13.07.2015 Views

1myYNse

1myYNse

1myYNse

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

Hilaadinta Fanka iyo SuugaataHalabuurka fanku asagu na, sida uu u dhan yahay, waxa uu ku arooraa han iyo hilaadin. Fannaan, maansoyahan,muusiqeeye, qoraa masrax iyo sheeko, iyo farshaxan kale, mid kasta oo uu yahay, adduunka ayuu u eegaa una arkaa sidadka kale ka duwan. Isha ayuu geliyaa, ka dibna inta uu furfuro oo uu cardaadduqaha ka dhigo ayuu si kale maskaxdiisadib ugu dhisaa. Tiisa hummaagga ah ayaa qalbigeenna qaadata oo aynu la ashqaraarnaa oo ku hirannaa. Adduunka uuhalabuuray waa hilaadinta cabqariyadda fannaanka ee si kale uga muuqaal-celinaysa adduunkeenna iyo waayahanolosheenna. Filqanka dunida iyo waxa ku nool buu si aan caadigii lagu ogaa ahayn u rogayaa oo u dhaqdhaqaajinyaa.Hummaagyada uu asagu ka halabuuray buu ina rumaysiinayaa.Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi” tixdiisa Debedyaal, ninka uu ula baxay magacaas ee uu tixda na ugu magac-daray,ma aha nin nool oo jira. Hadda na waa qof leh sifaale gaar ah oo dadka lagaga soo sooci karo, waa shakhsiyad suugaaneedama faneed dhab ahaan u jirta. Jiritaanka shakhsiyaddaasi kuwo nool oo dhulka dushiisa soconaya bay ka sugnaan roontahay. Waxaynu odhan karnaa Hadraawi meel durugsan buu ka hilaadiyey qofaynta debedyaal.Debedyaal dad ahaan buu ugu soo arooray tixda. Waxa ka sii xeel dheer marka uu fannaanku qofeeyo wax kale oo aan dadahayn. Xasan Cabdillaahi “Ganey” gorgor buu hortiisa soo fadhiisiyey oo uu waraysi iyo dood dheer la yeeshay. Hadraawina mar kale, tixdiisa Daahyaley, silsiladdii Deelley lafteeda ayuu ka dhigay qof uu la hadlayo. Waa kan ducada faraya ee kuodhanaya:Deelleyna aan faroDuco iyo sidii roonDowgaagu waa sahanDadku waa abbaartaaIsku dira bahdeed iyoKala dila ha noqonnineIsku dara ha lagu dhahoNin xumaa danee’yooWaxa jira damqanayeeYaanu xagalkadaac iyoGoldaloolo kaa helinXidho duubka nabadeedDaacadd’iyo runta ba sheegDaaraanta magacow.Ilaa tiro ka badan konton sadar ayuu Deelley, sidii qof hortiisa jooga, ku la dardaarmayaa oo aakhirka na maansada ku soogunaanadayaa.Axmed Sheekh Jaamac na, sheekadiisa maanseed ee Cadlidoonaha Daal Allaa baday, xoolaha soomaalidaayuu dad ka dhigay oo shirweyne isugu geeyey. Wuu ka hadliyey oo waxa uu afka u geliyey doodda ka dhexoogan labada dhinac ee kala ah soomaalida maanta iyo ilbaxannimada aadamiga ee qarniga kow iyo labaatanaad.Lama-seegaanka timaaddada ayuu ka hilaadiyey. Ayadu na waa tusaalaha hanka iyo hilaadinta fanka.Hilaadin TabanHan iyo hilaadin tabani na way jiraan. Aynu soo qaadanno tusaale laba ah. Midi waa ismoodsiis qofka been tusa. Waamarka qofku madaxiisa ka abuuro wax aan jirin ee uu meeshii xaqiiqada gashado, ee uu taas run ka dhigto ugu na dhaqmosidaa. Ha lagu ba kala heer noqdo ee waa bukaan dadka qaar garashada kaga dhaca. Kiisa u darani waa ka waallida ah22

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!