17.11.2012 Views

Baadigoob: Hog ee Soomaaliya gaamiyayaashii hore - Somali Talk

Baadigoob: Hog ee Soomaaliya gaamiyayaashii hore - Somali Talk

Baadigoob: Hog ee Soomaaliya gaamiyayaashii hore - Somali Talk

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

َﻦﻴِﻤَﻟﺎَﻌْﻟا ﱢبَر ِﻪّﻠﻟ ُﺪْﻤَﺤْﻟا ِﻢْﻴِﺣﱠﺮﻟا ِﻦَﻤْﺣﱠﺮﻟا ِﷲا ِﻢْﺴِﺑ

. َﻦْﻴِﻌَﻤْﺟأ ِﻪِﻟﺁَو ٍﺪﱠﻤَﺤُﻣ ْﺎﻨّﻴِﺒَﻧ ﻰَﻠَﻋ ُمﻼﱠﺴﻟاو ُةﻼﱠﺼﻟاو

Baadigoob: Hog gaamiyayaashii hore ee Soomaaliya

Qalinkii Saciid Cali Shire

(saidshire@hotmail.com)

Ma bedelento taariikhdu in aad bi’iso mooyaane

Haddii aad bar goysana in ay bayrto haw filine

Bog haddaad rogtaba baal kalay kaaga soo bixiye

Khaalid Cali Guul

Qormadan koobani, waxay ka mid tahay, buug idanka Eebe, dhowaan soo bixi doona oo ka

hadlaya ‘hoggaaminta’. Laba arrimood ayaa keenay in aan qaar ka mid ah qormooyinka

buuggaas soo hormariyo: midi waxay la xiriirtaa muuqaalada khaldan ee laga sheego

hoggaamiyayaashii ka soo if‐baxay geyiga Soomaalida; midda kalena waxay la xiriirtaa

tusaalaha khaldan ee hoggaanka Soomaalida ee maantu la hortaagan yahay guud ahaan

shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinta soo koraysa. Waxaan isleeyahay, qoraalkani,

wuxuu niyad dhis iyo qalbi noolayn u noqonayaa inta ku naruuroonaysa in ay dib u harsadaan

geedkii awoowayaashood u abuureen. Sidoo kale, waxaan rajaynayaa in qormadaani raadraac u

noqoto kooxaha jihooyinka khaldan ka raadinaya hoggaaminta.

Sida, qoraaga weyn ee caanka ah, Khaalid Cali Guul, inaku dareensiiyey tixda aan ku fur‐

furtay qoraalkan, taariikhda waa la bi’iyaa, laakiin been lagama sheego. Hadaba, markaan rabno

in aan fahano hoggaamiyayaashii hore ee dhulka Soomaalida 1, waxa muhiim ah in aan fahano in

aan ka hadlayno, umad xadaarad qadiim ah, oo soo jireen ah leh, ee aynaan ka hadlayn ummad

ama sida dadka qaarkiis yiraahdaan ‘cawaan ah’ ama ‘shalay dhalatay’. Si aan u fududeeyo

fahanka hoggaamiyayaashii soo maray Soomaaliya, sadex qaybood ayaan u qaybinayaa

taariikhda sugan ee laga hayo hoggaamiyayaashaas: Sebenkii ka horeeyey Islaamka; sebenkii

Islaamka; iyo sebenkii gumaysiga.

Hoggaamiyayaashii Soomaaliya: sebenkii Islaamka hortiis

Sida, kaydiyayaasha taariikhda Soomaalidu soo guuriyaan, Soomaalidu waxay leedahay taariikh

fac weyn oo kumanaan sano gaaraysa. Kaydiyayaashaas qaarkood, tusaale ahaan, Aw‐Jaamac

Cumar Ciise, wuxuu ururiyey taariikh gaaraysa ilaa 8000 oo sano 2. Warsane (2003), buuggiisa

‘Taxanihii Taariikhda Soomaaliyeed’ wuxuu ku xusay in uu hayo taariikh sare u dhaafaysa 5000

oo sano. Raggaas, markaad dhegaysatid, ama aad buugtooda akhrido, waxad dareemaysaa in

Soomaalidu leedahay xadaarad la fac ah xadaaradihii Masaarida, Roomaanka, Shiinaha iyo

Faaris. Xaddaaradahaas qaarkood, Soomaalida waxay lahaayeen xiriir ganacsi, tusaale ahaan,

Xadaaradii Faraaciinta, Faaris iyo Shiinaha; qaarkale waxaa ka dhexeeyey tartan ganacsi, sida

Xaddaaradii Giriiga, siiba waqtigii Hirodot. Qaarkalena waxaaba dhexmaray dagaalo. Tusaale

ahaan, duulaankii Faaris ku qabsatay Yaman oo ujeedadiisu ahayd in ay qabsato dhulkii uduga

(Soomaaliya), waxa dagaal ba’an la galay, guul darona dhabarka u saaray halyeyo Soomaali ah.

Markay dagaalkii ku guuldaraysteen, ayaa boqorkii Faaris waqtigaas ka ariminayey, oo la oran

jiray Tarsibi, kuna aadannaa 292‐302 ka hor dhalashadii Nabi Ciise, waxaa khasab ku noqotay in

uu heshiis ganacsi la galo mid ka mid ah suldaanadii Geeska Afrika. Suldaankaas oo la oran jiray

Suldaan Wiriiri, boqorkii Faaris, markuu geesinimadiisa, waxgaradnimadiisa iyo hoggaamintiisa

la yaabay wuxuu u bixiyey ‘Shah Afrik’ ama ‘Boqorkii Afrika’. Rag badan oo Warsame (2003) ka

1 Dhulka Soomaalida waxa waagii hore loo yaqaaney: Buuntland (dhulkii uduga)

2 Muxaadaro ka dhacay London, 9‐kii November 2008‐da ayaa Aw‐Jaamac arrintaas ku sheegay

1

mid yahay, waxay soo guuriyaan in xarunta boqor Wiriiri xilligaas ahayd meesha maanta loo

yaqaan Laas Qoray.

Dadka taariikhdaas leh, waxan muran ku jirin in ay ka soo dhex baxeen ama soo mareen

hoggaamiyayaal fara badan oo la mid ah Suldaan Wiriiri oo magac iyo maamuus adduunka ku

lahaa. Raadadka hoggaamiyayaashaas qaarkood waxa laga helayaa gudaha Soomaaliya, qaar

waxa laga helayaa raadad qadiim ah oo laga helay Ahraamta Masar, qaarna qoraalada

badmareenadii soo maray Soomaaliya. Haddaan ku hormarno dhanka Faraaciinta iyo Masar,

waxaad arkaysaa in, Haramka (pyramid) ugu weyn ahraamta Masar oo uu dhisay Boqorkii

Khoofow sanadkii 2589‐2504 ka hor dhalashadii Nebi Ciise, lagu sawiray nin Soomaali ah oo la

oran jiray Haratiisi (amiir‐al‐baxr). Amiirkaas Soomaaliga ahi wuxuu dhinac taagan yahay

wiilkii boqorka. Looxad hirograafiyad ah oo taala Madxafka Quseyr ayaa waxa sidoo kale ku

sawiran Boqor Barxo (Boqorkii Dhulka Uduga) iyo xaaskiisii oo soo dhowaynaya wafdi balaaran

oo uu soo diray Boqor Amuun sanadkii 1920 ka hor dhalashadii Nebi Ciise. Marsadii waftigaasi

tegey, Warsame (2003), wuxuu ku qiyaasay in ay ahayd Olog oo u dhexaysa Caluula iyo

Raasicasayr. Shiinayskii hore, waxay iyana ka tageen qoraalo muujinaya in Soomaalidu lahayd

hoggaamiyayaal iyo xaddaarad aan ka dhicin kuwii Shiinaha ee casrigaas. Tusaale ahaan,

Boqortooyadii Sinj ee Bakiin waxay qortay in Fen Sik oo ahaa badmareen Shiinays ah uu tegey

Muqdisho uuna aad ula dhacay qaabdhismeedka magaaladaas. Sidoo kale waxa la hayaa raadad

xoog badan oo muujiya in wefti Soomaali ahi tageen magaalada Bekiin xili ku aadan 1416‐1818.

Taariikhdaas fog, Soomaalidu waxay ku jirtay meelaha yare ee caanka ku ahayaa soo

dhowaynta dadka dhibaataysan (qaxootiga) iyo magan‐gelinta dadka naftooda iyo ehelkooda

ula soo qaxa arrimo siyaasadeed. Sifooyinkaasna, waxa xiliyadaas caan ku ahaa dhulka ay

hoggaamiyaan rag caan ku ah hoggaan wannaag. Tusaale ahaan, markay burburtay

boqortooyadii Saba ee dalka Yaman, waxa la wariyaa in dad badan oo reer Saba ihi magangeliyo

u soo aadeen Soomaaliya. Sidoo kale, waxa taariikhdu sugtay in dad reer Faaris (Iiraan) ihi

qaxooti u yimaadeen Soomaaliya ka dib markii dhulgariir ka dhacay Shiiraas sanadihii 976‐978.

Dadka magangeliyada u imaanaya Soomaaliya kuma koobnayn xilligaas oo kaliya, xataa waqtigii

Islaamka, dad badan oo magangeliyo doon ah ayaa u soo hijrooday Soomaaliya. Tusaale ahaan,

Saleebaan Al‐Jalandiin iyo walaalkiis Saciid Al‐Jalandiini oo xukumay dalka Cumaan xilligii

Cabdilmaalik bin Marwaan, waxay u soo qaxeen Soomaaliya, ka dib markay isku dhaceen qaar

ka mid ah xaashiyadii Khilaafadii Umawiyiinta. Raggaas iyo ehelkoodii waxay degeen magaalada

Muqdisho iyo Marka. Waxa isla xilliyadaas u soo qaxay Soomaaliya dad bada n oo ku abtirsada

Seyd binu Cali, ka dib markii la dilay Seyd, sanadkii 122 H.

Muran kama taagna in dalka magangeliyo siiyey dad isugu jira Amiiro, Xukaam,

Siyaasiyiin, iyo dad tabaalaysan uu lahaa: hoggaan caadil ah, nidaam maamul oo cilmiyaysan,

awood ciidan iyo kala danbayn. Waxaan sidoo kale shaki ku jirin in adduunka oo dhan laga

yaqaaney. Waxase la is waydiin karaa, maxay ku xusheen Soomaaliya. Xulashada dadkaasi

xusheen Soomaaliya, laba arrimoodba waa lagu fasiri karaa: (1) in hoggaanka Soomaalidu caan

ku ahaa caddaalad iyo marti soor; iyo (2) in ay xiriir qoto dheer oo saaxiibtinimo la lahaayeen

ammiirada iyo bulshadaas u soo qaxay Soomaaliya.

Buugga la yiraahdo ‘Beriblos of the Eriterian see’ ama ‘Socdaalkii Badda Eriteria’ oo uu

qoray nin Giriig ah oo badmareen ah, xilligii Roomaanku qabsaday Masar iyo Yaman, markuu ka

waramayo magaalooyinkii ku yaalay xeebaha Soomaaliya ee uu maray, wuxuu tilmaamaa in

magaalk ooyinkaasi aad u camirnaayeen, ganacsi baaxad balaaranina ka socday. Wuxuu sidoo

kale tilmaamaa in nabadgeliyo iyo kala danbayn ka muuqatay magaalooyinkaas.

Raadadka ilaa maanta muuqda, markhaantigana u noqday hannaan wannaaga

hogaaminta Soomaalida, waa waxa Soomaalidu u taqaan ‘taalada’. Warsame (2003) taalooyinka

wuxuu u kala saaray sadex nooc. Taalooyinka qaar waxay ahaayeen qubuuro loo dhiso madaxda

sare sida boqorada iyo salaadiinta. Taalooyinkaas oo aad u soo shabaha Ahraamta, waxa ka mid

ah taalada ‘Gasamuge’ oo u dhexaysa Eyl iyo Bayla. Nooca labaad oo taalooyinka ah waxay

badanaa ku yaalaan buuraha korkooda, waxana la aaminsan yahay in loo isticmaali jiray

qubuuro. Meelaha qaarkood waxaa la yiraahdaa waxa lagu arjumay ‘Tiiri’. Taalooyinka nooca

sadexaad, oo sidaan gadaal ku arki doono, aad ugu baahsan meelo ka mid ah Soomaaliya, waxa

lagu kala dooran jiray hoggaamiyayaasha.

2

Inta aynaan u gudbin sida taalooyinka loogu dooran jirey hoggaamiyeyaasha, aan

waxoogaa idinla wadaago sida sebenkaas Soomaalidu hoggaamiyayaasha u dooran jireen.

Dhulka Soomaalidu wuxuu u qaybsanaa labo: miyi iyo magaalo. Magaalooyinka xoogoodu waxay

ku teedsanaayeen xeebaha. Magaalooyinka waxaa xukumay Suldaano. Dhinaca baadiyaha, waxa

la sheegaa in marka reerka ‘dab’ gaaro ay dooran jireen hoggaamiye. ‘Dab’ waa koox ‘xeryo’ ah

oo isugu xiran qaab isbahaysi oo leh siyaasad istaraatiiji ah. ‘Xero; waa dhowr beelood oo isku

xudduud ah. ‘Beeshuna’ waa dhowr degsiimo. Degaamada qaarkood qofka ugu weyn ayay

hoggaamiye u dooran jirey; meelo qofka ugu dagaal yahansan; meelo qofka ugu xikmada badan;

meelo qofka ugu xoolaha badan; meelo qofka ugu wiilasha badan; meelana qofka ugu

mucjisooyinka badan. Arinta danbe, wali waxay ka jirtaa meelo ka mid ah dhulka Soomaalidu

degto ee Xeebta Jabuuti. Degaanadaas marka Suldaan la dooranayo waxa la yiraahdaa ‘waa in

mucjiso lagaa arko’.

Beddelaadda hoggaamiyuhu waxay ku imaan jirtay dhowr xaaladood midkood: inqilaab,

in uu iskiis xukunka uga fariisto, in uu dhinto. In kastoo hoggaamiyuhu ka dardaarmi jiray qofka

xukunka sii qabanaya haduu geeriyooda, haddana waxa marmar dhici jirtay marmar in

hoggaamiyuhu ama ‘mawtul qafla’ ku dhinto ama wiilashuu ka tegey isaga tanaasuli waayaan

xukunka. Meelaha qaarkood, waxaa ka jiray gudi guurto ah oo xalisa khilaafaadka noocaas ah.

Tusaale ahaan, Warsame (2003) wuxuu soo guuriyaa sheeko ka dhacday degaanka Dudub oo ka

tirsan dhulka Ciid loo yaqaan. Sheekadaasi waxay ka dhex dhacday laba wiil oo walaalo ah oo la

kala oran jiray Dhiido iyo Waraab. Labadaas wiil, oo adeerkood xukunka ka dhaxlay, si loo kala

saaro, waxaa la marsiiyey tijaabooyin fara badan. Waxyaabaha lagu tartansiiyey waxa ka mid

ahaa: deeqsinimada, goob‐ka‐hadalnimada, geesinimada, burjiga, dulqaadka, iyo qaabdhaqanka.

Markii arrintaas lagu kala saari waayey, ayaa waxa lagu xujeeyey in mid waliba soo qabto biciid

nool oo aan gees iyo addin toona jabnayn. Meesha lagu balamiyey waxay ahayd buurta maanta

loo yaqaan ‘Biciid la saar’. Maalintii balantu ahayd ayaa labadii wiilba keeneen biciid aan gees

iyo lug toona jabnayn. Waxa u danbeeya oo dadka lagu kala saaro wuxuu ahaa wax loo yaqaaney

‘dhagax tuur’. Maalin ayaa dadka la balamin jiray, dadkana waxa laga dalbi jiray in qof kasta

hore u soo qaato hal dhagax. Marka goobta la yimaado, ayaa la calaamadin jiray laba meelood.

Markaas ayaa qof walba la dhihi jiray qofkaad dooranayso ‘dhaga‐u‐tuur’. Ama haddaan luuqada

maanta ku hadalno ‘u codee’. Marka dhagax tuuridu dhamaato, ayaa guddigu fiirin jireen ninka

taaladiisu dheertahay ama haddaan isticmaalno luqadda casrigaan ‘codadka badan helay’.

Sheekadaasi waxay ku afjarantaa in Dhiido cod batay, uu meeshii ceel ka qoday, ilaa maantana

‘taalooyinkiina’ meeshii ka taagan yihiin, ceelkiina isagoon biyo lahayn oo guray meeshii ka

qodan yahay. Taalooyinka kale ee caanka ka ah Soomaaliya ayna u badan tahay in laba

hoggaamiye lagu kala saaray (doortay) waxa ka mid ah: Uuri iyo Shadeemi oo Qardho waqooyi

ka xigta; Shiraar iyo Mooqaal oo Ayl waqooyi ka xigta; Muqle iyo Gaaftire oo Garoowe bari ka

xiga; Kacaye iyo Gabayre oo Taleex bari ka xiga.

Hoggaamiyayaashii Soomaalida: sebenkii Islaamka

Haddaan hoggaamiyayaashii Soomaaliya soo maray Islaamka hortiis ku tilmaamnay: geesiyaal,

waxgarad, dagaalyahano, diblomaasiyiin, deeqsiyaal, akhyaar, goob‐ka‐hadal, niman eebe siiyay

xikmad iyo garaad, sidee bay noqdeen markii Islaamku soo ifbaxay. Rasuulka (SCW) waxa laga

wariyey xadiis micnihiisu yahay ‘qofkii idiinku akhyaarsanaa xilligii jaahiliyadda (Islaamka

horyiis), ayaa idiinku akhyaarsanaanaya markuu Islaamo, haddii la waafajiyo’. Mahad Eebe,

markii Islaamku soo gaaray dhulka Soomaalida, dhamaan hoggaamiyayaashii Soomaalidu,

waxay qaateen diinta Islaamka. Sida dad badan oo taariikh‐yahana ihi suggeena, Islaamku

wuxuu soo gaaray Soomaaliya intuusan gaarin Madiina. Hoggaamiyayaashii Soomaalida ee

lahaa sifooyinkaas aadka u wannaagsan, Islaamku wuxuu u kordhiyey ciso iyo sharaf.

Qoraalada taabagalka ah ee tilmaamaya taariikhda baaxadda weyn ee

hoggaamiyayaashii Soomaalida markii Islaamku soo baxay waa tiro badan yihiin. Qoraalada ugu

badana waxaa sameeyey badmareeno Muslimiin ah oo maray xeebaha Soomaaliya.

Badmareenadaas waxaa ka mid ah: Al‐Mascuudi (957), Al‐Bakri (1065), Al‐Idiriisi (1154),

Yaaquut al‐Xamawi (1228), iyo Ibn‐Baduuda (1331). Badmareenadaasi, dhamaan waxay isku

3

aaceen in magaalooyinkii ku yaala xeebaha Soomaalidu ahaayeen magaalooyin bilicsan (si

fiican loo dhisay), nabageliyo buuxda ka jirto, ganacsi xoog badanina ka socdo. Tusaale ahaan,

Ibn‐Baduuda oo ka waramaya heerka uu gaarsiisanaa maamulka magaalooyinkaas wuxuu

buuggiisa ku qoray: ‘doonyuhu markay yimaadaan marsada, waxa u imaan jiray askar

naakhuudaha waydiisa meesha doonta laga leeyahay, meesha doontu ka timid, waxa doontu

sido iyo meesha ay u socoto’.

Dadka maray xeebaha Soomaaliya oo aad ula dhacay maamul wannaaga magaalooyinkii

ku teedsanaa xeebaha Soomaaliya waxa ka mid ahaa Yaxye Bin Cumar al‐Cansi oo ahaa wasiir

ka socday dawladii Jacfar Cabdalla Al‐Mansuur (136‐158 H). Yaxye wuxuu maray dhamaan

xeebaha Soomaaliya oo dhan. Wuxuu safarkiisa ka soo bilaabay Badda Cas (Caqaba ilaa Baabul‐

mandab), ka dibna wuxuu uga gudbay Badwaynta Hindiya (Xaafuun ilaa Mombasa). Wasiirkaasi

wuxuu sheegay in magaalooyinkuu tegey ay k a muuqatay deganaansho, amni, ganacsi baaxad

leh, iyo ku dhaqan Diinta Islaamka.

Dadka hoggaamiyayaasha ah ee aad looga yiqiin dhulka Soomaaliya xilligii diinta

Islaamku ku fidaysay dhulka Soomaaliya waxa ka mid ahaa Suldaan Waleenba oo xukumay

Caluula. Waxa la weriyaa in markii Suldaankaasi

muslimay dhamaan dadkii oo dhami qaateen

diinta islaamka.

Maggaalo kasta oo diinta Islaamku gaartay waxa u siyaadisay sharaf iyo ciso.

Magaalooyinkii markii hore caanka ku ahaa ganacsiga ayaa isu bedelay xarumo cilmo iyo aqoon.

Xarumahaasi waxay soo jiiteen culimo magac ku lahaa dunnida Islaamka. Tusaale ahaan,

buugga Al‐Islaam fil Sharqi Ifriiqiya, ee uu qoray Cabdiraxmaan Saki, wuxuu soo guuriyey in ay

dunnida Islaamka oo dhan ka jireen 12 magaalo oo caan ku ah barashada tacliinta Islaamka,

todoba ka mid ihina ku yaaleen Badda Cas. Sida rag badani qiyaasaan, ugu yaraan sadex ka mid

ah magaalooyinkaasi waxay ku yaaleen dhulka Soomaalida. Imaaradaha caanka ah ee

Soomaalidu ka talinaysay waxay dhamaayeen todoba. Waxa ugu baaxad weynaa, uguna

qadiimsanaa, Imaaraddii Ifad oo xarunteedu ahayd Jebertiya. Imaaradaha kale waxaa ka mid

ahaa: Dawaaro, Arabiti, Hadiya, Sharkha, Baali, iyo Daarat. Imaaradahaas qaarkood waxay

xukumeen dhul ku fadhiga 300,000 km2. Hoggaamiyayaashii imaaradahaas xukumay oo

dhamaantood Soomaali ahaayeen, waxa ugu waqti dheeraa Suldanadii la baxday ‘Saldanatu

Cadal’. Saldanadaas oo uu bilaabay Suldaan Cumar Walasmac Danyeexaar, Suldaankii Ifad, sida

uu qoray Ibnu Fadlilaah (1345), saldanadaasi waxay soo bilaabmatay sanadku markuu ahaa 680

H (oo ku aadan 1250 M). Saldanadaasi waxay soo af‐jarantay markii Suldaan Amiir Maxamed

Cali Cabdishakuur lagu dilay magaalada Harar 19 Oktoobar 1875tii.

Hoggaamiyayaashii ka soo dhexbaxay Soomaaliya casrigii Jihaadka waxa ka mid ahaa

Imaam Axmed Ibraahim Al‐Qaasi (Axmed Gurey). Kutubta xustay Imaamku aad bay u fara

badan yihiin waxaana ka mid ah: Tuxfatu Samaan; Shahaabudiin Axmed bin‐Cabdulqaadir,

kitaabkiisa Carab Fiqhi; iyo Shahaabudiin Arsalaani, kitaabkiisa Xaadirul Caalimul Islaam; iyo

kutub kale oo fara badan. Qorayaashaasi dhamaan waxay Axmed Gurey ku tilmaaman

hoggaamiye geesi ah, garaad badan, dagaal yahan ah, Eebena ku manaystay xikmad iyo cilmi.

Axmed Guray, Eebe ha u naxariistee, wuxuu ku dhashay magaalada Harar sanadkii 1492

miilaadiga, wuxuu wax ku bartay Harar iyo Saylac, oo markaas ahaa xarumaha cilmiga kuwii

ugu waaweynaa caalamka. Mac‐rakaada ugu taariikhda dheer guud ahaan taariikhda

Soomaalida, gaar ahaan kuwii casrigii Axmed Guray waxaa ka mid ah macrakadii Sunburkuuri.

Macrakadaas waxa ciidanka Xabashidu ahaa 200,000 (laba boqol oo kun) waxayna wateen 16

kun oo faras. Macrakadaas, waxa Amxaarada lagaga dilay 10,000 oo nin iyo 114 badriiq.

Hoggaamiyayaasha kale oo macrakadaas ka qayb galay kutubta taariikhduna xusto waxa ka mid

ahaa: Suldaan Maxamed Suldaan Cali, Shiikh Anis Sheekh Shakiib Cabdiwahaab, Amiir Xusseen

Jartari, Amiir Saxarabawi Maxamed, Farshaxan Suldaan, Shiikh Daawuud, Garaad Cusmaan Bin

Jawhar.Markuu geeriyooday Amiir Axmed Guray, waxaa calankii jihaadka qaaday Amiir Nuur

Mujaahid.

Sida laga dhadhansanayo taariikhdaas malabka ah, hoggaamiyayaashu waxay ahaayeen

niman ku xeel dheeraaday aqoonta diinta Islaamka iyo tan dagaalka labadaba. Waxay ahaayeen

niman garaadkoodu aad u sareeyo, abbaabulka ciidamada iyo maaraynta shacabka lanadaba ku

fiican. Waxay ahaayeen rag hiraal iyo han sare eebe ku manaystay.

4

Waxaa iyana xusid mudan, in maaddaama Soomaalidu qayb ka ahayd khilaafooyinkii

Islaamka, ay jireen hoggaamiyayaal Soomaaliyeed jagooyin muhiim ah ka soo qabtay xarrumihii

khilaafooyinkaas. Tusaale ahaan, waxa la hayaa raadad muujinaya in hoggaankii sare ee

ciidankii furtay Andulus rag Soomaali ahi ka mid ahaayeen. Raadka ugu weyn ee aan dul

istaagay intaan baarayey hoggaamiyayaashii hore ee Soomaalida waa qabriga Sayid Saciid Al‐

Xabashi oo haystay ciidamadii Islaamka ee gobolka Gujarat, Hindiya. Sayid Saciid oo ahaa

abaanduulihii ciidamada Islaamka ee gobolkaas wuxuu ahaa khabiir caan ku ah culuunta

dagaalka, wuxuu sidoo kale ahaa aqoon yahan. Raadka ugu weyn ee muujinaya arrintaas waa

maktabada weyn ee Sayid Saciid ka dhisay geyigaas bilowgii qarnigii 8aad.

Hoggaamiyayaashii Soomaaliya: sebenkii gumaysiga

Haddaan u soo gudubno sabankii gumaysiga. Sebenkaasi waa seben tiiraanyo badan, waayo,

Soomaaliya waxaa isu kaashaday quwadihii adduunka ugu waaweynaa. Sida gumaystaha iyo

gumeyste kalkaalku fidiyaan, Soomaaliya ma ahayn meel sahal lagu qabsaday ama meel

gumaysiga caleemo qoyan lagaga soo dhoweeyey. Dagaalka gumaystuhu ku qabsaday

Soomaaliya wuxuu socday mudo ku siman 400 oo sano. Mudadaas oo ku soo beegantay xilligii

ay sii wiiqmaysay Khilaafadii Islaamku, halyeyo iyo hoggaamiyayaal Soomaaliyeed ayaa bad iyo

berriba ku hortaagnaa gumaysiga gayiga Soomaaliya.

Sidaan hore ku soo xusnay, damaca gumaysiga reer Yurub ee dhulka Soomaaliya, ma aha

mid dhowaan bilaabmay. Waxaan sare ku soo xusnay in Soomaalidu la dagaalameen dibna isaga

riixeen Giriigii. Waxaa sidoo kale la hayaa raadad muujinaya in ay la dagaalameen dibna isaga

riixeen Roomaankii. Xilligaas, Saldanadihii Soomaalidu waxay ku yaaleen meelo istaraatiiji ah,

waxay sidoo kale lahaayeen doonyo dagaal iyo ciidan bad oo xoog badan. Boqortooyooyinkii

reer Yurub, iyagoo dhinacna ka aargoosanaya khasaarooyinkii Soomaalidu u gaysteen

awoowayaashood, dhinacna garab siinaya boqortooyadii Amxaarada ee Kirishtaanka ahayd

ayaa Soomaaliya laga soo weeraray jiho kasta. Dhinaca dhulka, waxaa boqortooyooyinkii reer

Yurub siiyeen garab isugu jira hub, khubaro, iyo saad Boqortooyadii daba dhilifka ahayd ee

Xabashida. Xabashidu iyagoo ka faa’iidaysanayaa garab istaagaas ayay Soomaalida ka soo

riixeen dhanka dhulka. Dagaalkaas oo ka soo bilaabmay meelo ka koreeya buuralayda

magaalada Adis, wuxuu aakhirkii soo gaaray qalbigii xaddaarada Islaamka iyo Soomaalida,

Harar.

Dhinaca badda, Vasko Da Gama, badmareenkii Bortiqiiska ahaa, ayaa la aaminsan yahay

in uu sahan u ahaa gumaysiga reer Yurub. Vasko Da Gama wuxuu isku dayey in uu qabsado

Magaalada Muqdisho sandkii 1499, laakiin markii ay u suurtoobi wayday ayuu madaafiic ku

garaacay. Xilligaas, Vasko wuxuu muqdisho ku tilmaamay magaalo aad u camiran, qurux badan

oo saro dhaadheer oo ilaa afar dabaq ah iyo manaarado dhaadheer ka taagnaayeen. Duwarto

Borbosa, oo isna ahaa badmareen Boortaqiis ah, ayaa markii danbe Muqdisho ku soo galay si

nabad ah isagoo isku ekaysiiyey ganacsade, sanadkii 1500. Ninkaasi markuu ka waramayey

Muqdisho, wuxuu sheegay in xilligaas Muqdisho uu xukumay boqor la oran jirey Boqor‐Re.

Wuxuu cadeeyey in dadkaasi ku hadlayeen luqad gaar u ah, laakiin wax lagu qori jiray luqada

carabiga. Markuu ka hadlayey dhanka dagaalka, wuxuu sheegay in Soomaalidu yihiin geesiyaal

aan baqdin aqoon oo dagaal yahan ah. Waxay ku qalabaysan yihiin ayuu yiri falaaro sumaysan

oo qofkay ku dhacdo naftu k aga baxayso daqiiqado. Wuxuu sidoo kale ninkaasi aad u ammaanay

abaanduulayaasha ciidamada oo uu ku tilmaamay niman ku xeel dheeraaday tabaha dagaalka.

Afanso D’Albuque oo ahaa hoggaamiyihii ciidanka Badda ee Bortiqiiska ayaa la

rumaysan yahay in uu ahaa ninkii u horeeyey ee cagaha soo dhiga dhul Soomaali. Ninkaas iyo

ciidankiisu waxay qabsadeen jasiirada Suqadara qiyaastii 1507. Markay arkeen in aysan

magaalada sii haysan karin, ayaa nimankaasi fal fool xun oo boob iyo bur‐burin isugu jirta u

geysteen magaaladaas, ka dibna waa ka carareen. Dagaaladii isdaba joogay ee lagu hayey

ciidankii badda ee Soomaalida ayaa wiiqay awoodii difaac ee ciidankaas. Taasina waxay keentay

in Afanso uu duqeeyo, dhamaan magaalooyinkii ku teedsanaa Badweynta Hindiya iyo Badda Cas

ama inta u dhexaysa Baraawe ilaa Saylac.

5

Duulaankii gumaysigu qayb ahaan, dhanka dhulka, waa ku guulaysteen, waxay

dumiyeen xarumihii cilmige ee Harar, masaajidadii waxay u bedeleen kaniisado, culimadii iyo

hoggaamiyayaashiina waxna waa laayeen, waxna firxad ayaa midba meel ka dhacay. Tusaale

ahaan, waxa kutub badani w erisaa in hal maalin magaalada Harar Saliibiyiintu ku gawraceen

culimo sare u dhaafaysa 100 sheekh oo midwalba hayey xer fara badan.

Dhinaca badda, in kastoo ciidanka Bortiqiisku u geystey burburin iyo baro kicin

dhamaan magaalooyinkii waaweynaa ee xeebaha Soomaaliya, hoos u dhac weynina ku yimid

magacii iyo martabadii ay lahaayeen, haddana, magaalooyinkaas qaarkood mar kale ayay dib u

soo noolaadeen. Tusaale ahaan, Carlo Guliyaano oo 1846‐1848 lugta mariyey qaar ka mid ah

magaalooyinka waaweyn ee ku yaala xeebaha Soomaaliya sida Xaafuun, Muqdisho, Marka iyo

Baraawe, wuxuu sheegay in magaalooyinkaas ay wali ka jireen xukun. Sidoo kale, Sir Richard

Burton oo ahaa jaajuus Ingiriisi ah wuxuu cagta mariyey magaalooyinka Seylac ilaa Harar

sanadkii 1854. Buuggiisa ‘First foot step of East Africa’ wuxuu ku andacooday in uu ahaa ninkii u

horeeyey ee Reer Yurub ah oo cagaha dhiga dhulka Soomaaliya ee aan xeebaha ahayn. Mar

ninkaasi ka waramayey heerka aqoonta caafimaadka ee Soomaalidu gaarsiisnaa, wuxuu sheegay

in Soomaalidu taqaaney in cudurka Duumada, kaneecadu keento. Haddaanan khaldanayn

tobaneeyo sano ka bacdi ayaa reer Yurub ogaadeen arrintaas. Dhinaca xikmada markuu ka

hadlayey wuxuu yiri 10‐kii qof ee Soomaali ah shan baa gabayda. Dhinaca ciidanka markuu ka

hadlayey ragga Soomaalida dhamaan wuxuu ku tilmaamay dagaal yahan, farda fuuln nooc kasta

oo hub yahay ku dagaalami yaqaan. Georgo Rafaelo oo faransiis ahaa ayaa isna ku jiray raggii

gumaystaha u sahamiyey dhulka Soomaaliya. Ninkaas oo maray meelo badan oo bad iyo berri

isugu jira wuxuu Soomaaliya ku tilmaamay, dhanka xadaarada iyo dhismayaasha taariikhiga ah,

Masartii labaad.

Markii ciidankii reer Yurub ka quusteen in ay galaan dhulka Soomaaliya ayaa Ingiriisku

wuxuu ciidan ka abaabulay waddanka Masar. Ciidankaas waxa hoggaaminayey Maxamed Rawf

Baashaa. Ciidankaasi markay tageen Harar, waa la soo dhoweeyey, waxayna u sheegeen

suldaankii xukumay Harar in ay u yimaadeen in ay xoojiyaan jihaadka lagula jiro Amxaarada.

Nasiib daro, waxay ahaayeen rag calooshood u shaqaystayaal ah, oo hoosaasinayey hoggaankii

Soomaalida. Ciidankii Masaaridu waxay magaalada Harar ku dileen Suldaan Amiir Maxamed

binu Cabdi Shakuur 11 Oktober 1875‐tii. Sadex sano

guduhoodna waxay Masaaridu ku

wareejisay Ingiriiska dhamaan magaalooyinkii Soomaalida.

Dhinaca Muqdisho, waxay waligeed ahayd magaalo ay xukumaan hoggaamiyayaal

Soomaali ah. Markii u horaysay oo magaaladaas ay gacanta u gasho hoggaamiye aan Soomaali

ahayn waxay ahayd 1807, xilligaas oo Saciid Barqash, Suldaankii Sansibaar, oo kaashanaya

ciidamo Ingiriis ahi ay soo galeen lana dagaalameen ilaa ay markii danbe ka itaal roonaadeen

Imaam Cumar Hilwole. Akhristow, ku baraarug, in Muqdisho waligeed ahayd magaalo Soomaali.

Qoraalada ku dooda in ay ahayd magaalo carbeedna ay tahay taariikh aan waxba ka jirin.

Saldanadii Siciid Barqash waxay Muqdisho ka talinaysay 90 sano oo kaliya, muddaddaasna

waxay bara kicin iyo bur‐burin. Waxa la weriyaa in ay dhamaan dadkii Soomaalida ahaa ee

kumanaanka sano deganaa magaaladaas ka baro kiciyeen, guryihiina ka eryeen. Markii danbena

waxayba ka gateen Talyaaniga.

Dhinaca Xeebta Jabuuti, Faransiisku isagoo welwel ka qaba fariisinka Ingiriisku ka

samaystay Cadan, ayuu sahamo aan kala go’ lahayn u soo diray magaalooyinka Saylac, Jabuuti

iyo Musawac. Xilliga sahamadaas Faransiisku ku doonayey in ay degaan ku yeeshaan xeebaha

Badda Cas ee Soomaaliya bilaabmatay waxa lagu qiyaasaa 1826‐dii. Raggii la soo diray waxa ka

mid ahaa Kambi iyo Roceyo Diricar. 1858‐dii ayaa Faransiisku dardar geliyey danayntii uu

danaynayey in uu fariisin ku yeesho dhulka Soomaalida. Faransiisku xilligaas wuxuu soo diray

wafdi ballaaran oo soo maray magaalooyinka Saylac, Berbera iyo Tojorra. Faransiisku wuxuu

heshiis l a galay cuqaashi i Denkeliga. Heshiiskaas wuxuu qorayey i n Faransiisku ilaaliyo Obokh

ilaa Musawac. Haddaan wax yar dib ugu noqono duulaankii Xabashidu ku soo qaaday

magaalada Harar. Laba weji ayuu lahaa. Wajigii hire waxaa qabsaday ciidamo calooshood u

shaqaystayaal ah oo Masaari ah. Ciidankaasi waxay dileen Suldaankii, waxay kala eryeen

ciidamadii, waxayna sir fara badan oo la xiriirta qaabka dagaalka Soomaalida u gudbiyeen

6

Ingiriiska. Wajigii labaad, waxa uu isugu jiray Ingiriiska oo sir fara badan u gudbiyey Amxaarada

iyo ta’kulayn ciidan oo quwadihii kale ee Kirishtaanku soo gaarsiiyeen Xabashida. Ugu horayn,

ciidanka Xabashida waxa lagu qalabeeyey qalab military kii waqtigaas ugu casrisanaa adduunka.

Tusaale ahaan, Warsame (2003) buuggiisa’Taxanaha Taariikhda Soomaalida’ mar uu ka

sheekaynayo sida loo hubeeyey ciidankii Amxaarada wuxuu soo guuriyaa in 1885‐1887

ciidanka Amxaarada loogu deeqay madaafiic, qoryo, seefo iyo rasaas aad u fara badan. Tusaale

ahaan, Faransiisku wuxuu siiyey 24 madfac, 5800 oo qori iyo rasaastoodii;Talyaanigu wuxuu

isla sanadkaas ugu deeqay Boqor Mililik 5000 oo qori iyo saanad sare u dhaafaysa hal malyuun.

Weerarkii Xabashidu ku soo qaaday Harar wuxuu ku soo beegmay xilli Masaaridu

khiyaamo dhabar jab ah ku samaysay Soomaalida. Maxamed Sabri wuxuu qoray ‘in Xabashidu

aysan waligeed qabsan karteen Harar, haddaan Masaarida loo adeegsan’. Si kastaba ha ahaatee,

markii ciidankii calooshiis u shaqaystaha ee Masaaridu ka baxeen Harar, dib ayaa ciidamadii

Soomaalidu isu abaabuleen, waxayna jihaad aan mid la mid ah taariikhdu qorin la galeen

ciidankii cadowga. Ciidankii Amxaaradu markay qabsadeen Harar waxay ka geysteen xasuuq

aan mid la mid ihi taariikhda Afrika ka dhicin. Taariikhyahanada qaarkood waxay qiyaasaan in

xasuuqi i Baytul Maqdis Saliibiyiintu ka sameeyeen kaliya ka fool xumaa. Waxa taariikh‐yahano

badani qiyaasaan in Harar lagu gawracay dad sare u dhaafaya 20,000 oo qof.

In kastoo buuggaagta qaarkood qoraan in heshiis dhex maray qaar ka mid ah

hoggaamiyayaashii Soomaalida iyo gumaystaha, haddana, waxa la xaqiijiyey in heshiisyada

xoogoodu been abuur yihiin. Heshiisyada laga been sheego waxa ka mid ah, heshiiska la

yiraahdo wuxuu dhex maray Talyaaniga iyo Suldaankii Hobyood; kan dhex maray Talyaaniga

iyo Cuqaashii Siwaaqroon ee Xaafuun; kan dhexmaray Talyaaniga iyo Boqor Maxamuud Boqor

Yuusuf, Suldaankii Majeerteen; kan dhexmaray Talyaaniga iyo Suldaankii Muqdisho; Talyaaniga

iyo Suldaanadii Geledi iyo Wacdaan; Talyaaniga iyo Cuqaasha Tuni; Talyaaniga iyo Suldaankii

Abgaal; Talyaaniga iyo Odayaashii Lafoole; Talyaaniga iyo Xaaji Cali Ciise; Talyaaniga iyo

odayaashii Shiidke, Mubaarak iyo Jawhar. Taariikhda runta ahi waxa weeye in

hoggaamiyayaashaas dhamaantood ka soo horjeesteen gumaysiga dagaal aan kala go’ lahayna la

galeen, qaarkood ku shahiideen macrakooyinkaas, qaarna xabsiyadii gumaysiga. Ragga kale oo

lagu been abuurto waxa ka mid ah Sheekh Ibraahim, Suldaankii Saylac; iyo Axmad Magan oo

metelayey odayaashii NFD.

Markii gumaysigu qabsaday geyiga Soomaaliya, halgamayaa fara badan ayaa ka soo

ifbaxay. Waxaa halgamayaashaas calanka ugu dheer taagtay, halgankii Daraawiishta oo uu

hoggaaminayey Sayid Maxamed Cabdulle Xassan. Mac‐rakooyinkii ugu waaweynaa ee

Daraawiishtu la galeen gumaysiga Ingiriiska waxa ka mid ahaa: Afba kayle, Caana Xarigle,

Fardhidin, Eeragooye, Cagaarweyne, Gunburo, Daratoole, Berdaale, Jidaale, Jiidali, Dulmadoobe.

Halganka Daraawiishtu kuma ekayn degaanada Waqooyi Barri oo kaliya ee

Daraawiishtu waxay sidoo kale saldhig weyn ku lahaayeen magaalada Beledweyn. Daraawiishtu

qalcado caan ah oo la kala oran jiray Lamagalay iyo Irda Aamin ayay ku lahaayeen magaaladaas,

abaanduulahoodana wuxuu ahaa halyey caanka ah oo la oran jiray ‘Cagadhiig’. Kacdoonadii ka

dhacay degaankaas waxa ka mid ahaa kii uu hoggaaminayey ‘Indhaceel’ ee ka dhacay Gaala

Karoor oo wax yar u jirta Buula Barde.

Halgankii Daraawiishtu wuxuu soo afjarmay ka dib markii ciidankii Ingiriisku cir iyo

dhul ka weerareen xaruntii waynayd ee Daraawiishta, Taleex. Dagaalkaas oo socday mudo bil ku

dhow waxaa ka qaybgalay diyaarado fara badan, gawaari gaashaaman, madaafiic nooc kasta leh,

iyo ciidanka lugta oo tiradoodu sare u dhaafayso 10,000 oo askari. Soomaalidu waxay tiraahdaa,

‘libin waxaa ugu fiican mida cadawgaagu kuu qiro’, halgankii Sayidku wuxuu noqday halgankii u

horeeyey ee gumayste cir, bad iyo berri intaba ka weeraro.

Sayidku, wuxuu Soomaalida uga tegey dardaaran mudan in biyo dahab ah lagu qoro,

dardaaran mudan in qof kasta oo Soomaaliya xifdiyo, dardaaran mudan in caways kasta lagu af‐

bilowdo. Waxaa tuducyada gabaygaas ka mid ahaa:

Dadow maqal dabuubtaan ku oran ama dan ha u yeelin

Ama dhaha darooryiba jiryow doxorku yeelkiise

Nin ragey dardaaran u tahee doqon ha moogaado

7

Dawo lagama helo gaal haddaad daawa dhigataane

Waa idin dagaayaa kufriga aad u dabacdeene

Dirhamkuu idiin qubahayaad dib u go’aysaane

Marka hore dabkuu idinka dhigi dumar sidiisiiye

Marka xiga daabaqadda yuu idin dareensiine

Marka xiga dalkuu idinku oran duunya dhaafsada e

Marka xiga dushuu idinka raran sida dameeraha e

Mar

hadaan dushii Adariiyo Iimey dacal dhaafay

Maxaad igaga digataan beruu siin la soo degine

Dhinaca Saldanadii Majeereeniya iyo Saldanadii Hobyo, Talyaanigu wuxuu weerar bad

iyo berri ah ku qaaday sanadkii 1917‐dii. Markii u horaysay waxaa badda ka duqeeyey

maraakiibtii dagaalka ee Talyaaniga. Waxay si naxarsii daro ah u duqeeyeen magaalooyin

dhisnaa amin ku siman 3000 oo sano; magaalooyinkii awoowayaashood (Roomaankii) si kasta

intay isugu dayeen geli kari waayeen. Ciidamadii Talyaanigu ku qabtay labadaas saladano

xoogoodu waxay ahaayeen Talyaani, Carab iyo Eretriyaan. Waxaa kale oo jiray ciidamo

calooshood u shaqaystayaal ah oo Soomaali ah oo Talyaanigu u bixiyey ‘Duubcad’, ‘Baando’ iyo

‘Gogle’. Saldanadii Hobyo waxa Talyaanigu gacanta ku dhigay 1925‐tii, Saldanadii

Majeerteenyana 1927‐dii. Waxa taariikhyahano fara badani isku raacsan yihiin in dagaalkii

Talyaanigu ku qaaday Saldanada Majeerteenya ahaa dagaalkii ugu cuslaa ee dhexmara gumaysi

iyo gumaysi diid. Dagaalkaasi wuxuu socday mudo 6 bilood ah.

Dhinaca Banaadir iyo Shabeelada Hoose waxa ka soo baxay halyeeyo qaadan waayay

gumaysigii Talyaaniga. Kacdoonka Banaadir waxa hoggaaminayey Shiikh Xassan Barre, oo ka

mid ahaa culimadii diinta. Dhinaca Shabeelada Hoosena waxa hoggaaminayey Shiikh Maxamuud

Muumin, Maxamed Cumar, Maxamed Muuse Maxamed, Cali Maxamed Cumar Barrow iyo rag

kale. Mac‐rakooyinka taariikhdu aysan hilmaami karin waxa ka mid ahaa macrakadii Keli Asayle

iyo macrakadii asbuuca ka socotay degaanka Afgooye. Waxaa la weriyaa in macrakada asbuuca

ay Soomaalida kaga shahiideen rag sare u dhaafaya 1000 nin. Akhristow, haddaad rabto in aad

qiimayso quwadda mujaahidiintaasi kala hortageen Talyaaniga, bal sawiro: Talyaaniga waxa

lagu wareejiyey dhulka

Soomaaliya 1888‐dii, laakiin wuxuu qabsaday Magaalada Jawhar 1912‐

kii. Degaankii Saldanadii Hobyo 1925‐tii, degaankii Saldanadii Majeerteeniyana 1927‐dii.

Dhinaca NFD waxa kacdoonka hoggaaminayey Sheekh Cabdullaahi Mursal. Sheekh

Cabdullaahi iyo mujaahidiintii la socday waxay Ingiriiska jiif iyo joog u diideen mudo 10 sano

ah, ilaa markii danbe, gobolka NFD loo kala jarjaray magaalo magaalo, la saaray cunaqabatayn,

ayna isu gudbi waayeen. Waxaa sidoo kale kacdoonkaas loo adeegsaday hubka noocyadiisa kala

duwan. Taariikhyano dhowr ah ayaa qora in meelaha qaarkood sun lagu biifiyey (biological and

chemical war).

Markii ay soo afjarmeen Saldanadii Daraawiishta, Saldanadii Majeereenya iyo Saldanadii

Hobyo, waxa jihaadku intii muddo ah ka sii socday degaanadii Saldanadii Ximan iyo Ceelcad.

Warsame (2003) iyo rag kale ayaa qora in gaashaanbuuraysi dhex maray ciidamo ka soo kala

jeeda sadexdaas saldano. Dhinaca daraawiishta waxa watay Abshir Dhoore, dhinaca

Majeerteenya waxa watay Xirsi Boqor, dhinaca Hobyona waxa watay Cumar Samatar.

Markii gumaystuhu is yiri ‘alaylehe haddaad ka faraxalatay’ kacdoonkii Soomaalida,

ayaa waxa bilaabmay kacdoon dardartiisii qaba oo ay horkacayeen hoggaamiyayaal taariikhda

baalal dahab ah ka galay. Dhinaca Xeebta Jabuuti, dhaq‐dhaqaaqa gobonimo doonka waxaa

horkacayey Cali Bahdoo, Xaaji Saciid, Maxamuud Xarbi iyo rag kale oo fara badan. Dhinaca

Somali‐Land, halyeyadii ka soo baxay waxaa ka mid ahaa Xaaji Faarax Oomaar iyo Sheekh Basiir.

Dhinaca Koonfurta waxaa ka aasaasmay kacdoon ay horkacayeen hoggaamiyayaal dhalinyaro

ah oo ku bahoobay naadigii SYL. Dhalinyaradaas waxaa ka mid ahaa: C/Qaadir Sakhaawadiin,

Yaasiin Xaaji Cali Sharmarke, Xaaji Maxamed Xuseen Xaamud, Maxamed Cali Nuur, Cali Xasan

Maxamed, Dheere Xaaji Dheere, Maxamed Muuse Nuur, Daahir Xaaji Cismaan, Maxamed C/Laahi

Faarax, Khaliif Hodow Macalin, Maxamed Faarax Hilowle, Cismaan Geedi Raage, Maxamed

Cismaan Baarbe. Ragge kale oo xubnaha firfircoon ka noqday naadigii SYL magaca iyo

8

maamuuska weyna ku leh bulshada Soomaalida dhexdeeda waxa ka mid ah: C/Rashiid Cali

Sharma’arke iyo C/Laahi Ciise.

Hoggaamiyayaasha soo maray Soomaalidu kuma ekayn dhinaca dagaalka iyo siyaasadda

oo kaliya, ee waxaa jiray rag wacdaro ka muujiyey dhinaca saxaafada iyo diblomaasiyada.

Tusaale ahaan, waxa taariikh‐yahano badani aaminsan yihiin in, warqadii C/Qaadir Shiikh Aw‐

Aadan ku soo qoray wargeysa New Times, ee ka soo bixi jiray carriga Ingiriisku, wax weyn ka

bedeshay qaabkii Ingiriisku ula tacaamuli jiray Soomaalida. Ragga dhanka suugaanta halyeyada

ku ahaa waxaa ka mid ahaa: Xaaji Aadan Af‐Qalooc iyo Cismaan Yuusuf Cali Keenadiid.

Hoggaamiyayaashii u kacay Soomaaliya markay xorriyadda qaadatay waxa ka mid ahaa:

Aadan Cabdulle Cismaa oo noqday Madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliya iyo Cabdirashiid

Cali Sharmaarke oo noqday Raysul wasaarihii ugu horeeyey. Hoggaamiyayaashaasi ceeb kasta

oo ay lahaayeen, waxay u dhowaayeen sebenkii hoggaamiyayaasha suuban. Hoggaamiyihii ka

danbeeyey, Maxamed Siyaad Barre, laftigiisu, inkastoo uu ceebo aan la dabooli karin lahaa,

haddana wuxuu ahaa halyey, sebenkiisii dhulka Soomaalida la soo hunguriyeyn waayey.

Soomaaliya waa waddanka kaliya ee ay la dagaalameen dhamaan quwadahii adduunka

ugu waaweynaa Islaamka hortii (Giriigii, Roomaankii iyo Faaris) iyo xilligii daggaalkii

Saliibiyada (Talyaani, Faransiis, Ingiriisi, Jarmal, iyo dabadhilifyo ay adeegsatay sida Masar).

Waa waddanka kaliya ee loo addeegsaday hub nooc kasta oo uu yahay; waa waddanka kaliya ee

loo qaybiyey lix ( mark a lagudaro Suqadara). Sidaas oo ay tahayna, waa waddanka kaliya ee

gumaysi habeen ku ledi waayey.

Marka la isu geeyo sawirada ku xardhan looxaadka hirograafiyada ee laga helay

Ahraamta Masar, muuqaalada quruxda badan ee badmareenadu ka bixiyeen xeebaha

Soomaaliya, iyo hoggaamiyayaashii ka soo ifbaxay dhulka Soomaalida sebenkii gumaystaha,

waxaan muran ka jirin in Soomaalidu tahay ummad taariikh dheer leh, ummad ay ka soo

dhexbaxeen hoggaamiyayaal aqoon iyo waaya’aragnimo fiican leh. Hoggaamiyayaal ku fiican

dad la dhaqanka iyo martisoorka. Hoggaamiyayaal bedeley taariikhda Geeska Afrika.

Wixii dhamaystir ah kala soco buugga ‘hoggaaminta’ oo dhawaan

la daabici doono.

Wixii

talo, tusaale iyo niqaash ah waan soo dhowaynayaa.

Saciid

Cali Shire

Leicester, UK

e . saidshire@hotmail.com

t.

44 (0) 783 8236 171

9

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!