry

by the government,” said Duncan

Breen, the consortium’s spokesman.

Source : The Times

17 May , 2009 XOG-MAAL 16

Qof Soomaali ah ayaa ku nafwaayay

mid kalana waa uu ku dhaawacmay

kadib dab weyn oo ka kacay Hotel

Ocean Packpackers ee farasmagaal-

ada Cape Town, hotelka waxa uu ku

yaala wadada Loop, waxaana jiifey

xiliga uu dabka ka kacayay in ka bad-

dan dadkii loogu tallo galay, dabka

waxa uu ka kacay abaaro 5am ee

maalintii sabtidada. Wadarta dadka ku

nafwaayay waa 4, dhaawacana waa 7.

Saraakiisha amaanka Cape Town ayaa

baaraya sababta keentey dabka dam-

baska ka dhigey dhismaya fooqa 4ta

biyaano ka kooban, warar hor dhac

ayaa sheegaya in dabka uu ka dha-

shay xashiishad ay gudaha dhismaha

hoteelka ku dhex shiteen dad degen

Hoteelka oo ah mid sumcad xun oo ay

ku baddanyihiin dadka isticmaala

maandooriyaha.

Qofka Soomaaliga ah ee geeriyoodey

waxaa lagu magacaabaa Cabdullaahi

Muumin Macoow oo ku magac dheeraa

(SANDHUUB), halka wiilka

dhaawacmay oo waxyeelada soo gaartay

isagoo ka boodayay daaqad ayaa

magaciisa lagu soo koobey Cabdikariim.

Dabka waxa uu khasaaro lixaad

leh u geystey dukaan dhismaha

hoostiisa ku yiiley oo uu lahaa muwaadhin

Soomaaliyeed, Jariidada Xog-

Maal oo waraysatay Cabdullaahi yariis

oo ah mulkiilaha dukaanka ayaa

qasaaraha ku sheegey aduun gaaraya

R70,000, balse intaasi ku daray in aysan

cidina waxbo ku noqonin dukaanka

dhexdiisa. Xilliga uu dabka kacayay

hoteelka waxaa jiifey illaa 6 Soomaali

ah , oo 5 ka mid ah ay jiifeen qolka uu

ku dhintey Marxuum Sandhuub, waxaa

xusid muddan in masaafo dhowr talaabo

uu jirta uu ku yaalo hoteel ay leeyihiin

wiilal Soomaaliyeed. Ocean Backparckers

waxaa leh sida la sheegey nin jinsayad

ahaan kasoo jeeda dalka Nigeria,

inta baddan dadka degen waa muhaajiriin

shisheeye ah, dadka ku dhintey ee

4-ta qof 3 waa shisheeye, halna waxaa

loo maleeynayaa in uu dalka u dhashay.

Dhacdadani waxaa si weyn looga baahiyey

warbaahinta dalka, iyada oo si

weyn loosoo qaatay gabar qeeyladeeda

darteed ay dadka ku kaceen ee misane

iyadii ku dhimatay dabka, waxaa lagu

magacaabaa Cindy, waxaa la sheegey in

xiligaasi ay la socotey saaxiibkeed oo

ay ka yimaadeen caweys, una socoteen

caweys kale balse hotelka kasoo martay

in ay dhar ka qaadato kadibna dabka ku

dhimatay iyadoo qeeylineysa.

Waaxda dab daminka ee Cape Town,

iyo waaxda ka hortaga masiibooyinka

ayaa baaritaan hordhac ah oo ay

sameeyeen ku sheegey in meelihii loogu

tallogalay in ay dadka ka baxsadaan

marka uu dab kacco ay oodnaayeen,

taasoo haddii ay furnaan lahaayeen suurogalin

lahayd in naf baddan la badbaadiyo.

Kooxaha dab damiska oo ku

jooga booyadaha tuubooyinka ku rakiban

oo leerar ka bikaacanaya ayaa

markiiba baqtiiyey dabka oo ahaa mid

si dhaqso ah u sii hulaaqayay, muuqaalo

laga baahiyey shaashadaha dalka ayaa

waxaa ka muuqanayay xaalad argagax

leh, iyadoo dad hanfariirsan ay isbarbar

yaacayeen. Dhacdadani waa mid yeelatay

muhiimad gaar ah sababto oo ah

halka ay ka dhacday oo ah faras magaalada

Cape Town, waxaa meel aan ka

fogeyn ku yaala baarlamaanka dalka iyo

hanti baddan oo qiimo leh oo uu

qaranka leeyahay.

Runta sahlan ayaa ah in dhismo ku

yaala goob sidaasi muhiim ah oo heer

qaran ah uu khatar intaasi la’eg galin

karro deegaanka ku xeeran dayacaad

iyo dhaqan xumo dad ajaaniib ah ay

sameeyeen ay taasi dowlada ula micno

tahay waxyeelo abniga qaranka, sidaasi

darteed waxaa la fillan karraa talaabooyin

adadag oo laga qaado dadka

aaga ka dhow ee ajaaniibta ah, iyadoo la

hubin doono badqabka ganacsi kasta oo

uu leeyahay qof ajnabi ah.

Soomaalida baddan ee aagaasi ku ganacsata

waa in ay ogaadaan in indho

waaweyn ay kusoo jeedaan, lagana

yaabo in baaritaani loogu soo maqanyahay

kadib maka la ogaado in dad

Soomaali ah ay ku waxyeeloobeen,

waxaa yaboon in ay iska hagaajiyaan

haddii waxyaabo yaryar qaldanyihiin si aan

marmarsiimo loogu helin.

Qore Faarax Daahir Cilmi.

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!