ARBACA 11 MARCH 2009 ILAYS NEWSPAPER - Somali Talk
ARBACA 11 MARCH 2009 ILAYS NEWSPAPER - Somali Talk
ARBACA 11 MARCH 2009 ILAYS NEWSPAPER - Somali Talk
You also want an ePaper? Increase the reach of your titles
YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.
ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODOBAADKII 2 JEER LAGU DAABACO MADBACADDA HORYAAL BOSASO

ILAYS

ARBACA 11 MARCH 2009- Caddadka 12aad, Tell:-90712246/66712246 Email:-ilaysnewspaper1@gmail.com Q:-6000 Ssh

GUDAHA/INSIDE Garowe : Dawlada Hoose

Maxay Tallaabo ah oo Qaaday?

Kullan Ammaanka Looga

Hadlayay Oo Ga’aamo

Laga Soo saaray

EEG BOGGA 3AAD

Hoos U Dhaca Shidaalku

Waxba Kama Bedelin

Kirada Korontada

iyo Biyaha Puntland

WARAYSI AL-JAZEERA

EEG BOGGA 4AAD DUQA CAASIMADA GAROWE C/QAADIR CISMAAN SAMATAR

ABUUMANSUUR:

BEENLOW MISE

NIN LAGU BEEN

ABUURTAY?

EEG BOGGA 5AAD

Puntland Iyo Xuska 8 March

“Haweenka ka shaqaysta Qaadka, shaqooyin kale ha raadsadeen, Dawladdu

waxa ay ka qaadi doontaa Qaadka Canshuur 100% ah,waxaana

jecelnahay in aan joojino dhibaatada uu ku hayo bulshada awgeed”

Madaxweynaha puntland

EEG BOGGA 2AAD

Bidix, Haween U Dabaal Degaya Xuska Maalinta Haweenka ee 8 March

Midig, Haweenay Qaadka iibinaysa iyo Caruur Koolo Afka iyo Sanka ka jiidaysa

Xigasho,Puntlandpost.com

Garoowe:-Dawlada hoose ee

magaalada Garoowe ayaa

labadii todobaad ee ugu dambeeyay

waxay waday olole ballaaran

oo ay ku duminayso buushashka

iyo sandaqadaha sida

sharcidarada ah looga dhistay

wadada laamiga ah hareeraheeda,

waxayna iminka ay burburisay

buushash iyo sandaqado

aad u badan.

Sida laga warqabo buushashka

iyo sandaqadaha waxaa isticmaala

oo nolol maalmeed ka

raadsada dadka danyarta ah,

waxaana xusid mudan marka

laga soo tago sandaqadaha iyo

buushasha la dun-dunshay

EEG BOGGA 2AAD

Shariif Oo

Booqday Brundi

“Sharif oo Quudayraynaya

Bixitaanka Amisom”

Nairobi, 10,March,2009

Madaxweynaha Somalia Shariif

Sh,Axmed ayaa Booqasho ku

tegay Caasimada Brundi ee Bujunbura.

Madaxweyne Shariif waxaa uu

uga tacsiyeeyay Dowlada Brundi

Askartii reer Brundi oo bishii Hore

lagu laayay Muqdisho.

EEG BOGGA 3AAD
ARBACA 11 MARCH 2009 ILAYS NEWSPAPER WARARKA

Garowe : Dawlada Hoose Maxay Talaabo ah oo Qaaday?

Garoowe:-Dawlada hoose ee

magaalada Garoowe ayaa labadii

todobaad ee ugu dambeeyay waxay

waday olole ballaaran oo ay ku duminayso

buushashka iyo sandaqadaha

sida sharcidarada ah looga dhistay

wadada laamiga ah hareeraheeda,

waxayna iminka ay burburisay buushash

iyo sandaqado aad u badan.

Sida laga warqabo buushashka iyo

sandaqadaha waxaa isticmaala oo

nolol maalmeed ka raadsada dadka

danyarta ah, waxaana xusid mudan

marka laga soo tago sandaqadaha

iyo buushasha la dun-dunhsay in ay

wadada laamiga ah badankeeda ay

ka dhisan yihiin guryo dhagax ka samaysan

ku waa soo ciriiri gashay wadada

oo ay wada isticmaalaan gaadiidka

iyo dadkuba , hadaba waxaa

soo baxday su’aal ah dawlada hoose

ma waxay ka adagtahay oo kaliya

duminta buushasha iyo sandaadaha

ay nolol maalmeedka ka raadsadaan

dadka danyar ah?.

Puntland Iyo Xuska Maalinta Haweenka ee 8 March

W.D:-Maxamed c/laahi Maxamed

iyo xuseen Xasan Xuseen

Xaflado lagu maamuusayey xuska

maalinta caalamiga ah ee

haweenka adduunka, 8 March 2009,

ayaa lagu qabtay Magaalooyinka

Bosaso,Garowe,Qardho, Baran iyo

Galkacayo.

Munaasibadaha loogu dabaaldegayey

maalinta 8 March oo guud ahaan

dunida oo dhan laga xusay, ayaa

waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda

Qoyska iyo Hourmarinta Arrimaha

Bulshada ee puntland.

Sannadakan 2009,Haweenka somaliyeed

iyagoo la wadaagaya Haweenka

Adduunka, waxay si weyn ugu

dabaaldegeen Maalinta 8da maarso,

waxayna iskaashi kala sameeyeen

xuskeeda dhamaan bulshada somaliyeed

rag,dumar,dhallinyarada,c

ulimada diinta, Ururada Caalamiga

ah,Ururada Maxaliga ah, Maamulka

Puntland iyo Saxaafada.

Halkudhiga Sanadkan ee xuska 8

march waxaa loo qaatay labo halkudheg

oo kala ah:-

1.Haweenka iyo Raggu waa in ay u

midoobaan dhammaynta xadgudubyada

haweenka ka dhanka ah.

2.Isbedelka Somalia ku soo biiri

haweenka kana gudba farqiga u

dhexeeya faca soo koraya (gabdhaha

iyo wiilasha)

Xarrunta Ganacsiga Puntland ee Bosaso

waxaa lagu qabtay xaflad Ballaaran

oo ay soo agaasimtay Dallada

Wawa, waxaana ka qaybgalay boqollaal

dumar ah, Xiriiriyaha shabakada

WAWA Xaawo Cali Jaamac oo

Duqa Caasumada Garoowe Mudane

C/qaadir Cismaan Samatar (Foodcade)

ayaa Saxaafadu su’aashan

uga jawaabay wuxuuna yiri “ waa

su’aal aad u muhiim ah waana ku faraxsanahay

dhabtii in aad I waydiiso,

dawlada hoose iyo M.waynaha ayaa

arintan ka wada tashaday waxaana

la isla gartay in marka hore la burbursho

buushashka iyo sandaqadaha

oo fool-xumo ku ah bilicda magaalada,

dabadeedna M.waynuhu uu ka

soo saaro wareegto uu ku amrayo in

la bubursho guryaha ku teedan wadada,

sida aad ogtahayba duminta

guryaha waxay u baahan yihiin qorshe

ballaaran sida qalab, ciidan iyo

dhaqaale, hawshaas Insha’allaah

waa la qaban doonaa muddo aan sii

fogayn, maanta waxaan furnay waddo

muhiima oo 18 sano xirnayd.

Duqu waxaan kaloo waydiiyay dawlada

hoose qorshe maka samaysatay

duminta buushashka iyo sandqadaha

tusaale intaas oo Mitiri

khudbad ka jeedisay ku wajahnayd

xuska maalinta haweenka adduunka

Marwo Xaawo waxay tiri “Adduunku

wuxuu danaynayaa in dhibaaatada

bulshada wax ka qabashadeeda

loo midoobo, innaguna waxaynu ka

mid nahay bulshada adduunka, waxaana

inna haysta dhibaatooyin inoo

gaar ah iyo kuwo aynu adduunka

la wadaagno,dhibaatooyinka innoo

gaarka ah waxaa ka mid ah,Nabad

la’aan,Dowlad dhexe la’aan,kala

faquuqida bulshada dhexdeeda ah

iyo ku tumashada xuquuqda dadka,

gaar ahaan haweenka,Carruurta iyo

dadka laga tirade badan yahay”

Marwo Xaawo waxay intaa ku dartay

in dhibaatooyinkaasi ay sababeen,

saboolnimo baahsan,Aqoon la’aan

baahsan oo jiilal dhan saamaysay,

Caddaalada darro iyo ku tumashada

Xaquuqda Bani’aadamka, horumar

gaabis ah iyo Caadaysiga Dhaqadamada

xun.

Marwo Xaawo waxay hadalkeedii ku

soo gunnaanaday in bulshadu midnimo

u howlgashaa isbedel dhinac

walba leh oo dhammaan laga wada

qaybgalo,si gaar ahna wax looga

qabto dhinacyada Horumarinta

Haweenka iyo Dhallinyarada oo lafdhabar

u ah bulshada.

Waxa kale oo xafladda ka qaybgalay

Saraakiil sare oo ka tirsan hay’adaha

Qaramada Midoobay, ururrada bulshada

rayidka ah iyo marti sharaf

kale, dhammaan dadkii ka hadlay

waxay diiradda saaray

wadada wixii u jira waa la dumin?,

Duqa oo su’aashan ka jawaabaya

ayaa yiri, “Runtii arintan ma aha in

Mitiraad la qaban-karo, maxaa yeelay

waad ogtahay wadada laamiga

ah ee dhexmarta magaalada waa

waddo aan toos ahayn oo qal-qaloocan

dawladii horana waa ay jirtay

guryo la burburshay, waxaase jira

guryo ujira laamiga wax kayar 4Mitir

oo dhisnaa dawladii Allaha u naxariistee

C/rashiid Cai Sharmaarke iyo

guryo magaalada ujira 15Mitir”.

Sikastaba, hawlgalka ay todobaadyadan

ay ku duminayso buushashka

iyo sandaqadaha ayaa aad loo soo

dhaweeyay waxaana lagu tilmaamay

tallaabo horumarineed oo horay loo

qaaday.

Waxaa kaloo xusid mudan in dawlada

hoose ay ka wado hareeraha

magaalada oo ay ku fidayso

magaaladu waddooyin cusub oo ka

soo baxa dhanka magaalada.

Xaawo Cali Jaamac

Xiriiriyaha Shabakada WAWA

hal-ku-dhegga sannadkan oo ah sidii

ragga iyo dumarku isaga kaashan lahaayeen

joojinta xadgudubyada iyo

tacadiyada ka dhanka ah haweenka

iyo gabdhaha.

Sidoo kale Caasimada puntland ee

Garowe waxaa lagu qabtay Xaflad

Ballaaran Xarrunta Wasaarada

Haweenka Iyo arrimaha Qoyska,

waxaana ka soo qaybgalay Madaxweynaha

Puntland Dr:Cabdiraxmaan

Sh.Maxamed Maxamuud iyo Madaxweyne

ku xigeenka Gen:Cabdisamed

Cali Shire,Marwada Madaxweynaha

DGPl Marwo Amina Abiib, Golaha

wasiiradda,guddoomiye ku xigeenka

Kowaad ee Baarlamaanka DGPl.

Agaasimaha Wasaarada Haweenka

iyo arrimaha Qoyska Siciido Xuseen

Cali ooxafladii xuska 8 march ee lagu

qabtay Garowe ka jeedisay

2

Dafcadii U Horraysay Oo

Ka Qalinjebisay Kulliyada

Saxaafada P/la

65 lixdana arday oo isugu jira Wiila

iyo Gabdho ayaa toddobaadkii hore

ka qalan jebiyay Kulliyada Culluumata

Saxaafada ee p/land.

Kulliyadan oo dhidibada loo taagay 25

bishii November 2009, ayaa ardaydu

qalanjebisay waxay ka barteen Waxbarashada

Asaasiga ee Saxaafada,

Isticmaalka Camerada TV, Habaynta

Boggaga Internet iyo Habaynta Barnaamijyada

Idaacad.

Sida uu sheegay Maahir Jaamac

Aadan oo Macalin ka ahaa Machadka,

Ardayda ka qalan jebisay

waxay badankoodu ka howlgelayaan

idaacadaha iyo TV-yada Maxaliga ee

puntland.

Agaasimaha Kulliyada Saxaafada

P/land C/laahi Ayaanle oo ka hadlay

Xafladii Qalinjebinta waxaa uu sheegay

in ay sii wadi doonaa kulliyadan

oo ay qaadan doonaan dufcad cusub.

khudbad ay ku faahfaahinayso kaalinta

haweenka ayaa sheegtay in

wasaaradu masuul ka tahay dhammaan

arimaha khuseeya haweenka,

waxayna sheegtay in Wasaarada

iyo Ururada arrimaha Haweenka u

olleeya aysan aqbali dooni barnaamijayada

Wacyigelinta ee Hay’aduhu

ka caawiyaan Haweenka, oo doonayaan

barnaamijyada horumarinta

bulshada.

Gababadii, Madaxweyne Faroole oo

khudbad ka jeediyay xuska Maalinta

Haweenka Adduunka, waxaa uu qiray

in Haweenku Yihiin lafdhabarta Bulshada

somaliyeed, waxaa uu yiri isagaa

arrinta ka hadlay “ Markii Koonfurta

somaliya laga soo qaxay,Markii

raggii ay shaqo waayeen, dumarku

dhexda ayay u xirteen badbaadinta

qoysaskooda”

Madaxweyne farool waxaa kaloo uu

xusay dhibaatada qaadku ku hayo

bulshada reer puntland, waxaana uu

ugu baaqay Haweenka ka shaqaysta

qaadka inay raadsadaan shaqooyin

kale, waxaa yiri isagoo arrintaa ka

hadlaya” dawladdu waxa ay ka qaadi

doontaa Qaadka Canshuur 100%

ah,waxaana jecelnahay in aan joojino

dhibaatada uu ku hayo bulshada

awgeed,waayo hadda maalmahan

markii meelaha qaar laga joojiyey

waxa uu ku soo batay isagoo jaban

magaalooyinka Garowe,Boosaaso

iyo Gaalkacyo,waxaana ku soo

dhuumanayo tuugo,daraagistaha,kh

amriga kuwaasi oo hadhow keenaya

amni xumo”
ARBACA 11 MARCH 2009 ILAYS NEWSPAPER WARARKA

Hoos U Dhaca Shidaalku Waxba Kama Bedelin

Kirada Isticmaalka Korontada iyo Biyaha Puntland

Waxaa si weyn loo hadal hayaa qiime

dhaca ku yimid shidaalkii Puntland

u soo degi jiray oo mudo bilooyin

ah ka hor ay halkii fuusto gaartay in

ka badan 200 oo Doolar, iminkana sii

caga cageynaya 100 oo keliya.

Xiligii uu jiray sicir bararka shidaalka

gaar ahaan naaftada ayaa waxaa si

weyn arrintaas cabasho is daba jog

ah uga soo jeediyey ganacsatada ku

hawlan ka faa’iideysiga xoogga korontada

oo matooradoodu Naaftada

u isticmaala.

Waxaa markiiba ay sare u qaadeen

isticmaalka korontada oo xiligaas

ahaa Nus Doolar iyo wax ka sii yar,

waxaana la gaarsiiyey Hal Doolar, sidoo

kale waxaa in mudo ah biyaha

magaalada Boosaaso la gadayey Hal

Doolar halkii Mq.

Iminka oo uu dhulka galay qiiaha

naaftada laga isticmaalo Puntland

ayaa waxaa cabasho ay ka soo

yeereysaa dadweynaha oo farta ku

tilmaamaya in la gaaray xiligii la dhimi

lahaa sicirka korontada iyo biyaha

magaalooyinka Puntland, haseyeeshee

iyagu awood uma laha in ay

dhimaan qiimahaas marka loo eego

cabashadii ganacsatada oo durbadiiba

sare u qaaday sicirka korontada

iyo biyaha.

Pujntland kama jirto hayad ilaalisa

arrimaha caynkan oo kale ah, ganacsiguna

waa mid xor ah oo ka gacan

banana nidaamka maamul ee

jira Puntland, sidaas awgeed ayay u

egtahay in aan la gaarin xiligii qiime

dhin lagu sameyn lahaa isticmaalka

Korontada iyo biyaha Puntland ee la

gaaray xiligii ay faa’iido badan heli

lahaayeen ganacsateedunu, adeega

Korontada iyo Biyaha

Magaalooyinka Puntland ayaa intooda

badan waxaa ka jira shirkado

gaar loo leeyahay oo ganacsada is-

, dadkana kaga bedesha lacag adag

oo Doolar ah, magaalada Boosaaso

iyo Qardho iyaga waxaa ku yaal oo

weli shaqeeya Wakaaladii Xoogga

Korontada Ummadda (ENEE).

(ENEE) oo maamul ahaan hoos tagta

hayada PASAWEYN ee Wasaaradda

Hawlaha Guud iyo Gaadiidka ayaa

qudheedu ku biirtay in ay isticmaalka

korontada bulshada ugaga bedeleto

lacag adag oo Doolar ah, iyo kor u

qaadis isticmaalka KW ay ku sameysayba.

Sidoo kale shirkadaha biyaha

magaalooyinka waaweyn ee Puntland

qudhooda ayaa dadweynuhu

ku xantaan in ay gacanta ku hayaan

mashruuc balaaran oo Boqolaal Kun

oo Doolar oo loogu deeqay dadweynaha

reer Puntland sidii ay u heli

lahaayeen biyo nadiif ah, ganacsataduna

ay maamulkeeda gacanta ku

hayaan, aysana weli jirin dhaqaalaha

ku ummadda ee ay isticmaalayaan

cid kala xisaabtantay iyo wax ay ka

soo celiyeen toona.

Dadka u dhuun daloola heerarkii ay

soo mareen marxaladaha biyaha

loogu sameeyey magaalooyinka

Puntland ayaa sheega in shirkadaha

qaarkood ay sare u qaadeen isticmaalka

sicirka biyaha oo ay gaarsiiyeen

Hal Doolar, iyo biyo gelinta

guryaha lagu sameynayo oo heshiis

hore loogala galay in aysan ka badnaan

70 Doolar dhowrkii sano ee la

soo dhaafayna maraya 100 Doolar.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa

markii gu horeysay shalay sheegay

mudadii uu maalka Faroole jiray in

uu hoos u dhacay sarifka Doolarka,

wax badan oo badeecadaha ahina ay

hoos u dhaceen, balse aysan waxba

iska bedelin maciishadii, wuxuuna

Dowladda Hoose ku amray in ay dhimaan

qiimaha lagu raaco gaadiidka

Dadweynaha, iyo sicirka cuntada

makhaayadaha looga cuno.

Timihii Nabiga Salawaat-ULLAH calayhi wa sallam,

oo lagu kaydiyay matxafka Topkapy, Turkiga

Yaa looga fadhiya in ay jaangooyaan

Cunnada Daruuriga ah

Waxaa dabcan Soomaaliya guud

ahaan soo maray sannadkii lasoo

dhaafay ee 2008 sicir barar cunno oo

aad u ba’naa kasoo aafeeyay aadna

utaabtay noloshii dadkii Maqadaamadhargaanka

ahaa ee danyarta

soomaaliyeed.

Hadaba, haddii aynu jaleecno

deegaanka aynu ku noolnahay ee

looyaqaan P/land sicirka shidaalka

iyo raashinkuba wuxuu kor ugu kacay

xagaagii lasoo dhaafay xaddi

aad u sareeya, iyadoo taasina ay

barbar socotay qiimo dhac kuyimid

sarifkii shilinka soomaaliga ah.

Sidaas awgeed, waxaynu si kooban

halkan ugu faaqidaynaa heerka

raashinka iyo shidaalkuba ay gaareen

Xagaagii lasoo dhaafay iyo sida

Haatan uu hoos ugu soo noqday iyo

sida arinkaasi isbadel ahaan saamayn

ugu yeeshay noloshii dadka

caadiga ahaa ee muruqmaalka maalinlaha

ah kushaqaysta

Badeeco Xagaagii Haatan %

Bur 55# 22# 60%

Bariis 60# 30# 50%

Paste 16# 8.5# 46%

Sonkor 25# 22# 8%

Naafto 240# 140# 41%

Sarif/Sh.s 3800 2900 23%

Sida kamuuqata istaatiitikada xisaabeed

ee kor kucayiman shay walbaa

wuxuu haatan hoos uga soo dhacay

marka loo eego xagaagii wax

kabadan 50%.

Marka si kaleeto aynu u ogaano sidii

dhinaca tafaariiqlaydu ula saan qaadeen

isbadalka xagga qiimaha waa

sedan soo socota:

Walxaha Xagaagii Haatan

Haaf Pasto 1300 sh.s 1300sh.s

Haaf bariis 1600 sh.s 1600sh.s

Rootiga 3000sh.s 2500sh.s

Baska/magaa 5000sh.s 5000sh.s

Marketka/Qar 300,ooosh.s 300,000

Markerka/Gar 15# 15#

Sarfka sh.s 3800 2900

Hadaba sida kamuuqata qiimaha

hadda socda iyo kii xagaagii waxaad

arki kartaa in uusan jirin wax dhinacna

looga dhaqaaqay.

Marka su’aasha is xasuusinta mudan

waxa weeyaan bulshada ganacsata

gaadiidka iyo maqaayadlaydu

markii ay xagaagii qiimo badalka

samaynayeen hanaan caynkee ah

ayay uqaadeen wadadaas, iyagase

haatan qaab caynkee ah ayaa loo

mari karaa mar haddii ay iska dhago

iyo indho tireen inay wax raqiisiyaan?

Haddii aan yaro dib ugu laabano xilligii

lasoo dhaafay tusaale ahaana

usoo qaadano Basaslayda iyo maqaayadlaydaba

Bosaaso kahowlgala

waxay sameeyeen howl joojin iyo

cunno karis la’aan ay labaduba kaga

cabanayeen in aysan waxba isku

bixin Karin taasoo markii danbeeto

keentay in loo sameeyo qiima korar

kusalaysan rabitaankooda.

KU SOO HAGAAJIYA

FIKARADIHIINA

Sidaas awgeed, shacabku waxay

haatan dhinacooda uga fadhiyaan

in ay sameeyaan isbadel qiimo

oo u dhigma inta boqolkiiba isbadel

kuyimid sicirka raashimada

iyo shidaalkaba.

Dadka doorka ahi ee bulshaduna

sida culimada diinta,

aqoonyahanada,cuqaasha iyo

maamulka dhammaantood oo

wada jira waa in ay furan dood iyo

wacyi galin ku aadan sidii loo samayn

lahaa isbadel qiimo dhimis

ah kaasoo katurjumaya heerka

iyo xaddiga ay wax isbadeleen.

Dhinac kaleeto maaha talooyinkani

iyo baraarujintani mid kuwajahan

hal nooc oo bulshada wax

ganacsata ee waa mid saamayn

ku leh qolo kasta oo ganacsato

ah kuwaasoo ay wax u raqiiseen,

waxaanse kuwan tasaale ugu soo

qaadanay in aysan illaa haatan

muujin isbadel sicir ahaaneed

iyagoo bulshada kaga dhexganacsanaya

waxyaalaha nolosha

lama huraanka u ah sida (Socod

iyo cunno).

W/Q:- Maxamed C/laahi

EAU University

Bosaso,Puntland,Somalia

ilaysnewspaper1@gmail.com

4
ARBACA 11 MARCH 2009 ILAYS NEWSPAPER

Barnaamijka Xukumadda Dawlad

Goboleedka Puntland 2009-2012.

QAYBTII 4aad

4. ARRIMHA BULSHADA:

Horumarka bulshadu waa sababta

dawladiba u dhisantahay, taas oo xil

ka saaran yahay in ay xal u hesho

dhibaatooyinka hortaagan daryeelka

caafimaadka iyo hurumarinta waxbarashada

bulshada. Xukuumadu

waxay qorshe ka samayndoontaa

arrimaha waxbarashada iyo adeega

caafimaadka asaasiga ah ee reer

miyaga (Rural integrated primary

education service and health care).

Xukuumadu waxaa kale oo ay muhiim

u aragtaa in ay ku talaabsato:

•hagaajinta adeegyada bulshada;

waxaa xukuumadani hirgalinaysaa

qaab habaysan oo ay u wada

hawl galaan dhinacyada (different

sectors) kala duwan ee wadaaga

horumarinta adeegyadaas, sida xukuumada,

hay’adaha dadweynaha,

kuwa caalamiga ah iyo xirfadlayaasha

sare.

•u gogol xaaridda xiriir dabacsan oo

wanaagsan oo wasaaraduhu kula

shaqeeyaan, hay’adaha caalamiga

ah ee ku hawllan in ay u adeegaan

bulshadeena. Xukuumaddu waxay

xil iska saaraysaa adkeynta nabadgelyadooda.

Gaarsinta adeegyada muhim ka ah

deegamada ka fog wadada dheer ee

isku xirta magaaloyinka waa weyn.

HESHIISYADII XUKUMADDII HORE

GASHAY:

Sida aad la wada socotaan waxaa

jiray heshiisyo horey loo galay, khilaafna

ka jiray, xagga Xukuumada,

Golaha Wakiilada iyo cabasho ka

imanaysay dadweyne. Heshiisyadaas

Xukumaddii hore ayaa la gashaya

shirkado ajnebi ah iyo kuwa

wadani ah. Mabd’a ahaan waa

aqoonsanahay heshiisyadaas, hase

yeeshe, dib ayaan u eegidoonaa iyadoo

la waafajinayo danaha dadkeena

iyo shuruucda Puntland.

DARYEELKA DEGAANKA:

Waxaan nahay bulsho weligeedba

nolol ahaan ku tiirsanayd kheyraadka

debiciiga ah ee dalkeena, sida

xoolaha , daaqa, biyaha, kallunka,

ugaarta, dhirta iwm. Sidaas darted

daryeelka degaanku wuxuu xukumaddan

u leeyahay mudnaanta

koowaad, waxaana loo sameeyay

Wasaarad gaar ah oo ka hawlgaasha

degaanka. Waxaana taas ugu

Kullan Amaanka Looga Hadlayay

Oo Ga’aamo Laga Soo saaray

W/D: Cumar Siciid Maxamed

Bosaso, 10 March, 2009

Xarunta Dowlada Hoose ee Bosaso

waxaa shalay lagu qabtay Kullan

looga hadlay Amniga degmada Bosaso.

Kullankan waxaa ka soo qaybgalay

Wasiirka Amniga Puntland C/laahi

Siciid Samatar ,Wasiirka Arrimaha

Gudaha Puntland C/laahi Axmed

Jaamc,Duqa Degmada Bosaso,

Gudoomiyaha G/Bari, Madaxda ciidamada

Amaanka ee Gobolka iyo

Dadweyne kale.

Kullankan waxaa uu ka dambeeyay

Weerar Bambaano oo lagu qaaday

Ciidamada Amniga,waxaana ku

dhaawacmay 13 qof oo 7 ka mid ah

ay ahaayeen Ciidamadii ammaanka

Wasiirka Amniga puntland ayaa

shaaca ka qaaday sidii uu u dhacay

weerarkaasi, waxaana uu sheegay

in weerarkaasi uu ahaa Bambo Gacmeed

lagu soo tuuray ciidanka, balse

ma uusan sheegin dadkii masuulka

ka ahaa weerarkaasi kooxda ay ka

tirsanaayeen iyo cidda ay ahaayeen

Wasiirku waxaa intaa ku daray in

kuwii weerarkaas gaystay ay doonayeen

oo keliya in ay khalkhal geliyaan

Nabada gelyada ka jirta puntland,

isagoo arrintaas ka hadlayana

waxaa yiri:-

“ Waxay doonayeen in ka dhigaan

Bosaso Meel aan Ammaan ka jirin,

oo ay dadka ka hor istaagaan

Ganacsiga,Waxbarashada, iyo in

ay Qurba joogta puntland ka joojiyaan

in ay maalgashtaan puntland.”

Wasiirka Amnigu waxaa uu soo gaaray

Bosaso 9kii march, waxaana

howlo shaqo ugu maqnaa degaanka

Igidhays oo labo beelood oo wallaalo

ah ay ku dagaalameen degaanka

Igidhays.

Wasiirka waxaa safarkiisa ku weheliyay

wasiirka Arrimaha Gudaha oo

dhexdhexaadin ka soo sameeyay

degaankaas iyo beelihii ku dirirayay,

sida ay wararku sheegayaan arrintaasi

waa lagu guulaystay

wacan muhiimada daryeelka degganka

oo dunida oo dhami hadda u soo

jeesatay daryeelkiisa (Environmental

protection is a global issue).

Waxaa xukuumada ka go’an taaba

gelinta hanaan wanaagsan oo lagu

ilaaliyo arrimaha degaanka oo hadii

aynaan wax ka qaban dhibaatada

deegaanka, sida waxyellada caafimaad,

xaalufinta dhulka, burburka

doxooyinka boholaha noqday, dabargoyinta

kheyraadka badda, ugaarta

iyo qashinka iyo sunta lagu shubo

biyamareenada iyo badahaba.

Wabilaahi Towfiiq

Dr. C/raxmaan Max’ed Maxamuud

Madaxweynaha DGPL

GO’AAMADII LAGU SOO SAARAY KU-

LANKA DOWLADA HOOSE

Gudoomiyaha Gobolka Bari Xaaji

Muuse Farool ayaa akhriyay Kullankuu

dowladda Hoose go’aamadii

ay dowladu soo saartay si amaanka

kor loogu qaado, waxaana ka mid

ahaa:-

1.Qaadashada hubka waxaa Xaq

u leh ciidamada Amniga,Qofkii lagu

qabto isagoo wata hub sharci darro

ah, waxaa uu mutaysan doona 3

sanno oo xarig ah, hubkana waa lagala

wareegayaa.

2.Dharka Ciidanka Keenistiisa iyo ka

Ganacsigiisa waa mamnuuc, Ciddii

lagu helo waxay mutaysan doontaa

6 billood oo xarig ah iyo 5 million oo

Sh,S.

2.Waxaa la go’aamiyay in lala wareego

Gaadiidka Badda ee ay ku

cadaato Tahriibta iyo Burcadnimada

3.Waxaa la go’aamiyay in la dardar

geliyo Gudiyada Amaanka Xaafadaha

Bosaso,Rugo Cusubna la sameeyo.

4. Waxa la joojiyay Dhigista Aflaanta

la dhigo maalintii iyo wixii ka danbeeyay

11 saac ee habeenkii.

5. Waxaa la mamnuucay Beersalka

Baabuurta iyo Baabuurta Bilaa Taarigada

ah, Baabuurkii lagu hello

waxaa la ganaaxayaa 5 million.

Shariif Oo

Booqday Brundi

“Sharif oo Quudayraynaya

Bixitaanka Amiso”

Nairobi, 10,March,2009

3

Madaxweynaha Somalia Shariif

Sh,Axmed ayaa Booqasho ku tegay

Caasimada Brundi ee Bujunbura.

Madaxweyne Shariif waxaa uu uga

tacsiyeeyay Dowlada Brundi Askartii

reer Brundi oo bishii Hore lagu laayay

Muqdisho.

Mr shariif waxaa kaloo uu Booqasho

rasmi ah ku tegay dalka kenaya,

waxaana uu la kulmay madaxweynaha

kenaya Moi Kibaki

Shariif Oo Quudaraynaya In

Amisom Baxdo

Shir ay albaabadu u xirnaayeen

ayaa [Mar 08] ku dhexmaray Villa

Somalia Madaxweyne Sh. Shariif,

Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid

iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Sh.

Aadan Madoobe.

Inkastoo aan xog badan laga

hayan wixii ay kawada hadleen

Mas’uuliyiinta sarsare ee DKMG, hadana

warar laga helayo Madaxtooyada

ayaa sheegay in looga hadlay

kulanka xalaada uu dalku marayo

iyo sidii looga gudbi lahaa.

“Sadexda mas’uul ee ugu sareeya

dalka waxay ka hadleen sidii loo

sugi lahaa amaanka iyo in la suurogeliyo

in dalka lagu xukumo diinta

Islaamka, si looga gudbo khilaafka u

dhexeeya dowlada iyo Islaamiyiinta

ka horjeeda” ayuu yiri mid ka mid ah

xubnaha ku dhowdhow Sh. Shariif

oo isqariyay.

Mas’uulkan ku dhow Sh. Shariif

ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynuhu

uu sharaxaad uga bixiyay

madaxda kale safaro uu ku tagayo

dalalka Uganda iyo Burundi oo ciidamadoodu

joogaan Somalia.

“Sh. Shariif wuxuu u sheegay

Ra’iisul wasaraha iyo Gudoomiyaha

Barlamaanka inuu kala hadli doono

madaxda dalalka uu booqanayo in

laga saaro dalka ciidamada AM-

SIOM, maadama ay yihiin caqab

hortaagan inay wadahadlaan dhinacyada

Somalida” ayuu mar kale yiri

sarkaalka ku dhow Madaxweynaha.

Golaha wasiirada ayaa lagu wadaa

in l ay meel mariyaan ku dhaqanka

shareecada Islaamka, markaas

kadibna la hordhigo doono qodobkaas

kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka

oo dhacaya todobaadkan.

Madaxweynaha Somalia ayaa horay

u sheegay inuusan ka laalaabanay

inuu dalka ku hogaamiyo diinta Islaamka.
ARBACA 11 MARCH 2009 ILAYS NEWSPAPER RA’YIGA 5

WARAYSI

QAYBTII 3AAD

Dhanka qabuuraha, meelaha uu

dhaqdhaqaaqa mujaahidiinta Al-

Shabaab keligiis xukumo waxa ku

yaal qubuuro, hana rumaysannina

haddii la idin yiraa waa la dudumiyay.

Duduminteedu shareecada ma

waafaqsan tahay mise maya taasi

waa mas’alo kale oo baaritaankeeda

leh., waana la faaqidi karaa marka

waqtiga ku habboon la gaaro. Annagu

waan naqaannaa waxa kutubta ku

qoran, laakiin arrinkaas in laga hadlo

waqtigaan hadda la joogo waa wax

kale. Waxaad ogtihiin in shareecada

Islaamku ay ahmiyad siiso masaalixda

(waxa ay danta guud ku jirto) iyo

mafaasidda (waxa dhibka guud keenaya).

Waxa aan samaynayno waa

in aan hubsannaa samayntoodu ma

habboon tahay maanta mise maya.

Nabigu (SCW) wuxuu Caa’isha (RC)

ku yiri: (Haddii aanay qoomkaagu

ahaan lahayn dad ay diintu ku cusubtahay,

Kacbada intaan dumiyo

ayaan ku dul dhisi lahaay tiirarkii uu

Nabi Ibraahim (CS) taagay) (Sunan

At-Tirmidi). Rasuulku (SCW) wuu

ka joogsaday inuu Masjidka dhiso

waxana u bannaanaa inuu dadka oo

diinta ku cusbaa dareenkooda il gaar

ah ku eego. Wuxuu arkayay in dadka

loo dhimriyo ilaa iyo inta laga gaarayo

marxalad dadka oo dhami ay fahmi

karaan waxyaabahaas ay diintu farayso

oo dhan. Rasuulku (SCW) wuu

ku diiday qofkii soo jeediyay in la dilo

munaafiqii Cabdullaahi ibni Ubay si

aan loo dhihin Maxamed asxaabtiisuu

laayaa. Waa inaynu daryeelnaa

masaalixda iyo mafaasidda oo haddii

munkarka (waxa aan fiicnayn) oo

dadka laga reebayo uu ka dhalanayo

munkar ka weyni dadka laga reebi

mayo. Haddii tusaale ahaan qabri

dumintiisu ay keenayso in qabaa’ilka

qaarkood ay hub qaataan oo dhiig

xaaraan ah la daadinayo dhibaatana

ay ka dhalanayso, waxa waajib ah in

aan la degdegin oo arrinka dib loogu

dhigo waqtiga ku habboon ilaa iyo

inta ay dadkaasi arrinka dhanka diinta

uga qancayaan. Dhacdadaasi waxay

ka dhacday Kismaayo, waxana ka

jira maamul saddex geesood ah; Mucaskarka

Raas-Kambooni, walaalaha

maamulka Caanoole iyo dhaqdhaqaaqa

Al-Shabaab, nidaamkaasina waa

mid madax bannaan oo go’aamadiisa

lagu xisaabi mayo ururradii uu kasoo

kala jeeday. Waxaynu aaminsan nahay

in si tartiib tartiib ah hore loogu

socdo. Fiiri, xitaa markii Khamrada

la xarrimayay arrinku wuxuu maray

saddex marxaladood: (Waxay wax

kaa weydiinayaan Khamrada iyo

Khamaarka, ku dheh: labadaba waxa

ku jira dembi weyn iyo waxyaabo

dadka anfacaya) (Suurat Al-Baqara:

219). Marxaladdii labaad waxay

ABUUMANSUUR: BEENLOW MISE

NIN LAGU BEEN ABUURTAY?

ahayd: (Salaadda ha’u dhowaannina

adinkoo sakhraansan ilaa aad kala

garataan waxa aad sheegaysaan)

(Suurat An-Nisaa’: 43). Ugu damabyntiina

((Kuwa xaqa rumeeyayow

Khamrada, Khamaarka, Sanamya

caabudka iyo Bakhtiyaa-nasiibku

waa qurun camal Shaydaan ahe ka

fogaada aad liibaantaane.) (Suurat

Al-Maa’ida: 90). Waa kuwaas waxyaabaha

ay diinteennu ina farayso

Al-Jazeera: Waxa aan kaa maqlayaa

aad buu uga duwan yahay waxyaabaha

aan dhaqdhaqaaqiinna ka

maqlo oo waxa la idinku eedeeyaa

xagjirnimo tan ugu sarraysa, isla

marka la idin khilaafo dil baa waajibaya,

ee ma qaab hadalkiinnii

bay wax iska beddeleen?.

Abuu-Mansuur: In aan sidan (dandarrida

ah) u muuqdo oo aan reerkaygii

iyo carruurtaydii ka maqanahay iyo in

aanan daar iyo dirham toona adduunyadan

ku lahayn, aniga oo weliba

awooda in aan ganacsado oon maal

tacbado sida dadka kale. In aan

ku noolaado xaaladdan murugsan

keddibna aan berri Naarta galo Alle

ayaan ka megangelayaa arrintaas.

Suurtagal ma aha in aad disho qofkii

fikir kugu khilaafa. Arrintaasi waa

mamnuuc. Wax kasta oo la sheegayaa

waa dicaayado ay baahinayaan

cadawga Alle. Annagu usbuucyo

ayaan magaaladaan joognay, mana

lagu dilin qofna marka laga reebo

hal nin oo hooyadiis dilay, intaanan

imaanna maalin kasta tobanaan dad

ah ayaa lagu dili jiray. Sideen u dilaynaa

qofkii ra’yi nagu khilaafa annaga

oo cafinnay kuwii shalay nala

dagaallamayay. Nabigeennu (SCW)

markuu Makka galay oo uu goobta

isugu keenay kuwii shalay bixiyay,

wuxuu ku yiri: (Maxaad u malaynaysaan

inan idinku samayn doono?).

Waxay ku dheheen: (Walaal wanaagsan

baad tahay uu walaal wanaagsani

dhalay). Inuu u naxariisto

bay ka dooneen, wuxuuna ku yiri:

(Iska taga xor baad tihiin eh). Waa

taas saamaxaadda Islaamku. Dhab

ahaantii aad baan ula yaabay waxyaabaha

Internetka lagu faafiyay. Nin

Middi haysta oo mid kale doonaya

inuu gawraco oo Aayado Qur’aan ah

akhrinaya oo xitaa akhrinta Aayadaha

khaldaya, keddibna waxay leeyihiin:

Dhaqdhaqaaqa mujaahidiinta

Al-Shabaab sidaan buu waxyeelaa.

Waxaas annagu waxba kama aannu

ogin. Aniga ayaa ah afhayeenkii Al-

Shabaab waxa aan kuu sheegayo

ayaana soconaya.

Al-Jazeera: Mar dhow waxa aasaasmay

xisbi Islaami ah oo uu -

hoggaamiyo Dr. Cumar Iimaan, diyaar

ma u tihiin inaad ku biirtaan ood

xulafo la noqotaan?.

Abuu-Mansuur: Annagu mabaadi’ iyo

usus aan ilaalinaynaa jira kuwaas

oon gorgortan marnaba gelayn.

Ayaga ayaa xisbigaas aasaasay nalagalamana

tashan, war badanna

kama haayo, laakiin waan soo dhoweynayaa

waanan ku faraxsan-nahay

iskaashigaas iyo midowgaas mujaahidiinta

dhex maray, waxanan u haystaa

tallaabadaasi inay tahay guul

weyn oo muqaawamada usoo hoyatay.

Arrintaas waan fiirinaynaa waanan

ka doodaynaa, keddibna waxaan

qaadan doonnaa wixii aan munaasib

u aragno. Dr. Cumar Iimaan waa nin

aan ixtiraam weyn ugu hayno cilmigiisa

iyo mawaaqiftiisa ku aaddan

xukuumadda baadilka ah, datoorkuna

kolleey waa nin la yaqaanno.

Al-Jazeera: Wax badan baad ka

hadasheen dowlad cusub ee lagu

soo dhisay Jabuuti. Sheekh Shariif

waxa loo doortay madaxweyne

Soomaaliyeed isagoo haysta taageerada

shacabka iyo caalamka,

maxaad u aqbali weyseen ?

Abuu-Mansuur: Waxa la diiddan yahay

ma aha qof gaar ah, waxa aan

diidaynaa waa manhajka yo aasaaska

lagu dhisay dowladdaas uu Shariif

hoggaaminayo. Dastuurkeedu waa

dastuur gaalo ay dad ra’yigooda ku

dejiyeen dadkaas oo weliba ah kuwa

dad oo dhan ugu liita oo Alle Subxaanahu

watacaalaa ugu caasin og.

Waad maqasheen inuu ku dhaartay

inuu dhawri doono dastuurkaas

federaalka ah. Dastuurkaas uu ku

dhaaranayaa waa dastuurkii aan diidnay

oon u dagaallannay si aan uga

takhallusno.

Cabdullaahi Yuusuf ulama aynaan

dagaallamin inuu gobollada Bari

kasoo jeedo, laakiin waxaan ula dagaalnay

manhajkii uu xambaarsanaa

dartiis, Shariifna wuxuu doonayaa

inuu shacbiga ku khasbo dastuurkaas

uuna shacbiga ku hoggaamiyo.

Waxan aaminsannahay in dowladdani

ay ka liidato dowladdii Cabdullaahi

Yuusuf, maxaa yeelay Cabdullaahi

Yuusuf wuxuu sheegi jiray inu shareecada

diiddan yahay, wuxuna ku

dhegganaa dastuurkiisa baadilka ah,

laakiin kooxdaani waxay leedahay;

Tani waa dowlad Islaam ahoo shareecada

fulinaysa. Annagu ma taageersanin

dowladda Shariif, waxanan

ula dhaqmaynaa sidaan ula dhaqmi

jirnay dowladdii Cabdullaahi Yuusuf

Al-Jazeera: Hadalkaas ma waxaan

ka fahmaynaa inaad sii wadi

doontaan dagaalka aad kula jirtaan

dowladda cusub?

Abuu-Mansuur: Taas shaki kaagama

jiro. Ciidamada ajnabiga ahe jooga

dhammaantood waan la dagaallamaynaa,

dowladdaan uu Shariif

madaxda u yahayna iyana warkii oo

kooban waan la dagaallamaynaa

ilaa iyo intay Alle u tawba keenayaan

kana laabanayaan baadilka ay

ku jiraan.

Al-Gezira: Sheekh Abuu-Mansuur

siyaasad wax waliba waa ka suurtoobaan.

Haddii ay Sheekh Shariif

u suuroobi weysay inuu soo dhiso

dowlad Islaam ah dhib kuma jiro

hadday u suurowdo inuu dhiso dowlad

kulminaysa labada kooxood ee

islaamiyiinta iyo kooxda reer galbeedka

lagu riixo si uu u gaaro guulahA

auu hiigsanayo qaar kamid ah.

Abuu-Mansuur: Allaha sarreeyaa

wuxuu leeyahay: (Xaqa iyo baadilka

ha isku dheehina, xaqana ha qarinnina

adinkoo weliba og) (Suurat Al-

Baqara: 42). Alle wuxuu naga reebay

in aan xaqa iyo baadilka isku dheehno.

Isu imaan maayaan dowlad Islaam

ah iyo dowlad Dimoqoraadi ah.

Dowladdani waa mid Dimoqoraadi

ah oo ay usoo dhafreen Weled Cabdalla

iyo kooxdiisu, sinnabana suurtagal

kuma aha inay u dhafraan oo

ay ku daalaan sidii loo aasaasi lahaa

dowlad Islaam ah, dimoqoraadiyadduna

agteenna waa gaalnimo. Dimoqoraadiyaddu

waxay leedahay:

Xukunka shabakaa iska leh wixii uu

doono ayuuna samaynayaa, Allena

wuxuu leeyahay kuxunka cid aan

Alle ahayni ma laha. Labadaas arrimood

kuwa isu imaan kara ma aha,

kani waa tawxiid kaasina waa kufri,

waa xaq iyo baadil, sidaas darteed

suurtagal ma aha in la isku dheeho.

Annagu waxaan doonaynaa shareecada

Alle oo turxaan baxsan wax

qashin iyo soogalooti ah aan lagu

dheehin.

Al-Jazeera: Waxa jira dad sheegaya

in aad xiriir la leedihiin burcad

badeedda Soomaaliyeed, warkaasi

ma jiraa?

Abuu-Mansuur: Waxyaabo badan

ayaa nalagu eedeeyaa waxaana

kamid ah in aan dadka sabab la’aan

dilno, tanina waxay kamid tahay eeydeymahaas.

Annagu ma nihin burcad

badeed wax xiriir ahna lama lihin,

burcad badeeddana waan jebinnay

oon ka tirtirnay biyaha Soomaaliya

xilligii maxkamadaha, adiguna taas

waad ogtahay. Burcad badeedda

waxaa sameeyay Maraykanka iyo

dalalka reer Galbeedka ah. Ayagaa

hubeeyay una iibiyay doonyaha iyo

qalabka kale. Waxay ka baqi jireen

dhallinyarada mujaahidiinta ah ee ka

imaanaysa Sacuudiga iyo Yaman ee

Soomaaliya usoo socota.
ARBACA 11 MARCH 2009 ILAYS NEWSPAPER TAARIIKHDA 6

Koboca Islaamiyiinta Somalia

( Siraha Qarsoon )

Waayihii Horu-socodka Islaamiyiinta Somaliya.

W.Q. cabdishakuur Mire Aadam.

Qormadda Tobnaad.

Ururka Al-Islaax oo la asaasay

Sanadkii 11July 1978-dii.

Wax door ah kuma lahayn

arrimaha dhaqaalaha,wuxuuna ku

koobnaa goobo waxbarsho iyo daryeelka

bulshada. Ma aysan lahayn

ciidan u gaar ah. Balse waxaa marwalba

jirtay afkaar kala duwanaasho

labadan urur. Soomaali badan ayaa

la dhacsanayd waqtigaas ururka Islaamiga

ah ee Al-itixaad oo isagu

cududiisa dhaqaale iyo ciidanba

kordhayeen, lana jaan qaadayey

dabaysha Islaamiyiinta caalamiga

ah(Salafiyiinta).

Markii dhidibada loo taagay Al-itixaad

Al-islaam waxaa gaar uga leexday

xubno horay uga mid ahaan jiray

Al-ahli iyo Jamaaca Islaamiya.

Weliba waxaa kaloo aan ku biirin oo

diiday inuu ka mid noqdo Al-Itixaad

Shiikh Maxamed Macalin Xasan. Kooxadaas

ayaa markaas ka dib waxay

ku dhawaaqeen urur la yiraahdo Tajamucul

Al-islaam oo dadka caadiga ah

ugu yeeraan Aalla Shiikh . xubnaha

sida gaarka ahaa u firfiroonaa ee

ka mid noqday Tajamucul Al-islaam

waxaa ka mid ahaa Cali Garabaati,

Xuseen Kaafi, Cabdiraxmaan Xayle

iyo xubno kale.

Tajamucul Al-islaam ayaa u yara

janjeertay fikirka ikhwaanka. Balse

ururka Al-Islaax ayaa ahaa midka

keliya ee islaamiyiinta Soomaaliya

oo xarig xirka la lahaa urur weynaha

Ikhwaanka. Sideedaba urur

weynaha Ikhwaanka caalamiga ah

ayaa leh nidaam guud oo dal walba

hal urur wakiil uga noqdo. Tusaale

ahaan ururka Xamas ayaa ka mid ah

urur weynaha Ikhwaanul Muslimiinka

caalamka wakiilna uga ah Falistiin,

mana dhici karto in urur kale oo islaami

ahi Falastiin wakiil uga noqon

Ikhwaanka guud. Sidaa darteed Tajamucul

Al-islaam waxaa uu noqday

mid aragti ahaan aan raacsanayn labada

urur ee islaamiyiinta Soomaaliya

ugu tugtugda roon Al-Itiaad Al-islaam

iyo Al-islaax.

Kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya

ayaa ku kala xiran wadamadda Masar,

Sudan iyo Sacuudiga. Dhaliyaradii

wax ku soo baratay wadanka

Sacuudiga ayaa u muuqanayey kuwa

firfircoon oo nashaad gelinayey barashada

diinta Islaamka iyo jihaadkaba.

Halka kuwa ku xiraa Masar ay

ku hawlanaayeen waxbarashada iyo

wacyi gelinta. Waxaan Islaamiyiinta

Soomaaliya u kala miirmayeen

labadaa aragtiyood. Inkastoo markii

dambe soo shaac baxeen ururo

kale. Waxaa muuqatay tartankii ka

dhexeeyey Al-islaax iyo Al-itixaad ee

wax la qabsiga Ikhwaanka guud.

Ururka Al-islaax ayaa uga dheerey

Al-itixaad dhinaca Ikhwaan Al-Muslimiinka.

Oo ah urur diineed ka jira

81 Dal, lehna hogaan midaysan oo

la yaqaan sida ay isu maamulaan

iyo cida xukunta. Iyadoo Salafiyiintu

aanay lahayn hogaan guud oo

mideeya wadamada Muslinka ah

ee ay kooxahani ka jiraan. Wadan

weliba gaarkiisa ayuu u leeyahay

cid xukunta. Ma jiro qorsha guud

iyo manhaj siyaasadeed oo isku xira

Salafiyiinta sida Ikhwaanka. Waxa

keliya ee ay wadaagaan ayaa ah

mabda’ Salafiyadda

Asaaskii Al-itixaad mudo gaaban ka

dib sanadihii 1983-tii ilaa 1984-tii

waxaa soo baxay guux kale oo ka

imanayey kooxihii ku midoobay ururkaas.

Kooxaha wax saluugasan ayaa

u badanaa xubno reer Waqooyi ah

oo iyagu is tusay awoodii xarkadan

cusub ay liqeen xubno reer Konfureed

iyadoo weliba hogaamiyaha Al-

Itixaad Shiikh Cali Warsame uu ka

soo jeedo Waqooyiga Soomaaliya.

Waxaa ka mid ahaanshihii Al-itixaad

ka biya diiday koox uu horjooge

u ahaa Cabdlqaadir Xaaji Jaamac oo

xubin muhiim ah ka ahaa dhaqdhaqaaqii

Waxdada oo ka jiray Waqooyiga.

Waxaa la saftay horjoogahaas

islaamiga ahaa Shiikh Mustafa Ismaaciil

Haruun iyo Axmed Aw Dahir,

waxayna asaaseen urur loogu

magacdaray Tajamuc oo inta badan

loo yaqaan Tajamuca Waqooyi.

Ustaad Cabdulraxmaan Baadiyow16

oo ka mid ah aqoonyahanadda Islaamiyiinta,

kana tirsan xarakada

Al-Islaax ayaa waxaa la weydiiyey

maxaa lagu garan karaa muuqaalka

baraaruga islaamka? Waxaa uu ku

jawaabay:

” Waxaa lagu garan

karaa(baraarugaas) sida looga hadal-hayo

warbaahinta caalamka oo

dhan iyo sida ay u soo kordhayso

ka qaybgalka xisbiyadda Islaamiga

ah ee xukunka iyo siyaasadda.

Gaar ahaan dalalka ay ka jirto doorashooyinka

iyo tartanka siyaasada.

Meel kasta waxaa lagu arkaa muslimiin

ka shaqaynaysa soo noolaynta

ku dhaqanka diinta islaamka, waxayna

ka muuqataa dugsiyadda,

masaajiydyada, jaamacadaha,

goobaha shaqadda, ganacsiga,

waxay kaloo ka muuqataa dhaqanka

nolosha, xiriirka qoyska, qaabka salaanta

iyo asluubta dadka iyo weliba

bangiyadda islaamka oo si weyn ugu

fiday dunidda daafaheeda.’’

Islaamiyiinta ayaan wax xiriir ah la

lahayn jabhadihii hubaysnaa ee mucaaradka

ku ahaa dawladii Maxamed

Siyaad Barre. Si aan u xaqiijiyo hadal

hayntaas ayaa waxaan magaaladda

Boosaaso kula kulmay sarkaal ka

tirsanaan jiray sirdoonkii noocyadda

badnaa ee xukuumadii kacaanka

ahayd Col.Maxamed Xuseen Jaamac

’’Haraa’’. In badan ka soo shaqeeyey

Waqooyiga Soomaaliya. Waxaa uu

qiray hadalka ah inaan wax xiriir ahi

ka dhaxayn mucaardkii hubaysnaa

iyo Islaamiyiinta, waxaana uu yiri:

’’ Horta laba manhaj ayey kala lahaayeen.

Kuwo waxaa manhaj u

ahaa diinta , kuwa kalena qabiilka

marka sidaas ayaanayba isugu milmi

karayn.”

Waa sii watay hadalkiisii:

’’Anigu Waqooyiga ayaan u badnaa

waxay Islaamiyiintu xoog ku

lahaayeen ardayda dugsiyadda

waxaana xagaas looga yaqaanay

Waxdada. Sanadihii 1977 ilaa 1982

aad ayey dhinacaan joogay ugu soo

xoogaysanayeen. Waxaa nala faray

inaan si aad ah ula socono welibana

aad u ilaalino dhaqdhaqaaqooda.

Waxaan xayirnay dhamaan kutubta

naloo bar tilmaamay. Waxayse marmar

kutubtaasi uga soo geli jireen

dhinaca Jabuuti. Waxaan u isticmaali

jiray inaanu baqdin gelino oo aanu

mararka qaarkood xirxiro. Si wadar

ah ayaan u xirxiri jiray, ka dibna

soo dayn jiray. Waxaa jiray faaf reeb

adag. Waxaa dagaalka lagu hayey

Waxdada ka qayb qaadan jiray lix

haya’dood oo dawlada ahaa , kalana

ahaa Garsoorka, Nabad Sugida,

CID-da, Hangashta (DISA) ”Department

intulegance Service Army’’ iyo

Wasaaradda Warfaafinta. Waxaanu

ku dadaali jiray inaan fikirkooda

dadku raacin. Sir doonka ayaa lacagp

siin jiray qaybo bulshada ka mid

ahaa si ay u dacaayadeeyaan. Sandkii

1982-dii ayey Waxdadu waxay

dab qabadsiiyeen fooqa la yiraahdo

Bis-ta oo Hargaysa ku yiilay.”

Waxdada waxay si aad ah awood ugu

lahaayeen Burco oo runtii ahayd meel

ay si aad ah uga hawlgalayeen.

Waxaan ogahay inaanay marnaba

u liicin dhina qabiilka waqtigaas oo

ay SNM-tu dadka ku hawlgelinaysay

qaab qabiil. Waxaana jiray is –diid

dhinaca fikirka ah xataa markay

SNM-tu sheegteen inay ku dhaqmayaan

diinta islaamka uma debcin.

Waxay Waxdadu ku dheganaaayeen

midnimadda Soomaaliya taas ayaana

sal u ahayd waxyaabaha is

fahami waaga dhex dhigay labadan

awoodood ee mucaaradka ku wada

ahaa dawladii Siyaad Barre. SSDF

qudhigeedu waxaa manhaj u ahaa

qabiilka sidaas darteed ayaan Islaamiyiinta

la haybta ahaa waxba

ugu darsan .

Dacwada ayaa ahayd waqtigii dhexe

ee Islaamiyinta Soomaaliya mid si

xawli ah ku socotay. Ma jirin wax siyaasaday

ah oo dawcada lagu dhex

milayey oo ku beegnaa bartamihii

Sideetamaadkii. Goobaha ugu muhiimsanaa

ee ay ka socotay dacwadu

waxaa ka mid ahaa Masaajidka Ceel

Hindi oo saalada Maqrib ka dib laga

akhriyi jiray tafsiir. Iyadoo uu masaajidku

buux dhaafi jiray dadka dhegaysanaya

tafsiirka ee masaajiku

ka buuxsamo waxaa caado u ahayd

inay hareeraha masaajidka ka dhegeystaan

Tafsiirkaas. Waxaa kaloo

dacwadu ka socotay Masaajid ku

yaalay bartamaha suuqa Bakaaraha

iyo Lafaweyne iyo Shibis. Raga aad

ka Muxaadarooyinka uga akhrin

jiray waxaa ka mid ahaa Shiikh

Cabdulaahi Cali Xaashi, Shiikh Dahir

Indhabuur, Shiikh Cabdulqaadir

Nuur Faarax, Shiikh Maxamed Nuur

Qawi.

Sanadkii 1986-dii ayaa kacaankii

Oktoobar oo waqtigaa ay mucaaradku

ku hayeen olole dagaal iyo mid

siyaasadeed ayaa waxaa uu dareemay

in Islaamiyiintu si muuqata

oo xaawli ah u xoogaysanayaan.

Isla markaa abaabul ugu jiraan siday

u kasban lahaayeen bulshada

inteeda badan. Intaas ka dib waxaa

kacaanku qaaday talaabo adag oo

u yara eg, amaba uu ka soo dheegtay

qorshahiisii 1975-tii koklkii la samaeeyey

Xeerka Qoyska. Waxaa la

qabqabtay oo si baahsan loo xirxiray

Cullimaa’udiin iyo hogaamiyayaal ka

tirsanaa Al-Itixaad Al-Islaam iyo Islaamiyiinta

kaleba. Xabsiga ayaa la

dhigay in badan, kuwa kalena waa

ka baxsadeen dalka. Xubnaha Baxsaday

waxaa ka mid ahaa hogaamiyaha

Al-itixaad ee xilligaas Shiikh

Cali Warsame.

LA SOCO CADADKA ARBACADA
TOWFIIQ COMMERCIAL CENTER

KALA XIRIIR SHIRKADA GANACSIGA EE TOWFIIQ

TELL:- 821111/16, OFFICE =825055/790003/790000

FOODSTAFF BUILDING=823018

BUILDING MATERIAL =826107
Feature Description / Magacayada Adeega Activation Code /Deactivation Code How to use / Sida loo isticmaalo adeega

Call Conference

Dhor qoffood markad isku xidhidhinayso

Until 64 persons / waxaad xiriirin kartaa ila iyo 64 qof halmar

Call Transfer.

Qof kusoo wacay markad Xawilaayso

You can transfer called number. Waxaad sii xawili karta lambarka kusoo wacay

Suspend Telephone.

*31*1000# #31*1000# Gacanka telefonkaga kor

Hadii aadan doonayn in la dirsado telefonkagi

uqaad kadibna garaac *31*

dalkA

kadibna gali passwordkagi

xxxx kadibna #

Call Forward When Busy.

*40*5xxxxx# #40# Gacanga telefonka kor uqaad

Telefonkaga marka mashquul yahay inu ku

kadibna garaac *40*raaci

dhaco telefon kale

telefonka aad ku xawilayso

kadibna #

Call Forward When Not Replay

*41*5xxxxx# #41# Gacanka telefonka kor uqaad

Telefonka. markii aan laga jabaabin inu ku dhaco

kadibna garaac *41*raaci

telefon kale

telefonka aad ku xawilayso

kadibna #

Absent subscriber.

*50# #50# Gacanka telefonka kor uqaad

Qofka marki uu maqan yahay in uu ku xirto

kadibna garac *50# markad

telefonkisa.

maqasho codka siistamka

isasaar gacanka

Dialing Short Number.

*51*12*500000# #51*12# Marka aad doonyso inaad

Nambar garacasho fuduud.

wacdo lambar horey u gashatay

waxaa garacdaa **12

kadibna dhagayso

Hot Line-5 ilbiriiqsi kadib ayuu kuwacayaa tele- *52*500000# #52# 5 ilbiriiqsi kadib ayuu kufonki

aad galisay

wacayaa telefonki aad galisay

Call Back.

*53# #53# Garaac lambarka aad doon-

Hadii lambarka biisii yahay ayuu dib kugu

ayso inaad wacdo hadii uu

wacayaa

biisii noqdo taabo carabka

telefonka kadibna *53#

Outgoing Call Barring Password.

*54*xxxx1# #54*xxxx1# Gacanka sara uqaad garaac

Furid/Xirid dirsashada dibada

*54* kadib gali lambar sireedkagi

xxxx1 oo ugu dambeeyo

hal kadib #

Wake up Alarm.

*55*HHMM# #55# Gacanka telefonka goor

Alarmi ama waqti buxin

uqaad kadib garaac *55*gali

sacaada raaci daqiiqadaha

kadibna #

Do not Disturb.

*56*HHMM# #56# Gacanka telefonka sara

Marki aad jiifanayso hadii aadan rabin in lagu

uqaad kadib garaac *56*gali

soo waco.

inta saac ugu xirnaanaayo

2100 kadibna #

Call Forward.

*57*500000# #57# Gacanka telefomka goor

Xawilid telefonkaga marki aad ku xawilaayso

uqaad kadib karaac *57*raaci

telefon kale

lambarka aad ku xawilayso

lambarkaga kadibna #

Call Waiting.

*58# #58# Hadii aad doonayso in lagu

Marka aad hadlayso in lagu soo wici karo

soo waco xiliga aad biisiiga

ku tahay telefonkaga garaac

*58# ama iska jooji #58#

Change Outgoing Call Barring Password. *541*xxxx*1234* 1234# Si aad ubadasho lambarkaga

Badalid lambar sireedka.

sirta garaac *541* xxxx lambarkagi

hore *midka cusub

1234*ku celi1234 #

Multi-wake up service.

*60*HHMM#

Balan ku buxin telefonkaga

Balan, alarmi ama waqti buxin dhoor waqti kala

#60#

xilyo kala duban garaac

duban.

*60*gali sacaada raaci daqiiqadaha

kadibna #

Barring outgoing special Number calling. *64* 1000500000#

Lambar aadan donayn in aad

iska xirid lambar aadan donay in la waco. Exp:*64*pass500000# #64*

wacdo marka iska xirayso

1000500000# garaac *64*gali lambar sireed-

Exp:#64*pass# kaga raci telefonka #

Remote Control of your line.

Ka xawilid lambarkada lambar kale aad ka

xawilayso.

Book Call.

Ku xiro telefonkaga balan lambar aad donayso

in aad wacdo.

MCID service.

Ogansha lambarka kusoo wacay hadadan

haysan telefon shaanshad leh.

*571*1000*500000*555555#

*571*pass*telefonkagi*telefonk

a kale lagu xawilayo#

#571*1000*

5xxxxx#

#571*pass* \

telefonkagi#

Lambarkaga markad soo

xawilanayso adigo aan joogin

garaac *571*lambar sireedkaga

xxxx*raaci telefonkaga

500000*lambarkad ku

xawilayso 555555 kadibna #

*67*HHMM*500000# #67# Telefon in aad wacdo

markad balansaneeso

garaac*67* saacada 1300*

lambarkad wacayso 555555

kadibna #

*33# tusaale: adigo lahadlaya qofki kusoo wacay aadan arag lambarkisa

taabo carabka telefonkagi kadibna riix *33# dhagayso lambarka qofka kusoo

wacay oo maqal ah.

HORYAAL

PRINTING

CENTER

ADEEGYADA

DAABACADEED EE

HORYAAL DIYAARKA

KUULA TAHAY

�Buugta

Akhriska

� Buugta

Iibka &

Adeegyada

Bulshada

� Receipt

Vouchers

� Payment

Vouchers

� Invoices

� Cash Sales

� Daily Sheets

� Business

Cards

� Envelops

�Stickers

� Prescription

� Register

Books

� Text Books

� I.D Cards

� Certifications

� Flyers

� Invitations

Cards

KADALBO HORYAAL

DOOKHAAGA

DAABACADEED

WAQTIGA AAD RABTO,

SIDA AAD U RABTO

& QIIME KURAALI

GALIYA

Wixii faahfaahin ah

kala xiriir

Tell :- 824299/

796169/726169

BOSASO SOMALIA