16.06.2015 Views

Sii akhri iyada oo ah PDF.

Sii akhri iyada oo ah PDF.

Sii akhri iyada oo ah PDF.

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

Waa xogfaafiye saddex biloodle ah oo ka soo baxa magaalada Örebro.

Sannadka 3 aad, Cadd. 1 aad

TUSMADA

XOGFAAFIYAHA

Falanqaynta Arrimaha Bulshada, Dhacdooyinka adduunka, Dhaqaalaha, Dhaqanka iyo Suugaanta.

Khamiis 28 Febraayo 2013

Sanadoow soo dhawow 2

Baro af-iswiidhishka 3

Baqshadii gaduudneyd 4

Illeen guurku waa calaf 5

Ambashadii Axmed Eriksson 6

Dalal iyo magaalooyin

magaca laga beddelay 7

Tix: Hiil Aqoonyahan 8

Dabkii uu shiday kacdoonkii

carbeed oo aan weli demin!

9

Sheekadii

Bishaaro iyo Bil khayr

10

Sheekadii

Bishaaro iyo Bil khayr

11

Warbixin ku saabsan

shirkadda HLM-service 12

Dami nalka muddo saacad

ah, si aad uga mid noqoto

boqolaalka milyan ee dad

oo ka qayb qaadanaya

muujinta dhibaatada

cimilada sii xumaanaysa.

Bishaaro iyo

B i l k h a y r :

Waa sheeko uu hal

abuuray qoraaga caanka

ah Yuusuf Xassan.

Eeg bogga 10 aad

CENTER FOR

SOMALI STUDIES

A m b a s h a d i i

Axmed Eriksson:

Waa sheeko gaaban oo

uu qoray qoraaga iyo

joornaaliistaha caanka

ah ee Abukar Albadri.

Eeg bogga 6 aad

Qoraa: Abukar Albadri

ISSN: 2001-0532 TITEL: XOGFAAF TRYCK ÅR: 2013 02 28

Bogga 2 aad

SANADOOW IYO

SOO SAARIDEY

SOO DHAWAADA.

Xogfaaf, 28 Febraayo 2013

MAAMULKA

MAJALLADDA

XOGFAAF

S a n n a d k a w a a 2 0 1 3 .

Caddadkanina waa caddadkii

kowaad ee sannadkii saddexaad

oo u billowday majalladda

xogfaaf.

Waxa ay soo martaba, waa

tan oo shaqada si habsami leh

u socoto. Saatir ayaana ku

mahad leh.

Sannad waliba hood iyo ayaan

bay dadku ka sugayaan,

xogfaafna sidoo kale waxaa

saa’id u ah in ay sugayso

akhristayaasha oo sii kordha.

Sidaa darteed waxaan mar

waliba isku hawlnaa inaan

sare u qaadno tayada iyo

nuxurka soo saaris waliba.

Caddadkan ayaan kusoo

qaadaynaa sheekooyin cusub

oo tixane ah, sidoo kalena

kuwii hore oo sii socon doona.

Waxaa sidoo kale cadadkan ku

jira tix suugaaneed oo lagu

cabbirayo muuhiimadda ay

aqoonta iyo aqoon yahankuba

u leeyihiin hogaaminta iyo

badbaddinta mushtamaca.

Sidii aad caddad waliba inooga

barateen waxaan caddadkan

ka maqneyn boggii ka baro

afka iswiidhishka oo loogu talo

galay in akhtiristayaashayda

ka faa’iideystaan barashada

afka iswiidhishka.

Gebo gebo iyo gunaanud,

majallada ayaa sidii ay

sannadihii horeba ahayd soo

bixi doonta saddexdii biloodba

mar. Waxayna fallanqaysaa,

arrimaha bulshada, dhaqaalaha,

dhacdooyinka dunida,

dhaqanka iyo Suugaanta.

Waxaan akhristayaashayada

kale ka codsanaynaa in ay si

aan hagar ku jirin inoogu soo

gudbiyaan wixii talo/tusaaleyn

iyo sixid ah. Sidoo kalena ay

s o o g u d b i y a a n w i x i i

maqaalaad iyo qormooyin

faa’iido u leh bulshada.

H a d d a y n u n a h a y s o o

saarayaasha majalladda

XOGFAAF waxaan si xushmad

leh uga raali gelinaynaa

akhristayaashayada wixii

il duuf ah.

Marnaba daabici mayno qoraal

aan sugneyn, si wacanna aan

loo tifaftirin.

Ugu dambeyntii uguna

m u h i i m s a n , w a x a a n

sannadkan saddexaad ee ay

majalladda gashay ku soo

dhaweyneynaa farxad iyo

hiigsi horumarineed oo hor

leh.

Cabdifataax Baanacaymuun

Tifaftiraha xogfaaf

HARBI AMIR

ABDILLAHI

Ansvarig utgivare

Mas’uulka guud

ABDIFATAH

BANAIMON

Tifaftire

Redaktör &

Layout

HASSAN OSMAN

Chefredaktör /

Tifaftiraha guud

MOHAMMED

HASSAN TOUKALEH

Rådgivare &

Sponsor ansvarig

XOGFAAF

Center for Somali Studies

Östra Vintergatan 32

703 43 ÖREBRO Sweden

+46 722 501 522

www.xogfaaf.com

xogfaaf@gmail.com

xogfaaf@hotmail.com

Chefredaktör: Hassan Osman ‖ Ansvarig utgivare: Harbi Abdillahi Amir ‖

Redaktör & Layout: Abdifatah Banaeimon Rådgivare & sponsringsansvarig: Mohammed Hassan Toukaleh ‖

Medverkande: Abukar Albadri, Abdalla Mohammad Ali, Yuusuf Xasan

Xogfaaf, 28 Febraayo 2013

LÄR DIG SVENSKA

BARO AF ISWIIDHISHKA

Yrke och utbildning

Xirfad & Waxbarasho

Vad arbetar du med?

Maxaad ka shaqaysaa?

Jag är affärsman.

Waxaan ahay ganacsade.

Var arbetar du?

Xaggeed ka shaqeysaa?

Jag är studerande.

Wax baan bartaa.

Jag är student.

Waxaan ahay arday.

Vad studerar du?

Maxaad barataa?

Bogga 3 aad

Jag studerar statsvetenskap

på Örebro universitet.

Waxaan jaamicadda Örebro ka

bartaa cilmiga siyaasadda.

Jag är egenföretagare.

Waxaan ahay milkiile shirkad.

Vad läser du för utbildningen?

Maxaad barataa?

Vad är ditt yrke?

Xirfaddaadu maxay tahay?

Jag är barnmorska.

Waxaan ahay ummuliso.

Är du ingenjör?

Ma injineer baad tahay?

Ja, jag är byggingenjör.

Haa, waxaan ahay injineer

dhisme.

Vad sysslar du med?

Maxaad qabataa?

Yrke

xirfad, mihnad

Utbildning

Waxbarasho

Yrkesutbildning

Tababar xirfadeed, waxbarasho

xirfadeed

Lärarutbildning

Waxbarashada macallinnimada

Waxaa Qoray:

Abdifatah Banaeimon

Bogga 4 aad

Xogfaaf, 28 Febraayo 2013

Maxaad ka taqaanaa baqshaddii

guduudneyd (Busto Rosso) ee uu

qaybinayay ra’iisul wasaare C/risaaq?

Xukumadihii dalka Soomaaliya soo maray waxaa

ugu caddaalad iyo maamul wanaagsanaa

Xukumaddii uu ra’isul Wasaare ka ahaa Mudane

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, intii u dhaxeysay 1964-

1967. Xilligaas oo ay dhacday qiso la yaab leh,

qisadaas oo loogu magac daray (Busto Rosso).

Waxayna ahayd barnaamij xukuumadda dejisay

kuna wajahnaa hagaajinta maamulka Dowladda.

Ra’isul Wasaare Cabdirsaaq iyo golihiisa wasiirada

waxay go’aansadeen in kormeer lagu sameeyo xiliga

shaqada la soo galayo wasaarad kasta. Wasiirkii

ama agaasimihii laga waayo goobta shaqada, waxaa

miiska loo saari jiray baqshad gaduudan oo ay ku

jirto warqadda shaqo ka saarista mas’uulka laga

waayo goobtiisa shaqo.

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu ra’isul wasaare

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen kormeer ku tagay xafiis uu

agaasime ka ahaa walaalkiis, waana uu ka waayey

xafiiska. Sida nidaamku ahaa wuxuu u dhigay

Baqshaddii gaduudneyd.

Markii agaasimihii shaqada soo galay waxa uu arkay

baqashaddii gaduudneyd ee loo reebay oo

caddeyneysay shaqo ka saaristiisa. Agaasimihiina

wuxuu isaga tagay shaqadii, isaga oo aan u tegin

walaalkiis C/risaaq Xaaji Xuseen, maaddaama uu

ogaa in uusan ka yeeleyn in uu cafiyo.

Agaasimihii la casilay ee la dhashay ra’iisul wasaare

Cabdirisaaq waxa uu ku fikiray sidii uu u fadeexeyn

lahaa C/risaaq, si shaqadiisa loogu celiyo. Wuxuu

kireystay dameer kuwa biyaha Xaafadaha ku

wareejiya ah, wuxuuna tegay gurigii C/risaaq, xili uu

ka maqnaa. Iridda ayuu garaacay, misne waxaa ka

furtay xaaskii ra’iisul wasaaraha oo dumaashidiisa

ah. Markii ay aragtay ayuu isagana ku yiri:

- Dumaashi biyo makuu shubaa?

Marwadii ra’iisul wasaaraha ayaa ka qaracantay

markii ay aragtay dumaashigeed oo dameer biyo ku

wareejinayo, waxayna weydiisay sababta ku kaliftay

in uu biyo xaafadaha ku wareejiyo isagoo agaasime

ahaa. Markiiba wuxuu uga waramay in isagoo

xafiiska ka maqan xilli shaqo uu ra’iisul wasaaraha

kormeer ku yimid, ka dibna miiska loo saaray

baqshaddii gaduudneyd ee shaqo ka fariisinta.

Xaaskii ra’iisul wasaare Cabdirisaaq ayaa markiiba u

sheegtay in uu iska joojiyo shaqada dameerka, ayna

iyada la hadli doonto, si shaqadiisa loogu soo celiyo.

Galabnimadii markii uu ra’iisulwasaare Cabdirizisaaq

gurigiisa yimid, ayuu arkay xaaskiisa oo aad u

caraysan. Markii uu weydiyay waxa ku dhacay ayey

ugu warrantay in ay aragtay walaalkiis oo xaafadda

dameer biyo ugu dhaaminayo.

Wuxuuna weydiiyey waxa ku dhacay, waxay u

sheegtay in ay maanta aragtay walaalkiisa oo

dameer wata oo biyo dhaaminaya, waxay si caro leh

ku tiri “Maxaad wiilka shaqada uga saartay oo noo

ceebeysay?”, C/risaaq ayaa yiri “Xaqiiqo miyaa in uu

dameer biyo ku dhaaminayey, adiga ma aragtay?”,

“Haa sidee baan u arkin, maanta ayuu ilinka soo

istaagay isaga oo dameer biyo ku dhaaminaya,

waad na fadeexeysay”. C/risaaq ayaa yiri “Haddii ay

hubaal tahay inuu dameer biyo ku dhaaminayey,

hadda ayuu dantiisa gartay oo uu nin rag ah oo shaqeysanaya

noqday”, Ra’isul Wasaare C/risaaq waxa

uu ku adkeystay in aan shaqada lagu celineyn balse

uu iskiis u shaqeysto walaalkiis.

Dhacadadaas waxay ku tuseysaa in Soomaaliya ay

soo mareen madax nidaamka dowladnimada ay kala

weyn tahay reer, qabiil, saaxiibo iyo dano gaar ah,

waxaana C/risaaq lagu yaqaanay dhacdooyin

waddaniyad iyo mas’uuliyad laga dheehan karo oo

taariikhda galay, sidaas oo kale rag ka tirsanaa

Xisbigii SYL kuwo badan ayaa ku jiray oo

wadaniyadoodu iyo cadaadladdooda heer sare

ahayd. Maanta raggaas waxaa ka nool in yar oo faro

ku tiris ah, soomaalina waxaa waajib ku ah in ay

bartaan taariikhda hogaamiyaashoodii wadaniga

ahaa ee u soo halgamay xoriyadda iyo maamul

wanaaga dalkaan si ay ugu daydaan oo ay ula

yimaadaan barnaamijyo siyaasadeed oo qarankaan

quusta taagan dib loogu soo nooleyn karo.

Akhristow haddii aad hayso dhacdooyin tusaale

wanaagsan noqon kara oo ay sameeyeen

hogaamiyaashii wanaagsanaa ee Soomaaliya soo

maray waa loo baahan yahay in la uruuriyo loona

sheego jiilka hadda joogo iyo kuwa soo socda

sidaasi darteed fadlan dhacdooyinkaas oo kale

wargeyska u soo dira idinkoo ku soo gudbinaya

cinwaanka Wargeyska.

Xigasho:

Wargeyska Aragtida Waddaniga

Sanadka 2-aad, Cadadka 6-aad

Xogfaaf, 28 Febraayo 2013

QAYBTII 4-AAD & SHEEKADII:

”ILLEEN GUURKU WAA CALAF”

Bogga 5 aad

”Adduunyadan waxaa la arkaa labo is gaclootayoo guurkii dhameystay iyagoon guri wada tagin gogolne aan

wada gelin haddana is gafa, ILLEEN GUURKU WAA CALAF”.

Ugu dambayntii baabuur yar uu watay

ayaan soo fuulay, waana soo dhaqaajinay.

Gadaal ayaan u tiirsaday si aan xoogaa yar u

seexdo, laakiin waan gam'i waayay.

Labada daaqadood ee shirka hore ee

baabuurka waa ay furnaayeen. Hawo

neecaaw ah oo macaan ayaa daaqadaha

gaariga ka soo galaysay.

Qoraxdu wey kululeyd, cirka caad badan

ma laheyn. waxaa ii muuqday daruuro aan

badneyn oo markuu iftiinka qoraxda

qabatay la mooday suuf cad oo hawada

heehaabayo.

Gaariga aad buu xawaarahiisu u

dheereynayay. waxaan soo marnay dhul aad u

qurux badan, indhuhuna ku raaxeystaan.

Waxay ahayd xilli barwaaqo ah, dhulkuna

doogsaday. Waddada dhinacyadeeda doog

miiran bay aheyd. Meelaha qaar waxaa iiga

muudqday waro biyo iyo carruur faraxsan oo

ku dabaalanaya. Waa markii nolosheyda iigu

horeysay ee aan jidkaan soo maro.

- Warka caddeey, macaanta? Ayuu igu yiri gacaliyahayga

Faysal, isagoo si dabacsan iisoo

eegaya ayuu gacantiisa midig garabka iga saaray.

- Gacaliso maxaa u aamusantahay, maad

iisheekeysid, ayuu raaciyay.

shaarka waa ay u furnaayeen. Faysal

wuxuu feeraha ku lahaa tin yar oon aan badneyn,

iska wax yar oo xaad ah.

Timihiisa madaxa aad bay u qurux

badnaayeen. Wuxuu lahaa tin aad u madow oo

bis ah. Ilkihiisa waxaad moodday in gacan

lagu sameeyay.

Markuu igu soo eego indhihiisa bunniga ah

isagoo dhoola caddeynayo ayuu jirkayga

dibaaxsadaa, jariiracyo awgeedne la istaagi

waayaa.

Anigoo isaga ku maqan ayaa waxaan ka war

h e l a y , - Q a a l i y e y m i y a a d

walwalsantahay? Wax waliba waa ay

hagaagayaan ee adiga is deji, ayuu

hadalkiisa raaciyay.

- Haa macaane, waan wel welsanahay, ayaan

ku jawaabay.

Run ahaantii waxaan ka welwelsanaa

reerkeyga. Cabsi aad u weyn ayaa igu

taagneyd, oo waxaan ka baqayay hadduu

aabahay ogaado dhibka igu dhici kara.

Arrintaan ayaa aabahay aad uga xanaajin

doonta maaddaama uu isagu nin kale ila

rabo.

Feysal oo codkiisa daal ka muuqdo ayaa

markiiba billaabay inuu sheekaba sheeko

iisheego si uu aniga ii maddadaaliyo. Balse

aniga sheekada iguma socon oo waxaa

isaarnaa culeys weyn.

Gacantiisa markay jirkayga taabatay ayaa

waxaa i galay dareen gaar ah. Waxaan

niyadda iska iri:

Alla diirana, oo oogada uroonaa.

Run ahaantii Faysal aad buu uqurux

badnaa. Maalintaasna waxaa ka muuqatay deganaan

iyo kalsooni.

Faysal wuxuu u muuqday qof og waxa uu

sameeynayo.

Feysal wuxuu maalintaa xirnaa shaar cad oo

gacmo gaab ah. Saddexda galuus sare ee

Gacaliso is deji, wax waliba jaceylkeenaa

ka weyn, ayuu Feysal niyadda iigu dhisay.

Wuxuu billaabay inuu isoo xusuusiyo

taariikhdii jaceylkeena. Run ahaantii

Gacliyahayga waa iga saxsanaa. Wax aan ka

welwelo maba jiro. Haddaan mar gaaro

hamigayga, oo aan helo jaceylkeyga, sow

guusha xaggeyga maaha?

*** La Soco qaybta 5 aad ***

Waxaa Qoray: Cabdifataax Baanacaymuun

Xogfaaf, 28 Febraayo 2013

Bogga 6 aad

AMBASHADII AHMED ERIKSSON

IYO QALINKII ABUKAR ALBADRI

QAYBTII

1 AAD

Isaga oo aad u yar oo aan

gaarin da’dii dugsi Qur’aanka

ayaa Axmed loo waday dalka

Iswiidhan. Farxad, duco iyo u

han weynaan ayaa lagu

sagootiyey.

Axmed waa 4 sano jir marka

loo wadayo dhanka Iswiidhan,

lamana socdaan hooyadii

Falxado iyo aabihiis Cawaale.

Waxaa lagu daray qoys

deriskooda ah oo Iswiidhan ka

h e l a y d e g e n a a n s h o

qaxootinimo. Ujeedkuna

wuxuu ahaa in marka uu

Iswiidhan tago la dhiibo,

kaddibna waalidkiisa uu sidaas

ugu dacwoodo oo inta iyagana

la qaado meeshaas ku wada

noolaadaan. Qadartuse waxa

ay ka qoran tahay dhanka

Rabbi.

Axmed dhib waxaa ugu filnaa

in isagoo yar laga wadayo

hooyadiis iyo aahibiis, iyaguna

sidoo kale ma quurin wiilkee

dantaa tiri, qofna kuma

tashaneyn inuu Axmed inta

ambado, ku dhex kori doono

qoys noloshiisa dambe oo dhan

beddelaya.

Axmed waxaa la xafidsiyey

been la isku yara toos

toosiiyey oo kooban. Waxaa

lagu yiri dowladda Iswiidhan u

sheeg in aad tahay wiil yar oo

ambad ah, oo reerkiisii ay ku

kala lumeen dagaalka

Soomaaliya ka socda. Isla

markaasna ka codso in ay

m a g a n g e l y o k u s i i s o

waalidkaana laguu keeno.

Axmed intanba wuu yiri,

laakiin waaxda socdaalka

waxay ogaayeen in 4 jir uusan

keligiis u soo safri karin

Iswiidhan oo ay tahay in la

keenay oo ujeeddo kale laga

leeyahay.

Axmed waxaa la weydiiyey

su’aal aan waxa la xafidsiiyey

ka mid aheyn, taas oo ahayd

“Wax qaraabo ah ma kuu

joogaan Sweden?” wuxuuse ku

jawaabay “maya” waayo ciddii

keentayna meel kuma oga, cid

kale oo loo sheegay in uu

sheegtana ma jirin.

Markii warbixintaas yar laga

qoray waxaa loo yeeray Maria

Eriksson oo aheyd naag ilmaha

aan waalidkood la socon in ay

heyso u qaabilsan waaxda

socdaalka. Waa naag askariyad

dharcad ah oo lagu hubo in ay

caruurta heyn karto isla

m a r k a a s n a x a a l k o o d a

daraaseyn kareyso marka ay

timaado in caruur yar yar

arrimo qarsoon laga baaro.

Maria waxay Axmed u

sheegtay in ay waalidkiis u

noqoneyso, isla markaasna ay

gurigeeda geyn doonto, isna

waa carruure wuu aqbalay,

w a x a a n a m a r k a a s u

tarjumaayey tarjumaan waaxda

socdaalka ka tirsan. Sidii

ayuuna ku raacay oo maalmihii

Ambashadiisa ay dhabbe

cusub cagta ku saareen.

Afar jirkan ambadka ah wuxuu

ka dhashay qoys danley ah oo

aabaha iyo hooyadaba

xoogsato yihiin, waana arrinta

keentay in deriskoodii isaga

soo waday ku fekeraan in ay

wiilka u wadaan. Subaxdii

canjeero yar oo la siiyo ayuu

duhurkii ku gaari jiray,

intaasna banaanka gurigooda

ayuu ciid ku beegi jiray,

mararka qaarna wuxuu

dan daro darteed ku hurdoon

jiray derbiyada uu ku cayaaro

hoostooda maadaama ay

hooyadii iyo aabihiis wada

xoogsi tageen.

Abukar Albadri

Xogfaaf, 28 Febraayo 2013

Bogga 7 aad

Magacyo meelo badan oo adduunka ah

horay loogu aqoon jiray haddana la

baddalay.

Magaalooyin badan oo

soomaaliya ku yaalo oo

magaca laga beddelay,

maantana loo yaqaano

magacyadooda cusub.

1. MARKA — BAKA

2. WANLA WEYN —

DAAFEED

3. J O W H A R —

VILLAGGIO DUCA

DEGLI ABRUZZI

4. SHALAMBOOD —

V I T T O O R I A

D’AFRICA

5. J A M A A M E —

MARGHERITA

6. ZEYLAC — 600

sano ka hor AWDAL

7. HARGEYSA —

HARAR

8. B E R B E R A —

SAAXIL

9. D J I B U T I —

UGUL oo buur u

dhaw la yirahdo

10. B O S S A S O —

BANDAR QAASIM

11. BALLI DHIIG IYO

BALLI GUBADLE

OO LOO KALA BIXI-

YAY BALLI KHEYR

IYO BALLI KHADAR

OO SOCON WEYDY

Dalal iyo magaalooyin caalamka

oo magacyada laga

beddelay maantane loo yaqaano

magacyo cusub.

1. MIYANMAR —

BURMA

2. GHANA — GOLD

COAST

3. MALAWI —

NYSLAND

4. ZAMBIA IYO ZIM-

BABWE —

RHODESIA

5. T A N Z A N I A —

TANGANIKA

6. BURKINA FASO

— UPPER VOLTA

7. B E N I N —

DAHOMEY

8. BEJIN — PEKIN

9. M O M B A I —

BOMBAI

10. PITISBURG —

LELINGRAD

Waxaa soo diyaariyay:

Tifaftiraha guud ee majalladda:

Xassan Cusmaan

Shan waaye ee ogow,

Shillin soomaali qiima lahaa,

Shaah baa laga cabi jiray

oo

Shineemaa laga gali jiray,

Mar baa shaar laga iibsan jiray

oo

Shixnad qiima leh goyn jirtay.

Bogga 8 aad

Xogfaaf, 28 Febraayo 2013

DHAQANKA IYO SUUGAANTA

HIIL AQOONYAHAN

HIIL AQOONYAHAN waa tix uu curiyay Cabdifataax Baanacaymuun oo ka mid ah

dhallinyarada soomaaliyeed ee ku nool magaalada Örebro ee bartamaha Sweden.

Tixdani oo la tiriyay 25-kii bishii Maarso 2011, ayuu Cabdifataax isagoo

tilmaamaya dhibaatada dadka iyo dalka ku habsatay ugu baaqayaa

aqoonyahanka in si dhab ah laysugu hawlo samato bixinta dadka iyo dalka, loona

soo celiyo karaamadii umadda soomaaliyeed, qaran ahaan iyo qowmiyad

ahaanba.

1. Hoogga Soomaaliya mid aan abid la hilmaamayn,

2. Hodan dalkeenna hadday colaad hareeysay

3. Halaag aan loo kala harin hadduu ummaddii ku habsaday

4. Hiil aqoonyahan in la helaa kolka waa lama huraan’ee

5. Heshiiskii la raadiyayba hadduu noo hirgeli waayay

6. Nabad markay hillaacdaba haddii hilfaha laysku qaado

7. Dagaal aan laga hubsan haddii nafta laysaga haadshay

8. Hiil aqoonyahan in la helaa kolka waa lama huraan’ee

9. Hoobiye joogta ah hadduu guryaha daakiraad haleelay

10. Hilibka dad aan hal galabsan hadday haaddu wada feentay

11. Ninba hoyguu lahaa hadduu habeen cabsi uga hayaamay

12. Hiil aqoonyahan in la helaa kolka waa lama huraan’ee

13. Dhibkuu noo horseeday dagaalku lawada hafeefanayno

14. Haween iyo dhallaanba haddii hub lagu hagaayo

15. Haybadle calankeenna hadduu cagta ka hoos maray

16. Hiil aqoonyahan in la helaa kolka waa lama huraan’ee

17. Hormooyin aqoonyahan keennaan hoolalka buux dhaafshay

18. Ma isku howlnaa hiil hagar la’aan nabaddaan loo hiiqay?

19. Ma haynaa talo, talaa waddan lagu hagaagshaayee

20. Hiil aqoonyahan in la helaa kolka waa lama huraan’ee

21. Hallistuu ku jira dalka waa in laga hortagaa ee

22. Horortaa hibeystay waa in laga hortagaa ee

23. Laguma hanto nabad halgan la’aan ee

24. Hiil aqoonyahan in la helaa kolka waa lama huraan’ee

25. Ma u hagaajinaa dalkeenna si hagar la’aaneed?

26. Hayb qabiil aan ku jirin iyo hal baa haaf ah?

27. Haddii kale had iyo jeer hadal aan wax noo tarin

28. inaan isku harraadino miyaan laga habboonayn?

Qore: Cabdifataax Saciid Abuubakar ”Baanacaymuun”

Bogga 9 aad

Wakhtigu waa uu

socdaa, waxaana kasoo

wareegatay in ka badan

muddo labo sano ah, ka

dib markii uu bilowday

kacdoonkii loogu magac

daray guga carbeed.

Garaaca madaafiicda iyo

sawaariikh aan kala go’

lahayn ayaa si isdaba

joog ah ugu dul

hoobanayaan dadka reer

Suuriya.

Suuriya ayaa la ololeysa

kacdoonkii guga carbeed

oo aan weli demin.

Dabaysha kacdoonkani

ayaa si xawli ah u

s a a m e y s a y d a l a l k a

carbeed ee ku yaala

waqooyiga Yurub.

Waxaa dalalka carbeed

ee waqooyiga Afrika ka

billowday kacdoon xawli

ku socda oo loogu magac

daray GUGA CARBEED.

K a c d o o n k a n

muddaaharaad ayaa

looga soo horjeedaa

nidaamyada ka jira c a r b e e d ,

dalalka waqooyiga afrika m a r k i i b a

iyo gacanka carbeed oo waddamada

ay ka socdaan, iyadoo

dadka muddaaharaadayo

ay dalbanayaa isbeddel

dimoqraaddiyadeed.

Kacdoonkan ayaa ka

billowday caasimadda

Tu u n i s e e d a l k a

Tuuniisiya dabayaaqadii

bishii Diseembar 2010,

ka dib markii uu jaamici

magaciisa la oranjiray

Mohammad Bouazizi uu

dab isku daaray markay

booliska waddankaas ay

la wareegeen gaari-miis

uu khudaarta ku iibin

jiray.

Madaxweynihii hore ee

T u u n i i s i y a Z i i n

Elcaabiddiin Bin Cali ayaa

xukunka isaga dagay ka

d i b n a k a c a ra ray

waddanka.

M u d d a a h a r a a d y a d a n

xooggan ee isbeddel

doonka ah ayaa si dhaqsi

ah ugu fiday dalalka

w a x a y n a

g a a r e e n

Aljeeriya,

Baxreyn, Liibiya, Masar,

Suuriya iyo Yaman.

Waxaa 11:kii Febraayo

2011 xukunka isaga

Xogfaaf, 28 Febraayo 2013

Dabkii uu shiday kacdoonkii loogu magac

daray guga carbeed oo aan weli demin.

dagay, lana xabisay

madaxweynihii Masar

Xusni Mubaarak.

Waxaa 3:da bishii Juun

2 0 1 1 q a r a x l a g u

d h a a w a c a y

madaxweynihii Yemen

Cali Cabdalla Saalix,

isagoo muddo saddex

b i l o o d a h l a g u

d a a w e y n a y a y

waddanka boqortooyada

Sacuudi Carabiya. Waxaa

20:ka bishii Oktoobar

2011 magaalada Sirta

lagu dilay madaxweynihii

Liibya Korneyl Qaddaafi.

Laga soo billaabo bishii

Maarso 2011 waxaa

waddanka Siiriya ka

socda muddaaharaadyo

xoog badan oo ay ku

li’deen kummanaan

dadweyne ah oo ka soo

horjeeda nidaamka

Bashaar al-Assad.

Ka c d o o n k a n i l o o g u

m a g a c d a r a y g u g a

carbeed oo weli socda

ayaan la saadaalin karin

xilliga iyo dalka uu kusoo

afjarmi doono.

Waxaa diyaariyay:

Hasan Osman

Abdifatah Banaeimon

Xogfaaf, 28 Febraayo 2013

Bogga 10 aad

Bishaaro iyo Bilkhayr

Waa aroor arbaca ah, waxaa curatay

maalin uu waagii ilwaad qurxoon la soo

kaahay. Mugdigii ayaa gabaabsi galay oo

iftiin baa carrigii saameelay. Waa kastaaba

waayihiisuu wataaye waxa uu dunida ku

marti qaaday waayihii aroortaa. Durba waxa

bilaabmay oo isku baxay jabaqdii iyo codkii

shimbiraha waxa yaraaday codkii libaaxa,

dhurwaa iyo inta habeenka marroogsata.

Waxa cod qurxbadan ci´day lukidii

(digaaggii) oo uu diigu ugu codka dheer

yahay. Waxa soo dhacay dheelkii waaberi

waa qabow si gaar ah loo dareemo oo

dadka jiifka ama hurdada u macaaneeya.

Astaamihii waabberi markii ay sidaas isu

wada qabsadeen ayay Xaadsanna hurdada

ka soo toostay. Qarow iyo riyo xun oo

naxdin leh ayey ku soo

baraagurtay. Geesaha ayey dhugatay,

garatayna in ay wuxu hawaawi uun

ahaayeen iyo riyo. “Allow taas run ha iiga

dhigin” ayey ku ducaysatay, shaydaankii

ayey iska naartay waxana ay isku

diyaarisay salaaddii arooryaad iyo hawl

maalmeedkii u caadiga ahaa.

Waxay ku riyootay mas laba madax leh oo

ay daba socdaan masas yaryar oo badan.

Maska midabkiisu waa madow, wuu

galaalan yahay oo waxaa la

moodaa in uu koofiyad xidhan yahay.

Carrab laba faraq leh ayuu hadba dhinac u

dirayaa. Xaadsan iyo labadeeda gabdhood

waxa ay joogaan meel cidlo ah oo geed

hoostiis ah. Maskii oo la moodo buur

xamaaranaysa ayaa dhankii ay Xaadsan iyo

gabdhaheedu joogeen u soo dhaqaaqay oo

isku soo kala guray. Xaadsan waxa ay

haysataa middi uu afkeedu xaadda jarayo

(middi aad u af badan).

Marka uu masku ku soo foorarsadaba

middida ayey meel ka gelineysaa, kaddibna

waxa uu isku darayaa dhiig iyo sun uu ku

afuufayo oo uu dhankooda u soo seydhayo.

Intaa waxa u dheer masaska yaryar ee uu

midba dhan ka soo gelayo. Xaadsan haddii

ay cabbaar dagaalantay ayey quusatay, waxana

ay isku dabooshay oo ay ku hagoogatay

labadeedii gabdhood si uu masku iyada u

dafo (qaato) oo ay labada gabdhood ugu

badbaadaan. Nafteedii ayey hibaysay oo ay

maskii siisay, waxana ay hoosta ka leedahay

haddii uu malaha i af-garan lahaa waxa aan

ka codsan lahaa in uu aniga i cuno oo uu

gabdhaha ii badbaadiyo iyagu waa ubaxaa

hadda adduunka u soo baxay oo aan waxba

ka arage. Maskii ayaa hakaday oo

agtooda caasha dhigtay. Waa la is eegayaa

oo dhaqaaq la´aan ayaa lagu raagay. Waa la

yaabe adhi tira badan ayaa goobtii yimid oo

iska daaqsanaya. Arigu waxa uu daaqayaa

maska hareerahiisa iyo weliba hortiisa. Bal

miyuu arigan wada cuno oo iska kaaya

dhaafo ayey is leedahay Xaadasan, balse

arrinku waa qaddarta Alle oo

meeshii loo rabay maaggane. Goor xaalku

sidaas yahay ayaa waxaa bartii yimid rag

hubaysan oo mindhaa askar ah.

Misana askartii baa maskii weynaa iyo

masaskii yaryaraa oo dhanba gaari ku ritay

oo qaatay.

Iyada oo weli cabsidii ku jirta ayey hurdadii

ka soo boodday. Korkeeda oo dhammi wuu

qoyan yahay oo waxa aad mooddaa in uu

roob ku soo da´ay ama tuubbo (qasabad)

biyo ah lagu furay.

Bogga 11 aad

Wadnaha ayaa aad u garaacaya,

xubnaheeduna baqdin ayey la gariirayaan.

Qur´aan ayey akhrisatay oo Alle ayey ka

magan-gashay sharta wixii ay aragtay iyo

waxii la mid ahba in uu ka badbaadiyo iyada

iyo ummadda Islaamka ah oo dhanba.

Kaddibna fadhigii ayey ka kacday oo waxa

ay u hedlatay oo ay isku diyaarisay

hawl-maalmeedkeedii ay quraacdu u

horreysay.

Waxase ay wax walba ka hormarisay

daacaddii Alle. Ugu horreyn waa ey

weysaysatay oo salaaddii arooryo ayey

tukatay. Sida la rumaysan yahay, arbacadu

waa kulan awliyaad. Weligii dhintay iyo

weliga nool ayaa goob-joog ah oo waa in

sooryo lagu soo dhoweeyo. Sidaas awgeedna

waxa ay dubtay daangedii (saloolkii) lagu

yiqiin ee carafta badnaa. Kildhigii bunka

ahaana dabka ayey saartay. Waa amarka

Rabbié iyo isla doonasho Ilaahe waxa ay

maqashay durbaan (narso), dikri iyo

sawaxan yeedhaya. Aqalkii ayey dibadda

uga soo baxaday oo wey dhegeysatay.

Kamaba foga. Illeen iyadu waxba ma oga´e,

waxaa xalay reerka soo dul-degay Sheekh

Xadreeye iyo xertiisii.

Xogfaaf, 28 Febraayo 2013

aanan la aqoon dariiqada ay yihiin.

Waa xer aanan lahayn naxariistii suufiyada

lagu yiqiin ee tudhaalka badnayd. Ciddii ay

u soo hoydaanba waxa ay ka qashaan xoolo

aanan loo aabba-yeelin. Xaadsan waxa ay

aad ula collowday berigii ay walaalkeed

xertani ka qalatay ratigii uu reerku ku

dhaansan jiray.

Sidaas ha ahaatee weli way ka dhowrsataa

oo nafteeda iyo ubadkeeda ayey ishooda uga

cabsataa. Mako ayaa ugu jawaabtay:

“Huunno waa amar Ilaahe, sowkan raggii oo

dhammi ku biiray xertiisa, ee jaadka uun la

wada ruugayo. Idinka xalay miyuu

odaygiinnii soo hoyday”? “Maya! Waa yaabe

ma halkaas buu isna joogay oo uu baryey”?

Xaadsan baa tidhi. ”Waa cajab! Naa bal dab i

sii? Sow intay xalay aqalkii nagala baxeen

xer baastaasi, wixii baad iyo biya yiillayna

nagama dhammeysan”. “Naa bal hoo!

Huuno aniga ayaa qaxwihii kariyey ee kan

uun u qaad oo sii. Kibisina wey ii

qooshantahay, ee adigu hilibka uun sii kari,

anaa kibista keenaya´e” “Walaal waa yahay,

aad baad u mahadsan tahay” “Adigaa mudan

abbaayo, hawl culus baa ku dul taale Ilaahay

ha kuu fududeeyo.”

Iyada oo weli wax dhageysaneysa,

odaygeediina maqan yahay, hase ahaatee

aanay ogayn waxa uu ku maqan yahay ayaa

waxa ardaageedii soo gashay Mako Muuse

(Makodheerey).

“Huunno ma barideen”? “Haa huuno

barinnaye idinkuna ma barideen”? “Barinnay

huunno balaayo Ilaahay ha innaga hayo”

“Aamiin walaalo Ilaahay ha innaga hayo”

Intaa haddii la is weydaarsaday ayey Mako

uga warrantay in ay xalay reerka soo dul

dageen xertii Xadreeye. “Naa balaayada

daacdaacsiga badanna maxaa idiin keenay?”

Xaadsan ayaa sidaas tiri. Waxa ay nacday

xertan dadkii xoolaha ka dhamaysay ee

Waxaa qoray:

Yuusuf Xasan ”Stockholm”

HLM-SERVICE HB

Borlänge: (KA-nummer 10004302)

Kontaktperson: Noor Yasin

Tel nr. 072-2822177

Adress: c/o HLM Service,

Klöverstigen 10 C,

78451 BORLÄNGE

Lindesberg: (KA-nummer 0007507)

Kontaktperson: Yussuf Amiin

Tel nr. 0739-874655

Adress: c/o ABF, Smedjegatan 9,

711 30 LINDESBERG

Ludvika: (KA-nummer 10004303)

Kontaktperson: Noor Yasin

Tel nr. 072-2822177

Adress: c/o HLM Service,

Köpmansgatan 1,

77132 LUDVIKA

Örebro: (KA-nummer 10004301)

Kontaktperson: Abdifatah Abukar

Tel. 0722-50 15 22

Adress: Eurostop (Boglundsgatan 2)

Box 1905,

701 19 ÖREBRO

SHIRKADDA LIVEK LOTS/HLM-SERVICE

WAXAY DIYAAR KUULA TAHAY INAY

KU SIISO CAAWINAAD KUU GAAR AH

IYO TALOOYIN HUFAN.

Ma rabtaa warbixin dhameystiran oo ku

saabsan qaabka ay bulshada Sweden u shaqayso?

Mase rabtaa inaad hesho warbixin

dhameystiran oo ku aaddan qaabka hay’adaha

dowliga ee kala duwan loola macaamilo?

Ma rabtaa warbixin ku saabsan xuquuqdaada

iyo waajibaadkaaga ee waddankan Sweden?

Warbixintaas iyo kuwo kale oo badan waxaa kuu

haysa shirkadda Livek Lots oo xarumo ku leh in ka

badan toban magaalo.

Shirkaddan waxaa aasaasay, kana shaqeeya dad

khibrad gaar ah u leh habka ay hay’adaha kala duwan

u shaqeeyaan, sida Hay’adda socdaalka, iskuullada

iyo hay’adaha qaabila dadka waddanka ku cusub.

Waa muhiim in aad heshid warbixin sax ah si aad

horumar u sameysid. Shirkaddu waxaa kale oo ay

kaa caawin kartaa foomamka kala duwan ee la

buuxiyo, arjiyada iyo qoridda dacwadaha.

Shirkadda waxaa u shaqeeya dad ku hadla

afsoomaaliga oo leh aqoon iyo khibrad dheer.

Warbixinta waxaa lagugu siin afkaaga hooyo.

Waxaana ku hagaya dad aqoon iyo khibrad buuxda u

leh sida dadka Iswiidhan ku cusub loo caawiyo.

Wixii su’aalo iyo warbixin dheeraad ah, fadlan la

xiriir xafiiska LIVEK LOTS/HLM-SERVICE ee

kugu dhow.

Cinwaanka iyo taleefannada xarumaha shirkadda

Livek Lots waxaad ka heleysaa dhanka bidix ee

boggaan.

ISSN: 2001-0532 | TITEL: XOGFAAF | TRYCK ÅR: 2013 02 28

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!